25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhacdo aabe iyo wiilkiisa ku dhex-martay Sh/Hoose oo sababtay dhimasho

0

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib xabado ka baxsaday qori AK47 ah oo ay isku qabsadeen Aabe iyo wiilkiisa, degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sida ay Caasimadda Online u sheegeen dad goob joogayaal ah, aabaha iyo wiilka ayaa isku qabsaday qorayga, taasna waxey keentay iney dhawr xabadood ka dhacdo, waxeyna waxyeello u geysatay dadkii ka agdhawaa goobta.

Sidoo kale qofka noo warramay wuxuu sheegay in dadka degmada Wanlaweyn ay aabaha uga dacwoodeen wiilkiisa oo ka tirsan ciidanka degmada, taasna ay keentay in aabaha uu isku dayo inuu qorayga xoog uga qaado.

Labada qof oo ay waxyeellada soo gaartay, markii hore dhaawac ahaan ayaa loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, balse Siid Cali Xuseen Cabdulle ayaa geeriyooday inta aan lasoo gaarsiin xarumaha caafimaadka.

Cabdalla Boorow oo ah taliyaha Booliska dagmada Wanlaweyn ayaa sheegay iney ku raad joogaan aabaha iyo wiilkiisa oo kadib dhacdada goobta ka baxsaday.

‘Is-rasaaseyn ka dhacday xuduudda iyo laba askari oo Kenyan ah oo la toogtay’

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in laba askari oo ka tirsan kuwa xuduudaha ilaaliya ee Kenya lagu dhaawacay xadka Soomaaliya ee dhanka Beled-Xaawo, waxayna ku eedeeyeen toogashadan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wargeyska The Star ayaa qoray in ciidamadan la toogtay ayaga oo ilaalinaya xuduudda. Sida wargeyska kasoo xigtay saraakiil Kenyan ah, ciidamadan ayaa xadka ka qabtay laba gabar oo Soomaali ah oo doonayey inay usoo gudbaan dhanka Kenya. Intaas kadib ayaa waxaa ayaga oo su’aalo weydiinaya soo dhex-galay ciidamada Soomaaliya, oo ka dalbaday inay gabdhaha sii daayaan.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa kadib xigay muran, taasi oo keentay in ciidamada Soomaalida ay rasaas soo furaan, kadibna dhaawacaan laba sarkaal, sida lagu yiri qoraalka.

Sida ay sheegeen saraakiisha Kenyan-ka, labada askari oo lugaha ka dhaawacmay ayaa waxaa hadda lagu daweynayaa isbitaalka Mandera Referral Hospital.

Darawal taksiile ah oo goobta ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta ayaa dhanka kale sheegay in ganacsatada iyo booliska ay murmeen ka hor inta aysan xabadda bilaaban.

Qofkan oo magaciisa la qariyay sababo amaan darteed, wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin cidda rideysay xabadaha, balse ay ka imaanayeen dhanka ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan xadka labada dal.

Saraakiisha Kenyan-ka ee wargeyska The Star la hadlay ayaa sheegay inay ciidankooda amreen inay ka jawaabin dhacdadan ama aysan aargudan, si aysan xiisadda uga sii direen, siida warbixinta lagu sheegay.

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Kenyan-ka, sidoo kalena ciidamada xoogga dalka weli kama aysan hadlin dhacdadan, oo dhacday shalay.

Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo ay xiisad xooggan ka dhex oogan tahay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo salka ku haysa ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ee ay Kenya ay ku hayso Mandheera.

Sarkaalkii ka dambeeyay in Shabaab madaafiic ku riddo Dhuusamareeb oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheyn oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 15-aad ee qeybta 21aad iyo Ciidanka Gor-Gorqeybta ay ka fuliyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Howl-galkan oo yimid kadib markii xalay dagaalyahanada Shabaab ay hoobiyeyaal kusoo tuureen magaalada Dhuusamareeb oo ay xiligaasi ku sugnaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa waxa lagu baacsaday dagaalyahanadii ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha.

