27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Guddoomiye Jeyte oo digniin u diray Galmudug xilli la isku hayo maamulka magaalo

0

Matabaan (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin culus u diray maamul Goboleedka Galmudug kadib khudbad uu u jeediyey dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Matabaan ee Gobolkaas.

Cali Jeyte ayaa sheegay in degmada Matabaan ay hoos tagto HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan, wuxuuna dadka dagan ku eedeeyey inaysan is waydiineyn halka ay ku jirto maslaxadooda si ay uga baxaan dhibaatada heysata.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Matabaan maslaxadooda dhinaca siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada ay ku jirto la shaqeynta maamulka gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle.

Jeyte ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday inay faragelinta ka daayaan degmada Matabaan, isaga oo si cad u sheegay in dadka Reer Hiiraan iyo kuwa Galmudug ay yihiin kuwo walaalo ah, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inay faraha kala baxaan arrimaha degmadaan.

Degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa maamul ahaan ay hoos tageysay maamulka Galmudug, hase yeeshee dhawaan waxaa maamul cusub u magacaabay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha ayaa degmadaas geeyey ciidamo iyo maamul is wata, waxaana si rasmi ah xilka loogu wareejiyey shalay oo ay taariikhda aheyd 21 July.

Matabaan ama Matabaan Garoore waa degmo ku taalla dhanka waqooyi ee gobolka Hiiraan, una jirta 75 kiilo mitir magalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.

Matabaan waa magaalo taariikh dheer leh, waxaana la aas aasay dhammaadka qarnigii 19-aad. Sida lasoo xigto, magaalada waxaa aas aasay Macalim Cumar Sheekh Xassan Cadde Faqa cumar iyo wiilashiisa.(Shiikh Calii, Shiikh Maxamed iyo Macalin Aadan)

Bulshada magaalada ku nool waxey tiro ahan gaarayaan 20,000 oo qof. Bulshadu 20,000 oo kaliya kuma eka, oo waxaa magaalada ku xiran oo mar walba yimaada bulshooyinka dagan tuuloyinka ku dhaw-dhaw magaalada Matabaan.

Sacuudiga oo xiray qof lala xiriirinayo kiiska Israa’iiligii dhuumashada ku galay Makka

Jeddah (Caasimada Online) – Qof Sacuudiyaan ah oo la tuhunsan yahay inuu qof aan Muslim aheyn ka caawiyey inuu galo magaalada Makka ayaa la xiray, sida ay maanta sheegeen booliiska boqortooyada.

Suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Gil Tamary, una shaqeeya taleefishinka Channel 13, ayaa Isniintii twitter-ka soo dhigay muuqaal uu iska duubay isaga oo si dhuumasho ah ku galaya magaalada barakeysan, taasi oo jebineysa amarka dadka aan Muslimiinta aheyn looga mamnuucay.

Booliska ayaa maanta dacwad oogayaasha u gudbiyey muwaadin la tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay “fududeynta inuu Makka soo galo suxufi aan Muslim aheyn,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Wakaaladda Wararka SPA ma aysan magacaabin suxufiga balse waxay sheegtay inuu yahay muwaadin Mareykan ah, kaasi oo sidoo kale kiiskiisa loo gudbiyey dacwad-oogayaasha “si ay uga qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan sharciga degan.” Waxaa jira muwaadiniin badan oo Israeli ah balse haysta dhalashada dalalka kale, sida Mareykanka.

Inkasta oo xiriiro amni iyo ganacsi oo qarsoodi ah oo sii kordhaya ay u dhaxeeyaan, haddana Sacuudi Carabiya ma aqoonsana Israel, kumana biireen heshiiska Abrahams Accord ee 2020-kii uu ka shaqeeyey Mareykanka, kaasi oo dalal Carbeed ay xiriir kula aas-aasteen dalka Yahuudda.

Muuqaalka uu iska soo duubay oo gaarayey 10 daqiiqo, Tamary wuxuu ku muujiyey inuu tegay Buurta Carafo, oo ah halka Muslimiinta xajineysa isugu tagaan maalinta sagaalaadka.

Waxa uu si cad u sheegay inuu ogyahay in waxa uu sameynayey ay ahaayeen sharci-darro balse wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan muujiyo meel aad muhiim ugu ah wiilashada iyo gabdhaha walaalaheen Muslimiinta ah.”

Qiilka uu sameeyey Tamary iyo cudurdaar ku xigay, ayaan waxba ka beddelin carada arrintan ka dhalatay ee ka taagan baraha bulshada Sacuudiga.

AFP + VOA

QM oo loo gudbiyey qorsho hub lagu siinayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey qorshe hub lagu siinayo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS kadib kulan dhex maray Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Africa iyo wakiilo ka socday Qaramada Midoobay.

Guddoomiyaha guddigaas Cabdi Maxamud Haybe  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya si deg deg ah looga qaado cuna-qabateynta dhanka hubka ama ugu yaraan laga yareeyo, si ay u hesho fursad ay hub kusoo iibsato si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

“Wada-hadalladii aan la yeelanay wakiilada Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee taageera Ciidanka Midowga Afrika waxaan u sheegnay in ay taageero hub ay siiyaan Ciidamada Soomaaiya iyo kuwa Midowga Afrika si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ah Argagixisada go’doomisay meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Haybe.

Guddoomiye Haybe ayaa tilmaamay inay adag tahay in Al-Shabaab laga adkaado lagana saaro Soomaaliya inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku dagaalamayaan hub lamid ah kuwa ay heystaan Al-Shabaab.

Cabdi Maxamed Haybe ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn hubka ah, si argagixisada looga saaro meelaha ay joogaan waxaa muhiim ah in la helo hub ka duwan kuwa ay heystaan, ugu yaraan waa in la fududeeyaa si ay u hesho hubka ay u baahan tahay, ninka aad la dagaalameysid haddii aad isku hub tihiin kama adkaaneysid oo waa ijiid aan ku jiidee balse sida kaliya ee looga adkaan karo waa in hub casri ah la helo.”

Howlgalka ATMIS ayaa qorsheeyay in howlgalka qeybta labaad ee ciidanka Afrikaan ah ee laga baddelay magaca AMISOM in uu fuliyo si ciidamada Soomaalida loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalkooda balse ka hor waqtigaas la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Wakiilada ka socday Qaramada Midoobay ee kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay inay codsigana hor geynayaan golaha isla markaasna ay rajeenayaan in Qaramada Midoobay ay dib u qiimeyn ku sameyso xaaladda amni ee Soomaaliya si cuna-qabateynta hubka looga qaado.

Codsiga Guddiga Amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa kusoo aadayo xilli ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay qaadi doonto dagaal wajiyo badan leh oo dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab kadib kulan uu la yeeshay sarakiisha howlgalka ATMIS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa muddo ka badan 15 sano ku guuleysan la’ inay ka adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo u dagaalanto qaab jabhad ah, waxaana la ogeyn sida uu u guuleysan doono gulufka cusub ee la doonayo in kooxdaan lagu qaado.

Xog: Shaqsiga loo wada xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka u magacaabo agaasimihii Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xasan Cabdi Cawad ayaa dhowaan iska casilay xilkii uu ka hayey shirkaddan, waxaana lagu beddelay Cumar Xasan Yoolac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Dahabshiil. 

Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan la socodsiino macmiisha shirkadda ku xidhan in xafiiskayaga Dahabshiil Group ee Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya uu hogaaminayo Cumar Xasan Yoolac. Waxaan u mahadcelineynaa shaqaalah shirkada hore ula shaqayn jiray ee uu ka mid yahay Xassan Cabdi Cawad,” ayaa lagu yiri bayaanka Dahabshiil.  

Haddii xilkan loo magacaabo Xasan Cabdi Cawad, sida la filayo, waxay ka dhigan tahay in shirkaddan ay saameyn weyn ku dhex yeelan doonto dowladda federaalka. 

Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, Dahabshiil ayaa si weyn u taageertay dhaqaalena ku bixisay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, dadaalkaas oo aan miro-dhalin.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka ka degaya ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu dadaal xooggan ku bixiyey inuu kursigiisa sii haysto, balse uu ku guul-darreystay. 

Dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza oo la filayey inay ku bataan xulufadooda ayaa waxaa si yaab leh hadda u xoogeysanaya suurta-galnimada ah inay soo galaan shaqsiyaad aan horey wax ugu darsan, oo xitaa ay ku jiraan xubno Nabad iyo Nolol ah. 

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku dhowaaqo golaha wasiirada.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Al-Shabaab iyo ciidamada LIYUU BOOLIS

0

Hargelle (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano kamid ah dhulka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Liyuu Booliis ayaa sheegay in deegaanno hoostaga degmada Hargelle, Gobolka Afdheer ee dowlad-deegaanka Soomaalida lagu go’doomiyay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo hub iyo gaadiid wata.

Hoggaanka sare ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu socdo balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhexmaray iyo midka goos gooska ah ee socda.

Qaar kamid ah Dadka ku nool deegaannada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee hoostaga degmada Hargelle ayaa billaabay in ay guryahooda isaga barakacaan iyagoo ka cabsanaya inuu xoogeystay dagaalka u dhaxeeyo Al-Shabaab iyi Liyuu Booliis.

Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka ay Al-Shabaab ka carareen 16-gaadiid oo ay wateen. Al-Shabaab oo dhankooda soo bandhigay Sawirada dagaalka ayaa sheegay inay ciidamada liyuu boolis ka dileen in ka badan 87 Askari, isla markaana degaano dhowr ah ay ka qabsadeen.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday ayaa ku sugan meelo aan ka fogeen deegaanadii ay weerarka kusoo qaadeen, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka sii xoogeysto.

Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano ku yaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ciidamada ammaanka faray in ay feejignaan ka galaan weerarada Al-Shabaab isla markaana ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.

Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siineyso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.

Saddexda madaxweyne ee Soomaaliya ee la isku dayay in la dilo iyagoo xilka haya

0

Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda.

Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen in ay dilal u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar. Saddex madaxweyne oo xilka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Cabdullaahi Yuusuf Axmed – oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 – ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis. Hase yeeshee,

Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka. Waxaa jiray weerar kale oo lagu qeexay isku day kale oo lagu beegsanayay madaxweynaha.

Koox la tuhusan yahay inay Islaamiyiin yihiin ayaa 1-dii bishii June ee sanadkii 2008 hoobiye ku weeraray diyaarad uu saarnaa madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd, Cabdullaahi Yuusuf.

Balse ma jirin cid wax ku noqotay weerarkaas, diyaaraddana wax burbur ah kama soo gaarin.

Shariif Sheekh Axmed

Madaxweyneyaasha la beegsaday waxaa kale oo ka mid ahaa Shariif Sheekh Axmed oo 31-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2009 xilka kala wareegay Cabdullaahi Yuusuf, hoggaanka dowladdana hayay ilaa 20-kii bishii Agoosto ee sanadkii 2012.

Dhow bil ka hor intii uusan xilka wareejin oo ku beegneyd 29-kii May ee sanadkii 2012, ayuu Shariif Sheekh Axmed ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.

Dablay la tuhunsan yahay in ay Al-Shababaab ka tirsanaayeen ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu madaxweynuhu la socday, xilli ay marayeen duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah.

Ugu yaraan hal askari ayaa lagu soo warramay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowr jeer isku dayo dil ka badbaaday intii uu xilka hayay dowrkii hore ee uu beddelay Shariif Sheekh Axmed.

Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu daabacay wargayska “The Economist” ayuu ku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

“Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: “Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab.”

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas’uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas’uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

Xigasho: BBC Somali

AL-SHABAAB oo gudaha Itoobiya ka dagaalameysa

Afhdeer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda ka dagaalantay gudaha dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ilo-wareedyo amni oo ku sugan gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah gobolka.

Al-Shabaab ayaa galay gobolka Arbacadii kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanada Caato iyo Yeed ee xuduudda Itoobiya balse ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya, kadibna ay usii gudbeen Itoobiya. 

Gelitaan Al-Shabaab ee Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey ururka ONLF oo soo saaray bayaan ay ku sheegeen in Al-Shabaab ay falal argagixisio ka gaysteen qeybo ka mid ah gobolka Soomaalida. 

Waxaa Arbacadii oo ahayd 20 July 2022 dhacay fal argagixiso oo ay ka gaysteen ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab deegaano ka tirsan gobolka Af-dheer oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya la wadaagto deegaanka Soomaalida. Dagaalkaas oo ku soo fiday gudaha deegaanka Soomaalida gaystayna khasaare naf iyo maalba leh,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF.  

“Haddaba ONLF waxay cambaaraynaysaa Falkaas fooshaxun ee lagu soo qaaday dadka iyo deegaanka Soomaalida. Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya waxay ku boorrinaysaa xubnaha iyo taageerayaasha JWXO iyo shacab waynaha deegaankuba inay garab istaagaan hay’adaha ammaanka.” 

Dhinaca kale, warar kale ayaa sheegaya in Caato ay hayaan Liyuu Boolis, taasi oo ka dhigan in kasta oo Shabaabka ay ku jiraan Itoobiya, haddana labada dhinac laga jiro. 

Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay sawirro muujinaya khasaaraha ay ku gaysteen dagaalka xuduudda, waxayna sheegteen inay ku dileen 87 ka tirsan ciidanka Liyuu Boolis, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. 

R/W Xamza ma ka dhabeyn doona ballan-qaadkii la xiriiray Golaha Wasiirada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo laga sugayo dhismaha xukuumadiisa ayaa waxaa ku xeeran su’aalo badan oo ka mid tahay in uu fulin doono ballan-qaadkii uu u sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xamza ayaa markii uu hortagay Golaha Shacabka 25-kii Juun, si ay u siiyaan codka kalsoonida Golaha, ayaa wuxuu u ballan-qaaday Xildhibaanada inay u badnaan doonaan Golahiisa Wasiirada.

Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneyd 69 Wasiir, kuwaasi oo 63% ay ka yimaadeen Golaha Shacabka, halka Golaha Wasiirada 47% ay ka yimaadeen Bulshada qeybaheeda kale.

Xamza oo magacaaban in ka badan 40 maalmood ayaa weli soo dhisin Golahiisa Wasiirada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu weli wado la tashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista xukuumadiisa.

Haddaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ma fulin doona ballan-qaadkiisa? – Inkasta oo si rasmi ah loogu ogaan doono magacaabista xukuumadiisa ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay in Xamza uu fahansan yahay in sida uu ka yeelo ballan-qaadkaasi ay halbeeg u noqon doonto ballan-qaadyadii dhowrka ahaa ee u sameeyay tan iyo markii la magacaabay.

Sidoo kale fallan-qeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Xamza uu qaadi doono jidkii hore u jeexna ee masuuliyiintii ka horeeyay, taasi oo ka dhigan in xukuumadiisa ay u badnaan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ma aha wax ku cusub dhismaha xukuumadda in xubnaha ugu badan ay kasoo galaan Golaha Shacabka, marka loo eego xukuumadihii kala dambeeyay.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga fadhiya dhismaha xukuumad tayo leh, oo dardar-galisa howlaha culus ee horyaalla, islamarkaana meel-marisa hal-hayska iyo siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: Al-Shabaab oo guul weyn ka sheegtay dagaalkii Liyuu Boolis soona bandhigay Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii ay ku qaaday degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xaduudka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo guul weyn ay ka sheegatay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa goordhoweyd faafiyey sawirada weeraradaas oo ay sheegtay inay dagaal-yahaanadooda xasuuq ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugna xeryaha ciidamada ee deegaanadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo u waramay warbaahintooda.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen, sida ay sheegteen.

Inkasta oo deegaanada uu dagaalku ka dhacay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoos ka daawo sawirrada

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay waqtiga uu xilka ka degayo

0

Jabuuti (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horeysay shaaciyay in uu ka dagayo xilka u sareeya dalkaas, kadib muddo 23 sano ah oo uu xukumayay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu xilka wareejiyo sanadka 2026-ka oo ku beegan marka uu dhamaado muddo xileedkiisa hadda u socda.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Ismaaciil Cumar Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta uu joogay xilka u sareeya in waddankiisa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna uu ku noqday marinkeeda cusub.

