25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

CC Shakuur oo shaaciyey kharashkii uga soo xarooday taageerayaashiisa + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay kharashka ay ugu taba-ruceen dadka taageersan xisbigiisa Wadajir, tan iyo markii uu si toos ah taageerada u weydiistay.

5-tii bishan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa iska soo duubay muuqaal uu shacabka ku weydiidanayo inay siiyaan kharash uu ku galo doorashada.

Muuqaal kale oo uu maanta iska soo duubay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku sheegay in lacag dhan 50-kun oo dollar ay soo gaartay, taas oo dadka taageersan ay ku soo shubeen akoonadii iyo lambarradii uu soo bandhigay.

“Tdobaad ka hor ayaan dadka Soomaaliyeed ka codsanay inay na taageeraan, dadka Soomaaliyeed si togan ayey uga jawaabeen baaqeenii, markii aan fiirinay bangiyadii iyo lambaradii waxaa noo soo xarootay lacag dhan $50,000 (Konton kun oo dollar), waan u mahad celineynaa dadkii nagu taageeray lacagtaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka Daawo

Shan qof oo GALGADUUD loogu gaystay dil la xiriira saraakiishii horey loo dilay

0

Balambal (Caasimada Online) – Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa galabta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.

Magacyada ragga maanta la dilay ayaa kala ah: 1- Gaarane Cawil Samatar, 2- Cabdi Xirsi Carab Kaahiye, 3- Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4- Cadaawe Xirsi Lugey, 5- Ibnu Calidhere Xirsi Cawaale.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta maanta lagu dilay dadkan waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii maanta lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xooga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudwaaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraakiishii la laayey bishii hore iyo ragga maanta la dilay.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Falagle

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin ‘oo maanta la dilay’

Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkaas Seyoum Mesfin lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

General Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa qeybta daad-gureynta ciidamada Ethiopia ayaa sheegay in Mesfin lala dilay madaxii hore ee abaabulka baarlamanka Ethiopia Asmelash Woldeselassie, iyo wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye.

Ayalew ayaa sidoo kale sheegay in shan sarkaal oo kale oo rayid ah iyo saraakiil ciidan lagu qabtay howlgal ay ciidamada militariga fuliyeen, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ethiopia.

Mesfin ayaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda intii lagu guda jiray howlgalii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen Soomaaliya 2006, xilligaasi oo ay kula dagaalameen maxkamadaha Islaamiga ah iyo shacabkii muqaawamada. Waxaa uu xilkan hayey 1991-kii illaa 2010-kii

Waxa uu mid ka mid ah xubnaha ugu dhow ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi, ayada oo lagu sheegi jiray inuu ahaa maskaxda hagta. Labadaba waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Tigray-ga.

Sawirro: Safiirada Qatar iyo Turkey oo si wadajir ah ula kumay Rooble + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay Tdalka urkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Xog ku saabsan qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qarax maanta ka dhacay Suuqaha ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun Ganacsi oo lagu magacaabo Waaya Arag Electronics oo ku taalla jidka Shirkadaha ee Suuqa Bakaaraha.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan oo ku saabsan waxa uu ka dhashay, wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhashay haan Gaas oo taalay iridda hore ee Xarunta, halka warar kalana ay sheegayaan inuu ahaa qarax lasoo dhigay iridda hore ee Waaya Arag Electronics.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goob joogayaal, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Waaya Arag Electronics, sidoo kalana waxaa jiro khasaaro maaliyadeed.

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan ku aadan waxa uu ahaa qaraxaan inkastoo laamaha ammaanka aysan weli warbixin soo saarin.

Xog: Lafta-Gareen oo ku fashilmay dalab uu hordhigay Axmed Madoobe iyo Deni

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo si weyn uga soo horjeeda hanaanka doorashada.

Lafta-gareen oo shalay ku laabtay Baydhabo ayaa bilaabay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan doorashada, midaasi oo uu hore ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug, Qoor-Qoor.
Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday  inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Hheer dowlad goboleed, kadibna laga wada-hadlo xal u helista khilaafka doorashada.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa durba diiday dalab uu Lafta Gareen usoo gudbiyey oo ahaa inay marka hore soo magacaabaan guddiyada doorashada kadibna la galo xalka khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu sheegay Lafta Gareen in aysan soo magacabeyn guddiyada doorashada illaa xal laga gaaro muranka Doorashada sidoo kalana ay Dowladda Soomaaliya ciidamada kasoo celiso Gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in dalabka uu Lafta-gareen u gudbiyay labada madaxweyne uu hore madaxweyne Deni uga diiday ra’iisal wasaare Rooble, xili uu socdaal ku tagay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Waanwaanta Lafta-gareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa u muuqata mid aan natiijo kasoo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo hore loogu fashilmay.

Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xaliyo,waxaana xubnaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen  inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo mudada xil heyntiisa ay uga dhiman tahay wax ka yar bil ayaa weli ka dhaga adeegaya baaqyada uga imaanayo midowga Musharixiinta oo ah inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

 

Cumar Filish oo oo lagu soo wareejinayo shaqo ay horey u haysay wasiir Fowsiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka caafimaadka, Fowsiya Abuubakar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa gacan ku haynta maamulka caafimaadka, kaasi oo ay hadda gacanta ku hayso Wasiir Fowsiya.

Ujeedka kulankan oo ahaa sidii loo daadejin lahaa adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay dhiseen guddi labo geesood ah.

Guddiga cusub ee Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir ay dhiseen ayaa waxay ka wada shaqeyn doona sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.

Wasiir Fowsiya oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in guddiyada labada dhinac ay xooga saari doonaan sidii bishan gudaheeda xarumaha caafimaad ugu wareejin lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, oo uu horkacayo Cumar Filish.

Sidoo kale guddoomiye Filish oo ka hadlay kulankaas ayaa isaguna sheegay in qorshahan ay kula wareegayaan caafimaadka uu wax badan ka bedeli doono tayada caafimaadka ee gobolka.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu isbedel wax ku ool ah ay ka sameyn doonaan caafimaadka dalka oo wajahaya xaalado kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan wada saxiixan doona heshiiskan loogu wareejinayo gobolka maamulka xarumaha caafimaad.

Guddoomiye Xaliimo Yareey: Dowlad aan Xalane laga xukumin aan sameysano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee doorashooyinka dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay’addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka.

Guddoomyea Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in dalka dhibaatooyin kala duwan uu soo maray ilaa markii dambe la diyaariyay dastuus qabyo ah oo u baahan in la dhammeysto, shaqadaasna ay tahay mid ay qabaneyso Hay’adda u xilsaaran oo aan dhisneen.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeedisay in qadarin uu u baahan yahay Dastuurka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay’adda qaadaneysa mas’uuliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado.

“Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sidaas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay’addii inoo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la waayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay,” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri “Dowlad Goboleedyada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan waana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo.”.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay’adda ilaalisa dastuurka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso.

Ugu dambeyntii Xaliima Yarey ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga  Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.

R/Wasaare Rooble oo dardar-gelinta doorashooyinka u xil-saaray Cabdixakiin Ashkir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wasiiru dowlaha xafiiskiisa Cabdixakiin Xasan Ashkir u xil-saaray dardar-gelinta howlaha doorashooyinka ee la filayo inay dhowaan ka dhacaan dalka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waaa lagu sheegay inuu Askhir shaqeyn doono howlaha isku xirka iyo wada shaqeynta xukuumadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo hay’adaha caalamiga ee dusha kala soconaya doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa warqaddan lagu sheegay inay muhiimadu tahay dhaqan-gelinta heshiiskii horey looga gooray doorashooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya oo horey ugu dhowaaqay hirgelinta doorashada ayaa dadaal badan ku bixineyso sidii loo bilaabi lahaa howlaha doorashooyinka oo uu muran ka jiro.

Musharraxiinta mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa weli dhankooda tabasho ka muuijinayo hannaanka ay doorashooyinka ku wajaheyso dowladda dhexe.

Sikastaba xaaladda dalka ayaa ah mid cakiran, iyadoo beesha caalamkuna ay ku baaqday inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo doorashada iyo heshiiskii Muqdisho.

Xog: Afar arrin oo Farmaajo ku qasbeysa inuu wada-hadal ka galo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis xooggan ku saaraya saddexda madaxweyne goboleed ee taabicyiinta ah ee Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe inay billaabaan doorashada Aqalka Sare.

Si kastaba, waxaa xog ku heleynaa inay aad uga cago jiidayaan arrintan, sababtuna ay tahay cabsi ay ka qabaan inay dalka u horseedaan dagaa sokeeye.

Madaxweyne Farmaajo oo si kasta isugu dayey inuu dalka ka qabto doorasho aan wadar ogol aheyn ayaa waxaa muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya uu ku qasban-yahay in uu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya si loo dhaqaajiyo howlaha horyaalla dowlada iyo guud ahaan dalka.

Sida ay qabaan sharci yaqaanada iyo siyaasiin badan waxaa jiro daruufo Madaxweyne Farmaajo ku qasbaya inuu wadahadal ka galo doorashada Soomaaliya, islamarkaana sameeyo tanaasul si looga gudbo caqabadaha doorashada ku horgudban.

Daruufaha Madaxweynaha ku qasbabaya in uu heshiis galo ayaa kala ah

1- In muddo xileedkiisa uu dhamaad yahay oo ay ka harsan yihiin 25 maalmood oo kaliya, taasi oo macnaheedu yahay in firaaq awoodeed uu dalka ka dhici karo, haddii aan la helin heshiis deg deg ah.

2- In haddii uu dhamaado muddo xileedkiisa uusan yeelan doonin awood sharci oo uu ku meel mariyo go’aan walba oo xafiiskiisa laga soo saaro, taas oo keeni karta in wax badan uu ku waayo.

3- In uu jiro culeys badan oo dhanka beesha caalamka ah oo madaxweynaha la saaray muddooyinkii ugu dambeeyay, ayada oo beesha caalamka ay u sheegtay inaysan maal-gelin doonin doorasho aan wadar-ogol aheyn, waxaana qoraal shalay kasoo baxay ay ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada.

4- Cabsi uu ka qabo in uu sabab u noqdo qalalaaso dagaal ama rabashado dalka ka dhaca, islamarkaana uu sabab u noqdo in dalka ku laabto meeshii uu taagnaa 30 sano ka hor, xilli u ahaa Madaxweynihii loogu rajada wanaagsanaa burburkii kadib.

5- In madaxweyne goboleedyadii ku garabka ahaa ee uu isku haleynayey ay ka cago jiidayaan inay qabtaan doorasho aan wadar ogol aheyn, taasi oo markii hore uu qorshuhu ahaa.

Arrimahaan oo dhan  ayaa la aaminsan yahay in 10-ka maalmood ee soo aadan dalka u jiheyn doonaan heshiis ka roon midka hadda ee doorashada Soomaaliya, waxaana muuqata rajo ay qabaan mucaaradka iyo guud ahaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.

Dhageyso: Daahir Geelle oo shaaciyey arrin yaab leh oo uu QOOR QOOR ku yiri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu si marqaati leh u shaaciyey in uusan dhexdahxaad aheyn, hadda kadibna aan dhexdhaxaad lagu tilmaami karin.

“Runtii Madaxweyne Qoor Qoor waxaan ka rabnay inuu noqdo dhexdhaxaad, laakiin xalay waxa uu noo sheegay in uusan dhexdhaxaad aheyn isagu, marka dhexdhaxaadiye aan dhexdhaxaad aheyn waxaa hareer mari karta guusha, Axmed Qoor Qoor anagoo aad u xurmeyneyna waxa uu si marqaati leh noogu sheegay arrinta socota in uusan dhexdhaxaad ka aheyn, marka dadku waa inay nala fahmaan natiijada ka dhalan karta qof aan dhexdhaxaad aheyn markii uu wax dhexdhaxaadi tago,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Geelle oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada markii ay la kulmeen ay uga jawaabi waayeen su’aal ay qabeen oo aheyd in doorashada bilaabayaan oo go’aankoodii ay ka dhabeynayaan iyo inay raadinayaan xal kale’.

“Waxaan la kulanay madaxweynayaasha seddax maamul goboleed, waxaan u sheegnay in maqnaashaha Jubbaland iyo Puntland ay qad casaana tahay oo lagama gudbaan ah, isla markaana loo baahanyahay in lagu dhaqaaqo tallaabo lagu wada qanacsan yahay,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku wargeliyeen ‘waan ka soconeynaa wax la yiraa in aan la iska yeeli doonin’ iyaguna ay u sheegeen inay xal kale raadinayaan oo go’aankoodii aysan ku dhaqaaqi doonin.

“Aragtiyo waan is dhaafsanay, laakiin isma aanaa qancin ee waxbaan isla soo dhaweynay, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaan ku niri xiriir sameey oo la xariir maamullada maqan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay la kulmeen ay ka balan qaadeen in go’aankoodii ay dib ugu laabanayaan, isla markaana ay la xariirayaan madaxda maamul goboleedyada maqan ee Jubbaland iyo Puntland.

Hoos ka dhageyso

R/W Rooble: “Haweiye 12.5% ayey Soomaaliya ka yihiin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisuul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ee Hawiye ay tiro aad u yar ka yihiin Soomaaliya.

Rooble oo habeen hore hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay suxufiyiin iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta ayaa yiri “Qabaa’ilka labada ah ee Galmudug iyo HirShabeelle kasoo jeeda oo aan aniga ka dhashay waxay siyaasadda Soomaaliya ka matalaan 12.5% oo kaliya, balse waxay isku muujiyaan in ay siyaasadda hoggaamiyaan, looma joojinaayo.” 

Ra’iisul wasaaraha oo caro xooggan ay wejigiisa ka muuqatay ayaa inta badan kulanka oo saddex saacadood qaatay uga hadlayay dhaliisha beesha Hawiye illaa uu tibaaxay in mushkilladda Soomaaliya ay iyagu yihiin.

Ma cadda sababta uu Rooble u beegsaday beeshiisa, hase yeeshee waxaa loo macneyn karaa in inta badan musharaxiinta mucaaradka ah ee ay is-hayaan dowladda ay kasoo jeedaan beesha Hawiye.

Waxaase xusid mudan in khilaafka doorashada uusan aheyn mid u dhaxeeya kaliya dowladda iyo musharaxiinta balse ay sidoo kale qeyb ka yihiin maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Rooble ayaa sidoo kale weeraray oo “tuugo” ku tilmaamay madaxweynayaashii hore ee dalka ee iminka u tartamaya xilka madaweynaha isaga oo raaciyay in ay doonayaan inay dalka “qalalaase” u horseedaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya iyada oo muran xooggan iyo welwel uu dhaliyay go’aankii ay xukuumaddiisa shaacisay ee ahaa in la qabanayo doorasho ay ka maqan yihiin dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Taliye Maxamed Dheere oo qarax lagu dhaawacay

0

Baardheere (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen duleedka degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmadaas, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada fuliyey howl-galladaasi uu hoggaaminayey taliyaha ururka 49 aad guutada 10 aad qeybta 43 aad ee Xoogga dalka Gaashaanle dhexe Maxamed Dheere lala eegtay qarax miino, xilli ay ku sii jeedeen deegaanada ay howl-gallada ka sameeyeen.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaariga taliyaha oo uu dhaawac ka soo gaaray miinada qabsatay gaarigiisa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Xoogga ay sii wateen dhaq-dhaqaaqyadooda, iygaga oo burburiyey saldhigyo Al-Shabaab ay ku laheyd halkaasi.

Saraakiisha milatariga ayaa sidookale shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay meydkiisa soo bandhigeen.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, si deegaanada ay hesyaan looga saaro Al-Shabaab.

SHIR muhiim ah oo maanta ka furmay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan hay’addaha cadaalada heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan ayaa waxa diirada lagu saari doona qodobo ay kamid yihiin xal u helida Musuq-maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurk iyo qoddobo kale, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka.

Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale, oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare, sidoo kalena ah Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka ayaa carabka ku adkeeyay in shirkan uu door muhiim ah ka qaadanayo tayeynta Garsoorka.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ah  Hay’addaha Garsoorka Mas’uuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka, Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka iyo Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka.

Waxaa uu socon doona shirkan muddo labo cisho ah, waxaana dadka ka qeyb galaya lagu sheegay in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo jsugu jira mas’uuliyiin, sharciyaqaano iyo khubaro dhanka Garsoorka ah.

Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu tilmaama mid ku dhisan eex iyo musuq-maasuq, inkasta oo eedeyntaasi ay gaashanka u daruureen hay’addaha Garsoorka dalka.

Somaliland oo soo saartay digniin iyo dacwad ka dhan ah dad ku sugan Muqdisho

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay digniin adag kasoo saartay ciyaartooy kasoo jeeda deegaanadeeda oo ka qeyb-galay tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin ayaa sheegay in ciyaartoyda ka qeyb-gashay tartankii ka dhacay Muqdisho ay yihiin dambiilayaal qaran.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay dhalinyaradaas inay yihiin qaran dumis, maadama ay qaateen magac ka gedisan midka dalkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Cdkasta oo reer Somaliland ah oo aan ku ciyaarin Magaca reer Soomaliland waa dambiile qaran dumis ah ilaa iyo inta uu cafis uga weeydiisanayo Madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri agaasime C/rashiid Ceydiid.

Waxa uu xusay in liiska magacyada dhalinyaradii ka qeyb-gashay tartankii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ay u gudbiyeen Hay’adaha Amniga iyo Xeer ilaalinta Somaliland, si maxkamad loola tiigsado marka ay soo laabtaan.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo beesh caalamka u aqoonsan tahay dowlad goboleed ka tirsan Jamuuriyada.

Xukuumadda ayaa waxay inta badana xarig kula kacda shaqsiyadka caanka ah ee kasoo jeeda deegaanadeed ee u safra magaalada Muqdisho, iyada oo Somaliland ka mamnuucday siyaasiyiinta kasoo jeeda ee xillka ka haya dowladda federaalka.

Ciidamada GALMUDUG oo maanta qarax fashiliyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Galmudug oo howl-gallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa fashiliyey qarax la doonayey in laga fuliyo magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu aasay goob fariisin u ah ciidamada ammaanka oo ku taalla bartamaha Dhuusamareeb, iyada oo laamaha amniga ay soo saareen.

Taliska Booliiska Dhuusamareeb oo ka warbixiyey howl-galladaas ayaa sheegay inay ka war-heleen qaraxa, islamarkaana ay fashiliyeen.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi ku daray in miinadaas la doonayey in lagu waxyeelo dadka shacabka ah.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii u dambeeyey baaritaano dheeraad ah ka waday Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-galada ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo alaaba baaritaano ka sameeya halkaasi.

Ilhaan Cumar oo mar kale weerar ku qaaday Trump

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markale weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha dalkaasi ee laga guuleystay Donald Trump, iyada oo ku eedeysay rabshadihii u dambeeyey ee dhacay.

Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Trump uu geystay dambiyo badan muddada uu uu joogay xafiiska, sidoo kalena uu dhiiro-geliyey weerarkii dhismaha Capitol.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay in Trump uu halis ku yahay dadka iyo dowladda Mareykanka, sida ay hadalkau dhigtay.

“Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kulligood waxay isugu imaanayaan in madaxweynaha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in dowladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad badan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxweynaha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,” ayey tiri.

Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in xisbiga Dimuqraaddiga uu la imaan doono is-bedal xoogan oo nolol & horumar u horseedi doono dadka oo dhan.

“Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuqraaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolosha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan. Waxaan rajeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen doonno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jireen iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan,”.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta la filayo in Aqalka Wakiilada Mareykanka uu ka doodo xilka qaadista Trump oo loo heystaa rabshadihii dhacay.

Itoobiya iyo Suudaan oo isu ciidamo aruursanaya iyo dagaal laga cabsi qabo

0

Khartoum (Caasimadda Online) – Xuduudda u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Sudan ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto saan-saan colaadeed maadaama warbaahinta maxaliga ah ee wadanka Sudan ay baahiyeen in labada dowladood ay ciidamo hor leh halkaas geeyeen.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer leh dalka Sudan oo xiganaya ilo wareedyo uu ku kalsoon yahay ayaa sheegay in Itoobiya ay kumanaan askari geysay xuduudka labada dal iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal labada dowladood u dhaxeeya.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in alfashqah oo ah aag ay dhawaan xoog ku qabsadeen ciidamada Sudan lagu arkay diyaarado dagaal oo ay leeyahiin Itoobiya oo ku gaaf wareegaya.

Gobolka xuduudda dhaca waxaa dagan amxaarada, waxaana la sheegay in shan dumar ah oo reer Sudan ah weerar dhuumasho ah lagu dilay inta lagu jiro bishaan, taasna ay sare u qaadeyso cabsida dagaal ee la filan karo.

Dowladda dhawaan talada la wareegtay ee Sudan ayaa ciidamo badan geysay labada gobol ee xuduudka la leh Eritrea iyo Ethiopia ee Alqadaarif iyo alkasalaha.

Dhulka ay militariga Sudan qabsadeen bishii lasoo dhaafay waa dhul xagga dhaqaalaha kaalin weyn ugu jiray ismaamulka amxaarada waxeyna xukuumadda ku cadaadinayaan in dhulkaas dib loo soo celiyo.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabab iyo dagaal-yahano uu wato oo ku biiray kooxda Daacish

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay wehliyaan 20 dagaalyahan kale ayaa ku biiray kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Sida la baahiyay sarkaalkaan waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo garan ogyahay Mousa al Muhajir.

Inkastoo aan la ogeyn sababta xiligaan kusoo beegtay inuu ku biiro kooxda ugubka ku ah Soomaaliya, hadana sida ay xogo sirdoon shaaciyeen wuxuu ahaa sarkaal aad caan uga ah Al-Shabaab dhexdeeda.

Xogaha la baahiyay waxaa ka mid ah in sarkaalkaan uu muran xoogan ka dhex dhaliyay kooxda uu ku biiray, wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii kooxda ISIS ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana la xasusutaa iney dhawr jeer ku dagaalameen labada kooxood qeybo ka mid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Somaliland oo dad u xirtay weerarkii Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Weerarka oo lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 3 qof oo isugu jiro askar & shacab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xalay howl-gallo ka sameeyey gudaha magaaladaasi ay xireen dad dhowr ah oo looga shakisan yahay weerarkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadka la soo qabtay ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan ku lug-lahaanshaha qaraxaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, iyada oo uu si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, dadka iyo gaadiidka.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan, iyada oo ay howl-gallo ka bilaabeen ciidanka Somaliland.