26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

“Reer Muqdisho ayagaa is-dhigay halka ay maanta joogaan,” waxaa sidaas yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii Jimcihii ka dhacay caasimadda Muqdisho, isagoo aad u eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Feysal ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyey wixii gaaray gaaray shacabkii banaanbaxa dhigayey Jimcihii, kuwaas oo ciidamada dowladdu ay awood u adeegsadeen kala ceyrintooda.

Ugu horeyn Feysay ayaa yiri, “Dadkii reer Muqdisho ee lagu xasuuqay banaanbaxa ay dhigayeen waxaa leeyahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.”

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in reer Muqdisho ay iyagu is dhigeen meesha ay joogaan maanta, isla markaana ay ‘cadaw gacanta u geliyeen taladooda’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay idinkaa waxaan isugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u geliyey, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay war tashada, meel kale oo maanta Farmaajo xukumo ma jirto ee iska xoreeya ayaan idin leeyahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa keenay Farmaajo waa khilaafka reer Banaadir, anaguna hadaan khilaafka iska deyn weyno oo is jeclaan weyno, taas oo kale ayaa nagu dhaceysa, wixii na soo maray waa inaan xasuusanaa, Ilaahey mar dambe cadaw gacanta nooma geliyo, wixii lasoo maray waa inaan xasuusanaa walaalayaal,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Hoos ka Daawo

Askari ka tirsan ciidanka DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay wade Mooto Bajaajle ahaa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black  Sea, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii wadaha mootada uu ka biyo diiday inuu qaado askariga, kadibna uu sidaas rasaas ugu furay marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in askarigii ka dambeeyey falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Cumar Carabey, iyada oo ehelladiisa ay geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin askarigii dilka geystay.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal bareer ah u geysta dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka nooca loo yaqaano Bajaajta.

Muxuu QOOR QOOR caawa kala hadlay Shariif, Xasan Sheekh iyo Kheyre? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa caawa guryahooda ku booqday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa ku soo booqday guryahooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi la xiriiraan kala warqaadasho ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dlka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka, ee xilligan uu dalku marayo.

“Kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isugu jiray kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan dalku marayo,” ayaa lagu yiri warka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maqribkii caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoor Qoor ayaa u muuqdo mid markale xal u raadinaya, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka.


Guddoomiye ku xigeenkii hore ee G/Banaadir oo ku jabay rabshadihii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay shalay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo waxa gaaray.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay inuu gacan ka jabay intii ay ka cararayeen rasaas ay ciidamada dowladdu ku kala ceyriyeen dad ku banaanbaxayey inta u dhaxeysa garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM-4 ee magaalada Muiqdisho.

Dadkaas oo markii dambe kala cararay waxaa hor kacaayey musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Nabadoon Xaad xildhibaano ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa iyo guddoomiye Ibraahim Dheere oo hadda dhaawac ah.

Ibraahim Dheere oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu gacan ka jabay, intii ay xabadaha ka cararayeen, isla markaana maanta la kabay oo hadda ay xaaladiisu wanaagsantahay.

Madaxweyne Farmaajo oo bilo ka hor uu aad u taageeri jiray intii aan xilka laga qaadin ayuu ku tilmaamay diktaatoori aan dooneyn in dalku doorasho galo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Ciidamada dowladda oo taallada Daljirka caawa ku toogtay Abkoow Cambuure

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lagu dilay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Marxuumka ayaa la dilay xilli uu maraayey fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon, waxaana rasaas lagu furay gaari uu watay, sida aan xogta ku helnay.

Abkoow ayaa mudo dheer lasoo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow.

Ciidamo ku sugan taallada Daljirka ayaa dilay marxuumka, xilli uu ka yimid dhanka isgoyska degmada Boondheere, lamana oga weli sababta keentay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Waran ayaa la sheegay inay dileen marxuumka, kuwaas oo ku sugnaa barxadda taallada Daljirka Daahsoon.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa ka tacsiyadeeysay geerida sarkaalkan, waxayna laamaha amniga ka codsatay in cadaaladda horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.

“Allaah unaxriisto Abkoow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Dal Jirka Dahsoon ee degmada Boondhere. Waxaan Alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa Alle ka waraabiyo. Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay ay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyaashii G.Banadir,” ayey tiri guddoomiye Basma Caamir.

