26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyey is-mari waaga ka taagan shirka Dhuusamareeb 4

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb naga soo gaaray ayaa sheegaya in weli shirka uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, ayada oo saacaddu ay is-bedeshay lana galay Sabti, sababtuna ay tahay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo madaxweyne Farmaajo ee salka ku haysa gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo maanta xilli hore go’aansaday inuu shirka isaga tago, islamarkaana isugu yeeeray warbaahinta si uu ugu sheego inuu shirka fashilmay, ayaa waxaa cadaadis saartay beesha caalamka, kana dhaadhicisay inuu shirkaas jaraa’id baajiyo si xaaladda aysan faraha uga bixin.

Si kastaba, illaa hadda shirka dib uma billaabmin, waxaana madasha shirka ka maqan Axmed Madoobe oo la isku dayayo in lagu qanciyo inuu kusoo laabto.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo isla socda ayaa goordhow ku soo biiray shirka, waxaana shirka horay u fadhiyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Saciid Deni iyo Axmed Qoor Qoor ay u kala dab qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana Qoor Qoor iyo Saciid Deni kulan saacado badan qaatay la soo qaateen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo haddana la kulansan xubnaha kale ee shirka, gaar ahaan madaxweynee Farmaajo.

Illaa hadda ma muuqato in dhinacna uu tanaasul sameynayo, marka ay noqoto Axmed Madoobe iyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaan wax kulan ah yeelanin 24-tii saac ee ugu danbeysay, tan iyo markii madaxweyne Farmaajo uu diiday laba qodob oo lasoo jeediyey in lagu xaliyo arrinta gobolka Gedo, oo aheyd in guddiga doorashada Jubaland ay qabtaan doorashada Garbahaarey, iyo in halkaas la geeyo ciidanka Amisom si ay amnigooda u sugaan. 

Qodobka ugu darran ee la isku hayo ayaa ah in madaxweyne Farmaajo ka tanaasuli waayey inuu ogolaado in Axmed Madoobe maamulo doorashada gobolka Gedo ka dhaceysa gaar ahaan Garbahaarey, sidoo kale ciidamada dowladda halkaas laga soo saaro.

Dhinaca kale, Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu berri damacsan yahay inuu Muqdisho dib ugu soo laabto, si uu Baarlamaanka khudbad ugu jeediyo, waxaana jira olole la doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo, ololahaas oo ka socda Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa isku dayeysa inay ka hor-tagto muddo kordhin waxayna toos ula hadashay guddoomiye Mursal, ugana digtay arrintan, balse ma cadda waxa berri dhacay. 

SHIRKA Dhuusamareeb oo lagu kala booday – Xog

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in lagu kala booday shirka Dhuusamareeb, ee u socday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madax goboleedyada.

Xog aan shirka ka helnay ayaa sheegeysa in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey uu yahay arrinta gobolka Gedo, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasuli waayey in maamulka doorashada gobolkaas uu u daayo Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in goor dhow uu qabto shir jaraa’id oo uu ku faah-faahinayo sida ay wax u dhaceen iyo waxa la isku fahmi waayey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.

Madaxtooyada Jubaland ayaa qoraalka kooban oo ay soo saartay ku tiri “Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb.”

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kasoo tago magaalada Dhuusamareeb, kuna soo laabto Muqdisho, isaga oo ballansaday kulan uu berri kula hadli doono xildhibaanada labada aqal.

Xog: Axmed Madoobe oo dalab cusub la yimid iyo wararkii u dambeeyey shirka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno shirka Dhuusamareeb waxay sheegayaan in caawa fiidkii hore uu kulan gaar ah u bilaawday madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii dalab cusub uu ka yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dalabkan ayaa la xariira arrinta gobolka Gedo oo maanta dhinacyadu isla garteen in lagu xaliyo laba qodob oo kala ah:

1- In Ciidamo Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey, oo ah magaalada labaad ee Jubaland ee doorashada ay ka dhaceyso, si labada dhinacba aysan awoodda doorashada u yeelan.

2- In Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, si doorashada ay halkaas uga qabtaan, ayadoo amnigooda ay sugayso AMISOM.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, ayaa maanta arrinta Gedo si gaar ah loogu xil saaray, si ay xal buuxa uga gaaraan khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland ee gobolkaas.

Iyadoo xal u helidda arrinta gobolka Gedo intaas looga gudbay ayey madaxdu kala aadeen waqti nasiino ah, balse daqiiqado kadib waxaa soo hadlay Axmed Madoobe, oo waxba kama jiraan ka soo qaaday heshiiskii hordhaca ahaa ee laga gaaray arrinta Gedo oo ah khilaafka ugu weyn ee doorashada Soomaaliya ay wajaheyso xilligan.

Ilo aad ugu dhow shirka ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe diidmadan cusub ku saleeyey in mar dambe uusan dooneyn in si fudud looga hoos bixiyo arrinta gobolka Gedo, isla markaana loo sameeyo balan qaad aysan waxaba ka soo naasa cadaaheyn.

Intaas kadib waxaa shir gaar ah arrinta Gedo ka yeeshay Madaxweyne Farmaajo, RW Rooble iyo madaxweyne Saciid Deni, waxayna kulankan ku gorfeynayaan sidii loo qanci lahaa madaxweynaha Jubbaland, oo mar kale saluugay xalkii la isu sheegay maanta.

Xog: Kulankii madaxweyne Farmaajo ugu yeeray BF ee berri oo 2 sabab u baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii Madaxweynaha Soomaaliya Iclaamiyay ee 5-ta bisha oo ku beegan berri, kaas oo ay isugu imaan lahaayeen labada gole ee baarlamanka Soomaaliya si khudbad ugu jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in shirkii Jimcaha u dhacay Sabtida. 

Kulankaan ayaa waxaa dib loogu dhigay laba qodob oo kala ah. 

1- In madaxweynaha wali uu kasoo dhamaan shirkii Dhuusamareeb oo qaatay waqti dheeraad ah iyo,

2- In berri tahay maalin fasax ama nasiino maadaama inta badan Jimcaha bulshada Soomaaliyeed nastaan. 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay ka diideen in Jimco baarlamaanka la shiriyo maadaama ay maalintaas ka mid tahay maalmaha fasaxa baarlamaanka.

Maalinta Sabtida oo ku beegan 6-bishaan ayaa loo qorsheeyay in kulankaan deg dega ah dhaco, waxa uuna Madaxweynaha Soomaaliya ka hadli doonaa xaaladda dalka iyo heshiiska Dhuusamareeb haddii kahor shirkaas la gaaro. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha doonayey inuu kasoo tago Dhuusamareeb kadibna ku laabto marka uu la hadlo xildhibaanada, hase yeeshee ay beesha caalamka ku cadaadisay inuusan iman Muqdisho iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Si weyn ayaa loo dhowrayaa kulanka baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaana la aamisan yahay in uu Madaxweynaha uu faah faahin doono xaalada siyaasadeed ee dalka. 

Beesha caalamka oo shirka Dhuusamareeb uga digtay 3 arrin oo ‘aysan aqbali karin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen uga hadleen shirka wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, oo looga hadlayo muranka baahsan ee ka taagan hanaanka doorashada dalka.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay shirkaas, iyagoona ka digay inay kasoo baxaan wax ka bedelan hanaankii doorasho ee hore loogu heshiiyay ama geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegen in madaxda qeybta ka ah shirkaas ay muhiimad gaar ah siiyaan sidii ay uga qeyb qaadaan lahaayeen xal ka gaarista khilaafka doorashada, si loogu heshiiyo hirgelinta hanaan aan ka badalneyn midkii 17-kii September, balse meesha ka saaraya khilaafka taagan.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in dhamaan madaxda siyaasada ay mudnaanta koowaad siiyaan hirgelinta hab horey loogu socdo, meeshana ka saara dib u dhac dheeraad ah oo ku yimaada doorashooyinka.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah”.

Ugu dambeyntiina saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale usoo jeediyeen dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar-ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto. 

War-saxaafadeedkan ayaa waxa si wada-jir ah usoo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Daawo: Shariif oo wacad ku maray inaysan aqbali doonin arrin aad loo hadal hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa maanta si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirka wada-tashiga ah ee madaxda dowladda iyo kuwa maamulada uga socda Dhuusamareeb.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xiligan ay aheyd in doorashada madaxweynaha oo keliya ay harsan tahay, halka doorashooyinka kale ay qabsoomi lahaayeen, taasi oo uu ku tilmaamay nasiib darro.

Waxaa uu sheegay in Golaha midowga mucaaridka ay ka xun yihiin in aan heshiis rasmi ah laga gaarin arrimaha doorashooyinka, iyada oo uu dhamaaday waqtiga dowladda loo muddeyay.

Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale waxa uu wacad ku maray in marnaba aysan aqbali doonin muddo kororsi kasoo baxa shirka Dhuusamareeb, isagoona xusay in shirweynahaas lagu gaari karo oo keliya “heshiis siyaasadeed”, islamarkaana ay muhiim tahay in ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u yaalla dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim aheyd in shirka Dhuusamareeb ay qeyb ka noqdaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka sare & Ururada Bulshada rayidka, kuwaasi oo hadda dibad joog ka ah kulamada looga arrinsanayo muranka doorashooyinka dalka.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xili uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug uu ka socdo shirweyne u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalka oo uu qeyb ka yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana looga arrinsanayo is-mari-waaga doorashada, kaasi oo lagu wado in laga soo saaro go’aamo xal u noqda khilaafka.

Xog: Xiisadda Gedo oo loo helay xal laba qodob ah iyo wararkii u dambeeyey shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, ayaa heshiis horudhac ah looga gaaray arrinta gobolka Gedo oo xuddun u ah khilaafka ka dhashay doorashada dalka ee 2021-ka.

Madaxda dowladda federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobolla Banaadir ayaa is-faham bilow ah ka gaaray xiisada gobolka Gedo oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka taagneyd, waxyna heleen xal ay ku wada qanci karaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Dhinacyada ku shiraya Dhuusamareeb ayaa isla gartay laba qodob oo la rumeysan yahay inay xal u noqon karaa xiisadda Gedo, taasi oo dowladda federaalka iyo Jubaland ay wada aqbali karaa.

Arrinta Gedo ayaa waxaa xalkeeda loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, si ay xal buuxa uga gaaraan, waxayna soo jeediyaan in arrintan lagu xaliyo qodobada hoose.

1- In Ciidamo Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey, oo ah magaalada labaad ee Jubaland ee doorashada ay ka dhaceyso, si labada dhinacba aysan awoodda doorashada u yeelan.

2- In Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, si doorashada ay halkaas uga qabtaan, ayadoo amnigood ay sugayaan AMISOM.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale doonaya in maamulka gobolka Gedo ee Jubaland lagu celiyo Garbahaarey, gaar ahaan duqa magaalada, taasi oo meesha ka saareysa maamulka ay dowladda federaalka u sameysatay gobolkaas.

Xiisada gobolka Gedo ayaa u muuqata in xalkeeda la helay, waxaana la rumeysan yahay in haddii dalabka Axmed Madoobe ee Garbahaarey la aqbalo la saxiixan doono heshiiskan is-afagaradka ah.

DF Somalia oo Jeneral Xuud la mid dhigtay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenk aqeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka General Saalax Yacquub oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Beledweyne ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay magaaladaasi, kadib ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaadka taabacsan Genaral Abuukar Xuud.

Ugu horreyn ayaa tilmaamay in hadda uu socdo howl-gal ballaaran, islamarkaana ay khasaaraha dib ka shaacin doonaan.

General Saalax ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarka kaga yimid Genaraal Xuud oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle.

“Saaka 5:00 aroornimo waxaan ka war-helnay Daba-jeex iyo qoryaha AK47 iyo Sabano magaalada gudaheedii ka dhacayo, ciidamada qalabka sida dhammaan waa iska diyaarsanaayeen mar Alla markii aan meesha u dhaqaaqnayna, isla markii waa cararay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gallo ballaaran oo ka dhan jabhadda Genaraal Xuud, islamarkaana ay soo qaban doonaan.

“Hadda waa lagu daba-maqan yahay buuruuhuu galay, Insha Allah waa lasoo qaban doonaa, umaleyn maayo inuu sidaas ku bad-baadayo,” ayuu markale yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Waxaa nasiib darro ah in sarkaal uu sheegto oo weliba Janaraal ma’uuliyaddii ugu sarreysay ah oo canshuurtii shacabka wax lagu soo baray inuu maanta isaga oo cid la dagaameysa aysan jirin Saban iyo qoryaha BKM-ka ah uu guryahooda la dhaco ayaan darro weyn waaye,”

Ugu dambeyn taliye ku xigeenk aqeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Xuud iyo Al-Shabaab aysan waxba ku kala duwaneyn, isla markaana ay isku mowqif yihiin, ayna la dagaalami doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Wuxuu Shabaab kaga duwan yahay malaha ninkaasi, Al-Shabaab nabad-diidka ah iyo isaga waa isku mowqif, waayo haddaad wax diidan tahay Idaacadda ka hadal, qoraallo samey, dacwad samey, waxaad rabta sheeg,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo saaka maleeshiyaad taabacsan Genaraal Xuud ay weerar culus kusoo qaadeen ciidamada ammaanka Beledweyne, iyaga oo u jeedadoodu aheyd inay furtaan 6 qof oo ku xiran xerada Lamagalaay ee Beledweyne.

Wasiiro iyo xildhibaano shir isugu yimid magaalada Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Dhuusaamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa kulan ku yeeshay Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirkan oo u daarna xiisada colaadeed ee deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud aayaa waxa looga wada-hadlay sidii xal kama dambeys ah looga gaari dagaalada labo maleeshiyo beeleed oo maalmihii u dambeeyay si xiriir ah ugu dagaalamayay deegaankaas.

Sidoo kale waxa shirkan joogay xubno matalayay bulshada qeybaheed kala duwan, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo qeyb ka ahaa shirkaasi maanta ka qabsoomey magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaa shir noogu qabsoomay magaalada Dhusamreeb annaga  oo ka kooban Xildhibaanno, wasiirro, culimo iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan oo aan uga arinsanay dagaalka Xananbuuro. Waxaa ka soo baxay inaan u dhaqaaqno sidii loo hir galin lahaa xabad joojin shuruud la’aaan ah iyo ciidammo kala qaadis 24 gudahood,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Odowaa qoraal kooban oo ku baahiyey bartiisa Facebook.

Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in xabadu aysan xal aheyn, isagoo xoojinaya go’aanka kasoo baxay shirkaas ee labada beel lagu farayay inay xabad joojin deg-deg ah oo bilaa shuruud ah.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu maalmihii u dambeeyay soo laab-laabtay dagaal beeleedka ka dhaca deegaanka Xananbuuro, kaasi oo afar maalin oo xiriir ah ka socday deegaankaas, iyada oo uusan jirin war kasoo baxay madaxda maamulka.

Musharaxiinta mucaaradka oo soo saaray go’aan la xiriira 8-da Febraayo kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa markale war kasoo saaray shirka wada-tashiga ah ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, iyaga oo ku baaqay in laga qeyb-geliyo.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay musharraxiinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in golaha uu rajo wanaagsan ka qabo in shirka ay ka soo baxdo natiijo ay ku qanacsan yihiin inta shirka joogta, kuwa ka maqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale midowga musharraxiinta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka dowladda, gaar ahaan madaxweynaha oo uu watigiisu ku egyahay 8-Febraayo.

Qoraalka musharraxiinta ayaa waxa lagu sheegay in aysan aqbali doonin in dalka ay sii maamulaan shaqsiyaad iyo hay’addo uu dhammaaday waqtigooda Dastuuriga ah.

Golaha musharraxiinta ayaa shaaca ka qaaday in kaliya siddeeda Febraayo looga gudbi karo heshiis siyaasadeed oo wadar ogol ah, si looga hortegao qalalaase horleh.

Ugu dambeyn musharraxiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey amiga dalka,iyaga oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.

Gen. Xuud oo weerar culus ku qaaday Beledweyne iyo ujeedka oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xuubey oo ah afhayeenka jabhad uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ka soo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne.

Xuubey ayaa sheegay in ujeedka weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadkooda uu ahaa sidii ay ku soo furan lahaayeen illaa lix qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku xiran xabsiga nabad sugida xerada Lamagalaay ee ku taalla gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay inay dagaalka si deg-deg ah u joojiyeen, kadib baaq uga yimid odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi.

“Waxaan tixgalinay oo aan aqbalnay codsiyo deg deg ah oo inooga yimid Odayaasha dhaqanka gobolka oo ahaa inaan dagaalka joojino dibna ugu laabano fariisinkeena, iyagana aay ka shaqeynayaan sidii loo soo deyn lahaa dadka gardarada u xiran,” ayuu yiri.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Beledweyne iyo maamulka degmadaas oo ku aadan weerarka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Booliiska ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Maxay yihiin qodobada la isku mari la’yahay ee shirka ka socda Dhuusamareeb?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirka wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka 2021-ka.

Mr. Ciid oo la hadlay BBC-da ayaa marka hore shaaca ka qaaday in ay jiraan qodobo weli la’isku mari la’yahay, sida arrinta guddiga doorashooyinka iyo tan gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan kulamada ay sii socdaan, islamarkaana lagu guda-jiro sidii xal looga gaari lahaa qodobadaasi oo ka mid ah kuwa maranka dhaliyey.

“Qodobada qaar weli waa lagu wada jiraan oo ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga tataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa, markaa ilaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaasi u socdaa,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan in xal waara laga gaaro muranka ka taagan arrinta guddiga doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in hadda la’isaga soo dhowaanayo intii hore.

”Sida muuqata aad ayey isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada,” ayuu markale yiri.

Dhinaca kale Cali Daahir Ciid ayaa hoosta ka xariiqay in is-faham laga gaaray qodobka ku saabsan soo xulida xildhibaanada gobollada waqooyi, sida uu hadalka u dhigay.

“Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu weli sii socdo shirka Dhuusamareeb 4 oo loo doonayo in xal mideysan looga gaaro muranka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Video: Odowaa oo sheegay waxa dhacaya marka ay dhamaato mudada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, ahna mudane ka tirsan golaha shacabka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si kulul uga hadlay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo maraya xili gabaabsi ah, iyada oo weli xal rasmi ah laga gaarin muranka doorashada.

Odowaa ayaa sheegay inuusan jirin waqti u haray madaxweyne Farmaaj, isagoona hoosta ka xariiqay in marnaba la aqbaleyn in muddo xileedkiisa ka badan uu kusii jiro Villa Somalia.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Madaxtooyada aysan sii ahaan doonin Madaxtooyo haddii uu kusii jiro madaxweyne Farmaajo, oo xiligan uu muddo xileedkiisa ka hartay wax ka yar toddobaad.

“Madaxweynaha haddii waqtigiisi uu dhamaado, wax waqti ah oo u haray majiro aniga iyo madaxweynaha dad guryahooda jooga ayaa noqoneyna. Villa Somalia ayaa ruuxeeda isku badaleysa guri la dagan yahay, waxay Villa Somalia ku tahay waa waqtiga,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

Waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha uu xilkooda ku mudeysan yahay waqti, isla markaana ay noqonayaan dad shacab ah oo guryahooda jooga, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmo kooban ka hareen muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna weli socdaan dadaalo lagu xalinayo muranka doorashada, taasi oo uu bilow u yahay shirka wada-tashiga ah ee maanta ka furmay Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah guddoomiye degmooyinka G/Banaadir oo lacag kusoo rogay shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir Maxamed Cabdi Axmed, ayaa soo saaray amar lacag looga qaadayo dadka ku nool xaafadaha degmada, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Amarka guddoomiyaha ayaa dhigaya in qoys walba laga rabo lacag tobon doollar ($10), taas oo lagu sheegay hormarinta degmada, balse aan faah-faahin laga bixin, sida ku cad warqadda resiitka, oo ay heshay Caasimada Online.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Xamar Jajab ayaa Caasimada Online u  sheegay in qoysaska bixin waayo lacagtaas loogu hanjabayo in la xiri doono, islamarkaana qaarkood ganaaxyo lacageed la dul dhigi doono. 

Amarka guddoomiyaha ayey Caasimada Online ogaatay in uu yahay mid u gaar ah oo aan ka soo bixin maamulka gobalka Banaadir. 

Xubno ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka kale ayaa sheegay in aysan helin wax amar ah oo gobalka ka soo baxay, kaas oo tilmaamaya in guddoomiyaasha aruurin karaan lacag laga rabo dadweynaha, halka guddoomiye ku xigeenada Xamar Jajab sheegeen in uusan jirin amar gobalka ka soo baxay balse go’aankaan uu gaar yahay guddoomiyaha degmada. 

Caasimada Online kuma guuleysan in ay hesho guddoomiyaha degmada ee la eedeeyay, waxaase isku dayi doonaa inaa helno si aan u ogaano sababta lacagtan loogu soo rogay shacabka.

Hoos ka eeg warqadda, oo aan qarinay magaca qofka nala wadaagay iyo lambarka.

Weerar lala damacsanaa safaaradda Imaaraadka ee ITOOBIYA oo la fashiliyey

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan illaa 15 qof oo ‘qorsheynayay’ in ay weeraraan dhismaha safaaradda Imaaraadka ee Addis Ababa, sida ay maanta shaacisay wakaaladda wararka ee wadankaasi Itoobiya.

Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hub, qaraxyo iyo dukumiintiyo, kadib howl-gallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Itoobiya ayaa dadka la xiray ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin koox argagxiso shisheeye ah, islamarkaana ay doonayeen in ay weerar fuliyaan.

Sidoo kale bayaanka ayaa intaasi ku sii daraya in dowladdu ay ku raad joogto illaa 21 qof oo kale oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin arrintaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Imaaraadka Carabta oo ku aadan weerarkaasi la sheegay in lala damacsanaa diblomaasiyiintiisa.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in sirdoonka wadanka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay sidoo kale u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxo argagixiso ah, islamarkaana ay fashiliyeen weeraro kale oo lagu qaadi rabay safaaradda Imaaraadka ay ku leeyihiin wadanka Sudan.

‘QOOR QOOR wuxuu isku heystaa inuu wasiir dowle ka yahay dowladda Farmaajo’

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdisalaam Yuusuf Guuleed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) inuu ku fashilmay sugidda amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Taliye ku xigeenkii hore oo hadda aad u falanqeeya arrimaha amniga ayaa dhaleeceeyay Qoor Qoor kadib markii Al-Shabaab ay tiro madaafiic ah ku qalqal galiyeen magaalada Dhuusamareeb oo martigalineysa shirka wadatashiga doorashooyinka.

Bartiisa Facebook ayuu kusoo qoray qoraal uu kaga hadlayo fikirkiisa ku aadan sida uu Axmed Qoorqoor ugu fashilmay amniga maamulkiisa, wuxuuna sheegay iney nasiib darro weyn iyo ceeb ku tahay in magaalo madaxdii madaafiic ku da’eyso.

Cabdisalaam wuxuu sheegay in Qoorqoor ka hor ay dadka reer Galmudug heystaan amni wanaagsan, sidoo kalana uu madaxweynaha Galmudug wali isku heysto inuu yahay Wasiir Dowle ka tirsan Dowladda madaxweyne Farmaajo.

QORAALKA TALIYE KU XIGEENKII HORE NISA HALKAAN KA AKHRISO:

Madaxweyne Qoor Qoor, ha fahmo in uu ku fashilmay amnigii iyo dowladnimadii ay reer Galmudug iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ka sugayeen.

Waa nasiib daro weyn iyo ceeb in magaalo madaxdii Galmudug madaafiic Alshabab ku da’ayso. Amnigu Wuxuu ahaa waxa keliya ee Dadka reer Galmudug haysteen.

Horay baan u sheegay in madaxweyne QoorQoor weli aaminsan in uu yahay Wasiiru dowlo ka tirsan xukuumada federal ka ee madaxweyne Farmaajo.

Somaliland oo Jabuuti uga hiilisay DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay eedeyn ay dowladda Soomaaliya u jeedisay dhigeeda Jabuuti, taasi oo la xiriirtay warbixintii guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee IGAD u saartay xiisada ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdifataax Saciid Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Jabuuti ka difaacay eedeyamaha dowladda federaalka, kuwaasi oo ku tilmaamay “xag-xagasho aan ka fiirsi laheyn”.

Waxaa uu si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha dibedda ee Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in lagu hagayo siyaasad aan deganeyn, isla markaana uu ku jiro deg-deg badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya ay mar walba ku deg-degto inay Safaaradaheeda kala baxdo dalka ay diblumaasi ahaan isku qabtaan, isagoo taasi ku sheegay “qalad”, maaddaama oo Jabuuti iyo Eritrea oo gacan ka hadal dhex-maray aysan weli kala qaadan Safaaradahoodii.

“Tusaale Jabuuti iyo Eritrea waa kuwa is haya, laakiin illaa hadda Safaaradahoodii may kala qaadan, tii Eritrea way furan tahay, tii Jabuutina waxay ka furan tahay Asmara, markaa Soomaaliya waxaad mooddaa deg-deg badan oo aan wax ka fiirsasho lahayn, siyaasad aan degganayn in Dawladdaasi ku dhaqmayso,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waanu ognahay inay Somaliland Dacwado badan ka gudbisay, markaa waxaan leeyahay Farmaajo wuu tagayaa, Cidda dambe ee imanaysa (Soomaaliya) waxaanu leenahay Somaliland 30 sano ka hor ayay Madax-bannaanideedii la soo noqotay ee sidaa aynu ku kala joogno.”

Ugu dameyntiina waxa uu dhaliil xoogan u jeediyay siyaasadda ay ku dhaqanto dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaaminta madaxweyne Farmaajo, taasi oo uu sheegay inay lamid tahay “Nin Daad qaaday xumbo cuskay”.

Janaraal Xuud oo weerar ku soo qaaday Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud ay weerar kusoo qaaday bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka uu wato Janaraal Xuud.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in rasaasta laga maqlayey xaafadaha magaalada oo dhan, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daray inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemaya magaalada Beledweyne iyo duleedka.

Xuud oo wata oo maleeshiyaad ku abaabulay duleedka Beledweyne ayaa si weyn  uga soo horjeeda maamulka HirShabelle ee uu horkacayo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Weerar madaafiic iyo mid toos ah oo lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in caawa madaafiiic dhowr ah ay ku dhaceen magaalada sidoo kalena dagaal culus uu ka dhacay meel laga soo galo, xilli ay ku wada sugan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in ku dhowaad 10 hoobiye ay kusoo dhaceen qaybo kamid ah magaalada, waxaana weerarkan uu imanaya laba habeen un kadib markii sidoo kale magaalada sidan oo kale madaafiic loogu weeraray.

Sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda iska-hor-imaad xooggan waxa uu ku dhex-maray meel magaalada laga soo galo kadib weerarka madaafiicda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu socday in ka badan 30 daqiiqo. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka madaafiicda intaba.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay inay maqleen hub culus iyo rasaas la is-weydaarsanayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay magaalada soo gasho.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab weerar noocaan ah ka fuliso caasimadda Galmudug oo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in shirka lagu qabto xilli amni daradeeda ay aad u sareysay.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii laba habeen kahor ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.

Farmaajo ma qaadi doonaa tallaabo lamid ah tii uu Xasan Sheekh qaaday maanta oo kale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa 3-da Febraayo 2021-ka, waxaa muddo xileedka dastuuriga ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hartay  keliya 5 maalin, isaga xilligaas kadib noqon doona madaxweyne hore, sida uu dhigayo qodobka 91-aad ee dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiikiisa 30-ka Janaayo sidan: Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.’. Haddaba lama oga inuu hadal jeedintiisa ku laali doonno awoodihiisa fulineed iyo kuwa xukuumadda.

In laga hadlo hakinta awoodaha madaxweynaha iyo guud ahaan laanta fulinta ee xilliga doorashada  ama kala-guurka waxaa ay timid kadib markii uu horay sidaa u sameeyey madaxweynihii ka horeeyey iyo cabsi laga qabo in Farmaajo uu shaqada iska sii wato xataa Febraayo 8 kadib sida inuu jago magacaabo, dalacsiiyo, heshiisyo galo ama arrimo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii ay 5 maalin ka dhinneyd muddadiisa dastuuriga ah oo ku beegneyd 5-tii September 2016-kii  ayuu soo saaray wareegto ku saabsan habraaca dowladda waqtiga doorashada, waxaa uu joojiyey in maalintaas kadib aaney dhici karin:

1- Magacaabis ama shaqo ka joojin sare ee dowladda ama dalacsiin saraakiisha ciidamada qalabka sida

2- Lama badali karo dhismaha hadda jira ee hey’adaha dowladda oo dhan

3- Lama bixin karo kharajyada aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016-ka, marka laga reebo kharajka 40% ee dowladda kasoo aaday kabka dhaqaalaha doorashada .

4- Lama geli karo heshiisyo iyo qandraasyo cusub oo aan ka aheyn kuwii horay u socday, sidoo kale lama geli karo balanaadyo qarash.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu bilihii ama todobaadyadii ugu dambeeyey waday inuu abaal-mariyo dadkii ka shaqeynayey ololihiisa isaga oo magacaabay dhowr jago oo muran dhalisay, todobaadkan ayuu askar dalacsiiyey, waxaana isla weydiinayaa inuu ku dhiiran-doono inuu hakiyo shaqooyinkaas xilliga kala guurka sida madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan Hoose Ka Akhriso Wareegtada uu Madaxweyne Xasan ku hakiyey awoodaha fulinta September 5, 2016