25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Booliiska Somaliland oo xiray haweeney tacadi u geysatay gabar u shaqeyneysay

0

Hargeysa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay xabsiga dhigeen haweeney tacadi u geysatay gabar shaqaale u aheyd.

Haweeneydaan ayaa baraha bulshada ku faafisay muuqaalka ay sida xun ula dhaqmeyso gabadha yar, wuxuuna kiiska noqday mid aad loogu hadal qaaday baraha bulshada.

Samsam Ismaaciil Cartan ayaa lagu magacaabaa haweeneyda lagu eedeeyay dacwad la xiriirta ku tumasho xuquuq shaqaale.

Dhanka kale gabadha tacdiga loo geystay ee baraha bulshada aadka loogu hadal qaaday ayaa shaqo laga siiyay bangiga dhexe ee Somaliland.

Gabadha la shaqaaleysiiyay waxaa magaceeda lagu sheegay Ayaan Maxamed Yuusuf, waxeyna haatan noqotay shaqaale rasmi ah oo ka tirsan Bangiga dhexe ee Somaliland.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ayaa sheegay in gabadhaas tacdiga loo geystay ay siiyeen shaqo rasmi ah, maadaama ay darseen duruufaha qoys ahaan ku gadaaman, sidoo kalana muuqaalada laga duubay ay ka muuqatay inuu gacanta ugu xiran yahay calanka Somaliland.

Saraakiil Shabaab ah oo lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Balcad ( Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay saq-dhexe guutada 3-aad, ururka 19-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fulisay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan 8 KM u jiro degmadaasi, sida uu shaaciyey taliyaha qeybta 27- aad ee Xoogga dalka Janaraal Maxamed Axmed (Tareedisho).

Sidoo kale taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab.

Tareedisho ayaa intaasi ku daray in howlgalkaasi lagu soo qabtay waxyaabo qarxa oo la doonayey in shacabka lagu dhibaateeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen degaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye Tareedisho.

Muddooyinkii dambe ciidamada Xoogga ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan wadada isku xirta Balcad & Jowhar oo ay inta badan weeraro ka fuliso Al-Shabaab.

Xaaladda murugada leh ee gobolka BAKOOL (Warbixin)

0

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad udaran, kadib markii ay Al-shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur.

Muddo laga joogo 8-sano ayey Al-Shabaab go’doon geliyeen degmooyin ka kala tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, hase yeeshee 6-dii bilood ee u dambeysay ayey Al-Shabaab xoojiyeen go’doonka ay geliyeen shacabka ku nool gobolka Bakool, waxeyna Caasimada ogaatay in arintaan ay ka dambeysay laba arrin oo kale ah.

1- Shacabka gobolka Bakool ee ku nool degmooyinka ay maamusho dowladda waxay u qeybsameen laba dhinac oo kala ah, qaar u go’ay dowladda oo aan haba yaratee wax macaamil ah la laheyn Al-Shabaab iyo qaar aan labada dhinac midna u go’in oo isaga baxay gobolka, si ay u helaan nolal u dhaanta tan ka dhalatay go’doonka Bakool.

2- Arrinta kale ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay ciidan tiro yar oo gaadiidka ka soo galbin jiray soodinta gobollada Bakool iyo Hiiraan ay u qaaday gobalka Gedo, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in 6-bilood ka hor Al-Shabaab inta aysan adkeynin cuna-qabateenta saaran gobolka ay dadka deegaanka ku amreen in ay garsoor usoo doontaan Al-Shabaab, bixiyaana wax loogu yeeray Zakawaad, iyo in ay lacag ka dhibaan adeegyada soo gala dhulka dowladda, balse ay diideen bulshada gobolka, waana sababta keentay in la gubo gaadiid badan oo raashin u siday, dadkii waday la dilo, hanti badanna ay Al-Shabaab qaateen ama gubeen.

Qof kamid ah shacabka ku nool magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegay in maciishada qutul daruuriga ah, sida Sokorta, Burka iyo Bariiska loorkii uu gaaray $80, waa hadiiba la helo, maadaama albaabada la isugu laabay goobihii ganacsiga.

“Sababta naloo go’doomiyey waa dowladda oo aan u taageersanahay, magaalada aan joogo ee Xudur hadda mayaalo wax raashin ah, dadkii yaqaana meel ay aadaan ama hela kharash waxay maalin kasta raacaan diyaaradii timaada,” ayuu yiri qofkaas ku nool Xudur oo aan magaciisa u qarinay sababo ammaan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay Xudur oo sidii uu ku ogaa ka liidatay todoba bilood ka hor oo mar uu booqday magaaladaas.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal BFS oo maalin ka hor warbaahinta la hadlay ayaa eedeymo culus oo la xariira go’doonka ka sii daray ee gobolkaas u jeedisay madxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Madaxweyne Farmaajo dadka kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Bakool isku si uguma cadaalad falin, waxay bulshadu arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad galinayso gobolka aad kasoo jeedo ee Gedo. Ciidanka qaranka ee maalin walba loogu daabulayo goobo ay doorasho ka socoto, maxaa loogu bad-baadin waayay dadka noloshoodu halista ku jirto, mise kursiga ayaa ka muhiimsan nolosha dadka,” ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay in arinta Bakool ay ka weyntahay maamulka daacada u ah Madaxweyne Farmaajo ee ka dhisan K/Galbeed, loona baahan yahay in Farmaajo shacabka Bakool abaal gud uga dhigo ka dulqaadista go’doonka Al-Shabaab, ka hor inta aysan ka dhimaanin maalmaha ka harsan muddo xileedkiisa.

