24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Askar Mareykan ah oo lagu dilay Ciraaq xilli uu kordhay khasaaraha dagaalka Iiraan

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askari kale lagu dilay waqooyiga Iraq, maalin kadib markii weerar ay Iran ku qaaday saldhig ku yaalla Jordan uu dilay laba askari oo Mareykan ah, mid kalena lagu waayay.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in askariga la dilay Sabtidii, xilli si qorsheysan loo qarxinayay walxaha qarxa ee ku jiray diyaarad weerar oo Iran leedahay, taas oo ciidamada Mareykanku hore u soo rideen.

Qaraxa ayaa sidoo kale dhaawacay askari kale, sida uu talisku sheegay.

Dhacdadan ayaa tirada ciidamada Mareykanka ee lagu dilay dagaalka Iran gaarsiisay 17, kadib markii sidoo kale duuliye ka tirsanaa ciidamada badda Mareykanka, oo la waayay horaantii bishan, lagu dhawaaqay inuu dhintay.

Khasaaraha cusub ayaa yimid iyadoo Mareykanka iyo Iran ay maalintii siddeedaad oo xiriir ah is-weydaarsanayaan weerarro sii xoogeysanaya, kuwaas oo ku fiday Iraq, Jordan, dalalka Khaliijka iyo marin-biyoodka Hormuz.

Haraaga qof oo laga helay Jordan

CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in goobtii weerarkii Jimcihii lagu qaaday saldhigga Jordan laga helay haraaga qof aan weli la aqoonsan.

“Waxaa socda baaritaan lagu xaqiijinayo haraaga,” ayuu talisku ku sheegay warbixin cusub.

Laba askari oo Mareykan ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, halka askari saddexaad lagu waayay.

Muuqaallo la xaqiijiyay oo laga soo duubay gudaha xarunta ciidamada ayaa muujiyay ugu yaraan laba gantaal ama diyaarad weerar oo ku dhacaya goobta, kadibna uu qarax xooggan dhacayo.

Washington ayaa weerarka ku eedeysay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, waxayna sheegtay in duqeymaha xigay looga gol lahaa in si degdeg ah looga jawaabo dilka askarta Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in weerarradooda ugu dambeeyay ay sidoo kale bartilmaameedsadeen awoodda Iran ee ay ugu hanjabeyso maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz.

Marinkaasi wuxuu muhiim u yahay ganacsiga caalamiga ah, waxaana mara qeyb weyn oo ka mid ah shidaalka iyo gaaska dunida loo dhoofiyo.

Xabbad-joojintii oo burburtay

Xiisadda hadda taagan ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis xabbad-joojin hordhac ah oo Mareykanka iyo Iran ay gaareen wax ka yar bil kahor.

Mareykanka ayaa dib u soo celiyay xannibaad dhinaca badda ah oo uu saaray dekedaha Iran, halka Tehran ay ku dhawaaqday in Marinka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana ay bartilmaameedsaneyso dalalka gobolka ee taageera Washington.

Labada dhinac ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inay weerareen kaabayaal muhiim u ah nolosha shacabka, oo ay ku jiraan xarumaha tamarta, biyaha, gaadiidka iyo saldhigyada milatari.

Iran ayaa sheegtay in ugu yaraan 50 qof lagu dilay, in ka badan 500 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Mareykanka saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay.

Warbaahinta Iran ayaa Axaddii sheegtay in habeenkii la weeraray xarun koronto oo nukliyeer ah oo weli laga dhisayo magaalada Darkhoveyn ee koonfur-galbeed dalka, iyo sidoo kale jasiiradda Qeshm.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka ayaa ugu baaqday dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn.

Hay’addu waxay sheegtay in xarunta Darkhoveyn ay weli ku jirto marxaladihii ugu horreeyay ee dhismaha, isla markaana aysan ku jirin wax nukliyeer ah markii ugu dambeysay ee ay kormeerayaasheedu booqdeen.

Si kastaba, weerarka xarun la xiriirta tamarta nukliyeerka ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo in dagaalku taabto goobo xasaasi ah, taas oo keeni karta saameyn ka gudubta xuduudaha Iran.

Jordan oo u yeertay diblomaasi Iran ah

Ciidamada Jordan ayaa sheegay inay soo rideen saddex gantaal oo Iran laga soo tuuray, halka gantaal afaraad uu ku dhacay meel ka fog goobaha ay dadku deggan yihiin.

Tallaabada ayaa timid kadib digniin Mareykanku bixiyay oo ku saabsan in dekedda Aqaba ay bartilmaameed noqon karto.

Dowladda Jordan ayaa u yeertay sii-hayaha safaaradda Iran ee Amman, iyadoo ka dalbatay Tehran inay si degdeg ah u joojiso weerarrada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa weerarrada ku tilmaantay kuwo “aan cudurdaar lahayn oo cad”, waxayna sheegtay in ammaanka iyo madaxbannaanida dalka ay yihiin “khad cas oo aan la dhaafi karin”.

Ciidamada Israel ayaa dhankooda sheegay inay rideen gantaallo difaac si ay uga hortagaan burburka gantaallada Iran ee ku wajahnaa Jordan inuu ku dhaco gudaha Israel.

Qeybo ka mid ah gantaallada difaaca ayaa markii dambe laga helay meel u dhow magaalada Eilat ee koonfurta Israel, oo ku dhow xadka Jordan, balse wax khasaare ah lama soo sheegin.

Sii kororka khasaaraha ciidamada Mareykanka, weerarrada Iran ee dalalka gobolka iyo beegsiga kaabayaasha muhiimka ah ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda ay isu beddesho dagaal ballaaran oo ay ku lug yeeshaan dalal badan oo Bariga Dhexe ah.

Maxay ka dhigan tahay ku guusha Spain ee K/Adduunka?

New York (Caasimada Online) – Xulka Qaranka Spain ayaa xalay ku guuleystay Koobka Adduunka 2026, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Xulka Qaranka Argentina, iyada oo ay dhex-martay ciyaar adag oo la isku mari waayay 90-kii daqiiqo, balse lagu kala baxay waqtiga dheeriga ah.

Kulanka oo ka dhacay New York New Jersey Stadium ayaa ahaa mid ay labada xul ku soo bandhigeen ciyaar adag oo leh feejignaan sare. Spain ayaa inta badan maamulaysay kubadda, waxayna abuurtay fursado badan, halka Argentina ay ku tiirsaneyd difaac adag iyo badbaadino uu sameeyay goolhaye Emiliano Martínez.

Markii 90-kii daqiiqo lagu kala bixi waayay barbaro goolal la’aan ah, ciyaarta ayaa gashay waqti dheeri ah. Xaaladda Argentina ayaa sii adkaatay markii Enzo Fernández la siiyay kaarka casaanka kaddib digniintii labaad, taasoo ku qasabtay inay 10 ciyaaryahan ku dhammaystaan kulanka.

Guusha Spain waxaa xaqiijiyay weeraryahanka Ferran Torres, kaas oo daqiiqaddii 106-aad shabaqa ku hubsaday kubaddii guusha, isagoo ka faa’iideystay weerar joogto ah oo ay Spain ku cadaadinaysay difaaca Argentina. Goolkaas ayaa noqday kii lagu kala baxay final-ka.

Si kastaba, Argentina ayaa isku dayday inay soo laabato daqiiqadihii ugu dambeeyay, hase yeeshee difaaca Spain iyo goolhaye Unai Simón ayaa si adag u ilaashaday hoggaanka, taasoo xaqiijisay in Spain ay qaaddo koobka markii labaad taariikhdeeda, 16 sano kadib hanashadeedii ugu horreysay ee 2010.

Guushan ayaa sidoo kale sii xoojisay sumcadda tababare Luis de la Fuente, kaasoo Spain ku hoggaamiyay guulo waaweyn sanadihii u dambeeyay. Dhinaca kale, final-kan ayaa loo arkaa inuu noqon karo kulankii ugu dambeeyay ee Lionel Messi u ciyaaro Koobka Adduunka, taasoo ka dhigtay habeen xusuus gaar ah leh inkastoo Argentina laga adkaaday.

Dhanka kale, Dabaal-degyo waa wayn ayaa weli ka socda guud ahaan dalka Spain, kadib markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka markoodii labaad taariikhida, iyaga oo horay ugu guuleystay 2010-kii

Koobka Adduunka oo ay sanadkan hanatay Spain, wuxuu ka kooban yahay 6.175 kiilo, waxaana dahabka ku jira lagu qiimeeyay ku dhowaad $713,000 (ama £532,000), sida lagu sheegay falanqayn ay samaysay London Stock Exchange Group (LSEG).

DANAB oo soo bandhigtay maydka horjooge Shabaab ah kadib howlgal..

