25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray qoraal xasaasi ah, kadib shirkii Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Cabdi Xaashi ayaa marka hore baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday in loo madax baneeyo arrinta soo xulida  xildhibaanada gobollada waqooyi oo ka mid ah qodobada sida weyn la’isuhu hayo.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale xusay in aan lagu tix-gelin shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee looga hadlayey doorashooyinka dalka.

Wuxuu meesha ka saaray in aan heshiis rasmi ah laga gaaray arrinta gobollada waqooyi, kadib markii lagu shaaciyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka guddiga farsamada.

“Mudanayaal waxaan idinla socod siineysaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha aan kor kusoo xusnay , sidoo kale aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah  oo isku haya doorashada, balse mushkiladu tahay qorshaha  iyo damaca  lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa  rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu dambeyn wuxuu soo bandhigay 4 qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee gobolada Waqooyi , kuwaas oo kala ah:-

1: In ay si madax banaan u maamulaan Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi  habsami u socodka nidaamka doorashooyinka labada Aqal ee Gobolada Waqooyi si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020.

2:  Dejinta habraacyada gaarka u ah  doorashada xubnaha labada Aqal ee Gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa Aqalka Sare.

3: Dhismaha Guddiga doorashooyinka & hubinta hirgelinta howlaha doorashooyinka heer waagaqsan nidaamka Guud ee doorashooyinka dalka .

4: Xulashada  Goobta ay ka qabsoomeyso  doorashada , hubinta amaankeeda iyo xaqiijinta in ay soo geli karaan dhamaan ergooyinka iyo musharixiinta tartamaya, Warbaahinta & Goobjoogayaasha.

Xog: Beesha Caalamka oo soo faro-gelisay dibad-baxa la filayo inuu dhaco Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah musharaxiinta mucaaradka ah ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha beesha caalamka ay soo faro-geliyeen banaanabaxa la filayo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco Muqdisho.

Wararka aan ka helnay xubnahaan ayaa sheegayaa in beesha caalamka ay la hadleen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaal ay xubnaha beesha caalamka, islamarkaana ay ka dalbadeen in ay yeeshaan kulan fogaan arag ah oo ku saabsan xaaladda dalka

“Waxaan filaynaa in dhowaan uu dhaco kulan gaar ah oo mucaaradka iyo beesha caalamka ah islamarkaana laga wadahadlo banaanbaxa oo ay beesha caalamka dalbtay in la joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan banaanbaxyada la filayo in ay dhacaan waxayna qabaan aragti ah in dalka ay gelin karaan fowdo iyo qal qal amni.

Cabsida ugu weyn ayaa ah inay isku dhacaan ciidanka dowladda iyo dibad-baxayaasha kadibna uu horseedo kacdoon shacab oo kadib isku beddeli karaa dagaal, sida ay qabaan xubnaha beesha caalamka qaarkood.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo inuu kursiga sii fadhiyo Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laguna dalbanayo qabashada doorasho xor ah.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii guddiga farsamada ee Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka.

GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHADA FEDERAALKA: War-Saxaafadeed

Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya. 

Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan: 

Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.

Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.
Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.
Adkaynta Qoondada Haweenka
Jadwalka qabsoomidda doorashada

Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan. 

Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.

Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.

Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.

Dhammaad

Mahad Salaad oo sheegay sabab yaab leh oo ay ku doorteen goobta dibad-baxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay banaanbaxa ay iclamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey sababta ay u doorteen in banaanbaxaas lagu qabto fagaaraha taallada Daljirka-daahsoon.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan la socon xaaladda ka jirta dalka, isla markaana laga ilaaliyey inuu dhageysto Idaacad ama daawado TV, sidaas darteedna ay u doorteen in la maqashiiyo qeylada oo aad loogu dhawaado, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyn qoraalkiisa ku yiri, “Galabta ayaan Muqdisho ku soo laabtay si aan uga qaybgalo bannaabaxa maalinta Jimcaha Farmaajo loogu sheegayo in uusan Madaxweyne ahayn oo muddo xileedkiisii mar hore dhamaaday.”

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxa la ii sheegay maalmahaan duqa in aan loo ogolayn in uu dhagaysto ama daawado Idaacad iyo Telefishin midna. Waxa kaliya ee warkooda uu maqlana ay yihiin Wadaad Kitaab Gaablow ah oo Afgooye laga keenay iyo Fahad oo sidii rooxaanta habeenkii saqda dhaxe u yimaada una laqima talqiinta xabaasha lkn duqu u heysto duco lagu gaaro xukun adduun in ay tahay, cid u fasirtana wali uusan helin inlee looma oggolee. Waana sababta aan u dooranay Daljirka Daahsoon si daaqada qolkiisa uu codkeena uga maqlo dharaar cad.”

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in sheekada qeybteeda ku saabsan Fahad Yaasiin aysan dadku wada fahmi karin, balse uu la sugayo fursad kale oo uu ku fahansiiyo.

“F.G. Sheekada Fahad intiina badan hada ma fahmi kartaan lkn hadhow isagoo geed kale saaran markaad yaqiinsataan ayaan sidaan si ka ballaaran idinkugu iftiimin doonaa inshaa’allah,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Tan iyo markii mucaaradku iclaamiyey banaanbaxaas in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota, waxaa soo xoogeysanaya hadallada siyaasiyiinta taageeraya in la qabto banaanbax nabadeed, halka madaxda dowladda federaalka lagu tuhmayo inay dejinayaan qorsheyaa looga hor tegayo banaanbax ay qabtaan mucaaradku.

Marka laga soo tago labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan banaanbaxa la iclaamiyey, maadaama ay kala taageersan yihiin labada dhinac.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka ayaa ka walwalsan in xaaladdu xumaato oo gaarto gacan ka hadal, banaanbaxyaduna joogsa diidaan, taas oo aan maanta dan u aheyn dalkan ka soo kabanaya colaadaha sokeeye.

Al-Shabaab iyo dad shacab ah oo ku dagaalamay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu ka dhacay deegaanka Jiic-dheere oo ku yaalla koofurta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi oo hoostaga Bacaadweyn.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa sidoo kale la sheegay inay dagaalka markii dambe ka qeyb-qaateen, iyaga oo gurmad ahaan ugu tegay dadka deegaanka.

Saraakiil u hadashay taliska Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, iyada oo ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Shirkii guddiyada DF iyo dowlad goboleedyada oo heshiis buuxa lagu gaaray

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog aan goor dhow helnay ayaa sheegeysa in heshiis lagu gaaray wada-hadalladii magaalada Baydhaba uga socda guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadi.

Wararka ayaa sheegay in heshiis buuxa laga gaaray dhammaan qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashooyinka dalka.

Qodobada laga heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo qoondada haweeenka, sida ay xubno ka mid ah guddiga u sheegeen Caasimada Online.

Gudidga weli wax faah-faahin ah kama bixin qaabka ay xalka uga gaareen qodobadan, iyagoo ku gaabsaday inay madaxda la wadaageen, kuwaas oo heshiiska saxiixi doona.

Guddigii Farsamada ayaa isku raacay in 18-ka bishan ay kulan isugu yimaadaan madaxwaynaha, raii’sul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo wixii lagu heshiiyay.

Sheekh Nuur Baaruud oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Wararku waxay sheegayaan in Sheekhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay.

Waxuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu muhiimsan ee hadda lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19.

Cudurkan ayaa hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya, waxuuna horay u laayey dad hal door ka ahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Daawo: Rooble oo digniin u diray shacabka xilli dibad-bax weyn la qorsheynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo musharaxiinta mucaaradka ay dibad-bax ballaaran ka qorsheeyeen magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha, ayaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya waxa uu shacabka u diray digniin xooggan oo ku aadan kulamada waa weyn.

Rooble oo qoraal soo saaray caawa ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Coronavirus oo ku soo laba kacleeyay dalka, sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa aad uga digay in dadka Soomaaliyeed sameeyaan isku soo baxyo, xilli Jimcaha soo socda loo balansan yahay banaanbax ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

“Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu kula dardaarmay shacabku inay raacaan talooyinka hay’adaha caafimaadka.

“Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro,haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn iwm”ayuu yiri.

Ugu dambeyntii “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan Covid-19, waxa uuna caddeeyay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xanuunkan halista ah.”

Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa la aaminsan yahay inay sameyn doonaan qorshe kasta oo ay uga hor tegi karaan banaanbaxa ay musharaxiinta mucaaradka ah iclaamiyeen in la dhigo Jimcaha soo socda.

Hoos ka Daawo fariinta Rooble

Muxuu wasiir FIQI ka yiri dibad-baxa ay mucaaradka ka qorsheeyeen Muqdisho?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in la qabto banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo madaxda dowladda federaalku aysan raali ka aheyn.

Fiqi ayaa sheegay in aysan waxba ku jabneyn in taageerayaasha musharaxiintu ay afkaartooda u soo bandhigaan si nabad ah.

“Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri.

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku daray, “Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?”

Waxa uu sheegay in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabad-gelyo ay muwaadiniintu ay qabsan karaan.

“Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan,” ayuu yiri Fiqi.

Banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa hadal heyn badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana su’aalo badan la gelinyaa habka ay u suurta geleyso in la qabto iyo waxa ka dhalan kara.

Dad badan ayaa qaba in la dhigo banaanbaxa, halka dadka qaarna ay ka soo hor jeedaan, iyagoo ku doodaya in caqabad loo banaanbaxo aysan jirin, oo dowladdu aysan diidaneyn in la aado doorasho.

Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay mas’uuliyiinta maamulka HirShabeelle

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna  muddo ku siman 48 saacadood gudahood u qabtay inay magaalada Beledweyne iskaga baxaan mas’uuliyiinta maamulkaas.

Jeneraal Xuud, ayaa hanjabaadiisan culus, oo uu soo saaray shalay, ku saleeyay inay uga dan leeyihiin inay bulshada Beledweyne uga kor qaadan dhibaatooyinka ay maamulka HirShabelle ka geysaneyso magaaladaas. Waxaa hadda mudadaas ka hartay 24 saac. 

Waxa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in maamulka HirShabelle uu xad-gudubyo iyo tacadiyo kula kaco dadka shacabka ah, isagoona ku eedeyay mas’uuliyiinta maamulka ee ku sugan Beledweyne inay kaalin weyn ka qaateen amaan darrada taagan.

Sidoo kale waxa uu fariin kulul u diray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay si gaar ah ‘beegsi haybeysan’ ugu hayso saraakiisha xooga dalka ee u kasoo jeeda gobolkaas, kuwaasi oo qaarkood bedel lagu sameeyay, sida uu sheegay.

Hanjabaada Xuud ayaa imaneysa xili ay jabhadiisa taageero u muujiyeen boqolaal dadweyne ah, oo shalay tagay fariisinka Golahaas, oo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee loo dhisay HirShabelle.

Horraantii bishan unbey aheyd markii ay magaalada Beledweyne weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata Jeneraal Xuud, kuwaasi oo dagaal saacado qaatay uu gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada HirShabelle.

Galka Baarista oo shaaciyey xogo xasaasi ah oo ku saabsan ciidamada ay DF gaysay Eritrea (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka ay tobabarka u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, wuxuuna daboolka ka qaaday in qorshaha looga dejiyay dalkaas uu soo bilowday horaantii 2019 oo laga joogo labo sano.

Qorshaha ciidamada lagu geeyay dalka Eritrea ayaa waxa markii u horeysay iska lahaa madaxweynaha xiligan waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhigiisa Eritrea ka dalbaday in ciidamo loogu qaado dalkiisa xili uu dhamaadka 2018-kii booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxa markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu tobabaro gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo keentay in wafdi heer sarre ah uu dalka yimaado bishii Maarso ee 2019-kii, kuwaasi oo markii dambe meesha ka saaray suurta-galnimada in ciidamo lagu tobabaro gudaha dalka.

Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii ahaa in gudaha Muqdisho lagu tobabaro ciidamadaas ayaa loo qaaday dalka Eritrea bishii Ogoos ee 2019-kii, waxaana xiligaas soo aruuriyo oo soo qortay dhalinyarada dalkaas loo qaaday hay’adda NISA, sida ay sheegen saraakiil sar-sare oo la socday qorshahaan.

Ciidamada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo difcado kala duwanaa ahaa ayaa waxa lasoo warinayaa inay tiradoodu u dhaxeyso 5-kun ilaa 7-kun oo dhalinyaro ah.

Galka Baarista oo la hadlay qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa sheegay in markii hore wiilashooda loo sheegay inay tagayaan Qatar, kadibna loo leexiyay dalka Eritrea oo lagu xareeyay xeryo ciidan oo lagu tobabaro.

Waalidiintaan ayaa sheegay in wiilashooda oo kamid ah ciidamada ay dowladda ka dejisay Eritrea ay wada-hadleen bartankii 2019-kii, intaas wixii ka dambeeyayna aysan jirin wax xiriir ah oo dhex-maray, midaasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Sidoo kale waxa Barnaamijka Galka Baarista lagu wareystay Aabe looga yeeray xarunta NISA bishii 5-aad ee sanadkii 2020-ka, kaasi oo Saraakiisha Nabad-Sugida ay ku wargeliyeen in wiilkiisa uu dhintay, xili uu ku gudo jiray tobabarka loo geeyay Eritrea.

Dowladda Qatar ayaa dhawaan war-saxaafadeed ay soo saartay waxay si adag uga hadashay arrinta ku aadan dhalinyaradan Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar.

“Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,” ayaa xiligaas lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Waxa kale oo lagu yiri “Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah. Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo  in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah”.

Xogta uu soo bandhigay Galka Baarista ayaa sii xoojinaysa walaaca iyo tuhunka laga qabo in dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb-qaateen howl-galkii dagaal ee gobolka Tigray, ee uu Abiy Axmed ku qaaday maamulkii TPLF, waxaana mad-madow badan ku gadaaman yahay hanaankii loo qaaday ciidamadaas.

Hoos ka dhageyso barnaamijka

Maxaa ka jira in 30 qof ay Isbitaalka MARTIINI ugu geeriyoodeen COVID-19?

Muqdish (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada inay korortay tirada dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana ay xalay Isbitaalka Madiina Martiin ugu dhinteen 30 qof.

Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay xaqiiqo tahay in cudurka Coronavirus uu kusoo labo kacleeyay dalka, hase yeeshe waxay meesha ka saartay in tiro soddomeeyo ah ay xalay u geeriyoodeen.

Fowsiya ayaa sheegtay in Isbitaalka Martiini in la keenay dad badan oo uu soo ritay cudurkaas, ayada oo xustay in shalay ilaa maanta ay tageen 16 qof, mid kamid ahna la geeyay qeybta daryeelka deg-degga ah ee loo yaqaano ICU-da.

Sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in 9 qof oo kale la jiifiyay Isbitaalka, halka lix qof ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii dhakhaatiirtu ay siiyeen talooyin caafimaad.

Tirada dadka cudurka Coronavirus u geeriyooday shalay ilaa maanta ayaa ahaa 5 qof ah oo keliya, sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka oo bulshada ugu baaqday inaysan aaminin wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada.

Ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay si maalinle ah usoo gudbin doonto wasaaraddu warbixinta cudurka Coronavirus, midaasi oo meesha ka baxday tan iyo markii uu cudurka hoos uga dhacay dalka.

Xog: Somaliland oo warqad xasaasi ah u dirtay QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay la wadaagtay Qaramada Midoobay qoraal ay ku qoran yihiin “qaabka ay Somaliland rabto inay ula shaqeyso QM”, xili is-faham hordhac ah laga gaaray khilaafkii labada dhinac.

Somaliland ayaa horaanta sanadkii hore joojisay wada-shaqeyntii ay la laheyd Qaramada Midoobay, iyada oo deegaanadeeda ka mamnuucday dhamaan hay’addaha Qaramada Midoobay, oo iyagu ka fuliya gudaha Somaliland mashaariic horumarineed iyo mid bini-aadanimo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxay Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ka koobna 7-bog, kaasi oo lagu sharraxay isla-markaana lagu faah-faahiyey Habka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaanida ay ku doodo.

“Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xiriir rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya, markaa waxa Qaramada Midoobay laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo si gaar ah ugu dirtay mas’uuliyiinta QM.

Qoraalka ayaa waxa aad loogu dheeraaday in Qaramada Midoobay ay ixtiraamto madax-banaanida Somaliland, islamarkaana ay ula dhaqanto sidii dal ka go’ay Soomaaliya, waxaana soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda.

Khilaafka Somaliland iyo Qaramada ayaa dhawaan waxa laga gaaray is-faham hordhac ah, midaasi oo keentay in xukuumadda Biixi u dirto qoraal dheer oo ku aadan qaabka ay ula tacaamuleyso Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, hase yeeshe uusan weli caalamka u aqoonsan.

Arrintan ayaa haddey dhaqan-geliso Qaramada Midoobay noqon doonta mid meel ka dhac ku noqota Qaranimada, waxayna ka hor imaneysa qorshaha 4-ta sanadood ee soo socota ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso, kaasi oo ay hore u dejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muxuu yahay ‘ujeedka ay’ musharaxiinta ka leeyihiin banaan-baxa Jimcaha?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa dhawaan ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo.

Banaanbaxa Mucaaradka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay dalka, waxaana laga cabsi qabaa inuu horseed u noqdo amaan darro ka dhacda Caasimada, maadama ay dowladda wado qorshe la sheegay inay ku bur-burineyso banaanbaxaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaan ujeedka ay ka leeyihiin uu yahay inay bulshado ku cabiraan ra’yigooda, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxda dalka ee waqtigoodu uu dhamaaday.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir waxaan ugu baaqeyna inay kasoo qeyb-galaan mudaharaadka ay hogaaminayaan Midowga musharaxiinta oo lagu doonayo xuquuqdooda, oo lagu doonayo in nidaam loogu taliyo dalka oo keli-telis uusan ka dhicin, sidii hadda ka hor taariikhda madow ee dalkeena ku dhacday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga ayaa waxa uu ka digay in dowladda federaalka ay is-hortaag ku sameyso banaanbaxaas, isagoona Shacabka Muqdisho ka dalbaday inay kasoo qeyb-galaan banaanbaxaas oo uu sheegay inuu yahay mid nabadeed.

Waxa uu intaas kusii daray “Mudahaaradku waa xaq dastuuri ah, si nabad ah in loo baxo oo ra’yigana loo cabiro, markaas waxaan rajeynaynaa in dadku sidaas u fahmaan, diyaarna waxa u ah Midowga Musharaxiinta inay idin hor kacaan oo ay dadka Soomaaliyeed tusaan wadada nabada ah iyo wadada dimuquraadiga ah inay ku raadsadaan xaqooda siyaasadeed iyo mid kaleba”.

Hadalkan ayaa imanaya xili Musharaxiinta mucaaradka ay Axadii ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.

Wararkii ugu dambeeyey shirka u socda guddiyada DF iyo dowlad goboleeda

0

Baydhaba (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maalintii labaad ku shiraya guddiga farsamada dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kuwaas oo xal u raadinaya arrimaha ku hor gudban doorashooyinka.

Guddigaan oo is fahamkooda kadib u gudbin doona dhinacyada ay kala matalayaan ayaa la sheegay iney wakhti badan ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashada, waxaana ugu horreysa arrinta Gobolka Gedo oo ah tan keentay inuu fashil ku dhamaado shirkii Dhuusamareeb 4.

Guddigaan waxey shir gudoon u doorteen wasiirka dastuurka xukuumadda xilka sii heysa Saalax Jaamac, kaas oo sheegay in hormar laga sameeyay maalintii koowaad ee shirka, maadaama ay waqti dambe isla gaareen.

Wasiirka wuxuu sheegay in maalintii koowaad uu jawi wanaagsan ugu dhamaaday, isla markaana ay hawlahii loo igmaday wax la taaban karo ka qabteen, walow uusan faah-faahin ka bixin arrimaha la isla fahmay.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in guddiga ay magaalada Baydhaba ku gaaraan heshiis, magaaladuna ay noqoneyso magaalo laga tago iyadoo waxa harsan la isla fahmay.

Dadka oo dhami waxey ka war sugayaan shirka guddiga farsamada uga socda magaalada Baydhaba, kaas oo wixii natiijo ah oo kasoo baxa lala wadaagi doono dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Beesha caalamka ayaa riixeysa dhamaan shirarka la isugu soo dhaweynayo madaxda is diidan ee Soomaalida, waxeyna doonayaan in la qabto doorasho loo siman yahay oo qof walba uu kalsooni ku qabo, kuna dhacda wakhtigeeda.

Wasiirkii hore ee amniga oo fariin u diray DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan soo laba kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus, isaga oo farriin culus u diray dowladda dhexe.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horey u soo noqday wasiirka amniga gudaha ayaa ka dalbaday wasaaradda caafimaadka inay waajib ka dhigto xirashada maaskaraha, si loo xakameeyo fidista cudurka saf-marka ah ee Covid-19 oo markale ka dilaacay Somalia.

“Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha,” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya looga baahan yahay in karantiisho dhammaan dadka kasoo safraya UK, maadaama Soomaaliya aysan xilligan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay dalkaasi.

“Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad kale oo ka dhalatay labo kacleynta cudurka Coronavirus, waxaana sii kordhaya tirada dadka uu soo ridanayo & kuwa u dhimanayo.

Xog: Wakiilka Farmaajo ee doorashooyinka oo xalay laga saaray shirka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno shirka guddiyada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay laga saaray Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Cali Raage ayaa shalay gelinkii dambe kasoo muuqday furitaanka kulanka, taasi oo abuurtay su’aalo badan, maadaama uusan ka mid aheyn xubnaha 14-ka ah ee guddiyada farsamo ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Labada xubnood ee uu Rooble magacaabay inay matalaan dowladda federaalka, ayaa kala ah: Wasiirka Dastuurka Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sidaas darteed lama yaqaan waxa shirka dhex keenay Cabd Cali Raage. 

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeeen Caasimada Online, xalay ayaa qaar ka mid xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowlad qoboleedyada qaarkood waxay dood ka keeneen in Cabdi Cali Raage shirka qeyb ka noqdo, ayaga oo dalbaday inuu ka baxo, taasi oo ay ku guuleysteen, lagana saaray shirka Cabdi Cali Raage.

Dhinaca kale, Xubnaha Guddiga ayaa xalay shir guddoon u doortay wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, taasi oo la filayey maadaama xubnaha guddiyada, marka laga reebo wakiilada Puntland iyo Jubaland ay taabacsan yihiin dowladda federaalka. 

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta Gareen, oo ka mid madax goboleedyada taabacsabn dowladda, ayaa xalay kulan la qaatay guddiga isagoo ku dhiiri-geliyey inay natiijo wax ku ool ah kasoo saaraan shirarkooda. 

Hoos ka eeg sawirka Cabdi Cali Raage, oo dhex-fadhiya shirkii shalay galab

Midowga Musharraxiinta mucaaradka oo la kulmaya beesha caalamka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar soo baxaya xubaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan gaar ah la yeeshaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ku qabsoomayo Aalada Fogaan Aragka ee (ZOOMKA), iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan xaaladda kala guurka iyo is mari-waaga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa qorsheynaya in beesha caalamka ay la wadaagaan aragtidooda ku aadan xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka oo wada dadaallo xoogan oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyada doorashada ayaa horey cadaadis u saartay xubnaha midowga musharraxiinta.

Si kastaba kulankan ayaa wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo mucaaradka ay magaalada Muqdisho ka abaabulayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

FARMAAJO oo shir isugu yeeray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaasi oo furmi doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shira Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka,  Dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir

Muqdisho, Febaraayo 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo si ambaqaadida talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 14-16kii bishan Febaraayo waxaa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

DHAMMAAD

Xog: 5 wasaarad iyo xafiisyo ka mid ah DF oo loo xiray xog cabsi leh oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay fasaxday shaqaalaha ugu yaraan 5 wasaaradood iyo xarumo kale oo ku yaalla aagga KM4, Zoobe iyo Isgoyska Banaadir, kadib markii ay dareemeen cabsi amni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirada wasaaradahaas iyo madaxda xarumaha kale ee aagaas ku yaala loo sheegay in ay shaqaalaha fasaxaan ilaa amar dambe, sidoo kalane ay wasiirada yareeyaan tagista xafiisyada, haddii laga maarmi karana aan la tagin ilaa war sugan ay helayaan.

Wasaaradaha qaar waxaa loo reebay shaqaale kooban oo muhiim u ah shaqada, kuwaas oo waqti kooban shaqeyn doono, sida ay sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Wasaaradaha shaqaalahooda la fasaxay ayaa kala ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala Isgoyska Banaadir, Wasaaradda Qorsheynta oo u dhow Zoobe, Wasaaradda Waxbarashada oo ku taala Zoobe, Wasaaradda beeraha oo ku taala agagaarka CID-da, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka qeybta gurmadka deg dega ah oo ku taala Harkaha iyo Saamaha kuna dhow CID, balse si ku meel gaar ah shaqadeeda loo raray Xalane iyo xafiisyo kale oo muhiim ah.

Ilo sirdoon ayaa wasiirada iyo masuuliyiinta wasaaradaha u sheegay in la helay xog timaameysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen weeraro lagu galo xarumahaas, sidaas darteedna la fasaxayo shaqaalaha dowladda. 

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xogtaan aan lala wadaagin shaqaalaha balse macno kale loo yeelay fasaxooda, halka kuwa aan laga maarmin ee ilaa hadda jooga aysan ogeyn cabsida amni ee loo fasaxay saaxiibadood. 

Al-Shabaab ayaa kordhiyay maalmihii la soo dhaafay dilalka iyo qaraxyada ay ka fulinayaan Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay bateen digniinaha ka imaanaya hay’adaha ajnabiga ah ee dagan Xalane.