26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Soomaaliya oo cod muhiim ah ku wayneysa lacag ku 1.4 milyan oo dollar ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waayi doonta xaquuqdeeda codeynta ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay soo baxday in dalal ay ku jirto lagu leeyahay lacago ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag dhan $1,443,640, taasi oo sababi karta inaysan cod ka dhiiban qaraarada iyo go’aanada la horgeeyo UN-ka, maadama ay ka gaabiyeen bixinta lacagtaas oo lagu kabo miisaaniyada howl-galka Qarmaada Midoobay.

Waxa kale oo iyaguna lacagaha ku waajibay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay lagu leeyahay 9 dal oo African ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Zimbabwe, South Sudan, Niger, Comoros, Libya, Sao Tome Principe iyo Jamhuuriyada bartamaha Afrika.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay ku xusnaayeen dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, oo qarka u saaran inay meesha ka baxdo xuquuqdooda dhanka codeynta ee UN-ka.

Soomaaliya ayaa iyadu hore loogu lahaa deymo badan, inkasta oo ay hesho kaalmo dhaqaale oo xad dhaaf ah, mana jiro war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso dalalka kale iyo lacagaha lagu leeyahay:

  • Iran $16,251,298
  • Congo $90,844
  • Zimbabwe $81,770
  • South Sudan $22,804
  • Libya $705,391.
  • Niger $6,733
  • Comoros $871,632
  • Sao Tome and Principe $829,888
  • Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395

DF SOMALIA oo nasiib darro ku tilmaamtay arrin laga faafiyey ciidanka Haramcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay booqasho ku tagay dhismaha ka socda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn u difaacay ciidamada Haramacad oo dowladda si gaar ah u adeegsato.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan, oo uga waramay xaalada amni iyo marxaladaha kala duwan ee dhismaha wadadaas.

Wasiir Dubbe ayaa isaguna ku amaanay ciidamada Haramcad sida ay ugu guuleysteen sugidda Amniga wadadaas, oo marar badan weeraro kala duwan kala kulantay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Qatar oo ku amaanay inay ku dhiiradeen dhisida wadadaas, xili ay hanjabaado kala kulmayaan Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada Haramcad loo jeediyo eedeymo la xiriira boobka doorashada lagu muransan yahay, wuxuuna ku sifeeyay ciidamo naftooda u hura shacabkooda.

Dubbe ayaa eedeymaha ciidamadaas loo jeediyo ee ku aadan damaca dowladda federaalka ee doorashada, ku tilmaamay dacaayado raqiis ah, xili ay madaxda ugu sareysa dowladda lagu eedeeyo inay dano gaar u adeegsadaan ciidamadaas, iyada oo xiligan uu taagan yahay muranka doorashada.

Midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa inta badan dowladda ku eedeeya inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad u adeegsaneyso boobka doorashada.

Goodax: “Ma jirto khiyaano qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in ciidamo tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega.

Goodax Barre oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee wakhtigooda dhamaaday ayaa sheegay iney mas’uuliyad darro tahay waxa dhacay, islamarkaan ay arrinta walwal iyo walaac hor leh kusii abuureyso waalidiin badan.

Goodax ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka waalidiin ilmeynaya, kaasi oo uu soo raaciyay qoraal uu madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin ku eedeynayo iney geysteen qiyaano qaran, isla markaana lagula xisaabtami.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida,” ayuu Goodax Barre kusoo qoray bartiisa Facebook.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu wuxuu raaciyay: “Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen”

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay beeniyay iney jiraan ciidan tababar loogu diray Eritrea oo lagu laayay dagaalkii Tigraay, wuxuuna ka digay in ciidanka la siyaasadeeyo.

Suldaankii BEESHA HABAR GIDIR ee taageersanaa AL-SHABAAB oo la dilay

0

Jamaame (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobollada Jubooyinka ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Jamaame lagu dilay suldaankii beesha Habar Gidir ee taageersanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahiyay in suldaanka lagu dilay duqeyn ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn, waxeyna magaciisa ku sheegeen suldaanka Maxamed Cabaas.

Sida ay sheegaan kooxaha aruuriyaha xogaha duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya, tan iyo markii la doortay madaxweyne Donald Trump oo maalmo kadib xafiiska baneyn doono, waxaa kordhay duqeymaha.

Sidoo kale duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya laga saaray, wuxuuna ahaa amar ka yimid madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii ay ciidamada Mareykanka duqeyn ku dileen suldaankii beesha Jareerweyne ee taageersanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabaas.

Cumar Filish oo dhaqaale ka raadinaya dowlada Sweden iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo sidoo kalena ah Duqa magaalada Muqdisho ayaa kulan xasaasiya kula qaatay xafiiskiisa Safiir kuxigeenka Swedan ee Soomaaliya, Petra Smitmanis Dry.

Filisha aya Safiirka kala hadlay dhaqaalaha ay dowladda Sweden ay siiso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan midka ay ku taageerto gobolka Banaadir ee uu mas’uulka ka yahay.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in la dar-dar geliyo mataaneenta labada magaalo ee Muqdisho iyo Gothenburg, iyada oo uu guddoomiye Filish uga mahad celiyay safiir kuxigeenka tobabarada ay dowladiisu ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose.

Sidoo kale waxa kulankan diirada lagu saaray kaalinta ay dowladda Sweden ku leedahay dib u soo kabashada dalka, midaasi oo uu maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay qeyb weyn ka qaadaneyso horumarka gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

Safiir kuxigeenka Sweden ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda balan qaaday inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, iyadoona maamulka gobolka ku bogaadisay howlaha ay bulshada caasimada u hayaan.

Kulankan ayaa imanaya, iyada muddooyinkii dambe maamulka gobolka Banaadir lagu dhaliilo waxqabad la’aanta caasimada, xili ay malaayiin doollar oo mucaawinooyin ah ay ka dalbato dalalka beesha caalamka, marka laga imaado canshuurta ay ka qaado gobolka oo la sheegay inay dib ugu soo noqon.

Magacyada shakhsiyaadkii ugu miisaanka cuslaa ee ay ciidamada Mareykanka ku dileen gudaha Soomaaliya

0

Dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa bishaan ka baxay gudaha dalka Soomaaliya . Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

1-Aadan Xaashi Ceyrow:

Mareykanka ayaa May 2008-dii duqeyn ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Aadan Xaashi Faarax (Ceyrow), weerarkaan ayaa ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug, dhowr & toban ruux ayaa la sheegay in ay la geeriyoodeen halka ay ku dhaawacmeen dad kale, Afhayeen u hadlay Teliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Kabtan James Graybeal ayaa xiligaas xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig Alqaacida oo ku yaalla Soomaaliya, laakiin waxaa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.

2-Saalax Cali Nabhaan:

Gaari uu la socday Saalax Cali Nabhaan waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka xili uu mararayay meel u dhaw Degmada Baraawe oo xarun u ah DG Koofur Galbeed, waxaana weerarka ka qaatay dhowr diyaarado oo ah nuuca qumaati u kaca (Helicopters) waxaana la dhintay dhowr ruux oo la socday.

3-Weerar uu ka badbaaday Xasan Turki:

Xasan Cabdullaahi Xirsi (Xasan Turki) waxa uu ka badbaaday weerar lagu qaaday horraantii 2008-dii, Mareykanka ayaa sameeyay isu day uu ku khaarijinayo hoggaamiyaan oo markii dambe la duldhigay madaxiisa adduun lacageed dhan $3 Milyan, maadaama uu ka badbaaday weerarkii lagu dili lahaa.

4-Bashiir Qoorgaab:

Mareykanku waxa uu la xiriirinayay Bashiir weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daaralasaam, Bishii Maarso 2020-kii duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya ayaa lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana madaxiisa la dhul dhigay $5 Milyan oo lagu abaalmarinayo ciddii fududeysa xogtiisa.

5-Axmed Cabdi Qodane (Abuu Zubayr):

Mareykanka ayaa duqeyntii labaad ku dilay hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu ZubayrSeptember 2014-kii, weerarka ayaa ka dhacay Koofurta Soomaaliya, waana shaqsiga badalay Aadan Ceerow oo sidoo kale lagu dilay Duqeynta Ameerikaanka.

Maxaad ka ogtahay Rag uu raadiyay Mareykanka Balse uusan dilin?

Waxaa jira saraakiil katirsan Al-Shabaab oo Dowladda Mareykanka isku dayday in ay disho balse aysan u suuragelin, waxaana kamid ah: Mahad Maxamed Karatey oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday Xerada Nadaris ee ku taalla inta u dhaxeysa Bu’aale & Saakow ee Gobolka Jubbada DhexeFebaraayo 2016-kii Kenya ayaa sheegatay dilkiisa, waxaana uu ahaa Madaxii sirdoonka Al-Shabaab.

Isla 2016-kii, Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayaa la sheegay in lagu dilay howlgallo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DFS & kuwa DG Jubbaland, waxaana loo heystay sarkaalkaan weeraro ka dahcay Soomaaliya & Kenya.

Fazul Abdullah Muhammad oo Gacanta Ciidanka Dowladdkii KMG ahayd ku baxay 8-dii June 2011-kii, waxaana uu ku eedeysnaa ku lug lahaanta weeraradii lagu qaaday Safaaradaha Mareykanka ee Kenya & Tanzania 1998-dii.

Waxyeelada Duqeynta Mareykanka ay u geysatay Dadka Shacabka ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saaray warbixinno kala duwan oo ay ku shaaciyeen in Mareykanka uu dhimasho & dhaawac u geystay dad rayid ah oo ku sugan Koofurta Soomaaliya, inkasta oo inta badan Mareykanku inkira balse waxa uu qirtay kiisas kooban.

Waxa ay Hay’aduhu soo bandhigeen sawirro, muuqaallo, wareysiyo ay la yeesheen ehelka dhibanayaasha ah, waxaana ay Mareykanka ka dalbadeen in uu magdhaw siiyo kahor inta uusan ka bixin Gudaha Soomaaliya.

ISHA: BBC SOMALI

Mas’uuliyiin caan ahaa oo lagu dilay QARAX maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka deegaanka Garasbaaley lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhawaac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare) , guddoomiyihii Dhalinyarada deegaankaasi Cabdirashiid Dubad iyo labo ka mid ah ilaalada maamulka.

Dubad ayaa sidoo kale horey u ahaa wariye caan ah oo ka howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo meydka marxuumiinta ka qaaday halkaasi.