Xogta khasaaraha nafeed ee isku dhacyadii ciidanka DF iyo dibad-baxayaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jimcihii 19-kii February dagaal ka dhacay Daljirka Daahsoon oo maalinaas la filayay inuu bannaanbax ka dhaco ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa si kedis ku bilowday, wuxuuna dhaxmaray ciidanka Dowladda iyo ilaalada musharaxiinta. Waxaa xigay maalintii jimacaha 19-kii February in qol-qolotooyinka kale ay ka dhaceen waddooyin dhawr ah oo caasimada ah oo ay xireen ciidanka si ay u xakameeyaan dad doonayay in ay ka bannaan-baxan in xukunka dalka lagu sii joogo si sharci darro ah.

In ka badan sagaal- qof ayaa ku geeriyootay halka lix iyo toban kalena ay ku dhawacmeen kuwaas oo isugu jira ciidanka ku dagaalamay nawaaxiga Daljirka Dahsoon iyo kuwo kale oo ku waxyeeloobay rasaasta ciidanka Dowladda ay ku rideen bannaanbaxyaasha.

Maalintii ay dibadbaxyada dhaceen ee Jimacaha 19-ka February, degmada Kaaraan iska hor imaad ka dhacay ayaa la soo wariyay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab aha halka qof kalena uu ku dhintay

Saqdii dhexe habeenimadii isla habeenimadaas dagaal kale oo ka dhex bilowday ciidanka Dowladda ee Gorgor iyo ilaalada musharraxiinta oo ku sugnaa Daljirka – Daahsoon ayaa la xaqiijiyay in ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimashada shan qof oo labada dhinac ah iyo dhaawac Lix –kale halka rasaas wiifta ah uu ku dhintay hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen , degmada Warta-nabadda.

Dhanka kale , Maymuum Bashiir waa 25- jir ku nool degmada Hodan gaar ahaan carwadii hore ee xoolaha  halkaas oo rasaas ku haleeshay xili saq dhexe ah, markaas oo hurdada ay kaga soo salashay xabad kaga dhacday qaybta dambe ee jirkeeda.

“Waxa ay ahayd habeen Jimca ah, marka ay rasaasta ku dhacday Maymuun runtii xaaladeedu markii hore waa ka naxnay waddooyinka maadama ay xirnayeen isbitaalna waan gayn waynay taasna waxay sababtay in markii jidad la furay in isbitaal ula cararno,” sidaas waxa sheegay ehellada Maymuun oo aan la hadalnay.

Degmada Warta-Nabada laba qof ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhawacmeen ka dib markii ay haleeshay rasaas wiifta ah oo ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda  iyo kuwo ilaalo midowga musharraxiinta.

Ehallada mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo magaciisa lagu soo koobay Kaadiye ayaa sheegay in dhawaca wiilkooda ka dib u naxdin uu u dhintay Axmed Saki Cumar oo 28 sano jir kaas oo ka mid ahaa dadkii gurmadka fidinayay.

Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wali lagama hayo wax war ah oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isha: Goobjoog

Midowga Musharaxiinta oo mar kale ku dhawaaqay dibad-baxyo cusub + Video

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqay banaanbax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho, waxeyna ku muujin doonaan sida ay u doonayaan iney dhacdo doorasho xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Shariif Sheikh Axmed, oo ah gudoomiyaha midowga musharaxiinta oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay iney mar kale qabanayaan banaanbax nabadeed oo dastuurka uu u ogol yahay.

Madaxweynahii hore Soomaaliya wuxuu sheegay in dibadbaxyada ay yahiin xuquuq dastuuri ah, sidoo kalana aysan aheyn wax dowladnimada dhaawacaya, waana hab uu muwaadinka ku cabiri karo dareenkiisa.

Dhanka kale Shariif wuxuu sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano khaas ah, isagoo ku weeraray musharaxiinta, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka u sheegay iney baal mareen dhismahooda.

“Waa nasiib darro in Ciidamadii aan ku naalooneynay inay dhidibada u aasaan qaranimada Maanta nagula weeraro, ciidamada waxey ku dhisan yihiin sharci & dowladnimo hadii ay ka gudbaana ciidan maahan,” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Midowga musharaxiinta oo wadajir ah waxey adkeeyeen iney mar kale abaabulayaan banaanbax nabadeed oo ay rabaan iney dareenkooda ku cabiraan, dadka reer Muqdisho ayaana wali ka walaacsan xaaladda guud ee la hadal hayo.