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay u daatay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 9 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayey, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayey deegaanka ay ciidamada ka sameeyeen howlgalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa soo bandhigay maydka horjoogaha la khaarijiyay oo watay qoray AK47 ah, iyaga oo sheegay inuu dhibaato ku hayay shacabka deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Danab ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sidoo kale shaaca ka qaada inay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah khawaarijta, isla markaana ciidamadu ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuumaalaysato kooxdu.

Waa howlgalkii labaad oo isla deegaankan ka dhacayo maalmo gudahood, iyada oo dhawaan lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar oo kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyada cusub iyo uruurinta baadda ee ay Al-Shabaab ka qaadaan dad shacabka ah.

Horjooge Cabdisalaan Macallin oo ay ciidamadu si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaqiisa ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag oo ugu dambeyn lagu khaarijiyay.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah argagixisada, waxaana sidoo kale socda diyaar garow ku aaddan dagaal cusub oo uu markale iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogta duqeyn culus oo caawa lala beegsaday guri ay ku shirayeen madax Shabaab ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka fuliyeen deegaanka Biyo Cadde oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymo is xig-xigay ayaa ka dhacay gudaha magaalada, iyada oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Weerarka koowaad ayaa lagu beegsaday guri uu shir uga socday horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna ku jiraan saraakiil ajaaniib ah, kuwaas oo la sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen duqeynta lala eegtay.

Sidoo kale, waxaa la gubay illaa saddex gaari oo nooca dagaalka ah oo tiilay guriga uu shirka uga socday madaxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil sirdoon oo xog hordhac ah ka bixiyay weerarka.

Duqeynta labaad oo iyana ahayd bartilmaameed ayaa lala beegsaday maleeshiyo kale oo gurmad ku yimid, kuwaas oo lasoo wariyay in khasaaro kale lagu gaarsiiyay goobta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo inta badan iska kaashada weerarrada dhanka cirka ah ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan weerarkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Xaaladda Biyo Cadde ayaa caawa ah mid kacsan, iyada oo laga dareemayo raadka duqeymaha culus ee ka dhacay deegaankaas, sidoo kale waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cabsi ku beeray shacabka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay deegaannada Maamul Goboleedka HirShabelle, waxaa ka socday guluf ka dhan ah Khawaarijta, iyada oo dib loo bilaabay howlgalladii ka socday labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Daawo: Guriceel oo dirtay farriin lamid ah tii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa galabta dirtay farriin lamid ah tii ay shalay dirtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyay musharraxa Xisbiga JSP ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Shuluq).

Shacabka Dhuusamareeb ayaa Sabtidii usoo banaanbaxay soo dhaweynta Liibaan Shuluq OO Villa Soomaaliya uu waddo Madaxweynaha Galmudug, iyada oo shacab fara badan iyo masuuliyiin ay la qayb-galeen bandhigaasi siyaasadeed.

Si lamid ah Guriceel ayaa Galabta muujisay inay diyaar u tahay doorashada tooska ah ee Galmudug, waxaana wacdaro ka dhigay Xisbiga Towqfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo taageero wayn ku leh gobollada dhexe.

Sheekha ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Guriceel, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galay maamulka degmada, waxgaradka deegaanka iyo kumanaan kun oo shacab ah oo isugu baxay bartamaha magaaladaas.

Sidoo kale, Isu soo baxa oo u dhacay si nabad ah ayaa ka tarjumaya rajada iyo ka qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay hadda Dowladda Federaalka ka qaybaneyso maamul-goboleedyada.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay taageerayaashiisa ayaa u mahad-celiyay, sidoo kalena wuxuu ku booriyay ka qayb-galka doorashada.

Waxaa kale oo uu ka codsaday in xisbigiisa ay codka siiyaan, sidoo kalena ay soo dhaweeyaan ururrada kale ee tartamaya maadaama la galayo loollan adag.

“Ururka Towfiiq codka siiya ururrada kale yaan la qadin far kaliya fool ma dhaqdo waxaan jeclahay inaan is garabsano oo horay loo socdo,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, Mudane Sheekh Maxamad Shaakir Cali.

Dhammaan degmooyinka Galmudug ayaa waxaa haatan si weyn uga socda ololaha doorashooyinka isku sidkan ee maamulkaasi, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, maadaama dhawaan la guda galayo doorashada.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya 35 Xisbi, kuwaas oo hadda olole xooggan ka wada magaalooyinka maamulkaas.

Mojtaba Khamenei oo ku dhowaaqay go’aan culus iyo ‘cashar aan la illoobi doonin’

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa Mareykanka ugu hanjabay inuu la kulmi doono “casharro aan la illoobi doonin”, isaga oo Washington ku eedeeyay inay si isdaba joog ah u jebisay heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee ay labada dal gaareen bishii hore.

Bayaan qoraal ah oo loo nisbeeyay Khamenei, lagana akhriyay telefishinka dowladda Iran Sabtidii, ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka Mareykanka ay caddeeyeen inaan lagu kalsoonaan karin ballanqaadyada madaxweyne Donald Trump.

“Jebinta soo noqnoqotay ee heshiiska waxay mar kale qof walba u caddeysay in saxiixa madaxweynaha Mareykanka uu yahay mid aan wax qiimo iyo kalsooni ah lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Khamenei ayaa Mareykanka ku eedeeyay “xoog sheegasho, kelitalisnimo iyo arxan-darro”, isaga oo sheegay in dhaqamadaas ay yihiin kuwo aan laga sooci karin siyaasadda Washington.

“Cadawga Mareykanka waa inuu ogaadaa in shacabka qaaliga ah ee Iran iyo Jabhadda Iska-caabintu ay u hayaan casharro aan la illoobi doonin,” ayuu yiri hoggaamiyaha sare ee Iran.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu mar kale sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, kaddib markii uu burburay heshiis xabbad-joojin ah oo muddo kooban hakiyay dagaallada.

Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo gudaha Iran, isaga oo sheegay inuu beegsanayo xarumo la xiriira ciidamada, gantaallada iyo saadka militariga.

Hase yeeshee, warbaahinta Iran ayaa sheegtay in weerarrada qaarkood ay waxyeelleeyeen kaabayaal rayid ah, oo ay ku jiraan buundooyin, waddooyin, saldhig tareen iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla koonfurta dalka.

Ugu yaraan shan buundo ayaa lagu warramay in lagu dhuftay weerarrada Mareykanka, halka toddobo qof lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada dekedda leh ee Bandar Khamir. Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku saabsan weerarrada lagu beegsanayo kaabayaasha rayidka ee Iran iyo dalalka kale ee gobolka.

Iran ayaa dhankeeda qaaday weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhan ah dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Kuwait ayaa sheegay in weerar Iran lala xiriiriyay uu haleelay xarun lagu dhaliyo korontada laguna sifeeyo biyaha badda, taas oo sababtay dab iyo inay hawlgabka noqdaan tiro ka mid ah qeybihii korontada dhalinayay.

Kuwait waxay inta badan biyaha ay cabbaan dadkeedu ka heshaa xarumaha biyaha badda looga saaro cusbada, taas oo weerarka ka dhigtay mid muujinaya halista ay dagaalladu ku hayaan adeegyada aasaasiga ah ee dalalka Khaliijka.

Xiisadda cusub ayaa timid kaddib markii uu burburay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Iran iyo Mareykanka bishii June ku gaareen dhexdhexaadin ay sameeyeen Qatar iyo Pakistan.

Heshiiskaas ayaa dhigayay xabbad-joojin socota 60 maalmood, dib-u-furidda marin-biyoodka Hormuz iyo in la bilaabo wada-hadallo lagu doonayo heshiis rasmi ah oo soo afjara dagaalka, isla markaana xal looga gaaro barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Tehran iyo Washington ayaa markii dambe midba kan kale ku eedeeyay inuu jebiyay qodobbadii heshiiska, waxaana labada dhinac ay ku dhawaaqeen inuu is-afgaradku burburay.

Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku uu hadda muujiyay “wajigiisa dhabta ah”, isaga oo Washington ku tilmaamay dowlad aan la isku halleyn karin.

Waxa uu shacabka Iran ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan hoggaanka dalka, isla markaana ay muujiyaan feejignaan iyo firfircooni inta uu socdo dagaalka uu ku tilmaamay mid lagu difaacayo jiritaanka iyo madax-bannaanida Iran.

Waxaa sidoo kale isa soo taraya walaaca laga qabo in xulafada Iran ee gobolka ay dagaalka si toos ah ugu biiraan. Warar ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ku hanjabayaan inay carqaladeyn karaan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Tallaabo noocaas ah waxay khalkhal gelin kartaa isu-socodka maraakiibta, ganacsiga caalamka iyo suuqyada tamarta, xilli weerarrada cusub ay durba hoos u dhigeen suuqyada saamiyada Khaliijka, isla markaana sare u qaadeen qiimaha shidaalka.

Sawirro: Mashruuc 20 waddo looga dhisayo Muqdisho oo maanta la daah-furay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo farxad-gelisay shacabka Muqdisho, kadib markii uu dhagax-dhigay mashruuc 20 waddo looga dhisayo gudaha caasimada.

Mashruucan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa maanta Axad ah dhagax-dhigay guddoomiye ku xigeenka hawlaha guud ee Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, iyada oo ujeedadu tahay in 20 waddo oo Interloog ah laga dhiso waaxyaha Axmed Gurey iyo Sayidka ee degmadaasi.

Cabdimajiid Daahir ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda caasimadda iyo adeegyada guud ee bulshada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in maamulka Gobolka uu mudnaan gaar ah siinayo hirgelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, isaga oo xusay in waddooyinka Interloogga ah ay wax weyn ka tari doonaan adeegyada bulshada, fududeynta isku-socodka gaadiidka iyo dadka, iyo kor-u-qaadista bilicda magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale shacabka degmada Hawlwadaag ugu baaqay inay xoojiyaan wadashaqeynta kala dhaxaysa maamulkooda, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed, loona ilaaliyo kaabayaasha bulshada ee la dhisayo.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in iskaashiga bulshada iyo maamulka uu laf-dhabar u yahay horumarka waara iyo qurxinta Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa madax heer gobol iyo degmo, mas’uuliyiinta maamulka degmada Hawlwadaag, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay hirgelinta mashruucan muhiimka ah ee wax ka beddelaya bilicda iyo isku-socodka deegaanka.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u sheegay in ololahiisa ku aadan hormarinta caasimada iyo bilic soo celinteeda ay sii socon doonto, iyadoo la adkeynayo fulinta awaamiirta la xiriirta nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.

Warbixin shaacisay in aysan jirin arrinta Mareykanka ugu qiil dayey in Soomaaliya uu…

Washington (Caasimada Online) Sababta uu militariga Mareykanka u cuskanayo duqeymaha joogtada ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa ku saleysan halis argagixiso oo aan dhab ahaan ku soo wajahneyn gudaha Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ku baaqday in Washington ay soo afjarto faragelinteeda militari ee Soomaaliya.

Machadka Defense Priorities oo fadhigiisu yahay Washington ayaa warbixin uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in Al-Shabaab iyo faraca kooxda Daacish ee Soomaaliya aysan weligood muujin awood iyo damac ay halis weyn ugu geysan karaan Mareykanka.

Warbixinta ayaa sheegtay in labada kooxood ay inta badan xoogga saarayaan dagaallada maxalliga ah ee ka socda gudaha Soomaaliya, halka duqeymaha Mareykanka iyo taageerada militari ee socotay sannado badan aysan ku guuleysan inay jebiyaan ama soo afjaraan awooddooda.

“Mareykanku dano aad u kooban ayuu Soomaaliya ku leeyahay, ha noqdaan kuwo amni ama kuwo kale,” ayuu qoray William Walldorf, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Defense Priorities.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Al-Shabaab, Daacishta Soomaaliya iyo kooxaha la midka ah “aysan wax halis ah ku hayn gudaha Mareykanka,” isla markaana ay suuragal tahay in hawlgallada militari ee Washington ay xitaa sii xoojiyeen kooxahaas.

Natiijada warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Mareykanku si weyn u kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku socda heer aan hore loo arag.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa ku dhawaaqay ku dhowaad 80 weerar oo uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkan, kadib qiyaastii 125 duqeyn oo la fuliyay sanadkii hore.

Kororka weerarrada ayaa yimid kadib amar uu sanadkii hore bixiyay xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo taliyeyaasha AFRICOM siiyay awood dheeraad ah oo ay ku go’aamin karaan goorta la fulinayo duqeymaha.

Si kastaba, wali ma cadda saameynta dhabta ah ee ay weerarradu ku yeesheen Al-Shabaab, oo muddo labaatan sano ah ka dagaallameysay Soomaaliya, isla markaana doonaysa inay meesha ka saarto dowladda dalka.

Sanadkii 2025, Al-Shabaab ayaa sameysay horumar dhuleed oo ballaaran, iyadoo dib u qabsatay deegaanno ay dowladdu gacanta ku dhigtay laba sano ka hor, sida lagu sheegay warbixin ay bishii hore soo saartay hay’adda International Crisis Group, balse dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Inkasta oo ciidamada dowladda ay markii dambe dib isu abaabuleen, ayna sugeen deegaanno ku dhow Muqdisho, haddana qeybo ballaaran oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya ayaa weli gacanta ugu jira maleeshiyada, taas oo labada dhinac gelisay xaalad aan midkoodna guul cad gaarin.

Dood ka taagan halista Al-Shabaab

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku doodayay in howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya uu si toos ah ula xiriiro ilaalinta amniga Mareykanka.

Howlgalka ayaa inta badan ku saleysan tababarka iyo la-talinta ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada cirka ee la siiyo ciidamada la dagaallamaya kooxaha hubeysan.

Taliyeyaal kala duwan oo Mareykan ah ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ay leeyihiin damac ay weerarro uga geystaan meelo ka baxsan qaaradda.

Taliyaha hadda ee AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa dhageysi ka dhacay Senate-ka bishii May ku sheegay in “xudunta argagixisada caalamka ay hadda tahay Afrika.”

“Hoggaanka Daacish waa Afrikaan, halka mishiinka dhaqaale ee Al-Qaacida uu yaallo Afrika,” ayuu yiri Anderson.

“Labada kooxoodba waxay leeyihiin rabitaan iyo damac ay ku weeraraan dalkeenna.”

Hase yeeshee, heerka khatarta ay kooxahaas ku hayaan Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa arrin muran ka taagan yahay.

Xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa buuggiisii xusuus-qorka ee la daabacay 2022 ku sheegay in isku daygiisii ahaa in la yareeyo howlgalka Soomaaliya uu iska caabin kala kulmay AFRICOM.

Esper ayaa sheegay inuu u arkayay halista Al-Shabaab mid xaddidan, balse taliska AFRICOM uu ku khilaafsanaa qiimeyntaas.

“Qiimeyn noocaas ah waxay khatar gelin lahayd kheyraadkooda,” ayuu Esper qoray, isaga oo ula jeeday dhaqaalaha iyo awoodaha loo qoondeeyo taliska.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ciidamadii Mareykanka ka saaray Soomaaliya dhammaadkii muddo-xileedkiisii koowaad, balse waxaa dib loogu celiyay dalka bilowgii maamulkii madaxweynihii hore Joe Biden, waxayna weli ka howlgalaan Soomaaliya.

Kharash badan iyo natiijo aan caddayn

Warbixinta Defense Priorities ayaa ku doodday in dhaqaalaha iyo kheyraadka Mareykanka ee lagu bixiyo Soomaaliya loo wareejiyo meelo kale, iyadoo sheegtay in “kharashka ku baxaya sii joogitaanka ciidamada uusan u qalmin.”

Qiimaha guud ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya si rasmi ah looma oga, sababtoo ah wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka si furan uma shaaciso xogtaas.

Hase yeeshee, warbixinta ayaa qiyaastay in ololaha militari uu Mareykanka ku kacay boqollaal milyan oo dollar.

Machadka ayaa ugu baaqay maamulka Trump inuu muddo bilo ah si tartiib-tartiib ah usoo afjaro howlgallada Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad dheeraad ah ku wareejiyo dalalka iyo saaxiibada kale ee gobolka.

“Marka la soo koobo, waxaa jira dalal badan oo Soomaaliya dano uga waaweyn kuwa Mareykanka ku leh, kuwaas oo go’aamin kara waddada loo marayo xal,” ayay warbixintu kusoo gabagabeysay.

Warbixinta ayaa imaneysa xilli dowladda Mareykanka ay horraantii Bishan sheegtay inay joojin doonto taageerada ay Qaramada Midoobay siiso howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya laga bilaabo bilowga sanadka soo socda, sida ay muujinayaan laba dukumenti oo ay aragtay Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa saraakiil xog-ogaal ah ku tilmaameen mid halis gelin karta sii jiritaanka howlgalka AUSSOM, oo kaalin muhiim ah ka qaata taageerada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo bixiya adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin raashin, biyo, shidaal, adeeg caafimaad iyo gaadiidka ciidamada.

Ma cadda haddii Washington ay tallaabadan raacin doonto in ay ka wada bado Soomaaliya.

Maxay ka wada-hadleen Xasan iyo Michelle Bachelet?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Chile, Marwo Michelle Bachelet oo haatan u sharraxan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo booqasho ku timid Muqdisho.

Ugu horreyn Michelle Bachelet ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsatay inuu ku taageero ololaha ay ugu jirto kursiga Xoghayaha Guud ee QM, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ixtiraameyso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Golaha Ammaanka, isla markaasna leh go’aanka doorashada xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay booqashada Michelle Bachelet ayaaa uga mahadceliyay imaatinkeeda Muqdisho oo muujinayo in Soomaaliya ay meel fiican ka taagan fagaaraha caalamka.

Haweeneydaan ayaa laba jeer soo qabatay xilka Madaxweynaha dalka Chile, waxayna hadda dooneysa inay qabato xilka Xoghayaha Guud ee QM, oo loogu jiro loollan xooggan.

Dhowaan waxaa sidoo kale Muqdisho yimid Madaxweynihii hore ee dalka Senegal, Macky Sall oo isna u sharraxan xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo isaguna kulan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Macky Sall ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday inay garab istaagto, isla markaana ay ku taageerto xilka uu doonayo, isaga oo sameeyay ballan-qaadaayo kala duwan oo ay ugu horreyso inuu ilaalinayo midnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray haddii loo doorto xilkaas inuu ka shaqeyn doono xoojinta codka Afrika iyo horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Si kastaba, ha’ahaatee, Macky Sall ayaa soo noqday Madaxweynaha Senegal intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2024, isaga oo door muuqda ka qaatay horumarinta dhaqaalaha dalkiisa iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Afrika.

Berbera: Xaqiiqda saldhigga militari ee Israel lala xiriirinayo

Hargeysa (Caasimada Online) – Hadalladii uu madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ka jeediyay booqashadiisii Israa’iil bishii Juun ayaa dib u soo celiyay doodda ku saabsan suurt-agalnimada in Berbera laga sameeyo saldhig militari oo ay Israa’iil leedahay.

Cirro ayaa wareysi telefishan ku sheegay in saldhig militari oo Israa’iil laga siiyo Somaliland uusan ahayn “arrin meesha ka baxsan,” hadalkaas oo indhaha dib ugu jeediyay Garoonka Diyaaradaha Berbera iyo xarun badeed oo cusub oo laga sameeyay meel u dhow.

Berbera waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab, oo kamid ah marinnada ganacsi iyo kuwa militari ee ugu muhiimsan dunida. Waxay sidoo kale qiyaastii 550 kiiloomitir u jirtaa magaalada Sanca ee Yemen, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta iyo xiisadaha ka jira Badda Cas.

Baaritaan ay sameysay kooxda xaqiijinta xaqiiqooyinka ee BBC-da, oo lagu falanqeeyay sawirro dayax-gacmeed, ayaa muujiyay in garoonka Berbera iyo goobta badeed ee ku dhow ay ka socdeen hawlo dhisme iyo ballaarin muddo sannado ah.

Sawirrada ayaa muujinaya in Garoonka Diyaaradaha Berbera si weyn loo horumariyay tan iyo 2018-kii. Xilligaas garoonku wuxuu lahaa dhabbaha diyaaradaha oo aan si buuxda ugu diyaarsanayn adeeg joogto ah, halka sawirro cusub ay muujinayaan in dhabbaha la dhammaystiray laguna sameeyay casriyeyn ballaaran.

Dhererka dhabbaha ayaa u oggolaan kara garoonka inuu qaabilo diyaaradaha waaweyn ee rayidka ah iyo kuwa militariga labadaba, sida ay sheegeen khubarro la hadlay BBC-da. Sidoo kale waxaa agagaarka garoonka laga dhisay dhismayaal cusub oo loo maleynayo inay noqon karaan hangarro loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wim Zwijnenburg, oo ku takhasusay falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka iyo ilaha furan, ayaa sheegay in kaabayaasha ka muuqda Berbera ay farsamo ahaan awood u siin karaan garoonka inuu martigeliyo hawlgallo militari.

“Garoonku wuxuu si fudud u martigelin karaa hawlgallo weerar, oo ay u badan tahay kuwo ka dhan ah Xuutiyiinta,” ayuu yiri Zwijnenburg, isaga oo sheegay in hawlgal noocaas ah uu u baahan yahay dhabbaha diyaaradaha, hangarro, nidaamyo isgaarsiineed iyo sahay shidaal.

Khabiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in qayb kamid ah garoonka laga dhisay hangar u muuqda mid loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Wuxuu sheegay in dhismaha goobtaasi uu socday tan iyo 2017-kii, balse xaruntu aysan si buuxda shaqo u bilaabin ilaa bilowgii sannadkii hore.

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa sidoo kale muujiyay 18 god oo qoto dheer oo ku dhow dhabbaha diyaaradaha. Sida uu sheegay Zwijnenburg, godadkaas waxaa suurtagal ah in loo adeegsado bakhaarro shidaal ama keydinta rasaasta, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin ujeeddada rasmiga ah ee loo sameeyay.

Dhinaca badda, baaritaanka BBC-da ayaa muujiyay deked cusub oo laga sameeyay meel u dhow Garoonka Berbera. Hawlaha qodista iyo diyaarinta dekedda ayaa billowday 2018-kii, waxaana sawirrada la qaaday sannadkii 2025 ay muujinayeen in qeyb weyn oo mashruuca kamid ah la dhammaystiray.

Dekeddu waxay leedahay marin badeed qoto dheer oo ay geli karaan maraakiib waaweyn iyo kuwa sahayda qaada. Khubarrada ayaa sheegay in naqshadda iyo qotada dekeddu ay sidoo kale suuragelin karaan inay isticmaalaan maraakiib taageero militari, hase yeeshee ma jiraan caddeymo muujinaya in hadda loo adeegsado hawlo militari.

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Israa’iil aysan ahayn dhinaca gacanta ku haya hawlaha horumarinta ee muddada dheer ka socday Berbera. Shirkadda Imaaraadka Carabta ee Terminal Holdings ayaa kamid ahayd dhinacyadii ka qeyb qaatay horumarinta garoonka tan iyo 2018-kii.

Taasi waxay muujinaysaa in inta badan dhismayaasha hadda lala xiriirinayo saldhigga Israa’iil ay billowdeen sannado ka hor isu soo dhawaanshaha diblomaasiyadeed iyo amni ee dhowaan dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

Si kastaba, hadallada madaxda labada dhinac ayaa sare u qaaday shakiga. Wasiirka difaaca Somaliland, Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Israa’iil ay tababar siiso ciidamada booliska iyo milatariga, halka wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu xaqiijiyay in labada dhinac ay muddo sannado ah si qarsoodi ah u wada shaqeynayeen.

Katz ayaa sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay ku heshiiyeen inay iskaashiga amni gaarsiiyaan “heerar cusub,” taas oo uu ku tilmaamay mid dan u ah labada dhinac iyo xasilloonida gobolka.

Maamulka Somaliland ayaa weli beeninaya in xilligan Berbera uu ka jiro saldhig militari oo ay Israa’iil leedahay. Wakiil u hadlay xafiiska Somaliland ee Boqortooyada Midowday ayaa BBC-da u sheegay inaysan hayn wax xog ah oo ku saabsan saldhig militari oo hadda ka jira Somaliland.

Falanqeeyayaal ayaa qaba in Israa’iil ay Berbera u aragto meel ay kala socon karto dhaqdhaqaaqyada Xuutiyiinta, maraakiibta Badda Cas iyo xaaladda Yemen. Hase yeeshee, illaa hadda ma jiraan caddeymo muujinaya in heshiis rasmi ah laga gaaray dhismaha saldhig militari oo Israa’iil ay ku yeelato Berbera.

Erdogan oo baarlamaanka u gudbiyey qaraar muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka dalkiisa ka codsaday inuu laba sano oo kale kordhiyo muddada ay ciidamada Turkiga uga howlgalayaan Soomaaliya, si ay usii wadaan taageerada dhinacyada amniga, tababarka ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mooshin loo gudbiyay Golaha Qaranka Turkiga ayaa lagu sheegay in ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u yihiin nabadda guud ee Geeska Afrika, isla markaana sii joogitaanka ciidamada Turkiga uu Ankara u oggolaanayo inay joogteyso taageerada ay siiso hay’adaha difaaca iyo amniga Soomaaliya.

Haddii baarlamaanku ansixiyo codsiga, ciidamada Turkiga ayaa sii wadi doona tababarrada militariga, la-talinta, taageerada farsamo iyo iskaashiga kale ee difaaca ee ku saleysan heshiisyada ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho. Codsigan ayaa daba socda oggolaanshihii laba sano ahaa ee baarlamaanka Turkiga ansixiyay bishii July 2024.

Mooshinka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah uga codsatay Turkiga inuu sii wado taageerada militari ee uu ku bixiyo heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Heshiiskaas ayaa Turkiga siinaya door ballaaran oo ku saabsan dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya, horumarinta awoodda difaaca badda iyo ilaalinta xeebaha dheer ee dalka.

Saameyn dhaqaale xumo

Qoraalka loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca iyo amniga Soomaaliya ay haystaan ciidamo iyo qalab, balse caqabadaha dhaqaale ay weli saameyn ku leeyihiin awooddooda howlgaleed.

Turkiga ayaa sheegay in kordhinta muddada ciidamadiisu ay muhiim u tahay sidii loo xaqiijin lahaa in tababarrada, la-talinta iyo taageerada farsamo aysan hakad u gelin, iyadoo dowladda Soomaaliya ay weli dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Ankara ayaa sidoo kale sheegtay in taageeradeedu aysan ku koobneyn la-dagaallanka argagixisada, balse ay qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinayo hay’adaha difaaca Soomaaliya, si ciidamada qaranku mustaqbalka si madax-bannaan ugu sugi karaan ammaanka dalka.

Mooshinka ayaa xusay in taageerada Turkiga ay Soomaaliya ka caawin doonto wax ka qabashada argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibinta dadka iyo khataraha kale ee ka jira berriga iyo badda.

Waxa kale oo lagu sheegay in joogitaanka Turkiga uu gacan ka geysanayo ilaalinta marinnada ganacsiga ee muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Deegaannadaas ayaa ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee isku xira Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, waxaana mara qeyb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamka.

Xiriir soo bilowday 2011

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa si weyn isugu soo dhowaaday tan iyo 2011, markaas oo Erdogan, oo xilligaas ahaa ra’iisul-wasaare, uu booqasho ku yimid Muqdisho xilli dalka ay ka jirtay abaar daran.

Tan iyo waqtigaas, Ankara ayaa ballaarisay joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo maalgelisay mashaariic caafimaad, waxbarasho, kaabayaal dhaqaale, gargaar bani’aadannimo iyo tababarka ciidamada.

Turkiga ayaa Muqdisho ku leh saldhigga TURKSOM, oo ah xarunta ugu weyn ee tababarka ciidamada Turkiga ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa. Saldhiggaas ayaa lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Ankara ayaa sidoo kale tababar iyo taageero siisay ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Iskaashiga labada dal ayaa si gaar ah u ballaartay sanadihii ugu dambeeyay, kaddib markii bishii February 2024 la saxiixay heshiis toban sano soconaya oo ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha.

Heshiiskaas waxaa ka mid ah taageerada Turkiga ee dhismaha awoodda ciidamada badda Soomaaliya iyo ilaalinta kheyraadka ku jira biyaha dalka, xilli ay dowladda Soomaaliya la tacaaleyso kalluumeysi sharci-darro ah iyo khataro kale oo ka jira xeebaha.

Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii July 2024 ansixiyay in ciidamada Turkiga loo diro Soomaaliya iyo biyaheeda, si ay uga taageeraan sugidda amniga iyo fulinta heshiiska difaaca.

Qaraarka Golaha Ammaanka

Mooshinka Erdogan ayaa sidoo kale tixraacay qaraar uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay 1-dii December 2023, kaas oo meesha looga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarneyd dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraarka 2714 ayaa dowladda Soomaaliya u fududeeyay inay si sharci ah u hesho hub iyo qalab ay ku dhisto ciidamadeeda, inkasta oo beesha caalamku ay ku baaqday in la xoojiyo nidaamka maamulka iyo ilaalinta hubka.

Turkiga ayaa sheegay in taageeradiisu ay gacan ka geysan doonto xasilloonida muddada dheer ee Soomaaliya, awoodda ay ku ilaalin karto kheyraadkeeda iyo dhismaha hay’ado difaac oo shaqeyn kara.

Codsiga cusub ayaa muujinaya in Ankara ay doonayso inay sii xoojiso kaalinteeda Soomaaliya, xilli labada dal ay sidoo kale ballaarinayaan iskaashiga dhinacyada tamarta, dhaqaalaha iyo ilaalinta badda.

Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inuu ka doodo mooshinka, hase yeeshee ansixintiisa ayaa loo arkaa mid aad u badan, maadaama xisbiga Erdogan iyo xulafadiisu ay aqlabiyad ku leeyihiin golaha.

Xog: Maxaa looga hadlayaa wada-hadallada berri ee DF Soomaaliya iyo mucaaradka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa berri oo Isniin ah, kuna beegan 20-ka July, markale ka furmaya wareeg cusub oo ka mid ah wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo uu garwadeen ka yahay Turkiga.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid sii amba-qaadaya dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Kulankan ayaa qorshuhu yahay inay isku hor fariistaan wakiillada Dowladda Federaalka iyo saddexda garab ee mucaaradka, kuwaas oo kala ah Golaha Mustaqbalka, Golaha Midnimo Qaran iyo Isbaheysiga Nabad iyo Nolol.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in xal looga gaaro arrimaha la xiriira nooca doorasho ee Soomaaliya ay yeelan doonto iyo qodobbada weli la isku mari la’yahay.

Waxaa la filayaa in kulanka berri si qoto dheer loogu guda galo doodihii ka bilowday shirkii dhacay 9-kii Luulyo, kaas oo labada dhinac ay ku soo bandhigeen aragtiyahooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka. Inkastoo kulankaasi uu horseeday isku soo dhawaansho ballaaran, haddana ma uusan dhalin heshiis rasmi ah oo laga gaaro qodobbadii ugu adkaa ee la isku hayay.

Wararka laga helayo wadaxaajoodyada ayaa sheegaya in dowladda iyo mucaaradku ay weli ku kala aragti duwan yihiin dhowr arrimood oo muhiim ah, inkastoo labada dhinacba ay muujiyeen inay diyaar u yihiin sii wadista wada hadallada si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Mas’uul ka tirsan wafdiga dowladda Federaalka ee ku jira wadaxaajoodyadan ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay diyaar u yihiin qabsoomidda shirka berri.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in wada-hadalladu miro-dhalaan, balse aysan marnaba gorgortan ka geli doonin waxa uu ku tilmaamay masiirka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uulkaasi oo la hadlay warbaahinta Mustaqbal ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in wejigan cusub ee wada-hadallada lagu gaaro natiijo wax ku ool ah, isagoo xusay inay hadda sugayaan oo keliya in dhinaca mucaaradku uu si buuxda uga soo qeyb-galo kulanka si wadaxaajoodyadu u bilaabmaan.

Qodobka ugu weyn ee miiska saaran ayaa ah hannaanka doorashooyinka, iyadoo mucaaradku aysan weli si rasmi ah uga doodin ama uga hadlin hannaanka dhammaystirka Dastuurka ee ay dowladda Federaalka ansixisay bishii Maarso. Arrintan ayaa kamid ah qodobbada weli u baahan in labada dhinac ay ka yeeshaan aragti mideysan.

Sidoo kale, waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan goobaha ay doorashooyinku ka dhici doonaan. Qaar kamid ah mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu koobo magaalooyin cayiman, halka dowladda Federaalka iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan ay ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto guud ahaan dalka.

Qodob kale oo xasaasi ah ayaa ah qaab-dhismeedka guddiga doorashooyinka. Mucaaradka ayaa soo jeediyay in la sameeyo laba heer oo guddiyo ah, kuwaas oo kala ah heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, halka dowladda iyo qayb ka mid ah mucaaradkuba ay taageersan yihiin in la dhiso hal guddi doorasho oo heer qaran ah.

Si kastaba, kulanka berri ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii la isugu soo dhaweyn lahaa aragtiyahaas kala duwan, loona soo saari lahaa hal qorshe oo ay ku mideysan yihiin dowladda iyo mucaaradka.

Mamdani oo qorsheynaya in uu xiro Netanyahu marka uu yimaado magaalada New York

New York (Caasimada Online) – Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa sheegay in maamulkiisu uu baarayo awoodda sharci ee uu u leeyahay in la xiro ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, marka uu magaalada yimaado bisha September si uu uga qeyb-galo shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mamdani ayaa sheegay in wada-hadallo sharci oo arrintan ku saabsan ay hadda u socdaan maamulka magaalada iyo waaxda sharciga ee New York, inkasta oo aan weli la caddeyn in duqa magaalo uu amri karo booliska inay xiraan hoggaamiye shisheeye oo dalka u yimid arrimo diblomaasiyadeed.

“Waxaan aaminsanahay in ra’iisul wasaare Netanyahu uu ka tirsan yahay dadka ay tahay inay hor-tagaan maxkamadda Hague,” ayuu Mamdani ku yiri barnaamijka “The Interview” ee wargeyska The New York Times.

“Waa qof lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay waaran xarig u jartay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah,” ayuu yiri Mamdani, oo ka tirsan garabka dimoqraadiyiinta hantiwadaagga ah ee Mareykanka.

Mamdani ayaa intaas ku daray in aragtida uu qabo ay la qabaan dad badan oo ka careysan khasaaraha iyo burburka ka dhashay howlgallada milatari ee Israel ka waddo Marinka Gaza.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa November 2024 waaran xarig u jartay Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay inay heleen sababo macquul ah oo lagu rumeysan karo in labada mas’uul ay mas’uuliyad ka qaadi karaan dambiga dagaal ee gaajeysiinta shacabka loogu adeegsaday hab dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada, oo ay ku jiraan dil iyo cadaadis.

Netanyahu iyo dowladda Israel ayaa si adag u diiday eedeymaha, iyaga oo ku doodaya in maxkamaddu aysan awood sharci u lahayn inay baaritaan ku sameyso ama amar kasoo saarto madaxda Israel. Netanyahu weli ma uusan hor-tegin ICC, lagumana xukumin eedeymaha loo haysto.

Mamdani wuxuu qiray in su’aalo waaweyn ay ka taagan yihiin awoodda uu duqa New York u leeyahay inuu Booliska New York, ee NYPD, ku amro fulinta waaran ay soo saartay maxkamad aanay dowladda Mareykanku aqoonsaneyn awooddeeda.

“Wax kasta oo sharcigu ii oggol yahay inaan ka sameeyo magaalada New York, waan sameyn doonnaa,” ayuu yiri. “Laakiin ma qori doonno sharciyo noo gaar ah si aan u gaarno ujeeddadaas.”

Duqa magaalada ayaa sheegay in maamulkiisu uu arrintan kala tashanayo Waaxda Sharciga ee New York, si loo ogaado tallaabooyinka ay qaadi karaan hay’adaha magaalada haddii Netanyahu uu yimaado Manhattan.

Caqabado sharci

Hase yeeshee, isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xiro Netanyahu ayaa la filayaa inuu dhaliyo iska hor-imaad sharci iyo mid siyaasadeed oo dhex mara maamulka New York iyo dowladda federaalka Mareykanka.

Mareykanka iyo Israel kama mid aha dalalka ansixiyay heshiiska Rome ee lagu dhisay ICC, halka siyaasadda arrimaha dibadda, xiriirka dowladaha iyo xasaanadda hoggaamiyeyaasha shisheeye ay inta badan hoos tagaan awoodda dowladda federaalka.

Sidoo kale, madaxda shisheeye ee u socda xarunta Qaramada Midoobay ayaa heli kara ilaalin iyo xasaanad la xiriirta safarradooda rasmiga ah. Khubaro sharci ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u badan tahay inay Netanyahu u aqoonsato hoggaamiye leh xasaanad, taas oo si weyn u adkeyn karta tallaabo kasta oo ay qaadaan mas’uuliyiinta magaalada.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu ka qeyb-galo doodda guud ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka furmi doonta New York 22-ka September 2026.

Mamdani ayaa intii uu ku jiray ololihii doorashada duqa magaalada sannadkii hore ballan-qaaday inuu NYPD ku amri doono inay fuliso waaranka ICC haddii Netanyahu uu yimaado New York. Hadalkiisa cusub ayaa muujinaya inuu weli ku adkeysanayo ballan-qaadkaas, balse uu hadda xoogga saarayo in tallaabo kasta lagu saleeyo sharciga jira.

Netanyahu ayaa dhankiisa ku eedeeyay Mamdani inuu la safan yahay ururka Xamaas, oo weerarkii 7-dii October 2023 ku qaaday Israel uu horseeday dagaalka Gaza.

“Waa inuu fiiriyaa cidda uu cambaareynayo iyo cidda uu taageerayo,” ayuu Netanyahu ku yiri wareysi uu siiyay weriyaha idaacadda New York Sid Rosenberg.

“Wuxuu cambaareynayaa Israel, oo ah dimoqraadiyadda garab taagan qiyamka Mareykanka. Yuu taageerayaa? Xamaas,” ayuu raaciyay Netanyahu, oo sidoo kale ku eedeeyay Mamdani inuu si qarsoon u neceb yahay Mareykanka.

Mamdani ayaa marar badan cambaareeyay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, balse xuquuqda Falastiiniyiinta iyo dhaleeceynta ololaha milatari ee Israel ayaa noqday qeyb muhiim ah oo ka mid ah mowqifkiisa siyaasadeed.

Wuxuu howlgallada Israel ee Gaza ku tilmaamay xasuuq, eedeyn ay dowladda Israel si adag u diidday. Guddi madax-bannaan oo baaritaan oo ay Qaramada Midoobay leedahay ayaa September 2025 soo gabagabeeyay in Israel ay xasuuq ka geysatay Gaza, halka Israel ay warbixintaas ku tilmaantay mid qalloocan oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sheegay in hadalka Mamdani uusan waxba ka beddeli doonin qorshaha Netanyahu.

“Ra’iisul wasaare Netanyahu wuxuu imaan doonaa New York, wuxuuna si sharaf leh ula hadli doonaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,” ayuu Danon yiri. “Wuxuu dunida hor-tegi doonaa xaqiiqada Israel iyo xaqa aan laga tanaasuli karin ee ay u leedahay inay difaacdo muwaadiniinteeda.”

Muranka ayaa kusoo beegmaya xilli taageerada xisbiga Dimoqraadiga ee Israel ay si muuqata u wiiqmeyso, kadib ku dhowaad saddex sano oo dagaal ah oo ka socda Gaza.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa toddobaadkan codad gaaraya 314-104 ku diiday soo-jeedin lagu joojin lahaa $3.3 bilyan oo Mareykanku sannad kasta gargaar milatari ahaan u siiyo Israel.

Inkastoo soo-jeedinta la diiday, 103 mudane oo Dimuqraadiyiin ah ayaa taageeray, taas oo muujisay isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka xisbiga ee ku aaddan Israel, oo muddo dheer loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow Mareykanka ee Bariga Dhexe.

“Way adag tahay in la helo siyaasad ka sii fashilan habka uu dalkeennu ula dhaqmay Gaza iyo Falastiin,” ayuu Mamdani yiri.

 

Wasiir Roobow oo looga yeeray baarlamaanka kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu yeeray Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, si uu uga hor yimaado guddiga.

Guddiga ayaa wasiir Roobow ugu yeeray si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira arrimaha Xajka ee sanadkan.

U yeeritaanka wasiirka ayaa timid kadib markii guddiga ay soo gaareen cabashooyin ay gudbiyeen qaar kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo walaac ka muujiyay hannaanka maamulka adeegyada iyo sida loo agaasimay arrimaha Xajka.

Cabashooyinkan ayaa la sheegay inay salka ku hayaan habraacyada iyo maamulka adeegyada la siiyay xujaajta Soomaaliyeed.

Guddiga ayaa sheegay in waajibaadkiisa kormeer iyo la-xisaabtan uu ku qasbayo inuu si toos ah u dhageysto Wasiirka Awqaafta, si loo helo faahfaahin buuxda oo ku saabsan cabashooyinka jira, loona caddeeyo sida ay wasaaraddu u maareysay howlaha la xiriira Xajka.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay guddiga u yeerista Wasiir Mukhtaar Roobow waa mid waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee uu leeyahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay la-xisaabtanka hay’adaha fulinta.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay ku saleysan tahay qodobbada 95-aad, 81-aad iyo 82-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, kuwaas oo siinaya guddiyada baarlamaanka awood ay ku kormeeraan uguna yeeraan mas’uuliyiinta dowladda si ay uga jawaabaan arrimaha khuseeya shaqadooda.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay Wasiirka Awqaafta iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda inay kasoo qeyb-galaan kulanka waqtiga loo asteeyay, iyagoo wata dhammaan xogaha iyo faahfaahinta lagama maarmaanka u ah in guddiga lala wadaago.

Kulankan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro jawaabaha ay wasaaraddu ka bixin doonto cabashooyinka shacabka iyo sida loo maareeyay adeegyada Xajka, iyadoo guddigu uu doonayo inuu helo sawir dhammaystiran oo ku saabsan arrintaasi.

Si kastaba, ilaa iyo hadda Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali weli kama uusan jawaabin u yeerista rasmiga ah ee Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay rag loo haysto KUFSI

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gacanta kusoo dhigay koox loo haysto inay gaysteen kufsi iyo dhac, kadib howlgal ka dhacay gudaha degmadaasi.

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jiro eedeysanayaal kale oo iyaguna ku eedeysan ciyaal-weeranimo iyo inay qalqalgeliyeen amniga degmada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Bayaanka ciidamada amniga ayaa lagu sheegay in muddo dheer lagu daba jiray raggan, waxaana ugu dambeyn lasoo qabtay maanta oo Axad ah.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Degmada Afgooye,oo kaashanaya Guutadda 1,aad ee daraawiishta ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysanayaal ku eedeysan Ciyaal-weeranimo,Kufsi,dhac iyo qalqalgelin ami kuwaas oo ay ku dabajireen laamaha Amniga Degmada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkan waxaa hoggaaminayay taliye ku xigeenka saldhigga degmada Afgooye, iyada oo eedeysanayaasha la horgeyn maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Howlagal Boliisku ka sameeyay Waaxda if iyo Aakhiro oo uu hogaaminayay Taliye kuxigeenka Saldhiga X/le Maxamed Xussein Barqadle (Macalin-Qalinle) ayaa lagu soo qabtay eedeysanayaasha,Baaris kadib waxaa la horgeyn doonaa maxkamada awooda u leh,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Afgooye ayaa waxaa muddooyinkan howlgal amni xaqiijin ah ka waday ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan degmadaasi, si looga hortego falalka lagu qalqal-gelinayo nabad-gelyada.

Magaaladan oo qiyaastii 30 KM u jirta caasimada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale halis ku haya Al-Shabaab oo inta badan weerarro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo xarumaha maamulka ee ku yaalla halkaas.

Goorta la furayo kalfadhiga BF oo la shaaciyay xilli kursiga guddoonka banaan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka JFS ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da August 2026 la furi doono kalfadhiga 8-aad ee baarlamaanka 11-aad, kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen madaxda labada Aqal.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyey inay soo xaroodaan ka hor taariikhda furitaanka, si loo dardar-geliyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla baarlamaanka.

Furitaanka kalfadhigan ayaa kusoo beegmaya xilli baarlamaanku horyaallo ajendayaal culus oo saameyn ku leh jihada siyaasadda dalka, kuwaas oo la filayo in si weyn looga doodo toddobaadyada ugu horreeya ee kalfadhiga.

Ajendaha ugu weyn ee horyaalla baarlamaanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, kursigaas oo bannaanaaday kadib markii Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor muddada la go’aamiyay ee furitaanka Kalfadhigga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddoonka baarlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay noqoto mid aad loogu tartamo, waxaana durba isa soo sharaxay saddex xubnood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah: Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saadaad Maxamed Caliyow.

Loollanka doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama guddoomiyaha cusub uu door muhiim ah ku yeelan doono hoggaaminta Golaha Shacabka inta ka harsan muddo xileedka baarlamaanka 11-aad.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa weli muujinaya inaanay ku qanacsanayn qaabka loo wajahayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, inkastoo ay jiraan dadaallo socda oo lagu doonayo in dhammaan xildhibaannadu si buuxda uga qayb qaataan codbixinta.

Haddii xildhibaannada mucaaradku si mideysan uga qayb-galaan doorashada waxay saameyn weyn ku yeelan karaan natiijada, isla markaana ay suuragal tahay inay ka adkaadaan musharraxa ay taageerayso Villa Soomaaliya.

Soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya oo horseeday culeys hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si weyn looga digayaa in dib u soo laabashada weerarrada burcad-badeedda ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya ay mar kale abuurtay walaac xooggan, iyadoo ay sare u kacayaan kharashaadka maraakiibta, caymiska iyo halista ay wajahaan badmaaxiinta isticmaala marin-biyoodka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Sida ay sheegeen khubaro ku xeel dheer amniga badaha iyo daneeyayaasha gaadiidka badda, weerarrada soo noqnoqday ayaa saameyn ku yeelanaya kalsoonidii laga qabay amniga marin-biyoodka gobolka, taasoo keeni karta in shirkadaha maraakiibtu dib u qiimeeyaan qorshayaashooda safarka iyo kharashaadka ay ku shaqeeyaan.

Warbixin ay soo saartay Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa muujisay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay la diiwaangeliyay 24 weerar ama isku day burcad-badeednimo iyo dhac hubeysan, taasoo lagu tilmaamay kororkii ugu weynaa ee amni-darrada badda muddo sanado ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in guud ahaan caalamka ay dhacdooyinka la xiriira burcad-badeednimada sare u kaceen boqolkiiba 17 intii u dhexeysay sannadihii 2024 iyo 2025. Tirada weerarrada ayaa ka korortay 146 dhacdo, iyadoo gaartay 171 dhacdo, taasoo muujineysa dib u dhac ku yimid guulihii laga gaaray la-dagaallanka burcad-badeedda sanadihii la soo dhaafay.

Falanqeeyaha arrimaha badaha Andrew Mwangura ayaa sheegay in haddii weerarradan ay sii socdaan, shirkadaha maraakiibta lagu qasbi karo inay beddelaan marinnada ay maraan, kordhiyaan adeegyada ilaalada gaarka ah isla markaana bixiyaan caymis aad u qaali ah.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaasi ay si toos ah u kordhin doonaan kharashaadka howlaha maraakiibta, taasoo ugu dambeyn saameyn ku yeelan doonta qiimaha badeecadaha la kala dhoofiyo iyo kuwa la soo dejiyo, maadaama qarashaadka dheeraadka ah lagu dari doono qiimaha xamuulka.

Mid kamid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee sanadkan dhacay ayaa ah afduubka markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, kaas oo sita calanka dalka Palau. Kiiskan ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay indhaha daneeyayaasha amniga badaha iyo shirkadaha gaadiidka badda.

Markabkaasi oo shidaal u siday magaalada Muqdisho ayaa la afduubay 21-kii April, xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Bandar Beyla ee Puntland, kaasi oo weli ku jira gacanta kooxaha burcad-badeedda.

Shaqaalaha markabka ayaa ka kooban 17 badmaax oo u kala dhashay Pakistan, Indonesia, Hindiya, Sri Lanka iyo Myanmar. Badmaaxiintan ayaa marar badan diray farriimo gargaar, iyagoo sheegay inay wajahaan xaalado nololeed oo aad u adag, oo ay kamid yihiin cunto yari iyo daryeel caafimaad la’aan.

Dib u soo laba-kacleynta weerarrada burcad-badeedda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo amniga xeebaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka caalamiga ah ee gobolka, iyadoo khubaradu ka digayaan in haddii xaaladdu sii socoto ay saameyn ballaaran ku yeelan karto isu socodka ganacsiga badda iyo dhaqaalaha ku tiirsan gaadiidka maraakiibta.

Askar Mareykan ah oo lagu dilay weerar culus oo Iran ay ku qaaday Jordan + Tirada

Amman (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa Sabtidii xaqiijiyay in laba askari oo ka tirsanaa ciidamadiisa lagu dilay, mid kalena la la’yahay, kaddib weerar ay Iran ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla dalka Jordan.

Waa dhimashadii ugu horreysay ee ciidamo Mareykan ah kasoo gaarta weerar toos ah oo ay Iran fulisay tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in colaadda labada dal ay kusii fido gobolka.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in askarta la dilay Jimcihii, xilli ciidamada Mareykanka iyo kuwa dalalka ay saaxiibka yihiin ay iska caabinayeen gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iran soo ridday.

Weerarka ayaa lagu qaaday saldhigga cirka ee Muwaffaq Salti ee Jordan, oo ay ku sugan yihiin ciidamo iyo diyaarado dagaal oo Mareykan ah.

Afar askari oo kale oo ku dhaawacmay weerarka ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla Jordan, balse markii dambe waa laga saaray kaddib markii xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagtay. Militariga Mareykanka weli ma shaacin magacyada askarta dhimatay iyo kan la la’yahay.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, ugu yaraan 16 askari oo Mareykan ah ayaa la dilay, halka in ka badan 430 kale ay dhaawacmeen.

Ciidamada difaaca cirka Jordan ayaa sheegay inay Sabtidii soo rideen 10 gantaal oo Iranian ah oo soo galay hawada dalkaas, iyagoo sheegay in tallaabadaas looga gol lahaa ilaalinta shacabka iyo ammaanka hawada boqortooyada.

‘Casharro aan la illoobi karin’

Xaqiijinta dhimashada ciidamada Mareykanka ayaa timid daqiiqado kaddib markii hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, uu Washington uga digay inay la kulmi doonto “casharro aan la illoobi karin” haddii ay sii waddo duqeymaha ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Bayaan loo nisbeeyay Khamenei oo laga akhriyay telefishinka dowladda Iran ayuu sidoo kale ku sheegay in saxiixa madaxweyne Donald Trump uu yahay mid “aan wax qiimo iyo sharciyad ah lahayn”.

Khamenei ayaan meel fagaare ah lagu arag tan iyo markii dagaalku billowday, waxaana hadalladiisa lagu sheegay in Iran iyo kooxaha hubeysan ee ay taageerto ee gobolka, kuwaas oo Tehran ugu yeerto “Jabhadda Iska-caabbinta”, ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan weerarrada Mareykanka.

Hadalka ayaa kusoo beegmay saacado kaddib markii Tehran ay ku dhawaaqday inay joojisay fulinta qodobadii heshiis ku-meel-gaar ah oo ay Mareykanka la saxiixatay qiyaastii bil ka hor.

“Hadda ma fulineyno waajibaadkaas,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Iran Kazem Gharibabadi, isagoo ku eedeeyay Mareykanka inuu jabiyay ballanqaadyadii uu heshiiska ku galay.

Heshiiska ayaa la doonayay inuu saldhig u noqdo soo afjaridda dagaalka, balse burburkiisa ayaa meesha ka saaraya mid ka mid ah fursadihii ugu dambeeyay ee dib loogu soo celin lahaa wada-hadallada. Ma jirin Sabtidii war cusub oo kasoo baxay dadaallada dhexdhexaadinta.

Mareykanka iyo Iran ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay is-weydaarsanayay weerarro lagu bartilmaameedsanayo saldhigyo ciidan, kaabeyaasha dhaqaalaha, dekedaha, xarumaha tamarta iyo goobaha lagu keydiyo hubka.

CENTCOM ayaa sheegay in habeenkii toddobaad oo xiriir ah ee duqeymaha Mareykanka lagu beegsaday xarumaha kormeerka, kaabeyaasha saadka ciidamada, bakhaarro hub oo dhulka hoostiisa ku yaalla iyo awoodaha badda ee Iran.

Weerarro ku fiday Khaliijka

Dagaalka ayaa sidoo kale kusii fiday dalal kale oo gobolka ah, iyadoo khasaaraha ugu weyn ee weerarradii Iran ee Sabtidii laga soo sheegay Kuwait.

Mas’uuliyiinta Kuwait iyo shirkadda shidaalka dowladda ee Kuwait Petroleum Corporation ayaa sheegay in gantaallo ay Iran soo ridday ay ku dhaceen xarun shidaal iyo warshad biyaha badda ka macaansaysa.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay weerarka xarunta shidaalka, halka dab ka kacay warshadda biyaha uu sababay in qaar ka mid ah qeybihii korontada dhaliyay ay shaqada joojiyaan.

Kuwait ayaa ku tiirsan warshadaha biyaha badda ka macaaneeya, kuwaas oo daboola ku dhowaad 90 boqolkiiba baahida biyaha la cabbo ee dalkaas saxaraha ah. Weerarka ayaa ahaa kii labaad ee muddo laba maalmood gudahood lagu qaado xarun noocaas ah.

Dab-damiska Kuwait ayaa sheegay in dhowr dab-damiye iyo shaqaale kale ay ku dhaawacmeen xilli ay la tacaalayeen dabab ka dhashay weerarrada.

Dowladda ayaa si kooban u xirtay hawadeeda sababo la xiriira digniino gantaallo, halka shirkadda Kuwait Airways ay dib u habeyn ku sameysay inta badan duulimaadyadii imanayay ama ka baxayay caasimadda.

Ciraaq ayaa iyaduna sheegtay inay soo ridday diyaarado aan duuliye lahayn oo ku wajahnaa magaalada Irbil, halka digniinaha weerarrada cirka laga maqlay Bahrain iyo Sacuudi Carabiya.

Xoghayaha guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jasem Mohamed al-Budaiwi, ayaa Iran ku eedeeyay inay gashay dambiyo dagaal, isagoo cambaareeyay weerarrada lagu qaaday kaabeyaasha muhiimka ah iyo xarumaha ay shacabka isticmaalaan.

Xuddunta dagaalka ayaa hadda kusii jeedda marin-biyoodka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ganacsiga tamarta caalamka, islamarkaana ay horey u mari jirtay ku dhowaad shan meelood meel shidaalka dunida.

Weerarrada labada dhinac iyo loollanka loogu jiro gacan-ku-haynta marin-biyoodka ayaa khatar geliyay maraakiibta ganacsiga, xarumaha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, iyadoo suuqyada caalamkuna ay si dhow ula socdaan saameynta uu dagaalku ku yeelan karo qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha dunida.

DF oo digniin kasoo saartay xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si kulul uga hadashay xaaladaha kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada iyo abaabulka ka socda gobolka, kuwaas oo la sheegay inay taageerayaan dowlado shisheeye.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow ula socoto xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha, kicinta bulshada iyo abaabulka ficillo qalqalgelinaya amniga iyo wadajirka bulshada ee ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah ugu digtay shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh falkaas, sidoo kalena faafinaya hadallada naceyka ah.

Sidoo kale, waxa ay Wasaaraddu amar culus siiyay hay’adaha amniga oo ay fartay inay qaadaan tallaabooyin lagu sugayo amniga, loogana hortago xaaladda kasoo cusboonaatay qaybo kamid ah Shabeellaha Hoose.

“Iyadoo la ilaalinayo Dastuurka iyo shuruucda dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay faraysaa hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay xoojiyaan tallaabooyinka kahortagga ah, si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana si waafaqsan sharciga tillaabo uga qaadaan cid kasta oo ku lug yeelata hurinta colaadaha, kicinta shacabka ama fal kasta oo khalkhal gelinaya amniga, wadajirka bulshada iyo kala dambeynta,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha, kicinta bulshada iyo abaabulka ficillo qalqalgelinaya amniga iyo wadajirka bulshada ee ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasaaraddu waxay si cad u muujinaysaa walaaceeda ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada lagu hurinayo xiisado u dhexeeya bulshada deegaanka oo muddo dheer wada deggeneyd, wadaagana xiriir bulsho, dhaqan iyo dano guud. Falal kasta oo horseedi kara kala fogaansho, nacayb, ama isku dhac bulshada dhexdeeda waxay halis ku yihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta dalka.

Wasaaraddu waxay si adag uga digaysaa shakhsiyaadka, kooxaha iyo cid kasta oo ku lug leh faafinta hadallada naceybka, wararka marin habaabinta ah, abaabulka colaadaha ama fal kasta oo sii hurin kara xaaladda. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ka digaysaa in kooxaha argagixisada iyo qaswadeyaasha ay isku dayaan inay ka faa’iideystaan xaalad kasta oo nugul si ay u fuliyaan ajandayaal wax u dhimaya nafta, hantida, amniga qaranka, xasilloonida bulshada iyo dowladnimada.

Iyadoo la ilaalinayo Dastuurka iyo shuruucda dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay faraysaa hay’adaha amniga iyo kuwa fulinta sharciga inay xoojiyaan tallaabooyinka kahortagga ah, si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana si waafaqsan sharciga tillaabo uga qaadaan cid kasta oo ku lug yeelata hurinta colaadaha, kicinta shacabka ama fal kasta oo khalkhal gelinaya amniga, wadajirka bulshada iyo kala dambeynta.

Ugu dambeyntii, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa maamulka heerarka kala duwan, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed inay hormuud ka noqdaan dejinta xiisadda, xoojinta wada hadalka iyo is-afgaradka bulshada.

Sawirro: Dhuusamareeb oo farriin cad dirtay – Maxaa dhacay maanta?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa maanta diray farriin cad oo la xiriirta doorashooyinka tooska ah ee ka dhacaya maamulkaas, iyada oo haatan uu socdo loole ku aadan doorashada baarlamaanka iyo midda madaxtooyada.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa galabta isugu soo baxay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, iyagoo muujiyay dareen farxadeed ioo wayn iyo taageero la xiriirta doorashada, waxayna soo dhaweeyeen musharraxa Xisbiga JSP ee Madaxweynaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), kaas oo iska xaadiraya caasimada Galmudug.

Sidoo kale, Isu soo baxa oo u dhacay si nabad ah ayaa ka tarjumaya rajada iyo ka qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay hadda Dowladda Federaalka ka qaybaneyso maamul-goboleedyada.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminayay madaxdii kala duwaneyd ee soo dhaweysay musharaxa ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Galmudug ee ka kala yimid degmooyin iyo deegaanno kala duwan doorka ay ku leeyihiin taageerada Ururka JSP iyo sida ay garab ugu taagan yihiin.

Dhankiisa Xoghayaha Guud ee JSP, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, oo madasha soo dhaweynta ka hadlay, ayaa bogaadiyay sida shacabka Galmudug ugu diyaar garoobeen doorashada dadweynaha ee dhawaan dhici doonta, isaga oo ka codsaday inay codkooda ku aaminaan musharaxa Xisbiga JSP.

Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo soo dhaweynta kaddib si toos ah ula hadlay dadweynihii iyo madaxdii soo dhaweysay, ayaa uga mahadceliyay socdaalka dheer ee ay u soo galeen taageerada ururka.

Musharrax Liibaan ayaa sidoo kale soo bandhigay saddex qodob oo uu mudnaan siin doono haddii uu xilka ku guuleysto, kuwaas oo kala ah:- adkeynta amniga, dib u heshiisiinta bulshada Galmudug, iyo inuu lix bilood gudahood Galmudug kaga xoreyn doono Khawaarijta ku sugan qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug.

Doorashada Galmudug oo ah mid xasaasi ahaa waxaa ka qayb-galaya illaa 35 Xisbi, kuwaas oo haatan olole xooggan ka wada magaalooyinka maamulkaas.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60