27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

US extends Temporary Protected Status for Somalia

Washington (Caasimada Online) – United States Secretary of Homeland Security Alejandro N. Mayorkas has announced an 18-month extension of Temporary Protected Status (TPS) for Somalia, from March 18, 2023, through September 17, 2024.  

Somalia has also been redesignated for TPS, allowing Somali nationals residing in the US as of January 11, 2023, to apply for TPS if they meet eligibility requirements.

The TPS extension and redesignation for Somalia are the results of ongoing armed conflict and temporary conditions that prevent Somali nationals from safely returning to their home country.  

Somalia has been affected by longstanding conflict, natural disasters, disease outbreaks, terrorism, violent crime, civil unrest, and fighting among clan militias, which has exacerbated the already severe humanitarian crisis.

“Through the extension and redesignation of Somalia for Temporary Protected Status, the United States will be able to offer safety and protection to Somalis who may not be able to return to their country due to ongoing conflict and the continuing humanitarian crisis,” said Secretary of Homeland Security Alejandro N. Mayorkas.  

“We will continue to offer our support to Somali nationals through this temporary form of humanitarian relief.”

Secretary Mayorkas made the decision to extend and redesignate Somalia for TPS after consulting with interagency partners and carefully considering the ongoing conditions in Somalia. He determined that permitting eligible individuals to remain in the United States under a TPS designation for Somalia was not contrary to the interests of the United States.

The extension of TPS for Somalia allows approximately 430 current beneficiaries to retain TPS through September 17, 2024, if they continue to meet TPS eligibility requirements. These beneficiaries include individuals who were already in the US when TPS was first designated for Somalia in 1991 and those who have entered the US since then.  

The redesignation of Somalia for TPS allows an estimated 2,200 additional Somali nationals (or individuals having no nationality who last habitually resided in Somalia) who have been continuously residing in the United States since January 11, 2023, to file initial applications to obtain TPS if they are otherwise eligible.

The TPS program provides temporary humanitarian relief to foreign nationals in the US who are unable to return to their home countries due to ongoing armed conflict, environmental disasters, or other extraordinary and temporary conditions. TPS beneficiaries are eligible to obtain work authorization and may also be able to apply for a travel document.

A soon-to-be-published Federal Register notice will explain the eligibility criteria, timelines, and procedures necessary for current beneficiaries to re-register and renew Employment Authorization Documents (EADs) and for new applicants to submit an initial application under the redesignation and apply for an EAD. The notice will also provide additional information about the documentation required to demonstrate eligibility for TPS.

Somaliland oo digniin u dirtay DF Soomaaliya iyo Puntland sheegtayna in xabad-joojintii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo goordhoweyd soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadlayso xaaladda ka taagan Laascaanood, ayaa waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in aysan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, xilli ay Isimida Laascaanood ku sugan ku xirtay dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri “Somaliland waxay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.”

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxay digniin culus u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dowlad-goboleedka Puntland oo ay sheegtay in ciidamo tiro badan keentay xuduudda labada maamul wadaagaan ee aagga Tukaraq.

Waxay sheegtay in tallaabada Puntland ay keeni karto isku dhac ciidan oo u dhaxeeya Somaliland iyo kuwa Puntland, sida lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

“Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL. ”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in Somaliland ay la socod-siinayso bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ah.

“Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Somaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’an tahay dhaqangalinta xabad-joojintaasi.”

Maxaa qabsaday Shabaabkii saaka weeraray Sabiid kadib markii ay ka laabteen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii ay Al-Shabaab saakay waaberigii hore ku qaadeen degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in kadib weerarkaas la fuliyey howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamka, islamarkaana lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

“In ka badan 18 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xilliga la beegsaday kooxdaan waxay la socdeen gaari nooca xamuulka qaada ah, sida lagu cadeeyay qoraalkaan, waxaana la beegsaday markii ay ka laabteen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Sabiid.

“Khawaarijtaan oo lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo Geedo hoostooda, ayaa waxay qayb ka ahaayeen maleeshiyaadkii saakay aroortii ku jabay weerar ay doonayeen inay ku qaadaan xero ciidanka Qaranka ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid,” ayaa qoraalka dowladda lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa Gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ugu yaraan seddax goobood ku weerartay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ka fashilmay weerarrada qaar.