Wareysiga ayuu sidoo kale waxa looga weydiiyay sida uu u arko dadka u badan dibad jooga ee baraha bulshada soo dhigaya baaqyada ay ugu jeedinayaan in uu xilka iska casilo, maadaama ay ku eedeeyeen in uusan shacabkiisa u qabanin wax ku filan.

“Haddii aad dibad joog tahay micnaheeda ma aha inaad mucaarad noqoto. Haddii aadan rabin inaad ka shaqeyso gudaha dalkeenna micnaheeda ma aha inay fasax kuu tahay inaad abuurato sheekooyin aan jirin,” ayuu yiri.

Madaxweyne Geelle oo muddo badan ka talinayay dalka Jabuuti ayaa lagu eedeeya in maamulkiisa uu yahay mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Si kastaba, go’aanka cusub ee uu shaaciyay Geelle ayaa soo afmeeraya 2026-ka sanado badan oo doorashada dalkaas si xor ah loogu tartamin, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn qorshaha xiga ee uu damacsan yahay Geelle.

Haweeneydi Al-Shabaab u qaabilsaneyd kaydinta hubka oo xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay (Faadumo), kadib markii lagu helay inay ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in Deeqo lasoo qabtay bishii February ee sanadkan, kadib howlgal ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Waxay haweeneydaan oo 28 san jr ah Al-Shabaab uga biirtay deegaanka Ceelasha Biyaha muddo hadda laga joogo labo sano, waxaana ku qal-qaaliyey nin saaxiib la’ah Odaygeedii hore oo isna Al-Shabaab ka tirsan, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Yuusuf, balse ay kala tageen sanadkii 2018-kii, sida lagu sheegay war kasoo baxay maxkamadda.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in marka lasoo qabanayey ay ku howlaneyd warbixin ka dirista xaaladda guriga uu daganaa askari horey loogu dilay degmada Kaaraan.

Sidoo kale waxay xeer ilaalintu intaasi kusii dartay in guriga haweeneydaan laga soo helay Bam-gacmeen iyo Bistoolad 7 xabadood wadata.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale xusay in Deeqo Maxamed Xuseen ay Al-Shabaab si gaar ah uga shaqeyneysay kaydinta hubka iyo hubinta howlgallada kooxda.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa haweeneydaan ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kaas oo ay ka qaadan karto racfaan 30 cisho gudahood.

Xamza oo amar deg deg ah soo saaray kadib markii ay wada-hadleen Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa war kasoo saaray xaaladda gobolka Bakool, kadib markii deegaano ka tirsan gobolkaasi ay xoogaga Al-Shabaab ku weerareen ciidanka Liyuu Boolis.

Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada ay kooxuhu ka geysteen falalka argagixisada ah.

Wuxuu si gaar ah ra’iisul wasaaraha usoo hadal qaaday deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato oo ay xalay saddex jiho ka weerareen xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab oo halkaas kula dagaalamay ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya.

Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in dowladdu ay jawaab deg-deg ah ka bixin doonto dhibaatada ay geysatay argagixisada, si looga hortego weerarada ay ka fuliso dalka.

Sidoo kale wuxuu amray hay’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda adag ee haatan ka jirta gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dadka ku nool deegaanadaas waxay Caasimada Online u sheegeen in dagaal culus ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab, balse waxaan ilaa hadda la ogaan khasaaraha ka dhashay.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay inay qabsadeen Yeed iyo Aato, balse sheegashadiisa lama xaqiijin karo, waxaana aad u yar xogta laga heli karo deegaanada.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’day, waxayna dagaalyahannada Al-Shabaab dagaalkaan ku ekeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ‘ilaalada xuduudaha iyo badqabka waddooyinka’ kuwaas oo hoos taga dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Arusha xilli ay sarreyso rajada Soomaaliya ee EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Tansaaniya, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweysay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa ka qayb-geli doono shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya caasimada wadanka Tansaaniya ee Arusha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyey ujeedka socdaalka madaxweynaha uu ku aaday dalka Tansaaniya, gaar ahaan dadaalkiisa ku qotoa in Soomaaliya ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7 dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalkii ugu horreeyey ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo isku dayga ay Soomaaliya ku dooneyso inay xubin uga noqoto daladda Bulshada Afrika, East African Community (EAC).  

Diblomaasi Sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu oo guddoomiyennimada EAC kala wareegayo Kenya, uu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya. Burundi waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. 

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan, inkasta oo uusan shaacin magacyadooda. Balse Caasimada Online ayaa og in rajada Soomaaliya ee ka mid noqoshada ururkaas ay aad u sarreyso.

Safarkan ayaa noqonaya kii lixaad ee uu madaxweynaha u baxayo, tan iyo markii la doortay wuxuuna horey u booqday Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya & Jabuuti.

Daawo: Beesha Mudulood oo go’aan culus ka soo saartay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada iyo odayaasha dhaqanka ee Beesha Mudulood ayaan kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhibaatada ay ku hayaan ciyaal weerada.

Xubnaha kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in go’aan adag laga qaato kooxaha ciyaal weerarada, si wax looga qabto dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo deegaanka.

Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankooda uu ahaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lasoo darsaday shacabka Muqdisho, isaga oo uu tilmaamay in maalintii lagu dilo ugu yraan 5 illaa 10 qof.

“Annaga deegaanaa leenahay meelo aan ku noolnahay ayaa jira dalku Soomaali oo dhan waa ka dhexeeyaa, laakiin qolo walbo meel ayey dagan tahay dhibaatooyinka sida gaarka ah u heysta deegaannadeenana maanta inaan wax is ka dhahno ujeedada saas ayey aheyd oo ay ugu horreyso magaaladii caasimada aheyd oo la mari la’yahay oo maalin walba tiro u dhexeyo 5 illaa 10 ay ku dhimaneyso mindiyo iyo xabado isku jiro,” ayuu yiri Beerey.

Dhankiisa Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale) oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay meeshii ugu xumeyd, isla-markaana aan indhaha laga qabsan karin.

“Waxay joogi jirtay waxaa la dilay qof, yaa dilay? kooxo bistoolado ku hubeysan oon heybtooda la garaneynin, maanta waxay taagan tahay koox tooreeyeyaal ku hubeysan oon heybtooda la garaneynin ayaa dadkii dilay,” ayuu yiri Yuusuf Ibraahim Afrax (Kabaale).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciyaal weerada xittaa ay dileen wiil uu isagu adeer yahay, isla-markaana aan waxba laga qaban, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda habeen dhoweyd wiil yar oo aan adeer u ahay Kaaraan ayey ku bireeyeen oo arday ahaa cid looma haayo,” ayuu sii raaicyey.

Ugu dambeyn mid ka mid ah odayaasha dhaqanka oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in arrintan looga gudbi karo wada tashi iyo in laga wada shaqeeyo amniga.

“Waxaan uga bixi karnaa wada-tashi guud oo mida amniga dowladda loo xil-saaray siyaasad iyo dhaqan aan kula shaqeyno,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Mudulood.

Hadalka kasoo yeeray xildhibaannada iyo odayaasha Beesha Mudulood ayaa kusoo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay gashay xaaladdo is-biirsaday oo ay ku hayaan burcadda iyo ciyaal weerarada oo dhibaato ku haya deegaanka, waxaana ugu daran degmooyinka kala ah Kaaraan, Yaaqshiid iyo Madiino oo ka kooban degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley.

Xildhibaanada federaalka ee laba maamul goboleed ‘oo isbaheysi sameysanaya’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay sameysanayaan isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo isku xiraya.

Arrintan ayaa xalay lagu dhowaaqay kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ay casho sharaf u sameeyeen xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Jubaland  iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah, 

1- Abaaraha iyo sidii xildhibaanada gacan uga gaysan lahaayeen
2- Midnimo iyo isku xirnaasho xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas.

Ma cadda waxa loola jeedo iyo ujeedka laga leeyahay isku xirnaanshaha iyo isbaheysiga ay sameysanayaan xildhibaanadan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo doortaa xildhibaanada ugu badan ee labada aqal ee baaralamanka Soomaaliya, waxayna saameyn xooggan ku leeyihiin dooraashooyinka dalka ee xildhibaanada ay codeeyaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka abaaraha.

DALKII ugu horreeyey oo shaaciyey inuu taageerayo dadaalka uu Xasan Sheekh Soomaaliya ugu darayo EAC

Bujumbura (Caasimada Online) – Dalkii ugu horreeyey ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo isku dayga ay Soomaaliya ku dooneyso inay xubin uga noqoto daladda Bulshada Afrika, East African Community (EAC).  

Diblomaasi Sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu oo guddoomiyennimada EAC kala wareegayo Kenya, uu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya. Burundi waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. 

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan, inkasta oo uusan shaacin magacyadooda.

Dalladdan, oo dib loo aas-aasay sanadkii 2000, waxaa ku mideysan toddoba dal oo kala ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwanda, South Sudan, iyo Uganda, kuwaas oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Ballan-qaadka Burundi ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Khamiis ah u amba-baxay agaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku bahoobay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo milyan, kuwaasi oo leh hal baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka miro-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleysto inuu Soomaaliya ku daro EAC waxay noqon doontaa guul taariikhi ah, ayada oo shacabka Soomaaliyeed ay visa la’aan u safri karaan dalalkan, sidoo kalena albaab weyn u furi doonta ganacsatada Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo codsi cusub u dirtay IMF xilli uu dhow yahay waqtigii loo qabtay

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adda lacagta adduunka ee IMF inay ilaa bisha December ee 2022 gaarsiiso taageerda maaliyadeed ee ay siiso Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Warqad uu u diray IMF oo ku taariikheysan 30-ka May balse la shaaciyey Talaadadii ayuu Beyle ku codsaday waqtigan dheeriga ah si barnaamijkan u gaaro hadafkiisa.

IMF ayaa bishii Febraayo ka digtay in taageerada maaliyadeed ee muddada saddexda sano ah oo dhan $400 milyan taasi oo qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Extended Credit Facility ay dhici laheyd haddii aan dalka dooran madaxweyne cusub kahor 17-kii May 2022.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la doortay 15-kii May 2022. 

Waxyar kadib, IMF ayaa shaacisay inay taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya ay ku dartay saddex bilood oo ay gaarsiin doonto illaa 17-ka August 2022, si muddadaas ay dowladda dib u eegis ugu sameyso isbedellada maaliyadeed ee qeybta ka ah deyn-cafinta Soomaaliya.

“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa xilligaas sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda muuqata inay dhammaad ku dhowdahay saddexdii bil, oo dowladda ay u baahan tahay waqti kale oo dheeri ah.

Sida ku cad xeerarka barnaamijka iMF, deynta Soomaaliya ayaa hoos ugu dhici kartaa $557 milyan marka ay ugu dhowdahay sanadda 2023, sida ay Jaramilo ku sheegtay wareysi ay bishii Febraayo siisay AFP.

Tani waxa ay Muqdisho u ogolaan doontaa inay soo jiidato maal-gelin dheeri ah oo ay ka hesho saaxiibada caalamka, kana caawiso horumarinta qeybaha gaarka ah.

Soomaaliya ayaa la sheegay in 70% dadkeeda ay ku nool yihiin wax kayar $1.90 maalinkii, waxayna la xarbineysaa inay kasoo kabato tobanaan sano oo ah dagaal sokeeye iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay bil kasta ka gaabta $10 milyan oo ah miisaaniyaddeeda.

Maxaa loo fulin la’yahay xukunnada DILALKA ah ee maxkamadaha DALKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka qayb-galayey Barnaamijka Falanqeynta Siyaasadda ee Soomaali Cable ayaa ka hadlay sababta ay dowladda uga gaabisay inay fuliso xukunada dilalka ah ee kasoo baxa maxkamadaha.

Dhaqtar oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka, isla-markaana kasoo jeeda dhanka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in xasbiyada waa weyn ee dalka ay ka buuxaan maxaabiis loo heysto dilal ay geysteen, kuwaas oo isugu jiro askar & shaqsiyaad kale oo dilal geystay.

“Xabsiyada waa buuxaan nin nin dilaa ka buuxo, askar badan oo dad dishay. Qofkii waa la qabanayaa waa la xirayaa,” ayuu yiri Xildhibaan hore Idiris Dhaqtar.

Siyaasi Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa xusay in dhowr jeer ay u tegeen madaxweynihii hore, ayna kala hadleen arrintaas, si ay cadaalad u helaan dhibaanayaasha, loona fuliyo xukunada kasoo baxay maxkamadaha dalkeenna, gaar ahaan kuwa dilalka toogashada ah.

Sababta looga gaabiyey ayuu ku sheegay inay la xiriirto dowladda oo ka baqeyso cambaareyn xoogan oo uga imaaneysa dowladaha waa weyn iyo xuquuqul insaanka.

“Dowladdii hore ee Farmaajo dhowr jeer ayaan u tegnay annaga dad dad dilay oo meesha ka buuxo oo dadkoodii ay diideen inay magta qaataan aan ula tegnay wuxuu yiri, haddii aan sameyno kuwaan xuquuqda insaanka maalin walba dilal yar yar oo aan sameynaybaa nagula heystaa waayey,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Siyaasiga Idiris Cabdi Dhakhtar.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in fulinta dilalka toogashada ah ay nabadda ku jirto, loona baahan-yahay in dowladda ay fuliso sida ugu dhaqsiyaha badan xukunadaasi.

“Dilka sidiisa nabad waayey, wadankaan dadkaan maxaabiista ee meesha ka buuxdo oo dadkii masaakiinta ahaa dilay xabsiyada saan ayey u buuxaan, maamul goboleedyada xittaa saas waayey, waxaa la arkaa mararka qaar nin Al-Shabaab ah oo la qabtay oo la dilay,” ayuu markale yiri Idiris Cabdi Dhaqtar oo u warramay Telefishinka Soomali Cable.

Hadalkan ayaa ku soo, ayada oo haatan ay jiraan maxaabiis tiro badan oo sanado ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo ku xukuman dilal toogasho ah, balse aan weli lagu fulin.

Turkiga oo duqeyn culus ka geystay dalka CIRAAQ

Baghdad (Caasimada Online) Ugu yaraan illaa sagaal qof oo rayid ahaa oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga waddanka Ciraaq, sida ay saraakiisha sheegeen.

Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.

Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.

Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.

“Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada”, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.

Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada.

Goluhu waxa uu Turkiga ka dalbaday raali-gelin rasmi ah iyo in ciidamadooda kala baxaan dhammaan dhulka Ciraaq. Goluhu wuxuu sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay diyaariso fayl ku saabsan “weerarada soo noqnoqda ee Turkiga ee ku wajahan madax-bannaanida Ciraaq iyo amniga Ciraaq” iyo inay u gudbiso cabasho arrintan la xiriirta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay inay ka xun tahay falkaasi, balse waxay sheegtay inuu ahaa weerar argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda Ciraaq, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadani, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu kasoo horjeedo weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, waxaana lagu sheegay “inuu la dagaalamo argagixisada si waafaqsan sharciga caalamiga ah, isagoo si weyn u tixgelinaya nolosha rayidka iyo kaabayaasha rayidka.”

DANAB oo gacanta kusoo dhigay xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 16-aad ayaa howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaah Dhexe.

Howl-galka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Madax-Gise ee Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa lagu qabtay saddex dagaalame oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad ee DANAB, Laba-Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib) ayaa in howl-galka ay kusoo furteen labo qori oo nooca AK47 oo ay isticmaalayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay laamaha amniga ee dalka u gudbinayaan hubka ay kasoo furteen kooxda argagixisada.

Horaanta toddobaadkan ayey aheyd markii howl-gal ay qaadeen ciidamada DANAB ay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ku dileen, ayada oo nolosha lagu soo qabtay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa howl-galkaas Al-Shabaab looga furtay afar qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo BKM ah, howl-galadaan ayaa waxay qeyb ka yihiin guluf kooxda looga sifeynayo gobolada.

Si kastaba, Ciidamada Kumaandooska ee DANAB ayaa inta badan howl-galo gaar ah ka sameeya deegaanada iyo degmooyinka ku yaalla gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.