26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

WAR cusub oo kasoo kordhay xiisadda gobolka Awdal

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu soo afjarayo xiisadda weli ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Dadaallada haatan socda ayaa waxaa ku biiray odayaal dhaqameed ka yimid magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida, kuwaas oo maanta Hargeysa u tegay xal u raadinta xiisadda magaalada Boorama oo gaartay meeshii ugu xumeyd.

Odayaasha oo si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ayaa qorshuhu yahay inay la kulmaan odayaasha dhaqanka Hargeysa, si ay ugala qayb-qalaan dadaalkooda ku aadan sii loo damin lahaa xiisadda ka taagan gobolka Awdal.

Horay odayaasha reer Jigjiga aya sidaan oo kale u tegay magaalada Hargeysa,, gaar ahaan xiligii ay socdeen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa ay talooyin siiyeen Waxgaradkii ay la kulmeen.

Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

Maalin kahor Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa isna ku dhawaaqay inuu joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi, wuxuuna sheegay in isagoo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

Daawo: Maxaa maanta ka socda degmada Yaaqshiid?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxaa maanta si habsami leh uga socdo qaadashada kaarka codbixinta doorashooyinka , halkaas oo shacab badan ay horay isaga diiwaan-geliyeen, si qayb uga noqdaan doorashada dalka.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale tegay xarunta, kuwaaas oo kormeeray xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid oo ay kula hadleen dadka deeganka, waxaana kamid ahaa xubnahaas Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dahabo Suusow Maxamuud.

Wasiirrada ayaa kormeeray xafiisyada ay ka socoto bixinta kaararka doorashooyinka, iyagoo u kuur-galay sida loo bixinanayo Kaararka iyo guud ahaan shaqada doorashada ee ka socota degmada Yaaqshiid.

Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Sulmeymaan Fargax ayaa wasiirrada ku soo dhaweeyey xarunta degmada, waxaana dadka kaararka qaadanayey kasoo muuqday tobanaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka mid ah, kuwaas oo u heelan inay codkooda dhiibtaan oo door muuqda ay ka qaataan doorashada golaha deegaanka.

Wasiir Daahir Shire oo isna madasha ka hadkay ayaa sheegay doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir ay fure u tahay doorashooyinka dalka oo dhan, isagoo ugu baaqay bulshada inay isku soo baxaan oo awoodooda doorashada ay muujiyaan.

“Reer Yaaqshiid qaata kaararka codbixinta sidoo kalene doorta xisbiga aad rabtaan qasab ma jiro”. ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu shacabka degmada Yaaqshiid u sheegay inay qeyb weyn ka yihiin taariikhda Soomaaliya ee qormeysa, kuna dhiirigeliyey in kaararka cod-bixinta ay qaataan, si codkooda ay u dhiibtaan maalinta loo dareerayo doorashada golaha deegaanka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo isu kala qaybiyay degmooyin gobolka Banaadir ayaa wada olole ku aadan qorshaha xukuumadda ee hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan dhacaya, waxaana ugu horreeya goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Shariif oo kashifay arrin uu diidan yahay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan doorashooyinka.

Shariif ayaa kashifay in Madaxweynuhu diidan yahay in laga heshiiyo hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan qorshaha la xiriira hirgelinta qof iyo cod.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hawlaha doorashooyinka iyo qorshe uu sheegay in aan laga tashan oo ay ku dhaqaaqeyso Villa Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay keeneyso in dalka uu galo xaalad halis ah, isaga oo sheegay in Madaxtooyadu abuureyso khilaaf keeni kara in dalku galo qalqal.

Waxaa kale oo uu soo hadal wax ka beddalka dastuurka iyo fashilka wada-hadalladii horay uga dhacay Villa Somalia , isagoo mas’uuliyad darrada dhabarka u saaray Madaxweynaha.

“Madaxweynaha khilaafka isagaa abuuray heshiiskana isaga ayuu ka socon waayay annagu waa ku laa laabanay shirarkii dhacay” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa intaas kusii daray “In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xur ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Villa Somalia ay ku adkeyneyso qorshaheeda hirgelinta qof iyo cod, waxaana haatan ay ku hawlan tahay diyaarinta doorashada golaha deegaanka oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir.

Qorshahan waxaa bannaanka ka jooga maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta oo diidan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Mareykanka oo soo rogay cunaqabateyn la xiriirta askarta Colombia ee Boosaaso la…

0

Washington (Caasimada Online) — Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay shabakad ay horboodayaan rag u dhashay dalka Colombia, taas oo lagu eedeeyey inay askar hore iyo xitaa carruur u qorteen ka qeyb-galka dagaalka sokeeye ee Suudaan, iyagoo garab siinaya Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah cadaadis la saarayo kooxdan (RSF) oo lagu eedeeyey inay xasuuq ka geysteen gobolka Daarfuur.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka, gaar ahaan Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC), ayaa liiska madow ku dartay afar shakhsi iyo afar shirkadood oo fadhigoodu kala yahay Colombia, Panama iyo dalal kale.

Waaxdu waxay sheegtay in shabakaddani ay isku xirtay daabulidda ciidamada calooshood-u-shaqeystayaasha ah iyo wareejinta dhaqaalaha lagu hurinayo colaadda RSF ay ka waddo Suudaan.

Liiska shakhsiyaadka la beegsaday waxaa hoggaaminaya Alvaro Andres Quijano Becerra, oo ah sarkaal hawlgab ah oo ka tirsanaan jiray ciidamada Colombia, iyo shirkaddiisa askareynta ee fadhigeedu yahay Bogotá oo lagu magacaabo International Services Agency (A4SI).

Sidoo kale, waxaa cunaqabateynta lagu daray shirkadda Global Staffing S.A. (oo hadda loo yaqaan Talent Bridge) oo laga leeyahay Panama, iyo shirkadda Maine Global Corp S.A.S. ee laga leeyahay Colombia, iyo xubno kale oo sar-sare oo xiriir la leh.  

Hanti kasta oo ay shakhsiyaadkan iyo shirkadahani ku leeyihiin meelaha uu gaaro xukunka Maraykanku waa la xayiray, waxaana muwaadiniinta Maraykanka laga mamnuucay inay wax macaamil ah la sameeyaan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Maaliyadda, boqollaal askari oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Colombia ayaa tan iyo bishii Sebteembar ee 2024 u safray Suudaan si ay u garab istaagaan xoogagga RSF.

