27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ujeedka kulanka Axmed Madoobe, Shariif iyo Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka dagan yahay caasimadda, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo sii dhaqaajin lahaa heshiiska cusub ee lagu gaaray Muqdisho, waxayna Shariif iyo Xasan Axmed Madoobe ka dalbadeen inuu dardar-geliyo doorashada, si waqtiga la qabtay loogu soo gabagabeeyo doorashada baarlamaanka.

Sidoo kale madaxweynayaashii hore ayaa hoggaamiyaha Jubbaland ku boggaadiyey dadaalkiisa iyo doorka uu ku lahaa shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa maanta kusii jeeda Kismaayo, kadib maalmo uu ku sugnaa caasimada, isaga oo la filayo inuu sii amba qaado doorashada Golaha Shacabka.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka socday kulamo siyaasadeed oo u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo gabi ahaan looga hadlay ka gudubka kala guurka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo muddo sanad ah dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyey in la qabto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa LIIBIYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya, kuwaas oo gaarayo illaa 97 ruux.

Dadka lasoo celiyey oo u badan dhalinyaro ayaa isugu jiro rag iyo dumar, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay dadaal xoogan gelisay sidii dhalinyaradan dib loogu soo celin lahaa dalka, kuna guuleysatay.

“Dowladda federaalka Soomaaliya sidaad ogtihiin waxay dadaal badan gelisay sidii maxaabiista meelo badan oo caalamka ka mid ah ku jira iyo dadka dhiban oo wadamo badan ku dhiban in waddankooda lagu soo celiyo,” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhalinyarada maanta la keenay ay yihiin qaybtii ugu horreysay ee dalka dib loogo soo celiyey, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-198.

“Racaan waa racii ugu horreeyey intii uu u dhacay Covid-19 dad badan oo meelo kala duwan duwan xirana waa lasoo celinaa haddii Ilaaheyn Idmo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa u mahacadceliyey hay’adaha caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ka gacansiiyey, sidii dhalinyaradan dib loogu soo celin lahaa dalkooda.

Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taas oo aad loogu baadiyey dowladda dhexe.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareeyihii guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliya oo shaqada laga joojiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaqo joojin ku sameeyay Mareeyaha Guud ee hay’adda taya-dhowrka Soomaaliyeed, Aadan Xasan Barre.

Wasiirka ayaa shaqo joojinta Mareeyaha u cuskaday wada-shaqeyn la’aan ka timid Mareeyaha guud ee hay’adda iyo curyaaminta habsami u socodka waajibaadka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka.

Sidoo kale waxa lagu eedeyay Mareeyaha Guud in uu si ula kac ah isaga indho-tirayo hanaanka kala sareynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha la qabanayo

“Kadib markii uu arkay in Mareeyaha guud ee hay’adda uu iska dhega-tiray talooyin badan oo horey loogu soo jeediyay, laga bilaabo maanta waxa laga joojiyay Aadan Xasan Barre in uu ku howl-galo xilka Mareeyaha Guud” ayaa lagu yiri waraaqda shaqo joojinta ee uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga.

Wasiirka ayaa xilka Mareeyaha Guud ee hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed u igmaday in uu sii hayo Mareeye ku-xigeenka hay’adaas.

Ugu dambeyntiina Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan hay’adaha dowladda ee wada-shaqeynta kala dhaxeyso Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkiisa shaqo sii-hayaha xilka Mareeyaha Guud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Qarax culus oo goordhow ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Oline) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna ka dhacay waddada 21-October, gaar ahaan Afisyoone.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa oo uu waday ruux naftiis halige ah

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay saarkiil cadaan ah oo xilligaas mareysay waddada, mana cadda khasaaraha kasoo gaaray weerarkan.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa sidoo kale gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale hatana socda gurmad loo fidinayo dadka waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Isimada Puntland oo go’aano dhabarjab ku ah Deni kasoo saaray xiisadda PSF

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka Puntland oo maalmahaan u fadhiyey xalka xiisadda magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa xukuumadda Deni iyo taliska ciidanka PSF ee uu hoggaaminayo Maxamuud Diyaano ayaa caawa soo saaray 6-qodob oo ay u arkeen in arrintaan lagu xali karo.

Isimada ayaa go’aamiyey in hey’adda PSF ay sideeda sii ahaato oo hoggaankeeda loo daayo Maxamuud Cusmaan Diyaano, iyadoo Agaasime Maxamuud la hordhigay inuu dib isugu raadiyo ciidankii ku kala jabay dagaalkii ka dhacay Boosaaso.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Agaasime Maxamuud Cusmaan Diyaano loo dhigo gogol dib u heshiineed, si loo soo afjaro khilaafka.

Qodobka sedaxaad waxay Isimadu ku go’aamiyeen in dhibkii ka dhacay magaalada lagu dagaalamay ee Boosaaso loo bandhigo shareecada Islaamka oo lagu dhaqmo xukunkeeda.

Dhanka kale Isimada ayaa xukumadda Puntland u soo jeediyey in laga laabto heshiiskii ay la gashay shirkadda Imaaraadka ee DPW oo maamusha Dekedda magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in shantii sano ee gacanta ay ku heysay aysan shirkadaasi qaban waxii looga baahnaa.

“Waxaan go’aaminay in 17% dakhliga dekedda loo qoondeeyo hormarinta magaalada Boosaaso, dhaqaalahaas waxaa si wadajir ah gacanta ugu heyn doona, Isimada dhaqanka iyo guddi hormarinta magaalada loo sameyn doono, kuwaas oo noqon doona guddi aamin ah I.A,”ayaa lagu yiri bayaanka Isimada Puntland.

Hoos ka akhriso

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sidee ayaa loola dhaqmaa madaxda Al-Shabaab ee isku dhiiba DF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa dhawaan shan iyo toban jirsaday. Dowladda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan u wajahday la dagaalanka ururkaas.

Marka laga tago dagaallada foolka foolka ah iyo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Mareykan ka ay ka geystaan qeybo kamid ah deegaannada ay maamulaan, waxaa bar bar socday dedaallo xooggan oo lagu soo jiidanayay u dagaallamayaasha iyo qaar kamid ah hoggaamiyayaasha sar sare ee ururkaas.

Wasaaradda amniga gudaha, wasaaradda gaashaandhigga, wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda, xeer illaalinta qaranka, taliska booliska, iyo hay’adda Nabad sugidda qaranka ayaa iska kaashaday diyaarinta siyaasadda isa soo dhiibayaasha (Defection policy). Ugu dambeyn wasiirkii amniga gudaha dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa May sannadkii 2015 hor geeyay xukuumaddii ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii dambe cod aqlabiyad leh ku meel marisay.

Inkastoo aanan baarlamaanka la horgeeynin, haddana sida ay qabaan khubarrada amniga, siyaasaddaas waxa ay door fiican ka qaadatay dardar gelinta dadaaladii kasbashada isa soo dhiibayaasha.

Isla sannadkii 2015 waxaa magaalada Muqdisho laga furay xarunta dhaqan celinta Sarandi oo loogu talagalay in lagu dhaqanceliyo dagaalyahannada Alshabab kasoo goosta.

Mashruucaas oo ay hirgelintiisu lahayd wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya oo kaashaneysay dowladaha Imaaraadka, Denmark iyo Jarmalka ayaa hadafkiisu ahaa sidii cafis loogu fidin lahaa cid kasta oo dooneysa in ay kasoo baxsato ururka Alshabaab.

Waxaa sidoo kale xarumo dhaqan celin laga furay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Baladweyne, ka hor inta aanay badankoodu xirmin.

Isa soo dhiibayaasha ayaa kala leh laba heer oo mid kastaahi si gaar ah loola macaamilo. Isa soo dhiibayaasha heerka hoose oo u badan askarta u dagaalanta Alshabaab, wadaaddada ka shaqeysa faafinta aragtidooda iyo saraakiisha heer dhexaadka ah ee ururkaas waxa ay isku soo dhiibaan xerooyinka dhaqan celinta iyaga oo toos u tagaya ama usii maraya saraakiil ka tirsan dowladda ama odayaasha dhaqanka si ay u dhammeystiraan hanaanka isa soo dhiibidda.

Kaddib xarumaha waxa ay siiyaan isa soo dhiibayaashaas fursad lagu dhaqanceliyo, iyadoo la barayo waxyaabo la xiriira diinta Islaamka iyo aasaasiyaadka xuquuqda Aadanaha. Marka laga soo tago in qiyam ahaan qofka loo rogo, waxaa kale oo la baraa xirfado gacanta ah oo ay ku shaqeysan karaan. Sida uu noo sheegay mid kamid ah howl wadeennada xarunta dhaqan celinta Sarandi oo diiday in aan magaciisa u adeegsanno warbaahinta.

Dhanka kale isa soo dhiibayaasha sar sare waa saraakiisha sare, madaxda iyo hoggaamiyayaasha kooxda ee doorta in ay isku soo dhiibaan dhanka dowladda. Hannaan ka duwan kan la marsiiyo isa soo dhiibayaasha yar yar ayeey maraan, oo waxaa la geeyaa guryo iyo goobo gaar ah, halka qaarka aan dhammeystirin hannaanka isa soo dhiibiddana la dhigo xabsi guri.

“Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan siyaasadda dowladda Soomaaliya uga degsan cafinta xubnaha sare ee Alshabaab ee isa soo dhiibaya. Kow waa in uu ka tanaasulo xubinnimada ururka Shabaab/ Daacish, iwm. Labo In uu aqoonsada dowladnimada Soomaaliya (qasab ma ahan in uu taageero xukuumadda markaas jirta) iyo qodobka saddexaad oo ah in uu qaab nabadeed ku raadiyo ahdaaftiisa siyaasiga” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali oo horey u ahaa la taliye dhanka amniga saddexdii madaxweyne ee u dambeysay Soomaaliya.

“Haddii uu oggolaado isa soo dhiibaha saddexdan qodob, dowladda Soomaaliya waa ay cafineysaa, ha yeeshee cafiskaas ma damaanad qaadayo haddii qof ama qofaf ay si shakhsi ah maxkamad ugu dacweeyaan isa soo dhiibaha iyagoo ku eedeynaya inuu si shakhsi ah u waxyeeleyay, kiiska waxaa uu noqonaya mid maxkamad u furan ama isa soo dhiibaha uu la macaamilo dacwoodayaasha” Xuseen Sheekh Cali, markale.

Xubnaha sarsare ee kasoo goostay ururka Alshabaab waxaa ugu mug weynaa kuxigeenkii ururkaas Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo isku soo dhiibay maamulka Koonfur Galbeed 13kii August sannadkii 2013 kii, dhowr bil uun kaddib markii dowladda Mareykan ka ay ka saartay liiska argiggixisada.

Wasiirkii gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid C/llaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa usoo galbiyay Rooboow magaalada Muqdisho si loo dhammeystiro heshiiska labada dhinac.

Dhawaan ayeey ahayd markii taliyaha nabadsugidda qaranka Gaashaanle Yaasiin Farey uu warqad jawaab celin ah u diray wasiirka Amniga oo dalbaday in laga soo warbixiyo sababta uu u xiran yahay Mukhtaar Rooboow. Warqadda taliska Nabad sugidda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Rooboow uusan dhammeystirin shuruudaha isa soo dhibitaanka. haddaba maxay ahaayeen shuruudaha ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow. Ha inoo sharxo Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, door muhiimna ka ciyaaray isa soo dhiibiddii Sheekh Mukhtaar Rooboow

“Dowladda Soomaaliya waxa ay kula heshiisay Mukhtar Rooboow in uu ka tanaasulo fekerka Shabaab, iskana beriyeelo. Sidoo kale uu ka qeyb qaato dowlad dhiska dalka isagoo la dagaallamaya kooxda Alshabaab. In uu door muuqdo ka ciyaaro tashkiilinta iyo in ay isa soo dhiibaan saraakiisha sarsare ee ururka, in ciidamadii la socday la qarameeyo, lana dagaallamaan Alshabaab. Dhanka Rooboow isna waxaa uu codsaday in dowladda ay kala shaqeyso sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay, laguna garab istaagi lahaa la dagaalanka Alshabaab”.

Markale isla su’aashaas waxaa ka jawaabaya la taliye Xuseen Sheekh Cali.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay jebisay dhammaan heshiiskii lala galay Rooboow, oo si sharci darro ah ayuu ku xiran yahay. dhanka Sheekh Mukhtaar waa uu dhammeystiray dhammaan shuruudihii looga baahnaa qof isa soo dhiibe sidiisa oo kale, waa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay ururka Shabaab, si cadna waa u u qiray dowladnimada Soomaaliyaad, wixii markaas ka dambeyayna waa tii la wada ogaa in damaciisa siyaasiga ah uu ku doonayay qaab nabadeed illaa isaga oo musharrax ah Villa Somalia ay soo qafaalatay”.

Maxaa Farmaajo ‘ku qasbay inuu soo dhaweeyo’ natiijada shir uusan aqoonsaneyn?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, oo u muuqatay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dhaweeyay heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo labo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa sida la wada ogyahay si badheedh ah kal hore uga horyimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, asaga oo ka ag furay shir kale oo wadatashi, kaasi oo ugu dambeyntii fashilmay.

Haddaba, maxaa Farmaajo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidana?

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wajahay culeyso dibada iyo gudaha ah, kuwaasi oo ku qasbay in uu soo dhaweeyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii uu diidanaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan waxa uu madaxweynihii hore Farmaajo isku dayaya in uu daadka is raaciyo, kadib markii uu ku fashilmay tallaabooyinkii u dambeeyay ee awood maruursiga ahaa.

“Ha ku kadsoomina waqtiga uu iibsanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, marnaba ma aha nin yeelaya oo raali ka noqonaya doorasho madax banaan oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu ka shaqeynayaa ah in uu laaluush u qeybiyo dad siyaasiyiin ah oo uu isleeyahay kasbo, waxa uu gadanayaa waa waqti,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khudbada Farmaajo ee xalay ay tahay mid uu indhaha caalamka iyo gudaha iskaga jeedinayo, islamarkaana uu wado shirqool cusub oo waxyeelaya geedi socodka dowladnimada iyo hanaanka doorashooyinka dalka.

“Qowlkiisa meel laga qabto oo laga rumeeyo aan laheyn, waa ninka ku leh Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday waa ka joojiyay, haddana soo saaraya warqad ku socota xafiiskiisa. Waa ninka oranaya galabtii Ra’iisul Wasaaraha waa fiican yahay haddana habeenkii warqad soo saaraya oo oranaya waa ku fashilmay shaqadii.”

Farmaajo ayaa xalay inta badan khudbadiisa uga warbixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

Khudbada madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadeysa xilli uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana heshiis laga gaaray mad-madowgii doorashada, ayada oo la dhaqan-geliyay badanaa talo soo jeedintii mucaaridka ee doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Bulshada Banaadir oo hanjabaad uga jawaabtay go’aankii maamulka gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Bulshada Banaadir ee maalmihii u dambeeyay waday qaban-qaabada banaanbax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo isku-deygii afgambi ee 27-kii December ee fashilmay, ayaa si adag uga jawaabay go’aankii uu maamulka gobolka Banaadir uga horyimid banaan-baxaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Filish oo maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka, ayaa banaanbaxa mucaaridka ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Cali Maxamed Maxamuud (Cali Joqonbe) oo qeyb ka ah Golaha Bulshada Banaadir oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kadib markii uu ku dooday in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono Sarkaalka ama Mas’uulka isku daya in uu awood ciidan isku hortaago banaanbaxa Khamiista, isaga oo sheegay in mas’uuliyada wax kasta oo dhaca ay dusha u ridan doonaan maamulka gobolka Banaadir.

“Waxaa maqalnay in maamulka gobolka Banaadir uu yiri lama banaanbixi karo, Golaha Bulshada Banaadir waa Gole lagu talo-galay in lagu difaaco codka, xuquuqda iyo dhamaan adeegyada bulshada ku nool gobolka Banaadir. Qofka in uu si xor ah u hadlo oo si nabad ah ku banaanbaxo waa xaquuq aan u baahneyn fasax,” ayuu yiri.

“Waxaa leeyahay cid kasta oo wax ku gaarta banaanbaxaas waxaa mas’uuliyadeeda qaadeysa maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka codsaneyna in bulshada soo baxdo oo aan muujino dareenkeeda si nabad-gelyo ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid nabdoon, isaga oo dadka kasoo horjeedana ku eedeyay inaysan ogoleyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Sarkaalkii soo bixiya ciidan maxkamad ayaa la geynaya, waana lagu ciqaabi doona. Calanka ayaa qaadeyna anaga ayaa idinka horeyna oo idinka dambeyn meyno, maalinkaas ayaa noo ballan ah,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Cali Joqonbe oo ku hadlayay afka Golaha Bulshada Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa joojinta banaanbaxa qiil uga dhiganaya in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Waxay arrintaan sii hurineysa xiisada dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, maadama mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ay xilligan ku howlan yihiin baajinta banaan-baxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka dhalan kara shirkii taliyayaasha ciidamada ee ‘fariinta loogu diray” Rooble?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad amni ee dalka ayaa walaac xoogan ka taagan yahay kadib markii uu fashilmay amarkii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu siiyay Saraakiisha ciidamada, kaasi oo dhigayay inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn.

Waxaa shalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay kulan ay soo abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo ay iskugu yimaadeen badanaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Kulanka ayaa waxa kasoo muuqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Ku-simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey iyo Taliyaha ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Qaroole.

Fallan-qeeyayaasha siyaasada ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid dhoolatus ah oo farriin loogu dirayay Ra’iisul Wasaaraha, maadama Taliyayaasha iyo Saraakiisha kasoo muuqday ay ahaayeen kuwa weli si toos ah uga amar qaata madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa xusid mudan in kulanka shalay uu Wasaaradda Gaashaandhiga ka qabsoomay ayada oo aanu weli Wasiirka cusub ee uu dhawaan magaacabay Rooble aanu xafiiskiisa u shaqo tagin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore u amray ciidamada inaysan ka amar qaadan karin cid aan asaga aheyn, kadib markii uu sii xoogeystay dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Farmaajo, oo isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiskiisa.

Sidoo kale waxay arrintaan kusoo aadeysa ayada oo madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku fashilmeen inay isku raacan in amniga dalka lagu wareejiyo Rooble, maadama uu madaxweynihii hore uu weli saameyn xoogan ku leeyahay taliyayaasha iyo saraakiisha ciidamada.

Arrimahan ayaa ka dhigan in weli uu Farmaajo u adeegsan karo ciidamada dowladda dano gaar ah, sida u hore u dhacday, taasi oo aan la mahdin, islamarkaana horseeday jahwareero siyaasadeed iyo hubanti la’aan amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Tallaabadii uu madaxweyne Farmaajo qaaday oo arrin cusub ku kordhisay ajendaha banaan-baxa mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Banaanbaxa oo uu si weyn uga horyimid maamulka gobolka Banaadir oo la fahamsan yahay in uu gadaal kasoo riixayo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubnaha mucaaridka.

Sida uu qorshaha yahay banaanbaxan ayaa magaalada Muqdisho ka dhici doona maalinta Khamiista, waxaana looga soo horjeeda madaxweynihii hore iyo tallaabadii uu iskugu dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Waxaa hadda kusoo biiray oo qeyb ka noqday labada arrin ee ahaa ajendaha banaanbaxaas in lagu maamuusi doono sawirka iyo taariikhda madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada AUN Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug oo kamid ah qaban-qaabiyaasha banaanbaxa lagu wado in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo ayaa sheegay in banaanbaxaas ay ku sharfi doonaan xurmadle Aadan Cadde, maadaama uu Farmaajo sawirkiisa ka fujiyey madaxtooyada.

Banaanbaxan oo qorshihiisu uu soo bilowday ka hor intii aan heshiis laga gaarin doorashada ayaa weli waxa uu mucaaridka ku adkeysanaya in uu qabsoomo, ayada oo maamulka gobolka ay ku dhawaaqeen in uusan qabsoomi doonin banaanbax aan ogolaansho ka haysan.

Si kastaba, Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta banaanbaxan, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka gobolka oo war culus kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa mucaaradka DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga ee qeybta guud gobolka Banaadir.

Guddoomiye Filish ayaa si adag uga horyimid banaanbax ay abaabulayaan Mucaaridka, kaasi oo qorshuhu uu yahay in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista.

Waxa uu sheegay in xilligaan magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeyso hor leh, isagoo banaanbaxa uu abaabulkiisa socdo ku tilmaamay mid fowdo ah oo ka dhan ah amniga caasimada.

Sidoo kale waxa uu faray Saraakiisha amniga inay xoojiyaan amniga caasimada dalka ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in bulshada kala shaqeeyan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa arrintan qiilka u weyn uga dhigtay in heshiis laga gaaray mad-madowgii ka jiray doorashada, ay dhankoodana ku qanceen mucaaridka, inkasta oo banaanbaxan uu yahay mid ka dhan ah Farmaajo iyo isku-deygiisa afgambi ee 27-kii December.

Ma aha markii u horeysay ee uu maamulka gobolka Banaadir uu si cad uga horyimaado banaanbaxa ay mucaaridka qorsheynayaan in uu qabsoomo Khamiista, ayada oo labo maalin ka hor uu Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Cali Yare uu ku dhawaaqay in magaalada lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulka gobolka.

Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta dibadbaxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sidee looga fal-celiyey khudbaddii FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, taas oo ay Villa Soomaaliya sii deysay saq-dhexe, waxaana ka dhashay falcelin aad u xoogan.

Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka, heshiiska laga gaaray doorashada, dib u dhiska ciidamada, hannaanka siyaasadda arimaha dibadda iyo arrimo kale, isagoo sidoo kale  fariin uu u diray shacabka.

Sidee looga falceliyey khudbaddiisa?

Dr Maxamuud Maxamed (Culusow) oo ah siyaasi ka faalooda xaaladd Soomaaliya iyo doorashooyinka ayaa faallo uu soo saaray ku sheegay in khudbadda uu jeediyey xalay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday laga dheehan karay xilkasnimo-xumo, dareen la’aan, daacad darrom xaqiraad iyo is moogeysiin ula kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadda socotay 8da daqiiqo ee 54 ilbiriqsi ee Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday, ka jeediyay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu sharcidarrada ku dhex deggan yahay, waxaa laga dheehan karaa xilkasnimoxumo, dareen la’aan, doqonnimo, marin habaabin, dulleyn, iyo awr ku kacsi dhallinyaro nolol raadis ah, daacad-darro, taagero raadis, xaqiraad, eedeyn, xusuus la’aan ama is moogeysiin ula kac ah,” ayuu ku yiri Faallada Dr Maxamuud Culusow.

Dhankiisa xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu is-hilmaansiiyey in uu aag dagaal ka furey madaxtooyada qaranka, balse uu ka hadlay qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey.

“Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wuxuu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey madaxtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?,: ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu Farmaajo u ekaa nin lasoo qasbay, isla-markaana loo soo qoray khudbadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Odayga xalay wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caalam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka siyaasadeed ee ay galiyeen,” ayuu markale qoraalkiisa sii raaciyey siyaasiga Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sidoo kale ka falceliyey hadalkii madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna yiri “Khudbadda Farmaajo QUWAAXII aan sheegay soo ma noqon?!”.

Si kastaba, khudbadda uu jeediyey Farmaajo ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Beesha Caalamka oo dalab culus soo saartay, kadib shirkii Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxibada Beesha Caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal wadajir kasoo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan go’aannada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey gudaha caasimada.

Xubnaha ayaa soo dhoweeyey is-afgaradka ay gaareen ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ku aadan doorashada.

‘Saaxibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka waxay garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu faraxsan tahay heshiiska cusub ee ay saxiixeen madaxdu, kadib la tashiyo ay la sameeyey dhinacyada kala duwan

“Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka,” ayaa lagu yiri.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa loogu dalbaday madaxda dalka inay eegaan danta guud ee qaranka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xiisad horleh,

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn waxay Beesha Caalamka hoosta ka xariiqday inay tahay in hogaamiyeyaashu dhaqan-geliyaan qodobada ay soo saareen, ayna deg deg ku dhameystiraan doorashada.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo,”.

Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Soomaali ka mid noqday golaha wasiirada Tanzania

0

Dodoma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Tanzania ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada. Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

“Waa farxad gaar ii ah iyo mid guud oo ay ila wadaagaan dadka Mareykanka ah iyo dadka kasoo jeeda luuqaddan aan ku hadlayo. Waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan farriimihii ay ii soo direen,” ayuu yiri Xamse Warfaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Joe Biden oo wiil Soomaali ah u magacaabay xil sare

Minneapolis (Caasimada Online) – Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa ku biiraya maamulka madaxweye Joe Biden, isaga oo la-taliye sare u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Xamse, oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minnesota, ayaa noqonaya Soomaaligii ugu darajada sarreeyey ee uu madaxweyne Mareykan ah xil u magacaabo. 

Xamse ayaa shaqada DEED ka tagaya 17-ka Janaayo, markaasi oo uu kadib ku biiri doono Wasaaradda Arrimaha Dibedda, isaga oo kaalin weyn ka cayaari doona sare u qaadidda Dimoqraadiyadda ee dunida iyo imaatinka qaxootiga ee Mareykanka.

Qoraal ay Isniintii baahisay Waaxda DEED ee Minnesota ayuu Xamse uga mahad-celiyey madaxweyne Joe Biden xilka uu u magacaabay. “Aniga oo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne.”

Xamse ayaa ku biiraya Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. Xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya madaxweynaha go’aan ka gaarista tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta. 

Xafiiskan waxa kale oo uu maal-gelin siiyaa hay’adaha dib u dejinta qaxootiga.  

Xamse ayaa yimid Mareykanka isaga oo qaxooti ah 1994-kii. Waxa uu bartay culuumta siyaasadda iyo maamulka. Sanadii 2014 wuxuu daabacay buug uu u magac daray America Here I Come: A Somali Refugee’s Quest for Hope oo macnaheedu yahay America Waa I Kan: Rajo Raadinta Qaxooti Soomaaliyeed. 

Barasaabka gobolka Minesota Tim Walz ayaa sanadii 2019 Xamse u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED).

“Waxaan ku kalsoonahay in Xamse uu shacabka Mareykanka ugu adeegi doono si la mid ah sharaftii, khibrad siyaasadeedkii iyo hoggaankii wada-shaqeyn ee uu ugu adeegay shacabka Minnesota,” ayuu yiri barasaab Walz.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrimaha uu Farmaajo kaga dhowaaqay khudbaddii uu xalay jeediyey (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, waxuuna u hadlay qaab olole dib u doorasho, isagoo sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa soo dahweeyey heshiiska cusub ee doorashada looga gaaray shirkii golaha wadatashiga qaranka oo maalin ka hor Muqdisho lagu soo gabagabeeyey, isagoo madaxda ugu baaqay inay ku dhaqmaan heshiiskii ay gaareen.

Farmaajo waxuu khudbadiisa ku qiray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay masuul ka yihiin qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan khudbadiisa uga war-bixiyey dib-u-dhiska ay dowladiisu ku sameysay Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh oo ay u difaacayaan dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka,” ayuu yiri Farmaajo

Farmaajo ayaa sidoo kale ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo uu sheegay inay ku dhisan tahay wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Ugu dambeyntii Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxuuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

Hoos ka daawo khudbadda

Maxkamadda Ciidamada oo xukun toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Faarax

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay qof shacab ahaa ugu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Askariga la qisaasay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Faarax Dhaqane, kaas oo dhowaan maxkamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadeynta askariga la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa shacab.

AUN Mowliid ayaa ahaa Farsamayaqaan sameeya gawaarida, waxaana dilkiisa uu ka dhashay, kadib markii ay is maandhaafeen isaga iyo askariga maanta la toogtay.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumkii uu horey u dilay, mas’uuliyiin ka mida maamulka Gedo.

Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey Aabaha dhalay marxuumka la dilay oo ku sugnaa goobta ay toogashada ka dhacday.

Waa dilkii labaad oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida fulisay, waxaana ugu dambeeyey Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo shalay lagu toogtay barxadda degmada Luuq, kadib markii isna lagu helay dil uu u geystay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaajle.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ka mid ahaa dilkii lagu fuliyey 22-kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Al-Shabaab oo shaacisay inay dagaal kula wareegtay deegaan u dhow BALCAD

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya saaka aroortii hore dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka, kadib uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada fuliyey weerarka ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada, ayna ka qaateen saanad milatari.

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana Qalimow oo ah deegaan istaraatiiji ah, kuna yaallo waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Dhowaan ayey aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday magaalada Balcad oo ay muddo kooban la wareegtay, walow ay markii dambe dib uga baxday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xubno Al-Shabab ah oo lagu soo bandhigay Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo badhigay saddex xubnood oo ‘kasoo goostay’ kooxda Al-Shabaab, isla-markaana isku dhiibay ciidamada maamulkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay kordhiyey howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.

Xubnahan ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo sidoo kale xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Saddexda xubnood ee kasoo muuqda warbaahinta, mid ka mid ah wuxuu watay qoray AK47 ah iyo booshkiisa, iyada oo lagu soo dhoweeyey magaalada Baydhabo.

Sidoo kale xubnaha kasoo goostay Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay u adkeysan waayeen go’doonka ay kooxda ku heyso shacabka maamulkaasi.

Wareysiyo lala yeeshay saddexda xubnood ayey ku sheegeen inay kasoo dagaalameen  Jubbooyinka iyo Sh/Hoose, isla-markaana ay kasoo qeyb qaateen weeraro dhowr ah.

Waxa kale oo ay farriin u direen dhalinyarada kale ee weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ugu yeeray inay isaga soo tagaan, iskuna soo dhiibaan dowladda.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay xubnahan ay soo bandhigtay Koonfur Galbeed, isla-markaana shaaciyey inay kasoo goosteen iyaga.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa isa soo tarayey xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana loo sababeynayaa howl-gallada ay haatan wadaan ciidamada huwanta ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wareysi: Wiil kasoo goostay ERITREA oo soo bandhigay xogta dhalinyaradii la qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir oo ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa soo bandhigay xogta dhalinyaradii uu ku jiray oo qaar la dilay, qaar soo baxsadeen, qaarna weli adoonsi ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan oo u waramay Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradaas inta ka nool ay ku jiraan xaalad aad u adag, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan adoonsiga wiilashooda lagu heysto Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in dhalinyarada qaar la dilay, kadib markii ay isku dhaceen iyaga iyo ciidamada Eritrea, qiyaastii 400 oo wiil ayuu sheegay in siyaabo kala duwan ay ugu geeriyoodeen Eritrea, inta uu ogyahay.

Dhammaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea ayuu sheegay inuu ku qiyaasayo 5,400 (Shan kun iyo afar boqol) waxuuna sheegay in hadda loo heysto lacagta cunadii lasii jiray intii ay tababarka ku jireen.

4-tii bishii October ee sanadkii 2020-kii ayuu Cabdulqaadir sheegay in tababarkii uu u dhamaaday, wixii intaas ka dambeeyana ay ku jireen xaalad aad u adag oo adoonsi ay ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro ka soo goosatay xeryihii tababarka ee dalka Eritrea, kuwaas oo qaarkood ay dhex ku geeriyoodeen.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayuu Cabdulqaadir ugu baaqay inay dhigaan banaanbaxyo iyo wax kasta oo ay uga dhiidhi karaan dhibaatada heysata wiilasha Soomaaliyeed ee ku jira adoonsiga Eritrea.

Waxuu sheegay in dhibkii loo geystay uu aaqiro iyo aduun Alle kula xisaabtamayo Farmaajo oo dabinkaas u maleegay, sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ka codsaday in dhalinyaradaas inta hartay uu noloshooda badbaadiyo.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii