25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Itoobiya oo shaacisay tirada askarta looga dilay dagaalkii xuduudda ee Al-Shabaab

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Itoobiya ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday xuduudda, isaga oo qirtay in tiro askar ah laga dilay ciidamada booliska dalkiisa, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaalka ayaa sheegay in Itoobiya laga dilay 17 askari oo boolis ah, balse ay Al-Shabaab ka dileen 63 dagaal-yahan. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay dagaalka ku dishay 87 askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis.

Weerarkan naadirka ah ee xuduudda Itoobiya ayaa Arbacadii dhacay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool, kadib markii maalmo ka hor laga dilay taliye sare, sida uu sarkaalka sheegay.

Inta badan Al-Shabaab ayaan weeraro ka gaysan xuduudda Itoobiya, si ka duwan xuduudda Kenya, sababo la xiriira ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda iyo dhul badan oo ka mid ah Soomaaliya kuna dhow xuduudda.

Sarkaalka Itoobiyaanka ah ee la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in taliye Al-Shabaab ah uu kasoo gudbay xuduudda, si uu unug ka tirsan kooxdaas uga aasaaso gudaha Itoobiya.

Inkasta oo sarkaalka Itoobiyaanka ah uu markii hore tirada khasaaraha gaaray ku sheegay 17 askari, haddana wuxuu goor dambe sharxay inay ku jiraan dad shacab ah.  

Waxa uu sheegay in booliska gobolka Soomaalida ay hub culus iyo gawaari ka qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana uu arkay dhimashada xubno badan oo ka tirsan kooxda. 

Afhayeenka militariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa horey u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka. 

Abu Muscab kama hadlin khasaaraha gaaray Al-Shabaab. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Khamiistii amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen shalay.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada la weeraray.

Ganacsato shaacisay magacyada xubno siyaasiyiin ah ‘oo loo xiray’ qaadka Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Daladda Miiraa ee ganacsatada qaadka Kenya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Qaadka ka imaanaya Kenya u xirtay shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo magacyadooda ay carrabka ku dhufteen.

Gudoomiyaha guddiga ganacsatada ku bahowday ‘Daladda Qaadka Miiraa’ Qooje Maxamed ayaa yiri, “Waxaan ka cabanaynaa dad loo xiray qaadka Soomaaliya oo na hor boodaaya, kuwaas oo sheeganaya in ay dowladda naga xigaan, madaxweynaha aan jecelnahay waan u cabaneynaa, naga qabo dadkaas hororka ah.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ragga ay ka cabanayaan ay doonayaan lacag dul saar ah, “Waxay na leeyihiin hadii lacag dul saar ah aanaan qaadan ma shaqeysaneysaan, ragaas waxaa ugu horeeya nin Cadnaan la yiraahdo, Liibaan Shuluq iyo qaar kaloo badan, waxaan dowladeena ka rabnaa inay dadkaas naga qabato,” ayuu yiri guddoomiye Qooje.

Gudoomiye ku xigeenka Dallada, Xasan Cabdi Maxamed oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiin iyo xildhibaano dowladda ka tirsan ay ku milmeen arrimaha qaadka, “iyagoo ka shaqeynaya in kiiladii ay $5 saartaan, wax la qaada karana maaha,” ayuu yiri.

Gudoomiye ku xigeenka Dalladaan ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka ka keensata Kenya ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u cabaneynaa Madaxweynaha, waxaana ka cabaneynaa nin la yiraahdo Cadnaan oo na leh Madaxweynaha ayaa jeebkeyga ku jira hadaa qaadkaan ka ganacsaneysaan waa qasab inaad amarkeyga qaadataan.”

Sidoo kale Xasan Cabdi Maxamed wuxuu sheegay in ragga masuuliyiinta ah ee Qaadka Soomaaliya uga imaanaya Kenya lacagta ku soo rogay ay ka mid yihiin sii-hayaha xilka wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Ganacsatadaan ayaa madaxweynaha ka codsatay inuu deg deg u soo faro geliyo arrintaan oo cabashadooda uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rijeynayaan jawaab wanaagsan.

“Balantii naloo qabtay waxay aheed inta xukuumadda laga soo dhisaayo, balse intaan xukuumad lasoo dhisin waxaa soo baxay boob, sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka waan gaarsiinay, waxaan rajeyneynaa in cabashadeena wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Dallada Miiraa Xasan Cabdi Maxamed.

Ururka EAC oo dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya xubin uga noqoneyso

Arusha (Caasimada Online) – Ururka Bulshada Bariga Afrika, East African Community (EAC) ayaa dedejinaya hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururkaas, sida lagu sheegay war-murtiyeed kasoo baxay dhammaadka shirkii uu ururkaas ku yeeshay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

War-murtiyeedka kasoo baxay shir madaxeedka ururka ayaa lagu xusay in laga gaabiyey eegista codsiga Soomaaliya, waxaana Golaha ururkaas lagu faray inay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in Soomaaliya ay marto, kaddibna ay warbixin siiyaan shir madaxeedka 23-aad ee ururka.

Tani waxa uu macnaheedu yahay inay qaadan karto laba illaa saddex sano hanaanka lagu hubinayo inay Soomaaliya buuxisay shuruudihii ururka, kadibna waxay si buuxda ugu biiri kartaa ururka.

Guusha arrintan ku jirta ayaa ah; in kahor safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Arusha uu kiiska Soomaaliya ahaa mid meel la iska dhigay oo aan la furin, balse hadda ay si rasmi ah Soomaaliya u billaabeyso hanaanka looga mid noqonayo ururka. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qayb-gelay xiritaanka shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalkani ay shalay ka doodeen codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso kamid noqoshada dalladan. 

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qeyb galay shirkan ayaa xoojiyey ololaha ansixinta codsiga dowladda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin Gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ku mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya soo dhaweynta iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Hoos ka daawo sawirada xiritaanka shirka

IGAD oo WARBIXIN cusub kasoo saartay xaaladda dalal ay ku jirto Soomaaliya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – War kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalal ay ku jiro Soomaaliya, kuwaas oo ay saameysay abaarta Geeska Afrika.

IGAD ayaa shaacisay in in ka badan 50 milyan oo qof ay saameysay abaarta, kuwaas oo ku nool wadamada kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Koonfur Suudaan iyo Suudaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xaalad cunno la’aan ah iyo nafaqo darro baahsan ay wajahayaan dadka ku nool wadamadaan oo ay saameyn taban ku yeelatay abaarta.

Warbixinta IGAD waxa kale oo lagu sheegay in xaaladdaan oo kale aysan dhicin 40-kii sano ee u dambeeyey, isla-markaana ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto.

“Gobolkeenu waxa ay Abaartu u saameysay si aanay horay u dhicin, xiligaan waxaa taagan waa xaalad cunno la’aan ah oo ka jirta Itoobiya, Kenya & Soomaaliya, dhibaato tan lamid ah ma dhicin 40kii sano u dambeeyay, waa arrin wadno qabad ku ah nolosha Dad badan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale intaasi kusii daray, haddii aan xal loo helin abaarta haatan jirta ay sii kordhi doonto dhibaatada, gaar ahaan xaaladaha bani’aadanimada ah.

“Haddii aan gargaar loo helin ama dhicin xaalad kale oo abaarta ka saari karta Ilaa October ama December welwelka wuu sii kordhi doonnaa” ayaa markale lagu yiri qoraalka IGAD.

Soomaaliya ayaa ka mid wadamada ay sida daran u saameysay abaarta ka jirta dalal badan oo ka mid ah Afrika, waxayna si gaar ah u saameysay nolosha dadka iyo duunyada.

Sheeko yaab leh: Kenya oo 200 oo geel u diyaarisay ka hortaga qaraxyada Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa tababar usoo xirtay daraasiin geel ah oo loo tababaray inay wax ka qabtaan amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan qaraxyada.

Illaa 200 oo neef oo geel ah oo caafimaad ahaan la daaweeyey ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog kasoo baaraan waxyaabaha qarxa, gaar ahaan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo buuraha Kenya ku yaalla oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Geela ayaa waxaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhul sare iyo mid joog hoose, si ay ula qabsadaan xaalad kasta, waxaana meelaha lagu tababaray kamid ah: Buuraha Cherengany, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa 14-kii bishaan ka qeyb galay xaflad ka dhacday Isiolo oo lagu soo bandhigay tartan loo qabtay geelaan la tababaray, sida uu qoray wargeyska The Star.

Dowladda Kenya waxay sheegtay, sida Eeyaha iyo fardaha, in Geela hadda loo tixgalin doono in ay yihiin farac gaar ah, loona bixin doono magacyo iyo darajooyin.

“ Eeyahay booliska ah waxaa la siiyaa darajooyin, waxaan hadda wadnaa dadaal aan ku dooneyno sidii Geella looga faa’ideysan lahaa si looga hortago qatarta,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa wado qorshahaan.

