26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Kenya oo war kasoo saartay wada-hadallada DF iyo S/L

0

Nairobi (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma ayaa shaacisay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadallada.

Monica Juma ayaa sidoo kale qoraal ay barteeda twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku heshiiyeen ama isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka dib-u-heshiisiinta.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u furirda hannaanka dib u heshiisiinta,” ayey tiri Monica.

Inkasta oo labada dhinac ogol yihiin in dib loo bilaabo wada-hadallada mudada badan hakadka ku jiray, hase yeeshe waxa jira shuruudo ay Somaliland ku xirtay si ay miiska wada-hadallada ula fariisato dowladda federaalka Soomaaliya.

“Somaliland waxay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.”

Sidoo kale waxa kamid ah shuruudaha Somaliland ku xirtay dib u bilaabista in dhamaan heshiisyadii hore u gaareen dhinacyadu loo fuliyo si deg deg ah, helitaanka hannaan dhex-dhexaadin caalami ah oo dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka iyo inay jiraan mabaadi’ muhiim ah & xeer hab-dhaqan oo saldhig looga dhigayo wada-hadallada.

“Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. Sidoo kale waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la ogeyn sida uu ka yeeli doono shuruudaha ay Somaliland ku xirtay, kuwaasi oo ku horgudban dib u amba-qaadista wada-hadalladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howl-galo kala duwan ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Ceel-Muluq oo shalay ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka la wareegeen dagaal la’aan ayaa waxaa laga bilaabay howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan howl-galada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan Ruun-Nirgood oo ah deegaanka kaliya ee Al-Shabaab kaga hareen gobolka.

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada.

Howl-galada dagaal ee socda ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ay maamuleysay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray maamul goboleedka HirShabeelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Maxay yihiin masuuliyiinta la xiray ee loo haysto inay la shaqeeyeen QATAR?

0

Brussels (Caasimada Online) – Garsoore u dhashay dalka Belgium ayaa Axaddii wuxuu dacwad ku soo oogay afar qof oo lagu eedeeyey inay lacag iyo hadyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub, eedahaas ayaa noqday kuwo aad looga argagaxay.

Dacwad oogayaasha ayaa baadhay 16 guri oo ku yaalla Brussels iyaga oo gacanta ku dhigay lacag gaadhaysa illaa $631,800 Jimcihii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah, baadhitaano lagu hayo lacago sharci darro ah iyo falal musuqmaasuq.

Lix qof ayaa markii hore la xidhay, hase ahaatee afar ka mida ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mida lixda qof ee la xidhay, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Illaa haatan lama magcaabin dadka loo haysto kiiskan.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa lagu sheegay inkasta oo aan si rasmi ah loo magcaabin xubnaha dacwadda lagu soo oogayo haddana in wararka la helayo ay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mida afarta qof ee dacwadaha lagu soo oogayo inuu yahay xubin ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, halka xubin kalena ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Midawga Yurub.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub. Ilo xogogaal u ah kiiskan ayaa sheegay in dalka lagu eedaynayo kiiskan inuu yahay dalka Qatar ee haatan martigelinaya koobka adduunka.

Masuul u hadlay dawladda Qatar ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey. Isagoo sheegay in nidaamka ay dawladda Qatar ula macaamisho hay’adaha dawliga ah iyo dalalka caalamku inay u maraan shuruucda caalamiga ah.

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sheegay inay dhammaadkii toddobaadkan ay hakiyeen awoodaha iyo waajibaadka mid ka mid ah ku xigeenadooda oo u dhalatay dalka Giriiga, kaas oo lagu magcaabo Eva Kaili, iyada oo la raacayo baadhitaanka uu wado dalka Belgium.

Xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga ee lagu magcaabo PASOK ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay Kaili ka saareen xisbigooda.

Illaa haatan ma cadda in Kiali lagu soo oogay wax dacwad ah, sidoo kale xafiiskeedu kama jawaabin telefoonada.

VOA

Puntland oo qorsheyneysa tallaabo la xiriirta ganacsato Mareykanka soo eedeeyey

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la filayaa inuu baaritaan ku sameeyo ganacsato ay dowladda Mareykanka xayiraado kusoo oogtay, kuwaas oo lagu eedeeyey inay kooxaha argagixisada ka caawiyaan inay hub soo iibsadaan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa habeenkii Sabtida xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha iyo cuqaasha Beesha Cali Saleebaan.

Odayaasha iyo Cuqaasha ayaa Madaxweynaha kala hadlay arrin ku saabsan liis uu dhowaan soo saaray Maraykanka, kaas oo cuna-qabatayn lagu saaray shakhsiyaad u dhashay beesha oo ganacsato ah.

Shakhsiyaadkaas oo ay ku jiraan Ganacsato ayaa Maraykanku ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda u qaabilsan Maraykanka ee The Department of the Treasury.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samayn doono arrinta, islamarkaana dowladdu go’aan ka gaari doonto, kadib markii la dhammaystiro baaritaanka, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii goob-jooga ahaa Kulankaas.

Qaar ka mid ah shaqsiyaadkaas ayaa horey eedeymaha Mareykanka ugu sheegay kuwa aan waxba ka jirin, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay Mareykanka la kulmaan, islamarkaana ay qabsadaan qareeno

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan waxba ka jirin eedeynta Mareykanka ee ah shirkadaha la eedeeyey ee ka diiwaan gashan Puntland ay lacag siiyaan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in sababta liiska Mareykanka loogu daray ay tahay arrin ay ka dambeeyaan dad ay siyaasad iyo ganacsi isku hayaan, kuwaas oo aysan magacaabin. 

Maamulka Gedo oo digniin culus soo saaray xilli ay is-hayaan dowladda federaalka

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargeliyay inaanay gobolkaasi keeni karin dadka aan laga rabin, sida uu yiri.

Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Gedo iyo shirkadaha diyaaradaha ay nidaam ka lahaayeen arrimaha duulimaadyada, oo ah in warbixinta rakaabka lagu soo wargeliyo maamulka, si looga fogaado dadka loo arko inay halis gelin karaan amniga gobolkaasi, ayna tahay in nidaamkaasi uu sidiisii u shaqeeyo.

“Shirkadaha diyaaradaha, annaga iyo dowladdaba nidaam baan ka lahayn, nidaamkaas asaga ahna inuu shaqeeyo weeye, waxaana weeye annaga cid aanan rabin ama gobolkan u diidayno, lama keeni karo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Dadku muwaadiniin weeye, waa dad Soomaaliyeed, waana dad xaq u leh inay duulimaadkaas sameeyaan, laakiin wixii ammaan-darro keenayo, waxaan rabnaa in xuduudaha iyo garoonadaba aysan noo imaan baan rabnaa, go’aankaasna go’aan cad buu ahaa.”

Gudoomiye Gareed ayaa ku goodiyay inay shatiga kala laaban doonaan, shirkaddii heshiiskaasi ku xadgudubto.

“Shirkaddii howshaas ayada ah daba marto oo ku xadgudubto, oo aan warbixinta na soo siin, hadde go’aanka aan annaga ku heshiinay wuxuu ahaa inaan ruqsadda kala laabano,” ayuu yiri Gareed.

Gareed ayaa xusay inaanay aqbali doonin in shacabka lagu soo dhex dhuunto, iyagoo u fadhiya tacsida Taliyihii Hay’adda NISA ee gobolkaasi, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan (Bakool Kooke), oo 9-kii bishan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Luuq.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka ee marxuum Bakaal Kooke, oo gelinkii dambe ee Jimcihii lagu aasay Degmada Doolow.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday nin QARAXYO badan fuliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale oo ku magac dheer (Sharmaa’arke), kaas oo lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa aasida qaraxyada miinooyinka, islamarkaana uu aasay illaa 7 miino, kuwaas oo uu ku qarxiyay waddadaBuufow Bacaad, jidka Janaale, iyo waddada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Cabdullaahi ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, isaga oo dhaawac ah, kadib markii uu isku dayay in uu miino ka bixiyo waddada Sabiib iyo Caanoole, markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada midig, sida ay sheegtay maxkamadda.

Ninkan ayaa sheegay in uu Al-Shabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah, wuxuuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

August dabayaaqadeedii ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loogu diray Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo codsaday dacwad qaadista kiiska Cabdullaahi ayaa laga ogolaaday 12-kii Bishii November , waxa ay Maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha. Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdullaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) xabsi daa’in sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in xukunsanaha uu weli haysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan inta sharciga ogol yahay.

Cabdi Xaashi oo sameeyay dallacsiin iyo magacaabis kadib soo jeedinta 33 Senator

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Xoghaye guud oo cusub u magacaabay Aqalka Sare.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku dallacsiiyay una magacaabay Agaasime Cabdinaasir Ibraahim Guuleed xilka Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare.

Magacaabista Xoghayaha cusub ayaa ku timid soo jeedin ay sameeyeen 33 Senator, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare wuxuu xubin muhiim ah ka yahay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xaq u leeyahay dhamaan xuquuqaha ay helaan agaasimeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee dhigiisa ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Xilka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare waa mid joogto ah waxaana xilka looga qaadi karaa ama lagu bedeli karaa oo kaliya si waafaqsan nidaamka shaqaalaha Aqalka Sare iyo shuruucda kale ee dalka.

Xoghayaha cusub oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gedo ayaa bedelaya Xoghayihii hore ee Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo xilkaasi hayey intii la dhisay Aqalka Baarlamaanka, wuxuuna ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Xog: Itoobiya oo iska diiday dalab uga yimid madaxweyne Laftagareen oo la xariira…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu caga-jiid kala kulmayo dowladda Itoobiya oo uu doonayo inay la fuliso qorshihiisa mudo kororsiga ah, maadaama uu wajahayo mucaaradad adag.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, Laftagareen ayaa taliska ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba wuxuu ka codsaday inay la fuliyaan qorshihiisa ah in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ee Muqdisho jooga aysan soo gelin deegaanada maamulkaas.

Madaxweynaha K/Galbeed oo doonaya inuu xafiiska sii joogo sanad kale oo mudo kororsi ah ayaa cadaadis culus kala kulmaya siyaasiyiin u badan kuwii uu ka hor istaagay doorashada baarlamaanka.

Siyaasiyiinta diidan in Laftagareen uu sii joogo xafiiska sanad dheeraad ah ayaa intooda badan ku sugan Muqdisho, mana tegi karaan Baydhaba ama magaalooyinka kale ee maamulkaas, si loolan siyaasadeed ay ugu furaan damaca Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya uu kala kulmay diidmo ah in qorshahaas aysan la fuli karin, maadaama uu xariir wanaagsan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, iyadoo Xasan Sheekh iyo Abiy ay Addis Ababa ku kulmeen, halka Mahad Salaad iyo dhigiisa Itoobiya ay xiriir toos ah sameysteen.

Laftagareen ayaa quudareynaya in ciidamada Itoobiya ay ula shaqeeyaan, si lamid ah 2018-kii oo doorashada ay u boobeen, xilligaas oo dowladdii Farmaajo ay awood ciidan kursiga ku geysay Laftagareen.

Hadda waxay xogtani sheegeysaa in Laftagareen uu ka quustay inuu qorshihiisa garab uga helo ciidanka Itoobiya, si deegaanada maamulkaas looga hor istaago siyaasiyiinta deegaanka ee dooneysa in doorasho la qabto.

Ciidanka Itoobiya ayaa lagu xusuustaa in sanadkii 2018-kii ay madaxweynihii maamulka K/Galbeed Shariif Xasan ku qasbeen inuu is casilo oo doorashada ka haro, halka Mukhtaar Roobow ay soo xireen oo dowladii Farmaajo Muqdisho ugu xiraa ilaa xukunka uu ka degay.

Waxaa sii xoogeysanaya qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka, kuwaas oo ka mideysan in Laftagareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin.

Aadan Madoobe oo ku wajahan Xudur + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta ah u ambabaxo degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wafdi hordhac u ah safarka Guddoomiyaha ayaa shalay gaaray degmada Xudur, waxaana halkaasi ka socota qaban-qaabadii u dambeysay ee soo dhaweynta Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdiga uu horkacayo

Ujeedka safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuur-gelida xaaladda nololeed ee bulshada degmada iyo la-tashiyo uu saraakiisha ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Aĺ-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in safarka guddoomiye Aadan Madoobe uu sidoo kale qeyb ka yahay diyaarinta shirka dib-u-heshiisiinta bulshada deegaannada Koonfur Galbeed ee uu kal hore ku dhawaaqay.

Safarkaan ayaa imanaya xili ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu amray Lafta-gareen in siyaasiyiinta mucaaradka ku ah aysan imaan karin deegaanada maamulkaasi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo intooda badan xilal ka haya dowladda federaalka ayaa waxay ka mideysan yihiin in Lafta-gareen laga qaado kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, maadaama dhamaantood ay dhibanayaal siyaasadeed u yihiin.

Sawirro: R/W Xamza oo laba wasiir ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka guddoomay ballan-qaadka qorshaha waxqabad ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi Iimaan Cige.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda labada Wasaaradood in la xoojiyo wada-shaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda.

“Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta waa muhiim, iyada oo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, si guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh xukuumadda Dan-Qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in xafiiskiisu dardar-gelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradaha ayaa ku soo beegmay, iyada oo xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxaa maalmihii dambe si dardar leh ku socda gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo lagu jaangoynayo barnaamijka xukuumadda ee sanadka 2023-ka, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.






Doorashada guddoomiyaha xiriirka K/Cagta oo loo xiray hal musharax iyo DF oo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa doorashada guddoomiyaha xiriirka u xiray hal musharax oo kaliya, ayada oo dhammaan la reebay musharaxiintii kale. 

Qoraal kasoo baxay xiriirka ayaa lagu yiri “Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” 

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu Cali Shiine si iskiis ah isugu caleemo saaray guddoomiyaha xiriirka, maadama uu hadda si ku-meel gaar ah xilkaas u hayo, awooddana ay gacanta ugu jirto. 

Si kastaba, waxaa arrintan ku hartimid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dowladda federaalka. 

Qoraal ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo ka duulaysa xilka ka saaran Midnimada iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Ciyaaraha waxay caddaynaysaa inaan doorasho hal dhinac ah la aqbali doonin.”

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay “Sida ku cad heshiisyadii ay horay u gaadheen 21 September Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, gudiga Olombikadda iyo xiriirrada ciyaaraha dalka oo xiriirka kubadda cagtu ka mid yahay Wasaaraddu waxay leedahay kaalin kor-joogtayn iyo aqoonsi xalaalnimada doorashada xiriirrada kala duwan ee dalka.”

“Si loo xaqiijiyo madax banaanida xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa lagama maarmaan ah in ay qabtaan doorasho la aqbali karo oo dhinacyadu ku wada qanacsanyihiin sida ku cad dastuurka dalka iyo shuruucda xiriirka kubadda cagta.” 

MIDOWGA AFRIKA oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalad ka taagan Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Wakiilada joogtada ah ee Midowga Afrika, Danjire Adekunle J.M.King oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday xog-ururin uu ku sameeyay xaaladda bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Danjire Adenkule ayaa sheegay in qeybo kamid ah Soomaaliya ay ka jirto xaalad adag oo dhanka cunnada iyo biyaha ah, isaga oo soo jeediyay in wax laga qabto duruuftaas si loo badbaadiyo dad badan oo haatan nool.

“Xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya awgeed waxaa loo baahan yahay in la helo jawaab deg deg ah oo lagu gacan-qabanayo dadka saameynta taban ku reebtay abaartaas oo deegaano badan ka barakicisay qoysaskii degenaa,” ayuu yiri Danjire Adekunle.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadka ku nool Soomaaliya macaluusha ka hor ama ku dhow xaaladaha macaluuleed ay korortay shan jeer tan iyo bilowgii sannadkan 2022-ka.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Isku-duwaha gargaarka bini-aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si weyn uga digay xaalad deg-deg ah oo masiibo ah oo ka dhici karta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad bani-aadamnimo oo saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 8 Milyan oo ruux oo Xoolo dhaqato iyo Beeraley ah, kaddib markii is-badelka Cimilada saameysay dhulkii ay beeranayeen oo biyo la’aan u qalalay.

Dhageyso: Jeneraal Odawaa oo shaaciyey in Shabaab badan la laayey maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaaladii gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo maanta kooxda laga xoreeyey deegaano badan.

“Maanta waxaan Khawaarijta ka saarnay deegaano muhiim ah, waxaana soo gaaray jab xoog leh, Jiinka Wabiga, gaar ahaan aagga deegaanka Cali Fooldheere oo ah dhul keyn ah ayuu ciidanku ku weeraray, maanta dhulkii howdka ahaa ayaa laga saaray Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dhowr iyo labaatan Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maanta, sidoo kalena hub laga soo furtay kooxda, “Aagga Aadan-yabaal waxaa jira deegaano lagu weeraray argagixisada, waxaana lagu gaarsiiyey jab xooggan,” ayuu yiri.

Taliye Odawaa oo wareysigaan siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab  gaarsiiyeen khasaare aad u baaxad weyn, maadaama dhowr goobood ay isku fara-saareen ciidanka dowladda.

“Kumanaan ayaan dilnay bilaha kooban ee dagaalkaan uu socdo, sidoo kale tiro badan ayaa isku soo dhiibtay gacanta dowladda,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa oo ku sugan magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray qorshaha ay doonayaan in Al-Shabaab looga xoreeyo dhulka HirShabeelle iyo Galmudug, isagoo aad ugu mahad celiyey shacabka deegaanka ee hubka qaatay.

“Sida aan indhaheena ku aragnay nimankaas argagixisada ah deegaanadii aan ka xoreynay wax nolol ah oo ka jirta malaha, hadii aan cadowga ka xoreyno, dowladda ayaa soo gaarsii doonta adeegyada aas-aasiga u ah nolosha dadka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo bandhigay 51 qof oo wajahaya eedeymo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 51 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku eedeysan inay dhac ka geysanayeen degmooyinka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadkaan qaar waxaa loo heystaa inay ka garansanayeen waxyaabaha maanka-dooriya iyo farsamooyin kale oo ay wax ku dhici jireen, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliska oo shir jaraa’id qabtay.

“Howlgal soo bilowday 5-tii bishaan waxaa lagu soo qabtay 51-qof oo halkaan aan ku soo bandhignay, dadkaan waxay isugu jiraan, kuwo dadka dhacayey, kuwo ku eedeysan inay dhac geysa rabeen iyo kuwo ka ganacsanayey daroogada,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Deyniile, Wadajir, Yaaqshiid, Wardhiigley, Dharkenley iyo Kaaraan ayuu sheegay afhayeenku in dadkaan laga soo kala qabtay, isagoo shaaciyey degmo kasta inta laga soo qabtay, waxaana dadka ugu badan laga soo qabtay Yaaqshiid.

“Afar qof oo maxkamadda aan ku wareejinay waxay ku eedeysan yihiin inay ahaayeen burcad ku heshiisay inay waalidka lacag madax-furasho ah ka qaataan, iyagoo iska dhigaya in la afduubtay, waa farsamo yaab leh, waana fashilinay,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inay dhalinyaradaan ku wareejinayaan hey’adaha garsoorka, si loo maxkamadeeyo, halka howlgalladuna ay sii soconayaan, si nabad looga dhigo magaalada.

“Hadii aan cid u ogolaaneyno inay dadkeena dhibaateyso, Khawaarij dagaal lama galneen, marka ciyaal weero iyo Shabaab isku si ayaan ula dagaalameynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sadiiq Doodishe.

Hoos ka daawo

Dagaal ka dhacay degmada Mahadaay iyo xubno Shabaab ah oo nolol lagu qabtay

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab uu maanta ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Mahadaay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerareen deegaanada Obaale iyo Nasuur oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Kabtan Abuukar Axmed Taqi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in khasaaraha u badan uu gaaray Shabaabka, kaasi oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay nolol ku qabteen Afar kamid ah xubnaha Shabaabka ah ee dagaalka kala dhaxeeyay, kuwaasi oo midkood uu yahay dhaawac, sida uu sheegay.

“Wax khasaare ah oo shacabka soo gaaray illaa hadda ma hayno. Nimankaan (Al-Shabaab) waad ogtahay meesha ay soo galaan waa ka qaxaan oo waa ka cararaan. Markaa shacab aan xooga badneyn waa joogaan magaalada, dagaalkana waxa uu ahaa magaalada afaafkeeda ee ma aheyn gudaheeda,” ayuu yiri.

Kabtan ayaa tilmaamay in qorshahooda uu yahay inay kooxda Al-Shabaab ka nadiifiyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan nabad buuxda oo ay ku noolaadan.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.

Madaxda DF iyo Jubaland ‘oo laga mamnuucay’ Gedo

0

Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in garoomada gobolka Gedo aysan kasoo degi karin Madaxda ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Lafeey ayaa sheegay in masuuliyiinta dowladda federalka iyo maamulka Jubbaland ee isku daya inay yimaadaan deegaanada gobolkaasi uu amray in dib loo celiyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya arrimaha gobolka Gedo uu isagu masuul ka yahay, oo lagala xariirayo, inkasta oo uusan sheegin cidda awoodaas siisay.

Lafeey ayaa la sheegaya in uu gacan-saar la leeyahay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo, uuna taageero weyn ka haysto.

Arrintaan ayaa uga sii dareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ka taagneyda gobolka Gedo kadib geeridii taliyihii hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolkaasi Bakaal Kooke oo qarax ku khaarajisay Al-Shabaab.

Gedo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ragaadiyay khilaaf ku saabsanaa awooda gobolka oo Itoobiyaanka ay dhex-dhexaadin ka wadeen.

Maalmo ka hor unbey aheyd markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Lix ajnabi ah oo Al-Shabaab kasoo baxsaday oo la qabtay

0

Garissa (Caasimada Online) – Booliiska ismaamulada Wajeer iyo Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya lix qof oo ajaanib ah oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Arrintan ayaa timid iyadoo Kenya ay kordhisay howlgallada ay ka waddo xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, kaddib markii Soomaaliya ay billowdeen howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Booliska ayaa sheegay in lixda qof si gaar ah loo soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay u baxsadaan Kenya.

Kooxda Alshabaab ayaa xubno ka qorta Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaadaya mushaar aad u badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan dowladda Kenya.

Yuusuf oo 38 jir ah oo u dhashay Tanzania ayaa bishii November lagu xiray magaalada Liboi ee ismaamulka Garissa, halka saddex ka mid ah asxaabtiisa ay baxsadeen.

Nuur Cismaan Chawo, Suleymaan Kaduu Shaale, Maxamed Cabdulqaadir Jibich, Ridwaan Xaaji Cabdulbaasir, iyo Anwar Jamaal Xaajiwadow ayaa booliska u sheegay in la qoray oo loo qaaday Soomaaliya si ay tababar ugu qaataan oo uga dagaalamaan meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Booliska ayaa sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana ciidamo badan oo ammaanka ka tirsan la geeyay xadka.

Isha: HOL

KENYA oo cabsi xooggan ka qabta arrin ka dhalan karta dagaalka kooxda Al-Shabab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maalihii ugu dambeeyay la geeynayay magaalooyinka ku teedsan xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa si dhow isha ugu haysa gulufka dagaal ee ay wado dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga saaray deegaano horleh oo gacantooda ku jiray sanado badan.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay cabsi weyn ka qabtaa xubnaha Shabaabka ah ee ka baxsanaya weerarada ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Kenya.

Deegaanada ku teedsan xuduudka ayaa si weyn looga dareemayaa qul-qulka ciidamada Kenya, kuwaasi oo halkaasi loo geeyay feejignaan dheeri ah oo laga muujinayo Al-Shabaab.

Tan iyo markii ay billowdeen howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxa kooxda looga xoreeyay deegaano badan oo gacanta ugu jiray.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe inta badan kasii firxanayay deegaanada ay duulaanka ku yihiin ciidamada huwanta, taasi oo muujineysa awood darada soo wajahday iyo inaysan u babac-dhigi karin dagaalka ku socda.

Xogta mooshinka xildhibaan Sacdiya Yaasiin laga keenay iyo kooxda ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa mooshin shalay la horgeeyey golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya, balse u baaqday kooram la’aan, mooshinkaas oo aan la shaacin waxa uu yahay. 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadda xaqiijiyey inuu Mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Mooshinka ayaa ku eedeeyay xildhibaan Sacdiya inay ku xadgudubtay Diinta, Shareecada iyo dowladnimada, ayna taageereyso Sharciga Xeerka Jinsiga, waxaana xildhibaannada wada ay doonayaan in cod loo qaado si xilka looga eryo.

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg ayaa saxaafadda u sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, isagoo caddeeyay inaysan shir guddoomin karin golaha maadaama ay ku kacday arrin lid ku ah Shareecadda Islaamka, sida uu yiri.

Mooshinkan ayaa la sheegay inay wadaan inta badan xildhibaannadii taageersanaa madaxweynihii hore Maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed oo gaara kala dhaxeyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Mooshinkan ayaa laga shaqeynayey muddo bilo ah, balse waxaa loo waayey taageero ku filan. Si kastaba hadalkii kasoo yeeray Sacdiya ee la xiriiray sharciga Jinsiga ayaa fursad soo noolaansho siiyey mooshinka, waxaana kusoo biiray xildhibaano cusub.

Kulankii Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalayu baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii kooramka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomin lahaa shirka.

Waxaa kulanka xaadiray 78 Xildhibaan oo kaliya, halka uu fadhiga ku furmi lahaa 139 xildhibaan. Waxaa kulanka xiga uu dhici doontaa Maalinta Isniinta 12-ka Decembar 2022.

Dadka qaar ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in xildhibaanada dalka ay xilligan ku mashquulaan khilaaf siyaasadeed iyo mooshin, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo gudaha u galay Isbitalka degmada Warsheekh kadibna xiray + Sababta

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi, taas oo sababtay in la xiro isbitaalka magaaladaasi.

Xiisadda ayaa ka dhalatay khilaaf culus oo soo kala dhex-galay maamulka Washeekh iyo hay’adda gacanta ku heysa maamulka isbitaalka guud ee degmadaasi.

Duqa degmada Warsheekh Xasan Maxamed Axmed (Darafey) ayaa goor sii horeysay soo saaray warqad uu ku sheegay inuu kuu joojiyey dhammaan howlihii shaqo ee ka socday isbitaalkaas inta laga soo xilinayo khilaafka taagan ee sababay in shaqada ay joogsato.

Intaas kadib ayaa la sheegay in ciidamo ka socda maamulka degmada oo fulinaya amarka soo baxay ay gudaha u galeen isbitaalka, ayaga oo kadib albaabada isugu laabay.

Arrintaan ayaa waxaa ka dhashay walaax xoogan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in uu saameynayo xirnaasha isbitaalka oo muhiim u ah degmada iyo degaanada ku xiran.

Sidoo kale shacabka Warsheekh oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa farriin culus u diray HirShabelle iyo dowladda dhexe, iyagoo ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyaan.

Ma’ahan markii u horreysay oo ay istaagto shaqada isbitaalka degmada Warsheekh, ayada oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale ay u dhacday kadib khilaafaad hareeyay isbitaalkaasi.