25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Qoor Qoor oo caawa shir isugu yeeray golihiisa wasiirrada + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Galmudug, waxaana kulanka caawa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo ay golaha hor keentay wasaaradda arrimaha guduha maamulkaas.

Labada hindise sharciyeed ee Golaha Wasiirada Galmudug ay ansixiyeen ayaa kala ah:

1– Sharciga Guddiga Doorashooyinka ee dowlad goboleedka Galmudug.
2– Iyo Shirciga ururrada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dowlad goboleedka Galmudug.

“Golaha Wasiirada oo ka dooday hindise sharciyeedyada lasoo jeediyay ayaa cod gacan taag aqlabiyad ah ku ansixiyay labo hindise sharciyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hannaanka doorashooyinka Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Madaxtooyada Galmudug.

Sharciyadaan waxaa u dhiman si loogu dhaqmo in wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ay u gudbiso baarlamaanka maamulkaas, si loo meel mariyo, kadibna uu u saxiixo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Muuse Biixi oo cagta saaray wadadii Farmaajo iyo weriye Cumar Serbiya oo la xiray

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan siyaasadeed ah ayaa ka jirta Somaliland, taas oo ka dhalatay dib u dhaca doorashooyinka oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka caga jiidaaya inay waqtigeeda ku qabsoonto.

Dibadbaxyo ka bilowday magaalada Hargeysa oo u muuqda dabeysha isbeddel doonka shacabka ay ku doonayaan doorasho waqtigeeda ku qabsoonta ayaa xalay waxaa isugu soo baxay boqolaal shacab ah, waxaana hoggaaminayay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Wadooyinka magaalada Hargeysa ayaa waxaa la dhigay ciidamo boolis ah, si ay ugu hortagaan dibadbaxyadii xalay ka dhacay kuwo lamid ah, waxayna xisbiyada mucaaradka ah ku adkeysanayaan in dastuurku uu u fasaxayo qabashada dibadbaxyada shacabka ay kusoo bandhigayaan dareenkooda.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga dhigay Axmed Sayid Heybe Nuur oo ah milkiilaha maqaayada SIMA, kadib markii xalay maqaayadaas ay shaah ka cabeen guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan.

“Waxaa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan xalay shaaha ka cabnay, anniga iyo iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xarigga muwaadinka meheraddiisa aanu shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada Somaliland ayey ku heshiin waayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka in la asteeyo nidaamka loo marayo maadaama mudo xileedka madaxweynaha uu ku eg yahay bisha 11-aad ee sanadkaan, halka ay aheyd in lasoo hormariyo doorashada xisbiyada oo aheyd in la qabto bisha 9-aad oo tobankii sanaba mar la qabto.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhegan in marka hore la qabto doorashada xisbiyada bisha sagaalaad, halka xisbiyada ay kasoo horjeesteen kuna baaqeen in doorashada guud ee Somaliland.

Khilaafka iyo dabeysha isbadal doonka Somaliland ka curatay ayaa u muuqata ineysan waxba ka duwaneyn tii Somalia ka taagneyd ee Madaxweyne Farmaajo ku doonayay mudo kororsi labo sano ah, taasoo sababtay gacan ka hadal dhex maray kooxii mucaaradka iyo dowladdii Farmaajo.

Dhinaca kale, Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya) oo lagu yaqaan arrimaha fanka iyo soo gudbinta raadka taariikheed ee suugaanta Soomaalida ayaa maanta lagu xeray magaalada Hargeysa, kadib markii laga qabtay garoonka diyaaradaha Cigaal, xili uu ka laabtay Muqdisho.

Lama oga sababta loo xiray Cumar Seerbiya, maadaama uu arrimaha fanka iyo suugaanta ka hadlo, hase ahaatee waxaa bogga Facebookiisa dhawaan uu soo dhigay sawir wadajir ah isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo uu u hambalyeynayo, uguna duceeyay in xilka alle la garab galo.

Dhacdo naxdin leh: Haweeney lagu dilay Baydhaba kadibna Suuli lagu riday + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aamina ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday ninkii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada meydka.

Ninka dilay haweeneydaas ayaa la sheegay inay ku laheed deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheed.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhaba, waxaana socda baaritaano ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud.