Ciidamadan ayaa ka qeyb qaata dagaallada tooska ah, duqeymaha madaafiicda, iyo hagidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), halka qaarkood ay tababbarro siiyaan carruur la askareeyey.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in calooshood-u-shaqeystayaashan Kolombiyaanka ah ay ka qayb-galeen dagaallo culus oo ka dhacay Khartuum, Omdurman, Kordofan iyo El Fasher.

Xukuumadda Washington ayaa si adag ula xiriirisay RSF iyo maleeshiyaadka ay is-bahaysiga yihiin xasuuq wadareed, jirdil qowmiyado lagu beegsaday, iyo tacaddiyo kufsi oo baahsan oo ka dhacay Daarfuur.

Horraantii sanadkan 2025, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in xubno ka tirsan RSF ay geysteen xasuuq iyo dambiyo kale oo bini’aadantinimada ka baxsan.

Xiriirka Soomaaliya iyo garoonka Boosaaso 

Baaritaanno ay sameysay shabakadda Middle East Eye ayaa iftiimiyay waji kale oo ay Soomaaliya ku leedahay masiibadan dagaal. Warbixinnada laga soo diray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari (Puntland) ayaa muujinaya in diyaaradaha xamuulka qaada ee noocoodu yahay IL-76 ay si joogto ah uga degayeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas tan iyo sanadkii 2023.

Diyaaradahan ayaa dejinayay konteenarro si aad ah loo ilaalinayo, kuwaas oo markii dambe dib loogu rarayay diyaarado kale oo u sii jeeda Suudaan.

Ilo-wareedyo ku sugan dekedda iyo garoonka, oo warbixinnadaas lagu xusay, ayaa sheegay in shixnadahani yihiin kuwo “transit” ah (sii-gudbaya), balse aanay ahayn badeecooyin loo soo waariday Puntland.

Xogta ayaa hawlgalkan la xiriirisay dalka Imaaraadka Carabta, oo ah taageeraha ugu weyn ee dhanka dibadda ee kooxda RSF.

Isla baaritaankaas ayaa daaha ka rogay xero ku taal waqooyiga garoonka Boosaaso oo la dejiyay calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay Colombia, iyadoo la hayo sawirro muujinaya rag ku hadlaya afka Isbaanishka oo ka degaya garoonka, kadibna si toos ah u galaya xeradaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa dhawaan Golaha Aqalka Sare ee Muqdisho u sheegay in dowladda dhexe ay ka warqabto duullimaadyada isaga kala goosha Boosaaso iyo Suudaan.

Tani waxay noqonaysaa qirashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee ka soo yeerta dowladda, taas oo xaqiijinaysa in magaalada Boosaaso ay qayb ka tahay marin ama buundo dhanka cirka ah oo sahayda lagu gaarsiiyo jiidda hore ee dagaalka Suudaan. 

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ujeeddada tallaabadan cusub ay tahay in la curyaamiyo cududda ciidan iyo midda dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin hawlgallada RSF.

Saraakiisha Maraykanku waxay rajeynayaan in beegsiga qorayaasha ciidanka iyo maalgeliyayaasha fadhigoodu yahay Colombia ay fariin digniin ah u diri doonto dhexdhexaadiyayaasha kale — laga soo billaabo Bogota illaa Boosaaso — taas oo ah in u adeegidda mashiinka dagaalka ee Suudaan ay ka dhalan karto cunaqabateyn culus.

Israatiijiyadda Maraykanka kaga hor tagayo dagaal dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo…

0

Washington (Caasimada Online) — Istaraatiijiyad cusub oo amniga qaranka ah oo uu soo saaray maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegaysa in Maraykanku uu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo Afrika kaashanaya.

Ilaa 33 bog oo uu dukumintigani ka kooban yahay ayaa xoogga saaraya mabda’a maamulka Trump ee America First “Ameerika u horraysa”, iyada oo loogu talagalay in la abuuro faham wadajir ah oo ku saabsan waxa Maraykanku rabo, waddooyinka loo marayo in la gaaro iyo sida natiijooyinka habraacyadu ugu waafaqsanaadaan istaraatiijiyadda amniga qaranka.

Dukumintigu waxa uu muujinayaa isku-duwidda cusub ee maamulka Trump marka loo eego kuwii ka horreeyay oo lagu dhaleeceyn jiray xiriirka Maraykanka iyo Afrika ee ku salaysnaa gargaarka, isla markaana sharraxaya beddelka lagu guurayo hab ku dhisan ganacsi iyo maalgashi.

Maraykanku waxa uu sheegay in xasilloonidu muhiim u tahay iskaashiga uu la leeyahay Afrika, isla markaana uu ka shaqayn doono xallinta dagaallada iyo khilaafaadka suurtagalka ah ee ka dhici kara qaaradda.

Tusaale ahaan, dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa muujinaya in wada-hadallo socda iyo xal loo raadinayo khilaafka colaadda u dhaxeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Rwanda ay qayb ka yihiin dadaalladaas.

Madaxweyneyaasha Rwanda iyo DR Congo, Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi, ayaa ku saxiixay Washington heshiis 4-tii December ee toddobaadkii aynu soo dhaafnay, iyada oo Madaxweyne Trump uu dhexdhexaadinayay.

“Waa maalin weyn oo ku ah Afrika iyo caalamka. Labada dalba wax badan ayay u dabaaldegayaan,” ayuu yiri Trump, isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu heshiisyo la saxiixday labada dal kuwaas oo “furaya albaabbo cusub” oo ku saabsan isticmaalka macdanta muhiimka ah.

Maraykanku waxa uu sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo uu kula shaqaynayo dowladaha ka midka ah afarta dal ee la isku yiraahdo Quad, si xal loogu helo colaadaha Suudaan. Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa booqday Washington bilowgii bishan, isaga oo ka codsaday Trump inuu wax ka qabto khilaafka dhinacyada Suudaan.

Dukumintiga istaraatiijiyadda cusub ee amniga Maraykanka ayaa intaa ku daraya inuu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal dhex mara Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ergeyga sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Afrika, Massad Boulus, ayaa Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, halka Qaahira uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya, Osman Saalax.

Xiriirka u dhexeeya Ereteriya iyo Itoobiya, oo in ka badan 20 sano ku jiray xaalad “dagaal la’aan iyo nabad la’aan” ah, ayaa si dhaqso ah isu beddelay markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu xilka qabtay sannadkii 2018, isla markaana si toos ah ugu dhawaaqay inuu fulinayo heshiiskii Algiers.

Labada dal waxa ay si wadajir ah uga qayb qaateen dagaalkii Tigray ee 2020, balse xiriirkooda ayaa xumaaday ka dib heshiiskii Pretoria.

Waxa ay muujisay xiriirka xun ee u dhexeeya labada dal tan iyo Oktoobar 2023, markii masuuliyiin heerar kala duwan ah, oo uu ka mid yahay Abiy Axmed, ay su’aalo ka keeneen adeegsiga dalkooda ee badda.

Hadallada ay is-weydaarsadeen labada dowladood ayaa kiciyay xiisad, waxayna abuureen cabsi laga qabo khilaaf cusub oo ka dhaca Geeska Afrika.

Dukumintigu waxa uu muujinayaa in siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Afrika ay is beddeshay, iyadoo horay diiradda u saarnayd “bixinta caawimaad iyo faafinta aragtida xorta ah”.

Maraykanku waxa uu muujinayaa rabitaankiisa ah in khayraadka dabiiciga ah ee ballaaran iyo awoodda dhaqaale ee Afrika laga beddelo caawimaad dibadeed loona raro maalgashi iyo kobac, si loo dhiirrigeliyo xiriirka ganacsi ee Maraykanka iyo Afrika, taas oo faa’iido u leh Maraykanka, isaga oo kaashanaya “dalal la doortay”.

Aragtida “dalal la doortay” waxa ay la mid tahay middii uu George W. Bush ugu yeeray “dalal aasaasi ah”, balse maamulka Trump ma uusan bixin faahfaahin la xiriirta dalalka ay tahay in la doorto.

Itoobiya waxa ay ka mid ahayd dalalkii maamulka Bush u yaqaanay “dalalka aasaasiga ah”, iyada oo Ereteriya ay muddo dheer diidday siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Wareysi uu bishii Luulyo ee sanadkan bixiyay Madaxweyne Isaias Afewerki ayuu ku sheegay in Ereteriya ay qorshaynayso inay Maraykanka la samaysato iskaashi cusub, gaar ahaan madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in iskaashi dhaqaale oo Maraykanka iyo Afrika dhex mara uusan ka fogayn kii maamulka Barack Obama ee Afrika, ee ballaarinta sahayda tamarta. Waxa ay sheegeen in qorshahoodu yahay in la hagaajiyo lana ballaariyo soo dejinta alaabada Afrika ee canshuur la’aan ku gasha Maraykanka.

Itoobiya, oo ka mid ahayd dalalka ka faa’iideystay heshiiska, ayaa laga mamnuucay wax u dhoofinta Maraykanka ka dib dagaalkii Tigray, taas oo saamaysay warshadaha dalkaas.

Dukumintigu waxa uu sidoo kale tilmaamayaa in Madaxweyne Trump uu joojiyay “dagaal Masar iyo Itoobiya” dhex mari lahaa. Bayaankan ayaa hore u dhaliyay muran.

Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar iyo Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareynka Donald Trump oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa mar kale soo hadal qaaday Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar, isaga oo ku celiyay weerarkiisa ka dhanka ah Soomaalida iyo dalkooda.

Trump ayaa khudbadiisa toos ugu weeraray Soomaalida ku dhaqan Minnesota, wuxuuna shirkiisa jaraa’id ku yiri “Shaqsi ka yimid Soomaaliya ma adiinku dhex-jiraa kooxdiina, kor ha u qaado gacantiisa, maya kuma jiro, waxay joogaan Minnesota”.

Sidoo kale, wuxuu mar kale beegsaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka, isaga oo ku eedeeyay in aysan waxba u qaban dadka Mareykanka.

“Waan jeclahay Ilhan Omar—magaceeda wax kasta oo uu yahay—tan madaxa u duuban. Way timid, waxna ma qabato. Mar walba way cabanaysaa.” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Isaga oo ka hadlayay Soomaaliya, wuxuu hoosta ka xariiqday in ay tahay dalka ugu xun caalamka, isla markaana aanu lahayn Baarlamaan iyo Boolis, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ka timid dal lagu tiriyo midka ugu xun Caalamka, ma lahan militeri, waxba ma lahan, xitaa Baarlamaan iyo Boolis, mar walba Ciidankooda booliska iyagaa is dila” ayuu sii raaciyay.

Hadallada Trump oo dhaliya falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay kaftan uu horraantii bishan ka sheegay Ilhaan, isagoo ku andacoonaya inuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weydiiyay in Ilhan Omar “dib loogu celin karo” dalkii ay asal ahaan ka soo jeeday.

Maxaa kasoo baxay wada-hadallada Muqdisho ku dhex-maray Somalia iyo Masar?

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay danjiraha dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diirradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin danaha muhiimka ah ee labada dal, gaar ahaan maalgashiga Soomaaliya, siiba dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan qeybo kamid ah dalka, iyada oo ay baaqdeen roobabkii deyrta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo badan oo kamid ah dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dowladda Masar ku bogaadiyay waxgalnimadeeda iyo hiilkeeda aan isbaddelin ee ay la barbar taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in si buuxda loo soo celiyay nabaddii iyo amnigii qeybo badan oo ka mid ah dalka, haddana ay Soomaaliya diyaar u tahay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay.

Dhankiisa Danjiraha Masar ee Soomaaliya Maxamed Saalax, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.

Masar ayaa haatan iskaashi xooggan la leh Soomaaliya, waxaana ay diiradda saareen dhanka milatariga, iyada oo la filayo in Qaahira ay ciidamo usoo dirto dalka, kuwaas oo kamid ah noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AUSSOM.

Wararkii ugu dambeeyey beegsiga ay ICE ku hayso Soomaalida Minnesota

0

Minneapolis (Caasimada Online) — Qaar ka mid ah xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Socdaalka iyo Kastamada Maraykanka (ICE) ay gobolkaas ka wadaan howlgallo qabqabasho iyo fulin sharci ah, oo ka dhan ah Soomaalida.

Xildhibaan Jamaal Cismaan, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Minneapolis isla markaana asalkiisu Soomaali yahay, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka ABC News ku sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsanayaan goobo kala duwan. Goobahaas waxaa ka mid ah xarumaha lagu barto luuqadda Ingiriiska, goobaha cibaadada, iyo guryaha dadweynaha. 

Dhaq-dhaqaaqa ciidamada ICE ee Minnesota ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweyne Donald Trump uu dhawaan si adag u weeraray jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaas ku badan.  

Kulankii Golaha Wasiirrada ee Salaasadii hore, Trump ayaa sheegay inaanu rabin in dadka ka yimid Soomaaliya ay joogaan Maraykanka, isagoo ku dooday inaanay “waxba ku soo kordhin dalka.”

