25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Gudiga doorashada S/land oo shaaciyey jadwalka 5 kursi – Yaa ku fadhiyey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa soo saaray jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhowaan ka dhaceyso gudaha magaalada Muqdisho.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in isla maanta la xareynayo ergada dooraneysa shantaan kursi, isla-markaana lasiinayo tababar ku saabsan doorashada.

Doorashada ayaa dhaceyso 10-ka bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa kala ah:- HOP#240, HOP#241, HOP#263, HOP#271 & HOP#205.

Yaa ku fadhiyey kuraastaan?

HOP#240: Suri Diiriye Carab.
HOP#241: Cabdirisaaq Daahir Maxamuud.
HOP#263: Muuse Saciid Jaamac.
HOP#271: Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye.
HOP#205: Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ku socoto si dardar-leh, waxaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo, si loo guda-galo doorashada madaxweynaha.

 

Somaliland oo diyaarisay qorshe oo lagu yareynayo dilalka saraakiisha ciidanka

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay diyaarisay qorshe la doonayo in lagu yareeyo dilalka inta badan ay isku geystaan ciidamada dowladda, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay.

Gaashanle sare Ismaaciil Aw Cali Faarax (Casayr), oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ee gobollada Bariga ayaa sheegay in qorshahaas uu dhigayo in Askariga dila Askari kale in markaaba la raaciyo oo la qisaaso.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay saxeexyo ka sugayaan Madaxweynaha iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka si tallaabadaa loo qaado, islamarkaana looga hor-tago dilalka Saraakiisha iyo Ciidammada kale ee Somaliland.

“Ninka dablaha ah iyo ninka ugu sareeya nin walba waa xeer beegti Ciidanka Qaranka, markaad eegto ama xukunto ama aad dhex gasho, laakiin baryahan dambe waxaa dhacay dhacdooyin badan oo Ciidanka ka dhex dhacay, waxaad ogaataan anagu sharciga ayaanu qaabilsan nahay, waxaa dhacday wakhti wakhtiyada kamid ah ayaa nin kornayl ahi wuxuu dilay nin kornayl ahaa, shantii galabnimo ayaa la isla aasay, Geelle ayaa markaas Maxkamadda haystay, imika waxaanu wadnaa in sarkaalka sarkaalka dila, ama askariga askariga dila in aan la aasin ilaa lala aaso,” ayuu yiri.

“Arrintaas waxay imanaysa markay Xukuumadda waraaquhu gaadhaan, Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, ama dhammaan ciidamada oo dhan markay gaadho waxaa iman doonta inay saacado qaadan doonto xukunkoodu, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘kal baqa ayey leedahay ee kal xishooda ma leh’, haddii uu dilku batana fashil baa imanaya.”

Sidoo kale waxa uu ku baaqay inay ciidamada iska taxadiraan, islamarkaana tababarkooda lagu daro habkii loogu wacyi-gelin lahaa dhacdooyinka soo noq-noqday oo bilihii u dambeeyay ku badnaa deegaanada Somaliland.

“Ciidamadu markay lix bilood ama shan bilood joogan in tababar la galiyo ayey u baahan yihiin, ninka Sarkaalka ah ama Askariga ah wixii xun baa laga tuuraa, wixii wanaagsan baa la faraa, marka lagu cel-celiyo waxaa iman doonta inuu qofku fahmo.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya toddobaad un kadib markii Askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu toogtay Taliyihii Ciidammada Milletariga ee Saldhigga Goroyo-cawl ee gobolka Awdal.

Daawo: Beesha Ayaanle Cayr oo go’aan ka soo saartay kursiga Mahad Salaad

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, beesha Ayaanle Cayr ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uga digay in kursiga HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo musharax gaar ah loo xiro, iyagoo ku goodiyey inay tallaabo qaadi doonaan hadii la isku dayo in la iska hor keeno beesha.

Odayaasha dhaqanka beeshaas oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in ku dhawaad 10 musharax ay doonayaan in kursigaas ay u tartamaan, iyagoo ka digay gacan ka hadal ka dhasha damaca ah in HOP147 qof gaar ah loo xiro.

“Qoor Qoor waxaan u soo jeedineynaa in sida kuraastii hore uusan u xirin HOP147, dad is jecel oo wada dhashay ayuu kursigaas ka dhaxeeyaa, ha isaga kaana dirin dadka,” ayuu yiri mid ka mid odayaasha dhaqanka beesha Ayaanle Cayr.

Sidoo kale odayaashii hadlay waxay sheegeen in hadii musharaxiinta beesha look ala eexdo ay lamid tahay beesha Ayaanle Cayr oo loo kala eexday, taasna aysan ka ogolaa doonin hoggaamiyaha Galmudug.

“Laqdabo, nin jecleysi iyo wax ana tuhun nagu kala abuuri kara kursigeena uma rabno, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha in kursigaas uu ka nabad galo, ninkii nasiib u yeesha ayaa qaada doona,” ayuu yiri oday kale.

HOP147 oo Mahad Salaad uu ku fadhiyo hadda waxaa raadinaya ku dhawaad 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo, sidoo kale waxuu ka mid ahaa 8-kursi oo shalay doorashadooda la iclaamiyey.

13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug, waxaana macquul ah in Mahad taageeradiisii uu ku muteysto in kursigiisa loo xiro oo aan lagula tartamin.

Hoos ka daawo odayaasha baaqa soo saaray

CALI COSOBLE oo fasiraad cajiib ah ka bixiyey safarka Guudlaawe ee Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay safarka uu maanta madaxweyne Cali Guudlaawe ku tagay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in looga fadhiyo xalka xiisada taagan.

Cali Cosoble ayaa sidoo kale tegista Guudlaawe ee Beledweyne ku tilmaamay mid ka dhigan is-xaadiris, maadama uusan tagin tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

“Guudlaawe waxa uu hal sano ahaa habsan, maarkaa habsankii baa laga tiraya oo xaadir ayaa la leeyahay, waxaa ku talinaya in xaalada la qaboojiyo oo madaxweyne Guudlaawe lala fariisto, lagana wad-hadlo wixii dhib ah ee jira,” ayuu yiri.

“Doorasho ayaa lagu jiraa waa in doorashadii la qabtay oo wixii kalena loo balamo in la xaliyo, marwalbana waxaa lahaa doorashada waa in Beledweyne ka dhacdo oo waqtigeedii waa gabaabsi waa lama huraan in la dadajiyo.”

Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne oo ah deegaan doroashada labaad ee maamulka HirShabelle uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka.

“Cali Guudlaawe ayay waajib ku aheyd in doorashada uu dhaqaajiyo oo dadajiyo, waxaa ugu baaqaya dadka gadoodsan ninka idin imid waa walaalkiin wax walba oo qabtaan laqa, waa madaxweynihii HirShabelle ee ha lala fariisto si odaytinimo ah, mar hadii uu gurigaaga joogo soo dhoweyn wax aan aheyn oo ku quman majirto.

Hadalka Cali Cosoble ayaa imanaya kadib markii uu madaxweyne Cali Guudlaawe oo awood ciidan uga degay magaalada Beledweyne oo muddo loo diidana in uu ka dago, xilli aan weli xal laga gaarin tabashada taagneyd, hase yeeshe uu ballan-qaaday in uu xalkeeda gali doono.

Guudlaawe ayaa markii ka degay Beledweyne sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, sida uu sheegay

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

Xog: Shirkii Midowga Afrika iyo xiisada xubinimada Israel

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Afrika ee ku bahoobay ururka Midowga Afrika oo Soomaaliya ay xubin ka tahay ayaa hakiyey dood ku saabsaneyd in maamulka Yahuuda ee Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga.

Hoggaanka ururka Midowga Afrika ayaa ka fogaaday in cod loo qaado mar kale xubinimada Israa’iil, iyadoo laga baqay in qadiyadda Israa’iil ay khilaaf ka dhex abuurto madaxda Afrika.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, ayaa sanadkii hore aqbalay in Israel ay ku soo biirto ururka Midowga Afrika, waxayna noqotay xubinta 55-aad ee ururka.

Tallaabadaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Falastiiniyiinta iyo dhowr dal oo kale, kuwaas oo ay ku jiraan Algeria iyo Koonfur Afrika.

Dhanka kale hoggaamiyaasha Afrika oo shir madaxeedkii 35-aad uu ugu soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ayaa cambaareeyey afgambiyadii dhowaan ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.

Xiritaankii shir madaxeedkan ayaa u qeyb-sanaha guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo Afrikaan ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimid hab ka baxsan dastuurka iyo shuruucda dalalka qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedkaas ururka Midowga Afrika ayaa golaha ka hor jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda Amnigeeda Qaran.

Ciidanka Qaranka ayuu sheegay in si buuxda ay ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii Bishii Koowaad ee sanadkan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, kaas oo dhiirri-gelinaya dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u dhiska Ciidamo tayo iyo tiroba leh oo AMISOM kala wareega ammaanka dalka.

“Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada,” ayuu yirikhudbadiisii ku yiri Farmaajo.

Fanaanadda Xaliimo Gobaad oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqday maanta

0

Stockholm (Caasimada Online) – Fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay iskaga baxday guud ahaanba arrimaha fanka, oo ay muddo kusoo jirtay.

Xaliimo Gobaad ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay ku sheegtay inay iska joojisay fanka, una jiheysatay dhanka kheyrka, islamarkaana ay muhiim u tahay raali ahaanshaha Ilaahay, sida ay sheegtay.

“Bismilah: Aniga oo ah Xaliima Gobaad markaan arkay adduunkaan in uu yahay maalmo, markaan xasuustay xadiiskii Nebiga Caleyhi-salaatu-wa-salam ee ahaa ‘Haddii aad galabeysataan ha sugina in uu waaga idiin baryaayo haddii subaxeysataana ha sugina in aad galab gaareysaan, waxaan go’aansaday in aan iska joojiyo fanka,” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Waxay intaas kusii dartay “Taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Allah oo raali iga noqda ayaa muhiim ii ah. Wabillaah Towfiiq.”

Xaliimo Gobaad oo kamid ahayd fanaaniinta aad loo xiiseeyo fankeeda, islamarkaana qaaday heeso badan oo Soomaali ah, ayaa ka bixitaankeeda fanka uu qeyb ka noqonaya fanaaniin dhowr ah oo muddooyinkii dambe ilaaheey dartiis uga baxayay fanka.

Qoraalka Xaliimo Gobaad ee ay ku shaacinayso inay gebi ahaanba ka baxday fankii ayaa kusoo beegmaya xili uu meherkeedu ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayna is-guursadeen Axmed Cabdullaahi Samow.

FARMAAJO oo ku adkeystay mowqifkii DF Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa ku adkeystay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah inay AMISOM kala wareegto mas’uuliyadda amnigeeda qaran.

Farmaajo ayaa intaas ku daray “in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta” heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta kasoo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran,” ayuu yiri Farmaajo.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii December 2021 mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay xilligaas daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshe uu ku taliyey hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Laba toddobaad kahor, Guddi farsamo oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa heshiis la galay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU PSC).

Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni, balse lagama bixin faah-faahin badan.

Guudlaawe oo ballan-qaad culus ka sameeyay B/Weyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta markii ugu horeysay ka degay magaalada Beledweyne, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ayaa ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

“Aan is hor fariisano waa daawoobeyna, waxaa rabaa in aan hortiina ka cadeeyo in cid kasta oo wax tabanaysa hadey tahay mid deegaan iyo mid qabiil ay tahay waa ka garnaqi doona, aan warano oo dadkaan dowladnimo iyo wada dhalasho ayaa ka dhaxeysa.”

Waxa uu intaas kusii daray in doorashada ka dhaceysa Beledweyne oo kamid ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah, islamarkaana laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada.

“Masuuliyadda waa meerto qofba mar ayuu qaban, waxaana muhiim ah in qofka markaasi haya uu dadka isku haayo islamarkaana fursad la siiyo.”

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay inay midooban reer HirShabelle, oo waxa dhexdooda ah lagu xaliyo is-faham iyo wada-hadal, ayada oo dhinac loo wada jeesanayo, lagana shaqeeyo horumarka maamulka.

Ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wada-tashiya ah ka bilaabi doono Beledweyne, kuwaas oo xal loogu raadinayo tabashada reer Hiiraan, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen imaanshihiisa.

Madaafiic lagu weeraray GAROONKA diyaaradaha magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in goordhow ciidamada la magac baxay Kacdoonka Hiiraan ay madaafiic xoogan ku garaaceen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaas, xilli uu magaalada gaaraya madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Madaafiicda oo qaarkood ku hoobatay garoonka iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa xigtay hoobiyeyaal kale oo ay ku jawaabeen ciidamada Jabuuti ee ku sugan garoonkaasi.

Sidoo kale waxaa is rasaaseyn kooban ay ka dhacay magaalada, taas oo u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda safarka Cali Guudlaawe.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka madaafiicda ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya magaalada, iyaga oo xiray inta badan waddooyinka, halka duleedka ay ku sugan yihiin ciidamada gadoodsan.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaalada, sida ganacsiga, isku socdka dadka iyo gaadiidka oo hakad-galay.

Si kastaba, booqashada Cali Guudlaawe ee Beledweyne ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Muqdisho uu ku sugan yahay Xuud oo si weyn uga soo horjeeda HirShabelle, isaga oo sheegay in hadda la sameynayo dadaalada lagu dib mareeynayo.

Sawirro: Sidee madaxweyne Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee maamulkaasi maanta ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Guudlaawe iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kasoo kicitimay Jowhar, waxayna toos uga degeen garoonka Ugaas Khaliif ee Beledweyne, halkaas lagu soo dhoweeyey.

Safarkan waxaa madaxweynaha HirShabelle ku wehlinayo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa, isla-markaana qayb ka ah dadaallada xalka loogu raadinayo Beledweyn.

Sidoo kale waxaa Cali Guddlaawe iyo wafdiga uu horkacayo loo sii galbiyey dhanka madaxtooyada uu maamulka ku leeyahay Beledweyne oo ay ku soo dhoweeyeen ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka Beledweyne ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada, si looga hortego rabshado ka dhaca magaaladaas oo qaybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo la magac baxay Kacdoonka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kulamo wadatashiya ah ka bilaabi doono Beledweyn, kuwaas oo looga hadlayo inta badan tabashada reer Hiiraan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay la xiriirtay Shabakadda Caasimada Online.

Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shhacabka Soomaaliya, taas oo qayb ka ah safarka Cali Guudlaawe uu maanta ku tegay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Jeneraal Xuud oo ku sugan Muqdisho & sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ay ka soo horjeesteen abuulka ka socda halkaasi, iyaga oo si weyn uga biyo diidaya safarka madaxweyne Cali Guudlaawe.

Muxuu yahay heshiiska ay SOOMAALIYA ku saxiixday Addis Ababa? + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday dhiggiisa dalka Rwanda Vincent Biruta.

Is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Rwanda ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya heshiiskaan ayaa dhinac socday shirweynaha Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

“Saxiixa Heshiiskan is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Rwanda ayaa ka mid ah dowladaha ugu muhiimsan Afrika ee looga dayan karo dib u dhiska dal burburay ama dirir sokeeye ay ka socoto, maadaama dalkaas uu hadda si buuxda uga soo kabtay qaran-jab xoog leh oo ku dhacay, kadib markii ay is laayeen qoymiyadaha Rwandeyska ah ee ku wada nool dalkaas.

Muxuu Jeneraal Xuud ka yiri safarka Cali Guudlaawe ee magaalada BELEDWEYNE?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Beledweyne, gaar ahaan safarka magaaladaas ee madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Xuud, oo hadlayey kahor safarka, ayaa si weyen uga soo horjeestay booqashada Cali Guudlaawe, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in loo daba-maro Beladweyne, isaga oo haatan wada-hadal u joogo magaalada Muqdisho.

“Xamar waxa aan u imid in wada-hadal aan ku gaarno wanaag balse uma imaan in gadaasheena dhib laga sameeyo, wax kasta oo aad diyaarisaan diyaar ayaan u nahay, Reer Hiiraan haddii aan nahay waxa aan la kulanay dhib badan oo aan u marnay xaq naga maqan mana dhici karto in ciidan nala dul geeyay nalagu maquuniyo,  ayuu yiri Xuud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli aysan wax wada-hadal la gelin HirShabelle, islamarkaana ay ku taagan yihiin go’aankii ay ku diideen safarka Cali guudlaawe.

“Shalay waxaan diidnay Cali Guudlaawe inuu yimaado Baladweyne, maantana waan diidannahay. Wax wada hadal ah iyo wax na dhexmaray midna majirto. Sidee isaga oo xaqayagii haysta uu noogu imaan karaa?” ayuu sii raaciyey Abuukar Xaaji Warsame.

Ugu dambeyn wuxuu dalbaday in si deg deg ah, ciidamada lasoo galiyey gudaha magaalada Beledweyne looga saaro, dibna loogu celiyo xerada Lama-galaay.

“Ciidamada aad magaalada kusoo daadiseen dib ugu celiya Xerada Lama-galaay, joojiya waxa aad wadaan. Haddii aad wadahadal diidaan idinkoo mas’uuliyiin ah sida aad ku qaadataan ayaa naqaanaa, Reer Hiiraan laguma qasbi karo wax aysan rabin” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayda oo haatan xaaladda Beledweyne ay aad u kacsan tahay, waxaana dhaq-dhaqaaqyadan cusub ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaaladaaasi.

Shan jirkii 5-ta maalmood ku jiray god dhirirkiisu yahay 32 mitir oo geeriyooday

0

Rabat (Caasimada Online)- Rejo niyadjab ah ayuu kusoo gabagaboobay howlgalka waqti badan qaatay ee lagu soo badbaadin rabay Rayan Khaled Oram oo ah 5 jir u dhashay Dalka Morocco kuna dhacay Ceel dhirirkiisu gaaraya 32 Mitir.

Boqortooyada Morocco ayaa ku dhawaaqday in uu dhintay Saqiirka ku saxariiray Godka uu ku dhacay oo uu ku go’doonsanaa tan iyo talaadadii todobaadkii hore 1da Febaraayo 2022, Boqor Maxamedka Lixaad ee Morocco oo la hadlay Waalidka Rayan ayaa u tacsiyeeyay.

Dunida oo dhan waxa ay la socotay howlgalkaan baaxadda weyn, Kooxda gurmadka sameysay ayaa welwel ka qabay sida uu Rayan ku heli karo Neefta Macmalka ah inta u dhaxeysa Godka laga soosaarayo ilaa Gaariga loo diyaariyay in lagu geeyo Isbitaalka.

Rayaan waxaa iska dhalay Khaled Oram & Wasima Kharsheesh, qoyskaan ayaa degen Magaalada Tamorot ee dhacda Waqooyiga Morocco, markii ugu horreysay ee rejo laga muujiyay noloshiisa waxa ay ahayd kaddib markii Kaamirooyin lagu riday Ceelka ay soo qabteen muuqaalka Wiilkaan oo nuux-nuuxsanaya.

Waalidkiisa kama aanay tegin godka oo waxa ay rejo ka qabeen in uu dib ula midoobo maadaama indhahooda ay ku arkayeen dad badan oo isugu soo baxay sidii Ceelka looga soosaari lahaa Rayan Khaled Oram ilaa laga xaqiijiyey in uu geeriyooday.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Wiilka ayaa waxa uu ku dhacay ceel hoos u qodon 32m oo waxa uu kaga dhacay duleel yar oo biyaha laga soo saari jiray.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.

Muuqaal Khamiistii lagu soo duubay kaamaro hoos loogu dhaadhiciyay ceelka ayaa muujisay wiilka oo nool dareenkiisuna uu joogo, hasayeeshee wixii markaas ka dambeeyay ma jirin xog kale oo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

Caruur walaalo ah oo dhacdo xanuun leh ugu geeriyooday magaalada BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo ka kacay gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay Xaafadda Sheekh Cismaan ee Galbeedka Magaalada Boorama, waxaana ku geeriyooday saddex caruur oo walaalo ahaa.

Caruurta geeriyootay ayaa kal ahaa Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo saddex sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bil jir ah iyo Muxumed Sheekh Muuse halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.

Wararka ayaa sheegaya in caruurta aysan helin gurmadkii loo baahnaa, markii uu dabka ka kacayey gurigooda oo Jiingad ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Gaadiidka dab damiska ayaa la sheegay in goor dambe ay gaareen goobta, isla-markaana ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka, walow uu geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Aabaha dhalay caruurta oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa dhankiisa sheegay in xilliga uu dabka kacayey uu ka maqnaa guriga, isla-markaana ay jiifeen caruurta.

“Guriga waan ka maqnaa markuu dabku kacayey, markaa afartii caruurta ahaa saddexna way shafeeceen, midina waa sahaala,” ayuu yiri Aabe Sheekh Muuse Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Aniga oo Salaadda Casar ku jira, ayaa la ii sheegay, walahi waa alxamdulilah, addunyadan Ilahay ayaa maamula, caruur tuna amaano uun bay inagu yihiin”.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana magaalooyin ka tirsan maamulkaasi siyaabo kala duwan uga kacay dab geysta khasaare.

Maxay yihiin labada arrin ee Farmaajo uu ka sheegay shirka Midowga AFRIKA?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo|) oo ku sugan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa khudbad ka jeediyey fadhiga uu yeeshay Golaha Nabadda & Ammaanka ee Midowga Afrika.

Farmaajo ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray laba arrimood oo kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha ciidamada Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in guullo waa weyn laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab, sidoo kalena ay dowladdu u diyaar garowday amniga dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

“Argagixisada Al-Shabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanaya  argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale  ee xagjiriinta ah.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo  jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.

Guddigii uu magacaabay Rooble oo gaaray Jowhar xilli amarkiisa shaqeyn waayey

Jowhar (Caasimada Online) – Guddigii Wasiirada ah ee Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu 27-kii bishii January u magacaabay xal u heliidda xiisadda Magaalada Beledweyne ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha General Mukhtaar Xuseen Afrax, halka gudoomiye ku-xigeen looga dhigay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xilligaasi guddiga faray inay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka HirShabelle iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan bulshada reer Beledweyne.

Guddigaan wasiirrada ah ayaa lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan sidii madaxweynaha uu u tagi lahaa Baladweyne iyo sidii loogu qaban lahaa kuraasta doorashaduudu ay taallo magaalada loona asteeyey in lagu doorto kuraasta ka tirsan golaha shacabka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qayb ay ka ahaayeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Wafdigan ayaa Madaxtooyada Magaalada Jowhar kulan kula qaaay Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyadoona yoolku yahay in laga fogaado gacan ka hadal ka dhacda Beledweyne, si nabdoona loogu qabto kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi.

Xiisadda magaalada ayaa waxaa ay ka dhalatay kadib markii reer Baladweyne ay ka horyimaadeen safar magaalada uu ku tagi lahaa madaxweynaha HirShabeele Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo la baajiyey ka dib markii xaaladda magaalada ah cakiran tay.

Wax garagda iyo Bulshada magaalada Baladweyne ayaa dhowr jeer oo hore sidaan u hor istagay safarka madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaana jirtay in waxgaradku dhowr jeer sheegeen in ay saluugsan yihiin dhismaha maamulka HirShabeelle.

Rooble ayaa guddigan magacaabay kadib markii magaalada ay gaareen ciidamo uu diray madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo Rooble iyo golihiisa wasiirada ay amreen inay deg deg uga soo baxaan, balse ma jirto cid dhageysatay, taasi oo caddey u ah in awoodda dalka ay weli gacan ugu jirto Farmaajo, Rooble-na ku kooban yahay oo kaliya hadal.

Guudlaawe oo kusii jeeda Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaalada

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga Cali Guudlaawe ayaa laga dareemayaa Beledweyne, ayada oo la xiray waddooyinka waa weyn ee gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale ciidamo fara badan ayaa lasoo dhoobay xaafadaha qaar, kuwaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan sugida ammaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa qayb ka ah safarka Cali Guudlaawe wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida wasiirkla arrimaha gudaha iyo midka amniga.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa laga magac baxay Kacdoonka Hiiraan ayaa ku sugan qaybo ka mid ah magaalada, ayaga oo wata gaadiidka dagaalka, waxayna dhankooda wadaan dhaq-dhaqaaqyo looga soo horjeedo socdaalka Cali Guudlaawe ku tegayo halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyadan cusub ay saameyn ku yeesheen guud ahaan magaalada, sida ganacsiga, isku socdka dadka iyo gaadiidka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa marar badan dib u dhac ku yimid safarkiisa Beledweyn, kadib markii ay saameyn ku yeelatay xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Si kastaba, booqashada la filayo in Cali Guudlaawe ku tego Beledweyne ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Muqdisho uu ku sugan yahay Xuud oo si weyn uga soo horjeeda HirShabelle, isaga oo sheegay in hadda la sameynayo dadaalada lagu dib mareeynayo.

Xilliga ay dhaceyso doorashada kursiga ay isku hayaan Mahad Salaad iyo Cali Yare oo la shaaciyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa iclaamiyey doorashada 8 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb, kuwaas oo qaarkood loolan adag uu ka jiro, markii loo fiiriyo dhinacyada ku tartamaya.

Kuraasta la shaaciyey waxaa ka mid ah HOP147 oo ah kursiga uu ku fadhiyo Mahad Salaad, kaas oo hadda ay raadinayaan illaa 10 musharax, waxuuna kamid yahay kuraasta sida weyn isha loogu wada hayo.

13-ka ilaa 14-ka bishan Febraayo ayaa doorashada kuraastaas loo qorsheeyey inay ka dhacdo Dhuusamareeb, waxayna xogaha aan heleyno sheegayaan inay aad u yartahay rajada guusha kursigaas ay ka qabaan musharaxiin uu ku jiro Cali Yare Cali oo aad ugu dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa la sheegay in hadda uu aad uga fekerayo sidii uu u maareyn lahaa tartanka kursigaas, iyadoo xogaha qaar ay tilmaamayaan inay macquul tahay in Mahad Salaad loo xiro kurisigiisa.

Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Laftagareen ayaa la sheegay in maalmo ka hor Axmed Qoor Qoor ay kala hadleen cida ay tahay in la siiyo kursigaas, balse Qoor Qoor uu diiday in kuriga HOP147 tartankiisa laga reebo Mahad Salaad.

Musharaxiinta kale ee kursigaas oo badankood ku daaban Madaxweyne Farmaajo, ayaa hadda ka baqaya in tartanka laga reebo oo Axmed Qoor Qoor uu kursigaas u xiro Mahad Salaad.

Kooxda kursigan ku heysata Mahad Salaad waxay wadaan abaabul, warqad ay ku mideysan yihiin oo ay soo saareen waxay ku sheegeen inuu gacan ka hadal dhici doono, haddii la isku dayo in kursiga loo xiro ama loo xoogo musharaax gaar ah oo ay ula jeedaan Mahad Salaad.

Kursigan waa midka ugu loolanka adag ee yaalla Galmudug, Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel, markaas oo Mahad uu si buuxda u garab istaagay qorshihii Madaxweynaha Galmudug.

Hadii kursigaan uu mar kale ku guuleysto Mahad Salaad, Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, halkaas cod waa ku weyn doonaa, saaxiibkiis Cali Yare Cali-na waa ku kursi la’yahay.

Arrinta cajiibka ah waxay tahay in garabka Farmaajo oo bilo ka hor la saadaalinayey in si sahlan ay u qaada doonaan kuriga Mahad Salaad ee HOP147, hadda waxay ku baryootamayaan inay tartamaan oo qof gaar ah aan loo xirin kurigaas.

Hoos ka eeg liiska 8-da kursi

Daawo: Qorshe ay wadaan Lafta-gareen, Farmaajo iyo Jeneral Mahad oo laga digay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa lagu eedeeyey in xalay uu magaalada Baydhaba afduub ugu geystay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo ah musharax xildhibaan ayaa xalay ciidamo ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay ka kaxeysteen Hotel lagu magacaabo Horyaal oo bartamaha Baydhaba ku yaalla.

Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in xalay markii la isku deyey in wasiir Cabdirashiid la xiro ay kacdoon sameeyeen dadka ku nool magaalada Baydhaba, taas oo soo dedejisay in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyo Cabdirashiid.

Musharax xildhibaan Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaanshigga Soomaaliya, waxaa la sheegay inay dhalasho ahaan aad isugu dhawyihiin Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya u xiran.

Dr. Bilaal ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Laftagareen iyo Taliyaha Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ay Koonfur Galbeed ka wadaan caburin xoog leh, balse shacabku ay hadda isku diyaarinayaan kacdoon dadweyne.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshihii xalay lagu xiray wasiirka oo ay ka soo wada shaqeeyeen 3-daas nin uu fashilmay, kadib markii isla xalay uu kacdoon ka bilaawday magaalada Baydhaba.

Wasiir hore Cabdirashiid ayaa hadda ka mid ah musharaxiinta kursiga Hop187 oo uu ku fadhiyo Shariif Sheekhunaa Maye, waxaana doorashada ka socota Koonfur Galbeed laga reebay inta badan ragii ka soo jeeday deegaankaas ee siyaasadda horay ugu jiray.

Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa sidoo kale sheegay in beegsiga ay wadaan siyaasiyiintaan aysan ka marneyn arrin qabiil, taas oo mar kasta dhalin karta in shacabku kacaan, hadii uu sii socdo hab-dhaqankaan.

Hoos ka daawo Dr. Bilaal

Xog: Qoor Qoor ma wuxuu rabaa inuu HOP#147 u xiro xildhibaan Mahad Salaad?

0

Guriceel (Caasimada Online) – Loolanla Kursiga HOP#147 ee laga leeyahay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa kor u kacay saacadihii lasoo dhaafay kadib markii ay soo baxeen hadalo xooggan oo runta u dhaweeyey in Qoor Qoor uu ka fakarayo in Mahad Salaad uu si walbaba kusoo laabto Kursigaas.

Kursigaan oo ay raadinayaan illaa iyo 10 musharax waxa uu kamid yahay kuwa sida gaarka ah isha loogu wada hayo, waxaana maanta liis lasoo saaray.

Xog ka timid dhanka Villa Somalia ayaa la sheegay inay hurdada ka tootisay musharixiintii kursigaan. Laba cisho kahor, hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxa uu kulan la qaatay Farmaajo, Fahad Yaasiini iyo Laftagareen.

Kulanka afarta nin waxaa la sheegay inuu inta badan daarnaa arrimo la xiriira Kuraasta Golaha Shacabka oo ay gacanta ku hayaan Laftagareen iyo Qoor Qoor.

Intii uu socday wada-hadalkaan, Qoor Qoor ayaa kooxda u sheegay inuu ka fakarayo inuu kursiga HOP#147 siiyo Mahad Salaad waa sida aan xogta ku helnay, taas oo dood badan ka abuurtay kulanka.

Farmaajo iyo Fahad waxaa la sheegay inaysan ku qacin arrintaas oo hadalku uu ka taag taagmay dhinacyada. Doodaan ma dhammaan waxaan dib loo dhigay inta uu Farmaajo kasoo laabanayo Addid Ababa sida ay wararka sheegayaan.

Farmaajo haddii uu kursigan Mahad Salaad kusoo baxo codna waa ku dhaafay halkaas saaxiibkiis Cali Yarana waa ku kursi la’yahay.

Markii ay arrintaan soo baxday waxaa la xaqiijiyey in musharixiinta kursigaan ay ballan ka qabsadeen Qoor Qoor oo ay la kumeen, kulankaas Qoor Qoor si toos ah uma dhihin Kursigaas waxaa siiyey Mahad Salaad, laakiin waxaa la sheegay inuu musharixiinta dhowr jeer ugu maahmaahay qaab muujineysa halka uu kursiga u socdo.

Musharixiinta qaar iyo hoggaamiyaha Galmudug ayaa la sheegay inuu waraka ku adkaaday, illaha aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Qoor Qoor markii dambe ku yiri kursiga waa tartan ee usoo diyaar garooba, laakiin kooxda warkaas aad uguma qancin.

Intaas kadib, qaar kamid ah musharixiintaas oo ay Cali yare iyo Cabdi Ashkir hoggaaminayaan ayaa Farmaajo u tagay kaasoo la sheegay inuu u xaqiijiyey sida uu Qoor Qoor dhanka Mahad wax ula rabo iyo inuu isaga taas diidan yahay uuna caawin doono iyaga.

Kooxda kursigan ku heysato Mahad Salaad waxay qaarkood wadaan abaabul, warqad ay ku mideysan yihiin oo ay soo saareen waxay ku sheegeen inuu gacan ka hadal dhici doono haddii la isku dayo in kursiga loo xiro ama loo xoogo musharaax gaar ah oo ay ula jeedaan Mahad Salaad.

Kursigan waa midka ugu xaaladda adag ee yaala Galmudug. Qoor Qoore iyo Mahad Salaad ayaa si weyn isugu soo dhawaaday intii uu socday dagaalkii Guriceel markaas oo uu Mahad si buuxda u garab istaagay Qoor Qoor.

Sidoo kale ganacsatada waaweyn ee beesha kursigaan iska leh ayaa la sheegay inay Mahad la safan yihiin, taasina waa mid kale oo dhiira gelineysa go’aanka Qoor Qoor.

Inkastoo hoggaamiyaha Galmudug lagu eedeenayo inuu beegsi xoog leh ku hayo inta badan xubnaha xisbi siyaasadeedka UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, haddana qaar kamid ah saaxiibadiisa waaya arag waxay xaqiijiyeen inuu Qoor Qoor si buuxda u ogol yahay inuu Mahad Salaad kursigaan qaato.

Sida uu rabo inuu ku siiyo fasiraad badan lagama hayo, maadaama musharixiinta kale ee Kursigaan ay si weyn u abaabulan yihiin. Dadka kursigaan isha ku hayo qaarkood waxay leeyihiin haddii musharixiinta Kursigaan ay cadaadiska sii wadaan waxaa macquul ah inuu Qoor Qoor iska dhigo Mahad, maadaama aysan aheyn shirko siyaasadeed oo xooggan.