27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Daawo: Rooble oo codsi u gudbiyey Qalbi Dhagax kadib markii uu xaal-mariyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta qaabilay Halgamaa Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa ka dalbaday cafis ku aadan gabood-falkii ay xukuumad Soomaaliyeed kula kacday.

Rooble ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxdii hore ee qeybta ka aheyd dhiibistii Qalbi Dhagax ay dalka joogan, islamarkaana aysan garawshiyo ka bixin gabood-falkaas foosha xun.

“Waxaa ka codsanaya in uu na cafiyo, waan ka xumahay in madaxdii iga horeysay ay waddanka joogaan oo weli aan laga hayn raali-gelin, aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda hada joogta waxaa leeyahay walaal soo dhawoow, waa ka raali-gelinayna oo dalkaaga Hooyo ayaa joogta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyin badan ay xukuumadiisa u qaaday sidii uu Halgamaa Qalbi Dhagax iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF, sidii dib looga noqon lahaa dambigii ay xukuumaddii hore ka gashay.

Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa galabta kasoo dagay magaalada Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde, afar sano iyo bar kadib markii cadowga loo gacan geliyey.

Qalbi Dhagax ayaa afar sano iyo siddeed billood ka hor laga dhoofiyay isla garoonka maanta sida heerka sare ah loogu soo dhaweeyay, xiligaasi oo isagoo indhaha ka xiran loo gacan geliyay cadowga Ethiopia, ayada oo ay dhiibtay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay xiligaas in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.

Aadan Madoobe oo soo saaray farriin cusub oo ku socota xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta soo xiray kulankii khudbad jeedinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha ayaa la dardaarmay Xildhibaanada.

Ugu horeyntii Guddoomiey Aadan Madoobe ayaa u mahad celiyay Xildhibaannada labada aqal iyo Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha.

Waxaa u sheegay in labada maalmood ee inagu soo aadan la guda geli doono diyaar-garoowga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceeysa maalinta Axada ee ku beegan 15-ka bishaan May.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Xildhibaannada inay ilaaliyaan waqtiga ballanta ee la isugu imaanayo doorashada madaxweynaha, xili maalmihii dambe ay muuqaneysay inay si weyn uga dib dhacayeen hadal jeedinta doorashada.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay inay u dul qaataan waqtiga yar ee ka haray culeyska heysta, kaasi oo ku eeg sida lagu wado maalinta Axad oo ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa imanaya ayada oo lagu jiro diyaar-garowgii u dambeeyay ee doorashada madxweynaha, islamarkaana ay magaalada Muqdisho ka socdaan ololaha musharaxiinta iyo kala jiidashada Xildhibaanada labada aqal.

Sawirro: R/W Rooble oo xaal-mariyey QALBI-DHAGAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa galabta kasoo dagay magaalada Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde, afar sano iyo bar kadib markii cadowga loo gacan geliyey.

Qalbi Dhagax ayaa afar sano iyo siddeed billood ka hor laga dhoofiyay isla garoonka maanta sida heerka sare ah loogu soo dhaweeyay, xiligaasi oo isagoo indhaha ka xiran loo gacan geliyay cadowga Ethiopia, ayada oo ay dhiibtay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Halgamaa Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa waxaa goordhoweyd xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo ka xaalmariyay gabood-falkii lagula kacaya isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Qalbi Dhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 23-kii bishii 1-aad ee sanadkaan kulan aan caadi aheyn oo yeesheen uga laabtay go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay xiligaas in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

“In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.”

Sidoo kale waxa uu Golaha sheegay inay khalad aheyd dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Ethiopia.

Xasan Cali Kheyre oo xukuumaddiisa ay dhiibtay Qalbi-Dhagax iyo madaxweyne Farmaajo ayaa labaduba hadda doonaya in madaxweyne loo doorto.

Farmaajo ayaa marar dhowr ah iska wareejiyey kiiskan, hase yeeshee Kheyre ayaan weli ka hadal arrintan, waxaana sida la sheegay uu isku dayayaa inuu is ilowsiiyo, sidaasna madaxweyne loogu doorto.

