25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Lafta-gareen oo burburiyay qorshihii Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa weli ka go’an inuu ka shaqeeyo dariiq walba oo uu madaxweyne Farmaajo ugu soo laaban karo Villa Somalia.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed waxay xalay shaaciyeen oo ay soo dhajiyeen 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Baraawe waa caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeenayo magaalada Baydhaba.

Tallaabadaan ayaa soo afjartay aragti ay kor u hayeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada. Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe weli dhibaato ayaa ka heysata gobolka Gedo mana rabo inuu Garbahaarey ku qabto doorasho.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni culeys badan ayaa kaga yimid dhanka magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka walaacsan yahay inuusan sida uu doono ka yeelan karin 16-ka kursi ee taala.

Halka hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe weli loo diidan yahay inuu tago magaalada Beledweyne oo ay taalo 25 kursi oo golaha shacabka ah.

Waxaa la sheegay in saddexdaas hoggaamiye ay qabeen aragti ah in marka ay soo dhammaadaan doorashooyinka ka socda xarumaha maamul goboleedyada in la qabto hal shir oo Golaha Wada-tashiga Qaran ah kadibna la qaato go’aan ah hal deegaan doorasho oo laga laabto Kuraastii loo calaamadeeyey Magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo, Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Inta aan taas la gaarin Cabdicasiis Laftagareen ayaa xalay Ceel dheer ku riday rajadaas, wuxuuna soo dhajiyey Kuraastii taalay Magaalada Baraawe.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saaxiibkiisa hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyagu marnaba ma keenin Golaha Wada-tashiga Qaran dood ku saabsan hal deegaan doorasho, waxayna ahaayeen raggii diidanaa in laga laabto qodobada laba deegaan doorasho iyo ergo 101 ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo oo loo diwaan gelin doono hannaan doorasheedkan wuxuu Berri sheegan doonaa inuu doorashada dalka gaarsiiyey 101 ergo ah iyo laba magaalo, balse weli waa doorasho dadban iyo mid boobkeeda cad yahay.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni wuxuu hadda ku qasban yahay inuu la tacaalo xaaladda magaalada Boosaaso, maadaama uu hirgalay kiiskii laba deegaan doorasho, halka Axmed Madoobe uu isna laqi doono qaraarka 16-ka kursi ee Garbahaarey oo dhanka Farmaajo aadi doona.

Cali Guudlaawe wuxuu hadda ku qasban yahay inuu arrinta Beledweyne u raadiyo xal uu ku fulin karo, maadaama aan laga baaqsan karin in doorasho ka dhacdo magaalada Beledweyne, inkastoo kooxda madaxweyne Farmaajo lagu eedeenayo inay si weyn gacanta ugula jiraan arrimaha magaalada Beledweyne.

Tallaabada uu xalay qaaday Cabdicasiis Laftagareen waxaa lagu sheegay codsi kaga yimid saaxiibadiisa Villa Somalia, balse Laftagareen laftirkiisa wuxuu leeyahay dan doorasho.

Waxaa jira warar sheegaya in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu ku jiro damac la xiriira kursiga guddoomiyaha Gobolka Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, inuu riyadaas waqtiga fog soo jirta rumeeyana waxay u baahan tahay inuu helo garabka kooxda madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo saameyn xoog leh ku leh kuraasta Golaha Shacabka.

Jeneraal Xuud oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa kadib kulankii FARMAAJO + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo dhow ah, sida wada-hadallada uu kula jiro dowladda Soomaaliya, xaaladda HirShabelle yo ciidamada la geeyey Beledweyne.

Xuud ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, isla-markaana loo dhigay gogol Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu la kulmay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba kama uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay  ra’iisul wasaarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuuud).

Sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedka socdaalkiisa magaalada Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa tabashada reer Hiiraan.

“Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowladda heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer Hiiraan, heshiiskaas wuxuu noqon doonaa mid labada dhinacba laga istaago,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Jeneraal Xuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weli uusan ka tanaasulin mowqifkiisa, isla-markaana uu u taagan yahay raadinta xaq uu sheegay inuu ka maqan yahay Hiiraan.

“Annaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa nala yiraahdaa kama tanasulin arrintii aan u istaagnay nin walbo haddaba dhagahaaga ku heyso annaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay. Lacag wax ay tarto malaha karaamaa wax tarta,” ayuu yiri Xuud.

Dhinaca kale Xuud ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo dhowaan si kulul uga hadlay xiisadda magaalada Bedweyne, wuxuuna ugu jawaabay Jeneraalku:-

“Daraad waan maqlaayey waxa uu ku hadlaayey Dabageed walaalkey aqoon darraa u geysay anne waaa i caaynayaa oo waalkiisaan ahay, Cali Guudlaawana soo dhowaaw ayuu leeyahay waa ayaan darro weyn oo meesha taallo weeyey,” ayuu yiri Generaal Xuud.

Ugu dambeyn waxaa Jeraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) wax laga weydiiyey ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay gudaha magaalada Beledweyne oo shaki weyn dhaliyey, maadaama lagu soo aadiyey xilliga doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ciidamadaas ay u shaqeyn waayeen Soomaalinimi lasoo celinayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celineynaa hadduu Soomaalinimo u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,”.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada weli xaalad kacsanaan laga dareemayo magaalada Beledweyne oo lagu qabanayo doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu ay kasii dartay markii ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay halkaasi.

Ciidanka dowladdu geysay Bakaaraha xal ma u noqon karaan dhibaatada Daacish?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Saaka ciidamo geysay Suuqa Bakaaraha kadib markii goobo badan ay u xirmeen Kooxda Daacish.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Khamiistii faray wasiirka Amniga inuu la yimaado qorsho wax looga qaban karo culeyska heysta Ganacsatada Reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa Suuqa Bakaaraha.

Saaka wuxuu Suuqa ku waabariistay ciidamo ay soo dhigtay Dowladda wadooyinka, Ciidanka la geeyey waxay isugu jiraan kuwa Boolis ah iyo kuwa Nabadsugid.

Sida la xaqiijiyey, cilidanka waxay Ganacsatada ku amreen in dib loo furo goobaha u xiran Amarka kooxda Daacish.

Goobo badan ayey Saaka fureen ciidanka Dowladda, laakiin in goobta xoog lagu furo ama xoog lagu xiro daawo uma ahan dhibaatada taala Suuqa Bakaaraha sida ay sheegayaan ganacsatadu.

Daacish waa culeys sax ah oo jira oo baahan xal buuxa oo lagu wajaho ayey leeyihiin ganacsatada Suuqa Bakaaraha kuwaas oo aaminsan in ciidan Maalin ama Laba maalin la keena Suuqa inaysan xalin karin kooxda.

Waxaa la aamisan yahay inaysan kooxda u baahneyn inay suuqa dhex timaado, waxaana inta badan la sheegaa inay banaanka iyo xaafadaha ku ugaarsato ganacstada diida amarkooda.

Waxaan waydiinay ganacstada qaar waxa ay ku kala duwan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish xagga la macaamilka ganacsatada, waxayna sheegeen in Shabaabku leeyihiin hanaan toosan oo ah goob la tago, warqad caddeneyso lacag bixinta, qaab haddii aadan xilligaas lacag heyn aad u yar yareen kartid, koox kula doodeysa iyo goobo aad u dacwoon karto haddii waaxda maaliyadda isku daydo wax ka badan wixii la isku ogaa.

Balse dhanka Daacish waxay sheegeen inaysan laheyn goob la tago, kaliya waxaa la sheegay inay wataan magaca goobta Ganacsiga, magaca milkiilaha iyo taleefoonkiisa, kadibna amar ka culus midka Al-Shabaab ayey dul dhigaan ganacsatada.

Sidoo kale waxaa la sheegaa in lacagaha loogu diro taleefano kala duwan halka Shabaabka ay Akoono ku qaataan.

Bixinta lacagtaan baada ah ganacsatada qaar waa qabatimeen iyadoo qaarkood lagu eedeenayo inay mararka qaar diidaan canshuurta Dowladda Federaalka ah.

Faah-faahin: QARAX maanta ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo u dhow isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday kolonyo uu la socday taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaaraan, Salad Caraale oo xilligaas marayey waddada.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta isku geedamay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq wadda dheer isku xirta isgoyska Fagax iyo xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Weli mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan kama hadlin weerarka qaraxa ah, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

Daawo: Dacwad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo ‘oo loo gudbiyey’ maxkamadda ICC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ku dacweeyeen maxkamadda dambiyada aduunka ee ICC.

Mukhtaar Nuur oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa sheegay in iyagoo koox aqoonyahano ah ay ICC u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Farmaajo, iyagoo cuskanaya gabood fallo waaweyn oo dalka ka dhacay, intii uu xukunka joogay.

Waxaa ka mid ah dembiyada Farmaajo lagu dacweeyey weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur askartiisii lagu dilay iyo kiiska Ikraan Tahliil, sida uu sheegay Xeer ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mukhtaar Nuur.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu hadda isku dayey inuu ka dhuunto sharciga, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu u difaacayo oo  kuraasta baarlamaanka uu ugu raadinayo saraakiishii u fulisay amarradii qaldanaa ee dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey intii uu joogay xukunka.

“Mid waa in la ogaado, xasaanad ma shaqeyn doonto, iska dhaaf dembi aad horay u gashaye, adigoo Xildhibaan ah hadii aad dembi yar gasho, halkaas ayaa laguugu katiinadeynaa,” ayuu yiri Yaryaqaan Mukhtaar.

Waxuu tusaale u soo qaatay nin Xildhibaan ahaa oo hadda ka hor askari dharbaaxay, kaas oo ku dooday inuu xildhibaan yahay oo xasaanad leeyahay, balse ay boogtii ku katiinadeeyeen, iyadoo sida uu sheegay sharciguna u ogolaanayo.

“Nin la yiri dastuurka ilaali, umadaan adigaa u sareeya, ee kala dambeynta iyo sharciga ilaali, hadii isagii uu ku dheelo sharciga, dembigiisa wax la xisaabi karo maaha,” ayuu hadalkiisa ku soo diray xeer ilaaliye ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Mukhtaar Nuur Abuukar.

Hoos ka daawo

Ciidamadii cirka Soomaaliya ‘oo dib loo soo celinayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamuud Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood) kursi diyaaradeed oo uu ku fariisto waxaa u dambeysay March 1978-kii xilligii uu duuliya ka ahaa diyaarad Miig ah.

Ciiadamada Cirka Soomaaliya wuxuu ka tirsanaa in ka badan 50 sano. Dalka Soomaaliya oo haatan dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab malaha diyaarad dagaal oo dowladdu ay kooxdaas kula dagaalanto.

Balse dalal ku yaalla Bariga Afrika iyo saaxibbada Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa mararka qaar Soomaaliya ka caawiya howlgallada dhinaca cirka ah.

Dadaallada dib u soo celinta Ciidamada Cirka Soomaaliya

Waxaa socda dadaal dib loogu soo celinayo ciidamadii cirka ee Soomaaliya oo 30 sano ka hor burburay, balse waxaa jira caqabado hortaagan.

Caqabadahaasi oo ay ka mid yihiin cunaqabateyn dhinaca hubka oo Qaramada Midoobay ay saartay oo aan Soomaaliya laga qaadin, waddanka oo aan weli ka soo kaban dagaalkii sokeeye, Soomaaliya oo aan weli yeelan dhaqaale ku filan oo hubka ay doonto ay ku soo iibsan karto iyo amniga waddanka oo ay dowladda si buuxda gacanta uga hayn.

Taliye Maxamuud Sheekh waa 75-sano jir waxuu hoggaamiyaa ciidamada cirka Soomaaliya waxuuna rajeeynayaa in ciidamada Mareykanka ay Soomaaliya ka caawiyaan sidii ay dib ugu dhisan lahayd ciidamadeeda cirka, iyada oo markii hore ahayd kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika.

“Ciidamada Cirka Mareykanka waxaan la billaawnay iskaashi. Wixii hadda ka hor iskaashi maanan laheyn,” ayuu yiri Maxamuud oo ka qeybgalay shir ay yeesheen taliyeyaasha ciidamada Afrika oo ka dhacay magaalada Kigali.

“Diyaarad, Duuliye iyo farsamo-yaqaan intaba ma haysanno, balse waxaan sugeynaa saldhigyada oo keli ah,” ayuu intaasi ku daray.

Ciidanka Cirka Soomaaliya oo la aasaasay 1954-kii ayaa mar ku faani jiray lahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee MiG-17 iyo MiG-21. Dagaalkii ay Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977-kii oo ay taageereysay Midowgi Soofiyeeti iyo dagaalladii Sokeeya ee dalka ka qarxay, waxay sababeen inay kala tagaan ciidamada cirka, wixii ka dambeeyey 1991-kii.

Ururka Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyey 2,000 billaabay inuu khatar ku noqdo dowladihii taagta yaraa iyo shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Cirka ee Sooaamliya ayaa dib loo dhisay sanadkii 2015-kii.

Taliye Maxamuud wuxuu sheegay in Ciidamada Cirka Mareykanka diyaaradahooda duuliyaha leh iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee ay ilaalada iyo sirdoonka u adeegsadaan ay isticmaalaan saldhigga ciidamada cirka ee Ballidoogle oo Muqdisho kaga beegan Waqooyi Galbeed.

Howlgallaada la dagaallanka aragagxisada ee Mareykanka ayaa hakad ku yimid wixii ka dambeeyey markii uu Trump bishii January 2021-ka amar ku bixiyay iney gabi ahaanba ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay ka soo baxaan.

Mareykankana BalliDoogle wuxuu u isticmaalaa howlgallada ciidamada gaarka ah iyo tababarrada uu siiyo guutada Danab ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa ka gaabsaday iney ka jawabaan su’aasha laga weydiiyey iskaashiga sirdoonka iyo mustaqbalka waxa u qorsheysan ee ay doonayaan iney la qabtaan ciidamada cirka Soomaaliya, balse waxay hoosta ka xariiqeen sida ay Mareykanka uga go’an tahay xaqiijinta amniga Gobolka.

“Howlgallada ma aysan joojin, balse waxay yareeyeen tirada dadka, waxayna joojiyeen tababarrada ay siiyaan ciidamada gaarka ah, haddana marweliba duullimaadyo wey sameeyaan,” ayuu yiri taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh.

Taliyuhu wuxuu intaa ku daray ciidamada Mareykanka inay hadda Muqdisho dib ugu soo laabteen, iskashiga dhinaca ciidamada cirkana uu si cusub u billaawday. Wxuuuna sheegay inuu rajeynayo Mareykanka inuu ciidamada cirka Soomaaliya uu ka caawiyo dhanka tabbarradda ugu dambeyntina uu ugu deeqo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa xamuulka.

“Waxa ugu horreeya ee aan ka dooneyno ayaa wuxuu yahay iney noo tababaraan duuliyeyaal, farsamo yaqaanno, shaqaalaha hagista hawada, ku wa diyaaradaha cillad bixiya,” ayuu yiri.

“Diyaaradaha xamuulka oo ay helaan ciidamada cirka Soomaliya waxay gacan ka geysaneysaa iney ka qayb qaataan daabulka ciidamada iyo gurmadka masiibooyinka dabiiciga ah.”

Taliye Maxamuud weli wuxuu ku labbisan yahay tuuta buluug ah oo ay ka muuqato astaanta ciidamada cirka Soomaalia iyo caleemo dahab ah oo darajadiisa muujineyso, wuxuuna rajeynayaa in mar aan dhaaereyn uu arko ciidamada cirka Soomaaliya oo si buuxda u soo noqdo si ammaanka dalkiisa hooyo uu u noqdo mid la isku halleyn karo.

“Diyaarado haddii aad haysato, waad garaneysaa sida aad ula dagaallameysid Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Al-Shabaab cirka iyo dhulkaba markaad kula dagaallanto muddo gaaban ayaad ku tirtiri kartaa, balse wax walba eber ayaan ka soo billaabeynaa. Waxaan dooneynaa wax walba inaan hoos ka soo dhisno. Marka wax kasta oo aan helno innagu kaalmo ayey noo tahay,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada cirka Soomaaliya Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cali Maxamuud (Dable Beylood).

Ciidamada Soomaaliya, Mareykanka marka laga reebo waxay iskaashi dhinaca ciidamada cirka ah oo looga gol leeyahay dib u soo celinta ciidamada cirka Soomaaliya iyo hubkooda ay Soomaaliya la gashay dalka Pakistan.

Dib u milicsiga Ciidamada Cirka Soomaaliya

Ciidamada Cirka Soomaaliya oo la aasaasay wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960-kii si la mid ah ciidamada cirka ee caalamka ka jira waxay mas’uul ka yihiin ilaalinta cirka iyo dhulka dalka Soomaaliya. Xorriyadda ka hor intii u dhaxeysay 1954-1960-kii waxaa loogu yeeri jiray Ciidanka Hawada Soomaliya (SAC), xorriyadda kaddibna waxaa magacaasi loo baddalay Ciidamada Cirka Soomaaliya (SAF).

Ciidanka cirka ee Soomaaliya oo wakhti ahaa kuwa ugu awoodda badan Geeska Afrika ayaa burburiay wixi ka dambeeyey 1990-kii marki ay dagaalladasokeeye ka dhaceen dalka Soomaaliya.

Hoggaanka ciidanka Soomaaliyana burburka ka hor waxaa gacanta ku hayey duuliyihii ugu horreeeyey Cali Mataan Xaashi.

Ciidamada Cirka Soomaaliyana waxay ku hubeysnaayeen diyaarado isugu jira kuwa dagaalka (oo miig (80) iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca (17) ka kooban), diyaaradaha xamuulka iyo kuwa tababarrada loogu talo galay (30).

Diyaaradah dagaalka ay ku hubeysnaayeen ciidamada cirka ee Soomaaliya wixi ka horreeyey 1991-kii waxaa sameeyey dalalka Mareykanka, Midowgii Sofiyeet, Talyaaniga iyo Shiinaha.

Xigasho: BBC

Wararkii ugu dambeeyey ee dabeylo ku dhuftay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa qaybo ka mid ah ku dhuftay saddexdii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka dan yarta ah ee ku nool gudaha magaaladaasi.

Dabeylaha ayaa si gaar ah ugu dhuftay xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo, halkaas oo dib u dajin looga sameeyey qoysaskii kasoo laabtay xeryaha Kenya ee Dhadhaab.

Bacaad ayaa ku rogmaday xaafadda, waxaana ku dumay illaa lixdan guri, kadib markii ay caradu qarisay guryahaas oo ay daganaayeen qoysas dan yar ah.

Guddoomiyaha xaafadda ay musiibada ka dhacday, Mahad Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey inta gaarsiinsan tahay dhibaatada ka dhalatay dabeylahaasi, wuxuuna tilmaamay inay qaylo dhaan u direen dowladda hoose, una soo gurmatay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta badan laga barakacay xaafadda Midnimo, kadib dabeylaha ku dhuftay xaafaddaasi.

“Guryo dhowr ah oo fara badan oo ugu yaraan illaa lixdan gaaraya ayey saameysay musiibado oo laga barakacay,” ayuu yiri Mahad Maxamed Xasan.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Maamulka dowladda hoose waa mahadsanyihiin waan u cabanay illaa shalay illaa maanta ayey nala taagan yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Arrintan ayaa waxaa loo sababeynayaa is-bedalka cimilada iyo sidoo kale dhirta laga jaray deegaanka, waxaana Kismaayo ay ka mid tahay magaalooyinka dhaca xeebaha ee Somalia.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada dagaal ee u dhaxeysa dalalka Ukraine iyo Ruushka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dalalka Galbeedka ugu baaqay inaysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan xudduudaha dalkiisa.

Mareykanka ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada Ruushka ee ku siqaya xadka Ukraine ay tahay arrintii ugu weynayd ee dhacda kaddib dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay xasarad abuuri doonto haddii uu dagaal dhaco.

Ruushka ayaa beeniyay inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado Ukraine, wuxuuna sheegay in taageerada Mareykanka ee Ukraine ay khatar tahay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka inay iska indhatireen walaaca dhanka ammaanka ee Ruushka.

Balse waxa uu sheegay in uu daraasad ku samayn doono jawaabta Maraykanka ka hor inta aanu go’aansan waxa uu samaynayo.

Maraykanka ayaa heegan galiyay 8,500 askar ah oo gobolkaasi ku sugan, taas waxaa barbar yaala ciidamada NATO laftooda oo iyaguna abaabulan.

Ruushka ayaa Maraykanka ku eedeeyay in ay hub badan geeyeen Ukrain. Maraykanka ayaa dhanka kale u digey dalka Belarus oo saaxiib la ah Ruushka, waa haddii ay caawiyaan Ruushka in ay la kulmi doonaan jawaab adag.

Koonfur Galbeed oo dhaqan-gelisay qodob muhiim u ah heshiiska doorashooyinka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey qabashada doorashada 13 kursi oo ay deegaan doorashadooda ay tahay magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee dhaqangeliya deegaan doorashada labaad, waana qodob muhiim u ah heshiiska laga gaaray doorashooyinka.

Kuraasta la shaaciyey doorashada ayaa kala ah:- HOP#016, HOP#044, HOP#155, HOP#150, HOP#151, HOP#152, HOP#153, HOP#160, HOP#161, HOP#250, HOP#080, HOP#165 iyo HOP#173 oo dhammaantood lagu soo dooranayo caasimada Baraawe.

Sidoo kale waxaa kuraastan ku kala fadhiyey xubnaha kala ah:-

HOP#016: Aamina Sheekh Cismaan.
HOP#044: Safiyo Xasan Nuur.
HOP#155: Jawaahir Cadaawe Cabdi.
HOP#150: Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley).
HOP#151: Xuseen Cali Cabdalla.
HOP#152: Cabdullaahi Cumar Abshir.
HOP#153: AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.
HOP#160: Nuur Siidow Baaba.
HOP#161: Sayid Cali Cabdulqaadir Macalim.
HOP#250: Maxamed Siciid Cabdullaahi.
HOP#080: Maxamed Cumar Dalxa.
HOP#165: Saalim Caliyow Ibrow.
HOP#173: Cismaan Xaaji Cali.

Koonfur Galbeed ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu dadajinayo doorashooyinka, kadib heshiiskii Golaha Wadatashiga ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Xuud?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale qaabilay Jeneraal Abuukar Xuud iyo xubno la socday, kuwaas oo cabasho ka ahaa ciidamadii la geeyay magaalada Beledweyne.

Jeneraal Xuud ayaa Farmaajo ku eedeeyey inuu dhabar-jebin ku sameeyay, kadib markii uu Muqdisho uga yeeray, si xiisadda gobolka ay uga wadahlaan, balse markii uu yimid ciidamo loo diray magaalada Beledweyne.

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Jeneraal Xuud ay ku heshiiyeen shan qodob kale oo kala ah:

1– In dowladda federaalka ay bixiso magta dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Beledweyne.

2– In dowladda federaalka ay bixiso deyn-lacageed oo lagu yeeshay Jeneraal Xuud iyo Jabhadiisa intii ay ku jireen gadoodka.

