25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay ololaha ‘guriga loogu dhisayo’ Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn.

“Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhiseynaa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebeynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega.

“Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku wareejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddoomiye Jawaari.

Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay iyo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo  arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.

Daawo: Muuse Geelle oo sharxay sababtii ay doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhacay Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyey ku faahfaahiyey dhibaatooyinkii ay ka soo mareen inay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood.

Sidoo kale Muuse Geelle ayaa ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada dalka ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ilaa hadda aan xildhibaan rasmi ah loo dooran.

“Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

“Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii aysan u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada dalka.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xilligaas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaasiin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

Hoos ka daawo wareysiga

Sheekh Cusmaan Barre oo shaaciyey dhibaatooyin ay FARMAAJO ku qabeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hoggaaminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo sheegay in dadka qaarna la dilay, qaarna ay cabsi ku noolaayeen.

“Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay, waxay aheed dowladii ugu liidatay tan iyo burburkii, dastuurkii ayey baabi’isay heybadii Soomaaliya ayey baabi’isay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay cabsi ku joogeen xukunka, halka madaxda dowlad goboleedyada qaarna ay ku baxeen cadaadiskii ay saartay xukuumadii Farmaajo.

“Waxaa ugu daraa HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo cadaadis xun la saaray, markii la cuuryaamiyey maamulladaas waxaa fursad helay Al-Shabaab oo meel kasta u fariistay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu dul istaagay sida uu Farmaajo ugu tuntay dastuurka dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muhiimad uu siiyo dastuurka oo wadadii uu Farmaajo ku socday uu ka leexiyo dowladnimada.

“Soomaaliya intii Farmaajo xukunka joogay waxaa la iskula joogay xoog, waxaa meel la iska dhigay nimaadkii dowladnimada iyo shuruucdii dalka, waxyaabaha ugu daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh sugaaya waxaa ka mid ah soo celinta xiriirkii dowladaha caalamka, maadaama uu dalkeenu weli tabar yaryahay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay qaar ka mid ah askartii la geeyey Gedo

Doolow (Caasimada Online) – Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ayaa xukunno kale duwan ku ridday afar xuux oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kuwaas oo kamid ahaa ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Militariga ee geeyey Gobolka Gedo.

Askarta xukunka lagu riday ayaa waxay xeer ilaalinta kusoo eedeysay in ay horay u geysteen dilal kale duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Afartaan askari ayaa xeer ilaalintu sheegtay in dilal qorsheysan siyaabo kale duwan ay ugu geysteen dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, Askarta xukunka lagu riday ayaa loo soo jeediyey eedeyn la xiriirta in ay sameeyeen qalqal galin amni, waxaana lagu kala riday xukkunno dil toogayo iyo xabsi ciidan ah.

Dable ka tirsanaa NISA  oo lagu magacaabo Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xoogga Dalka Salmaan Ibraahin Shire ayaa lagu xukumey dil toogasho ah.

Halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Seddax sano oo xarig ah, iyadoo Sharmaake Muxumed Cali isna  lagu xukumay hal-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27-aad, Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, waxaana sidoo kale eedeysanayaasha la siiyay fursad ay dalban karaan racfaan muddo bil ah kadib markii maxkamaddu xukuntay.

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe laba weji leh oo looga ‘adkaanayo’ AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Inta badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey wargeyska The Economist. 

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga. 

Kooxda ayaa hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo. 

Madaxweynaha cusub ayaa ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu billaabo weerar cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si uu dib ugu riixo baadiyaha. Waxa uu sheegay in markaas kadib kooxdan wada-hadal lala geli karo. 

“Aragtideena waa inaan meesha ka saarno sheekada Al-Shabaab, oo aan shacabka tusnaa in dowladdu ay ilaalineyso caqiiqaddooda. Tan waxay ka dhigan tahay inaan qaadno dagaal laba weji leh,” ayuu yiri. 