War kasoo baxay taliska Ciidamada qeybta 21-aad ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada ay howl-galkooda ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ku jiray sarkaalkii u qaabilsanaa deeganada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Sarkaalkan ay sheegeen in ciidamadu dileen ayaa waxa lagu soo koobay Cabdi Naasir, wuxuuna ahaa madaxii ka dambeeyay hoobiyeyaashii xalay lagu tuuray Dhuusamareeb.

Waxaa intii uu socday howl-galka uu dagaal kooban dhexmaray ciidamada isku dhafka ah ee dowladda iyo xubnaha Shabaab ee qaarkood la dilay.

Sidoo kale waxa uu taliska ciidamada uu sheegay in howl-galkaas ay ciidamadu kusoo qabteen dhaawaca xubin ka tirsan Shabaab iyo Afar qori oo ay xubnahaasi wateen.

Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana magaalada kusoo dhacay illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarkan hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacmeene afar qof oo shacab ah.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor-Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey SHIRKA Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wada-tashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu shirka u furmo si rasmi ah, waxaana magaalada Dhuusamareeb ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxda Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa.

Sidoo kale waxa kusoo wajahan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo iyagu qeyb ka ah shirka wada-tashiga ee looga hadlayo is-mari-waaga doorashada oo muddooyinkii dambe marayay meel xasaasi ah.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo waddooyinka muhiimka iyo xaafadaha qaar lagu daadiyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, oo ka wada-shaqeynaya xaqiijinta amniga.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeys ah looga gaaraya xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu hore u qaadacay hanaanka doorashada, balse kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka.

Waxaa isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb, maadama uu khilaafka doorashada xiisad cakiran ka abuuray dalka, xili maalmo tirsan ay ka harsan yihiin muddo xileedka madaxweynaha.

Dagaallo khasaare geystay oo ka dhacay GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaare geystay uu markale dib uga qarxay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda deegaanada Galinsoor iyo Dhabad, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad kacsan.

Dhanka kale waxaa dagaal kale oo u dhexeeyo beello walaalo ah uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee isla gobolka Galgaduud, kaas oo galay maalintii 3-aad.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay isaga barakaceen guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalladaasi oo ah kuwa soo noq-noqday.

Weli ma jiro wa hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dagaalladaasi.

Inta badan Galgaduud iyo Mudug waxaa kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sawirro: Axmed Madoobe oo ka dagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Axmed Madoobe oo kasoo kicitay Kismaayo ayaa waxaa garoonka gaaroonka diyaaraha Dhuusamareeb uga hortegay dhiggiisa Galmudug Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasi kadib ayaa waxaa madaxweynaha Jubbaland oo ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga Dhuusamareeb loo galbiyey dhinaca xarunta maxtooyada maamulkaasi.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in magaaladaasi uu gaaro madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo isna ka qeyb-galaya shirkaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan ku sugan madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda goboleedyada dalka.

Shirka Dhuusamareeb oo diirada lagu saarayo khilaafka ka taagan doorashada ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo gelinta dambe ee maanta, sida uu qorshu yahay.

Sawirro: Kulan xalay dhacay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay guddoomiyey kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka, oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ay wada qaateen kulankan dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dhammaan xubnaha xalay shiray ay yihiin xulufo isku dhinac ka ah is-mari waaga ka taagan doorashada, ayada oo saddexda madaxweyne goboleed ee xalay la kulmay Farmaajo ay yihiin kuwa uu soo dhistay, uuna wehliyey ra’iisul wasaaraha uu magacaabay.

Waxaa la filayaa in maanta ay Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo ayagana isku dhinac ah. 

Sheekada muragada leh ee lamaanihii sagaalka maalin kaliya is-qabay ee lagu dilay weerarkii Hotel Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waa arrin murugo iyo uur ku taalo ku reebtay qoysaska lamaane is calfaday oo labo qaaradood jaceyl isaga keenay, kuwaasoo sagaal maalmood kaliya Illaahey isu qoray inay wada noolaadaan.

Masiibadii habeenkii Axada ka dhacday hotelka Afrik ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad kala duwan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo sagaal maalmood ka hor guurkooda ka dhacay magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii Hotel Afrik maalmaha malabka ku qaadanayay hotelka.

Fahad ayaa wuxuu ka tegay dalka Holland si uu magaalada Muqdisho ugula aqal galo lamaanahiisa Farxiya Cali, waxaana meherkoodu uu dhacay sagaal maalin ka hor sida uu Caasimada Online u sheegay madaxa shirkadda Arag Rijopleidingen Ridwaan Maxamed Xasan oo saaxiibo isla soo koray ahaa marxuumka.

Lamaanahaan oo ka mid ahaa dadkii hotelka deganaa ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kooxihii weerarkii fuliyay ay si arxan daran ay qolkii ay ka deganaayeen hotelka ugu dileen.

Allaha u naxariistee Fahad C/raxmaan oo Somalia kasoo tegay sanadkii 1995-kii ayaa aheyd markii ugu horeysay ee uu ku laabto Muqdisho, si uu halkaasi ula soo aqal galo qofkii uu dunida ka doortay, hase ahaatee nasiib daro sagaal maalmood kadib, wuxuu ku baxay gacan ka xaq daran isagoo hamigiisii gaarin.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo sheegtay in dadkii ay hotel Afrik ku dileen ay ahaayeen saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Ali Muhiyaddiin
London, United Kingdon
[email protected]

Qodobadiii uu soo saaray Farmaajo rajo beel ma ka dhigayaan shirka furmaya?

0

Samareeb (Caasimadda Online) – Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida waxey durba fahmayaan in shirka la iclaamiyay ee maanta ka furmaya Dhuusamareeb aysan kasoo bixi doonin natiijo waxyaabaha jira dhan lagu xaliyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray shan qodob oo uu ku iclaaminayo shir ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo la rabo in lagu xaliyo wax walba oo ku gudban doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha wuxuu iclaamiyay in shirka uu ka socon doono magaalada Dhuusamareeb inta u dhaxeysa 1-da ilaa 3-da 2021, iyadoo la joogo 30-ka January, waxeyna dadka ka hadla arrimaha siyaasadda u arkeen, wakhtigaas yar inaan loogu talagalin in natiijo lagu qanci karo kasoo baxdo.

Marka hore waxey sheegeen iney tahay wax cusub in la sheego wakhti uu bilaabanayo iyo wakhti uu dhamaanayo shir wadatashi oo la rabo in lagu xaliyo arrimo masiiri ah, lana rabo in xal looga gaaro arrimo 4 bilood ay dowladda xalin weysay oo khuseeya xilliga kala guurka iyo doorashada.

Waxaa la leeyahay wakhtiga oo 3 maalmood ah, la iclaamiyay laba maalmood ka hor wakhtiga, in madaxda u baahan yahiin iney isku diyaariyaan maadaama uu yahay shir looga hadlaayo arrimo waaweyn, waxey dadka qaar ula muuqataa inuusan shirku aheyn mid xalka la filayo lagu raadinayo.

In beesha caalamka soo faragaliso arrimahaan, isla markaana ka shaqeyso hanaanka ku aadan doorashooyinka iyo in dalka laga samatabixiyo marxaladda kala guurka ah waxey ku timid in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu kusoo bixi waayay doorkii loo magacaabay.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Dhuusomareeb

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada ayaa sheegay inay magaalada kusoo dhaceen illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarkan hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacmeene afar qof oo shacab ah.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan madaxweeyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, iyo madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo ka qeyb-galaya shirka berri furmaya ee looga hadlayo muranka doorashada.

Illaa iyo hadda lama sheegin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay aagga madaxtooyada Dhuusomareeb iyo goobaha ay ku sugan yihiin madaxda, hase yeeshee waxaa la sheegay inay cabsi xooggan ka jirto, kadib markii si xooggan looga maqlay jugta madaafiicda.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.

Ciidamada HirShabeelle oo xiray gabar la dhalatay madaxweynihii hore

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidanka booliska maamulka HirShabeelle ayaa shalay xeray saddex gabdhood oo kamid ah tobaneeyo dhallinyaro ah oo banaanbax ka dhigay magaalada Beladweyne. 

Gabdhaha shalay la xiray ayaa lagu kala magacaabaa. 

