25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Abiy + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaradaha Itoobiya ayaa maanta ka soo muuqday warbaahinta, isaga oo shaki la gelinayey xaaladdiisa caafimaad.

Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii ay soo if-baxeen wararka laga faafiyey caafimaadkiisa waxaa maanta lagu arkay xarunta qalabka dadka naafada ah ee isbitaalka la yiraahdo St. Paul ee caasimadda Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal kooban siiyey warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in xaruntan ay howl wanaagsan u hayso ciidamada iyo shacabka wadankaasi.

Horey hay’adda sirdoonka qaranka & nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS ayaa beenisay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee Iternet-ka ee ku saabsan xaaladda Abiy.

NISS ayaa shaaca ka qaaday in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada geliya wararka marin habaabinta ah ee xaaladda caafimaad ee ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba labadii toddobaad ee u dambeysay ayey soo shaac baxeen wararka laga baahiyey xaaladda Abiy Axmed, kadib markii laga waayey goobaha fagaareyaasha.

Wasiiro ka socda dowladda oo gaaray GEDO + Ujeedka

0

Doolow (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wafdigan oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Doolow ee gobolkaasi.

Wasiirada Doolow tegay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka cadaaladda, wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale wasiirada iyo saraakiisha la socda ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Doolow iyo waxgaradka deegaanka, kaas oo ahaa mid is xog-wareysi ah.

Intaasi kadib wafdiga ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa u sii socdaalayey dhinaca degmada Beledxaawo oo uu dhowaan ka dhacay dagaal culus oo khasaare geystay.

Xubnahan ayaa marka ay tegaan degmada Beledxaawo qiimeyn dhab ku soo sameyn doono saameynta ka dhalatay dagaalkii cuslaa ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa wasiir Janan ku dhexmaray magaaladaasi iyo xaaladda guud sida ay haatan tahay.

Xaaladda Beledxaawo ayaa saacadihii ugu dambeeyey aheyd mid degan, waxaana magaalada oo dhan iyo duleedka ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Midowga Musharraxiinta oo ka jawaabay tallaabada Puntland iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan go’aanadii ugu dambeeyey ee kasoo baxay dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland.

Ugu horreyn golaha ayaa soo dhoweeyey magacaabista guddiyada doorashada ee labadaasi maamul iyo shirka ay ku baaqeen in markale la’isugu yimaado Muqdisho.

Musharraxiinta mucaaraadka ayaa sidoo kale shaaciyey inay soo dhammeystireen turxaan bixinta guddiyada doorashooyinka, ayna diyaar u yihiin soo bandhigista liiska, haddii la helo goob iyo qaab loo hubiyo xubnaha guddigaaas ee walaaca laga muujinayo.

Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aadan xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ugu dmabeyn golaha midowga musharraxiinta ayaa markale uga digay in dowladda federaalka inay qabato doorasho hal dhinac ah oo sababi karto xasilooni darro hor leh.

Muxuu Gaas ka yiri xiisadda degmada Beledxaawo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa si adag uga hadlay xiisada gobolka gobolka Gdo, gaar ahaan dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Beledxaawo.

Gaas ayaa marka hore colaadaasi ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in si macno darro loo daadiyo dhiiga dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo.

Cabdiweli Gaas oo hore ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka ayaa lagu baaqay madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe inay ka heshiiyaan xiisada Gedo.

“Waa nasiib darro in saacadaan colaad aan micno ku dhisneyn ay u dhintaan dad Soomaaliyeed, Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe labaduba gobolka Gedo mas’uuliyad ayaa ka saaraan ee waa inay ka heshiiyaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba arrinta Gedo ayaa noqotay xudunta khilaafka xoogan ee xilligan ka jira dalka, waxayna sidoo kale saameyn ku yeelatay hore u socodka doorashada dalka ee 2021-ka.

Xog: Kheyre oo Wasiirkiisii Amniga xildhibaan Ducaale u dhiibay xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada kamid ah Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in wasiirkii amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale u dhiibay xil muhiim ah.

Maxamed Abuukar Islow oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Xasan Cali Kheyre ayaa noqday madaxa olalaha ee musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyrre. Si gaar ah waxa uu qaabilsan-yahay ka dhaadhaacinta siyaasiinta in ay taageeraan Musharax Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in howshaan badankeeda laga dhax-raadin doono Xildhibaano imaan doono islamarkaana haddii uu soo laabta Xildhibaan Ducaale uu qaban doono qeybta ugu muhiimsan ee shaqadaan maadaama la rabo inuu codad ka raadiyo Xildhibaanada soo socda.

Maxamed Abuukar Islow oo wasiirka amniga Soomaaliya ahaa mudadii ay jirtay xukuumada Xasan Cali Kheyre saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre, waxa uuna kamid ahaa wasiiro tiro kooban oo aan xil ka qaadis lagu sameynin islamarkaana si weyn u difaacay maalintii xil ka qaadistiisa.

Ducaale ayaa laga reebay xukuumaddii uu soo dhisay ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira inuu aad ugu dhow yahay Kheyre, waxaana lagu beddelay Xasan Xundubey oo ay isku beel yihiin.

Ducaale ayaa la sheegaa inuu yahay nin aad u degan, hadal gaaban, oo aan galgal badneyn, taasi oo su’aal gelineysa xeeladda ololaha Kheyre iyo sida uu u filayo in qof aan siyaasad ahaan laheyn xulufo badan uu codad ugu soo dhicin doono.

Xildhibaan Mahad Salaad oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay ubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in markale la’isugu yimaado shirweyne.

Mahad Salaad ayaa soo dhoweeyey qabashada go’aankaas, isaga oo ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu aqbalo shirkaan & muddada uu soconayo.

“Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahayan inuu madaxweynuhu u turo dadka iyo dalkaba.

Halkan hoose ka aqriso:-

Taladu waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaari weydo. MW Farmaajo FAR WAAWEYN AYAA XALAY WAX LOOGU DHIGAY‼️

Magacaabista Gudiyada Doorashada iyo soo jeedinta shir in la isugu yimaado 30-ka bisha ee lagu sheegay war-murtiyeedka PL iyo JL waxay banaanka keentay talo xumida iyo tabar yarida MW Farmaajo. Waliba si kaloo wax loogu sheego inta la garan waayay ayaa sidiisii xalay saqdii dhaxe waraaq wiifto ah lagu dul yeeriyay  iyadoo waliba far waaweyn ku qoran. Sida muuqatana MW Farmaajo uma harin fursad aan ahayn in uu kala doorto maalinta shirka la qabanayo iyo muddada uu socon doono.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa walaalkaa maragga ku fur, magtana la bixi. Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!

Hon. Mahad Salad

Aqri: Magacyada guddiyada doorasho ee ay shaaciyeen Jubaland iyo Puntland

0

Kismaayo (Caasimada Onine) – Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa ugu dambeyn soo magacaabay guddiyadooda doorashada ee heer dowlad goboleed ee ku metalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka, kuwaas oo muddaba laga sugayey.

Magacaabista labadaan guddi oo ka kooban mid 8 xubnood ayaa ka mid ahaa qodobadii la’isku hayey ee doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo dadaal ay saameysay beesha caalamka, gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kadib la qanciyey labadaasi maamul, inkastoo weli qodobada qaar ee doorashada la’isku hayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magacaabista guddiyada Jubbaland iyo Puntland, kadib la’isugu imaan doono shirkii ugu dambeeyey oo xal looga gaarayo khilaafka dalka.

Arrintan ayaa ah mid sahleysa isku soo dhowaashaha Jubbaland, Puntland iyo dowladda federaalka oo si weyn isugu hayey hanaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Liiska Guddiyada doorashada Jubbaland iyo Puntland oo kala ah:-

Guddiga Jubbaland

1- Siyaas Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Zamzam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi

Guddiga Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Puntland iyo Jubaland oo go’aan wada jir ah oo cusub kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen inay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada doorashada heer gobol ee muddo ay diidanayeen, si ay taas ugu gogol xaarto in la qabto shir lagu xalinayo muranka ka taagan doorashada.

Qodobkan ayaa ahaa mid dowladda federaalka ay ku adkeysaneysay islamarkaana shuruud uga dhigeysay inay aqbasho shirka, oo ay gadaal ka riixeyso beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay ayey Jubaland iyo Puntland ku baaqeen in shir la isugu yimaado 30-ka bisha kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegeen in dowladda federaalka ay weli ka cago-jiideyso shirkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka qaadatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada, si ay taas qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin qabsoomida doorashada.

Hadaba hoos ka aqriso qoraalka ka baxay Puntland iyo Jubaland. 

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada.

Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo Muqdisho isaga baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in inta badan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay ka baxayaan magaalada Muqdisho muddo todobaad gudihiisa ah.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiyaasha degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Howl-wadaag, Shibis, Cabdicasiis, Waabari, Heliwaa iyo degmooyinka kale ay safar u yihiin dalka Turkiga, islamarkaana ay qaateen fasax nasiino ah, kaas oo aan waqti go’an laheyn. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kadib cabsi soo wajahday guddoomiyaasha oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay wajahayay weeraro qaraxyo ah iyo dilalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Qaar kamid ah guddoomiyaasha  degmooyinka ee safarka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada xumaatay oo aan la sii joogi karin inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah. 

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay bixi doonaan guddoomiye ku xigeeno degmooyinka gobalka Banaadir ah.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaan inta badan amnigood adkeyn, mana haystaan baabuurta aanay xabadda karin ee wasiirada iyo xildhibaanada qaar ay wataan, taasi oo ka dhigtay kuwa u nugul weerarada Al-Shabaab.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay WANLAWEYN

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ragga hubeysan ayaa bambo-gacmeed ku tuuray fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka galbeed ee magaalada, gaar ahaan waddada aada Baydhabo.

Ugu yaraan illaa 5 askari ayaa ku dhaawacantay weerarkan, kuwaas oo la dhigay xarun caafimaad oo ku taalla isla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelah Dhexe.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa sameeyey baaritaano kooban, kadib qaraxaasi, mana jiro weli wax faah faahin oo laga bixiyey howl-galka iyo weerarka ka horreeyey.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar iyo Swan oo kusii jeeda magaaladaas

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku laabtay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, isaga oo ka amba-baxay Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo la yeehay madaxda dowladda federaalka & qaar ka mid ah musharraxiinta, iyaga oo ka wada-hadlay doorashada.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in maanta magaalada Jowhar uu ku wajahan yahay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, isaga oo garoonka diyaaradaha magaaladaasi kulan kula yeelan doono madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ku laabtay caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Labada mas’uul ayaa ka wada arrinsan-doono xaaladaha ka jira deegaanada maamulka HirShabelle iyo muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Muddooyinkii u dambeeyey Amb. James Swan ayaa waday dadaallo ballaaran oo uu xal ugu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira doorashooyinka dalka, isaga oo kulamo gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Puntland iyo Galmduug.

Xog: Muuse Biixi oo qeyb ka noqday xiisad xooggan oo ka taagan Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay qeyb ka noqday xiisad xoogan oo ka dhex aloosan siyaasiyiin isku haya musharaxnimada doorashada la filayo inay ka qabsoomto Somaliland.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweyne Biixi ayaa garabka saaray maayarka ay mudada ka dhamaatay ee magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteco, halka uu gaashanka u daruuray siyaasiga rug cadaaga ah ee Cabdikariin Axmed Mooge.

Solteco iyo Cabdikariin Mooge ayaa muddooyinkii dambe waxa ka dhex aloosneyd xiisad xoogan oo la xiriirta xilka maayirka Hargeysa oo uu xiligan hayo Solteco, oo raba inuu markale kusoo laabto xilkan uu mudada badan hayay.

Cabdikariin Mooge oo hore wasiir kuxigeen uga soo noqday xukuumadda Axmed Siilaanyo, ayaa dhawaan kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland, wuxuuna Biixi u sheegay in uusan gacan ka geysaneyn xilka uu u tartamayo, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

“Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu u dhaxeeyey sadexda xisbi isaga oo sheegay inuu doonayo maayarka magaalada Hargeysa, wuu u tagay xisbiga Kulmiye oo uu ugu jeclaa inuu ka soo tartamo, wuxuuna hor fariistay Biixi oo u sheegay hankiisa, balse nasiib darro wuu ku gacan seyray,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online.

“Madaxweynuhu wuxuu ku yiri ‘ma jiraan wax aan ku balan-qaadayo’, halkaasna waxa ka dhacay kala kac oo Cabdikariim waxa uu ku yiri ‘madaxweynaha waad ka shaqayn kartaa waanad ka shaqayn doontaa cida noqonaysa’, Cabdikariim ayuu diidaanaa madaxweynaha oo waa la ogyahay inuu saamayn ku leeyahay maayarka soo bixi doona, waxaanu Muuse Biixi ku dedaalayaa in maayarka laga dhigo qofka uu isagu doonayo.”

Muuse Biixi ayaa dadaal badan ku bixinaya in siyaasiyiga qabanaya xilka maayirka caasimada Hargeysa uu noqdo mid uu gacanta ku hayo, iyada oo ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online, in madaxweynaha uu dabada ka riixayo dib u doorashada Solteco.

Mana aha markii u horeysay ee madaxweyne Muuse Biixi uu go’aan dhex-dhexaadnimada ka baxsan ka qaato siyaasiyiinta hirdanka ugu jira doorashooyinka Somaliland, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu siyaasiyiin badan ka ceyriyay xisbiga Kulmiye.

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo si lama filaan ah u beddelay mowqifkiisii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, oo muddo ku adkeysanayey qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn, ayaa u muuqda inuu beddelay mowqfikiisa, sida ka muuqata qoraal caawa kasoo baxay.

Guddiga, oo ku xiran madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana saddex goor ku fashilmay jadwal doorasho oo uu soo saaray, ayaa qoraalka caawa kasoo baxay ku caddeeyey inuu ka war-sugayo in dhinacyada isku haya doorashada dalka ay marka hore ku heshiiyaan.

“Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay inay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.”

Guddiga lagu muransan yahay ayaa ugu dambeyn sheegay inuu bogaadinayo dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ma cadda sababta keentay isbeddelka mowqif ee guddiga hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay beesha caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah, iyo maamul goboleedyadii ku xirnaa Villa Somalia ee la rabay inay doorashada billaabaan oo ka cago jiiday.

Khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada ayaa salka ku haya guddigan, waxayna musharaxiintu ku adkeysanayaan inay ku jiraan xubno laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowaldda, sidoo kale arrinta gobolka Gedo iyo hanaanka doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa la isku hayaa.

 

Maxaa kasoo kordhay xaaladda R/W Abiy Axmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, xilli maalmihii la soo dhafay baraha bulshada dalkaas la isla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladiisa caafimaad.

Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lasoo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamullada Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa madaxda maamulladaas ku ammaanay tageerada ay u muujiyeen dowladda dhexe ee Itoobiya, waxayna dhawaan xukuumadiisu soo afjartay dagaal ay ku qaaday gobolka Tigray, kaas oo meesha looga saaray maamulkii TPLF ee maamuli jiray gobolkaas.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, maadaama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada, waxayna bulshada dalkaas muujiyeen tuhunno badan.

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa baraha bulshada ee Internet-ka maalmihii la soo dhaafay ku faafiyey warar kala duwan oo la xariira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaare Abiy.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, oo xalay qoraal soo saartay ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya waxay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Warka hanjabaada ah hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sii abuuray hadal heyn hor leh, waxaana ka dhashay weydiimo ah halka uu jiro Abiy Axmed.

Wararka ugu badan ee laga faafiyey Abiy Axmed waxay sheegayeen in dalka dibadiisa loogu qaaday caafimaad, si gaar ah dalka Talyaaniga, balse dowladdu waa beenisay welina sooma bandhigin xaqiiqooyin tuhunka jira looga qanciyo dadka.

Daawo: Gabar 8 jir aheyd oo lagu kufsaday kadibna lagu dilay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray nin la sheegay inuu kufsi iyo dil duleedka Muqdisho ugu geystay gabar 8 sano jir aheyd, kaas oo hatan ku jira gacanta hey’adaha ammaanka.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jara’id ku qabtay xaruunta dambi baarista booliska ee CID-da, ayaa sheegay in baaritaano ay ku socdaan ninkaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninka la hayo uu qirtay dilka iyo kufsiga loo geystay gabadha yar, isla markaana dhawaan cadaaladda lasoo taagi doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim, waxuuna falkaas ka dhacay deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhacdada lagu dilay gabadhan oo saacadihii lasoo dhaafay si aad ah baraha bulshada loogu faafiyey ayaa noqotay mid laga argagaxay, waxayna gabadha yar aheyd Agoon.

Goortii la dilayey gabadha hooyadeed ayaa ka maqneed xaafadda, waxayna warbaahinta u sheegtay inay aaday deegaanka Ceelasha Biyaha, si ay dharka ugu soo dhaqdo cidaha, waxayna shaqadaas ku  maarey jirtay noloshooda.

Hoos ka Daawo Afhayeen

Xog cusub oo laga helayo baaritaanka lagu hayo dilka guddoomiyihii D/Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya islamarkaana ku dhow xarunta dambi baatista ee CID, ayaa Caasimada Online sheegay in warar hordhac ah laga helay baaritaanka dalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Saraakiisha booliska ee xiran iyo ciidanka booliska ee falkaas loo qabtay ayaa sheegay in gaariga ay ku qaldameen islamarkaana ay raadinayeen gaari qaad wada. 

Saraakiisha iyo ciidanka xiran oo mid mid loo wareestay ayaa qirtay dilka iyo bixinta amarka balse ay waxey sheegeen laba qodob oo kala ah. 

1- In ay qabeen amar ah in la soo qabto gaari qaad wado oo Muqdisho ku jiro, kaas oo baadi goob lagu hayey. 

2- Iyo markii la istaajiyay gaariga guddoomiyaha ay rasaas rideen ciidankii la socday, inkaatoo qodobkaan dood adag wali ka taagan tahay, islamarkaana aan loo hayn wax caddeyn ah.

Baaritaanka kiiskaan ayaa aad u adag waxaana ku soo jeeda indhaha dowladda oo dhan iyo xubno siyaasiin ah oo ku beel ah marxuumka ah, kuwaas oo raba in xukunka si cadaalad ah u dhaco. 

Dilka guddoomiyaha degmada Hodan ayaa bar madow ku reebay gudaha hay’adaha dowlada, waxaana kordhay cabsida ay qabaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Baaritaanka kiiska ayaa weli socda, waxaana la filayaa in dhowaan laga soo saaro warbixin rasmi ah. 

Madaxweyna Lafta-Gareen oo dalka kusoo laabtay, direyna hanjabaad culus

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas, kadib safar uu ugu maqnaa maalmihii u dambeeyay dalka Turkiga.

Lafta-Gareen ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo howl-galadii u dambeeyay ee qaadeen ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona hanjabaad hawada u mariyay dagaalamayaasha kooxdaasi, oo uu sheegay inuu maamulkiisu u diyaarsan yahay la dagaalanka ururka Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaq xoogan ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu u hambaleeyay howl-galadii ay sida wada-jirka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uga fuliyeen deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, oo la sheegay in 7 dagaalame oo kooxda Al-Shabaab lagu dilay.

Deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkaas, iyada oo mararka qaar ay ka fuliyaan weeraro ka dhan ah amaanka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee hogaamiyo Lafta-Gareen ayaa muddooyinkii dambe bilaabay dar-dar gelinta dagaalka Al-Shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in uu dhawaan tagay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  oo xaalad adag oo go’doomin ah ay ka jirtay.

Sawirro: Britain oo wasiir sare usoo dirtay Muqdisho – Muxuu kala hadlay Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalak Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK, Ben Wallace oo booqasho ku yimid dalka.

Kulankaan oo uu qeyb ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender ayaa waxa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaalanka argagixisada, oo faro ba’an ku haya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka difaaca Boqortooyada UK qorsheyaasha hirgalay ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK ayaa isagna dhankiisa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo kulankaasi ka qeyb-galay ayaa ugu dambeyntiina ka warbixiyey kulankaas, wuxuuna sheegay in la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Xaaji.

Waxa uu intaas kusii daray “Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Kenya oo jawaab ka bixisay warbixintii guddiga IGAD uu kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqda raadinta ee ururka goboleedka IGAD uu u diray xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddigaas, oo xuduudda labada dal booqday intii u hdaxeysay 9-kii iyo 13-kii Janaayo, ayaa sheegay inay wax caddeymo ah u waayeen inta badan eedihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya, waxayna yiraahdeen “Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in guddiga la siiyey, intii lagu guda jiray howlgalka xaqiiqo raadinta, caddeymo aan dood laga keeni karin “oo Kenya ka bari yeelaya dhammaan eedaha loo jeediyey.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin “kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.

“Waxaa taas kasii muhiimsan in hadda ay caddahay in xasaradaha ay abuurtay Soomaaliya aysan horumarineyn aragtida IGAD ee ah ku guuleysashada nabadda, baraaraha iyo is-dhexgalka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

“Warbixintan waa warbixin dhex-dhexaad ah oo soo afjareysa arrintan. Kenya lugaha looma gelin doono olole mas’uuliyad darro ah, oo ujeedkiisa guud uu yahay in guul siyaasadeed oo gudaha ah lagu gaaro.

Ciidamo militari ah oo lagu laayay duleedka Balcad

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in duleedka degmada Balcad lagu dilay ciidamo millateri ah oo marayay halkaas.

Wararka hordhac ah ee aan ka helayno weerarkaasi ayaa sheegaya in ciidamada millaterigu ay ku socdaalayeen duleedka Balcad, iyaga oo watay baabuur, waxaana lagu soo waramayaa in laga dilay ugu yaraan toban ka tirsan ciidankaas.

Weerarkan oo gaadmo ahaa ayaa waxaa sidoo kale lagu gubay baabuur la sheegay inuu usoo gurmaday ciidamada millateriga oo xiligaasi la kulmay weerarka ay uga dhinteen toban kamid ah.

Ilaa hadda majirto faah-faahin rasmi ah oo kasoo baxeysa weerarkaas lagu qaaday qaar kamid ah ciidamada millateriga. Mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaas.

Weerarkan noocan oo kale ah ayaa inta badan waxa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab, oo iyagu dagaal adag kula jira ciidamada dowladda, inkasta oo ay ilaa hadda jirin sheegasho dhankooda ah.

Wixii kasoo kordha weerarkan isha ku hay Caasimada Online.