27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Golaha Mustaqbalka oo diiday doorasho ay maamulayaan madax-goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah dalladda ugu weyn ee mucaaradka, ayaa sheegay inuusan ka qayb geli doonin doorasho ay gacanta ku hayaan madaxda dowlad-goboleedyada, xilli ay sidoo kale diidan yihiin nooca doorasho ee uu wado Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay inuusan aqbali doonin in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, isagoo diiday laba dariiqo oo uu sheegay in midna aysan haysan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Midda koowaad waa doorasho dadban oo ay go’aankeeda leeyihiin madaxda dowlad-goboleedyada, halka tan labaad ay tahay hannaan ay dowladda federaalka keligeed ku maamusho geeddi-socodka doorashada.

Murashax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble, oo ka mid ah wejiyada siyaasadeed ee ku jira Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay in dalladdu aysan ka shaqeyn doonin doorasho la mid ah tii 2022, taas oo awood weyn siisay madaxda maamul-goboleedyada.

Mucaaradka ayaa qaba in dib loogu laabto qaabkii hore uu sii hurin karo muranka siyaasadeed, maadaama nidaamkaas muddo dheer lagu dhaliilayay inuu ku saleysan yahay gorgortan hoggaamineed oo xaddidaya matalaadda dadweynaha.

Waxa uu sheegay in Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland, ay isla garteen hannaan doorasho oo aan awoodda ugu weyn siinayn dowlad-goboleedyada, isla markaana laga fogaanayo qaab kasta oo mar kale dib u soo celin kara ismari-waagii siyaasadeed ee hore dalka uga dhacay.

Hase yeeshee, diidmada mucaaradka ee doorashada dadban waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda federaalka ay riixeyso hannaanka “qof iyo cod”, kaas oo iyaduna aan weli helin oggolaansho siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ka timaada dhanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Dowladda ayaa u aragta nidaamkan inuu yahay waddada ugu dhow ee lagu gaari karo doorasho qof walba codkiisa dhiiban karo, balse mucaaradka iyo siyaasiyiin kale ayaa ku doodaya in geeddi-socodkaas aanu weli haysan saldhig sharci iyo mid siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada is haya.

Tijaabadii ugu horreysay ee nidaamkan ayaa ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii sanadkii hore, markaas oo caasimaddu marti-gelisay doorasho qof iyo cod ah oo loo arkay tallaabo hordhac ah. Si kastaba, su’aalaha ugu waaweyn ayaa weli taagan, kuwaas oo la xiriira sida doorasho guud oo dalka oo dhan laga wada hirgelin karo iyadoo ay jiraan tabashooyin amni, sharci iyo kuwo siyaasadeed.

Muranka doorashada waxaa sii adkeeyay wax-ka-beddelladii dastuurka ee baarlamaanku ansixiyay bishii March, kuwaas oo furay dood cusub oo ku saabsan jadwalka kala-guurka siyaasadeed iyo suurta-galnimada in doorashooyinka la filayay bisha May ay dib u dhacaan. Arrintan ayaa sii kordhisay shaki ku saabsan in waqtiga kooban ee harsan lagu heli karo hannaan doorasho oo la isku wada raacsan yahay.

Xiisaddan siyaasadeed ma aha mid cusub. Soomaaliya waxay tan iyo dib-u-dhiska dowladnimada sanadkii 2000 la daalaa-dhacaysay sidii loo heli lahaa nidaam doorasho oo sharciyad leh, xasiloon, isla markaana ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Dhammaadka muddo-xileed kasta waxa soo noqnoqda muran ku saabsan cidda maamuleysa doorashada, qaabka loo wajahayo matalaadda siyaasadeed, iyo sida loo isku waafajinayo nidaamka federaalka.

Khilaafka hadda jira wuxuu sidoo kale ku dul fidsan yahay xiriir horey u liitay oo u dhexeeya Villa Somalia iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo marar badan ka biyo diiday qaababka siyaasadeed ee ay dowladda federaalka waddo. Taasi waxay sii adkeyneysaa in si degdeg ah loo gaaro heshiis cusub oo lagu wajaho kala-guurka.

Marka la isku daro diidmada mucaaradka ee doorasho ay maamul-goboleedyadu maamulaan, shakiga ka jira nidaamka qof iyo cod, muranka dastuurka, iyo waqtiga sii yaraanaya ee ka harsan dhammaadka muddo-xileedka, Soomaaliya waxay mar kale u muuqataa inay galayso marxalad xasaasi ah, oo aysan muuqan in xilli dhow ay dhici doonto doorasho, nooca ay doonto ha noqoto’e.

Soomaaliya iyo 9 dal oo kale oo saaray qoraal xasaasi ah

Antalya (Caasimada Online) – Wasiirrada arrimaha dibadda ee 17 dal ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii Israa’iil at safiir ugu magacawday qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya, ayaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid si qaawan ugu xadgudbaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay wasiirradani soo saareen Axaddii ayay ku xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka Soomaaliya.

Dalalkan oo kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.

Dalalkan ayaa muujiyay taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka ayaa mar kale xoojiyay garab istaagga madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in tallaabo kasta oo dhaawacaysa qaranimada dalkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

Sidoo kale, wasiirrada ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo si cad uga hor imaanaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Waxay ka digeen in ficilladani ay horseedayaan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida gobolka xasaasiga ah ee Geeska Afrika, isla markaana ay saameyn taban ku yeelan doonaan nabadda iyo amniga heer gobol iyo heer caalami intaba.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintan ayaa ku celiyay mowqifkooda ah in ficil kasta oo dhaawacaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya si adag loo diido, iyagoo xusay in taageerada dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda ay xilligan tahay arrin lagama maarmaan ah.

Bayaanka ayaa yimid kadib kadib markii Israa’iil ay Arbacadii ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan dooni (non-resident ambassador).  

Bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ayaa dhankeeda si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.

Qoraal uu Trump soo dhigay baraha bulshada oo aad uga nixiyey Netanyahu

Tel Aviv (Caasimada Onlien) – Israa’iil ayaa Aqalka Cad ka dalbatay inuu sharraxaad ka bixiyo qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo uu ku sheegay in Israa’iil “laga mamnuucay” inay duqeymo ka fuliso dalka Lubnaan, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo la-taliyeyaashiisa ayaa la soo weriyay inuu lama filaan iyo naxdin ku noqday qoraalka Trump, kaas oo si cad uga hor imanayay nuxurka heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Lubnaan ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku daabacday Khamiistii.

