27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Somaliland oo xabad joojin uga dhawaaqday Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.

Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.”

Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.

Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.

Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

“Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka.

Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf.

“Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan.

Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday.

Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan.

Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido

Dagaal culus oo dhacay Mudug iyo degaan muhiim oo laga qabsaday Al-Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino laga helayaa dagaal culus oo galabta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ay ku weerareen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Inkastoo isgaarsiinta aaggaas ay aad u liidato, hadana wararka aan ka heleyno dagaalkii galabta waxay sheegayaan in lagu jebiyey kooxda Al-shabaab.

Deegaanadii lagu dagaalamay waxaa caawa ku sugan ciidanka dowladda, waxaana kooxda loo geystay duqeyn xoog leh, sidoo kale weerar toos ah oo dhufeysyada loogu galay Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale ee koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana xusid mudan in dagaalkii galabta askar badan looga dilay ciidanka daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen.

Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ah mid culus oo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen, isla markaana dhul badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo kusoo biiraya loolanka kursiga HOP086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa kusoo biiraya musharaxiinta doonaya kursiga xildhibaan ee HOP086 oo dhowaan doorashadiisa la qabanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Kursigan ayaa ah kii uu horey ugu guuleystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse ay diideen islamarkaana is-hortaageen guddiga doorashada heer federaal.

Kusoo biiritaanka Cabdinuur ee loolanka kursiga ayaa imaneysa kadib markii uu loolanka ka tanaasulay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo.  

Doorashada kursigan ayaa la filayaa in la qabto dabayaaqada bishan Febraayo, waxaana musharaxnimada Cabdinuur ay abuureysaa loolan adag maadaama UPD ay soo sharraxeen Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ah madaxa urur diimeedka Damul Jadiid. 

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in diyaar garawga munaasabadda shaacinta musharaxnimo ee Cabdinuur Maxamed Axmed ay maanta iyo shalay ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu ilaa habeen dambe si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu kursigan u taagan yahay. 

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xilal kala duwan hore uga soo qabtay Madaxtooyada Jamhuuriyadda sida Agaasimaha Warfaafinta, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud iyo Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya, waxayna musharaxnimadiisu muujinaysaa in tartanka kursigan uu noqon doono mid adag.

Sawirro: Wasiirka difaaca Talyaaniga oo arrin muhiim ka balan-qaaday Xasan Sheekh

0

Roma (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah magaalada Roma kula qaatay Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Guido Crosetto.

Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo wada-xoojdyada ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay inay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib u habeynta ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda. 

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Safiirka  Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha.

 Madaxweynaha ayaa cadeeyey in mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo, looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Safiirka Maraykanka u fadhisa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab,  dadaalka dowlada ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab istaagga dowladda.

Somaliland fights back against accusations in Laascaanood

0

Hargiasa (Caasimada Online) – The Republic of Somaliland, a self-proclaimed state in northern Somalia, has dismissed the allegations related to the ongoing conflict in Laascaanood, the capital city of the Sool region. 

The conflict, which has been raging for five days, involves the forces of Somaliland and local fighters who oppose their presence in the city and have called for their withdrawal.

Over the past five days, the conflict has resulted in approximately 50 deaths and over 150 injuries. The Somaliland forces have been accused of killing civilians and disrupting basic services in the city.

Somaliland denies accusations 

The Somaliland Ministry of Foreign Affairs issued a statement rejecting these allegations. In the statement, the ministry said, “The critical situation of Laascaanood has become highly politicized and continues to be exploited by organized groups in the region who are actively working to destabilize the Republic of Somaliland and the Horn of Africa.”

The statement also denied allegations that the government has obstructed humanitarian aid to Laascaanood.

“The Somaliland government strongly rejects the baseless allegations that claim Somaliland’s national security forces have obstructed humanitarian assistance to Laascaanood. This completely contradicts the national principles, values, and dignity of the Republic of Somaliland,” the statement read.  

Terrorists and Al-Shabab claims

Somaliland, on the other hand, repeated its claims that Laascaanood is under attack by terrorists and members of Al-Shabab, a claim that has been previously perceived as a pretext for killing civilians. 

The statement called for the international community to join forces in combating terrorism and extremism, saying, “The Somaliland government emphasizes the necessity of the international community and its strategic partners to join in combating terrorism and extremism, which pose significant threats to Somaliland and the region’s security, stability, and democratization.”

Al-Shabab rebuffs involvement

However, the Al-Shabab militant group has previously issued a statement denying these claims as baseless and a guise to justify killing innocent civilians. 

“The Al-Shabab Mujahideen group denies the statement made by the self-proclaimed Somaliland administration that Al-Shabab is fighting in Laascaanood,” The statement read,

The statement added, “Al-Shabab confirms that the statement is baseless and will not accept its name being used as a guise to justify killing innocent civilians, taking their property, and their honor in Laascaanood.”

Roots of the conflict 

The conflict was sparked by a decision made by local leaders who declared that the region would be under the control of the federal government of Somalia and not part of Somaliland.

Local leaders have accused Somaliland forces of launching an attack, while Somaliland authorities have claimed that groups organized by local leaders attacked their forces.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet been recognized as a separate state. Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, Somaliland has faced opposition and resentment. 

The current crisis was triggered by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member, which was blamed on Somaliland, leading to further violence and casualties.

Geelle oo lagu eedeeyay inuu gacan siinayo dhinacyada isku haya Laascaanood midkood

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Mucaariadka Jabuuti ayaa ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland, oo maalintii shanaad magaalada Laascaanood kula dagaalamaya kuwa dadka deegaankaas.

Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) oo ah xisbiga mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa sheegay inuu ogaaday in saraakiisha tagay Jabuuti ay wadeen dhambaal ka socday madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Mucaaridka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu ka codsaday madaxweyne Geelle taageerada Jamhuuriyadda Jabuuti, taasi oo ku saabsan dagaalada maalmihii u dambeeyay dhex-maraya ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda SSC.

“Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023 iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ku xad-gudbay qodobka 2-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, kaasi oo dhigaya in aanay ogolanayn QM in lasoo fara-galiyo xukunka gudaha ee dawlad kasta iLlaa ay jiraan khataro weyn oo nabadda caalamiga ah jebinaya.”

Taageerada Geelle ee xiligaan uu siinayo Somaliland ayaa ah mid milatari oo toos ah loo siiyo ciidamada Somaliland ee dagaalka kaga jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, sida uu sheegay mucaaridka Jabuuti

Bayaanka kasoo baxay mucaaridka Jabuuti ayaa waxaa loogu baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya, ayaga oo dhinacyada isku haya Laascaanood ugu baaqay inay aqbalaan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo QM ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Maxaan ka ognahay DANAB-ta cusub ee loo diyaariyay duminta kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dufcadii 8-aad guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska ah ee DANAB ayaa Arbacadii tobabar ugu soo idlaaday saldhiga Mareykanku kaalmeeyo ee ku yaalla deegaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xilli Soomaaliya ay ku jirto dagaal culus oo iskaga saareyso kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale waxaa xoogeysanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya ciidanka dowladda si ay uga qeyb qaataan dagaalka socda.

Ciidanka loo bilaabayo tababarada iyo kuwa loo soo xirayo ayay sidoo kale dardar-gelisay dowladda Soomaaliya si loo helo ciidan ku filan inay xaqiijiyaan himilada shacabka Soomaaliyeed oo ah in lasoo afjaro Al-Shabaab.

In boqolaal dhalinyaro ah oo si heer sare ah loo tababaray ay Arbacadii kusoo biireen kumaandooska DANAB ayaa la aaminsan yahay inay wax weyn ka tari doonto dagaalka socda.

DANAB oo ay Ameerikaanku tababar ahaan iyo dhaqaale ahaanba kaalmeeyaan waa kuwa ugu tababarka iyo saanad fiican ciidanka xoogga dalka.

Iyada oo la ogyahay in Al-Shabaab ay jab badan kala kulantay DANAB-tii hore in boqolaal kale ay doraad kusoo biireen isla ciidankaasi ayaa walaac weyn ku ah kooxda.

In Al-Shabaab aanay milatari ahaan usii jiri karin ayaa ah dooda ugu sugan ee ay qabaan xeel-dheerayaal badan waqtigan.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa waxay madaxda dowladda federaalka ku boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Cutubyadaan soo dhameystay tababarka ciidan ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday dalka, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.

Why a joint offensive against Al-Shabab could backfire

0

summit last week in the Somali capital of Mogadishu brought together heads of state from Ethiopia, Kenya, and Djibouti alongside their Somali counterpart, Hassan Sheikh Mohamud.

The defence ministers from these countries were also in attendance to bolster the Somali government’s war effort against Al-Shabab.

Following the four-day summit, a communique was issued stating that each country would take part in joint operations with the Somali national army to eradicate the armed group from Somalia.

But the summit and subsequent statement that followed left many lingering questions about just how entrenched neighbouring states would become in Somalia militarily and why they are deepening their involvement at a time when the Somali army is making significant gains on its own.

Colonial curse

Most Somalis view neighbouring states with disdain and mistrust, in particular Ethiopia and Kenya, a suspicion rooted in the recent history of the Horn of Africa.

Following the Berlin Conference in 1884, European powers colonised the African continent, with Somali-inhabited territories in East Africa occupied by Britain, Italy, and the French empire.

European powers, namely Britain, partitioned the Horn of Africa twice in less than a decade. In 1954, the British gave the Ogaden region – a historical area predominantly ethnic Somali and Muslim – to Ethiopia to bolster their colonial allies as European powers were reshaping the African continent to align with their interests.

Eight years later in 1963, Britain seceded the Somali-inhabited Northern Frontier District (NFD) region to Kenya, despite the Somalis of NFD voting in a referendum overwhelmingly in favour of uniting with their brethren in mainland Somalia.

These events put Somalia in a permanent state of hostilities with its neighbours. The following year in 1964, both Ethiopia and Kenya signed a defence pact to contain Somalia and hamper secessionist claims.

Since then, numerous wars have been fought between Somalia and its neighbours. Consecutive Somali governments up until the collapse of the state in 1991 supported opposition groups and separatist rebel movements in Ethiopian and Kenyan-controlled territories, most notably the Ogaden region.

Civil war

Ethiopia and Kenya’s policies and military endeavours in Somalia intensified following the collapse of the Somali state in 1991, with neighbouring countries viewing the ensuing chaos as an opportunity to interfere with Somalia’s internal affairs according to their national interests.

Ethiopia began backing different Somali warlords and factions during the Somali civil war, which added to the bloodshed and violence. Authorities in Addis Ababa also began hosting summits and conferences for Ethiopian-backed Somali faction leaders aimed at redesigning the Somali state to align with the interests of Addis Ababa.

Kenya, meanwhile, was viewed as capitalising on Somalia’s misery as millions poured in from the aid sector following the mass exodus of Somali refugees fleeing across the border.

Weaponising the war on terror

Following 9/11, Somalia became a focal point of America’s War on Terror. This came as a blessing for Somalia’s antagonistic neighbours and reached its climax in the winter of 2006 when thousands of Ethiopian troops invaded Somalia as part of its intervention in the civil war under the cover of American drones.

The Ethiopian occupation radicalised an entire generation of Somalis and empowered the Al-Shabab group which formed in its wake and subsequently played a role in forcing an Ethiopian withdrawal.

In 2011, Ethiopia invaded Somalia again and occupied large swaths of territory under the pretext of combatting the militant group. They have remained in the country ever since, either independently or as part of the African Union Mission in Somalia (AMISOM).

That same year, Kenyan forces also entered Somalia, officially to wage war on Al-Shabab, seizing the strategic port of Kismayo from the militant group a year later.

The announcement last week that neighbouring states, particularly Ethiopia and Kenya, would become more militarily involved in Somalia has reopened these old wounds, with many viewing the war against Al-Shabab as a Trojan Horse being used at the expense of Somalia’s sovereignty.

Lingering uncertainty

Many questions remain unanswered on how Ethiopia and Kenya would assist in combating Al-Shabab in these new upcoming joint military operations announced by Somali officials on 3 February.

Both countries have had troops deployed in Somalia for well over a decade and in the past have carried out joint operations with the Somali National Army (SNA), but largely to no avail.

Indeed, they have been unable to subdue the Al-Qaeda-linked armed group, which still controls large swaths of territory in Somalia and even operates Shariah courts on the outskirts of Mogadishu.

Furthermore, deepening Ethiopian and Kenyan military involvement in Somalia is bound to play into the hands of Al-Shabab. Addis Ababa and Nairobi are viewed as historic foes of the Somali nation by many and their role in the war could easily give the group more legitimacy in the eyes of different communities in the country.

Somalis are a fragmented and divided society with many profound grievances stretching back to the civil war, but what unites them is a common enemy or threat. Ethiopia and Kenya would occupy that role if they were to entrench themselves deeper in the country.

In the past several months alone, the Somali government has been able to push Al-Shabab out of dozens of towns and districts across southern and central Somalia on their own, while being under-equipped and out-gunned.

Bringing hostile neighbouring countries into the mix could be a self-inflicted wound that might come back to haunt the government of President Hassan Sheikh Mohamud.

A concern of the soon-to-be joint military endeavours with Ethiopia and Kenya is a section in the joint statement that emphasises the importance of establishing a joint border security mechanism that intends to eliminate cross-border terrorism activities and ensure the legal passage of trade and movement.

The first question that comes to mind is how Somalia could form any joint border security mechanism when the country has barely functioning institutions, a fragile security apparatus, and is dependent on international support for its survival.

Furthermore, Somalia is the only country on the African continent that doesn’t fully control its borders, airspace, or maritime boundaries. According to analysts, what appears to be playing out is an entrenchment of Ethiopia and Kenya’s influence, with the Somali government’s complicity, using Al-Shabab as a pretext.

Mukhtar Ainashe, a security analyst and former national security advisor to the transitional federal government of Somalia, says that the recent joint statement issued by the government of Somalia in coordination with the governments of Ethiopia, Kenya, and Djibouti is a cause for concern.

Somali federal government institutions are, unfortunately, very weak, he says. Hence, Somalis must be sceptical about any agreements made with foreign governments, particularly with neighbouring states. This is especially important as historical border demarcation issues remain unresolved, Ainashe told The New Arab.

Therefore, the notion that Kenya and Ethiopia will form a mechanism to protect the borders between Somalia and themselves is ambiguous. Both countries could instead use that as a pretext to continue conducting military operations indefinitely and at will, Ainashe added.

President Hassan Sheikh’s government has made unprecedented gains in the fight against Al-Shabab thus far, but he risks entering into a self-sabotaging mission.

Giving Kenya and Ethiopia the green light to become more militarily involved in Somalia is bound to get messy for the Somali government, jeopardising not only the war against Al-Shabab but also empowering the al-Qaeda-linked militants as they face off against historic foes.

It could also turn public opinion against the Somali government, as most Somalis deeply resent the Ethiopian and Kenyan military presence in the country.

In the end, Al-Shabab is a Somali issue that should be addressed with a genuine, local grassroots solution, whether that be an armed approach or negotiations. Giving Kenya and Ethiopia a free hand militarily will only complicate this strategy.

Mohamed Gabobe is a freelance journalist based in Mogadishu, Somalia. Follow him on Twitter: @Mohamed_Gabobe

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Xog: Somaliland oo bedeshay qorshaheeda DAGAALKA magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay la sheegaya in ay bedeshay qorshaheedii weerar ee magaalada Laascaanood.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xuddunta qorshaha cusub ee Somaliland uu yahay waddada Yagoori ilaa Dhooddi oo hadda ay sahaydu u soo marto ciidamada Somaliland. Nin lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo isagu u xil-saaran ilaalinta sahayda ayaa waxaa loo dhiibay fulinta qorshahan cusub.

Sahayda uu Mahad Cambaashe soo gudibnteeda u xil-saaran yahay ayaa waxaa loo soo wadaa Tukaraq oo ah meesha ay Somaliland weerarka kaga soo qaadayo magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in isbeddelka qorshaha dagaal uu sababay sida uu maamulka Muuse Biixi u fasirtay war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland, kaasi oo ay ku cadeysay inaysan qeyb ka aheyn dagaalka ka socda Laascaanood.

Somaliland waxay u aragta hadalka Puntland mid u fududeynaya inay hub, saanad iyo ciidan ku soo urursato si ay u soo weerarto magaalada iyo kuwa kale ay isku hayaan maamulka.

Mahad Cambaashe oo ah ninka Somaliland u xil-saartay qorshaha cusub ayaa waxa uu durtaba dhaleeceyn xoogan kala kulmaya beeshiisa, ayaga oo sheegay in shaqada hadda uu hayo ka halis badan tahay tii uu hayay markuu Laascaanood joogay.

“Mahad Cambaashe halis weyn ayuu beeshiisa galinayaa haddii uu shaqada sahay ilaalinta sii wado waayo dagaalku wuu sii daba-dheeranayaa maadaama hal beel oo Laascaaood degta ay dagaal kula jirto beelo badan oo isku hayb ah,” ayuu yiri nin la hadlay warbaahinta gudaha oo ku sugan Laascaanood.

Masuul hore uga tirsanaa golaha deegaanka degmada Laascaanood oo isaguna arrintaan ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Halista qorshaha Tukaraq haddii aan laga hortagin oo aan lagu baraarugin, waxaa dhici doonta isir sifayn uu Muuse Biixi ku taamayo.”

Saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa xiligaan ujeedkooda u weyn uu yahay in dagaal uusan ka dhicin galbeedka Sool, dhulkaasi oo uu saadku u soo maro ahna meesha ay ciidamada Somaliland ka hagayaan qorshaha dagaalka Laascaanood.

Dagaalka Laascaanood oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dagaalka ayaa billowday saacado un kadib markii odayaasha gobolka oo toddobaadyo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka ahayn Somaliland, islamarkaana hoos-tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale sheegay in degaanada SSC-Khaatumo ay ka mid yihiin dawladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo Soomaaliya. Taas oo ay soo dhaweysay dawladda federaalka oo ayadu hadda qeyb ka ah gurmadka loo fidinayo dadka reer Laascaanood.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha. Hase yeeshee mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar ay soo qaadeen ciidamada Somaliland.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag hab yaab leh ku dhacayay barakacayaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo la sheegay in hab yaab leh ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in raggaan ay ku dhacayeen dadka barakacayaasha ah kaarar been-abuur ah, iyaga oo sheegaya inay ka tirsan yihiin hay’adaha gar-gaarka.

“Waxay dadka u sheegayeen in ay yihiin hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxay ka aruursanayeen lacago dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka qaadayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kadibna u qeybiyay kaarar been ah, una sheegay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo raaashin.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan duleedkeeda ayaa waxaa ku nool barakacayaal aad u badan, waxaana mararka qaarkood laga soo wariya tacadiyo ka dhan ah oo lagula kaco, ayada oo dhinaca kalana laga deyrinayo tiradooda oo maalinba maalinta ka dambeysa kordheysa.

Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay rag burcad ah oo dadka dil u geysan jiray iyo kuwa xeelado kala duwan ku dhacayay bulshada, waxayna howl-galadan qeyb ka yihiin kuwa lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Si kastaba, tuugada dhaca u geystada dadka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, balse booliska ayaa si joogto ah u baacsada, hase ahaate weli mayaraanin oo dadka si joogto ah ayaa loo dhacaa, loona dilaa.

Dadka reer Muqdisho ayaa mudo dheer dhibane u soo ahaa tuugada agabka ka furata, marar qaarna disha iyo argagixisada oo dil iyo qarax isugu darta kuwooda hal-doorka ah, balse hadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha amniga ayaa si joogto wacad ugu mara in amniga Muqdisho ay wax badan ka qabanayaan.

Hada waxaa magaalada ka yaraaday qaraxyadii, meelaha qaar waxaa ka socda baaritaano ay sameynayaan hey’adaha ammaanka, halka xaafadaha qaarna lagu baacsado tuugada iyo cid kasta oo loo arko inay mniga wax u dhimeyso.

Waxaa xusid mudan in meelaha xasaasi ah ee ugu muhiimsan magaalada lagu daadiyey ciidan Dharcad ah, si dhaq-dhaqaaqa bulshada ay ula socdaan, amni darradana ay uga hor tagaan.

Mucaaradka Somaliland oo Muuse Biixi u diray dalab deg deg ah oo la xiriira dagaalka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hore ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay muujiso dulqaad, islamarkaana colaadda si dhaqso ah afka la qabto.

“Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in xalka Laascaanood uu ku jiro wada-xaajood iyo nabadeyn, balse uusan aheyn rasaas iyo dagaalka hadda socda toona.

“Maatida yaan la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

Hadalka mucaaridka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Dagaalka saaka oo Jimce ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, ayada oo Qaramada Midoobay ay dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo dhaliyey khasaare xooggan.

Ciidanka laga keenay Eritrea oo arrin yaab leh u xayiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka  ayaa maalmo ka hor meelmarisay heshiis difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka, kaas oo la filayo in la hor-geeyo baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Buuq ayuu dhaliyey heshiiskan wallow xukuumadda difaacday ayna meesha ka saartey eedeymaha ah in uu wax u dhimayo madax-banaanida dalka, sidda uu beeniyey wasiirka warfaafinta Daauud Aways Jaamac. 

Daa’uud ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan.

“Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: “Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada”.

Heshiiskani ayaa la sheegay “in ay ku jirto maaliyaddii lagu hawlgalin lahaa ciidamada kusoo tabobartay Eritrea iyo kuwa kale oo hadda loo direy dalal ay Masar ka mid tahay”.

Xukuumadda Abu Dhabi oo gacan-saar-dhow la leh maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska ku ballan-qaaday in uu bixinayo mushaaraadka, agabka iyo saanadda ciidamadan.

Ciidamadan ayaa tan iyo intii ay tababarka kasoo noqdeen aanan weli la hawlgalin, mushaarkoodana aanan weli meel la saarin, iyada oo xukuumadda ay aad u dadajinayso in la meelmariyo heshiiskan, si loo helo lacagta Imaaraadka.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in heshiiska uu durbaba uu hortabin u leeyahay labada aqal ee baarlamaanka kadib markii ay sidaasi codsadeen madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka.

Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho.

Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la’aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago.

Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xigasho: Garowe Online

Dagaalka Laascaanood oo galay maalintii shanaad iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii shanaad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday duleedka magaalada oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hakad kooban galay shalay gelinkii dambe uu haddana dib u qarxay saaka, kadib markii ciidamada hubeysan ee deegaanka ay weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday illaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dalbaday in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed ay marka hore xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah.

“Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yiri guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama uu weli socdo dagaalka.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa la geeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, halka kuwa kalana la geeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, oo ay ka heleen gurmaad caafimaad oo ay u sameysay Puntland.

Dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, waxaana beesha caalamka oo ka hadashay xaaladda Laascaanood ay si adag u cambaareysay dhiiga ku daadanaya magaaladaasi, ayada oo ku baaqday in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Qaramada Midoobay oo ayaduna ka hadashay xiisada dagaal ee taagan ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyo cidda ka dambeysa shacabkii lagu laayey magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” 

Xog: Cabdirisaaq Khaliif iyo Muuse Biixi oo ku kala tegay DAGAALKA Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaysa in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif, oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu salka ku hayo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo Cabdirisaaq Khaliif uu sida la sheegayo maamulka Muuse Biixi ka dalbaday in ciidamada laga saaro Gobolka Sool si loo helo jawi lagu billaabi karo wada-hadal.

Si kastaba wararku tilmaamayaan in dalabkaas uu ku gacan-sayray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, islamarkaana ku adkaystay in ciidamada Somaliland sii joogayaan gobolka Sool.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa beel ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee xiisaddu ay ka taagan tahay, waana mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee beesha Dhulbahante.

Xiriir dhanka Taleefonka ah oo saacadihii la soo dhaafay dhawr jeer dhexmaray Muuse Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ayaa la sheegayaa in uu isfaham la’aan ku dhammaaday.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi  oo buuraha u dhow maalintii shanaad uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada SSC ee deegaanka.

Dagaalka ayaa dhaliyey khasaare nafeed oo xooggan, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in dhimashada ay dhaaftay 40 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 150.

Ergeyga QM ee xuquuqda aadanaha Volker Türk ayaa Arbacadii ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in baaritaan madax-banaan, wax ku ool ah islamarkaana dhex-dhexaad ah lagu sameeyo dadka lagu dilay dagaalka magaalada Laascaanood.

“Dilalkan sharci-darrada ah ayaa imanaya hal bil kadib markii 20,000 oo qof ay barakiciyeen isku dhacyada Laasacaanood, kuwaas oo oo keeni kara barakac dheeraad ah, siina cusleyn kara xaaladda bani aadannimo ee gobolka,” ayuu yiri Türk.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii afaraad, islamarkaana dhaliyey khasaare xooggan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka shacabka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo. Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo qaboojiyo colaadda Laascaanood.” 

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay dalbaneyso “Badbaadinta dadka shacabka, gargaarka bani’aadannimo oo aan la carqaladayn iyo xiisadda oo si nabad ah iyo wada-xaajood lagu xaliyo.” 

Xog: DF oo heshay kana jawaabtay amar Al-Shabaab ay dul-dhigeen culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay tilmaameyso xog ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kooxda Al-Shabaab ayaa amar dul dhigtay qaar ka mid ah culimada ku nool magaalada Muqdisho.

Amarkaas ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ugu socodsiiyeen Imaamyada, Khadiibyada iyo Mu’adimiinta Masaajidda magaalada Muqdisho.

Inkastoo xogtan aysan cadeyneyn waxa laga rabo culumadaan, hadana waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay u yeereen tobanaan culumo ah oo Imaam, Khadiibyo iyo Mu’adimiin ka ah inta badan Masaajidda magaalada Muqdisho.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka oo heshay xogtaan sheegeysa in Al-Shabaab ay u yeereen culumada masaajidda Muqdisho ayaa soo saartay amarro digniin ah oo ku socda culumada.

Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku cadeysay in Imaamyada, mu’adimiinta iyo khadhiibyada masaajidda ay uga digayso inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay, sida go’aankii shirweynaha culumada Soomaaliyeed, ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadhiibyada, mu’adimiinta iyo imaamyada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo ama ay cadaadis ku heyso kooxdu oo qorsheynaya inuu u tago.

Seddax qodob ee amarka wasaaradda ayaa u dhignaa sidaan:

1 – In habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

Horay Al-Shabaab waxay ugu yeeri jireen ganacsatada iyo qof kasta oo looga dacwoodo, balse hadda ma cadda sababta ay ugu yeerayaan culumada maamusha masaajidda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar is khilaafsan ayaan ka heleynaa goobaha lagu balamiyey culimadaan, in kastoo ay sirtu baxday oo dowladdu ay il-gaar ah ku heysto cidii u hoggaansanta amarrada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa kooxda Al-Shabaab ku qaaday dagaal seddax jiho ah oo diinta, dhaqaalaha iyo furimaha ah, waxayna qaaday tallaabooyin waaweyn.

Dhanka diinta dowladdu waxay ku guuleysatay inay Muqdisho isugu keento culumada Soomaaliyeed oo dhan, kadibna fatwo laga saaro oo la baneysto dhiig iyo maalka Al-Shabaab iyo Daacish.

Dhanka dhaqaalaha dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto akoonnadii oo lacagahooda ay ka xayirto hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, sidoo kale ay daba-gasho cid kasta oo canshuur siisa.

Dagaalka toos ka ah: dowladda ayaa guulo muuqda ka soo hoysay furimaha dagaalka, iyadoo bilo kooban gudahood kooxda looga sifeeyey dhul baaxad leh.

R/wasaare Xamza oo sheegay laba faa’iido oo ay haystaan ciidamada dagaalka ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ay marwalba qabaan laba faa’iido.

Xamza ayaa sheegay haddii ay ciidamada dalka dhaafiyaan Al-Shabaab ay tahay guulo taariikhi ah oo waqti badan lagu noolaan doonaan, haddii ay dhintaan iyaga oo difaacaya dalka, diinta iyo dadka ay yihiin shuhado.

“Mar haddii ay Khawaarij yihiin (Shabaab) waxaa idinka (Ciidamada) idin sugeysa laba mid uun, waa guul ama waa shahaado. Idinka waxaa sugeysaan in aad guuleysataan oo dalka xoreysaan oo Khawaarijta ka adkaatan ama in aad shahiidaan sida ay u shahiideen walaaladiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Waa laba arrimood oo kala dhigan, ama waa ina aad Jano tagto ama in aad guuleysato oo ka adkaato adiga oo ajarkii xambaarsan, sow labadu ma fiican. Laakiin iyagu maxay sugayaan in Ilaahay cadaab idinku dhufto oo ku Aakhiro iyo ku Adduun, ama gacanteena Alle idinku cadaab oo anagu idin dilno.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Arbacadii saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska DANAB, isaga oo ku bogaadiyay sida ay diyaarka ugu yihiin xoreynta dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo ku aaddan difaaca dalka iyo cirib-tirka Khawaariijta, ayaa sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii ay ku jireen tababarka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda oo iyadu ka talin jirtay qeybo kamid ah dalka.

Golaha Wasiirada DF oo afar bilood ku ansixiyay 14 sharci oo qaarkood dood dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumadiisa Dan-Qaran ayaa afar bilood gudaheed ku ansixiyay 14 hindise-sharciyeed, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Shuruucda ay golaha wasiirada xukuumada ay ansixiyeen mudada afarta bilood ah ayaa waxay kala yihiin; 1. Hindise-sharciyeedka korontada qaranka, 2. Hindise-sharciyeedka hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka, 3. Hindise-sharciyeedka aqonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, 4. Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, 5. Hindise-sharciyeedka nidaamka maaliyadda khayraadka dhulka hoostiisa iyo 6. Hindise-sharciyeedka dhiiri-galinta maalgashiga Soomaaliya.

7. Hindise-sharciyeedka hey’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed, 8. Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed, 9. Hindise-sharciyeedka xuquuqda maalgashatada iyo maalgashiga, 10. Hindise-sharciyeedka la-dagaalanka argagixisada, 11. Hindise-sharciyeedka socdaalka, 12. Hindise-sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed, 13. Hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka isbeddelka cimillada iyo 14. Hindise sharciyeedka dhowrista xogta.

Shuruucda ay afarta bilood ku meel-mariyeen golaha wasiirada ayaa waxaa kamid ah hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaasi oo dhaliyay buuq badan.

Sharcigan oo la geeyay golaha shacabka ayaa waxaa lagu meel-mariyay hab sharci darro ah, ayada oo aan loo dhameystirin hab raaci golaha ee shuruucda, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka golaha shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay bishii hore.

Hindise-sharciyeedka cuna-qabateynta maaliyadeed ee cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

Waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

Si kastaba, xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanod iyo hadalkii Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. 

Somaliland ayaa marar badan ku celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay BBC-English, ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.” 

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood. 

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in sheegashada Somaliland ay tahay mid maamulka Hargeysa “uu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood.”

Dagaalka oo billowday Isniintii islamarkaana u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kasoo horjeeda joogitaankooda magaalada, ayaa maanta galay maalintii afaraad.

Saddexdii maalmood ee ugu horreeyey ayaa waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 40 qof, ayada oo in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen. Xogta khasaaraha dagaalkii maanta ayaan weli la helin. 

Deni oo guddoomiyay shir amni iyo qodobo xasaasi ah oo kasoo baxay + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddomiyey shirka amniga gobolka Bari.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen guddiga amniga gobolka Bari iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay adkeynta nabad-gelyada, horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo nashqadeynta magaalada.

Shirkan ayaa waxay masuuliyiintu ku go’aamiyeen in dhulka banaanka ee maamulkaasi laga jaro dhul dan guud ah oo dhan 30%, ayada oo la tixraacayo xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee dowlad-goboleedka Puntland.

Qoddobada kasoo baxay kulankan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; in dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee dowladda iyo adkaynta nabad-gelyada guud ee gobolka bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Hoos ka aqriso dhamaan qodobada kasoo baxay shirkan oo dhameystiran;

  1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
  2. Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.
  3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.
  4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.
  5. In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.
  6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023.
  7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.
  8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.
  9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono.