25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay warka NISA ee ah in Shabaab ay dileen Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan seertay warka kasoo yeeray hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ah in kooxda Al-Shabaab ay dileen gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay NISA, oo ay gabadheeda ku tuhmeyso hay’adda sirdoonka qaranka, gaar ahaan taliye Fahad Yaasiin.

“Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri.

“Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.”

Hooyo Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan Soomaaliya cadaalad ka jirin.

“Gabadheeda sidee ayey ku tagtay Dhoobley, ma diyaarad ayaa qaaday, side halkaas ku tagtay. Shabaab berri ayey ka yihiin, horeyna website-yadooda ayey ugu soo qoreen, wax shaqo ah kuma lahan” ayey tiri hooyo Qaali.

Hooyo Qaali, oo la weydiiyey sida ay ku ogaatay in Al-Shabaab aysan ku lug laheyn arrintan, ayaa sheegtay inay xiriiro la sameeyeen dad ehel la ah gabadha oo ku jira kooxdan.

“Gabadheyda dafo ma dafin, gaarigii qaaday waa gaariga Kulane Jiis, darawalka Kulane Jiis ayaa qaaday, Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin ayaana loo geeyey gabadhaas, dadka caqliga saaxiibka u ahna waa ogyihiin,” ayey tiri. 

Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Qaali

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Jaziirada Kudhaa

0

Kudhaa (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedka Jubbaland ee ku leeyihiin Jazeeradda Kudhaa ee hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii saaka ay ku qaaday Kudhaa ay ka gaartay guul weyn kadib markii ay gacanta ku dhigtay saldhigyada Cidamada Daraawiishta Jubbaland ee Jaziiraddaas.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in markii Xerada ay qabsadeen ay qaadatay Hub & agab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Daraawiishta ee saldhigga joogay, halka ay gubeen Gaadiidkii yaallay xerada ay weerarka ku qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhimashada oo ay gaarsiiyeen ciidamada Maamulka Jubbaland, mana aysan soo bandhigin caddeymo muujinayo inay qabsadeyn saldhigga Kudhaa ee ciidamad Jubbaland.

Caasimadda Online oo la hadashay dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay isku adeegsanayeen ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Jubaland, inkastoo aysan xaqiijin inay Al-Shabaab la wareegtay saldhigga.

Dhanka kale, Maamul Goboleedka Jubbaland illaa haatan kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

Dagaal u dhaxeeya kooxda Taalibaan iyo koox kale oo ka qarxay dalka Afghanistan

Panshir (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta dooxada Panshir ee dalka Afqaanistaan.

Taalibaanku waxay sheegeen inay la wareegeen deegaanno khasaaro culusna gaarsiiyeen kooxda iskaaabinta ee NRF

Balse kooxda NRF ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan marinada laga gala dooxada, Taalibaanna ay ka dileen boqolaal dagaalamayaal ah.

Panshir waa gobolka kaligaa ee aan wali gacanta u gelin Taalibaan, waxaana la rumeysan yahay in boqolaal dagaalamayaal ah ay halkaasi ku sugan yihiin.

Kooxaha iskacaabinta waxaa ku jira madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afqaanistaan Amrullah Saalax, ciidammo horay uga tirsanaa milatariga Afqaanistaan iyo mleleeshiyaad maxalii ah oo u hoggaaminaya hogaamiya qabali ah Axmed Mascuud.

Taalibaan ayaa horay u sheegtay inay wadahdal kula wareegi doonto dooxdani, balse waxay sidoo kale sheegtay inaysan meesha ka saari doonin suuragalnimada inay sidoo kale xoog kula wareeegaan.

Maxay tahay deynta lagu lahaa gobolka Banaadir ee la bixiyey 2-dii sano ee tagtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inay bixiyeen deyn badan oo lagu lahaa gobolka, taasi oo ay bixinteeda uu qeyb weyn lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalana ah duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay munaasib loo qabtay sanad guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu Filish yimid gobolka Banaadir, ayaa sheegay in deyntaas badankeeda la bixiyey, taasi oo muddo badan ku qorneyd gobolka.

“Gobolkaan deyn badan ayaa lagu lahaa oo dhaqaale badan oo guddoomiyaha ka horeeyay oo culeys ah oo dhib ah oo meesha ugu yimid ayaa la bixiyey. Guddoomiyaha wax weyn buu ka qabtay deyn aad u weyn oo lagu lahaa gobolka, maalinba qaar buu la daala dhacayey,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay dhanka amaanka iyo horumarinta gobolka, tan iyo markii uu yimid guddoomiye Cumar Filish, isagoona meesha ka saaray eedeymo la xiriira fadhiidnimo oo lala xiriiriyey maamulka.

Xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay munaasibad lagu xusaayay Sanad-guuradii 2-aad ee marka uu xilka Guddoonka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho uu la wareegay Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Munaasabadaan oo ay ka qeyb-galeen Marti-sharaf kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada, waxaana inta badan lagu soo bandhigay waxqabadka labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.

Hant-dhowrka Qaranka oo soo saaray amar 3 qodob ah oo ku socda hay’adaha DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar uu ku wargalinayo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya inay muddo bil ah (oo ku eg 02/10/2021) kusoo diiwaan-galiyaan dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka iyo guryaha ee ay galeen.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo ujeedkiisu ahaa “Diiwaan-gelinta heshiisyada hantida la kireeyay ee dhulalka iyo guryaha dowladda”, ayaa waxa looga hortagaya wax is-daba-marin iyo in si gaar ah loogu faa’iideysto heshiisyada.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hogaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Xafiiska oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iideysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixraacayo Qoddobka 43aad (2) ee Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 1aad (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50aad (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci LR.17, ee 25/12/2019) iyo Qodobka 8aad ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (Sharci Lr. 34 ee 14/04/1972).”

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa hay’addaha Dowladda ku wargeliyay 3 qoddob oo la xiriira amarka diiwaan-gelinta heshiisyadaas, kuwaasi oo kala ah;

  1. Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan-geliyo dhamaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha.
  2. In dhamaan hay’addaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaaliyo hantida umadda.
  3. In dhamaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay ka wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan-gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex-maray muwaadinka/qofka iyo hay’ada ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga.

“Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hogaansamaan dhamaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan-geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo howl-wadeenada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu Xafiiska Hantidhawrka shaaciyey in sharci-darro loo aqoonsan doono heshiisyada aan laga soo diiwaan-gelin xafiiska, maadama uu baaris ku sameyn, islamarkaana uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku haboon.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan buuq badan ka dhashay heshiis lagu bixiyey dhul kamid ah Tiyaatarka Qaranka, kaasi oo loo maray sifo sharci darro, sida uu hore u shaaciyey Xafiiska Hantidhawrka.

Falcelin ka dhalatay warkii NISA ee dilka Ikraan Tahliil iyo su’aalo la isweydiinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey warkii ay caawa Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ku sheegtay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay. Haddaba hoos ka aqriso qoraallo ay soo saareen. 

Qoraalka Mahad Salaad

Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah. R/W Maxamed Xuseen Rooble waxaan kula talinayaa in uu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, dalkana in uu ka baxo aan loo oggolaanin si Maxkamad loo soo taago!

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay. 

Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay. 

Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa 

1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.

Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan.

Booliska Tanzania oo shaaca ka qaaday xogta rasmiga ah ee Soomaaligii weerarka ku qaaday safaarada Faransiiska

Darussalam (Caasimada Online) – Ninkii Soomaaliga ahaa ee toddobaadkii afarta qof ku dilay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania, kahor inta aan toogasho lagu dilin, waxa uu ahaa “argagixiso lagu xagjireeyey internet-ka,” waxaa sidaas maanta sheegay booliska.

Ninkan oo booliiska ay magaciisa ku sheegeen Hamza Mohamed ayaa 25-kii August rasaas oodda kaga qaaday aagga diblomaasiyadda ee magaalada, meel ku dhow safaaradda Faransiiska, wuxuuna dilay saddex sarkaal oo boolis ah, iyo sarkaal amni oo u shaqeynayey shirkad gaar ah.

“Baaritaanadeena waxay shaaca ka qaadeen in Hamza Mohamed uu ahaa qof lahaa nolol sir ah oo ay ka buuxaan astaamaha argagixisanimada,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta dambi-baarista Camillus Wambura.

Wambura ayaa ku qeexay ninkan “argagixiso.”

“Waxa uu waqtigiisa inta badan ku bixiyey inuu Internet-ka wax uga barto ficillada noocan ah ee argagixisada, sida kuwa ay fuliyaan Al-Shabaab iyo Daacish, oo ay sameeyaan argagixiso badan,” ayuu yiri Wambura.

Afarta qof ee dhintay ka sokow, lix qof oo kale ayaa lagu dhaawacay toogashada, oo ka dhacday meel u dhow albaabka laga galo safaaradda Faransiiska.

Tobaneeyo saraakiil boolis ah, siyaasiyiin iyo muwaadiniin ayaa Jimcihii ka qeyb-galay munaasabad tacsi ah oo la sameeyey saraakiisha dhintay. 

“Haddii waalidkiisa ay kasoo bixi lahaayeen mas’uuliyaddooda, wixii uu Hamza sameeyey ma dhici laheyn,” waxaa sidaas sheegay Simon Sirro oo ah madaxa booliska.

Dadka dariska lahaa Hamza ayaa naxdin ka muujiyey toogashada, waxayna sheegeen inuu hooyadiis kula noolaa meel laba kilometer u jirta un halka uu weerarku ka dhacay.

“Waxaan garanayey illaa yaraantiisa. Waxaa jirta mar la waayey illaa uu dhowaan dib uga soo laabtay,” waxaa sidaas yiri Omar Issa oo ah taksiile.

“Wuxuu ahaa qof caadi ah, oo aan ula macaamili jira si la mid ah dhammaan deriskeyga. Aad ayaan xaqiiqdii uga naxay,” ayuu yiri.

Weerarka uu fuliyey Hamza ayaa ah mid noociisu naadir ka yahay dalka Tanzania, oo ah nabad ah, xilli ay xasarad dagaal oo ay ku lug leeyihiin jihaadiyiin ay ka jirto dalka deriska la ah ee Mozambique. 

NISA oo shaacisay in la dilay IKRAAN TAHLIIL FAARAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xaqiijisay in Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda ay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna la dilay.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waysanaa ilaa June 26 2021, markaasi oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda Muqdisho.

Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan qoyskeeda.”

NISA ayaa sheegtay inay ku daba jirto dhagar-qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, ayna sharciga hor keeni doonto.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay NISA. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iyana weli wax war ah kasoo saarin eeddan loo jeediyey ee la xiriirta dilka Ikraan.

Dhinaca kale, hay’adda NISA ma sheegin sida ay Ikraan ugu gacan gashay Al-Shabaab, iyo sida ay ugu suurta-gashay inay baabuur kaga kaxeystaan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta hay’’adda.

Cali Guudlaawe oo go’aan lama filaan ah ka qaatay liiska musharaxiinta Aqalka Sare

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa qaatay mowqif lama filaan ah, oo u ku furay doorashada Aqalka Sare, isaga ballan-qaaday inaysan dhici doonin in musharax laga hor istaago inuu kasoo muuqdo liiska musharaxiinta.

Go’aanka Guudlaawe ayaa ka duwan dhammaan madax goboleedyada kale oo horey liiska musharaxiinta ugu xiray siyaasiyiin gaar ah, ayaga oo u diiday muwaadiniin badan oo xaq u lahaa.

Guudlaawe oo khudbad ka jeediyey daah-furka Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in musharax kasta oo soo buuxiya shuruudaha musharaxnimo uu xaq u leeyahay inuu u tartamo kuraasta maamulkaas kasoo galeysa Aqalka Sare.

“Waxaa hortiina ka ballan-qaadaya in Liiskaas aan kusoo dari doono Musharax kasta oo soo buuxiya shuruudihii, oo aan dhihi doonin hebel aan jeclahay oo liiska u xirayaa iyo hebel aan necbahay oo liiska ka reeba,” ayuu yiri.

“Muwaadin kasta oo kusoo baxo musharaxiintan in uu nagala shaqeyn doono horumarka HirShabelle haddey nabad-gelyo tahay iyo haddey horumar tahay oo uu noqon doono Senator noo dhago nugul ayaa rajeynayaa.”

Sidoo kale waxa uu xusay in si xor iyo xalaal ah u dhici doono tartanka Aqalka Sare, ayada oo uu kula dardaarmay mudaneyaasha HirShabelle inay si human u kala xushaan tartamayaasha.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Guudlaawe ay cadaadis xooggan saartay Villa Somalia kadib markii uu diiday inuu liiska musharaxiinta ka saaro Muuse Suudi, taas beddelkeedna ay ku qasabtay inuu furo liiska, si loolan adag loo geliyo Xaaji Muuse.

Maamulka HirShabelle ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay aan si toos ah u faro-gelin musharaxiinta Aqalka Sare, sida kal hore ka dhacday doorashooyinka maamulada kale ay qabteen, kuwaasi oo laga reebay shaqsiyad ay is-hayeen, halka ay kusoo baxeen dad hore loo sii ogaa.

RAILA ODINGA oo faahfaahin ka bixiyay hadal ay aad uga caroodeen SOOMAALIDA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga ODM, Raila Odinga ayaa kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, waxaana kulankaas ku saabsanaa hadal maalin dhaweyd uu jeediyay Raila oo ay ka caroodeen qaar kamid bulshada ka soo jeeda Ismaamulka Mandheera.

Xoghayaha gudiga ganacsatada Islii, Cumar Axmed oo kulankaas goob joog ka ahaa ayaa idaacada VOA-da u sheegay in Raila Odinga uu faah-faahin ak bixiyey hadalkaas, kaasi oo dadka qaar u dhigeen in hoos loogu dhigayo metelaada ismaamulka Mandheera.

“Waxaa laga hadlay hadal uu dhawaan yiri oo metelaad ahaa, oo dadka si kale u qaateen, oo uu ka soo qaatay dadka degna Mandheera, taasna wuxuu yiri waxaa usoo qaatay labo meel oo midna dad yar tahay midna dad badan tahay ayey aheyd ee igama aheyn in Mandheera wax la duudsiiyo, taasna wuu cadeeyaay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kala hadleen Raila Odinga cabashooyin dhowr ah oo ay ka qabaan canshuuro xad dhaaf ah oo lagu soo rogay, maadama uu yahay hogaamiye siyaasadeed u dhuun-daloola arrimaha dalka.

“Hogaamiyaha hadda dowladda kuma jiro, laakiin waa nin Siyaasi ah oo la socda arrimaha wadanka oo mug ku leh, cilaaqad hoose ayey ku leeyihiin madaxda dowladda, markaa waxaa damacnay in aan ka faa’iideysano fursada uu haysto.”

FILISH oo ‘guri dowladeed siiyey’ agaasime ka tirsan DF

0

Muqdisho (Caasimada Oonline) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna sidoo kale duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guri dowladeed oo ay degto siiyey Maryan Aadan Amiin oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay iyadu shaacisay Marwo Maryan Aadan.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo xalay khudbad ka jeedisay munaasabadda sanad-guurada labaad marka uu xilka la wareegay Cumar Filish ayaa sheegtay inay u mahadcelineyso duqa Muqdisho, maadaamo uu siiyey guri ay degto.

Maryan oo si daah-furan uga hadashay arrintan ayaa sheegtay in dhulka la siiyey xilligii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isla-markaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku soo xiriiriyeen guddoomiyaha gobolka Banaadir, isaguna uu si wanaagsan uga jawaabay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in saddex guri la geeyey, balse ay ka xulatay guryaha la soo tusay midkii ugu yaraa, sida ay hadalka u dhigtay.

“Guddoomiyaha guri dowladeed ayuu siiyey, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha annaga oo shir ku jirno ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu yiri madaxweyne Maryan 700 ayey qaadataa Isxilqaana waa dhistaa, guri ijaar ah oo 500 ahna way ku jirtaa, hadday meel fog tagtana nafteydaa qatara, kadib Cumar Filish ayaa la’iigu soo xiray,” ayey tiri

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in duqa Muqdisho uu siiyey lacag iyo waraaq amar ah oo ay ku dhisaneyo guriga la siiyey.

“Lacag aan ku dhistay wuu i siiyey waraaqna wuu isiiyey guddoomiye waa mahadsan tahay,” ayey sii raacisay agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hadalkan ayaa dad badan la yaab ku noqday, wuxuuna haatan ku soo aadayaa, iyada oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay in la iibiyo qeyb ka mid ah dhismaha Tiyaartarka Qaranka.

Maxay AL-QAACIDA ka tiri guusha ururka Taalibaan iyo bixitaanka MAREYKANKA

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Al-Qaacida ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay guusha Taalibaan ay dib ugula wareegtay dalka Afghanistan kadib markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka iyo xulufadiisa.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa Afghanistan qabsaday 2001, kadib markii Taalibaan ay diiday inay usoo gacan geliso hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osman Bin Laden iyo saraakiishii kale ee ururka ee lagu eedeeyey weeraradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September 2001.

Qoraal ay baahisay Mu’asasada As-saxaab, oo ah garabka warbaahineed ee Al-Qaacida, ayey kooxda ku bogaadisay wax ay ugu yeertay “furashadii weyneed ee dhowaan ka dhacday” Afghanistan.

“Waxaan munaasabaddan taariikihiga ah ugu hambalyeyneynaa hoggaanka Imaaradda Islaamiga ah, gaar ahaa Haibatullah Akhundzada,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qaacida. 

“20 sano oo ixtilaal ah kadib ay shacabka Afghanistan iyo mujaahidiintiisa waxay hadda hanteen miraha jihaadkii waqtiga dheeraa ee ay soo galeen,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacida.

Ururka Al-Qaacida ayaa sidoo kale ugu baaqay muslimiinta caalamka inay garab istaagaan “Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan,” oo ah magaca dowladda Afghanistan ee ay soo dhiseyso Taalibaan, magacaas oo ah kii horey looga yiqiin dowladdii Taalibaan ee dalkaas ka jirta 1996-kii illaa 2001.

Al-Qaacida ayaa sheegtay inay rajeyneyso in guusha Taalibaan ee Afghanistan ay hoggaamin doonto guulo kale oo ka dhaca “dunida la caburiyey.”

Waxay ku baaqay in “jihaadka hubeysan uu sidoo kale cadowga Islaamka ka xoreeyo dalalka Soomaaliya, Falastiin, Magribta Islaamiga ah, Yemen iyo Kashmiir,” sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa xusid mudan in heshiiska ay gaareen Taalibaan iyo Mareykanka ee ay ciidamada ajnabiga dalkaas uga baxeen uu dhigayo in kooxdan aysan ogolaan in Afghanistan ay noqoto meel weeraro argagixiso looga qaado dunida inteeda kale.

Ma cadda sida Taalibaan ay u maareyn doonto xiriirka Al-Qaacida, oo hogaamiyayaasheeda ay ku marti-gelisay Afghanistan.

Si kastaba, Taalibaan ayaa sheegtay inay dooneyso inay dhisto dowlad aqoonsi ka hesha caalamka intiisa kale, taasi oo ka dhiggan inay aad isaga ilaalin doono Al-Qaacida, ugu yaraan si shaacsan. 

Ikraan Tahliil ma waxay u gacan gashay Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo mudd ka badan labo bil la la’yahay ayaa waxaa la shaaciyey inay u gacan gashay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab, sida ay sheegen saraakiil amni oo la hadlay VOA.

Barnaamijka Bandhigga VOA oo toddobaadkan si gaar ah diirada loogu saaray kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa lagu shaaciyey in Al-Shabaab ay u wateen Ikraan Tahliil gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan Dhoobley.

Sidoo kale waxaa shaki weyn laga muujiyey in Ikraan ay nooshahay, ayada oo ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inaysan xiligaan nooleyn, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan NISA ay shirqooleen Ikraan, islamarkaana u gacan geliyeen Al-Shabaab. Ma cadda weli haddii NISA ay ogaatay xubnahaas, iyo tallaabada laga qaaday haddii la aqoonsaday.

Dhanka kale, Hooyada dhashay Ikraan oo la hadashay Barnaamijka Bandhiga VOA-da ayaa u sheegtay inaysan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay wateen inanteeda Ikraan Tahliil, inkasta oo sidaas ay u sheegeen saraakiil.

Waxay weli ku adkeysaneysaa inay ku maqan tahay gacanta taliska NISA, oo ay hore u qabteen Camerada ayada oo raaceysa gaari laga leeyahay taliska NISA.

Xogtaan ayaa kor u sii qaadeysa walaaca laga muujinayo in Al-Shabaab ay si weyn ugu dhex milmatay hay’addaha dowladda, maadama gabadha lagu watay gaari ka diiwaan gashanaa hay’add kamid ah kuwa dowladda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran + Magacyada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday Mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa, kuwaasi oo isugu jira wasiiro, kuxigeeno iyo agaasimayaal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 25-xubnood.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
7. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta.
11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha.
12. Baashe Cawil Cumar Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga.
18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose.
19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda.
20. Siciid Axmed Jibriil Bahal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.
24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Muxuu ka dhashay dagaal siyaasadeedka ‘hantida guud’ ee Farmaajo iyo Rooble?

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka amar qaadanaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa shalay qarxiyey dagaal siyaasadeed nooc cusub ah oo lagu gelayo magaca ‘Soo celinta Hantida Guud’, kadib markii ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo maamulka isbitaallada waaweyn ee Jazeera iyo Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inay arrintan ka dambeysay kulan lagu kala tegay oo dhowaan dhex maray Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, kana dhacay Madaxtooyada Somaliya, waxaa madaxda ka qeyb galay ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana Farmaajo uu ka dalbaday Rooble inuu dhiso Doorashada dadban, kuna taageero in mar kale dib loo doorto, laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Rooble oo si cad ugu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay Doorashada.

Xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo halkii ugu xumaa gaaray, kadib socdaalkii Ra’iisal wasaaraha ku tegay dalka Kenya, ayaa mar kale xumaaday oo tegay heerkii ugu hooseeyay toddobaakan, waxaana arrintan ay keentay in kooxda Farmaajo ay weeraro qarsoon oo siyaasadeed ku beegsadaan Rooble iyo siyaasiyiinta saaxiibada la ah.

Weerarkii koowaad wuxuu ku dhacay gacan-yaraha iyo saxiibka ugu weyn Rooble oo ah wasiirkisa Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Carab, kaasoo ah xildhibaan ganacsade saami badan ku leh Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee Muqdisho, isagoo kusoo galay Hay’adii uu madaxda ka ahaa ee Manhal.

Labadan Isbitaal waxay ka siman yihiin in lagu dhisay dhul hanti Guud oo Qaran ah iyo inau dhismahooda koowaad lagu dhisay deeq umadda Soomaaliyeed loogu taloglay, laakiin waxaa ka faa’iideystay xubno uu ka mid yahay wasiirka Waxbarashada xilligan iyo Ganacsato oo maalgelin ku sameeyay, kadibna u bedelay Isbitaallo adeegyo badan bixiya oo ganacsi ah.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa bishii Febraayo 2020 shaacisay in Isbitaalka ku shaqeeyo si sharci darro ah oo dano gaara, looga faa’iideysto, isla markaana ay hay’adda maamusha Isbitaalka Yardimeli si sharci darro ah uga faa’iideysato deeq Soomaalida loogu talogalay. (Halkan ka akhriso)

Khilaafka Wasaaradda iyo Maamulka Isbitaalka Yardimeli, wuxuu qaboobay markii uu dhex galay Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre, waxaana isbitaalka shirko ku ah saddex dhinac oo wasiir Carab ka mid yahay.

Isbitaalka Jazeera ayuu sidoo kale wasiirku dhinac ka yahay, waxaana xarunta laga dhisay oo ahayd Xaruntii Ubaxa kacaanka ee UKO, bixisay dowladii hore, iyadoo laga dhisay Isbitaal ay maalgelisay dowladda Baxreyn oo indhaha loogu talogalay, iyadoo la wareegay Wasiirka iyo ganacsato degaanka ah oo ku heyb ah Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, iyadoo maalgelin weyn lagu sameeyay, loona bedelay isbitaal guud.

Dowladii Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxba kama qaban sidii labadan isbitaal loo waafajin lahaa sharciga, looguna koontarooli ahaa qeybta hantida guud ah ee ku jirta iyo maalgelinta ganacsiga, marka laga reebo qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah hay’adda ay ahayd inay qeyb ka noqoto maamulka labadan Isbitaal oo mar kasta ay horjoogeen dano siyaasadeed.

Xilligan kala guurka ah ee Doorashada inay Isbitaalladan ka mid noqdaan dagaal siyaasadeed hoose oo u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay kaliya dhalin doontaa weji cusub oo qalallaase ah iyo inaysan ujeedadu ahayn soo celin hanti guud.

Xigasho: Goobjooge.net

Saldhigga ciidamada KENYA ee KUDHAA weerar culus lagu qaaday + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah askarta AMISOM ku leeyihiin Jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah ah oo u dhexeeyey dagaalyahanadii weerarka qaaday & ciidamada Kenya ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarasanayeen, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha sar sare ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo isku fidiyey agagaarka Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee koonfurta & bartamaha dalka.

Si kastaba Jubbooyinka ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha si aadka ay haatan ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolladaasi.

TAALIBAAN oo hareereysay Ahmed Mascud iyo ciidankiisa

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taalibaan ayaa ku dhowaaqay in dagaalyahanadooda ay hareereeyeen gobolka ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Panjshir, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad uu wato Ahmed Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii caanka ahaa ee la dagaallamay kooxdaas ee Ahmed Shah Masoud.

Amir Khan Motaqi oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa shaaciyey in ay isku fidiyeen hareeraha gobolka kaliya ee ka soo horjeeda maamulkeeda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay kooxda ka soo horjeeda inay si nabad ah isku soo dhiibaan, iyaga oo ka faa’iideysanaya cafiska ay kooxda fidisay, kadib la wareegitaankeeda Kabul.

“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri Amir Khan Motaqi.

Hoggaamiyahan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Taalibaan ay dadaal badan samaysay, si ay wada-xaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu shaaciyey inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”.

Si kastaba ciidanka uu hoggaaminayo Ahmed Mascuud oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa hada la dagaallamaya Taalibaan.

Khabiir Soomaaliyeed oo laf-dhabar u ahaa dacwadda baddeena oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, taas oo hadda hortaal ICJ.

Allaha u naxariistee geerida ku timid Injineer Saalixi waxaa xaqiijiyey xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Mahdi Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka, isaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Injineer Maxamed Cumar Saalixi uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee ka dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya,

“Marxuumku wuuu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. “Isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Marxuumka waxaa kale oo uu ahaa khabiir aqoon durugsan u leh cilmiga badda, isla-markaana ahaa shakhsiga kaliya ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf, sidoo kalena wuxuu ahaa la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada.

AUN Injineer Saalixi ayaa dadka ay soo wada-shaqeeyeen waxa ay sheegeen inuu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, sidoo kalena aamin ah.

Sheekh Cali Dheere oo soo saaray war xasaasi ah oo ku socda beelaha Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa soo saaray digniin uu sheegay inay ku socoto guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isagoo uga digaya inay la macaamilaan ‘gaalada’ sidoo kalena ay ku lug-yeeshaan doorashooyinka dalka ka socda.

Waxa uu sheegay in cidii ku lug yeelata doorashooyinka dowladda dhexe ama dowlad goboleedyada ay dagaal u dhaxeeya xaqa iyo baadilka uga biirtay dhanka baadilka, sida uu hadalka u dhigay Cali Dheere.

“Odayaasha beelaha waxaan uga digeynaa shirqoolka loo maleegay in aysan ku dhicin, iyagoo fiirsanaya sandareerada yar ee la siinayo, aan idin weydiiyeen kuwii idinka horeeyey maxay ku tartay dowladii ay soo dhiseen, waxay noqdeen qaar dhintay iyo qaar meel ay ku noolaadaan weysan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sababta ay Al-Shabaab u beegsadeen odayaashii soo dhisay dowladii tan ka horeysay ay tahay inay cadaw kala safteen kooxda, balse ay ka difaaci weysay dowladii ay soo dhiseen, sida uu hadalka u yiri.

“Waxaan digniin u jeedinayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed, feejignaan dheeri ah muujiya oo cadawgu yuusan idinka faa’iideysan, isagoo idiin adeegsanaya diintiina iyo dalkiina si uu deeqdiina u qaato, waxaan ognahay in hub la isugu kiin dhiibay, si aad isku leysaan,” ayuu yiri Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere waxa uu sheegay in qof kasta oo gacan ka geysta faafinta waxa uu ugu yeeray ‘dimoquraadiyadda’ uu yahay “Murtad diinta Islaamka banaanka ka jooga” kooxduna ay beegsan doonto, sida uu hadalka u dhigay.

FILISH oo digniin iyo amar kasoo saaray arrin muran badan ka dhalisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa si adag uga hadlay xarumo magaalada Muqdisho ka billaabay wax-ka-bedelka qaab-jireedka dumarka, taasi oo muran badan dhalisay.

Guddoomiye Filish ayaa ugu horeyntii sheegay in uusan kasoo horjeedin in dumarka is qurxiyaan, hase yeeshe aysan aqbali doonin maamulkooda wax kasta oo ka hor-imaanaya dhaqanka iyo Diinteena.

Waxa uu sheegay in ay albaabada u laabeen xarumo lagu weeyneynayo bishimaha dumarka, isagoona digniin u diray xarun kasta oo caafimaad oo isku deyda inay arrintaas billowdo, taasi oo uu sheegay inay xiri doonaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in goobaha Ganacsiga markii ruqsada la siinayo aysan si faah-faahsan u sheegin waxyaabaha ay qabanayaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ruqsada lagala laaban doono goob kasta oo lagu arko arrintaas.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaysa xili labo cisho ka hor ay dowladda federaalka Soomaaliya albaabada isugu dhufatay xarun dadka jirkooda lagu qurxiyo oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, taasi oo ay xoog ku galeen ciidamada.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada, gaar ahaan kuwa Soomaalida qabsaday muuqaalada gabdho ku faanaya in faruuryaha loo weeynayey iyo qeybaha dambe, midaasi oo sharci ahaanteeda dood ka dhex dhalisay bulshada.