25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro: Cabdisamad Macalin Maxamuud oo maanta loo xildhibaan federaal ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.

Doorashada oo kursigii ugu horreeyey ee HOP#139 la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo loo doortay ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Cabdisamad ayaa si gaar ah loogu xiray kursigan, waxaana u tanaasushay Xamdi Cali Shire oo aheyd malxiisad, kadibna waxaa loo qaaday codeyn gacan tag ah, isaga oo helay 101 cod oo ah dhammaan ergadii goobta ku sugneyd.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa waxaa dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Xasan, waxaana kursigan uu u muuqdaa mid lagu qancinayo Ahlu Sunna oo horey dagaal ula gashay dowlad goboleedka Galmudug.

Kursigaan ayaa waxaa ku fadhiyay baarlamaanka 10-aad Cabdixakiin Macalin Axmed oo dhowaan loo doortay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada ee maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyey sida ay u dhacday doorashadan oo la qabtay saaka aroortii hore.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maanta oo taariikhdu tahay 3-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#139 oo  musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:

1- Cabdisamed Macalin Maxamuud Xasan
2- Xamdi Cali Shire

Waxaa ka tanaasulay tartanka Xamdi Cali Shire waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdisemad Macalin Maxamuud Xasan waxaana ogol ugu codeeyey 101 oo dhammaan ergada ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#139 Musharax Cabdisemad Macalin Maxamuud Xasan oo helay 101 cod.

 

FARMAAJO oo jug culus ay kasoo gaartay doorashadii Muqdisho iyo Garoowe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kursi oo kamid ah kuwa reer waqooyiga ayaa shalay lagu doortay magaalada Muqdisho. Kuraastaan afartaba waxaa laga leeyahay degmada Seylac. Sidoo kale dhowr kursi ayaa shalay iyagana lagu doortay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Kuraasta reer waqooyiga ee la doortay waxaa reer ahaan iyo talaba ku leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay reerkiisu 8 kursi ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Maalmahaan waxaa jiray loolan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa la sheegay in kooxda madaxweyne Farmaajo ay isku dayday in aysan kuraastaan kusoo bixin dhammaan xubnaha uu xiriirka dhow kala dhaxeeyo Ismaaciil Cumar Geelle, balse waxaa la xaqiijiyey inay ugu dambeyn taas ku guul dareysteen.

8-da kursi ee reerka Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya laba kamid ah ayaa horay loo doortay, waxaana kusoo baxay dadka Farmaajo ogol yahay, kuwaas oo sidoo kale uu soo bixitaankooda raali ka ahaa Ismaaciil Geelle.

Hase yeeshee afarta saakay la doortay waxaa la sheegay in 3 kamid ah uu Farmaajo rabay in la bixiyo dadkii ugu cadcadaa, kuwaas oo si weyn ugu xiran Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, balse damacii kooxda Farmaajo ma suura gelin.

Kuraasta laga doortay dhanka reer waqooyiga waxaa seddex kamid ah kusoo laabtay dadkii horay ugu fadhiyey, hal kursi ayuuna isbadal ku dhacay oo qofkii horay ugu fadhiyey uusan ku soo bixin.

Kursiga HOP#268 waxaa loo doortay Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiir dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah, isaga ayaana horay ugu fadhiyey kursigaan, wuxuu ku jiray dadkii maalmihii ugu dambeeyey sida weyn u kala fogaadeen madaxweyne Farmaajo, xagga siyaasadda.

Kursiga labaad ee la doortay dhanka kuraasta Seylac waa HOP#267, Seynab Maxamed Caamir ayaa ku adkaatay tartankii loo galay kursigaan, iyadana ayaana horay ugu fadhisay.

Kursiga HOP#236 waxaa mar kale kusoo laabtay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore, kaas oo isaga horay ugu fadhiyey kursigaan. Ninkaan wuxuu kursigaan ka dhaxlay oo horay looga dilay Aabihiis Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga HOP#269 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, kursigaan waxaa horay ugu fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil, waa kursiga qura ee uu isbadal ku dhacay qofkii ku fadhiyey, marka la eego kuraastii laga doortay dhanka reer waqooyiga.

Dhanka Puntland, iyadana waxaa shalay la doortay dhowr kursi. Kuraasta shalay lagu doortay magaalada Garowe waxaa kamid ahaa kursiga HOP#94.

Kursigaan waxaa loo doortay Sahra Cabdullaahi Cigaal, waxayna badaleysaa Prof. Axmed Ismaaciil Shabeel oo kursigaan ku fadhiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#192 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Maxamed Faarax Nuux.

Kursiga HOP#121 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay Garoowe waxaa iyadana kusoo baxday Farxiya Yuusuf Cumar, Kursigaas waxaa horey ugu fadhisay Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo kamid aheyd xubnaha sida weyn uga dhex muuqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#14 oo isna lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursigaan waxaa horey ugu fadhisay Sacdiyo Careys Ciise taasoo kamid noqotay liiska uu Saciid Deni ka saaray Baarlamaanka.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowr cod oo isaga loo tiranayo ka helay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa si xooli ah u socota wallow ay jiraan cabashooyin xooggan oo ka taagan sida loo maareenayo kuraasta, laakiin golaha wadatashiga qaranka wuxuu u muuqdaa inuu go’aansaday in si walbaba doorashada la dhameystiro oo aan loo istaagin cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo musharixiinta u taagan kuraasta la dooranayo.

Sharciga caalamiga ah iyo lacagta Imaaraatka ee ay isku hayaan Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayey in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Sharciga Caalamiga ah iyo Lacagta Imaaraatka

Sida uu qabo Mudane Showqi Xayir oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Heshiiska Caalamiga ah ee Viena ee xiriirka dublamaasiyadeed ee la saxiixay 1961-dii, qodobkii 27-aad wuxuu ka hadlayaa Qandiga Dublamaasiyadeed.

“Qodobkaasi ka hadlaya boorsada dublamaasiyadeed waxa uu si toos ah u caddeynayaa in waxa keliya ee boorsadaas lagu qaadi karo ay yihiin waraaqo iyo dukumendiyo , ujeedkuna wuxuu ahaa in maadaamaa xiligaasi uusan jirin xiriirka isgaarsiinta danabaysan in safaaradaha ay si xor ah oo aan farogalin lahayn waraaqaha iyo xogta ugu gudbin karaan wasaaradooda arrimaha dibedda,” ayuu yiri Showqi.

Waxaa la sheegay in lacagtii Imaaraatka ee Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay ay ku jirtay qandiga dublamaasiyadeed, kaas oo uu heshiiska Viena qabo in aanan la furi karin, lana baari karin.

Hase yeeshee Shoowqi waxa uu qabaa in ay jirtay sabab macquul ah oo ay dowladda uga shakisay in waxa qandiga ku jiraaye aysan waraaqo ahayn, markii la fureyna laga heley lacag badan.

“Sharciga caalamiga ah waxa uu qabaa in maxkamadaha iyo sharciga dal aanan la marsiin karin hanti ay dowlad kale leedahay, keliya waxaa u furan in ay hayn karaan lacagtaasi intii sano ee la doono illaa inta ay labada dowladood ka gaarayaan is afgarad rasmi ag,” ayuu intaasi kusii daray Shoowqi.

Wuxuuse dhib ka arkaa in dowladda ku kala qeybsantahay arrinta lacagta, muhiimna ay tahay in dowladda ay go’aan mideysan ka gaarto arrinta lacagta, inta taasi ka horeysana ay adagtahay sidii lacagtaasi hal dhinac uu ku wareejiyo Imaaraatka.

Waxa kale oo uu Shoowqi u arkaa in ay quruxsanayd in looga dambeeyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadana la macaamisho kiiska lacagta si la mid ah sida Imaaraatkaba yeeleen marka ay hadda ka hadleen arrinta lacagta.

Puntland oo xukun kasoo saartay dilkii Bootaan Cawl

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ku ridday nin lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Cawl, kaas oo oo Garoowe lagu dilay 30/9/2021-kii.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku ridday  Maxamed Cabduqaadir Muuse (Af-dheere), kadib markii lagu helay dilka Bootaan Cawl oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF.

Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in Maxamed Cabduqaadir Muuse (Afdheere) uu dilay marxuumka, iyada oo dalbatay in dil lagu xukumo.

Sidaas daraadeed maxkamadda ciidamada Puntland ayaa toogasho ku xukuntay Maxamed Afdheere, kadib fadhiyo kala duwan oo ay ka yeelatay dacwaddiisa.

Dhinaca kale maxkamadda ayaa digniin adag u dirtay askarta dowladda, waxayna fartay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara fal dambiyeed dil ah.

Ehellada marxuum Bootaan Cawl oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay maxkamadda, iyaga oo u mahadceliyey dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka.

Maxaa ku qoran warbixinta 2005 ee Muuse Biixi dib uga codsaday Midowga Afrika?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay khudabad ka jeediyey munaasabad lagu xusay sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidamada Somaaliland ayaa fariin u diray Midowga Afrika, isagoo eedeymo u jeediyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu mudan yahay in la tixgeliyo damacooda, haddii aan wax loo tareyna ugu yaraan in lagula shaqeeyo nidaamkooda qaranimo, madax-banaanida iyo dimuqraadiaydda ka jirta dhulkooda.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Afrika aysan ku cadaadineyn inay aqoonsi ka helaan, oo Somaliland ay ku qanacsantahay in lagu dhaqmo sharciga xuduudihii gumeystaha, balse ay qaati ka taagan yihiin madaxda Soomaaliya oo la dooneysa inay wax ku darsadaan wadan gubanaya.

“Qaranku wuxuu ku dhisan yahay in looga gar qaado xadkii ma jabineyno sharci Afrika, sharciga Afrika u dhigan ee xududihii isticmaarka, ha la joogo ma jabineyno, Axdi qarameedkeeda ma jabineyno, cidna dagaal kuma wadno, walaalaheen ayaa khaldan oo leh aan wada gubanee kaalaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse ayaa Ururka Midowga Afrika ka codsaday inuu sii tixraaco warbixintii guddi Somaliland qiimeyn ku sameeyey sanadkii 2005-tii, taas oo raali gelisay damaca Somaliland.

“Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisa Addis Ababa tahay waxaa looga baahan yahay inuu xaqiiqada eego oo wafdigii uu soo diray 2005-tii ee yiri arrinta Somaliland wey ka duwan tahay waxyaabaha ka socda dalalka Afrika ee dib ha loo eego intii halkii laga qaado oo lasoo ambaqaado ayaan deriska iyo Afrikaba ka codsaneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

30-kii bishii April ee sanadkii 2005-tii guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socday ururka Midowga Afrika ayaa tegay Somaliland, si ay ugu ku uurgalaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, xorriyadtul qowlka iyo bani’aadanimada.

Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday warbixintii uu diyaariyey guddigaas oo ka koobneyd lix bog, warbixintaas waxay kaga hadlayeen xaqiiqooyinkii ay ku soo arkeen Somaliland, iyagoo booqday goobo iyo gobollo kala duwan.

Warbixintii Guddigaas waxaa lagu sheegay in xubnihii ka socday Midowga Afrika ay wadatashiyo kala duwan la yeesheen dhinacyada siyaasadda, Somaliland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida madaxweynaha, golahiisa wasiirrada, ergada ictiraaf u raadinta Somaliland, wakiillada ururrada rayadka, siyaasiyiinta xisbiyada iyo ururrada haweenbka.

Sidoo kale magaalooyinka ay booqdeen ee warbixintaas lagu xusay waxaa ka mid ahaa Hargeysa, Berbera, Boorama, magaalada Sheekh iyo deegaano kale, waxayna sheegeen in dadkii ku noolaa magaalooyinkaas ay aragtidooda ka uruuriyeen.

Warbixinta guddigaas uu diyaariyey ee Muuse Biixi uu soo hadal qaaday waxaa lagu yiri “Bulshooyinka kala duwan iyo siyaasiyiinta aan la kulanay fariintoodu waxay tahay, madax-banaanida Somaliland inay lama taabtaan tahay, gorgortanna aan laga galeyn, dib dambana ay Soomaaliya ula midoobeyn ayna doonayaan inay aqoonsi ka helaan Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka.”

100 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka DR Congo

Beni (Caasimada Online) – Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay weerar ay koox maleeshiyo ah Arbacada ku qaadeen xero ay ku noolyihiin barekacayaal oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegeen madaxa urur samafal oo ka howlgala xerada iyo dadka deegaanka.

Labada ilo-wareed ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in maleeshiyada CODECO ay masuul ka ahaayeen dilka xerada Savo oo u dhow degmada Buule ee gobolka Ituri.

Afhayeenka ciidamada Ituri Jules Ngongo ayaa sidoo kale xaqiijiyay weerarkan in ay fulisay maleeshiyada CODECO.

CODECO oo ah mid ka mid ah maleeshiyaad kala duwan oo ka dagaallama bariga Congo ayaa muddo dheer waday xiisad salka ku heysa dhul iyo kheyraadka dalkaas, waxaana maleeshidan ay ku dileen gobolka Ituri boqollaal qof oo rayid ah, waxayna ku qasbeen kumannaan qof inay ka cararaan guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Lokana Bale Lussa oo ka mid ah dadka ku nool xeryaha barekacayaasha ayaa sheegay inuu tiriyay in ka badan 60 qof oo dhintay, iyo kuwa kale oo dhaawacyo halis ay soo gaareen, wuxuuna sheegay in dadka xeryaha ku jira oo markii hore beeraley ahaa ay hadda u baahan yihiin amni.

Xerada lasoo weeraray ee Savo waxaa ku nool 24,000 oo qof, oo ka mid ah 1.7 milyan oo ku barakacay gobolka Ituri, sida ay sheegtay hay’adda NRC, waxaana sanadka 2021 lagu dilay ugu yaraan 1,200 oo rayid ah.

Shakhsiyeynta AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA

Waa maalinimo khamiis ah taariikhduna ay ku began tahay 20ka janaayo, waxaa baraha bulshada wada qabsaday Maqaal(Qormo) uu qoray Agaasimihii hore ee NISA : Fahad Yasiin, Qormadaas waxaa Cinwaan looga dhigay Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa”.

Maqaalku wuxuu dhaliyay falcelin balaaran,waxeyna bulshada u qeybsantay dhowr qeybood:kuwo la dhacay aragtida maqaalka, kuwo diidan fariinta maqaalka iyo kuwo ka aamusay.

Waxaa shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed ay fahan qaldan ka heystaan “ Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”,taasoo sabab u ah Dowladnimadii Somaliya oo qolfoof ahaan iyo waaqic ahaan u burburtay sanadii 1991 balse burburkaas dowladeed uu bilowday sanadii 1977 kadib markii ay awood ahaan iyo caqli ahaanba u fashilmeyn ciidankii, sidaas darted oo ay manta Soomaalidu ugu noolyihiin firaaq siyaasadeed dhan walba leh mudo ku siman 31 sano.

Amniga Qaranka waa arrin aad u weyn oo aan lagu xeri karin hadba maamulka jira, waa in si daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirto loo dhawraa, oo aan lagu xirin dano gaar ah iyo tixgelin ku meel gaar ah. 

Waa maxay Sirdoon iyo Nabadsugid?

Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hayad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha daahsoon, qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida; Sharciga Dalka, Ammaanka Qaranka, Arrimaha Ciidanka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Hayadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta Dalka guud ahaan, iyo ka hortaga dhagarta cadowga Gudaha iyo kan Dibadda 

Adduunka oo dhan Sirdoonku waxa uu marar badan ku shaqeeyaa qaanuunka iyo garsoorka bannaankiisa; maxaa yeelay, waxay ka shaqeeyaan aagag aan qaanuun ka shaqayn ama ka shaqayn Karin! Sidaa waxaa sameeya Hayadaha Sirdoon ee Dunida ka jira sida CIAda Maraykan, Mossadda Israaiil, GRUda Ruushka, MI6ta Ingiriis, RAWda Hindiya iyo kuwa lamidka ah.

Madaxda Dunida soo maray iyo kuwa ka taliyaba waxay dhego iyo indho ka dhigtaan Hayadda Sirdoon ee Qarankaasi leeyahay, sababtuna waa in Hayaddaa lagu aaminay una taagantahay Ilaalinta iyo Difaaca Masaalixda Qarankaasi leeyahay.

Dowladii kacaanka :

Sanadihii Dowladii Kacaanka ee ka talineysay Dalka waxaa ka shaqeynayay Saddex hayadood oo si wadajir ah uwada qabanaayay, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba :

1- National security service NSS”.
2- Criminal Investigative Division CID
3- Military Intelligence Unit” oo aheyd heyad u gaar ah ciidammada qalabka sida, oo la dhihi jiray Hayadda Nabadgalyada GaashaandhigaHANGASH

Hey’adaha sirdoonka dunida ugu muhiimsan:

Hadaan dunida u jaleecno Dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo dabagalka u qaabilsan, tusaale USA, (CIA, FBI iyo NSA,) waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halisbadan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa.

Waddanka Pakistan, wuxuu ku jiraa Hayadaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya, laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

Wadanka Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shetbet oo gudaha qaabilsan.

Dagaalka Dowladda Ruushka iyo Dowladda Maraykanka waxaa lafdhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

Sirdoonku waa indhaha ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la galiyo waqti iyo lacag badan.

AGAASIME FAHAD YASIN IYO DOORKIISII SHAQADA:

Agaasime Fahad Yasin waa macquul in la-tuhmaayo tuhunkaasina iskugu jiri karo run iyo been, waxaase jirta arrimo aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin Hayadeed oo karti badan, wuxuuna dib u habeyn ku sameyay taliskii nabadsugida iyo sirdoonka, wuxuuna tayeyay dhismaha dharcada ilaalada shacabka.

Wuxuna dib u habeyn ku sameyay qeybaha kala duwan ee Hayada, kuwaaso aan shaqeynin tan iyo burburkii Qaranimada kadib.

Mudo yar oo kooban waxaa dib usoo noolaaday Magacii iyo Sumacadii ee Hayadda ku laheyd Qaarada Afrika, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo madax ah ka ah Heyadaha Nabadsugida iyo Sirdoonka, kana kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida.

Maxay ku shaqeyaan Hey’adaha Amniga Qaranka?

Hayadaha Amniga Soomaaliya ayaa ku shaqeeya jawi qalafsan, oo afartii sano mar shaqaalaheeda guud lakala diro, taasi oo kordhisa xasilooni darida Dalka, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan in ay horumarto,lana jaanqaado, dhigeeda.

Su’aasha dad badani maskaxdooda ka guuxeysa ayaa ah mala kala diri donaa shaqaalaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka sidii horay loo sameyay doorashadii hore, goormaase dhaqankaasi laga garaadsan donaa? Siduu noqon doonaa mustaqbalka Hey’ada NISA?

Muxuu ku xeran yahay horumarka hey’ada?

Horumarka Hey’ada wuxuu ku xeran yahay in la sameeyo kulliyado,  machadyo ku takhasusay Amniga Qaranka iyo Daraasaadka Istaraatiijiyadeed.lana Maskaxshiilo dhalinta Soomaaliyeed ee soo kacaysa laguna hago jidka Dowladnimda iyo sareynta Sherciga,  kaadiriin ku takhasusay dabagalka,  falanqaynta iyo samaynta cilmi baaris ku saabsan isdhexgalka gobolka iyo kuwa caalamka, shaqada aqooneed iyo cilmi baariseed waa udub dhexaadka shaqada Hayadaha Amniga.

HAL BACAAD LAGU LISAY:

Bulshada Soomaaliyeed waxee qaati ka taagan yihiin Siyaasiiin dantooda ku colloobay, dantoodana ku heshiin doona, dhexdoodana ay ku xiiqeyn guulwadayaal, waxaa igu soo dhacday oraahdii Michelle Obama oo aheyd :”In aad madaxweyne noqotaa ma beddelayso qofka aad tahay, balse waxa ay bannaanka soo dhigaysaa qofka aad tahay

Waxaa aad usoo badanaya siyaasiyiin danley ah oo marinhabaabinaya bulshada, una gudbinaya warbixino aan ku dhisneyn Xilkasnimo, Daaacadnimo iyo Wadani,nimo.

Caqliga siyaasiga Soomaaliyeed waa inuu kala gartaa Danaha Diblomaasiyadeed ee Qaranka, Danaha Amniga ee Qaranka iyo loolanka kursiga villa Somalia dhexyaal.

Agaasimaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waa boos siyaasi ah oo la mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, Wasiirku wuxuu madax ka noqdaa Wasaarad, mudo kadibna waa ka tagaa balse jiritaanka wasaarada waxba iska ma badalo.

Waxaa aan rabaa inan dhaho Golaha midowga Murashaxiinta iyo dhamaan dadka siyaasada kujira in ay Dalka iyo Dadka u turaan kana daayaan in markasta Heyadaha Dowlada laga bilaawo eber {from zero}, waa ka jiri karaan Heyadaha Dowlada dhexdood dhaliilo, musuqmaasuq baahsan, farsamo xumi, kutagrifal awooded balse waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan qorshayaal horumarineed oo dhankasta leh.

Waxee bulshada Soomaaliyeed idinka sugeysaa in Dastuurka Dalka la dhammaystiro, oo afti dadwayne loo qaado, lana tayeeyo Heyadaha Dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida Maxkamadda Sare, lana daadejiyo federaalka, lana kobciyo waxsoorkaarka khayraadka, Isku filnaasha buuxdana laga gaaro Amniga Qaranka, iyo hirgalinta Dhabuheshiisiin loo dhan yahay.

Haddii aanan intaa la idinka helin waxaa wadaan waa maan guracan iyo garasho jaan.

Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Daawo: KHEYRE ‘oo hor-istaagay’ musharaxnimadii Mukhtaar Sheekh Xuseen

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale oo ahaa musharax xildhibaan ayaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ku eedeeyey inuu ka hor-istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee HOP#049.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa horay ugu fadhiyey kursigaas, waxaana maanta mar kale loo diiwaan geliyey inuu u tartamo.

Mukhtaar ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu ka shaqeeyey in kursigaas oo beesha Habarcayno ee Murusade ay ku leedahay golaha shacabka loo xiro Mustaf Dhuxulow oo aan lagula tartamin.

Sidoo kale eedeyntaan waxaa soo galay Nabadoon Xaad oo Xasan Cali Kheyre wakiil uga ah kuraasta beesha ee Galmudug taalla, sida uu sheegay musharaxaan la reebay.

“Waxaan u sheegayaa umadda Soomaaliyeed, beesheyda iyo ra’iisul wasaare Rooble, in ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu boobayo kuraasta beel-weynta Murusade, isagoo adeegsanaya Adeerkiis Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, taas oo keentay in kursiga aan u tartamaayey ee Hop049 loo xiro Mustaf Dhuxulow,” ayuu yiri Mukhtaar Sheekh Xuseen.

Ninkaan oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa cadeeyey inuu isaga haray tartanka kurigaas, kadib markii laga hor istaagay tartanka, isagoo sheegay in Nabadoon Xaad iyo Kheyre aysan dooneyn in kursigaas lagula tartamo Mustaf Dhuxulow.

Afar kursi oo kursigaan cabashadu ka timid uu ku jiro ayaa berri lagu dooranayaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana musharaxiintii maanta la diiwaan geliyey ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna iyo Mustaf Dhuxulow.

Hoos ka daawo

Guddiga Doorashada oo shaaciyey haddii doorashada la dhameyn karo kahor 25-ka Febraayo iyo haddii kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli kasii socota dalka, ayada oo muddadii loo qabtay in lagu gaba-gabeeyo ay ka harsan tahay 23 maalin oo keli ah.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa 9-kii bishii hore go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Haddaba, mudada kooban ee hartay ma lagu soo gaba-gabeyn karaa doorashada Golaha Shacabka, mise dib u dhac kale ayaa ku imanaya?

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo warbaahinta kula hadlay maanta gudaha Dugsiga Tobabarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ay u socdaan sidii loogu talo-galay.

Safiina ayaa waxa uu xusay in maalinta berrito ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi oo Golaha Shacabka, islamarkaana ay dardar-geliyeen doorashada.

Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyey in jadwalkii doorashada ee loo asteeyay 25-ka bishaan lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntiina waxa uu faray guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka doorashada inay si deg deg ah u shaaciyaan jadwalka doorashooyinka ee deegaanadooda lagu qabanayo.

Doorashooyinka ayaa waxaa dhowr jeer ku yimid dib u dhacyo, ayada oo ay shaqeyn waayeen jadwal doorashooyin kala duwan oo lasoo saaray, waxaana xiligaan lagu wadaa in doorashada Golaha Shacabka ay kusoo afmeermaan waqtigii loogu tala-galay, ama ugu yaraan bisha kale bilowgeeda.

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneraal Biixi oo dacwad looga furayo UK

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka digay in ciidamada dhawaan la geeyay magaaladaasi ay keeni karaan iska horimaad gacan ka hadal ah, iyagoo xusay inay taliyaha ciidamada lugta ee Dowladda Soomaaliya kala xisaabtami doonaan cid kasta oo ku dhimata Beledweyne.

Warqad qoraal ah oo loo diray Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble oo nuqul ka mid ah sidoo kale la gaarsiiyey Beesha Caalamka, ayey Madaxda Beesha Xawaadle kaga digeen in Ciidamada la geeyey Beledweyne uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u isticmaali rabo boobka kuraasta taala Beledweyne.

“Waxaan rumeysannahay in ciidamada qalabka sida ee la geeyey Beledweyne ay tahay fal daandaansi ah oo keeni kara iska hor imaad dhex mara bulshada Hiiraan, taasoo keeni karta barakac iyo amni darro hor leh, xilli in ka badan laba milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin inay macluul u dhintaan halka kala bar Soomaalida ay wajahayaan cunto yari,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu qoray warqadda.

Sidoo kale warqadda ayaa walaac looga muujiyey in ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne aysan hoos imaan talisyada ciidamada, islamarkaana aan lasoo marsiin Wasaaradda Amniga iyo habraacyada ciidamada loo dajiyey.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay isku aaday hadalkii  dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka maamulka Goboleedka HirShabelle ee ahaa in dhammaan kuraasta baarlamaanka Beledweyn ay “ku guuleysanayaan” musharaxiin ay iyagu doortaan, beeluhuna aysan wax door ah ku yeelan doonin.

“Waxaan rumeysannahay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidamada la geynayo Beledweyne iyo hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ee ahaa in doorashada lagu shubtay aysan ahayn wax iska yimid oo kaliya balse uu yahay qorshe uu soo abaabulay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu saameyn ugu yeesho natiijada doorashada,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha beesha Xawaadle.

Ugu dambeyntii warqadda ayaa lagu xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya SNA Sareeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi oo ay sheegeen inuu hoggaaminayey ciidamada la geeyey Beledweyne, waxana warqadda lagu xusay in Biixi oo ah muwaadin UK ah in lagu dacwayn doono sharciga ‘Overseas Operation Law”  ee baarlamaanka UK uu ansixiyay sanadka 2021.

Shir ay dhawaan isugu yimaadeen Xildhibaano hore xilal kala duwan u soo qabtay, Madaxweynayaashii hore ee HirShabelle, Qurbajoogta Beesha Xawaadle iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin in ciidamo la geeyo magaalada Beledweyne, iyagoo xusay in xaaladda ka jirta magaalada Beledweyne ay tahay mid siyaasadeed, islamarkaana wax looga qaban karo oo kaliya wada-hadal iyo dib u heshiisiin.

Hogaamiyayaasha ayaa intaa ku daray in soo daabulitaanka ciidamada Haramcad iyo Gorgor oo labaduba uu tababaray dalka Turkiga ay sidoo kale jebiyeen heshiisyadii siyaasadeed ee dhawaan ay gaareen golaha wada tashiga qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaas oo ciidamada ka mamnuucay in ay galaan siyaasada.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa taalo 25 Kursi oo kamid ah 38-ka kursi ee HirShabelle, wuxuuna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa kuraastaas.

GALMUDUG oo hakisay doorashada kursiga uu ku fadhiyo xildhibaan SAABIR

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#071, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.

Guddiga ayaa sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Sida uu markii hore qorshuhu ahaa maanta waxa bilaabmeysay qabashada araajida, diiwaan-gelinta lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#071.

Inkasta oo guddiga uusan si faah-faahsan uga hadlin habraacyada aan dhameystirneyn ee loo hakiyay kursigan, ayaa haddana waxaa soo baxeysa in uu khilaaf ka jiro kursigaas oo musharaxiin ka tirsan ay sheegen in ay iskaga hareen tartanka.

Kursiga la hakiyay doorashadiisa ayaa waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Saabiir Nuur Shuuriye, lamana oga illaa hadda xiliga dib loo shaacin doono jadwalka doorashadiisa.

Si kastaba, Guddiga ayaa doorashada kursigaas ku badashay HOP#061 oo maalinta berri ah la qaban doono doorashadiisa, ayada oo maanta ay bilaabatay qabashada araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta msuharaxiinta, iyo weliba dhameystirka tobabarka egrada.

Farmaajo oo kulan xasaasi ah ugu yeeray Qoor Qoor iyo Lafta Garen + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay qorax dhicii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uga sii horeeyey hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Labada hoggaamiye waxay saaxiibadooda iyo dadka la kulmay u sheegeen inay rabaan inay shir gaar ah ku yeeshaan Muqdisho, laakiin shir gaar ah iyo Muqdisho waa is-diideen.

Xog aan ka helnay socdaalka labada hoggaamiye ayaa ku xireysa madaxweyne Farmaajo. Dadka sida dhow ula socda safarka Qoor Qoor iyo Laftagareen waxay xaqiijiyeen inuu labada nin u yeeray madaxweyne Farmaajo oo ay shirko siyaasadeed yihiin.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa weli ka socota labadaas maamul. Laftagareen wuxuu dhawaan soo dhajiyey kuraastii lagu qaban lahaa magaalada Baraawe, isagoo ka hor tagayey qorshe ay madaxda maamulada qaar rabeen in looga takhaluso qorshaha laba deegaan doorasho ee madaxweyne Farmaajo.

Galmudug 9 kursi oo golaha shacabka ah ayaa illaa hadda la doortay, wararku waxay sheegayaan in qaar kamid ah kooxda madaxweyne Farmaajo inay shaki ka muujiyeen sida uu Qoor Qoor u dhigayo kuraasta qaar, taasi oo shaki ku keentay qorshaha wada-shaqeynta labada dhinac

Sidoo kale, wararka damaca Qoor Qoor ee waayadaan soo xoogeystay ayaa dadka qaar sheegayaan in kooxda madaxweyne Farmaajo tuhun ka qaaday.

Si walbaba, kulankan waa wada-tashi iyo is turxaan bixin. Laftagareen isaga shaki badan lagama qabo oo sidii uu Farmaajo rabay ayuu illaa iyo hadda howsha u wadaa, balse loogama maarmo xoojinta heshiiska saddex geesoodka ah, ayey leeyihiin ilaha aan la hadalnay.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in dhinacyadu ka wada hadlayaan aragti horey miiska u taalay oo ah awood qeybsi siyaasadeed.

Saaxiibada ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug waxay maalmihii dambe bilaabeen inay kor u sheegaan inuu Qoor Qoor damac federaal ah ku jiro, balse musharixiinta xilka madaxweynaha weli arrintaasi ma aaminsana.

Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweyaha oo aan la hadalnay waxay arrintaasi u arkaan mid uu Qoor Qoor iyaga albaabada uga xiranayo, si uu Farmaajo kuraas ugu soo saaro, iyadoo arrinta loo ekeysiinayo inuu Qoor Qoor wato shaqo isaga u gaar ah.

Waxaa marna la inkiri karin inuu Qoor Qoor wax rabo, laakiin inta ay la egyihiin waxa uu rabo weli ma cadda, ayey leeyihiin dadka qaarkiis.

Weli lama hayo saacadda iyo maalinta kulanka dhex maraya seddex hoggaamiye ee Farmaajo, Qoor Qoor iyo Laftagareen kuwaas oo hadda ku wada sugan magaalada Muqdisho, xillii uu Ra’iisul Wasaare Rooble safar ugu maqan yahay dalka Imaaraadka, iyadoo lagu xamanayo inuu lacag u raadiyey qaar ka tirsan musharixiinta xilka madaxweynaha.

Rag hubeysan oo maanta toogasho ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo barqanimadii maanta dabley hubeysan ay ka geysatay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia.

Dilka ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Askariga la dilay ayaa tirsanaa ciidamada dowladda, kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo, waxaana weerar gaadma ah ku dilay rag ku hubyesan Bistoolado.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka fulisay oo baxsatay ay horey usii qaateen qoriga askariga oo goor dambe maydkiisa laga soo qaaday halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta uu falku ka dhacay, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, walow aysan cidna gacanta kusoo dhigin.

Maalmihii u dambeeyey waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay badi sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, arrimana oo dil ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Yaa kusoo baxay maanta doorashada xildhibaan ee ka dhacday MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursigii u horreeyey ee HOP#268 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xagaa, kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Maxamed Cali Xagaa ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 98 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#267 ku guuleystay Saynab Maxamed Caamir oo horey ugu fadhiday kursigaas, taas oo iyana kusoo baxday codeyn gacan taag.

Marwo Saynab oo heshay 97 cod ayaa waxaa u tanaasushay Sucaado Muumin Maygaag oo kula tartami laheyd doorashada.

Kursiga saddexaad ee HOP#236 waxaa kusoo baxay Cadnaan Cismaan Cilmi ( Boqore) oo aan wax galin wax tartan ah, wuxuu isna helay 99 cod oo gacan-taag ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa sidoo kale kursiga afaraad ee HOP#269 helay, waxa uuna kusoo baxay 98 cod, kadib markii ay u tanaasushay Buuxo Maxamed Cismaan.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa si dardarleh ku wada doorashada, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda Mareykanka oo caddeysay sababta safiirka cusub uu aqoonsigiisa ugu gudbin doono FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa caddeysay sababta safiirka cusub oo Muqdisho soo gaaray dhowaan uu nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa muddo sanad ah kursiga ku fadhiya si sharci-darro ah kadib markii muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021.

Safaaradda oo billowday baahinta qoraallo iyo sawirro ay dadka ku bareyso safiirka cusub iyo taariikhdiisa ayaa dhinaca kale qoraal ay soo saartay uga hadashay munaasabadii uu Sabtidii 29-ka Janaayo 2022 safiirka cusub Larry Andre nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

“Shalay Ambassador André waxa uu nuqul ka mid ah warqada aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali. Asalka Warqadan waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda oo sharaxaad ka bixisay arrintan ayaa qoraalkeeda kusoo gabagabeysay: “Sida dhaqanka diblomaasiyaddu yahay, warqadda aqoonsiga waxay si rasmi ah danjiraha uga dhigeysaa wakiilka madaxweynaha dalka (Mareykanka) u metala Soomaaliya ee ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, taasoo ku socota madaxweynaha dawladda Soomaaliya.”

Mareykanka ayaa hore doorashadii 2017 dib u dhigay inuu safiirkii cusbaa waraaqihiisa aqoonsiga la wadaago madaxweynihii xilligaasi waqtigiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lala sugay madaxweynihii cusbaa; balse xilligan ayaa waxaa muquda inay doorashadu gaabis ku socoto waqti dheerna qaadan doonto.

Sidaas darteed, waxaa cad inaan la ogeyn xilliga Soomaaliya ay yeelan doonto madaxweyne cusub, ayada oo dadka qaar rumeysan yihiin in Farmaajo uu mar kale isku dayi doono inuu carqaladeeyo doorashada sida uu dhowr goor oo horey u sameeyey.

Isha: Goobjooge 

R/W Rooble oo la kulmay Maxamed bin Zayed iyo Imaaraadka oo aqbalay…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu maanta Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Bin Zayed waxaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsiga ugu awoodda badan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa inuu yahay hoggaamiyaha dadban ee dalkaas.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Maxamed ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, iyo hababka lagu xoojin karo. Waxay sidoo kale is-weydaarsadeen arrimaha sida gaarka ah u quseeya labada dal. 

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad-celiyay Sheekh Maxamed Binu Zayed iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Zayed ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay mowqifkii xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

MADASHA BADBAADADA GALMUDUG oo war kasoo saartay xiisadda Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madasha Badbaadada Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadashay xaaladaha amni darro ee kasoo cusboonaaday deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo ugu baaqday in la joojiyo dagaalka.

Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay xaaladaha amni darro, gaar ahaan dagaalka ka socda deegaanka Hiraale ee hoostaga degmada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaaro nafeed oo ballaaran.

“Madasha Badbaadada Galmudug waxay ugu baaqaysaa waxgaradka ka soo jeeda beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, laguna xaliyo wada-hadal iyo nabadeyn arrimaha sababay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca badan dhaliyey ee ku soo beegmay xili abaaro ba’an ay ku dhufteen deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.

Waxay ugu baaqeen maamulka Galmudug in uu qaaato kaalinta mas’uuliyad iyo midda akhlaaqeed ee ugu aadan joojinta colaadaha soo noq-noqdey ee deegaanadaas, islamarkaana uu si deg deg ah ciidamo ugu diro deegaanada dirirtu ka socoto.

Sidoo kale Madasha ayaa si adag ugu jeedisay madaxda maamulka Galmudug inay si dhaqsa ah u diyaariyaan jawi wada-hadal iyo gogol nabadeed oo laga dhex furo dhinacyada dagaaladu ka dhaxeeyaan, si loo soo celiyo amniga iyo wada-jirka dadka reer Galmudug oo xiligan wajahaya xaalad adag.

Ugu dambeyntiina waxay madaxweynaha maamulka Galmudug ku dhaliileen in uusan gudan waajibkii loo igmaday, kuna mashquulsay danahiisa gaarka ah, ayaga oo baaq u diray xukuumadda dhexe, wadamada deeqaha bixiya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga qeyb qaato gurmadka Galmudug.

Si kastaba, Madasha Badbaadada Galmudug oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa waxay hore si adag uga hortimid hogaaminta Qoor-Qoor iyo hanaanka uu ku wajahay xaaladaha deegaanada maamulkaas, waxayna qeyb ka yihiin olole hogaan cusub loogu sameynayo maamulka.

Musharixii lagu dhaawacay Garoowe oo xildhibaan loo doortay – Side u dhacday?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaan doorashadooda ay tahay gudaha magaaladaasi.

Doorashada ayaa manta loo qorsheeyey illaa lix kursi, waxaana kursigii ugu horreeyey ee HOP#192 kusoo baxay isaga oo dhaawac ah Musharax Maxamed Faarax Nuux ((Dheere) oo ay shalay weerar gaadmo ah ku qaadeen rag hubeysan oo ku beegsaday Garoowe.

Maxamed Dheere ayaa loo xiray kursigan, waxaana la tartantay Ruweyda Maxamuud Maxamed oo uu isugu keensaday, si ay malxiis ugu noqoto

Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey in xildhibaan Maxamed Dheere uu helay 91 cod, halka Ruweyda ay heshay 1 cod oo kaliya, sidoo kale waxaa halaabay 2 cod.

Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed Dheere) oo uu shalay dhaawac kasoo gaaray gacanta ayaa kusoo muuqday doorashada, waxaana weerarka lagu qaaday uu salka ku hayey khilaaf xoogan oo ka dhashay kursiga oo uu ugu dambeyn kusoo baxay.

Sidoo kale rasaasta ay dableyda hubeysan ku fureen Musharaxan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah Askarta ilaalada u ah, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Dhinaca kale doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee loo qorsheeyey in maanta lagu doorto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Tallaabada ay Puntland u qaaday dhanka doorashada ayaa qayb ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sawirro: Axmed Madoobe oo laba arrin kala hadlay safiirka UK ee Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweymaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster iyo wafdi ay hogaamineyso oo gaaray magaaladaas.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta Jubbaland Maxamed Cumar Jaamac, wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha, Axmed Xuseen Baraki.

Axmed Madooble ayaa kala hadlay Kate Foster iyo xubnaha kale ee la socday laba arimood oo ku qotomay abaaraha iyo doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyey kulankan, waxaana lagu sheegay in diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay abaaraha.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaanada qaar, Dowlada Jubaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Sidoo kale qoraalka ayaa markale lagu yiri “Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocda.

Jubbaland oo haatan ku jirto doorasho ayaa waxaa ku dhuftay abaar saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

 

 

PUNTLAND oo qabaneyso doorashada lix kursi

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada 6 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qaban doono ayaa kala ah: HOP#192, HOP#094, HOP#014, HOP#121, HOP#174 & HOP#074 oo dhamaan deegaan doorashadooda tahay Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa sidoo kale soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta doorashadooda la qabanayo.

Illaa 12 musharrax ayaa ku loolamaya lixdaan kursi kuwaas oo kala ah:- 1HOP#192  waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed, waxaana horey ugu fadhisay Siciido Maxamed Xasan.

2-HOP#094: waxaa u tartamaya Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Farduus Maxamed Aadan, waxaana kursigan ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Shabeel.

3-HOP#014 waxaa u tartamaya Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaana horey ugu fadhisay Sacdiya Careys Ciise.

4-HOP#121: waxaa ku tartamaya Farxiya Yuusuf Cumar iyo Nimco Cumar, ayada oo horey ugu fadhisay Canab Xasan Cilmi.

5-HOP#174: waxaa ku tartamaya Khadra Axmed Maxamed iyo Leylo Cabdi Faarax, waxaana horey ugu fadhiyey Burhaan Aan Cumar.

6-HOP#074: waxaa u tartamaya Cabdiqani Maxamuud Maxamed iyo Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana kursigan horey ugu fadhisay Ikraan Yuusuf Xirsi.