27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Galmudug oo ganaax culus dul dhigtay lix ka mid ah xildhibaanada maamulka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal  Warqad uu u diray Wasaaradda Maaliyadda Galmudug kuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug qaarkood Mushaarka laga jarto.

Warqaddaan ayaa lagu sheegay in 6 Xildhibaan laga joojiyey gunadda 2 bil iyo ka qeybgalka 4 Fadhi.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay in ay diideen in ay noqdaan kuwa taageersan Madaxweyne Qoorqoor oo aan waxba ka sheegin dhaliilaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanadaan ayaa lagu eedeeyey inay carqalad ku noqdeen kulamada Baarlamaanka , waxaana sidoo kale lagu eedeeyey been abuur.

Xildhibaanada ayaa lagu amray inay raali gelin qoraal ah iyo mid Oraah ah ay ka bixiyaan waxyaabiha lagu eedeeyey.

Magacyada lixda Xildhibaan ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Cabdullaahi Xirsi Maxamed
2 – Xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi
3 – Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan
4  – Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdullaahi Bariise
5 – Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf
6 – Xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow

Xiisadda hareysay gudiyada doorashooyinka oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dood adag iyo xiisad culus ay ka taagan tahay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) iyo heer dowlad goboleed (SEIT), kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey wajahayey culeyso xoogan iyo eedeymo loo jeedinayey.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsanaa xilldhibaanada golaha shacabka ee muddada xil heynta ka dhammaatay ayaa shaaca ka qaaday in weli ay dhibaato ka jirto guddiyada doorashada.

Xildhibaanka oo horay kursigiisii dacwad uga keenay, balse loo xukumay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyey in loo baahan-yahay in sixitaan deg-deg ah lagu sameeyo guddiyada FEIT iyo SEIT ee doorashooyinka dalka.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo guddiyada SEIT, FEIT iyo Khilaafaadka. Khilaafaadka iyaga waa la taabtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waxa ay ka jirtaa waa labada kale sixitaan deg-deg ah ayuu FEIT u baahan yahay oo waaba ku bilaabmay,” ayuu yiri Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiyadan ay horseedayaan musuq-maasuq, isla-markaana aysan dan ka laheyn qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxay muujiyeen iyaga oo aan gambaneynin inay horseedayaan musuq-maasuq, dana aaney ka laheyn qaranimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xiisadda hareysay guddiyada doorashooyinka ayaa marba marka ka dambeyso ka sii dareyso, waxaana arrintooda ay dhalisay khilaafka haatan ka taagan dalka, gaar ahaan Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu qorshuhu yahay Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa go’aan rasmi ah ka gaari doono arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka.

Si kastaba, Rooble ayaa horay u kala diray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, taas oo keentay in markale ay soo noqoto xiisadda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Xog: LAFTA-GAREEN oo ka qeyb galaya shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo horey u diiday inuu ka qeybgalo shirka uu iclaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu badalay mowqifkiisa.

Lafta-gareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay joogaan dhammaan madax goboleedyada dalka.

Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isul wasaare Rooble, Laftagareen ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka taasna ay keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirkaas, waxaana la filayaa inuu Maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay isagoo aan ku qanacsaneyn isbadalkii uu Rooble ku sameeyey guddiga xalinta khilaafaadka.

Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu furmi doono shirka madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble, balse waxaa la filayaa inuu furmo Asbucaan gudahiisa.

‘Sababta Farmaajo ku kaliftay inuu isku dayo afgambiga’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoon Cali Jeesto oo ka hadlay afgambigii fashilmay ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare, ayaa sheegay inay ka dambeyso markii uu Rooble kasoo horjeestay kursiga uu u boobay Yaasiin Farey.

Waxa uu sheegay in Farmaajo u adkeysan waayey in Ra’iisul Wasaare Rooble uu cadaalad u raadiyo kursiga HOP#067 oo guddigiisa ay u xalaaleeyen Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey.

“Haddii Farmaajo uu ka samri waayey kursi laga soo dhiciyay oo isku dayey in uu ku ciqaabo Ra’iisul Wasaaraha go’aaankii uu ka qaatay guddigii uu sameystay, intaas ayuu ka billowday khilaafka,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo loo boobay gacan yaraha Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu carabaabay haddii uu madaxweynihii hore ka samri waayey hal kursi, uusan ka samri doonin kuraas kale oo uu rabo in uu boobo, taasi oo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

“Soomaaliyeey hadafkiina waxaa ku xaqiijin kartaan inaad iska dhicisaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hadafkiinu waa nabad, dowlad wanaag, waa doorasho loo dhan yahay oo lagu tartami karo.”

Nabaddoonka ayaa sheegay in dowladnimada ku dhismi karto in qofna aan lagu xadgudbin xaqiisa, oo uu isku soo taagi karo kursiga uu rabo, ayada oo Odayaashana xaqooda la duudsin karin.

“Nimankan Shabaabka loo yaqaano qofka haddii uu u shaqeyn waayo sida ay rabaan qoorta ayaa laga goynaya, Farmaajo-na qofkasta oo aan kula shaqeynayn fikirka uu qabo Soomaaliya wax kuma laha! – Ma aqbali karno.”

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada-jeestaan rabitaanka guracan ee Farmaajo oo dalka u horseeday bur-bur iyo xaalado kal hore si adag looga soo gudbay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Arrin uu sameeyey wasiirka arirmaha dibedda Pakistan oo caro ka dhalisay Sacuudiga

Islamabad (Caasimada Online) – Dadka Sacuudiga ayaa si caro leh uga hadlay hab “aflagaadeyn” ah oo uu u fariistay wasiirka arrimaha dibedda Pakistan intii uu socday kulan uu la yeeshay safiirka Sacuudiga ee Pakistan.

Waxay si weyn baraha bulshada ugu dhalleeceeyeen wasiir Shah Mahmood Qureshi ayaga oo ku eedeeyey “xushmad darro” uu ku sameeyey safiirka Sacuudiga ee Islamabad Nawaf bin Said al-Malki.

Qureshi ayaa la arkayey inuu lugtiisa midig dul saaray tan bidix kadibna u jeediyey dhanka safiir Nawaf, taasi oo dad badan oo Sacuudiyaan ah ay ku qeexeen aflagaadeyn. 

Labada mas’uul ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan dhacdooyinka gobolka dibna ugu eegaan xiriirka labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Sacuudiga ee Pakistan.

Hase yeeshee dadka Sacuudiga iyo Carabta ayaa dhan kale ka eegay kulanka. 

“Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan wuxuu safiirka Sacuudiga u qaabilay si aan horey loo arag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ka carooday falkan.

“Haddii aanay jirin sabab caafimaad oo ku kaliftay, wasiirka arrimaha dibedda Pakistan wuxuu ku kacay nacasnimo iyo jaahilnimo xadgudub ku ah nidamaka diblomaasiyadda,” ayuu yiri qof kale.

“Haddii aan ahaan lahaa safiirka Sacuudiga, waan isaga tagi lahaa kulankaas,” waxaa sidaas isna caro ku muujiyey qof saddexaad.

Qof kale ayaa isna baraha bulshada ku qoray “edab-darro, maskax la’aan iyo dhaqan aan diblomaasi aheyn oo uu wasiirka arrimaha dibedda Pakistan ku sameeyey safiirka Sacuudiga. Sidee ayuu uga aamusay aflagaadadan.”

Dadka kale qaarkood ayaa “habka afalaagdeynta ah” ee uu Qureshi u qaabilay Nawaf la barbar dhigay “habka wanaagsan” ee uu ula macaamilo diblomaasiyiinta kale, taasi oo ku sheegeen inuu ugu talo-galay.

Pakista iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasi iyo mid militari oo qoto dheer, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa liitay sanadihii tegay kadib markii Islamabad ay diiday codsiga Riyadh ee ahaa inay ciidan ku tabarucdo dagaalka Yemen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii 

Prof. Xuseen Warsame: Yaan la yareysanin hanjabaadda Mareykanka ee Soomaaliya

Calgary (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Axmed Warsame oo barre ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay inaanan la dhayalsan karin hanjaabadda Mareykanka, ee ku aaddan in uu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

“Hanjabaadda Mareykanka lama yareysan karo. Wadamada Galbeedka iyo hay’adahooda ayuu hormuud u yahay, marka ay ugu yaraato waa marka la iska kaa dhaafyo ee la yiraahdo war kuwaan aan iska ilowno, waxba kama soo socdaanee. Taasina waxay keeni doontaa in dhaqaale badan oo la helo ama la quudin jiray, mashruucyo ama miisaaniyad kabid ha ahaato ay naga maqnaadaan. Marka arrintaasi yaan la yareysanin,” ayuu yiri Prof. Xuseen Axmed Warsame oo VOA la hadlay.

Prof. Xuseen Axmed Warsame ayaa yiri “Waxaan rajeynayaa Madaxda Soomaalida, oo ay ku dhex jiraan dad badan oo dowladda ka mida, oo Maamul Goboleedyada aan ogahay inay dhex ordayaan, ha dhageystaan dadkaas bannaanka ah, talooyinka ka imaanaya.”

Waxa uu intaa ku daray “Mareykanka iyo Ingiriiska dhawaaqiisuna waxaan filayaa runtii inuu wax uun ka sii tari doono, ee aanu waxba u dhimi doonin.”

Prof. Xuseen Axmed Warsame oo baaq u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka ayaa yiri “Waxaan oran lahaa madaxda, labadooduba dib ha ugu noqdaan mowqifkooda gaarka ah, oo ha iska shakiyaan, malaha wada sax matihiin ha is yiraahdaan, qiimaha ugu badana hala siiyo waqtiga ugu yar ee lagu soo dhameynayo doorashooyinka, oo ah halka loo socdo, wa aniga lahaa waa roob di’i doona oo doog laga sugayo.”

Hadalkiisa ayuu intaa ku daray “Walaalkay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaan ka codsanayaa, isagaan dhabarka isa sii saarayaa inuu dib uga noqdo shaqo ka joojinta Ra’iisal Wasaaraha, oo uu candhuufta dib u liqo, taasaa furuhu yahay. Furaha labaad waxaa weeye walaal Ra’iisal Wasaare Rooble yaan lees carinin, ragga lama cariyo ee isugu yeer Madaxdii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, go’aan aad degdeg ugu dardargelinaysaan doorashooyinka soo saara.”

Baaqyada ay aqoonyahanada Soomaaliyeed u jeedinayaan Madaxda Qaranka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii kordhayo cadaadiska uu caalamku ku saarayo Madaxda Qaranka dardargelinta doorashooyin hufan oo daahfuran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska degmadaasi iyo rag hubeysan oo watay dareeska ciidamada milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka oo xilligaas waday howl-gal iyo ragga hubeysan oo markaasi la socday mooto Bajaaj la sheegay inay xoog kusoo raaceen, taas oo mareysay xaafadda Jamhuuriyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee ay la dagaalameen, waxaana sidoo kale uu dhaawac fudud soo gaaray sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Dalmar oo ah taliye ku xigeenka Booliska Kaaraan.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro oo ciyaal weero ah, kuwaas oo dhibaato xoogan ka waday xaafadda Jamhuuriyo, kuwaas oo iyaguna ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado ay ku waxyeeleyn jireen dadka shacabka ah.

Saraakiisha ammaanka oo ka hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ragga burcadda ah iyo dhalinyarada ay soo qabteen, iyaga oo intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda halkaasi.

Kaaraan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka taagnaa dhibaatooyin amni darro, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay qaylo dhaanta dadka deegaanka ee ku nool degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado is-biirsaday, sida xiisad siyaasadeed iyo mid amni darro, taas oo ku aaday xilliga doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo farriin u diray Farmaajo iyo Rooble

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda sii cakirmeysa ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaga guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa farriin toos ah u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay ka wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la xakameeyo xiisadda qaraxday, isla-markaana la soo celiyo wada-shaqeynta labada xafiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay muhiim tahay in la joojiyo hadallada kul-kulul ee sii hurinayo xiisadda, is-lamarkaana laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Bayaankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda Villa Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tana Golaha Shacabka.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, qorshaha ayaa ah in Golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan rasmi ah ka gaaraan arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan ee hareysay doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Xaashi C/llaahi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada cakiran ee ka taagan gudaha dalka.

Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, waxaana labada mas’uul kulanka ku wehliyey Senator Fartaag oo laga soo doorto Jubaland.

Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid is xog wareysi ah, wuxuuna ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii looga gudbi lahaa xiisadda hareysay doorashooyinka, si xal loogu helo xaaladda kala guurka ah ee haatan laga jiro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u joogo ka qeyb-galka shirka uu iclaamiyey Rooble, kaas oo la filayo in go’aan rasmi ah looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee dalka

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay xalay kulan hordhac ah la qaateen ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadleen arrimaha taagan & furitaanka shirka Golaha Wada-tashiga.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Koonfur Galbeed oo ku dhowaaqday qabashada doorashada kuraas horleh

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo todoobadka soo socda, iyada oo lagu wargeliyey guddiga heer federaal.

“Waxaa guddiga doorashada heer federaal ee (FEIT) uu ku wargelineynaa liiska kuraasta baarlamaanka golaha shacabka ee aan qorsheyneyno inaan qabano todobaadka soo socda,” ayaa lagu yiri waradda kasoo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Qabashada doorashada kuraastan ee ay ku dhowaaqday Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadeyso, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dood ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan guddiyada maamulaya oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay, kadib tallaabadii Rooble.

Koonfur Galbeed ayaa horay u qabatay doorashada illaa 11 kursi, walow kuraasta qaar ay ka timid cabasho xoogan, isla-markaana la hakiyey, taas oo uga sii dartay xiisadda taagan.

Soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hannaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dallka boob doorasho.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dooda taagan iyo cabashada doorashada xal waara looga gaaro shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Marka la eego marxaladda wadankeenu ku jiro, maxaa la gudboon Soomaalida?

0

Tan iyo burburkii qarannimadeena dhamaadka qarnigii 20-aad, umadda Soomaaliyeed waxaay ku taamaysey inaan dhisano hoggaan iyo maamul dowladdeed oo:

1. Dib u yagleella haykalkii dowladnimo iyo hay’adaheedii, una adeegga bulshoweynta Soomaliyeed

2. Ilaaliya midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena, oo xakameeya faragelinta shisheeyaha /dibedda, gaar ahaan tan deriskeena

3. Xafidda hantida kooban ee qarankeena, kana fogaadda musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida umadda Soomaliyeed

4. Huwan, kana muuqato haybaddii Soomalinimo oo ka duwan kala qaybsanaantii qabiiliga ahayd

Anigoo ku kalsoon in inta baddan umadda Soomaaliyeed ay isku raacsan tahay afartaa ujeedo ee kor ku xusan, waxaa marag madoonto ah inaysan nasoo marin maalin maanta aan uga dhownahay inaan gaarno himilooyinkaas sare.

Maamulka hada inoo dhisan ma eedla’a laakiin hala dumiyo waa arin guracan oo Soomaalidu aysan ogolaan karin, waayo waa soo aragnay maamul la’aan. Waa in aan toosino wixii qalooc ah ee yimaada, siina ambaqaadno ka mira dhallinta daddaalkii dheerraa ee aan usoo galnay dib u yagleellida qarannimadeena.

Umadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inaan ku fara adaygno dowladnimada soo kobcaysa, cod dheerna uga dalbano dhinacyada isku haya siyaasada dalka inay ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena una turaan soo kabbashada qarankeena.

Waxaa muhiim ah in dhinacyada isku haya hoggaanka dalkeena maanta, waa Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha’e, inay dib uga noqdaan dhamaan go’aannadii iyo ficilladii keenay qilaafka cusub ee iminka jira, doorashadana ku soo gebagabeeyaan mudo koobban oo cayiman.

Hadafkeenu waa inaan xafiddano dowladnimadeena, la shaqayno maamulka jira inta aan ka dhisanayno maamul cusub oo horay usii ambaqaada himilooyinkeena, kana taxaderno mar dambe inaan dib ugu noqono fowdadii iyo burburkii aan kasoo kabanaynay in mudo ah.

Mahadsanidiin

Maxamed F. Jaamac,
[email protected]
Virginia, USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Kadib isku daygii afgambi ee fashilmay, Rooble waa ‘inuu doortaa’ laba arrin midkood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda gaar ahaan midda Soomaaliya oo si adag uga horyimid afgambigii dhicisoobay ee Farmaajo, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha u furan tahay in uu doorto labo arrin midkood, oo aan laheyn mid saddexaad.

Waxa uu sheegay in xilligan loo baahan yahay in uu Rooble iska dhiciyo duulaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dhawaan uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan, si hufana u guto waajibaadka loo igmaday.

Haddii uu taas sameyn karina uu baneeyo kursiga uu ku fadhiyo, si ay u saartan shaqsi si dhab ah ula dagaalaya madaxweynihii hore oo soo dhaafay xadkiisi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la rabaa in Rooble uu shaqadiisa u qabto si sax, haddii uu Waraabayasha la noolaan karina, Waraabayaal badan ayaa noo jooga ee meesha ha ka wareego,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur oo carabka ku adkeeyay in marxaladan aan looga gudbi karin dabacsanaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uu aaminsan yahay in xoog iyo awood ciidan wax lagu qaato, haddii taas mid lamid ahna loogu jawaabi aan laga adkaan karin rabitaanada guracan ee madaxweynihii hore.

“Meel u dhiman majirto (Farmaajo) baterigii ayaa ka dhamaaday, markaa waa in la iska dhiciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey isaga oo carabka ku adkeeyay in madaxweynihii hore uu hore iskugu qasay ciidanka iyo siyaasadda, xilligan uu qiil ka dhiganayo in ciidanka siyaasada aysan ku milmin, maadama xeeladihii awood maquuninta ay ka dhamaadeen.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo midoobo iska dhicinta Farmaajo, si ay dalka uga sii socoto doorasho daah-furan oo saamileyda siyaasadda ku qanacsan yihiin, taasi oo taageero ballaaran ka haysata saaxiibada caalamiga ah iyo daneyayaasha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Muxuu R/W Rooble caawa kala hadlay SACIID DENI iyo Axmed Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa caawa la shiray madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble ayaa labada Madaxweyne kala hadlay qaban-qaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan Muqdisho ka furmaya, kaas oo ajandihiisu yahay dardargelinta doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu uu caawa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, isagoo ka qeyb-geli doona shirka, xilli uu horay u diiday ka qeyb galkiisa, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmaya maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray ka qeyb-galka Lafta-gareen ee SHIRKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku faahfaahiyey diyaar garowga loogu jiro qabsoomidda shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmaya.

Macalimuu ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu Muqdisho ku soo wajahan yahay, xilli uu horay u diiday ka qeyb galka shirkaas, isagoo taageero xoog leh u muujinayey Madaxweynihii hore Farmaajo.

“Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macalimuu.

Qoraalka afhayeenka XFS ayaa intaas ku sii daray, “Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan. Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online Lafta-gareen ayaa bedelay mowqifkiisii diidmada shirkaas, kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la hadashay hoggaamiyaha K/Galbeed Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso in uusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday in uusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dibad-bax laba ujeedo leh oo ka dhacaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga soo horjeeday afgambigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho lagu qabtay ayaa looga dhawaaqay dibadbax ballaaran oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Fiqi oo kamid ah siyaasiyiintii ka qeyb-gashay kulankaas ayaa sheegay in uu taageersan yahay dibadbaxaas oo uu sheegay inay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka guracan ee madaxweynihii hore.

Dibadbaxaan ayaa dunida loogu cadeynayaa sida uu shacabka uga soo horjeedo in Farmaajo uu sii joogo Villa Somalia, islamarkaana aysan u rabin in markale uu carqaladeeyo doorashooyinka uu hogaankeeda hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in meel walba laga soo baxaa oo aan cadeynayaa in aan aqbaleyn inqilaab iyo awood maroorsi, dhibaatada iyo duruufta na haysata waan ognahay haddii aan iska indho tireyn, markaa waa in la isku soo baxo,” ayuu yiri.

“Waxaa rabnaa in aan soo saarno hal milyan oo qof oo soo baxaan odayaasha, haweenka, ganacsatada iyo dhalinyarada oo ay hogaamiyaan siyaasiyiinta, waxaa rabnaa in wixii hore noo soo maray aysan markale noo soo marin.”

Tan iyo markii lagu dhawaaqay dibadbaxaan waxaa abaabulkiisa uu si weyn uga socdaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu muujinaya sida ay umadda Soomaaliyeed iyo siyaasiyeentooda uga soo horjeedan Farmaajo, ayna u rabaan in uu baneeyo Villa Somalia.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa qeyb ka ah dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo looga soo horjeeda Farmaajo, ayada oo dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha amray inay ciidamada ka amar qaadan karin cid aan isaga aheyn, si looga baaqsado xaalad abuur cusub oo dalka u horseeda halis amni.

Farmaajo ayaa 27-kii bishaan isku dayay in uu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo hogaaminteeda, kaasi oo markii dambe guul-dareystay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxamed Cabdirisaaq oo fasiray qoraalkii Mareykanka ee Farmaajo iyo R/W Rooble – “Ma ahan sida loo maleeyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa cabiray qoraallada kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan khilaafka ka dhex oogan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen rooble.

Mareykanka ayaa laba goor soo saaray qoraallo u muquday inay ku taageerayaan Rooble, uguna hanjabayaan Farmaajo. 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay Farmaajo ka dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Qoraal kale oo kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri ““Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya.

Haddaba Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa cabiray waxa loo fasiran karo hadalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka iyo wicitaannadooda tooska ah ee madaxda Soomaaliya ee is khilaafsan

“Dabcan arrintan waxay daba socotay markii maalin dhoweyd khilaaf khatar geliyay Soomaaliya dowladnimadeedii iyo wixii la soo dhisaayay tan 2001-dii oo ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad loo dhan yahay oo uu sal u yahay dastuur, nimaad iyo kala dambeyn,” ayuu yiri.

“Khifkaasi khatarta geliyay in dhamaam ay meesha ka baxdo nidaamkii dowladnimo ka dib ayaa waxaa dhacday in diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka iyo cidkasto oo arrimaha Soomaaliya isha ku haysay laga wadahadlay oo ay is weydiyeen maxaa arrinkan nagala gudboon oo aan Soomaali la qaban karnaa marka qaar waa iyagii qaar soo saaray war qoraalka halka qaar kalana ay barta Twitter ka soo dhigeen aragtidooda.”

“Waxaa taas ka sii dambeysay in taloofan lagula soo hadlay madaxweynaha iyo ra”iisul wasaaraha oo loo sheegay cidwalba waxii ay sameyn lahayd.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa la weydiiyey in isagoo arrintaasi ka eegaya dhanka diblomaasiyadda dhadhan noocee ah ayay leedahay miyaa loo fasiran karaa in Mareykanka uu u janjeesamay xagga Rooble?

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ku jawaabay “Maya, Mareykanku sidaan muddaba ka wada shaqeyneynay oo aan ka wada hadleynay sidii Soomaaliya ay doorasho u aadi lahayd, muddo hal sano ahna arrintaas ayaa ka wada hadleynay, hadana weli waxay u janjeerta in weli la yirahdo xalka keliya waxa uu ku jira in doorasho la aadaa ee ma aragtay afgambi iyo nidaam kale oo sharci darro ah oo madaxweyne iyo ra’iisal wasaare shaqada looga joojiyo.”

Waxa uu intaas ku daray “Sida keliya ee wax lagu hagaajin karo, Soomaaliyana horay ugu socon karto waa in nidaamka sharciga ah la raacaa doorashana la aadaa marka hadalka Mareykankana sidaas ayuu u socdaa, dadkana waxay cabirayaan labada mas’uul keebaa raba inay socota doorashada keeba se raba inay si kale wax u socdaan marka waxay ila tahay dadku ay sidaasi wax ku cabirayaan.”

“Haddii Mareykanka dan uu ka leeyahay Soomaaliya darteed uu rabo inuu u farogeliyo iyagana ma sameynayaan hadey dhacdadana cidna ma yeeleyso laakiin marka lagu leeyahay dadkaagi iyo dalkaagi u tur, xuquuq-doodana ilaali marka in hadalkooda uu meel dheer ku dhaci doono oo dad badan oo Soomaali ahna ay ku raaci doonaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Shaqsiga Sanadka 2021 “Person of the Year 2021”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online oo kaashaneysa qorayaasha, tafaftirayaasha iyo maamulka ayaa sanadka 2021 u aqoonsatay “Shaqsiga Sanadka 2021” “Person of the Year 2021” Amb. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle).

Tan you markii loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay bishi Jun 2017, waxaa isbedel dhinacyo badan ah uu ku sameeyay qaabka ay u howl-gasho safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada New York.

Waxaa markii ugu horreysay uu safiirka dhaqan geliyay in kulamada ka dhaca xarunta Qaramada Midoobay ay si toos ah uga qeyb-galaan howl wadeenada safaaradda uu isaga hormuud u yahay, taasoo laga dareemay shirarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay ka soo dhex muuqato muddo dheer kadib.

Amb. Abuokar oo ah shaqsi aad u degan, aqoontiisa diblomaasiyadeedna ay aad u sarreeyso, ayaa waxaa uu ku dhiira geliyay dhalinyarada ka shaqeysa safaaradda in qeyb ka noqdaan wada-hadallada iyo matalaadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxaa u qabsoomay Safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay 2021?

  • Danjire Abuukar Daahir Cusmaan wuxuu Soomaaliya ka bad-baadiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 1267, oo ahaa qaraar duqeymo heer caalami ah loogu geysan lahaa dhamaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo loo cuskanaayay in argagaxiso dalka degan tahay. waxaana ay waxyeelo badan ka soo gaari laheyd dhammaan dadka shacabka Soomaaliyeed ee degan gobolada Koofureed iyo dadka reer guuraaga ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu si toos ah u difaacay ganacsata Soomaaliyeed ee mar walba lagu eedeyn jira inay la shaqeeyaan argagaxisada, kadibna la saari jiray cunaqabatayn shaqi ah, lana xayiri jira hantidooda iyo xoriyadooda socodaalka.
  • Danjire Abukar wuxuu soo afjaray qaraarkii 2608 Qaramada Midoobay ee Burcadda Badeeda, waxaana sanadka laga dhigay sii jiritaanka qaraarka saddex bilood kaliya. Danjiraha ayaa sidoo kale ku qanciyay danjirayaasha kale in Soomaaliya loo dhiso ciidan bad oo xoog leh, kuwaas oo difaaca xeebaha dheer ee Soomaaliya.
  • Danjire Abuukar ayaa bishii Septebmer ee 2020 loo doortay in uu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Qaramada Midoobay, taasoo uu hayay ilaa Bishii September ee sanadkan 2021.
  • Danjiraha ayaa sidoo kale ku guuleystay markii labaad 2021 in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururka xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay “UN Human rights Council”
  • Danjire Abuukar Baale wuxuu si buuxda ula dagaalamay dhoofinta dhuxusha iyo xaalufinta lagu haayay deegaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mashruuc ay muddo dheer wadeen dalal shisheeye oo si xoog badan ugu macaashi jiray dhuxusha laga keeno Soomaaliya.
  • Ergada Soomaalida ee fadhigeedu yahay New York waxaa ay Guul ka keentay in muwaadiniin Soomaaliya oo tiro ka mid noqdaan shaqaalaha caalimiga ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sidoo kale waxaa fursado waxbarasho heley arday Soomaaliyeed oo helay waxbarashadda Qaramadda Midoobey ee takhasuska ah.
  • Danjire Abuukar wuxuu dagaal badan u galay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabateyn hubka si ay Dowladda Soomaaliya uga adkaato kooxaha cadowga ku ah ummadda Soomaaliyeed jiritaankeeda ee sida AlShabaab iyo daacish.

 

“Waa in xal loo helo ciidanka isku hor-fadhiya gudaha Villa Somalia,” waxaa sidaas yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta mucaaradka oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka digey halis ka jirta gudaha madaxtooyada oo uu sheegay in ciidamo soo kala horjeeda isku horfadhiyaan.

Cabdiraxmaan ayaa Golaha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay shaqadooda ugu horreyso ka dhigaan inay kala qaadaan ciidamada isku hor fadhiyo madaxtooyada dhexdeeda ee kala taageersan madaxwynihii hore ee Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Howsha koowaad ee Golaha Wadatashiga Qaran u taalla waa in xal loo helo labada qori ee Villa Soomaaliya isaga soo horjeeda. Xalkuna waa in Farmaajo Villada dibedda looga soo saaro, kaddib ayaa doorasho iyo sidii loo sixi lahaa laga hadli karaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan oo sidoo kale ka hadlay taliyayaasha ciidamada ayaa ku baaqay inay is-casilaan, islamarkaana booskooda lagu badalo kuwa aan ka qeybgelin dhibaatada dalkaa ka dhacday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

“Taliyaasha ciidamada hadlay waa fiican tihiin hadalkiina mid ayaa ka dhiman waa inaad is casishaan, dhibaatadii iyo fitnadii dalka ka dhacday hormuud ayaad ka ahaydeen walaalayaalow is casila,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maamul Goboleedyada aysan awood u laheyn inay boobaa Kuraasta Golaha Shacabka isagoo xusay in Kuraastaas ay leeyihiin Beelo, wuxuuna si weyn ugu hor yimid siyaasiyiinta Kuraasta u hoos fadhiista madaxda Maamul Goboleedyada.

Waxa uu u mahadceliyay madaxda dowlad goboleedyada ee taageeray ra’iisul wasaaraha isagoo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada ee weli ka aamusin mowqifka ay ka taagan yihiin khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Farmaajo waxa kaliya ee u dhiman waa inuu is toogto”

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan xalay ay Midowga Musharrixiinta ay sheegeen in looga soo horjeeday agembigii fashilmay ee ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa si xooggan u dhalleeceeyey ficilada uu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, shantii Sano ee uu ku fadhiyey kursiga.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dulqaad badan loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii uu weeraro ku qaaday shaqsiyaad kala duwan, xayiraad safar uu kusoo rogay iyo kiisas kale.

“Maalmo badan oo 27-ka December 2021 oo kale ayaa dalka soo maray, balse maanta sida looga falcelinayo oo kale ma ahayn, wax kasta oo qof bini’aadam ah uu ka caroodo uuna qori ka qaato ayuu sameeyay Farmaajo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta dadka ka hor istaagtay in ay gacan qaad ku baddelaan ficilladaas, waxa uu ku sheegay in ay rejo ka qabaan dalka oo niyadda ay ku hayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinkaas oo dulqaad iyo dhabar adeeg u baahan sida uu hadalka u dhigay.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax u haray markaan malaha oo aan ahayn in uu is toogto oo uu dagaal isku qaado mooyee ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba kajirin, islamarkaana kuwa sheegay ay yihiin kuwii 5-tii sano ee la soo dhaafay lacagta lagu siinayay aflagaadeynta mucaaradka ee loo yaqaano (CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA).

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh Maxamuud in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali kheyre.

“Ma jiraan inaan kala qeybsan nahay, inaan afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, balse majiraan wararka dadka qaarkood ay sheegayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamed.

27-kii December 2021, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka badbaaday afgambi uu la damacsanaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ciidan dul dhigay xafiiskiisa iyo kan Golaha Wasiirada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xogta dadaallada beesha caalamka – Farmaajo ma lagu qasbayaa inuu iska tago?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa shaaca ka qaaday in beesha caalamka ay wada-hadallo la leedahay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, si looga hortago in xiisadda taagan ay isku rogto dagaal.

“QM iyo saaxiibada caalamiga waxay xiriiro la leeyihiin dhammaan dhinacyada si loogu booriyo inay xiisadda qaboojiyaan,” waxaa sidaas yiri Ari Gaitanis oo ah afhayeenka UNSOM, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sida uu sheegay Gaitanis, wada-hadallada ayaa waxaa ku lug leh dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo UK, iyo ururka Midowga Yurub iyo dhinacyo kale, waxayna Arbacadii kulamo kala gooni la kala yeesheen madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.  

“Hadafkooda labada kulanba wuxuu ahaa inay ku diiri-geliyaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay hormariyaan danaha waddaanka, ayna diiradda saaraan in la saxo khaladaadka doorashada,” ayuu yiri Gaitanis.

Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyadeed kasoo xigatay in muhiimadda koowaad ee beesha caalamka ay hadda tahay in Farmaajo lagu cadaadiyo inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, oo uu u daayo ra’iisul wasaare Rooble, welina aysan jirin qorshe loogu qasbayo inuu Villa Somalia ka baxo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday inay la hadashay Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Si kastaba, haddii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ay ku adkeystaan inay howl-galiyaan Ciidamada Badbaado Qaran, waxaa beesha caalamka qasab ku noqon doonta in Farmaajo meesha ka baxo.

“Beesha caalamka waxay hadda sheegeysaa in Farmaajo ay xakameyn karaan ayada oo aan lagu qasbin inuu baneeyo Villa-da, balse ayagaa waxaa hoggaamiya cadaadis, haddii ay arkaan cadaadis ciidan, uma furno wax aan ka aheyn inay Farmaajo ay meesha ka saaraan,” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Rooble iyo musharaxiinta qaar ayaa qaba aragti ah in inta Farmaajo uu Villa Somalia dhex joogo aanay dalka doorasho ka dhici karin, ayna muhiim tahay in cadaadis ciidan looga saaro. Si kastaba, waxaa jira xubno kale oo ka mid ah mucaaradka oo qaba in dagaal aan la gelin magaalada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii