25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Sababta madaxweyne Xasan Sheekh ku qasabtay safarada deg degga ah ee uu ku jiro

Marka laga reebo safarka maanta la filayo inuu ku tagayo dalka Masar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu tan iyo markii la dooray ee Bishii May 15 dibadda u aaday 6 safar oo dibadda ah, 4 ka mid ah waxaa uu ku tagay dalalka dariska ah ee Bariga Afrika, in ka yar 20 maalin uu ku maqnaa ayuu soo dhayey dhammaan daanooyinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo weliba keenay heshiisyo cusub oo leh 46  faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira 100-kii maalin ee ugu horreysay ayaa illaa hadda waxaa uu qabtay hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda soo socota, taasi oo sahli doonta in ay horay u gasho u adeegista bulshada.

Haddaba waxaan idinla wadaageynaa safarrada madaxweyne Xasan iyo dhaxalka laga helay, waxaana is dul istaagi doonnaa lugtii uu ku maray dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, , Kenya, Djibouti iyo Tanzania .

Imaaraadka:

Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan ayaa markii uu kalsooni geliyey maamul goboleedyadii gudaha ah ee dib u doorashadiisa diiddanaa, waxaa uu lugtiisa ugu horreysay ee dibadda ah ka billaabay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u dhayo boog ka dhalatay ku milmidda maamulkii Farmaajo  ee loollanka dalalka Khaliijka, xayiraad uu ku sameeyey 10 milyan oo Doolar oo ay leedahay Abu Dhabi iyo xataa heshiiso dekado oo la baabi’iyey,  isaga oo inta uu joogay isutagga kulamo la yeeshay madaxweyne Maxamed Bin Raashid, mas’uuliyiin kala duwan oo dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kalsoonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalgeshiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Soocelinta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bilaash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soomaalida amniga, gaar ahaan ladagaallanka argigixisada iyo (10) iyo Iskaashi dhinacyo kale oo horumarineed ah.

Turkiga:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu booqashadiisa 2-aad ku tagay dalka Turkiga, kaas oo ah dalka keliya ee maalgelin dhan walba oo ay ku jiraan dekad, Airport iyo isbitaal ka fuliyey Muqdisho, isla markaana $1 billion ku bixiyey hawlaha banii’aadnimada 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqasho dhiirigelin ah u sameeyey ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u jooga gobolka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay madaxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi, natiijada socdaalkaasi waxaa ugu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xiriirka labada dal. (2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka gacansiinta dagaalka ka dhanka ah argigixisada. (3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sahlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Katilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caalami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

Eritrea: 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lugtiisa 3-aad ee dibadda waxaa uu ku tagay dalka Eritrea, safarka oo ujeeddo badnaa, waxaa ugu muhiimsanaa inuu meel kusoo ogaado nolosha in ka badan 5,000 oo askar Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu la’aa Eritrea muddo 3 sano ah, isaga oo la kulmay wiilashaas Soomaaliyeed, warbixinna ka dhageystay madaxda dalkaasi, taasi oo ka farxisay boqollaal waaliddiin ah.

Inta uu booqashada Eritrea ku jiray, waxaa kale uu kulammo la qaatay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo ay ku jiraan amniga, diblomaasiyadda, iyo wadashaqeyn xagga siyaasadda ah.

Warmurtiyeedka oo 7 qodob ahaa, waxaa ugu muhiimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2).  Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diirran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

Kenya:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa afaraad ku tagay dalka Kenya, isaga oo meesha ka saaray mugdi iyo kala shakin hareysay xiriirka labada dal muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, iyada oo Uhuru marka uu arkay niyad wanaagga madaxweynaha Soomaaliya uu ballanqaaday inuu Muqdisho ku daro dalalka urur goboleedka bulshada Afrikada Bari ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairobi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyadda xiriirta taariikhiga ah iyo masiirka midka ah ee labada dal ee ku saleysan nabadda, horumarka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee dal weliba. (2). Adkeynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bedqabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afrika (5). Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka billowdo Nairobi-Mogadishu (6). In labada dal ay isdhaafsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaadka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala duwan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee labada dhinac iyo arrimo kale.

Djibouti: 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa shanaad ee dibadda ahaa uu ku tagay dalka Djibouti, isaga oo sidoo kale soo celiyey kalsoonidii Hiil-waal oo meesha ka baxday xilligii Farmaajo, isla markaana meesha ka saaray mugdigii hareeyey xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Maxweynaha dalkaasi  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaaliya guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa dowladdaas ay bixiso iyo sidoo kale shahaado sharaf, waxaa uuna bog cusub u furay xiriirka labada dal.

Madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti ay wadaagaan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabkaasi ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey “Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djibouti waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.(3). Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigixisada. (5). In isku aragti laga noqdo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

Tanzania: 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda  East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediyey ka dalbaday 7bada dal ee xubnaha ka ah ururkaasi in ay aqbalaan xubinnimada Soomaaliya.

Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa;

(1). Mideynta Kastamyada:  Tan iyo 2005, dalalka ku jira suuqa EAC waxay lahaayeen suuq xor ah, oo badeecadaha sida ay doonaan isaga kala gooshaan, iyada oo tacriifta mid tahay dhammaan dalalka.

(2). Suuq Mideysan: Taas oo ka dhigan dhaqdhaqaaqa xorta ah badeecooyinka, dadka, shaqada iyo shaqaalaha, xaqa ah inaad wax dhisato, xaqa deegaanshiyaha, xaqa helidda adeegyada iyo xataa dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waxaa muwaaddintiinta dalalkaasi loola dhaqmaa si isku mid ah, oo aan kala sooc laheyn

(3). Mideynta Lacagta: Waxaa 2013-kii la saxiixay heshiis dhigaya in dalalka bariga Afrika ee ku jira EAC ay lahaadaan lacag qura, taasi oo wax badan ka beddeli doonta nolosha dadka, Soomaalidana ay wax badan ka faa’idi doonto.

(4). Federaaleynta: Arrinta kale ee safka kusoo jirta waa in ay yeeshaan federal sida aragti mideysan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo guud ahaan arrimaha gobolka, taasina waa arrin kale oo muhiim ah haddii ay Soomaaliya hesho xubinnimada EAC.

Xigasho: Goobjoog News

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta xalane oo ay ku dhex taallo safaaradda Mareykanka ku qaabilay wafdi culus oo ay hoggaamineyso madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, halka madaxweynaha ay barbar fadhiyeen agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda USAID ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Marwo Samantha Power oo dhankeeda kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan gurmad abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shababa, wuxuuna tababar siiyaa Ciidamada Kumaandooska Danab.

Qorshaha cajiibka ah ee Al-Shabaab u adeegsatay inay gasho Itoobiya oo la shaaciyey

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa xogta ku saabsan weerarkii cuslaa ee ay Arbacadii xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka, kadib markii ay ka tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha guutada labaad ee ciidanka dowlad deegaanka Gaashaanle Sare Cabdi Cali Siyaad oo ka hadlay wararkaas oo haatan la soo afjaray, kadib howlgal qaatay 4 maalmood ayaa ka sheekeeyey, sida ay ugu suuragashay inay Al-Shabaab gudaha u galaan Itoobiya.

Gaashaanle Sare Cabdi Cali Siyaad oo la hadlayey warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay weerarkan qorsheysay muddo aad u fog, isla-markaana ay shabakad ka sameysatay gobollo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka, sida Afdheer, Liibaan iyo Shabelle.

Siyaad ayaa xusay inay Al-Shabaab ay aas-aaska shabakaddaasi kala kaashatay odayaal deegaanka kasoo jeeda, oo uu sheegay inay markii horeba xiriir la lahaayeen.

“Waxaa jirtay in ururka argagixisada ay shabakad ka sameeyeen, shabakaddaas kolkii ugu horreeyey waxay ka bilaabatay in odayaal dhaqameed gobolka Afdheer iyo gobolka Liibaan iyo qaybo gobolka Shabelle ka mid ah in odayaal dhaqameed looga yeeray Soomaaliya oo ay uga yeereen ururka argagixisada, kuwaas oo markii horeba xiriir la sii lahaa,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha marka looga yeeray koonfurta Soomaaliya, kadib lagu soo qanciyey qorshaha Al-Shabaab ee ah inay unug ka sameystaan Itoobiya, kaas oo uu tilmaamay inuu fulay, kadibna ay sidaas kooxdu ku qaaday weeraradii dhacay.

“Waxaa la qabadsiiyey in gudaha wadanka Itoobiya sidii urur Al-Shabaab ah loogu beeri lahaa inay ka shaqeeyaan, ayaga oo adeegsanaya odayaalnimadooda qorshahaas ayey Al-Shabaab ka soo qaateen, waana u fulay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdi Cali Siyaad.

Waxa kale oo uu taliyuhu ka sheekeeyey, sida ay ku abuurantay shabakaddaan, wuxuuna tilmaamay in odayaashu ay deegaanada kasoo qoreen dhalinyaro fara baan, isla-markaana la geeyey magaalooyinka Jilib iyo Saakow oo lagu soo tababaray, sida uu hadalka u dhigay.

Dhalinyarada ayuu tilmaamay in qaab qarsoodi ah looga soo waday dowald deegaanka, isla-markaana laga dhigay inay wax kasoo baranayaan gudaha Soomaaliya, balse taasi bedelkeeda waxa uu hoosta ka xariiqay in lasoo tababaray, kadibna lagu soo celiyey deegaanka oo ay ugu dambeyn ka fuliyeen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Waxay bilaabeen markii dhalinyaro ay leeyihiin wax-bay Soomaaliya ka soo baranayaan in yacni laga qaado degmooyinka, waxaana la geynayey Jilib iyo Saakow meel la yiraahdo oo koonfurta Soomaaliya ah tababar ayuu ururka argagixisada halkaas ku soo siinayey tababarka lasiiyey dhowr nooc ayuu ahaa qaar waxaa la barayey qarax, qaarna tababarka caadiga ee ciidanimo ayey soo qaadanayeen,” ayuu markale yiri G/le Sare Cabdi Cali.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo guddiga amniga ee dowlad deegaanka uu ku dhawaaqay in lasoo afjaray weerarkii Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 100 xubnood, halka kooxdana ay sheegatay in ay dagaalladaasi ku dishay ilaa 87 ka tirsanaa Liyu Boolis.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo tallaabo qaaday maanta kadib weeraradii Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gobolka Bakool, kadibna u sii gudbay dhanka xadka dalka Itoobiya.

Xamza oo amar soo saaray, kadib weerarkaas ayaa maanta ay fulisay wasaaradda gargaarka, waxayna deeq gargaar u ah dirtay shacabka ku dhaqan gobolka Bakool.

Deeqdaan oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa isugu jirto raashin iyo daawo, sida ay shaacisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

“Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarkada raashiinka iyo daawa loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Horey ra’iisul wasaaraha oo si adag uga hadlay weerarada Al-Shabaab ee u gudbay dhanka Itoobiya ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay qaadi doonaan howlgal cusub oo ka dhan ah kooxdaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda ay bixin doonaan jawaab deg-deg ah.

Dhanka kale gargaarka ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, xilli Bakool ay haatan ka jirto xaalad bani’aadanimo oo daran, taas oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalado is biirsaday oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka iyo go’doon ay magaalooyinka qaar geliyeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Booliska Gobolka Banaadir oo toogasho ku dilay xubin ka tirsanaa AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa koox isku dayday inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada oo xilligaas ku jiray howlgal roondo ah, balse waxa ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka kuwii kalena ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Baar Jowhar oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Boolisku intaasi ku daray in howlgallada ay sii socon doonaan, isla-markaana ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa loogu magac daray Samakaab, waxaana lagula dagaalamayaa  burcadda, ciyaal weeraada iyo xubnaha Al-Shabaab ee dilalka ka geysta caasimada.

Si kastaba, muddooyinkii dambeeyey ayaa ammaanka guud ee gobolka Banaadir wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amni darro oo isa soo tarayey.

Xaaladda Shabaab kii galay Itoobiya iyo howlgalkii socday oo war laga soo saaray

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in lasoo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeedkoodu ahaa in ay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeero Shane. 

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-Shabaab ah la dilay intii uu socday howgalka, inkasta oo aan taas si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:

Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida , oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.

Sidas darteed Golaha amaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidamadooda.

Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.

Daawo: Muudey oo Xasan Sheekh u sheegay maalinta ay tahay in Roobow lasii daayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa codsi u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Codsi Muudey ayaa la xariira xabsiga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo Muqdisho uga xiran dowladda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2018-kii.

Muudey oo xarigga Mukhtaar Roobow aan ka hadlin intii uu ka tirsanaa madaxda ugu sareysa dalka ayaa codsigaan uga faa’iideystay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo Muqdisho uga dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Wuxuu sheegay Muudey in Mukhtaar Roobow uusan sharci ku xireyn, sidaas darteedna uu Madaxweynaha Soomaaliya ka codsanayo in wadaadkaas laga sii daayo xabsiga.

“Odaga Sheekh Mukhtaar ah waxa uu ku xiran yahay ma naqaano, umana maleynayo inuu sharci ku xiran yahay, madaxweyne masuuliyadda dalka adigaa hadda la wareegay, qofka muwaadinka ah xaq ayuu leeyahay, waana in la dhowro xaqa muwaadinka,” ayuu yiri Muudey.

Sidoo kale Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey wuxuu codsigiisa ku sii xoojiyey in Jimcaha soo socda uu madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeeyo, sidii Mukhtaar Roobow oo xor ah uu Masaajidka ugu soo dukan lahaa.

“Madaxweyne kheyr allaha ku siiyee wadaadkaas masaajidka Jimcada haku soo dukado, dadkaan u istaagay samata bixinta Koonfur Galbeed, isagaa ugu horeeya,” ayuu yiri.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa qeybaha dambe ee hadalkiisa ku weeraray Laftagareen, isagoo ka hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed,, wuxuuna madaxweynaha maamulkaas ugu baaqay in meesha uusan ku ceeboobin, isagoo isku dhejinaya xukunka.

“Cabdicasiis hadii uu anaga naga reebay tartankii doorashada baarlamaanka, kaligeen ma aanaa khasaarine, isna waa khasaaray, sababtoo ah waxaba kama faa’iidin dadkii uu soo saartay, marka waxaan leenahay qof cuqdad kuu qabta malahane, ha isku dhijin xukunka,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Hoos ka daawo

Xaflad lagu maamuusayay magacaabista R/W Xamza oo ka dhacday Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Xaflad lagu maamusayay magacaabista R/wasaaraha Xukuumadda Fededaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Netherland ayaa lagu qabtay Magaalada Denhaag. 

Xafladdan, oo aheyd mid aysan u kala harin guud ahaan Jaaliyadaha Soomaalida,  waxaa ka soo qeybgalay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyayaashii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare & Xuseen Khadiib, Guddoomiyaha xilligan ee dalladda Maxamed Askari, madax ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida, aqoonyahanno, fannaaniin & marti sharaf ka socotay hormuud-ka bulshada Soomaalida. 

Guddigii xafladda soo qabanqaabiyay oo ay horkacayeen Guddoomiyihii hore dalladda FSAN Xuseen Khadiib & aqoonyahan Liibaan Honest ayaa abaalmarin sharfeed guddoonsiiyeen Dr. Cali Waare oo dalladda FSAN madax ka ahaa muddo 8 sanno, si weynna loogu ammaanay muddadii uu xilkaasi hayay inuu taariikhda baal-dahab ah kaga galay is-garab taaga dadka Soomaalida ah ee u baahan in la caawiyo.  

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub & Benelux ayaa lagu sharfay in Cali Waare uu guddoonsiiyo abaalmarintaas. 

Cali Waare oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo & duco u diray Raysul Wasaare Xamza. 

“Raysul Wasaare, dadka Soomaaliyeed ee Holland way ku soo dhoweynayaan, way kuu duceynayaan, wayna kuu hanweyn yihiin, waxaan rajeyneynaa adiga, Madaxweynahaaga & Dowladaada in si daacad ah aad dalka & dadka ugu shaqeysaan, kana shaqeysaan wixii ummadda Soomaaliyeed danteeda ah, kana fogaada wax kasta oo keeni kara khilaaf, dadka Soomaaliyeed aad ayeey u daalan yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna intaasi raaciyay in ummadda u hamuun u qabaan Dowlad ka shaqeysa danaha dalka.  

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo guddiga abaabulka ka tirsanaa ayaa isagoo ku hadlayay magaca dalladda  FSAN ku tilmaamay xaflada in ay tahay astaan muujineysa midnimada & Soomaali-jacaylka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NL caanka ku yihiin. 

“Walaalayaal, Soomaaliya ayaa ina sugeysa, waddan kasta marka ay dhibaato ka dhacdo dadkiisa ayaa u kaca, Soomaalidu waa in ay gacmaha is qabsataa oo Dowladeeda taageertaa, Madaxweynaha & R/wasaaraha waxaan u rajeynayaa in ay noqdaan kuwa Soomaaliya gaarsiiya meeqaamkii ay mudneyd” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in dalladda FSAN ee uu ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka in ay diyaar u tahay in ay wada-shaqeyn la yeelato dhammaan dadka Soomaalida ah. 

 “Waxaa ina deeqa inaan ku midowno calankaas” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, oo madasha ka hadlay wuxuu ku ammaanay Madaxweynaha Xassan xulshada R/wasaare waxtar leh, aad na ula socday marxaladihii dalku soo maray. 

“R/wasaare Xamza wuxuu ogaa mar un markeey doontaba ILLAAHEEY ha ka dhigee inuu waddanka dib u dhiskiisa  ka qeybqaadan doono, siyaasad ahaan diyaar bay u ahaayeen inuu hogaankiisa qeyb ka noqdo taasna ILLAAHEEY ma seejin” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in R/wasaare Xamza aanu siyaasada dusha sare ka soo gelin ee uu muddo ku soo jiray, una diyaarsanaa goor ay ahaataba inuu hogaanka dalka kaalin muhiim ah ku yeelan doono. 

“Soomaaliya waa in ay u baxsataa dadkeena qurba-joogta ah, maadaama dalkeenu ay abaari ba’ani ka jirto, waxaana innagu waajib ah inaan kor u qaado dalabkii Madaxweynaha & R/wasaaraha ee ahaa inaan abaaraha u gurmano” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka dhiman weyday qurba-joogta oo kaalin weyn kaga jira horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka, isaga oo ku booriyay qurba joogta in ay u sara-kaceen in ay garab & gaashaan u noqdaan dowladooda. 

Xafladdan ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso waddani u badan,  waxaana wacdaro ka dhigay fannaaniin ay ka mid ahaayeen Jaangow, C/xakiin Fara-yare, Cabdi Baadil, Weeroow & fanaaniin kale.
W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan

Dowlada Kenya oo maanta bilaabeyso duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maanta dowladda Kenya ay si rasmi ah u bilaabeyso dhoofinta qaadka Miiraa ee la keenayo Soomaaliya, kadib heshiis rasmi ah oo ay dhowaan labada waddan ku gaareen caasimada dalkaas ee Nairobi.

Ganacsatada Qaadka Miiraa ee Kenya oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay ku beegan tahay 24 July ay bilaabayaan dhoofinta qaadka, waxaana la filayaa in diyaaradaha qaadka ay maanta si toos uga soo dagaan garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale ganacsatada ayaa u mahadceliyey labada dowladood ee ku heshiiyey dib u bilaabida qaadka oo muddo xayirnaa, kadib go’aan kasoo baxay dowladdii hore ee Farmajo.

Dhinaca kale waxaa weli taagan dood u dhexeyso ganacsada Soomaalida ee qaadka iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in loo diray keenista qaadka ka imaanaya dalka Kenya.

Guddiga ganacsatada ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu soo faro geliyo arrintaan oo cabashadoodana uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha cusub ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka KenyaM kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta oo dhowaan ku kulmay magaalada Nairobi, waxaana Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal ee dariska ah.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.

Israa’iil iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis nooc cusub ah oo ku saabsan Afrika

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Israa’iil iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horraysay iska kaashanaya sidii ay awood muuqata ugu yeelan lahaayeen qaaradda Afrika.

Wargeys ka soo baxa Israa’iil ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in iskaashigaan cusub uu ku saabsan yahay arrimaha dhaqaalaha sida horumarinta beeraha, Biyaha iyo Isgaarsiinta casriga.

Heshiiskaan oo ay saxiixeen wasaaradaha arrimaha dibadda labada dhinac ayaa wuxuu dhisayaa isku xir mideysan oo shirkadaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay Afrika uga fulinayaan mashaariic loo marayo wadamada qaaradda.

Wargeyska Israa’iil Human ayaa warbixinta uu soo daabacay ku sheegay in heshiiskaan cusub uu muujinayo heerka uu gaaray xiriirka labada dhinac u dhaxeeya tan iyo markii ay qaar kamid ah dowladaha Carabta bilaabeen in ay caadiyeeyaan xiriirkooda Israa’iil.

Dowladaha ay rabaan inay Imaaraadka iyo Israa’iil ka fuliyaan mashaariicda ayaa waxaa kamid ah Nigeria, Ghana, Kenya, Ivory Coast iyo Senegal.

Tan iyo heshiiskii Abraham ee 2020, ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo UAE ayaa kor u kacay 438%, isagoo gaaray  3.7 bilyan sheqel (in ka badan $1 bilyan) 2021.

Mashaariicda ganacsiga iyo dhaqaalaha ayaa si weyn u fidi doona sanadaha soo socda marka la fiiriyo heshiiskii ganacsiga xorta ah oo ay kala saxiixdeen bishii May.

“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkay kor u kac weyn oo xagga ganacsiga labada dhinac ah, iskaashiga ganacsi ee noocan oo kale ah wuxuu xoojiyaa xiriirka ka dhexeeya dhaqaalaha wuxuuna ku darayaa cabbir qoto dheer dhammaan xiriirka labada dal,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yael Ravia-Zadok.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Si fiican ayey  Imaaraadka u og yihiin shirkadaha Israel ee hogaaminaya mashaariicda Afrika, waxaana halkan ka jira awood dhaqaale oo weyn. Waxa kale oo muhiim ah in si wadajir ah loola tacaalo caqabadaha caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay isbeddelka cimilada iyo saameynta ay ku leedahay bariga dhexe iyo Afrika”.

Hindisaha hadda socda wuxuu ugu baaqayaa shirkadaha Israel iyo UAE inay codsadaan xog uruurin wadajir ah iyada oo ujeedadu tahay in la abuuro fursado labada dhinac ah si loo sahamiyo loona horumariyo mashaariicda Afrika. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Jerusalem iyo Abu Dhabi ayaa markaas ka caawin doona shirkadaha la macaamilka dowladaha kala duwan ee qaaradda.

Sida laga soo xigtay Ravia-Zadok, dadka Afrika oo hadda ah 1.3 bilyan oo qof ayaa  la filayaa inay sanadka 2050 gaaraan 2.5 bilyan, taasoo la micno ah in qaaradda ay hoy u noqon doonto qiyaastii 25% dadka adduunka.

Sida uu qabo bangiga horumarinta Afrika, qaaraddu waxay u baahan tahay maalgashi u dhexeeya $130 bilyan ilaa 170 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wadamada maalgashiga sameenayo u fududaanayo inay helaan saami yar oo laga helayo faa’ido weyn.

DAAWO: XASAN oo looga digay qorshaha qaadka Kenya loogu xirayo dad gaar ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ee ka Ganacsada Qaadka Miiraa ee Kenya laga keeno ayaa maanta shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Haween oo mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in xubnahaan ka tirsan dowladda ay doonayaan in qaadka la keenayo Soomaaliya ay saartaan kiiladii $5 dollar, iyagoo ku cataabay in taas aysan qaada karin.

Ubax Sangaabo oo ka mid ahaa haweenkii sida adag uga hadlay arrintaan ayaa farriin u dirtay madaxda dalka, gaar ahaan madaxweynaha oo sida ay sheegtay xubnahaan siyaasiyiinta ah ay aad ugu dhowyihiin.

“Qowleysato Dowladda iyo anaga noo dhaxeysa oo waliba ah wasiirradii iyo xildhibaannadii annaga na matalayay ah ayaa rabta in ay lacag ribo ah na saartaan, Xasan Sheekhow yaan dhiiqo lugaha laguu galinin,” ayey tiri Ubax Sangaabo.

Waxay sheegtay in 30-kii sano ee Soomaaliya ay burburka ku jirtay ay hooyooyinka Soomaaliya qaadka ka deberayeen nolosha qoysaskooda, sidoo kalena ay heystaan shatiga ganacsi ee dowladda, canshuurtana ay bixiyaan.

“Dowladu ayadaa shatiga noo jartay, nagu og inaan qaadka ka ganacsano, naguna canshuurta, mudadii uu qaadka Kenya hakadka ku jiray canshuur ayaa ku socotay shatigeena, balse hadda markii la yiri qaadka dib haloo furo waxaa soo baxday qowleysato noo dhaxeysa anaga iyo dowladda,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Ubax Sangaabo.

Sidoo kale Maamo Istaahil Abshir oo ayaduna hadashay ayaa tiri, “Rag ka tirsan dowladda ayaa raba in lacag badan ay na dulsaartaan, Jaadka namana qabato in dad gaar ah loo xiro sidii dowladdii tan ka horeysay, waxaan ka codsaneynaa dowladda inay deg deg wax uga qabato cabashadeenna, 3 sano oo aanaa shaqeysan canshuur ayaan bixineynay.”

Hoos ka daawo

Xog: Xasan Sheekh, Xamza iyo Aadan Madoobe oo isku raacay qorshe ku saabsan magacaabista Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.

Ilo wareedyo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdu ay isla meel dhigeen in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu codsado 10 maalmood oo dheeraad ah.

Kulankaan ayaa caawa ka dhacay Villa Somalia, waxaana la isla gargay in fursada uu dalbaday la siiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku Xamza la qaateen qorshihiisa mudo dheereysiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhameystay 30-kii cisho ee xukuumad lagu soo dhisi jiray, waxayna xogtaan sheegeysaa in 10 cisho oo hadda kadib ah aan lasoo saari doonin liiska golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.

Dhageyso: Villa Somalia oo soo bandhigtay xogta safarkii Caruusha ee Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee ka socday magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa Jimcihii shalay lagu go’aamiyey in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsiga ay Soomaaliya u gudbisay dalladaas oo ay dooneyso in ay ku biirto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey, muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ururkaas iyo rajada ay qabto, kadib ka qeyb galkii shir madaxeedka dalalkaas ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in safarkaas uu daba socday marti qaad uu madaxweynuhu ka helay madaxda ku mideysan daladdaas, isla markaana ay Soomaaliya fursad u heshay inay dib u soo cusbooneysiiso, codsi ay daladdaas u dirsatay sanadkii 2012-kii.

“Daladaas waxaa ku mideysan todobo dal, Soomaaliya waxay ka faa’iideysaa waxyaabo badan, sida in badeecada Muqdisho laga dejiyo ay gaari doonto dal kasta oo xubin ka ah daladaas, iyadoo aan laga qaadin canshuur kale,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay fursad u heli doonto suuq lagu mideysan yahay, “Soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta guud ahaan dalkeenna ayey wax ka tareysaa hadaan wadamadaas ka mid noqono,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya oo weli soo ka basho ku jirta ay hadda xiriir ganacsi oo baaxad leh uu kala dhaxeeyo Kenya iyo Tanzania oo ka mid ah wadamada ugu muhiimsan daladda bulshada bariga Afrika.

Wuxuu sheegay afhayeenku in codsigii hore ee Soomaaliya uu hakad galay kadib markii uu Xasan Sheekh Xafiiska ka tegay sanadkii 2017-kii, xiligaas wixii ka dambeeyana waxaa xumaaday xiriirka ay Soomaaliya la laheyd qaar ka mid ah wadamada ururkaas.

Madaxda wadamada ku bahoobay daladdaas ayaa Jimcihii go’aamiyey in Soomaaliya loo soo diro guddi, si loo sii amba qaado qiimeynta codsiga Soomaaliya, waxayna arrintaan qaada karta muddo sanad ama laba sanadood ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga afhayeenka

Farriin ka timid Fahad oo ku socota Madaxda Qaranka

0

Istanbul (Caasimada Online) – In Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. 

Waxaan ku talinayaa in madaxdu qaado qodobadan hoose oo aan ku arko inay muhiim u yihiin amniga qaranka dalkeenna iyo guud ahaan xasilloonida Gobolka Geeska Afrika:

1.  In Dowladda Soomaaliya ay feejignaan muujiso, ayna iska dhaafto sahlashada dhibta dhacday, indhaha ay ku eegeysana ay noqdaan kuwa ka duwan wixii horay ay Argagixisadu u samayn jireen. Waxa dhacay waa wax taaban kara mustaqbalka Gobolka Geeska Afrika oo dhan. 

2.  In Golaha Wasiirada si dhakhso ah loo dhiso, si ay shaqadooda u guda galaan, wadankuna uga baxo firaaqa shaqo ee haatan taagan. 

3.  In Guddiga Amniga Qaranka uu shir degdeg ah ka yeesho xaaladda khatarta ah, soona saaro go’aanno horseedi kara nabadda gobolka geeska oo idil, ayna Dowladda Soomaaliyeed qaadato dowr hogaamineed, iyadoo muujinaysa in amniga Gobolka isku xiranyahay. 

4.  In la abuuro jawi kalsooni oo ku salaysan wada tashi joogta ah oo ku qotama ka hortagga khataraha amni ee wada khuseeya geeska, taasna lama heli karo inta Amniga Soomaaliya ay madax ka yihiin xubno shalay la safnaa Ururka TPLF markii ay la dagaalamaysay dowlada sharciga ah ee Adis-Ababa, qaar kalana ayba argagaxisada xiriir wada shaqeyn la leeyihiin, waana qodob khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo kan gobolka labadaba.

5.  Itoobiya waa dalka aan la leenahay xuduuda ugu dheer, ayna muhiim tahay in labada dal ay si buuxda isaga kaashadaan amniga iyo ka hortagga Argagixisada, waana in xiriirkeena aysan saamayn gurracan ku yeelanin dad dano khaldan leh, ama xiriir la leh kooxo khatar ku ah Nabadgalyada gobolka oo idil. 

Fahad Yasin,
Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Daawo: Jawaari, Muudey, Shariif Xasan iyo siyaasiyiin ku dhawaaqay Isbaheysi ka dhan ah C/casiis Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray golaha ‘Samata bixinta maamulka Koonfur Galbeed’ ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen.

Isbaheysigaan waxaa ku mideysan siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo u badan madax hore, xildhibaano, wasiirro, siyaasiyiin kale iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

Golahaan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horay siyaasiyiintaan ugu adeegsaday awoodiisa, kana reebay tartankii doorashada baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee muranku ka taagan yahay waa muddo xileedka Madaxweyne Laftagareen goorta uu ku egyahay, wuxuuna jaha wareerkaan ka soo bilowday mudo kordhin ay kol hore uu baarlamaanka maamulkaas u sameeyey madaxweynaha.

Siyaasiyiinta ku mideysan isbaheysigaan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in caqabado maamul oo aad u adag ay ka jiraan Koonfur Galbeed, isla markaan ay qasab tahay in deg deg looga tashado aayaha deegaanada maamulkaas.

Iyagoo mid mid ula hadalay warbaahinta ay is dul taageen duurufaha maamul ee ka jira Koonfur Galbeed, waxayna aad u dhaliileen habdhaqanka Madaxweyne Laftagareen oo sida ay sheegeen caburin ku haya bulshada ku nool deegaanada maamulkiisa.

Amni darro, maamul xumo, hormar la’aan iyo caqabado kale oo ay soo tiriyeen ayey sheegeen in Laftagareen uu reer Koonfur Galbeed ugu daray mudo kororsi, waxayna wacad ku mareen in taas aysan ka aqabali doonin.

Hoos ka daawo

Xog cusub oo laga bixiyey duullaanka Al-Shabaab ee xuduuda Itoobiya – Dhageyso

0

Yeed (Caasimada Online) – Guddoomiyaha deegaanka Yeed ee gobolka Bakool Cabdisalaam Duwane Cumar ayaa ka war bixiyey dagaalkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanada Yeed, Atoo iyo Washaaqo kadib wareysi uu siiyey idaacadda VOA.

Guddoomiye Duwane ayaa sheegay in kooxda Al-Shababaab ay weerarka soo qaaday isla markaasna uu saameyn xoog leh ku yeeshay deegaanada uu dagaalka ka dhacay.

“ Degmada Yeed gudaheeda waxaa ku dhintay laba askari oo ciidankeena ah, waxaa kaloo ku dhaawacway dad shacab ah oo kor u dhaafayo toban oo isugu jiray carruur, haween iyo odayaal” ayuu yiri guddoomiye Duwane.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro intaas ka badan ay ka dhaceen deegaanada Atoo iyo Washaaqo, isagoo xusay in dagaalka lagu soo qaaday waqti isku mid ah.

“ Dagaalka waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay ciidamada dariska nala ah ee Liyuu Boolis, kuwa Militariga ee dowladda Soomaaliya iyo shacab ku sugan deegaanada lasoo weeraray, kooxda Al-Shabaab waxay dadka shacabka ah ku duqeysay madaafiic taasoo sababtay inay dadkii dhan barakacaan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay ahaayeen laba qeyb, kuwa wuxuu sheegay inay toos ugu gudbeen gudaha Itoobiya halka kuwa kalana ay difaac u ahaayeen isla markaasna ay dagaal ku mashquuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Liyuu Boolis ee ku sugnaa deegaanada xuduuda u dhow.

Duwane ayaa wareysigiisa ku sheegay in ciidamadii Shabaabka ahaa ee Yeed soo weeraray ay weli is hor fadhiyaan isla markaasna ay rajeenayaan inay dhawaan iska fogeeyaan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in ciidamada Shabaabka gudbay ay gaareen illaa 145Km oo gudaha Itoobiya ah, wuxuuna sheegay inay ahaayeen ciidamo 400 gaarayo kuna hubeysnaa gawaarida dagaalka oo ahaa 18 gaari.

halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhameystiran

Xog: Xilliga ay Soomaaliya ku biiri karto ururka EAC iyo dalalka illaa hadda ogol

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu codsiga Soomaaliya la wadaagay madaxda ururka Bulshada Bariga Africa (EAC), oo laba cisho ku shirsanaa magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Hoggaamiyaha Soomaalida ayaa shirka la wadaagay sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay Bariga Africa, sida ay u dooneyso xubinimada ururkaan, ogaalkeeda abaalka dalalka Bariga Africa u galeen iyo muhiimada marxadda soo socota ee gobolka.

Waa markii seddexaad oo ay Soomaaliya gudbiso codsi la xiriira kamid noqoshada ururka East Africa Community, laba jeer oo hore oo ay Soomaaliya codsatay xubunimada ururkaan mar duruufaheeda ammaanka ayaa la aaminsan yahay inay diidmadeeda sababeen marna Kenya ayaa la tuhunsan yahay inay riixday Soomaaliya maadaama uu jiray khilaaf labada dal ah.

Marxaladdan cusub, rajada Soomaaliya ee xubinimada ururkaan waa mid sare. Inta badan Laba sano ayuu qaataa geediga xubinimada ururkaan.

Illaa lix wadan oo kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay ururkaan ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen in Soomaaliya xubin laga dhigo. Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa la tabiyey inay si togan usoo dhaweeyeen codsiga cusub ee Soomaaliya. Dalka South Sudan lama yaqaan booska ay arrinta Soomaaliya ka taagan yihiin waqtigaan.

Dadka arrimaha gobolka ka faalooda ayaa sheegaya in marka la eego war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ku dhammaaday Caruusha in Soomaaliya ay markan u badan tahay inay xubin ka noqon doonto ururkaan.

Waxaa la go’aamiyey in wafdi sare oo ka socda toddobada dal ee ururkaan xubnaha ka ah inay booqdaan Soomaaliya iyagoo eegaya u qalmidda Soomaaliya ee xubinimada ururka Bulshada Bariga Africa.

Waxaa jira dareen ururka dhexdiisa ah oo sheegaya in Soomaaliya laga dhaafo labada sano oo ay qaadato in dalka lagu qiimeeyo u qalmidiisa xubinimada, dalalka doodaas qabo waxaa kamid ah sida la sheegay Kenya oo iyadu wareejineysa hoggaaminta ururka.

Maadaama Soomaaliya ay 2016 iyo 2018 labadaba soo gudbisay codsigeeda xubinimada dalal ay Kenya kamid tahay waxay qabaan, sida la sheegay, inaan Soomaaliya labada sano lagu celin oo inta sanadkaan ka dhiman lagu soo afjaro u ogolaanshaheeda xubinimada.

Hoggaanka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya fursad weyn u tahay xubinimada ururkaan. Kalamdihii uu madaxweynaha ka jeediyey shirkii Caruusha wuxuu ku sifeeyey dadka Soomaalida inay yihiin kuwa u bisil ganacsiga heystana dal hodan ah oo uu dhex ceegaago kheyraad badan.

Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa ku firirsan dalalka xubnaha ka ah ururkaan ee Kenya, Uganda, Congo, Rwanda, South Sudan, Tanzania iyo Burundi. Ogolaanshaha xubinimada wax badan ayey u tari doontaa ganacsatadaas Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalkaas.

Fududeynta socdaalka waa booska ugu weyn ee laga faa’idi doono ku biirista ururkaan. Toddobada dal ee ururkaan ku bahoobay ayey dadkooda si fudud isugu safraan, daganaansho uga helaan dalka ay doonaan loona fududeeyaa dhammaan waxyaabaha la xiriira socdaalka, maadaama ay isku furnaanta socdaalka aragti weyn ka dhex tahay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn u bogaadiyey tallaabada uu madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday ku biirista ururkaan fursadaha badan.

Xog: Xasan oo berri u baxaya safar kale oo dibadeed xilli uu maanta dalka kusoo laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safar kale oo dibadeed berri ugu baxo dalka Masar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Booqashadan ayaa ah mid rasmi ah oo qaadan doonta dhowr maalmood, kadib markii madaxweynaha uu casuumad ka helay dhiggiisa Masar Abdifatah El-Sisi, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Booqashadan ayaa noqon doonta tii 7-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dibedda ku aado tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May kadib Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania. 

Sida aan xogta ku helnay, Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay, ayada oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aheyd neef weyn oo kasoo fuqday. 

Masar ayey isku xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo kadib markii uu doortay inuu Itoobiya kala safto, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen magaalada Arusha ee Tanzania waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Soomaaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka Dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qayb-gashay Shir-Madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayey ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kamid-noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada ku bahoobay Dalladdan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo War-murtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii Shirka lagu faray Golaha Wasiirrada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Bulshada Bariga Afrika. 

Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu maamul goboleed u dhiso Gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Caaqil Xaaji Macow oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan metelaadda magaalada Muqdisho, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Caaqil Xaaji Macow ayaa sheegay in bulshada gobolka Banaadir ay weli xuquuq uga maqan tahay federaalka, sidaas daraadeedna looga baahan yahay dowladda inay meel saarto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay in uu il gaar ah u yeesho arrintaan, isla-markaana uu si deg-deg ah uga jawaabo baaqa bulshada gobolka Banaadir.

“Waxaan ka rajeyneynaa kaa sugeynaa inaad bulshada Banaadir xaqeedii insha allaahu saad sheegtay aad kow ka bilaabi doonto xaquuqdii ay ku lahaayeen federaalka” ayuu yiri.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir uu la mid yahay gobollada kale, isla-markaana bulashada u baahan tahay inay hesho metelaad la mid ah bulshooyinka kale.

“Soomaalida federaal ayey qaadatay maamul goboleedyaa la dhisay Soomaali marka ay xisaabtay 4.5 ayey wax ku kala qaadatay nin kasta meeshiisa ayuu joogaa wixiisana waa qaatay, marka cidda iska leh waa cidda u dhalatay waana la ogyahay,” ayuu sii raaciyey.

Arrinta gobolka Banaadir oo aan weli xal loo helin ayaa muddo soo jiitameysay, waxaana sidoo kale suuragelin 13 kursi oo doorashooyinkii ka hor laga siiyey Golaha Aqalka Sare.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay afduub ay gabdho walaalo ah jileen (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa marka hore beeniyey in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asmo Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiyo Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in afduubka uusan jirin, balse ay soo abaabuleen labada gabdhood oo waalidiintooda u sheegay in la afduubtay.

“Afduubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyey ma’aha afduub sax oo jira waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yiri.

Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay kasoo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna caddeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaciyey.

Dhankiisa Aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruurtiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah lasoo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.

“Intii ay gabdheheyga maqnaayeen laba gabdhood oo meyd ah ayaa lasoo dhigay xaafadda Tiida ayaa leygu dhahay” ayuu yiri Aabe Cabdullaahi, wuxuuna u mahadceliyey Booliska.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka, maadaama markii hore la sheegay in labada gabdhood laga afduubtay gurigooda, taas oo uu haatan beeniyey Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo saameey baaris dheeri ah.