24.9 C
Mogadishu
Friday, July 24, 2026

Dalal Afrikan ah oo dowladda Turkiga ka codsanaya qorshe la mid ah midka Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa doonaya inay Turkiga la yeeshaan xiriir u eg kan uu Ankara la dhistay Soomaaliya, kaas oo isku daraya taageero amni, tababar ciidan, maalgashi dhaqaale iyo ilaalinta danaha istaraatiijiga ah.

Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa sheegay in dalal dhowr ah ay Ankara ka codsadeen in lagu taageero qaab la mid ah midka Turkigu ka hirgeliyey Soomaaliya, halkaas oo xiriirkii markii hore ku bilowday gargaar bani’aadannimo uu isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh.

“Annagoo ka jawaabayna codsiyada naloo soo gudbiyo, waxaan sii wadnaa tababarka iyo taageerada farsamo ee aan siino ciidamada qalabka sida ee dalalka Afrika, si aan uga qeyb qaadanno dhisidda awooddooda,” ayuu Güler u sheegay wariyeyaasha xilli uu ka qeybgalayey dhoolatuska milateri ee Efes oo ka dhacay galbeedka Turkiga.

“Xaaladdan gudaheeda, dalal kale oo dhowr ah ayaa codsanaya isla qaabkii aan ka hirgelinnay Soomaaliya. Codsiyadaas waan qiimeyneynaa,” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa muujinaya sida Soomaaliya, oo muddo dheer loo arkayey dal dagaallo iyo burbur ka soo kabanaya, ay hadda u noqotay tusaale ay dalal kale oo Afrikaan ah u eegayaan marka ay doonayaan xiriir amni iyo dhaqaale oo ay la yeeshaan Turkiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u billowday sanadkii 2011, markii Recep Tayyip Erdogan, oo markaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, uu booqday Muqdisho xilli Soomaaliya ay wajahaysay abaar daran iyo xaalad bani’aadannimo oo culus.

Booqashadaas ayaa noqotay billowga xiriir si tartiib ah uga gudbay gargaar iyo mashaariic adeeg bulsho, una wareegay iskaashi amni, difaac, dhaqaale, waxbarasho, caafimaad iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisay xarumo caafimaad, iskuullo iyo mashaariic kale, wuxuuna sidoo kale door muuqda ku yeeshay maamulka iyo howlgelinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Ankara ayaa sidoo kale saldhiggeeda milateri ee ugu weyn dibadda ka furtay Muqdisho sanadkii 2017, halkaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaali ah.

Ciidamo kale oo Soomaali ah ayaa tababar dheeraad ah loogu qaaday Turkiga, arrintaas oo qeyb ka noqotay dadaalka Ankara ee lagu dhisayo awoodda ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ilaalinta hay’adaha dowladda.

Qaabka hadda loogu yeerayo “Somali Model” ayaa ah in Turkigu marka hore gacan ka geysto dhismaha amniga iyo xasilloonida, kadibna uu ka qeyb qaato mashaariic dhaqaale iyo kaabeyaal muhiim ah, isaga oo sidoo kale ka faa’iideysanaya fursadaha ka dhasha maalgashigaas.

Qof xog-ogaal ah oo arrintan kala hadlay Middle East Eye ayaa sheegay in dalalka doonaya qaabkan ay fahmeen in aanay suurtagal ahayn in adeegyo iyo khayraad dadweyne la gaarsiiyo shacabka haddii aan marka hore la helin xasillooni amni.

“Soomaaliya, dowlado kala duwan ayaa diyaar u ahaa inay helaan taageero milateri oo Turkish ah si ay u xoojiyaan awooddooda difaac,” ayuu yiri qofkaas xog-ogaalka ah. “Waxay doonayeen inay adeegyo iyo khayraad gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasna suurtagal ma aha haddii aan xasillooni jirin.”

Turkiga ayaa sannadihii la soo dhaafay qaaday khataro muuqda oo ku saabsan joogitaankiisa Soomaaliya, oo weli wajahaysa weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab. Si kastaba, Ankara waxay aragtaa Soomaaliya dal muhiim ah oo ku yaalla meel istaraatiiji ah, una dhow marinno badeed oo waaweyn iyo goobaha loollanka gobolka.

Warbixinta Middle East Eye ayaa sheegtay in dad dhawaan booqday Muqdisho ay arkeen isbeddel amni iyo dhisme oo ka muuqda caasimadda, inkasta oo magaalada weli ay wajahdo khataro amni. Waxay sheegeen in qaraxyadii joogtada ahaa ay yaraadeen marka loo eego sanadihii hore, halka dhismayaal cusub iyo maalgashi gaar loo leeyahay ay ka muuqdaan qeybo badan oo magaalada ah.

Xiriirka labada dal ayaa sanadihii ugu dambeeyay galay marxalad cusub, kadib heshiis difaac iyo dhaqaale oo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen 2024. Heshiiskaas ayaa Ankara siinaya door ku saabsan taageerada amniga badda Soomaaliya, ilaalinta xeebaha iyo dhismaha awoodda ciidamada badda.

Turkiga ayaa sidoo kale bilaabay inuu si qoto dheer ugu lug yeesho sahaminta khayraadka badda Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska. Maraakiib Turkish ah ayaa billaabay inay ka howlgalaan xeebaha Soomaaliya, halka ciidamo iyo qalab milateri oo Turkish ah lagu sheegay inay taageerayaan amniga howlahaas.

Arrinta kale ee si weyn loo hadal hayo ayaa ah qorshaha Turkiga ee lagu dhisayo xarun hawada sare ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo. Madaxweyne Erdogan ayaa hore u sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya ka sameeyo xarun noocaas ah, inkasta oo faahfaahin rasmi ah oo dhameystiran aan weli la shaacin.

Horumarkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli loollanka gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas uu sii xoogeysanayo, gaar ahaan kadib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Soomaaliya si adag u diidday, Turkiguna ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo gobolka xasillooni darro u horseedi karta.

Qoraa Turkish ah oo lagu magacaabo Yahya Bostan, oo wax ku qora wargeyska Yeni Şafak, ayaa ku dooday in Israel iyo Imaaraadka Carabta ay kordhin karaan dhaq-dhaqaaqyada uu ku sheegay kuwo “xasillooni darro” ka abuuraya Afrika, gaar ahaan dalalka uu Turkigu xiriir dheer la leeyahay.

Wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Sudan ay noqon karaan kuwa xiga ee doonaya in Turkigu ka caawiyo tababarka ciidamada, dhismaha hay’adaha amniga iyo gudbinta teknoolajiyadda iyo khibradda.

Qofka xog-ogaalka ah ee Ankara ayaa sidoo kale sheegay in dalal ka tirsan Saaxilka, sida Niger iyo Burkina Faso, iyo sidoo kale Itoobiya, ay ka mid noqon karaan kuwa xiiseynaya qaabkan.

Si kastaba, Ankara si rasmi ah uma shaacin magacyada dalalka codsiyada soo gudbiyey, taas oo muujineysa in Turkigu si taxaddar leh u wajahayo ballaarinta qaabkan, maadaama xiriir kasta oo noocan ah uu leeyahay culeys amni, siyaasadeed iyo dhaqaale.

Soomaaliya, qaabkan wuxuu u leeyahay laba macne. Marka koowaad, wuxuu muujinayaa in dalka oo muddo dheer lagu tilmaami jiray meel burbur iyo gargaar u baahan uu hadda noqday tusaale istaraatiiji ah oo dalal kale ay eegayaan. Marka labaad, wuxuu kordhinayaa muhiimadda Soomaaliya ee loollanka gobolka, gaar ahaan marka la eego badda, shidaalka, amniga iyo xiriirka quwadaha shisheeye.

Turkiga, dhanka kale, wuxuu u arkaa Soomaaliya meel uu ka dhistay kalsooni, joogitaan milateri iyo dano dhaqaale oo muddo dheer ah. Taas ayaa Ankara u oggolaaneysa inay qaabkan u soo bandhigto dalal kale oo Afrikaan ah oo wajahaya amni darro, dhaqaale xumo iyo baahi ay u qabaan saaxiib aan reer Galbeed ahayn.

Laakiin ballaarinta “Qaabka Soomaaliya” ama “Somalia Model” waxay sidoo kale dhalin kartaa su’aalo cusub oo ku saabsan madax-bannaanida dalalka Afrika, doorka quwadaha shisheeye, iyo sida loo hubin karo in iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha uu si dhab ah uga faa’iideeyo shacabka, halkii uu u adeegi lahaa keliya danaha dowladaha iyo quwadaha dibadda.

Arrinta cad ayaa ah in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uusan hadda ku koobnayn labada dal. Wuxuu noqday qaab siyaasadeed iyo amni oo laga doodayo gudaha Afrika, isla markaana laga dareemayo xarumaha loollanka ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Saaxilka.

Al-Shabaab oo ka qeylisay Turkiga iyo Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul u weerartay Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku eedeysay inay door militari iyo mid siyaasadeed ku leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan dowladda federaalka.

Eedeymahan ayaa ku jiray farriinta sanadlaha ah ee kooxda ay soo saarto munaasabadda Ciidul Adxa, taas oo uu jeediyay afhayeenka rasmiga ah ee Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Cali Dheere ayaa si gaar ah u weeraray duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Washington inay beegsato dad rayid ah, xilli ay ku doodayso inay fulineyso hawlgallo ka dhan ah argagixisada.

Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin. Al-Shabaab ayaa marar badan adeegsata sheegashooyinka khasaaraha rayidka si ay ugu faafiso dacaayaddeeda ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo dalalka shisheeye ee taageera.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya. Warbixin ay soo saartay mareegta Long War Journal, oo la socota duqeymaha ka dhaca Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Mareykanku fuliyay 132 duqeyn sanadkii 2025, kuwaas oo 54 ka mid ah lala beegsaday Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 64 duqeyn la diiwaangeliyay illaa hadda sanadkan 2026, iyadoo ugu yaraan 31 ka mid ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in duqeymo dhowaan ka dhacay agagaarka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya iyo Buq Aqable oo ka tirsan bartamaha dalka ay ku dhinteen dad rayid ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa inta badan sheegay in duqeymaha lagu fuliyo wada-shaqeyn kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

AFRICOM ayaa sidoo kale marar badan sheegtay inay qaaddo tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada rayidka.

Qeyb weyn oo ka mid ah khudbadda Cali Dheere ayaa sidoo kale lagu weeraray Turkiga, oo ka mid ah dalalka ugu dhow dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa tababar siiya ciidamada Soomaaliya, wuxuuna taageero militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale u fidiyaa dowladda federaalka. Ankara ayaa sidoo kale Muqdisho ku leh saldhigga tababarka militari ee ugu weyn ee ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda.

Cali Dheere ayaa Turkiga ku eedeeyay inuu doonayo inuu “boobo” kheyraadka dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu heshiisyo uu la galay Ankara ku “iibinayo” hantida qaranka.

“Waxaan dowladda Turkiga leenahay: dalkan iyo kheyraadkiisa nin tuug ah oo khaa’in ah idinma siin karo,” ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalkaas ayaa u muuqday mid loola jeeday iskaashiga sii kordhaya ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, amniga badda iyo sahminta shidaalka badda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 Turkiga la saxiixatay heshiis ballaaran oo difaac iyo iskaashi dhaqaale ah, waxaana xigay heshiisyo la xiriira sahminta shidaalka oo ay ku lug leedahay shirkadda Turkish Petroleum.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa difaacay heshiisyadaas, iyagoo ku tilmaamay qeyb ka mid ah istaraatiijiyad lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah, laguna xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda kadib tobanaan sano oo colaado ah.

Al-Shabaab ayaa se marar badan iskaashiga amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya la leedahay dalalka shisheeye ku tilmaantay isku-dayo lagu qabsanayo ama lagu boobayo dalka.

Cali Dheere ayaa sidoo kale Turkiga ku eedeeyay inuu fuliyo duqeymo ay ku dhintaan dad rayid ah. Turkiga si joogto ah ugama hadlo hawlgallada noocaas ah.

Long War Journal ayaa sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 23 duqeyn oo Turkigu ka fuliyay Soomaaliya tan iyo 2022, iyadoo xustay in tirada dhabta ah ay intaas ka badan karto maadaama Ankara aysan si joogto ah u shaacin hawlgalladeeda.

Trump oo mar kale weerar ku qaaday bulshada Soomaalida

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo Xildhibaan Ilhan Omar intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii, isagoo ku celceliyay sheegashooyin been-abuur ah iyo hadallo kicin ah oo ku saabsan bulshada Minnesota, xilli maamulkiisu uu sii wado olole ballaaran oo ka dhan ah socdaalka.

Trump ayaa muhaajiriinta Soomaaliyeed ku tilmaamay “tuugo”, wuxuuna si gaar ah u xusay Ilhan Omar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo laga soo doorto Minnesota, asalkeeduna Soomaali yahay, sida ay sheegtay NBC News.

“Soomaalida, waxa ay ku sameeyeen Minnesota, Soomaalida, waa tuugo aad u xun. Ilhan Omar waa tuug aad u xun,” ayuu yiri Trump. “Dhammaantood waa tuugo, waana qabanay, waana qabanay. Hadda waxaan saaraynaa cadaadis xooggan,” ayuu yiri Trump, isagoo sii laba-jibbaaray weerarradiisa intii uu socday kulankii Golaha Wasiirrada ee Arbacadii.

Ma cadda waxa uu ku eedeynayay Ilhan Omar. Af-hayeen u hadlay Omar ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka falceliyo eedeymaha Trump.

Kadib hadalladiisii ku saabsanaa Soomaalida, Trump ayaa ku faanay shaqada maamulkiisu qabtay toddobaadkii hore, taasoo lagu soo xiray dad dheeraad ah oo lagu eedeeyay lunsashada hantida dadweynaha gudaha Minnesota.

Trump ayaa u muuqda inuu aad u hadal hayay Soomaalida ku nool gobolkaas tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in sannadkii hore tobannaan qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya lagu xukumay khiyaanooyin la xiriiray barnaamijyadii gargaarka Covid-19, kuwaasoo lagu lunsaday lacag ka badan $1 bilyan oo doolar.

Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), oo soo xiganaysa xog laga helay xafiiska xeer-ilaalinta federaalka ee Minnesota, ayaa sheegtay bishii Diseembar in 82 ka mid ah 92 qof oo ilaa xilligaas lagu soo eedeeyay khiyaanadaas ay ahaayeen Soomaali-Mareykan.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib dhowr bilood oo ay sii kordhayeen weerarrada ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota, oo hoy u ah bulshada Soomaalida ee ugu weyn dalkaas. Trump ayaa marar badan bulshadaas u sawiray inay qeyb ka yihiin dhibaatooyin la xiriira musuqmaasuq iyo khiyaano, isagoo arrintaas ku xiray dadaalkiisa ku aaddan in meesha laga saaro badbaadada muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo sharci-fulinta gobolkaas.

Soomaalida Mareykanka ayaa dhistay joogitaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo muuqda gudaha Minnesota tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay bishii Janaayo in weerarrada dowladda ee ka dhanka ah muhaajiriinta iyo cadaadiska federaalka ay hore cabsi ugu abuureen dadka deegaanka, iyadoo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ay Aqalka Cad ku eedeeyeen inuu sharciga u adeegsanayo hanjabaad ka dhan ah bulsho si weyn ugu firfircoon siyaasadda.

Hadalladan kulul ayaa sidoo kale imaanaya xilli Trump uu sii xoojiyay weerarrada uu ku hayo Omar, oo inta badan bartilmaameed u ahayd dhaleeceyntiisa. Trump ayaa bishii Diseembar ku tilmaamay “qashin”, wuxuuna sheegay inuu doonayo in Soomaalida dalka laga saaro.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in luuqaddan ay sii qoto-dheereyso welwelka ka jira xaafadaha Soomaalida, isla markaana ay caadi ka dhigto cadaawadda guud ee loo qabo muhaajiriinta.

“Madaxweynuhu mar kasta wuxuu lahaa hadallo aad u midab-takoor ah, naceyb shisheeye iyo Islaam-nacayb xambaarsan marka ay timaaddo dadka Muslimiinta ah ama dadka madow,” ayay Omar u sheegtay warbaahinta. “Waxaan aragnay isagoo ku tilmaamaya waddamada Afrika inay yihiin meelo wasakh ah (shitholes), sidaas darteed tani maahan wax lala yaabo.”

Waxaa jira qiyaastii 80,000 oo qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo ku nool Minnesota, sida ay sheegtay Wilder Research, oo ah hay’ad madax-bannaan oo cilmi-baaris ku sameysa magaalada St. Paul.

Xasan iyo Mahad Salaad oo isku khilaafay doorashada Galmudug iyo xiisad taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaas oo salka ku haya arrimaha doorashada maamulka Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Galmudug, isla markaana aanu taageersaneyn qorshe kasta oo lagu cadaadinayo madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Mahad Salaad ayaa la sheegay inuu aaminsan yahay in xal siyaasadeed lagu gaari karo arrinta Galmudug, isaga oo ku dooday in Qoor-Qoor lagu qancin karo tanaasul siyaasadeed, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama cadaadis siyaasadeed oo toos ah.

Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in kulamo dhowr ah oo u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin khilaafka taagan. Labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo kale oo arrintan looga hadlayo.

Mahad ayaa doonaya in doorashada Galmudug ay noqoto mid furan oo qolo kasta ay qaadato calafkeeda. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale isna caddeeyay inuu keliya aqbalayo doorasho hufan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu warramayaa inuu taageersan yahay mowqifka Mahad Salaad, isla markaana aanu ku qanacsaneyn qorshaha la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku taageerayo Liibaan Shuluq si uu ugu soo baxo madaxtinimada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khilaafkan cusub uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo abaabulo la xiriira doorashada maamulkaasi.

Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa iyaguna walaac ka muujiyay suurta-galnimada in Dhuusamareeb ay ka dhacaan xiisado la mid ah kuwii hore uga dhacay Baydhabo, kuwaas oo saameyn amni iyo mid siyaasadeed ku yeeshay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka la xiriira khilaafka la sheegay inuu u dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad, xilli ay isa soo tarayaan hadal-heynta ku saabsan loolanka siyaasadeed ee Galmudug.

Xogta Shamso iyo Xannaan Yuusuf oo loo haysto 21.2 milyan oo dollar

0

Minnesota (Caasimada Online) – Shamso Axmed Xasan oo 55 jir ah iyo Xanaan Mursal Yuusuf oo 25 jir ah, kuwaas oo labadubaba deggen magaalada Brooklyn Park ee gobolka Minnesota, ayaa lagu eedeeyay khiyaano maaliyadeed  dhan $21.2 milyan oo la xiriirta daryeelka caafimaadka  sida ay sheegtay maxkamadda federaalka ee dalka Maraykanka.

Sida ku cad dukumenti laga helay barta internetka ee Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, labadan dumar ah ayaa u gudbiyay sheegashooyin been abuur ah Barnaamijka Waxqabadka Horumarinta iyo Dhaqanka ee Degdegga ah (EIDBI) ee hoos yimaada Medicaid-ka Minnesota, kuwaas oo lacagtoodu gaarayso $46.6 milyan oo doollar. Lacagtaas intieeda badan, oo dhan $21.2 milyan oo doollar, ayaa durba la siiyay dadka eedaysanayaasha ah ee falka gaystay.

Haweenkaan ayaa qoysaska u ballanqaaday laaluush bishii dhan $300 ilaa $1,500 si carruurtooda loogu qoro qorshahan lunsashada ah. Lacagtii ay bixisay Medicaid oo dhan $21.1 milyan ayaa loo adeegsaday iibsashada hanti guryo dhulal iyo xawaalado loo xawilay dalka Kenya.

Labadan qof ee kor ku xusan ayaa ka mid ah 15 eedeysane oo ku lug leh fashilinta ugu weyneyd abid ee qorshe khiyaano oo la xiriira barnaamijka autism-ka ee Medicaid, kaas oo sababay khasaare lagu qiyaasay in ka badan $90 milyan, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyayaasha.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in aanay jirin wax adeeg caafimaad ah oo dhab ahaan lagu qabtay beddelka lacagtaas, kuwaas oo aan xataa markii horeba u qalmin ama aan haysan aqoontii ay adeeggaas daryeelka ku bixin lahaayeen. mashruucaan  ayaa dhacay intii u dhaxeysay May 2020 iyo December 2024.

Bishii Febraayo ee sannadkan, Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa ku dhawaaqay in dawladda federaalku ay si kumeelgaar ah u joojisay dhammaan lacagaha Medicaid ee la siin jiray gobolka Minnesota, inta laga baarayo xadgudubyada ka dhanka ah nidaamka. Baaritaankan waxaa hormuud ka ah guddiga la-dagaallanka tuugada iyo musuqmaasuqa ee uu isagu madaxda ka yahay.

Fadeexaddan maaliyadeed ee Minnesota waxay soo shaacbaxday bishii Janaayo, kadib markii wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo Nick Shirley uu muuqaallo ka duubay xarumo daryeel carruureed oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed, kuwaas oo u muuqday kuwo aan shaqaynayn balse lacago malaayiin dollar ah ka helay dawladda gobolka.

Midowga Yurub oo Xasan iyo mucaaradka u diray dalab la xiriira xiisadda siyaasadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon loogu xallin karo murannada siyaasadeed ee taagan.

Danjire Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub aanu qaadanayn mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo, balse uu xoogga saarayo sidii dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka loogu qancin lahaa inay miiska wada-hadalka dib ugu soo laabtaan.

“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjiraha Midowga Yurub, iyadoo xustay inay aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-xaajood iyo is-afgarad laga gaaro arrimaha muranka dhaliyay.

Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka qeyb galaan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo lagu xallin karo ismari-waaga ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka.

Danjiraha ayaa mar kale ku celisay baaqa ku aaddan in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la helo waddo siyaasadeed oo lagu wajahayo xaaladda cakiran ee taagan.

“Waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto fursaddan si aan mar kale u caddeeyo inaan rajeynayno in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalka kasoo baxay Danjiraha Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta nooca doorashooyinka dalka, doorka saamileyda siyaasadeed iyo baahida loo qabo in dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ay gaaraan is-afgarad mideysan oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda.

Maxaa ka jira in ciidamo dheeraad ah laga dejiyay Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ah mid deggan, xilli saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay warar la xiriira dhaq-dhaqaaqyo amni iyo ciidan oo la geeyay caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inaysan jirin ciidamo dheeraad ah oo gaaray magaalada, isla markaana xaaladda amni ay tahay mid deggan.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ammaanka magaalada ay si caadi ah u sugayaan hay’adaha amniga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa tilmaamaya in magaalada aysan ka jirin wax xiisad amni ah, iyadoo sidoo kale halkaasi uu ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo weli sii wada howlihiisa maamulka.

Dhanka kale, waxaa magaalada iyo guud ahaan Galmudug ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee maamulkaasi.

Musharixiin dhowr ah ayaa la sheegay inay bilaabeen ololayaal iyo kulamo siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay taageero uga helaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka.

Doorashada Galmudug ayaa lagu wadaa, sida qorshuhu yahay, inay qabsoonto 20-ka bisha June 2026, markaas oo loo dareeri doono codbixinta doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka.

Sidoo kale, jadwalka doorashooyinka ayaa muujinaya in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da bisha July, halka doorashada madaxweynaha dowlad-goboleedkaasi loo asteeyay 9-ka July.

Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay ee Galmudug uga dhaca hannaan qof iyo cod ah, waxaana socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaar-garowga xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan tartanka doorashada.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo hay’adaha doorashooyinka ayaa dhinacooda wada dadaallo lagu xaqiijinayo in doorashooyinku ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay si gaar ah ugu jeedaan habka ay u qabsoomaan doorashooyinka maamulkaasi.

Trump oo ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan, oo ah xulufo Mareykan ah, haddii ay Iran kala safato arrinta dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa sheegay in Cumaan ay tahay inay “u dhaqanto si wanaagsan”, haddii kale uu “dhulka la simi doono”, xilli la weydiiyay in uu aqbali doono heshiis ku-meel-gaar ah oo Iran iyo dowladda Khaliijka ee Cumaan u oggolaanaya inay maamulaan marin-biyoodkaas.

“Maya, marin-biyoodka waa inuu u furnaadaa qof kasta,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaal intii lagu jiray shir golaha wasiirrada uu kula yeeshay Aqalka Cad.

“Waa biyo caalami ah, Cumaan-na waxay u dhaqmi doontaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan qarxinnaa. Way fahamsan yihiin taas, way is-toosin doonaan,” ayuu yiri.

Aqalka Cad si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka AFP ay weydiisay in Trump uu hadalka si khaldan u yiri, isla markaana uu ula jeeday Iran halkii uu ka magacaabi lahaa Cumaan.

Cumaan ayaa ah xulufo muhiim u ah Mareykanka, waxayna isku dayday inay dhex-dhexaadiso dagaalka Bariga Dhexe, iyadoo sidoo kale hore weerar uga soo gaaray Tehran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii dambe baahisay muuqaal iyo qoraal laga soo qaatay hadalka Trump ee ku saabsanaa Cumaan, iyada oo aan raacin wax sixid ama caddeyn ah.

Trump, oo 79 jir ah, ayaa horraantii isla shirka u muuqday inuu isku khalday Iran iyo Venezuela, kadib markii uu sheegay in dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika, oo hoggaamiyihiisii Nicolas Maduro ay ciidamada Mareykanka xilka ka tuureen bishii January, “uusan lahayn ciidan badeed iyo ciidan cirka ah” midna.

Trump ayaa marar badan weedho noocaas ah u adeegsaday Iran, oo Mareykanka iyo Israel ay weerareen 28-kii February.

Iran ayaa muujisay inay dooneyso inay xaqiiqo cusub ka abuurto marin-biyoodka Hormuz, oo sida caadiga ah ay maraan shan meelood meel saliidda adduunka, iyadoo doonaysa inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraya, dakhligaasna la wadaagto Cumaan.

Trump ayaa si isa soo taraysa uga carooday dib u dhaca ku yimid wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe, laguna furo marin-biyoodka Hormuz, maalmo kaliya kadib markii uu sheegay in heshiis uu dhow yahay.

Xiisadda cusub ayaa muujineysa sida marin-biyoodka Hormuz uu weli u yahay xudunta muranka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo hadalka Trump uu markan si toos ah u taabtay Cumaan, oo Washington u aragto xulufo muhiim ah balse sidoo kale xiriir iyo door dhexdhexaadin la leh Tehran.

Dhinaca kale, Washington ayaa sheegtay in howlgallo cusub oo milateri ay ka fulisay gudaha Iran, gaar ahaan meel u dhow Bandar Abbas, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun lagu maamulayey diyaarado aan duuliye lahayn.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in weerarradaas lagu burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo xarun maamul, isaga oo ku tilmaamay tallaabo difaac ah oo looga hortagayo khatar ku soo wajahan ciidamada Mareykanka iyo maraakiibta ku sugan gobolka.

Iran ayaa dhankeeda ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay xabbad-joojin jilicsan oo hore loo sheegay inay dhaqan gashay, iyadoo sidoo kale ku adkeysatay in aysan ka tanaasuli doonin shuruudaha ay ku xirtay heshiis kasta oo lagu furayo marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in heshiis lagu xallinayo xiisadda uu dhow yahay, balse wuxuu Arbacadii muujiyay caro sii kordheysa kadib markii wada-hadallada ay mar kale istaageen.

Ilaa hadda, Cumaan si rasmi ah ugama jawaabin hadalka Trump. 

Qarax khasaare culus gaystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya

0

Dhadhaab (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka Dhadhaab, waxaana lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu si gaar uga dhacay waddo ku taal deegaan hoostaga xadka labada dal, iyada oo lasoo wariyay in gebi ahaan uu basbeelay gaariga uu qabsaday qaraxa oo ay saarnaayeen ciidan Kenyaan ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo saarnaa baabuurka la qarxiyay.

Maydadka askarta iyo kuwa dhaawacmay ayaa goobta looga daabulay gaadiid, iyada oo la geeyay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday, waxayna shaacisay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Kenya oo howlgallo dabagal ka sameeyay halkaasi.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, si ay uga hortegaan suurtagalnimada weeraro ka dhaca xadka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari iyo deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay hanjabaadda Saadaq Joon

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hanjabaad kasoo yeertay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo xalay soo saaray digniin siyaasadeed oo culus.

Saadaq Joon oo sidoo kale ah sarkaal xilal kala duwan soo qabtay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu yiri Saadaq Joon.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirro iyo xildhibaanno ku xiran Villa Somalia oo si kulul kaga falceliyay hanjabaadda Saadaq Joon

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa ku jawaabay: Saadaq Joon waxaan leeyahay Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay duq Xasan ayaa lahaa Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garabyihiin!.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul ayaa isna yiri: Saadaq Joonow tanu tii maahan xisaabta ku darso.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbeddeka cimilada Soomaaliya Xuseen Cali Xaaji ayaa isna ku jawaabay: Gen saadaq Waxaan rabaa inaan usheego wardhigley iyo galmudug waa soomali labo wadan makala ah duq xasan ayaa Madaxweyne u ah taladiisa ayaa ka socondoonto”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Si kastaba, ha’ahaatee qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Axmed Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Cali Wajiis oo Xasan ka dalbaday inuu qabto doorasho deggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khiaafka dowladda iyo mucaaradka.

Cali Wajiis ayaa marka hore Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay shaqooyinka uu qabtay ee horumarinta qaranka, isaga oo dhanka kale kula taliyay in haatanuu qabto doorasho deggan, si xal loogu helo is-mariwaaga taagan.

“Madaxweyne Xasan waa dhisay awood qaran oo xoog leh waxaa dhiman inuu qabto doorasho degan, weyna soo socotaa insha Allah” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyiinta labada dhinac ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla markaana ay ka fakiraan saameynta ka dhalan karta hadalladooda.

“Waxaan ugu yeereynaa mas’uuliintu inay koontoroolaan erayada shacabka loo sheegaayo lagana fogaado erayada colaad abuurkaa ee la’isugu jawaabaayo aaladaha warbaahinta iyo baraha Bulshada,” ayuu mar kale yiri Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa si weyn loogu xasuustaa difaacidda Dowladda Xasan, wuxuuna marar badan kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo ka hadlaya arrimama siyaasadda, taageerana u muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay isku hayaan kooxda Villa Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ee Dalka.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda siyaasadeed ee GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa weli laga dareemayaa deegaannada Galmudug, taas oo la xiriirta qorshaha dowladda ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo si adag la’isugu hayo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan daq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemay qaybo kamid ah gobollada dhexe, taas oo keentay cabsi xooggan, maadaama ay arrintu isku rogi karto gacan ka hadal, sidii ka dhacday Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in amar ay siisay ciidamadeeda ku sugan deegaanada Galmudug, kuwaas oo qaarkood kasoo dhaqaaqay furimaha hore, si ay usoo gaaraan magaalada Dhuusamareeb, oo qaybo kamid ah ay joogaan ciidamo iyo saraakiil ay dowladdu ka dirtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhankiisa bilaabay uruursi ciidan, iyada oo si gaar ah looga dareemayo magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Doodda ugu wayn ayaa ka taagan qorshaha ay Villa Somalia ku dooneyso in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka maamulka, taas oo keentay kala aragti duwanaan u dhexeysa labada dhinac, iyada oo sidoo kale mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee kasoo jeedo Galmudug ay la kala safteen labada dhinac.

Warar siyaasadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka sare ee Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), taas o qeyb ka ah loollan cusub ee haatan ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo saartay ayaa taageero u muujisay Axmed Qoor Qoor, waxayna sheegtay inuu isku filan yahay, haddii dagaal lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigtay.

“Qoor Qoor dagaal iskaaga filan ee dulaankaa ku tashaneysid ha noqdo dadkaa shalay dilkooda darajo iyo dollar ku qaadatay ileen Dirtu dowlad inay dhisaan mooyee wax ma dumiyaan darajana anagaa u sidno dalkana kula joogno dardaaran,” ayay qoraalkeeda ku tiri Jeeraal Zakiya Xuseen Axmed.

Waxaa kasii horeeyay oo isna digniin diray Xildhibaan Saadaq Joon oo sheegay inay isku xiran yihiin amniga Dhuusamareeb iyo kan degmad Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo keentay falcelin xooggan oo deg-deg ah.

Xiisaddan ayaa muujineyso in siyaasadda Galmudug ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Villa Somalia, maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin miisaan leh ay isku eegayaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaas.

Daawo: Ra’iisul wasaare Xamza oo jawaab kulul siiyay Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan sheegay in Checkpoint-yada Muqdisho lagu qaado lacago baad ah.

Shariif ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha xukuma baraha koontarool ay lacago qaadaan, kadibna loo geeyo madaxda sare ee dalka.

“Dadka xukuma Checkpoint-yada bal wareysta dhaqaalaha ay ka sameeyaan madaxda dhaqaale ayaa loo geeyaa iyaguna dhaqaale ayay ka sameeyaan,” ayuu yiri Shariif oo ka hadlayay arrimaha ciidamada iyo baraha koontarool.

Intaas kadib waxaa jawaab bixiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay in isbaariistayaal lagu tilmaamo ciidamada sugayo amniga, isla markaana naftooda u huraya dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib darro in ciidamada amniga sugaya la yiraahdo isbaaro ayay dhigtaan, waxayna qaataan lacago askarteenna ma qabato, dowladda Soomaaliyeedna ma qabato,” ayuu ku jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale, wuxuu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray amniga caasimada, maadaama maanta lagu guuleystay in la xasiliyo, isla markaana laga nastay qaraxyadii iyo falalkii kale ee amni darrada ahaa.

“Muqdisho waxaad ogeedeen in habeen aan la socon karin Muqdisho oo dhiigu daadanayo oo qaraxu meel kasta ka dhacayo Muqdisho wada tacsi ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan la’isku hallayn karo amniga magaalada Muqdisho, isaga oo amaanay dhammaan ciidamada Qalabka Sida.

“Maanta Muqdisho waa nabad daraf kasta caawa waa nabad waxaa nabaddan innooga baxay boqolaal dhalinyaro oo shahiiday iyaga oo amniga ilaalinaya sharafna raadinaya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xamza Cabdi Barre.

‘Israa’iil waxay Soomaaliya ka fulisay dagaal wakiilnimo oo ay u adeegsatay dal kale’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Zakaria Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in duullaankii Ethiopia ee Soomaaliya uu ahaa “dagaal wakiilnimo” oo ay ku kulmeen danaha Ethiopia iyo Israa’iil, isagoo ku dooday in labada dhinac ay ka faa’iideen kala daadashada dowladnimada Soomaaliya.

Zakaria, oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Egypt Independent, ayaa sheegay in Israa’iil ay muddo dheer daneynaysay in Soomaaliya aysan yeelan dowlad dhexe oo awood leh, sababo la xiriira goobta istiraatiijiga ah ee dalka iyo saameynta uu ku leeyahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab.

“Markii Ethiopia ay qabsatay qaybo ka mid ah Soomaaliya, wuxuu ahaa dagaal wakiilnimo,” ayuu yiri Zakaria. “Israa’iil waxay dan ku qabtay kala dhantaalidda Soomaaliya, Ethiopia-na waxay lahayd dano toos ah oo ay Soomaaliya kula dagaallameysay.”

Ethiopia ayaa dhammaadkii 2006 ciidamo soo gelisay Soomaaliya, xilli uu jiray dagaal u dhexeeyay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dowladda federaalka ku-meel-gaarka ahayd. Duullaankaas ayaa horseeday dagaallo sanado socday, barakac ballaaran iyo isbeddel weyn oo ku dhacay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Zakaria ayaa sheegay in xilligaas uu ka tirsanaa Isbaheysigii Dib-u-xoreynta Soomaaliya, isla markaana uu dagaalka u arkayay mid aan ku koobneyn Soomaaliya iyo Ethiopia, balse qeyb ka ahaa loollan shisheeye oo ka ballaaran gobolka.

“Israa’iil waxay Soomaaliya ku soo gashaa Ethiopia, maadaama labada dal ay leeyihiin xiriir iyo dano wadaag ah,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo loollan cusub oo ku saabsan Badda Cas, dekedaha, Somaliland iyo xiriirka Israa’iil ee gobolka. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, tallaabo ay Soomaaliya si adag uga hortimid, kuna tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Midowga Afrika iyo dalal badan oo Carab iyo Afrikaan ah ayaa iyaguna diiday aqoonsigaas, iyagoo sheegay in Somaliland ay weli tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana tallaabada Israa’iil ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.

Zakaria ayaa sheegay in xiriirka Ethiopia iyo Israa’iil uu yahay qeyb ka mid ah sawir istiraatiiji ah oo ka ballaaran Soomaaliya. Wuxuu ku dooday in labada dhinac ay dan ka leeyihiin saameynta Geeska Afrika, Badda Cas iyo marinnada ganacsiga ee u dhexeeya Bariga Dhexe iyo Afrika.

Qorshaha toddobada dal

Zakaria ayaa sidoo kale tixraacay hadallo hore oo uu jeediyay Jeneraalka Mareykanka ah ee hawlgabka ah Wesley Clark, oo sheegay in kadib weerarradii September 11 uu maqlay qorshe lagu beegsanayo toddoba dal oo kala ah Iraq, Syria, Lebanon, Libya, Somalia, Sudan iyo Iran.

Sida uu Zakaria ku dooday, waxa maanta ka socda Gaza, Lebanon, Sudan, Soomaaliya iyo Iran waxay xoojinayaan aragtidiisa ah in gobolka uu wajahayo qorshe ballaaran oo lagu beddelayo dheelitirka awoodda, iyadoo Israa’iil ay ka faa’iideysaneyso kala qeybsanaanta Carabta iyo burburka dowladaha qaarkood.

“Waxaan mar kale tixraacayaa hadalladii Jeneraal Wesley Clark ee ku saabsanaa kala dhantaalidda toddobo dal: Soomaaliya, Sudan, Libya, Syria, Lebanon, Iraq iyo Iran,” ayuu yiri Zakaria.

Wuxuu sheegay in dagaalka Iran uu qeyb ka yahay dib-u-qaabeynta Bariga Dhexe ee danaha Israa’iil, isagoo ka digay in haddii Tehran la wiiqo ay Israa’iil awood u heli karto inay si xor ah uga dhaqaaqdo gobolka.

Wuxuu sheegay in markii Ethiopia ay gudaha u gashay Soomaaliya, uu uga digay xubno ka tirsan Baarlamaanka Carabta in haddii aysan Carabtu ka falcelin waxa Soomaaliya ka socda, dalal kale ay xigi doonaan.

“Waxaan u sheegay haddii ay daawadayaal ka noqdaan Ethiopia oo qabsatay Muqdisho, Khartoum ayaa xigi doonta, kadibna Dimishiq,” ayuu yiri.

Zakaria ayaa sheegay in Soomaalidu xilligaas aysan u baahnayn ciidamo Carbeed, balse ay u baahnayd taageero diblomaasiyadeed iyo cadaadis siyaasadeed oo lagu joojinayo faragelinta Ethiopia.

Wuxuu sidoo kale xiriiriyay loollanka Geeska Afrika iyo muranka biyo-xireenka weyn ee Ethiopia, isagoo ku dooday in Israa’iil ay door ku leedahay sii qoto dheereynta xiisadda u dhexeysa Ethiopia iyo Masar.

“Shaki kuma jiro in Israa’iil ay door ku lahayd sii qoto dheereynta xiisadda ka dhalatay biyo-xireenka Renaissance,” ayuu yiri.

Hadallada Zakaria ayaa ah eedeymo culus oo siyaasadeed, balse waxay kusoo aadayaan xilli aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu dib u furay doodda ku saabsan doorka Tel Aviv ee Badda Cas, xiriirka ay la leedahay Ethiopia iyo saameynta uu loollanka gobolka ku yeelan karo Soomaaliya.

Zakaria ayaa ka digay in haddii Soomaaliya ay sii ahaato dal nugul, ay noqon karto goob ay ku loollamaan quwado shisheeye, halka dhaawaca ka dhashana uu gaari karo Badda Cas, Masar, Sudan iyo guud ahaan dunida Carabta.

Midowga Yurub oo dalab ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah dib ugu billaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal laga gaaro hannaanka doorashooyinka dalka, xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, balse uusan garab gaar ah ka raacsaneyn muranka taagan.

“Dhinac gaar ah dhinac kale kama doorbidno. Waxa aan dhiirrigelineyno waa wada-hadal,” ayay Di Mauro ku tiri wareysi ay siisay warbaahinta Dawan Media.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana looga baahan yahay dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan natiijooyin muuqda oo lagu sii wadi karo geeddi-socodka doorashooyinka.

Waxay sheegtay in wadahadallo u dhexeeyay dowladda federaalka, siyaasiyiin mucaarad ah iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay billowdeen ka hor inta aysan iyadu imaan Soomaaliya bishii September ee sanadkii hore.

Sida ay sheegtay, doorka Midowga Yurub wuxuu ahaa in uu sii wado xiriirka dhammaan dhinacyada, kuna dhiirrigeliyo inay khilaafka ku wajahaan wada-hadal siyaasadeed.

“Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan mar kale caddeeyo inaan runtii rajeyneyno in wada-hadalku si degdeg ah dib ugu bilowdo, si loo helo waddo loo maro doorashooyinka Soomaaliya,” ayay tiri Di Mauro.

Hadalkeeda ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli wajaheyso muran siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada, muddada xilka hay’adaha federaalka, isbeddellada dastuurka iyo doorka ay mucaaradka iyo dowlad-goboleedyadu ku yeelanayaan geeddi-socodka siyaasadeed.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo nidaamka doorashooyinka dadban ee muddada dheer lagu soo doortay madaxda dalka.

Mucaaradka ayaa dhankooda ku doodaya in aan la geli karin hannaan doorasho oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay isku dayeyso inay keligeed maamusho geeddi-socodka siyaasadda.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii mucaaradku sheegeen in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku egtahay 15-kii May 2026, halka madaxweynuhu sheegay in dastuurka wax laga beddelay uu muddo xileedka dowladda federaalka ka dhigayo shan sano, kuna eg 15-ka May 2027.

Murankaas ayaa qeyb ka noqday doodda ballaaran ee ka taagan wax ka beddelka dastuurka, hannaanka xisbiyada siyaasadda iyo qaabka ay Soomaaliya uga gudbi karto nidaamka doorashooyinka dadban.

Midowga Yurub ayaa muddooyinkii dambe ku celcelinayay in Soomaaliya ay u baahan tahay hannaan siyaasadeed oo nabdoon, loo dhan yahay, laguna gaaro heshiis ay dhinacyada muhiimka ah wada aqbalaan.

Di Mauro ayaa sheegtay in Brussels aysan dooneyn inay beddel u noqoto go’aanka Soomaalida, balse ay dhiirrigelineyso in hoggaamiyeyaasha dalka ay iyagu xal siyaasadeed ka gaaraan arrimaha muranka dhaliyay.

Baaqa Midowga Yurub ayaa imanaya iyadoo beesha caalamka ay walaac ka muujineyso in khilaafka doorashooyinka uu sii dheeraado, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida siyaasadeed, amniga iyo dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dalka.

Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore wajahday xiisado siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyin dib u dhacay, muddo kororsi iyo heshiis la’aan ka dhex dhalatay dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada.

Cirro oo farriin culus u diray Xasan Sheekh iyo Jabuuti: “Somaliland hadda kali ma aha”

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa farriin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Jabuuti, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Cirro oo ka hadlayay munaasabadda Ciidda Al-Adxa ayaa sheegay in Somaliland aysan cidna ku xadgudbin, balse ay wajahday waxa uu ku tilmaamay cadaawad kaga timid dalal dhowr ah.

“Waxaad ka war qabtaan in dalal badan ay Somaliland u muujiyeen cadaawad, laakiin innagu waxba uma aynaan gaysan, geelna kama aynaan dhicin, arrinna kama aynaan dhicin, wax kalena uma aynaan gaysan,” ayuu yiri madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad diblomaasiyadeed ay ka dhex taagan tahay Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan kadib tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah, iyo mowqifyada kasoo baxay Muqdisho iyo Jabuuti.

Cirro ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku dhisan tahay daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, balse wuxuu si gaar ah fariin ugu diray dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

“Somaliland siyaasaddeeda arrimaha dibaddu waa daris wanaag, nabad ku wada noolaasho iyo is-ixtiraam, gaar ahaan dalalka aanu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegayaa inay ixtiraamaan nabadda, daris wanaagga iyo ixtiraamka dowladaha jaarka.”

Qoraal lasoo dhigay warbaahinta qaranka Somaliland ayaa sidoo kale laga soo xigtay madaxweyne Cirro farriin toos ah oo uu u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xasan Sheekh waxaan leeyahay haddii aad dowlado kale noo soo kaxaysataan, Somaliland kali ma aha. Idinkana waanu isaga kiin filanahay,” ayuu yiri Cirro.

Hadallada Cirro ayaa imanaya xilli hoggaanka Somaliland uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka cusub ee uu la sameynayo dalal shisheeye, gaar ahaan Israa’iil.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag shalay uga hadlay dhawaaqa kasoo yeeray maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro, ee ah in ay safaarad ka furanayso Qudus

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xitaa caalamka aan Muslimka ahayn ay ka xishoodeen inay safaaradahooda geeyaan Baytul-Maqdis.

“Maanta sina suurtagal noogama aha in qayb kamid ah dalkeenna ay timaado Israa’iil. Israa’iil kumaanan duulin, dowladnimadeeda ma diidin, dowlad ha noqoto ayaan dhahnay. Waxaa nasiib-darro ah in aan dhahno calankii ay ugu qornayd ‘Laa ilaaha illallaahu Maxamed Rasuulullaah’ ayaan ka taagaynaa, oo aan leenahay Israa’iil baa iska leh oo waa caasimaddii Israa’iil. Caalamka aan Muslimka ahayn ayaa ka xishooday inay yiraahdaan oo soo qaadaan safaaradahooda oo keenaan Baytul-Maqdis,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray: “Maanta wiil Soomaaliyeed inuu calan meeshaas ka taago, oo uu yiraahdo safaaraddeenii ayaan ka furaneynaa meeshaas, magaaladii saddexaad ee magaalooyinka Islaamka ugu sharaf badnayd, qibladii koowaad.”

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri tallaabada Somaliland ee Qudus?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhawaaqa kasoo yeeray maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo la xiriira magaalada Qudus iyo dowladda Israa’iil.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay tahay “nasiib darro weyn” in maamulkaasi uu qaato mowqif uu ku sheegay mid ka hor imanaya dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo dunida Islaamka, maadaama hoggaanka Somaliland uu sheegay in Qudus loo aqoonsaday magaalo ay leedahay Israa’iil.

Waxa uu tilmaamay in xitaa dalal badan oo aan Muslim ahayn ay ka gaabsadeen inay safaaradahooda geeyaan magaalada Qudus, maadaama ay weli tahay magaalo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Falastiiniyiintu u arkaan caasimaddooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan marnaba dhici karin in Soomaaliya ay aqbasho in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil, isaga oo tallaabadaasi ku tilmaamay mid ceeb ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo tan Islaamka guud ahaan.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Waqooyiga Soomaaliya aysan qaadi karin masuuliyadda go’aankaasi, isaga oo ugu baaqay inay iska fogeeyaan arrimaha dhaawacaya midnimada iyo mowqifka Soomaaliyeed ee ku aaddan qadiyadda Falastiin.

“Caalamka aan Muslimka ahayn ayaa ka xishooday in safaarad laga dhigto Qudus. Waa nasiib darro in calan towxiidka ku qoran yahay maanta laga taago Qudus, laguna yiraahdo Israa’iil ayaa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay mid keeni karta caro Alle, isla markaana loo baahan yahay in laga laabto go’aannada noocaas ah. “Walaalaha Waqooyiga ku nool waxa aan leenahay nama qabato, noomana qaadanno ceebtaas, waana in aan iska tirnaa una caqli-celinnaa kuwa sidaasi sameeyay,” ayuu sii raaciyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in magaalada Qudus ay leedahay xaalad sharci iyo siyaasadeed oo gaar ah, taas oo lagu saleeyay go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya arrinta Falastiin.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan shacabka Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.

Si kastaba, maamulka Somaliland ayaa arrintan darteed la kulmay cambaareyn xooggan oo uga timid dalalka Islaamka iyo dad badan oo taageersan qadiyadda Falastiin, kuwaas oo si weyn uga hor-yimid safaaradda la sheegay in Somaliland ka furaneyso Qudus, taas oo taageero u muujineysa sheegashada Israa’iil ee magaaladaas oo kamid ah magaalooyinka ugu barakeysan Muslimiinta.

Saadaq Joon oo hanjabaad u diray madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada booliska gobolka Banaadir, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa soo saaray digniin siyaasadeed oo si weyn looga falceliyey, xilli ay sii xoogeysanayaan hadal-haynta ku saabsan loollanka hoggaanka Galmudug.

Saadaq Joon ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh, ku sheegay in nabadda magaalada Dhuusamareeb iyo tan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ay isku xiran yihiin, taasi oo loo arkay hanjabaad ku socota madaxweynaha.

“Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigley waa isku xiran yihiin, ogoow,” ayuu qoray Saadaq Joon.

Inkastoo uusan si toos ah u magacaabin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana erayga “Duq Xasan” ayaa si weyn loogu fasiray inuu ula jeedo madaxweynaha, gaar ahaan iyadoo qoraalka lagu xirey Dhuusamareeb iyo Wardhiigley, oo ah degmada ay ku taallo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka Saadaq Joon, isaga oo sheegay in nabadda Dhuusamareeb aysan ku xirneyn awoodda Qoorqoor, balse ay ku tiirsan tahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Brig Gen Sadak Omar waxaan leeyahay: Nabaddii Dhuusamareeb lagu joogay Duq Xasan ayaa lahaa. Tabar iyo talo Qoorqoor laguma joogin, ragii Wardhiigleyna duqa ayay ku garab yihiin,” ayuu qoray Xildhibaan Cagaweyne.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli warar siyaasadeed ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in hoggaanka Galmudug loo riixo Liibaan Axmed Xasan, oo loo yaqaan Liibaan Shuluq, taas oo loo arko inay qeyb ka tahay loollan cusub oo ka dhex taagan siyaasadda maamulkaas.

Saadaq Joon ayaa isku beel Saleebaan la ah Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne iyo Liibaan Shuluq ay labaduba kasoo jeedaan beesha Sacad. Arrintan ayaa sii xoojisay fasiraadda ah in qoraalka Saadaq iyo jawaabta Cagaweyne aysan kaliya ahayn hadallo siyaasadeed, balse ay sidoo kale ka tarjumayaan xasaasiyadda beelaha iyo loollanka awoodda ee Galmudug.

Saadaq Joon ayaa dhowaan booqday magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Qoorqoor, oo isna dhawaan sheegay inay jiraan dad uu ku eedeeyey inay dhibaato ku yihiin siyaasadda maamulkiisa.

Qoraalka Saadaq ayaa loo arkay fariin siyaasadeed oo ku socota Villa Somalia, laguna muujinayo in cadaadis ama isku day lagu wiiqayo Qoorqoor uu saameyn ama rabshado ka dhallin karo meel ka baxsan Dhuusamareeb, gaar ahaan Muqdisho.

Xiisaddan hadalka ah ayaa muujineysa in siyaasadda Galmudug ay mar kale gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo Villa Somalia, maamulka Galmudug iyo siyaasiyiin miisaan leh ay isku eegayaan mustaqbalka hoggaanka maamulkaas.

Dhuusamareeb ayaa dhowr jeer oo hore noqotay xarun ay ka dhacaan shirar siyaasadeed, heshiisyo federaal iyo khilaafyo u dhexeeya madaxda dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraalka Saadaq Joon iyo jawaabta Cagaweyne ayaa hadda sii huriyey doodda ku saabsan cidda dhab ahaan gacanta ku haysa miisaanka siyaasadeed ee Galmudug, iyo halka ay ku dambeyn karto xiisadda ka dhex muuqata siyaasiyiinta ku loollamaya saameynta Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe oo si adag u weeraray Xasan Sheekh

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay magaalada Kismaayo kadib salaaddii Ciidda si kulul ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ee dalka ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed, isaga oo ku dooday in aysan hadda jirin dowlad ay dhinacyada siyaasadda iyo dowlad-goboleedyadu si buuxda ula shaqeyn karaan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in nidaamka hadda jira uu ka baxay wadatashigii iyo is-afgaradkii hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale dhaliilay hannaanka doorashooyinka ee ay Dowladda Federaalka waddo, isaga oo qorshaha doorashada qof iyo codka ah ku tilmaamay mid aan weli hirgelin, isla markaana horseeday, sida uu yiri, “doorasho dabran” oo horay loogu sii qorsheeyo cidda xilalka qabaneysa.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in dad badan laga barakiciyay caasimadda, isla markaana uu la qaybsanayo dhibaatada ay wajahayaan shacabka ku nool magaalada.

Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal”, wuxuuna sheegay inay jiraan dad sharciyeynaya dhul si sharci-darro ah lagu qaatay, taas oo uu ku tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta xasilloonida bulshada.

Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib u mideeyo dhinacyada siyaasadda, isla markaana uu ka tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya saamileyda siyaasadda dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin iyo in talada dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka, qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ciidda – Muxuu sameeyay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kadib salaadda shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay sii xoojiyaan dhaqamada wanaagsan ee lagu garto maalmaha barakaysan, gaar ahaan isku duubnida iyo is-garab istaagga.

“Kama tageyno in mar walba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya uu marayo marxalad taariikhi ah, isaga oo xusay in doorka ugu weyn ay ku leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in midnimada, wadajirka bulshada, is-caawinta iyo garab istaagga dadka nugul ay yihiin tiirarka lagu gaari karo Soomaaliya dib ugu soo laabata xasillooni iyo horumar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan munaasabadda Ciidda si loo xoojiyo walaaltinimada, isu tanaasulka iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.