Iidle Yare oo shaaciyey sababta ku kaliftay qoraalkii murugada xambaarsanaa

Nairobi (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ahayd, waxaa baraha bulshada oo ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhigay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare ayaa farriinta ku sheegay in “Alle uu uga tegay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu diyaariyey geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Shalay ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo maanta ka soo muuqday muuqaal ay ka duubeen dad ku booqday guri uu ku sugnaa.

“Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fannaanka xanuunsan.

“Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa bedalkeedana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xanuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko oo kamid ahaa dadka booqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.

Sawirro: Aadan Madoobe oo ku dhowaaqay war culus oo la xiriira baarlamankii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Guddoomiyaha ayaa  guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta Golaha Shacabka, isaga oo horay u ballan qaaday in dib u dhis balaaran uu ku  sameyn doono mustaqbalka dhow. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi, taas oo wax badan u tari doona bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan ayaa xirneed labadii sano ee u dambeesay, ayada oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah uu ugu shaqeeyo xarunta Villa Hargeysa oo ku taal Madaxtooyada Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta oo markii 3-aad 20 maalin gudahood la kulmay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Xafiiskiisa ee Villa Somalia waxaa uu ku qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed Ahmed Othman Al-Hammad.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo sidii dowladda Imaaraadka u billaabi laheyd taageerada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka siweyn diirada loogu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo horumarinta wxyaabaha ay wadaagaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhankiisa dowladda imaaraadka Carabta uga mahad celiyay taageerada ay siiso, isaga oo sheegay in looga baahan yahay wadasahqeyn xoogan oo dhinac walbo leh.

Kulankaan ayaa ahaa kii seddexaad ee muddo ka yar seddex todobaad uu safiirka Imaaraadka la yeesho madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May 2022.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shantii sano ee la soo dhaafay aan wax xiriir ah la laheyn dowladda Soomaaliya kadib markii uu khilaaf dhex-maray dowladdii hore ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse xiriirkii xumaaday uu soo celiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sucuudiga oo shaaciyey in dumarka ay Xajka imaan karaan maxram la’aan

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan muran badan dhaliyey oo ku saabsan haaweenka iyo Xajka iyo cumrada.

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in hadda wixii ka dambeeyo ay dumarka isku diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah (maxram),

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso haddii ay yihiin koox dumar ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah.

Boqortooyada ayaa sanadkii 2019 haweenka u ogolaatay inay dibadda u dhoofi karaan dibadda iyaga oo aan ogolaansho ka helin mas’uul lab ah. Sidoo kale, boqortooyada ayaa hawenka u fasaxay inay gawaarida ka xeeyaan.

Go’aanada isdaba joogga ah ee kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa kusoo aadayo kadib markii wax laga badalay sharicigii ay ku shaqeyn jirtay boqortooyada.

Wax badalka lagu sameeyey sharciyada boqortooyada ayaa waxay qeyb ka yihiin isbadalka uu Dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salman sheegay inuu ka dhaqan geli doono dalkaas illaa sanadka 2030.

Loolanka dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee Somalia oo xoogeystay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka wadaan safiirada qaar ka mid dalalka Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya, gaar ahaan Qatar iyo Isu Tega Imaaraadka Carabta.

Labada Safiir oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa bilaabay abaabul xoogan, kadib doorashadii 15-kii May, si mid kasto uu dalkiisa ugu xoog bato dowladda cusub.

Kulamada ay wadaan labada nin ee ka socda Dooxa iyo Abu Dhabi ayaa u muuqdo kuwa is daba socda, sida ka muuqata shirarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusmaan, waxayna ka wada-hadleen adkeynta xiriirka labada dal, sidii ay dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya.

Maalin, kadib oo maanta ah isla Cabdi Xaashi ayaa waxaa u tegay oo kulan ay wada yeesheen safiirka Qatar, Danjire Xasan Bin Xamze Haashim, waxayna ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Qatar ay kaalin ku yeelata gurmadka abaaraha dalka.

Shantii sano ee la soo dhaafay Qatar ayaa xiriir xoogan la laheyd dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Imaaraadka uu booskaas kala wareegi doono, marka la eego dhaq dhaqaaqyadiisa ee uu haatan ka wada gudaha dalka.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya, xilli uu dalka ka dhacay isbedel weyn oo siyaasadeed, kadib doorashadii Madaxweynaha ee magaalada Muqdisho ka dhacday 15-kii bishii hore May, 2022-ka, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida Farmaajo u arko guriga la sheegay in loo dhisayo oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday sida uu Farmaajo u arko lacagta la sheegay inay shacabka u ururinayaan ee guriga loogu dhisayo.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in fikraddan oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, si loogu mahad celiyo islamarkaasna lagu abaal mariyo ammaanadii qaran ee uu u xifdiyay bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas raaciyay in madaxweynuhu markii uu maqlay fikraddaan oo ay soo gaarsiiyeen shacabkii fikradaan lahaa inuu aqbalay uuna u arkay in fursadaani ay tahay mid fiican, maadaama aysan horay ugu dhicin Afrika in madaxweyne xill qabtay dad shacab guri u dhisaan.

Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in madaxweyne Farmaajo uu diiday in lagu takrifalo hantida qaran, islamarkaana la dagaalamay masuq maasuqa iyo wax walbo oo ku gadaaman, sidaasi awgeedna markaan madaxweynuhu ay abaal mariyaan.

Gurigaan ayuu sheegay inuu yahay guri aan caadi aheyn oo maadaama buuga diiwaan gelinta layaabka dunida ay geli doonto. Wuxuu sheegay in dadka fariimaha iyo lacagaha soo diraayo ay ugu badan yihiin ciidamada oo leh “Madaxweyne Mahadsanid, intii xilka haysay hal bil ma weyn mushaarkeena”.

Aqoonyahano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qorshaha lagu ururinayo lacagtan uu yahay mid lagu been xalaaleynayo (Money Laundering) malaayin dollar oo Farmaajo uu ka qaatay hantidii dowladda.

Dalalka caalamka ayaa waxaa inta badan u degsan sharciyo xaddida lacagta cash-ka ah ee qofka hal mar banki geyn karo, waxaana inta badan lagu xaddidaa ugu badnaan 10 kun oo dollar. 

Soomaaliya ma lahan sharci noocaas ah, balse maqaamka iyo magaca Farmaajo ayaa soo jiidan kara dareenkooda islamarkaana abuuri kara shaki badan haddii lacag tiro badan mar lagu shubo, ayada oo sidoo kale ay fududahay in xogtaas la helo.  

Inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto Farmaajo, haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay, ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada.

Farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada, ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar, inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey. 

Waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar. Taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta Farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado, gurina ku ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto. 

Jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo guriga. Guri laga dhiso aagga cagaaran ee Muqdisho oo ah aagga garoonka waxaa ku baxaya malaayiin dollar, mana ahan wax qarsoomi kara.

Ahlu-Sunna oo shaacisay arrin ay ka doonayaan madaxweyne Xasan Sheekh

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ka filayaan in uu dhexdhexaadiyo iyaga iyo maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay isu uruursaneysay deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, ka dib dagaalkii bishii October ka dhacay Magaalada Guriceel.

Ilo ku dhow dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegaya in Villa Somalia ay ka doonayaan inay ka soo qaybgeliso dadaalada nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, si xal looga gaaro xurgufta kala dhaxeysa Madaxtooyada Galmudug.

Ilo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna ay ku andacoonayaan in sifo aan sax ahayn loogala wareegay magaalooyinkii ay dhowr iyo tobanka sano ka arriminayeen.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunna Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanay iyagu cidina weerar ku ahayn, balse ay diidan yihiin shirqooladii ay u maleygtay sida uu yiri dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu Madaxweynaha 8aad ahaa waxa ay dowladdiisu xiriir wanaagsan la laheyd Hoggaankii Ahlu Sunna, inkastoo mararka qaarkood ay is qaban jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii Khamiista ka hadlayay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa madaxda iyo bulshada reer Galmudug kula dardaarmay in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is qabsadaan, si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Si kastaba ha-ahaatee baaqa Ahlu Sunna ee xilligan ayaa ah in lala heshiisiiyo Hoggaanka Galmudug, hal meelna lagaga soo jeesto dagaalka lagula jiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo Muqdisho ku dagaalamay + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare sababay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Somalia iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay rag hubeysan weerar gaadma ah ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada xaafadda Jamuuhuriyo ee Kaaraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday hal qof, iyada oo uu dhaawac soo gaaray askari ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Qofkla dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Cabdullaahi Sabriye, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka, sida uu xaqiijiyey goobjooge.

Sidoo kale waxaa goobta goor dambe gaaray ciidamo kale oo dheeraad ah oo hwolgal kooban ka sameeyey goobta, inkastoo ay baxsadeen dableydii soo qaaday weerarka.

“Ciidamo ka tirsan booliiska dowladda oo ku sugan bar lagu hubiyo gaadiidka waxaa soo weeraray koox hubeysan, xiligii israsaaseyntu dhaceysay waxaa goobta marayaya dad shacab ah oo uu kamid yahay AHUN Sakariye Cabdullaahi Sabriye” ayuu yiri goobjooge.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada, kadib xigay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Garyaqaan shaaciyey sirta ka dambeysa lacagta loo ururinayo Farmaajo + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaan Mukhtar Nuur oo ka hadlay lacagta qaaraanka ah ee Farmaajo dalbaday in guri loo dhiso ayaa sheegay in sirta ka dambeysa ay tahay in lagu qariyo hantidii uu horay u dhacay Farmaajo.

Garyaqaan Mukhtar ayaa soo jeediyey in Farmaajo dabagal lagu sameeyo, laguna maxkamadeeyo dhibaatooyinka uu dalka ka geystay shantii sano ee la soo dhaafay iyo jaho wareerinta uu dadka ku sameeyo.

“Ninkaan kama fiicna madaxdii ka horeysay, mid guri loo dhisayna kuma jirin, dadka ayuu jaho wareerinayaa, waa sheekadii uu hadda ka hor suuqa soo geliyey ee aheyd baasaboorkii Mareykanka ayuu iska celshay, isagoo ka hadlaa weligiin ma aragteen? CBB ayuu u soo dhiibay, waa been wax uu celiyey malahan,” ayuu yiri Garyaqaan Mukhtar.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qorshaha uu hadda Farmaajo suuqa soo geliyey ee CBB ay wado waxaa lagu xalaaleysanayaa lacagtii uu dhacay, hadii musuq jiro nin Farmaajo ka badiya ma jiro, waa tuug inta aan tuug la dhihin dadka tuug dhaha, taasna waa la iskaga daba imaadoonaa insha allah.”

Farmaajo oo sheegay jiray wadani dadkiisa jecel, ayaa hadda kooxaha taageera ka dalbaday inay u dhisaan guri Qasri ah, xilli abaar daran ay dalka ka jirto oo dadku ay gobollada gaajo ugu dhimanayaan.

Ma heyso baahi uu Farmaajo ku codsado qaaraan, wuxuuna mushaar ahaan u qaadanayaa 33 kun oo dollar bil kasta, intii uu madaxweynaha ahaa wuxuu mushaar ahaan u qaada jiray 60 kun oo dollar.

Hoos ka daawo Garyaqaan Mukhtar

Muxuu Cali Cosoble ka yiri arrinta Xasan Sheekh iyo dowlad goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Somaali Cable ayaa ka hadlay isbedalka siyaasadeed ee dalka iyo dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Cali Cosoble oo garab istaag u muujiyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  sheegay inuu ka kalsoon yahay qibraddiisa shaqo.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa wareysigan diirrada ku saaray dowladda cusub iyo maamul goboleedyada, isaga oo shaaciyey in Xasan Sheekh uu yahay ninkii dhisay federaalka, ayna  ku baraari doonaan dowlad goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waxaan aaminsanahay dowlad goboleedyada waa uu dhisi doonaa waa uu xoojin doonaa waa ay ku baraari doonaan, sida ay raalli uga ahaayeen ayaana ka garan kartaa” ayuu yiri Cali Cabdullahi Cosoble.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Madaxweynaha cusub uu ka filayo inuu garab istaago madaxda maamul goboleedyada, isla-markaana uu la imaan doono xasilooni.

“Qof la aaminsanyahay waayey Xasan Sheekh inuu dowlad goboleedyada garab istaagi doono,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan uu booqasho ku bilaabay maamullada dalka, isaga oo ku hormariyey dowlad goboleedyadii taabacsanaa Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo, sida Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

260 qof oo haraad iyo gaajo ugu geeriyootay GEDO

0

Gabahaarey (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee ka jirta dalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan kasii dareyso, waxaana deegaanada qaar laga soo warinayaa dhimashada dad da’ ah iyo caruur fara badan, kuwaas oo u geeriyooday haraad iyo gaajo.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ku dhufatay abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya, taas oo dhalisay xaalado dhanka nolosha ah.

Axmed Cumar Saalixi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Gedo ayaa booqday xero barakac oo ku taalla duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo lagu magacaabo Iftin, waxaana ku sugan illaa 4000 qof oo kasoo hayaamay guryahoodii.

Wariyaha ayaa soo tebiyey xaalado xanuun badan oo ka jira xeradaasi, wuxuuna sheegay in tirakoob la sameeyey lagu ogaaday in illaa 260 qof oo isugu jira caruur iyo dad da’ ah ay ku dhinteen kaliya xeradaasi, 6 bilood ee lasoo dhaafay, markii ay waayeen cuno iyo biyo.

“Horjoogayaasha iyo dadkii aan la kulanay waxay caddeeyeen lix bilood gudahood in 260 caruur ah iyo 22 qof oo dad waa weyn ah inay geeriyoodeen,” ayuu yiri Wariye Saalixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Waxaa xusid mudan todobaadkii ugu dambeeyey oo kaliya 6 ruux inay ku dhinteen xeradadaasi 4 caruur ah iyo 2 qof oo da’ ah”.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qoysaska haatan ku nool halkaasi in aysan helin gurmad ku filan, wuxuuna tilmaamay in laga cabsi qabo in dhimashadu ay sii kororto.

“Bilihii u dambeeyey raashinka ay qaadanayeen dadkaasi ma’an raashin joogta ah, biyahana waa ciriiri mar-mar ayaa booyado loo geeyaa,” ayuu markale yiri.

Dhacdooyinkan murugada leh ee lasoo warinayo deegaanada qaar ee ay saameeyeen abaaraha ayaa uga sii daraya walaaca dadka Soomaaliyeed ee ku aadan abaaraha dalka.

Sawirro: GALMUDUG oo shacab hubeysay + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu wajahayo dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, si looga adkaado kooxdaasi.

Saraakiisha Galmudug ayaa bilaabay inay hubeeyaan, isla-markaana ay tababaraan dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada maamulkaasi, si ay qayb uga noqdaan dagaalka.

Galmudug oo qorshahaas ka duuleysa ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo ay sheegtay in loo abaabulay hab deegaan, kuwaas oo tababar loo soo xiray.

Ciidamada la tababaray oo hubkooda wata ayaa ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowlad goboleedka Galmudug.

Tababarka la siiyey dhalinyaradaasi degaanka ah waxaa iska kaashaday saraakiisha Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, iyada oo la baray xirfado ku saabsan ciidanka.

Geedi Qalabxoor oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayey ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Dhowr jeer dagaallo u dhexeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxay ka dhaceen qaybo ka mid ah Galmudug, waxaana shacabka ay taageero ka heleen ciidamada huwanta.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayey Galmudug oo culeys kala kulmeysa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo dhinac kale ah.

Xiisadda SOMALILAND ka taagan oo kasii dartay

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa kasii daraya xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Biixi, kuwaas oo isku haya qabsoomida doorashooyinka guud ee Somaliland.

Musharaxa xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo xalay taageerayaashiisa kula dabaal-degay Maqaayadda SIMA ayaa markale ku celiyey inuu dhacayo dibad-baxa ay abaabulayaan xubnaha mucaaradka, isaga oo wacad ku maray inuu hoggaamin doono.

“Isu soo baxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido” ayuu yiri musharaxa C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu farrin u diray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ugu baaqay inuu qabto doorashada, isla-markaana uu qayb ka noqdo tartan adag ee la geli doono.

“Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Cirro ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is casilaadda xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland, wuxuuna sheegay in xukuumadda ay fara-gelisay, sida uu hadalka u dhigay.

“Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doorasho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way isku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doono oo waqtiga iyo goobaha waan idinku wargelin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri musharrax Cirro.

Dhinaca ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xireen Milkiilaha Maqaaxida SIMA oo ah halka uu taageerayaashiisa kula hadlay Cabdiraxmaan Cirro, waxaana wararar ay sheegayaan in ciidamadu ay goobta ay tageen markii ay ka dhaqaaqeen xubnaha xisbiga mucaaradka Wadani, kadibna ay xasbiga dhigeen Axmed Sayid oo ah Milkiilaha.

Xaaladda Somaliland ayaa u muuqata inay haatan kasii dareyso, wuxuuna muranka ka dhashay hannaanka doorashada, iyada oo mucaaradka ay ka digayaan muddo kororsi.

Ayatollah Ali Khamenei oo shaaciyey inuu jiro qorshe lagu afgambinayo dowladda Iran

0

Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Sabtida maanta ah ku eedeeyay dibad baxyadii dhawaan ka dhacay Iran in ay ka danbeeyeen “cadow” shisheeye oo doonaya in ay afgambiyaan dowladda ka talisa Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in waxa uu ugu yeeray cadawgu ay Iran ku wadaan “dagaal nafsi ah” oo ay ku eedeynayaan fal burcad-badeednimo ah in ay ku qabsatay laba markab oo laga leeyahay dalka Greece, ka dib markii Maraykanku uu la wareegay saliid ay Iran leedahay.

“Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabo in ay dalka dharbaaxo ay ku dhuftaan waxa ay ku salaysan tahay bannaanbaxyada dadweynaha,” ayuu yidhi Khamenei, isaga oo ula jeeda mudaaharaadyo muddo toddobaad ah socday oo ay dadku kaga soo horjeedeen dhisme bishii hore ku burburay koonfur-galbeed Iran oo ay ku dhinteen 37 qof.

“Laakiin cadawga waa ay ka qaldantay sida uu wax u qorsheeyay sidii kuwii horeba” ayuu ku yiri khudbad TV-ga laga baahiyay oo uu ka jeediyay sanadguuradii 33-aad ee geeridii hoggaamiyihii kacaanka Islaamiga ah ee 1979-kii la wareegay talada Iran, Ayatollah Ruhollah Khomeini.

Mareykanka oo cunnaqabateyno adag saaray Iran ayaa bishii April la wareegay shixnad shidaal ah oo ay lahayd Iran taasi oo saarnayd markabka Pegas oo sittay calanka Iran, ayna qabteen ciidanka badda ee Greece. Iyadoo tallaabadaasi ka aargudaneysa ayay Tehran laba markab oo laga leeyahay Greece waxa ay la wareegtay 27-kii May.

Laakiin, Khamenei ayaa sheegay in warbaahinta caalamku ay Iran ku eedaysay burcad-badeednimo. “Waa ayo burcad-badeeddu halkan? Shidaal ayaad naga xadday. Waan kaa soo ceshannay. Wax lagaa xaday oo aad la soo noqoto ma ahan burcadnimo” ayuu yiri.

REUTERS + VOA

Musharaxii madaxweyne Museveni la tartamay oo ku sugan Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ku sugan hoggaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine, halkaasi oo uu ugu qeybgalayo shirweyne caalami ah oo lagaga doodaayo Nabadda iyo dawlad-dhiska.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Machadka “The Brenthrust Foundation ee dalka Koonfur Afrika ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro Siyaasi ah, ayaa wuxuu kusoo caan baxay Fannaannimo, markii danbena wuxuu xuubsiibtay siyaasi, isagoo noqday Xildhibaan hore iyo Musharrax Madaxweyne oo qalqiil geliyay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, dhowr marna xabsiga la dhigay.
Shirkan oo diirada lagu saarayo nabada iyo dowlad dhiska Afrika, ayaa lagu marti qaaday dad iskugu jira cilmi baarayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimid ilaa 17 waddan. Shirkan ayaa sannadkasta lagu casuumaa waddamada Afrika ee muhiimka u ah nabada iyo degenaanshaha.
Dr. Greg Mills ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka sheegayna inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, sida madaxtooyada Somaliland sheegtay.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu shirka daahfuray, ayaa ka hadlay taariikhda dheer ee ay Somaliland soo martay, dagaaladii, nabadayntii iyo dib u dhiskii maamulkaasi, madaxweynaha ayaa sheegay in nabada Somaliland ay ku guulaysatay kadib markii khilaafaadka lagu xaliyay heer bulsho.

Daawo: Darbaweyne oo digniin u diray Xasan Sheekh, weerarna ku qaaday Odawaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa aad u dhaliilay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, isagoo digniin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn Muxudiin Darbaweyne ayaa Jeneraal Odawaa ku tilmaamay shakhsi aan arkin awoodiisa, kuna guul dareystay inuu ka dhiidhiyo sidii xumeed ee nidaamkii Farmaajo uu dadkiisa ula dhaqmay.

“Wuxuu ahaa maqaarsaar, yacni waa qof bug ah, wuxuu ogyahay sida meesha lagu geeyey, wax tayo ah laguma xulan, dadkii Farmaajo la shaqeynaayey waxay ahaayeen kuwo uu markii hore aad isaga tijaabiyey, hadii dad karti iyo tayo leh uu rabo muxuu aniga ii soo xula waayey Farmaajo?” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Jeneraal Odawaa Shantii sano ee la soo dhaafay kama hadlin dhibootoyiinkii loo geystay shacabka Gobolka Banaadir.”

Dhinaca kale Muxudiin Darbaweyne oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay dad uu sheegay inay Farmaajo jaajuus u ahaa jireen oo hadda isaga xilal u soo duuntay.

“Madaxweyne Xasan Shiiqow nimanaa gacmaha dhiiqo kuu geli raba, nimankii aan shan sano ka dhuuma jirnay oo aan ka shiri weynay oo Farmaajo noo soo diri jiray, iyagoo qalimaanta wax duubta wata oo NISA nagu soo jaajuusi jiray ayaan hadda arkaa iyagoo kugu meereysanaaya oo xilal kaa raba,” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Sidoo kale Muxudiin Darbaweyne ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in aad uu isaga fiiriyo Ra’iisul wasaaraha uu keensanaayo, “Waxaan Madaxweynaha kala talinayaa xulashadiisa R/Wasaaraha, yuusan kugu noqon ragii hore oo seddax sano ay kugu qaadatay inaad bedesho, kadibna adigoo qabyo leh ayaad xafiiska ka baxday, hasoo xulan nin dambe oo dadkiisu aysan cesha karin markii aad is qabataan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Muxudiin Darbaweyne.

Hoos ka daawo 

Daawo: Taliyihii 27-aad oo ka hadlay dagaalkii beesha Xawaadle iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caaimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Tareedishe oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyey dagaalka ay macawiisleyda gobolka Hiiraan kala hor tageen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa si gaar ah uga hadlay dagaal 2-dii bishaan lagu dilay ku dhawaad 20 Shabaab ah oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Booco oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ay qaadeen Macawiisley ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa loogu aar-guday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Dheere oo 27-kii May lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne, xilli habeen ah.

Nin ka mid ah ragga weeraray Al-Shabaab ee beesha Xawaadle oo laba maalmood ka hor la wareystay ayaa sheegay inay weerarka ka hor la xariireen kooxda, iyagoo weydiiyey sababta loo dilay Nabadoonka, balse wuxuu sheegay in si kibir ku jiro ay ugu jawaabeen, iyagoo uga been abuurtay inuu ku jiray ergadii xildhibaanada soo dooratay.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Jeneraal Taraadishe oo si weyn u bogaadiyey dagaalkaas ayaa ugu baaqay qabaa’ilka gobollada dalka inay is abaabulaan oo iska dul qaadaan Al-Shabaab.

Wuxuu dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay gacan siiso kooxaha Macawiisleyda ah ee is abaabula, si deegaanadooda ay uga ciribtiraan Al-Shabaab.

Sidoo kale Janankaan oo mudo soo hoggaaminayey qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey dagaalo ay la galeen Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya macawiisley, isagoo ku amaanay qibradda ay u leeyihiin macawiisleydu dagaallada ay la galaan Al-Shabaab.

Hoos ka daawo