25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxaa looga hadlay kulankii caawa ee R/W ROOBLE, Kheyre iyo Sheekh Shariif?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Rooble.

Qoraal kooban oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ka soo saaray kulankaas waxaa lagu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

Dhammaan xubnaha midowga musharaxiinta ayaa maanta la kulmay madaxda golaha wadatashiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta weli bayaan kama soo saarin waxa ay ka qabaan is-fahankii galabta ka soo baxay shirkii 7-da cisho Muqdisho uga socday R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay uga falceli doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga oo la dilay

0

Cadakibir (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in dagaal culus oo galabta ka dhacay ciidanka xoogga dalka looga dilay saraakiil iyo askar, dagaalka ayaana caawa la iska soo gaaray.

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga dalka G/Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil uu ku jiro Taliyihii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdulqaadir Gasaawe iyo askar kale ayaa caawa dhaawacyadooda la gaarsiiyey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa bilaawday garabta, kadib markii ay ciidamada iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka caawa ma jirto cid si rasmi ah u sheegan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac caawa ka jooga deegaanka Cadakibir.

Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheegeynaa in caawa uu gurmad helay ciidankii galabta deegaankaas kula dagaalamay Al-Shabaab, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halkaas dadka deegaanka ay kooxda uga laayeen maleeshiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guuleysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaabkii soo weeraray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo ka dhan ah banaan-baxa isku daygii afgambi ee 27-ka December

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta taabacsan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilaabay qorshe ka dhan ah abaabulka banaanbax ay Mucaaradka iyo garabka Rooble wadaan oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo sidoo kale Farmaajo si weyn ugu difaaca baraha bulshada

Cali Yare ayaa maanta shir gudoomiyey kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga caasimadda, kaasi oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Shirkan ayaa waxa uu Cali Yare kaga dhawaaqay in magaalada Muqdisho lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo uu ku diidan yahay banaanbaxa mucaaridku soo abaabuleen ee looga soo horjeedo Farmaajo.

Dibadbaxan ayaa waxa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka qabsoomo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mas’uuliyiinta raacsan Farmaajo ayaa xilligan ku howlan baajinta dibadbaxaas, ayaga oo dhawaan qabsaday dibadbax kusoo koobmay huteel iyo haween oo lagu taageerayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo khilaafka Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii uu Farmaajo isku dayay in uu awood ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xarunta xukuumadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

18 qodob oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lasoo geba-gabeeyey.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo amniga kadib dood socotay 6 maalin.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan kaliya shaqadooda amniga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabk ayaa loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Soo jeedintii ay Golaha midowga musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qaatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka Shirka oo dhameystiran

Warmurtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3 – 9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhammeystiro qodobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti–qaadeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Bulshada Caalamka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaanta doorashada, dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeynta dhameystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doorashada iyo warbixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha.

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, Heshiiskii 27-May 2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021,Golaha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:

1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubnaha Guddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, magacyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;

3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta doorashooyinka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Janaayo, 2022;

4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;

5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;

6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagumana fara–galin karo;

7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay howlahooda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka;

8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kursiga ku tartamaya;

9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Madaxbannaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Doorashada kursi kasta;

10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doorashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;

11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;

12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maamulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;

13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashooyinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;

14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;

15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaafay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;

16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasadda, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hoggaansamaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;

17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada

18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabagabeynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo;

 

 

Laba WIIL oo walaalo ah oo lagu toogtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa waxay xalay saq-dhexe magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ku toogteen labo wiil oo walaalo ahaa.

Labada wiil ayaa midkood uu geeriyooday, halka mid kale uu soo gaaray dhaawac xoogan, kadib markii xabada lagu dhuftay ay ka baxday madaxa dhiniciisa kale, sida ay sheegen ehelkooda.

Labada wiil oo lagu kala magacaabo Xamse Axmed Naasir iyo Axmed Xabiibi ayaa ahaa dhalinyaro iskood u shaqeysta oo xamaalato ah, xilliga la tooganayeyna ku sugnaa afaafka gurigooda.

“Caruur ayuu ka tagay, hooyo ayuu ka tagay, mid guriga ayuu ka imaaday guriga xaaskiisa ayuu u socday waa la dhaawacay, midka xaga lagu dilayna guriga hooyadiis u socday si xalay hooyadiis iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa ula seexdo,” ayuu yiri Ismaaciil oo ah wiil la dhashay labada walaalo oo la hadlay telefishanka Goobjoog.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhalinta Soomaaliyeed waxay maalin kasta u dhimaneysa si micno darro ah oo bilaash ah, dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama bixiso.”

Dhacdadan xanuunka badan ayaa qeyb ka ah amni darada muddooyinkii dambe ka taagneyd degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, oo wajahayay dhibaatooyin iskugu jira dil iyo dhac aan loo meel dayin.

Kaaraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka mid aheyd degmooyinka ugu badan ee laga soo warinayey falalka amni darada ah, waxaana ay qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka.

Illaa hadda majiro wax war ah kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilka xalay saq-dhexe loo geystay labada wiil ee walaalaha ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

SOMALIA COVID-19: CBB (Taageerayaasha Farmaajo) ayaa ka halis badan Corona

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa dood xoogan ka dhaliyey baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Internet-ka, kadib markii ay wasaaraddu shaacisay in dadka baraha bulshada ku taageero madaxweynihii hore ee Farmaajo ay ka khatar badan yihiin fayraska Karoona.

Qoraalkan oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee wasaaradda caafimaadka ayaa saacado, kadib laga saaray, ka gadaal markii ay si weyn uga fal-celiyeen dad fara badan.

“Mowjadda labaad ee #CBB waxay ka khatar badan tahay Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space.” ayaa lagu yiri warkaas oo ku qornaa Luqadda English. CBB, waxaa loo soo gaabiyaa Cayayaanka Baraha Bulshada, waxaana loo yaqaan teegarayaasha Farmaajo.

Arrintan ayaa u muuqata mid looga falcelinayey kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale isla xalay waxaa Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo, ayna ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.

Bogga wasaaradda caafimaadka ee qoraalkan dooda dhaliyey lagu daabacay ayaa waxaa loogu talagalay faafinta xogta la xiriirta xanuunka Covid-19 oo weli ka jira Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kadib qoraal ay soo saartay oo ay isaga fogeysay arrintan ku tiri “Wasaaradda Caafimaaadka ee Dawlada Fedaraalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in qoraalka idinka muuqda sawirka hoos ku lifaaqan ee lagu daabacay bogga ciwaankiisu yahay “ Somalia COVID-19 (@SomaliaCovid19) uusan ka soo bixin Wasaaradda,  Bogguna uusan kamid ma ahayn baraha bulshada rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa xaqiijin kartaa in boggan uu hoos tago Wasaaradda inkasta oo markii hore laga sameeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilligii Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shirka doorashooyinka oo lasoo geba-gebeynayo iyo qodobada kasoo bixi kara  

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii lixaad ka socda shirka Golaha Wadatashiga  Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, oo ay yeelanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dhamaan tabashooyinka iyo khilaafadka ka dhashay doorashada dalka ka socota.

Madaxweynayaasha iyo xukuumadda ayaa hadda la sheegaya in inta badan ajendayaasha shirka xal ay ka gaareen, halka qaar kalena weli la isku mari la’yahay una badan tahay in halkooda looga tago.

Illa iyo hadda warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda ay si aad ah uga doodayaan sidii xal looga gaari lahaa Amniga doorashooyinka iyo ciddii lagu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, ayada oo dooddii amniga dalka meel la isaga xiray.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan in ra’iisul wasaaraha dalka lagu wareejiyo amniga qaranka.Maxamed Abukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka qeyb galayo shir lagu dhameynayo doorashada, balse uusan qeyb ka aheyn shir lagu wareejinayo amniga dalka.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo ay qabatay laanta Afka-Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay kaga qeyb galeyso shir looga hadlayo kaliya doorashada balse aan amniga cid gaar ah lagu wareejineynin.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegaya in galabta shirka lasoo gabagabeenayo, islamarkaana laga soo saari doono war-murtiyeed.

“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada iyo amniga. Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa qodob ay kamid yihiin.

1- Hehsiis ku saabsan amniga doorashada dalka.
2- Isbeddelo iyo horumarin lagu sameynayo babraacyada doorashada.
3- In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada Golaha Shacabka.
4- Jadwal doorasho oo cusub oo waqti cayiman leh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal xooggan oo ka socda magaalada GURICEEL

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug iyo ciidamada Gorgor oo Magaalada Guriceel loo geeyey dagaalkii lagula jiray kooxda Ahlu Sunna.

Is rasaaseynta ayaa ka dambeeysay khilaaf ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamada Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka carooday xariga Ciidamada kale ayaa gudaha u galay degmada Guriceel, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Guriceel.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay laba Askari halka laba qof kale oo mid kamid ah yahay Shacab ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada Ciidan ee degaalamay ay weli is hor-fahdiyaan, waxaana Ciidamada Gorgor ay joogaan Agagaarka Shirkadda Beder 1 halka Ciidanka Booliska ay ku suganyihiin Saldhiga Booliska ilaa dhabarka Dambe ee Quraca Maqaayadda Xadiyo Cad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Puntland iyo PSF oo markale ku dagaalamay Boosaaso + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidanka amniga Puntland iyo kuwa PFS ee taabacsan agaasimihii hore General Maxamuud Cismaan Diyaano.

Is-rasaaseynta oo socotay muddo kooban ayaa ka dhacday agagaarka xerada Cowska ee ku taallo Boosaaso, sida uu shaaciyey taliska Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu dhex-maray ciidamo uu watay agaasimaha magacaaban ee PSF Sarreeye Guuto Maxamed Amiin iyo kuwa taabacsan agaasimihii hore.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo u warramay VOA ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay hal askari, mid kalena uu soo gaaray dhaawac.

Dirir ayaa sidoo kale shaaciyey in la baarayo sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in cidda billowday dagaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda.

“Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhimis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Bari.

Xaaladda ayaa haatan deggan, wuxuuna dagaalkan ku soo aaday, xilli uu horay madaxweyne Deni ugu baaqay xabad joojin, si nabad loogu soo dabaalo Boosaaso.

Si kastaba, waxaa weli socda dadaallo ay wadaan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu soo afjarayo xiisadda Puntland & PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Jawaari oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa aad u dhaliilay labada dhinacba, isagoo sheegay in waxa ay ku doodayaan aysan muhiim aheyn.

“Xaalada maanta dalka ka jirta lagama aamusi karo, waligeedna Soomaaliya sooma marin tan oo kale, waligeed nama soo marin madaxweyne xafiiska iska joogo ku dhawaad sanad,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo shir jaraa’id qabtay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad ugu dhaliilay madaxa Soomaalida in aysan ku dhaqmin dastuurka iyo shuruucda dale dalka, “Qof kasta sida uu rabo ayuu u sheegtaa dastuurka, xishoodkii iyo dhaqankii waa laga tegay, waxaas dowladnimo maaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale Jawaari ayaa sheegay in madaxda ku shireysa Muqdisho ay isku dan yihiin oo mid kasta uu doonayo sidii xildhibaanka uu doono soo saarta oo isaga taabacsan, “Dhinac kasta waxa u raadinayo waa baadil, waxaa loo baahan yahay tanaasul,” ayuu yiri.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Hada waxay u muuqataa madaxtooyada, xukuumadda federaalka, iyo maamul goboleedyada, waxay rabaan waa isku mid, dhinac kasta waxa uu rabaa inuu soo saarto xildhibaanka uu isago doonayo, war waxaan idin leeyahay danta guud ee dalkaan waa ka weyntahay danaha gaarka ah,”

Jawaari waxa uu sheegay in hoggaaminta baarlamaanka dalka loo doortay laba jeer, “Intii aan hayey xilkii ugu dambeeyey anigoo heysta taageero igu filay ayaa waxaa si xun oo kheyru caadi ah iila dhaqmay, laanta fulinta, markii aan fiiriyay danta guud, waxaa ii soo baxday inaan shacabka u tanaasulo.

Sidoo kale Prof. Jawaari ayaa sheegay in mas’uuliyadda amniga iyo waxyaabahaan la isku heysto ay ku kala cadyihiin dastuurka dalka, kaas oo sida muuqata aan hadda lagu dhaqmin.

Hoos ka daawo

Ma suurtogal baa in Ethiopia ay qabsato Saylac?

“Arligaa la kala boobayaa kii u itaalroone” Faarax Nuur, 1930kii.

Maqaal uu Michael Rubin, oo ka tirsan American Enterprise Institute ku qoray National Interest ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan waxa Itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya guud ahaan. Rubin wuxuu ku dooday in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed u arko Seylac magaalo xeebeed u sahlaysa dib u dhiska ciidammada badda Itoobiya. Wuxuu Rubin u arkaa ujeeddadaas mid keeni karta in Itoobiya qabsato Seylac.

Doodda Rubin lama biciidsan karo. Maamulka Somaliland wuxuu cadaadis kala kulmay Itoobiya kaddib booqashadii Wafdi Masar ka socda uu dhowr sano ka hor ku yimid Hargeysa xilligii Itoobiya isu diyaarinaysay furista Biyoxireenka Dib-u-curashada (GERD). Dowladda Federaalka Soomaaliyeed way taageertay mowqifka Itoobiya oo ah inay xaq u leedahay dhisidda iyo maamulista biyoxireenka saameyn doona webiyada Suudaan iyo Masar.  Sabab kale ayaa jirta: adduunku wuxuu marayaa marxalad habkii kala dambaynta (order) kaddib dagaalkii labaad uu aad u wiiqmay. Bishii hore majaladda The Economist waxay ugu baaqday Maraykanka inuu sii ahaado ilaaliyaha habka kala dambaynta ay ku heshiiyeen dowladihii ka guuleystay Hitler.  Majaladdu waxay ka digtay in dunidu dib ugu noqoto waagii kuwa awoodda lihi ay cagta marin jireen kuwa laga awood-badan yahay. Waa waagii uu Faarax Nuur, gabayaagii maskaxda badnaa, ka maansoonayay markuu tiriyay gabaygisii Arligaa la kala boobayaa oo dugsiyada lagu baran jiray ka hor 1991kii.

Miro gunti ku jira…: Madaxweyne Muuse Biixi wuu og yahay halista qarannimo bannaanka la iska taago.

Itoobiya kuma degdegi doonto inay qabsato Seylac. Waxa kaliya oo u fududeyn kara inay Seylac qabsato waa haddii ay marto waddadii ay Kenya martay 2011 iyo 2012kii markii ay qeybo ka mid ah Soomaaliya qabsatay iyadoo ku doodaysa inay Soomaaliya aysan ka jirin dowlad ka hortagi karta Al-shabaab oo weerarro Kenya kaga soo qaadaysay Gedo iyo Jubbada Hoose.  Go’aanka Kenya kama duwanayn go’aankii Itoobiya ciidankeeda ugu soo dirtay Soomaaliya 2006dii si ay iskaga difaacdo wax ay ku tilmaantay ‘halis’ kaddib markii Maxamuud Siyaad Indhacadde, ku hanjabay in ururkii Maxkamadaha Islaamigu qabsan doonaan Addis Ababa.

Howlgallada militari ee Itoobiya iyo Kenya waxay ifiniyaan waxa dowladaha Soomaaliya deriska la ah sameyn karaan haddii ay dareemaan halis istaraatijiyadeed kaga imanaysa dal ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin. Haddii gobollo ka mid ah Soomaaliya aysan aqoonsaneyn qarannimada Soomaaliya, waxay dadka gobolladaas ku nooli u nugul yihiin weerarro kaga iman kara dalalka deriska la ah Soomaaliya. Waa halista maamulka Somaliland uu hadda ku baraarugay.

Cinwaanka maqaalka uu Rubin qoray

Itoobiya marnaba ma soo weerarayso qeyb ka mid Soomaaliya inta Soomaaliya ay dowlad la aqoonsan yahay ka jirto. In Itoobiya noqoto dal aan bad laheyn waxaa ugu wacan go’aammo uu Mengistu Haile Mariam, madaxweynihii hore ee Itoobiya, qaatay billowgii siddeetamaadkii. 1982kii markii Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed sida Goldogob, Mengistu wuxuu qashinka ku daray xeerkii Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. Isla sanadkaas Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ayaa taageeray Itoobiya. Qadaafi iyo Mengistu waxay, iyagoo ku tiirsan Midowgii Soofiyeeti, ku tunteen habkii kala dambeynta dunida. Waa sababta Eritreeya uga go’day  Itoobiya oo ku tiirsanayd  dekedda Casab. Abiy Ahmed, oo hadda maareyn la’ dagaalka sokeeye ka socda Itoobiya, wuu garan karaa waxa ka dhalan kara isballaarin xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Sida Xayle Salaase ugu hungoobay himiladiisii

Waxay ahayd riyadii Mililiq (Menelik) inuu dhul Soomaaliyeed ka taliyo waayo wuxuu Biritishka u sheegay in “Soomaalidu tahay lo’jir isaga u shaqaysa.”

Dhammaadkii dagaalkii labaad kaddib markii Qaramada Midoobay diyaarinaysay in Soomaaliya madaxbannaani gaarto, Imbradoor Xayle Salaase, wuxuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho wadahadallada. Waa xilli Itoobiya ay weli si dadban ugu hoos jirtay gacanta Biritayn oo ka xoreysay Fashiistadii Musolini. Dhowr sano ka hor dhammaadkii dagaalka labaad uun buu Biritishku Itoobiya dib u siiyay qarannimadeeda waayo  ka hor xilligaas wuxuu Itoobiya u arkayay dhul cadaw laga qabsaday, sida uu Bahru Zewde ku qoray A History of Modern Ethiopia, 1855–1991.

Sidaas oo ay tahay Xayle Salaase wuxuu ku guuleystay inuu, isagoo Maraykanka kaashanya, shirkaddii Sinclair keeno dhulka Soomaali Galbeed, si dhulkaas loogu aqoonsado dhul ka mid ah Itoobiya.

Fursad Soomaalida seegtay

Sanadkii 1946kii ayay dadka ku noolaa Hargeysa fureen xafiiska SYL (eeg buuggiisa A Modern History of the Somali , bogga 135 daabacaadda afraad ). Waxay arkayeen, maadaama aan maxmiyadda Biritishka ee Soomaalida loo oggoleyn inay u halgamaan madaxbannaani, inay bannaan tahay in SYL noqoto ururka u taagan raadinta madaxbannaanida Soomaalida ku kula hoos nooleyd maamulladii Talyaaniga iyo Biritishka. Go’aanka lagu furayay xafiiska xisbigii SYL waxaa ka hor yimid dad kale oo Hargeysa ku sugnaa. Fursaddaas la seegay ayaa qeyb ahaan keentay in Birtishku jebiyo heshiiskii uu beelaha Soomaalida la galay, kuna wareejiyo dhul Soomaaliyeed Itoobiya 1954kii.

Mabda’a Soomaali weyn ma ahayn mid Soomaalidu ku gardarraysanay dalal deris la ah. Waa mid ay Soomaalidu ku doonaysay inay wax ka qabato caddaalad-darradii keentay in dhul Soomaaliyeed oo dadkiisu madaxbannaani diyaar u ahaayeen la hoosgeeyo Itoobiya. Dhul Talyaani xukumayay laguma darin Itoobiya; dhul Biritishku xukumayay ayay  dowladdii Biritishku ku dartay Itoobiya. Waa reer koonfureedka dadka maalka iyo dhiigga inta ugu badan ku bixiyay colaadihii ka dhashay ballanfurkii Biritishku ku sameeyay Soomaalida Waqooyiga. In maanta madaxda maamulka Somaliland ku soo toosaan halista dul heehaabeysa Seylac waxay caddaynaysaa in qarannimadu tahay waxa keliya oo ilaa hadda dunida lagu kala badbaado haddii Soomaalidu isku meel ka taagan tahay ilaalinta qarannimo ku salaysan dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed. Haddii aynan ka dhiidhiyin gaboodfallada sida barakicinta iyo boobka qof Soomaaliyeed loogu geysto dalkiisa, way adkaan doontaa inaannu isu damqanno marka halisi soo foodsaarto qarannimada Soomaaliya. 

W.Q. Liibaan Axmad
[email protected]
Qoraalkan wuxuu markii hore kusoo baxay Puntland Post 

Xog: Ciidamada Farmaajo iyo Rooble ee isku hor-fadhiya Villa Somalia oo xal loo helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo ka socda howlgalka AMISOM ayaa lagu wadaa in la kala dhex dhigo xafiisyada Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo khilaaf adag uu ka dhaxeeyo, xilli ay xiisad dagaal ka jirto Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa waxaa isku hor fadhiyey ciidamo kala taabacsan Farmaajo iyo Rooble wixii ka dambeeyey dhacdii 27-ka December ee lagu afgambi rabay xafiiska Rooble, markaas oo kadib Rooble uu keensaday ciidan dheeraad ah oo suga amnigiisa.

Ciidanka AMISOM ee la geynayo inta u dhaxeysa labada xafiis oo ku wada yaalla gudaha Villa Somalia, ayaa ku imanaya hindise ay ka dambeyso beesha caalamka, waxaana la sheegay in aysan ka amar qaadan doonin dhinacna, balse ay ka hortagi doonaan in isku dhac uu ka dhaco Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa waxaa horey u joogay ciidamo Amisom ah, oo suga amniga madaxtooyada, balse waxaa lagu xoojinayaa ciidamo dheeraad ah oo xiisadda kala dhex-gala.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku dareysaa in la dejin doono ciidan ka socday xafiiska Farmaajo oo qoryo la fuulay dusha sare ee Haan-biyood ku taalla gudaha madaxtooyada, halka qeybaha sare ee xafiiska Rooble laga dejinayo ciidan kale oo difaac uga jira.

Xaalada madaxtooyada ayaa u muuqata mid qarka u saaran gacan ka hadal, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo labo ka mid ah wasiirrada taabacsan, oo iyagana degan xeendaabka waxay soo xareysteen hub iyo ciidan xoog leh.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa horey u deganaa xeendaabka Villa Somalia, balse waxaa toddobaadkan kusoo biiray oo soo degay wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxayna degan yihiin guryo u dhaw xafiiska ra’iisul wasaaraha, labada wasiir ayaa la sheegay in ciidan xoog leh ay wataan.

Wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay afgembigii la sheegay in Farmaajo u maleegay Rooble waxaa cirka isku shareeray kala aamin-baxa labada nin ee kala joogta xafiisyada ugu sareeya dalka.

Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u xusul duubayey inuu la wareego mas’uuliyadda ammaanka guud ee dalka, balse waxaa ka hor taagan madaxda dowlad goboleedyada taabacsan Farmaajo, waxayna hadda doodaasi saaran tahay miiska shirka golaha wadatashiga qaranka, inkastoo la dhaqaaji waayey.

Dooda Rooble ee ah inuu Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda ammaanka dalka ayaa hadda u muuqata mid sii dhimaneysa, waxaana aad looga dooday shalay, iyadoo maanta la isku deyey in xal laga gaaro cabashadii ka soo laabatay kuraasta dooran ee golaha shacabka, balse ilaa hadda wax la isku fahmay lama shaacin.

DILAL qorsheysan oo xalay ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helaya dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo duleedkeeda, kuwaasoo ay sheegatay Al-Shabaab.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana lagu dilay Ismaaciil Maxamed Aadan, sida ay shaacisay kooxda Al-Shabaab.

Marxuumka ayey kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa ergadii wax kaa soo xushay xildhibaanada baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana toogasho ku dilay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dhacdada kadib isaga baxsaday halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay goor dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay u soo qabteen falkaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in dil kale oo loo geystay sarkaal ciidan ay ka fulisay deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ma shaacin magaca sarkaalkaasi, balse waxa ay sheegtay in xubnaha dilay ay horay uga qaateen hubkii uu watay, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan dilalkaas siyaabaha kala duwan u dhacay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay ciidamada Booliska Soomaaliya ay kordhiyeen howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga caasimada iyo deegaanada ku xeeran, maadaama lagu jiro xilli doorasho, ayna taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

KENYA oo ku dhowaaqday inay dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah u furi doonto xuduuda dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd bilihii lasoo dhaafay, isla-markaana saameyn xoogan ku yeelatay dadka shacabka ah ee deggan xadka labada waddan.

Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa go’aamiyey dib u furista xadka, waxaana uu guddigu diyaariyey qorshayaal lagu wajahayo arrintaasi.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay dib furista xuduuda Soomaliya iyo Kenya ayaa sheegay in lagu bilaabi doono magaalada Madera oo la’isku furi doono isku socodka.

“Bilaha soo socda ayey noqoneysaa in Mandera aan furno, Lipoya ayaan ku xijin doonaa meelahaas ayey noqon doonaan meelaha laga soo galayo Kenya,” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Arrintan ayaa ku timid, kadib codsiyo ay dowladda u direen hoggaamiyeyaasha Waqooyi Bari oo shaaciyey, haddii la furo xadka inuu kor u kici doono ganacsiga gobolkaasi.

Dhinaca kale sarkiisha ammaanka ee kenya ayaa cabsi waxa ay ka muujinayaan in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar cidarro ah dalkaasi galiyaan, ayaga oo ka helay dhaqaale.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa sidoo kale kooxdu waxa ay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale khilaaf uu ka dhexeeyey sanadihii dambe, kaas oo saameeyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan oo ah kuwa daris ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu wasiirkii hore ee gaashaandhiga ka yiri arrinta amniga iyo ciidamada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xaaladda cakira ee dalka, gaar ahaan dooda ka dhalatay arrinta amniga iyo sidoo kale ku milanka ciidanka ee arimaha siyaasada.

Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in la siyaasadeedeyey amniga guud, isla-markaana ay saameysay doorashada iyo awooda ra’iisul wasaaraha.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa intaasi ku sii daray in kaliya ra’iisul wasaaraha lagu wareejiyey qeyb ka mid ah amniga, siiba kan doorashada, isla-markaana laga heesto amniga qaranka, ayada oo laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii amnigii guudba la siyaasadeynayo ciidamadii iyo wixii dhan ra’iisul wasaaruhu awood u laheyn qayb ka mid ah amniga qaranka oo amniga doorashooyinka kaliya haddii loo igmaday amnigii kale ayaa gacanta looga heestaa dano kalaana laga leeyahay waxa looga reebtay taas ayaa keeneysa in ra’iisul wasaaraha uu codsado ama uu soo jeediyo in amniga guud lagu soo wareejiyo ,” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada wuxuuna sheegay in laga gaabiyey in la sameeyo isku dhafka sax ah, balse taasi beddalkeed la dhisay ciidan gaar ah, si loogu adeegsado siyaasadaha is diidan iyo fulinta dano shaqsiyeed intaba.

Wasiir hore Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa xusay in arrintaasi laga dhexlay in ciidamada iyo saraakiishoodaba ay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee dalka.

“Ciidamo gaar ah oo Gorgor, Duufaan iyo Haramcad loo bixiyey oo dano siyaasadeed laga leeyahay ayaa laga barbar sameeyey ciidanka Xoogga dalka ama afartii waaxood ee ciidanka qalabka sida ee dalka, taas waxa ay keentay in siyaasadda ay ku kuilmaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirkii hore ee wasaaradda Gaadhaandhigga.

Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u xusul duubayey inuu la wareego mas’uuliyadda ammaanka guud ee dalka, balse waxaa ka hor taagan madaxda dowlad goboleedyada taabacsan Farmaajo, waxayna hadda doodaasi saaran tahay miiska shirka golaha wadatashiga qaranka, inkastoo la dhaqaaji waayey.

Dooda Rooble ee ah inuu Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda ammaanka guud ee dalka ayaa hadda u muuqata mid sii dhimaneysa, waxaana aad looga dooday shalay, ayada oo maanta la isku deyey in xal laga gaaro cabashadii ka soo laabatay kuraasta dooran ee golaha shacabka, balse ilaa hadda wax la isku fahmay lama shaacin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Ciidanka amniga oo weeraray guri Muqdisho ku yaal oo lagu beero daroogada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska saldhigga degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee degmadaas, waxay ku soo qabteen waxyaabaha maanka-dooriya iyo dad la sheegay inay ka ganacsan jireen.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa warbaainta dowladda u sheegay in ciidamadu ay howlgal qorsheysan ku fashiliyeen guri lagu dhex-beeri jiray maan-dooriyaha Xashiishka.

Sidoo kale muuqaallo laga soo duubay gurigaas ayaa muujinaya Fuustooyin lagu qasi jiray maan-dooriyaha Calaqa oo cidanku ay gacanta ku dhigeen.

Taliye Najiib ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dadkii beertay ee ka ganacsan jiray maan-dooriyahaas, sidoo kale xogta lagu fashiliyey shabakadaan ayuu sheegay inay ka heleen dadka deegaanka.

“Ciidamada oo gacan ka helay bulshada deegaanka waxaa u suurtagashay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dhirta Xashiishka oo lagu beeray, mid kamid ah dhismayaasha xaafadda Tookiyo oo dhirtaas lagu dhex-beeray ayaan sidoo kale ku qabanay haaman lagu karkarinayay Maan-dooriyaha Calaqa,” ayuu yiri Taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa aad ugu mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag, gaar ahaan xaafadaas caawa lagu qabtay mukhaadaraadka ee Tookiyo, waxuu sheegay in deriska gurigaas ay fashiliyeen Maan-dooriyihii lagu diyaari jiray halkaas.

Hoos ka daawo muuqaal laga soo duubay guriga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Muqdisho iyo Musharixiinta oo ku biirayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka oo galay maalintii lixaad ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta shirka u socda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku biirayaan Golaha Musharixiinta, si looga dhageysto tabashadooda ku aadan doorashada.

Kulankan ayaa waxaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday qaar ka mid ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in shirka lasoo gabagabeyn doono maalmaha soo socda, isla-markaana ay kasoo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah oo lagu wajahayo xiisadda culus ee taagan.

Golaha Wadatashiga Qara ayaa ballaariyey shirkooda, wuxuuna qaatay maalmo badan, kadib markii la’isku mari waayey qodobada qaar, sida arrinta amniga oo weli taagan.

Sidoo kale Golaha ayaa horay ula shiray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ah oo ay ka dhageysteen talooyinkooda ku aadan xaaladda uu haatan marayo dalka.

Si kastaba, shirweynahan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble oo isku qabtay hannaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Daawo: Muxuu Faroole ka yiri is-mari waaga shirka Xamar?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay is-mariwaaga shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in wax aad u yar la isku mari la’yahay, isagoo fariin u diray madaxda.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in amni laga doodaayo aan intaan kadib dalka loo sii xayiri karin, isagoo yiri, “Qoladii aan ammaankeeda suga karin, anaga hanoo yimaadeen, inagaa u sugeynee, yaa awal noo sugi jiray ammaanka?.”

Faroole oo sii hadlayey ayaa yiri, “Amni wax lagu daaho maahane, qoladiina Xamar ku shireysa naga soo dhameeya howsha, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaan leeyahay wax aan waxba tareyn umadda yaan loo xayirin.”

Sidoo kale Faroole oo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqay in aysan isku mashquulin soo saarashada madaxweyne u fariista Villa Somalia.

“Maamul goboleedyada waxaan leeyahay nina yuusan ninka kale ka eexan, cidna madaxweyne kama dhigi kartaan, Alle ayaa madaxweyne noo dooraya ee taas xisaabta ku darsada, Ilaahey quluubtiina ha isku soo jeediyo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Shirkii maanta ee golaha wadatashiga qaranka intiisa badan waxaa looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka, waxaana  la sheegay in madaxda ay isfaham badan ka gaareen ajendihii maanta.

Kulan kale oo madaxdu ay yeelaneyso Axdda berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Sababaha uu FARMAAJO u diidan yahay in la celiyo lacagta Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay sii daayey qoraal ku socday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Wuxuu u sheegay inaan la bixin karin lacagtii 9-ka Malyan aheyd ee Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Farmaajo wuxuu ku celiyey in lacagtaas ay sharci darro kusoo gashay dalka iyadoo la rabay in wax loogu dhimo amniga iyo xasiloonida Dalka.

Wuxuu isagoo Rooble u jawaabayo yiri Farmaajo “Hal Mas’uul go’aan kama gaari karo in lacagtan la bixiyo”.

Bishii April ee sanadkii 2018, sii hayihii xilka taliyaha NISA Jaamac oo hadda ah wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lacagtaan ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa la sheegaa inuu diyaaradda fuulay si uu lacagta iyo dadkii saarnaaba ula dago.

Jaamac xilligaas waxaa la xasuustaa in dad siyaasiyiin ah uu xukuumaddii ka tirsanaa kula taliyeen in Imaaraadka lagu amro in lacagtooda ay la noqdaan, laakiin waa diiday iyadoo dhinaca kale ee arrintaasi ka faa’ideysteen xubnihii Farmaajo ku dhawaa ee u shaqeenayey Dowladda Qatar, maadaama uu jiray khilaafkii Khaliijka.

Farmaajo Xalay sooma uusan hadal qaadin raali gelintii uu Rooble sheegay inuu siiyey Imaaraadka, taasoo ka dhigan inaysan Imaaraadka helin raali gelinta ay Dowladda Soomaaliya ku mideysan tahay. Sidoo kalana mar kale ayaa loo diiday inay lacagtooda qaataan.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu khilaafkii halkiisii ka miisan yahay.

Haddaba muxuu Farmaajo u diidan yahay in lacagta Imaaraadka la celiyo?

Xubno ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo oo aan la hadalnay waxay sheegayaan inuu madaxweynaha aaminsan yahay in la rabo in lacagtaan si shakhsi ah looga qaato Imaaraadka oo ay qeyb ka rabaan qaar kamid ah madaxda maamulada oo Ra’isulwasaaraha ku dhow dhow waayadaan.

Waxay kaloo kooxda madaxweyne Farmaajo ku doodayaan in xilli doorasho tallaabo noocaan ah la qaado inay fahmi karaan waxa loola jeedo.

Waxay ku adkeyteen inuu cilaaqaadka sidiisa si iahaan doono lacagtaan ay wareejin doonto Dowladda dhallan doonto ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in cidda raali gelinta mudan inay tahay Soomaaliya, maadaama Dalkeeda lasoo geliyey lacag farabadan si loo dhibaateeyo. Laakiin lama caddeyno karo in lacagtaas dhibaateyn loo waday.

Imaaraadka waxay horey u sheegeen in lacagtaasi ay u socotay safaaradooda ku taalo Magaalada Muqdisho oo ay rabeen in lagu taageero arrimaha uu Imaaraadka xilligaas ka waday Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo ay Itoobiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso Farmaajo iyo maamulka Imaaraadka waxaa arrinta adkeeyey dhinaca Imaaraadka oo dalbaday in Soomaaliya ay bixiso raali gelin rasmi ah, balse dhanka Soomaaliya waxaa la sheegay inay arrintaasi ka cago jiiday.

Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay ku doodayaan in arrinta aysan u fududeyn sida uu Ra’isulwasaare Rooble u dhigay oo ay Soomaaliya mar walba diidaneyd inay bixiso raali gelin rasmi ah.

Farmaajo raali gelin iyo lacag celin labadaba ma ogola inta lagu jiro marxaladda doorashada, taasoo dhinaca kale u muuqata dan siyaasi ah oo isaga ku kooban.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta oo soo dhamaaday iyo qorshaha xiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daqiiqado ka hor ayuu soo dhammaaday shirkii Maanta ay mar kale isugu yimaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Maanta oo intiisa badan looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in madaxda ay isfaham badan ka gaareen.

Xubnaha Shirka ka qeybgalayey ayaa isku afgartay in Berri mar kale la isku soo noqdo iyadoo kulanka Berri lagu heshiiyey inay kasoo qeybgalaan xubno matalayo Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

Kulanka Berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Qodobada ugu weyn ee Shirka Golaha Wadatashiga qaranka laga sugayo waa Amniga & Doorashooyinka, RW Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa aragti isku dhaafsaday madasha, waxaa dhiman in gunta loo galo qodobada muhiimka ah.

Maalinti Isniinta ah ayaa la filayaa sida uu qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo shirkaas lagana soo saaro war murtiyeed ku saabsan doorashada iyo Amnigeeda.