Inta badan qaraxyo nooca miinada ah ayaa ka dhaca duleedka caasimada, gaar ahaan wadada xiriirisa labada magaallo ee Muqdisho iyo Afgooye.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay askarta la sheegay in lagu laayey Tigray + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo tababar loo geeyey dalka Eritrea, lagu dilal dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga dalka Ethiopia.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe, oo u muuqday inuu qirayo inay ciidan joogaan Eritrea, taasi oo qudheeda dowladda ay beenin jirtay, ayaa sheegay in dadka wararka noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa warar isa soo tarayay iyo walaaca waalidiin badan oo ku saabsanaa in raq iyo ruuxdooda la’yihiin wiilashooda oo bilo ka hor dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo warar soo baxayay ay sheegayaan inay ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa dhowaan sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea.

Hoos ka daawo wasiirka

Swan oo eedeyn u jeediyey siyaasiyiinta Soomaaliya, farriinna u diray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khilaafka sii xoogeysanaya ee doorashada Soomaaliya uu halis galinayo horumarkii uu dalka ka sii gaarayay dhinaca xasiloonida.

Waxay sheegtay in amnigu uu sidoo kale ku jiro kaddib markii ay isbuucii lasoo dhaafay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii Mareykanka ee mas’uulka ka ahaa tababarka milatariga Soomaalida.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyay in ay siyaasado halis ah isticmaalayaan kaddib markii dib loo dhigay doorashooyinkii baarlamaanka oo ay ahayd in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay.

Waxaa jirta cabsi la xiriirta in Soomaaliya ay dib ugu noqoto dagaal beeleedyo.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaan jira in la isku soo dhowaado xaqiiqdi waxaa jirta fursad, haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa si cid walba isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo,” ayuu yiri James Swan.

Koox isugu jirta ururro iyo dalal – ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika – ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay si qasab ah ugu borrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay galaan wada xaajood. “Isticmaalka nooc walba oo rabshad ah lama aqbalayo,” ayay yiraahdeen.

Soomaaliya waxaa sannadkii hore lagu waday in ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee “hal qof iyo hal cod” – taas oo horumar weyn u ahaan lahayd dal ay ragaadiyeen dagaallo.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa kasoo horjeestay hannaanka iyagoo walaac ka qaba in ay dhacdo ku shubasho.

Heshiis dhexdhexaadin ah oo laga fiirsaday ayaa hadda ku dhow inuu burburo, madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayayna dadka qaar ku eedeeyeen inuu doonayo in wuxuu isagu rabo ku qasbo hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada.

“Musiibo ayay noqon doontaa haddii aan si hagaagsan loola jaanqaadin doorashooyinkan. Qof walba wuu ogyahay in dimuqraaddiyaddeenna ay liicday, waxaana dooneynaa inan hagaajinno,” ayuu yiri la taliyihii hore ee ammaanka qaranka ee Farmaajo, Xuseen Sheekh Cali.

Jeneral Odowaa oo xika ka qaaday taliye sare + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Cali Caddow (Sanka).

Digreeto ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilkaasi loogu magacaabay Korneyl Cabdirashiid Saciid Cabdi (Gooje), oo muddo dheer ku soo jiray arrimaha ciidanka.

Ka hor intii aan xilka laga qaadin General Maxamed Cali Caddow ayaa looga yeeray Magaalada Muqdisho, oo maalmihii la soo dhaafayba uu ku sugnaa.

Ujeedada xilka looga qaaday waxay ka dambeysay, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu ku lug leeyahay musuq maasuq lagu eedeeyay Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka taabacsan.

Saraakiisha kale ee musuq maasuqan lala xiriiriyay waxaa ka mida Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke. Ma cadda in musuq maasuqaasi lagu helay iyo in kale.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Khamiistii xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), oo lagu eedeeyay wada shaqayn la’aan iyo cabasho ay ka soo gudbiyeen dadka deegaanka.

Warqad uu soo saaray Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa Axmed Buulle Gareed loogu magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo.

Weerar khasaare geystay oo markale ka dhacay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Dalxiiska ee magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay ugu yaraan 5 qof oo shacab ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku caweynayey goobta la weeraray.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka maamulkaasi ay ka bixiyeen weerarkan iyo howl-gallada xigay.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Kismaayo ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, gaar ahaan weerarada loo adeegsado bambada ee ka dhaca magaaladaasi.

Al-Shabaab oo maanta dib u la wareegtay deegaan ay ka soo baxeen AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Mashallaay oo ay dib uga soo baxeen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegtay deegaankaasi oo ku yaalla duleedka degmada Qoryooley.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, iyaga oo sidoo kale ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada AMISOM oo dib ugu soo laabtay Qryooley ay uga soo baxeen deegaankaasi, iyaga oo ka soo guuray  dhammaan saldhigyadoodii.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dib u gurashadaasi.

Inta badan dagalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka ee gobolkaasi, iyaga oo sidoo kale dib u qabsada deegaanada laga soo baxo.

Heritage oo warbixin kasoo saartay sida loo xallin karo xiisadaha Gedo iyo Hiiraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray machadka daraasaadka ee Heritage ayaa waxaa looga hadlay xiisadaha ka taagan gobollada Gedo & Hiiraan.

Heritage ayaa marka hore ku baaqay in xal waara laga gaaro xiisadaha ka jira labadaasi gobol, ka hor doorashooyinka dalka.

Sidoo kale machadka ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in dib u heshiisiin laga bilaabo gobollada Gedo & Hiiraan oo ka kala tirsan Jubbaland iyo HirShabelle.

Qoraalka ka soo baxay Heritage ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in machadka uu ka talinayo in dib loo dhigo doorashooyinka labada gobol, inta laga xalinayo xiisadahaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa in dowladda federaalka la shaqeyso labada gobol si loo bilaabo geedi socod dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu xalinayo xiisada labadan gobol oo marka la eego caqabadaha ka jira ay xiriir la yeelan karaan guud doorashooyinka dalka, si nidaamsanna wax looga qabto cabashooyinka ay qabaan beelaha qaar ee  labada gobol oo muddo dheerba soo jiitamayay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay machadka Heritage.

Bayaankan ayaa ku soo aadaya, iyada dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, si weyna la’isugu hayo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, waxaana xiisada ugu xoogan ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo isku hayaan dowladda dhexe & maamulka Jubbaland.

Guudlaawe oo xildhibaano kula kulmay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimasa Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen ( Guudlaawe) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaaladda dalka & arrimaha HirShabelle.

Guudlaawe ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah xildibaanada  baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada  maamulka HirShabelle.

Kulanka ayaa ahaa mid is xog- wareysi iyo salaan ay xildhibaanadaasi ugu tageen madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Kadib labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha HirShabelle, gaar ahaan xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar.

Xildhibaanada iyo madaxweynaha ayaa isla meel dhigay inay muhiim tahay in la soo afjaro xiisadaasi, si looga wada shaqeeyo horumarka HirShabelle.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka ku soo qaaday xaaladda dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Si kastaba Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka la eego, sida loo wajahayo doorashada dalka.

Xarun ay laheyd Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska Africom ee Mareykanka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn diyaaradahooda dagaalka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya, taas oo lala eegtay Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku burburisay xarun ay laheyd kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay inay aheyd faraca Idaacadda Andaluus ee Tiyeeglow.

Ma shaacin Mareykanka khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga tago burburinta xaruntaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo la xiriira duqeyntaasi.

Waa duqeyntii afaraad oo uu Mareykanka ka fulinayo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka.

Kulan hadda u socda Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa hadda kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Kulankaan xoogiisa waxaa la sheegay in looga hadlaayo arrimaha  doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii NISA Fahad Yaasiin ay dadaal ugu jiraan sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Fahad iyo Farmaajo ayaa doonaya inta aan la gaarin 8-da Febraayo in Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed lagu soo doorto xubnaha ku metelaya baarlamaanka federaalka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta NISA ugu taga Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa horay xarunta Habar-Khadiijo ee looga taliyo Nabad sugidda Soomaaliya ugu tegay Taliye Fahad Yaasiin, iyagoo kala hadlay khilaafka hareeyey doorashada dalka.

Ka hortagga dagaal doorasho oo Soomaaliya ka qarxa

0

Labaatan maalmood kayar ayuu dhammaanayaa muddo-xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda siyaasadda ee dalkuna weli iskuma afgaran hannaankii loo hirgelin lahaa heshiiskii 17-kii Sebtembar ee doorashada federaalka. Heshiiskaas taariikhiga ah, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) waxa ay isku af-garteen in la qabto doorasho dadban, oo ka dhacda laba xarumood oo dowlad goboleed kasta iyo Muqdisho ah, in 101 ergo ay codeeyaan, oo ay doortaan xildhibaanada aqalka hoose, iyo in baarlamaanada dowlad goboleedyadu ay doortaan xubnaha Aqalka Sare. 

Afar bilood kaddib, afar qodob oo doorashada la xiriirta ayaa la isku maan-dhaafsan yahay. Kow, ugu yaraan labo maamul-goboleed (Puntland iyo Jubaland) iyo midowga musharixiinta madaxweynaha ayaa diiddan dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashada Heer Federaal (GDHF). Waxay ku doodayaan in xubno ka tirsan guddiga ay yihiin shaqaale dowladda federaalka iyo sarakiil ka tirsan laamaha amniga. Labo, labada maamul-goboleed iyo midowga musharixiintu waxa ay diiddeen guddiga doorashooyinka xildhibaanada Somaliland oo ay magacowday dowladda federaalku, guddigaas oo ay ku eedeeyeen mid duudsinaya xuquuqda siyaasadeed ee guddoomiyaha Aqalka Sare iyo taageerayaashiisa iyada oo guddoomiyuhu uu yahay hoggaanka ugu sarreeya madaxda la doortay oo ka soo jeeda gobolada woqooyi. Saddex, waxaa jira is-afgaran waa baahsan oo ka jira doorashada kuraasta 16 xildhibaan oo loo qoondeeyey gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubaland, gobolkaas oo taladiisa ay la wareegtay dowladda federaalka. Sidoo kale khilaaf wajiyo badan leh ayaa ka taagan gobolka Hiiraan (tabasho qabiil, muran awood qaybsi iyo dano doorashada la xiriira), gobolkaas oo ku dhawaad kala bar kuraasta xildhibaanada Hirshabeelle ay tahay in lagu doorto. 

Haddii aan la helin heshiis deg-deg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, waxaa suurto gal ah in dowladda federaalka ay isku daydo in ay qabato doorasho aan loo dhammayn, taas oo ay u badan tahay in ay meelo badan oo dalka ah ka keento dagaallo. Madashii Aragti Wadaagga ee Machadka Heritage uu dhawaan ku soo gunaanadey Garoowe, waxa ay ahayd isku daygii ugu danbeeyey ee in xal loogu helo is-maan-dhaafka doorashada ka taagan. In kasta oo ay muuqdeen, haddana weli jiraan arrimo badan oo is-afgarad sahli kara, haddana, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu waa ay ku guul darraysteen in fursaddii kulanka Garoowe ka dhalatay loo badello mid is afgarad dhalisa. 

Haddaba, iyada oo la eegayo khatarta muuqata iyo sida muranku colaad afka ugu saaran yahay, waa daruuri in la helo dhex-dhexaadin caalami ah oo udhaxaysa labada dhinac. Bulshada caalamka oo ay horkacayaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo weliba adeegsanaya Golaha Ammaanka waa in ay culayska u badan saaraan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada/mucaaradka si ay u kulmaan maalmaha soo socda ayna dib uga istaagaan albaabka colaadda oo ay siyaasiyiinta Soomaalida garaacayaan. Labada dhinacna ma aysan kulmin ilaa 17-kii Sebtember oo ahayd markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada.

Sidee lagu yimid xaaladdan khatar ah? 

Afartii sano oo la soo dhaafay, doorashooyin goboleed ayaa ka dhacay dhammaan shanta maamul-goboleed. Marka laga reebo Puntland, dhammaan doorashooyinkii kale waxay ahaayeen kuwo aan hufnayn, oo laboobay oo natiijadu ay ahayd mid la sii qorsheeyey. Dowladda federaalka ayaa siday rabtay u maamulatay doorashooyinkii Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyada oo ujeeddadu ay ahayd in ay taageerayaasheeda kuraasta madaxnimada goboladaas ay ku fariisiyaan si ay madaxdaasi doorashooyinka heer federal guusha ugu salaxaan madaxda federaalka ee iyaga dhisay. Madaxweynaha hadda ee Jubaland isaguna doorashada gobolkaas isaga ayaa isa soo saaray dadkii la tartamayeyna suuragal uma ahayn in ay galaan doorasho ay si xor ah oo xalaal ah u tartami karaan. Doorashadaas kaddibna waxaa sii murgey khilaafka gobolka Gedo oo hadda noqday gobol Jubaland ka madax bannaan oo hoos taga Madaxweynaha dowladda Federaalka. 

Doorashoonyinkii la musuq-maasuqay ee ka dhacay maamul goboleedyada ayaa u gogol-xaaray hufnaan la’aanta hannaanka doorasho ee heer fedaraal. Marka laga fiiriyo dhanacyo badan, doorashooyinkii afartii sano ee u dambaysay ka qabsoomay maamul goboleedyada intooda badan waxay dalka u diyaariyeen marxalad cakiran oo dhalin karta qarax siyaasadeed, xilli doorasheedka baarlamaanka soo socda iyo madaxwaynaha qaranka. Hoggaamiyeyaasha dawladda federaalka waxa ay filayeen in doorashooyinkii xoogga iyo muraadsiga ku dhisnayd ee maamul goboleedyada ay intooda badan ka soo saareen saaxiibadood in marka la gaaro doorashooyinka heer qaran in ay xaggooda awoodda u janjeerin doonto. Dhanka kale, mucaaradka ayaa aaaminsan in ay adag tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, maaddaama dawladda federaalku ay muquunisay haddana ay maamusho saddax maamul goboleed iyo magaala madaxda, Muqdisho. 

Aragtidan kala kaan ka ah ayay ku salaysan tahay ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan. Waxaa dhinacyada is haya ka go’an siduu midba midka kale u muquunin lahaa ama u minja xaabin la haa. Saadaashuse ma muujinayso jawi quruxsan oo ay Soomaliya ku xasili karto. Waxaa dhici kara in jaha la’aanta siyaasaddu ay dib u furfurto nabaddii iyo nidaamkii dawliga ahaa ee beesha caalamku ay labaatankii sano ee la soo dhaafay tidcaysay. Ilaa iyo markii ay dib u yagleeddii saddexaad ee qaranka Soomaaliyeed ka billaabatay Jabuuti sannadkii 2000, waxaa dalka ka qabsoomay afar doorasho oo heer qaran ah, kuwaas oo guud ahaan ay saamileyda siyaasaddu heshiis ku ahaayeen, walow ay jireen dhalliilo iyo khaladaad cadcad.

Doodaha iska soo horjeeda 

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, dhinac waliba wuxuu fagaaraha la imanayaa dood muhiim u ah oo la xiriira is-maandhaafka ka aloosan doorashooyinka. Mucaaradku waxa ay aaminsan yihiin in Madaxwayne Farmaajo uu doonayo in uu doorashada u boobo si lamida sidii uu ka sameeyay saddex maamul goboleed. Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin in jawiga siyaasaseed ee maanta jira iyo muquuninta saddex maamul goboleed iyo Banaadir ay horseedayaan doorasho najiidadeeda la sii ogyahay. Marka lays ku daro Koonkur Galbeed, Gobolada Waqooyi, Galmudug, Hirshabeelle iyo Banaadir waxaa ka soo baxaya ku dhawaad 70% oo ah xubnaha baarlamaanka heer faderaal. Waxaa kale oo ay ka dacwoonayaan xaqqiiqada ah in Madaxwayne Farmaajo uu ku guul daraystay inuu isku dubbarido hannaan doorasho oo la isla oggol yahay sidii ay sameeyeen labadii madaxwayne ee isaga ka horreysay, oo weliba aan iyagu ku guulaysan doorashadii ay maamulayeen.

Dawladda fedaraalku, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo, waxa uu dhiniciisa ku doodayaa inuu sameeyay tanaasul badan, laga soo billaabo ka hariddii doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan xisbiyo tartama. Madaxwaynaha iyo dawladdiisu waxay ku biireen shirkii Dhuusamareeb 1, 2, iyo kii 3aad si niyad sami leh, walaw ay si cagajiid ah uga tanaasuleen doorosho qof iyo cod ah una aqbaleed in 301 ergooyin ah ay soo xulaan xubin walba oo ka tirsan 275 xubnood ee baarlamaanka aqalka hoose. Waxa ay mar labaad hoosta ka xariiqeen in uu madaxwaynuhu aqbalay dhimista ergooyinkan oo laga dhigay 101. 

Intaa waxaa dheer, hoggaanka dawladda fedaraalku waxa uu aaminsan yahay in isu-tagga musharaxiinta xilka madaxwaynaha, maamul goboleedka Puntland iyo Jubbaland ay si ula kac ah u xagal daacinayaan qabsoomidda doorashada si mudda xileedka Madaxwayne Farmaajo u dhamaado marka lagaaro 08 February 2021, kaddibna looga dhigo madaxwayne aan sharci ku joogin qasriga madaxtooyada. Kaba sii darane, hoggaanka dawladda federaalku wuxuu aaminsan yahay in ujeedka mucaaradku uu ku soo biyo shubanayo ku baaqidda inuusan dalku madaxwayne lahayn markii lagaaro 08 February.

Maxaa nala gudboon? 

Xaqiiqadii ma jiro xal si dhib yar u suurta galinaya ka gudubka ismariwaaga hadda aloosan. Lakiin abuurintaankii jawigii siyaasadeed ee furfuran iyo fikir wadaagii ka qabsoomay Garoowe asbuucyo ka hor, waxaan ka baranay in gundhiga xalku jiro haddii dhinacyada is haya la yimaaddaan go’aan adag iyo geesinimo ay ku gorgortamaan, isuguna tanaasulaan iyaga oo u danaynaya jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Annaga oo ka duulayna jawigii wanaagsanaa ee ka abuurmay shirkii Garowe, waxaan soo jeedineynaa talaabooyinkan soo socda ee xalka noqon kara:

• Guddiga Doorashooyinka: Marka koowaad, waxaan soo jeedineynaa in mucaaradku ay si deg deg ah ugu gudbiyaan magacyada ay ku andacoonayaan in ay ka mid yihiin shaqaalaha rayidka, taageerayaasha aan dhex-dhexaadka ahayn iyo iyo saraakiisha amniga, xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay (SRSG), oo ah hayadda matasha beesha caalamka. Si uu ugala shaqeeyo DFS sidii loo beddeli lahaa xubnaha aan kalsoonida lagu qabin, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii Sebtember-na isla markaana lagu beddelo xubno ka mid noqda guddiga doorashada kuwaas oo dhexdhexaad ah laguna kalsoonaan karo. 

• Marka labaad, waxaan ku talineynaa in dhammaan dowlad goboleedyadu ay soo beddelaan xubnihii guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul goboleedkooda ee ay soo magacaabeen, ee xilalka ka haya maamulladooda ama aan kalsoonida lagu qabin. 

• Tan seddexaad, waxaan u soo jeedineynaa DFS iyo dhammaan maamul goboleedyadu in ay u soo gudbiyaan Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ciddii beddeli laheyd xubnahaas aan kalsoonida lagu qabin, si uu ugala shaqeeyo dhinacyada oo dhan si loo hubiyo in xubnaha guddiyada doorashooyinku ay yihiin kuwo ay isla wadar ogol yihiin dhammaan saamilayda. 

Arrinka Somaliland: Waxa aan ku baaqaynaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Mahdi Gulled- oo ah labada masuul ee ugu sarreeya xubnaha Dowladda Federaalka ku matala Somaliland in ay si wada jir ah u soo magacaabaan guddiga maamulaya doorashada xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland. Waxa aynu aaminsan nahay in labada dhinacba ay diyaar u yihiin inay ka mira dhaliyaan arrinkaas sidii ay muujiyeen intii ay socdeen wadahadaladii Garoowe

Xaaladda gobolada Gedo & Hiiraan: 

Waxaan soo jeedineynaa in dadaallo kala duwan oo wada socda la sameeyo, si xal loo gaaro 

• Marka hore, waxaan ku talinaynaa in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo dhinacyada isku khilaafsan Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo sidoo kale in dib-u-heshiisiin laga dhex bilaabo beelaha isku khilaafsan ama kacdoonka ka wada goboladda Gedo iyo Hiiraan. Iyada oo la tixgelinayo cufnaanta ama baahsanaanta iyo is-shabahaadda caqabaadka ka taagan goboladaas, ayna si aan la kala saari karin ugu xiran yihiin doorashooyinkii goboladaas iyo awood qaybsiga dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubaland iyo weliba cabashooyinka qabaa’ilka qaar ee muddada dheer soo jiitamayey, waxaan soo jeedineynaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay la shaqeyso labada dowlad-goboleed si loo bilaabo geeddi-socod dib-u-heshiisiin rasmi ah oo loogu talagalay in si nidaamsan wax looga qabto cabashooyinka ay tabanayaan qabaa’ilka qaar. 

