26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xogta Shabaab-kii u badnaa oo lagu laayay saddex gobol + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysay gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gal qorsheysan oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ayay ku soo bandhigeen hub tiro badan oo ay ka furteen cadowga, taasoo muujineysa kartida iyo xirfadda sare ee ciidamada Kumaandoosja u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Saraakiisha horkacaysay hawl-galkan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Shabaab, taas oo qeyb ka ah illaa 120 xubnood oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dagaalka ka socda saddex gobol.

Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen qaar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay sawirro caddeynaya khasaaraha ay gaarsiiyeen cadowga, kuwaas oo ay ka mid yihiin meydadkii la dilay iyo godadkii ay ku dhuumaaleysan jireen oo gebi ahaanba la burburiyey.

Ciidanka Danab ayaa weli sii wada hawl-gallada lagu baacsanayo firxadka kooxda Khawaarijta, iyagoo si buuxda ula wareegay deegaano muhiim ah oo horey gacanta ugu jiray argagixisada. Goobahaas ayaa hadda ah meelo nabdoon oo ay si buuxda u sugan yihiin ciidamada qaranka, taasoo astaan u ah horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ciribtirayso kooxaha Khawaarijta, waxaana lagu guuleystay in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilo in ka badan 120 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka kooxda.

Si kastaba, Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si buuxda isugu duuban sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga, loogana dhigi lahaa meel ammaan iyo xasillooni leh.

QM oo digniin culus kasoo saartay xaaladda Soomaaliya – Maxaa soo kordhay?

0

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa mar kale soo saartay digniin culus oo ku socota Soomaaliya, taas oo ka dhalatay xaaladaha haatan soo kordhigay.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka argagixisada, Ben Saul ayaa soo jeediyay digniintan cusub, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay beesha caalamka.

Ben Saul ayaa si adag uga digay in caalamka uu joojiyo amaba yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, xilli ay wajaheyso xaalad amni oo cakiran iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in taageerada beesha caalamka oo isugu jirto mid dhaqaale, tababar ciidan iyo garab siyaasadeed ay weli muhiim usii u tahay Soomaaliya, si ay usii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha amniga dalka.

Khabiirka sare ee u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dhaq-dhaqaaqa gudaha ee ay waddo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in weli ay muuqato awoodda kooxdan oo dagaal kula jirto ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in si aad ah looga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo ee la doonayo in lagu yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, isaga oo carabka ku goday inay khatar gelin karto guulihii horay laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu sii laba kacleeyay dagaalka Al-Shabaab, kaas oo marxalad cusub galay, kadib markii ay kooxdu qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda wadda abaabul culus oo looga hortagayo Al-Shabaab, sida uu ku dhowaaqay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

“Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso, Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan – deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sanbaloolshe oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka Al-Shabaab + Sawirro

0

Moqokori (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu dardar-gelinayo dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa xalay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle kulan gaar ah kula yeeshay degmada Moqokori, isaga oo kala hadlay xoojinta halganka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sidoo kale agaasimaha NISA ayaa odayaasha u la kulmay uga mahadceliyay sida ay door muuqda uga qaateen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxaha Khawaarijta.

Waxaa kale oo uu ka ballan-qaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh, si uu usii socda dagaalka, loona soo afjaro argagixisada.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa agaasime Sanbaloolshe uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Al-Shabaab, kana difaacday deegaankooda.

Odayaasha ayaa sidoo kale si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo dagaallo qaraar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ciribtiro Khawaarijta.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo maalin kahor ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Trump iyo Netanyahu oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib toogashadii loo gaystay…

Washington (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho goordhow lamaane Israa’iiliyiin ahaa loogu gaystay banaanka madxafka Israa’iil ee Washington, waxayna kala yihiin Yaron Lischinsky iyo Sarah Milgram..

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo jawaab deg-deg ah soo saaray ayaa sheegay in uu “aad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ku saleysan”, waa sida uu hadalka u dhigay, xili uu ka hadlayay dilka labada qof ee Israa’iiliyiinta ah loogu geystay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu dhanka kale farriin tacsi ah u diray qoyska dhibbanayaasha toogashada lagu dilay xili ay ka soo baxayeen madxafka Israa’iil oo ku yaala Washington.

“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Netanyahu.

Safiirka Israa’iil ee Mareykanka, leiter, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku wargeliyay in mamulkiisa ay sameyn doonaan wax kasta oo lagula dagaallamayo yahuud naceybka.

Dhinaca kale, Booliiska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Elias Rodriguez, oo ka soo jeeda magaalada Chicago, kaas oo ay sheegeen inuu yahay qofka keliya looga shakisanyahay toogashada inuu geystay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay uu “qirtay in uu dembiga geystay” isla markaana uu ku dhawaaqayay ereyo ah “Falastiin oo xor ah”, isagoo xabsiga ku jira.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cambaareeyay dilka, isagoo barta uu aasaasay ee Social truth soo dhigay qoraal uu dhacdadan ugu tilmaamay mid “ku saleysan yahuud naceybka”

Sidoo kale wuxuu sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.

“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay. Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas.

Isha: BBC

Daawo: Mucaaradka Hawiye oo ku heshiiyay taageerada hal musharax + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in mucaaradka Hawiye ay ku heshiiyeen hal arrin oo xasaasi ah, lana xiriirta doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee mucaaradka, wuxuuna sheegay inay gaareen heshiis la xiriira awood qaybsiga dalka, si ay ugu galaan doorashada 2026.

Sheekh Cismaan Barre ayaa shaaca ka qaaday in weli dalka wax lagu qabsado nidaamka 4.5, isla-markaana heshiiska lagu saleeyay hab beeleed ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkan waa qabiil, waana 4.5 madaxtinimada kursigaas laba beelood ayaa inta badan, walow ay dastuuri ahayn isku bed-bedasho, haddii aan afka ku dhufto waa nimanka la yiraahdo hawiye iyo daarood” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska cusub ee mucaaradka hawiye gaareen uu yahay inay dhisaan musharrax beesha Daarood ah, kadibna iyaga ay qaataan xilka ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan waxa uu tilmaamay inay keentay rajo xumo ay ka qaadeen tartanka iyo doorashada soo socota, ayna hadda ay qorsheeyeen in halkaas musharrax ay dhistaan.

“Hadda mucaaradka hawiye go’aan ayay gaareen waa xisaabtameen waxa ay is yiraahdeen Soomaali wayn idin ma dooranmeyso, sidoo kale ma jiro baarlamaan aan cod ka heleysaan hadda waxay u xuubsiibteen inay mukulaal madow dad ka noqdaan oo ay yiraahdaan aniga ra’iisul wasaare iga dhig” ayuu mar kale yiri Sheekh Cismaan Barre.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay xubnaha mucaaradka inay gacan saar la leeyihiin dalal shisheeye, ayna mar kasta u gefaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobollada.

“Qodobka xiga niman shisheeye oo dalal Carbeed u badan ayay u shaqeeyaan, maalin walba waxaa lasoo faraa inay caayaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada”. ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka 2026, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod weli diidan maamul-goboleedyada Jubaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka dalka.

HINDIYA oo ka walaacsan qorshe Turkiga uu ka wado gudaha Soomaaliya – Warbixin

New Delhi (Caasimada Online) – Warbixin dhowaan lagu daabacay India.com ayaa ka digtay hamiga sii kordhaya ee Turkiga ee Geeska Afrika, gaar ahaan qorshihiisa lagu dhisayo saldhig hawada sare ah (spaceport) gudaha Soomaaliya.

Horumarkan ayaa si dhow loola socdaa gudaha Hindiya, halkaas oo ay ka jirto cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan saameynta sii kordheysa ee Ankara ku yeelaneyso Badweynta Hindiya—gaar ahaan marka la eego xiriirka dhow ee ay la leedahay Pakistan.

Walaacyadaas waxay ka dhasheen taageeradii dhawaan Turkigu u muujiyay Islamabad xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Hindiya iyo Pakistan. Taageeradaas ayaa keentay cambaareyn ballaaran oo ka timid gudaha Hindiya.

Haatan, Turkigu wuxuu u muuqdaa mid wajigiisa u jeediyay dhinaca Badweynta Hindiya, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu soo warramay in uu horumarinayo qorshe lagu dhisayo xarun daahfurka dayax-gacmeedyada iyo tijaabooyinka gantaallada fog gudaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga ayaa wadahadallo toos ah la leh dowladda Soomaaliya si uu saldhiggaasi uga hirgeliyo xeebaha bari ee dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo uu Ankara ku doonayo inuu ku xoojiyo joogitaankiisa teknoolojiyadeed iyo milateri ee gobolka.

Juqraafi ahaan, Soomaaliya waxay leedahay meel istiraatiiji ah—iyadoo u dhow khadka dhul-baraha (equator) isla markaana si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya—taasoo ka dhigaysa goob ku habboon saldhig noocan ah. Meelaha u dhow dhul-baraha waxay leeyihiin faa’iido xagga xawaaraha wareegga dhulka, taasoo yareyneysa isticmaalka shidaalka waxayna suurta-gelisaa in dayax-gacmeedyo si nabad ah ugu baxaan biyo aan dad degganeyn.

Turkiga ayaa shaaciyay qorshe maalgashi oo gaaraya $1 bilyan, iyadoo la doonayo in la gaaro daahfurka dayax-gacmeed si tartiib ah u dega (soft landing mission) sannadka 2028. Qiyaastii $350 milyan ayaa lagu bixin doonaa dhismaha iyo dayactirka muddada fog.

Madaxweyne Erdogan ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay hindisahan sannadkii 2021, isaga oo qeyb ka ah dadaallada Turkiga ee ku wajahan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo gantaallada casriga ah.

In kasta oo mashruucan aanu halis toos ah ku ahayn Hindiya waqtigan la joogo, haddana xeel-dheerayaal amni oo fadhigoodu yahay New Delhi ayaa muujinaya taxaddar. Taageerada joogtada ah ee Turkigu u hayo Pakistan, iyo kobaca degdegga ah ee uu ku samaynayo dhoofinta hubka ee ku wajahan dalalka dariska la ah Hindiya iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika, ayaa loo arkaa khatar istiraatiiji ah oo muddada fog ah.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Pakistan ay mustaqbalka iskaashi la samayn karto Turkiga dhanka barnaamijyada gantaallada ama hawada sare—taasoo suurta-galin karta saameyn amni oo toos ah oo ka dhan ah Hindiya.

Dhinaca kale, goobta uu mashruucu ka socdo ayaa aad ugu dhow danaha istiraatiijiga ah ee Hindiya, sida saldhiggeeda milateri ee Andaman and Nicobar Command, jasiiradaha Maldives, iyo guud ahaan howlgalada badda ee ay Hindiya ka fuliso gobolka.

Haddii xarun joogto ah oo ay Turkigu leeyihiin laga hirgeliyo Soomaaliya—ha ahaato mid hawada sare ah ama mid difaac—waxay si weyn u beddeli kartaa is-dheellitirka awoodda gobolka galbeedka Badweynta Hindiya.

Warbixintu sidoo kale waxay xustay khatar juqraafiyeed oo isa soo taraysa. Iyadoo Shiinuhu horeyba ugu leeyahay saldhig ciidan dalka Jabuuti, dhismaha xarunta Turkiga ee Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay fure u noqoto isbahaysi saddex geesood ah oo u dhexeeya Shiinaha, Pakistan, iyo Turkiga.

Arintan ayaa waxa ay qaar ka mid ah dadka falanqeeya amniga ee Hindiya ku tilmaameen “khatar saddex-geesood ah” oo kaga imanaysa Shiinaha waqooyi, Pakistan galbeed, iyo Turkiga koonfur-galbeed kaga imanaya saldhiggiisa Soomaaliya.

Ugu dambayn, in kasta oo qorshaha saldhigga hawada sare ee Turkigu uu u muuqdo mid cilmiyeed iyo teknoolojiyadeed, falanqeeyayaasha Hindiya waxay u arkaan in uu ka tarjumayo ujeeddooyin istiraatiiji ah oo qoto dheer.

Mashruucu wuxuu muujinayaa doonista Ankara ee ah in ay awooddeeda ku fidiso xuduudaheeda ka baxsan—waxaana, marka laga eego xag Hindiya, lagu tilmaamayaa arrin khatar ku ah jawiga amni ee horeyba uga cakirnaa gobolka.

Puntland oo DF ka ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha caafimaadka iyo tamarta, kuwaas oo laga fulinayo magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee dowlad-goboleedka Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Sida lagu sheegay dukumentiyo la helay, mashaariicdan waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka, waxaana si rasmi ah loogu saxiixay heshiisyadooda magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa sii socoshada taageerada caalamiga ah ee loo marayo hay’adaha federaalka.

Garoowe gudaheeda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Federaalka ayaa ku dhawaaqday mashruuc weyn oo dhanka tamarta qoraxda ah, kaasoo ay qeyb ka tahay dhismaha xarun cusub oo koronto-qoraxeed ah si loo hagaajiyo helitaanka tamar joogto ah oo lagu kalsoonaan karo ee caasimadda gobolka.

Dhanka Boosaaso, waxaa la ansixiyay ballaarinta isbitaalka guud ee magaalada, iyadoo mashruuca ayu kormeerayso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka. Hirgelinta mashruucan waxaa loo xil saaray shirkadda Afrah Construction Company Limited oo fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo laga xushay habraaca Qaramada Midoobay ee UNPOS. Hay’addan ayaa sidoo kale mas’uul ka ah naqshadeynta, maamulka iyo kormeerka dhismaha.

Horumaradan ayaa loo arkaa isbeddel muhiim ah, maadaama Puntland horey u diidday in lagu fuliyo mashaariic ka yimaada dowladda dhexe, sida mashruuca dhismaha waddada Galkacyo–Harfo. Iskaashiga haatan muuqda ayaa laga yaabaa inuu muujinayo furfurnaan cusub oo Puntland ka muujisay la shaqeynta dowladda federaalka, inkastoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed oo salka ku haya kalsooni-darro taariikhi ah.

Si kastaba ha ahaatee, ilo siyaasadeed oo ku sugan Puntland ayaa sheegaya in xiisadihii siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dhinac ay weli jiraan. Mashaariicda ay waddo dowladda federaalka ayaa inta badan si dhaliil leh loogu eedeeyaa in loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni lagu eedeeyo inuu siyaasadeynayo horumarinta lana xiriirinayo ololeyaashiisa siyaasadeed.

Falanqeeyayaasha arrimaha gudaha ayaa sheegaya in inkasta oo hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumayso horumar dhinaca adeegyada bulshada ah, haddana khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Garoowe iyo Muqdisho weli xal rasmi ah looma helin, taasoo caqabad ku ah in la helo iskaashi waara oo dhaxal gal ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Kheyre oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku aas-aasay xisbiga cusub ee cadaaladda iyo midnimada (Justice and Solidarity Party – JSP), isagoo ka digay in tallaabadan ay carqaladeyn karto xasilloonida dalka, xilli ay Soomaaliya u diyaar garowdo doorashadii ugu horreysay ee hal qof, hal cod ah.

Khayre, oo horey ula shaqeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan in dhismaha xisbigan uu dhaawici karo dadaallada lagu xoojinayo midnimada qaranka, ayna halis gelin karto is-afgaradka siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah hannaanka kala guurka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Madaxweynaha waxaa laga filayay inuu mideeyo madaxda heer federaal, dowlad-goboleedyo iyo mucaarad, si si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada loona xalliyo khilaafaadka siyaasadeed — ma ahayn in uu abuuro il cusub oo khilaaf ah,” ayuu Khayre u sheegay The Africa Report.

“Soomaaliya waxay joogtaa marxalad xasaasi ah. Tani waa xilli u baahan hoggaan is-dhexgal ah, ma aha istaraatiijiyado siyaasadeed oo dhinac keli ah,” ayuu raaciyay.

Falcelin isa soo taraysa oo ka dhalatay JSP

Khayre wuxuu ku biiray tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo dhaliilay waqtiga iyo ujeeddada abuurista xisbiga cusub. Madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa iyaguna ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ka laabto qorshaha, iyagoo sheegay in tallaabadu ay khatar ku tahay horumarka laga gaaray wadahadallada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in xisbiga JSP uu si aad ah ugu egyahay xisbiga SRSP ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, kaasoo xukumayay dalka muddo ka badan labaatan sano.

Dadka dhaliilaya xisbiga waxay ku doodayaan in abuuristiisu aysan ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu doonayo in la hareer maro Golaha Wadatashiga Qaran (NCC), oo ah madal ay ku kulmaan dhammaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Walaaca ayaa sii kordhaya iyadoo uu muuqdo in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo inta badan golaha wasiirrada ay si buuxda ula safan yihiin xisbiga JSP, taasoo keentay cabsi laga qabo in awood siyaasadeed la isugu geeyo gacmo yar, kahor doorashada tooska ah ee la filayo — taasoo noqon doonta tii ugu horreysay ee noocaas ah tan iyo 1969.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay abuurista xisbiga, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in la dhameystiro dastuurka ku-meel-gaarka ah isla markaana la dhiso hannaan dimuqraadi ah oo ku saleysan caddaalad.

“Mudnaanta ugu weyn waxay tahay in la xaqiijiyo hal qof, hal cod — si codka muwaadin walba uu miisaan dhab ah u yeesho,” ayuu yiri mar uu ka hadlayay xafladda furitaanka xisbiga.

“Siyaasadda ma ahan tiro keliya. Cidda abaabulan ayaa heli doonta saameynta.”

Hase yeeshee, Khayre iyo siyaasiyiin kale ayaa si adag uga shaki qaba, iyagoo ku eedeynaya madaxweynaha in uu isku dayayo in uu saameyn ku yeesho hannaanka doorashada si ay uga faa’iideyso siyaasaddiisa.

“Waa in la dhisaa is-afgarad siyaasadeed oo lagu ilaaliyo hufnaanta doorashada — ma ahan in la sii fogeeyo kala qeybsanaanta siyaasadeed,” ayuu yiri Khayre.

Walaac gudaha iyo mid caalami ah

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sidoo kale ka digay in isbeddellada dastuuriga ah ee ay waddo xukuumadda Xasan Sheekh ay noqon karaan kuwo khatar ah haddii aan loo marin hannaan furan oo lagu wado wadatashi.

“Dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed waa inay helaan fursad ay ku dhiibtaan ra’yigooda ku aaddan isbeddelka nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Go’aannada aan ku saleysneyn taageero ballaaran waxay lumin doonaan sharciyadda waxayna carqaladeyn doonaan dadaallada amniga.”

Falanqeeyayaal Soomaaliyeed ayaa iyaguna walaac la wadaagay. Maxamed Cilmi Afrax, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa sheegay in xisbiga JSP laga yaabo in loogu talagalay in lagu saameeyo hab-dhiska doorashooyinka iyadoo la adeegsanayo magaca hal qof, hal cod.

“Ujeeddada xisbiga waxay u muuqataa mid lagu doonayo in la kala diro Golaha Wadatashiga Qaran loona rogo nidaamka siyaasadeed,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah agaasimaha Machadka Daraasaadka Istaraatiijiga ee Geeska Afrika, ayaa uga digay in siyaasadda sare-loogu-xukumo ay horseedi karto xasillooni darro hor leh.

“Haddii aan la helin guddiga doorashooyinka oo si dhab ah u madax-bannaan, doorasho kasta waxay wajaheysaa shaki iyo qalalaase,” ayuu yiri.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ka digaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku socdo dariiqii Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo si weyn loogu dhaliilay inuu isku dayay muddo kororsi — taasoo dalka gelisay xaalad u dhow dagaal sokeeye.

“Madaxweynuhu wuxuu halis ugu jiraa inuu dib u dhaxal siiyo dalka khilaaf siyaasadeed oo hor leh,” ayuu yiri Khayre. “Soomaaliya ma awooddo inay dib ugu laabato khaladaadkii hore. Waa inuu dhegeystaa baaqyada wadahadalka, midnimada, iyo doorasho la isku raacsan yahay.”

Ayada oo ay Soomaaliya ku sii dhowaanayso doorasho muhiim ah, su’aasha taagan waxay tahay: Madaxweyne Xasan Sheekh u leexan doonaa wadahadal iyo wadar oggol, mise wuxuu sii wadi doonaa xeelad siyaasadeed oo laga yaabo inay wiiqdo horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka?

Jubaland oo qabatay xubno Shabaab ah iyo hub + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo qaraar oo ka dhacay galbeedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Buulo Xaaji.

Sarkaal sare oo u hadlay Jubaland, laguna magacaabo Deeq Cabdbinuur oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay howlgallada ay qaadeen, iyaga iyo ciidamada kumaandooska Danab, wuxuuna sheegay inay kusoo afjareen Al-Shabaab, ayna nolosha ku qabteen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

Deeq ayaa sidoo kale xusay in dhimasho iyo dhaawac badan ay gaarsiiyeen Al-Shabaabka ay shalay kula dagaalameen duleedka magaalada xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

“Dagaalladu waxa ay ka dhaceen galbeedka Kismaayo waxaana lagu soo afjaray kooxaha Khawaarijta dhimasho iyo dhaawacna way leeyihiin” ayuu yii Deeq Cabdinuur.

Sidoo kale, ciidamada isbaheysanaya ayaa sidoo kale hub iyo gaadiid dagaal gacanta ku dhigay, sida uu xaqiijiyeen sarkaalka u hadlay ciidanka Daraawiishta Jubaland.

“Dad waxaa jiro nolol lagu qabtay iyo hub badan ayaa gacanta ku dhignay, waxaana howgalladan wadajir u fuliyay ciidamada Danab iyo Daraawiishta Jubaland” ayuu raaciyay.

Dhankeeda dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 40 Shabaab ah, sidoo kale waxa ay so bandhigtay hubka lasoo furtay Khawaarijta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay dhaq-dhaqaaqyo kasii wadaan gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka ayaa jab culus lagu gaarsiiyay, waxaana kamid ah meelaha guulaha laga soo hooyay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan guluf culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo shalay warbixin soo saartay waxa ay ku dhowaaqday in dalka uu galay marxalad culus, islmarkaana dagaalka uu sii xoogeystay, si dalka looga saaro kooxaha argagixisada.

 

Khaire slams JSP launch, warns of political consequence

MOGADISHU, Somalia – Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s decision to launch a new political party, warning that the move could destabilize the country just months before Somalia’s landmark one-person, one-vote election.

Khaire, once an ally of the president, expressed deep concern that the formation of the Justice and Solidarity Party (JSP) undermines efforts to foster national unity and may derail the fragile political consensus needed to secure Somalia’s democratic transition.

“The president was expected to bring together federal and regional leaders, as well as opposition figures, to jointly confront terrorism and resolve political disputes—not to create a new source of division,” Khaire told The Africa Report.

“Somalia is at a critical juncture. This is a time for inclusive leadership, not unilateral political maneuvers,” he added.

Backlash over the JSP

Khaire joins a growing coalition of senior political figures voicing alarm over the timing and implications of the new party. Former presidents Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sharif Sheikh Ahmed have also called on President Mohamud to reverse course, arguing that the move threatens to unravel recent gains in political dialogue.

The launch of the JSP has drawn immediate comparisons to Somalia’s past authoritarian regimes. Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam ‘Madobe’ told journalists that the party closely resembles the Somali Revolutionary Socialist Party (SRSP) of former dictator Mohamed Siad Barre, which ruled the country for over two decades.

Critics say the JSP’s formation is not just politically provocative—it may also be part of a broader strategy to sideline the National Consultative Council, a key forum that includes all federal member state leaders.

Adding to concerns is that Prime Minister Hamza Abdi Barre and most cabinet members are aligned with the JSP, raising fears of power consolidation in the run-up to what is expected to be Somalia’s first direct national election in over 50 years.

President Mohamud has defended the initiative, saying the party’s purpose is to finalize the provisional constitution and establish a democratic framework rooted in justice.

“Our priority is to ensure one person, one vote—so that every citizen’s voice carries real weight,” he said at the party’s inauguration.

“Politics is not just about having a majority. Those who are organized will have the advantage.”

But Khaire and other critics remain skeptical, warning that the president’s true intention may be to shape the electoral process in his favor. “The focus should be on building consensus and protecting the integrity of the election, not deepening political divides,” Khaire said.

Growing domestic and international concern

U.S. officials have also weighed in, cautioning that constitutional reforms proposed by Mohamud’s administration must be inclusive and consultative to carry legitimacy.

“All relevant stakeholders should have a say in changes to Somalia’s federal and electoral systems,” the U.S. Bureau of African Affairs said on X. “Decisions taken without broad-based support will lack legitimacy and distract from pressing security challenges.”

Somali political analysts echo these concerns. Mohamed Elmi Afrah, a prominent analyst, suggested the JSP may be intended to manipulate the electoral landscape under the guise of universal suffrage.

“The party’s formation appears aimed at dissolving the National Consultative Council and reshaping the political order,” he said.

Others warn that this top-down approach could spark renewed instability. “Unless there is a truly independent electoral body, any vote will be marred by suspicion and unrest,” said Abdiwahab Sheikh Abdisamad, director of the Nairobi-based Institute for Horn of Africa Strategic Studies.

Opposition leaders fear Mohamud may be following the playbook of his predecessor, Mohamed Abdullahi Farmaajo, who faced widespread criticism for attempting to extend his term in office—an effort that nearly pushed the country into civil conflict.

“The president is risking a return to political crisis,” Khaire warned. “We cannot afford to repeat the mistakes of the past. He must listen to the voices calling for dialogue, unity, and credible elections.”

As Somalia approaches a pivotal election, the question remains whether the president will respond to growing calls for inclusion, or double down on a political strategy that could fracture the country’s fragile democratic progress.

Xog: Al-Shabaab oo odayaal badan ka afduubtay Sh/Dhexe iyo xaalad adag oo taagan

Mahadaay (Caasimada Online) – In ka badan 40 oday dhaqameed ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaaday ka afduubatay gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada la isku yiraahdo Afarta Tuulow, kadib markii ay fuli waayeen amaro culus oo la dul dhigay.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay galabta dhanka Mahadaay kala gudbeen odayaasha, iyagoo galbeed ugala talaabay wabiga Shabeelle.

Kooxda Al-Shabaab oo toddobaadyadii lasoo dhaafay cadaadis ku heysay odayaasha iyo dhamaan shacabka deegaanadaas ayaa ka weysay waxyaabihii ay ka dalbadeen oo noqday kuwo la fuli waayey.

Kooxda ayaa dalbaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la keeno dhallinyaro ay askareeyaan oo u dagaalanta, inay gabdho siiyaan, kuwaas oo loo guurinayo horjoogayaashooda iyo in haweenka la qabo habeenkii loo soo diro goobo ay wax ku barayaan macalimiin Al-Shabaab ah.

Waxaas oo dhan markii ay suurta geli waayeen oo odayaasha deegaanka ay iska diideen waxaa loo furay siminaarro lagu barayo ajendayaasha kooxda, kuwaas oo ‘maskax dhaqid’ ay ku sheegeen, ujeedkuna yahay in ugu dambeyn odayaasha deegaanka ay qaataan fikirka kooxda.

Maalmo kooban oo koorsooyinkaasi ay ka socdeen Ceelbaraf iyo Miirtaqwo kadib, waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo ay ka baqeen in odayaasha u xareysan laga furto, kadibna waxay maanta qaadeen tallaabo deg deg ah.

Waxay gaadiid Noohooyin ah saareen dhamaan odayaashii, waxayna kala talaabeen wabiga, iyagoo la aaday dhulka howdka ah ee galbeedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciqaab daran ku bilowday dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada ay dib u qabsadeen ee gobolka Sh/Dhexe, canshuur ayey ku soo rogeen beeraha, xoolaha suuqyada loo iib keeno, gaadiidka iyo ceelasha biyaha.

Intaas waxaa ka sii daran in sharafta dadkaas muslimiinta ah ay meel uga dhacayaan, iyagoo ku cadaadinaya inay siiyaan gabdho ay xoog ku guursadaan, carruur ay askareeyaan iyo odayaal dhaqan oo ku shaqeeya amarradooda, una dhaxeeya bulshada deegaanka iyo ayaga oo saacad kasta amarro cusub soo rogi kara.

Yaa fuliyey duqeyntii lagu laayey Macawiisleyda? – Ma ahan ciidamada Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar diyaaradeed oo dhimasho sababay kana dhacay bartamaha Soomaaliya 18-kii May ayaa dhaliyay jahawareer iyo walaac kadib markii ciidanka Mareykanka uu beeniyay inuu wax howlgal ah ka fuliyay Soomaaliya maalintaas, taasoo su’aalo ka dhalisay cidda laheyd diyaaradda iyo cidda mas’uulka ka ahayd weerarka.

Duqeynta ayaa sida la sheegay ku dhacday ciidamo Macawiisley ah, kuwaasoo ku sugnaa agagaarka deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Ugu yaraan 12 dagaalyahan ayaa lagu dilay, sida ay sheegeen ilo maxalli ah. Maleeshiyada Macawiisleyda oo door muhiim ah ku leh dagaalka lagula jiro kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa halkaas ka wada hawlgallo ay la socdaan ciidamada dowladda.

Warar deegaanka laga helay ayaa tilmaamaya in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay si khaldan u beegsatay dagaalyahannada ka soo horjeeda al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto dowlad ama ciidan illaa hadda sheegtay masuuliyadda weerarka.

Bayaanka Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo lasoo saaray caawa ayaa lagu caddeeyay in duqeymo ay ka fuliyeen 17-kii May, meel ku dhow deegaanka Mabaax oo qiyaastii 200km u jirta magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu beegsaday dagaalyahanno al-Shabaab ah. AFRICOM ayaa si cad u sheegay inuusan wax weerar ah fulin maalintii xigtay, 18-kii May.

“Anagoo la kaashanayna dowladda federaalka Soomaaliya, AFRICOM wuxuu 17-kii May qaaday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Si loo ilaaliyo amniga howlgalka, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin.”

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in al-Shabaab weli tahay khatar dhab ah oo soo wajahda ciidamada Mareykanka iyo saaxiibadooda gobolka, iyadoo hoosta ka xarriiqday muhiimadda iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Soomaaliya si loo wiiqo awoodda kooxda.

Jiritaanka weerar aysan jirin cid sheegatay ayaa dhalisay su’aalo degdeg ah: Yaa fuliyay weerarka? Ma bartilmaameed ayaa si khaldan loo aqoonsaday? Maxaa nidaam amni ah oo la adeegsadaa si looga hortago in khaladaad noocan oo kale ah ay soo noqdaan?

Dhowr dal oo shisheeye ah — oo ay ka mid yihiin Turkiga, Imaaraadka Carabta, iyo Itoobiya — ayaa la ogyahay in ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gudaha Soomaaliya, badanaa iyagoo la shaqeynaya dowladda. Si kastaba, midkoodna ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan weerarkaas.

Iyadoo aysan jirin wax qirasho rasmi ah, ayna sii kordhayaan walaacyada shacabka iyo siyaasiyiinta, cadaadis ayaa saaran dowladda federaalka iyo xulafadeeda caalamiga ah in ay baaraan dhacdada una soo bandhigaan natiijo cad.

Daawo: Aadan Madoobe oo si adag ugu jawaabay Jeesow “badbaado kaama rabo ee…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo si toos ah isugu jawaabay, kadib markii ka hadalkii ajendaha uu ka noqday dood.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka hadlayey sharci ay golaha horgeysay wasiir Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sheegay in Aadan Madoobe uu wax kasta iska ansixinayo.

“Xukuumada hadey keento Sheekh Aadan Madoobe hala sumeeyo oo laguu keeno xitaa waa ansixinee, adigaa badbaado u baahan guddoomiye,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si toos ah ugu jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa yiri, “Xildhibaan Daahir adiga badbaado kaama rabee ajendaha ka hadal.”

Hadalkaan ayaa saameyn badan ku yeeshay baraha bulshada, xildhibaan Jeesow oo ku qoslay jawaabta guddoomiyaha ayaa sii watay doodiisa, wuxuuna Sheekh Aadan Madoobe iyo dhamaan xildhibaanada kale ku eedeeyey inay gacanta iska taagayaan oo ansixinayaan wax kasta oo loo keeno.

Sharciga la horkeenay golaha ee doodaan ay ka dhalatay ayaa ku saabsanaa xuquuqul insaanka, kaas oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu dood ka qabay qodobo ka jira iyo cidda hor keentay golaha.

“Sharcigaan waxaa markii hore noo keentay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaan marsiinay akhrinta koowaad, hadda waxaa nala yiri waxaa la wareegtay wasaaradda xuquuqul insaanka oo hadii aan wax ka weydiino aan waxaba nooga sheegi karin, maanta akhrinta 3-aad ayaan marsiinay, waxaa hartay ansixintii, goormaa laga bedelayaa qodobada aan soo jeedinay in la saxo?” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u jawaabay ayaa sheegay in labada wasaaradood ay guddi isku dhaf ah u xil saareen diyaarinta sharcigaan, balse aysan jirin wasarado isku wareejiyey sharciga.

Hoos ka daawo

India sees strategic threat in Turkey’s Somalia Spaceport

NEW DELHI, India – A recent report published by India.com has raised alarms over Turkey’s growing strategic ambitions in the Horn of Africa, particularly its plan to build a spaceport in Somalia. The development is being closely watched in India, where concerns are mounting over Ankara’s expanding influence in the Indian Ocean—especially given its close ties with Pakistan.

The backdrop to these concerns lies in Turkey’s recent show of solidarity with Islamabad during heightened tensions between India and Pakistan. Ankara’s support sparked public criticism in India, a country that has, in the past, extended support to Turkey on various international fronts.

Now, Turkey’s sights appear to be set on the Indian Ocean, with President Recep Tayyip Erdogan reportedly pursuing a plan to construct a launch facility in Somalia for space exploration and potential ballistic missile testing.

According to the report, Turkey is in active discussions with Somalia to establish a spaceport on the country’s eastern coast. The move is seen as part of Ankara’s broader strategy to expand its technological and defense footprint in the region.

Somalia’s geographical position—close to the equator and with direct access to the Indian Ocean—makes it an ideal location for such a facility. Equatorial launch sites offer a natural advantage by benefiting from the Earth’s rotational speed, reducing fuel requirements and enabling safer launch trajectories over uninhabited waters.

The proposed site is said to be in the Jamme Dume region. Turkey has outlined a $1 billion investment plan for the project, with a goal of achieving a soft landing mission by 2028. Approximately $350 million is expected to go toward construction and long-term maintenance. President Erdogan first unveiled the initiative in 2021 as part of Turkey’s broader push into space and advanced missile technologies.

While the project does not pose an immediate threat to India, strategic analysts in New Delhi are cautious. Turkey’s unwavering support for Pakistan, coupled with its rapid expansion of defense exports to India’s neighbors and several African nations, is viewed as a long-term strategic challenge.

The report notes that Pakistan could potentially collaborate with Turkey in future missile or space programs—raising the specter of direct security implications for India.

Furthermore, Somalia’s location places it near key Indian strategic interests, including the Andaman and Nicobar Command, the Maldives, and broader Indian naval operations in the region. A permanent Turkish space and defense facility in Somalia could significantly alter the balance of power in the western Indian Ocean.

The report also draws attention to a potentially troubling geopolitical alignment. With China already operating a military base in neighboring Djibouti, the establishment of a Turkish facility in Somalia could pave the way for a China-Pakistan-Turkey axis. This would pose what some in India are calling a “three-front threat”: China to the north, Pakistan to the west, and Turkey to the southwest, via its outpost in Somalia.

In conclusion, while Turkey’s spaceport plans are framed as scientific and technological advancements, Indian observers see deeper strategic calculations at play. The initiative reflects Ankara’s ambition to project power beyond its borders—and, from India’s perspective, it adds a new layer of complexity to an already fragile regional security environment.

Sanbaloolshe oo war ka soo saaray go’aanka ay dowladda Sacuudi Carabiya maanta ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA, ayaa soo saaray qoraal uu dhaweynayo go’aan ay xukuumadda Sacuudiga ku meelmarisay heshiiska labada dal ee la dagaalanka iyo maalgelinta Argagixisada.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha Wasiirada Xukuumadda Sacuudiga ay 20-kii bishan ku ansixiyeen heshiis iskaashi oo bishii Febraayo ay magaalada Jeddah ku kala saxiixdeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

Soomaaliya iyo Hay’adda Nabadsugidda

Boqortooyada Sacuudiga,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Heshiiskan ay NISA shaacisay ee golaha Wasiirada Sacuudiga ay ansixiyeen ayaa ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo sidoo kale in dhanka maalgelinta lagala dagaalamo kooxaha argagixisada ah.

“Heshiiskaan wuxuu laf-dhabar u noqon doonaa dagaalka aan kula jirno Khawaarijta iyo ka hortagga dambiyada ka dhasha maalgelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa si weyn xoogga u saaraya qorsheyaasha lagu dardargelinayo la dagaalanka Argagixisada, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeedkaan.

“Qorshayaasha socda ayaa qayb ka ah dadaalka guud ee amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ku howlan isku dayada lagu dhibaateynayo Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Taliyaha NISA ayaa ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay maalmihii lasoo dhaafay jab culus ku gaarsiiyeen kooxaha argagixsada ah.

Who hit Somalia militia? U.S. denies May 18 drone strike

MOGADISHU, Somalia – A deadly drone strike in central Somalia on May 18 has triggered confusion and alarm after the United States military denied conducting any operations that day, leaving the origin of the strike—and the responsibility for the deaths—unclear.

The strike reportedly hit pro-government Ma’awisley militia forces near Moqokori in the Hiran region, killing at least 12 fighters. The militia, a key partner in Somalia’s war against the al-Qaeda-linked al-Shabaab group, had been operating in coordination with Somali government troops in the area.

Local reports suggest the drone mistakenly targeted the anti-al-Shabaab fighters. However, no country or force has claimed responsibility for the incident.

In a statement released on Monday, U.S. Africa Command (AFRICOM) confirmed it carried out airstrikes on May 17, targeting al-Shabaab militants near Mabaax, roughly 200 kilometers north of Mogadishu. The U.S. military stressed that it did not conduct any airstrikes on May 18.

“In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted airstrikes against al-Shabaab on May 17,” the statement said. “Specific details about units and assets will not be released to ensure continued operational security.”

AFRICOM further noted that al-Shabaab remains a credible threat to U.S. forces and allies in the region and emphasized its continued partnership with Somali forces to degrade the group’s capabilities.

The lack of accountability for the May 18 strike has raised urgent questions: Who launched the drone? Was it a misidentified target? And what protocols are in place to prevent similar tragedies in future operations?

Multiple foreign actors, including Turkey, the United Arab Emirates, and the African Union, are known to operate drones in Somalia, often in coordination with the Somali government. However, none have issued a statement regarding the strike in question.

With no official acknowledgment and rising civilian and political concern, pressure is mounting on Somali authorities and their international partners to investigate the incident and provide answers.

The tragic incident highlights the growing complexity of Somalia’s security landscape, where multiple militaries, foreign advisors, and local forces operate side by side. Without improved coordination and transparency, fatal errors are dangerously high.

Xog: Madaxa DF oo bilaabay qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo 4 gobol ka kooban

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaaday dadaallada lagu dhisayo maamul rasmi ah oo ka hanaqaada gobollada waqooyi ee Sool, Sanaag, Cayn, iyo Haylaan — dhul ay sheegtaan Puntland iyo maamulka SSC-Khaatumo.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kulan hordhac ah oo u dhexeeyay saraakiil dowladda federaalka ah iyo wakiillo maxalli ah ayaa la qabtay dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo la filayo in shirar iyo wadahadallo heer gobol ah la qabto toddobaadyada soo socda.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda dhexe ay ku dooneyso in ay si rasmi ah ugu kordhiso gobolladan nidaamka federaalka ee dalka.

Gobollada la isku yiraahdo SSC — Sool, Sanaag, iyo Cayn — ayaa waxaa ka soo ifbaxay. Maamulka SSC-Khaatumo, horraantii 2023, kadib markii ay ciidamada Somaliland ka baxeen magaalada Laascaanood, caasimadda gobolka Sool.

Dowladda federaalka ayaa maamulka u aqoonsatay maamul goboleed cusub oo ka tirsan federal, inkasta oo aan si rasmi ah loo dhameystirin. Puntland ayaa wali ku adkeysanaysa sheegashada taariikhiga ah iyo maamulka ay horey ugu lahayd gobolladan, halka SSC-Khaatumo ay ku doodayso in ay mataleyso rabitaanka bulshada deegaanka.

Dadaalka dowladda dhexe ayaa daba socda go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay April 2024, kaas oo si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay musharrax u taagan maamul goboleednimo.

Goluhu wuxuu u xilsaarey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta hoggaaminta hannaanka, oo ay ka mid yihiin:

  • Qabashada shirweyne aasaasi ah
  • Qorista dastuurka goboleedka
  • Dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka

Laascaanood waxaa ka socda diyaar-garow ballaaran oo loogu jiro shir lagu dhisayo saldhigga rasmiga ah ee maamul-goboleedka cusub. Shirkan ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo arrimo ay ka mid yihiin matalaadda siyaasadeed iyo qaab-dhismeedka dastuurka goboleedka.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhameystirayo qaab-dhismeedka maamulka SSC-Khaatumo,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan guddiga wadahadallada, kaas oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Maamulka Puntland oo fadhigiisu yahay magaalada Garoowe wali si rasmi ah ugama jawaabin tallaabooyinka dowladda dhexe. Si kastaba, dhowaan waxay ku eedeysay hoggaanka SSC-Khaatumo inay doonayaan in gobolka Sanaag laga gooyo Puntland — eedeyntaas oo aan wax jawaab ah laga bixin dhinaca SSC-Khaatumo.

Aamusnaanta Puntland ayaa muujinaysa caqabado siyaasadeed oo adag. Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in haddii Puntland ay si cad u diido geeddi-socodka SSC-Khaatumo, ay khatar ugu jirto inay lumiso taageerada bulshada deegaanka. Dhanka kale, haddii ay si dadban u oggolaato, waxay halis ugu jirtaa in ay lumiso sheegashadeeda dhuleed.

“Puntland waxay ku jirtaa meel siyaasadeed oo aad u jilicsan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Garoowe. “Hoggaanku waa inuu miisaamaa khatarta go’doon siyaasadeed iyo tan ka dhalan karta luminta saameynta ay ku leedahay dhul ay u aragto mid iyada ka tirsan.”

Inkastoo dowladda federaalka ay u muuqato mid go’aan ku gaartay horay u socoshada geeddi-socodkan, falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in haddii Puntland iyo odayaasha dhaqanka laga weeciyo, ay arrintu horseedi karto khilaafyo hor leh iyo sii kala fogaansho siyaasadeed.

Daawo: AQALKA CAD oo baahiyay muuqaal Soomaaliya ku saabsan kadib markii….

0

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa baahiyey muuqaalka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la duqeeyay, iyaga oo ku dhuumaaleysanayo qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland.

Muuqaalka ayaa muujinayo gantaal culus oo ku dhacaya xubnaha oo ka firxanaya buuraha hoostooda, halkaas oo lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii joogay goobta.

Aqalka Cad ayaa soo bandhigay diyaaradaha Mareykanka oo toos u duqeynaya kooxda Daacish, mana jirin cidna ka baxsan intii wada socotay ee bartilmaameedka ahayd ee ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntan oo maalmo kahor ka dhacday halkaasi.

Qoraal kooban oo uu Aqalka Cad raaciyay muuqaalka uu baahiya ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay in duqeyntaas lagu  dilay in ka badan 10 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah, welina ay sii wadi doonaan beegsi lagu hayo maleeshiyada Daacish.

Mareykanka ayaa qayb ka ah howlgallada ka socda gobolka Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka adag kula jira kooxda Daacish.

Ujeedka duqeymaha Mareykanka ayaa la xiriiro sidii loo cuuryaamin lahaa kooxda, loona burburin lahaa saldhigyada ay ku leeyihiin buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Xaaladda deegaannada la duqeeyay ayaa weli kacsan, waxaana kusii siqaya ciidamada Puntland oo qorsheynaya inay gaaraan godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Daacish.

Weerarkii ugu dambeeyay oo cirka ahaa ayaa waxaa maalin kahor lagu khaarijiyay madixii kooxda Daacish u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo keenista ajaanibta, kaas oo lagu magacaabo Axmed Muuse Siciid (Axmed Beeldaaje).

Hoggaamiyaha la dilay ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, laakiin wuxuu wax kusoo barbaaray dalka Imaaraatka Carabta, halkaasi oo uu wax kusoo bartay, sidoo kalena uu ka abuurmay xiriirada uu la lahaa shabakado dibadeed, taasi oo ka dhigtay shakhsi aad muhiim ugu ahaa kooxda Daacish.

Si kastaba, howlgallada culus ee haatan ka socda Puntand ayaa gabagabo ku dhow, waxayna ciidamadu ku xoreeyeen dhul ballaaran oo ka tirsan buuraleda gobolka Bari.

Daawo: Maxkamadda Sare oo war kasoo saartay beenta laga faafiyay kiiska Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo wareysi bixiyay ayaa si adag uga hadlay kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay maxkamadaha dalka ugu xukumeen dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, isaga oo meesha ka saaray beenta la faafiyay

Baashe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in go’aanka maxkamadaha uu sidiisii yahay isla-markaana dil lagu xukumay Sayid-Cali, haddana uu sugayo fulin oo kaliya.

“Sida aad ka war haysaan saddexda maxkamadood ee kala ah maxkamadda gobolka Banaadir, maxkamadda Racfaanka iyo maxkamadda Sare go’aan isku mid ah ayay kasoo saareen kiiska Sayid-Cali dhammaantoodna waxay ku heleen dambiga ah inuu gaystay dil oo uu gubay xaakiisa waxaana lagu xukumay dil toogasho” ayuu yiri guddoomiye Baashe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadda Sayid-Cali uu ku xiran yahay xabsiga dhexe, wuxuuna xaqiijiyay in aanu ka bixinin xabsiga, wararka la faafiyayna ay yihiin been abuur.

“Hadda waxa uu ku jiraa xabsiga, mana bixi karo, kaliya waxa uu sugayaa fulinta xukunka ay maxkamadda gaartay”, ayuu mar kale yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Warka sheegaya inuu baxay warkaasi war sax ah ma ahan, qof xukuman oo maxkamadi xukuntayna dabcan xabsiga kama bixi karo”.

Hadalkan ayaa gebi ahaan meesha ka saaraya warar aad u faafay oo ku aadanaa in lasii daayay Sayid-Cali, kadib muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo hadda beenoobay, waxaana ka dhashay hadal-heyn xooggan.

Kiiska Luul Cabdicasiis ayaa ahaa mid xasaasi ah oo dhaliyay saameyn aad u wayn, kadib markii uu saygeeda oo hadda xiran uu nolosha ku gubay, kaas oo isna dil lagu xukumay.

Si kastaba, waxaa hadda kaliya la sugayaa fulinta xukunka oo aad u daahday, maadaama maxkamadaha dalka ay horay go’aan kama dambeys ah uga gaareen arrinta Sayid Cali.

Maxaa kasoo kordhay taliyihii askarigu ku dilay furinta hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta gudaha magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaale oo dhowaan askari ka tirsan ciidamadii uu xukumayay uu kusoo dilay furinta hore, gaar ahaan deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

Aaska taliyaha ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka gaashaadnigga, Axmed Macallin Fiqi, madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Dabageed, xildhibaanno, senataro, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa marxuumka eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo jannadii Firdowso, wuxuuna tilmaamay inuu dhintay, isaga oo u shaqeynayay dalkiisa iyo dadkiisa. Balse sooma hadal qaadin kiiska sida uu u dhacay iyo tallaabada xigtay ee la qaaday illaa iyo hadda.

“Col. Xujaale wuxuu ahaa shahiid naftiisa u bixiyay difaaca dalka, waxaan u tacsiyeynayaa ehelkiisa iyo ciidanka Xoogga dalka oo uu ka baxay marxuumka” ayuu yiri wasiir Fiqi

Dilka taliye Xujaale wuxuu yimid kadib markii askari ka tirsan ciidanka uu ku dhuftay xabad Dhashiike ah, xilli uu socday dagaal adag oo lagula jiray kooxda Al-Shabaab.

Sababta taliyaha loogu dhuftay xabadaas waxaa lagu sheegay in askarigu uu ku mashquulsanaa cilad-bixinta qorigaas, isla markaana ay ka fakatay xabadda ku dhacday taliyaha.

Xilligaas wax yar uun kahr waxaa istaagay dagaal ay ciidanka kusoo jabiyen Al-Shabaab, kadibna, waxaana dhacday toogashada taliyaha, taas oo dhalisay tuhun aad xooggan.

Askarigii dilka geystay ayaa haatan xiran, waxaana ku socdo baaritaanno dheeraad ah oo ay ku hayso dowladda Soomaaliya, maadaama uu gacantiisa ku baxay taliye muhiim ah.

Waxaa dilkan ka horreeyay mid kale oo isna dhowaan loo gaystay taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan.

Nuur Farey ayaa la dilay, xilli uu ku sugnaa xerada ciidamada, waxaana la xaqiijiyay in ninka ka dambeeyey dilkiisa uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, kaas oo isla goobta lagu dilay, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa gudaha xerada.