Fariinta ka dhalan karta qoraalka Trump — ee ah inuu bixinayo amar aysan Israa’iil lahayn doorasho aan ahayn inay adeecdo — ayaa ahayd mid aan la malayn karin xilliyadii maamulladii hore ee Mareykanka.

Trump ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Lubnaan ay isku raaceen xabbad-joojin 10 maalmood ah. Mareykanka ayaa muddo maalmo ah cadaadis saarayay in xabbad-joojintaas la gaaro, iyadoo dhanka kalena uu barbar socday wada-hadal nabadeed oo lala waday Iiraan.

Sida ku cad heshiiska, Israa’iil waxay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo milateri, xitaa xilliga xabbad-joojinta, “si ay isku difaacdo, waqti kasta, kana hortagto weeraro qorsheysan, kuwa soo dhow, ama kuwo socda.” Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ballanqaadday inaysan fulin doonin hawlgallo milateri oo weerar ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada u gaarka ah ciidamada iyo rayidka dalka Lubnaan.

Xabbad-joojintan ayaa siyaasad ahaan aad xasaasi ugu ah Netanyahu, iyadoo xukuumaddiisu ay si joogto ah u iftiimisay inaan laga hor istaagin inay garaacdo kooxda Xisbullah haddii ay baahi timaado.

Balse, Jimcihii, Trump ayaa adeegsaday luuqad aad uga duwan taas, isagoo yiri: “Israa’iil dib dambe u duqeyn meyso Lubnaan. Waxaa arrintaas ka MAMNUUCAYA dowladda Mareykanka. Intaas ayaa ku filan!!!” Wareysi uu siiyay wargeyska Axios, ayuu Trump ku celiyay inuu doonayo in la joojiyo duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan, isagoo xusay inaysan sii wadi karin qarxinta dhismooyinka, uuna gabi ahaanba diiddan yahay inuu arrintaas oggolaado.

Netanyahu iyo kooxdiisa ayaa hadalladan kasoo yeeray Trump ka ogaaday warbaahinta, waxayna ku noqotay dhabar-jab iyo kadiso. Kaaliyeyaashiisa, oo uu ku jiro Safiirka Israa’iil ee Washington, Yechiel Leiter, ayaa durba bilaabay inay qiimeeyaan in Mareykanku uu beddelay jihadiisa siyaasadeed. Saraakiisha Israa’iil ayaa Aqalka Cad weydiiyay inuu iftiimiyo arrintan, iyagoo carrabka ku dhuftay in hadalka Trump uu garab-marsan yahay heshiiska la saxiixay.

Kaddib markii warbaahintu ay Aqalka Cad weydiisay falcelintooda, sarkaal Mareykan ah ayaa caddeeyay hadallada Trump. Sarkaalka ayaa yiri, “Heshiiska xabbad-joojinta ee Madaxweynaha ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil wuxuu si cad u sheegayaa in Israa’iil aysan fulin doonin wax hawlgallo milateri oo weerar ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Lubnaan, balse wuxuu dhowrayaa xaqa ay u leedahay is-difaacidda ka dhanka ah weerarada qorsheysan, kuwa soo dhow ama kuwa socda.”

Goor dambe oo Jimcihii ah, in yar kahor wareysigii Trump, diyaarad drone ah oo ay leedahay Israa’iil ayaa duqeyn ka fulisay koonfurta Lubnaan. Ilo Israa’iili ah ayaa markii dambe sheegay in Xisbullah ay jabisay xabbad-joojinta, ayna soo weerartay ciidamada Israa’iil ee ku sugan gudaha aagga amniga.

“Ciidamadeennu waxay tallaabo qaadeen si ay isku difaacaan oo ay u tirtiraan khatarta, taas oo waafaqsan heshiiska xabbad-joojinta ee lala gaaray Mareykanka iyo Lubnaan,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Israa’iil.

Maxaa kasoo baxay shirkii deg-degga ee Golaha Wasiirada HirShabelle? + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa maanta yeeshay shir deg-deg ah oo uu guddoomiyey Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Ismaaciil Xasan Nuur iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Axmed Bariise Xeydar.

Intaas kadib, golaha ayaa waxbixinno ka dhageystay Wasaaraddaha Arrimaha Guddaha, Amniga, Gargaarka, Beeraha, Diinta, Isgaarsiinta kuwaas oo faahfaahiyey arrimihii ugu dambeeyay.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle la wadaagtay digniin ku aadan roob iyo fatahaad.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulanka ka hadlay ayaa faray Golihiisa Wasiirrada in loo diyaar-garoobo abaabul xooggan iyo doorasho qof iyo cod, taas oo caddeyneysa in HirShabelle ay diyaar u tahay fulinta qorshaha Villa Soomaaliya.

“Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada ka hor yiri.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka inay wacdaro ka dhigaan hannaanka doorasho ee dalka uu galay, ayna garab siiyaan laamaha amniga, si loo xaqiijiyo nabad-gelyo guud ee deegaannada HirShabelle.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana doorashooyin galaya Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, maadaama madaxda saddexdaan maamul uu ka dhamaaday muddo xileedka, kadibna waxaa ku xigi doono doorashooyinka heer federaal.

Maxay yihiin ciidamada DF gaysay magaalada Jowhar?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah gaysay magaalada Jowhar xilli la filayo in doorashooyin ay ka bilowdaan Dowlad-goboleedka HirShabelle, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka madaxda maamulkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka, waxayna ku biirayaan ciidamadii dowladda ee horay u joogay halkaasi.

Wasiirka Amniga HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqan uu la xiriiro siyaasad, waxaase uu xaqiijiyay in ciidamadu ay sugi doonaan ammaanka Jowhar, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan howlgallada socda.

“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan. Ciidamada maanta tagay Jowhar waxay u tageen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah”. ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in HirShabelle iyo Dowladda Dhexe ay ka mideysan yihiin qorshaha amniga, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xasilinta caasimada Jowhar iyo guud ahaan deegaanada HirShabelle.

“Dowladda Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya labaduba way ka mideysan yihiin qorshaha lagu adkeynayo amniga, waxayna si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida dalka”. ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Tallaabadan ciidan ee ay dowladda u qaaday dhanka HirShabelle ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawan sidaan oo kale ciidamo loogu daabulay Koonfur Galbeed, kadibna meesha laga saaray madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Si kastaba, qorshaha Dowladda Federaalka ayaa haatan ah in doorashooyin ay ka qabato Maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, maadaama madaxdooda uu mar hore ka dhammaaday muddo xileedka.

Somaliland oo jawaab siisay dalalkii la saftay Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay diidmada ay kala kulantay Danjiraha ay Israa’iil usoo magacowday magaalada Hargeysa, iyada oo sheegtay in dalalka ka horyimid tallaabadaas aysan wax u dhimeyn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Tel Aviv.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Madaxweyne Cirro ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbanaan, isla markaana aysan qeyb ka ahayn Soomaaliya.

Israa’iil ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee maamulka Somaliland, balse ah mid aan halkaasi fadhiisan dooni (non-resident ambassador), waxayna taas keentay in dowlado waa wayn ay ka horyimaadaan go’aanka Israa’iil.

Tallaabadaas waxaa ka horreysay in bishii Febraayo ee sanadkan, Israa’iil ay iyana dhankeeda si rasmi ah u guddoontay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u magacawday Tel Aviv, Maxamed Xaaji, taas oo calaamad u ahayd in magacaabis laba-geesood ah ay xigi doonto.

Jawaabta Somaliland ayaa timid saacado uun kadib warsaxaafadeed ay goor sii horreysay soo saareen wasiirrada arrimaha Dibadda ee 17 dal ay ku  xaqiijiyeen in go’aanka Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo nabadgelyada dhulka Soomaaliya.

Dalalka soo saaray bayaanka ayaa kala ah; Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladhesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkey, Indonesia, Pakistan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, iyo Yemen, waxayna si buuxda u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqaysa midnimada iyo madax-bannaanida dowladaha.

Waxaa kale oo ay  muujiyeen taageeradooda adag ee aan ruxmin ee ay la garab taagan yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale bogaadiyeen hay’adaha sharciga ah ee dowladda Soomaaliya, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa keliya ee matala, kana turjuma rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND oo markii ugu horreysay Maxkamadda Ciidamada ka dhigtay laba heer

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay soo saaray xeer Madaxweyne oo uu ku dhisay Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.

Tani ayaa ka dhigan in Puntland ay markii ugu horreysay yeelatay Maxkamad Ciidan oo laba heer ah, si lamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhismaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada

Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus

  1. G/Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. G/Sare Maxamed Faarax Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  3. Dhamme Abshir Cabdi Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  4. Dhamme Cabdiqafaar Cabdirashiid Maxamuud Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  5. Dhamme Maxamed Siciid Cali (Oday) Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  6. Dhamme Cabdiqani Daahir Jaamac Garsoore Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  7. G/le Jaamac Xirsi Faarax Xeerilaaliyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  8. L/X/le Maxamed Axmed Maxamed Kaaliye Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland

Dhismaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada

Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland

  1. G/Dhexe Cabdixakiin Maxamed Siciid Guddomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Debiyada Culus ee Dowladda Puntland
  2. G/le Jaaamc Siciid Maxamed Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  3. Dhamme Cabdifataax Cabdi Daahir Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  4. Dhamme Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland

4 . Dhamme Cabdirisaaq Siciid Cumar Garsoore Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland

  1. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed Xeerilaaliyaha Maxkamada Darajada 1-aad d ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  2. L/X/le Faadumo Cabdulaahi Yuusuf Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland
  3. L/X/le Mukhtaar Cali Xuseen Kaaliye Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Xiisad u dhaxeysa Jubaland iyo DF oo ka taagan Gedo kadib markiii la shaaciyey in…

0

Ksimaayo (Caasimada Onlin) – Maamul-Goboleedka Jubaland ayaa si adag uga horyimid qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dooneyso in ay doorasho uga qabto deegaanno ka tirsan maamulkaas, gaar ahaan gobolka Gedo, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-day ayaa sheegay in ay la yaab ku noqotay sababta ay dowladda dhexe u daneynayso in Gedo oo kaliya ay doorasho uga qabto, maadama Jubbaland ay ka kooban tahay saddex gobol.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa xusay in aysanba aqoonsaneen guddiga doorashooyinka ee soo saaray jadwalka doorashada laga qabanayo degmooyin ka tirsan Gedo, isla markaana lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka.

“Guddi doorasho oo waajibaadkiisa iyo jiritaankiisa aan annaga aqoonsanahay ma jiro waa guddi ay koox sameysatay dowladda dhexe iyo Xasan Sheekh sameysteen, marka laga soo tego guddiga waxaa la yaableh Jubbaland ayaa doorasho ka qabaneynaa, gaar ahaan Gedo”. ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Waa niman iska hadlaya oo caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed khaldaya oo jadwal iska sameystay rabana in xaaladda dalkana ay sii murjiyaan”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in iyagu ay xaq u leeyihiin in ay doorashooyinkooda qabsadaan, isla markaana guddiga doorashada Jubbaland uu haatan ku howlan yahay inuu ka bilaabo degmooyinka gobolka Gedo.

“Waa arrin been ah, waana wax aan dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka waxaa xaq-u-leh inay qabtaan guddiga doorasjooyinka iyo xuduudaha heer State oo dastuuri ah, waana ku howlan yihiin doorashada goleyaasha deegaannada”. ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyay, haddii dowladdu ay ku dhiirato arrintaas, gaar ahaan doorashada in ay is difaaci doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Deni oo isbeddel wayn ku sameeyay hoggaanka ciidanka Puntland kadib markii…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo wareegto soo saaray ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay hoggaanka taliska ciidanka Booliska maamulkaas, isaga oo soo magacaabay taliyeyaal iyo ku xigeenno cusub.

Deni ayaa Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir u magacaabay inuu noqdo taliye ku-xigeenka 2-aad  Booliska Puntland, waxaana la faray inuu dardargeliyo shaqada hortaalla.

Sidoo kale, wuxuu magacaabay taliye qaybeedyo iyo ku xigeenno cusub oo ka howlgalaya deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland.

Hoos ka akhriso wareegtada oo dhammaystiran;-

Garoowe : 18 April 2026 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.11 iyo Lr. 12 oo ku saabsan Taliye-ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Qeybaha Ciidanka Booliska iyo Hoggaamada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Hogaamadda iyo Saraakiish Sare ee Ciidanka Booliska.

Wuxuu xeeriyey: –

Qodobka 1-aad
(Magacaabid Taliye ku xigeen iyo Hogaamo)

1. S/Guuto Cabdulqaadir Jaamac Dirir Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

2. G/Sare Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Kuliyada Tababarka Booliska ee Carmo.

3. G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) Dowladda Puntland

4. G/le Samiiro Cabdullaahi Maxamed Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Dambiyada (CID) Dowladda Puntland

5. G/Sare Faarax Nuur Maxamed Taliyaha Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

6. G/le Cabdirisaaq Axmed Jaamac Taliye Ku-xigeenka Hoggaanka Kormeerka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

7. G/Sare Sekeriye Cabdiraxmaan Maxamed Taliyaha Hoggaanka Tababarada iyo Qorshaynta Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

8. G/Sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan (Darwiish) Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

9. G/Dhexe Faadumo Cabdulqaadir Cali Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

10. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada Dowladda Puntland

11. G/le Cabdikhadar Maxamuud Axmed Taliye Ku-xigeenka Hogaanka Xiriirka Bulshda Dowladda Puntland

Qodobka 2-aad

(Magacaabid Taliyayaasha Qaybaha)

1. G/Sare Maxamuud Muuse Bille Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug

2. G/le Ayuub Siciid Cali (Dheeg) Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug

3. G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal

4. G/Dhexe Ayax Jamaal Axmed Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal

5. G/Sare Siciid Aadan Siciid Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari

6. G/dhexe Maxamed Bashiir Ismaaciil Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Bari

7. G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar

8. G/le Xudayfi Xuseen Cismaan Taliye Ku-xigeenka Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar

9. G/Sare Siciid Ducaale Faarax Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan

10. G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag

11. G/le Siciid Faarax Ibraahin Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Sanaag

12. G/Sare Maxamuud Maxamed Cabdulle (Shoox) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, waana saxiixay.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Muxuu Lafta-gareen kala hadlay xildhibaannada uu kula shiray Nairobi? + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa bilaabay kulamo-siyaasadeed oo ku aadan xaaladda maamulkaasi.

Lafta-gareen ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay ka adkaatay dowladda Soomaaliya kasoo muuqday warbaahinta, isaga oo kulan la yeeshay xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa qado sharaf ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Koonfur Galbeed iyo caqabadaha haatan taagan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdicasiis Lafta-gareen.

Labada dhinac ayaa ku ballamay in si wadajir ah in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha maamulka, loona faa’iideysto fursadaha jira.

“Waxaan maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya Casuumaad qado sharaf ah oo aan ugu sameeyey mudanayaasha labada Aqal ee BJFS iyo Siyaasinyiinta deegaanada Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa waxaa ugu doodnay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan waxaa ka qayb-galay inta badan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada mucaaradka ee horay ula safnaa ee madaxweyne Lafta-gareen, kuwaas oo siyaasad ahaan looga adkaaday loolankii soo socday ee Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa haatan doorasho ka qaban qaabineyso magaalada Baydhaba, taas oo lagu soo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub.

Xuutiyiinta oo war culus soo saaray kadib safiirkii ay Israel u magacowday Somaliland

Sanca (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcaihii si adag uga digtay waxa ay ku tilmaantay doorka sii kordhaya ee Israa’iil ay ka waddo Soomaaliya, iyagoo sheegay in magacaabista safiirka cusub ee Hargeysa ay tahay xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay halis gelin karto xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.

Bayaan lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Saba, oo uu maamulo maamulka Xuutiyiinta ee fadhigiisu yahay caasimadda Sanca, ayaa wasaaraddu ku sheegtay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato Somaliland uu yahay “xarriiq cas” oo aan la aqbali karin. Maamulka ayaa ku eedeeyay dowladda Israa’iil inay doonayso in maamulkan gooni-goosadka ah ay u adeegsato saldhig laga soo abaabulo falal ka dhan ah Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.

Wasaaradda ayaa carrabka ku adkaysay in tallaabadani ay tahay xadgudub “qaawan” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida, xornimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka digtay in joogitaanka Israa’iil ee Somaliland uu wiiqi doono amniga Geeska Afrika, wuxuuna khatar toos ah ku yahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed, isku-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo guud ahaan ganacsiga adduunka.

Bayaanka Xuutiyiinta ayaa baaq degdeg ah u diray waddamada dhaca xeebaha Badda Cas, iyo sidoo kale dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, si ay u qaadaan tallaabooyin dhab ah oo looga hortagayo qorsheyaasha Israa’iil ee Soomaaliya.

Digniintan xasaasiga ah ayaa soo baxeysa maalmo uun kadib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in diblomaasiga lagu magacaabo Michael Lotem uu noqon doono safiirkeedii ugu horreeyay ee aan fadhigiisu ahayn Somaliland (non-resident ambassador). Tallaabadan oo sii qoto-dheeraynaysa xiriirka Tel Aviv iyo maamulka is-magacaabay, ayaa si weyn uga careysiisay dowladda Muqdisho, waxayna soo jiidatay indhaha dalalka gobolka.

Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar ee sanadkii hore, iyadoo noqotay waddankii ugu horreeyay ee tillaabadaas qaada. Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba si kulul u cambaaraysay go’aankaas, iyadoo adkaysay in Somaliland ay tahay qayb ma-guuraan ah oo ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana xiriir kasta oo shisheeye oo lala yeesho Hargeysa oggolaansho la’aan uu yahay mid sharci-darro ah.

Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa cirka isku shareeray bilihii la soo dhaafay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, oo bishii Janaayo booqasho ku tagay Hargeysa, ayaa ballan-qaaday in Israa’iil ay xoojin doonto xiriirka, furi doonto safaarad, isla markaana ay magacaabi doonto safiir. Hadalkaas ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo ka timid dowladda Soomaaliya iyo cambaareyn ay soo saareen dhowr urur goboleed.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii kaddib burburkii dowladdii dhexe. Tan iyo xilligaas, waxay dhisatay dowlad, hay’ado ammaan iyo lacag u gaar ah, balse Soomaaliya iyo inta badan beesha caalamka ayaa weli u aqoonsan inay tahay qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya.