Saraakiisha howshaan wado ayaa sheegay inay jirto cabsi ku aadan in iyadoo laga faa’ideysanayo dagaalka Ukraine ka socda in halkaas laga soo daabulo hub ay ka mid yihiin bambaanooyin lana soo gaarsiiyo dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta deegaanka, saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa deegaannada kala duwan ee dalka ka socday hannaanka lagu ogaanayo laguna tababarayo daraasiin geel ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah Kenya ka dhacayay qatarta weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Kenya ay ku weyday in ka badan 100 ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo dad rayad ah oo ku dhitay qaraxyo la soo dhigay waddooyinka.

Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qabto khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya iyo amni darro ka jirta dalka deriska la ah.

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Buulo-burte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Buulo-burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay koontarool ku yaala dhanka koonfureed ee magaalada, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 3 askari halka uu ku dhaawacmay askari kale oo xilligaas ku sugnaa goobta ay wax ka dhacen, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howlgalka halkaasi.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uliiyiinta maamulka degmada ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay intaba.

Buulo-Burte oo ay ka howlgaan ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay ka fuliyaan xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadeen wadooyinka waa weyn ee isku xira gobolkaasi.

Muxuu Maxamed Injineer Yariisow ka sheegay kulankii loogu duceynayey aabihiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Yariisow iyo masuuliyiintii kale ee maamulkiisa ka tirsaneed oo hadda 3-sano ay ka soo wareegtay markii lagu qarxiyey xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa maanta lagu qabtay Mowlaca Macalin Nuur ee magaalada Muqdisho.

Dadkii maanta ka hadlay kulankaas ducada ah waxaa ka mid ahaa Maxamed Eng. Yariisow oo ah diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed wuxuu goobta ka qiray in geeridii Aabihiis kadib uu garab istaag fiican ka helay dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Maxamed Eng. Yariisow wuxuu sheegay in sanad kasta ay xusi doonaan geerida Aabihiis, si cadaalad ay ugu helaan, isagoo aad ugu mahad celiyey Khaliif-Cabdulqaadir Macalin Nuur oo go’aamiyey in sanad kasta la xuso shukadadii uu Aabihiis ku jiray ee dowladda Hoose lagu qarxiyey.

“Mowlacaan Macalin Nuur waa halkii uu Aabahey ku soo barbaaray, khudbadii ugu dambeysay wuxuu ka jeediyey halkaan, qadadii ugu dambeysayna halkaan ayuu ka cunay, marka in la go’aamiyo in sanad kasta mowlacaan lagu xuso geeridii Aabe iyo shuhadadii kale, si gaar ah ayey noo taabaneysaa,” ayuu yiri Maxamed Eng. Yariisow.

Maxamed oo hadalkiisa sii watay ayaa intaas ku sii daray, “In sanad kasta aan xusno geerida Aabe iyo shuhadada kale, waxay naga caawineysaa inaan ka fekerno sidaan cadaalad ugu heli laheyn dadkaas, sidoo kale waxaan diyaar u nahay inaan qabano wixii wanaagsanaa ee shuhadadaas ay u qaban jireen bulshadooda.”

Ugu dambeyntii Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa balan qaaday inta uu noolyahay inuu ku dadaali doono sidii uu kaalin uga qaadan lahaa hormarinta Soomaaliya, “Sida Aabahey u dadaali jiray ayaan u dadaali doonaa sharaf weyna way ii tahay,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Muxuu ka dhigan yahay duullaanka Al-Shabaab ee Itooobiya? (Fallanqeyn)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah fallan-qeeya siyaasadda iyo amaanka ee geeska Afrika ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan ay kooxda Al-Shabaab ku eekeeysay xeryaha ciidamada Liyuu Booliska ee degmooyinka Yeed iyo Caato.

Weerarka ayaa waxay khasaare ba’an ku gaarsiisay kooxda Al-Shabaab ciidamada Liyuu-Booliska ee ku sugna deegaanadaas, ayada oo sheegatay inay ku dishay 87 askari oo Itoobiyaan ah.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhigan yahay mid ay Al-Shabaab ku muujinayso awoodeeda iyo in weli ay qaadi karto weeraro baaxada leh, xili ay dowladda qorsheynayso dagaal ka dhan ah.

“Waxaa laga qaadanaya in ururka ay ku jireen diyaar garow ballaaran oo dhan kasta ah, uuna kobac ku yimid awoodooda ciidan iyo tii kale ee dhaqaale. Waxay ka dhigan tahay inay fuliyeen waxay sheegi jireen ee ahaa inay si ficil ah ugu faafinaya fikirkooda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika,” ayuu yiri.

“Sirtu waxay tahay 5-tii sano ee u dambeysay Nimankaan kobacooda kor ayuu u socday, waxay ka faa’iideysteen inay dhaqaale badan heleen, waxay heleen fursad runtii keenaysa in laftooda ay isku diyaarinayaan qaab dowladnimo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaan ay uga faa’iideysanayaan si ay u muujiyaan awoodooda ka hor inta ay dowladda ka dhabeyn qorshahooda ka dhanka ah, xili ay ciidamo tiro badan kusoo wajahan yihiin dalka.

“Waxaa ii muuqda in rabitaankii iyo go’aankii uu muuqdo, in ciidamadii la diyaariyay oo ay weliba jiraan waddamo faro-badan oo garab istaagi kara xukuumadda cusub, intaasba waxay u baahan tahay in loo helo dhaqaalaheeda iyo in istaraatijayad cad dajiyaan DF iyo dowlad goboleedyada.”

Guddoomiyaha Bakool oo si yaab leh uga hadlay weerarkii Al-Shabaab, eedeyn culusna u jeediyay Liyuu-Boolis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall ayaa markii u horeysay si la yaab leh uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ee Ciidamada Liyuu Booliis, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan ka warqabin weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Afdheer, dowlad-deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Ciidamada Liyuu Booliis in ay dileen Dad Shacab ah oo ku sugan gobolkaas, gaar ahaan deegaannada xiga dhanka xadka dowlad-deegaanka Soomaalida.

“Dadka rayidka ah ayaa la dilay, guryahooda ayey ugu tageen Ciidanka Liyuu Booliis kadib markii ay ugu tageen Guryahooda iyaga oo si gaar ah u beegsaday dadkaas oo ah rayid,” ayuu yiri.

“Dhibka ka dhacay dowlad-deegaanka waa mid dhibaato badan u geystay dadka, abaabulka weerarkaas ma aha mid ka yimid gobolka Bakool, dadka waxa ay isugu jiraan kuwa ku jira Al-Shabaab, ONLF iyo Dad kale, Ciidamada Liyuu Booliis ayaa dhibaato u geystay dad kasoo barakacay Abaarta.”

Maxamed Tall ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in mid ka dhan ah wada-shaqeynta dowlad goboleedka Koofur Galbeed, gaar ahaan maamulka Bakool iyo dowlad-deegaanka Soomaalida oo uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca Amniga, siyaasadda iyo isu-gudubka Ganacsiga.

“Dadka Deegaan degen Al-Shabaab way ku jiraan, dad wanaagsana way kamid yihiin, arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunnahay, waxa ay ahayd in aan wadajir u qabano oo aan iska kaashano howl-gallada ka dhanka ah, dadka la dhibaateeyay waxaa kamid ah kuwa 15 sano go’doon u galay Shabaab balse ay dhibaateeyeen Liyuu Booliis.”

“Waxa aan dowladda federaalka, Koofur Galbeed iyo dowlad-deegaanka ka rabnaa in wax laga qabto arrintaan oo laga hortago culeyska la saaray Shacabka.”

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weerartay xeryaha ciidamada Liyuu Booliska ee degmooyinka Yeed iyo Caato, taasi oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh, ayada oo dhinacyadu ay ka sheegteen guul.

Hay’adda DADSOM – National ID Authority – oo laga shubay lacag dhan $3.7 million

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) ayaa boggeeda internet-ka daaha kaga qaadday, kuna soo bandhigtay waxqabadkeeda, shuruuc, xeerar, qorshayaal iyo hanaanka ay hay’addu u dhismatay, ahna midka hagaya.

Iyadoo ay xaalado siyaasadeed jireen sanadkii tagey, ayaa haddana waxaa ka muuqda in la qabtay shaqooyin baaxad ballaaran oo la xiriira habraacyo iyo shuruuc ahaan fariisiinaya DADSOM in ay u dhismatay institution leh hanaan xooggan oo ay waajibaadkeeda ku gudan karto. Qodobkan oo ahaa qodob hortabinta koowaad u lahaa seddexda qorshe ee u degsan Hay’adda DADSOM, sida uu Caasimada Online u sheegay Maareeyaha hayadda DADSOM Mukhtaar Xuseen Maxamed, Mukhtar Qoransay.

Hay’adda DADSOM ayaa waxay sanadkii lasoo dhaafay la kulantay caqabado badań oo uga imaanayay gudaha iyo dibadda dalka, khaas ahaan hay’ado caalami ah. Caqabadahaas ayaa la xiriiray meesha laga keenayo barnaamijka ID ee lagu diiwan-gelinayo dadweynaha Soomaaliyeed iyo cidda gacanta ku haynaysa, caqabadahaas oo sababay in DADSOM la saaro cunaqabateyn taageero-dhaqaale.

Si kastaba, sida uu noo sheegay Maareyeaha DADSOM, maamulka DADSOM ayaa ku adkeystay in barnaamijkaasi ku socdo sidii ay heshiiska ku galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Pakistan. Heshiiskaas oo ku qotomay in Dowladda Pakistan deeq ahaan ka caawiso Soomaaliya barnaamijyada la xiriira National ID; oo ah in Soomaaliya si gaar ah loogu dhiso, barnaamij ID, ay iyadu leedahay, maamulan karto, dalkeedana dhigan karto. Macluumaadka dadka Soomaalidana uusan gacanta u gelin dadyow kale, loona isticmaalin ujeedooyin daahsoon.

Sida aan kasoo xiganay bogga DADSOM (dadsom.gov.so), hwaxay Dowladda Pakistan 30 June 2022, u shubtay qeybtii ugu horreysay $3.7 Hay’adda NADRA Pakistan oo ah dhigga Hay’adda DADSOM. Hay’adda NADRA ayaa lacagtaas uga caawineysa Hay’adda DADSOM barnaamijyada diiwangelinta dadweynaha Soomaaliyeed.

Barnaamijyadaan ayaa Soomaaliya u fududeynaya inay hesho nidaam mideynaya ID-yada dalka oo dhan, siinaya qof walba lambar Tirsi uu gaar uleeyahay, dhalasho-ilaa-dhimasho iyo ID-kaar. Arrimahan ayaa sii fududeyn doona dardargelinta dhaqaalaha, gaar ahaan bangiyada iyo xawaaladaha oo carqalad ka haysato KYC, amniga iyo waxayna dowr weyna ka ciyaari doonaan doorashooyinka heer gobol iyo heer Federaal.

Faahfaahin intaa dheer ka dheeho bogga dadsom.gov.so

Guddoomiye Jeyte oo digniin u diray Galmudug xilli la isku hayo maamulka magaalo

0

Matabaan (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin culus u diray maamul Goboleedka Galmudug kadib khudbad uu u jeediyey dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Matabaan ee Gobolkaas.

Cali Jeyte ayaa sheegay in degmada Matabaan ay hoos tagto HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, wuxuuna dadka dagan ku eedeeyey inaysan is waydiineyn halka ay ku jirto maslaxadooda si ay uga baxaan dhibaatada heysata.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Matabaan maslaxadooda dhinaca siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada ay ku jirto la shaqeynta maamulka gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle.

Jeyte ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday inay faragelinta ka daayaan degmada Matabaan, isaga oo si cad u sheegay in dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Galmudug ay yihiin kuwo walaalo ah, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inay faraha kala baxaan arrimaha degmadaan.

Degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamul ahaan ay hoos tageysay maamulka Galmudug, hase yeeshee dhawaan waxaa maamul cusub u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha ayaa degmadaas geeyey ciidamo iyo maamul is wata, waxaana si rasmi ah xilka loogu wareejiyey shalay oo ay taariikhda aheyd 21 July.

Matabaan ama Matabaan Garoore waa degmo ku taalla dhanka waqooyi ee gobolka Hiiraan, una jirta 75 kiilo mitir magalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.

Matabaan waa magaalo taariikh dheer leh, waxaana la aas aasay dhammaadka qarnigii 19-aad. Sida lasoo xigto, magaalada waxaa aas aasay Macalim Cumar Sheekh Xassan Cadde Faqa cumar iyo wiilashiisa.(Shiikh Calii, Shiikh Maxamed iyo Macalin Aadan)

Bulshada magaalada ku nool waxey tiro ahan gaarayaan 20,000 oo qof. Bulshadu 20,000 oo kaliya kuma eka, oo waxaa magaalada ku xiran oo mar walba yimaada bulshooyinka dagan tuuloyinka ku dhaw-dhaw magaalada Matabaan.

Sacuudiga oo xiray qof lala xiriirinayo kiiska Israa’iiligii dhuumashada ku galay Makka

Jeddah (Caasimada Online) – Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xiray, sida ay maanta sheegeen booliiska boqortooyada.

Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Gil Tamary, una shaqeeya taleefishinka Channel 13, ayaa Isniintii twitter-ka soo dhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo si dhuumasho ah ku galaya magaalada barakeysan, taasi oo jebineysa amarka dadka aan Muslimiinta aheyn looga mamnuucay.

Booliska ayaa maanta dacwad oogayaasha u gudbiyey muwaadin la tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay “fududeynta inuu Makka soo galo suxufi aan Muslim aheyn,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Wakaaladda Wararka SPA ma aysan magacaabin suxufiga balse waxay sheegtay inuu yahay muwaadin Mareykan ah, kaasi oo sidoo kale kiiskiisa loo gudbiyey dacwad-oogayaasha “si ay uga qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan sharciga degan.” Waxaa jira muwaadiniin badan oo Israeli ah balse haysta dhalashada dalalka kale, sida Mareykanka.

Inkasta oo xiriiro amni iyo ganacsi oo qarsoodi ah oo sii kordhaya ay u dhaxeeyaan, haddana Sacuudi Carabiya ma aqoonsana Israel, kumana biireen heshiiska Abrahams Accord ee 2020-kii uu ka shaqeeyey Mareykanka, kaasi oo dalal Carbeed ay xiriir kula aas-aasteen dalka Yahuudda.

Muuqaalka uu iska soo duubay oo gaarayey 10 daqiiqo, Tamary wuxuu ku muujiyey inuu tegay Buurta Carafo, oo ah halka Muslimiinta xajineysa isugu tagaan maalinta sagaalaadka.

Waxa uu si cad u sheegay inuu ogyahay in waxa uu sameynayey ay ahaayeen sharci-darro balse wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan muujiyo meel aad muhiim ugu ah wiilashada iyo gabdhaha walaalaheen Muslimiinta ah.”

Qiilka uu sameeyey Tamary iyo cudurdaar ku xigay, ayaan waxba ka beddelin carada arrintan ka dhalatay ee ka taagan baraha bulshada Sacuudiga.

AFP + VOA

QM oo loo gudbiyey qorsho hub lagu siinayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey qorshe hub lagu siinayo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS kadib kulan dhex maray Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Africa iyo wakiilo ka socday Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdi Maxamud Haybe  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya si deg deg ah looga qaado cuna-qabateynta dhanka hubka ama ugu yaraan laga yareeyo, si ay u hesho fursad ay hub kusoo iibsato si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

“Wada-hadalladii aan la yeelanay wakiilada Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee taageera Ciidanka Midowga Afrika waxaan u sheegnay in ay taageero hub ay siiyaan Ciidamada Soomaaiya iyo kuwa Midowga Afrika si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ah Argagixisada go’doomisay meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Haybe.

Guddoomiye Haybe ayaa tilmaamay inay adag tahay in Al-Shabaab laga adkaado lagana saaro Soomaaliya inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku dagaalamayaan hub lamid ah kuwa ay heystaan Al-Shabaab.

Cabdi Maxamed Haybe ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn hubka ah, si argagixisada looga saaro meelaha ay joogaan waxaa muhiim ah in la helo hub ka duwan kuwa ay heystaan, ugu yaraan waa in la fududeeyaa si ay u hesho hubka ay u baahan tahay, ninka aad la dagaalameysid haddii aad isku hub tihiin kama adkaaneysid oo waa ijiid aan ku jiidee balse sida kaliya ee looga adkaan karo waa in hub casri ah la helo.”

Howlgalka ATMIS ayaa qorsheeyay in howlgalka qeybta labaad ee ciidanka Afrikaan ah ee laga baddelay magaca AMISOM in uu fuliyo si ciidamada Soomaalida loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalkooda balse ka hor waqtigaas la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Wakiilada ka socday Qaramada Midoobay ee kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay inay codsigana hor geynayaan golaha isla markaasna ay rajeenayaan in Qaramada Midoobay ay dib u qiimeyn ku sameyso xaaladda amni ee Soomaaliya si cuna-qabateynta hubka looga qaado.

Codsiga Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa kusoo aadayo xilli ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay qaadi doonto dagaal wajiyo badan leh oo dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab kadib kulan uu la yeeshay sarakiisha howlgalka ATMIS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa muddo ka badan 15 sano ku guuleysan la’ inay ka adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo u dagaalanto qaab jabhad ah, waxaana la ogeyn sida uu u guuleysan doono gulufka cusub ee la doonayo in kooxdaan lagu qaado.

Xog: Shaqsiga loo wada xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka u magacaabo agaasimihii Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xasan Cabdi Cawad ayaa dhowaan iska casilay xilkii uu ka hayey shirkaddan, waxaana lagu beddelay Cumar Xasan Yoolac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Dahabshiil. 

Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan la socodsiino macmiisha shirkadda ku xidhan in xafiiskayaga Dahabshiil Group ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya uu hogaaminayo Cumar Xasan Yoolac. Waxaan u mahadcelineynaa shaqaalah shirkada hore ula shaqayn jiray ee uu ka mid yahay Xassan Cabdi Cawad,” ayaa lagu yiri bayaanka Dahabshiil.  

Haddii xilkan loo magacaabo Xasan Cabdi Cawad, sida la filayo, waxay ka dhigan tahay in shirkaddan ay saameyn weyn ku dhex yeelan doonto dowladda federaalka. 

Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, Dahabshiil ayaa si weyn u taageertay dhaqaalena ku bixisay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, dadaalkaas oo aan miro-dhalin.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka ka degaya ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu dadaal xooggan ku bixiyey inuu kursigiisa sii haysto, balse uu ku guul-darreystay. 

Dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza oo la filayey inay ku bataan xulufadooda ayaa waxaa si yaab leh hadda u xoogeysanaya suurta-galnimada ah inay soo galaan shaqsiyaad aan horey wax ugu darsan, oo xitaa ay ku jiraan xubno Nabad iyo Nolol ah. 

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhowaaqo golaha wasiirada.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Al-Shabaab iyo ciidamada LIYUU BOOLIS

0

Hargelle (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano kamid ah dhulka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Liyuu Booliis ayaa sheegay in deegaanno hoostaga degmada Hargelle, Gobolka Afdheer ee dowlad-deegaanka Soomaalida lagu go’doomiyay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo hub iyo gaadiid wata.

Hoggaanka sare ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu socdo balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray iyo midka goos gooska ah ee socda.

Qaar kamid ah Dadka ku nool deegaannada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee hoostaga degmada Hargelle ayaa billaabay in ay guryahooda isaga barakacaan iyagoo ka cabsanaya inuu xoogeystay dagaalka u dhaxeeyo Al-Shabaab iyi Liyuu Booliis.

Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka ay Al-Shabaab ka carareen 16-gaadiid oo ay wateen. Al-Shabaab oo dhankooda soo bandhigay Sawirada dagaalka ayaa sheegay inay ciidamada liyuu boolis ka dileen in ka badan 87 Askari, isla markaana degaano dhowr ah ay ka qabsadeen.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday ayaa ku sugan meelo aan ka fogeen deegaanadii ay weerarka kusoo qaadeen, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka sii xoogeysto.

Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano ku yaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ciidamada ammaanka faray in ay feejignaan ka galaan weerarada Al-Shabaab isla markaana ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.

Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siineyso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.

Saddexda madaxweyne ee Soomaaliya ee la isku dayay in la dilo iyagoo xilka haya

0

Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda.

Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen in ay dilal u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar. Saddex madaxweyne oo xilka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Cabdullaahi Yuusuf Axmed – oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 – ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis. Hase yeeshee,

Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka. Waxaa jiray weerar kale oo lagu qeexay isku day kale oo lagu beegsanayay madaxweynaha.

Koox la tuhusan yahay inay Islaamiyiin yihiin ayaa 1-dii bishii June ee sanadkii 2008 hoobiye ku weeraray diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Cabdullaahi Yuusuf.

Balse ma jirin cid wax ku noqotay weerarkaas, diyaaraddana wax burbur ah kama soo gaarin.

Shariif Sheekh Axmed

Madaxweyneyaasha la beegsaday waxaa kale oo ka mid ahaa Shariif Sheekh Axmed oo 31-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2009 xilka kala wareegay Cabdullaahi Yuusuf, hoggaanka dowladdana hayay ilaa 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2012.

Dhow bil ka hor intii uusan xilka wareejin oo ku beegneyd 29-kii May ee sanadkii 2012, ayuu Shariif Sheekh Axmed ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

Dablay la tuhunsan yahay in ay Al-Shababaab ka tirsanaayeen ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu madaxweynuhu la socday, xilli ay marayeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowr jeer isku dayo dil ka badbaaday intii uu xilka hayay dowrkii hore ee uu beddelay Shariif Sheekh Axmed.

Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu daabacay wargayska “The Economist” ayuu ku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

“Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: “Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab.”

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas’uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas’uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

Xigasho: BBC Somali

AL-SHABAAB oo gudaha Itoobiya ka dagaalameysa

Afhdeer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka dagaalantay gudaha dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilo-wareedyo amni oo ku sugan gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolka.

Al-Shabaab ayaa galay gobolka Arbacadii kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanada Caato iyo Yeed ee xuduudda Itoobiya balse ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya, kadibna ay usii gudbeen Itoobiya. 

Gelitaan Al-Shabaab ee Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey ururka ONLF oo soo saaray bayaan ay ku sheegeen in Al-Shabaab ay falal argagixisio ka gaysteen qeybo ka mid ah gobolka Soomaalida. 

Waxaa Arbacadii oo ahayd 20 July 2022 dhacay fal argagixiso oo ay ka gaysteen ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab deegaano ka tirsan gobolka Af-dheer oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya la wadaagto deegaanka Soomaalida. Dagaalkaas oo ku soo fiday gudaha deegaanka Soomaalida gaystayna khasaare naf iyo maalba leh,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF.  

“Haddaba ONLF waxay cambaaraynaysaa Falkaas fooshaxun ee lagu soo qaaday dadka iyo deegaanka Soomaalida. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya waxay ku boorrinaysaa xubnaha iyo taageerayaasha JWXO iyo shacab waynaha deegaankuba inay garab istaagaan hay’adaha ammaanka.” 

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in Caato ay hayaan Liyuu Boolis, taasi oo ka dhigan in kasta oo Shabaabka ay ku jiraan Itoobiya, haddana labada dhinac laga jiro. 

Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay sawirro muujinaya khasaaraha ay ku gaysteen dagaalka xuduudda, waxayna sheegteen inay ku dileen 87 ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. 

R/W Xamza ma ka dhabeyn doona ballan-qaadkii la xiriiray Golaha Wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo laga sugayo dhismaha xukuumadiisa ayaa waxaa ku xeeran su’aalo badan oo ka mid tahay in uu fulin doono ballan-qaadkii uu u sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xamza ayaa markii uu hortagay Golaha Shacabka 25-kii Juun, si ay u siiyaan codka kalsoonida Golaha, ayaa wuxuu u ballan-qaaday Xildhibaanada inay u badnaan doonaan Golahiisa Wasiirada.

Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneyd 69 Wasiir, kuwaasi oo 63% ay ka yimaadeen Golaha Shacabka, halka Golaha Wasiirada 47% ay ka yimaadeen Bulshada qeybaheeda kale.

Xamza oo magacaaban in ka badan 40 maalmood ayaa weli soo dhisin Golahiisa Wasiirada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu weli wado la tashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista xukuumadiisa.

Haddaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ma fulin doona ballan-qaadkiisa? – Inkasta oo si rasmi ah loogu ogaan doono magacaabista xukuumadiisa ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay in Xamza uu fahansan yahay in sida uu ka yeelo ballan-qaadkaasi ay halbeeg u noqon doonto ballan-qaadyadii dhowrka ahaa ee u sameeyay tan iyo markii la magacaabay.

Sidoo kale fallan-qeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Xamza uu qaadi doono jidkii hore u jeexna ee masuuliyiintii ka horeeyay, taasi oo ka dhigan in xukuumadiisa ay u badnaan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ma aha wax ku cusub dhismaha xukuumadda in xubnaha ugu badan ay kasoo galaan Golaha Shacabka, marka loo eego xukuumadihii kala dambeeyay.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga fadhiya dhismaha xukuumad tayo leh, oo dardar-galisa howlaha culus ee horyaalla, islamarkaana meel-marisa hal-hayska iyo siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: Al-Shabaab oo guul weyn ka sheegtay dagaalkii Liyuu Boolis soona bandhigay Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii ay ku qaaday degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xaduudka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo guul weyn ay ka sheegatay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa goordhoweyd faafiyey sawirada weeraradaas oo ay sheegtay inay dagaal-yahaanadooda xasuuq ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugna xeryaha ciidamada ee deegaanadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo u waramay warbaahintooda.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen, sida ay sheegteen.

Inkasta oo deegaanada uu dagaalku ka dhacay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoos ka daawo sawirrada

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay waqtiga uu xilka ka degayo

0

Jabuuti (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horeysay shaaciyay in uu ka dagayo xilka u sareeya dalkaas, kadib muddo 23 sano ah oo uu xukumayay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu xilka wareejiyo sanadka 2026-ka oo ku beegan marka uu dhamaado muddo xileedkiisa hadda u socda.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Ismaaciil Cumar Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta uu joogay xilka u sareeya in waddankiisa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna uu ku noqday marinkeeda cusub.

Wareysiga ayuu sidoo kale waxa looga weydiiyay sida uu u arko dadka u badan dibad jooga ee baraha bulshada soo dhigaya baaqyada ay ugu jeedinayaan in uu xilka iska casilo, maadaama ay ku eedeeyeen in uusan shacabkiisa u qabanin wax ku filan.

“Haddii aad dibad joog tahay micnaheeda ma aha inaad mucaarad noqoto. Haddii aadan rabin inaad ka shaqeyso gudaha dalkeenna micnaheeda ma aha inay fasax kuu tahay inaad abuurato sheekooyin aan jirin,” ayuu yiri.

Madaxweyne Geelle oo muddo badan ka talinayay dalka Jabuuti ayaa lagu eedeeya in maamulkiisa uu yahay mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Si kastaba, go’aanka cusub ee uu shaaciyay Geelle ayaa soo afmeeraya 2026-ka sanado badan oo doorashada dalkaas si xor ah loogu tartamin, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn qorshaha xiga ee uu damacsan yahay Geelle.