25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: Muxuu Nabaddoon Xaad ka yiri weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xaad ayaa si kulul uga hadlay rasaastii ay ciidamada dowladda saaka ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, xili ay marayeen wadada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa nasiib darro umada Soomaaliyeed soo wajahday ku tilmaamay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta iyo dibad-baxayaasha, wuxuuna ka tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan cambaareeyen dusha uga tuureyn weerarka bahalnimada ah oo gardarada ah oo aan waafaqsaneyn sharciga oo amarkeeda leeyahay madaxweyinihii hore ee xiligiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taariikh xumadaas inay ku dambeysana waa nasiib darro,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaad.

Waxa uu si weyn u cambaareeyay weerarkii ay xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ku sugnaa hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Daljirka Dahsoon.

Nabadoonka ayaa sheegay in Farmaajo uu ku dambeyn doono meeshii ay mareen kali-talisyadii ka horeysay, isagoona usoo jeediyay inuu is-daba qabto islamarkaana uu eedi doono tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu ku bartilmaameedsanayay Musharaxiinta iyo dadweynaha cabirayay afkaartooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Beesha caalamka ay weli aqoonsan tahay madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, wuxuuna uga digay wakiilada beesha caalamka inay sii joogteyaan taageerada Villa Somalia, maadama lagu caburinayo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa uga digeyna inaysan kusii wadin taageerada ay taageerayaan iyo la shaqeynta ay la shaqeynayaan, Labadaas hadey sii wadaan dambiga uu asiga galay ayey galayaan, umadda Soomaaliyeedna baal madow ayay ka gali doonaan wakiilada dalka jooga,” ayuu yiri Nabadoonka.

Hadalkan ayaa imanaya, saacado un kadib markii Ciidamada dowlada ay rasaas huwiyeen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, taasi oo keentay iska hor-imaad labada dhinac ah, waxaana weli ka taagan magaalada xiisad xoogan.

Imaamka oo xog badan ka bixiyay kulamo uu la qaatay Farmaajo iyo Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo banaanbaxa ay mucaaradka ka dhigeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu rasaaseeyay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo horkacayay.

Imaamka ayaa ugu horeyntii sheegay in dadaal badan uu ka galay dejinta xiisada ka dhalatay Banaanbaxa ay mucaaradka shaaciyeen horaantii toddobaadkan, isagoona u tagay madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta Musharaxiinta mucaaradka.

Waxa uu sheegay inuu u tagay Farmaajo oo uu kala hadlay banaanabxa mucaaradka, ayadoo Farmaajo uu  uu u sheegay ‘inuu wal-wal badan ka qabo amaanka goobta banaanbaxa oo u dhow madaxtooyada dalka’, maadama ay ku soo dhex dhuuman karaa nabad diidka, sida uu sheegay.

Imaamka ayaa waxa kale oo uu xusay in Musharaxiinta mucaaradka ay u balan-qaadeen in banaanbaxa maanta loo balansanaa uu u dhacayo qaab nabadeed, islamarkaana aysan jiri doonin wax lidi ku ah amaanka, halka taasi badalkeed uu muujiyay ra’iisal wasaaraha dalka oo uu la kulmay.

“Madaxweynaha waxa uu yiri waxa jira Coronavirus, waxaa soo geli kara Shabaab, meesha nabad-galyadeed aad uga wal-walsanahay, waxaana u sheegay in Musharaxiinta ay sheegen in banaanbax nabadeed yahay, markaas waxa uu nagu yiri Aniga halkeyga waxba ka imaan maayo ee Ra’iisal wasaaraha is-warsada,” ayuu yiri Imaamka Muddulood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay Ra’iisal wasaaraha xilka sii-haya uu uga codsaday in la baajiyo banaanbaxa, hase yeeshe uu taasi ka diiday inkasta oo walaac uga muujiyay in banaanbaxa mucaaradka uu nabad-galyo darro abuuro, ayada oo goobta loo asteeyayna ay tahay meel u dhow madaxtooyada.

Imaamka ayaa xusay in dhinacyada uu la kulmay ay u balan-qaadeen inaysan ku kaceyn wax lidi ku ah amaanka, balse arrintan dhacday ay ka war-doonayaan, maadama ay dhaceen wax ka baxsan wixii uu waan-waanta ka galay saacadihii u dambeeyay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay Imaamka inuu ka howl-galayo xiisada ka dhalatay banaanbaxa, islamarkaana uu dib uga warbixin doono warbaahinta, oo iyadu wax ka weydiisay sababta keentay in rasaas ka dhacdo banaanbaxa, ayada oo dhinacyada uu la kulmay u balan-qaadeen in nabad-gelyo ku dhamaanayaan wax-walba.

Si kastaba, waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay rasaastii ay saaka ciidamada dowladda ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka, taasi oo dhalisay iska hor-imaad dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa Musharaxiinta.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka guuray hotelkii u dhowaa Daljirka Dahsoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhoweyd iskaga guuray hotelka Hotelka Maa’ida (Ex.Nasahablod) ee u dhow Taalada Daljirka Dahsoon, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sheekh Shariif iyo Xasan ayaa dib ugu laabtay xarumihii ay ka deganaayen magaalada Muqdisho, ayada oo sii galbiyeen ciidamada ilaalada u ah, kadib markii ay ciidamada xoog ku hor istaagtay banaanbax ay iclaamiyeen inuu maanta ka dhacayo Taalada Daljirka Dahsoon.

Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo ka ag-dhow Labada madaxweyne, waxay galinka dambee maanta ka qeyb gali doonaan kulan ay iskugu imanayaan Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo saaka qaarkood la rasaaseeyay xili ay horkacayeen dibad-baxayaal.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xalay weerar ku qaadeen ciidamada Gorgor huteelka ay kasoo guureen Labada Madaxweyne, kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxayna iska caabin xoogan kala kulmeen ilaalada madaxweynayaashii hore.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana weli laga dareemaya xiisada ka dhalatay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xalay iyo saaka ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta oo iyagu u balansanaa in maanta ay hogaamiyaan banaanbax weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Daawo: Rooble oo si yaab leh uga hadlay weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xiisadda xooggan ee ka taagan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen Musharaxiinta Mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey.

Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa yaab laheyd inuu eedo ka leexiyey ciidamada dowladda, isaga oo sheegay in ayaga lasoo weeraray.

Rooble ayaa sheegay “inay nasiib darro tahay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay,” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen, sida uu yiri.

“Soddon sanno ayey nagu qaadatay meesha aan maanta taaganahay in aan soo gaarno, haka yeelin, aniga ha iga yeelin, cid kalena ha ka yeelina, anigana diyaar uma ihi, soo dhawaada oo ciidamada amnigiina la shaqeeya,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay, sida uu yiri. 

Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu la fariisto Midowga Musharaxiinta oo iyagu banaanbaxa maanta ku dalbanayay in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna balan-qaaday in tabashada ay qabaan mas’uuliyiinta mucaaridka uu xalin doono.

“Siyaasiyiinta walaalahay ah ee Muqdisho jooga diyaar ayaa idiin ahay, waxaan diyaar idinkula ahay in aan idinla fariisto geed dheer iyo mid gaabanba oo aan waxa aad tabaneysaan aan xaliyo, Soo dhawaada, xasiloonida hala muujiyo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray  sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

Hoos ka daawo Rooble

Weerarkii ay ciidanka DF ku qaadeen shacab dibad-baxayey oo la naqdiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta rasaas xoogan lagu furay banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, kuwaasi oo socod ku marayay wadada ka timaada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta hogaaminayay banaanbaxan ayaa waxaa kamid ahaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano uu ku jiro Mahad Salaad.

Xildhibaaan Mahad Salaad oo kamid ahaa mas’uuliyiintii qeybta ka ahaa banaanbaxayaasha ee lagu furay rasaasta ayaa sheegay in tallaabadan ay ciidanku ku kaceen, ayaga oo amar ka sita madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii xalay ciidamada Gorgor ku qaadeen huteelkii ay daganayaan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo rasaasta lagu furay saaka banaanbaxayaasha ay marqaati cad u yihiin in madaxweyne Farmaajo uu yahay Siyaad Barre labaad.

“Xalay iyo saakay waxa dhacay waxay ka marqaati kacayaan in Farmaajo yahay Siyaad Barre labaad, INKAAR iyo AF na ku bixi maayo ee hala iswaraysto!,” ayuu ku yiri Mahad Salaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo isaguna dhacdadaas ka hadlay ayaa sheegay in maalin dhow waajibkooda la marin doono askartii iyo hogaankii amray in rasaas lagu furo banaanbaxayaasha ay qeybta ka ahaayeen.

Waxa uu askartii rasaaseysay ugu yeeray “Maleeshiyaad ka amar qaadanaya kali-talis waqtigiisu dhamaaday”, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay iska dhiciyaan waxa uu ku sheegay ‘kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo’.

“Maleeshiyaadka xabadda ooda uga qaaday shacabka iyo hogaamiyayaalka sida nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan kali taliska xilligiisa dhamaaday ee ina Farmaajo danbiga ayey  isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan,” ayuu yiri.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan, waxaana waddooyinka lagu arkayaa ciidamada dowladda oo farabadan, ayada oo mucaaridka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku wiiqayaan tallaabooyinka dowladda uga hortagtay banaanbixii weyna ee maanta loo balansanaa.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle: “Waxa Xamar ka dhacay lama aqbali karo.”

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dhacdadii maanta ee ciidamada dowladda ku rasaaseeyen banaanbaxayaashii ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Jabriil Cabdulle ayaa ugu horeyntii wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor-imaadkii hubeysnaa ee xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hanti.

“Waxaa nasiib xumo ah in dhiig Soomaaliyeed la daadiyoiyada oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed guud ahaan ay xiligaan u jiheysteen in ay qaadaan wadada nabadda iyo dib u yegleelida dimoqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.

Waxa kale oo lagu yiri “Baaqa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa si cad u qeexaya xuquuqda qofka Soomaaliga, ‘Alle ka sokoow awoodda oo dhan waxaa leh shacabka, wuxuuna ugu isticmaalayaa si toos ah isagoo u adeegsanaaya hay’adihiisa uu u xilsaartay’. Marnaba gor-gortan lama gelin karo gobonimada iyo xoriyada qofka Soomaaliga.”

Musharaxa ayaa si adag u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan mustaqbalka dalkooda, isagoona wax aan loo sii dulqaadan karin ku tilmaamay wixii xalay ilaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaa burburaya waa hanti shacab, waxaa qaxaya waa hooyooyin iyo biri-mageydo ah, waxa la argagax gelinayo waa waalidiin da’ ah oo nolol maameelkooda halgan ugu jira,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntiina waxa Musharaxa uu ku baaqay degenaansho iyo xasilooni dhinacyada hubaysan ee isaga soo horjeeda waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo turaayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka.


Safarkii madaxda maamul goboleedyada ee Muqdisho oo baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qabsoomi waayay, mana la dareemayo in madaxda maamul goboleedyada ay isku diyaarinayaan imaatinka Muqdisho.

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in laba maalmood oo shir ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho si loo saxiixo is fahamkii ay magaalada Baydhaba kusoo gaareen guddigii farsamada ee halkaas ku shiray.

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu asteeyay in 18-ka iyo 19-ka bisha la isugu yimaado caasimadda, waxaana la sugayay iney madaxda maamul goboleedyada soo xaadiraan si shirka u qabsoomo.

Kaliya madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen ayaa shalay soo gaaray, sidoo kale madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaan soo gaarin.

Sida muuqata shirka ma qabsoomi doono maadaama labada maalmood ee la qabtay ay maanta ugu dambeyso, wuxuuna wakhtigi kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay ku jirto xaalad cakiran.

Caasimadda Onlone ayaa ogaatay in ay u baaqdeen Madax Goboleedyada sabab la xiriirta xaaladda cakiran ee Caasimadda ka jirta, kadib markii Dowladda Federaalka awood u adeegsatay dibadbaxyada Musharixiinta ku baaqeen.

Magaalada Muqdisho ayaa inteeda badan maanta lagu arkayaa Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Federaalka oo xiray waddooyinka, waxaana ay joojiyeen isu socodka Gaadiidka Dadweynaha, halka meelaha qaar Shacabka laga celinayo.

QM oo war deg deg ah kasoo saartay xaaladda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray xaaladda kacsan ee ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya taasoo u dhaxeyso Dowladda Dhexe iyo midowga Musharixiinta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo jimco ah.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharixiinta inay muujiyaan deganaan iyo is xakameyn isla markaasna dib loo furo wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

“Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kooban ee UNSOM.

Muqdisho waxaa ka taagan xaalad cakiran oo salka ku heysa doorashooyinka dib uga dhacay waqtiga dastuuriga ah, dibadbaxyada Midowga Musharixiinta ku baaqeen in ay ku qabanayaan Caasimadda, Askarta Dowladda ee la dhigay waddooyinka, weerarka Madaxweynayaashii hore ee xalay saq dhexe dhacay & dad isku soo baxay oo lagu rasaaseeyay wadada xiriirisa KM4 & Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Duulimaadyadii garoonka Aadan Cadde oo istaagay iyo madaafiic ku dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyay ee xaalada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic ay ku dhacday garoonka diyaaradaha iyadoo mid ka mid ah madaafiicdana ay ku dhacday afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda ku dhacday garoonka hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha ka duulayay iyo kuwa ka soo dagayay, duulimaadyadii iyadoo uu hakad ku yimid.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaafiicda ku dhacday Garoonka ayaa sababtay inay gubtaan goobo ganacsi oo ku yaalo gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaas gaari karin gawaarida dab damiska maadaama jidka soo galo garoonka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Musharixiinta.

Wararka aan la hubin ayaa sheegaya in waxa garoonka ku dhacay uu yahay hoobiye ay soo tuureen ciidamada Dowladda ee ku sugan jagbootiga laga ilaaliyo Garoonka ee ku yaalo meel aan ka fogeyn Isgoyska Nambar Afar.

Madfaca ku dhacay Garoonka Aadan Cadde ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay weerar kuso qaadeen banaanbaxayaal ay hoggaminayeen musharixiinta xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana inta badan jidka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku sugan ciidamo ka amar qaato musharixiinta halka ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin Jagboontiga Km4.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Xasan Cali Kheyre: “Waxaan ka badbaadnay isku day dil oo lasoo qorsheeyey”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale ay ka badbaaden isku day dil kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas ku furen banaanbaxayaal ay hor kacayeen.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in tallaabadaan ay muujineyso aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta.

Kheyre ayaa tilmaamay inuu horey uga digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Facebook

Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?

Ciidanla DF oo rasaaseeyay dibad-baxayaal ay CC iyo Kheyre hoggaaminayeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas lagu furay koox dibad baxayaal ah oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan agagaarka koontoroolka KM4 oo ay ku sugan yahiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in ciidamada ay rasaas ku kala eryeen dibad baxayaal ay hogaaminayeen musharaxiin iyo xildhibaano.

Musharaxiinta hogaaminayay dibad baxaan waxaa ka mid ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaano uu ku jiro Mahad Salaad.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen rasaasta lagu furay dibad baxayaasha hadana waxey arintaan qeyb ka tahay xaaladaha cakiran ee ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda ay isku dayeyso iney hor istaagto dibad baxyada ay iclaamiyeen kooxaha mucaaradka.

Dowladda waxey goor hore la wareegtay goobtii ay midowga musharaxiinta ku balamiyeen dadka rer Muqdisho oo aheyd Daljirka Dahsoon, sidoo kalana waxey xireen wadooyinka ugu waaweyn magaalada, markaanna waxey rasaas ku fureen dad dibad baxayaal ah.

Xaaladda Muqdisho wakhtigaan waa mid aan la saadaalin karin waxa ka dhici doona saacadaha soo socda, waxaana la filayaa in dibad baxayaasha ay ku fidaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibad-bax uu hoggaaminayo CC Shakuur oo magaalada Muqdisho ka billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilowday banaanbax uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbigaha Wadajir kana mid ah midowga Musharixiinta.

Banaanbaxa uu hoggaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wuxuu kasoo bilowday jidka aada garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde.

Waxaa la filayaa in banaanbaxa uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan uu gaaro ilaa daljirka Daahsoon oo ah halkii loo asteeyey inuu Maanta ka dhaco banaanbaxa inkastoo dhammaan jidadka Muqdisho ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay ayaa sheegay in dadkii la rabay in kasoo qeyb galaan banaanbaxa laga xiray jidadka Muqdisho.

” Farmaajo iyo Fahad meesha ay rabaan waa la isla tagi doonaa, iyagaa magaaladaan ka tagi doono iyagoo duleysan, dadkana dulqaad waa muujiyeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo la hadlayey dadka isku soo baxay oo aad u yaraa.

Dhanka kale,  Waxaa saakay dagan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay saqdii dhexe dagaal kooban ku dhaxmaray ciidanka dowlada iyo kuwa mucaaradka, dagaalkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo in maanta lagu qabto banaanbaxa ay soo abaabuleen mucaaradka.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan taalada waxaana la xiray dhulka ka agdhow oo dhan waxaana dadweynaha loo diidayaa in ay lug kumaraan ama ay u dhawaadaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa ka barakacay dad badan oo daganaa Boondheere.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa ku sugan hoteelka Naasa-hablood 2, waxaana la joogo ciidan kooban oo ilaalo u ahaa, waxaase xusid mudan in dhulka ku dhow oo dhan ay joogaan ciidanka dowladda.

Ciidanka DF oo la wareegay Daljirka iyo waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa saakay xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana ay joojiyeen isu gudubka Gaadiidka, inkasta oo ay dadku lugeynayaan.

Waddooyinka Maka Almukarama, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha waxaa xalay la dhigay Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka oo saakay celinaya Gaadiidka Dadweynaha, kuwa gaarka & Bajaajyada.

Ciidamo farabdan ayaa saaka taagan wadda kasto iyo guud ahaanba Taallada, waxaana Ciidanku ay dadweynaah u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada, waxaana lasoo dhoobay Ciidamo kala duwan.

Inkasta oo maalin Jimco ah ay tahay oo dadka inta badan ka nastaan Goobaha Shaqooyinka iyo Waxbarashada balse waxaan muuqan dhaqdhaqaaq socod oo dhanka Gaadiidka ah sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Meelaha qaar waxaa la maqlayaa rasaas askarta ay ku rideyso Gawaarida kasoo baxa Xaafadaha kuwaas oo doonaya in ay cagaha saaraan Laamiyada waaweyn ee Caasimadda.

Ujeedka ugu weyn ee xiritaanka waddooyinka Muqdisho & ciidanka Dowladda soo dhigtay ayaa ka dambeysa kadib markii Musharixiintu ku adkeysteen in uusan baaqan isu soo bax nabadeed oo ay iclaamiyeen.

Midowga Musharaxiint ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in maanta xoog lagu baajiyo banaanbixii ay ku baaqeen loona baahan yahay in shacabka loo furo wadooyinka.

Sheekh Shariif: “Weerarka nalagu soo qaaday waxaa amray Farmaajo”

Muqdishio (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weerar caawa lagu soo qaaday Hotel ay degan yihiin isaga iyo Xasan Sheekh uu amray madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif oo qoraal soo dhigay Twitter-ka ayaa yiri “Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga madaxweyne hore Xasan Sheekh iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay.

Waxa uu intaas ku daray “ Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.”

Hadalka Shariif ayaa waafaqsan mid isna kasoo baxay Xasan Sheekh oo uu ku yiri “Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan.” 

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay, una dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa sugaya amniga musharaxiinta.

Wasiir Xundubey: “Ciidanka DF ayaa waxaa soo weeraray maleeshiyaad hubeysan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in ciidamada dowladda weerar lagu soo qaaday.

Hadalka Xundubey ayaa ka duwan kan mucaaradka oo ahaa in ciidamada dowladda ay weerareen Hotel-ka Ma’ida oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

Xundubey ayaa intaas ku daray in ciidamada Qalabka Sida ay markaa kaddib galeen heegan buuxa ayna iska difaaceen weerarkaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa ay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh: “Ciidamada DF ayaa nasoo weeraray aniga iyo Sheekh Shariif”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar kusoo qaadeen Hotel Ma’ida oo ay degan yihiin isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo daadinayo dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa sheegaya inuu istaagay Iska hor-imaad xoog leh oo halkaas ka qarxay goor sii horreysay.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Daljirka oo istaagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal caawa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa ilaalada musharaxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda gaar ahaan kumaandooska Gorgor ay laba jiho ka weerareen Hotelka Maa’ida (Ex. Nasahablod) iyo Taalada Daljirka Dahsoon iyadoo ay rasaas culus is weydaarsadeen ciidamada ilaalada mushariixiinta ee Goobahaasi ku sugnaa.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa dhinaca danbe uga soo dhowaaday Hotelka Maa’ida, waxaana la sheegay in dib loo celiyey, halka ciidamo kale ay isku dhaceen ciidamo ilaalo ka ahaa Taallada Daljirka Dahsoon.

Wasiirkii hore ee amniga Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah xubnaha sare ee xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay soo weerareen hotelka ay degan yihiin labadii madaxweyne ee hore.

Sidoo kale Senator Ilyaas Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo uu weerar cad kusoo qaadey Daljirka-Dahson oo oo maalinta berito ah loo diyaariyay inuu kadhaco mudaaharaad nabadeed halkaas oo ay joogeen ilaalada Masuuliyiinta Midowga Musharraxiinta oo ay ugu horeeyaan 2dii Madaxweyne ee hore Sheikh Sharif iyo Hassan Sheikh.”

Dhinaca kale, wasiirka amniga Xasan Xundubey ayaa yiri “Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

Rasaasta ayaa qabowday, iyadoo ay weli xiisad jirto, kadib markii ay dib u durkeen ciidamadii dowladda ee weerarka qaaday; lamana oga inay halkaas ku joojin doonaan weerarka iyo in kale. Ujeedka weerarka ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu yahay joojinta bannaanbaxa qorsheysan Jimcaha.

Ciidamo gurmada ah ayaa gaaray Hotelka ay ku jiraan Musharixiinta ay ugu horeeyaan Madaxweynayaashii hore, waxaana hadda degan xaaladda. 

 

Mareykanka iyo beesha caalamka oo digniin dul-dhigay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ay dowladda Soomaaliya uga digeen in ay faro-gelin ku sameyso banaan-baxa beri ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda looga digay in ciidanka qaranka ay u adeegsadaan joojinta banaan-baxaas, talaabadaas oo ay ka imaan karto isku dhacyo uu dhiig ku daato. 

“Dastuurka ayaa u ogol in dareenkooda cabiraan shacabka waxaan ka digaynaa in rasaas loo adeegsado si loo joojiyo banaanbaxa, arintaan waxay ka hor imaaneysaa dastuurka iyo dimuqraadiyada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo loo diray madaxda dowladda Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheneysa in maalinta berri ah ay joojiso banaan-baxaas oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana si weyn abaabulkiisa looga dareemayo Muqdisho. 

Digniinta beesha caalamka ayaa timid kadib markii ay ku guul-darreysteen isku day ay doonayeen inay mucaaradka uga dhaadhiciyaan in dibad-baxa la baajiyo, taasi oo mucaaradka ay ku gacan seereen.

Xog: Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Xog ay ka heshay Caasimada Online xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegeysa in kala aragti duwanaasho xoog leh uu ka taagan yahay mowqifka dowladda ee banaanbaxa berri.

Ilo ku dhaw labada xafiis ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ra’iisul wasaare Rooble uu soo jeediyey in banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu la ogolaado, isla markaana ay dowladdu qaadato doorka kaga aadan sugidda amniga.

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday soo jeedintaas, sida aan xogta ku helnay, waxaana dib loo dhigay war lagu cadeyn lahaa mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa berri oo Jimco ah ka dhici doona Muqdisho.

Warkaas oo lagu fasaxayo banaanbaxa ayaa la qorsheeyey in caawa fiidkii laga soo saaro xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, balse waxaa si adag uga hor yimid madaxweyne Farmaajo oo doonaya in gabi ahaanba la joojiyo banaanbaxa.

Caawa waxaa madaxtooyada ka socda kulamo ay madaxda waqtigu ka dhamaaday uga arrinsanayaan banaanbaxa berri la iclaamiyey, kaas oo sida laga dareemayo Muqdisho aad loogu diyaar garoobay.

Markii ay soo dhamadaan kulamada u socda madaxda, waxaa la filayaa in isla caawa ay dowladdu shaaciso mowqifkeeda banaan-baxyada burrito.

Dhanka kale ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay halkaas.

Ciidan uu hoggaaminaayo Indha-Cadde oo la wareegay taalada Daljirka (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay Daljirka.

Ciidamada uu hoggaaminayo Indhacadde oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gedaamay fagaaraha taallada Daljirka, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Jeneraal Indhacadde.

“Halkaan waxaan caawa u joogaa kormeer, si aan ula socdo ammaanka goobtan berri banaanbaxu ka dhacayo… cid ii wakiilatay malahan howshan oo dalku dowlad malahan, halkaana waxaa I keenay damiirka igu jira, si loo helo dowlad dadku soo dhisteen oo doorasho ku timaada,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jeneraalka ayaa ku cel-celiyey in wax maamul ah uusan dalka ka jirin, “Anigu wasiir ayaan ahaa jiray, marka wasiirka hadda jira waa anigoo kale wasiir ayuu ahaan jiray, Cabdiqaasin oo caawa jooga Masar iyo Farmaajo waa isku mid, laba madaxweyne oo hore waaye,” ayuu yiri Indhacadde.

Waxa uu sheegay in dadka uu u xaqiijinayo in goobtan ay la wareegeen ammaankeeda, isla markaana uu berri si nabad ah uga dhici doono banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu.

“Dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in aysan wax dhib ah sameyn, xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in xaqa dastuuriga ah aysan ka hor imaan, dadka waxaan leeyahay afar askari oo jidka taagan idinma  celi karto ee soo baxa,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in aan loo adeegsan dhibaateynta shacabka isku soo bixi doona berri.

Hoos ka Daawo