“Way ku adagtahay K/Galbeed madaxweyneheeda inuu tallaabo qaado, marka dowladda dhexe ayaa la rabay inay gacan siiso, sida in dhaqaale lagu taageero ciidan loo diyaariyo, ciidamada dowladda 20-kun waa ka badanyihiin badankoodna Muqdisho ayey joogaan, marka dowladda waxaan u soo jeedinayaa inay tallaabo qaado oo wadadaas furto,” ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay Xildhibaano iyo siyaasiin ka soo jeeda Gobalka Bakool oo ka hadlaya dhibaatada ka taagan degmooyinka Ceel-barde, Waajid iyo Xudur.

Waa 9-sano inta uu xaaladan go’doonka ah wajahayo gobolka Bakool. Dad badan ayaana aaminsan in qeyla dhaanta xildhibaanada Gobolka ka soo jeeda ee maalmahaan korartay ay tahay qeyb kamid ah olalahooda dib u doorashada, maadaama ay aamusnaayeen sanadihii la soo dhaafay oo haddii ay qeyla dhaamiyaan la’aaminsan yahay in xaaladu sidaan iska badali laheyd.

Inkastoo dhibaatooyinka Al-Shabaab ay wada saameeyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, hadana dhibaato gaar ah ayey wajahayaan shacabka go’doonka ku jira ee gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxaase is weydiin mudan, haddii labadii Madaxweyne ee soo maray dalkan 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku guul dareysteen in laga qaado go’aanka Al-Shabaab, Madaxweynaha xiga maku guuleysan doonaa? Sidee ayeysa ka hor noqon kartaa nolasha dadkaas oo gacan ka waayay dowladii ay Al-shabaab ka doorteen?

Khatarta farogelinta uu Abiy Ahmed ku hayo Soomaaliya

0

Sida aad la socotaan ama Fiidyowgan hoos ku dhegan uu tilmaamayo waxaa xilliggii Tigreegu ka talinayay Itoobiya ay Kenya iyo Itoobiya ku heshiiyeen inay u qaybsadaan Soomaaliya sida hoos ku cad:

1- In Jubbooyinka ay qaadato Kenya
2-
In Soomaaliya inteeda kale ay qaadato Itoobiya

Sababtaas awgeed, waxay Itoobiya iyo Kenya ka codsadeen Golaha Ammaanka ee Jumciyadda Quruumaha ka dhaxaysa in ciidamadooda lagu daro AMISOM waana loo aqbalay si dhulka Soomaaliya xoog loogu boobo. Waxaa dalka jooga ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM si ay u fuliyaan qorshahaas dhagaraysan. Immikana waxaa sarkaal Itoobiyaan ah loo magacaabay jago sare ee ciidamada AMISOM si uu qorshaha qabsashada Soomaaliya u hirgesho.

Haddii aan degdeg looga hortagin Laguna qasbin Itoobiya iyo Kenya inay dalka Soomaaliya degdeg ugala baxaan dhammaan codamadooda waxay Soomaaliya wajahaysa khatar weyn. Soomaaliya waxaa cadaawad dhuleed oo taariikhi ah kala dhaxaysa Itoobiya iyo Kenya oo labaduba gumaysta dhul iyo dad Somaliyeed oo ay hore u boobeen. Si ay dhulkaas u xalaalaystaan oo looga hadho ayay ku heshiiyeen inay kala qaybsadaan oo qabsadaan dhulka Soomaaliya. Sababtaas awgeed, khaladweyn ayay ahayd in Golaha Ammaanka ciidamada Itoobiya iyo Kenya u oggolaado inay soo galaan Soomaaliya.

Inta Golaha Ammaanka la weydiisanayo in laga saarayo Soomaaliya ciidamada Itoobiya iyo Kenya waan in dhaqdhaqaaqooda lala socdaa siiba ciidamada Itoobiya. Itoobiya oo dagaal sockeye burburiyay marna lagama aqbalayo in dhul Soomaaliyeed ama dekedo Somaliyeed ay xoogto oo qabsato. Dhammaan madaxda Soomaaliyeed ee gacanta ku siinaysa Itoobiya iyo Kenya inay kala qaybsadaan oo qabsadaan Soomaaliya waa in khiyaamo qaran lagu qaado mustaqbalka.

Video: DF oo ballan-qaaday in Hooyo Luul ay caddaalad hesho afar sano kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey qisada Luuley Cismaan Xasan oo ah Hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar-jajab, isla markaana cadaalad darro weyn ka tabaneysa dowladda Soomaaliya.

Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil oo kaliya. Kaas oo sifo aan sharci aheyn mudo ku dhaw 4-sano dowladda Soomaaliya ugu xiran.

Magaca wiilka Maamo Luuley, waa Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay, sanadkii 2015-kii ayuu ku biiray ciidamada dowladda, balse markii uu mushaar la’aan noqday mudo 8-bilood ah oo xiriir ah, waxuu iibsaday qorigiisii oo aah AK-47 ay dowladdu siiday, si uu ugu maareeyo noloshiisa.

Hasa yeeshee bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii ayaa loo xiray sababta uu u iibsaday qorigii ay dowladda siisay, wuxuuna xabsi ku jiraa sanadkii 4-aad. Ilaa maantana caddaalad ma helin oo maxkamad lama soo taagin.

Hooyada dhashay wiilkaas Luuley Cismaan Xasan todobaadkii mar ayey ku booqataa xabsiga, balse waxay sheegtay in ilaalada xabsiga ay si joogto ah uga qaataan boqol kun oo shilin Soomaali ah, si loo tuso wiilkeeda.

Hooyo Luuley oo 78 jir ah waxay dhabarka ku qaadataa dambiil ay uga xamaalato suuqa Ansalooti, si ay u shaqaysato quudkeeda, una hesho lacag ay ku soo aragto wiilkeeda oo ay asbuuc kasta hal maalin booqato.

Qisada hooyadan waxaa bulshada u soo bandhigay Xuseen Sabriye oo ah wiil qoraa ah, kuna nool magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay inuu ugu tegay suuqa ay ka xamaalaneysay, markii uu soo bandhigay xogteedana waxay aad ugu baahday baraha bulshada ee internetka.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo xalay Hooyo Luuley ku booqday hoygeeda ayaa sheegay inuu kala sheekeystay xaladda ay ku sugantahay iyo cadaalad darada ay tirsaneyso, isla markaana ay dowladdu si deg deg ah uga jawaabi doonto.

“Waxaan soo booqanay maamo Luul oo xogteeda aan ku aragnay baraha bulshada, markii aan akhrinayna aan ku fekernay xaqiiqada dhabta ah inaan soo aragno, waxaan dhageysanay cabashada maamadan, hadii Alle idmo berri waxaan ka howlgeli doonaa inaan cadaalad u raadino maamada wiilkeeda oo xabsiga ku jira, hadii sida ay sheegtay ay wax u jiraan, oo waxa loo heysto wiilkeeda ay tahay intaas yar, waxaan ku dadaaleynaa inaan u soo deyno wixii lagu lahaana aan ka soo bixino,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo hoyga maamo Luul warbaahinta kula hadlay.

Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxuu dhigayaa in aan muwaadinka xabsi lagu heyn karin 24-saac ka badan, iyadoo aan maxkamad la soo taagin, balse maamadaan wiilkeedu waxuu xukun la’aan xiran yahay 1,418 maalmood.

Maamo Luuley waxay qiraysaa in wiilkeedu qalad galay. Balse waxay ka cabanaysaa in uusan caddaalad helin oo aan maxkamad lasoo taagin, aysanna ogayn maalinka uu xorriyaddiisa dib u heli doono halka wiil oo ay carruur ka haysato.

Hoos ka Daawo balanqaadka wasiirka

Wararkii ugu dambeeyey qaraxiii caawa ka dhacay agagaarka madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr daqiiqo ka hor qarax noociisu ahaa miinada soo booda ayaa ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab, si gaar ah goob aan ka fogeyn Barta Control ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa qeybaha hore ka haleelay gaariga wasiirka beeraha xukuumadda Soomaaliya, balse ma geysan khasaare ka badan burbur xoog leh oo soo gaaray gaariga, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoog ahaa.

Wadada uu ka dhacay qaraxaas, waa tan kaliya ee sida aadka ah ay u isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo dhaq-dhaqaaqiisa magaalada uu xadidanyahay, ayaa ku safra wadadan markii uu ka dhoofayo garoonka.

Falanqeyn iyo fal-celin badan ayey bara bulshada ka abuurtay goobta uu caawa ka dhacay qaraxaas, madaama ay tahay mid aan looga baran, aadna loo ilaaliyo ammaanka wadadaas.

Go’aano 13-qodob ah oo laga gaaray sicir-bararka ragaadiyey Puntland + Video

0

Garowe (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland u xil-saartay ka soo tala-bixinta arrimaha sicir-bararka ka jira deegaanada Puntland, ayaa maanta soo saaray go’aanno lagu xallinayo sicir-bararka dhashay qiima dhaca iyo diidmada lacagta Shilin Soomaaliga ah.

Guddiga oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 13-qodob, ayaa soo jeediyay in maamulku mushaharka shaqaalaha 20% ku bixiso Shilin Soomaali, isla markaana dekedda 20% lagu canshuuro Shilin, si loo xakameeyo sicir-bararka la degay Puntland.

“Guddigu wuxuu kale oo daraaseeyey dhaqaalaha guud ee Puntland isaga oo qiimeeyey lacagta qalaad ee Doolarka ah (USD) ee Puntland soo gashay labadii sano ee la soo dhaafay (2019 iyo 2020) iyo inta ka baxday. Waxay kale oo ay si qoto dheer uga baaraandegeen saamaynta uu COVID-19 ku yeeshay dhaqaalaha, sida lacagihii lasoo diri prey (Rernittances). mashaariicda laga helo caalamka iyo weliba lacagaha laga helo wax-dhoofka (Export). Sidoo kale Guddigu waxuu baaris ku sameeyey inta ay la’eg tahay tirada lacagta Sh.So. ah ee Puntland cidda isticmaasha iyo wax yeelooyin kale oo dhibaatadda ka qeyb qaatey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa intaas ku sii daray, “Dharnmaan baaritaanadaas iyo daraasadahaasi waxay Guddiga u muujiyeen inay kala doortaan labo qorshe ama arrirnood oo lagu wajihi karo xalinta dhibaatada suuqa lacagaha, kuwaas oo kala ah, 1 –In logo guuro isticmaalka Shillinka oo Doolar (USD) keliya la adeegsado (Full dollarization option) 2 –In Shillinka iyo Dollarku ay suuqa si xor ah l ckegsado (Hybrid option).”

Go’aanka Guddiga Waxaa la’isku raacay go’aan ah in la socodsiiyo Sh. So., lana soo celiyo kalsoonidii lagu qabay isticmaalka Shilinka, si loo xasiliyo sicirka sarifka Sh.So. Go’aanada Guddiga ee soo celinta kalsoonidda. xasilinta sicirka Shilinka iyo fulinta kuwaasi oo ay iska kaashan doonan Dowladda, Ganacsatadda iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. ayaa waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

  1. Waxaa la xaqiijiyey in lacagta Sh.So ee suuqyadda Puntland ku wareegta , ku badan tahay sidaas darteed waxaa la go’aamiyey in Bankiga lagu xareeyo lacagta ku badan suuqyadda. Lacagaha Sh.So ee culeyska ku ah suuqa, waxaa xareyntoodda iska kaashanaya Dowladda iyo Ganacsatadda, iyadoo lacagahaas la dhigayo Bankiga Dowladda si gaaro xal waara. marka suuqu xasilona waxaa lacagta ganacsataddu loogu fasaxayaa si tartiib tartiib ah. Shaqadaas oo noqon doonta mid iskaashi, oo ah ‘XasIlInta Suuqa’.
  2. Waxaa la isla gartey in lacagta sou, laga xareynayo , Dowladdu xareyso kala bar lacagta culeyska keentay. barks kalena ganacsatadu xerayso. Faahfaahinta qaabka loo qaybinaayo, sida loo xareynayo lacagta Sh.So wuxuu ku cad yahay Itfaaqa (Eeg lifaaqa 1d).
  3. Waxaa la’isla gartey in Dowladda iyo Ganacsatadda ay socodsiiyaan isticmaalka Shillinka iyagoo ka wadda shaqeen,a xasilinta dhibaatadda suuqa lacagaha Puntland.
  4. Waxaa la qaatey go’aan ah in Dowladdu cashuurta Dekedda ay ku qaado lacag dhan boqolkiiba labaatan (20%) Sh.So. ,rioc) ,fler nlushahaarka iyo kharashaadka kale ee Dowladda ay ku bixiso boqolkiiba labaatan (20%) Sh.So.
  5. Sidoo kale, waa in ganacsataddu socodsiiso isticrnaalka shilinka, iyagoo dhiganaya lacagta Sh.So Bankiga Dowladda si ay u helaan meelo ay ku kaysadaan. isla markaana ay si fudud ula kala wareegaan iyagoo isticmaalaya Akoonadda ay ku leeyihiin Bankiga Dowladda.
  6. Waxaa qeyb ka noqdey in Sh.So qiimihiisu hoos u dhaco isticmaalka labo sicir sarif, waxaa meesha laga saarey in ay kala duwanadaan sicirka sarifka Dowladda iyo sicirka suuqa xorta ah, taas oo macnaheedu yahay in sicirka sarifka lagu jaang.yo suuqa xorta ah. Bankiga Dowladda ayaa rnaalin walba la socon doona suuqa lacagaha soona saaraya qiimaha suuqa ee maalinlaha ah, Ishana ku haynaya hub dhaqanka sariflayaasha iyo ganacsatadda kale ee suuqa saameynta ku leh kuna kaca ficiladda sharci daradda ah.
  7. Waxaa la joojiyey lacagta Sh.So. ah ee ganacsataddu u kala safriso goboladda Puntland, ganacsatadda waxaa lagu wargelinayaa inney quIqulka lacagta Sh.So dhexmariyaan Akoonadoodda Bankiga Dowladda Puntland. Tusaale ahaan, ganacsadihii lacag kasoo raraya Galkacayo una qaadaya Bosaso, wuxuu lacagta dhiganayaa xarunta Bankiga Dowladde Galkacayo, wuxuuna kala baxayaa xarunta Bankiga Dowladda Bosaso. 8. Waa in Dowladaha Hoose ay cashuuraha ku qaadan lacagta Sh.So. par ahaan cashuuraha dejinta gaadiidka, horumarint degmooyinka iyo nooc kasta oo ah cashuuraha maalinlaha ah ee laga qaado suuqyadda magaalooyinka Puntland.
  8. lyaddoo ay waa jib ku tahay cidkasta oo Puntland ka shaqeysata socodsiinta iyo qaadashadda lacagta Sh.So, waxaa shirkadaha ka ganacsadda adeegga dadweynaha (Public Services) side korontadda, biyaha iyo isgaarsiinta la farayaa inney fuliyaan adeegsiga lacagta Sh.So.
  9. Waa in dowladdu baarto, illaaliso. dabogalna ku sarneyso suurto galnimadda lacago cusub oo horey loo keydsadey, lacago xuduudaha kasoo gala iyo daabacaado cusub oo Sh.So. 11. Safirlayaashu waa inay Bankiga Dawladda ka qaataan ruqsad sarifle, isla markaasna racaan xeerarka iyo nadaarnka Bankiga Dawladda .
  10. lyadoo la xushmaynaaho sharciga suuqa xorta ah, Shirkadalid kgaarminta ee hnoya adeega lacagaha danabaysan ka (MMT), waxaa loo fasaxay adeegii ay bixin jireen ee horey looga xajiray.
  11. Go’aarnadda lagu furdaaminaayo dhibaatada dhaqaale ee Puntland soo wajandey oo ah in nimaadkii suuqyada kala socon waayey, dadkii danyarta ahaan dhibaato ku keenay ciddii Tulin weyda ama carcialaysa waxaay la kulmaysa ciqaab.

Gebo-gebo: Gudigu wuxuu ku qanacsan yahay haddii go.aamacia kor ku xusan cidwalba qaybta ay ku leedahay ka fuliso inay dhaqso u xalismayaan dhibaatada suuqyada ka taagan.

https://youtu.be/Ca-J7mk3_Xg

Sawirro: Rooble oo maanta MUQDISHO ka sameeyey dhowr kormeer + VIDEO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta , Haweenka, Biyaha iyo Tamarta, iyo Kalluumeysiga.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kormeerkaasi uu qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda.

“Qorshahaan ayaa ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeenada u qaabilsan xukuumadiisa.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada,” ayaa lagu yiri qoralkan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xarumaha warbaahinta Qaranka ee uu kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariira wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.”

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda wasaardaha uu booqday maanta, waxuuna faray in gacanna loogu adeego shacabka, gacanna doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.

DF oo Mareykanka kala hadleysa khilaafka Kenya iyo dacwad loo gudbinayo QM

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa isaga oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxay VOA-da, waxaa uu sheegay inuu dowladda Mareykanka kala hadli doono khilaafka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in uu qorsheynayo la kulanka xubno ka tirsan Golaha Ammaanka QM, si uu ugu gudbiyo ashtakada Soomaaliya iyo soo bandhigidda waxay ka tabanayaan oo uu ku qeexay ku xad gudubka sharafta dhuleedka ee dalka.

“Waxaan aad ugu xunnahay, oo aanan rabin in ay Kenya nagu wado faragelin, ha noqoto arrimaheena siyaasadeed ama ha noqoto xuduudaheena oo ay kusoo galaan ogolaansha la’aan, in ay diyaaradahoodu dalkeena iska soo galaan oo ay duqeeyaan dad Soomaaliyeed, xoolahooda, iyo hantidooda,” ayaa uu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ka faa’iiday jarista xiriirka Kenya, ayna ku heshay dhageysiga wadamada caalamka oo aan horay u maqli jirin dhibaato iyaga ka timaada iyo ixtiraam ay u muujiyeen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bartamihii Bishii December ee 2020 sheegtay in ay si rasmi ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya, maalmo kadib markii ay kulmeen Madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale shir aan caadi ahayn oo madaxda IGAD ay 20-kii December ee sanadkii hore ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in hordhac u ahaayeen xal ka gaarista khilaafka labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Janaraal Itoobiyaan ah oo xil sare looga magacaabay ciidanka AMISOM + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Janaraal Itoobiyaan ah ayaa la wareegay xilka taliye ku xigeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee jooga Soomaaliya.

AMISOM ayaa shaacisay in Maj. Gen. Gerbi Reggase Kebede uu yahay taliye ku xigeenka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, wuxuuna xilka kala wareegay Maj. Gen. George Owinow.

Janaraalka la magacaabay ayaa booqday saraakiisha ugu sarreysa hawlgalka ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya wuxuuna ugu tagay kulan isbarasho ah, waxaana taliyayaasha uu la kulmay ka mid ah taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga Brig Don Nabasa.

Janaraalkaan la magacaabay wuxuu qaabilsanaan doonaa arrimaha taageerada iyo saadka, wuxuuna saraakiisha u ballan qaaday inuu gaarsiin doono wax walba oo ay shaqadiisa tahay inta lagu jiro fulinta qorshaha (Somali Transition Plan).

DAAWO SAWIRADA:

Dowladda UK oo shaaca ka qaaday tirada askarta ay Soomaaliya u tababartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa sheegtay iney Soomaaliya u tababartay ilaa 113 askari oo ah dufacadii ugu dambeysay kuwaas oo qeyb ka ah 500 askari oo loogu talagalay iney xoojiyaan la dagaalanka dagaalyahanada Al-Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Tababarkaan oo soconayay muddo laba bilood ah ayaa lagu tababaray saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana loogu talagalay iney hawlo amni ka fuliyaan deegaanada Koonfur Galbeed iyagoo beegsanaya Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyadii kale ee hubeysan.

UK ayaa tababarka uu ku tababarayo 500 askari bilaabay September 2019, balse dufcadaan waxey aheyd middii ugu dambeysay oo ay tababar u sameysay.

Dowladda Ingiriiska waxey ballan qaaday iney dhiseyso xero ciidan oo qaadi karta markii 450 askari taasoo laga hirgalin doono magaalada Baydhabo, sidoo kale waxey ku wareejiyeen ciidanka gaadiidka dagaalka.

“Talaabadan waxay muujineysaa sida ay Britain uga go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sugida amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyadoo lala dagaallamayo kooxaha argagixisada ee halista ku ah danaha UK ee gudaha iyo dibaddaba,” ayuu yiri Forces James oo ah wasiirka ciidamada UK.

Kenya oo war soo saartay kadib markii ay soo baxday in Al-Shabab ay maamusho 50% magaalada Mandhera

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku gacan seyrtay hadal kasoo baxay barasaabka Mandheera oo ahaa in ururka Al-Shabaab ay inka badan 50% maamulaan waddooyinka deegaankaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay hadalka Cali Rooba “Inkasta oo ay caqabado jiraan taas ugu wacan marinnada Al-Shabaab ee xuduudka, Mandheera gebi ahaanba ma ahaan meel uu cadowga joogo, si ka duwan hadalka Cali Rooba,” ayey tiri wasaaradda.

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in dowladda ay ka shaqeysay xoojinta iyo horumarinta arrimaha amniga ee gobolkaas.

Guddoomiyaha Mandheera Cali Ibraahim Roba ayaa Dowladda Kenya u gudbiyay cabasho dhanka amniga ah oo la xiriirta weerarada Al-Shabaab ay ka geysato Dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho iyo cabsida ka dhalatay isu socodka waddooyinka.

Roba ayaa sheegay in Al-Shabaab ay maamulaan Waqooyi bari Kenya 50%, kadib weeraro iyo dilal ay muddo ka geysanayeen sida uu sheegay, waxaana uu dalbaday in qorshe ka dhan ah Shabaab looga baahan yahay Dowladda.

Cali Roba ayaa xusay in Al-Shabaab kordhisay dhaqdhaqaaqa ay ka wado Ismaamulo Mandheera ay kamid tahay, taasina ay dhalisay welwel la xiriira in maamulka intiisa badan uu maro dhankooda sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaaladaas.

“Xaqiiqada runta ah iyo tan dhabta ah ayaa ah in aniga oo ah Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera oo aan ahayn qof shacab ah isla markaana la ii igmaday in aan maamulo howlaha Dowlad deegaankaan ayaan xaqiijinayaa in ka badan 50% waddooyinka Deegaankaan ay maamusho Al-Shabaab,” Sidaasi waxaa yiri Cali Ibraahim Roba.

Wasiirka arrimaha dibedda oo weerar culus ku qaaday Puntland iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland xilli uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka jira.

Wasiirka oo ka mid ah masuuliyiinta ku jira dowladda uu wakhtigeeda sii dhamaanayo ee kasoo jeeda Puntland ayaa beeniyay in dowladdu qabaneyso doorasho hal dhinac ah, taas badalkeedana wuxuu maamullada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay iney fulin waayeen qodobadii lagu heshiiyay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray Muqdisho.

“Waan nasiib darro in labada dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ay kasoo bixi waayeen wixii ay qorteen, sidee loo dhihi karaa mid hal dhinac ah? sida aan maqlayo dowlad goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradkuba ma rabaan in doorasho la qabto, sidee dowladnimada isku badaleysaa hadii aan doorasho la qaban,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay idaacadda VOA-da.

Wasiirka wuxuu dhanka kale si dadban u sheegay in la qaban karo doorasho ay ka maqan yahiin labada maamul uu carabaabay, maadaama uu sheegay in 8 goobood oo lagu ballamay in codeynta ka dhacdo ay diyaar yahiin, isla markaana waxa hadda maqan ay yahiin kaliya saddex goobood oo laba ay Puntland ku taallo iyo hal Jubbaland uu ka tilmaamay.

Dhanka kale isagoo ka hadlayay hadii door laga siin karo musharaxiinta heshiisyada la gaarayo wuxuu sheegay in markii horaba heshiisyada iney ka qeyb noqdaan ay diideen madaxda maamul goboleedyada.

Si kastaba dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uma muuqdaan kuwa doonaya in wadahadal lagu dhameeyo wax walba, waxaana loo fahamsan yahay iney doonayaan doorasho dhinacooda ah oo ay mar labaad kusoo baxaan.

Waxaa khilaaf ka jiraa guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer maamul goboleed, arrinta gobolka Gedo iyo waxyaabo kale, walina ma muuqato in dowladda dadaal u galeyso xalinta tabashooyinkaan, waxaana sidoo kale jira in beesha caalamka taageertay in wax lagu meelmariyo heshiiskii 17-ka September ka dhacay Muqdisho.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la shiray wasiirada Hawiye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle ayaa weli kulamo xal raadin ah ka wada magaalada Muqdisho.

Kulamada oo ah kuwa is-daba joog ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan sidii looga gudbi lahaa marxaladda adag ee kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.

Qoor Qoor & Cali Guudlaaawe ayaa saacadihii ugu dambeeyey gudaha caasimada kulan ballaaran kula yeeshay wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo sidoo kale wasiir dowlayaasha ugu jiro beelaha hawiye xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka & is mari-waaga ka taagan ee u dhexeeya dowladda & mucaaradka.

Sidoo kale dhinacyadaasi ayaa isla soo qaaday arrimaha ammaanka ee maamullada Galmudug & HirShabelle oo iyagu ka mid ah meelaha lagu qabanayo doorashada.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday in la raadiyo xuquuqda gobolka Banaadir, iyada oo laga faa’iideysanayo marxaladda kala wareega ah ee lagu jiro.

Galmudug & HirShabelle ayaa ka mid ah maamullada taabacsan dowladda federaalka, iyada oo la filayo inay gudaha galaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Si kastaba weli waxaa dalka ka taagan muran xoogan oo ka dhashay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo isugu jirto tan baarlamaanka & madaxweynaha.

Xog: FARMAAJO oo 3 arrin mid ka dalbaday Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu warramayaa inuu saddex qodob oo ku saabsan doorashada 2021 hordhigay madaxda saddex maamul goboleed ee taageersan.

Xogta laga helayo Villa Somalia ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyey madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasann Maxamed Lafta-gareen iyo HirShabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Aqalka Sare ama ay xal ka keenaan dhinacyada tabashada ka qaba.

Xalka Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyey saddexda madaxweyne ee maamul goboleedyada taageersan ayaa kala ah: 

1- Inuu diyaar u yahay xalka qodobadda hortaagan doorashadam sida: Isbedel lagu sameeyo xubnaha guddiyada doorashada, balse ay soo gudbiyaan liiskooda; In arrinta Gedo xal dhexe laga gaaro, iyadoo aan laga noqon heshiiska doorashada ee ah in laba magaalo lagu qabto maamul goboleed kasta iyo arrinta Somaliland dhexdooda xal ka keenaan.

2- In madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe laga keeno heshiis cusub oo muddo kooban dib loogu dhigo doorashada inta xal laga gaarayo.

3- Inay doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bilaabato maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabeelle iyo Gobolka Banaadir, haddii labada qodob ee hore ay ku guul-darreystaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u qabtay Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe inay ilaa 18-ka bishan Janaayo ula yimaadaan heshiis ama ay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, isagoo ku dooday in ujeedka mucaaradka ay tahay inay waqtiga ka dhammeeyaan oo la gaaro 8-da Febraayo, taasina aanu aqbali doonin. 

Qaar ka mida wakiilada beesha caalamka iyo siyaasyiinta ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu shaqadii laga sugayey isaga inuu u xil saaray madaxda saddexda maamul goboleed ee taageersan.

Isha: Goobjooge

Xarunta golaha shacabka ee BF oo si ku meel gaar ah looga dhigay keyd hub (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ku dhow isgoyska Sayidka oo bilo ka hor lagu wareejiyay Turkiga si dayactir loogu sameeyo, ayaa hada laga dhigay xarun lagu keydiyo hubka.

Warkaan oo aan ka helnay shaqaalaha Xarunta Golaha Shacabka oo weli halkaas ku shaqeeya iyo ciidanka ilaaliyo dhismaha ayaa lagu sheegay in amarka keydka hubka looga dhigay uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya. 

Dadka ka shaqeeya dhismahaan ayaa Caasimada Online u sheegay in qeyb kamid ah dhismaha Golaha Shacabka albaabada la saaray quful, sidoo kalane la xiray daaqadaha loona yeelay ilaalo gaar ah lamana oga sababta ka dambeysa in halkaas laga dhigo xarun keyd hub ah xili la filayay in la dayactiri doono.

Dowladda Turkiga ayaa hore u balan qaaday in ay dhisi doonto xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo tan iyo burburkii helin dayactir dhameystiran marka laga reebo in xafiisyada qaar rinji la mariyay xiliyo dhow. 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Golaha Shacabka iyo guddoonka Baarlamaanka oo aan la xariirnay ayaa ka jawaabin wicitaankeena halka qaar kamid ah maamulkana ay sheegeen in aysan beenin karin in hub la keenay islamarkaana aysan noo xaqiijin karin in la keenay iyo in aan la keenin. 

QM oo xil u magacowday ergay ay Soomaaliya ceyrisay

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa xil magacaabay, Nicholas Haysom oo horey uga soo shaqeeyey Somalia.

Haysom oo ay ceyrisay dowladda Soomaaliya sanadkii 2019-koo ayaa ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, isaga oo lagu eedeeyey faro-gelin arrimaha gudaha ah iyo inuu ku xad-gudubay madax banaanida dalka.

Diblomaasigan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa ka soo shaqeeyey meelo kala duwan, sida xarunta dhexe Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxaana haatan loo magacaabvay inuu madax ka noqdo howlaha QM ee Suudaanta Koonfureed.

Mr Nicholas Haysom ayaa dhowaan u kictimaya magaalada Jubba ee caasimada dalkaasi, si uu ula socda xaaladda Suudaanta Koonfureed oo ay dagaallo aafeeyeen.

Sidoo kale diblomaasigan oo 69 sano jir ah ayaa bedalaya, David Shearer oo ka soo jeeda dhalasho ahaan dalka New Zealand.

Si kastaba Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid dalalka ay sida joogtada ah uga dhacaan rabshadaha qabaa’illada salka ku haya, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii dalkaasi.

Ciidamada Liyuu Boolis oo ‘dad shacab ah iyo ciidamo ka afduubtay’ HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraane, Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada Liyuu Boolis ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya inay dhibabto xoogan ku yahaan shacabka gobolkaasi.

Cali Jeyte ayaa shaaca ka qaaday in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Liyuu Boolis ay dad shacab ah iyo ciidan ka kaxeysteen deegaanada Xudeey iyo Wagle ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in aysan u dul-qaadan doonin xadgudub uu sheegay inay gobolka ka wadaan ciidamadaasi.

“Dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si Afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeyso Xudey Weglle iyo dareerte sifo sharci daro ah ayayna ku heestan, mana jirto ciid nagala hadashay arrintaas oo nagala xajootay waxaana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xuumo daran,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Liyuu Boolis iyo is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya oo ku aadan eedeyntaasi loo jeediyey.

Inta badan waxaa xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhaca dagaallo u dhexeeya Liiyuu Boolis iyo dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

Madaweyne Lafta-Gareen oo ku sii jeeda magaalo Al-Shabaab go’doon ugu jirta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lata Gareen) ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku sii jeeda magaallada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulkiisa & xubno ka socda hay’adaha Samafalka.

Sidoo kale waxaa shalay Xudur gaaray wafdi kale horudhac u ah safarka madaxweynaha Koonfur Galmeed ee magaaladaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyeyey, iyada oo qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdigan laga dareemayo halkaasi.

Ujeedka safarkan ayaa ah mid lagu soo qiimeynayo xaaladda adag ee ka jirta magaalada Xudur oo muddo go’doon ugu jirta dagaalyahanada dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xaaladda magaalada ayaa ah xilligan mid aad cakiran, iyada oo uu sare u kac baahsan ku yimid qiimaha Maciishadda.

Socdaalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dhowaan shacabka ku dhaqan degmada Xudur ay dhigeen dibad-bax ballaaran oo ay uga cabanayaan xaaladda adag ee magaaladaasi.

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda

0

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa weli socota tirinta codadka la dhiibtay ee doorashada dalka Uganda oo ay isku hayaan Yoweri Museveni & Bobi Wine.

Guddiga doorashada Uganda ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhowaaqaan cidda ku guuleysatay doorashadan oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday dalkaasi.

Codadka la tiriyey saddex meelood labo codadkii la dhiibtay waxaa ku horreeya Madaxweyne Yoweri Museveni oo helay 62% halka Bobi Wine uu heysto 35%.

Dhinaca kale xaaladda dalka Uganda ayaa ah mid cakiran, iyada oo ciidamo badan la dhigay waddooyinka qaar, gaar ahaan guriga Bobi Wine oo si weyn uga soo horjeeda dowladda, kaas oo shaaciyey inay jirto wax is daba-marin ku aadan doorashadaasi.

Sidoo kale guddiga doorashooyinka oo ka jawaabay eedeyntaasi ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo inuu jiro illaa iyo hadda musuq-maasuq la sameeyey.

Museveni oo 35 sano hayey xukunka ayaa ku dhow in mar lixaad loo doorto xilka madaxweynaha ee dalka Uganda isaga oo haatan ku horreeyo codadkii la tiriyey.