“Tani ma ahan Maraykankii aan maanka ku hayay ee aan ku riyoonayay,” ayuu yiri Xildhibaan Jamaal. “Waxa aan arkaynaa ma ahan kaliya siyaasad; waa arrin halis ah oo khatarteeda leh.”

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in dadka la beegsanayo aysan ahayn kaliya kuwa aan sharciga haysan, balse ay ku jiraan dad haysta Lambarka Bulshada (Social Security), kuwo haysta oggolaanshaha shaqada, dadka sugaya wareysiyada magangalyada, iyo xitaa muwaadiniin Maraykan ah.

Jamaal ayaa tilmaamay in dadku ay ka cabsanayaan inay guryahooda ka soo baxaan, wuxuuna kula taliyay dadka asalkoodu Soomaaliga yahay inay mar kasta qaataan baasabooradooda meel kasta oo ay aadayaan.

“Marnaba ma filaynin inay imaan doonto maalin lagaa rabo inaad caddayso sharcigaaga Maraykanka dhexdiisa, sababtoo ah waxaad u egtahay Soomaali,” ayuu Jamaal u sheegay ABC News. “Laakiin xaqiiqada maanta taagani waxay tahay in dadku aysan guryahooda ka soo bixin baasaboor la’aan.”

Dhinaca kale, waaxda ICE ayaa sheegtay inay xireen 12 qof intii uu socday howlgalkooda Minnesota, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Associated Press. Dadka la xiray ayaa kala ahaa lix u dhalatay Mexico, shan Soomaali ah, iyo hal qof oo u dhashay El Salvador.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS), oo maamusha hay’adda ICE, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi ay ABC News u dirtay oo ku saabsanaa tirada rasmiga ah ee dadka la xiray.

Amiin Haaruun, oo ah qareen dhanka socdaalka ah oo fadhigiisu yahay Minneapolis, ayaa wareysi uu Arbacadii bixiyay ku sheegay in inta badan Soomaalida ku nool Minnesota ay yihiin muwaadiniin, dad haysta deggenaansho rasmi ah, ama dad magangalyo-doon ah oo si sharci ah ku jooga. 

Afhayeen u hadashay Waaxda Amniga Gudaha, Tricia McLaughlin, ayaa u sheegtay ABC News in hay’addu ay kaliya fulinayso shuruucda dalka u yaalla.

“Waxa qofka ka dhigaya bartilmaameedka ICE ma ahan isirkiisa ama qowmiyadda uu ka soo jeedo, balse waa xaqiiqada ah inuu dalka ku joogo si sharci darro ah,” ayay tiri McLaughlin. Waxayna intaas raacisay, “Kama hadalno howlgallada mustaqbalka ama kuwa dhici doona.”

McLaughlin kama aysan jawaabin su’aal la weydiiyay oo ahayd in howlgallada ICE ay si rasmi ah uga billaabmeen Minnesota.

Qareen Haaruun ayaa dhanka kale la wadaagay ABC News dhacdo naxdin leh, isagoo sheegay in mid ka mid ah macaamiishiisa oo haysata deggenaansho rasmi ah (Green Card) ay ciidamada ICE ku booqdeen gurigeeda maalintii Talaadada.

Qareenka ayaa sheegay in ciidamadu ay gurigaas ku sugnaayeen muddo saddex saacadood ah ka hor inta aysan haweeneydu u soo bandhigin caddaynta sharcigeeda, arrintaas oo ku reebtay walwal, argagax iyo cabsi xooggan.

IMF oo war kasoo saartay hanaanka maaliyada dalka – Dib u dhac mise horumar?

0

Washington (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo bayaan soo saaay ayaa shaaciyay natiijada hannaanka dib-u-eegista 4-aad oo ku salaysan wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF  kadib deyn cafinta.

Go’aankan ayaa muujinayo marqaatiga dadaalka Dowldda Soomaaliya ee dadaalka dib-u-dhiska iyo horumarinta dakhliga dowladda.

IMF ayaa sidoo kale boggaadisay horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaalkeeda ku aadan hore u dhaqaajinta maaliyadda.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay sii wadday dadaalka waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah xili ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca ku yimid gargaarka dibadda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda lacagta.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Markii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay balaariso kharashka ku baxa adeegyada arrimaha bulshada iyada oo la adeegsaneyo dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta qaar ka mid ah gargaarka dibadda oo go’ay”.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka, kuwaas oo qiray horumarka ay saameysay dowladda ee la xiriira dhaqaalaha dalka.

“Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan  ​$40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri wasiir Biixi Iimaan Cige.

Waxaa kale oo uu wasiirku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay waddada saxda ah, iyada oo hirgelinaysa dib-u-habayn muhiim ah oo kor u qaadaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, iyo taageerada kobacintq dhaqaalaha dalka

Fahad Yaasiin oo weeraray Xasan: Halku dhigiisu waa Soomaali xaraash ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta soo saaray qoraal kooban ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan ay si weyn isku hayaan.

Fahad Yaasiin ayaa si xooggan u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu gudaha iyo dibaddaba uu ku fashilmay, isla-markaana uu si isku mid ah u wajahay sokeeye iyo shisheeyaba, sida uu hadalka u hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh, sokeeyaha u ciidmayaa wuu cunayaa, shisheeyaha cunayana waa u ciidmayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halku dhiggiisii Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la’ah uu ku beddlay Soomaali xaraash ah, dunidana ay kala xadeyso, sida uu qoraakka u dhigay.

“Halku dhigiisu waa Soomaali xaraash ah, dunidiina kala xadayso” ayuu mar kale yiri qoraalka oo ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee Facebook-gga.

Fahad ayaa inta badan weerara Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, waxaana qoraalkiisii ugu dambeeyay uu ku beegsaday Xamza Cabdi Barre, isagoo kula taliyay in uu mansabkiisa ku badbaadiyo dalka, sida ra’iisul wasaareyaashii ka horeeyay, uuna xayndaabkii wada-ogolka kusoo celiyo Madaxweyne Xasan, balse haddii uu taas kari waayo uu xilka iska casilo.

“Mid waa inaad Madaxweyne Xasan, gacanta ka qabato oo aad gogol loo dhan yahay oo lagu heshiiyo keento. Taas haddii aad kari waydo, oo mansabkaaga aad dalka ku badbaadin wayso, fadlan, magacaaga ka dhawro oo xilka iska casil. Jannadii aad jeclayd halkaan bey kaaga dhaw dahay,” ayuu horay u  yiri Fahad.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa hadda qayb ka ah xisbiga Midowga Haybad Qaran oo ay ku mideysan siyaasiyiin magac iyo saameyn ku leh siyaasadda gudaha Soomaaliya, waxaana musharrax ay ka dhigteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Daawo: SoDMA oo qaylo dhaan kasoo saartay bakhaaradeeda oo maran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynka Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta xarunta hay’adda ku soo dhaweeyayq qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa qaylo dhaan kasoo saaray abaaraha ka jira dalka.

Ugu horreyn ayaa culimada u sheegay inay maran yihiin dhammaan bakhaaradda kaydka ee Hay’adda Maareynta, isaga oo xusay in aanay heyn wax loogu gurmado dadka tabaaleysan.

Sidoo kale wuxuu ka codsay culimada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay baarta ku hayso qaar kamid ah gobollada dalka.

“Bakhaarada kaydka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka maanta wax yaallo oo ummadda loogu gurmado ma jiraan, Ilaaheybaa ummaddan u maqan ka bacdina culimada Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Waxaa kale oo uu hootsa ka xariiqay in ay haboon tahay in ummadda Soomaaliyeed ay isku tashato, isla markaana uu qof weliba keeno waxa uu heli karo, si loo gaarsiiyo dadkaas.

“Waxaan rabnaa inaa u gashaan dadka muslimiinta ah oo runtii dadka loo gurmado ciddii wax heli karto, runtii meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa in dadku ay barakacayaan waxaana fiican inta aynan barakicin inaan u gurmano” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Dhankooda, qaar kamid ah culimada oo meesha ka hadlay ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo dheeraad ah oo lagu caawinayo qoysaska ku dhibaateysan gobollada ee wajahaya gaajada iyo oonka, si loo badbaadiyo noloshooda.

“Waxaan ku baaqeynaa inaan u gurmano walaalaheenna, muslimiinta waxaa lagu yaqaanaa inay is caawiyaan oo ay is taakuleeyaan” ayuu yiri mid kamid ah culimada booday SoDMA.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jiro xaalado bani’aadanimo oo daran, waxaana deegaannada qaar laga soo saaray abaar saameysay nolosha dadka iyo duunyada.

Sawirro: Wasiirradii ugu badnaa oo tegay Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa wayn ee Bakaaraha, halkaas oo ay kula kulmeen dadweynaha iyo qaar kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa.

Wasiirrada maanta tegay Bakaaraha ayaa kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS, Xildhibaan Maxamed Xuseen (Gaaraxo) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Sidoo kale waxa ay kormeer ku tegeen xarunta degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixiyaasha doorashooyinka dalka, halkaas oo shacab badan oo horay isku diiwaan-geliyey ay ka qaadanayeen kaararkooda cod-bixinta.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa wasiirrada ku soo dhaweeyey xarunta degmada, waxayna kormeerkooda ku soo mareen waaxyaha kala duwan ee degmada iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyagoo u kuur-geliya sida loogu diyaar garoobay doorashada.

Kormeer kadib, Wasiirrada ayaa bulshada ku nool degmada Howlwadaag, kula dardaarmay inay kaararkooda codbixinta qaataan, si 25-ka bishaan ay uga qeyb galaan doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho ka dhaceysa.

Golaha wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka wada olole xoog leh oo bulshada loogu jiheynayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo gobolka Banaadir ka bilaabaneysa 25-ka bishaan, sida uu caddeeyey Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Shalay ayaa sidaan oo kale qaar kamid ah golaha wasiirrada u tageen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida Kaaraan iyo Hodan oo ay ka sameeyeen olole xooggan.

Si kastaba, caasimada ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garow ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana ugu horreeya golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Abiy Ahmed oo soo saaray hanjabaaddii ugu cusleyd

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku hanjabay in wax uu ugu yeeray cadawga Itoobiya ay kala daadin doonnaan, midba mar, xilla ay ka sii dareyso xiisadda gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta qowmiyadaha. Wuxuu ka codsaday dadka Itoobiyaanka ah inay “isu yimaadaan oo u midoobaan nabadda, danta qaranka iyo inay mid noqdaan”.

Xafladan ayaa sanad walba la xusaa.

Xuska sanadkan ayaa lagu qabtay magaalada Hosaayna ee bartamaha dalka Itoobiya, iyadoo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin iyo marti-sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Abiy lama maqal cidda uu ula jeedo cadowga, sida lagu arkay muuqaal lala wadaagay warbaahinta gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Itoobiya ayaa ereygan ku tilmaamaya dalalka ay u arkaan inay cadow ku yihiin Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda kala dhexeysa Eritrea ee ku aaddan sheegashada badda ee Itoobiya.

Xitaa ka dib markii ay Itoobiya dhamaystirtay biyo-xidheenka GERD kaddib 14 sano oo dhisme ah, waxaa dhawaan soo ifbaxday xiisaddii Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, shirka Doha Forum ee toddobaadkan dhacay ka sheegay in dhibaatooyinka maanta ka taagan Soomaaliya ay u baahan yihiin taageero caalami ah oo isku-dubaridan.

“Waxaa jira kuwo isku dayaya inay gobolka [Soomaaliya] ka dhigaan meel lagu tartamo,” ayuu yiri Badr Abdelatty.

Tallaabadan oo kale ayaa khatar gelinaysa midnimada Soomaaliya, waxayna degganaansho la’aan ka dhigaysaa gobolka Badda Cas, ayuu yiri.

Inkasta oo aysan magacaabin kuwaas, haddana dhawaanahan waddamada waaweyn sida Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqyadooda Geeska Afrika iyo dadaalladooda ku aaddan inay ku guulaystaan diblomaasiyadda.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa magacaabay ergaygii ugu horreeyay ee gaar ah ee Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Wasiir Badr Abdelatty oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inaanay Itoobiya dib uga wadahadli doonin “kaddib 13 sano oo wadahadallo ah oo aan miro-dhal ahayn”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo arrintaas ka jawaabaya ayaa, bayaan uu soo saaray, wuxuu si kulul ugu dhaliilay Masar inay isku dayeyso inay abuurto dalal hoos yimaada Koonfur Afrika. 

Jubaland oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka Luuq + Sawirro

0

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland,Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa qaaday tallaabo lagu soo afjarayo xiisadda beeleed iyo dagaallada kusoo noq-noqday degmada Luuq ee gobolkaasi.

Maxamuud Sayid ah oo oo hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Jubbaland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee beelaha walaalaha ah ee muddooyinkii dambe ku dagaallamayay degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Shirkan oo socon doono dhowr cisho ayaa waxaa ujeedkiisu lagu soo koobay 4 qodob, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland, kuwaas oo kala ah;-

  • In la soo afjaro colaadaha soo noqnoqday ee ka dhacay degmada Luuq.
  • In la dhiirrigeliyo nabad waarta, wada-noolaansho iyo xasilooni.
  • In beelaha walaalaha ah ay si furan uga wada hadlaan khilaafaadkooda.
  • In la dhiso hannaan heshiis oo lagu kalsoonaan karo oo mustaqbalka looga hortago dagaallada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-maqal, isu-tanaasul iyo wadashaqeyn, si loo gaaro xal dhab ah oo dan u ah shacabka deegaanka iyo guud ahaan Jubbaland.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay, sida ay muhiim u tahay in la ilaaliyo amniga, lana dhiirri-geliyo dadaallada nabadaynta ee ay wadaan odayaasha dhaqanka, maamulka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

Sida qorshuhu yahay shirweynahan ayaa la filayaa inuu noqdo mid dhidibada u taaga nabad iyo wada-jir, isla markaana soo afjarta colaadaha mudada dheer saameynta ku yeeshay nolosha shacabka Luuq.

Gedo ayaa waxaa kusoo laa laabtay colaad beeleedyada iyo xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland, taas oo illaa iyo hadda ka taagan gobolka.

Xogta xaaskii iyo caruurta Cabdul Qaadir Muumin iyo dalka ku nool yihiin

London (Caasimada Online) — Wadaadka Soomaaliga ah ee Cabdulqaadir Muumin, oo si weyn loo hadal-hayo inuu noqday hoggaamiyaha guud ee cusub ee kooxda Daacish, ayaa la rumeysan yahay inuu xilligan ku dhuumaaleysanayo godad iyo buuraley ku yaalla waqooyiga Soomaaliya.  

Hase yeeshee, halka uu ninkaasi ku jiro dhuumashadaas, xaaskiisa British-Soomaaliga ah ee ay kala tageen iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa si xasillooni iyo qarsoodi ah ugu nool magaalada Slough ee dalka Ingiriiska, sida uu shaaciyey wargeyska Daily Mail.

Muumin, oo horey wadaad uga soo ahaan jiray magaalooyinka London iyo Leicester, isla markaana heystay dhalashada Ingiriiska, ayaa dowladaha Reer Galbeedku muddo dheer u aqoonsanaayeen inuu yahay astaanta ugu weyn ee garabka Daacish ee Soomaaliya.

Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ninkan ku dartay liiska “Argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo calaamadeeyay,” iyadoo la raacayo cunaqabateynta la dagaallanka argagixisada.

Nolosha magaalada Slough

Iyadoo ay u dhexeyso masaafo kumanaan kiiloomitir ah goobta la tuhunsan yahay inuu kaga dhuumaaleysanayo buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland, qoyska Muumin waxay nolol caadi ah ku qaadanayaan guryaha danta guud (council estate) ee gobolka Berkshire ee dalka Ingiriiska.

Xaaskiisii hore, Muna Cabdulle, oo ah 43-jir haysata dhalashada Ingiriiska iyo Soomaaliya, ayaa aqal labo qol ah magaalada Slough kula nool wiil 20-jir ah iyo laba gabdhood oo da’doodu kala tahay 18 iyo 17 sano.

Muna waxay ka shaqeysaa shirkad maxalli ah oo dhanka caafimaadka ah, waxaana la xaqiijiyay inay carruurta soo korisay kaligeed tan iyo markii uu Muumin si lama filaan ah uga hayaamay Ingiriiska sannadkii 2010-kii, isagoon cidna ku wargelin.

Muna Cabdulle ayaa horay u sheegtay in ninkaasi uu “dayacay” qoyska, isla markaana aanay cidina xiriir la sameynin in ka badan toban sano.

Dadka ay saaxiibada yihiin qoyska ayaa sheegay in carruurtu ay garanayaan cidda uu aabahood yahay, balse aysan dooneynin inay wax lug ah ku yeeshaan noloshiisa. Ma jirto wax shaki ah ama eedeyn ah oo carruurtaas looga haysto dhanka sharciga.

Safarkii Ingiriiska ilaa Soomaaliya

Muumin wuxuu ka soo cararay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, isagoo markii hore degay dalka Sweden horraantii sagaashameeyadii, ka hor inta uusan u wareegin Ingiriiska qiyaastii sannadkii 2003-dii. Wuxuu wadaad ka noqday magaalada Leicester iyo markii dambe masaajid ku yaalla Greenwich ee koonfur-bari London, halkaas oo uu ka noqday waji si weyn looga yaqaanno maqaayadaha iyo goobaha cibaadada ee Soomaalida.

Warbixinnada laga helay Ingiriiska ayaa xiriiriyay in kooxdii uu ku lahaa Greenwich ay ka mid ahaayeen dhallinyaro lagu shubay afkaarta xagjirnimada, kuwaas oo qaarkood markii dambe ku lug yeeshay weerarro ka dhacay gudaha Ingiriiska. Cadaadis kaga yimid laamaha amniga awgiis, wuxuu dalkaasi ka baxay sannadkii 2010-kii, isagoo dib uga soo muuqday gudaha Soomaaliya.

Xogaha laga helayo gobolka ayaa tilmaamaya inuu muddo ku sugnaa dalka Kenya, ka hor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, isagoo saldhig ka dhigtay Puntland. Waxaa la weriyay inuu halkaas ku gubay baasaboorkiisii Ingiriiska fagaare ay taageerayaashiisu joogeen.

Sannadkii 2015-kii, wuxuu shaaciyay inuu bayco la galay hoggaamiyihii Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya, isagoo halkaas ka asaasay waxa loogu yeero Daacish-ta Soomaaliya.

Xarunta Daacish ee Soomaaliya

In kasta oo tirada dagaalyahannadoodu ay yar tahay, Daacish-ta Soomaaliya ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee kooxdaasi ku haray caalamka.

Saraakiisha Reer Galbeedka ayaa sheegaya in unug fadhigiisu yahay Soomaaliya, oo loo yaqaanno Xafiiska Al-Karrar, uu maamulo dhaqaalaha iyo taageerada laamaha Daacish ee qaaradda Afrika oo dhan.

Qiimeyn ay sameysay dowladda Mareykanka ayaa lagu qeexay in shabakaddan ay dhaqaale ku ururiso baad ay ka qaadaan ganacsiga, dekedaha, iyo xoolaha nool, iyagoo lacagtaas ku kala gudbiya qaab gacan-ka-gacan ah, shabakadaha xawaaladaha, iyo shirkado ganacsi oo magac u yaal ah.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in doorkan maaliyadeed uu Muumin siiyay awood iyo saameyn ka ballaaran furimaha dagaalka ee uu ku sugan yahay.

Dhanka kale, ciidamada Puntland iyo kuwa Federaalka Soomaaliya, oo taageero dhanka sirdoonka iyo duqeynta ah ka helaya Mareykanka, ayaa sannadkii la soo dhaafay kordhiyay weerarrada ay ku beegsanayaan fariisimaha Daacish ee buuraleyda Cal Miskaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay dileen dagaalyahanno ajnabi ah iyo taliyayaal dhexe, balse waxay qirteen in Muumin uu dhowr jeer si dirqi ah kaga badbaaday weerarradaas.

Taliyayaasha ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee howlgalkoodu tahay sidii loo qaarijin lahaa Muumin, iyagoo ku doodaya in dilkiisu uu noqon doono dhabar-jab weyn oo dhanka niyadda iyo howlgallada ah oo ku dhaca Daacish-ta Soomaaliya.

Qoyska oo iska beri-yeelay

Dhanka maamulka Ingiriiska, soo laba-kacleynta magaca Muumin waxay dib u soo celisay su’aalo adag oo ku saabsan sida wadaad ka shaqeyn jiray masaajidda Ingiriiska uu ku noqday maskaxda maamusha shabakad jihaadi ah oo caalami ah.

Hase yeeshee, Muna Cabdulle iyo carruurteeda, arrintu waa mid xanuun shakhsi ah xambaarsan.

Saaxiibada qoyska ayaa sheegay in Muna ay sannado badan ku bixisay ka jawaabista su’aalo adag xilli carruurteedu ay internet-ka ka aqrisanayaan wararka aabahood, iyadoo isku dayeysa inay ka ilaaliso saameynta ficilladiisa.

Waxaa laga soo xigtay inay sheegtay in aanay la socon wararka ku saabsan dallacsiintiisa kooxda Daacish dhexdeeda, islamarkaana qoyskeedu “aanay wax shaqo ah ku lahayn isaga,” iyagoo isku dayaya inay nolol ka madax-bannaan ku noolaadaan magaalada Slough. 

Safiirka Soomaaliya ee UAE oo qaabilay maareeyaha dekedda Muqdisho + Sawirro

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi, danjire Xuseen Cabdi Xalane, uu halkaas ku soo dhaweeyay maareeyaha Dekedda Muqdisho Cali Amerika, oo safar shaqo ku jooga dalka UAE.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, danjire Amerika, haatanna ah maareeyaha Dekedda Muqdisho, ayaa booqasho ku tegay safaaradda, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay danjire Xuseen Cabdi Xalane, oo hore u ahaa wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya.

Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amerika, ku ammaanay waxqabadka muddada kooban ee uu maareeye ka ahaa Dekedda Muqdisho.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Cali Amerika, ayaa ku soo wareegay laamaha safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo uga mahadceliyay soo-dhaweynta diirran ee uu u sameeyay danjire Xuseen Cabdi Xalane.

Waxa uu Amerika ku ammaanay Xalane sida wanaagsan ee uu u horumariyay safaaradda iyo shaqaalaha safaaradda, kuwaas oo uu sheegay in ay aqoon buuxda u leeyihiin u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UAE.

Sidoo kale danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa loo magacaabay in uu safiir ka noqdo UAE sanadkii 2024, waxa uuna safaaradda Soomaaliya ee UAE ka sameeyay howlo badan iyo isbeddel muuqda, sida ay boggan u sheegeen Soomaalida ku nool halkaas ee shaqo u taga safaaradda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
+254-711830393
[email protected]

 

Dowladda oo shaacisay xilliga ay si rasmi ah u shaqo billaabeyso Somali Airlines

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuur, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Dowladda Federaalku ay dhowaan dib u hawlgelin doonto Shirkaddii Diyaaradaha ee Somali Airlines, tallaabadan oo soo afjaraysa in ka badan soddon sano oo ay hawada ka maqneyd astaantii qaran ee duulista, iyadoo dib u soo celinaysa rajada shacabka Soomaaliyeed. 

Isagoo Axaddii hadal ka jeedinayay magaalada Muqdisho, Wasiir Faarax wuxuu xaqiijiyay inuu jiro dardar xooggan iyo u diyaargarow qaran oo ku aaddan soo nooleynta shirkadda.

“Waxaan dhisnay Guddigii Maamulka ee Somali Airlines, waxaana meel-marinnay shuruucdii iyo nidaamkii hagi lahaa hawlgalladeeda. Sidoo kale, waxaan heshiisyo la gaarnay saaxiibbo caalami ah, annaga oo soo iibinnay diyaarado casri ah. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in dhowaan shirkaddeenna qaran ay dib ugu soo laaban doonto hawada, iyadoo calanka Soomaaliyeed si sharaf iyo karaamo leh ugu qaadaysa dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeedaba,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladdu ay meel gebagebo ah marinayso qorshayaashii hawlgalka, isagoo rajo weyn ka muujiyay in Somali Airlines ay duulimaadyadeeda dib u billaabi doonto ka hor dhammaadka sanadka 2025-ka, oo toddobaadyo un ay ka hareen.

Dhanka kale, wuxuu daaha ka rogay in afar shirkadood oo caalami ah ay dhowaan kusoo biiri doonaan duulimaadyada Soomaaliya, kuwaas oo ku biiraya siddeedda shirkadood ee haatan ka hawlgala Muqdisho, oo ay ka mid tahay Turkish Airlines.

Isbeddelka adeegga hawada

Guulaha la taaban karo ee la gaaray waxaa ka mid ah soo celinta nidaamka IATA ee Xisaabaadka iyo Dejinta (BSP) kadib 33 sano oo uu maqnaa. Nidaamkan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu fududeeyo, laguna sugo macaamilka maaliyadeed ee u dhexeeya wakiillada safarrada ee diiwaangashan iyo shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah.

Wasiir Faarax ayaa caddeeyay in hay’adda IATA ay hadda u diyaar garoobeyso soo celinta koodka dalka (Country Code) ee nidaamka BSP, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya dib ugu xireysa nidaamka duulimaadyada caalamiga ah.

Maqnaanshaha nidaamkan ayaa horey caqabad ku ahaa la socodka iyo maaraynta iibka tikidhada diyaaradaha, waxaana soo laabashadiisu ay dhagax-dhig u tahay soo kabashada waaxda duulista Soomaaliya.

Shirkadda Somali Airlines, oo la aas-aasay sanadkii 1964-tii, ayaa xilliyo hore ka hawlgali jirtay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba, ka hor intii aysan hakin hawlaheeda sanadkii 1991-kii sababo la xiriira dagaalladii sokeeye.

Soo laabashadeedu ma aha oo kaliya adeeg ganacsi, balse waa astaan muujinaysa isbeddelka ballaaran ee ku yimid waaxda duulista dalka.

Horumarka la gaaray

Labadii sano ee la soo dhaafay oo kaliya, Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar la taaban karo, iyadoo gaartay heerka hawada sare ee ‘Class A Airspace’. Guushani waxay suurtagelisay in dib loo soo celiyo adeegyadii maamulka hawada kadib 30 sano oo carqalad ah, isla markaana hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerarka caalamiga ah.

Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa isna lagu sameeyay casriyeyn ballaaran, iyadoo la waafajiyay heerarka ugu sarreeya ee ICAO ee dhinacyada badqabka, amniga, iyo hufnaanta shaqada.

Horumarrada kale ee la hiigsanayo waxaa ka mid ah daah-furka nidaamyo dhijitaal ah oo heer caalami ah sanadka 2025, sida dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa), oggolaanshaha safarka ee elektaroonigga ah (eTA), iyo nidaamyada xog-wadaagga ee API/PNR iyo xogta tooska ah ee Interpol/US.

Tallaabooyinkan ayaa barbar socda ansixinta toddoba heshiis oo caalami ah oo ku saabsan amniga duulista.

Ugu dambeyntii, Wasiir Faarax ayaa iftiimiyay qorshaha casriyeynta joogtada ah ee Garoonka Aadan Cadde. Sidoo kale, bartamihii sanadkan 2025, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay garoon cusub oo caalami ah, kaas oo la qorsheynayo inuu mustaqbalka noqdo xudunta isku-socodka iyo gaadiidka ee Gobolka Bariga Afrika.

Wiil uu dhalay hoggaamiye Al-Shabaab ah iyo rag kale oo nolosha lagu qabtay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal culus ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa nolosha kusoo qabtay xubno ka tirsanaa kooxda Khawaarijta oo ku sugnaa aagga deegaanka Towfiiq, waxaana ku jiray wiil uu dhalay hoggaamiye ka tirsan Shabaab.

“Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan”.

Inta uu socday howlgalka waxaa sidoo kale gacanta lagu soo dhigay mooto ay raggan  u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ciidamada ayaa si wadi doono gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta, si loogu beegsado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed” ayaa lasii raaciyay.

Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgal culus oo ay qayb ka yihiin ciidamada howlgalka AUSSOM, waxaana la xoreeyay deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka gaaraya arrin la xiriirta Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah oo lagu eegayo cusboonaysiinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo waqtigiisu ku egyahay 31-ka December 2025.

Howl-galka AUSSOM ayaa haatan wajahaya culaysyo dhaqaale, kadib markii qaar ka mid ah dalalkii maalgelin jiray ay gabi ahaanba joojiyeen taageerada, halka kuwo kale ay si weyn u dhimayaan.

Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo in dalalkaas lagu qanciyo inay gacan ka geystaan kharashaadka howl-galka.

Sidoo kale, fadhiga Golaha Ammaanka waxaa lagu qiimeynayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2713, oo diiradda saaraya xanibaadda Badda si looga hortago in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karaan marinada badda. Qaraarkan ayaa waqtigiisu ku egyahay 13-ka bishan.

Golaha Ammaanka ayaa muujiyay walaac ku saabsan in howlaha iyo qaraarradan isku sidkan ay halis u galaan taageerada caalamiga ah, maadaama muddo dheer laga shaqeynayay la-dagaallanka Al-Shabaab, sida ay sheegeen xubnaha Golaha.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dhageysanaya warbixin ay soo gudbinayaan wakiilladiisa Soomaaliya, taas oo ka hadleysa waxyaabaha u qabsoomay howl-galka, muhiimadda muddada kordhinta iyo caqabadaha dhaqaale ee weli saameynaya AUSSOM.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo howl-galka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameynaya shaqada AUSSOM iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Caqabadahan ayaa halis ku ah howlaha amni iyo xasilin ee dalka. Midowga Afrika ayaa dhawaan ku baaqay in beesha caalamku si degdeg ah u xaqiijiso maal‑gelin joogto ah, si loo hubiyo in ciidanka AUSSOM uu mushaharkiisa, sahaydiisa, iyo howl-galladiisa u helaan taageero buuxda.

David Miliband oo yimid Muqdisho iyo kulan heer sare oo ka dhacay xafiiska Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda caalamiga ah ee samafalka ee International Rescue Committee (IRC), David Miliband oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimuhu kaga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bani’aadannimo iyo in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in tiro dhan 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah inay u baahan yihiin gurmad, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu muujiyey wel-welka xukuumadda ee ku aaddan xaaladda dadkaas.

David Miliband ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay waddo waxaana uu ballan qaaday in IRC ay kordhin doonto kaalmada bini’aadannimo si loogu gurmado dadka u baahan ee abaaruhu saameeyeen.

Waxa kale oo uu ka hadlay in IRC ay qeyb ka tahay mashaariicda horumarinta, waxna ka qaban doonto, isaga oo dhanka kale sheegay in uu Beesha Caalamka uga ergeyn doono arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyay Mudane David iyo IRC in waxtarkooda ay ku saleeyaan xalka waara, wuxuuna xusay in xukuumadda ay danaynayso sidii dadka Soomaaliyeed oo dhan u gaari lahaayeen heer isku filnaansho ah, caalamkana taas uu kala shaqeeyo dowladda.

Mudane Xamza ayaa hadyaddo guddoonsiiyay David Miliband oo mar noqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Boqortooyada Ingiriiska, haatana ah madaxda samofalka caalamka ugu caansan, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay maadaamaa uu tixgalin gaar ah soo siiyay imaanshaha Soomaaliya xilli loo baahnaa.

Kulankan dhex’maray Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda ugu sareysa IRC ayaa imanaya xilli Xamza Cabdi Barre uu sii wado hawlaha isu duwista iyo isku xirka ka jawaabista xaaladda abaarta dalka ka taagan.