25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Kooxda Farmaajo oo billaabay qorshe yaab leh oo la xiriira dhismaha guri cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Koxda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa billaabay olole yaab leh oo ay dadka uga dhaadhicinayaan in qaaraan dadweyne loo ururinayo Farmaajo.

Qaaraankaan loo uruurinayo Farmaajo, oo ay sheegeen in guri loogu dhisayo, iyagoo ku andacoonaya in wax hanti ah uusan leexsan intii uu joogay xukunka, taas oo dad badan ay shaki gelinayaan.

Ololahaan oo ay wadaan kooxaha CBB ee Farmaajo ka taageera baraha bulshada waxaa hor boodaya Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal uu baahiyey wuxuu ku sheegay in qorshaha ay shacabku guriga ugu dhisayaan Madaxweyne Farmaajo uu socodo, isla markaana ay wadaan fikrad uruurin ku saabsan hanaankii lacagaha shacabku ku deeqayaan loo soo xareynayo, sida Akoonada Bangiyada iyo telefanadii la isticmaali lahaa iyo shirkadda qandaraaska dhismaha gurigaas qaadaneysa.

Inta badan dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ayaa baraha bulshada ka billaabay falcelin ka dhan ah arrintaan oo ay ku sheegeen marin habaabin indhaha dadka looga leexinayo tuhunnada la xariira in Farmaajo lunsaday hanti badan.

Dadka arrintan naqdinaya ayaa rumeysan inay tahay qorshe gogol xaar looga dhigayo isticmaalka kharashkii u aruuray Farmaajo intii uu xukunka joogay, waxaana la sheegay in ugu horeyn uu guri ka dhisanayo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa hadda Muqdisho ka degan guri bishii lagu kireeyey 25 kun oo dollar, taasi oo dhalineysa su’aasha ah cidda bixineysa lacagtaas.

Farmaajo ayaa markii uu qabtay xukunka wuxuu mushaarka Madaxweynuhu oo ahaa 8 kun oo dollar bishii ka dhigtay 60 kun, taas oo aad loola yaabay, kana turjumeyn marxalada dhaqaale ee Soomaaliya ka jirta.

Ilaha ugu badan ee Farmaajo uu kharashka aan xisaabta laheyn ka soo geli jiray waxaa ka mid ah gobolka Banaadir oo xubnihii uu u magacaawday ay taabiciyiin u ahaayeen.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in 5-tii sano ee Farmaajo uu xukunka joogay afar kamid ah aysan dowladdu sameyn wax xisaab xir ah, isagoo joojiyey isla xisaabtankii maaliyadeed ee dowladda, kadib markii sanadkii koowaad ay ku soo baxday in lacag $40 milyan ah la lunsaday.

Xog: Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabaya madaxweyne Shariif Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) –Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. 

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

Arrimaha ugu weyn ee loo magacaabayo Shariifka ayaa qeyb ka ah inuu dowladda federaalka wakiil ugu noqdo wada hadallada Somaliland oo dowladda cusub madaxweynaheeda u qorsheysan in lasoo celiyo.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah hagaajinta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo shantii sano lasoo dhaafay aad u xumaa, ayada oo Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirkooda hagaajiyo lana yeesho macaamil wanaagsan.

Xasan Sheekh oo markii uu Isniintii xafiiska la wareegay billaabay magacaabis iyo inuu beddalo agaasinkii Villa Somalia ayaa wuxuu horey ugu magacaabay Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu soo dhoweysanaayo siyaasiyiinta ololaha doorashada kula jiray ee sida weyn u mucaaradsanaa maamulkii madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, wuxuu u muuqdaa inuu isbadal ku sameyn doono siyaasidihii horay uu ugu soo maamulay dalka 2012-2017.

Xasan Sheekh ayaa hal ku dhiggiisa ololaha doorashada ka dhigtay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” waxaana hadda muuqata inuu taas ka dhabeynayo. 

Shiinaha oo ballan-qaad cusub u sameeyay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo sheegtay inay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalkeena.

Ballan-qaadka ayaa waxa uu Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ka sheegay kulan ay maanta wada yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Intii uu socday kulanka ayaa waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Danjire Fei Shengchao ka guddoomay dhambaal salaan ah oo ugu siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee dalkaas China, Li zhanshu.

Sidoo kale Danjiraha ayaa waxa uu ballan-qaaday in dowladiisa ay Baarlamaanka kala shaqeyn doonto horumarinta adeegyadda muhiimka ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka BFS.

Ugu dambeyntiina Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey doorka horumarineed ee dowladda Shiinaha ay ka wado dalkeena uu yahay mid lama ilaawaan ah, asaga oo ku dhiira-geliyeyna in dadaalkaasi uu noqdo mid mira-dhal ah oo mataaneeya labada dowladood.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya Soomaaliya, ayada oo dhowr jeerna ay labada dhinac heshiisyo kala duwan kala saxiixdeen, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya.

SAFIIR Tarsan oo hadal yaab leh ka sheegay KENYA

0

Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo hadal ka jeediyey kulan lagu taageerayey Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Tarsan ayaa ugu horreyn hambalyo iyo duco u diray Madaxeweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Danjirada ayaa soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu xiriirkooda uu xumaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna ka dalbaday Madaxweynaha inuu hagaajiyo arrintaasi, si loo ilaaliyo darisnimada iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal.

“Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa aniga meeshaan waxaan joogay 3 sano iyo shan bilood wadanka Kenya wadan Soomaaliya uga muhiimsan ma jiro, sababtoo ah siyaasadda arrimaha dibadda waxbaa lagu qiyaasaa waxa lagu qiyaasoo dhan Kenya ayaa lambar 1 innoo noqoneyso waa maree dhaqaale xoogan ayaa naga yaallo waa mar labaad dad badanbaa naga joogaa, mar saddexaad xuduud dheer ayaan leenahay,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale wuuxuu farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu baaqay inuu safarkiisa ugu horreeyo ku tego magaalada Nairobo ee caasimada dalka Kenya.

Waxa kale oo uu usoo jeediyey in dib loo furo xadka labada dhinac iyo ganacsiga, isaga oo tilmaamay inay faa’iido badan ugu jirtay Shacabka labada wadan ee dariska ah.

“Waxaan jecelahay inuu socodka ugu horreeyo ee uu ku baxaayo uu ku yimaado magaalada Nairobi, sababta waxay tahay in la’isku furo isku socodka dadka iyo badeecada. Soomaaliya ayey maslaxo u tahay, gaar ahaan shacabka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa siyaasad ahaan isku fara saaray sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo xittaa mar la kala qaatay safaaradaha, waxaana sidoo kale xiisadda uga sii daray kiiska badda ee la geeyey Maxkamadda ICJ, kaas oo ay ku guuleysatay Somalia.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo Muqdisho ka furtay xarunta tababarka teknoolajiyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa Si rasmi ah u  daah-furtay Xarunta Tababarka Tiknoolajiyada Somtel oo ah Xarun Casri ah looguna talagalay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta  jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin -badashay intaba.

Xaruntan ayaa loo asteeyay in ardayda soomaaliyeed Tababaro bilaasha ah lagu siiyo kuwaasoo la xiriira Taqasusyada (Engineering, IT-da, BA, Marketting).

 Xaruntaan Tababar ayaa Lagu Wadaa Inay Daboosho baahida ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha dalka Kuwaasoo baahi  fara badan u qabay inay helaan  baraatiko Taqasusyada ay baranayaan

Xaruntaan ayaa  Waxa ay Sidoo kale ka jawaabi doontaa  baahida Jaamacadaha dalka oo aad u daneeynayay in ardaydooda  ay helaan  Xarumo Tababar oo Casri ah oo baraatiko la gu siiyo  waliba Si gaar ah ardayda qalin badalneeysa oo aad ugu baahan  Xarumo Tababar Casri ah oo  aad u qalabeeysan  Kuwaasoo  ardaydu ay ku qaadanayaan  ( Intern Ship Program).

Xaruntaan Dhismaheeda & Qalabeynteeda ayaa waxaa ku baxay qarash dhan 1.9 Million Dolar Si ay ugu jawaabta baahida ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Wadanka gudahiisa  Gaar ahaan  Jaamacadaha ku yalo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho & Jaamacadaha Gobolada in taba.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada daah- furay Maareeye Ku xigeenka Somtel ahna Madaxa Howl- Fulinta guud ee Shirkadda Mudane: Aden Yusuf Ibrahim oo ku dheeraaday ahmiyada xaruntaan.

“Waa Xarunta Tababar aan ugu Talagalanay ardayda Wax ka barta Jaamacadaha dalka ee barta Taqasusyada Tiknoolujida  Casriga ah La xiriira oo aan heysan Cid  Baraatiko Siineysa  Dowlad ama Shirkadaha gaarka loo leeyahay  Taqasusyada  Tiknoolujiyada la Xiriira waxa ay u baahanyihiin Sare u qaadis in loo sameeyo aqoontooda Waxaan Isku Xilqaamay Shirkadda Somtel oo furtay Xarun tabar oo ardayda aan tababar ku siineyno System-yadeena oo shaqeeynaya ay ku tababaranayaan Waxaan aas’aasnay College-kaan oo ay ku baxday qarash dhan (1.9 Million) Taqasusyada gaaraya ilaa 10 Taqasus oo dhamaantood daboolaya baahida ardayda Kuliyadaha Engineering & IT-da  Taqasusyadooda kala gedisan Waxaan balan qaadeeynaa in si blaash ah aan Tbabaro ugu fidino ardayda Soomaaliyeed Sidoo  kale Dhamaan Jaamacadaha dalka Fursado isku mid ah ayan Siineeynaa  Waxaan rajeeyneeynaa ardayda aan halkaan Tababarada Ku Siino  inay wax badan Ku kordhiyaan ( Telecommunication Sector) -ka dalka Somtel WAA Shirkadii ugu horeeysay ee arday Soomaaliyeeda Siisa  Intership bilaash ah tan & SANADKII 2015 waxaan Tababar u Fidinay boqolaal arday Waxaa Intaas dheer Somtel Waa Shirkadii  ganacsi ee ugu horeysay ee Xarun Tababar Lacag la’aan ah ka hergelisay dalka”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada Ka hadlay Maareeye ku Xigeenka Dahabshil  Group Mudane Omar Hassan  Mohamed oo tibaaxay.

“Shirakadda Dahabshil  ay Meel hoose ka Soo bilowday adeegsiga Tiknoolujiyada Casriga ah iyadoo xawaalada la diraya ay qaadan jirtay waqti dheer laakiin Manta  ilbiriqsiyo kooban Dahabshil Group Waxa ay ka koobantahay 10 Qeyb Waxaan balan-qaadeeynaa inan dalka ka hergelino Xarumo la mid ah midka Somtel ay Maanta Daah-Furtay waxaan U Mahad-Celinayaa Marti Sharafta nagala Soo qeyb-gashay Munaasabada Sidoo Maareeye Ku Xigeenka somtel oo manta Howshan Horkacayay”

Waxaa Sidoo akale Munaasabada ka hadlay  Mas’uuliyiinta jaamacadaha dalka oo aan ka Xusi karno Dr Maxamed  Yusuf Cumar oo Ku dheeraaday ahmiyada Xaruntaan Tababar ay Somtel Furtay.

“Waxaa hubaal in Somtel  manta U hiilisay ardayda Soomaaliyeed Hadiia an anahay Bahda jaamacadaha Soomaaliyeed Waxa ay ardeydeena horay  U siin jirtay (Internship Program) Todobadii Sano ee La Soo dhaafay Maanta Waxa ay inoo Hergelisay Xarun Tababar oo aad u qalabeysan Taasoo Wax badan KA tari doonto In ardaydeena Baraatiko Ku Filan ay helaan Maadaama  Jaamacada Qaab ( Theory) ah Ay ardayda  Casharada U qaadan jireen  WAA ilaah Mahadii baahideenii Somtel ayaa Maanta dabooshay.”