Degmada Afmadow oo weerarkeeda ay ku fashilmeen, degaanka Sabiid oo hoos taga degmada Afgooye iyo degaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe ayay maanta kaliya weerareen Al-Shabaab.

In kastoo Jimcihii shalay jab lixaad leh Al-Shabaab loogu geystay dagaal ka dhacay gobolka Mudug oo looga dilay in ka badan 100 xubnood, hadana waxaa gaabis noqday duulaankii ciidanka dowladda.

Quburrada ammaanka ayaa qaba in kooxda hadii aan la weerarin ay iyagu geysanayaan weerarro culus, taas oo halis ku ah ciidanka qaranka, maadaama kooxdu ay fuliso weerarro indha la’aan ah oo ‘is-miidaamin’ lagu macneeyay.

DF Soomaaliya oo maanta magaalada Laascaanood u dirtay 3 diyaarad oo siday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal maalintii lixaad galay.

Diyaaradaha ay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaraya illaa saddex diyaaradood, waxayna ka dagi doonaan magalaada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaankaas.

Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan oo warbaahinta dowladda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

“Waxaa ka shaqeynaynayn sidii loo caawin lahaa dadkii kusoo waxyeeloobay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, hore waxaa u dirnay laba diyaaradood oo daawo ah oo aan ka dejinay Garoowe. Diyaarad waxaa kusoo qaadnay dhaawacii dadkii meeshaas dhibta ku gaaray waxaa lagu dabiibaya isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saddexda diyaaradood ee maanta loo diray Laascaanood ay laba kamid ah wadaan gar-gaar raashin ah, halka diyaaradda saddexaad ay wado daawo iyo agabka caafimaadka.

“Waxaa leeyahay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay naga dhageysanayaan waa idin garab taaganahay oo idinla shaqeynayna. Gurmadka waa sii socon doona, illaa hadda inta shaqada bilowday diyaaraddii shanaad ayaa mareyna aan u dirno gargaarka dadka dhibaatada kaga dhacday magaalada Laascaanood.”

Waa markii labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Laascaanood u dirto diyaarado sida gar-gaar, ayada oo Arbacadii sidan oo kale diyaarado sida agab caafimaad iyo dhakhaatiir ka dejisay magaalada Garoowe, halkaas oo ay uga sii gudbeen magaalada dagaalka ka socdo ee Laascaanood.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu xaliyo, isagoo balan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Dagaalka ayaa maanta galay maalinkii 6-aad, ayada oo xukuumadda Somaliland ay xalay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida ku sugan Laascaanood oo dhaqan-gelintiisa ku xiray in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada iyo in maamulkooda uu raali-gelin ka bixiyo inuu ku tilmaamo argagixiso.

Mucaaradka iyo xukuumada SOMALILAND oo go’aan ka gaaray xaalada Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ayaa maanta gaaray heshiis cusub, xilli maalmihii dambe ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Kulan maanta ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay dhinacyadu iskula qaateen in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya.

“Shir Qaran oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Qaranka si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay go’aamada kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaarayo arrintaan.

“Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiina xabad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabad joojinta.”

Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhaqsaha badana kaalmo loo gaarsiiyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Sharciga NISA oo Aqalka Sare la horgeeyay – Maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la hor-geeyay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo uu horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa dhawaan meel-mariyay Golaha Shacabka, ayada oo marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Kulanka maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa sharcigan lagu marsiiyay akhrinta koowaad, ayada oo kadib guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim uu faray guddiga golaha ee shaqada sharcigan u xilsaaran ay la wareegaan sharcigaas kana soo shaqeeyaan.

Wasiiru-dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo golaha khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyad ay leedahay in 53 sano kadib ay NISA yeelato sharci rasmi ah.

“Faa’iidada uu sharcigan leeyahay waa in lala xisaabtami karo hay’adda, qoddobada ugu muhiimsan ee sharcigan tilmaamayo waxa kamid ah in hay’adda aysan qofka hayn karin 48 saac kabadan, in hay’addu ay xiri karin qofna waaran maxkamadeed la’aan iyo in hay’addu aysan yeelan karin xabsiyo qarsoodi ah oo dadka ku xirto,” ayuu yiri.

“Qoddobadan waa kuwii ku suntana tacadiyadii lagu geystay magaca hay’add, sidaas darteed ayaa sharciga loogu cadeeyay in laga saaray si aad uga xisaabtantaan idinka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale waxa uu mudaneyaasha golaha ka codsaday in ay sharcigan siiyaan kalsoonidooda, si uu unoqdo mid dhaqan-gala oo ay hay’addu ku shaqeyso.

“Waxaa maanta haysana fursad qaali ah oo aynu mustaqbalka dalkeena ugu horseedi karno nabad, barwaaqo iyo horumar. Haddaba si aan yoolka u gaarno waxa loo baahan yahay in aan seeska iyo salka u dhigno sharciyadii ay ku dhismi lahayd dowladnimada cusub ee Soomaaliya.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa taariikhda ku gali doontaan la idinkuna xasuusan doonaa in aad noqon doontan kuwii u horeeyay ee hay’addan sharci u sameeya.”

Ceasefire in Laascaanood shattered, intense battle ongoing

0

Laascaanood (Caasimada Online) – The fragile ceasefire in Laascaanood, in northern Somalia, was shattered on Saturday, mere hours after its declaration by the Somaliland authorities following five days of heavy fighting.

Reports indicate that an intense battle is currently underway between the forces of Somaliland and the local forces, with both sides utilizing various weapons, resulting in casualties and injuries.

The Somaliland government has accused the SSC-Khatumo forces of launching an attack on its military base on the outskirts of Laascaanood, which prompted a defensive response from the Somaliland military. 

The Ministry of Internal Affairs of Somaliland released a statement that “terrorist elements attacked the military base” and that the military successfully defended itself and regained control of the situation.

However, traditional elders in the region dispute this account, asserting that the Somaliland forces initiated the conflict by invading the area and that peace can only be restored if the Somaliland troops withdraw.

Abdirisakh Mohamed Hassan, the spokesperson for the 33-member committee coordinating the Laacaanod meeting, accused the Somaliland government of exploiting the ceasefire as a guise for launching new assaults.

The conflict in Laascaanood was sparked by the assassination of a local youth leader and opposition Waddani Party member in late December, which was attributed to Somaliland, leading to a rise in violence and casualties. 

The battle between Somaliland forces and militiamen has resulted in at least 58 fatalities and the injury of over 150 individuals, with reports of homes and health centers being shelled during the conflict.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has yet to receive widespread international recognition for its status. It has faced opposition from some clan elders in disputed areas along its border with Somalia’s semi-autonomous Puntland state.

In response to the escalating crisis in Laascaanood, The Bureau of African Affairs of the US Department of State released an official statement declaring that the “indiscriminate targeting of civilians is intolerable and must be brought to a halt.” 

The US government has called for an immediate cessation of violence in Laascaanood, protection of civilians, unrestricted access for humanitarian aid, and a peaceful resolution through dialogue.

Isimida Laascaanood oo laba shardi ku xiray dhaqan-gelinta xabad joojinta Somaliland

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirka Isimada ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

“Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.”

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonti, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Illo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalka saaka dib u qarxay ayaa waxay sheegtay in la weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

Jabuuti oo qaar kamid ah askarteeda kala baxday SOOMAALIYA + Sababta

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qaar kamid ah ciidamadeeda kala baxday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Hiiraan, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Ciidamadaan ayaa laga saaray xero ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolkaasu, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sababta loo saaray ciidamadaan ay tahay in ay dhameysteen waqtigoodii, isla-markaana lagu soo beddalayo kuwa kale oo cusub.

Col. Xasan Jaamac Faarax oo ah Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS ayaa ciidamada la beddalay boggaadiyay, wuxuuna sheegay in shaqo wanaagsan oo horumarineed ay ka qabteen aagga gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka shaqeeyeen xasiloonida halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsan la lahaayeen saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo maamulka ka jira halkaasi, taasina ay ku amaanan yihiin.

Col. Xasan Jaamac Faarax ayaa sidoo kale farriin u diray askarta kale lagu soo bedalaya, isla-markaana ka imaanaya Jabuuti, isaga oo ka codsaday inay ku deydaan ciidamada haatan ka baxay gudaha Soomaaliya, ayna la yimaadaan fir-fircooni iyo shaqo wanaag.

“Waxaan ku boorineynaa guutada imaaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaaraan xitaa wax ka badan wixii horay loo qabtay,” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS.

Jabuuti ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dowladda federaalka kula shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxayna ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka.

Si kastaba, ciidamada ATMIS ayaa qorshuhu yahay in dhammaadka bisha December ee sanadka soo socda ee sanadka 2024-ka inay isaga baxaan dalka, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya oo haatan ku jira diyaar-garow xoogan.

Haweeney ‘nin xanuunsan ku afduubatay’ magaalada Muqdisho oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir.

Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan.

Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir si gaar ah Ciidanka Booliska Degmada Wadajir ayaa ka qabtay Faadumo Maxamed Cabdullaahi oo iyada iyo Koox ay hugaamineyso afduubteen Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsanaa,” ayuu yiri Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi ku daray in haweeneyda haatan lagu soo xiray saldhigga degmada Wadajir, isla-markaana laga qaadi doobo tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Haweeneydaan ayaa horkaceysay koox afduubtay Mahad Xasan cameey oo ah Muwaadin xanuusan oo ay ka afduubteen waaxda 5-aad ee Degmada wadajir iyaga oo ku hayay guri ku yaala Degmada Howlwadaag. Saldhigga Degmada Wadajir ayaa hataan laga soo xiray Haweeneydaan, waxaana la hor geenayaa sharciga,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda caasimada, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo halis ku ah amnig shacabka.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada.

Si kastaba, caasimada ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal afduub ah oo badanaa lagula kaco carruuta yar-yar, kuwaas oo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay.

Xabad-joojintii Somaliland oo burburtay iyo dagaal dib uga qarxay LAASCAANOOD

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayadoo ay burburtay xabad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland oo ka hadshay dagaalkan waxa ay shaaca ka qaaday in soo weeraray xeryaha ciidamadooda, kadibna ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliland oo qoraalkan baahisay ayaa intaasi ku dartay in la jabiyay ragga weerarka soo qaaday, isla-markaana goobaha lagu dagaalamay ay haatan ku sugan yihiin ciidamadooda.

“Waxaa saaka fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood weerar ku soo qaaday kooxihii argagixisada ahaa ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood, ciidamada Qaranka JSL wey iska difaaceen waxa aanay ku sugan yihiin xeryohoodii oo difaac kaga jiraan,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaaday in arrintan ay ku soo beegan tahay, kadib xabad-joojin shuruud la’aan ah oo ay sheegtay inay xalay ku dhawaaqday xukuumaddu.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin aan shuruud lahayn, halka isla saakaba ay kooxihii argagixisada ahaa ay weerar soo qaadeen si aanay u dhaqan gelin Xabad Joojintu,” ayaa markale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Xaaladda guud ee Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana magaalada isaga barakacay qoysaskii daganaa, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaas.

 

Madaxweyne Deni oo loogu awood sheegtay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu maalmo badan la dhibaatoonaya inuu magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dhaqan-geliyo isdiiwaan-galinta dadweynaha iyo barnaamijkiisa oo ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo la kulmay diidmo dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid ciidan.

Dhowr maalmood kahor ciidan ku abtirsada magaalad Garoowe oo diidan sida uu Saciid Deni wax u rabo ayaa weeraray goob loogu tala-galay in lagu diiwaan-geliyo dadweynaha.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay inay ciidanka la hadlaan oo xabada joojiyaan. Ciidanka diidan qorshaha Saciid Deni ayaa waxaa hogaaminaya nin la yiraahdo Jimcaale oo reer Garoowe ah.

Ninkan iyo Saciid Deni ayaa isku saf ahaa dagaalkii kal hore ka dhacay Boosaaso ee ay la galeen Ilmo Diyaano, laakiin hadda jihada uu Saciid la rabo xukunka iyo sida Jimcaale ugu weyn tahay tarihii soo jireenka ahaa oo hadda beeshiisa maraya ayaa kala dilay labada nin.

Ciidan xoog leh ayuu Jimcaale haysta, waana taliyaha guutada labaad ee kumaandooska Puntland.

Siyaasiyiinta reer Garoowe ayaa miisaankoodu sidoo kale weli diidan yahay sida uu Saciid Deni wax u rabo.

Garoowe iyo Gaalkacyo waa labada meel ee lagu tijaabinayo qorshaha Saciid Cabdullaahi Deni oo ay dadku badi sheegayaan inuu yahay mid uu rabo inuu u dhexmaro muddo kororsi laba sano ah.

Arbacadii waxaa jiray qorshe uu Deni rabay in isdiiwaan-galintu kaga bilaabato magaalada Garoowe, laakiin waa suurtoobi weysay.

Odayaal uu hogaaminayo Islaan Ciise ayaa la sheegay inay wadaan wada-hadal. Indheer-garadka siyaasadeed ee beesha degta magaalada Garoowe waxay ku doodayaan in xisaabta sidii hore ku socoto ee ahayd saddexda tiir, waxay u arkaan in la joogo kalkoodii.

Deni magaalada Boosaaso ayuu kasoo qabtay isdiiwaan-gelinta, laakiin waxa jira kala duwanaansho labada magaalo ah. Mid waa hal dhari waana Garoowe oo ay u badan tahay inay beesha xoogeedu isku aragti noqoto.

Midna waa dhawr digsi oo waa Boosaaso oo haddii qolo kaa diido aad heli kartid qolo kale oo kusoo baxda.

Inkasta oo ay jiraan siyaasiyiin reer Garoowe ah oo safka dhanka Deni kaga jira haddana weli kuma aanay guuleysan in dadka magaalada iyo miisaanka gobolka Nugaal ka iibiyaan mowduuca Saciid Deni, kaas oo wararka qaar ay sheegayaan inuu isna ciidan xoogan ku ilaalinayo sanaadiiqda.

Illaa bisha May ee sanadkan Deni waxa uu rabaa in degmooyin badan ka sameeyo diiwaan-gelinta kadibna uu codsado muddo kororsi laba sano ah, isaga oo marmarsiyo ka dhiganaya dhameystirka qorshihiisa ugu magac daray dimuqraadiyeynta Puntland ayay leeyihiin mucaaridka Puntland, oo iyagu si weyn u diidan arrintan.

Saciid Cabdullaahi Deni dabeylaha ayaa weli ruxaya, xaalkiisuna ma deganeyn tan iyo markii uu kusoo jabay doorashadii guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka hadlay xiisada ka taagan Garoowe, wuxuuna ku baaqay in xiisada halkaas ka taagan wada-hadal lagu xaliyo.

Dhageyso: Sidee ayaa saaka loo fashiliyay weerarkii is-miidaaminta ee Afmadow?

0

Afmadow (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cali Bogmadow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas oo loo adeegsaday laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Bogmadow ayaa ka sheekeeyay qaabka loo fashiliyay weerarkan, wuxuuna tilmaamay in baabuurta lagu qarxiyay difaaca koowaad ee xarada la weeraray, kadib markii ay ku dhaceen godad uu sheegay in loogu tala-galay in looga hortago qaraxyada Al-Shabaab.

“Waa la arkay labada baabuur xabadaa lagu ridday marka naf la caarigii difaacii hore oo godad dhaadheer laga sameeyay oo loogu tala-galay Khawaarijta wasaqda marka ay ku tala-galaan in qarax ciidamada ay ku waxyeeleeyaan inuu ku dhaco baabuurka dabadeedna uu isagu isla qarxo arrintaas waa ku guuleysanay,” ayuu yiri Taliye Cali Bogmadow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in baabuurta la qarxiyay ay la socdeen tobaneeyo Al-Shabaab ah, balse goobta lagu wada dilay, sida uu hadalka u dhigay.

“Labadii baabuur iyo wixii la socday way qarxeen hilbahoodii ayaa meesha daadsan, 10 ayaan dilnay qiyaastii, xittaa waxaa la socday kuwo is qarxin rabay” ayuu sii raaciyay.

Dhankooda waxa uu xaqiijiyay inay dhaawacyo fudud soo gaareen illaa saddex askari oo kamid ah ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla duleedka Afmadow.

“Annaga waxaa jira saddex nin oo dhaawac fudud ah waa la dhayay ciidankoodii ayey horay ugu feeleen” ayuu markale yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay si wadi doonaan gulufka dagaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan ka socdo gudaha degmada Afmadow.

Ma joojineyno howlgalkii aanu wadnay ee bartan aan ka hoggaamineynay halkiisii ayuu ka soconayaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Al-Shabaab dhankeeda waxay shaacisay inay beegsatay saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Si kastaba, maalmihii u dmabeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Dhageyso: Al-Shabaab oo dagaalkii Mudug looga dilay 117 iyo Biixi oo xog bixiyey

0

Wisil (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo u dhaxeeya deegaanada Shabeelow iyo Camaara oo hoos taga degmada Wisil.

Jeneraal Biixi oo u waramay Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 117 xubnood maanta Al-Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid gacanta la iskula tegay oo aan waxaba la isku reeban.

Ugu yaraan sideed saacadood ayuu Taliyuhu sheegay inuu socday dagaalkaas, isla markaana afar dhufeys ay ka kiciyeen dagaalyahanadii Al-Shabaab oo mudo halkaas ku diyaar garoobaayey.

Weerarka waxaa qaaday ciidanka Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya daraawiishta Galmudug, waxaana Al-Shabaab loo geystay duqeymo xoog leh oo waxaa dagaalka ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka.

“Halka aan maanta cadowga ku weerarnay waxay ku lahaayeen saldhigyo waaweyn, dagaalkii ugu cuslaa oo waayahaan aan la galno Khawaarijta ayaa dhacay, afar goobood ayaan ka kicinay, welina waa noo hareereysan yihiin oo waxaa naga go’an in halkaan aan ku soo afjarno,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale Taliye Biixi wuxuu sheegay in seddax jiho ay ka weerareen kooxda Al-shabaab, isla markaana ay ku go’doomiyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Xarardheere, Hobyo iyo Wisil ilaa Caad iyo Camaaro, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay soo afjarayaan Al-Shabaab ka dagaalamaya aaggaas.

“Waxaan u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed in meydadka 117 ka mid ah Khawaarijta aan dul istaagnay, dagaalka oo ahaa mid culus aragagixisada uma suurta gelinay meyd iska daaye inay dhaawac qaataan,” ayuu yiri.

Deleted: Jeneraal Biixi oo sii hadlaayey ayaa sheegay in kooxda ay ku go’doomiyeen koonfurta gobolka Mudug oo halkaas ay ugu dhimanayaan gaajo iyo sahay la’aan, isagoo cadeeyey in Jimcihii shalay ay ku bilaabeen dagaal aan laga jooji doonin ilaa inta laga soo afjarayo maalmaha soo socda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Wareysi: Tirada Soomaalida ku geeriyootay dhul-gariirka Turkey iyo tirada la la’yahay

0

Ankara (Caasimada Online) – Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga soo saaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay burburka dhismayaasha hoostooda, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.

Waxaa adag xaaladda dalkaas, waxaana dhimashada la sheegayaa inay kor u dhaaftay 18 kun oo qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 74 kun.

Khasaarahaan markii lagu daro dadka ku dhintay dhul gariirkii ka dhacay dalka Suuriya tirada dhimashadu waxay kor u dhaafeysaa 21 kun oo qof.

Ugu yaraan lix qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhul gariirka ku dhuftay dalka Turkiga, kuwaas oo afar kamid ah xalay meydadkooda la aasay.

Sidoo kale afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay nolol iyo geeri, dadka maqan ayaa ku hoos jira burburka dhismayaasha, waxaana meelaha qaar ka dhacay dhul gariir hor leh.

Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 10 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga uu xalay ka dhacay Dhul-gariir kale, taas oo tirada khasaaraha sii badi karta.

Dr. Cabdicasiis ayaa wareysigaan ku sheegay in dhacdadaan ay aad u saameysay Soomaalida ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan ardayda Jaamacadaha ka dhigata dalka Turkiga.

“Xiligaan waxaan u dhaqaaqeynaa in aan soo aasno afar ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed inaan soo aasno meydkooda, afartaan qof waa reer Jabuuti oo Soomaali ayaan isku nahay, sidoo kale meydadka laba qof oo kale oo ayaguna Soomaali ah ayaa naloo soo wadaa, lixdaas ayaan geeridooda xaqiijinay hadda,” ayuu yiri Dr. Cabdicasiis.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Eritrea oo dib ugu biireysa ururka IGAD 16 sano kadib

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugan magaalada Nairobi ayaa markii u horeysay xaqiijiyay in dalkiisa uu markale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD.

Eritrea ayaa muddo ku siman 16 sanno ka maqnaa urur goboleedka IGAD, wuxuuna Afwerki uu hadda dadaal xoogan ugu jira hanashada xubinimadeedii ururka.

Madaxweynaha Eritrea iyo dhigiisa Kenya ayaa sidoo kale gaaray heshiis ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea, kadib kulamo ay maalmihii dambe ku lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

“Waxaan markale kusoo laabanayna IGAD inaga oo wadana fikrad ah in dib loo xoojiyo ururka isdhex-galka gobolka, si iskaashi kasta oo laba geesood ah oo macno leh oo dhexmara Eritrea iyo Kenya mid ka turjumaya isdhex-galka gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Afwerki.

“Ma gaari karno yoolal laba geesood ah inaga oo aan haysan gobol si ballaaran isku dhex-galay, kaasi oo aan tobaneeyo sano ku riyoonay in aan abuurno, tani ma ah hal-abuur cusub ma ahan dib u abuuris, tani waa waajib.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu dhigiisa Eritrea kala shaqeyn doono sidii ay Eritre markale ugu soo biiri laheyd urur goboleedka IGAD.

“Si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo isdhex-galka gobolka, waxaa ka wada-hadlnay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya labadeena dal, taasi darteed mudane madaxweyne (Afwerki) waxa si aad ah kaga mahad-celinaya sida ay kaga go’an tahay in aad dib u eegis ku sameyso ka qeyb-galka dalkaaga ee urur goboleedkeena IGAD.”

“Waxaa rajeynayaa in aan si dhow ula shaqeeyo adiga iyo dowladaha kale ee xubnaha ka ah IGAD, sidii aan dib ugu habeyn laheyn ugana dhigi laheyn urur si hufan uga jawaabaya ujeedkiisa.”

Eritrea ayaa waxaa waayadii ugu dambeeyay saarna cuna-qabateyno kala duwan, socdaalka uu Afwerki ku tegay Nairobi iyo xiriirka kala duwan ee uu la saxiixday madaxweynaha Kenya ayaa la fahamsan yahay in uu ka caawin karo xiligaan xal u helida mashaakilka dalkiisa ka haysta adduunka intiisa kale.

Weerar ku billowdy qaraxyo oo lagu qaaday XERO ku taalla degmada Afmadow

0

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii hore xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay shaacisay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday is-miidaaminta.

Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada halkaasi.

Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay iga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka muhiimka ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi.

Maalmihii u dmabeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay  weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Somaliland oo xabad joojin uga dhawaaqday Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood, kaasi oo socday shan maalin ooo xiriir ah.

Go’aankan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in go’aankan ay Somaliland u qaadatay si ay u muujiso inay diyaar u tahay in doorkeeda ka qaadato dejinta xiisadda, si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad bilaa shuruud ah ku dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan aad uga xun yihiin mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

“Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.”

Waxa intaas kusii daray “Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaladayada waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan Isimida ku sugan Laascaanood, oo ayagu hore u sheegay in wax wada-hadal ah la gali doonin Somaliland illaa ay ciidamadeedu ka baxaan dhulkooda.

Go’aankan ay caawa ku dhawaaqday Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii mucaaridka Somaliland uu ka dalbaday madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Go’aanka Somaliland ayaa sidoo kale imanaya, xili uu si weyn isku soo tarayeen baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo labada dhinac, kaasi oo ku qotomay in dagaalka la joojiyo, kadibna la wada-hadlo.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan, ayada oo afarta maalin ee hore ee dagaalka uu socday ay ku dhinteen in ka badan 40 qof, halka in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, waxaana la rumeysan yahay in uu khasaaruhu intaas kasii badan yahay, maadama aan weli tirakoob rasmi ah la sameyn.

Dilal bareer ah oo Muqdisho ka dhacay iyo booliska oo soo bandhigay hal askari

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Cabdicasiis ayaa galabta soo qabtay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo la sheegay inuu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka u soo damaashaad tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

“Wiilka yar iyo askariga ayaa murmay, kadibna askariga ayaa xabad ku dhuftay, ciidanka saldhigga degmada Cabdicasiis oo goobta gaaray ayaa xabsiga dhigay askarigii, waxaana la hor geenayaa Maxkamadaha dalka, si luugu fuliyo xukunkiisa, sidoo kale ciidanka booliska saldhigga Cabdicasiis ayaa marxuumka dhintay ku wareejiyay Ehelkiisi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Nin ku xamaali jiray gaari Dameer oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta askari ka tirsan ciidanka dowladda wuxuu ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askariga dilka ka geystay degmada Hodan waxaa la sheegay inuu xiraa tuutaha militeriga, waxaana dilkaas sababay muran dhanka wadada ah oo dhex-maray askariga iyo marxuumka.

Aabaha dhalay wiilkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuu sheegay inuu deganyahay Afgooye, balse uu Muqdisho deg deg u yimid maanta markii loo sheegay in la dilay wiilkiisii Mustaf.

“Salaadii Jimcaha markaan ka soo baxay ayaa la ii soo sheegay in la dilay wiilkeygii, Afgooye ayaan joogay oo halkaas ayaan ka soo cararay, hadda wax aan sameeyo ma garanaayo wiilkeygii waxaa dishay gacan ka xaqdaran, wuxuu ahaa nin iska xamaasha oo laba carruur ah ay u joogto, marka dowladda ayaan cadaalad ka sugeynaa,” ayuu yiri Aabe Cabdiraxmaan.

Inta la ogyahay maanta kaliya laba askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ugu yaraan laba qof oo shacab ah u geystay dilal bareer ah, hal askarioo wiil yar ku dilay aagga Liido ayaa la qabtay, halka askarigii kale uu goobta ka baxsaday.

Dilalkaan ay ciidanku geysanayaan waxay ku soo aadayaan iyadoo maalmo ka hor ay saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliska booliska ay ku goodiyeen in askarigii dil geysta uusan baxsa doonin oo deg deg loo qisaasi doono, balse dilalkii ma joogsan.

Hoos ka eeg sawirka askariga loo soo qabtay dilkii ka dhacay Liido

Dagaal culus oo dhacay Mudug iyo degaan muhiim oo laga qabsaday Al-Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Waxaa faahfaahino laga helayaa dagaal culus oo galabta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ciidanka dowladda iyo daraawiishta Galmudug ay ku weerareen kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Doonyaale oo hoos taga degmada Wisil, halkaas oo dhufeysyo waaweyn ay ka qoteen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa halkaas ku duqeeyey Al-Shabaab, sidoo kale ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisimihii deegaankaas ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Inkastoo isgaarsiinta aaggaas ay aad u liidato, hadana wararka aan ka heleyno dagaalkii galabta waxay sheegayaan in lagu jebiyey kooxda Al-shabaab.

Deegaanadii lagu dagaalamay waxaa caawa ku sugan ciidanka dowladda, waxaana kooxda loo geystay duqeyn xoog leh, sidoo kale weerar toos ah oo dhufeysyada loogu galay Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Doonyaale ee koonfurta gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalkaan, waxaana xusid mudan in dagaalkii galabta askar badan looga dilay ciidanka daraawiishta Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ka dhacay gobalka Mudug waxay sheegatay inay ku dishay 10 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, 18 kalena ay ku dhaawaceen.

Qoraalka Kooxda Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu hoos tago degmada Wisil, isla markaana dagaalkaas la isku farasaaray lix jeer, ciidanka ay dileen waxay sheegen inay ku jireen laba sarkaal, sida ay sheegteen.

Saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa in saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkii maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo ah mid culus oo diyaarado dagaal ay ka qeyb qaateen, isla markaana dhul badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.