Meesha istaraatiijiga ah ee ay Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed, oo ku dhow mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, kana soo horjeedda qaybaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, ayaa xiriirka Israa’iil iyo Hargeysa ka dhigtay mid leh saameyn ka baxsan xuduudaha Geeska Afrika.

Kooxda Xuutiyiinta, oo gacanta ku haysa inta badan waqooyiga Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca, ayaa muddo bilo ah qalalaasaha amniga ee Badda Cas ku xirayay iska-hor-imaadkooda ballaaran ee ay kula jiraan Israa’iil. Hadalkoodan dambe ayaa si cad u muujinaya inay hadda u arkaan dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee Somaliland inuu qayb ka yahay isla loollankaas gobolka ka socda.

Ilhaan oo beenisay inay $30 milyan haysato, shaacisay tirada rasmiga ee akoonkeeda

Washington (Caasimada Online) — Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sheegtay in hantideedu aysan la ekeyn sidii ay muujinayeen dokumiintiyadii ay horay ugu gudbisay Koongareeska Mareykanka.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo ay wajahayso suurta-galnimada baaritaanno dhanka maaliyadda ah oo ay dabada ka riixayaan Madaxweyne Donald Trump iyo xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada. Ilhaan ayaa arrintan ku sababeysay in khaladaad weyn oo xisaabeed ay ku jireen xogteedii hore.

Diiwaan maaliyadeed oo ay Ilhaan gudbisay sanadkii hore ayaa muujinayay in iyada iyo seygeedu ay leeyihiin hanti u dhexaysa $6 milyan ilaa $30 milyan oo dollar, taas oo ahayd sare u kac xad-dhaaf ah marka loo eego xogteedii sanadaha ka horreeyay.

Sare u kacaas dhaqaale ayaa shaki weyn ku abuuray xubnaha Jamhuuriga, kuwaas oo in muddo ah raadinayay fursad ay baaritaan ugu sameeyaan xildhibaanadan oo si weyn u dhaleecaysa madaxweynaha.

Balse, xogta cusub ee la saxay oo uu arkay wargeyska The Wall Street Journal, ayaa muujinaysa in hantida rasmiga ah ee lammaanahan ay u dhexayso oo keliya $18,004 ilaa $95,000 oo dollar. Nidaamka diiwaangelinta hantida ee Koongareeska ayaan u baahnayn in la sheego tirooyin rasmi ah, balse wuxuu oggol yahay in la gudbiyo qiyaas guud oo u dhexaysa labo tiro.

Seyga Ilhaan, Tim Mynett oo horay u ahaa la-taliye siyaasadeed, ayaa la shaqeeya ganacsiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin shirkad maareysa maalgashiga (venture-capital) oo fadhigeedu yahay Washington, D.C., iyo shirkad kale oo ku taalla gobolka California.

Ganacsiyadaas ayaa markii hore lagu qiimeeyay inay ku fadhiyaan lacag u dhexaysa $6 milyan ilaa $30 milyan oo dollar. Balse xogta cusub ayaa muujinaysa in ganacsiyadaasi aysan lahayn wax qiimo ah marka la is-barbar dhigo hantida iyo deynta lagu leeyahay (liabilities).

Kaaliyeyaasha Ilhaan ayaa xaqiijiyay in xildhibaanaddu ay eegtay foomka kahor inta aan la gudbin sanadkii 2025-ka, balse aysan markiiba dareemin khaladka ku jira, maadaama aysan iyadu ku lug lahayn maamulka ganacsiyada seygeeda, ayna si buuxda ugu kalsooneyd xisaabiyihii diyaariyay xogta hantida ninkeeda.

“Diiwaankan la saxay wuxuu xaqiijinayaa wixii aan waligeenba sheegaynay: Xildhibaanaddu ma aha milyaneer,” ayay tiri Jacklyn Rogers, oo ah afhayeenka Ilhaan Cumar. “Xildhibaanaddu si mutadawacnimo ah ayay u beddeshay xogteeda isla markii la ogaaday is-khilaafka.”

Faylashan cusub ayaa sidoo kale jawaab u ah warqad ay Ilhaan bishii Maarso ka heshay Xafiiska Kormeerka Anshaxa ee Koongareeska (OCC), oo ah hay’ad madax-bannaan oo qaabilsan dib-u-eegista eedeymaha la xiriira anshax-xumada xubnaha iyo shaqaalaha Aqalka Wakiilada.

Qareen matalaya Ilhaan ayaa xafiiskaas ugu jawaabay in khaladku uusan ahayn mid kas ah. Wuxuu xusay inay iska caadi tahay in xubnaha baarlamaanka oo mashquul badan ay ku tiirsanaadaan xisaabiyeyaal xirfadlayaal ah, isagoo carabka ku adkeeyay inaanu jirin wax sharci-darro ah oo meesha ka dhacay.

Xogta cusub ayaa iftiimisay in dakhliga sanadkii 2024 ka soo galay hantida ay iyada iyo seygeedu leeyihiin uu u dhexeeyo $102,503 ilaa $1,005,200 dollar. Sidoo kale, diiwaanku wuxuu muujinayaa in Ilhaan oo 43 jir ah lagu leeyahay deyn waxbarasho oo u dhexaysa $15,001 ilaa $50,000 iyo deynta kaararka (credit-card debt) oo iyaduna u dhexaysa $15,001 ilaa $50,000.

In xildhibaanadu ay dib u saxaan diiwaankooda maaliyadeed ayaan ahayn wax ku cusub Koongareeska Mareykanka, iyadoo tiro xubno ah ay horay ugu guuldareysteen inay si sax ah u diiwaangeliyaan hantidooda.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo si maldahan u sheegay in Ilhaan ay dhici karto inay ka faa’iidaystay fadeexaddii xatooyada hantida daryeelka bulshada ee ruxday gobolkeeda, isagoo xusay in Wasaaradda Caddaaladdu ay baaritaan ku hayso.

Sidoo kale, Xildhibaan James Comer oo ah guddoomiyaha Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiilada, ayaa isna ku goodiyay inuu amar maxkamadeed ugu yeeri doono seyga Ilhaan sababo la xiriira booditaanka hantidooda.

Ilhaan Cumar, oo ah xubinta ugu magaca weyn jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo haatan lagu hayo il-gaar ah, ayaa bishii Janaayo dhaleeceyntaas uga jawaabtay in Trump uu leeyahay “waalli iyo u-fiirsasho xanuun ah oo uu ku hayo iyada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.” Waxay raacisay: “Muddo sanado ah, wuxuu ku baaqayay in baaritaanno la igu sameeyo, waxbana ma aysan helin.”

Xafiiska Ilhaan ayaa Jimcihii xaqiijiyay in aysan wax xiriir ah ka helin Wasaaradda Caddaaladda ama xubnaha Jamhuuriga ee ku hanjabay baaritaannada.

Ilhaan, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah iyo mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Koongareeska, ayaa inta badan la kulanta weeraro afka ah oo kaga yimaada Trump.

Waxay fagaaraha siyaasadda qaranka soo jiidatay markii ay ka mid noqotay koox dumar ah oo dhallinyaro ah kana tirsan garabka bidix ee Dimoqraadiga oo loo yaqaano “The Squad”, kuwaas oo inta badan ka horyimaada siyaasadaha soo jireenka ah si weynna u naqdiya Madaxweyne Trump.

Iiraan oo dib ula wareegtay Marinka Hormuz kuna dhawaaqday go’aan culus

Tehraan (Caasimada Online) –  Ciidamada milatariga Iran ayaa sheegay inay dib ula wareegayaan xakamaynta marin-biyoodka Hormuz, sida ay warbaahinta dowladda Iran sheegtay.

Wakaaladda wararka Fars, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Jmahuuriyadda Islaamiga ah iyo telefishinka qaranka ee IRIB ayaa soo xigtay bayaan ka soo baxay Ilaalada Kacanaka oo sheegaya in marin-biyoodku uu “ku laaban doono xaaladdiisii hore”, iyadoo ciidamada hubeysan ay maamuli doonaan aaggaas.

Horey waxaan u aragnay qaar ka mid ah maraakiibta oo ka gudbaya marin-biyoodkaas, balse weli ma cadda inta gaadiidka badda ah ee sida dhab ah uga gudbay marinkaas muhiimka ah.

Bayaanka Ilaalada Kacaanka Iiraan wuxuu Mareykanka ku tilmaamay “burcad badeednimo”, isagoo sheegay in “waxa loogu yeero xannibaadda” ay la mid tahay dhac dhanka badda ah. Iiraan ayaa hore u sheegtay inay xiri doonto marin biyoodka haddii Mareykanku uu sii wado xayiraadda uu ku hayo dekedaha.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xaaladda marinka Hormuz ay ku soo noqotay sidii hore, isla markaana marinkan istaraatiijiga ah uu hadda “ku jiro gacanta adag ee xakamaynta iyo maareynta ciidamada qalabka sida.”

Taliska oo mas’uul ka ah hawlgallada dagaalka ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ogolaatay in si xaddidan oo nidaamsan ay u maraan qaar ka mid ah maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga marinka Hormuz, iyadoo loo marayo “heshiisyadii hore iyo hab ku dhisan kalsooni wanaag.”

Si kastaba ha ahaatee, talisku wuxuu sheegay in go’doominta sii socota iyo tallaabooyinka sharci-darrada ah ee ciidamada badda ee Mareykanka ay beddeleen xaaladda, isla markaana ilaa laga qaadayo xannibaadaha ku saabsan xorriyadda dhaqdhaqaaqa maraakiibta imaanaya iyo kuwa ka baxaya Iran, ay sii socon doonto xakamayn adag iyo kormeerka marinka Hormuz.

Isha: BBC

Ciidanka Haramcad oo la wareegay amniga Baydhaba kadib xaalad soo korortay

0

 Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay si buuxda ula wareegeen ammaanka guud ee magaalada Baydhaba, kadib banaanbaxyo Jimcihii shalay ka dhacay gudaha magaladaasi, kuwaas oo looga soo horjeeday diidmada shilinka Soomaaliga.

Ciidamada Haramcad ayaa ku baxay xaaladda soo korortay, waxayna howlgal ka sameeyeen gudaha magaalada, iyaga oo sidoo kale la hadlay ganacsatada iyo dadka deegaanka, si loo dajiyo xaaladda.

Taliyaha ururka labaad ee guutada Haramcad Saxnuuni Cabdulqaadir Axmed oo hoggaaminayay howlgalka ayaa ganacsatada amray inay furaan goobahooda ganacsiga, ayna qaataan lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in aan la aqbali karin in la diido shilinka Soomaaliga ah, ayna tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hor imaata amarka dowladda, maadaama ganacsatada la faray in ay qaataan.

La wareegidda ciidanka Haramcad ee amniga Baydhaba ayaa kusoo aadayo, xilli haatan magaaladaas ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ku aadan doorashooyinka maamulkaas oo isugu jiro Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha, maadaama uu isbeddel dhacay.

Dowladda Federaalka ayaa si guud u farogelisay Koonfur Galbeed, iyada oo meesha ka saartay madaxweynihii maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, kadib markii uu ka horyimid qorshaha dowladda dhexe ee doorashooyinka dalka.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid deggan, waxaase soconayo kulamo siyaasadeed oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka, maadaama lasoo dooranayo Xildhibaanno iyo Madaxweyne ay yeelan doonto Koonfur Galbeed.

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka iyo shacab oo isku horfadhiya degmada Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa weli kacsan, iyada oo lasoo warinayo in saaka xaafadda Warlaliska laga dareemayo xiisad xooggan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in saaka ay degmada gudaha u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf-Cagafyo, waxaana kusoo baxay dadka deegaanka oo diidan in la burburiyo guryahooda, taas oo keentay in la dareemayo xaalad adag oo kacsanaan ah.

Ciidamada ayaa fulinaya amar kasoo baxay dowladda oo ku aadan burburinta dhulkaasi, halka shacabkana ay diidan yihiin, waxaana haatan ay isku horfadhiyaan xaafadda Warlaliska oo ah halka ay ka taagan tahay xiisadda.

Xiisadda oo saameynteeda si weyn looga dareemay Dayniile ayaa horay u sababtay gacan ka hadal dhex-maray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo u badan dhaawac iyo burbur hantiyeed, iyadoo sidoo kale ay waxyeeello gaartay ciidamada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan xiisaddan oo u muuqato mid kasii dareyso.

Xaaladda ayaa sii cakirmeysa, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ay wadaan dadka deegaanka oo adeegsanayo dhagaxyo iyo waxyaabaha kale ee ay heli karaan, si ay uga hortaan ciidamada ammaanka.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Sawirro: Ciidanka Gorgor oo arrin cajiib ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Raaga Ceelle (Caasimada Online) – Ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta sameeyay arrin cajiib ah, iyaga oo muujiyey doorkooda muhiimka ah ee isku dhafan sugidda amniga iyo garab istaagga bulshada.

Ciidamada ayaa maanta howlgal gurmad ah ka fuliyay agagaarka degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo gargaar bani’aadanimo u fidiyay shacab ku tabaaleysan degmadaasi, xilli ay wajahayaan abaaro daran.

Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa fuliyay howlgalka gurmadka ah, iyadoo la raacayo amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxay ciidamadu shacabka deegaanka gaarsiiyeen deeq ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, si loo yareeyo saameynta abaaraha baahsan ee ka jira halkaas, loona taageero qoysaska nugul inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u dareemayso qiimaha nabadda iyo is-caawinta, gaar ahaan bilahan barakeysan.

Sidoo kale, waxay muujinaysaa in howl-gallada Xoogga Daka aysan ku ekeyn oo keliya dhinaca milatariga, balse ay barbar socdaan dadaallo lagu xoojinayo nolosha iyo rajada bulshada deegaannada laga xoreeyey cadowga.

Deeqdan la gaarsiiyey shacabka Raaga Ceee ayaa astaan u ah isku xirka amniga iyo samafalka, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida bulshada iyo rajada mustaqbalka. Waa fariin cad oo muujinaysa in marka dhul la xoreeyo ay la socoto dib u soo nooleyn nololeed iyo garab istaag dhab ah oo loo fidinayo dadka deegaanka.

Horay ayay sidoo kale ciidamadan howla gargaar uga sameeyeen deegaanno laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dagaalka IIRAAN ma waxaa xiga mid Turkey iyo Israa’iil ah? – Tom Barrack oo xog bixiyey

Antalya (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Tom Barrack, ayaa hoos u dhigay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa dalalka Turkiga iyo Israa’iil, isagoo ku sifeeyay mid ku eg “hadallo xamaasad leh”, wuxuuna ku baaqay in labada waddan ay yeeshaan iskaashi dhanka amniga iyo mashaariicda tamarta ah.

Isagoo ka hadlayay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya (Antalya Diplomacy Forum), Barrack ayaa meesha ka saaray cabsida ay muujiyeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada dhinac ee ah in labadan dal uu dagaal dhexmaro mustaqbalka dhow. Wuxuu si adag u sheegay in “Turkigu uusan ahayn dal lagu ciyaari karo.”

Ergeyga ayaa tilmaamay in labada waddan ay iska aaminsan yihiin aragtiyo khaldan, arrintaas oo uu eeddeeda dusha u saaray warbaahinta oo tabisa warar buunbuunin ah oo labada dalba ku tilmaamaya kuwo dhul-ballaarsi wada.

“Haddii aad ka soo toosto Tel Aviv oo aad wargeys aqriso, waxaad arkeysaa sawir-gacmeed muujinaya ‘Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee 2.0’, taas oo ka soo bilaabata Vienna ilaa Maldives. Dhanka kale, haddii aad Istanbul ka soo toosto oo aad wargeyska aqriso, waxaad arkeysaa ‘Israa’iiltii Weyneyd’,” ayuu yiri Barrack.

Taariikh ahaan, Turkiga ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee Muslimiin u badan yihiin oo aqoonsada dowladda Israa’iil sanadkii 1949-kii, iyagoo inta badan taariikhdooda casriga ah lahaa xiriir wanaagsan oo dhanka amniga iyo ganacsiga ah.

Balse xiriirkaas ayaa isbeddelay wixii ka dambeeyay sanadkii 2010-kii, markii ciidamada Israa’iil ay weerareen markabkii Mavi Marmara oo gargaar u waday Gaza, halkaas oo ay ku dileen 10 qof oo u dhashay Turkiga. Tan iyo xilligaas, xukuumadda Ankara ayaa si isdaba joog ah u cambaareyneysay dhibaatooyinka ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta.

Isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xiriirka dib loogu soo celiyo bishii Sebteembar 2023, markaas oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay markii ugu horreysay gacan-qaad iyo kulan ku yeesheen New York, ayaa burburay bil un kadib, ka gadaal weeraradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas hoggaamineysay iyo xasuuqii xigay ee ka dhacay Gaza.

Wixii xilligaas ka dambeeyay, madaxda labada dal ayaa isweydaarsanayay hadallo kulul, iyadoo ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil, Naftali Bennett, uu bishii Maarso ku sifeeyay Turkiga inuu noqon karo “Iiraanta xigta”.

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u taageertay hawlgallada milateri ee Israa’iil ee gobolka, oo uu ku jiro dagaalka Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, maadaama Turkigu xubin muhiim ah ka yahay gaashaanbuurta NATO, uuna Madaxweyne Donald Trump horay u muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Erdogan, saraakiisha Mareykanka ayaa isku dayaya inay dib u soo nooleeyaan xiriirka labada dal.

Barrack ayaa madasha Antalya ka sheegay in kororka qiimaha tamarta ee ka dhashay dagaalka Iiraan uu si dhab ah u muujiyay muhiimadda iskaashiga gobolka si loo sugo amniga tamarta. Wuxuu xusay in xargaha isgaarsiinta (fiber optics), iyo sidoo kale shidaalka iyo gaaska ka imanaya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ay dhammaantood soo maraan Turkiga.

Wuxuu ku taliyay in Israa’iil ay yeelato isbahaysi la mid ah kan ay la leedahay Abu Dhabi. “Sacuudi Carabiya waxay xulufo la noqon kartaa Israa’iil, waana taas xalka u horseedi kara barwaaqo shacabka Israa’iil,” ayuu raaciyay.

Ergeyga ayaa ugu baaqay Israa’iil inay qaaddo tallaabo ka sii weyn, oo ay isku daydo in ay Turkiga ku soo darto Ciidamada Xasilinta Caalamiga ah ee loo qorsheeyay Gaza, kuwaas oo qayb ka ahaa heshiiskii xabbad-joojinta ee la saxiixay bishii September. “Tallaabada ugu caqliga badan ee ay Israa’iil qaadi karto ayaa ah inay Turkiga soo jiidato oo ay ku soo darto ciidamadaas,” ayuu adkeeyay Barrack.

Ugu dambeyntii, Barrack ayaa xusay in xiriirka Erdogan uu la leeyahay kooxda Xamaas uu fure u ahaa heshiiskii lagu sii daayay la-haystayaasha Israa’iiliyiinta ah, arrintaas oo suurtagal noqotay maadaama Ankara aysan Xamaas u aqoonsaneyn koox argagixiso. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Isniintii kulan la yeeshay Barrack, kaas oo ay labada dhinacba ku tilmaameen inuu ahaa mid “wax-ku-ool ah.”

Maamulka gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo la xiriirta Warta Siigaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta Warta Siigaale, kadib markii roobkii ka da’ay caasimada uu burburiyay qayb kamid ah warta oo isku xirto illaa todobo degmo oo ka tirsan gobolka.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo kormeer ku teegay Warta Siigaale ayaa sheegay in dib loo amba-qaaday dhismaha warta, isla markaana la guda galay wajigii labaad si loo dhammaystiro.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wax lacag ah aan lagu soo dalici doonin maamulka gobolka, ayna shaqada qaban doonto shirkaddii dhistay wajiga koowaad ee Warta Siigaale ee degmada Hodan.

“Waxaan joognaa Warta Siigaale oo ah biyo qabad wayn oo isku xira 7 degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho roobabkii xalay da’ay waxay saameeyeen meelo yaryar sida aan wada ognahay wartan waxay mareysay laba waji waxaa soo dhammaaday qaybtii koowaad oo duqa magaalada uu xarig jaray hadda waxaan ku guda jirnaa dhismaha wajiga labaad oo ah qayb adag biyaha waxay kamid yihiin musiibooyinka dabiiciga ah oo aadka u qatarta badan ka magaalo ahaa iyo maamul ahaana waa u diyaarsanahay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Ma jirto wax lacag ah oo lagu soo dalacayo dowladda Hoose, waxaana si sdegdeg ah dib loogu ambaqaaday hawlihii dhismaha”.

Wartan ayaa loo dhisay in lagu xakameeyo biyaha roobka iyo fatahaadaha, si looga hortego waxyeelo soo gaarta shacabka iyo hantidooda.

Dhanka kale, waxa uu xusay in ay soo kormeereen laamiyadii la dhisay iyo biyo qabadyada kale, isla markaana aysan jirin wax cilad ah oo soo laabtay.

“Duqa magaalada inta uu joogay waxaan sameynay biyo qabadyo waa wayn iyo dhismayaal laamiyo oo si casri ah loo dhisay midna wax dhaawac ah kuma imaan”. ayuu mar kale yiri ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud.

Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Serbia? + Sawirro

0

Antaaliya (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka  Serbia, Prof. Dr. Đuro Macut, oo ay isku arkeen Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antaaliya (ADF2026).

Kulanka dhex-maray labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo soo bilowday 1960-kii xilligii la aasaasay Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement), iyaga oo isla gartay muhiimadda uu leeyahay in lasii xoojiyo.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday labada dhinac waxay isla garteen inay jiraan fursado ballaaran oo lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska.

Ra’iisul Wasaaraha Serbia oo madasha ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, uuna tixgelinayo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha.

Si kastaba,  Serbia ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarka Ciidamada Qalabka, gaar ahaan ilaalada madaxda Qaranka, maadaama dhowr cutub oo hadda shaqeeya lagu soo tababaray dalkaasi.

Inta badan ciidamadaas ayaa lagu tababaraa Kulliyadda milatariga ee Marshal Tito ee loo garan ogyahay Kula Training Center.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli sii wada kulamada gaar gaarka ah ee uu la yeelayana madaxda caalamka ee isugu tegay magaalada Antaaliya ee dalka Turkiga oo lagu qabtay Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antaaliya (ADF2026)

Soomaaliya oo Israel ugu hanjabtay xirista marin biyood muhiim ah haddii ay joojin weydo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa ayaa ka digay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay keeni karto cawaaqib culus.

Danjire Warfaa ayaa si gaar ah uga hadlay tallaabada ay Israa’iil ku magacowday safiir ay u soo dirayso Somaliland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawaceysa qaranimada dalka.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter) ayuu safiirku ku sheegay in cid kasta oo isku dayda faragelin ay la kulmi doonto jawaab adag oo ka timaadda Soomaaliya.

“Dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib ay ka mid noqon karto xaddidaad lagu soo rogo isticmaalka marinka Bab-el-Mandeb,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka fiirsan karto qaadista tallaabooyin kala duwan oo lagu difaacayo danaha qaran, haddii ay sii socdaan falalka loo arko faragelin.

Waxyaabaha u sahli kara Soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyinka noocaas ah waxaa ka mid noqon kara xoojinta cadaadiska diblomaasiyadeed, dhisidda iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka gobolka, iyo ka shaqaynta go’aanno ka soo baxa hay’adaha caalamiga ah si loo kordhiyo kormeerka ama loo saameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in aysan fududeyn in Soomaaliya si toos ah u xaddido ama u cunaqabateyso marinka Bab-el-Mandeb, maadaama ay jiraan caqabado la xiriira awoodda iyo saamaynta ay ku leedahay goobtaas.

Hirgelinta tallaabooyin noocan ah ayaa inta badan ku xirnaan karta awood ciidan, heshiisyo caalami ah iyo heerka iskaashi ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo quwadaha daneeya amniga marin-biyoodkaas.

Marinka Bab-el-Mandeb waa marin istaraatiiji ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Jabuuti iyo Yemen, wuxuuna isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Inkastoo Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ku fidsan Gacanka Cadmeed, haddana marinkaasi si toos ah uguma yaallo dhulkeeda, halka Somaliland oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya ay maamusho qaybo ka mid ah xeebaha u dhow marinkaas.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil, iyada oo ku tilmaantay faragelin cad, halka Somaliland ay si diirran u soo dhawaysay magacaabistaas, kuna tilmaantay fursad muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo raadinta aqoonsi caalami ah.