25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maxaa kasoo kordhay xiisadda siyaasadeed ee Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Somaliland, waxaana la hakiyey dibad-baxii ay soo abaabuleen mucaaradka oo lagu waday inuu maanta ka dhaco magaaladaasi.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen dibad-baxii maanta la filayey, kaas oo looga soo horjeeday xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sababta ku sheegay inay ka war sugayaan ergada u timid ee ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac, si aysan markale rabshado uga dhicin magaalada Hargeysa.

“Salaadiin, Culima’udiin iyo Ganacsato is abaabulay oo 31 ah ayaa naga codsaday in aan hakino dibadbaxa, waxa aan taageerayaasheena u sheegeynaa ma aanay joojin mudaharaadyada balse waqti kooban ayaan hakinay, innaga oo ixtiraameyna Ergada inoo timid oo ah Dad la aamini karo si aan waqti kooban fursad u siino inta wanaagga jecel, sidoo kale waxaa nala soo xiriiray Beesha Caalamka oo naga codsaday in aan hakino ama joojiyo waxa aan ku dhahnay waan hakineynaa” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Xirsi Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xisbiyo ahaan aysan ka fileyn wanaag xukuumadda, isla-markaana ay soo dhammaadeen wadahadalladii u socday.

“Wadahadal aan miiska isugu imaaneyno oo aan kawada hadleyno way soo dhammaatay waana soo tijaabinayay, in ku dhaw 60 ama 70 jeer wax ku dhaw ayaa wada fadhiisanay waxna waa mira-dhali wayday xiisa uma qabno, Cid weliba oo wanaagga jecel ee dhexdeeda rabta in ay gasho waan soo dhaweyneenaa oo fursad ayaan siineynaa, Madaxweynaha Jooga ayaa ka dhega-fureystay wadahadalkii dhexdeena” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe oo isna hadal siiyey warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday  Biixi, isaga oo u jeediyey eedeymo culus.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay Madaxweynuhu afartii sano ee lasoo dhaafay uu abuuray dood, is necbeysi iyo kala qaybin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkeennu waxa ay dugsanayeen Nabadda 30kii sano u dambeysay marka laga reebo 4-taa sano iyo badhka ee uu Muuse Biixi joogo in aynu dood is necbeysi, kala qaybsi & muran uu u bixiyay ila-meereyso sameeyay” ayuu yiri guddoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xasarado siyaasadeed oo la mid ah tii ay soo martay Soomaaliya, ka hor doorashooyinkii soo dhammaaday , waxayna hoggaanka Somaliland, gaar ahaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ay isku hayaan doorashada Somaliland.

Faah-faahin: Laba qarax iyo weerar caawa ka dhacay Koonfurta MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heyleyno degaanka KM-13 ee koonfurta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in caawa uu ka dhacay qarax xoog leh, halkaas oo qaraxa kadib la isku weydaarsaday rasaas mudo socotay.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa kadib ay goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay, waxaana qaraxaas oo ahaa miino lala beegsaday gaadiid ciidan.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, si rasmi ahna looma xaqiiji karo khasaaraha jira, maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana caawa xaalad cabsi ah laga dareemayaa wadada xariirisa Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha.

Dhinaca kale qarax miino ayaa isla caawa ka dhacay maqaayad Shaah lagu iibiyo oo ku taalla agagaarka kaamka Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana halkaas ku dhaawacmay shan qof oo u badan askar ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa lagu aasay maqaayada, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa ciidanka oo imaa jiray maqaayadda, waxayna xogta hordhaca ah sheegeysaa in la xaqiijiyey dhaawacyada shan qof.

DF ‘oo xayiraadda ka qaaday’ khaatka Kenya iyo Kenya oo Soomaaliya u fasaxday…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday xayiraad laba sano ah oo saarneyd khaatka Kenya, kadib wada-hadallo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa sidaas shaacisay dowladda Kenya.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan. 

Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Axmed Madoobe – “Waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usoo jeediyey eedeymo waaweyn.

Taliyahii hore ee NISA oo wareysii uu siiyey Gaylan Media kaga hadlay khilaafkii soo kala dhex galay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ajnabi oo lagu abuuray Soomaaliya.

“Axmed Madoobe yaa keenay Soomaaliya, yuu u joogaa Jubbaland, wuxuu Kismaayo yimid isagoo saaran Taangi Kenyan ah, ma waxaad u maleysaa in doorasho ku yimid,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Axmed Madoobe sidiisaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya, Soomaaliyana ku nool, haddii aan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa Kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira, maalinta uu Axmed Madoobe dhinac uga baxo Soomaaliya ayey hagaageysaa Soomaaliya.”

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay nin aan danta Soomaaliya u joogin jubbaland balse u joogo danta dowladda Kenya iyo arrimo la xiriira murankii badda ee labada dal.

Fahad Yaasiin ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu lasoo diriray madaxweynayaashii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ka dambeeyey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dooday inay taas caddeeneyso inuu isaga ka gar-darnaa dhammaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya intuu uu joogay Jubbaland.

“Axmed Madoobe madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waa la diriray isagoo magac diineed wato, madaxweyne Shiikh Shariif wuu la diriray isagoo magac diineed wata, madaxweyne Xasan Shiikh teeramkiisii  hore wuu la diriray isagoo magac kale wata, madaxweyne Farmaajana wuu la diriray isagoo magac kale wata, Xasan Shiikhna mar kale wuu la diriri doonaa taariikhdana way qori doontaa, anaga haddii aan ka gardarneyn intaas oo madaxweyne ma ayagaa ka gardarnaa, Axmed Madoobe wuxuu dhibaato ku ahaa jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa qiray inuu Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo uu kula kulmay Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeyey Jubbaland iyo dowladda Dhexe.

“Waa sax Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Kenya waxaan ku kulanay Nairobi, wixii laga hadlayey waxay aheyd in dowladda Kenya ay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya, weliba Axmed Madoobe oo maqlayo ayaa saraakiishii ka socotay Kenya ku dhahay Axmed Madoobe u sheega in madaxweynihiisa uu yahay Farmaajo oo uusan aheyn Uhuru.”

Mar wax laga waydiiyey xayiradii ay dowladda Farmaajo saartay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo ayuu ku andacooday inay tallaabadaas la xiriirtay in laga hor tago diyaarado dowlado Ajnabi ah ka socday oo doonayey inay si sharci darro ah ku yimaadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa inkiray in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay isku dayday inay xirto ama shirqool ku disho Axmed Madoobe, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay sameeyeen cadaadis dhanka siyaasadda ah.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan, ama qeybta Axmed Madoobe ka daawo daqiiqadaha 14:50 illaa dhammaadka muuqaalka

Erdogan oo digniin cabsi leh u diray Greece – “Waad ka shalaay doontaan ficilladan”

Izmir (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ugu digay Greece inay militariga ka caagaan Jasiiradaha ku yaalla badda Aegean-ka, isaga oo sheegay “inaysan kaftan ka aheyn” hadalka noocaas ah.

Turkey ayaa sheegtay in Greece ay militari ka buuxineyso Aegean-ka, taasi oo ka hor-imaneysa heshiisyada damaanad qaadayaa in jasiiradahan ay noqdaan kuwa aan hubeysneyn.

Ankara ayaa ku doodda in jasiiradahan loo daayey Greece ayada oo shuruud looga dhigay inay ahaadaan kuwo ka caagan militariga. 

Greece ayaa iyana ku doodad in Turkey ay si ula kac khalad ugu tarjunto heshiisyada la xiriira ciidamada hubeysan ee jasiiradaheeda bari, waxayna sheegtay inay xuquuq sharci ah u leedahay inay is-difaacdo kadib tallaabooyin cadaawadeed oo ay qaaday Ankara, oo ay ka mid tahay inay dagaal ku hanjabtay. 

Digniinta Erdogan ayaa imaneysa ayada oo ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labadan dal ee ka tirsan isbaheysiga NATO ah, oo ay u dhaxeeyaan murano dhowr ah oo ka mid yihiin; sahminta kheyraadka macdanta ee badda Meditareeniyaanka iyo isku haysashada Badda Aegean-ka.

“Waxaan fursad u siineynaa Greece inay joojiso hubeynta jasiiradaha aan laheyn maqaamka militari, ayna u dhaqanto si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlay maalinkii ugu dambeeyey dhoola-tus militari oo ka dhacay meel u dhow Izmir oo ku taalla xeebta Turkey ee Aegean-ka.

“Ma kaftamayo, waxaan u hadlayaa si dhab ah. Dalkan go’aan ayuu gaaray.”

“Waxaan ugu digeynaa Greece inay ka fogaato riyooyinka iyo ficillada ay ka shalayn doonto, ayna caqli kaashato,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

“Turkey kama tagi doonto xuquuqdeeda Aegean-ka, si la mid ah si aysan uga tegi doonin inay adeegsato xuquuqda ay ku leedahay heshiisyada caalamiga ah.”

Sawirro: Cabdi Xaashi oo war kasoo saaray kulan uu la yeeshay QALBI-DHAGAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa qoraal iyo sawirro uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga wuxuu ku shaaciyey in maanta uu hoygiisa Muqdisho ku soo booqday Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

“Waxaa maanta gurigayga igu soo booqday Cabdikariim Muuse “Qabi-dhagax” oo ka mid ahaa hogaanka Ururka Gobonimo doonka ah ee ONLF, isla markaana si sharci darro ah Dowladdii hore ugu dhiibtay Dowladda Federaalka Itoobiya balse Xukuumaddii Xil-gaarsiintu ay raali galin ka bixisay arrintaas sharci darrana ku tilmaantay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ugu sareysay talada dalka markii Qalbi-dhagax loo dhiibay Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Farmaajo iyo Taliyihii NISA ee xiligaas ay sireen, si aan loo fahmin qorshihii dhiibista Qalbi-dhagax.

Cabdi Xaashi ayaa wareysi uu horay u bixiyey wuxuu ku sheegay inuu ka war helay Qalbi-Dhagax in lagu qabtay Gaalkacyo, macquulna ay tahay in loo dhiibo Itoobiya, isla markaana uu xafiiskiisa ugu tegay Farmaajo, si arrintaas uu wax uga weydiiyo.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uu u yeeray Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii NISA, isla markaana Cabdi Xaashi laga dhaadhiciyey in Qalbi-dhagax uu dalbaday in loo dhiibo Itoobiya oo ay heshiiyeen, balse uu ka qowmameeyey inuu haleeli waayey inuu yiraahdo, “Hala ii geeyo Qalbi-dhagax aan wareystee.”

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa maalin ka hor doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay ka qeyb galay xafladii caleemo saarka Madaxweynaha.

Qoraal uu Abiy Ahmed soo dhigay twitter-ka oo dood ka dhex-abuuray Soomaalida

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal Af-Soomaali ah oo macno weyn sameynaya, kaasi oo hadal hayn badan ka dhex-abuuray Soomaalida.

Qoraalkaas oo la socday sawirka Abiy Ahmed oo ay dhinacyada ka fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Farmaajo xafladdii caleemo-saarka ee shalay dhacday ,ayuu Abiy ku yiri “Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Arrinta hadal haynta abuurtay ayaa ah in Abiy Ahmed aanu dhihin “Shacabka Soomaaliyeed” ee uu doortay “Shacabka Soomaaliya.”

Sababta uu sidaas u doortay ayaa lagu macneeyey in haddii uu qaadan lahaa “Shacabka Soomaaliyeed” ay soo geli lahaayeen kuwa ku nool Itoobiya ee degan dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia haysato, sidaas darteedna uu doortay “Shacabka Soomaaliya”, isaga oo diraya farriin ah in Xasan Sheekh uu madaxweyne u yahay kaliya kuwaas.

Maxamuud Axmed oo ka mid ah dadkii ka falceliyey ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed, haddii uu dhaho Jigjiga ayuu Xamar hoos gaynayaa, taas ayuu marka diidan yahay.”

“Shacabka Soomaaliya” waa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda (labada gobol ee midoobay 1960-kii), balse “Shacabka Soomaaliyeed” waa Soomaalida oo idil oo ay ku jiraan kuwa ku nool Kililka 5-aad, NFD, Djibouti iyo dunida inteeda kale,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamuud oo isna ka mid ah dadkii arrintan ka falceliyey.

Waxaa iyagana jiray dad u arkay in laga yaabo inay ka khaldantay hab qoraalka ee uu ka rabay “Shacabka Soomaaliyeed,” inkasta oo dadka badankiisa ay isku racaeen in arrintan ay aheyd ku talo-gal.

Soomaalida qaar ee ka falceliyey qoraalka Abiy ayaa sheegay inay astaan u tahay “In Itoobiyaanka aysan xitaa ka hoos bixin faah-faahinada yar ee laga yaabo inay Soomaalid au aragto inaysan macno badan sameyneyn.”

Muxuu Fahad ka yiri ‘inuu ahaa milkiilaha dowladda’?

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida iy sirdoonka qaranka NISA, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysigiisii ugu horeeyay ee lala yeesho ayaa ka hadlay sida uu u arko in loogu yeero (Milkiilaha Dowladdii Farmaajo).

Fahad ayaa si cad u sheegay inuu aad uga xun yahay in loogu yeero milkiilaha dowladda, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay ereygaas adeegsadeen mas’uuliyiin uu sheegay inay xilal sare kasoo qabteen dalka.

“Ereyga mulkiilaha erey asluubaysan ma aha, waa erey aan ka xumahay in dad masuuliyiin ah oo waawayn ay isticmaaleen. Kuma haboona dalka in la yiraahdo hebel ayaa mulkiile ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa aflagaado ku tilmaamay in shaqsi dowladda ka tirsan oo shaqaale ah loogu yeero mulkiile dowladeed, wuxuuna iska fogeeyey sida lagu eedeeyey inuu yahay shaqsigii ugu awoodda badanaa dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu ka hadlay waxa keenay in milkiilaha dowladda lagu tilmaamo ayuu yiri “Hoggaamiye kasta oo dunida soo mara qof ayaa saaxiib dhow la ah. Aniguna Sharaf ayay ii tahay inuu madaxweyne Farmaajo saaxiib dhow iga dhigtay”.

Mar wax laga waydiiyey sababta keentay inuu noqday qofkii ugu saameynta badnaa siyaasadda ayuu sheegay inay taas sabab u aheyd maadaama uu madax ka ahaa xafiis lagu kariyo siyaasadda iyo go’aanada lagu maamulo dalka.

“ Marnaba aniga ma aaminsani in go’aan aan bixiyey dad lagu dhibaateeyey, balse go’aanada dowladda kasoo baxay koleyba dad dhibsanaya wey jireen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Fahad Yaasiin ayaa dalka isaga baxay maalin ka hor xil wareejintii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.

Dalkii ugu horreeyay oo casuumad rasmi ah u fidiyay Xasan kadib doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha Turkiga oo kamid ah wafdiga ka socday dowladda Turkiga ee ka qeyb-galay munaasibadda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in madaxweynaha ay ku martiqaadeen inuu yimaado Turkiga.

Wasiirka ayaa munaasibadda ka sheegay in marti-qaadka madaxweyn Xasan ujeedkiisu yahay si loo hormariyo xiriirka labada dal walaalaha.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyob Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxayna kamid aheyd sanadihii u dambeeyay saaxiibada Soomaaliya ay ee siiya tobabarada ciidamada.

Waxa kale oo lagu xasuusta inay aheyd dowladdii ugu horreeysay ee usoo gurmatay sanadkii 2011-kii markii dalka ay ka dhacday abaar xoogan.

Turkiga ayaa noqonaya dalkii u horeeyay ee casuumad rasmi ah u fidiya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweyne Xasan uu Turkey ka dhigi doono dalka ugu horreeya ee uu booqdo iyo haddii uu dalal kale booqan doono kahor Turkey, balse waa wax loo joogo.

Guddi ka tirsan Senate-ka MAREYKANKA oo ansixiyey sharci muhiim u ah S/LAND

Washington (Caasimada Online) – Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland ayaa shalay ka gudbay marxalad muhiim ah, ayada oo ansixiyeen guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa meel-mariyey xeerkan, wuxuuna hadda u gudbayaa Aqalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo. 

“Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraadiga ee xasilloon, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaanqaado caqabadaha maanta jira,” waxaa sidaas yiri Chris Van Hollen (D-Md).  

“Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada xooggan ee uu sharcigan ka helay saaxiibadeena guddiga,” ayuu yiri Van Hollen. 

Sidoo kale, wakiilka Somaliland ee Washington Bashir Goth ayaa ansixinta ku tilmaamay guul iyo tallaabo muhiim ah, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in Aqalka Senate-ka oo buuxa uu meel-mariyo. 

Sharcigan ayaa markii ugu horeysay la qoray bishii March kadib markii uu Washington booqday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaasi oo uu kula kulmay xubno uu ka mid yahay Senator Chris Van Hollen. 

Daawo: FAHAD oo sheegay laba sabab oo uu ku doortay aamusnaanta iyo is-qariska

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay lasii daayey qeybtii koowaad ee wareysi uu taliyihii hore ee NISA iyo agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu siiyey warbaahinta Gaylan Media.

Qeybtan, wuxuu Fahad uga hadlay taariikh nololeedkiisa iyo sida uu kusoo galay siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirkiisa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo arrimo kale.

Wareysigan kahor, Fahad Yaasiin waxa uu ahaa nin is qariya, oo aan lagu arkin fagaareyaasha, islamarkaasna aan kasoo muuqan warbaahinta wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 2012-kii.  

Ma jirinsawiro iyo muuqaallo badan oo laga qaaday mudadaas, waxaana sawirkii ugu horreeyey laga qaaday markii uu xildhibaanka isku sharxay, waxaana wareysiga lagu weydiisay sababta uu sidaas u doortay.

Wareysigan ayuu Fahad ku sharraxay sababta uu aamusnaa, wuxuuna ku sheegay laba qodob. 

“Waxaa suuragal ah in ay tahay khibradda aan saxaafadda u leeyahay. Waxaa fiican in hadalkaaga uu munaasabad leeyahay, oo uu waqti ku aaddan yahay, waqtigaasna uu nacfi u leeyahay. 

“Qodobka labaad, aamuskeyga ma ahayn wax aan aniga doortay, waxa uu ahaa mid qayb ka ah shaqadayda. Nin sirdoon ah oo shir jaraa’id taagan waligeed lama arkin, Soomaaliya ayay ka dhici jirtay wax sax ahna ma ahayn. In aaniga idaacad soo istaago oo aan ka hadlana munaasabaddeediba ma hayninba,” ayuu yiri.

Fahad waxa kale oo uu sheegay inuu jecel yahay wax akhriska, islamarkaana mar kasta oo uu firaaq helo ama kaligiis yahay uu akhristo buugaag ama maqaallo, si gaar ahna uu u jecel yahay aqriska taarikhda Islaamka.

Hoos ka daawo wareysiga Fahad

BEESHA CAALAMKA oo war kasoo saartay xiisadda culus ee ka taagan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ee maamulka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo geedi socodka dimuquraadiyada ayaa war kasoo saaray xaaladda kacsan ee ka taagan Somaliland iyo qalalaasihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Hargeysa.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsanyihiin qalalaasihii Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii Khamiistii, waxayna beesha caalamka xisbiyada ka jira Somailand iyo xukuumadda talada heyso ugu baaqday in ay is xakameeyaan si looga fogaado gacan ka hadal sababi kara dhimasho iyo dhaawac.

“Saaxibada caalamiga ah ee la socda nidaamka dimuquraadiyadeynta Somaliland waxay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii gacan ka hadalka watay ee Hargaysa ka dhacay kadib bannaanbixii siyaasadeed ee shalay, waxaana dhammaan dhinacyada ku boorinaynaa in ay is xakameeyaan, si xaalada loo dajiyo oo dhaawac iyo dhibaato looga fogaado” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada siyaasadda Somaliland in si loo ilaaliyo nabadda, daganaanshaha iyo dimuquraadiyada inay dhinacyadu kusoo laabtaan miiska wadahadalada si xal looga gaaro waxyaabaha lagu isku hayo horayna loogu dhaqaaqo.

Qoraalkaan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixnaa waddamada Denmark, Finland, Netherlands, Norway, Sweden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Qalalaasihii ka dhacay Hargeysa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 10 qof halka xabsiyada loo taxaabay tiro intaas ka badan, wuxuuna bilowday kadib markii Ciidamada Booliiska Somaliland ay xoog ku hor istaageen dad ay mucaaradku sheegeen in la siinayay tababar mudaharaad galinkii hore ee Khamiistii.

Xaaladda magaalada Hargeysa ayaa hadda dagan, waxayna xisbiyada mucaaradka qorsheenayaan inay banaanbaxyo sameeyaan maalinta berri ah lamana oga sida uu ku hirgeli karo maadaama xukuumadda Somaliland ay diidan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay waxa dowladdiisa lagula xisaabtami doono

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasibadii caleemo-saarkiisa ayaa sheegay in dowladiisa ay noqon doonto mid la dareen ah shacabka, islamarkaana dhago-nugul cabashadooda.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, uuna noqon doono adeege shacab oo u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan.

“Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu waxay noqon doontaa mid dhageysata oo ixtiraamta dadkeeda oo keliya dantooda ka shaqeysa,” ayuu yiri.

“Dimuqraadiyada waxaa iska leh shacabka, waxaanan ku dadaali doonaa inaan noqdo adeege shacab oo intii karaankiisa ah u dhaweeya mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed ay hiigsanayaan ayna mudan yihiin.”

Sidoo kale waxa uu mahad-celin ballaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed oo ay wakiiladooda markale u doorteen masuuliyada u sareysa dalkeena.

“Yididiilada ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlad ka tarjumeysa himilooyinkooda waa mid aan har iyo habeen ku shaqeyn doono, anigoo kaashanaya taageerada shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan in uu ka dhabeyo himilada ku saleysan “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah”.

Aqriso: Xasan Sheekh oo shaaciyay 7 qodob oo saldhig u ah ‘Soomaali heshiis ah’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta munaasibada caleemo-saarkiisa ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay hal-ku-dhigiisa Soomaali Heshiis ah, kaasi oo uu ku sharaxay 7 qoddob oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedku yahay Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay inay udub-dhexaad u tahay cadaaladu.

“Waxaa bogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland, waxaana si gaar ah diirada u saari doono sii wadida wada-hadalada, iyadoo markasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinimo ee ay leeyihiin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka hortagi doonaan waxkasta oo caqabad ku noqon kara wada-hadalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawadaan.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

  1. Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xaliyo tabashooyinka la kala qabo.
  2. Ka miro-dhalinta wada-hadala DF iyo Somaliland, iyada oo muhiimada la siinayo in dadka reer Somaliland ay helaan xaqooda muwaadinimo.
  3. Xasilooni siyaasadeed oo lagu gaaro wada-tashi, wada-ogol iyo wada-jir ka dhaxeeya hogaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada iyadoo markasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
  4. Taaba-galinta hanaanka federaalka si uu u nqodo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeeyo dowladnimada.
  5. Taaba-galinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo is-qancin iyo isku tanaasul.
  6. Taaba-galinta hanaanka dimoqraadiyada ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doono doorta, meel walbana laga dooran karo.
  7. Dhismaha garsoor hufan, madax-banaan islamarkaana haqabtiri kara baahida cadaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Daawo: Qeybtii koowaad ee wareysiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa lasii daayey qeybtii koowaad ee wareysi uu taliyihii hore ee NISA iyo agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu siiyey warbaahinta Gaylan Media.

Qeybtan, wuxuu Fahad uga hadlay taariikh nololeedkiisa iyo sida uu kusoo galay siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirkiisa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Fahad wuxuu sheegay inuu dhashay dabayaaqadii toddobaatameeyadii, islamarkaana ay soo korisay hooyadiisa, isaga oo xusay inuu soo noqday Macallin dugsi Qur’aan, kahor inta aanu Jaamacad u aadin Yemen, kadibna noqon weriye. 

Waxa uu qiray inuu xubin firfircoon ka ahaa ururka Al-Itixaad Al-Islaami ee markii dambe u xuubsiibtay Ictisaam, islamarkaana uu ka gaaray darajo sare oo ah inuu gobol madax uga noqday. “Waan ku faraxsanahay, waana ku faanaa inaan xubin ka ahaa,” ayuu yiri.

Fahad wuxuu beeniyey inuu kaalin dhaqaale ku lahaa doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 2012-kii, oo uu siiyey lacag laga soo qaaday Qatar, balse wuxuu xaqiijiyey inuu ka mid ah ololihiisa doorashada. 

Waxa uu xaqiijiyey inuu Xasan Sheekh usoo jeediyey inuu ra’iisul wasaare ka dhigo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse uu diiday taasina ay noqotay dhibac yar oo madow oo gaartay xiriirkooda.

Si kastaba, Fahad wuxuu sheegay in taasi ysan aheyn sababtii ay ku kala tageen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. Fahad ayaa ku warramay in arrintaas ay kadib ka heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh ayna sii wada shaqeeyeen.  

Waxaa la weydiiyey sababta uu u diiday xilkii wasiirka dekedaha ee uu u magacaabay Cumar Cabdirashiid 2015-kii, wuxuuna ku jawaabay inuu u arkay xilligaas in qanaacadiisa siyaasadeed iyo damiirkiisa aysan waafaqin habkii loo maamulayey dowladdaas.

Fahad ayaa beeniyey inuu milkiile ka ahaa dowladdii Xasan Sheekh iyo middii Farmaajo, isaga oo ereygaas ku qeexay mid aan habooneyn, balse wuxuu qiray inuu ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Farmaajo ee talooyinka ku leh.

Fahad ayaa sheegay in isaga iyo Farmaajo ay is-bareen dad aad ugu dhowaa isaga, kadibna uu ku qancay aragtidiisa siyaasadeed.

Hoos ka daawo wareysiga Fahad

Daawo: SHEEKH SHARIIF: Farmaajo waxaa u fiicneyd in laga guuleysto + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyinihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Mudane Sheekh Shariif Sheekh oo khudbad ka jeediyey caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo isbedelka siyaasadeed ee Somalia ka dhacay.

Shariif ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay horumarka ay Somalia ka gaartay doorashada, wuxuuna bogaadiyey sida ay labada Madaxweyne isugu wareejiyeen talada dalka.

Sidoo kale wuxuu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh oo uu u ballan qaaday inuu la shaqeyn doono, halka Farmaajana uu ku boggaadiyey kaalintiisa.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas oo kale waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee dalka oo u qalbi qaboojinayey Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay u wanaagsaneyd in xilka looga guuleysto, uuna taas u arko cadaalad.

“Aniga waxaan aaminsanahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu guuleysto iyo in laga guuleysto waxaa u fiicneyd in laga guuleysto, sababtuna waxay muujineynsaa wixii aan annaga sheegeynay oo aheyd doorashada cadaalad ma’aha wax ka duwan, marka meesha waxa laga rabo cadaalad ayey ahaayeen,” ayuu markale yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Haddii uu isaga soo noqon lahaa waxaan dhihi laheyn cadaalad ma’aha. Waa kaftan intaas,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday Farmaajo, waxaana kusoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee mar labaad dib loo doortay.

Xiisada Somaliland oo meel sare gaartay iyo masuul ‘ka bad-baaday isku-day dil’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsaneyd, kadib markii ay ka billowdeen dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi.

Dibad-baxa oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, islamarkaana ay ka qeyb-galayeen dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah ayaa waxay ciidamada ku fureen rasaas aan loo meel-dayin.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo kamid ah mucaaradka.

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Ciro iyo mas’uuliyiin sare oo la socday ayaa ka bad-baaday isku-day dil kadib markii ay ciidamada isku dayeen inay jiidhsiiyan gawaadhi gaashaaman oo ay wateen.

Waxaa isku-daygaas dil fashiliyay ciidamo ilaalo ah oo la socday guddoomiyaha, kuwaasi oo rasaas ku furay gawaadhida gaashaaman ee wateen ciidamada Booliska, oo sida la rumeysan yahay amar ka haystay saraakiisha sare.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryay dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi, oo muddo xileedkiisa uu gabaabsi yahay.

Xiisada Somaliland ayaa kasii dareysa ayada oo ciidamada Somaliland ay sidoo kale xir-xireen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibad-baxa ka qayb-galay, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland.

Daawo: Uhuru Kenyatta oo Abiy Ahmed ku bah-dilay caleemo-saarkii XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ahaa madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fool xun u bah-dilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Uhuru Kenyatta ayaa markii uu soo galay hoolka, islamarkaana ay u istaageen madaxdii ku sugneyd goobta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu gacan qaaday kaliya Geelle iyo Xasan.

Madaxweynaha Kenya ayaa iska indho tiray salaanta uu usoo taagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sidoo kale waxaa salaan-qaadka Uhuru ka muquurtay Farmaajo oo kamaradaha ay qabteen isaga oo fadhiga isku celinaya kadib markii uu Uhuru is-dhaafiyay salaanta Abiy.

Intii uu tallada dalka joogay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu cadow ka dhigtay Kenya, asaga oo dhinaca saaray Abiy Axmed oo xiliga ahaa walaalka koowaad ee dowladii Farmaajo.

Dhinaca kale, Uhuru oo khudbad ka jeediyay munaasibada caleemo-saarka madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta khudbadiisa uu ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Madaxweyne Geelle oo arrin muhiim ah kula dardaarmay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyey xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey dardaaraan culus oo ku socdo dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Geelle ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay u baahan tahay inay iyadu is garabsato, waxna wada qabsato, isla-markaana ay wax lasii qeybsato dunida inteeda kale.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Ummadeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay maskaxdeydii oo dhan waxa ay u baahan tahay xoogeeda oo dhan waxa ay u baahan tahay sida uu yiri Madaxweynaha cusub heshiis dhexdeeda ah iyo heshiis ay la leedahay adduunka oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar.

Sidoo kale waxa uu usoo jeediyey madaxda Soomaaliyeed iyo shacabka inay iskaashadaan, si ay uga marmaan in mar weliba wax la siiyo.

“Gacantiina isku maamula kheyraadkiina lasoo baxa kuwa wax bixiya noqda, kuwa wax lasiinaya uun inaana la noqon, taasina halgan dheerbey dooneynsaa,” ayuu raaciyey.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu garab istaagi dowladda cusub, isla-markaana uu ula shaqeyn doono si walaalnimo ah.

“Waxaan hubaa isagoo khibaraddii loo baahnaa leh, isaga oo soo maray xukunka waxa uu yahay isaga oo garanaya waxa soo socda, sida uu u maamuli doono, sida uu u maareyn doono annagu waan ku garab joognaa Madaxweyne,” ayuu markale yiri Ismaaciil Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaan jecelnahay inaad naga daydid aktaada kula shaqeyno wanaag iyo horumar iyo Umaadda Soomaaliyeed oo faqriga ka baxda,”.

Jabuuti ayaa door weyn ka qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya, waxaana lagu xasuusta shirkii nabadeynta Carto iyo dowladdii KMG aheyd ee dalkaasi lagu dhisay sanadkii 2000.

Daawo: Muxuu Farmaajo ka sheegay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in guusha maanta taagan ay usoo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii soo dhammaatay.

“Waa guul usoo hoytay Ummadda Soomaaliyeed oo taariikhda ay xusi doonto waxaan ognahay in dowlado naga fac weyn oo dimoquraadiyad ah ay natiijada doorashooyinkoodu mararka qaarkood uu hareeyo muran iyo khilaafaad,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan dalka uu leeyahay dowlad rasmi ah iyo hoggaan cusub oo la doortay, uuna la shaqeyn doono.

“Dalku wuxuu leeyahay dowlad shaqeyneyso iyo hoggaan la doortay oo sharci buuxa leh, waxaan baranay qori isu dhiib inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada, isaga oo uga mahadceliyey sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta difaaca iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaa kale oo muhiim ah inaan u mahadcelino ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalinba u taagan difaaca dowladnimada, una huray naftooda,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ballan-qaaday in si walaalnimo ah u garab istaagi doono Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu siin doono talooyin wax ku ool ah, si loo sii wado horumarka dalka iyo dowladnimada Somalia.