Farmaajo oo khudbaddiisa ku sheegay sida uu ku yimid ‘isbeddel doonka socda’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal isaga oo u jeediyey khudbadiisa ku aadan barnaamijkiisa siyaasadeed, haddii markale dib loo doorto.

Farmaajo ayaa si aad ah uga hadlay waxqabadka dowladdiisa ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna diiradda saaray, ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Musharrax madaxweyne Farmaajo ayaa markale ka codsaday xildhibaanada labada Aqal inay codkooda siiyaan, si usii uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya, wuxuuna ku faanay inuu la dagaalamay musuq-maasuqa, isla-markaana uu xoojiyey dowlad wanaagga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna sheegay in xasilooni siyaasadeed iyo kobac dhaqaale uu abuuray, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu xakameeyey hubka ay heysato dowladda Soomaaliya, si uusan u gelin gacan kale.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu sidoo kale sheegay inuu xooga saaray, wuxuuna tilmaamay inay gacanta dowladda soo galeen deegaano horleh sida, Sabiid, Caanoole Janaale iyo Marka, inkastoo degmada Marka ay gacanta dowladda soo gashay ka hor maamulka Farmaajo.

Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey ereyga halka u dhigga u ah ee ‘Isbeddal doonka socd’ wuxuuna xusay in isbeddalkaas uu ka bilowday meesha hada la joogo ee doorashada.

“Isbeddelka waxa uu ka yimid wax la yiraahdo isbeddel doonka fadhiidka ah oo taariikhdeena ku suntan, sidaad ogtihiin isbeddal doonka socda wuxuu ka billowdaa waqtiyadaan hadda aa joogno doorashada ah,” ayuu yiri madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Haddii markale dib loo doorto wuxuu ballan-qaaday inuu dalka gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna shaaciyey haddii qof kale la doorto inay taasi adkaan doonto.

“Annagaa ugu dhow doorasho qof iyo cod ah oo qof cusub haddii uu yimaado ma gaari karo” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba, hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo gelinka dambe ee maanta, iyada oo doorashada la qabanayo 15 May.

Madaxweyne Xasan oo xalay muujiyey inuu qarka u saaran yahay in dib loo doorto

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabad uu qorshe siyaasadeedkiisa kusoo bandhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u taagan in xilkaas loo doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xalay soo bandhigay sababta ay tahay in mar kale dib loogu doorto hoggaanka dalka, isaga oo ujeedkiisu ugu weyn u yahay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Inkasta oo cidda madaxweyne noqon doonta aan la garaneyn, haddana marka la eego xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee ka qeyb-galay munaasabaddii xalay oo lagu daray qorshe siyaasadeedka uu soo bandhigay, Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa musharaxa ugu rajada wanaagsan oo dhinacyo badan ay ku wada qanci karaan. 

Musharax kasta wuxuu leeyahay meelo uu ka liito iyo meelo uu ku xooggan yahay, waxaana Xasan Sheekh halka uu ku xooggan yahay lagu sheegay inuu fahamsan yahay nidaamka dowladnimo, islamarkaana yahay hoggaamiyaha hadda isku keeni kara umadda Soomaaliyeed, kadib shano sano oo ay caadifad, qabyaalad iyo kooxeysi  kala geeyeen.

Waxaa xalay munaasabadda Xasan Sheekh joogay xildhibaano aad u badan, ayada oo indho-indheyn ay saameysay Caasimada Online ay ku ogaatay in kulankaas uu ahaa kii ay ka qeyb-galeen xildhibaanadii ugu badnaa, marka loo eego kulamada ay qabteen musharaxiinta kale.

“Xasan Sheekh waa hoggaamiyaha kaliya ee isku keeni kara iskuna hayn kara umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada ka qeyb-galay kulanka.

Dhinaca kale, waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in madaxweynihii hore uu soo jiidanayo inta badan taageerada madaxweyne goboleedyada dalka, si gaar ahna Axmed Madoobe, iyo Lafta-gareen ooh adda la sheegay inuu aad uga fakarayo inuu taageero Xasan Sheekh.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Qoor Qoor uu taageerayo Xasan Sheekh, balse aanu si rasmi ah u shaacin si aanu u xumeyn xiriirkiisa Villa Somalia, halka Saciid Deni uu taageeri doono Xasan Sheekh haddii u uku haro wareegga koowaad.

Madax goboleedyada ayaa la rumeysan yahay inay Xasan Sheekh u arkaan madaxweynaha kaliya ee xukunkooda uu ka badbaadi karo haddii uu guuleysto, taasi oo dhankiisa usoo jiiday.

“Haddii madaxweyne kasta oo Villa Somalia yimaado uu beddelo madax goboleed kasta oo aan ku aragti aheyn, goorma ayey dhismi doonaan maamul goboleedyada,” ayuu yiri Xasan Sheekh mar uu dhowaan la shiray xubno aad ugu dhow, farriintaas oo gaartay madaxweyne goboleedyada.

Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu koray waddadii dib u doorashada, balse su’aasha xildhibaanada hortaalla ayaa ah: ma waxay codkooda wax kula darsan doonaan madaxweyne la dooran doono, mise meel cidlo ah ayey ku khasaarin doonaan? 

Hoos ka daawo khudbaddii cajiibka aheyd ee uu Xasan Sheekh jeediyey xalay.

Xildhibaanad oo loo sheegay saddex arrin oo waajib ku ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta hadal ka jeediyey Teendhada Afisyoone oo ay ka socoto hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyey xildhibaanada cusub.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in saddex arrimood ay waajib ku tahay xildhibaan kasta oo lasoo doortay, isla-markaana ay tahay inuu ilaaliyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada laga rabo inay ku dhaqmaan Dastuurka, inay u adeegaan dadweynaha soo doortay iyo mid saddexaad oo ah damiirkooda qof ahaaneed.

“Xildhibaan kasta waxaa waajib ku ah saddex arrimood oo inuu uu hoggaansamo ay tahay, mida koowaad waxaa weeye waa Dastuurka, tan labaadna waxaa weeye dadweynaha soo doortay, tan saddexaadna waxaa weeye damiirkiisa qof ahaaneeyd” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada u diray fariin la xiriira doorashada madaxweynaha, isaga oo ka dalbaday inay doortaan qof bad-baadin dalka.

“Sidaa daraadeed baarlamaankeena waxaan leeyahay in xubnaha innoo soo jeedinayo fikirkooda inaynu dhageysanaa waa waajib, kadib waxaa weeye qof weliba waa damiirkiisa inuu ku doorto qofka uu isleeyahay dalka wuu bad-baadinayaa,” ayuu hadalka sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo 15-ka bishaan May xildhibaanada labada Gole ay dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doono dowladda 4 sano ee soo socota.

Guddoomiye Geelle oo ‘aad uga xumaaday’ sidii ay u dhaqmeen xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay sida ay shalay u dhaqmeen xildhibaanada oo ay khudbado u jeediyeen musharaxiinta madaxweynaha.

Inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ayaan shalay tegin Teendhada Afisyooni, oo musharaxiinta Madaxweynaha ay ka jeedinayeen khudbadahooda wax-qabadkooda, waxaana la arkay kuraas badna oo eber ah, halka tirade xildhibaanada tagtay aysan xitaa dhameyn 50, ayada oo xubnaha labada aqal ay yihiin 329.

Inkastoo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada uu sheegay in illaa labaatan musharax ay shalay khudbadahooda wax-qabadka jeediyeen ayuu haddana Xildhibaanada kaga digay inaanay maantana samayn, wixii ay shalay sameeyeen oo kale.

“Kuraastani waxay u yaallaan Xildhibaanada oo loo dhigay inay yimaadaan, waxayna musharaxiinta xaq u leeyihiin in la dhageysto,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka xusuusiyo, waxay ahayd maalin shaqo Labada Aqalba, waxa ay ahayd waxay mushaarka ku qaadanayaan, maalin ka mida. Waxay ahayd inay fuliyaan oo ka dhabeeyaan dhaartii halkan ay ku dhaarteen. Ninkii soo xaadiri waayay cudurdaar la’aan, haku xisaabtamo, xisaabta inuu la taggi doono maanta maalin ka culus. Qof uu taageerayay iyo qof uu neceb yahay midna ma jiro, laakiin ha ilaashado sharaftiisa, shaqadiisa iyo kitaabkii uu maray.”

Khamiista manata ah ayaa waxaa hadaljeedinta u leh sagaal iyo tobanka musharax ee kale, ee u tartamaya jegada Madaxweynaha Soomaaliya.

Maqnaanshaha xildhibaanada ayaa muujinaya inaysan wax dan ah ka laheyn inay waxqabad iyo ajende siyaasadeed ku doortaan madaxweynaha, balse taas beddelkeeda ay doorbidayaan dhaqaale ama xulufeysi siyaasadeed.

Sawirro: Qoddobada looga hadlay kulanka Muuse Biixi iyo wafdiga Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaas.

Jeneral Townsend, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey Ciidammada Maraykanka ee soo booqda Somaliland ilaa iyo 1991-kii, waxa ku wehelinayey booqashadiisa Safiirka Maraykanka, Larry André, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Maraykanka.

Madaxweyne Biixi ayaa uga mahad-celiyey wafdiga safarka ay ku yimaadeen Somaliland, isagoona u sheegay inay soo dhawaynayaan iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka.

Intii uu socday kulanka labada dhinac ku dhex-maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxa uu madaxweyne Biixi ku sifeeyay booqashada Jeneral Stephen inay tahay horumar muhiim ah oo laga sameeyay xiriirka labada dhinac.

“Booqashada Jeneral Stephen Townsend waxay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca adkaynta seeska iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, waxaanay ka turjumaysaa in bog cusub u furmay xidhiidhka labada dhinac,” ayuu yiri.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qayb laxaad leh ka qaataan ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, taas oo ay faa’iido weyn ku qabaan dhammaan dalalka oo dhan.”

Waxay dhankooda si wada-jira u soo dhaweeyey hadalka Madaxweynaha Jeneral Townsend iyo Safiirka Maraykanka, Larry André, iyagoo sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Militriga ee labada dhinac.

“Iskaaashi iyo wada-shaqayn intan ka xoogan, kana weyn oo dhex-marta Somaliland iyo Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu kor u qaadi karaa nabad-gelyada iyo ammaanka biyaha Badda, waxaanu caawinayaa ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Bariga Afrika”.

Wafdiga ayaa intii booqashada ku joogeen Somaliland, Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxay booqasho ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera, kuwaas oo labadoodaba dhawaan dhisme ahaan la ballaadhiyey, lana casriyeeyey si kor loogu qaado tayada adeegga dhaqaalaha, arrimaha bini-aadannimada iyo baahiyaha amni ee Somaliland, dalalka ay saaxiibka yihiin iyo gobolka intaba.

Booqashada Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa la fahamsan yahay inay daba socoto booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tagay Maraykanka bishii March, 2022 iyo sahankii Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku yimaadeen Berbera bishii August ee sannadkii hore.

Sawirro: Shariif oo ololihiisa xoojiyay saacadihii tegay iyo tallaabooyin uu qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u tartamaya mar kale hoggaanka dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay magaalada Muqdisho inuu xoojiyay ololahiisa dib u doorasho.

Shariif ayaa xalay hoygiisa ku booqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad u kala fogaayeen maadaama Lafta-gareen uu u ololeynayay madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Cabdicasiis Lafta-gareen ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka madaxweynaha, isagoona ugu mahad celiyay kaalintiisii doorashooyinka dalka.

Shariifka ayaa intaa raaciyay in isaga iyo Lafta-gareen ay isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay in si wada jir ah looga shaqeeyo in doorashada si nabad ah u idlaato.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu ka codsaday Lafta-gareen inuu qeyb ka qaato sidii dalka isbadal ugu dhici lahaa, si loo badalo madaxweynaha xafiiska sii haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Shariifka ayaa la kulmay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo ka wada hadlay gabagabada doorashada oo maalinta 15-ka May ay dhici doonto tan madaxweynaha dalka.

Sheekh Shariif ayaa kala hadlay Cali Guudlaawe siidii doorashada ugu gacan siin lahaa inuu ku guuleysto, iyadoo dhinaca Cali Guudlaawe ay u badan tahay inuu taageero Shariifka, oo ay isku jufo yihiin

Lafta-gareen ayaa la ogsoon yahay inuu aad ugu dhow dhowaa madaxweyne Farmaajo, isaga oo horey u taageeray muddo kororsigii fashilmay, balse wuxuu hadda ka fakarayaa musharax labaad, haddii Farmaajo looga adkaado wareegga koowaad ee doorashada. 

Sawirro: Rooble oo casuumay xildhibaanadii Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxameed Xuseen Rooble ayaa xalay casuumaad casho ah u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaasoo dhawaan loo aqoonsaday inay yihiin kuwa sharciga ah ee Jubbaland ku matalaya golaha shacabka.

Rooble ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada 16-ka ah ee laga soo doortay Ceelwaaq, isagoona ku booriyay inay dalkooda si daacad ah ugu shaqeeyaan.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi in ay ka qeyb qaataan ka shaqeynta iyo in isbadal dalku galo si loo doorto madaxweyne cusub oo dalka ku hoggaamin kara hufnaan iyo tallo wadaag.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay u taageerayay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq, halka madaxweyne Farmaajo uu taageersanaa kuwa lagu soo doortay Garbahaareey balse baarlamaanka buriyay sheegashada sharci ahaanshaha xildhibaanadaasi, taas badalkeedna waxaa aqoonsiga xildhibaano la siiyay kuwa Ceelwaaq.

Rooble ayaa ansixinta xildhibaanada Ceelwaaq u arka guulweyn oo uu ka gaaray dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, oo 8-dii May go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo, ayaa u aqoonsaday xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah ee matalaya gobolkaas. 

Guddoonka ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigay markii uu arkay in xildhibaanadda lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaa,l islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Wafdi culus oo oo Mareykan ah oo gaaray HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kuwaas oo ka dagay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, halkaas oo si billaaran loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay dhanka dalka Jabuuti, waxayna isugu jiraan diblomaasiyihiin iyo saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahan uu horkacyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, iyada oo loo galbiyey dhanka madaxtooyada, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha wafdigan ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay xukuumadda Hargeysa ka bixisay socdaalka wafdiga Mareykanka ee gaaray magaaladaasi.

Booqashadan ayaa daba socota socdaalkii uu dhowaanMuuse  Biixi ku tegay Mareykanka, isaga oo kulamo lasoo yeeshay madax ka tirsan dalkaasi iyo Jaaliyadda Somaliland.

Si kastaba, Mareykanka ayaa u muuqda mid wax ka beddlay farsamooyinka uu kula macaamilo Somaliland, wuxuuna sii xoojiyey xiriirka kala dhexeeya maamulkaasi.

Daawo: Farmaajo, Shariif, Xasan iyo musharixiin kale oo hortegay xildhibaanada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda.

Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa ka mid ah 19 musharrax oo maanta hadal-jeedintooda ka sameynaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka & guddoonkooda.

Maanta oo ah maalinta labaad ee hadal-jeedinta ayaa ku duwan shalay, marka loo eego saameynta musharixiinta hadlaya, walow maalintii 2-aad ay xildhibaano kooban tageen Afisyoone.

Musharixiinta ayaa la siiyey min 15 daqiiqo waxayna ka hadli doonaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana sugaya ciidamada howlgalka ATMIS iyo kuwa Booliska oo la geeyey banaanka hore ee xerada si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa.

Sida qorshaha uu yahay maanta ayaa lasoo gabagabeyn doonaa khudbadaha musharixiinta 39-ka ah, maadaama shalay la dhageystay hadal jeeinta 20 musharrax, halka 19-ka kale ee haaray maanta ay hortegi doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Doorashada madaxweynaha ayaa dhaceyso 15-ka bishan May, taas oo ay si weyn ugu loolami doonaan musharixiintii ugu badnaa abid, inta la xasuusto doorashooyinka Somalia.

Halkan hoose ka daawo:-

Dad isku qoys ahaa oo ku dhintay hoobiye, kadib weerar xalay ka dhacay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin gudaha deegaankaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kadib weerarka lagu soo qaaday.

Hoobiyeyaasha ka yimid dhanka Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ah dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyey weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin Ceel Baraf, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi ka hadalay doorashada Madaxweynaha DF, weerarayna musharaxiinta qaar

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xilal u doontaan Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliilay maalinta lagu aadiyey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-ka May, taas oo ku asteysan maalinkii la aas-aasay ururkii xornimo doonka Soomaaliya ee SYL.

“Soomaaliya bishaan 15-keeda ayey u asteeyeen inay qabsadaan doorashada madaxweynaha, inay is doortaan oo nabad galaan ayaan Alle uga baryeynaa, laakiin waxaan hoosta ka xariiqayaa 15-ka markii ay doorteen waxay ka shaqeeyeen in dib dambe aanaa isku soo sheegan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “15-ka May waxay noo aheyd maalintii SYL, kadib waxay u bixiyeen maalinta dhalinyarada, maantana waxay ku beegeen maalinta madaxweynahooda, wax iska galayna malahan oo taariikh iskuma lahan, waana ka bareereen.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkaan ka jeediyey xaflad ka dhacday Jaamacad ku taalla Hargeysa ayaa si gaar ah u duray musharaxiin ka soo jeeda Somaliland oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jirto Fowsiya Xaaji Aadan oo ah gabadha kaliya ee musharaxiinta ku jirta, sidoo kale waxay aas-aastay jaamacadda uu maanta Muuse Biixi hadalkaan ka jeediyey.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa kuwo guul dareystay ku tilmaamay dadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, waxaana dadkaas lamid ah buu yiri, dadka reer koonfurka ah ee aaminay in siyaasiyiintaas ay Somaliland metelaan.

“Waxay nacasnimo heysataa, dadka Somaliland u dhashay ee maamuuska ku heystay dhulkooda oo qaarkood Jaamacado halkaan ka dhisay, ee inta Xamar tegay dhahaya waxaan meteleynaa Somaliland oo baarlamaanka ayaa dooneynaa waana codeyneynaa,” ayuu yiri Muuse.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay joogaan dad culumo iyo caamo leh oo aqoon diimeed leh, balse ay lamid noqdeen kan Somaliland ka tegay ee loo dhaariyey inuu Somaliland metelayo.

“Qolada ay u codeeyaan dadka naga tegay ee Muqdisho jooga, dhibaatada ka gaarta reer Muqdisho anaga naguma eedi doonaan, kuwa Somaliland ee xilalka u doontay Muqdisho, waa noo gefeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hoos ka daawo

CC Shakuur oo khudbadiisa ku weeraray xildhibaanada uu codka ka raadinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maanta hadal-jeenta kulahaa teendhada Afisyoone ayaa qaaday tallaabo wax u dhimi karta rajadiisa doorashadiisa.

Cabdiraxmaan oo intii hore si qurux badan u jeediyay khudbadiisa musharaxnimo ayaa daqiiqadii u dambeysay si weyn u duray xildhibaanada labada aqal, kuwaasi oo ah go’aamiyayaasha cidda kusoo baxeysa doorashada loo balansan yahay 15-ka bishaan.

Musharaxa ayaa sheegay in Xildhibaanada badankooda ay ku yimaadeen qaab aan ka duwaneyn magacaabis oo kale, inkasta oo arrintaasi run tahay, haddana marka la joogo marxladaan oo kale si toos ah looma duro Xildhibaanada oo asaga laftigiisa uu ka rabo cod.

“Xildhibaano badan oo halkan fadhiya oo labada aqal ah sida ay ku imaadeen dhamaanteen waa ogsoonahay, waxaa lagu soo doortay duruufo, markay codka dhiibanayaan waxay fiirinayaan duruuftii ay kusoo baxeen iyo damiirkooda,” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Fallan-qeeyayaasha Siyaasada ayaa qaba in durista Xildhibaanada ee uu sameeyay Musharax Cabdiraxmaan ay aheyd mid aan maanta meesha oolin, maadama laga wada dharagsan yahay sida ay ku soo baxeen iyo qaabkii doorashadooda u dhacday.

“Khudbada Cabdiraxmaan aad bey u fiicneyd illaa inta laga gaarayo daqiiqadii u dambeysay, maanta ma aheyn maalin su’aal la galiyo sharciyada xildhibaanada, lana xasuusiyo inay soo saarteen shaqsiyaad gaar ah oo cod uga fadhiya,” ayuu yiri Aqoonyahan kamid ah fallanqeeyaasha arrimaha siyaasada oo la hadlay Caasimada Online.

Sida la fahamsan yahay Musharaxa ayaa hadalkiisa ka lahaa ujeedo beer laxowsi iyo inuu ku sasabto xildhibaanada, hase yeeshe waxay u horseeday inuu ku dhaco qalad siyaasadeed uusan fileyn oo saameyn ku yeelan kara doorashadiisa.

Si kastaba, Doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay teendhada Afisyoone ka qabsoomto maalmo kooban kadib ayaa cida soo baxeysa waxaa go’aaminteeda leh Xildhibaanada labada aqal oo ayagu u codeynaya musharaxiinta.

Al-Shabaab oo shaaca ka qaaday in nin ajnabi uu ahaa qofkii isku qarxiyey xerada Ceelbaraf iyo dalka uu ka yimid

Muqdisho (Caasomada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday in nin ajnabi ah uu fuliyey qaraxii ugu horreeyey ee lagu billaabay weerarkii ay kooxdan dhawaan ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Burundi oo ku yaalay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas ismiidaaminta ah uu fuliyey Jamaal Diba Diida oo kooxda dhexdeed looga yaqaano Zubeyr Al Muhaajir, kaasoo u dhashay dalka Kenya.

Ninkaan ayaa cod laga duubay kahor inta uusan is qarxin ku sheegay inuu sanadkii 1996 ku dhashay magaalada Isiolo ee dalka Kenya.

Codka uu duubay ayuu ninkaan ajnabiga ah ugu hanjabay ciidamada Burundi inay dhibaato xoog leh kala kulmi doonaan imaanshiyahooda Soomaaliya, islamarkaana aysan kooxda joojin doonin weerarada lagu hayo saldhigyada AMISOM inta ay Soomaaliya ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ceelbaraf oo ay dagaayeen ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Dowladda Burundi ayaa sheegay in weerarkaas ay uga geeriyoodeen illaa 30 Askari, halka uu sheegay inuu dhaawaca kor u dhaafayo 20, sidoo kalana ay jiraan kuwa nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Al-Shabaab ayaa iyadana sheegtay war kaas ka duwan, waxayna sheegatay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 170 Askari, iyadoo xaqiijisay inay nolosha ku qabatay Tobaneeyo kale.

Weerarka Ceelbaraf ayaa noqonayo mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaado saldhigyada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

ATMIS iyo Ahlu-Sunna oo qarka u saaran dagaal kadib go’aan kasoo baxay ATMIS

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug xilli ay halkaas ka jirto hadal heyn ku aadan weerar ay kooxda Ahlu Sunna qorsheeneyso inay kusoo qaado magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Col. Xasan Jaamac ayaa kulan deg deg ahaa la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sida laga soo xigtay kulanka, taliyaha ayaa saraakiisha iyo taliyayaasha uu la kulmay u ballan qaaday in ciidamada ATMIS ee ku sugan Dhuusamareeb aysan gacmaha ka laaban doonin haddii ay kooxda Ahlu Sunna isku daydo inay weerar kusoo qaado Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa la sheegay ciidamada howlgalka AMISOM ee ATMIS iyo saraakiishaba uu amar buuxa ku siiyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Dhuusamareeb looga difaaci lahaa weerarka kusoo socda.

Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.

Kulankaan deg dega oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la sheegay inay kooxda Ahlu Sunna ka wado deegaanka Bohol dhaq-dhaqaaq ciidan loo fahmay inay weerar kusoo tahay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday muddo ku dhow 10 Maalin looga saaray Magaalada Guriceel,  waxayna wixii markaas ka dambeeyey saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo ay isugu geeyeen dhammaan ciidankii daacadda u ahaa.

Xiisadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo deegaanada Galmudug ay ka maqan yihiin madaxweynaha Galmudug, ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenadiisa, xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaas kuwaas oo ku wada sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo la filayo in 15-ka bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya.

Taliska BOOLISKA oo war kasoo saaray khasaaraha qarixii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Checkpointiga laga galo garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyey isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay la eegtay kolonyo ay wateen madax ka tirsan dowladda federaalka oo ku sii jeeday dhanka Xerada Afisyoone, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay Internet ka.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falal ammaanka darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah weerarkii tooska ahaa ee ay bishii hore kooxdu ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

DAAWO: Hadal-jeedinta musharixiinta oo ka socota Teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa toos uga bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Khudbadaha musharxiinta ayaa waxaa si wadajir ah u dhageysanayaa xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Teendhada Afisyoone.

Musharixiinta maanta hadal-jeedinta sameynaya ayaa gaaraya illaa 20 musharrax, waxaana la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga hadlaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday doorashooyinka, kadib khilaafaad sababay dib u dhacyo ku yimid sanad iyo ka badan.

Farqiga u dhaxeeya lacagta laga qaado musharaxiinta madaxweynaha ee dalalka Afrika iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn dalka looga hadal hayaa doorashada madaxweynaha, taasi oo lagu wado in 15-ka bishaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa isku soo taagay 39 musharax oo is diiwaan-geliyay, halka kuwa kale ay iskaga hareen kadib markii ay soo buuxin waayen shuruudihii looga baahna ee ay soo saareen guddiga doorashada madaxweynaha.

Habraaca iyo shuruudaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan waxaa qayb ka ahaa bixinta lacag gaareysa 40,000 dollar oo la isku diiwaan-gelinayo, waana qarashkii ugu badnaa abid ee ku baxa diiwaan-gelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa warbixintaan ku eegeyna qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika iyo lacagaha musharaxiinta laga qaado, taasi oo marka loo eego midda Soomaaliya ee sanadkaan ay noqoneyso mida ugu badan ee laga qaado musharaxiin u baratameysa xilka madaxweynaha.

  • Tansania: dalka Tansaaiya oo ah dal dhaca bariga qaaradda afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 59.73 milyaan oo qof ayaa waxaa dhowrkii sanaba mar ka dhaca doorasho madaxweyne.Musharixiinta isku soo taagta xilka madaxweynaha dalka Tansania ayaa waxaa laga qaada lacag gaaraysa $1,000 dollar, taasi oo lagu diiwaan-gelinayo musharaxa madaxweynaha dalka Tansaaniya.Dalkaan ayaa kamid ah dalalka ugu yar ee laga qaado lacagaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha, waxaa dalkaan hadda madaxweyne ka ah Haweeney lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, taas oo baddashay madaxweynihii ka horeyay kadib markii uu geeriyooday.
  • Kenya: dalkaan oo deris la ah Soomaaliya ayaa isna kamid ah dalalka qaaradda ku yaallo oo 5-tiii sanaba mar ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha.Musharixiinta xilka madaxwynaha dalka Kenya isku soo taagta ayaa laga qaada lacag gaareysa $10,000 dolar, taas oo ah lacagta diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka Kenya.
  • Burundi: Dalkaan oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 11.89 milyan oo qof , ayaa dhowrkii sanaba ay mar ka dhacda doorashada madaxweynaha dalkaa.Burundi oo hadda madaxweyne uu ka yahay Évariste Ndayishimiye ayaa marka lagaaro doorashada madaxweynaha, musharixiinta xilkaas isku soo taagta laga qaadaa lacag gaareysa $7,500 dolar, taas oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta.
  • Ghana: Dalkaan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay yihiin 31.07 milyaan oo qof ayaa kamid ah dalalka afrika ee lacagaha ugu badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalkaas.Ghana waxaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha laga qaadaya lacag gaareysa $17,00 dolar oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha daneyneysa.

Marka loo eego dalalka aan kor kusoo xusnay lacagta laga qaaday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa illaa xad uga badan, waxayna midaan noqoneysa middii ugu badneyd ee abid laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.