Hoos ka daawo Sheekh Shariif

Imaaraadka Carabta oo ‘ku-meel gaar’ ugu yeeray dowladda SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa “dowlad ku-meel gaar ah” ugu yeertay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii dhammaan hay’adaha dowladda uu watqiga ka dhammaaday.

Imaaraadka Carabta ayaa arrinta ku sheegay qoraal uu kasoo saaray rabshadihii Jimcihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin mucaarad ah iyo shacab dibad-bax dhigayey oo dalbanayey inuu kursiga ka dego madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda sii xumaaneysa ee Muqdisho, oo ka dhalatay “rabsdaha sii socda iyo awood u adeegsashada shacabka.”

Bayaanka ayaa lagu yiri “wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga ah, waxay ugu baaqeysa dowladda ku-meel gaarka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerka ugu sarreeya ee is-xakameynta, si loogu guuleysto hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ay ku dhisayaan mustaqbal sugan oo xasilloon.”

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay dib u xaqiijineyso taageerada iyo hindisooyinka caalamiga ah si doorasho xor ah oo daah-furan looga qabto Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is-qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. 

“Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto xasillooni, taasi oo joogteeneysa madax-banaanideeda qaran, kuna fulineyso hamiga shacabkeeda walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Mucaaradka oo dacwad ka gudbinaya FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Midowga Musharixiinta musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ila habeen ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in rasaastii ciidamada dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida Ex-Naasa-hablood la doonayay in lagu dilay madaxweynayaashii hore ee dalka.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale rasaastii shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in ciidamadii difaaca cadawga loogu talo galay ay ku dilaan musharixiinta iyo dadka kale.

“Wixii shalay wuxuu ahaa shirqool la doonayay in madaxweynayaal hore lagu dilo, dadka aan aqoon ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta maah maah ah ‘xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof ku jirto’,” ayuu yiri Daahir Gelle.

Waxaa uu intaasi ku daray in musharixiinta ay doonayeen inay fagaaro ka hadlan, balse laga hor-istaagay, waxaana uu yiri in dhibaatadii dhacday inay ku dacweyn doonaan madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday, oo uu sheegay in amarkaasi uu bixiyay.

Daahir Geelle ma sheegin halka ay ku dacweynayaan Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in Farmaajo oo shalay diiday in banaanbax lagu qabto taalada Daljirka Daahsoon uusan ogolaan doonin in doorasho lagula tartamo.

Hogaamiyeyaashii jabhadda iyo amniyaadka Shabaab ee Sh/Hoose oo la dilay

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka ayaa gobolka Shabeellada Hoose ku dilay sraakiil sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaas iyo in ka badan 50 dagaalame oo kale, sida ay werisay warbaahinta dowladda.

Howlgalka lagu dilay xubnahaas ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Qoryooley iyo deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in saraakiisha la dilay lagu kala magacaabo Macalin Buqaari oo ahaa madaxii jabhada ee Al-Shabaab iyo Sheekh Xasan Ganeey oo isna ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa laga soo xigtay in howlgalkaas Al-Shabaab looga dilay in ka badan 50-dagaalame oo la socday saraakiisha la dilay ee gobolkaas masuulka uga ahaa kooxda.

Weerarka lagu dilay dagaalamayaasha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Mushaani, Daniga iyo Majabta oo dhaca inta u dhaxeysa Qoryooley iyo Jannaale.

Ugu dambeyntii Taliyaha Militeriga Soomaaliya waxuu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaas lagu weeraray maanta ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Xoghayaha guud ee QM oo taageeray inay shacabka Muqdisho dibad-bixi karaan

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM ayaa taageero u muujiyey in shacabka Muqdisho ay dibad-bax dhigi karaan, kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen dibad-baxayaal dalbanayey in Farmaajo ka dego kursiga, maadaama waqtigu ka dhammaaday.

António Guterres ayaa qoraal uu kasoo saaray rabshadaha ku muujiyey inuu aad uga walaacsan yahay wixii dhacay, wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay muujiyaan is-xakameyn.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ugu baaqay hogaamiyayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah isugu yimaadaan, si ay usoo geba-gebeeyaan heshiis doorasho lagu qabto oo waafaqsan heshiiskii 17-ka September.

