25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Immisa duqeymood ayuu Trump ka fuliyey Soomaaliya?

0

Washintong (Caasimada Online) – Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush.

Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey.

Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times.

Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood.

Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi.

Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah.

Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay.

Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020.

Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya.

Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda.

Xubno Shabaab ahaa oo howl-gal lagu laayey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howl-gal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mdi qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Gamboole oo hoostaga magaalada ee caasimada HirShabelle, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka qeybta 16-aad oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi lu dilay ku dhowaad ka tirsanaa dagaalyahanada Shabaab.

Sidoo kal saraakiisha ayaa intaasi sii raaciyey inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ oo war kasoo saartay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa qoraal ay soo saratay ku xaqiijisay inay mar kale dhageysan doonto dacwadda kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, bishan March.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay billaaban doonto 3:00 pm 15-ka March 2021, ayna ka dhici doonto xarunta Peace Palace oo ah fadhigga Maxkamadda ee magaalada Hague ee dalka Neterhalnds.

“Ayada oo la eegayo xaaladda cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, dhageysiga ayaa wuxuu u dhiic doona qaab online ah. Qaar ka mid ah xubnaha Maxkamadda ayaa dhageysiga uga qeyb gali doona xarunta, halka qaar kalena ay muuqaal ahaan kusoo geli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in wakiilada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysiga uga qeyb-gali karaan hab goobjoog ama muuqaal ah.

Waxay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in diblomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay sidoo kale kala socon karaan dhageysiga kiiskan website-ka Maxkamadda, iyo midka UN Web TV.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dhowaan ku gacan seertay codsi ay dowladda Kenya ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.

Sawirro: Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo soo dhamaaday iyo Rooble oo magacaabay laba guddi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw lasoo gabagabeeyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay mas’uuliyiintii ka socotay dowladda federaalka ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo sida la sheegay ku soo dhamaaday is faham.

Rooble ayaa kadib shirka magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay.

“Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo,” ayuu yiri Rooble.

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;

1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa la dilay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka xerada Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Jamaal Faarax Aadan oo ahaa weriye si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka howlgeli jiray waraabahinta Daljir.

Kooxdii dishay Weriye Jamaal ayaa durba goobta ka baxsatay, waxaana caawa xaafadaha ka agdhow goobtii lagu dilay ka socdo howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray dilka kadib.

Weli ma jirto cid sheegatay dilka weriyahaan, sidoo kale kama hadlin hey’adaha amaanka Puntland.

Madaxweynihii hore ee France oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa maanta lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa.

Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi.

Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, ayada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray.

Xukunkan ayaa ah jahwareerkii ugu dambeeyey ee xirfadda siyaasadeed ee qasan ee 66 jirkan, oo soo xukumay France intii u dhaxeysay 2007 illaa 2012, welina ah mid ay jecel yihiin taageerayaasha siyaasadda midigta.

Dambi ku helistan ayaa waxyeelo weyn ku ah soo laabasho kasta oo siyaasadeed oo laga yaabo in Sarkozy uu sameyn lahaa, inkasta oo uu beeniyey inuu damac kale ka leeyahay siyaasadda.

Kahor Sarkozy, kaliya hal madaxweyne oo kale, oo ahaa macallinkii siyaasadda ee Sarkozy, madaxweyne Jacques Chirac ayaa la maxkamadeeyey markii uu xafiiska ka tegay, hase yeeshee waa looga cudur daaray inuu maxkamaddiisa musuq-maasuqa ka qeyb galo 2011-kii sabatoo ah wuu xanuunsanaa.

Sarkozy ayaa lagu eedeeyey inuu u yaboohay garsoore inuu ka caawinayo inuu shaqo sare ka helo Monaco, taa beddelkeedna uu ka caawiyo in la joojiyo baaritaan lagu helay ololihiisa doorashada.

Madaxweynihii hore ayaa maxkamadda u sheegay “inuusan marnaba gaysan ficil musuq-maasuq ah, haba yaraatee.”

AFP

Duqa Muqdisho oo amar culus kusoo rogay ganacsatada Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis.

kulankan oo ahaa mid xasaasi ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud,  Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir.

Muhiimadda kulanka wuxuu ahaa sidii dadka looga wacyi galin lahaa xanuunka Covid19, wuxuuna duqa Muqdisho amar ku bixiyo in qof walba xirto (af-xir) ama Mask, si ay ugu noqoto badbaado ugu yaraan.

War-saxaafadeedka kasoo baxa Duqa Muqdisho waxaa akhriyay agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish, waxaana la faray Goobaha Ganacsiga, sida Dukaamada, Maqaayadaha, Carwooyinka Bangiyada, xafiisyada bixiya adeegyada in aysan u ogolan qof aan heysan afxirasho in uu ka dukaameysto goobtooda Ganacsi.

Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.

XOG: Deyn lagu leeyahay DF oo keentay inay hakato shaqadii garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hakad ku yimid saacado kadib markii ay shaqo joojin sameysay shirkadda qaabilsan baaritaanka boorsooyinka rakaabka.

Shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ayaa sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. 

Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha. 

Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan. 

Mid ka mid ah dadka ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport saaka ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarkiisa muddo saddex saacadood ah. 

Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha. 

Xog: Ujeeddo kale oo ku dhex jirta shirka Midowga Musharaxiinta iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta uu shir uga bilowday Hotel Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ra’iisul wasaare Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo uu shirka goob joog yahay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi.

Ilo ku dhaw shirka ayaa sheegaya inay jirto ujeeddo kale oo ku dhex qarsan shirkan la sheegay in looga hadlayo arrimaha ku saabsan doorashada iyo adkeynta heshiiskii la gaaray Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka aan heleyno waxey sheegayaan in kulankaan lagu dhameynayo mad-madowga ku kala dhex jiray labada shaqsi ee iska badalay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Kheyre sanadkii lasoo dhaafay bartamahiisii ayaa si aan dastuurka waafaqsaneyn looga tuuray kursiga, sidoo kalana waxaa la inkiray warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha xilka sii hayaha hadda, isagoo ka codsanaya inuu sida dastuurka qabo xilka ku wareejiyo.

Mahdi Guuleed oo markaas sifo aan sharci aheyn loogu magacaabay inuu noqdo sii haye ayaa xilka ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la aaminsan yahay in madasha maanta si gaar ah arintaas loogu dhameyn doono.

Xasan Cali Kheyre oo aan kulankii Khamiistii kasoo qeyb galin, ayaa maanta soo xaadiray Decale, ujeedada ku dhex qarsoon shirka midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaana lagu sheegay in labada masuul la is hor fariisin doono si loo dhameeyo mad-madowga ku kala dhex jira.

Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo furmay iyo wajiyo ku cusub maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel-ka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa ka bilowday shirkii sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta, iyadoo ay jiraan wajiyo cusub oo ka maqnaa shirkii khamiistii dhacay.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaan ku casuumay midowga musharaxiinta iyadoo laga wada hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay Midowga uga qeyb gali lahaayeen shirka ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Shirka waxaa goob joog ah ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulankii Khamiistii ka maqnaa, markii ugu horreysay ayey is hor fariisan doonaan isaga iyo ra’iisul wasaarahii xilka ka badalay Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka sidoo kale waxaa jooga madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi (Guudlaawe) iyo sidoo kale madaxweynahii hore maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan oo kulankii hore ka maqnaa.

Sida la filayo shirkaan waxaa xigi doona in sii hayaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble uu codsi u diri doono madaxda maamul goboleedyada si la isugu yimaado shir ay korjoogto ka noqoto beesha caalamka isla markaana dhinacyada kala duwan ka qeyb galaan.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu hadda u muuqdaa mid qaadanaya doorkiisii ka gudbinta marxaladda kala guurka ee wadanka.

Musharaxiinta Mucaaradka oo hal arrin ku diiday R/W Rooble kahor shirka maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maanta uu qabsoomo shir ay yeelan doonaan sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta madaxweynaha.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, Maxamed Xuseen Rooble wuxuu markii hore dalbaday in kulankaan uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, balse waa lagu gacan seyray, taasna waxey keentay in shirka loo wareejiyo hotel Decale.

Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa mid kaalintiisii qaadanaya, kulankii uu la yeeshay Beesha Caalamka kadib, waxaa la filayaa inuu isugu yeero madaxda maamul goboleedyada si loo amba-qaado dhabbaha lagu gaari karo heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Beesha Caalamka waxey soo jeedisay in ilaa bartamaha bishaan la helo jadwal doorasho oo loo dhan yahay, la meel mariyo heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu lifaaqaayo isfahamkii guddiyada farsamada dhinacyada ee ku shiray Baydhaba.

Si kastaba waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban doorashada dalka, waxaana jira shuruudo badan oo ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaldn, sidoo kalana midowga musharaxiinta.

Dhamaan shuruudahaas waa ku adag oo si weyn uga soo horjeeda sii hayaha xilka madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo aan la fileynin inuu shirka soo aadan qeyb ka noqdo.

Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka 2021-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka, wadada-hadallada socda iyo heshiiskii dhex-maray xukuumadda iyo xubnaha midowga musharraxiinta.

Ugu horreyn guddiga ayaa soo dhoweeyey heshiiska labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda xalka looga gaarayo doorashooyinka.

“Guddigu wuxuu soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu guddigu shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee looga gudbi karo marxaladda adag uu yahay fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar ee sanadkii hore.

“Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa markale lagu yiri qoraalka guddiga.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale loogu mahadceliyey wakiilada beesha caalamka oo dadaal badan ku bixinaya xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ugu baaqay dhinacyada is haya inay isugu yimaad shir deg-deg ah, si xal mideysan loo gaaro, wuxuuna guddigu intaasi sii raaciyey in xaaladda adag ee uu dalka ku jiro looga samata bixin karo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiir Fowsiya Abiikar oo soo jeedisay in mar kale dalka xayiraad lagu soo rogo

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag e uu dalka ku jiro, gaar ahaan soo labo-kacleynta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Wasiir Fowsiya ayaa shaaca ka qaaday in haatan cudura uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo.

Sidoo kale waxa ay soo jeedisay in xiyaaraad lagu soo rogo dalka oo dhan, si loo xakameeyo fidista cudurkan oo fara ba’an ku hayo Soomaaliya.

“Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno,” ayey tiri wasiirka caafimaadka.

Fowsiya Abiikar Nuur oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sanadkii hore xakameynta cudurka ay kaalin mugleh ka qaadatay xayiraadii lasoo rogay.

“Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka,” ayey sii raacisay wasiir Fowsiya.

Dowladda federaalka ah ayaa haatan ka fakireysa go’aankan, sida ay horey u shaacinay Shabakadda Caasimada Online.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, gaar ahaan Covid-19 iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Rooble oo mar kale maanta la kulmayo musharraxiinta mucaaradka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga muysharraxiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sii amba qaadida wada-hadallada xukuumadda iyo mucaaradka oo 25-kii bishan heshiis horudhac ah ku gaaray hotelka Decale ee garoonka Aadan Cadde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay si gaar ah labada dhinac uga arrinsanayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan doorashada 2021-ka, gaar ahaan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaa arrintaasi.

Sidoo kale xukuumadda & musharraxiinta ayaa isla soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin banaan-baxa ay abaabulayaan mucaaradka oo lagu ballamay in la qabto 10 cisho gudahood, iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kulankan xogta ay uruuriyeen xubnaha guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray dhacadaadi 19-kii Febaraayo , 2021-ka.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada doodi doonaan kaalinta ay Midowga Musharraxiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dhowaan ka billowdaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, xilli dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay boggaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho.

Laba arrin oo laga faa’iday heshiiskii mucaaradka iyo xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay todobaadkaan magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax weyn ka beddelay jawigii siyaasadda dalka.

Inkasta oo heshiiskan yahay un mid muddo kooban soconaya, lagana yaabo inuu isbeddelo, haddana waxaa durba laga helay laba faa’iido oo hadda la dareemaya, kuwaas oo kala ah:

  1. 1- In ay dagtay xaaladdii aadka u kacesaneyn magaalada Muqdiaho, oo mar gaartay heer shacabku ay aaminaan in dagaal culus oo magaalada ka qarxi karo.
  2. 2- In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble awood u sheegtay hogaaminta howlaha doorashada Soomaaliya oo uu markii hore ku lahaa door aad u yar, ayna suurta gal inuu xal buuxa u helo is-mari waaga doorashada.

Rooble oo aad loogu cadaadiyay in hoggaanka u qabto doorashada Soomaaliya si loo xaliyo tabashooyinka jira islamarkaana looga gudbo xiliga kala guurka ah, waxaana muuqato taladaas uu qaatay. 

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Farmaajo uusan qeyb ka noqon karin fulinta doorashada dalka, maadaama uu yahay musharax, islamarkaana uu muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana suurta-gal ah inay helaan rabitaankooda.

Mucaaradka, maamulada Puntland iyo Jubaland iyo dhinacyo kale ayaa la rumeysan yahay inaysan dhib ku qabin haddii uu howlaha fulinta doorashada Maxamed Xuseen Rooble kala wareego Farmaajo.

Cali Wajiis: “Farmaajo waa lagu dambaabayaa” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed, isla markaana aad u taageera madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in umadda Soomaaiyeed uu u balan qaadayo hadii dib loo doorto Farmaajo in dalku uu barwaaqo gelayo.

Muuqaal la duubay xilli Sheekh Cali Wajiis uu qadka internetka kula hadlaayey culumo kale ayaa waxuu ku sheegayaa in Farmaajo uusan aheyn kaligi-taliye ama tuug xoolo dadweyne raba toona, balse uu yahay nin qalbi wanaagsan oo lagu dambaabayo hadii wax laga sheego.

Sidoo kale Sheekh Cali intii uu hadlaayey waxa uu soo hadal qaaday shirka ay qabsoomidiisa caqabada weyn ka taagantahay ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo culumada kale ugu bishaareeyey in shirkaas uu qabsoomi doono dhawaan, iyadoo la isku calool fiyowyahay.

“Culumada waxaan idinkugu bishaareynaa Insha Allah shirka Muqdisho waa qabsoomi doonaa, labaada maamul goboleedna waa imaa doonaan, musharaxiinta kalena madaxa ayaa loo salaaxi doonaa oo shirka waa imaanayaan ama iyagoo qanacsan ayaa la qaban doonaa, doorashadana waa la aadayaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Isagoo sii hadlaayey waxa uu sheegay in hadii uu afarta sano ee soo socota Farmaajo madaxweyne ka noqdo Soomaaliya uu shakhsiyan damaanad qaadayo in dalku barwaaqo gelayo.

“Madaxweyne Farmaajo hadii uu noo soo laabto Soomaaliya afarta sano ee soo socota waxay gaareen horumar aan caadi aheyn, anigaa idiin damaanad qaadaya Soomaaliyey, cabsida badana iska dhaafa, Farmaajo kaligi taliye maaha, nin xoolo islaameed raba maaha, nin qof inuu dulmiyo raba maaha, hal qof siyaasad uma xirra,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxuu sheegay in isagu uusan ka dambeyn, balse uu madaxweyne Farmaajo mag iyo xaal-marin ka bixiyey wixii dhacay.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur wixii lagu sameeyey oo isagu uusan shaqa ku laheyn, Sabeyn (Lax) ayuu ka xiray, magtii ayuu dhiibay, odayaashii ayuu u yeeray, raali gelin ayuu ka bixiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis waxa uu yiri, “Farmaajo waa lagu dambaabayaa, hadii uu noo soo laabto waa kheyr oo waa tii la rabay, hadii mid kale yimaadana, waa uu la shaqey doonaa oo cabsi lagama qaboo xilka aa uu ku wareeji doonaa, waxa la buun-buuninayana waxaba kama jiraan.”

Hoos ka Daawo muuqaalka Sheekh Cali Wajiis

Taliska ciidanka Asluubta oo bishaan lacag ka jaraya ciidamada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu amar ku bixiyay in bilaha soo socdo lacag laga jaro ciidanka iyo saraakiisha Asluubta. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in taliyaha uu amray lacag u dhaxeysa 20 ilaa 150 dollar, waxayna u kala lacag badnaan doonaan sida ay u kala darajo sareeyaan. Dablaha ama askariga caadiga ah ayaa laga qaadayaa 20 doollar halka Sarkaalka ah Gaashaanle sare laga rabo 150 dollar. 

Lacagtaan ayaa lagu sheegay in gaadiid dagaal loogu iibin doono ciidanka Asluubta oo sida la sheegay gaadiid dagaal helin sanadihii ugu dambeeyay ee soo kabashada ciidanka. Taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiisha u sheegay in dowladda aysan heli karin lacag gaadiid loogu iibiyo Asluubta, sidaas darteedna ay qasab tahay in lacag laga jaro. 

Ciidanka Asluubta iyo saraakiishooda ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ka go’i karin lacagtaas islamarkaana u baahan yihiin in arintaan wax laga qabto iyagoo baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya. 

Taliska ciidanka Asluubta wali arintaan kama hadlin, sidoo kale madaxda dowladda iyo qeybaha kale maaliyada dalka ayaa wali arintaan ka hadlin. 

Odowaa iyo taliyaha Amisom oo gaaray Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo dhoweeyey.

Wafdiga oo uu horkayop General Odowaan ayaa waxaa garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey saraakiilka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo midka AMISOM ayaa kulamo ka bilaabi doono Hiiraan, kuwaas oo looga hadlayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi.

Sidoo kale taliye Odowaa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda saree HirShabelle madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo ku sugan Beledweyne.

Qorshaha Odowaa ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah booqasho & kormeer uu ku tegi doono xarumaha ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolkaasi.

Horey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa booqasho ugu tegay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

DF oo war kasoo saartay weerarkii Xuutiyiinta ay ku qaadeen Sucuddiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Axadii kooxda Xuutiyiinta ee ka dalaamaha wadanka Yemen ku qaadeen magaalooyin ka tirsan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu mid rgagixiso ah.

Sidoo kale qoraalkan ayey dowladda Soomaaliya ku sheegtay in weerarka kooxda Xuutiyiinta Yemen uu adgudub ku ah sharciga caalamiga ah & kan bani’aadamnimada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaatay in weerarkan uu carqaladeynayo  dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in xal waara loogu gaaro colaadada sanadaha badan ka taagan wadanka carbeed ee Yemen.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka dadkeeda.

Uganda oo askar horleh u soo direysa Soomaaliya

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Ugnada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo horleh oo ka mid noqonayo howl-galkada AMISOM ay u soo direyso gudaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda oo lagu magacaabo, Janaraal Yusuf Bilal Katamba ayaa sheegay ciidamadan ay gaarayaan illaa 1,000 askari, wuxuuna sheegay in la filayay in ay  Somalia soo gaaraan bishii April ee sanadkii 2020, balse uu dib u dhigay Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartan ay bedali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, islamarkaana Soomaaliya ku sugnaa muddo hal sano ah.

Katamba ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar bil ah, kadibna ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Kunka askari ee ay haatan soo direyso dowladda dalka Ugand ayaa ah qaybta 31-aad ee ciidamada Difaaca UPDF, waxayna ka qeyb-qaadan doonaa howl-gallada AMISOM.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo lagu qiyaaso illaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaata howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.