3– In dowladda federaalka ay dalacsiiso ciidamada iyo saraakiisha jabhadda Jeneraal Xuud, lana qarameeyo.

4– In la bedelo taliyeyaasha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, xilalka hoggaanka qeybtaasna loo magacaabo saraakiil ka soo jeeda beesha cabashada qabta ee Xawaadle.

5– Iyo in Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa ay ka shaqeeyaan in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo ogolaado inuu tago magaalada Beledweyne.

Shantaas qodob ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Jeneraal Xuud oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa, lamana oga in heshiiskaas ay gaareen uu dhaqan geli doono.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa si adag uga hor yimid ciidanka la geeyey Beledweyne, waxaana Farmaajo iyo kooxdiisa lagu eedeynayaa inay qorsheynayaan in awood ciidan ay ku boobaan kuraasta golaha shacabka ee taalla Beledweyne.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa weli ka aamusan xaalada magaalada Beledweyne, mana cadeyn mowqifkiisa ciidanka la geeyey magaaladaas, balse ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in HirShabeelle ay dalbatay ciidankaas.

HirShabeelle oo ku gacan sayrtay go’aankii xukuumada Rooble, shaacisayna cidda u dirtay ciidanka Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si adag uga horyimid go’aankii ay shalay kasoo saareen Golaha wasiirada xukuumadda Rooble ciidamadii laga dejiyay magaalada Beledweyne.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shalay amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadaas oo muran badan dhaliyey, ayaga oo sheegay in loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Yuusuf Dabageed oo la hadlay BBC ayaa markale sheegay ujeedada laga leeyahay ciidamada la geeyay Beledweyne ay tahay inay dib u furaan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.

“Annaga dalbanay ciidamada dowladda noo soo dirtay. Golaha wasiiradduna dowladday ka tirsan yihiin. Cidday amarka siinayaan HirShabelle ma ahan. Dowladda Soomaaliyeed iyadu ha is warsato” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale waxa uu markii u horeysay qiray in ciidamada tagay Beledweyne lagu soo diray amar uu leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kadib markii ay madaxweyne Cali Guudlaawe ka wada-hadleen arrintaasi, sida uu sheegay.

“Madaxweyne ayey Soomaaliya leedahay, asaga ayaa ah Taliyaha guud ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna kala macaamilay madaxweynaha HirShabelle. Ciidamada Soomaaliyeed sidoodaba shaqadooda waxay tahay in dalka Soomaaliyeed ay cadowga ka sifaayaan oo shaqadooda ayey haystaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabelle ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamadaas aan loo adeegsan doonin xiisada ka taagan magaalada Beledweyne, maadama uu mugdi badan ku gadaaman yahay ujeedka ciidamadaas loo geeyay magaaladaas.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dad siyaasiyiin ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay marin habaabinayaan arrintaas, ayna boron-bogaadeynayaan ciidanka xooga dalka.

Hoos ka dhageyso  Yuusuf Dabageed

“HirShabelle ayaa codsatay ciidanka la geeyey B/Weyne ciidan kalena waa rabnaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo ka hor ciidamo ka kala tirsan Gor Gor iyo Haramcad diyaarado lagu geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa tallaabaad si adag uga hor yimid inta badan dadka reer Hiiraan iyo xukuumadda Rooble.

Hase yeeshee Xildhibaan Maryan Haruun oo ka mid ah xildhibaanada afartii sano ee lasoo dhaafay golaha shacabka ku metelayey gobolkaas oo galabta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay go’aankii ciidanka lagu geeyey magaaladaas.

Xildhibaan Maryan ayaa sheegtay in ciidankaas ay codsadeen madaxda HirShabeelle, iyadoo dowladda federaalka ku bogaadisay inay aqbaashay codsigii uga yimid madaxda maamulkaas, sidoo kale waxay dalbatay ciidan hor leh loo diro Beledweyne.

“Waxaan qabaan in ciidanka aan siyaasadda la gelin, balse waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa, sida ay dowladdu uga jawaabtay codsigii ay soo jeediyeen Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa oo dal-baday ciidankaas,” ayey tiri Xildhibaan Maryan Haaruun.

Waxay sheegtay in HirShabeelle aysan qabin ciidan ku filan, taas oo sida ay tilmaantay dowladda ku qasbeysa in ciidanka ay xaqa u leeyihiin ay dowladdu u dirtay, si ammaanka dadka gobolkaas ay u sugaan.

“Maamullada kale markii ciidanka loo diray lagama hadleyn, laakiin maamulkeena meel kasta ayaa laga qeyliyey, balse looma joojinaayo, ciidanku ammaanka ayey sugi doonaan, doorashaduna si xor ah ayey uga dhici doontaa Beledweyne,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Maryan.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maryan Haaruun ayaa siyaasiyiinta kale ee reer Hiiraan waxay ugu baaqday inay joojiyaan qorshaha ka dhanka ah ciidanka la geeyey Beledweyne, maadaama sida ay sheegtay baahi ammaan oo xoog leh ay ka jirto gobolka.

Hoos ka daawo

Ethiopia oo Soomaaliya uga mahad-celisay arrin xasaasi ah oo ay ku garab istaagtay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan labo geesood ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Demeke Mekonnen Hassen.

Labada Wasiir ayaa kulankooda waxaa looga wada-hadlay kor u qaadida xiriirka labo geesoodka ah ee Labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblomaasiyada iyo la-dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale waxay si gaar ah diirada u saareen howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta ah ka qayb qaadanayaan, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay, uguna mahad celiyay sida ay hore ugu garab istaagtay dowladda saaxiibka yihiin ee Itoobiya shirkii looga hadlayey tacadiyada Itoobiya ee ay qabatay hay’adda xuquuqul insaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa dhawaan kasoo horjeesatay “in baaris lagu sameeyo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka” oo lagu eedeeyay Itoobiya inay ka geysatay gobolka waqooyi ee Tigray-ga, tan iyo markii uu billowday dagaalkii qaraara ee qaaday dowladda dhexe.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyey Demeke Mekonnen Hassen iskaashiga xoogan iyo deris wanaaga ka dhaxeeya labada dal, isagoona hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo, ayada oo ay sanadihii dambe xulafo isku dhow noqdeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Aqriso: Magacyada guddiga xulista ergooyinka 6 kursi oo HirShabelle ah oo la shaaciyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabelle ayaa maanta shaaciyey magacyada guddiga soo xulaya ergooyinka 6 kursi, kuwaasi oo iskugu jira odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka.

Lixda kursi ee la soo saaray guddigii soo xulayay ergooyinkooda ayaa waxa lagu wadaa in maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabto magaaalda Jowhar, oo si weyn looga dareemayo diyaar garow xoogan.

“Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed (SEIT HIRSHABELLE) oo gudanaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii Madasha Qaranka, raacayana habraacyadii doorashada 2021-2022 wuxuu halkan ku soo gudbinaya liiska guddiga xulista ergooyinka kuraasta aan horey u soo shaacinay ee 6 hoos ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

Lixda Kursi ayaa waxay kala yihiin;

  1. HOP#005 oo hadda uu ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceeymooy, Wasiirka Beeraha Maamulka Hir-Shabeelle.
  2. HOP#033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Kabaale
  3. HOP#052 oo ay hadda ku fadhiso Farxiyo Maxamuud Dhakane
  4. HOP#088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud
  5. HOP#097 oo ay ku fadhiso sanadihii u dambeeyay ee la soo dhaafay Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka DF
  6. Iyo HOP#098 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Maxamed Jimcaale

Hoos ka aqriso magacyada Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ee soo xulaya ergooyinka kuraastaas.

SOMALILAND oo shaacisay inuu burburay saamigii Itoobiya ee dekadda Berbera

0

Berbera (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga 19% uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka “La hadal Horyaal” ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal ayaa sheegay in Somaliland iyo DPworld oo kali ahi ay leeyihiin faa’iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya anay waxba ku lahayn.

“Saamiga Dekadda Berbera waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland 35% ayey leedahay DPworld-na 65%,  heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha” ayuu yiri Wasiir Shire.

Wasiir Shire ayaa sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dowladda Itoobiya qeyb looga siiyay saamiga Dekedda Berbera, isla markaana uu jiray kaliya isfaham arrintaa la iskula soo qaaday, is fahamkaas oo markii danbe aan hirgalin.

“2017 bishii February, shir lagu galay Abu Dhabi oo qolada Itoobiyaan yimaadeen ayaa waxaa jiray isfaham ah in 19% la siiyo dowlada Itoobiya laakiin muu dhaqan gelin” ayuu hadalkisia si raaciyey .

Burburka ku yimid is fahamkii lagu doonayey in saami dhan 19% faa’iidada Dekedda Berbera lag siiyo Itoobiya  ayaa ka dhigan in DPworld ay yeelanayso 65%, Somaliland-na yeelanayso 35%, sida uu sheegay wasiir Shire.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray maamulka Somaliland, iyadoo la xasuustay inay Itoobiya horey u sheegtay inay 19% ku leedahay dakhliga kasoo xaroodo Dekadda Berbera.

FARMAAJO oo awood ku buriyey qodobkii ugu cuslaa HESHIISKA 9-kii Janaayo

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Qoddobkii ugu cuslaa ee ku jiray heshiiskii 9-ka bishaan ay doorashada ka gaareen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa u muuqda in uu buray, kadib markii ay ciidamada markale ku milmeen xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Qoddobka 16-aad ee ku jiray heshiiska Golaha ayaa dhigayay in ciidamada ay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasada, kuna eekaadan ilaalinta amniga dalka.

“Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka,” ayuu u dhigna qoddobkaas.

Burbur-ka qoddobkaas ayaa waxa soo dadajiyay kadib markii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu ciidamo hor leh ka dajiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa Arbacadii laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradda oo sidday askar gaareysay illaa 50 askari ayaa saaka ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyne oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Beledweyne ayaa waxaa yaala kuraas badan oo xildhibaan oo uu aad u doonayo madaxweyne Farmaajo, oo uu ugu weyn yahay kursiga la fahansan yahay inuu isku sharxi doono agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu geeyey Beledweyne ay tahay qalalaase uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ku sii hurinaayo xiisadda gobolka Hiiraan.

Mucaaridka ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu qaato masuuliyadda kaga aadan arrintaan, xaqiijiyana in ciidanka laga dhex saaro siyaasada, loona jiheeyo la dagalaanka argagaxisada Alshabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay qeybo kamid ah suuqa ugu wayn ganacsiga Soomaaliya ee Bakaaraha.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Hase yeeshee, ma cadda haddii taliyayaasha ciidamada oo ku xiran Farmaajo ay maqli doonaan amarka Golaha Wasiirada.

Si kastaba, Ciidamada ayaa hore dhowr jeer si weyn ugu dhex milmay siyaasadda, ayada oo loo adeegsaday weeraro siyaasadeed oo ay ugu dambeysay isku-deygii lagu qabsan rabay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

TURKIGA oo loo gudbinayo dacwad ka dhan ah ciidamada ay Soomaaliya u tababarto

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay ciidamada uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo geeyey magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare oo la hadlayay TV-ga Universal ayaa sheegay in ciidamada Haramcad iyo Gorgor ay dhowr jeer ka qeyb galeen dagaalo uu dano gaar ah ku wato Farmaajo, ciidamadaas oo ay tababartay dowladda Turkiga.

Waare ayaa sheegay inay ciidankan uga dacwoon doonaan dowladda Turkiga, oo uu sheegay in looga baahan yahay inay dib u eegis ku sameeyso ciidamada ka leexday ujeedkii loo tababaray ee ahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

“Dowladda Turkiga oo ciidanka Beledweyne la geeyay tababartay dacwad rasmi ah ayaan u gudbineynaa, waxa aan ka dalbaneynaa in ay dib u qiimeyn ku sameyso siyaasadda amni ee Soomaaliya, ma waxa aad ciidan noogu tababartaan Ciidan aan ogeyn Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ra’iisul Wasaaraha meesha la geynayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waare ayaa sheegay in ciidankan ay tababareen ee Gorgor ay saddex nin oo isku qabiil ah, oo kala ah Farmaajo, Jeneraal Biixi, iyo taliye urur oo uusan magacaabin, ay u adeegsadeen inay ku weerareen qabiil kale.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa dalbaday in laga hortago tacadiyo ka dhalan kara Ciidamada gaarka u tababaran ee Villa Somalia geysay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo buuq badan ka dhashay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa shalay lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

“Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doonayo inuu u adeegsado kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Beledweyne.

Qorshaha Farmaajo kadib kala shakigii Cali Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Laba maalmood ka hor waxaa qeyb kamid ah magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan la wareegay ciidan hubeysan. Ciidankaas waxay sharciyan ka tirsan yihiin militeriga Soomaaliya, laakiin hadda waxay ka shaqeenayaan difaaca doodda ay qabto beeshooda.

Hase yeeshee Arbacadii Farmaajo ayaa ciidan geeyey magaalada Beledweyne, kooxdii hubeysneyd ee magaalada soo gashay ma hor istaagin ciidanka tagay Beledweyne, maadaama aysan mas’uul ka aheyn ammaanka garoonka diyaaradaha oo ay halkaas joogaan ciidan Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Ciidanka uu Farmaajo geeyey magaalada Beledweyne waxaa lagu sheegay dhowr Boqol oo Askari oo hubeysan, qaar kale ayaa la filayaa in lagu biiriyo sida wararka qaar sheegayaan, laakiin dowladdu ciidankaan uma geynin Beledweyne xasilin amni ama inay al dagaalamaan ciidankii qabsaday qeybo kamid ah magaalada.

Ujeedka ciidanka Arbacadii Beledweyne loo geeyey waxaa lagu sheegay mid doorasho la xiriira, xubno kamid ah maamulka HirShabelle ayaan kasoo xiganay xogtaan.

Ciidanka ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne waxaa la sheegay inay dageen xero ciidan ee la dhaho Lama-Galaay. Xiradaan waa meesha loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Beledweyne.

25 Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa lagu dooran doonaa magaalada Beledweyne. Ciidanka maalin ka hor la wareegay qeybo kamid ah magaalada ma diidana in doorasho ka dhacdo Beledweyne, balse waxay cadeeyeen inay diidan yihiin in Cali Guudlaawe tago Beledweyne.

Kooxda Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeenayaa inay rabaan in awood 100% ah ay ku yeeshaan kuraasta taalla Beledweyne, waana sababta aysan waqti badan isaga gelineyn inuu Cali Guudlaawe tago Beledweyne, waxayna maalmihii dambe si weyn isugu soo dhawaadeen oo ay la shaqeystaan Yuusuf Dabageed oo ah ku xigeenka HirShabeelle.

Inta badan dadka magaalada Beledweyne waxay isku aragti ka yihiin in Beledweyne lagu doorto 25-kaas kursi, balse waxay ku kala aragti duwan yihiin in lala macaamilo maamulka HirShabeelle oo Cali Guudlaawe uu tago Beledweyne.

Mararka qaar lama wada dhihi karo maamulka HirShabelle ee waa diidmo u gaar ah Cali Guudlaawe kaliya, maadaama Yuusuf Dabageed iyo qeybo kamid ah xubnaha ku jira goleyaasha maamulka ay weli joogaan magaaladaas, kuna shaqeeyaan.

Villa Somalia hadda waxay la shaqeysaneysaa Yuusuf Dabageed oo ay si weyn isugu soo dhawaadeen tan iyo markii uu Cali Guudlaawe si aysan kooxda Farmaajo jecleysan u maareeyey doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Diiradooda hadda waa kuraasta taalla Beledweyne, waana sababta ay Arbacadii ciidanka loo geeyey halkaas. Lama ogo haddii uu Cali Guudlaawe sidaas ku qanacsan yahay, laakiin maalmihii dambe waxaa jiray tuhun xooggan oo soo kala dhex galay Cali Guudlaawe iyo Villa Somalia.

Itoobiya oo qaaday tallaabo ay Somaliland sida dal madax banaan ula macaamileyso

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa markii u horeysay qaaday tallaabo u muuqata in si rasmi ah dal madax-banaan ugu macaamileyso Somaliland, kadib markii ay wakiilkeedii Somaliland u joogay u dalacsiisay safiir buuxa.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Itoobiya, Amb Siciid Maxamed Jibriil waxaa loo dalacsiiyay Safiirka Somaliland, halka marka hore uu ku howl-geli jiray “Wakiil”.

Safiir Jibriil ayaa markii hore Somaliland ku joogay heer qunsulnimo, iyadoo xafiiska Itoobiya ee Somaliland uu sidoo kale ahaa qunsuliyad, laakiin hadda taasi ayaa is badalaysa.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee safiir buuxa u soo magacaaba Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, hase yeeshe aan haysan aqoonsi caalami ah.

Hadda kadib, Amb Jibriil ayaa qaadanaya mansabka “Safiir”, wuxuuna noqonaya safiirka Somaliland u jooga dowlada Itoobiya, taasi oo muujinaysa isbedelka diblumaasiyadeed ee uu sameeyay safarkii u dambeeyay ee uu dalka Itoobiya ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa ku sugan wakiilo kala duwan oo Somaliland u soo magacaabeen dowlado xiriir ay leeyihiin, welina ma dhicin in dowlad kamid ah ay ku dhiirato inay safiir buuxa u magacowdo Somaliland, marka hadda laga imaado Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir saaxiibtinimo muddo badan la laheyd dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, waxayna hadda u muuqata inay daneynayso in markale ay sii wanaajiso xiriirka Somaliland oo hoos ugu dhacay saaxiibtinimada Abiy iyo Farmaajo.

Si kastaba, Booqashadii u dambeysay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa waxaa loogu soo dhaweeyay si meeqaam sare ah, oo xataa lamid ah marka la is-barbar dhigo booqashooyinkii Farmaajo uu ku tegi jiray dalkaas.

“Sababta aan cadaalada ugu raadsaday Shabaab waa…”

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir sanadeedka golaha garsoorka Soomaaliya, kaas oo looga dooday sidii loo heli lahaa caddaalad iyo inay bulshadu hesho garsoor lagu kalsoon yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed oo furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay doorashada dalka kadib muhiimad gaar ah siin doonaan nooca uu noqonayo garsoorka dalka maadaama ay Soomaaliya qaadatay nidaam federaal ah, sharciyada uu ku shaqeynayana ay noqdaan kuwa la jaanqaada bulshada ayada oo la eegayo daruufaha dhaqan dhaqaale.

Shirka oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha maxkamadaha, xeer ilaaliyeyaa, garsoorayaasha dalka, ururka qareennada,madaxda bulshada rayidka, aqoon yahanno Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda hay’adaha qaramada midoobay.

Iyadoo ay taa jirto hadana waxaa jirtay cadaalada ay bixiyaan Kooxda Dowlada kasoo horjeedo ee Al-Shabaab oo maamulo goobo badan oo ka tirsan Soomaaliya iyagoo sidoo kale sameyn ku leh gudaha arrimaha Soomaaliya.

Nidaamka cadaalada aan rasmiga ahayn ee Al-Shabaab ay ku maamulaan goobaha ay ka taliyaan ayaa noqday mid ay inta badan door bidaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo Shacabka qaarkood ay sheegen inay bixiso cadaalad joogto ah oo hufan islamarkaana degdeg ah oo aysan ka helin Dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxaa kamid ah ninkan oo ka gaaabsaday in magaciisa la sheego oo ka waramaya waxa ku qasbay in u cadaalad doonto kooxda Al-Shabaab ayaa yiri sidatan;

”Boos aan lahaa ayey maxkamadda Gobolka Banaadir Nin kale u xukuntay, kadibna waxaan aniga dacwad ka furtay Maxkamadda Al-Shabaab ee ku taalo Toora Toorow taariikhda markey aheyd 18/03/2020.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa wacday ninkii booskeyga loo xukumay, waxaana si wadajir naloogu balamiyey Ceelasha Biyaha maalin Isniin ah oo aan xasuusin taariikhda waxay aheyd, halkaasna waxaa naga qaaday gaari kuwa raaxada ah oo ay Al-Shabaab noo soo dirtay.

Dacwadeena waxay socotay muddo 44 Cisho ah, waxaana maxkamadda la hor geeyey dhowr Marqaati ugu dambeyna kooxda Al-Shabaab ayaa booskeyga oo ku yaalo Dayniile dib iigu soo celisay.

Xukunka markii uu dhammaaday kadib waxaa la iga qaaday lacag dhan 1500 Dollar oo ah adeegii garsoorka ee la ii qabtay, waana bixiyey haddana anigaa boskeyga gacanta ku heysto.

Ninkii igu heystay waxaa loo sheegay inuusan u dhawaan karin booskeyga mar kalana uusan dacwad ka furan karin maxkamadaha ku yaalo Muqdisho ee hoos taga Dowladda Soomaaliya”

Mar aan weydiinay Sababta ugu kalsoon yahay Maxkamadaha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ku jawaabay sida tan?

”Aniga markii hore Maxkamadaha Dowladda ku kalsoonaa, markii aan arkay musuq-maasuqa ka jiro maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo cadaaladda darada waxaan raadiyey xogta maxkamadaha AL-Shabaab waxaana ii cadaatay in meeshaas ay cadaalad taalo, sababtoo ah waxaa arkay dad badan oo si cadaalad ah ay Al-Shabaab u kala xukuntay, Runtii maxkamadaha Al-Shababaab lacago musuqmaasuqa lama qaato, waa meel dadka lagu kala saaro shareecada Islaamka, markii uu xukunka dhaco kadib ayaa qofka dacwadda ku guuleysto laga qaadaa lacagta garsoorka taasna waxay u xiran tahay hadba inta ay la egtahay waxa la isku heysto”

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay marka ay u kala gar-qaadayaan ama go’aan ka gaarayaan dadka usoo dacwooda ay ku saleeyaan xukunka Islaamka, taasina ay tahay sababta ay dadweynaha ugu soo cadaalad doontaan halkii ay Dowlada aadi lahaayeen.

Mararbadan ayaa dowlada federaalka Soomaaliya digniino kasoo saartay in loo cadaalad doonto kooxda Al-Shabab, balse aad moodo in wali bulshada qaarkeed ay u cadaalad doontaan kooxda Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxaa ay fuliyaan qaraxyo dad badan ay ku dhinteen inkastoo inta badan dhulkii ay ka talinayeen ay ka saareen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo taageeraya dowladda Soomaaliya.

Maamul goboleed kamid ah Dowlada Soomaaliya oo ka duulayya in shacabkii ay doorbideen nidaamka cadaalada kooxda Al-shabaab ayaa waxay daah fureen maxkamad ay ku shegeen in ay wax ku xukmineyso Shareecada islaamka.

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sanadii 2017-dii waxay fureen maxkamad shareecada islaamka iyo rafcaanka ah si ay uburburiyaan nidaamka cadaaladda ee Al Shabaab, balse waxaad moodaa in wali dadweynaha ay aminsanyihiin nidaamka kooxda Al-Shabaab ee aadka uguracan.

Xigasho: BBC Somali