“Xoghayaha guud waxa uu sidoo kale ku baaqayaa inay si buuxda loo xushmeeyo xuquuqda ay dadka u leeyihiin inay si nabad isugu yimaadaan iyo xoriyadda hadalka,” ayuu yiri António Guterres oo taageero u muujinaya dibad-baxyada.

Waxa uu sidoo kale ku celiyey taageerada buuxda ee QM ay u hayso waddada ay shacabka iyo dowlad Soomaaliya ku gaarayaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo.

Hadalka António Guterres ayaa imanaya ayada oo xaaladda Soomaaliya ay kasii dareyso, islmarkaana waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse uu diidan yahay inuu doorasho qabto ama kursiga ka dego. 

Saudi Arabia oo ka hadashay rabshadihii MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa kusoo biirtay dowladaha ka hadlay rabshadihii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ku dhex maray dowladda iyo musharixiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya iyo rabshidihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in wadahadalka uu yahay xalka ugu fiican ee looga hortagi karo inuu dhaco dagaal dhiig ku daato.

“Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga waxa ay indhaha ku heysay horumarka Soomaaliya & Dhacdooyinka walaalaheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa wax laga xumaado in dhimasho iyo dhaawac dad ku noqdaan isku dhac ka dhacay Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa dhinacyada khilaafka ka dhaxeyo ugu baaqday in si deg deg ah loo gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka taagan halkii la door bidi lahaa dagaal iyo rabshado.

“Waxa aan adkeyneynaa daganaanta walaalaha Soomaaliya oo aan leenahay waa in aad xal nabadeed ka gaartaan kuna dhammeysaan wax waliba oo la kala tabanayo si loo taageero nabadgalyada, Xasiloonida iyo wadajirka,” ayey tiri Wasaaradda.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii dadkii ku dhaawacmay rabshahadaas u rajeysay caafimaad deg deg ah waxayna sheegtay inay murugada la qeybsaneyso qoysaska ay dadkooda dhibaatada soo gaartay.

Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen ka hor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, dibadbaxyaasha lagu rasaaseeyay Caasimadda & khilaafka ka taagan Doorashooyinka Dalka.

Xog: Ciidamo beeleed isku urursanaya laba qeyb oo Muqdisho ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka ciidamo beeleed, kadib markii magaalada ay ka dhaceen isku dhacyo ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka.

Degmooyinka ku yaalla dhinac Koonfur iyo Waqooyiga Muqdisho ayaa laga abaabulayaa ciidankaan oo la sheegay in lagu ilaalin doono laguna xoojin doono ammaanka musharaxiinta oo qalqal galay saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada is-abaabulaya ayaa u badan ciidamo beeleed oo aan ka tirsaneen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay in lagu yareyn doono culeys amni oo ay wajahayaan hogaamiyaasha Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waqooyiga iyo koonfurta ayey kala joogaan ciidankaan waana ciidanka badbaada shacabka iyo musharaxiinta wixii hadda ka dambeeya wado aan aheyn dagaal nooma muuqato,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku biiray maleeshiyaadka laga abaabulayo Muqdisho, oo la hadlay Caasimada Online.

Tallaabadii ay qaaday dowladda ee ay ku beegsatay mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey ayaa la rumeysan yahay inay kicisay dad badan oo markii hore arrintan dhex-dhexaad ka ahaa, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda kasii darto.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda haawaneysa waxaana cidlo ah wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar. Ciidanka dowladda waxaa wali u xiran wadooyinka muhiimka ah lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Muqdisho.

Midowga musharraxiinta oo shaaciyey inuu ‘dambiile qaran yahay’ FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online)  -War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xasaradihii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale dibad-baxoodii shalay laga hor istaagay.

Qoraalkan ayaa waxaa ugu horreyn lagu sheegay in uu goluhu cambaareynayo wax ay ugu yeereen gabood-fal wuxuushnimo ah oo ay ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowladda inay  sifo sharci darro ah ku weerartay xubno ka mid ah mucaaradka, islamarkaana ku joojisay dibad-baxoodii.

Sidoo kale golaha ayaa eeda koowaad dusha ka saaray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo shaaca ka qaaday in dambi fool xun ay tahay in ciidanka qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed.

Golaha ayaa intaasi kusii daray in Farmaajo uu yahay dambiile qaran, sidaas aawgeedna  uusan ka qeyb-gelin karin xal-uhelida arrimaha kala guurka & doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu u arkaa madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinaba qeyb uga noqon karin xal u helida siyaasada kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada, sida uu qabo dastuurka KMG ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn waxa ay musharraxiinta mucaaradka ku goodiyeen inay wadi doonaan dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

 

 

IGAD oo war cusub ka soo saarty rabshadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

IGAD ayaa marka hore cambaareysay shaqaaqooyinkii shalay, illaa habeen hore ka dhacay caasimadda, iyada oo tilmaamay inay aad uga xun tahay rabshadahaasi.

Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dalalka Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan & Uganda ayaa sidoo kale ku baaqay in dhinacyada isku haya doorashada ay sii wadaan wada-hadallada, si xal loo gaaro.

Sidoo kale waxa ay IGAD shaacisay inay muhiim tahay in laga wada-shaqeeo deganaasha dalka iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa kusoo aadaya, iyadaa oo saacadihii lasoo dhaafay rabshado ay ka dhaceen Muqdisho, kadib markii ciidamada ka hortageen dibad-baxii mucaaradka.

Jubaland oo shaki-gelisay ka qeyb-galka shirka Xamar

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka iyo arrimaha soo kordhay, gaar ahaan xiisada magaalada Muqdisho.

Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ka fiirsaneyso ka qeyb-galka shirka ka dhacaya caasimada ee uu iclaamaiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaama ay soo korortay xaalada amni oo ka jirta Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda la dhigay waddooyinka, islamarkaana ay ka fiirsan doonaan tagistooda caasimada.

“Mar haddii aysan is fahamsaneen dadkii wax wada lahaa waa in aan ka fiirsanaa tagista Muqdisho & ka qaybgalka Shirka, Ciidamadii & Siyaasadiinta haddiiba ay kala qaybsameen waa in aan marwaliba ka fiirsanaa tallaabooyinka aan qaadeyno oo ku xiran mowqifkeena,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland.

Puntland iyo Jubbaland oo horey warsaxaafadeedyo ay usoo saareen ku cambaareeyey rabashadihii ka dhacay Muqdisho iyo dibad-baxa laga hor-istaagay mucaaradka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xaaladda dalka ay aad u cakiran tahay, islamarkaana uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga golaha qaranka.

Xog: Ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray oo laga soo dejinayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda federaalka tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu diray Eritrea saacadihii lasoo dhaafay soo bixitaankooda lagu diyaarinayey caasimada Asmara, ayna sugayaan duulimaadkii kasoo dejin laheyd Muqdisho.

Ciidamadaan oo dowladdau qorshuhu ugu jiray in si gaar ah u adeegsado ayaa la sheegayaa in laga yaabo in isla maanta, berri ama maalinta xigta soo gaaraan Muqdisho ayada oo qorshuhu yahay in si deg deg ah loo howlgeliyo.

Lama oga in marka ay soo gaaraan Muqdisho inay toos u abaari doonaan qoysaskooda maadaama mudo sanado ah ka maqnaayeen iyo in lagu amri doono inay fuliyaan awaamiirta iyo ujeedooyinkii loo soo tababaray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan qiyaas ahaan tiro 70 dhan ay kusoo dhinteen dalka Eritrea mudadii tababarka xaalado kala duwan, kuwaasi oo qaarkood waalidiintooda aysan ka war qabin.

Horay ayaa dowladda federaalka loogu eedeeyay in ciidamadaan sifo sharciga waafaqsaneyn loogu qaaday dalka Eritrea iyadoo lagu qiyaameeyay in shaqaale ahaan loogu qaadayo dalka Qatar, taasoo ay dowladda Qatar beenisay, kuna baaqday in baaritaan dhab ah laga sameeyo tallaabadaasi.

Ali Muhiyaddiin Cali
Caasimada Online, London Desk

Xog: Sababta Puntland ku kaliftay inay door dhex dhexaadnimo ka qaadato rabshadihii MUQDISHO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Qoraalkii kasoo baxay maamulka Puntland ee ay ugu hadashay mashaqadii ka dhacday magaalada Muqdisho 24 saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay is-weydiimo badan.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaa waxay ku ogaatay labo qodob oo ku kalifay in Puntland ay ku raaci weydo go’aanka Jubaland ay ka qaadatay dhacdadii Muqdisho, halka Jubaland ay si caro leh oo qeexan ugu hadashay.

Inkastoo Midowga Muraxashaxiinta iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Dani saaxiibo isku dhow ay yihiin, haddana waxaa jira culeys dhinacaa beesha caalamka oo Puntland lagu saarayay inay muujiso door dhex-dhexaadnino iyo isku soo dhowaansho ah, si ay qeyb ugu qaadato xal u helida arrimaha doorashooyinka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay wakiilada beesha caalamka culeys xooggan saarayeen Puntland si arrinta u noqon mid sii fogaato.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu qanciyay in arrinta uu qaboojiyo, si aan loo arkin mid ay ka wada siman yihiin Puntland iyo Jubaland diidmada iyo mucaaradnimada xal lala galo dowladda waqtigeeda dhamaaday ee Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada beesha caalamka ayaa wada hadalkooda oo dib loo balamay ay noqon doonaan kuwo sii socda iyadoo wararkeena danbe aan idinkula wadaagi doono warbixino hordhac ah oo aan u baahanahay inaan soo dhameystirno.

Dhinaca kale, Jubaland waxaa haysta daruuf gooni ah oo isugu soo dhowaan karin Farmaajo halka Puntland daneyneyso in lagu gudbo buuqa iyo in la helo doorasho Farmaajo kusoo noqon. Waxayna Jubaland si qayaxan u shaacisay mowqifkeeda weerarkii habeen hore lagu qaaday madaxweyneyaashii hore iyadoo ku tilmaamtay inuusan waxba kaga duwaneyn midkii lagu soo qaaday gobolka Gedo.

Arrimahaan iyo wixii kusoo kordha wararkeena danbe isha ku haay.

Midowga Afrika oo amar ku soo rogay Amisom kadib rabshadihii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Africa ayaa ku amray ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya inay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashado ay ka dhaceen Muqdisho.

Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka, habeen hore, iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax.

Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka walaacsan yihiin

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda.

“Amisom waa inaan loo arkin inay dhinac la jirsanayaan, balse waa inay u hoggaansamaan mabaadi’da iyo dhex-dhexaadnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidanka ayaa la faray inay si kooban un uga qeyb-galaan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro goobaha uu waajibaadka ka saaran yahay sugidda amnigooda, sida madaxtooyada Villa Somalia, ayaga oo adeegsanaya awoodda ugu yar.

Goodax Barre: “Farmaajo waxaa arrintan lagu saari karaa maxkamad militari”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii uu iska hor-imaad hubeysan uu dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta.

Goodax Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii xalay ay ciidamada dowladda ku weerareen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon.

Waxa uu ku taliyay in laga fiirsado tallaabada aan la xakameyn karin natiijadeeda, isagoona sheegay in Farmaajo uu yahay madaxweyne xiligiisu uu dhamaday, islamarkaana ay tahay inuusan bixin amaro lagu howl-gelinayo ciidamada oo laga yaabo inay dad ku dhintaan.

“Waxaan aad uga xumahay wixii xalay dhacay. Waxaan ku talinayaa in laga fiirsado tallaabada aan la xakameyn karin natiijadeeda. Waxaan Farmaajo ku baraarujinayaa in uu yahay Madaxweyne xilligiisu dhamaaday, ayna tahay in uusan bixin amarro hawlgelin ciidan oo laga yaabo in dad ku dhintaan,” ayuu yiri Goodax Barre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ku mutaysan kartaa (Farmaajo) in lugu saaro Maxkamad Military.  Soomaaliya diyaar uma ahan dagaal sokeeye ee nabadda halaga wada shaqeeyo”.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan xiligan diyaar u aheyn inay gasho dagaal sokeeya, wuxuuna ku baaqay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu xalay dagaal agagaarka Daljirka Dahsoon oo u dagaal ku dhex-marayd ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo kuwa ilaalada musharaxiinta mucaaradka, kadib markii ciidamada dowladda ay dhowr jiho ka weerareen Hotelka Maa’ida (Ex. Nasahablod) oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kacsan, kadib markii ay saaka ciidamada dowladda ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, midaasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah.