27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Dhoobo Daareed oo ka digay ‘shirqool’ ay Somaliland u dhigeyso PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay shir la sheegay in dhowaan Somaliland ay ku qabaneyso gudaha magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Dhoobo Daareed ayaa marka hore iska bari-yeelay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in uusan qayb ka aheyn abaabulkiisa, sidoo kalena uusan ka qayb-galeynin.

“Waxaan caddeynayaa oo iska bari-yeelayaa oo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland aan u sheegayaa shirkaas waxba inaanan anigu kala socon, kana ogeyn, kana qayb aheyn, kana mid aheyn,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shirkan ku tilmaamay inuu yahay shirqool siyaasadeed oo ay Somaliland u dhigeyso Puntland, gaar ahaan Beesha Warsangeli ee degnta Gobolka Sanaag, si ay u qabsato deegaanadaasi.

“Shirkaas waxaan ka aaminsanahay ama aan u arko anigu inuu yahay shir macagiisu ku haboon yahay in loo bixiyo ama loogu magac daro shirka shirqoolka siyaasadeed in la yiraahdo,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamanka maamulka Puntland

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Beeshaas la leeyahay Somaliland ayey wada shiri doonaan waa beesha aan sheegay meesha ay degto iyo deegaankeeda waa beesha ugu ballaaran ee degta Sanaag, horey waxay u diideen inay qayb ka noqdaan doorashooyinka Somaliland,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay hadal xoogan hareysay shirkaasi oo haatan abaabulkiisu ka socdo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay Somaliland ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah maamulka Puntland.

Shuute C/llaahi oo maanta lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay geysteen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa loo geystay marxuum Shuute Cabdullaahi oo si weyn looga yaqiinay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi, waxaana toogasho ku dishay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo baaritaanada xigay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka oo muddo kooban hakad galay.

Magaalada Beledweyne oo dhowaan lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha xildhibaanada shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga sida dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo geystay khasaare kala duwan.

Madaxweynaha Ukraine oo hal shardi ku xiray wada-hadalka dowladda Ruushka

Kyiv (Caasimada Online) – Ka dib markii konton qof oo rayid ah ay u suurto gashay in laga saaro magaalada go’doonsan ee Mariupol Jimcihii, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, sheegay heshiis dhex mara iyaga iyo Ruushka uu shardi u yahay in marka hore ay ciidamada Ruushku ku noqdaan goobihii ay joogeen intaanay magaaladaa weerarin.

Volodymyr Zelensky oo la hadlayay xarun cilmi-baaris ah oo London ku taalla ayaa sheegay in taasi ay tahay waxa ugu yar ee waddankiisu aqbali karo.

Waxa uu sheegay in uu yahay hogaamiyaha “Ukraine,” balse ma uusan soo hadal qaadin Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa hadda dagaal adag ugu jira inuu si buuxda ula wareego magaalada Mariupol ee dalkaasi Ukiraine.

Sidoo kale waxaa weli halkaas ku jira ciidamada Ukraine oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku sugan koonfur-bari ee birta weyn ee Azovstal.

Dhanka kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa lagu warramayaa in ay xaqiijiyeen in ay xogo sirdoon siiyeen ciidanka Ukraine oo bartilmaameedsaday isla markaana dilay in badan oo ka mid ah jeneraalada Ruushka kuwaas oo ku naf waayey dagaalka Ukraine.

Sheegashooyin ay jariiradda New York Times ka soo xigatay saraakiil dhinaca gaashaandhigga ah oo aan la magacaabin ayaa u muuqata in ay xaqiijinyaan shakiyo la xiriiray in Mareykanka ay bixinayaan xogo sirdoon oo lagu howlgali karo gacanna ka siin kara saraakiisha Ukraine in ay xushaan bartilmaameedyo aad u qaali ah oo Ruush ah.

Qaramada Midoobay oo si aan horey looga baran uga hadashay weerarkii Ceelbaraf

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ayaa si kulul war uga soo saaray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan khatarta Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday ilaalinta guulihii illaa hadda laga diiwaan geliyey howlgalka ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ka hor inta aan kor loo qaadin tayada taageerada ciidamada amniga iyo howlgalka cusub ee ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalka argagixisanimada ah oo ay ula jeedaan weerarada ka imaanayo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardar gelinta howlaha lagu sugayo amniga dalka oo ay qayb ka yihiin ciidamada ATMIS.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay oo ah mid kuwii hore ka kulul ayaa kusoo aadayo xilli in ka badan 40 Askari oo ka tirsan Askarta ATMIS lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Ceelbaraf 3-dii bishaan May, waxayna ciidamada la laayey kasoo jeedeen dalka Burundi.

Maxay ka wadahadleen Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Arbacadii soo saaray magaalada Muqdisho, wuxuuna safarkiisu ku qotomay ka shaqeynta qaabkii loo fasixi lahaa 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo ka soo galay golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda muran la geliyey, kadib markii kooxda Farmaajo ay 16 xubnood oo kale ay ku soo dhiseen Garbahaarey.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska Guddoomiyaha.

“Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulanka kaddib u hambaleeyay Guddoonka BJFS, isaga oo Eebbe uga baryay in xilka loo doortay uu ku asturo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xogo hoose oo aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ay aad u gorfeeyeen, sida loo maarey karo khilaafka ka taagan doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo oo ay isku heystaan 32 xubnood oo lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Sanado badan kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa Arbacadii Muqdisho u yimid meel-marinta mowqifka Jubbaland ee ah in la fasaxo oo doorashada madaxweynaha ay ka qeyb galaan 16-kii xildhibaan ee Ceelwaaq lagu soo doortay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa maalmahaan uu joogay wuxuu Muqdisho ka waday kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan xukuumadda, guddiga doorashooyinka heer federaal iyo xildhibaanada doorashadooda lagu muransan yahay, wuxuuna dadaal xooggan ugu jiraa, sidii loo fasixi lahaa xildhibaanadii ay Jubbaland ku soo dhistay Ceelwaaq.

DF oo codsatay in dhowr bil loogu daro waqtiga loo qabtay ee ku eg 17-ka May

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay hey’adda IMF inay dib ugu dhigto mudo 3-bilood ah qiimeynta dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha.

17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib doorashada Madaxweynaha cusub Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka bishaan ayaa loo mudeysnaa in IMF ay bilowdo qiimeynteeda dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa warqad codsi ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen waxay u direen IMF.

Warqadaas waxay dowladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan awoodin in mudadaas kooban ay uga qeyb-gasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF ee 17-ka May.

Gaabis $10 milyan ah ayaa jira bil kasta daqliga ay maamusho dowladda Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed oo ay sii jireen Soomaaliya, kadib markii dib u dhacyo badan ay wajahday doorashada Soomaaliya.

Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya $38 milyan, marka la barbar dhigo $170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho.

Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ay ka caawiso Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay waraaqda ay DF Soomaaliya u dirtay IMF-ta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka aamusneyd arrintan, wuxuuna cosdigaan ka dhiganyahay in dowladdu aysan ku guuleysan fulinta heshiikii ay lagashay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

IMF weli kama soo jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna arrimahaan dib u dhaca ah halis ku yihiin barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya, kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta ee caalamku siiyo Soomaaliya iyo kabka misaaniyadda dowladda.

 

Somali Debates oo diiday go’aankii DF kuna adkeysatay doodda musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Somalia Debates ayaa ku adkeysatay inay dhaceyso dooda musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xili ay joojisay doodaasi Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay waday qaban-qaabinta dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Somali Debates ayaa taas beddelkeeda caddeysay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22].

Waxay sheegen in ay yihiin urur aan dowli aheyn oo diiwaan-gashan, hadafkooduna yahay abaabulka wada-hadalka iyo doodaha bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan.

“Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somali Debates.

Sidoo kale waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

“Soomaali Debates waxay og tahay inay jiraan kooxo wata dano khaas ah oo aan doonayn in Doodaha Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya aysan dhicin, danahaas oo ah dano gaar ah, mid siyaasadeed iyo mid xirfadeed – waana inaan qofna loo oggolaan inuu ka leexiyo danaha iyo ajendaha fog ee Soomaaliya ee ku wajahan Waddada Dimuqraadiyadda iyo Doodaha caafimaadka leh.”

Si kastaba, Arrintan ayaa imanaysa ayada oo shalay Wasaarada Warfaafinta ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.

Madaxweyne Farmaajo oo hal ku dhig lama filaan ah u xushay ololihiisa doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daahfuray ololihiisa doorashada kadib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka Bishaan.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa bartiisa Facebook soo dhigay boor muujinayo ololaha madaxweynaha kaasoo siyaabo kala duwan loo fasirtay.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa adeegsaday halku dhigga “Isbeddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Cabdirashiid ayaa qoraalka uu soo dhigay facebook ku yiri “ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dalka u horseedayaa adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala.”

Waxa uu intaas ku daray “Haddii Isbaddalku noqdo qof in lagu baddalo qof iyadoo aan tixgelin la siinin waxqabadka uu la iman karo, waxaa ka dhalanaysa inay habacsanaan ku timaaddo dadaalkii joogtada ahaa ee la galiyay 5tii sano ee lasoo dhaafay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagabiisa isku taaga.”

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo la isku dayayey in xukunka looga tuuro in la doonayo Isbeddel uu dalka uu galo, balse hadda isagii ayaaba qaatay isbeddelka.

Sida ka muuqato oraahda uu Farmaajo kusoo galayo doorashada wuxuu doonayaa inuu xildhibaanada u sheego in ragga loolanka kula jiro aysan ka turjumi karin isbadal maadaama horey loo soo tijaabiyey.

Sidoo kale, waxaa loo fasiran karaa inuu Farmaajo doonayo inuu musharixiinta kasoo horjeedo ku tiimbareeyo inaysan dalka u horseedi karin isbadal taasoo la ogeyn sida ay u arki karaan xildhibaanada cusub ee codka laga sugayo.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo daah fur weyn u sameeyo ololihiisa xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan 15-ka May 2022.

Farmaajo ayaa loolan adag kala kulmayo musharixiinta mucaaradka oo ah kuwa u midoobay sidii ay meesha uga saari lahaayeen, waxayna musharixiinta ololahaa ugu weyn ka dhiganayaan inay dalka u horseedi doonaan isbeddel.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha oo war cusub soo saraay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxwenaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in muddada Tobanka Maalmood ah ee soo socota ay ku qaban doonaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayna ku filan tahay musharixiinta in ay isku diyaariyaan.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey Idaacadda BBC, islamarkaana la waydiiyey sida muddadaas kooban ay ugu qaban karaan doorasho ay ku tartamayaan ku dhawaad 30 musharrax ayuu yiri: “Waxaan tixraac ku sameynay tii gudoonka baarlamaanka oo tiradu intaa ka badnayd, waqtiguna uu intaa aad iyo aad ugaa koobnaa, waan isbarbar dhignay, waxaana noo soo baxday inay ku filan tahay waqtiga aan u qabanay.”

Mar wax laga waydiyey waxa u qorsheysan inay sameeyaan haddii doorashada ay ku dhici weyso waqtigii ay u qabteen ayuu ku jawaabay “ Inshaa Allah way ku dhici doontaa, musharixiinta tartamayo waa la yaqaan waa ay isku key dul saaran yihiin, mana jirto waqti aan anaga luminay, musharixiinta iyo xidhibaanada dhan waa ogol yihiin, waxaana xataa la shaqeyn karaa habeen, wax naga qaldan ma jiraan haddiiba ay noo joogaan musharixiintii, guddoonkii baarlamaanka iyo xildhibaanadii, ilaahey kama rajeeneyno dib u dhac iyo in waqtii aan qabanay wax ku dhici waayaan” .

Guddoomiye Cabdiqani ayaa sheegay inay ku guda jiraan xalka xildhibaanada laga soo kala doortay Ceelwaaq iyo Gabarhaarey si aysan mar kale u dhicin is qabqabsi iyo inay saameyn ku yeelato kulanka lagu dooranayo madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiqani oo wax laga waydiiyey cidda ay musharixiinta u dacwoonayaan haddii ay ku qanci waayaan natiijada doorashada ayaa yiri “ Waxaa jiro habraac diyaarsan oo doorashada lagu galayo, mana jiraan wax naga qaldan, wadanka doorashooyin badan ayaa kasoo dhacay tii ugu horeysay maahan, wax walbana waxay ku socdaan sidii hore oo la casriyeeyey.”

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa caddeeyey in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay kasoo qeyb galayaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida

15-ka bishaan May oo ku beegan maalin Axad ah ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo dib u dhacday sanad iyo lix bilood ah.

Aadan Madoobe oo jeediyey codsi cusub oo ku saabsan doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka wado holwaha doorashada ayaa markaan la kulmay qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Sheekh Aadan Madoobe ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay ururada bulshada rayidka ka qaadan karaan arrimaha doorshada madaxweynaha dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ururada bulshada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorashada madaxweynaha oo lagu ballansan yahay 15 May ee sanadkaan.

Ururada Bulshada ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka u ballan qaaday inay garab ku siinayaan doorashada inta ay awoodaan, waxayna guddoomiyaha cusub uga mahadceliyeen waqtiga uu gelinayo doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku booriyey bulshada rayidka in ay kaalintooda horumarineed ay sii laba jibbaaraan si dalka looga bixiyo xaaladaha qatarta ah ee uu wajahayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la doortay kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka wada, iyada oo muddo kooban ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxay soo jiitameysay muddo 1 sano ah, waxaana ugu dambeyn suurta gashay inuu dalka yeesho Baarlamaanka iyo guddoomiye taasoo dalka ka badbaadisay firaaq dastuuri ah.

Xisbiga Boris Johnson oo guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii UK

London (Caasimada Online) – Xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii dowladaha hoose ee xaafado ay ku xoogaanaayeen oo ka mid ah London iyo qeybaha kale ee dalka.

Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in Johnson uu lumiyey taageeradii koonfurta bari ee London, hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si deg deg ah maanta u sheegay inaan la joogin xilligii la sameyn lahaa isbeddel hoggaamiye.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

Xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale markii ugu horreysay ku guuleystay golaha deegaanka Westminster, oo ah degmada ay ku yaalaan inta badan xafiisyada dowladda.

“Natiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, I rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimid doorashadii 2019,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London.

Natiijada rasmiga ah oo soo baxeysa xilli dambe oo Jimcaha maanta ah ayaa muuqaal muhiim ah ka bixin doonta aragtida shacabka tan iyo markii xisbiga Johnson ee Conservative-ka ay 2019-kii ku guuleysteen aqlabiyaddii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

Waxaa bishii lasoo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qeyb-galay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dowladda soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.

Guuldarrooyinka golayaasha deegaanka London, oo inta badan laga xaaqay Conservative-ka ayaa cadaadiska ku kordhin doona Johnson oo bilooyin badan dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.

Doorashooyinkii dhacay Khamiistii ayaa go’aan ka gaari doonaa maamulka in ka badan 7,000 oo goleyaal deegaan ah, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla London, Scotland iyo Wales iyo saddex meelood meel England.

REUTERS + VOA

Al-Shabaab oo weerar kale oo culus maanta ku qaaday saldhig u dhow Ceelbaraf

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacday saldhig ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee ATMIS kaasoo ku yaalo deegaanka Miirtaqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, madaafiicda ay soo tuurtay kooxda Al-Shabaab ayaa waxay ku dhaceyn gudaha deegaanka, waxaana jiro khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tiro sax ah la heyn.

Sidoo kale, Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhankooda weerarka Madaafiicda ah ka jawaabay, iyaga oo madaafiic ku garaaceen duleedka deegaanka Ceelbaraf.

Ciidamada ATMIS ayaa weerarka kadib sameeyey howlgal baaritaan ah kaasoo ay uga jawaabayeen weerarkii lagu soo qaaday, waxaana la sheegay inay dhibaato u geysteen dad Shacab ah.

Weerarkaan ayaa kusoo aadayo xilli 3-dii Bishaan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaas ku dishay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo kor u dhaafayo 100 halka la sheegay inay nolol ku qabteen kuwa kale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyey in weerarkaas looga dilay 30 askari, halka dhaawaca uu gaarayo 20, sidoo kalana wuxuu sarkaalka sheegay inay nolol iyo geeri ku la’yihiin tobaneeyo kale.

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.

Maxaa ka ogtahay dhaarta yaabka leh ee la marsiinayo xildhibaanada Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka laga imaado dhaarta Dastuuriga ah ee Xildhibaanada waxaa jirta dhaar kale oo inta badan Musharaxiinta madaxweyne ay marsiiyan Mudaneyaasha Baarlamaanka, taasi oo ay ku damaanad qaadanayaan inay codka siin doonaan.

Dr. Cali Sheekh oo ka faalooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in dhaarta labaad ee la marsiinayo Xildhibaanada ay khilaafsan tahay midda hore.

“Waxaa ku dhaarateen dhamaantiin in aad fulineysa danta guud ee umadda, sidaas ayaa la rabaa in aad tihiin oo ku fulinaysaan, laakiin sidii loo joogay ayaa waxaa timid dhaar la yidhaahdo laaluush, in aad codka isiineyso ii dhaaro,” ayuu yiri.

“Labada dhaar marka in la kala daayo weeyi oo dhaarta hore maxaa loo mari haddii aan laga dhabeynayn. Dhaarta hore asal ayay aheyd ee dhaarta labaad adiga ayaa si qalad ah u galay.”

Waxa uu ujeediyay Xildhibaanada inay ku dhaqmaan dhaartii hore, ayna Ilaahay ka baqaan oo aysan codkooda ku badalan maal aduunyo oo ugu hiiliyaan danta dalka iyo umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa laga rabaa (Xildhibaan) inta aad is waansato marka aad tagto sanduuqa oo arrinta ay tahay adiga iyo Ilaahay aad tiraahdo Ilaahayow been ayaa sheegay oo waan ka towbad keenay oo hebel ayaa ila fiican oo codka siiso. Towbadana wey furan tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhalaneysa in la khilaafo dhaarta sharciga ah ee ay mareen Xildhibaanada, taasi oo uu qofka ku mudanayo ciqaab Alle.

Soomaaligii u horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland oo kiis xasaasi ah loo haysto

Helsink (Caasimada Online) – Suldaan Saciid Axmed oo ah Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqda baarlamaanka dalka Finland ayaa loo heystaa arrin la xiriirta takaasida uu isticmaalo.

Suldaan oo xubin ka ah Xisbiga Isbahaysiga Bidix ayaa ballan-qaaday inuu dib u bixin doono dhammaanba kharashka takaasida uu u isticmaalay wax ka baxsan waajibaadkiisa xildhibaannimo.

Arrintan ayaa timid kaddib markii wargeyska Iltalehti ee ka soo baxa dalka Finland uu isbarbardhig ku sameeyay taksiyada ay isticmaaleen xildhibaannada baarlamaanka laga soo billaabo bilihii September 2021 ilaa Maarsadii sanadkan, wuxuuna ogaaday in kharashka uu isticmaalay Suldaan uu yahay kan ugu badan.

Wargeyska ayaa sidoo kale ogaaday in baarlamaanka Finland uu Suldaan u oggolaaday inuu isticmaalo taksi, sababo la xiriira ammaankiisa.

Wuxuu sheegay in sirdoonka Finland iyo waaxda ammaanka ee baarlamaanka dalkaas ay sameeyeen qiimeyn ku saabsan ammaankiisa isla markaana ay ogaadeen in ammaankiisa uu halis ku jiro, iyagoo kaddibna kula taliyay inuu isticmaalo taksi oo uusan raacin gaadiidka dadweynaha.

“Khatartaas waxay ka imaaneysaa dad kala duwan oo i beegsanaya oo ii soo hanjabaya, maaddaama aan ahay qofkii ugu horreeyay ee madow ah, qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah, dad mar walba ii soo hanjabaya oo baarlamaanka soo dhigaya waraaqo ay leeyihiin waan ku dileynaa,” ayuu yiri Suldaan oo la hadlay BBC-da.

Madaxa baarlamaanka ee maamulka, Pertti Rauhio ayaa xaqiijisay in Suldaan loo oggolaaday inuu qaato taksi beddelkii uu isticmaali lahaa gawaarida dadweynaha, iyadoo intaas ku dartay in oggolaanshahan lagu saleeyay warbixin dhanka ammaanka ah oo laga soo gudbiyay.

Rauhio ayaa intaas ku dartay inay tahay markii ugu horreysay ee sabab amni darteed, xildhibaan lagula taliyo in uusan isticmaalin gawaarida dadweynaha.

Kharashka taksiga ee Suldaan laga soo billaabo bishii September 2021 ilaa March 2022 ayaa lagu qiyaasay 6,500 oo Yuuro ah ($6,857), isagoo galay 212 safar, oo qaar uu qirtay in aysan la xiriirin shaqadiisa.

“Si hore loogu socdo, waan bixin doonaa safarradeyda taksiga ee ka baxsan shaqada,” ayuu Saciid ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwtter-ka.

Suldaan ayaa sheegay inuu iskiis u bixin doono kharashka taksiyada ka baxsan shaqada ee uu isticmaalay.

“Waxba leyga dooni maayo, aniga ayaa si mutadawacnimo ah u iri taas aan maalintaa hooyadey ku qaaday maaddaama ay shaqada ka baxsna tahay , 40-ka Yuuro anigaa soo celinaya,” ayuu yiri.

Suldaan ayaa sheegay in mar hooyadiis baarlamaanka looga yeeray uu ku qaaday taksi, lacagtaasna uu haatan celiyay.

Qofka ku xigay Saciid ee isticmaalay kharashka ugu badan ee taksiga ayaa ah Olli Immonen oo safarro dhan 86 oo uu galay ay lacagtooda noqotay 6,400 oo Yuuro ah ($6,751).

“Inta uu socdo Covid, baarlamaanka ayaa xildhibaannada kula taliyay in aysan adeegsan gawaarida dadweynaha. Dhammaan safarradeyda taksiga waxay la xiriireen shaqada,” ayuu Immonen yiri.

Immonen ayaa Suldaan Saciid Axmed ku eedeeyay inuu kharash badan u isticmaalay taksi.

Xildhibaannada ayaa loo oggol yahay inay isticmaalaan taksi si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, balse waxaa lagu xiray shuruud ah inay keliya u isticmaalaan gudaha caasimadda Helsinki iyo in kharashku uu ka yar yahay 70 Yuuro.

Wiixi bannaanka ka ah caasimadda ayaa xildhibaannada waxaa loo oggol yahay inay taksi u qaataan inta u dhaxeysa gurigooda iyo garoonka diyaaradda ee ugu dhow, tareenka, ama boosteejada basaska, haddii ay jirto sabab taksi loo qaato.

Waa kuma Suldaan Saciid Axmed?

Suldaan Saciid Axmed wuxuu baarlamaanka Finland ka mid noqday bishii June ee sanadkii hore. Sidoo kale waa qof u dooda xuquuqda dhallinyarada. Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki.

Noloshiisa inteeda badan wuxuu ku noolaa dalka Finland oo xilligii waxbarashadiisiina uu ku qaatay, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah. Wuxuu markiisii hore ka taga Soomaaliya.

Muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka xildhibaannimada hayay ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah.

Suldaan oo 29 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanadkii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray.

Markii la doortay ayaa wuxuu yiri: “Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go’neyd.”

Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu xubinta ka yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku-xigeenka xisbigaas.

Waxyaabaha hadda u qorsheysan ayuu sheegay inay ka mid yihiin inuu diiradda saaro dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn, dadka dalkaas u dhashay ee dhibaatooyinka ay ka heystaan guryaha iyo inuu cod u noqdo dhammaan dadka dhibban.

Isha: BBC

Maraykanka oo markale jawaab ka bixiyey dhacadii Soomaaliya ee 3-dii May

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-Baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, isaga oo ka tacsiyadaynaya khasaarihii ka soo gaadhay weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah.

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal u dhashay dalka Burundi.

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.

Saddex qof oo lagu dilay weerar ka dhacay ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Israel oo war bixin soo saartay ayaa sheegtay in 3 qof oo yahuud ah lagu dilay weerar ka dhaca Magaalada El’ad oo u dhow Magaalada Tel Aviv.

Warbixinta kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ayaa kusoo aadeysa xilli booliska Israel uu ku sifeyey weerarkaan inuu ahaa mid lasoo qorsheeyey, mana ka hadlin saraakiisha booliska khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Booliska ayaa ku hanjabay inay jawaab kulul ka bixin doonaan weerar lagu soo qaaday dadka Yahuud ah ee ku sugan dhulka reer Falastiin ee xoogga lagu heysto.

Kooxda Xamaar oo kamid ah kooxaha ka dagaalamo gudaha Falastiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, wuxuuna ururka sheegay in looga jawaabayey dhibaatada ay booliska Israa’iil ka wadaan Masjidka Barakeysan ee Al-Aqa oo ku yaala Magaalada Qudus.

Warka kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in weerarkaan khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay Israel.

Ssarkaal ka tirsan kooxda Xamaas ayaa tilmaamay in todobaadyadii tagay weeraro kala duwan ay kooxdu geysatay, isla markaasna ay weli qorsheeneyso weeraro badan inta Israa’iil laga saarayo dhulalka ay xoogga ku qabsatay.

Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa Bishii soo dhammaatay ee April oo ku beegneyd bishii barakeysneyd ee Ramadan waxay dhibaato xoog leh ka geysteen masjidka Aqsa taasoo keentay inuu dhasho kacdoon ay sameenayeen shacabka Falastiin.

Yaa kusoo baxay doorashada kursigii xildhibaan Aamina?

Jowhar (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Daahir (Caanoy) ayaa caawa ku guuleystay kursiga #HOP135, kaasoo ay ku fadhisay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.

Maxamed Caanoy ayaa ka mid ahaa illaa saddex musharax, oo Guddiga Doorashada Hirshabelle ay u diiwaangeliyeen kursigaasi.

Qoraal lagu baahiyay bogga Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Murashax Maxamed Aadan Daahir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP135 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle.”

Maxamed Caanoy oo nin dhallinyaro ah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Safaaradda Somaliya ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Tani ayaa ka dhigan in Guddiga Doorashada Hirshabelle ay soo geba-gabeeyeen Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, walow ay tahay in lagu celiyo kursigii uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay shaaciyeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

DF oo ka hortimid doodda musharaxiinta madaxweyne, shaacisayna sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay qaban-qaabineysay dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa waxay uga digtay Somali Debates inay faraha kala baxdo waxyaabaha ay ku howlan tahay ee kamid yihiin barnaamijyada ku aadan doorashada.

Sidoo kale waxay ku war-gelisay Saaxiibada Beesha Caalamka, gaar ahaan ATMIS iyo UNSOM inaysan kala shaqeyn arrimaha warbaahinta cidaan fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta.

“Wasaarada Warfaafinta oo ka war heshay in hey’ada la baxday Somali Debates ku hawlan tahay waxyaalo ku saabsan Doorashada Madaxtinimada iyo doodaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha ay lugaha kujirto, Somali Debates ma haysato sharciyad warbaahineed oo ay dooda ku qabtaan waxna ku tebiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada ayaa ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.

“Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, dhowraysana xoriyada hadalka maadama uu dalku ku jiro xili doorasho oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.”

10 cisho ma lagu qaban karaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in mudada 10-ka maalmood ah ee soo socota ay ku qaban karaan doorashada madaxweynaha dalka, taas oo la qorsheeyey inay dhacdo 15-ka bishaan May.

Guddoomiye Cabdiqani oo BBC la hadlay ayaa sheegay in musharaxiinta ay ku filan tahay labada maalmood ee la siiyey inay khudbadahooda ku jeediyaan, isagoo rajo weyn ka muujiyey in wixii ka dambeeya 15-ka bishaan uu dalku madaxweyne yeela doono.

“Waxaan tusaale ka soo qaadanay doorashadii guddoonka baarlamaanka, oo tirada kuraasta la doortay ay badneyd, waqtiguna uu aad intaan uga koobnaa, markaan is barbar dhignay waxaa noo soo baxday in 10-kaan cisho ay nagu filan tahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani.

Mar  la waydiiyay sida mudadaas kooban ay ugu qaban karaan doorasho ay ku tartamayaan ku dhawaad 30 musharrax, ayuu ku jawaabay, “Musharaxiintii xilka madaxweynaha waa wada joogaan dalka, goobtii doorashadu waa noo diyaar, amnigana waan ku kalsoonahay, waqtiga aan sheegnay waa maalmo, laakiin habeenkii xitaan waan shaqey doonaa, si waqtigaas kooban aan doorashada ugu qabano.”

Maalinta loo qorsheeyey doorashada ee 15-ka bishaan May ayaa ku beegan Axada soo socota Axadeeda kale, waxaana maalintaas lagu rajo weyn yahay in lasoo af-jari mashruucii doorashadaan oo waqtigii loogu talo galay dhaaftay mudo sanad iyo lix bilood ah.

Musharaxiinta ayaa is diiwaan geli doona 8-da ilaa 10-ka bishaan, iyagoo 11-ka ilaa 12-ka khudbadahooda jeedin doona, laba maalmood oo nasiino ah kadib, waxaa maalinta 15-aad ee bishaan la qaban doonaa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waalidka Najma oo hanjabaad culus soo saaray, kadib dilkii gabadhooda

Hargeysa (Caasimada Online) – Labo maalmood ka hor ayey aheyd markii Najma Cabdillaahi Maxamed Cali oo aheyd Gabadh da’yar oo ka tirsaneyd Wasaarada Beeraha Somaliland uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland gudaha magaalada Hargeysa.

Najma Aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa ku hanjabay inaysan aasi doonin illaa inta sharciga la hor keenayo Ninka dilay Gabadhiisa, oo rasaas ku furay xili ay saarneyd gaarigeeda.

“Waa in cadaalada hesho Gabadheyda Najma, waxaa ku daba taaganahay howshaas Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi waa in sharciga sideeda u mariyaan. Waxaa la aasaya marka kiiskeeda lasoo dhameeyo,” ayuu yiri Cabdillaahi oo ah Aabaha dhalay Najma.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska dilka Najma uu kasoo dhamaaday CID-da, islamarkaana loo wareejinayo Maxkamadda Ciidanka Qaranka, maadama Ninka dilay uu ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.

Najma Cabdillaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale aheyd Aroosad cusub, ayada oo aqal-galkeeda loo ballansanaa bacda ciida, sida ay noo sheegen qaar kamid ah qoyskeedu.

Si kastaba, Ninka ay gacantiisa ku baxday Marxuumada ayaa markii uu dilka geystay isku dhiibay Xarunta Ciidanka Dab-damiska, ayada oo markii dambe ay la wareegen ciidanka Booliska oo hadda gacantooda ku jiro.