27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Turkiga oo duqeyn culus ka geystay dalka CIRAAQ

Baghdad (Caasimada Online) Ugu yaraan illaa sagaal qof oo rayid ahaa oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga waddanka Ciraaq, sida ay saraakiisha sheegeen.

Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.

Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.

Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.

“Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada”, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.

Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada.

Goluhu waxa uu Turkiga ka dalbaday raali-gelin rasmi ah iyo in ciidamadooda kala baxaan dhammaan dhulka Ciraaq. Goluhu wuxuu sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay diyaariso fayl ku saabsan “weerarada soo noqnoqda ee Turkiga ee ku wajahan madax-bannaanida Ciraaq iyo amniga Ciraaq” iyo inay u gudbiso cabasho arrintan la xiriirta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay inay ka xun tahay falkaasi, balse waxay sheegtay inuu ahaa weerar argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda Ciraaq, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadani, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu kasoo horjeedo weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, waxaana lagu sheegay “inuu la dagaalamo argagixisada si waafaqsan sharciga caalamiga ah, isagoo si weyn u tixgelinaya nolosha rayidka iyo kaabayaasha rayidka.”

DANAB oo gacanta kusoo dhigay xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, gaar ahaan ururka 7-aad ee guutada 16-aad ayaa howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaah Dhexe.

Howl-galka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Madax-Gise ee Shabeellaha Dhexe, ayaa waxaa lagu qabtay saddex dagaalame oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad ee DANAB, Laba-Xidigle Siciid Muuse Hassan (Siciid Khabiib) ayaa in howl-galka ay kusoo furteen labo qori oo nooca AK47 oo ay isticmaalayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay laamaha amniga ee dalka u gudbinayaan hubka ay kasoo furteen kooxda argagixisada.

Horaanta toddobaadkan ayey aheyd markii howl-gal ay qaadeen ciidamada DANAB ay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay ku dileen, ayada oo nolosha lagu soo qabtay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa howl-galkaas Al-Shabaab looga furtay afar qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo BKM ah, howl-galadaan ayaa waxay qeyb ka yihiin guluf kooxda looga sifeynayo gobolada.

Si kastaba, Ciidamada Kumaandooska ee DANAB ayaa inta badan howl-galo gaar ah ka sameeya deegaanada iyo degmooyinka ku yaalla gobolada dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

KENYA malaayiin dollar ku heshay dagaalka Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda UK oo Kenya ka gacansiisa xoojinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ku taageertay lacag malaayiin dollar ah, si loo laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi, isla-markaana looga hortago weerarada ay fuliso.

Lacagtaan ay UK siisay dowladda Kenya ayaa lagu hirgeliyey xarun weyn oo ay ku hawlgalayaan ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaano ATPU.

Xaruntaan oo si aad ah loo qalabeeyey ayaa laga furay gobbolka Xeebta Mombasa, iyada oo ay noqoneyso tan ugu weyn ee ay ku howlgalaan ciidanka la dagaalama Argagixisada.

Sidoo kale waxa xarunta ay leedahay goobo loogu talagalay in lagu sii hayo xubnaha lasoo qabto ee kooxda Al-Shabaab, xafiisyo iyo qolal kale oo loogu talagalay qaybta dumarka.

Gobbolka Xeebta ee Kenya ayaa ka mid ah meelaha  kooxda Al-Shaaab ay kasoo qaadaan weerarada ay la beegsadaan ciidamada dowladda Kenya.

Arrintaan ayaa looga gol-leeyahay sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxda ee inta badan ka dhaca deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, si loo yareeyo khasaara ka dhasha.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxayna taageero uga heshaa dowlado waa weyn, sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo saldhig ku leh dalkaasi.

Ujeedka wafdiga ka socda DF ee gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo Duqa magaalada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qaroow.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Wasiirka ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca Baxnaano ee Taakuleynta dadka Abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay caasimada Galmudug kulan la qaadan doona madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarkaan ayaa imanaya xili si weyn looga deyrinayo xaalada abaareed ee dalka oo mareysa meel halis ah iyo qaabka loo gaarsiiyo mucaawinooyinka dadkii ay saameysay abaarta.

Xasan Sheekh oo maanta u safraya dal uu taageero uga doonayo dadaal ay waddo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo KHamiis ah u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, waxaana ku mideysan toddoba dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran, kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku bahoobay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo Malyan, kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxaay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

 

Al-Shabaab oo weerartay 3 magaalo oo ciidanka Liyuu Boolis ay ku sugnaayeen

0

Xuddur (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday saddex magaalo oo dhacda galbeedka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto wadanka Itoobiya.

Magaalooyinka ay Al-Shabaab weerareen oo kala ah, Yeed, Aato iyo Washaaqo, waxayna ka tirsan yihiin gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalooyinka ay weerareen Al-Shabaab waxaa kula dagaalamay ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, kuwaas oo fariisimo ku leh deegaanadaas.

Afhayeenka howlgallada maleeshiyada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay kala wareegeen gacan ku heynta magaalooyinka Yeed iyo Aato, isla markaana ay dagaalka ku dileen askar badan, kuna furteen hub iyo saanad ciidan.

Inkastoo ay magaalooyinkaan yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waana magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadka ku nool deegaanadaas waxay Caasimada Online u sheegeen in dagaal culus ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab, balse waxaan ilaa hadda la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay.

Isgaarsiinta deegaanka ayaa go’day goor dambe oo Arbacadii maanta ah, waxayna Al-Shabaab dagaalkaan ku ekeeyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ‘ilaalada xuduudaha iyo badqabka waddooyinka’ kuwaas oo hoos taga dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Beelaha Cali Saleebaan oo soo saaray go’aano culus oo ka kooban 6 qodob (Aqriso)

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Golaha ‘Isutaga Isimada Beelaha Cali Saleebaan ee Majeerteen’ oo maalmahaan uu shir uga socday magaalada Boosaaso ayaa soo saaray bayaan ka kooban 6 qodob, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladda magaalada Boosaaso oo xiisad dhowr jeer gacan ka hadal sababtay ay ka taagan tahay.

Golahaan ayaa sidoo kale qoraalkaan ku caddeeyey in Beeldaaje Maxamed Ismaaciil uusan fagaare dambe ku meteli doonin Beelaha Cali Saleebaan, iyagoo iclaamiyey shir weyne degdeg ah oo ay isugu imaanayaan waxgaradka Beelaha Cali Saleebaan.

Isimada oo bayaankooda ku bilaabay tacsida dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Boosaaso ayaa soo saaray qodobadaan:

1 – Golahu wuxuu Cambaaraayey dagaalada ku soo noqnoqday magaalada Boosaaso, wuxuuna ka digayaa dadka ku howlan fidnadaas, waxaana mudan in la ixtiraamo wada noolashaha bulshada deeganka.

2 – Goluhu wuxuu aad uga murugaysan yahay, kana tacsiyeynayaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhashay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11-kii July 2022. Waxaana intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf Ehelkoodana Samir iyo iimaan, inta Dhaawaca ahna Allah Siiyo Caafimaad Dhaqsa ah.

3 – Goluhu wuxuu u caddaynayaa Golayaasha Dowladda, Isimada Dhaqanka, Waxgaradka iyo Shacab-weynaha in Beeldaaje Maxamed Ismaaciil uu faraha kula jiro arrimo aanay beelwaynta Cali Saleebaan raali ka ahayn, una idmanin, Natiijadeeduna tahay barakicin, burburin iyo kala dhantaalinta shacabka Puntland iyo kuwa Gobalka Bari.

“Sidaas darteed markey arkeen wakhtina siiyeen wax isbeldelna ka waayeen goluhu waxay isla garteen in Maxamed Ismaaciil aanu ku metali karin, kagana qayb noqa karin shir dambe, isagoo wata magaca beelaha Cali Saleebaan.”

4 – Goluhu wuxuu ku bogaadinayaa dadaalada ay dowladdu ku wajahday xaaladda abaaraha, wuxuuna ku baaqayaa in lays kaashado shacab iyo dowladda-ba.

5 – Goluhu wuxuu shacab-weynaha Gobolka Bari, gaar ahaan reer Boosaaso ugu baaqayaan in ay u midoobaan amniga, horumarka, nabad-gelyada iyo sumcada deegaanka.

6 – Goluhu wuxuu iclaamiyey shirwayne si degdeg ah ay isugu imaanayaan waxgaradka Beelaha Cali Saleebaan.

Isimada ku saxiixan qoraalkaan oo lix gaaraya ayaa kala ah: 1-Boqor Cabdirashiid Boqor Ismaaciil 2-Suldaan Mursal Muuse Koonte 3-Suldaan Maxamuud Xasan Cumar 4-Suldaan CabdulIaahi Saalax Jeenicad 5-Suldaan Maxamuud Xaaji CabdulIaahi 6-Iyo Suldaan Cumar Maxamed Jaamac.

 

Odayaasha Somaliland oo arrin xasaasi ku eedeeyey DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhaqanka beelaha Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya inay joojisay hanaankii bulshada reer Somaliland ku helayeen Baasaboorka Soomaaliya.

Waxay ka dalbadeen madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arrintaan oo caqabad hor leh ku noqotay bulshada ku nool Somaliland, oo markii hore si fudud ku heli jiray Baasaboorka, sida ay sheegeen.

“Laanta socdaalka iyo jinsiyada waxaa ka jiray xafiis u fududeeya deegaanada aan kasoo jeedno Baasaboorka, waxaa warkiisa hayna in xafiiskii la dacweeyay oo khal-khal gashay shaqadii loo qabanayay dadkeena ee loogu fududeynayay Baasaboorka.”

Sidoo kale waxay sheegeen in tallaabadaan uu qaaday Agaasimaha Laanta Socdaalka ay saameysay dad howshooda socotay oo qaarkood xaalad caafimaad oo deg deg ah dalka dibadiisa ugu baxayeen.

“Waxaa leenahay si deg deg ah uga qaad xayiraada, loona fasaxo dadkii hore gacanta ugu hayay, waa in deg deg loo furo xafiiskaas iyo shaqadiisa. Agaasime faraha ka qaad xafiiskaas.”

Ugu dambeyntiina waxay dalbadeen in danaha shaqsiga ah laga daayo adeegyada loo hayo bulshada, ayaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday in uu hoos u eego masuuliyiinta gacanta ku haysa adeegyada dadweynaha.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayaa waxaa gudaha deegaanadeeda ka furna xafiis si qarsoodi ah looga qaato Baasaboorka Soomaaliya, wuxuuna markii hore ahaa xafiiska u fudud ee Baasaboor laga qaato marka loo fiiriyo kuwa gobolada kale ee dalka.

Daawo: Wariye Yahuudi ah oo qarsoodi ku galay dhulka Xaramka iyo caro ka dhalatay

Makka (Caasimada Online) – Suxufi Israa’iili ah ayaa baahiyay muuqaal uu ka soo duubay magaalada Makka ee dalka Sacuudiga, isagoo iska indha tiray mamnuucidda dadka aan muslimiinta aheyn ee soo galaya magaalada barakeysan ee Islaamka.

Telefishinka Channel 13 ee laga leeyahay Israa’iil ayaa Isniintii sii daayey warbixin uu kasoo muuqday tifaftirahooda wararka adduunka Gil Tamari oo dhex wareegaya magaalada barakeysan, islamarkaasna soo duubayo meelo la yaqaano oo ku yaalla Makka.

Wariye Tamari ayaa muuqaal iska soo duubay isagoo dhaafaya Iridka qadiimiga ah ee Makka, kaas oo calaamad u ah halka laga soo galo magaalada, meesha laga mamnuucay inay dadka aan Muslimka ahayn soo galaan iyo halka laga galo Masjidka bareykan oo ah meesha ugu qiimaha badan Islaamka.

Sidoo kale, wuxuu sawir selfie ah isaga qaaday buurta Carafa oo ah buur ku taala duleedka magaalada Makka halkaas oo uu Nebi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ka jeediyey khudbaddiisii ugu dambeysay, waana goobta ay isugu yimaadaan muslimiinta inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah.

Waxaa guud ahaan mamnuuc ka ah dadka aan muslimka ahayn inay soo galaan gudaha magaalada Makka iyo qeybo kamid ah magaalada barakeysan ee Madiina, haddii uu qofka aan muslimka aheyn isku dayo inuu galana wuxuu la kulmaa ciqaab ay kamid tahay ganaaxyo iyo masaafurin.

Aayad qur’aan ah ayaa looga mamnuucay Mushrikiinta inay galaan dhulka Xaramka:

يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّمَا ٱلْمُشْرِكُونَ نَجَسٌۭ فَلَا يَقْرَبُوا۟ ٱلْمَسْجِدَ ٱلْحَرَامَ بَعْدَ عَامِهِمْ هَـٰذَا ۚ وَإِنْ خِفْتُمْ عَيْلَةًۭ فَسَوْفَ يُغْنِيكُمُ ٱللَّهُ مِن فَضْلِهِۦٓ إِن شَآءَ ۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ حَكِيمٌۭ ٢٨

Tamari wuxuu ka mid ahaa saddex wariye oo Israa’iili ah oo loo ogolaaday inay gudaha u galaan Sacuudiga si ay uga soo tebiyaan shirkii gobolka ee uu todobaadkii hore ka qayb-galay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Dhalaceyn ka dhalatay

Booqashada Tamari ee Makka ayaa si weyn looga dhaleeceeyey dhanka Internet-ka, waxaa haldhigyo looga dhigay qoraallada looga soo horjeestay “Yahuudda ku jirta Xaramka”, waxaana ereygaan adeegsaday dhowr qof oo Muslimiin ah oo baraha bulshada kaga hadlay dhacdadaan.

“Dadka sharafta leh ee Makkah iyo culimo waaweyn sida Caalimka la xiray ee Dr Musa Al-Shariif ayaa ku jira xabsiyada Sacuudiga, laakiin Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa wareegaysa magaalada Makkah,” ayuu mid kamid ah dadkii booqshadaan diiday  kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Booqashadan qarsoodiga ah waxaa cambaareeyay dad horey u taageersanaa Israa’iil oo uu ku jiro qoraaga Sacuudiga u dhashay ee Mohammed Sacuud, kaas oo booqday Israa’iil, taageerana u muujiyey caadi ahaanshaha is dhex galka Tel Aviv iyo dowladaha Carabta.

“Saaxiibadayda qaaliga ah ee reer Bani Israa’iil, mid ka mid ah wariyayaashiina waxa uu soo galay magaalada barakaysan ee Makkah, wuxuuna duubay muuqaal aan xishood laheyn,” Sacuud ayaa sidaas ku yiri muuqaal uu soo duubay oo ku baxay afka Cibraaniga.

“Taasi waxay la mid tahay aniga oo galaya Kaniisada oo akhrinaya Tawreed. Ceeb ha ku noqoto Channel 13, waa in aad ka xishootaan in aad diinta islaamka u xaqirtaan sidaas oo kale” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dhaqdhaqaaqyo lagu caadiyeynayo xiriirka Israel.

Dhowr Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale dhaleeceeyay Tamari, iyaga oo ku sifeeyay “wax laga yaqyaqsado” waxayna ugu baaqeen Israa’iil inay ku wareejiso maamulka Sacuudiga.

Raali gelinta uu bixiyey Channel 13

Telefishinka Channel 13 ayaa sheegay inuu raali gelin ka bixinayo muuqaalka uu soo duubay Tamari haddii qof lagu ihaaneystay isagoo dhinaca kale difaacay warbixinta wariyahooda soo duubay.

“Booqashada tafatiraheena wararka adduunka Gil Tamari ee Makka waa guul saxafiyeed oo muhiim ah, taas oo aan loola jeedin in lagu xumeeyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Channel 13.

“Waan ka cudur daaraneynaa haddii qof la dhibay, balse waxaan caddeyneynaa in mabaadi’da saxaafaddu ay salka ku heyso in goob kasta la tago iyo in si toos ah loo diiwaan geliyo dhacdooyinka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Talaadadii, Tamari ayaa raaligelin kusoo gudbiyey baraha bulshada, isagoo sheegay in ujeedada muuqaalka ay tahay “si loo muujiyo muhiimadda Maka iyo quruxdeeda”.

Booqashadan ayaa daba socota safarkii ugu horreeyay ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isagoo madaxweyne ah xilli uu booqday Israa’iil iyo Sacuudiga, wuxuuna noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo si toos ah uga duulay Tel Aviv una socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Biden waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka shaqaynayo in uu “sii qoto dheereeyo oo uu ballaariyo” la dhaqanka Israel ee dalalka Carabta, kadib markii maamulka Donald Trump uu dhexdhexaadiyay heshiisyadii u dhexeeyey Israa’iil iyo afar waddan oo Carbeed oo kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko, oo xiriir sameystay.

Inkasta oo aanay Riyadh si rasmi ah u aqoonsanayn Israa’iil, haddana xiriirka labada dhinac waxa uu ahaa mid soo fiicnaanayo sannadihii u dambeeyay, dublamaasiyaddana waxa ay marar badan u dhacday si qarsoodi ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo iclaamiyay DAGAAL culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa iclaamiyey guluf weyn oo dowladda ay ku qaadeyso kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira.

Xamza oo hadalkan ku dhowaaqday isaga oo maanta shir-guddoomiyay kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xooggan oo dhammaystiran.

Waxa uu sheegay inay ujeeddadu tahay in la xajisto guulihii la gaaray, iyo in dib loo furo jidadka ay marayso sahayda, baabuurta ganacsiga iyo dadweynaha isku safraya.

Xamza ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka hortagaan ururada argagixisada, gaar ahaan Al-Shaab iyo Daacish oo sanadihii dambe falal argagixiso ka geysanyay dalka.

“Waxaa naga go’an in aan qaadno dagaal xoogan islamarkaana baahsan oo aanu kaga hortegayno Al-Shabaab, ISIS iyo ururada kale ee argagixisada anaga oo adeegsanayna hab milateri iyo habab aan milateri ahaynba,” ayuu yiri.

Xamza ayaa xusay in howl-galada wada-jirka ah ee ka dhanka argagixisada ay horseed u noqonayaan in dib loo furo waddooyinka muhiimka ah ee xiran iyo isku socodka dadka iyo ganacsiga.

“Sidaas darteed waxa aan jeclaan lahaa in aan hoosta ka xariiqo muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ka gaaray illaa hadda iyo in sidoo kalena la sii wado dardarta jirta, iyada oo la xoojinayo howl-gallada wada-jirka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maal-gelinta argagaxisada.

“Si aan u helno farsamo iyo awood aan kaga hortagno maal-galinta argagixisada iyo in aan xadidno helitaankooda lacagaha, si taas lamid ah dowladdana waxaa ka go’an in aan sare u qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qeybaha kala duwan ee dadweynahay oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaalada aan ugu jirno ciribtirka argagixisanimada.”

“Far kali ah fool ma dhaqdo, haddii aan nahay walaalaha Afrika waa in aan midayna dadaalkeena si wada-jir ah uga hortagno halistan aan dal kaliya ku koobnayn ee argagixisada.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Ruushka oo ku dhowaaqay isbeddel weyn oo ku yimid qorshihii dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta sheegay in howlgalka militari ee Moscow ee Ukraine uu dhaafsiisnaan doono gobolka Bari ee Donbas, taasi oo caddeyn u ah inuu ballaaranayo dagaalka.

Wareysi uu siiyey Wakaaladda Wararka RIA Novosti, ayuu Levrov ku sheegay in xaqiiqooyinka Juqraafi ay isbeddeleen tan iyo markii Ruushka iyo Ukraine ay wada-hadallo ku yeesheen Turkey dabayaaqadii March, kuwaasi oo aan miro-dhalin.

Xilligaas, waxa uu sheegay, in diiradda ay aheyd gobollada Jamhuuriyadaha isku magacaabay ee Donetsk iyo Luhansk ee Bariga Ukraine, kuwaasi oo Moscow ay sheegtay inay ka sifeyneyso ciidamada Ukraine. 

“Hadda xaqiiqada juqraafi waa ka duwan tahay sidaas, wayna ka fogtahay Jamhuuriyadaha DPR iyo LPR, waxaa sidoo kale ku jira gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia iyo tiro kale oo dhul ah,” ayuu yiri Levrov. 

“Hanaankan wuu socdaa, farsamo ahaan iyo joogteyn ahaan,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in Russia laga yaabo inay ku siqdo dhul kale oo baaxad leh oo ka mid ah Ukraine. 

“Haddii Reer Galbeedka ay sii wadaan caradooda, oo ay damcaan inay xaaladda sii xumeeyaan ayaga oo hub ku guraya Ukraine, taasi waxay ka dhigan tahay in howlgalka militari uu dhaafi doono xariiqda iminka.”

Levrov waxa uu wacad ku maray in Russia aysan u ogolaan doonin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ama cid kasta oo beddeshay inay dhulkeeda ama dhulka DPR ama LPR ku halis geliso gantaallada riddada dheer.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa ah shaqsigii ugu xilka sarreeyey ee si furan uga hadla qorshaha dhuleed ee Moscow ee duulaanka Ukraine, ku dhowaad shan bilood kadib markii Putin uu iclaamiyey dagaalka.

Putin wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu Ukraine ka sifeeyo Naaziyiinta kana dhigo mid militariga ka caagan, taasi oo Reer Galbeedka ay ku qeexeen mid loogu qiil dayayo dagaal is-ballaarin.

Kadib markii looga adkaaday isku daygii qabsasho ee caasimadda Kyiv, wasaaradda difaaca Ruushka waxay 25-kii March ku dhowaaqay inuu soo dhammaaday wejigii koowaad ee “howlgalka militari ee gaarka ah, ayna diiradda saari doontoo “ ku guuleysashada hadafka ugu weyn ee ah xoreynta Donbas.”

Afar bilood kadib waxay la wareegtay Luhansk oo ah mid ka mid ah labada gobol ee Donbas ka kooban yahay, balse aad ayey uga fogtahay qabsashada gobolka kale oo ah Donetsk.

Sababta keentay in la xiro Ilhaan Cumar iyo waxa ay ka dhigan tahay (Fallanqeyn)

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar iyo 16 xubnood oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee Washington ka hordhigayeen dibadbax lagu taageerayey xuquuqda ay haweenka u leeyihiin inay ilmaha iska soo ridaan.

Aqoonyahan Maxamed Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada, deganna dalka Mareykanka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Xildhibaanada ay kamid tahay Ilhaan ee la xiray ay ka hor-yimaadeen digniinaha Booliska, kadib markii ay xireen isu-socodka baabuurta ee waddo muhiim ah.

“Booliska ayaa u sheegay oo dhowr mar ayaa loo digay oo la dhahay wadada ha xirina, wadadii ayaa xirmatay oo sidaas ayaa markii dambena wadada looga leexinayay, wax weyn ma aheyn,” ayuu yiri Aqoonyahan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ilhaan iyo Xildhibaanada kale ee mudaharaadka dhigayay ay kasoo horjeedaan go’aanka maxkamadda ee ay dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.

“Maxkamadda doodeeda marka fiiriso waxay ku saleysneyd waxan markii horeba kuma jirin Dastuurka dib ha loogu celiyo State-yada, oo ayaga ha ka gaaran go’aan. Midaas ayuu buuq badan ka dhashay iyo mudaharaadyo badan.”

Si kastaba, Dibadbaxa ayaa yimid saddex toddobaad kadib markii Maxkamadda Sare ay gaartay go’aan lagu baabi’iyey xukunkii 1973-kii ee taariikhiga ahaa ee loogu magac daray Roe v. Wade, kaasi oo haweenka u damaanad qaadayey inay ilmaha iska soo ridi karaan.

“Maanta waxaa la i xiray aniga oo saaxiibadeeda kale ee Congress-ka kala ka qeyb-qaadanaya gadood shacab oo aan kahor dhignay Maxkamadda Sare,” ayey Ilhan oo laga soo doorto Minnesota ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa wax kasta oo awooddeeda ah si aan u kiciyo dareenka ku aadan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayey tiri Ilhan.

Muuqaallo laga soo duubay dibad-baxa ayaa sidoo kale muujiyey Ilhan iyo Alexandria Ocasio-Cortez oo lasii wado balse aan la jeebayn.

Ilhan Omar iyo xildhibaanada kale ayaa markii dambe lasii daayey.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii maanta + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaaladaasi oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee ka howlgala magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qudaarta ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan 2 qof oo uu mid ka mid ah askari yahay ayaa ku dhintay qaraxaas, halka qofka kale uu ahaa shacab, sidoo kale waxa ay dhaawacyo ay soo gaareen saddex kale oo labo ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada, halka ruuxa saddexaadna uu yahay shacab.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyeen meesha ay wax ka dhaceen, mana jiro wax hadal oo kasoo baxay.

Sidoo kale qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, waxaana muddo kooban la xiray goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamadaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiraan faah-faahin ay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay.

Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysta xoogaga hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Muxuu Mareykanka ka yiri heshiiska Somalia iyo Kenya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay heshiiska cusub ee ay Jimcihii lasoo dhaafay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib wadahadallo ay madaxda labada dal ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweeynayaan heshiiskaasi.

Mareykanka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada ay qaadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta, taas oo lagu hagaajinayo xiriirka labada wadan.

“Waa wax lagu farxo warka sheegaya in wadamada Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xiriirkooda laba geesoodka ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Mareykanka ayaa saaxib dhow la ah labada dal ee Soomaaliya & Kenya waxayna ka caawisaa dhinac howlgallada milatari, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo heshiis ka kooban 11 qodob ay gaareen Muqdisho iyo Nairobi, waxaana ugu muhiimsan dib u fasaxida qaadka iyo fududeynta dal ku galka.

Si kastaba, arrimahaan oo idil ayaa ku beegmaya, xilli Soomaaliya uu ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib 15 May oo xilka madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis ka gaaray qodob xasaasi ah – Xog

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo dhigiisa dalka Kenya ayaa lasoo werinayaa inay Nairobi ku yeesheen wada-hadallo lagu hormarinaayo qaar ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kentta.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo bilaabo iskaashigii dhinaca amniga, Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Horay labad dal waxay isaga kaasha jireen la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, laakiin taasi waa istaagtay, maadaama mudadii uu xukunka joogay Farmaajo aan dagaal lagu qaadin Al-Shabaab.

Ilo ka tirsan hey’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in hoggaanka sirdoonada labada dal ay isku af-garteen qodobo dhowr ah oo u badan sida loo wajahayo dagaalka Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhaca xuduuda labada dal.

Xogta la bixiyey waxaa ku jirta in Mahad Salaad uu dhigiisa Kenya kala hadlay duqeymo ay in mudo ah ciidamada Kenya ka wadeen gobolka Gedo.

Duqeymahaas oo joogto ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaba lagama qaban, maadaama uu liitay xiriirka labada dal, shacabka Soomaaliyeed ee gobolkaas ayaa dhibaato xoog leh ku qabay duqeymaha diyaaradaha Kenya.

Dad iyo duunyo badan ayaa lagu laayey duqeymahaas, shacabka gobolka Gedo ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka dhowr jeer u gudbiyey cabasho ka dhan ah duqeymaha Kenya, balse hadda ka hor waxaba lagama qaban.

Inta badan duqeymaha waxaa lala beegsa jiray xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, arrintaan ayaa sidoo kale saameysay daqliga gudaha ee dowladda federaalka.

Shirkadaha qaar ayaa dowladda kula dooday sababta ay canshuur uga qaadeyso, hadii aysan kala hadli karin Kenya oo burburineysa hantidooda.

Sida aan xogta ku helnay qodobada uu Mahad Salaad sirdoonka Kenya kala hadlay waxaa ugu horeeya in la joojiyo duqeymaha Kenya ay ka geysato gudaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen, in hadii ay jirto duqeyn lama huraan ah oo lagu beegsanayo Al-Shabaab in lala soo wadaago dowladda Soomaaliya, si loo hubiyo badqabka shacabka iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

Kenya waxaa la sheegay in arrintaas ay ka aqbashay Mahad Salaad, wallow dhowr jeer oo hore balamo lala galay aysan fulin, hadii uu hir galo qodobkaan, faa’iido weyn ayey ku tilmaameen xubnaha xogtaan la socda.

Qodobkaan ayaa ka mid ahaa mowduucyadii ugu xasaasi-sanaa ee looga hadlay kulanka hoggaanka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna Soomaaliya u lahaa muhiimad gaar ah, sida uu noo xaqiijiyey sarkaalka nala wadaagay xogtaan.

Qodobka iskaashiga ammaanka ee labada dal oo ka mid ahaa heshiisyadii labada Madaxweyne ay dhawaan gaareen, wuxuu ahaa qodobkii ugu horeeyey ee toos loo guda galay fulintiisa, markii la eego 11-kii qodob ee labada dal ay ku heshiiyeen.

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay Gaduudow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) oo lagu helay dilka AUN Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, kaas  29-kii April ee sanadkan ka dhacay xerada Agoonta ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Marxuum Saciid Xasan Shiiqow ayaa xilligaas afur u soo raadsaday xerada agoonta Boliiska oo Raashin lagu qaybinayay, balse ku dhintay rasaas uu furay Maxamed Aadan Gaduudow oo ka mid ah ciidamada Xoogga, gaar ahaan Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

25-kii May ee sanadkan ayay eedeysanaha ciidamada amniga ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaasi ayuu garsoorka ciidamada Ogolaaday in Xabsiga Dhexe loo gudbiyo.

Sidoo kale baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishaan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Dhankiisa Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Ugu dambeyn maxkamadda oo fadhiya kala duwan ka yeelatay kiiskan ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) dil toogasho  oo ah Qisaasta Marxuumka, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin.

Si kastaba, xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan, sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Sri Lanka oo yeelatay madaxweyne cusub kadib markii uu cararay Gotabaya

Colombo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Sri Lanka ayaa madaxweyne cusub u doortay Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod.

Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dhismaha baarlamaanka xilliggii ay dhaceysay.

Howlaha horyaalla Ranil Wickremesinghe waxaa kamid ah in uu hoggaamiyo dalkan uu saameeyay dhaqaale xumida iyo in uu soo celiyo xasiloonida kadib dibadabaxyada ballaaran ee saameeyay Sri Lanka.

Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka toddobaadkii lasoo dhaafay.

Weriyeyaasha ayaa kusoo warrameysaa in doorashada Ranil Wickremesinghe ay dibadbaxyo hor leh ka dhaliyaaan magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Sri Lanka muddo bilooyin ah waxay la daala dhaceysay koronto xumo iyo gabaabsiga waxyaabaha aasaasiga ah sida shidaalka, cuntada iyo daawada.

Maxaa hortaagan in la magacaabo golaha wasiirada maamulka HirShabeelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey oo ka mid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag uga hadlay sababta illaa iyo hadda uu madaxweyne Cali Guudlaawe usoo magacaabi la’yahay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sharmaarke Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in ay weli jirto tabashada reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in ay caqabad ku tahay maamulka iyo sidoo kale dhisida golaha wasiirada, isaga oo sheegay inay weli sii shaqeynayaan wasiiradii xilligii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, arrintaas oo uu ku tilmaamay dib u dhac aad u weyn.

“Tabashadii weli way taagan tahay oo wax uu madaxweynaha ka xalliyey ma jiraan. Golaha wasiirada sii wada waa golihii hore ee xilligii madaxweynihii ka horreeyey isaga, sababta loogu dhiiran la’yahay in dowlad goboleedka HirShabelle wasiiro yeesho waxaan filayaa inay tahay arrin dib u dhac ah,” ayuu yiri Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa baaq u diray madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadiii uu horey ugu sameeyey reer Beledweyne.

“Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle waxaan leeyahay ku laabo oo qanci bulshada aad sadkeeda ka sidato ee aadan af iyo adin toona aadan ku qancinin” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa dhanka kale weerarka afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Mudane Yuusuf Dabageed, wuxuuna ku eedeeyey inuu ka gaabiyey waajibaadkii loo igmaday, gaar ahaan mas’uuliyadda ka saarneyd bulshada uu metalo.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalado adag oo is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab, abaaro iyo khilaafaad soo noq-noqday oo hareeyey maamulkaasi.

Puntland oo xubno Shabaab ah ku qabatay BOOSAASO

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, kaasi oo lagu xaqiijinayey ammaanka magaaladaasi.

Howlgalladaan ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qab-qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ma shaacin tirada & magacyada saraakiisha lasoo qabtay, balse waxa ay sheegtay inay heysay magacyadooda, isla-markaana ay ku raad-joogeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale xubnaha lasoo qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dhibaatooyin amni darro ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada ammaanka, kuna gacansiiyey raggaasi ka tirsan Al-Shabaab.

“Waxa ay ahaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo muddo la raadinayay qaarkood magacyadooda ayaan sii heynay, waa ay mahadsan yihiin dadkii nala shaqeeyay, waana sii beegsan doonaa kuwa dhibaateeya Shacabka,” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadal Puntland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maxkamadda ciidamada maamulkaas kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxdaas oo lasoo qabtay, isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Ilhaan Cumar oo la xiray

Washington (Caasimada Online) – Ilhan Omar iyo 16 xubnood oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee Washington ka hordhigayeen dibadbax lagu taageerayey xuquuqda ay haweenka u leeyihiin inay ilmaha iska soo ridaan.

Booliska Capitol ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in dibad-baxayaasha ay xannibeen isu-socodka baabuurta ee waddo ku dhow Maxkamadda Sare, islamarkaana la siiyey saddex diginin kahor inta aan la xirin.

 “Waxaan sameynay 35 xiritaan oo la xiriira isu soobax, xannibaad ama arbushaad,” ayey booliska ku yiraahdeen qoraalkooda. “tiradaas waxaa ku jira 17 xubnood oo ka tirsan Congress-ka.”

Dibadbaxa ayaa yimid saddex toddobaad kadib markii Maxkamadda Sare ay gaartay go’aan lagu baabi’iyey xukunkii 1973-kii ee taariikhiga ahaa ee loogu magac daray Roe v. Wade, kaasi oo haweenka u damaanad qaadayey inay ilmaha iska soo ridi karaan.

“Maanta waxaa la i xiray aniga oo saaxiibadeeda kale ee Congress-ka kala ka qeyb-qaadanaya gadood shacab oo aan kahor dhignay Maxkamadda Sare,” ayey Ilhan oo laga soo doorto Minnesota ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa wax kasta oo awooddeeda ah si aan u kiciyo dareenka ku aadan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayey tiri Ilhan.

Xildhibaan Carolyn Maloney oo laga soo doorto New York oo sidoo kale la xiray ayaa soo saartay bayaan ay ku tiri “Ma jirto dimoqraadiyad haddii haweenka aysan maamuli karin jirkooda iyo go’aanada ku saabsan caafimaadkooda, oo ay ku jirto daryeelka taranka.”

“Xisbiga Jamhuuriga iyo xagjiriinta garabka midig ee ka dambeeya go’aankan ma ahan kuwa taageera nolosha, balse waa kuwa taageera in la maamulo haweenka jirkooda, gabdhaha iyo qof kasta oo uur yeesha.”

Muuqaallo laga soo duubay dibad-baxa ayaa sidoo kale muujiyey Ilhan iyo Alexandria Ocasio-Cortez oo lasii wado balse aan la jeebayn.

Ilhan Omar iyo xildhibaanada kale ayaa markii dambe lasii daayey.