Dunida Islaamka oo jawaab ka bixisay aflagaado cusub oo loo gaystay Nebiga NNKH

New Delhi (Caasimada Online) – Dalalka Islaamka ayaa si caro leh uga jawaabay aflaagado ay Nebiga NKKH u gaysteen xubno ka tirsan xisbiga haya talada dalka India ee Bharatiya Janata Party (BJP).

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

Dalal badan oo Carbeed ayaa u yeeray safiirada India, halka wasaaradda arrimaha dibedda Pakiustan ay war-saxaafadeed ku cambaareysay hadalladan sidan weyn gefka u ah iyo jawaabta BJP. 

“Hadalladan aan gebi ahaanba la aqbali karin, ma aysan dhaawicin kaliya dareenka dadka Pakistan balse waxay dhaawaceen dareenka balaayin Muslimiin ah oo caalamka ku nool,” ayaa lagu yeeray war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Qatrar ayaa u yeertay safiirka India una gudbisay qoraal rasmi ah oo ay ku muujineyso sida ay dowladda Qatar “uga niyad jabtay, u diidan tahay una cambaareyneyso hadalladan.” 

“Dowladda Qatar waxay ugu baaqeysaa dowladda India inay si deg deg ah u cambaareyso hadalladan, si shaacsanna uga raali-geliso dhammaan Muslimiinta caalamka,” ayuu yiri Majed Mohammed Al Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar. 

Dowladda Kuwait ayaa sidoo kale u yeertay safiirka India, waxayna sheegtay inay u gacan gelisay qoraal rasmi oo cabasho ah, oo Kuwait ay ku diiday kuna cambaareyneyso hadallada sarkaalka ka tirsan BJP.

Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

“Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi. 

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa dhankiisana sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. 

Dowladda Sacuudiga ayaa hadallada afhayeenka BJP ku qeexday aflagaado cad, waxayna dalbatay in la ixtiraamo diimaha oo idil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. 

Sida uu ku warramay Taleefishinka Al-Jazeera, Xisbiga BJP ayaa horey uga faa’iideystay siyaasad ahaan inuu qaado talalabooyin ka dhan ah muslimiinta India, ayada oo lagu yaqaan siyaasad Muslim naceyb ah oo ku dhisan sareynta Hindu-ga. 

Hase yeeshee, hadallada ka dhanka ah Nebiga NNKH ayaa dhaliyey caro caalami ah, oo hadda India ay bixineyso qiimahooda. 

Dhinaca kale, shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India. 

Danjire Jamaal Barrow oo soo saaray dalab ka dhan ah safiirada jooga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Nigeria, Amb. Jamaal Barrow ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna arrin ka baxsan diblomaasiyadda ku tilmaamay inay maalin walba tegaan xafiisyada madaxda ugu sarreysa dowladda.

Jamaal Barrow oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xusay in safiiradu ay dhex wareegaan xafiisyada dowladda iyada oo aysan ka warqabin wasaaradda arrimaha dibadda.

“Tusaale waxay dhex wareegaan xafiisyada dawladda heerarkooda kala duwan iyagoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka warqabin, taasoo ah hey’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa haddana lama hayo cid yac tiraahdo oo nidaamka sax ah ku toosiya,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray safiirka Somalia u fadhiya dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa kaloo, nidaamka diblomaasiyadda baalmarsan in diblomaasi ajnabi ah dhambaal madaxdiisa ka sida si toos ah ugu gudbiyo madaxda ugu sareysa dalka,”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid lala yaabo, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa aan la garaneynin cidda ballamisa.

“Arrimaha kaloo yaabka leh waxa weeyaan in baraha bulshada maalin kasta la soo dhigo sawiro diblomaasiyiin ajanabi ah oo la shirayo madaxda ugu sareysa dalka, lama yaqaano cidda balamahaas u fududeeysa,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Jamaal.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in arrintan wax weyn laga qabto, wuxuuna ka dalbaday wasaaradda arrimaha dibadda inay diyaariso xeer lagu hagayo diblomaasiyiinta shisheeye.

“Haddaba, si looga baxo fowdadan diblomaasiyadeed waxa waajib ah in Wasaaradda ay diyaariso xeer-nidaamiye hagaya diblomaasiyiinta dalka ka hawlgala, isla markaana ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtamo, sida ay sameeyaan dalalka adduunka oo dhan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo kadib doorashadii 15-kii May ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada safiirada caalamka ay ka wadaan dalka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka.

Wax ka ogow madaxda kasoo qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada xafladda caleema saarka madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay dhacdo 9-ka bishaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubnaha qaabilsan diyaarinta xafladda ayaa diyaar garow xooggan ugu jira soo dhowaynta wafuud heer caalami ah oo Muqdisho uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha.

Ilaa hadda waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi u hordhac u ah oo ka wakil ah qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxeynaha sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyey inay xafladda ka qeyb galayaan waxaa kamid ah:

1- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
2- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
3) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo kan Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wax xiriir ah la laheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isagu xiriir fiican la lahaa madaweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana shantii sano ee lasoo dhaafay isaga iyo Farmaajo ka dhaxeeyey iskaashii dhinacyo badan ku saabsan.

Illaa hadda lama xaqiijin inuu xafladda caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh kasoo qeybgeli doono madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki kaasoo isna kamid ahaa madaxdii sida weyn ugu dhaweyd madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kadib caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh waxyaabaha ugu horreeyo ee laga filayo ayaa waxaa kamid ah soo celinta xiriirka dowladihii uu go’ay cilaaqaadkii kala dhaxeeyey Soomaaliya Shantii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidanka Danab oo maanta gudaha u galay Tooratoorow, kadib maxaa dhacay?

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ka fuliyeen deegaannada Tooratootow iyo Caliyow Baarow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 4-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, ayaa gudaha u galay deegaanadaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo loogu tegay deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen goobo ay xoogaga Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay geeyeen deegaanka Balidoogle oo ay ku leeyihiin saldhig, waxaana kadib loo soo gudbin doonaa Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Tooratoorow oo ka mid ah meelaha howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sanado badan ka taliya Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo saldhigyo waa weyn iyo xarumo maxkamadeed.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfura iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.

LAGOOYE oo u gacan galay DF iyo arrin uu shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo magaciisa afgarashadiisu ay tahay Lagooye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Ninkaan oo la sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada.

Lagooye ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab muddo saddex sano ah, wuxuuna ka qeyb qaatay dagaalo dhowr oo ka dhacay deegaano katirsan gobolka Baay.

Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku sheegay sababta uu isku soo dhiibay “inay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah” oo ay kooxdu ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira kooxda inay isaga soo baxaan, islamarkaana aysan qeyb ka noqon dhibaateynta shacabkooda.

Saraakiisha ciidamada qeybta 60-aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo isku soo dhiibay, iyaga oo xusay in weli fursad haystaan xubnaha kale ee Al-Shabaab si ay isugu soo dhiiban.

Si kastaba, xubnaha Al-Shabaab ka tirsanaa ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa bilihii u dambeeyay soo kordhayay, ayada oo si wanaagsana loo soo dhaweynayay.

Mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow oo Ukraine lagu dilay

Moscow (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan. Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Ruushka ayaa ku andacoonaya in uu burburiyay dhismayaal warshadeed oo ku yaallay warshad dayactir ku samaynaysay baabuurta hubaysan ee Ukraine oo ku taalla gobolka Kharkiv.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad kale oo militariga Ukraine la soo riday, sidoo kale.

Ruushka ayaa sidoo kale sheeganaya in 18 kale oo kamid ah, taangiyada Yukreen ayaa sidoo kale la burburiyay waxaana la dilay 450 oo kamid ah dagaalamayaasha Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa waqti la qaatay ciidamada kusugan jiidda hore ee bariga Donbas – halkaas oo uu Ruushka duqeymo joogta ah ku hayo.

Khudbadiisii ​​habeenkii Axadii, wuxuu sheegay inuu safar ku tagay magaalada Lysychansk iyo magaalada Soledar – isagoo sheegay inuu ku faanayo “qof kasta oo aan la kulmay {iyo} qof kasta oo aan gacan qaaday”.

Safarkan ayaa madaxweynaha ayaa ah safar naadir ah oo uu ku tagay meel ka baxsan caasimadda Kyiv tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Febraayo.

Laftagareen oo magacaabay shan wasiir oo cusub

Baydhabo (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayuu ku magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.

Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir oo badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala  ah:

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wasiiradii ugu badnaa maamulkaasi ka dhigay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaga oo badankooda ahaa saaxiibada Laftagareen.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii uu ka dhigay xildhibaano ayaa kasoo horjeestay siyaasadisii ku aadaneyd doorashada Soomaaliya gaar ahaan midda guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha taasoo dhabarjab weyn ku noqotay.

Oomaar: Wasiirada aan xildhibaannada aheyn ee DF waa looma ooyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Omaar) oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhismaha dowladda cusub.

Oomaar ayaa wareysigan si gaar ah diiradda ugu saaray arrimo ku aadan xukuumadda soo socoto iyo waxybaaha loo baahan yahay in ka hor la qaado.

Wasiirka oo ka mid ah xubnihii aadka ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dalka ayaa is bar-bar dhig ku sameeyey, xildhibaanada wasiirada ah iyo xubnaha bannaaka laga keeno.

“Aniga waxaan ahaa wasiir afar sano oo buuxdo ayaan wasiir ka ahaa meesha, mana aheyn xildhibaan waa wixii Soomaalida ay dhihi jirtay looma Ooyaanka,” ayuu yiri wasiir hore.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan xubnaha baarlamaanka kasoo gala golaha wasiirada loo keeno sidii ay dowladda u difaaci lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira wasiiro xildhibaano ah shan sano iyo ka badan meesha soo taagnaa waxay qabteen aadan garaneynin kaliya inay dowladda ka difaacaan baarlamaanka loo soo galshay,” ayuu markale ku yiri wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sidoo kale soo jeediyey in la koobo tirada xubnaha ka imaanaya baarlamaanka, si loo kala madax banneeyo labada hay’adood.

“Anigu waxaan dhihi lahaa iyadoo loo baahan yahay in dowladda baarlamaanka dad ka mid ah soo galaan, baarlamaanka waa tiro yar oo kooban qibradda iyo wixii laga rabay dhamaantood lagama wada heli karo, marka waa muhiim in tirada la yareeyo,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhinaca dhaqaalaha xittaa ay saameyneyso arrintan, isla-markaana aan mushaar loo heli karin xubnaha tirada badan ee baarlamaanka.

“Ku xigeennada tirada badan iyo wasiiru dowleyaasha loo sameeyey in dowladda ay ka difaacaan baarlamaanka sax ma’aha mushaaraadkoodana lama awoodo,”.

Hadalkan ayaa kusoo beegmayaa, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan yahay dhismaha dowladdiisa, oo ay ugu horreyso magacaabida ra’iisul wasaaraha.

Ciidamada DF oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka Wadajir oo iskaashanaya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafadaha degmadaasi, kaas oo lagu xaqiijiyey amniga guud ee deegaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay rag u badan dhalinyaro, gaar ahaan Ciyaal Weeroi, si looga hortego dhibaatada ay ku hayaan dadka deegaanka.

Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo u warramay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey ujeedka, wuxuuna sheegay in looga hortegayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada guud ee magaalada Muqdisho.

“Howlgalkaas waxaa looga hortagayaa wax weliba oo amni xumada qayb ka qaadan kara, haddii ay yihiin kuwa sharci darrada dadka ku beegsada ee ku dila, Ciyaalka weerada, tuugada Dadka jidka u istaaga” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali ayaa sheegay in howlgalka laga sameeyey waaxaha ay ka kooban tahay degmada, wuxuuna sheegay inay sii socon doonaan, inta laga xaqiijinayo amniga, looga hortegayo kooxaha dhibaatada wada.

Bashiir ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay kaalontooda qaatay, isla-markaana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waaxyaha kala duwan ee Degmada Wadajir waxa aan ka sameynay howlgal amni xaqiijin ah si aan uga hortagno walxaha maanka-dooriya, Ciyaal weerada & falalka kale ee amni darrada qaybta ka ah, Shacabka waxa aan ka codsaneynaa in nagala shaqeeyaan wax ka qabashada arrimahaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal amni darro ah, waxaana sidoo kale barbar socday howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo qarax la beegsatay xildhibaan ka tirsan KENYA iyo ilaaladiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maalintii Axada aheyd qarax nooca miinada ah ciidamo galbinayey xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaasi lagula eegtay duleedka magaalada Gaarisa.

Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Booliska Kenya oo markaas ilaalinayey xildhibaan Ibraahim Cabaas iyo wafdiisa oo maraya wadada Ijara.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, waxaana qaraxa ka bad-baaday xildhibaankii la socday gaadiidkaasi.

Askarta ay waxyeelada dhaawac ah soo gaartay ayaa la geeyey Manda Bay, si loogu daaweeyo xaaladdooda caafimaad, maadaama qaarkood ay halis yihiin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo weerarka qaraxa ah, kadib howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda goobta uyu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, mana jirto cid ay falkaas usoo qatbteen saraakiisha laamaha ammaanka ee waddanka Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa dalka, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ciidamo ugu jiraan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Gobolka Banaadir oo laga qaadacay imtixaanka shahaadiga ee dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga iskuullada iyo dalladaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in aysan ka qeyb gali doonin Imtixaanka Shaadiga ah ee dugsiyada sare ee fasalka 12-aad, kaas oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay shaacisay in 18-ka bishaan uu bilaaba doono.

Iskuullada iyo dalladaha waxbarashada gobolkaan Banaadir ayaa sheegay in aysan geli doonin ardayda imtixaanka ilaa laga xalinaayo tabashooyinkooda oo ay sheegeen in lagu burburinaayo waxbarashada gaarka loo leeyahay.

“Bahda waxbarashadu markii ay arkeen falalka guracan ee lagu baabi’inayo waxbarashada gaarka ah ayaa waxaa ay qabteen 5-tii bisha shirweyne laisaga wareysanaayo dhibaatada heysata waxbarashada gaarka ah, si talooyin loogu jeediyo hey’ada dowladda oo ay kamid tahay in hey’adaha waxbarashada dalka ay joojiyaan falalka ay ku burburinayaan kuna baabi’inayaan waxbabarashada gaarka ah, lagana wada shaqeeyo hormarinta waxbarashada dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen.

“Waxaa caado u noqotay in ay baal maraan hey’addihii waxbarashada dalka shuruuucdii waxbarasha, xuquuqda waxbarashada gaarka ah, islamarkaana ku howlan burburinta, baabi’inta nidaamka  muumullada waxbarashadu ay sameysteen, Bahda waxbarashada iyaga oo u dhan waxaa ay go’aansadeen in aysan  galin Imtixaanka inta laga xalimaayo culeysyada ku gadaaman.”

Midowga dugsiyada iyo dalladdaha waxbarasho ee gobolka waxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Rooble iyo cid kasta oo ay quseyso inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaan taagan iyo dhibaatooyinka haysta bahda waxbarashada, sida lagu yiri qoraalka ay soo saareen.

Sawirro: Qoor Qoor oo caawa shir isugu yeeray golihiisa wasiirrada + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Galmudug, waxaana kulanka caawa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo ay golaha hor keentay wasaaradda arrimaha guduha maamulkaas.

Labada hindise sharciyeed ee Golaha Wasiirada Galmudug ay ansixiyeen ayaa kala ah:

1– Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.
2– Iyo Shirciga ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dowlad goboleedka Galmudug.

“Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Galmudug.

Sharciyadaan waxaa u dhiman si loogu dhaqmo in wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay u gudbiso baarlamaanka maamulkaas, si loo meel mariyo, kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Muuse Biixi oo cagta saaray wadadii Farmaajo iyo weriye Cumar Serbiya oo la xiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta Somaliland, taas oo ka dhalatay dib u dhaca doorashooyinka oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka caga jiidaaya inay waqtigeeda ku qabsoonto.

Dibadbaxyo ka bilowday magaalada Hargeysa oo u muuqda dabeysha isbeddel doonka shacabka ay ku doonayaan doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ayaa xalay waxaa isugu soo baxay boqolaal shacab ah, waxaana hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Wadooyinka magaalada Hargeysa ayaa waxaa la dhigay ciidamo boolis ah, si ay ugu hortagaan dibadbaxyadii xalay ka dhacay kuwo lamid ah, waxayna xisbiyada mucaaradka ah ku adkeysanayaan in dastuurku uu u fasaxayo qabashada dibadbaxyada shacabka ay kusoo bandhigayaan dareenkooda.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga dhigay Axmed Sayid Heybe Nuur oo ah milkiilaha maqaayada SIMA, kadib markii xalay maqaayadaas ay shaah ka cabeen guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan.

“Waxaa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan xalay shaaha ka cabnay, anniga iyo iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xarigga muwaadinka meheraddiisa aanu shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Somaliland ayey ku heshiin waayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka in la asteeyo nidaamka loo marayo maadaama mudo xileedka madaxweynaha uu ku eg yahay bisha 11-aad ee sanadkaan, halka ay aheyd in lasoo hormariyo doorashada xisbiyada oo aheyd in la qabto bisha 9-aad oo tobankii sanaba mar la qabto.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhegan in marka hore la qabto doorashada xisbiyada bisha sagaalaad, halka xisbiyada ay kasoo horjeesteen kuna baaqeen in doorashada guud ee Somaliland.

Khilaafka iyo dabeysha isbadal doonka Somaliland ka curatay ayaa u muuqata ineysan waxba ka duwaneyn tii Somalia ka taagneyd ee Madaxweyne Farmaajo ku doonayay mudo kororsi labo sano ah, taasoo sababtay gacan ka hadal dhex maray kooxii mucaaradka iyo dowladdii Farmaajo.

Dhinaca kale, Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo lagu yaqaan arrimaha fanka iyo soo gudbinta raadka taariikheed ee suugaanta Soomaalida ayaa maanta lagu xeray magaalada Hargeysa, kadib markii laga qabtay garoonka diyaaradaha Cigaal, xili uu ka laabtay Muqdisho.

Lama oga sababta loo xiray Cumar Seerbiya, maadaama uu arrimaha fanka iyo suugaanta ka hadlo, hase ahaatee waxaa bogga Facebookiisa dhawaan uu soo dhigay sawir wadajir ah isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo uu u hambalyeynayo, uguna duceeyay in xilka alle la garab galo.

Dhacdo naxdin leh: Haweeney lagu dilay Baydhaba kadibna Suuli lagu riday + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aamina ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday ninkii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada meydka.

Ninka dilay haweeneydaas ayaa la sheegay inay ku laheed deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheed.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhaba, waxaana socda baaritaano ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud.

Iidle Yare oo shaaciyey sababta ku kaliftay qoraalkii murugada xambaarsanaa

Nairobi (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ahayd, waxaa baraha bulshada oo ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhigay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare ayaa farriinta ku sheegay in “Alle uu uga tegay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu diyaariyey geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Shalay ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo maanta ka soo muuqday muuqaal ay ka duubeen dad ku booqday guri uu ku sugnaa.

“Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fannaanka xanuunsan.

“Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa bedalkeedana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xanuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko oo kamid ahaa dadka booqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.