25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xisbiga Shariif oo war ka soo saaray dagaalkii ay la galeen DF iyo qodobada heshiiska

Muqdisho (Caasimada Online) — Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay xaruntiisa degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, iyo heshiiska laga gaaray.

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga, oo ku taariikheysnaa 6-da June 2026, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta xisbiga uu dhacay 3-dii June, xilli ay madaxda iyo howl-wadeennada Himilo Qaran ku jireen qaban-qaabada bannaanbax nabadeed oo la qorsheynayey in lagu qabto Muqdisho 4-tii June.

Xisbiga ayaa sheegay in bannaanbaxaasi uu ahaa mid shacabka Muqdisho loogu oggolaan lahaa inay muujiyaan aragtidooda ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, balse uu si lama filaan ah u dhacay weerar lagu qaaday xaruntii howshu ka socotay.

Himilo Qaran ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda inay adeegsadeen hub culus, hoobiyeyaal, madaafiic iyo daroonno is-qarxiya, kuwaas oo xisbigu sheegay in markii hore loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Ciidanka nasoo weeraray waxay adeegsanayeen noocyada kala duwan ee hubkii ay noogu deeqeen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, kaasoo loogu talagalay la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyey waxa uu ku tilmaamay weerar qaawan oo lagu qaaday xaruntiisa, wuxuuna sheegay in ilaaladiisa ay ka hortageen weerarka, iyagoo muujiyey dulqaad iyo mas’uuliyad.

Qoraalka Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in kadib weerarka ay bilowdeen dadaallo ay wadeen wakiillo ka socday beesha caalamka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, kuwaas oo lagu doonayey in lagu dejiyo xaaladda lana joojiyo isku dhaca.

Xisbiga ayaa sheegay in 4-tii June lagu gaaray qodobo dhowr ah, oo ay ka mid ahaayeen in si shuruud la’aan ah xabbadda loo joojiyo, ciidamada la kala qaado, lana bilaabo wada-hadallo siyaasadeed oo looga arrinsanayo mustaqbalka dalka iyo hannaanka lagu maamulayo marxaladda kala guurka ah.

Qodobada kale ee la sheegay in lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in loo oggolaado ciidamada uu xisbigu sheegay in “la soo khalday” inay goobta ka jiitaan gaadiid iyo agab ka gubtay, iyo in aan ciidamo la soo dhoweyn xarunta cusub ee Himilo Qaran ee ku taalla xeebta Liido.

Hase yeeshee, Himilo Qaran ayaa ku eedeysay Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyey xabbad-joojintii la gaaray, kadib markii — sida uu xisbigu sheegay — ciidamo ka tirsan NISA ay jid-gooyo dhigteen xilli kolonyo ay la socdeen wakiillo ka socda beesha caalamka ay ku sii jeedeen xarunta xisbiga.

Xisbiga ayaa sheegay in saacadihii ay xiisaddu taagneyd Shariif Sheekh Axmed uu dadaal badan geliyey in laga hortago isku dhac hor leh, lana dulqaato inta xal laga gaarayo xaaladda.

“Waxa xusid mudan in saacadihii jid-gooyada loo dhigtay kolonyada uu madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed dadaal dheer ku bixiyey inaan isku dhac imaan oo la dulqaato inta xal laga gaarayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Himilo Qaran ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey safiirradii iyo xubnihii kale ee ku baxay dejinta xaaladda, balse wuxuu sheegay in dhacdadan ay noqon doonto “taariikh madow” oo uu xisbigu ku xusuusan doono Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeedka Himilo Qaran ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen howlgal 48 saacadood socday oo lagu wajahiyey kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay amni-darro ka wadeen Muqdisho.

Dowladda ayaa ku eedeysay siyaasiyiin mucaarad ah inay abaabuleen maleeshiyaad hubeysan, halka mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen inay xoog u adeegsatay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha dowladda.

DF oo sheegtay in maal-gelin calami ah ay ka dambeysay rabshadihii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalgelin abaabulan ay ka dambeysay rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho, xilli ay ciidamada ammaanka ku dhawaaqeen inay soo afjareen howlgal 48 saacadood socday oo ka dhan ahaa kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiin mucaarad ah.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la jebiyey dad uu ku tilmaamay kuwo “la soo abaabulay lana maalgeliyey” si ay u wiiqaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Shirqoolkoodii hortooda ayuu ku burburay, waxaana laga riixay bartilmaameedyadii ay doonayeen inay weeraraan,” ayuu Cabdulqaadir ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Wasiirka ma magacaabin cidda uu ku eedeynayo inay maalgelisay rabshadaha, balse hadalkiisa ayaa muujinaya in dowladda ay rumeysan tahay in qalalaasaha Muqdisho uu lahaa taageero abaabulan oo ka baxsan kooxihii hubeysnaa ee goobta joogay iyo dowlado shisheeye.

“Dadka maalgeliyey mashruucan fashilmay, waxa keliya ee ay ka heleen waa jab,” ayuu yiri. “Markii ay ku guuldarreysteen ujeeddooyinkoodii, hadda waxay xisaabinayaan khasaaraha ka dhashay khaladkii ay galeen.”

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo gabagabeeyeen howlgal 48 saacadood socday oo Muqdisho laga fuliyey, kaas oo ay sheegtay in looga hortagayey maleeshiyaad abaabulan oo doonayey inay amni-darro ka abuuraan caasimadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxo hubeysan oo watay hub culus ay galeen xaafado ka tirsan Muqdisho, kadibna ay weerareen ciidamada booliska iyo dad rayid ah.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada ammaanka ay si taxaddar leh ula tacaaleen kooxahaas, oo ay ku eedeysay inay abaabuleen siyaasiyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu qabtay hub ay lahayeen maleeshiyaad ay ku tilmaantay sharci-darro, islamarkaana hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka ay bilaabeen baaritaanno rasmi ah.

Waxay sheegtay in qof kasta oo lagu helo inuu qeyb ka qaatay falalkaas la horgeyn doono cadaaladda.

Dowladda ayaa sidoo kale ku hanjabtay inaysan aqbali doonin maleeshiyaad hubeysan iyo hub sharci-darro ah, iyadoo sheegtay in cid kasta oo ku lug yeelata falal noocaas ah ay wajihi doonto tallaabo adag oo sharci ah.

Mucaaradka ayaa dhankooda si adag u beeniyey eedeymaha dowladda, waxayna ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xoog u adeegsaday siyaasiyiin ka soo horjeeda xilli uu taagan yahay muran la xiriira doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka.

Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu amray weerar militari oo joogto ah, kaas oo uu sheegay in ujeeddadiisu ahayd in lagu dilo isaga, Shariif Sheekh Axmed, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa isna dowladda ku eedeeyey inay weerartay gurigiisa oo ku yaalla aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay hareereeyeen islamarkaana rasaas ku fureen hoygiisa.

Labada mas’uul ayaa tan iyo markaas ka baxay goobihii xiisadda badani ka taagneyd, tallaabadaas oo ilo siyaasadeed ay ku tilmaameen dadaal lagu qaboojinayo xaaladda caasimadda.

Muqdisho ayaa Jimcihii u muuqatay mid deggen, kadib maalmo ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, rasaas iyo iska horimaadyo abuuray cabsi ah in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu isu beddelo dagaal magaalo oo ballaaran.

Dhimasho iyo dhaawac hor leh oo ka dhashay dagaalkii DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay iska hor-imaadyadii magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, halka 189 kalena ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 12,500 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kadib rabshadihii saameeyay qaybo ka mid ah caasimadda.

Dadka dhibaatadu saamaysay ayaa u badan kuwo aad u nugul oo isugu jira haween, carruur, dad da’ ah iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Hay’adda ayaa sheegtay in dagaalku uusan u aabayeelin qaxootiga iyo magangalyo-doonka, kuwaas oo iyaguna mar kale wajahay barakac hor leh, taas oo sii murgisay xaaladdoodii markii horeba cuslayd.

“Khatarahan oo isku dhafan ayaa leh saamayn xilligan la joogo iyo mid mustaqbalka fog intaba. Dadka rayidka ah ayaa wajahaya dhibaatooyin toos ah iyo kuwo dadban, waxaana barakaca khasabka ah uu horseeday khataro labaad oo ay ka mid yihiin gabaad la’aan iyo caqabado dhanka gargaarka ah,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

Hoos ka akhriso warbixinta oo turjuman:

Warbixin gaar ah: Saamaynta bini’aadannimo ee ka dhalatay colaaddii hubaysnayd ee magaalada Muqdisho

Xaalad bini’aadannimo oo aad u daran ayaa ka dhalatay gacan-ka-hadal hubaysan oo habeenkii 3-dii Juun ka qarxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubaysan oo taabacsan mucaaradka ayaa sababay khatar weyn oo soo wajahday nolosha iyo badbaadada dadka rayidka ah, xilli ay magaalada ka jireen xiisado siyaasadeed oo aad u kacsan.

Colaadda ayaa ka soo bilaabatay agagaarka Isgoyska Dabka, iyadoo si degdeg ah ugu fiday degmooyinka dadku ku badan yihiin ee Howl-wadaag, Cabdicasiis, Hodan, Wardhiigley iyo qaybo ka mid ah degmada Kaaraan.

Inkasta oo haatan ay istaagtay xabbaddii tooska ahayd, haddana saamayntii xumayd ee dhinaca bini’aadannimada iyo baahida badbaadinta shacabka ayaa weli ah mid taagan oo gargaar degdeg ah u baahan.

Xogaha hordhaca ah ee ay ururiyeen hay’adaha ilaalinta iyo badbaadada ayaa muujinaya in ilaa 12,500 oo qoys ay guryahooda ka barakaceen saacadihii la soo dhaafay.

Dadkan dhibaatadu saamaysay ayaa u badan kuwo aad u nugul oo isugu jira haween, carruur, dad da’ ah iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Dagaalkani uma uusan aabayeelin qaxootiga iyo magangalyo-doonka, kuwaas oo iyaguna mar kale wajahay barakac hor leh, arrintaas oo sii murgisay xaaladdoodii markii horeba cuslayd.

Khasaaraha nafeed ee rasmiga ah ee ilaa haatan la xaqiijiyay ayaa isugu jira ugu yaraan 13 qof oo shacab ah oo dhintay iyo 189 kale oo dhaawac ah. Sidoo kale, waxaa goobo kala duwan, gaar ahaan degmada Cabdicasiis, lagu arkayay guryo ay rasaastu halakaysay, iyadoo dad rayid ah ay ku go’doomeen xaafadahooda oo ay u suurtoobi weyday inay ka baxsadaan rasaasta, arrintaas oo khatar weyn gelisay noloshooda.

Xoogaysiga dagaalkan ka dhex qarxay goobaha sida aadka ah loo deggan yahay ayaa abuuray dhibaato dhinacyo badan taabanaysa. Khatarahan oo isku dhafan ayaa leh saamayn xilligan la joogo iyo mid mustaqbalka fog intaba.

Dadka rayidka ah ayaa wajahaya dhibaatooyin toos ah iyo kuwo dadban, waxaana barakaca khasabka ah uu horseeday khataro labaad oo ay ka mid yihiin gabaad la’aan iyo caqabado dhanka gargaarka ah.

Carqaladaynta isku-xidhka qoysaska ayaa iyaduna kordhinaysa cabsida laga qabo kala-tagga qoysaska, gaar ahaan waalidiinta iyo carruurtooda, halka xaddidaadda dhaqdhaqaaqa iyo dhibaatooyinka nafsaaniga ah ay abuureen cabsi laga qabo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, dhiig-miirashada iyo tacaddiyada kale.

Dhinaca kale, qaxootiga, magangalyo-doonka iyo qaybaha kale ee bulshada ee aadka u nugul ayaa wajahaya khataro gaar ah oo la xiriira badbaadadooda, waxaana arrintan sii adkeeyay aqoonsi la’aanta horseedday xannibaado dhinaca dhaqdhaqaaqa ah iyo cabsi la xiriirta xarig.

Haweenka qoysaska biila, waayeelka iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa xaaladdoodu uga sii dartay markii ay waayeen taageeradii bulshada iyo adeegyadii aasaasiga ahaa. Sidaas darteed, hay’adaha badbaadadu waxay ku baaqayaan gurmad loo dhan yahay oo si gaar ah wax uga qabanaya baahiyaha dadkan nugul.

Ugu dambayn, hay’adaha u dooda xuquuqda iyo badbaadada shacabka ayaa si xooggan u muujiyay walaaca qotoda dheer ee ay ka qabaan saamaynta colaaddani ku yeelatay dadka rayidka ah. Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada hubaysan inay si buuxda u dhowraan sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada iyo kan xuquuqda aadanaha, ayna kala saaraan dadka rayidka ah iyo kuwa dagaallamaya.

Waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo goobaha danta guud, isla markaana la fududeeyo gaarsiinta gargaar degdeg ah oo aan la carqaladayn. Hay’aduhu waxay xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan indha-indhaynta xaaladda iyo qiimaynta baahiyaha, iyagoo wixii xog ah ee soo kordha la wadaagi doona bulshada.

Israel oo la ogaaday in dal kale u dhex martay basaasida Iran intii uu socday dagaalka

Dubai (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa intii uu socday dagaalkii Iiraan si qarsoodi ah ciidamo gaar ah iyo xubno sirdoon ugu dirtay dalka Azerbaijan, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay CNN.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka ahayd shabakad ballaaran oo fariisimo iyo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil ku lahayd dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, ciidamadaas ayaa ka hawlgalayay dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta Azerbaijan, meel u dhow xadka Iiraan.

Qaar ka mid ah goobahaasi ayaa la sheegay inay qiyaastii 60 mayl u jireen magaalada Tabriz ee dalka Iiraan, oo ka mid ahayd magaalooyinkii ay Israa’iil weerartay intii uu dagaalku socday.

Ilo kale ayaa sheegay in halkaas la geeyay ciidamada gaarka ah ee Israa’iil, kuwaas oo qabtay hawlo sirdoon, ururinta xogta iyo hawlgelinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Tani waxay Israa’iil siisay fursad ay si dhow ugala socon karto xaaladda waqooyiga Iiraan iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda halkaas.

Warbixintu waxay sheegtay in hawlgalka Azerbaijan uu ka mid ahaa shabakad saldhigyo iyo goobo qarsoodi ah oo Israa’iil ku lahayd dalal kala duwan oo gobolka ah.

Waxaa la sheegay in goobo kale ay ku yaalleen Ciraaq, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

Markii hore, goobahan waxaa loo qorsheeyay inay noqdaan meelo gurmad iyo samatabbixin loogu talagalay haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah.

Si kastaba, markii dambe waxay isu beddeleen xarumo ciidan iyo sirdoon oo door weyn ka qaatay hawl-galladii Israa’iil.

Sida warbixintu sheegtay, saldhigyadan ayaa Israa’iil u suurtageliyay inay ciidamo ku ururiso goobo u dhow waqooyiga, galbeedka iyo koonfurta Iiraan, taasoo u sahashay inay sii waddo weerarro badan oo gudaha dalkaas ah.

Mid ka mid ah ilaha ayaa sheegay in hawlgalka ka socday dhinaca Azerbaijan ay ka qayb qaadanayeen dhowr iyo toban askari oo ay ku jireen ciidamada gaarka ah ee Israa’iil, ciidamada samatabbixinta hawada iyo xubno ka tirsan sirdoonka Mossad.

Dhanka kale, safaaradda Azerbaijan ee Mareykanka ayaa si adag u beenisay warbixinta, iyadoo sheegtay inaysan jirin wax saldhig ama hawlgal noocaas ah oo laga fuliyay dhulka Azerbaijan.

Turkiga oo dhex-dhexaadinaya DF iyo mucaaradka – Xogta kulamo dhacay iyo kuwa qabsoomaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi sare oo ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo ay la leeyihiin madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdiga ayaa kulankii ugu horreeyay la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka.

Sidoo kale, wafdiga Turkiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga aragti duwan dowladda federaalka.

Xubnaha wafdiga ayaa sidoo kale la kulmay hoggaanka Xisbiga Haybad Qaran, iyagoo dhageystay aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Xogaha ayaa tilmaamaya in wafdigu qorsheynayo inuu saacadaha soo socda kulan la yeesho hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, si ay uga xog wareystaan mowqifkiisa ku aaddan arrimaha taagan.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in caawa ay wada-hadallo gaar ah la yeeshaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ka tirsan madasha siyaasiyiinta mucaaradka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay diyaar u ahaansho ku aaddan in laga wada-hadlo arrimaha muranka dhaliyay, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Xogta la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaysa in dhinacyada siyaasadda ay isku afgarteen in la magacaabo guddi farsamo oo ka shaqeeya qodobbada la isku hayo, isla markaana diyaariya hannaan lagu xallin karo khilaafaadka jira.

Dowladda Turkiga ayaa si toos ah u hoggaamineysa dadaalladan dhex-dhexaadinta ah, iyadoo ka walaacsan in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeeshaan maalgashiga, taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay sannadihii la soo dhaafay ka fulisay Soomaaliya. Turkiga ayaa daneynaya in la helo xasillooni siyaasadeed oo sii xoojisa iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

Shariif oo la gudbay ciidamo badan iyo hub culus, kuna sii jeeda xayndaabka garoonka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo saacad ka badan lagu xayiray degmada Shangaani ayaa haatan la gudbay ciidamo badan iyo hub culus oo ay wateen.

Dowladda Federaalka oo markii hore ku dhagtay kolonyada ciidamada Shariif ayaa ku doodeysay in ay wehliyaan gaadiid ciidan oo ka badan inta la ogol yahay, balse markii dambe way fasaxday kadib waanwaan laga sameeyay dhinacyada.

Kolonyada Shariif oo ka soo dhaqaaqay aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ayaa ku wajahnaa gurigiisa ku yaalla xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo haatan xarun u ah mucaaradka dowladda.

Dhex-dhexaadiyaal ay ku jiraan Mareykan iyo Turki ayaa la sheegaya inay dhinacyada ku qanciyeen in la dejiyo xiisadda, isla markaana la bilaabo wada-hadallo masiiri ah.

Dowladda ayaa diidan mucaarad isku hubeeya gudaha caasimadda, iyadoo Sheekh Shariif uu ku adkeystay in aan laga qaadin ilaaladiisa gaarka ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu iska difaaco weerar kasta oo lagu soo qaado.

Si kastaba, khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii wada-hadallo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May.

Wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saarayey hannaanka doorashada, muranka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee hay’adaha federaalka. Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, isla markaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale.

DF oo shaacisay inay soo afjartay ciidamada mucaaradka iyo tallaabada xigta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo gaba-gabeeyeen hawlgal qaatay muddo 48 saac ah, kaas oo ay uga hortagayeen dhaq-dhaqaaqa ciidamada hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray maleeshiyaad abaabulan oo doonayay in ay xaalad amni darro ka abuuraan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay sheegtay inay soo abaabulayeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Sheekh Axmed.

“Maleeshiyaadkaan oo ku hubaysnaa hub culus ayaa galay xaafado ka tirsan caasimadda ka dibna waxa ay weerarro ku qaadeen ciidamada Booliska iyo dadka Shacabka ah iyaga oo adeegsanaya hub culus. Ciidamada amniga ayaa si taxadar leh ula fal galay maleeshiyaadkaas oo ay soo abaabuliyeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in intii uu socday hawl-galka waxa ay ciidamada amnigu hubka dhigis ku sameeyeen maleeshiyaadkii sharci-daradda ahaa, sida hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxay sheegtay in hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorku bilaabeen baaritaan rasmi ah oo arrintaan la xiriira, isla markaana cadaaladda la hor gayn doono cidkasta oo ku lug yeelata fal danbiyaadkaan culus.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalka nuucaan ah kuwa aan la aqbalikarin, ka baxsan sharciga kana jawaabaya dano cadaw oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana dowladdu cadaynasaa in kaliya ciidamada amnigu ay yihiin cidda haysankarta hub sharci, wixii kasoo harana aan la qabalidoonin,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in dowladda aysan marna aqbali doonin maleeshiyaad iyo hub sharci darro ah, iyadoo cidkasta oo ku dhaqaaqda fal nuucaas ahna ay la kulmi doonto talaabo adag oo sharci ah.

“Dowladda Federaalka ah waxa ay ugu digaysaa shaqsi iyo koox kasta oo ku hawlan falalka nuucaan ah in ay ka digtoonaato kana waantawdo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Banaanbaxyo dad ku dhinteen oo ka dhacay Somaliland

0

Sheekh (Caasimada Online) – Banaanbaxyo hor leh ayaa ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, kuwaas oo ka dhashay xarigga Suldaan Qabille oo dhawaan lagu xiray degmada Mandheera ee isla gobolkaas.

Banaanbaxyadan oo billowday shalay ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay ugu yaraan hal qof, halka qof kalena uu ku dhaawacmay.

Banaanbaxa ayaa ku billowday dadweyne ka caraysan xarigga suldaanka oo isugu soo baxay magaalada Sheekh, waxaana xaaladdu isu beddeshay rabshado iyo iska hor imaad dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in qofka ku geeriyooday banaanbaxa, oo lagu magacaabi jiray Canab Cumar Jaamac, halka qof kale uu dhaawac kasoo gaaray rabshadihii la socday dibadbaxa. Lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee qofka dhaawacmay.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay adeegsadeen rasaas si ay u kala eryaan dadka banaanbaxayay. Mid kamid ah dadka ka qaybgalay dibadbaxa ayaa sheegay in shacabka la beegsaday xilli ay cabanayeen xarigga suldaanka.

Dhanka kale, Garyaqaan Guleed Dafac oo u ololeeya dib-u-habeynta hay’adaha booliska ayaa ku baaqay in dhacdada lagu sameeyo baaritaan madax-bannaan oo daahfuran. Wuxuu sheegay in sharci ahaan awoodda ay boolisku adeegsanayaan ay tahay mid ku saleysan heerka khatarta ay wajahayaan.

Ilaa iyo hadda, xukuumadda Somaliland kama aysan hadlin dhacdada ka dhacday degmada Sheekh iyo eedaha loo jeediyay ciidamada ammaanka. Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray sababta keentay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay rabshadaha.

Dhacdadan ayaa mar kale dib u soo nooleysay doodaha la xiriira qaabka ay ciidamada booliska Somaliland ula tacaalaan dibadbaxyada iyo isu-soo-baxyada dadweynaha, kuwaas oo marar badan sababay muran iyo eedeymo la xiriira adeegsiga awoodda.

Sanadihii u dambeeyay, booliska Somaliland ayaa wajahaya dhaleeceyn ku saabsan adeegsiga awood xad-dhaaf ah marka ay dhacaan banaanbaxyo. Sannadkii 2025, ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Boorama, halka sannadkii 2023 ay ugu yaraan toddobo qof ku dhinteen dibadbaxyo ay abaabuleen xisbiyada mucaaradka.

Dhacdooyinkaas ayaa horseeday baaqyo uga yimid ururrada bulshada rayidka ah iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaas oo dalbanaya in dib-u-habeyn lagu sameeyo habka loo maareeyo dibadbaxyada.

Inkastoo xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay hore u sheegtay in la xoojin doono ilaalinta xuquuqda shacabka isla markaana la yareyn doono adeegsiga xoogga, haddana dhacdooyinka soo noq-noqday ee dhimashada iyo dhaawaca sababay ayaa sii kordhinaya su’aalaha laga qabo hirgelinta ballanqaadyadaas.

Xog: Shariif oo ugu dambeyn ogolaaday inuu ka guuro Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyn go’aansaday inuu ka guuro aagga Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan caasimadda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu haatan dib ugu laabanayo gurigiisa ku yaalla aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib maalmo ay magaalada ka dhaceen iska-horimaadyo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Go’aankan cusub ayaa yimid iyadoo maanta xaaladda Muqdisho ay u muuqato mid deggan marka loo eego maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu arkay dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo iska horimaadyo walaac ku abuuray shacabka ku nool caasimadda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu weli ku adkeysanayo in aan laga qaadin ilaaladiisa gaarka ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu iska difaaco weerar kasta oo lagu soo qaado, arrintaas oo qeyb ka ahayd qodobada ugu waaweyn ee looga hadlayay dhex-dhexaadinta labada dhinac.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay isbeddelka ku yimid mowqifka madaxweynihii hore, maadaama uu xalay diidanaa codsiyo uga yimid odayaal iyo dhinacyo kale oo ku saabsanaa inuu ka guuro Mirinaayo kuna laabto aagga garoonka diyaaradaha.

Si kastaba, tallaabadan ayaa loo arkaa mid yareyn karta xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Muqdisho, maadaama ay meesha ka saarayso mid ka mid ah qodobadii ugu muranka badnaa ee maalmahan taagnaa.

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, dadaallada waanwaanta ee socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa u muuqda kuwo miro dhalay, iyadoo hadda la dareemayo jawi wada-hadal oo ka xoog badan sidii hore.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ergada dowladda ay aqbashay inta badan qodobadii ay soo bandhigeen dhinacyada mucaaradka, inkastoo ay jirto cabsida in xaaladdu isbeddeli karto waqti kasta, maadaama dowladda ay heshiiska u aragto guul-darro siyaasadeed oo gaartay.

Sidoo kale, waxaa maanta la filayaa inay magaalada Muqdisho ka billowdaan kulamo hordhac ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, iyadoo dowladda Turkiga ay door dhex-dhexaadin ah ka qaadaneyso dadaallada lagu raadinayo xal waara oo lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Xamza oo magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood + Shaqada loo igmaday (Magacyada)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo 1960.

Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana gudanaya mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka, waxa uu magacaabay guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada ee sanad-guuradii 66-aad,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waajibaadyada kale ee guddiga waxaa ka mid ah xiriirinta hey’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaal-degyada, jaangoynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi heer farsamo ah oo abaabula munaasabadaha kala duwan iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha iyo munaasabadaha la xiriira xuska.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada ayaa kala ah:

  1. Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
  2. Wasiir Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
  3. Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
  4. Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi – Xubin
  5.  Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) – Xubin
  6. Wasiir Axmed Macalin Fiqi – Xubin
  7. Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud – Xubin
  8. Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Cali – Xubin
  9. Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani – Xubin
  10.  Wasiiru Dowlaha Maxamed Cali Xagaa – Xubin
  11. Wasiiru Dowlaha Nuura Mustaf Guudoow – Xubin
  12. Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) – Xubin
  13. Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool) – Xoghaye

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa guddiga faray in ay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan, loona xoojiyo dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladda magaalada Muqdisho maanta – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka deggan, kadib xiisadihii iyo dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee maalmihii lasoo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah caasimadda.

Inkasta oo xaaladdu deggan tahay, haddana weli lama kala qaadin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Sheekh Shariif ay weli ku sugan yihiin degmada Cabdicasiis, iyagoo ka biyo-diiddan inay ka baxaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin.

Dhanka kale, waxaa weli socda dadaallo isugu jira waanwaan iyo wada-hadallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka.

Odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku howlan sidii loo gaari lahaa is-afgarad buuxa oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Saameynta xiisadda amni ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada, iyadoo maanta oo Jimce ah ay yaraadeen dadkii tagi jiray xeebta Liido, oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan Muqdisho maalmaha fasaxa.

Dhanka kale, wafdi sare oo ka socda dowladda Turkiga ayaa la sheegaya inuu dalka u yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa dadaallada dhex-dhexaadin ee siyaasiyiinta Soomaalida, xilli beesha caalamku ay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay wada-hadal iyo is-afgarad ku xalliyaan khilaafaadka taagan, si loo ilaaliyo xasilloonida dalka.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii wada-hadallo u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan 15-kii May.

Wada-hadalladaas ayaa diiradda lagu saarayey hannaanka doorashada, muranka dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee hay’adaha federaalka. Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, isla markaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin.

Xubno ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale wada abaabulka bannaanbaxyo ay sheegeen inay ka dhici doonaan Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dalka loo wado doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku tilmaantay isbeddel muhiim ah oo Soomaaliya ka saaraya hannaan doorasho dadban oo muddo dheer ku dhisnaa awood-qeybsi iyo xulasho beeleed.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka.

Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay xiriirka Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, awoodaha hay’adaha federaalka iyo kaalinta guddiga doorashooyinka qaranka.

Si kastaba, beesha caalamka ayaa muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale.

Xog Congress: Trump oo diiday inuu aqoonsado Somaliland

Washington (Caasimada Online) — Rajadii Somaliland ka qabtay in maamulka madaxweyne Donald Trump uu aqoonsado ayaa wajahday dharbaaxo cusub, kaddib markii ilo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ay sheegeen in aan la fileyn in Washington ay aqoonsato maamulka Hargeysa.

Ilo-wareeydo ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegay in aysan jirin wax muujinayay in Trump uu diyaar u yahay inuu aqoonsado Somaliland, inkastoo arrintaas ay muddooyinkii dambe si weyn u riixayeen xubno hore uga tirsanaa maamulladii Mareykanka.

Hadalkaas ayaa yimid maallmo kaddib warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u gudbisay Kongareeska, taas oo mar kale xaqiijisay in Washington ay aqoonsan tahay “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa Somaliland ku qeexday inay ka tirsan tahay Soomaaliya, inkastoo ay sheegtay in Mareykanka uu sii wadi doono xiriirka uu la leeyahay maamulka Hargeysa, isla markaana uu eegayo fursado dheeraad ah oo iskaashi.

Arrintan ayaa loo arkaa farriin culus oo niyad-jab ku ah Hargeysa, halka Muqdisho ay u arki karto guul diblomaasiyadeed oo xoojineysa mowqifkeeda ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Rajadii Trump oo sii yaraaneysa

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe ku rajo weyneyd in Trump uu noqon karo madaxweynihii Mareykanka ee beddela siyaasadda Washington ee ku dhisan taageerada midnimada Soomaaliya.

Rajadaas waxaa sare u qaaday olole ay wadeen mas’uuliyiin hore oo Mareykan ah, gaar ahaan Tibor Nagy iyo J. Peter Pham, oo labaduba si cad u taageera in Somaliland la aqoonsado, iyo shirkado lacag badan ka qaata Imaaraadka iyo Somaliland,

Nagy, oo horey u ahaa kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, ayaa warbixinta cusub ku tilmaamay “ceeb”, isaga oo sheegay inay ahayd hadal xafiiseed aan nuxur lahayn, lagana dheehan karo cabsi laga qabo in laga careysiiyo Muqdisho.

Pham, oo isna hore uga tirsanaa dowladda Mareykanka, ayaa sheegay in Kongareeska uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka dalbaday inay soo bandhigto meelaha lagu xoojin karo xiriirka Mareykanka iyo Somaliland, balse jawaabtii la helay ay noqotay laba bog oo keliya oo ku celcelinaya mowqifka Soomaaliya.

Falcelinta labadaas nin ayaa muujineysa sida warbixintan ay uga careysiisay xeryaha u ololeeya Somaliland ee Washington, gaar ahaan kuwa aaminsanaa in Trump uu u furnaan karo aqoonsi rasmi ah.

Muqdisho oo heshay farriin ay sugeysay

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ka digeysay in dalalka shisheeye ay Somaliland ula macaamilaan sidii dal madax-bannaan, iyadoo ku adkeysaneysa in arrintaasi ay dhaawaceyso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Warbixinta Mareykanka ayaa si cad u muujisay in Washington ay diyaar u tahay xiriir amni, ganacsi iyo maalgashi oo ay la yeelato Somaliland, balse aanay taasi ka dhigneyn aqoonsi.

Tani waxay Hargeysa u reebeysaa waddo kooban: in lala macaamilo, balse aan loo aqoonsan dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, waxayna muddo ka badan soddon sano lahayd maamul u gaar ah, doorashooyin iyo hay’ado gaar ah. Si kastaba, weli ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December ee sanadkii hore, taas oo sare u qaaday rajada Hargeysa ee ah in dalal kale ay raaci doonaan.

Laakiin warbixinta Washington iyo hadalka ilaha Kongareeska ayaa muujinaya in Mareykanka uusan hadda diyaar u ahayn inuu qaado tallaabo la mid ah tan Israel.

Berbera iyo danaha Mareykanka

Inkasta oo warbixintu ay meesha ka saartay rajadii degdegga ahayd ee aqoonsiga, haddana waxay si cad u muujisay in Somaliland ay weli muhiim u tahay danaha istaraatiijiga ah ee Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in goobta Somaliland ay ku taallo, gaar ahaan u dhowaanshaha Yemen iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, ay ka dhigeyso meel muhiim u ah amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Warbixinta ayaa sheegtay in Somaliland ay noqon karto saaxiib muhiim ah oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan ilaalinta isu socodka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatari.

Somaliland ayaa Mareykanka u bandhigtay fursado la xiriira macdan, kaabayaal dhaqaale, ganacsi iyo amni. Saraakiisha Hargeysa ayaa sheegay in dhulkooda laga heli karo lithium, coltan iyo macdan kale oo muhiim ah.

Si kastaba, warbixinta Mareykanka ayaa sheegtay in khilaafka maqaamka Somaliland, xaaladda amni ee gobolka iyo diidmada Hargeysa ee wada-shaqeynta hay’adaha qaranka Soomaaliya ay caqabad ku yihiin maalgashiga, bangiyada iyo ganacsiga.

Xog: Xasan Sheekh oo Shariif uga bedelanaya guurista Mirinaayo in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay socdaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda ka dhalatay isku dhacyada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, odayaashan oo dowladda uga socday ergo ahaan ayaa Sheekh Shariif u gudbiyay farriin la xiriirta sidii loo joojin lahaa colaadda ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa ku yaalla Mirinaayo.

Odayaasha ayaa u sheegay Madaxweynihii hore in dowladda ay diyaar u tahay inay joojiso tallaabooyinka militari ee ka dhanka ah gurigiisa, haddii dhinacyadu gaaraan is-afgarad lagu xakameynayo xaaladda amni ee taagan.

Waxay sidoo kale ka codsadeen Sheekh Shariif inuu ciidamadiisa ku amro xabbad-joojin, si looga hortago isku dhacyo horleh oo xaaladda sii murjin kara.

Wararka ayaa sheegaya in ergadu ay Sheekh Shariif ka codsatay inuu ka guuro guriga uu hadda ku sugan yahay ee Mirinaayo, isla markaana uu dib ugu laabto gurigiisa kale ee ku yaalla KM4, dalabkaas oo odayaasha uu usoo dhiibay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif uu diiday dalabkaas, isaga oo ku adkeystay inuu sii joogo halka uu hadda deggan yahay.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah waanwaan ay saacadihii lasoo dhaafay wadeen odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, kuwaas oo doonaya in la dejiyo xiisadda amni ee dib uga soo cusboonaatay caasimadda Muqdisho.

Siyaasiyiinta Habargidir oo iskugu tegay guriga Kheyre + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee beesha Habargidir ayaa caawa isugu tegay guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdiraxmaan Caynte, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa Kheyre ugu tegay taageero iyo garab-istaag.

Booqashadan ayaa imanaysa xilli ciidamada ilaalada u ah Xasan Cali Kheyre iyo ciidamada dowladda ay magaalada Muqdisho ku dhexmareen dagaal saacado badan qaatay.

Xaaladda magaalada ayaa haatan deggan, kadib dagaallo saacado badan socday oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, kuwaas oo ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Howl-wadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ilo-wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in dadaallo gudaha ah oo la sameeyay kadib lagu guuleystay in Ra’iisul Wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Kheyre, laga saaro gurigii uu deganaa ee aagga Barmuudo ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha NISA, Mahad Salaad, iyo ciidamo uu watay ayaa ka kaxeeyay guriga, waxayna geeyeen aagga Hotel Jasiira oo uu markii horeba deganaa Kheyre. Sidoo kale, ciidamada isku horfadhiyay degmada Howl-wadaag ayaa la kala qaaday, iyadoo haatan ay xaaladda guud si caadi ah kusoo laabatay.

Inkastoo xaaladda la dejiyay, haddana labada dhinac ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo mar kale horseedi kara gacan-ka-hadal dhex mara, iyadoo mucaaradku ku adkaysanayo in uu dhammaaday muddo-xileedkii dowladda.

Booliska oo sheegay inuu soo afjarayo ciidanka mucaaradka ee saldhigtay Mirinaayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen wajigii koowaad ee howlgal ay ka fuliyeen degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo uu dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa ilaalada u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir, Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hadda u dhaqaaqeen degmada Cabdicasiis, gaar ahaan xaafadda Miirinaayo, halkaas oo uu deggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ku sugan goobtaas loogu baaqayo inay hubka dhigaan oo ay isu dhiibaan ciidamada dowladda, isaga oo xusay in howl-galka uu qayb ka yahay qorshe lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

“Hadda ayaan u soconnaa Miirinaayo. Ciidanka halkaas ku jira waxaan ugu baaqeynaa inay isu dhiibaan ciidanka qaranka,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dowladda aysan aqbali doonin kooxo hubeysan oo si madax-bannaan ugu dhaqma gudaha Muqdisho, isagoo tilmaamay in caasimaddu ay ka gudubtay marxalad uu qof walba qori qaadan karo oo uga hor imaan karo dowladda.

Waxa uu adkeeyay in hay’adaha amniga ay ka go’an tahay sugidda amniga Muqdisho iyo ka hortagga fal kasta oo horseedi kara qalqal amni ama rabshado ka dhaca magaalada.

Hadalkan ka soo baxay Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo askar la taabacsan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Dagaalladaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee caasimadda, iyadoo weli aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyada, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan howl-gallada ay ciidamada ammaanku wadaan.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka K/Galbeed oo la doortay iyo madaxweyne Xasan oo…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta yeeshay guddoon cusub kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulkaas.

Doorashada ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, halka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad loo doortay Aadan Xasan Usaama. Sidoo kale, Shamso Maxamed Yarow ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka.

Xildhibaannada cusub ee hoggaanka baarlamaanka ayaa lagu doortay cod ay dhiibteen xubnaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo maalmahanba ku howlanaa dhameystirka hannaanka doorashooyinka hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa timid kadib markii la soo dhisay Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, kaas oo ku yimid hannaanka doorashooyinka qof iyo cod. Hannaankan ayaa ahaa mid ay si weyn uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Waxaa hadda la filayaa in baarlamaanka cusub uu guda galo wajiga xiga ee doorashada maamulka, iyadoo la qorsheynayo in 10-ka bishan Juun la doorto Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka, iyadoo lagu soo xulay hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si degdeg ah u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Aadan Xasan Maxamed (Usaama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Marwo Shamso Maxamed Yarow.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan, daacadnimo leh, uguna adeegaan shacabka waajibaadka culus ee loo igmaday. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo adkeynta hay’adaha dowladeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay hannaankii nabdoonaa ee ay ku qabsoontay doorashadu, isaga oo ku ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kaalinta ay ka qaateen xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed.

Puntland oo baaq degdeg ah soo saartay kadib dagaalladii ka dhacay Muqdisho

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadashay iska hor-imaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa si adag u cambaareysay weerarrada lagu qaaday hoyga ay Muqdisho ka degen yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

“Dowladda Puntland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka hubaysan ee Madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay illaa saakay ku beegsanaday guryaha Madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysul Wasaarhii hore Xasan Cali Kheyre,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maamulka ayaa sheegay in weeraradaasi ay dhaawacayaan xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida hay’adaha dowladda, iyadoo mas’uuliyadda wixii ka dhasha dusha u saartay madaxda Dowladda Federaalka.

Maamulka ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, loogana baaqsado qalalaase amni oo hor leh.

“Puntland oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay ka digaysaa sii socoshada weerarada, jajuubka, xariga iyo barakicinta uu madaxwaynihii hore ku hayo Muwaadiniinta degan Magaalada Mogadisho, waxaana ka tacsiyeynaynaa dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo maanta 04 June 2026, yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa uuna Shir-Guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si adag uga hadlay xaaladda Dowladda Federaalka ah, firaaqa sharci ee ay gashay iyo gaar ahaan duulaanka hubaysan ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ku beegsanayo Muwaadiniinta, gaar ahaan madaxdii hore ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Puntland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka hubaysan ee Madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay illaa saakay ku beegsanaday guryaha Madaxwaynihii hore ee Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Mas’uuliyadda weeraradaas iyo wixii khasaare ka dhasha waxaa qaadaya Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxmuud.

Dowladda Puntland oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay ka digaysaa sii socoshada weerarada, jajuubka, xariga iyo barakicinta uu madaxwaynihii hore ku hayo Muwaadiniinta degan Magaalada Mogadisho, waxaana ka tacsiyeynaynaa dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Dowladda Puntland waxay xalka u aragtaa in si dhaqso ah looga heshiiyo doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee horay wakhtigu uga dhammaaday, loona qabto si dhaqso ah, si looga hortago sii socoshada qalalaasaha siyaasadeed iyo khal khalka amni.

<Dhammaad>

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada DPL

War cusub oo kasoo kordhay xaaladda magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaaladda ay dagan tahay kadib dagaallo saacado badan qaatay oo ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ku dhex-maray xaafado ka tirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in dadaallo gudaha oo la sameeyay kadib lagu guuleystay in Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Xasan Cali khayre laga saaray gurigii uu dagay ee aagga Barmuudo ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha NISA, Mahad Salaad iyo ciidamo uu wato ayaa ka kaxeeyay guriga oo ku celiyay aagga hotee Jasiira oo uu markii horeba daganaa Khayre.

Sidoo kale, ciidamadi isku hor fadhiyay Howl-wadaag ayaa la kala qaaday, iyada oo haatan ay si caadi ku soo laabatay xaaladda guud.

Dhanka kale, waxaa weli ciidamo ay isku horfadhiyeen aagga xeebta Liido oo uu dagay Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh, halkaas oo mararka qaar laga maqlayo rasaas goog goos ah, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah, waxaase soconayo dadaallo lagu doonayo in isna Shariif looga saaro halkaasi, si uu dib ugu laabto gurigiisa oo ku yaal agagaarka garoonka.

Duqa magaalada Muqdisho,Mudane  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo dhankiisa warsaxaafadeed soo saaray ayaa ciidamada ammaanka ku boggaadiyay dadaalkooda ku aadan soo celinta xasilinta caasimada, isaga oo sheegay inay guteen waajibaadkii qaran ee ka saarnaa amniga dalka.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga ee sida hufan, geesinimada iyo mas’uuliyadda leh uga shaqeynaya sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo adkeynta haybadda dowladnimada. Dadaallada ay saacadihii la soo dhaafay ka wadeen magaalo-madaxda Soomaaliya; waxay ka tarjumayaan waajibka Qaran ee ka saaran difaaca xasilloonida, sharciga iyo kala dambeynta Dalka,” ayuu yiri Muungaab.

Waxaa kale oo uu la hadlay shacabka “Waxa aan shacabka ku dhaqan Magaalada uga mahadcelinayaa dulqaadka, wacyiga iyo wadashaqeynta ay muujiyeen xilligaan muhiim ka ah,taasoo caddaysay in dowladnimada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay rabitaankiinna, sharciga iyo hay’ado Qaran oo shaqeynaya”.

Sidaas awgeed, lama aqbali karo isku day kasta oo lagu wiiqayo amniga, lagu carqaladeynayo kala dambeynta ama lagu jiljilayo jiritaanka Dowladnimada.

Farmaajo: Xasanow xoog kuma haysan kartid dalkan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay xaaladda soo korortay ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu galay marxalad adag oo xasaasi ah, isla markaana dagaallada qarxay ay halis ku yihihiin mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu weeraray madaxdii hore, isla markaana uu awood dowladnimada u adeegsanayo damaciisa gurracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Weerarka uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday xalay uu ku qaaday hoyga madaxdii hore ee dalka iyo dagaalka uu ka wado caasimaadda Muqdisho waa fal halis ku ah dowladnimada, nabadda iyo xasilloonida caasimadda, muujinayana heerka uu gaaray damaca gurracan ee Madaxwaynihii Hore oo awoodda dowladnimada u adeegsanaya xukun maroorsi iyo afduubka masiirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Farmaajo ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in isagoo waqtiqiisa dhammaday uusan xoog ku qabsan karin dalka, loona baahan yahay in ka waantoobo waddada uu qaaday.

“Dalkaan xoog kuma haysan kartid waqtigaagii wuu dhamaaday, shalayna cidna xoog kuma haysan karin ee talada kusoo laabo oo cid haku dilin hana ku dhaawicin,’ ayuu markale yiri Farmaajo.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday muddu xileedkiisii hore, maadaama dalka u halis galay, isaga sheegay in xilligaas ololaha socday uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, uuna dumiyay dowladdiisa, sida uu ku dooday Farmaajo

“Dowladeydii adigaa dumiyey oo Mirinaayo galay, cid ku weerartayna majirin ee adigaa dadka ugu sheekeynayey,” ayuu sii raaciyey Madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo  xaalado siyaasadeed ee dalka ay si degdeg ah ugu beddelay gacan ka hadal, kadib markii ay isku dhaceen dowladda iyo mucaaradka oo isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Taliye Mahad Salaad oo gudaha u galay guriga Khayre kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad oo goordhow gudaha u galay guriga uu soo dagay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ee degmada Howlwadaag, kaas oo uu xalay, illaa saaka ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyay ciidamadiisa iyo kuwa dowladda.

Mahad Salaad ayaa waxaa guriga kusoo dhaweeyay Xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Abuukar Jacfar, waxgarad iyo bulsho badan oo ku sugneyd goobta, kadibna wuxuu ku biiray dadaallada dhex-dhexaadinta ee socda.

Taliya NISA ayaa haatan shir la leh, Xasan Cali Khayre, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macallin, Ugaaska Beesha Murusade iyo waxgarad kale, iyaga oo ka wada-hadlay sidii loo qaboojin lahaa xaaladda, maadaama uu dagaal dhacay.

Wararka ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre lagu qanciyay in uu ka guuro hoyga uu ka daganaa degmada Howlwadaag, isla markaana dib ugu laabto gurigiisa oo ku yaala Hotel Jazeera, waxaana amniga sugaya ciidanka NISA.

Xaaladda goobta ayaa hadda deggan, iyada oo ciidada dowladda ay si buuxda ula wareegeen amniga goobta, halkaas oo uu xalay, illaa saaka uu ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeyay labada dhinac.

Muuqaalo lagu baahiyaya baraha bulshada ayaa muujinayo burbur lixaad leh oo gaaray dhismaha guriga, maadaam la’isku fara saaray, isla markaana lagu gaaracay madaafiic iyo hub culus oo ay is waydaarsanayeen labada dhinac.

Xaaladda ayaa hadda yare deggan, waxaana soo baxayo cadaadisyo ka imaanayo dhanka Wakiilada beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo si deg-deg ah usoo farogeliyay arrintan, waxayna digniino kasoo saaray dagaalka culus ee ka qarxay caasimada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase aga war sugayaa halka ay ku dambeyn doonaan dadaallada nabadeed ee ka socda Muqdisho