24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Dagaal khasaare xooggan geystay oo ka qarxay Sanaag iyo S/LAND oo war kasoo saartay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si degdeg ah ugu baaqday in la joojiyo dagaal beeleed khasaare culus sababay oo ka dhacay deegaanka Carmale ee hoostaga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kadib markii halkaasi ay ku dhinteen dad badan oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof oo ku geeriyooday dagaalka loo sameeyay xabaal wadareed deegaanka Carmale, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi oo maalmahanba ka taagnaa gobolka Sanaag.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in colaaddan ay salka ku hayso muran la xiriira dhul daaqsimeed iyo aanooyin hore oo u dhexeeyay labada beelood ee dirirtu dhexmartay, kuwaasi oo marar kala duwan isku dhacay sanadihii lasoo dhaafay.

Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga hadashay xaaladda deegaanka, iyada oo sheegtay in dagaalkaasi uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda sii laba kacleyn karta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Sandheere ayaa sheegay in xukuumaddu ay shir degdeg ah ka yeelatay dagaalka, si xal loogu helo colaadda soo noqnoqotay ee ka aloosan deegaanka Carmale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada kala duwan ee ku sugan jiidda hore lagu amray inay si degdeg ah uga qeyb qaataan daminta colaadda, isla markaana ay kala dhexgalaan labada dhinac ee dagaallamaya.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada iyo masuuliyiinta ku howlan qaboojinta xaaladda, isaga oo ku adkeeyay in laga hortago dhiig kale oo ku daata deegaanka.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka iyo waxgaradka deegaanka inay ka qeyb qaataan nabadeynta, si loo badbaadiyo dadka walaalaha ah ee dagaalku saameeyay,” ayuu yiri wasiir Sandheere.

Dhankiisa, guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Raage Ibraahin, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in dhimashada iyo dhaawacyada dhacay ay yihiin kuwo murugo leh.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay bulshada deegaanka, isla markaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago daminta colaadda.

“Aad iyo aad ayaan uga xunnahay dagaalkan. Waa wax laga murugoodo in dad walaalo ah oo ehel ahi ay si foolxun isku dilaan. Dadku waxay ku dhinteen arrimo aan mudneyn in naf loo waayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Waxa uu intaas ku daray in maamulka gobolka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ay wadaan dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in lagu kala qaado maleeshiyaadka dagaallamaya, isla markaana xal waara looga gaaro colaadda deegaanka.

Maamulka Somaliland ayaa ugu dambeyn sheegay in dadaallo xooggan lagu bixinayo sidii loo dejin lahaa xaaladda deegaanka Carmale, xilli laga cabsi qabo in dagaalkaasi uu sii fido haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Villa Somalia oo saraakiil iyo ciidan ay soo xushay dhigtay kontoroollada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka ee laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadii iyo taliyeyaashii hore lagu beddelay kuwo cusub.

Tallaabadan, oo muddooyinkii u dambeeyay si tartiib ah u socotay, ayaa lagu sheegay qorshe lagu adkeynayo ammaanka caasimadda, gaar ahaan baraha laga soo galo Muqdisho iyo goobaha lagu hubiyo gaadiidka. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrintu sidoo kale leedahay miisaan siyaasadeed oo la xiriira marxaladda kala guurka iyo loolanka doorashada.

Taliyeyaal iyo ku-xigeennadoodii hore ugu sugnaa baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo beddelay gobollada dalka, kadib markii Villa Somalia ay u aragtay in aysan si buuxda ula jaanqaadi karin qorshaha siyaasadeed ee madaxtooyada xilligan xasaasiga ah.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, Villa Somalia ayaa xoojisay awoodda ciidamada iyo saraakiisha ay ku kalsoon tahay, kuwaas oo loo kala qeybiyay gudaha magaalada Muqdisho iyo baraha koontaroolka ee laga soo galo caasimadda.

Isbeddelka ugu weyn ayaa laga dareemay dhinaca waqooyi ee Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka ka yimaada duleedka degmada Kaaraan illaa Suuqa Xoolaha. Ciidamo xooggan oo halkaas muddo ku sugnaa ayaa la beddelay, iyadoo madaxtooyadu ay u aragtay inay yihiin cudud amni oo xiriir dhow la leh dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegeen ilo amni.

Saraakiishii hoggaaminaysay ciidankaas ayaa lagu beddelay saraakiil cusub oo ay soo xulatay Madaxtooyada, taas oo qeyb ka ah dadaal ay Villa Somalia ku dooneyso inay si dhow u maamusho amniga caasimadda iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada xilli dalka uu galay marxalad doorasho oo muran badan dhalisay.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli siyaasadda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana ay sii xoogeysaneyso doodda ku saabsan qaabka, waqtiga iyo maamulka doorashooyinka soo socda. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay jadwal la xiriira doorashooyinka heer dowlad-goboleed, balse weli waxaa muran ka taagan yahay hannaanka doorashada heer federaal iyo sida lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal siyaasadeed, balse waxay ku xireen shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo tallaabooyinka doorasho ee ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah, lana abuuro hannaan dhexdhexaadin ah oo ay dhinacyadu ku wada kalsoonaan karaan.

Xiisadda siyaasadeed waxaa sii xoojiyay muranka ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo walaaca mucaaradka ee ku saabsan in geeddi-socodka doorashada loo adeegsan karo qaab muddo-kororsi ama dib u dhac siyaasadeed horseedi kara.

Xilliyada kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa horey loogu bartay in ciidamada ammaanka ay saameyn ku yeeshaan loolanka siyaasadeed, mararka qaarna ay u kala janjeeraan dhinacyada tartamaya. Ka hor doorashadii 2022, Muqdisho waxay 2021 wajahday xiisado amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo salka ku hayay murankii doorashada iyo khilaafkii ka dhashay muddo-kororsigii xilligaas.

Mucaaradkii xilligaas ayaa ku eedeeyay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay ciidanka dowladda u adeegsatay caburinta siyaasiyiinta ka soo horjeeday, gaar ahaan madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Dowladda xilligaas ayaa dhankeeda ku adkeysan jirtay in tallaabooyinkeeda ay la xiriireen amniga caasimadda.

Isbeddelka haatan lagu sameeyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka Muqdisho ayaa loo arkaa tallaabo amni oo leh farriin siyaasadeed, maadaama ay ku soo beegantay xilli Villa Somalia iyo mucaaradku isku hayaan jihada uu qaadanayo hannaanka doorashada dalka.

Safarka Cabdiraxmaan Cirro ee Imaaraadka oo dhaliyay hadal-hayn ka hor 18 May

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa dhaliyay hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan, xilli maamulka Hargeysa uu isu diyaarinayo xuska 18 May.

Safarka Cirro ayaa la sheegay inuu la xiriiro danaha Somaliland, xiriirka ay la leedahay Imaaraadka iyo dadaallada ay Hargeysa ku dooneyso inay ku xoojiso taageero diblomaasiyadeed oo ku aaddan aqoonsi raadinteeda muddada dheer.

Shacabka Somaliland ayaa si dhow ula socda booqashada madaxweynahooda, iyagoo sugaya inuu dib ugu laabto Hargeysa ka hor munaasabadda 18 May, oo maamulka Somaliland u asteeyo sanad-guuradii ka soo wareegtay markii uu 1991 ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in dad badan ay aaminsan yihiin in safarka Cirro ee Imaaraadka uu la imaan karo farriin siyaasadeed oo muhiim ah, gaar ahaan maadaama uu horey u sheegay in shacabka Somaliland ay maqli doonaan war farxad geliya inta lagu guda jiro xuska 18 May.

Madaxweyne Cirro ayaa horey u sheegay in Somaliland ay fileyso tallaabo cusub oo diblomaasiyadeed, isagoo si dadban u tilmaamay in dal kale uu ku soo biiri karo Israel, oo horey ugu dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Hadalkaas ayaa sare u qaaday rajada taageerayaashiisa, balse wuxuu sidoo kale kordhiyay walaaca ka jira Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeedda tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, iyadoo ku adkeysata in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin awood shisheeye oo si gooni ah ula macaamili karta gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland, oo caalamku weli u aqoonsan yahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, ayaa muddo ka badan 30 sano raadineysay aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee, dadaalladaas waxaa hor istaagay mowqifka dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalal kale oo taageera midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hadal-heynta safarka Imaaraadka ayaa timid xilli Abu Dhabi ay muddo dheer xiriir dhaqaale iyo istiraatiiji ah la lahayd Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera iyo maalgashiyo kale oo gobolka ka socda. Taas ayaa keentay in dad badan ay u arkaan booqashada Cirro mid ka baxsan safar caadi ah, inkastoo aysan jirin illaa hadda war rasmi ah oo Imaaraadku ku sheegay inuu beddelay mowqifkiisa ku aaddan qaddiyadda Somaliland.

Muqdisho ayaa si gaar ah uga walaacsan in xiriirka sii xoogeysanaya ee Hargeysa iyo Abu Dhabi uu yeesho saameyn siyaasadeed oo ka baxsan iskaashi dhaqaale. Dowladda Soomaaliya waxay horey u sheegtay in xiriir kasta oo dal shisheeye la sameynayo qeyb ka mid ah Soomaaliya uu yahay mid u baahan inuu maro dowladda federaalka.

Si kastaba, safarka madaxweynaha Somaliland ee Imaaraadka ayaa noqday qodobka ugu weyn ee lagu falanqeynayo Hargeysa, iyadoo indhaha shacabka iyo siyaasiyiinta ay ku jeedaan waxa uu Cirro la soo laaban doono ka hor munaasabadda 18 May.

Sidee Maxamed bin Salman u fashiliyey qorshihii Trump ee Marinka Hormuz?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u hakiyey qorshe uu ku doonayay in maraakiibta laga caawiyo inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz, kadib markii Sacuudiga uu xannibay awooddii militariga Mareykanka ee uu saldhigyada iyo hawada boqortooyada ugu adeegsan lahaa howlgalkaas, sida ay NBC News u sheegeen laba mas’uul oo Mareykan ah.

Trump ayaa galabnimadii Axadda baraha bulshada kaga dhawaaqay howlgal uu ugu magac daray “Project Freedom”, arrintaas oo lama filaan ku noqotay xulafada Mareykanka ee Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Mareykanka.

Boqortooyada ayaa markaas Washington ku wargelisay in aysan oggolaan doonin in diyaaradaha Mareykanka ay ka duulaan saldhigga Prince Sultan Airbase, oo ku yaalla koonfur-bari Riyadh, ama ay isticmaalaan hawada Sacuudiga si ay u taageeraan howlgalka, mas’uuliyiinta ayaa intaas ku daray.

Wicitaan dhexmaray Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaan xallin khilaafka, taas oo ku qasabtay madaxweynaha Mareykanka inuu si ku meel gaar ah u hakiyo howlgalka, si loo soo celiyo marin-u-helidda hawada muhiimka ah ee Sacuudiga.

Xulafada kale ee Mareykanka ee Khaliijka ayaa iyaguna la sheegay in aysan si buuxda ula socon qorshaha. Trump ayaa hoggaamiyeyaasha Qatar la hadlay markii howlgalka uu durba bilowday.

Ilo Sacuudi ah oo la hadlay NBC News ayaa sheegay in Trump iyo Mohammed bin Salman ay “si joogto ah xiriir u lahaayeen.” Ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiin Sacuudi ah ay la xiriireen Trump, Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, Taliska Dhexe ee Mareykanka iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Markii la weydiiyay in ku dhawaaqista Project Freedom ay lama filaan ku noqotay hoggaanka Sacuudiga, ilaha Sacuudiga ayaa yiri: “Dhibka malahaas ku jira waa in arrimuhu si degdeg ah u dhacayaan, waqtiga dhabta ah.” Waxa uu intaas ku daray in Sacuudiga uu “si weyn u taageersan yahay dadaallada diblomaasiyadeed” ee Pakistan ku dooneyso inay heshiis ku dhex-dhexaadiso Iran iyo Mareykanka si dagaalka loo joojiyo.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad ayaa isna sheegay, markii wax laga weydiiyay in xulafada gobolka lagu wargelin waayay qorshaha ka hor ku dhawaaqista, in “xulafada gobolka horay loo ogeysiiyay.”

Diblomaasi Bariga Dhexe ku sugan ayaa sheegay in Mareykanka uusan howlgalka Project Freedom kala tashan Cumaan ilaa markii Trump uu ku dhawaaqay kaddib. “Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, kadibna nala kaashaday,” ayuu yiri diblomaasiga, isagoo raaciyay: “Ma aanan xanaaqin, mana aanan ka caroon.”

Trump ayaa qorshaha ku dhawaaqay dhammaadkii toddobaadka, isagoo ku tilmaamay tallaabo lagu jebinayo xannibaadda Iran ee marin-biyoodka Hormuz. La-taliyeyaashiisa amniga qaranka ayaa Talaadadii inta badan ku difaacayay qorshahaas shirar jaraa’id oo ka dhacay Pentagon-ka iyo Aqalka Cad, ka hor inta uusan madaxweynuhu si lama filaan ah u joojin howlgalka qiyaastii 36 saacadood kadib markii uu bilowday.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu diyaarinayay maraakiib dheeraad ah oo ku sugan Khaliijka si ay uga gudbaan Hormuz markii howlgalka la hakiyay. Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa horey u sheegay in laba markab oo calanka Mareykanka sitay ay si guul ah uga gudbeen marin-biyoodka iyagoo qeyb ka ahaa Project Freedom.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Trump ayaa sheegay in Project Freedom “la hakinayo muddo kooban si loo arko in heshiis lagu xallinayo dagaalka la dhammeystiri karo lana saxiixi karo.”

Militariga Mareykanka ayaa diyaarado dagaal, diyaarado shidaal-qaad ah iyo nidaamyo difaaca cirka ah ku leh saldhigga Prince Sultan Airbase ee Sacuudiga. Sacuudiga ayaa horay u oggolaaday in Mareykanka uu saldhiggaas ka duuliyo diyaarado taageeraya dagaalka Iran, sidoo kalena ay hawadiisa isticmaalaan diyaarado ka duulaya dalalka deriska ah.

“Juqraafi ahaan, waxaad u baahan tahay iskaashi ka yimaada saaxiibbada gobolka si aad u isticmaasho hawada ku teedsan xuduudahooda,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka. Waxa uu sheegay in xaaladaha qaar aysan jirin waddo kale oo la mari karo.

Diyaaradaha militariga ayaa muhiim u ahaa ilaalinta maraakiibta intii uu socday Project Freedom, iyagoo siinayay difaac cirka ah oo ka hortaga weerarro suuragal ah.

Militariga Mareykanka ayaa oggolaanshaha noocan ah ugu yeera ABO, oo macnaheedu yahay marin-u-helid, saldhigyo iyo duullimaad hawadeed.

Diyaaradaha dagaalka, kuwa shidaalka qaada iyo kuwa taageerada ayaa dhammaantood u baahan fasax ay kaga duulaan dalalka muhiimka ah ee gobolka. Sacuudiga iyo Urdun ayaa muhiim u ah saldhigyada, Kuwait waxay muhiim u tahay duullimaadka hawada, halka Cumaan ay muhiim u tahay duullimaadka hawada iyo taageerada saadka badda.

Trump ayaa Amiirka Qatar la hadlay markii Project Freedom uu durba bilowday. Mas’uul Qatari ah ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen heshiiska xabbad-joojinta iyo “saameynta uu ku yeelan karo amniga badda iyo silsiladaha sahayda caalamiga ah.” War-saxaafadeedka Qatar ayaa sheegay in amiirku carrabka ku adkeeyay muhiimadda dejinta xiisadda.

Militariga Mareykanka ayaa weli joogitaan ballaaran ku leh gudaha iyo hareeraha Khaliijka. Joogitaanka Mareykanka ee gobolka ayaa ka weyn kii jiray 28-kii Febraayo, markii dagaalku bilowday. Laba markab oo diyaarado xambaara ah ayaa ku sugan gobolka, Pentagon-kuna wuxuu geeyay taageero dheeraad ah oo dhanka saadka ah, isagoo sidoo kale buuxiyay keydadka hubka iyo agabka.

Project Freedom ayaa muddo kooban bixiyay ilaalin militari oo Mareykan ah, awood dab, kormeer iyo shaqaale la saaray maraakiibta, si ay si ammaan ah uga baxaan Gacanka Persia una maraan Hormuz, xilli ciidamada Iran ay sii wadeen hanjabaado iyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ku gudbaysa marin-biyoodkaas muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta Pentagon-ka ayaa sheegay in howlgalkaas uu ka madax-bannaan yahay duqeymaha Mareykanka ee bilowday 28-kii Febraayo, kuwaas oo loogu magac daray “Epic Fury.”

Maamulka Trump ayaa isku dayaya inuu riixo heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ISNA ku sheegay in Tehran ay dib u eegayso hindise nabadeed oo kale oo Mareykanka ka yimid. Wuxuu sheegay in marka maamulka Iran uu qiimeeyo hindisaha, ay kala hadli doonaan Pakistan, oo doorka dhexdhexaadinta wadda.

Qoraal uu Arbacadii hore soo dhigay baraha bulshada, Trump faahfaahin kama bixin hindisaha, balse wuxuu sheegay in dagaalku dhammaan karo haddii “Iran ay oggolaato inay bixiso wixii horay loogu heshiiyay.”

“Waxay doonayaan inay heshiis sameeyaan,” ayuu Trump Arbacadii ka sheegay Xafiiska Oval. Wuxuu intaas ku daray in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay jireen “wada-hadallo aad u wanaagsan.”

Cadaadiska siyaasadeed ayaa sidoo kale ku sii kordhaya Trump, xilli Mareykanka uu ku sii dhowaanayo doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha November, kuwaas oo Jamhuuriyiintu ku doonayaan inay ilaashadaan aqlabiyaddooda yar ee Aqalka Wakiillada iyo awoodda ay ku leeyihiin Senate-ka.

Wareysi uu Arbacadii siiyay PBS, Trump ayaa sheegay inay suuragal tahay in wada-xaajoodyada Mareykanka ay heshiis la gaaraan maamulka Iran ka hor safarkiisa Beijing ee toddobaadka soo socda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

“Waxaan u maleynayaa inay fursad aad u wanaagsan u leedahay inay dhammaato, haddii aysan dhammaanna waa inaan dib ugu laabannaa inaan si xooggan u duqeyno,” ayuu Trump u sheegay PBS.

Dhowr qof oo si dhow ula shaqeeya Trump ayaa la sheegay inay ku boorriyeen inuu “shaqada dhammeeyo” gudaha Iran, iyagoo ku riixaya in la burburiyo inta ka hartay awoodda militari ee caadiga ah ee maamulka Tehran. Mas’uuliyiin hore oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay aaminsan yihiin in weerarka la dhammeystiri karo ka hor safarka muhiimka ah ee Shiinaha.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Arbacadii la kulmay madaxda Iran, isagoo sheegay in ay lama huraan tahay in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo soo afjaro.

“Waxaan aaminsannahay in xabbad-joojin dhammaystiran si degdeg ah loogu baahan yahay, in dib u billaabidda colaadaha aan la aqbali karin, iyo in ay si gaar ah muhiim u tahay in lagu sii adkeysto wadahadal iyo gorgortan,” ayuu Wang ku yiri muuqaal kulanka laga helay oo ay baahisay Associated Press.

Mas’uul sare oo ka tirsan baarlamaanka Iran, Ebrahim Rezaei, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in hindisaha ugu dambeeyay uu yahay “liis rabitaan ilaa uu xaqiiqo noqdo.”

“Mareykanku kuma heli doono dagaal fashilmay waxa uu ku waayay wadahadallo fool ka fool ah,” ayuu yiri Rezaei. “Iran waxay farta ku haysaa leebka wayna diyaar tahay; haddii aysan is dhiibin oo aysan bixin tanaasulka lagama maarmaanka ah, ama haddii iyaga iyo xulafadooda sharka ah ay isku dayaan inay xumaan sameeyaan, waxaan bixin doonnaa jawaab adag oo laga qoomameeyo.”

Si kastaba, mas’uul Urdun u dhashay oo la hadlay NBC News ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ay yihiin kuwo dhab ah.

“Iraniyiintu ma haystaan awood dhaqaale oo ay arrintan ku sii wadi karaan,” ayuu yiri mas’uulka. “Dhaqaalahoodu wuu fashilmaya, mushaarna ma bixin karaan.”

Maxamuud Tooxoow oo lagu xukumay Mareykanka kadib afduubkii iyo dilkii J.M

Springfield (Caasimada Online) — Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun adag ku ridday muwaadin Soomaali ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu geystay afduub sababay dhimasho.

Maxamuud Tooxoow Maxamed oo 44 jir ah, ayaa waxaa 30 sano oo xabsi ah ku xukuntay Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Mareykanka, Megan B. Benton. Xukunkan ayaa yimid kadib markii lagu caddadeeyay inuu afduubtay haweeney magaceeda qoraallada maxkamadda loogu soo gaabiyay J.M, taas oo ugu dambeyn la dilay.

Sida ku cad dokumiintiyada maxkamadda, maydka haweeneydan ayaa la helay 29-kii Luulyo ee sanadkii 2019-kii, meel u dhow waddada weyn ee Missouri Highway 59. Helitaanka maydka ayaa timid kadib markii qof waddada marayay uu arkay shandad leh midabka basaliga ah oo hareeraha waddada lagu dhex tuuray, taas oo ay lugo kasoo muuqdeen.

Ciidamada amniga oo goobta gaaray ayaa helay maydka J.M oo aad u burburay, kana ag dhowaa shandadda. Baaritaano xasaasi ah oo lagu sameeyay dheecaanka hiddesidaha (DNA) ayaa xaqiijiyay in dhiigga dhibanaha laga helay agab dhowr ah oo saarnaa gaari ay wada isticmaali jireen iyada iyo eedeysane Maxamuud.

Dhibanaha ayaa markii ugu dambeysay iyadoo nool la arkay 16-kii Luulyo 2019-kii, xilligaas oo ciidamada boolisku ay ka jawaabeen wicitaan degdeg ah oo ka yimid gurigeeda.

Haweeneyda ayaa khadka gurmadka ee 911 u sheegtay in Maxamuud uu mindi ku qabtay, isku dayayna inuu si awood ah ugu tago. Sidoo kale, waxay si isdaba joog ah ugu celcelisay shaqaalaha gurmadka inay aad uga walwalsan tahay in Maxamuud uu waxyeelo gaarsiiyo saddexdeeda carruur ah oo xilligaas la joogay.

Maalin kadib, oo ku beegneyd 17-kii Luulyo 2019-kii, ayaa laamaha amniga lagu wargeliyay in J.M iyo carruurteeda la la’ yahay, kadib markii lagu guuldareystay in telefoonka ama si toos ah loola xiriiro. Ugu dambeyn, carruurta ayaa 8-dii Agoosto 2019 laga dhex helay guri ku yaalla magaalada Des Moines ee gobolka Iowa.

Kadib markii uu carruurta uga dhex tagay gobolka Iowa, Maxamuud wuxuu isaga baxsaday dalka Mareykanka, isagoo muddo dhuumaaleysi kaga maqnaa caddaaladda. Ugu dambeyn, laamaha sirdoonka ayaa helay xogtiisa, waxaana laga soo tarxiilay dalka Guatemala 27-kii Luulyo 2021-kii, isagoo loo gacan geliyay dowladda Mareykanka.

Kiiskan maxkamadeed ayaa waxaa dacwaddiisa wadday Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Ami Harshad Miller.

Baaritaanka kiiskan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Dembi-baarista Federaalka ee FBI, Waaxda Booliska ee McDonald County ee gobolka Missouri, Booliska Rochester ee Minnesota, iyo Booliska magaalada Des Moines ee gobolka Iowa.

C/llaahi Nuur oo ku biiray shirka mucaaradka, shaaciyayna sababta ay isku seegeen Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dhawaan iska casilay xilkii la-taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ku biiray shirka siyaasiyiinta mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi ayaa caawa ka mid ahaa xubno siyaasiyiin ah oo ka baxay garabka Villa Soomaaliya kuna biiray mucaaradka, isagoo wareysi kooban oo uu bixiyay ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku seegeen hanaanka uu u wajahayo xaaladda kala guurka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh saaxiibo ayaan ahaan jirnay, laakiin saaxiibtinimadu waa dano shakhsiyadeed, waxaa ka muhiimsan danta caamka, waxaana ku kala tagnay danta guud,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Cabdullaahi ayaa ka gaabsaday in arrimaha ay isku seegeen Madaxweynaha ay qeyb ka tahay doorashada HirShabelle, oo dowladda federaalka ay ku leedahay galaangal xooggan.

Maalmo ka hor, sidan oo kale waxaa shirka mucaaradka ugu biiray xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dhawaan isaga baxay xisbiga JSP, iskana casilay xilkii uu ka hayay. Odowaa ayaa markaas hoolka shirka kala soo muuqday saaxiibadiis Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo iyaguna horay uga baxay garabka Xasan Sheekh.

Mucaaradka ayaa maalmahan waday shirar isdaba joog ah oo looga arrinsanayo xaaladda kala guurka iyo xiisadda taagan, iyadoo mucaaradku isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rejo-xumo ka muujinaya gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama ay horay u fashilmeen dhammaan wada-hadalladii horay loola galay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka qabsoomay Villa Soomaaliya, waana sababta ay u qaadayaan tallaabooyin cadaadiska ku sii kordhinaya madaxweynaha.

Hoos ka daawo muuqaalka

Pakistan oo wafdi usoo direysa Muqdisho si ay DF ugala hadasho sii deynta…

0

Islamabad (Caasimada Online) – Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in ay wafdi heer sare ah u soo dirayso magaalada Muqdisho, si ay wada-hadallo ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku saabsan sii daynta shaqaale u dhashay Pakistan oo afduub loo haysto.

Shaqaalahaas Pakistani ah ayaa la sheegay in lagu haysto markab ganacsi oo ay la wareegeen kooxo burcad-badeed Soomaali ah, xilli uu marayay biyaha Gacanka Cadmeed, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Hussain Andrabi ayaa xaqiijiyay in Islamabad ay si joogto ah ula xiriirayso mas’uuliyiinta Soomaaliya, si xal waara looga gaaro xaaladda adag ee shaqaalahaasi ku sugan yihiin.

Andrabi ayaa intaa ku daray in Safaaradda Pakistan ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkiisa ay si dhow ula socdaan horumarka kiiskan, isla markaana dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wafdiga la filayo in uu dhowaan tago Muqdisho, si uu kulan toos ah ula yeesho hay’adaha dowladda Soomaaliya ee ay khuseyso arrintani.

Wuxuu xusay in inkastoo aan weli la gaarin natiijo degdeg ah oo la xiriirta sii deynta shaqaalaha, haddana ay jiraan isfahan iyo horumar ku saabsan wada-hadallada socda ee labada dhinac.

Dhanka kale, warka ka soo baxay Dowladda Pakistan ayaa yimid xilli ay burcad-badeedda haysta markabka la afduubay ay dalbadeen in ay si toos ah ula hadlaan wakiillo ka socda dowladda Pakistan.

Ilo ku dhow kooxaha burcad-badeedda ayaa sheegay in markabka lagu magacaabo “Honor 25” ay saaran yihiin shaqaale gaaraya 17 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 10 muwaadiniin Pakistani ah.

Shaqaalahan ayaa lagu haystaa tan iyo markii markabka la afduubay 21-kii bishii Abriil, iyadoo xaaladdooda ay weli tahay mid aan la hubin.

Dhanka kale, qoysaska shaqaalaha la haysto ayaa wajahaya walwal iyo cabsi sii kordhaysa, iyagoo ku jira sugitaan adag oo ku saabsan badbaadada ehelkooda.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ayaa la filayaa in ay door ka qaataan xal u helidda xiisaddan, inkastoo xaaladdu weli tahay mid cakiran oo u baahan wadahadallo dheeraad ah.

Xiisadda Qoor-Qoor iyo Xasan oo kasii dartay iyo DF oo bixisay amar xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Galmudug ayaa haatan kasii dareysa kadib tallaabooyin cusub oo ay qaaday Villa Somalia, kuwaas oo muujinaya isbeddel weyn oo ku wajahan maamulkaasi.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay amar ku siisay dhammaan saldhigyada booliska, NISA iyo ciidamada milatariga ee ku sugan Galmudug in aysan amar ka qaadan karin Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Sida ay xoguhu tilmaamayaan, ciidamadaasi waxaa si toos ah amarrada uga soo gaari doonaan magaalada Muqdisho, taas oo loo fasirtay tallaabo si weyn u wiiqeysa awoodda maamulka Galmudug, isla markaana sare u qaadeysa xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay u muuqato inay go’aan ku gaartay in isbeddel degdeg ah laga sameeyo maamulka Galmudug, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay magaalada Dhuusamareeb gaaraan Taliyaha Qaybta Booliiska Galmudug, Korneyl Maxamed Daahir iyo taliye ku-xigeenka Booliiska Galmudug, Kaniif, kuwaas oo halkaasi kulamo kula yeelan doona saraakiisha ciidamada dowladda federaalka.

Magacaabista Col. Maxamed Daahir ayaa waxaa buriyay Qoor-Qoor, kadib markii dhawaan dowladda dhexe u magacowday Galmudug, isagoo xilka kusoo celiyay taliyihii xilka laga qaaday ee Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, taas oo muujinaysa sida ay uga sii dareyso xiisadda labada dhinac.

Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa si weyn uga howlgala ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo mushaar iyo amarba ka qaata dowladda dhexe, halka garoonka magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Danab, Gorgor iyo ciidamada dowladda Jabuuti.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaalada aysan ku sugnayn ciidan gaar ah oo si toos ah ay u maamusho Galmudug, taas oo sii xoojisay saameynta dowladda dhexe ku leedahay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee caasimadda maamulkaasi.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda Dhuusamareeb ay gaari doonaan musharrax ay wadato Villa Somalia iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay gogol-xaar u yihiin isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhaca Galmudug.

Xasan Sheekh oo amar kasoo saaray howlaha burburinta dhulka danta guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in si kumeel gaar ah loo joojiyo howlaha burburinta iyo baneynta dhulka danta guud ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Go’aankan ayaa yimid kadib cabashooyin isa soo tarayay oo kasoo baxay qaar kamid ah dadka deganaa goobaha laga waday howlaha baneynta, kuwaas oo sheegay in saameyn xooggan ay ku yeesheen tallaabooyinkaasi.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in amarka joojinta uu si toos ah uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana loo soo marsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

“Iyadoo la raacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa gabi ahaanba la joojiyay howlaha baneynta iyo dib u habeynta dhulka danta guud ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka gobolka iyo dowladda federaalka ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorshayaasha la xiriira dhulka danta guud, si loo helo hannaan waafaqsan sharciga iyo danaha bulshada.

Sidoo kale, dowladda ayaa magacawday guddi isugu jira khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo loo xil saaray inay kasoo talo bixiyaan qaabka ugu habboon ee loo maareyn karo dhulka danta guud.

Guddigan ayaa la filayaa inay soo diyaariyaan talooyin ku saabsan sida loo ilaalin karo dhulka dowladda, iyadoo aan lagu xad-gudbeyn xuquuqda dadka shacabka ah ee ku nool goobahaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda ballan-qaaday in dadka laga barakiciyay goobaha la burburiyay loo sameyn doono qorshe dib u dejin ah, isla markaana la siin doono dhul iyo adeegyo aasaasi ah.

Go’aankan cusub ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay wadaan qaban-qaabada dibadbax weyn oo looga soo horjeedo dowladda, isla markaana ay shacabka la barakiciyay ugu baaqeen inay muujiyaan dareenkooda, kana soo horjeestaan waxa ay ku tilmaameen dhul-boobka ka socda caasimadda.

Xalay, dagaal xooggan oo la xiriira xiisadda dhulka ayaa degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo shacab careysan, kaas oo ay si adag u cambaareeyeen mucaaradka.

Iska hor-imaadkaas oo ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku hayay howlaha baneynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.

“Waxaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay, Xasan Sheekh Maxamuud, xusuusinayaa in la gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

DF Soomaaliya oo maanta heshiis difaac la saxiixatay dalka…

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca iyo amniga ah kadib kulan muhiim ah oo magaalada Istanbul ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Difaaca Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun.

Kulankan ayaa ka dhacay intii lagu guda jiray Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026, kaas oo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Wasiir Fiqi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa dhinaca Suudaan kala hadlay arrimo la xiriira amniga, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada militariga iyo difaaca.

Dowladda Suudaan ayaa kulanka ku muujisay inay taageero buuxda siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada ay ku dooneyso ciribtirka kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay isweydaarsiga khibradaha amniga iyo tababarrada ciidamada, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha difaaca ee labada dowladood.

Wasiirrada ayaa adkeeyay in iskaashiga cusub uu salka ku hayo danaha wadaagga ah ee labada dal, iyadoo la tilmaamay in Soomaaliya iyo Suudaan ay leeyihiin xiriir walaaltinimo iyo iskaashi soo jireen ah.

Kulankan iyo heshiiska ka dhashay ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto xoojinta xiriirrada amni iyo difaac ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa Islaamka, si loo taageero dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Galmudug iyo Villa Somalia oo kala fogaaday kadib tallaabo uu qaaday Qoor-Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa haatan sii kala fogaaday, kadib tallaabo uu maanta qaaday Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo magacaabis sameeyay.

Qoor-Qoor oo wareegto soo saaray ayaa buriyay magacaabistii Col. Maxamed Daahir oo ay dowladda dhexe dhawaan u magacowday Taliyaha Booliska Galmudug, isaga oo xilka kusoo celiyay taliyihii xilka laga qaaday ee Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, sida ku cad wareegtada.

Arrintan ayaa muujineyso in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Villa Somalia, waxaana tallaabada uu qaaday ay abuureysaa xiisada kulul oo dhex-marta labada dhinac.

Dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor bedashay inta badan taliyeyaashii ka howlgalayay deegaannada Galmudug, iyada oo magacowday saraakiil cusub, taas oo hadda keentay in Qoor-Qoor ka biyo diido, soona magacaabo saraakiil kale oo dhankiisa ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan magacaabista uu sameeyay Qoor-Qoor, iyado arrintan ay durbaba dhalisay hadal-heyn xooggan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Dhabahan waxaa hora u qaaday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka biyo diiday qorshaha dowladda, waxaase ugu dambeyn dhacday in meesha laga saaro, kadibnala lala wareego maamulka.

Si kastaba, arrimaha haatan kasoo cusboonaaday Galmudug ayaa salka ku haya doorashada maamulkaas, wuxuuna khilaafkan bilow u yahay mowjado siyaasadeed oo maalmaha socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

R/W Xamza oo jawaab culus siiyay mucaaradka DF + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho, kana abaabulayo dibadbax ka dhan ah dowladda.

Xamza oo si guud uga hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan amniga iyo dowladnimada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka shaqeyneynayaan carqaladeynta amniga caasimada, isla markaana uu cambaareynayo.

“Waa nasiib darro haddii ay arrintu noqoto teyda la qaadanayaa ama nabad laguma seexanayo arrintaas aad iyo aad ayaa u cambaareynayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalmahan wada caga jugleynta ka dhanka ah amniga Muqdisho waxaan usoo jeedinayaa haddii aad xukun dooneysaan Ilaaheybaa bixiya, waana garaneysaan jidka loo maro midka aad hadda ku caga jugleyneysaan ma’aha mid ku haboon.”

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay yimaadaan gogosha u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, ayna keenaan talooyinkooda, isaga oo xusay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato.

“Waxaan rajeynayaa inaad gogosha si buuxda uga soo qayb-gashaan idinkoo talo wada ama talo raac ah,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo xasaasi ah, iyada oo mucaaradka ay dhabarka u jeediyeen Villa Somalia, waxayna hadda abaabulayaan banaanbax dhacaya 10-ka bishan, kaas oo ay sheegeen inay uga soo horjeedaan barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho

Golaha wasiirrada oo digniin kasoo saaray amniga Muqdisho xilli mucaaradka…

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo howlaha horyaallo xukuumadd Dan-Qaran.

Ra’iisul wasaaraha oo kulanka guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday amniga caasimada, xilli ay haatan mucaarada ay qorsheynayaan inay qabtaan dibadbax ka dhanah  dowladda, wuxuuna Xamza ka digey in la carqaladeeyo amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay illaashadaan nabadda.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno xog naqshadaysan oo ku saabsan fatahaadaha webiyada dalka iyo halista wajahaysa illaha biyaha, waxaanna warbixintaas soo jeediyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Hoos ka akhriso warsaxaadadeedka oo dhammaystiran;-

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan amniga, dardargalinta hawlaha Xukuumadda iyo ka jawaabista saamaynta culeesyada caalamka kasoo kordhay ee dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.

Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Adeegyada Amniga gaarka ah  oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hagaha Nidaamka Hanti-dhowrka Gudaha (Internal Audit Charter) oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta.

Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno xog naqshadaysan oo ku saabsan fatahaadaha webiyada dalka iyo halista wajahaysa illaha biyaha, waxaanna warbixintaas soo jeediyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha. Waxaa sidoo kale golaha loo jeediyay warbixin faahfaahsan oo la xiriirta sicirka badeecooyinka kala duwan ee dalka kadib xasaradda ka aloosan Marin-biyoodka Hormus.

Warbixinta sicirka badeecooyinka iyo saamaynta xayiraadda Marinka Hormus oo soo diyaarisay Hay’adda Tirakoobyada Qaranka ayaa muujisay in boqolkiiba 40% ay hoos u dhaceen badeecooyinkii imaan jirey dalka, taas oo keentay in qiimaha cuntada uu sare u koco boqolkiiba 10%,  adeegyada caafimaadka waxa ay kaceen 14%, halka badeecooyinka kale ay sare u kaceen wax intaas ka badan.

Golaha waxa ay aragti dhiibteen siyada ugu habboon ee looga jawaabi karo, waxaanna la faray wasaaradaha ay quseyso in ay tallaabooyinka ku habboon ka qaataan xaaladaha jira si culeeska looga qafiifiyo shacabka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa golaha la wadaagtay warbixin la xiriirta arrimaha xajka oo meel wanaagsan maraya, iyada oo sanadkan xujeyda garoonka Aadan Cadde looga sameeyay Taarminaal u gaar ah.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ammaanay amniga iyo xasiloonida ka jirta qeybo badan oo dalka ka mid ah oo ay caasimadda ugu horeyso, wuxuuna ka digey in la carqaladeeyo amniga, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay illaashadaan nabadda.

DF Soomaaliya oo la sheegay inay guryo u dhiseyso barakacayaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo ka hadlay soo celinta dhulalka danta guud ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadda la bilaabay in laga faa’iideysto.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyay in dhulalka dib loola wareegay qaarkood la siiyay dad shacab ah oo loo sharciyeeyay, si ay uga faa’iideystaan, halka kuwa kalena dib loogu celiyay wasaaradihii iyo xarumihii horay u lahaa.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in haatan uu socdo qorshe ay dowladdu ku dhiseyso 10 kun oo guri oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhul dowladda ka maqnaa 30 sano ayaa lasoo celiyay qaar waxaa la siiyay qof kasta oo raba inuu sharciyeysto, hadda dowladda wxay dhiseysaa 10 kun oo guri oo loogu talagalay barakacayaasha,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay dhulalka danta guud ee ku yaalla caasimada, maadaama dadkii ugu badnaa laga barakiciyey, kuwaas oo aan haysan meel kale oo ay deegaansadaan.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay in meelaha qaar uu ka dhaco gacan ka hadal, waxaana ugu dambeeyay dagaalkii xalay ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah oo diidan in laga barakiyo dhulkaasi.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Dayniile oo sii kordhay iyo xaaladda oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee degmada Dayniile ayaa weli kacsan, kadib markii xalay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka oo hubeysan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Warlaliska, waxaana lasoo warinayaa in uu sii kordhayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalka.

Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadkan ku dhintay afar wiil oo kamid ah dadka deegaanka, waxaan ku jiro Musamil Yuusuf cusmaan oo 3 sano jir ahaa, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in khasaare uu gaaray dhanka ciidamada, waxaana dagaalka lagu dilay 4 askari, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac, taas oo iyana abuurtay cabsi ku aadan in dagaalka uu sii socdo, maadaama ay hub uruursi wadaan labada dhinacba.

Dhanka kale, shacabka ku dhaqan xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ayaa intoobada isaga barakacay guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaalka socda.

Xiisadan oo soo noq-noqotay ayaa salka ku haysa howlaha banaynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda, waxaana indhowaanahan Dayniile ka taagnaa buuq xooggan oo gaaray illaa ay soo farogeliyeen xubnaha mucaaradka oo garab istaag u muujiyay shacabka.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyada oo maalmihii ugu dambeeyay cagta marisay xaafado dhowr ah ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin muhiim ah gaarsiiyay Ibrahim Traoré + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay madaxweynaha dalka Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traoré ayaa gaarsiiyay farriin muhiim ah oo uu ka siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fartaag oo haatan booqasho ku  ku jooga Burkina Faso ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha guud ee Dowladda dalkaas Kabtan Ibrahim Traoré, isaga oo la wadaagay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka oo faah-faahiyay booqashadiisa ayaa sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada ay Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa madaxweyne Ibrahim Traoré kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin la dagaallanka Al-Shabaab iyo la wadaagida Khibradaha ciidan, maadaama ay labada dal wadaagaan caqabadaha argagixisada.

“Labada dowladood Burkina Faso iyo Soomaaliya waxaay wadaagaan caqabado argagixiso, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tababarrada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga,” ayuu yiri Fartaag.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim ah, isla markaana sare u qaadaya xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashigooda la xiriira la dagaallanka argagixisada.

Kabtan Ibrahim Traoré oo ah hoggaamiye dhalinyaro ah oo  awood ku qabsaday xukunka, ayaa ah nin firfircoon oo si weyn saameyntiisa looga dareemay gobolka, wuxuuna marar badan soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan fursadaha ka jira oo ay ugu horreeyo khayraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay.

Turkiga oo Soomaaliya ka tijaabinaya gantaal isaga gudba qaaradaha

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka tijaabiso gantaalkeedii ugu horreeyay ee isaga gudba qaaradaha dhammaadka sanadkan, sida ay warisay Bloomberg, taas oo noqoneysa tallaabo weyn oo Ankara u qaadeyso dhanka awoodda gantaallada riddada dheer.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Yildirimhan, lana soo bandhigay Talaadadii intii uu socday bandhigga difaaca ee SAHA ee magaalada Istanbul, ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 6,000 oo kiiloomitir. Taasi waxay ka dhigan tahay in qaybo badan oo Yurub ah, Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo qaybo ka mid ah Aasiya ay geli karaan masaafada uu gaari karo.

Bloomberg, oo soo xiganeysa dad xog-ogaal u ah qorshaha, ayaa sheegtay in Turkigu doonayo inuu gantaalka ka rido xarun cusub oo hawada sare ah oo laga dhisayo Soomaaliya, isaga oo ku wajahan Badweynta Hindiya.

Tijaabadaas ayaa Ankara siin karta marin badeed dheer oo ku habboon tijaabinta nidaam noocan ah, maadaama Turkigu ay ku adkaan karto inuu gantaal sidan u fog ka tijaabiyo dhulkiisa, sababo la xiriira ciriiriga hawada, marinnada maraakiibta iyo dalalka deriska la ah.

Soo bandhigidda gantaalka Yildirimhan ayaa ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee Turkigu qaaday isaga oo dhisaya warshad difaac oo madax-bannaan, isla markaana xoojinaya awooddiisa ka hortagga khataraha gantaallada ee gobolka ku soo badanaya.

“Waxaan rumeysanahay inaan u adeegsan doonno oo keliya ka hortag ahaan, balse haddii ay dhacdo inaan u baahanno inaan isticmaalno, cidna shaki yaysan ka gelin inaynu u adeegsan doonno si aan ka laba-labeyn lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler, xilli uu booqanayay bandhigga lagu soo bandhigay nooc ka mid ah gantaalka.

“Waxaan qiimeyneynaa inaan u adeegsan doonno sida ugu waxtarka badan ee suurtagalka ah,” ayuu raaciyay.

Heer cusub oo istaraatiiji ah

Yildirimhan, oo loogu magacdaray suldaan ka mid ahaa Boqortooyada Cusmaaniyiinta, ayaa noqonaya gantaalkii ugu riddada dheeraa ee Turkigu yeesho iyo kii ugu horreeyay ee Ankara si rasmi ah u soo bandhigto oo lagu tilmaamo gantaal isaga gudba qaaradaha.

Gantaallada noocan ah ayaa inta badan lala xiriiriyaa quwadaha nukliyeerka haysta, inkastoo Turkigu aanu haysan hub nukliyeer ah. Ankara ayaa barnaamijkeeda gantaallada u soo bandhigtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo ku dhisan awood ka hortag oo caadi ah.

Masaafada la sheegay ee 6,000 oo kiiloomitir ayaa Turkiga la simi karta dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo tiro yar oo dalal kale ah oo haysta teknoolajiyadda gantaallada riddada dheer.

Nidaamka Yildirimhan ayaa la sheegay inuu qaadi karo madax dagaal oo culeyskiisu yahay 3,000 oo kiilogaraam, isla markaana uu isticmaalo shidaal dareere ah.

Turkiga ayaa sidoo kale horumariyay gantaallo gaagaaban iyo kuwa dhexdhexaad ah, oo ay ku jiraan Tayfun iyo Cenk, isaga oo ballaarinaya hubkiisa gudaha si uu u yareeyo ku tiirsanaanta qalabka difaaca ee dibadda.

Ankara ayaa hore u kordhisay soo saarista gantaallada Tayfun-1, oo leh masaafo ugu yaraan 560 kiiloomitir ah. Bloomberg ayaa sheegtay in Turkigu sidoo kale qorsheynayo inuu Soomaaliya ka tijaabiyo nooc horumarsan oo Tayfun-4 ah, kaas oo la filayo inuu duuli karo in ka badan 2,000 oo kiiloomitir.

Turkiga ayaa sidoo kale sameeyay gantaalka Cenk, oo la sheegay inuu gaari karo masaafo ku dhow 3,000 oo kiiloomitir.

Marin tijaabo oo Soomaaliya ah

Doorka Soomaaliya ee qorshahan ayaa ah mid hawlgal, balse muhiim ah.

Gantaal laga rido dhulka Soomaaliya isaga oo ku wajahan Badweynta Hindiya ayaa Turkiga siinaya marin tijaabo oo ballaaran, furan, isla markaana ku habboon tijaabinta gantaallada riddada dheer.

Waxay sidoo kale Ankara siin kartaa waddo macquul ah oo ay ku fuliso tijaabooyinka gantaallada fog iyo hawlgallada dayax-gacmeedyada, kuwaas oo ay ku adkaan lahayd inay ka sameyso Badda Madow, Badda Aegean ama Mediterranean-ka.

Bloomberg ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Soomaaliya loo qorsheeyay goobta tijaabada, iyadoo soo xiganeysa dad xog-ogaal u ah arrintan oo ka hadlay qorshayaal difaac oo xasaasi ah, lagana codsaday inaan magacyadooda la shaacin.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in mashruuca xarunta hawada sare ee ay la wadaan Turkiga uu yahay mid rayid iyo horumarineed, kuna saabsan sayniska, teknoolajiyadda iyo kobaca dhaqaalaha, balse aanu ahayn mid diiradda saaraya tijaabinta hubka.

“Soomaaliya waxay iskaashigan u aragtaa fursad lagu soo jiidan karo maalgashi, shaqooyin lagu abuuri karo, khibrad farsamo lagu dhisi karo, laguna ballaarin karo iskaashiga teknoolajiyadda dayax-gacmeedyada iyo hawada sare, kuwaas oo taageeri kara isgaarsiinta, la socodka cimilada, waxbarashada iyo horumarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, isagoo ka jawaabayay su’aalo ku saabsan qorshayaasha Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii December sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu Soomaaliya ka dhiso xarun hawada sare ah, iyadoo lagu saleynayo heshiisyo laba geesood ah oo lala saxiixday dowladda Soomaaliya.

“Heshiisyada aan saxiixnay awgood, waxaan qorsheyneynaa inaan Soomaaliya ka dhisno xarun hawada sare ah,” ayuu Erdogan sheegay xilligaas.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in goobta ay Soomaaliya ku taallo ee u dhow dhulbaraha, xeebteeda dheer iyo ciriiriga yar ee hawada iyo badda ay ka dhigayaan meel ku habboon hawlgallada ridista.

Soomaaliya, tijaabada la sheegay waxay ku kordhineysaa lakab cusub xiriirka amni ee Ankara iyo Muqdisho, kaas oo si weyn u xoogeysay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Turkiga ayaa Muqdisho ka furtay sanadkii 2017 saldhiggiisa militari ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, wuxuuna tababaray kumannaan askari iyo boolis Soomaaliyeed ah.

Labada dal ayaa sidoo kale sanadkii 2024 saxiixay heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale, kaas oo Ankara ay ku ogolaatay inay Soomaaliya ka taageerto amniga badda iyo ilaalinta biyaha dhulkeeda.

Balse muhiimadda ugu weyn ee tijaabada Yildirimhan waxay ku jirtaa sare u kaca istaraatiijiga ah ee Turkiga.

Haddii tijaabada Soomaaliya ka dhacaysa ay guuleysato, waxay muujin doontaa in Ankara ay isku dari karto iskaashi dibadeed, kaabayaal hawada sare ah iyo teknoolajiyad difaac oo gudaha lagu sameeyay, si ay u gasho heer gantaal oo mar hore u gaar ahaa dalalka ugu awoodda badan dunida.

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, farriin digniin culus ahna u diray dowladda Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn ka qaado Eritrea, sida lagu sheegay dokumenti gudaha dowladda Mareykanka ah oo ay aragtay Reuters, tallaabo falanqeeyayaashu ku xiriiriyeen muhiimadda istiraatiijiga ah ee dalkaas uu ku leeyahay marinka ganacsiga ee Badda Cas.

Go’aankan ayaa u muuqda isku day Washington ay ku hagaajineyso xiriirka Asmara, oo muddo dheer ahaa mid qabow, xilli Eritrea ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, kana soo horjeedda xeebaha Sacuudiga.

Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay fariin u tahay Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si cad u muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed.

Dukumentiga gudaha ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay si cad Addis Ababa ugu gudbisay in aysan taageeri doonin isku day kasta oo lagu raadinayo marin badeed iyadoo xoog la adeegsanayo.

Fariintaas ayaa imaaneysa iyadoo xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay mar kale sare u kacday, kadib sannado ay labada dal mar xulafo ku ahaayeen dagaalkii Tigray, balse ay hadda ku kala fogaadeen danaha gobolka iyo arrinta Badda Cas.

Muhiimadda cusub ee Badda Cas 

Tallaabada Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaalka Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormuz ay sare u qaadeen muhiimadda Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Mediterranean-ka, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Marinka Hormuz, oo ku dhow xeebaha bari ee Sacuudiga, wuxuu ka mid yahay meelaha ugu xasaasisan ee shidaalka adduunka maro. Haddii marinkaas uu xirmo ama halis galo, Badda Cas iyo marinnada ku xiran waxay noqonayaan kuwo muhiim usii ah Mareykanka iyo xulafadiisa.

Eritrea waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow marinno badeed waaweyn, gaar ahaan jidka isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Taas ayaa Asmara ka dhigeysa dal aan si fudud la isaga indho-tiri karin, inkastoo ay muddo dheer ahayd dowlad go’doonsan oo lagu eedeeyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.

Murithi Mutiga, oo ah agaasimaha barnaamijka Afrika ee International Crisis Group, ayaa sheegay in xirnaanshaha Hormuz uu ka dhigan yahay in Badda Cas ay noqon doonto goob loollanka ku sii weyn yahay, taasina ay muujineyso in Mareykanku doonayo inuu si xooggan ugu soo laabto gobolka.

Cunaqabateynta dagaalkii Tigray

Cunaqabateynta Eritrea waxaa sanadkii 2021 kusoo rogay maamulka madaxweyne Joe Biden, iyadoo lagu beegsaday militariga Eritrea, xisbiga talada haya ee People’s Front for Democracy and Justice, iyo saraakiil sare oo Eritrean ah.

Washington ayaa xilligaas sheegtay in tallaabadu la xiriirtay doorka Eritrea ee dagaalkii waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ciidamadeedu ay garab siiyeen ciidamada federaalka Itoobiya ee la dagaallamay maamulka gobolka Tigray.

Dukomentiga ay Reuters aragtay ayaa sheegay in Mareykanku uu baabi’in doono amar fulineed oo Biden saxiixay, kaas oo saldhig u ahaa cunaqabateynta. Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin waqtiga la qaadayo cunaqabateynta, mana jirin jawaab degdeg ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Wasaaradda Maaliyadda, Eritrea ama Itoobiya.

Dagaalkii Itoobiya ee 2020 ilaa 2022 ayaa noqday mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa qarnigan, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay galeen dilal sharci-darro ah, afduubyo, dad la waayay iyo xadgudubyo ka dhan ah qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa Tigray.

Asmara ayaa muddo bilo ah beenisay in ciidamadeedu joogeen Tigray, balse markii dambe way qiratay joogitaankooda, iyadoo weli diiday eedeymaha xadgudubyada.

Tacaddiyada xuquuqda aadanaha  

Inkasta oo Mareykanku uu u muuqdo inuu doonayo dib-u-habeyn xiriir oo ku saleysan danaha amniga iyo istiraatiijiyadda, Eritrea weli waxay leedahay sumcad aad u liidata oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda siyaasadeed.

Freedom House waxay Eritrea ku tilmaantay dowlad militari ku dhisan oo kali-talis ah, taas oo aan qaban doorasho qaran tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993.

Ururku wuxuu sheegay in xisbiga PFDJ uu yahay xisbiga keliya ee dalka ka jira, isla markaana xarigga aan sharciga lahayn iyo adeegga qaran ee muddada dheer ay yihiin kuwo baahsan.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalka hoggaaminayay tan iyo madaxbannaanidii Eritrea, wuxuuna wajahaa eedeymo muddo dheer soo taagnaa oo la xiriira caburinta mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah. Saraakiisha Asmara ayaa si joogto ah u beeniya eedeymahaas, iyagoo ku tilmaama olole siyaasadeed oo dibadda laga wado.

Fariin ku socota Itoobiya

Ka sokow isku dayga Washington ee ku wajahan Asmara, tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa fariin loo dirayo Itoobiya, oo aan lahayn marin badeed tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaani qaadatay 1993.

Itoobiya iyo Eritrea waxay soo mareen dagaallo qaraar, gaar ahaan dagaalkii xuduudda ee 1998 ilaa 2000, ka hor inta aysan 2018 heshiis nabadeed gaarin.

Hase yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale xumaaday kadib dhammaadkii dagaalkii Tigray. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay marin badeed, hadalladaas oo Eritrea iyo dalal kale oo gobolka ah u arkeen digniin qarsoon oo ku saabsan suurtagalnimada adeegsiga awood militari.

Eritrea ayaa bishii February si adag u beenisay eedeymo uga yimid Itoobiya oo la xiriiray gardarro militari iyo taageero ay siinayso kooxo hubeysan gudaha Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “been abuur ah”.

Dokumentiga dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay labada dalba uga digtay “doorka xasilooni-darrada ah” ee ay ku leeyihiin midba gudaha kan kale. Taas waxay muujineysaa in Mareykanku u arko xiisadda Itoobiya iyo Eritrea khatar ka weyn xiriirka labada dal, balse saamayn karta Badda Cas, Suudaan, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Isbeddel ku dhisan dan  

Go’aanka Mareykanka ee ku aaddan qaadista cunaqabateynta Eritrea wuxuu muujinayaa isbeddel ka dhashay duruufo cusub oo amni iyo juqraafi-siyaasadeed ah. Washington waxay wajahaysaa gobol ay isku mar ka jiraan dagaalka Suudaan, xiisadaha Soomaaliya, hanjabaadaha marinnada badda, iyo cabsi laga qabo dagaal cusub oo ka qarxa Itoobiya iyo Eritrea.

Dhinaca Eritrea, tallaabadani waxay u noqon kartaa fursad ay kaga baxdo go’doon diblomaasiyadeed oo muddo dheer saarnaa. Dhinaca Mareykanka, waxay ka tarjumaysaa xisaabtan cusub oo ah in goobaha muhiimka ah ee Badda Cas aan looga tagi karin quwado kale, gaar ahaan xilli marinnada shidaalka iyo ganacsiga caalamka ay wajahayaan cadaadis kordhaya.

Si kastaba, qaadista cunaqabateynta ma tirtireyso su’aalaha adag ee weli ku xeeran Eritrea, kuwaas oo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha, xukunka hal xisbi, adeegga militari ee muddada dheer, iyo doorka Asmara ee colaadaha gobolka.

Waxayse muujineysaa in Mareykanku, ugu yaraan hadda, uu mudnaanta siinayo amniga Badda Cas iyo xakameynta xiisadda Itoobiya iyo Eritrea, halkii uu si buuxda ugu adkeysan lahaa cadaadiskii xuquuqda aadanaha ee hore. 

Xasan Cali Kheyre oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu weerar ku qaaday Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu weerar ku qaaday degmada Dayniile, halkaas oo saacadihii u dambeeyay ay dowladdu geysay ciidamo tiro badan, kuwaas oo qeyb ka ah sugidda amniga howlgal burburin ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa maamulka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray talis arxan-daran oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay, isaga oo ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka.

“Waxaa ayaan-darro iyo musiibo qaran ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerareyso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana ugu adeegsato dhul-boobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale uga digay ciidamada ammaanka inay ka qeyb qaataan waxa uu ku sheegay boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah iyo fulinta damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhacdadan ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.

“Waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Degmada Dayniile ayaa saacadihii u dambeeyay laga dareemayay xiisad ka dhalatay qorshe ay dowladdu ku burburineyso goobo dan guud ah oo ay deggenaayeen dad shacab ah. Dowladda ayaa dadkaas ugu baaqday inay ka guuraan goobahaas, balse way ka soo horjeesteen, taas oo keentay in ciidamo fara badan la geeyo xaafadaha Warlaliska iyo goobo kale.

Iska hor-imaadka xalay ka dhacay Deyniile ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dagaal culus oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa caawa degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo shacab careysan, kaas oo si adag u cambaareeyeen mucaaradka.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku haya howlaha banaynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhacdada caawa ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.

“Waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Iska hor-imaadka caawa ka dhacay Deyniile ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee caawa lagu qaaday shacabka xaafadda War-laliska ee degmada Dayniile.

Waa fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo waxaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladdda iyo boobka hantida ummadda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa waalidinta Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil yar oo 3 jir ah, kuna dhintay weerarka caawa.

Ugu dambayn, waxaan ciidamada ammaanka uga digayaa ficillada foosha xun iyo weerarada bahalnimo ee ka dhanka ah nafta iyo maalka bulshada caasimadda, waana inay joojiyaan qaadashada amarrada qaldan ee looga horkeenayo shacabka.

SHARIF SHEIKH AHMED
Madaxweynihii 7-aad ee JFS


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60