25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Hooyo Luul Cusman oo loo sii daayay wiil ka xirnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo cabashadeeda lagu gudbiyay baraha bulshada ayaa maanta dib ula midowday wiilkeeda oo muddo afar sano ah ka xirnaa isla markaana ay sheegtay in aragtidiisa lacag looga qaadi jiray.

Sheekada hooyo Luul Cusmaan ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, gaar ahaan barta lagu xiriiro ee Facebook, waxeyna taas keentay inuu soo faragaliyo wasiirka cadaaladda dowladda Soomaaliya oo la kulmay hooyada ka hor inta uusan cabashadeeda toos u dhageysan.

Wiilka lasoo daayay ayaa la sheegay inuu muddo 4 sano ka hor qoray la goostay, maadaama uu askari ahaa, waxaana ugu dambeyn uu la midoobay hooyadiis oo muddo aysan wada noolaan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya wuxuu sheegay in Xasan Cali ay ku maqneed hanti qaran, isla markaana ay dad walaalo Soomaaliyeed ah ka bixiyeen, sidoo kalana ay muddo laba maalmood ah ku qaadatay iney maraan hab-raaca sharciga ah ee lagu sii deyn lahaa.

Baraha Bulshada waxey sanadahii dambe noqdeen goobo lagu gudbiyo wax walba oo la xiriira arrimaha bulshada, waxeyna madaxda dowladda u badan yahiin iney u dhaqsadaan wax u qabashada bulshada codkooda la dheereeyo.

Gargaarkii ugu horreeyey oo maanta laga dajiyey Xudur

0

Xudur (Caasimada Online) – Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxaa maanta ka degtay diyaaraddii ugu horreysay ee sidday gargaar bani’aadanimo, taas oo ka duushay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Diyaaradda oo sidday raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la wareegay agabkii saarnaa maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Gargaarkan ayaa loogu tala-galay in loo qeybiyey shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo maalmihii u dambeeyey wajahayey xaalado dhinaca nolosha ah.

Sidoo kale waxaa haatan magaalada ku sugan madaxweyne Lafta Gareen oo dadaallo loogu gurmanayo dadkaasi ka wada Xudur iyo sidii go’doominta looga qaadi lahaa.

Xaaladda Xudur ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana sidoo kale ka deyrisay Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay nolosha adag ee ka jirta halkaasi.

Ku dhowaad 10 sano ayey go’doon ku jirtaa magaaladan oo dhacda koonfurta Soomaaliya, waxaana isku hareereyey dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka ka dhex-taagan UNSOM iyo SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmaha soo socda la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay tagaan wafdi culus oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasi oo uu hor kacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xogagaal ah.

Wafdiga Swan ayaa magaalada Hargeysa u tagaya sidii madaxda Somaliland uga wada-hadli lahaayeen khilaafkii muddooyinkii dambe ka dhex taagna hay’adda Qaramada Midoobay iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi, midaasi oo meesha ka saartay wada-shaqeyntii labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi kala xaajoon doona qaabka ay QM ula tacaamuleyso, maadama ay hore u diideen deeqaha loo soo marinayo dowladda federaalka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore ee 2019-kii gebi ahaanba joojisay wada-shaqeyntii Qaramada Midoobay iyo howlihii ay ka waday gudaha Somaliland, kadib markii ay QM ku eedeysay inay wiiqeyso madax-banaanida ay ku doodo.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, waxayna si adag uga hortimid in deeqaha la siinayo lasoo marsiiyo dowladda federaalka Soomaaliya, waana midda u weyn ee keentay khilaafka QM iyo Somaliland.

Wafdiga Swan ee lagu wado inay tagaan Somaliland, ayaa kusoo aadaya xili ay dhowr jeer wada-hadalo khadka telefoonka ah yeeshen Amb. Swan iyo Muuse Biixi, kuwaasi oo ka wada-hadlay soo afjarida khilaafka labada dhinac.

Maxaa ka jira in 370 ka mid ah askartii Soomaalida ee la geeyey dalka Eritrea ay ku dhinteen Mekelle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

“Baaritaan iyo xiriirro aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaarayaan illaa (4-kun) afar kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee dagaalka adag la galay kooxdii TPLF,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Isagoo sii hadalayey waxa uu yiri, “Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 (afar boqol oo askari) ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey Eritrea, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea.”

Waxa uu sheegay in saraakiil Itoobiyaan ah oo uu la xariiray ay u sheegeen in dhimashada soo gaartay askarta Soomaaliyeed ay aad u badan tahay.

“Saraakiishu waxay igu dhaheen, 900 illaa 1100 askari oo Soomaali ah oo hal dhinac ka galay xabadda wax dheexaa kama badbaadin oo waa ay baaba’een ilmihii Soomaalida ahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah ay u sheegeen in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalkaas galay ay hoggaaminayeen saraakiil Eritrean ah.

“Mar aan wax ka weydiiyey xubno aan is leeyahay saraakiisha waa uga xog ogaalsanyihiin arrimahan, waxay ii sheegeen dowladda Soomaaliya inay heshiis la gashay Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo ahaa in Farmaajo la weydiistay ciidamo Soomaali ah oo qeyb ka noqda xasilinta amniga gobolka Tigray, isaguna uu ogolaaday,” ayuu yiri.

Cabdisalaan Guuleed oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Laba beri ka hor waxaan maqlay in madaxweyne Farmaajo yiri ciidankaas yaan la igu soo celin, hadaan soo laabto anigaa la igala xaali doonaa, hadii aan soo laaba waayana cidii I bedesha ayaa wax laga weydii doonaa, balse inta doorashadu jirto yaan noloshooda iyo geeridooda la igu soo hadal qaadin.”

Laba todobaad ka hor waxa uu sheegay inuu helay lambarka qaar ka mid ah askarta Soomaaliyeed ee Eritrea la geeyey, isla markaana ay u sheegeen in meel loo wado, balse qeybtooda aan weli dagaal la gelin, hadana meel aysan garaneyn loo wado, wixii intaas ka dambeeyana waxa uu sheegay inuu waayey xiriirkooda.

Mudo ku dhaw sanad waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa war iyo wacaalba ka heyn wiilashoodii loo qaaday Eritrea, si loo siiyo tababar ciidan, waxaana isi-soo taraya wararka sheegaya in dagaalkii lagu jebiyey TPLF ay ku jireen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, in kastoo Caasimada Online aysan xaqiiji karin warkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin bad-qabka dhalinyarada maqan ee tababarka ay ugu qaaday dalka Eritrea, sida la aaminsan yahay, in kastoo xitaa aysan dowladdu shaacin dalka tababarka loo geeyey dhalinyaradaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Saudi Arabia oo qaadeysa tallaabo kale oo la xiriirta xiisada kala dhaxeysa Qatar

Doha (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay albaabada dib ugu furto safaaradeedii magaalada Doxa ee dalka Qatar, kadib khilaaf xoogan oo sanado soo jiitamayay oo ka dhex aloosna labada dal.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Faisal bin Farhan ayaa warbaahinta u sheegay in dalkiisu uu dib usoo celinayo xiriirkii Qatar, isla markaana ay maalmaha soo socda dib u furayaan safaaradii Sacuudiga ee dalkaas.

“Safaaradeena dib ayaa looga furi doonaa Doxa maalmo gudahood, waxaan dhameystiri doona arrimaha lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga, Amiir Faisal.

Arrintan ayaa imanaysa xili ay dhawaan gaareen heshiis Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka iyo Masar, kaasi oo dib loogu soo celinayo xiriirkii Qatar ee ay sida wada-jir ah u jareen 2017-kii, kuwaasi oo kusoo rogay xiligaas cunaqabteyn.

Heshiiskan ayaa meesha ka saaray cunaqabateyntii Qatar, iyada oo ay shaaciyeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inay dib u fureen Doxa xuduudii ay saddex sanno ka hor ay ka xirteen ee Badda, Cirka iyo dhulka.

Qatar ayaa sanadihii u dambeysay wajaheysay cunaqabteyn ay kusoo rogeen dalal carbeed, kuwaasi oo ay hor kacayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo xiligaas ku eedeyay inay xiriir dhow la leedahay argagixisada, taasi oo ay beenisay xukuumadda Doxa.

Xayiraada Qatar la saaray 2017-kii ayaa waxa  lagu tilmaamay mid lagu deg-degay oo aan laga fiirsan, iyada oo aan saameyn xoogan ku yeelan dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee Qatar, sida ay sheegtay xukuumadda Doxa.

JOE BIDEN oo dhowaan saxiixaya go’aano qaarkood saameynaya Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Sida uu sheegay ninka uu u xushay inuu noqdo madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Biden ayaa amarrada madaxweyne ee uu saxiixi doono Arbacada ay intooda badani noqon doonaan kuwo uu ku burrinayo amarro uu horay saxiixay madaxweyne Donald Trump.

Kuwa ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda la yiraahdo Kamal Harris ayaa la wareegi doona talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka 20-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socta.

Madaxweyne Trump ayaanan ka qeybgali doonin xafladda caleema-saarka madaxweynaha isaga baddali doona.

VOA

Soomaalida ku nool Nairobi oo beegsi lagu billaabay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabasho xoogan ka muujinaya beegsi ay ku hayaan ciidamada Booliska ee magaalada Nairobi, kuwaas oo ay sheegeen inay tacadiyo kula kacaan dadka ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qaar kamid ah dadka ku nool xaafada Islii oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in tacadiyo iyo dhibaatooyin kala duwan ay xiliyada habeenkii kala kulmaan ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa ka howl-gala caasimada.

Sidoo kale waxay sheegen in ciidamada ay kala kulmaan jirdil iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, midaasi oo ay u adeegsadaan bulshada ku nool xaafada Islii, ka hor inta aan la gaarin bandowga ay xukuumadda Nairobi u soo rogtay Covid-19 dartiis.

Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxa ku nool Soomaali badan, kuwaasi oo intooda badan ah Ganacsato, waxayna maamulka iyo xukuumada Kenyatta ka dalbadeen in wax laga qabto tacadiyada ay u geysanayaan ciidamada booliska.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira cabashadan, oo ay warbaahinta u mariyeen maamulka iyo saraakiisha ciidanka Kenya.

Mahad Salaad oo Farmaajo ku eedeeyay shirqool lagu leynayo saraakiisha hal beel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay beegsi uu sheegay in lagu hayo saraakiil kasoo jeeda hal beel, taasi oo uu ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad, oo tusaale usoo qaatay qaraxii maanta lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo marayay deegaanka Tixsiile iyo saraakiishii lagu xasuuqay Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu ku xiriirsan yahay qaraxyo kale oo hore.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in hub laga keenay Eratareeya laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde isla markaana la rabo in hubkaas lagu shirqoolo siyaasiyiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD

Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sida la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo. Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel.

Sidoo kale saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo.

Waxaan ku talinayaa in la isjiro, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga MW Farmaajo la maaganyahay!

Hon. Mahad Salad

Xog: Madaxweynaha Oromia iyo taliyaha ciidanka Itoobiya oo si qarsoodi ah u yimid Muqdisho iyo Ujeedkooda

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha kilinka Oromia iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wafdigaan ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wali safarkaan qarsoodiga ah kama aysan hadlin Villa Soomaaliya, lamana yaqaan sababta keentay in la qariyo kulanka dhexmaray madaxda dalka iyo wafdigii ka yimid Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir waji wanaagsan ah la sameeyay dowladda Itoobiya iyadoo la xasuusto in ololahiisa madaxtinimada dalka ee dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 uu ku qotomay naceybka dowladda Itoobiya.

Soomaaliya hadda waxaa lagu tiriyaa dowladda ugu dhaw ee Itoobiya iyadoo Abiy Ahmed uu saaxiib ka dhigtay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Farmaajo kaas oo muddo xileedkiisa uu ka harsan yahay wax ka yar 25 cisho.

Xog ku saabsan qaraxii ka dhacay Tixsiile iyo Shabaab oo war kasoo saaray

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa soo werisay dilka afar askari iyo dhaawaca taliyaha ciidamada gaarka ah ee Danab iyo sarkaal kale, balse illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegada Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa deegaanka Tixsiile qarax kula beegsaday gaari ay la socdeen Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray, xogta hordhaca ah waxay xaqiijinaysaa dhimashada 4 Askari halka uu dhaawacyo garaab ah soo gaareen  saraakiil uu kamid yahay taliyaha waxa loogu yeero Danab oo lagu magacaabo Beer Yare” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al -Shabaab.

Illo ku dhawdhaw milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray taliyaha ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” iyo sarkaal kale, balse ay badqabaan gudoomiyaha gobolka iyo ciidankii kale ee la socday kolonyada.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dhaawaca saakay waabarigii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si loola tacaalo dhaawaca soo gaaray taliyaha ciidanka gaarka ah ee Danab.

Beeryare oo horay ula soo shaqeeyay saraakiishii Ahlusunna ee goboladda dhexe ayaa October 2020, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Danab ka dib markii xilka laga qaaday taliyihii ka horeeyay ee ciidankaasi Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Macalin oo xilkaasi hayey muddo ka yar sannad.

Cali Mahdi oo 8 February, kadib ka digay hal arrin

0

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Cali Mahdi ayaa marka hore ka digay in dalka dib loogu celiyo bur-bur iyo dagaallo sokeeye, wuxuuna shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la sameeyo tanaasul.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray, haddii aysan dowladda federaalka qaban doorasho loo dhan yahay, ka hor sideeda February inay dhaceyso wax uu ku sheegay balaayo.

“Maxaa jira dadka, haddii ay wada simaan balaayo ayaa dhaceysa, waan rajeynayaa illaa heerkaas in aan la’isla gaarin,” ayuu yiri madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waan rajeynaa inuu madaxweynaha dib u fakiro oo caqligiisa dib u fiiriyo oo la-taliyeyaal fiican suubsado inay meeshaas arrintu gaarin oo xaliyo, waxa la’isku qabanaayo waa wax saacad ama laba saac ku dhammaan karo,”.

Dhinaca kale Cali Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka 2021-ka, iyada oo ay maqan yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli tabasho ka muujinayo doorashada dalka.

Cali Mahdi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay, haddii tallaabadaas la qaado in ay dalka u horseedeyso inuu dib ugu noqdo meeshii laga yimid & in lagu kala tago qaranka.

“Haddii taasi dhacdo waxaan ka faa’iideynaa qaran Soomaali oo dambo iyo magac Soomaali oo dambo maalintaas ayaa ugu ekaaneyso nin walba wuxuu ku noqonayaa tuuladii uu ka yimid qabiilkiisa uu Calan u saaranayaa qaran Soomaaliyeedna cid dambe oo dhisi kareyso haba yaraatee ma jirto 1991-dii waxaan ka soo maray anaa og,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu khilaaf xoogan ka taagan yahay doorashada dalka ee 2021-ka.

Xog: DF oo dejisay qorshe Deni iyo Axmed Madoobe looga horkeenayo Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dejisay qorshe ay isaga horkeeneyso beelaha Hawiye iyo madaxwenayaasha Puntland iyo Jubaland, si ay u kala dhantaasho awoodda mideysan ee ay isku hayaan doorashada, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Qorshahan oo loo soo dhiibay madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa loo marayaa doodda raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana looga hadlay kulan ay habeen hore labada madaxweyne la yeesheen wasiirada Hawiye ee ku jira dowladda.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa maalmaha soo socda billaaban qorshe ay gadaal ka riixeyso madaxtooyada oo lagu abaabulayo beelaha Hawiye, si mar kale loo dalbado in gobolka Banaadir uu yeesho xuquuq mataalaad, taasi oo madaxtooyada ay taageeri doonto.

Maadaama Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay horey uga hor-yimaadeen arrinta maqaamka Muqdisho, madaxtooyada ayaa rumeysan inay mar kale sidaas sameyn doonaan, taasi oo kadib naceyb ka dhex-abuuri doonta labadan madaxweyne iyo beelaha Hawiye, sida qorshuhu yahay.

Waxaa markaas kadib, sida qurshuhu yahay, kala dhantaalmi doona musharaxiinta mucaaradka ee Hawiyaha u badan iyo Axmed Madoobe iyo Deni, kuwaas oo hadda kasoo wada horjeeda qorshaha doorashada ee Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa rumeysan in kadib ay labadan madaxweyne ku calaameyn karto kuwa wax kasta diidan, oo Soomaaliya ay ka dhaqaali la’dahay.

Inkasta oo musharaxiinta mucaaradka ay arrintan ka war-hayaan, haddana madaxtooyada ayaa og inaysan ku dhiiran karin inay arrinta maqaamka dood ka keenaan, ayna ku qasabn yihiin inay ka aamusaan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa horey u meel-mariyey in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, hase yeeshee waxaan sharcigaas saxiixan madxaweyne Farmaajo.

Madaxtooyada ayaan marnaba si dhab ah u dooneyn in arirnta maqaamka Muqdisho ay meel-marto hase yeeshee waxay ogtahay inay tahay mid beelaha Hawiye ay aad ugu dhintaan, cid kasta oo ka hortimaadana ay kala furan doonaan. 

Su’aasha ayaa ah odayaasha Hawiye ma fahmi doonaan cayaartan cusub mise waxay u jiheysan doonaan dagaal ay la galaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni?

Guddoomiyaha SH/HOOSE iyo saraakiil ka tirsan Danab oo qarax lala beegsaday

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xoogan deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolkaasi, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Sidii), islamarkaana uu qeyb ka yahay taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer yare), kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino yaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo saartay saraakiil ka tirsan ciidamada Danab iyo sidoo kale kuwa Cadaan ah.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa qarax kadib xigay iska hor imaad toosah oo dhexmaray ciidamada iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Warar hordhac ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo labo askari oo Cadaan oo qeyb ka ahaa kolonyadaasi.

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo isugu jiro Soomaali iyo Cadaan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Saraakiisha dhaawacmay waxaa sidoo kale ku jiro taliyaha ciidamada Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beer Yare), kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Kolonyada qaraxa lala eegtay oo ka amba-baxay Afgooye ayaa gaaray markii dambe degmada Wanlaweyn oo muddooyinkii la soo dhaafay ay taagneyd xiisad xoogan.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadada weerarkan, iyada oo shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 4 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

Baaritaaka hanjabaadihii loo gaystay Ca’isha Romano oo la soo geba-gebeeyay

0

“Ma jirin hanjabaad halis ah oo ka dhan ahayd (Caaisha) Silvia Romano,” ayuu yiri garsoore maxkamadeed oo dhageystay kiiska.

Balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirtay aflagaado iyo caay. Waxaa jiray hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka, oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Caa’isha Silvia Romano, oo baraha bulshada loo mariyay aflagaadada ayaa go’aansatay in aysan maxkamad u dacwoonin. Waana suuragal in taas ay sabab u tahay in kiiska maxkamadda la laalo.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Taliyaaniga, Silvia Romano ma dooneyso in ay gudbiso dacwad ku saabsan aflagaada iyo hanjabaadda iyo hadallada naceybka ah ee loogu soo gudiyay baraha bulshada.

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya, waxayna diinta islaamka qaadatay muddadii afduubka loo haystay.

Markii ay ku noqotay Taliyaaniga, sannadkii hore, waxaa baraha bulshada loogu diray boqollaal fariin oo kala duwan.

“Waa naceyb lagu baahiyay baraha bulshada”. Waa sida ku qoran natiijada ka soo baxday baaritaankii uu sameeyay xafiiska dacwad oogaha magaalada Milan.

Xafiiskaas wuxuu Facebook weydiistay in uu sheego aqoonsiga dadka isku hoos qarinayay boqollaal cinwaan oo been abuur ahaa, waxaana la amray in la xiro dhamaan cinwaanadaas.

Baaritaanka oo uu billabay xafiiska maamulaha la dagaallanka argagixisada, Alberto Nobili, waxaa lagu doonayay in lagu ogaado hanjabaadda ka dhanka ah Caaisha Silvia Romano.

Sababaha loo aflagaadeynayay waxaa ka mid ahayd in diinta Islaamka ay qaadatay, taas oo “dad badan oo Taliyaani ah ay diidanaayeen”.

Ilaa 40 farriin oo hanjabaado ah, oo loo arkay kuwo aad khatar u ah ayaa loo diray gabdhan, oo markii ay muslimtay, lana baxday magaca Caa’isha, labiskeedana ka dhigtay mid asturan.

Dadka lasoo xiriiraya ayaa u sheegaya inay dili doonaan, sababtuna ay tahay go’aankeeda Islaaminada.

Waaxda dambi baarista ee booliska Talyaaniga ayaa wadda howlgal ay diiradda ku saareyso aqoonsiga dadka farriimahaas soo diray.

Kooxda baaritaanka wadda oo ay hoggaaminayaan Alberto Nobili iyo Carabinieri del Ros ayaa sheegtay inay marka hore kala xaqiijinayaan saxnimada farriimaha, si loo ogaado dadka ay ka soo baxeen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda Talyaaniga ee ANSA.

‘Sababaha aan ku jeclaaday Islaamka’

Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada.

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”.

“Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Waxay gabadhan sheegtay in arkii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?”

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo”.

Waxay wargeyska afduubtay u sheegtay in maalmihii xigay afduubkeeda, iyadoo ku jirta meel xabsi walibana xilli habeen ah ay markii ugu horeysay maqashay duqeyn dhanka cirka oo ay “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen halkii ay joogtay.”

Waxayna sheegtay in ay aad u naxday oo ay ka walwashay in ay dhiman doonta oo aysan dib dambe u arki doonin qoyskeeda, waxayna tiri: “Waxaan ku duceystay – Allahayoow i badbaadi, waxaan doonayaa in aan markale arko qoyskeyga”.

Waxay sheegtay in xilligaas ay ahayd markii ay Alle “si toosh ah ula hadashay”.

“Markii aan badbaaday waxay ahayd xilligii aan Alle u laabtay oo aan ku shukriyay, dareemayna in aan ka fogaaday Allihii i abuuray”, ayay ku dartay hadalkeeda.

Muxuu ahaa xiriirka ka dhexeeyay Caa’isha iyo Quraanka?

Intii ay ku jirtay gacanta kooxdii afduubatay, Caa’isha waxay sheegtay in ay bilawday barashada iyo fahamka Qur’aanka kariimka, waxayna intaa raacisay in markiiba ay qabsatay xarigga Alle.

“Marka koobaad, waxay igu qaadatay 2 bilood in aan Qur’aanka ku akhriyo oo wax isburinaya kuma arag, markii dambena waxaa wakhti ku bixiyay fahamka, waxaan dareemay kalsooni illaa markii dambe aan jecladay diinta Islaamka”.

“Aayado badan oo Qur’aanka ah ayaa runtii qalbigeyga dhaqaajiyay, waxayna ila ahayd marwalbo oo aan akhriyo in Alle uu anniga si toos ah iila hadlayo, waxaan sidoo kale akhriyay aayado ka mid kitaabka Bibble-ka, waxaana halkaas ka ogaaday waxyaabaha ay ka siman yihiin Islaamka iyo Krishtaanka. Ugu dambeynna waxaan Qur’aanka ka fahmay wadadii saxda ahayd ee Alle igu hagi lahayd oo ah in aan qaato diinta Islaamka”, ayay tiri Caa’isha Silvia Romano.

Markii ay qaadatay diinta Islaamka ayay sheegtay in ay “ogaatay in Alle uu jecel yahay, kuna hanuuniyay wadada saxda ah.”

Kahor inta aysan qaadanin diinta islaamka, waxay aamintay in “diinta islaamka ay tahay wadada saxda ah,” ayna go’aansatay in ay qaadato diinta Islaamka, intii ay joogtay Soomaaliya, balse haddana waxay ka walaacday sida bulshada ay ka timid ay uga falcelin karaan is badelka ay sameysay, waxayna tiri: “Waxaan Alle ka baryay in uu iimaankeyga xoojiyo, igana xijaabo waxwalba oo iiga iman kara qaadashada diinta Islaamka”.

Markii ay Caa’isha dib ugu noqotay dalka Talyaaniga, waxay sheegtay in dadka ay si la yaab leh u fiirin jireen marka ay arkaan iyadoo ah gabar caddaan ah, xiranna xijaab.

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku xulatay magaca Caa’isha waxay sheegtay in intii afduubka loo haystay ay hadda kahor ku riyootay in iyadoo joogtay Talyaaniga ay aragtay iyadoo wadata kaarka tareenka olagu raaca oo ay ugu qoran tahay magaca Caa’isha.

“Dulqaad, wanaag” iyo waxyaabo badan ayay sheegtay in ay ka baratay diinta Islaamka, haddana ay noolasheeda is beddashay.

Waxaa kale oo ay sheegtay in marnaba aanay fileynin in dadka ay garanayaan, waxayna intaa raacisay in bishii Ramadaan ay “hadiyado badan ay ka heshay dad kala duwan oo soo booqday,” inkastoo ay jireen dad u hanjabay, go’aankii ay qaadatayna uu dood ka dhaliyay baarlamaanka dalka Talyaaniga.

“Dad badan ayaa si wanaagsan iila dhaqmay, dib ayaana ka ogaaday in ay jiraan dad u dhashay dalka Talyaaniga oo heysta diinta islaamka,” ayay ku sheegtay wareysigii ay bixisay.

Silvia Romano, oo ah 25 sano jir ah, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay oo laabta geliyay waalidkeeda iyo walaasheeda, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Caa’isha Silvia Romano ayaa horraantii sannadkan laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin afduubkeeda.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaas ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.

Caa’isha Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxay sannadkii 2018-kii ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.

Xigasho: BBC Somali

Somaliland ooo shaacisay xilliya ay doorashooyinkii muranka dhaliyay dhacayaan

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay madaxweyne Muuse Biixi u gudbiyey Warqad ay ku cayimeen xilliga ay u qorsheeyeen inay ku qabtaan doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo deegaannada, taasi oo ay u muddeeyen 31/05/2021.

Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyagu maanta si wada-jir ah usoo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka u cayimeen inay qabsooman doorashooyinkaas, waxayna farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada.

Kulan wada-jir ah oo ay la qaateen madaxweyne Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa, Saylici ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi-qaran shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Qodax ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaata qaranka iyo Komishanka qaranku.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Jirde ayaa isaguna baaq u diray golaha guurtida, si looga baaqsado in doorashada ay dib uga dhacdo xiligeeda, kadib markii laga heshiiyey murankii baahsana ee ka taagna.

“Maadaama oo maanta aannu dadku diyaar u ahayn doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxannu go’aansannay guurtida inaannu ka dalbanno inay is waafajiyaan maalinta uu komishanku qabtay iyo maalinta ay cayimaan, cid Allaale iyo ciddii gacan ka geysatay diiwaan-gelinta, haddii ay komishanka tahay, haddii ay xukuumadda tahay, haddii ay odayaasha dhaqanka tahay iyo haddii axsaabta qaranka tahayba aad iyo aad baannu u bogaadinaynaa,” ayuu yiri.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xarriiqay inay axsaab ahaan ku wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka qaranku u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda.

“Waxa ay xisbiyada qaranku isla qaateen inay si midaysan u taageeraan soo jeedinta ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinku, waxa kale oo ay soo jeedinayaan si qaran ahaan aynu u midaysnaanno, dib-u-dhac dambena aanu innagu iman, maadaama oo ay guurtidu hore muddada u kordhisay, in guurtida, xukuumadda iyo xisbiyaduba ka wada hawl-galaan si la isu waafajiyo muddadii hore ee guurtidu tilmaantay iyo muddada imika komishanku soo jeediyeen” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo ballan qaad culus ka sameeyey XUDUR

0

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay ku hoyday degmada Xudur ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmadaasi.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid is xog-wareysi ah oo ku aadan xaaladaha nololeed ee ka jira magaalad Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen ayaa waxgaradka iyo maamulka degmada u ballan qaaday in maamulkiisa uu bilaabayo qorshe go’doonka looga qaadayo magaaladaasi.

Sidoo kale madaweynaha ayaa ka dalbaday shacabka inay la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, si wadajir looga hortago dagaalyahanada kooxdaasi.

“Madaxweynaha Koofur Galbeed & qaybaha Bulshada waxa ay isla meel dhigeen fulinta iskaashiga lagu wajahayo cadawga, malaaqyada, dhallinyarada, haweenka & dhinacyo kale oo kulanka ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in Madaxweynaha ay ku garab istaagaan fulinta ballanqaadka uu u sameeyay,” ayuu yiri guddoomiyaha Xuddur.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shacabka ku dhaqan degmada Xudur ay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay degmadaasi, iyada oo haatan sare u kac xoogan  laga dareemayo maciishada.

Saldhiga ciidanka Kenya ee Hoosingow oo la duqeeyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal lagu duqeeyey saldhigga ciidanka Kenya ee ku yaalla deegaanka Hoosingow.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ciidamada Kenya ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, iyada oo dadka ay sheegen inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay khasaare lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose ka socda howl-gallo ay wadaan ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta e ku yaalla gobollada Jubbooyinka.

Booliiska Somaliland oo xiray haweeney tacadi u geysatay gabar u shaqeyneysay

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay xabsiga dhigeen haweeney tacadi u geysatay gabar shaqaale u aheyd.

Haweeneydaan ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaalka ay sida xun ula dhaqmeyso gabadha yar, wuxuuna kiiska noqday mid aad loogu hadal qaaday baraha bulshada.

Samsam Ismaaciil Cartan ayaa lagu magacaabaa haweeneyda lagu eedeeyay dacwad la xiriirta ku tumasho xuquuq shaqaale.

Dhanka kale gabadha tacdiga loo geystay ee baraha bulshada aadka loogu hadal qaaday ayaa shaqo laga siiyay bangiga dhexe ee Somaliland.

Gabadha la shaqaaleysiiyay waxaa magaceeda lagu sheegay Ayaan Maxamed Yuusuf, waxeyna haatan noqotay shaqaale rasmi ah oo ka tirsan Bangiga dhexe ee Somaliland.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa sheegay in gabadhaas tacdiga loo geystay ay siiyeen shaqo rasmi ah, maadaama ay darseen duruufaha qoys ahaan ku gadaaman, sidoo kalana muuqaalada laga duubay ay ka muuqatay inuu gacanta ugu xiran yahay calanka Somaliland.

Saraakiil Shabaab ah oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Balcad ( Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay saq-dhexe guutada 3-aad, ururka 19-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fulisay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 8 KM u jiro degmadaasi, sida uu shaaciyey taliyaha qeybta 27- aad ee Xoogga dalka Janaraal Maxamed Axmed (Tareedisho).

Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Tareedisho ayaa intaasi ku daray in howlgalkaasi lagu soo qabtay waxyaabo qarxa oo la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen degaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye Tareedisho.

Muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan wadada isku xirta Balcad & Jowhar oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab.

Xaaladda murugada leh ee gobolka BAKOOL (Warbixin)

0

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad udaran, kadib markii ay Al-shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur.

Muddo laga joogo 8-sano ayey Al-Shabaab go’doon geliyeen degmooyin ka kala tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, hase yeeshee 6-dii bilood ee u dambeysay ayey Al-Shabaab xoojiyeen go’doonka ay geliyeen shacabka ku nool gobolka Bakool, waxeyna Caasimada ogaatay in arintaan ay ka dambeysay laba arrin oo kale ah.

1- Shacabka gobolka Bakool ee ku nool degmooyinka ay maamusho dowladda waxay u qeybsameen laba dhinac oo kala ah, qaar u go’ay dowladda oo aan haba yaratee wax macaamil ah la laheyn Al-Shabaab iyo qaar aan labada dhinac midna u go’in oo isaga baxay gobolka, si ay u helaan nolal u dhaanta tan ka dhalatay go’doonka Bakool.

2- Arrinta kale ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay ciidan tiro yar oo gaadiidka ka soo galbin jiray soodinta gobollada Bakool iyo Hiiraan ay u qaaday gobalka Gedo, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in 6-bilood ka hor Al-Shabaab inta aysan adkeynin cuna-qabateenta saaran gobolka ay dadka deegaanka ku amreen in ay garsoor usoo doontaan Al-Shabaab, bixiyaana wax loogu yeeray Zakawaad, iyo in ay lacag ka dhibaan adeegyada soo gala dhulka dowladda, balse ay diideen bulshada gobolka, waana sababta keentay in la gubo gaadiid badan oo raashin u siday, dadkii waday la dilo, hanti badanna ay Al-Shabaab qaateen ama gubeen.

Qof kamid ah shacabka ku nool magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegay in maciishada qutul daruuriga ah, sida Sokorta, Burka iyo Bariiska loorkii uu gaaray $80, waa hadiiba la helo, maadaama albaabada la isugu laabay goobihii ganacsiga.

“Sababta naloo go’doomiyey waa dowladda oo aan u taageersanahay, magaalada aan joogo ee Xudur hadda mayaalo wax raashin ah, dadkii yaqaana meel ay aadaan ama hela kharash waxay maalin kasta raacaan diyaaradii timaada,” ayuu yiri qofkaas ku nool Xudur oo aan magaciisa u qarinay sababo ammaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay Xudur oo sidii uu ku ogaa ka liidatay todoba bilood ka hor oo mar uu booqday magaaladaas.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maalin ka hor warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus oo la xariira go’doonka ka sii daray ee gobolkaas u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo. Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulayo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka,” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay in arinta Bakool ay ka weyntahay maamulka daacada u ah Madaxweyne Farmaajo ee ka dhisan K/Galbeed, loona baahan yahay in Farmaajo shacabka Bakool abaal gud uga dhigo ka dulqaadista go’doonka Al-Shabaab, ka hor inta aysan ka dhimaanin maalmaha ka harsan muddo xileedkiisa.

“Way ku adagtahay K/Galbeed madaxweyneheeda inuu tallaabo qaado, marka dowladda dhexe ayaa la rabay inay gacan siiso, sida in dhaqaale lagu taageero ciidan loo diyaariyo, ciidamada dowladda 20-kun waa ka badanyihiin badankoodna Muqdisho ayey joogaan, marka dowladda waxaan u soo jeedinayaa inay tallaabo qaado oo wadadaas furto,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay Xildhibaano iyo siyaasiin ka soo jeeda Gobalka Bakool oo ka hadlaya dhibaatada ka taagan degmooyinka Ceel-barde, Waajid iyo Xudur.

Waa 9-sano inta uu xaaladan go’doonka ah wajahayo gobolka Bakool. Dad badan ayaana aaminsan in qeyla dhaanta xildhibaanada Gobolka ka soo jeeda ee maalmahaan korartay ay tahay qeyb kamid ah olalahooda dib u doorashada, maadaama ay aamusnaayeen sanadihii la soo dhaafay oo haddii ay qeyla dhaamiyaan la’aaminsan yahay in xaaladu sidaan iska badali laheyd.

Inkastoo dhibaatooyinka Al-Shabaab ay wada saameeyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, hadana dhibaato gaar ah ayey wajahayaan shacabka go’doonka ku jira ee gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxaase is weydiin mudan, haddii labadii Madaxweyne ee soo maray dalkan 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku guul dareysteen in laga qaado go’aanka Al-Shabaab, Madaxweynaha xiga maku guuleysan doonaa? Sidee ayeysa ka hor noqon kartaa nolasha dadkaas oo gacan ka waayay dowladii ay Al-shabaab ka doorteen?