• Tan labaad, waxaan ku baaqaynaa in doorashooyinka labadaas gobol dib loo dhigo muddo kooban si dib-u-heshiisiin degdeg ah oo kooban looga bilaabo deegaanadaas, wadajirna looga shaqeeyo sidii ay ku guuleysan lahaayeen. 

• Tan saddexaad, waxaan soo jeedinaynaa marka horumar laga sameeyo dib-uheshiisiinta deegaanadaas, in ciidamo dhexdhexaad ah oo ka socda AMISOM (oo aan ahayn kuwa ka soo jeeda Kenya iyo Itoobiya) in la geeyo gobol kasta si ay u sugaan amniga magaalooyinka iyo goobaha lagu qabanayo doorashada. 

• Tan afraad, iyadoo la’ogyahay sida xaaladdu ay gacanta oga bixi karto mar kasta, waxaan soo jeedinaynaa in kooxda khubarada doorashooyinka ee Qaramada Midoobay loo xilsaaro abaabulka doorashooyinka gobolladaas iyagoo la kaashanaya hay’adda maamulka doorashada ee dowlad-goboleedyadaas. 

Talooyiikaasi aan soo jeedinay waxa ay si guud ula jaanqaadayaan heshiiskii 17-kii Sebtember 2020-kii lagu gaaray magaalada Mogadishu, ujeedkiisuna wuxuu yahay in loo helo xal dhexdhexaad ah khilaafka ka jira doorashooyinka oo ay ka imaan karto khatar aad u mugwayn oo aan laga soo kabsan doonin. Waxa aannu ognahay in Soomaaliya aysan xamili karin doorasho federaal ah oo lagu muransan yahay, kala qeybsanaanta qotoda dheer ee bulshada dhexdeeda ka jirta awgeed iyo sida ay u kala fog yihiin saamilayda siyaasadda.

Ugu dambeyn, waxa aan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka, in ay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii looga baaqsan lahaa dagaal sokeeye. Danayn la’aanta xal u helidda xaaladda khatarta ah ee muuqata ayaa noqon karta hagrasho. Xaqiiqduna waxa ay tahay, inkasta oo la sameeyey horumar baaxad leh 20-kii sano ee la soo dhaafay, haddana, Soomaaliya waxa ay weli ku tiirsan tahay taageerada ay ku bixiyaan beesha caalamka sugida amniga iyo adeegyada aasaasiga ah. In ka badan kala bar miisaaniyadda dowlada dhexe iyo qaybo muhiim ah oo ka mid ah miisaaniyadda dowlad goboleedyada, waxaa bixiya deeq-bixiyayaasha caalamka. Waxaa intaa dheer, in-kabadan 20,000 oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM in ay ka taageeraan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada sugida amniga dalka. Sababtaas awgeed, beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu leeyahay door muhiim ah iyo waliba waajibaad in uu dhexdhexaadin iyo dib-u-heshiisiin ka dhex sameeyo dhinacyada is haya marka ay xaaladdu u muuqato mid gacanta ka sii baxaysa oo aan la xakameyn karin.

Faalladan waxay kasoo baxday: Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda

Waalidiinta wiilashooda askar ahaanta loo geeyeey Eritrea oo hadlay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya walaaca lasoo dersay waalidiinta Soomaaliyeed, tan iyo markii uu soo shaac baxay warka sheegaya in dhalinyaro Soomaaliyeed ay dagaal ka galeen gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, isla markaana halkaas lagu dilay boqolaal askari oo Soomaali ah.

Caasimada Online oo xalay baahisay warkan waxaa tan iyo maanta la soo xariirayey waalidiin Soomaaliyeed oo aad u murugsan, kuwaas oo naga dalbanaya in ugu yaraan aan u raadino sawirrada ama magacyada dhalinyarada la sheegay in lagu dilay dagaalkii lagu jebiyey kooxdii TPLF.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa xalay shaaciyey in saraakiil Itoobiyaan ah ay xaqiijiyeen geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea, kuwaas oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

“Baaritaan iyo xiriirro aan la sameeyey meelo kala duwan, waxaa la ii xaqiijiyey in ciidanka Soomaalida ah ee dagaalka gobolka Tigray dhanka Eritrea ka soo galay ay gaarayaan illaa 4-kun oo askari, kuwaas oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Itoobiya oo dagaal adag la galay kooxdii TPLF. Waxyaabaha aan aad uga naxay ee nasiib darrada ah waxay tahay, in la ii sheegay in ku dhawaad 400 oo askari ay ka dhinteen dhalinyaradii Soomaaliyeed, boqolaal kalena ay dhaawac yihiin, dhaawacyadoodiina lagu celiyey dhulka Eritrea,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Dalka oo dhan waxaa maanta is qabsatay qeylo dhaanta waalidiinta ay wiilashoodu ka maqanyihiin, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay uga waday in dalka dibadiisa tababar lagu soo siinayo, kadibna lasoo celinayo, si gaar ah dadka waxaa loo sheegay dalka Qatar lagu soo tababarayo ciidankaas, balse xogtu waxay sheegeysaa in loo dhigay Eritrea oo ah dal dunida dhan ka xiran.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta isugu soo baxay oo warbaahinta la hadlay hooyooyin ku cataabaya in nolol iyo geeri toona ay dowladdu meel ugu sheegto wiilashoodii, halka waalidiinta qaar ay si adag u hanjabayeen.

Hooyooyinka qaar oo qabay xanuuno kala duwan sida Dhiigkar iyo Sunkor, waxay galeen xaalado koomo ah, markii uu soo yeeray warkan sheegaya in dagaal ay ku baaba’een la geliyey dhalinyaradii laga qaaday sanad ka hor.

Magaalada Gaalkacyo ayuu maanta ka dhacay banaanbixii ugu cuslaa, kaas oo ay dhigeen dad u badan haween wiilashoodii ay ku jireen dhalinta la la’yahay raq iyo ruux toona.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si adag uga hadlay arrintaas, iyagoo anfariir iyo qiyaano Qaran oo aan la isaga hari doonin ku tilmaamay hadii falkaas uu ku cadaado dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin warkan luxay qaluubta dadka Soomaaliyeed, arrinta la yaabka leh ayaa ah in qeyla dhaantu hal mar is qabsatay degmo illaa tuulo kasta oo gobollada dalka ah.

Hoos ka daawo cabashada waalidiinta qaar

GUULEED: “Waa qiyaano qaran haddii ay dowladda ku kacday arrinta loo haysto”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya siyaasiyiinta ka fal-celinaya wararka sheegaya in askar Soomaaliyeed lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, waxaana arrintaas hadii ay jirto qiyaano Qaran ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri, “Wararka la xiriira in askar Dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya halkaana in badan lagu xasuuqay, waa war hadduu sugnaado aad u culus, xanuun badan, anfariirleh, oo abuuri kara mowjado culus oo dalka dhexdiisa ah. Waa arrin nooga baahan baaris,dabagal dheeri ah iyo hubin.”

Cabdikariin ayaa sheegay in waalidiin badan oo caruuri ka maqantahay ay lasoo xiriireen, isagoo yiri, “Ilo dhinaca Itoobiya ah ayaa sidoo kale arrinta xoojinaya, laakiin culeeska ay arrintani leedahay darteed waxaan ku daba jirnaa in aan helno raqda iyo ruuxdii dhallinyaradaas habeenka madow laga daad gureeyay dalkooda, ayagoo hamigoodu ahaa inay dalkooda difaacaan.”

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in hadii ay cadaato arrintan ah in dagaalkii Itoobiya la geliyey dhallinyaro Soomaaliyeed ay tahay qiyaano Qaran oo weyn, taas oo uu sheegay inay ka cuslaa doonto wax walba oo ay dowladda Farmaajo ay ku kacday intii ay xilka heysay, waxeyna u baahan doontaa isla xisaabtan culus oo deg deg ah, sida uu hadalka u dhigay Cabdikariin.

“Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaya in aaney arrintani cadeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore. Waa iney u jawaabaan waalidka caruurtoodii maqantahay  oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la dardaarmay waalidinta Soomaaliyeed ayaa yiri, “Waalidiinta walaacsan waxaan ugu baaqaya iney is dajiyaan, oo si miir qableh aan carruurta u wada raadino. Sidoo kale dhinacyada siyaasaddu waa iney u istagaan hawshaan oo aan la sahashan.”

Mahad Salad oo shaaciyey xog argagax leh oo la xiriirta askartii la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan ciidamo ay dowladda federaalka u geysay dalka Eritrea sidii tobabar loogu soo siin lahaa, oo markii dambe qeyb ka noqday dagaalkii ay xukuumadda Abiy Ahmed ku qaaday maamulkii Tigreyga.

Waxa uu sheegay in ehelada iyo asxaabta dhalinyarada tobabarka loo geeyay Eritrea ay u xaqiijiyeen in dagaalkaas ay ka qeyb galeen saddex kun oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo badankoodu ku dhintay dagaalka Itoobiya, iyaga oo gacan siinaya xukuumadda Abiy.

Wiil kamid ah dhalinyaradii Soomaalida aheyd ee ka qeyb galay dagaalkaas, ayaa sheegay in nolol uu ku arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiray, taasi oo ka dhigeysa in kumanaankii kale ay intaas oo keliya ka bad-baadeen dagaalkii kululaa ee la galiyay dhalinyarada Soomaalida.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran.

Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana wax nool waxaan ka arkay 180 dhaawac oo anigu aan ku jiro!

Waxa ila soo xariiray dad badan oo isugu jira ehel iyo asxaab, sanad ka horna caruurtooda dalka Eratareeya loo qaaday nolol iyo geerina aan meel lagu sheegin.

Mid ka mid ah caruurtaas oo maalmo kahor la soo xiriiray eheladiisa wuxuu sheegay in la geeyay magaalada Mekele ee Gobolka Tigreega ayna ka qayb galeen dagaalkii halkaas ka socday, wuxuuna sheegay in tiradoodu ahayd 3,000 hadana wax nool uu ka arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiro.

Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uur ku taalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya.

Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala  baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!

Hon. Mahad Salad