1- Deeqo Cabdi Waare, oo la dhalatay Madaxweynihii xilka ka dagay ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.
2- Xamdi Cilmi Loos, oo la sheegay in ay tahay xaamilo sideed bil ah.
3- Ruun Sagal Geed oo xalay habeen barkii laga soo daayay xabsiga dhexe ee Beladweyne waana hooyo heysata 3 carruur ah. 

Haweenka HirShabeelle gaar ahaan kuwa Beladweyne ayaa wajahaya xadgudubyo waa weyn oo isugu jira xarig, jirdil iyo handadaad waxaana loo diidanyahay ka qeybgalka banaanbaxyada maamulka looga soo horjeedo. 

Maamulka HirShabeelle wali kama uusan hadlin arimaha ka taagan Beladweyne waxaase loogu baaqay in ay joojiyaan dhibaateenta dumarka.

Barakac ka bilowday Gedo kadib hadalkii wasiir Janan

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shacabka gobolka ay billaabeen iney barakacaan iyagoo ka cabsi qaba inuu mar kale dagaal ku qabsado guryahooda.

Cabsida dadka gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Beled Xaawo ayaa kusoo aadeysa xilli wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu iclaamiyay weerar ka dhan ah ciidamada dowladda ee jooga Gedo, isla markaana uu shacabka reer Gedo ugu baaqay iney isaga fogaadaan aagga dagaalka.

25-kii bishaan ayey aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay magaalada Beled Xaawo halkaas oo ay Ciidamada dowladda ku adkaadeen, sidoo kalana ay gacanta ku dhigeen ciidamo isku soo dhiibay.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee dhanka dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Garee ayaa warbaahinta u sheegay in Shacabka magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kalaba ay bilaabeen ine isaga cararaan gobolka.

Wuxuu ku sifeeyay arintaan iney cabsi galisay hanjabaadii uu saxaafadda mariyay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Magaalada Beled Xaawo iyo deegaanada kale ee gobolka Gedo ayaa xaalad daganaan ah ku jira, balse shacabka waxey ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo mar kale iyagoo war moog ah, halkaasna ay khasaaro kasoo gaarto.

Sawirro: Puntland oo howl-gal ka fulisay Cali Madow

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.

Howl-galka oo ka dhacay deegaanka Dolqooxle ee Buuraha Cali Madow oo hoostaga tuulada Af-Urur  ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish.

Saraakiil u hadlay PSF-ta Puntland ayaa sheegay inay heleen, ka hor howl-galkaasi xog ku aadan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya halkaasi.

“Howl-galkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warka qoraal ee kasoo baxay taliska PSF-ta.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku sii daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab & Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada ammaanka Puntland ayaa labo jibaaray dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee gobolka Bari.

 

Ciidamada GALMUDUG oo jawaab culus ka bixisay weerarkii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sanka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

“Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan, qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda, sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii,” ayuu yiri afhayeenka maamul goboleedka Galmudug.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan Dhuusamareeb ku sugan yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo shir uga qeyb galaya magaaladaasi.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ma ka guul gaareen madaxweyne Farmaajo? 

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo wali aysan natiijada ugu dambeysa ee doorashada Soomaaliya soo bixin, haddne markii loo eego tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasada Soomaaliya waxaa muuqata inay wax ku socdaan sida ay dalbanayeen Jubaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ka diiday soo magacaabista guddiyada ku harsan illaa laga wada hadlo arrimaha dooddu ka taagan tahay, taasi oo ay sameeyeen markii beesha caalamka ay u damaanad qaaday in madaxweynaha uu wada-hadal ogolaan doono.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa sidoo kale waxay si cad u jebiyeen in liiska guddiyada loo diro Ra’iisul Wasaaraha si uu isaga usoo magacaabo taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada maadaama ay toos iyaga usoo magacaabeen. 

Xukuumada oo isku dayday in ay is hortaagto ayaa arrintaas ku guul dareysatay kadib markii ay si wadajir ah usoo dhoweeyeen xubnaha beesha caalamka. 

Guusha kale ee gaareen labadaan maamul ayaa sidoo kale ah inuu suurta galay qabsoomida shirkii ay ku baaqeen inkastoo waqtiga iyo goobta la badalay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya ka dambeeyeen joojinta saxiixii Madaxweyne Farmaajo ee 13-ka kursi ee gobalka Banaadir. Madaxweynaha si ramsi ah uma joojin arrintan, balse maadaama uu sheegay in wada-hadallada lagu saleyn doono heshiiskii 17-ka September, waxaa cad inaanay Muqdisho xuquuq heleyn.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in sidoo kale uu jiro ballan qaadyo maamuladaas loo sameeyay oo ku aadanaa arrinta gobalka iyo doodda ka taagan guddiyada ka imaanaya gobalada waqooyi ee Somaliland. 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo dhanka dibada ah, kaas oo saameeyay go’aano iyo qorshayaal u adagsanaa maamulkiisa.

Daawo: Feysal Cali Waraabe oo soo jeediyey talo la xariirta Jeneraal Galaal

Hargeysa (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ka tacsiyadeeyey geerida dadkii lagu dilay weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Feysal ayaa si gaar ah uga hadlay geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, waxuuna umadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in loo dhiso taallo lagu xasuusto.

“Maanta waa maalin murugo, dadka reer Muqdisho waxaan uga tacsiyeynayaa geerida dadkii looga dilay weerarkii lagu qaaday hotel Afriik, waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa, geerida ku timid Jeneraal Galaal, oo ahaa ragii ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya dhidibada u taagay, waxuu ahaa dagaalkii 1977-kii ninkii illaa Kaaramardha Xabashida ka qabsaday,” ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Feysal waxa uu sheegay in Galaal ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee gacanta ku hayey taariikhdii Soomaalida oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somalliland oo waayo badan soo wada jiray, balse hadda ku kala tegay Qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay Galaal Janadii Allaha ka waraabiyo iyo dhamaan intii dhimatay, Galaal taariikh ayuu leeyahay, waa inaad meel ku magacaawdaan oo xus u sameysaan, intii dhimatay oo dhan Allaha samir iyo iimaan hanaga siiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa dadka reer Muqdisho kula taliyey inay toosaan oo taladooda ay gacanta ku dhigaan, isla markaana aysan shisheeye wax ka sugin.

“Anigu waxaan dhihi lahaa dadka Soomaaliyeedow taladiinu gacmihiiney ku jirtaa ee cidna haka suginina, waxii inka dhimanaada oo aad awoodi weysaan Soomaalida kale ayaa diyaar idiin la ah, hadii aad dadaashaan, wixii inka dhimanaada waan inkugu dareynaa, laakiin maanta taladiinu waxay gacanta u gashay wadamo danahooda inka dhex wata,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Allaha u naxariistee Meydka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa maanta salaada Janaasada waxaa Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho kula dukadeen Ra’iisul wasaaha dalka, xubno ka trsan golihiisa wasiirrada, xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday midowga Musharxiinta iyo siyaasiyiin kale.

Intaas kadib waxaa galabta Meydka Jeneraalka loo qaaday magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, halkaas lagu aasayo.

Hoos ka Daawo

CABDI XAASHI oo codsi xasaasi ah u diray Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa warqad uu udiray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku dalbaday in lagu casuumo shirka lagu wado inuu berri ka furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

“Salaan qiimo badan ka dib, anigoo ka ambagaadaya kulankii uu ku baalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ee ahaa in la isugu yimaado shit wadatashi ah magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, si looga wada hadlo, xalna looga pato khilaafaadka ka taagan hirgelinta heshiiskii 17 Sabteembar,” ayaa lagu yiri qoraalka Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay berri gaarayaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan shirkaas looga wadahadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Khilaafka ragaadiyey doorashada Soomaaliya waxaa qeyb ka ah hanaanka loo soo magacaabayo xubnaha guddiyada doorashooyinka ku metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Maadaama arrinta doorashada Xildhabaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi Soomaaliland ay ka mid tahay arrimaha khilaafaadku ka taagan yahay ee laga wada hadlayo, waxaan kula socodsiinayaa in ay noo gorshaysan tahay aniga iyo wafdi aan hogaaminaayo in aanu nimaadno magaalada Dhuusamareeb maalinta berri ah ee ay taariikhdu tahay 02 Febraayo 2021; si aanu shirka uga qayb galno,” ayaa lagu yiri warkan.

Ugu dambayntii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo reer Galmudug uga mahad celiyey, sida ay isugu howleen qabashada shirarka looga heshiiyo masiirka Soomaaliya.

“Mudane Madaxwayne, waxaan kugu bogaadinayaa adiga, xukuumadda iyo shacabka Galmudug sida hagar la’aanta ah ee Soomaalinimada leh ee aad u math gelisaan shirarka wada tashiga ee lagaga xaajoonayo arrimaha masiiriga ah ee dalka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Caawa waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweyne Lafta Gareen, madaxweyne Cali Guudlaawe, madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug iyo xubno ka kala socda golayaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Cismaan Dubbe oo galabta warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkaas uu furmi doono gelinka hore ee Talaadada berri ah, isla markaana madaxda maqan ee Jubbaland iyo Puntland ay berri subax soo gaari doonaan Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan weli tegin Dhuusamareeb, balse ilaalo hor dhac u ah wafdigooda ayaa gaartay maanta, waxaana lagu wadaa inay berri soo gaaraan Dhuusamareeb, isla berina uu furmo shirkaas oo lagu balansanaa inuu furmo maanta.

Kaalin intee le’eg ayuu Gen. Galaal ku lahaa dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobiya?

0

Janaraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii xalay lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xilligii dowladda kacaanka iyo ka hor-ba, islamarkana waxaa kaalimo kala duwan ka sii qaatay ciidamada Soomaaliya.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal, wuxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhammeeyay waxbarashada sannadkii 1957-dii, waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya. Wuxuu ku tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada ee gumeystihii Taliyaaniga.

Isagoo laba-alifle ah, waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ka soo wada shaqeeyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Haddaba aan eegno kaalintii uu ku laha dagaalkii Soomaaliya ay la gashay Itoobiya, sannadkii 1997.

Kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Janaraal Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Janaraalka wuxuu horey u sheegay in markii hore ay dagaalka abaabuleen midowgii Sofiyeet oo doonayay in la sii fidiyo barnaamijkii hanti wadaagga.

Galaal (AHU) waxaa uu intaa ku daray in dagaalka loo qorsheeyay labo weji.

“Dagaalka wuxuu lahaa labo weji oo kala ahaa midkii gobanima doonka iyo wajigii ay ciidamada ku bilaabeen weerarka – labadaba anaa ka shaqeeyay,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Alle ha u naxariistee Janaraalka ayaa sido kale sheegay in wajigii hore ee dagaalka ay abaabuleen jabhaddii Soomaali galbeed ee Itoobiya la dagaalamayay.

“Wejigii gabanima doonka waxaa hor kacayay jabhadihii, Soomaaliyana waxaan ka diyaarinay labo iskuul oo waawayn oo kala ahaa, meel la yiraahdo Qorilow oo Xamar u jirta 70KM, halkaas oo iskuul wayn aan ka sameynay oo dadka lagu tababaro,” ayuu horey u sheegay Janaraal Galaal oo xalay ku dhintay weerarkii hoteel Afrik.

Janaraal Galaal wuxuu sidoo kale tilmaamay in jabhaddii Soomaalida ay diyaarinayeen muddo sanad ah, ka dib-na la galiyay gudaha Itoobiya.

“1974 oo dhan ayaan wadnay – illaa sannadkii 1975-dii oo dhan iyo illaa 1976-na – ka dibna waan galinay ciidamadii, jabhadda sidaan rabnay iyo si ka daran ayay u galeen,” ayuu yiri.

Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in markii jabhadihii ay ciidamada Itoobiya ka saareen tuulooyiinka, ka dib loo baahday in ciidamo wada hub xooggan. Wuxuu dib ula hadlay madaxwayne Maxamed siyaad Bare si wajiga labaad ee dagaalka loo guda galo.

“Markii hore waxay ballantu ahayd in marka ay jabhadaha soo kuusaan ciidamada Itoobiya oo magaalooyiinka waaweyn isku soo uruuriyaan oo ay ka soo saaraan tuulooyiinka iyo degmooyiinka markaas jabhadda kama saari karto in hub waaweyn in lala dhaco,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Wuxuu sidoo kale xusay in markii ay jabhadaha guul gaareen lana qorsheynayay in ciidamada Soomaaliya ay Itoobiya gudaha u galaan in uu isbadal ka dhacay dalak Itoobiya oo la riday dowladdii jirtay taasina ay keentay in Ruushka uu badalo qorshihii hore.

“Wuxuu ku hagaagay dagaalka mar ay midowgii sofiyeetka bedeleen ra’yigii ku jiray ee aan isla wadnay oo Xayle Thalaase la riday oo mingistu uu soo baxay. Wuxuu laayay dadkii oo wixii oo dhan ka taqalusay, wayna u bogeen Ruushka, waxaasi oo dhan waxay dhaceen intaan ku jirnay dhisiddii jabhadda,” ayuu yiri Janaraal Galaal.

Janaraal Galaal ayaa xusay in Midowgii Soofiyeedka ay markii dambe ku sheegeen farriin in dowladdii Soomaaliya in aysan dagaalka Itoobiya bilaabin, balse ay xilligaas isaga u muuqatay in meel laga noqdo aan la joogin.

Dajinta qorshihii dagaalka ee Janaraal Galaal

Janaraal Maxamed Nuur Galala (AHU) ayaa sheegay in isaga uu ahaa qofkii loo xilsaaray in dagaalka ciidamada Soomaalida lagu galinayo Itoobiya uu abaabulo. Wuxuuna aha qofkii qorsheeyay duullaanka.

“Waxaa la yiri ‘waxaa loo baahan yahay hal qof oo xaruntii xoogga dalka oo dhan u shaqeeya oo dagaalka abaabula oo qorshahan dajiya’, markii la is fiirfiiriyay qofkaas aniga ayuu noqday,” ayuu sheegay Janaraal Galaal intii uu noolaa.

Mr Galaal ayaa intaa ku daray in madaxwayne Maxamed Siyaad Bare u yeeray uuna ka codsaday in dagaalka uu hoggaamiyo.

“Samatar ayaa markii hore ii soo jeediyay aniga, waan diiday, waxaan ku iri ‘jabhaddii ayaan ku waashay ee ma yeelayo’, markii dambe waxaa ii yeeray Siyaad Bare wuxuu igu yiri ‘halkee uga noqonaa ee gal dagaalka’, waana galay”.

Janaraal Galaal ayaa tilmaamay in dowladdii kacaanka ay xafiis gooni ah u sameysay halkaasi oo uu ku dajiyay qorshihii dagaalka.

Intii uu noolaa wuxuu BBC u sheegay in xafiis looga sameeyay meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho. “Muddo saddex bilood ah ma arkin reerkeyga halkaas ayaana fadhiyay.”

“Waxaan bilaabay qorshihii ciidamada; sida loo qeybinayo, meelaha ay kala aadayaan, fogaanta dhulka iyo ballaarkiisa intee dhan yahay? waxaasaan galay”.

Janaraalka (AHU) waxaa uu xusay in dagaalka uu bilaabmay 23 July 1977-dii.

“23 July sannaddii 1977-dii ayaan ku dhufanay dhinaca Koonfureed sida Godey, Qabridahare iyo dhagax buur,” ayuu sheegay.

Janaraalka wuxuu BBC u sheegay in ciidamadii Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaaren dagaalkii ay la galeen ciidamadii Itoobiya.

“Qabridahar isla maalinkiiba waan qabanay waxayna ahayd xarunta dhexe ee laga difaaco dhulkan Soomaali Galbeed,” ayuu yiri Janaaraal Galaal.

Qaabkii ayaa loo soo jabiyay ciidamada Soomaalida?

Janaraal Maxamed Nuur Galaal (AHU) wuxuu xaqiijiyay in markii dambe ciidamada Soomaalida uu jab xun soo gaaray.

Balse Janaraal Galaal wuxuu diiday in uu qaato masuuliyadda jabkaas maadaama uu isaga lahaa qorsheynta dagaalka.

“Jabkaas aad iyo aad ayuu u fool xumaa – u jeedada jabka waxaa iska lahaa Maxamed Siyaad,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in madaxwaynihii Soomaaliya ee xilligaasi uu diiday qorsha uu Midowgi Sofiyeet soo jeediyay ee ahaa in labada dhinac la dhexdhexaadiyo, ka dib-na Ruushka uu taageeray Itoobiya.

Isha: BBC

Xog: Jenaraal GALAAL oo dilay xubno Al-Shabaab ah ka hor inta uusan dhiman

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amaanka iyo shaqaalaha hoteelka Afriik, Allah ha u naxariistee Janaraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddo 40 daqiiqo dagaal la galay kooxdii soo weerartay hoteelka Afriik ee Muqdisho shalay gelinkii dambe. 

Ilo kuwa amaanka ah, qaar kamid ah dadkii la soo badbaadiyay iyo shaqaalaha hoteelka, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimada Online u sheegay in Janaraal Galaal uu dilay laba dagaalame oo Al-shabaab ah, ka hor inta uusan dhiman. 

Janaraalka ayaa markii uu weerarka dhacay u cararay qolkiisa oo uu u yiilay qori iyo rasaas, waxaana la sheegay in kooxda ay si toos ah u tagtay qolka Janaraalka. 

Marxuum Galaal, ayaa dilay laba qof oo ka mid aheyd dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda ahaa in ay dilaan. Marxuumka ayaa dhaawacmay waxaase la sheegay inuu tabar dhigay kadibna waxaa dilay dagaalame 3-aad oo Al-Shabaab ah. 

“Waan maqlaynay in dagaalka hal meel ka socday, waxaan is lahaa, yaa caawa la dilayaa, waayo Al-Shabaab dad kalaba ma raadin intuu uu dagaalka socday,” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii xalay goor dambe laga soo saaray hoteel Afriik. 

Al-Shabaab waxay sheegeen in ujeedka weerarkooda ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ay sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay dilka Aadan Xaashi Ceyrow, hogaamiyihii Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa dejiyay qorshayaal dagaal oo lagu dhameeyay Al-shabaab.

Al-Shabaab oo sheegtay ‘sababta ay u beegsadeen’ Jeneral Galaal iyo inay 13 sano ku raad joogeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkooda koowaad uu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaa dadkii shalay ku dhintay weerarkii hotel Afrik, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxdaas.

Waxay sheegteen inay dhowr jeer oo is-xigxigay jebiyeen ciidamada dowladda, kuwaasi oo ku howlanaa bad-baadinta Saraakiisha, ganacsatada iyo dad rayid ah oo ku sugnaa huteelka xiliga uu dhacayay qaraxa iyo weerarka is-xigay.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Shabaabka lagu sheegay inay Jeneraal Galaal u haysteen weeraro iyo duqeymo hore loogu qaaday kooxdooda, taasi oo ay kamid aheyd duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab, isla markaana ay ku raad-joogeen 13 sanno.

Waxay sheegen inuu Galaal qeyb weyn kulahaa abaabulka ciidankii Ahlu Sunna ee dagaalyahanadooda kula dagaalamay gobolada dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ay muddo badan ka talinayeen, taasi oo kamid ah waxyaabaha ay u dileen Jeneraalka, sida ay sheegen.

Waxa kale oo ay sheegteen in qaraxii iyo weerarkii shalay ee hotel Afrik lagu dilay 23 xubnood, halka ay ku sheegen dhaawacana inuu gaarayo 40 ruux, taasi oo ka gedisan xogta ay ciidamada booliska u tabiyeen warbaahinta, midaasi oo aheyd 9 ruux oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawac ah.

Si kastaba, sheegashada Al-Shabaab ayaa u muuqan karta mid ‘ku daarasho ah’, ayaga oo ka faa’iideysanaya in weerarkii Hotel Afrik iyo joogitaanka Galaal ay kulmeen, balse aysan jirin inay Galaal dartiis usoo qaadeen weerarka.

Mareykanka ayaa duqeyn uu 1-dii May ee sanadkii 2008-dii ka fuliyay magaalada Dhuusamareeb ku dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal AUN ayaa kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna door wanaagsanaa uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

Allaha unaxariiste waxa uu Jeneraalku shalay ku geeriyooday weerarkii hotel Afrik, wuxuuna kamid noqday Sagaal qof oo ku dhintay weerarkaas, kuwaasi oo ay ku jireen 4 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, isla markaana ay dileen ciidamada amniga, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.