Ugu Dambetyntii Waxaa Munaasabada Maanta  soo  Xiray Agaasimaha Hidaha  & Tacliinta sare  ee Wasaarada waxbarashada  XFS Mudane: Ismaaciil Yusuf Cisman oo aad u bogaadiayay Somtel Waxa uu ka dhawaajiyay in dalku aad ugu baahi  qabay Xaruntaan Tababar Wax badan ay ka tari doonto baahida ardayda Soomaaliyeed Ka-wasaarad ahaan Waxaan wadnaa Dhiiragelinta Tiknoolujiyada Casriga ah oo dalkeenu aad ugu horeeyo Marka wadamo farabadan oo afrikaan &  Dowlado Carbee doo aan ka horeyno ayaa jiro  Dhinaca Internetka Waxaan ku Soo kordhinay Manhajka Waxbarashada dalka Maado Tiknoolujiyada aan ugu talagalnay  ardayda Dugsiyada Sare   Marka ay Soo qalin badashaan Waxa ay u baahanyihiin ardaydaas Waxa ay u baahanyihiin Batraatiko waxa aan rajeeynayaa in Somtel Naga Caawiso Maadaama aad ka War-qabtaan in Dowladeenu ay Daciif tahay Wali Soo kabasho aan ku jirno  Ugu dambeyntii Waxaan  ku talinayaa in LeeYS kaashado Shirkadaha gaarka Loo leeyahay & Dowlada Si Dalkeenu HOR mar UGU talaabsado”

Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin badashay intaba.

Senator JAWAAHIR oo ku geeriyootay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyootay Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid aheyd Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Senatorada ayaa muddooyinkii dambe ku xanuusneyd magaalada Muqdisho, ayada oo ugu dambeyntii uu Ilaahay ku oofsaday Isbitaal ay ugu jirtay xaalada caafimaad.

Allaha u naxariiste waxay kasoo mid noqotay Golihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna aheyd Senator fir-fircoon oo laga soo doorto maamulka Galmudug.

Jawaahir ayaa waxa si weyn loogu xasuusta doorkii ay ka qaadatay dib-u-dhiska maamulka Galmudug iyo dadaaladii nabadeed ee lagu joojinayay colaado ka socday maamulkaas, ka hor inta uusan utartanka kursigeeda ka reebin madaxweyne Qoor-Qoor.

Geerida Senatorada Jawaahir ayaa waxa durtaba ka tacsiyeeyay siyaasiyiin dhowr ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Axmed Macalin Fiqi.

“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan reer Axmed Cilmi geerida xanuunka badan ee ku timid walaasheen Senator Jawaahir Axmed Cilmi. Waxaan Allaah uga baryayaa inuu naxariistiisi Janno ka waraabiyo. Ehalkana Sabar iyo imaan ka siiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Sidoo kale Fiqi ayaa yiri: “Allaha u raxmado walaashey Senator Jawaahir Axmed Cilmi, ehelada iyo qaraabadana sabir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo.”

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka Rooble iyo ergeyga gaarka ee Midowga Yurub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber

Kulanka ayaa waxa looga hadlay xaalada abaaraha dalka oo si weyn looga deyrinayo iyo taageerada amniga Soomaaliya ee uu siiyo Midowga Yurub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Marwo Annette Weber ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadisay dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka, oo si rasmi ah usoo afmeeray 15-kii bishaan May.

Kulankaan ayaa imanaya kadib markii Guddiga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya uu shaaciyay in abaarta ka jirta dalka ay saameyn daran ku yeelatay illaa 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee ku yaalla dalka.

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunno yarida lagu qiyaasay in ay gaartay 6.9 Milyan, kuwaas oo haatan u baahan gurmad bani’aadanimo.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu muujiyey in laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto qiyaasta illaa 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka soo gudubtay marxaladdii doorashada ayaa haatan wajaheyso xaalad bani’aadantimo oo adag, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballan-qaaday inuu wax badan ka qaban doono gurmadka abaaraha, isaga oo dhawaana magacaabay ergey loo xil-saaray abaaraha.

Maxkamad waaran soo qabasho ah u jartay saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxakamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo 26 qof oo isugu jira saraakiil, askari horay uga tirsaneed ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad aan ka tirsaneyn dowladda.

Raggaan waaranka soo qabashada ah loo jaray ayaa loo heystaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ay kooxda Ahlu-Sunna todobaadyo ka hor ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Intooda badan askarta iyo saraakiisha liiskaan ku jirta waxay ka tirsan yihiin hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA iyo booliska, sidoo kale tiro maleeshiyaad kale ah ayaa lagu xusay liiska ragaan la doon-doonayo.

Qoraal ay maxkamaddu soo saartay oo lagu xusay xubnahaas iyo darajadooda ayaa tixraacaya qoraal hore uga soo baxay xeer ilaalinta qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

26-ka askari ayaa ka tirsan ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo 13-kii bishaan May weerar culus ku qaaday magaalada Dhuusamareeb, waxayna hadda ku dhuumaaleysanayaan deegaano dhaca galbeedka gobolka Galgaduud.

Hoggaanka Ahlu-Sunna weli kama jawaabin waarankaan soo qabshada ah ee saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidankooda loo jaray, sidoo kale booliska Soomaaliya qeybtiisa Galmudug ayaa horay ‘Wanted’ ugu aqoonsaday 35 qof oo Sheekh Shaakir ugu horeeyo kuwaas oo ka tirsan Ahlu-Sunna.

Ciidanka Gorgor oo gubay doon ay lahaayeen Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay howlgal ballaaran ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Bariire, gaar ahaan tuulooyinka Tawakal iyo Balow.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya halkaasi.

Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheekh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ku gubeen Doon ay Al-Shabaab isaga kala gudbi jireen tuulooyinka Bariire hoostaga, sidoo kalana ay ku raran jireen lacagaha iyo wixii kale ay shacabka ka qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa Gudoomiyaha deegaanka Bariire kaas oo farriin u diray shacabka, kana codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa dhankooda xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka saari doonaan deegaanada ay heystaan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan dagaallo kala hortimaada ciidamada huwanta ee ku sugan Shabeelaha Hoose oo ka mid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxdaasi.

Booliska maamulka Jubaland oo xabsiga dhigay nin TikTok ku baahiyey war yaab leh

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xabsiga u taxaabay wiil bartiisa TikTok ku faafiyay muuqaal uu iska duubay, isla markaana uu ku shaaciyey in Kismaayo uu ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadhiisa.

Ninkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa muuqaalkii uu iska duubay wuxuu ku sheegay in ninka guursaday gabdhiisa ay u joogaan carruur ay u dhashay, intaas kadibna waxaa bilowday baaritaanka arrintaas.

Booliska Jubbaland ayaa baaray waxa ka jira arrintaas, balse waxay saraakiishu sheegeen in aysan waxaba ka jirin, waxaana wiilkii beentaas sheegay laga soo qabtay magaalada Dhoobley, iyadoo diyaarad lagu geeyey Kismaayo, halkaas oo lagu xiray.

“Arintaas markii ay ciidanka booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen run ma noqon oo waa waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee booliska Jubbaland.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkii dhallinyarada ahaa ee beenta sheegay, ayuu ku qirtay in warkii uu horay TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa sheegay inuu garowsaday in warkiisu uu bulshada ka dhex abuuray qalqal iyo walaac badan. Waxayna Booliiska Jubbada Hoose sheegeen in markii uu soo gaaray warkaas baaritaan deg deg ah bilaabeen, maadaamaa arrintaas ay aad uga hor imaaneyso dhaqanka iyo diinta Islaamka, isla markaana ay u cadaatay in warkaasi uu been yahay.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa markii uu muuqaalkaas duubayay wuxuu ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo, halkaas oo su’aalo lagu weydiiyay. Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya. https://mommabe.com

Muxuu Wasiir BAYLE kala hadlay dowladda Britain?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) ayaa kulan gaar ah la yeeshay danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

Bayle oo ka warbixiyey kulankan ayaa sheegay inuu ahaa mid muhiim ah,wuxuuna tilmaamay in diiradda lagu saaray sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda Soomaaliya.

“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip_Parham,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirki.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “ Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Somalia”

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada uu wado wasiirka maaliyadda oo kulamadiisa laba jibaaray, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Horey madaxweynaha cusub iyo wasiirka ayaa ula shiray hay’adda lacagta aduunka ee IMF, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha deyn cafinta dalka.

Soomaaliya ayaa kasoo gudubtay marxaladdii adkeyd iyo doorashooyinka, waxaana dowladda cus looga fadhiyaa inay sii amba qaado howlaha horyaallo.

CIRRO oo ku baaqay dibad-bax ka dhan ah Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Murashaxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo is maro-waaga u dhexeeyo mucaaradka & xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cirro ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbiga Wadani iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay u diyaar garoobaan dibad-bax ka dhan ah xukuumadda, si loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan deegaanada Somaliland.

Ujeedka isku soo baxooda ayuu ku tilmaamay in loogu hiilinayo sharciga, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta Somaliland.

“Waxaan taageerayaasha xisbiga Waddani iyo shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in ay muujiyaan dareenkooda si Muuse iyo xukuumaddiisa sharciga loogu soo dabbaalo” ayuu yiri Murashax Madaxweyne Cabdiarxmaan Cirro

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada Somalilad, wuxuuna ka dalbaday in aysan ka cararin ciidamada Booliska oo ay xittaa hadii ay rasaaseeyaan ay isku dhigaan.

“Dhalinyarada waxaan leeyaha, haddii ciidanku rasaas sharci darro ah idinku soo ridaan isku dhiga” ayuu sii raaciyey siyaasiga Cabdiaxmaan Ciro.

Hadalkan aya kusoo aadayo, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii foolka foolka ah ee u socday xisbiyada mucaaradka, Wadani, Ucid iyo xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo u dhexeeya Wadani, Uicid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaas oo isku haya doorashada.

Saameyn intee la’eg ayaa ka dhalatay abaarta ku dhufatay Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirta saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay dalka, taas oo loo gudbiyey ergeyga gaarka ah ee arimnaha bani’aadanimada Cabdixamaan Cabdishakuur.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in baarta ka jirta dalka ayaa saameyn daran ku yeelatay illaa 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee ku yaalla dalka.

Warbixinta guddiga ee loo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunno yarida lagu qiyaasay in ay gaartay 6.9 Milyan, kuwaas oo haatan u baahan gurmad bani’aadanimo.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu muujiyey in laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto qiyaasta illaa 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool gudaha Soomaaliya.

Gabagbadii xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay in UN-ka iyo hay’adda kale ee gargaarka ay shaaciyeen in 7.7 Milyan oo dadka ah ay sanadkan u baahan yihiin gargaar balse la caawinayo 5.5 Milyan oo ah kuwa nugul, sida lagu sheegay warbixinta.

Soomaaliya oo ka soo gudubtay marxaladdii doorashada ayaa haatan wajaheyso xaalad bani’aadantimo oo adag, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya oo markii la doortay kadib kulan la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono gurmadka abaaraha, isagoo kadib magacaabay ergey loo xilsaaray abaaraha.

Maxay ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal taleefoon la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Antony Blinken.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoghaye Blinken kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Madaxweynuhu uu dowladda Mareykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay wadahadalkaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal. Madaxweynaha ayaa Dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Mareykanku wuxuu safka hore uga jiraa dowaladaha sida weyn isu-garab taagay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana aad u wanaagsan kalsoonida uu iskaashigooda ku qabo Madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu shaaciyey safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre oo maanta u waramay Idaacadda VOA.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii uu ahaa Murashaxa oo waxaa wada-sheekeysi wanaagsan ku yeelanay Safaarada, waxa uu iga waramay aragtidiisa wadanka iyo waxa uu doonayo isaga oo metelaya shacabka Soomaaliyeed, muhiimad ayuu siinayay in wadar-ogol wax ku maamulo,” ayuu yiri Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxa uu ku jiraa marxaladii dowlad dhisida isaga oo ka fikiraya dadkii kusoo biiri lahaa si nolol fiican ugu abuuri lahaayeen dhamaan Soomaalida, waa la dhacay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh khibrad iyo aragti oo ku dhiiran in uu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo Soomaalida.”

Safiirka MAREYKANKA oo shaaciyay arrin ka go’an Xasan Sheekh (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay inay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ay ka go’an tahay in uu mustaqbal wanaagsan u horseedo Soomaaliya.

Larry Andre oo dhowr jeer la kulmay madaxweyne Xasan ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh aragti, islamarkaana yaqaan sida wax loo hogaamiyo.

“Waxaa sharaf ii aheyd in aan la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh markii uu ahaa Murashaxa oo waxaa wada-sheekeysi wanaagsan ku yeelanay Safaarada, waxa uu iga waramay aragtidiisa wadanka iyo waxa uu doonayo isaga oo metelaya shacabka Soomaaliyeed, muhiimad ayuu siinayay in wadar-ogol wax ku maamulo,” ayuu yiri Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan ay qorshaha ugu jirto in xiriir wanaagsan oo guuleysta uu la yeesho dowlad goboleedyada, si ay horumar uga sameeyan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Wax ka qabashada Abaaraha iyo socod-siinta howlihii ay ka tagtay dowladdii hore.

“Waxa uu ku jiraa marxaladii dowlad dhisida isaga oo ka fikiraya dadkii kusoo biiri lahaa si nolol fiican ugu abuuri lahaayeen dhamaan Soomaalida, waa la dhacay in uu yahay hogaamiye Qaran oo leh khibrad iyo aragti oo ku dhiiran in uu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo Soomaalida.”

Waxa kale oo uu sheegay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee madaxweynuhu uu mudnaanta siinayo ay tahay wax ka qabashada dhibaatada bani’aadaminnimo ee ka dhalatay abaaraha.

Larry ayaa ugu dambeyntiina hoosta ka xariiqay in Mareykanka uu taageeradiisa la garab taagan yahay dowladda Xasan Sheekh, islamarkaana ay si dhow ula socon doonaan dhismaha dowladnimada.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sharci yaqaan sharaxaad ka bixiyey is-waafajinta qodobka 59-aad ee dastuurka iyo xilka loo magacaabay CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shakay u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ayaa loo xil saaray inuu heer qaran, heer gobol iyo calami intaba kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso iyo daneeyayaasha kale, si loo helo xal waara oo lagu yareeyn karo, loogana gudbi karo saameynta abaaraha.

Hase yeeshee, magacaabistan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo sharciyeed oo ku saasban sida ay isu waafaqi karaan xilkan iyo midka xildhibaannimada baarlamaanka ee uu horay u hayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sababta keentay su’aashanna waa in dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu dhigayo in waxyaabaha uu xildhibaan kasta ku waayi karo kursigiisa ay ka mid tahay in uu aqbalo xil aan wasiirnimo ahayn.

Su’aashan waxaan u bandhignay Abuukaate Zakariye Yuusuf, oo ah aqoon yahan ku xeel dheer cilmiga sharciga, ahna falanqeeye. 

“Qodobka 59-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ayaa sheegaya waxa uu xildhibaanka ku waayi karo xilka, mana ku jirto in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu kursiga ku waayi karo howsha maanta loo xil saaray. 

“Xafiiskan waa mid aan rasmi ahayn. Waa ergay, waxa uuna wakiil u yahay Madaxweynaha oo qof kasta wakiil ka dhigan kara, ha ahaado xildhibaan ama qof shacab caadiga ah ka mid ah. Waa xafiis aan maamul ku dhisnayn,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf.

“Ergay Af-Soomaaliga waxaa lagu dhahaa qof la dirsaday oo arrin gaar ah loo wakiishay, ama arrin laga codsaday inuu dhexdhexaadis ka noqdo ilaa xad,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Muxuu dhigayaa qodobka 59-aad ee Dastuurka?

Dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha keeni kara in uu mudane waayo xilkiisa baarlamaanka. Sidoo kale isla qodobkaas gudihiisa ayaa lagu sharraxayaa tallaabada xigta iyo sida loo buuxin karo booskaas haddiiba ay dhacdo inuu xildhibaankii meesha ka baxo.

Qaybta hore ee qodobka 59-aad, oo qeexaysa sababaha xil waayidda ayaa dhigaysa in ilaa lix qaab lagu lumin karo kursiga.

(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad sharciga

2- Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

3- Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

Somaliland oo si weyn uga hortimid go’aan kasoo baxay DF oo lagu kala qeybiyey…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u go’aamisay tirada Xujeyda uu Sacuudigu siiyay, taasi oo ay ku dooday inay Somaliland ku laheyd 40%.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inay ku takri-fashay qoondadii uu Sacuudiga ugu tala-galay Somaliland, islamarkaana ay siyaasadeysay arrimihii Xajka ee sanadkaan.

Waxa uu sheegay in qoondada Xajka ee ay laheyd Somaliland ay gaareyso 2082 Xaaji, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay Somaliland ka xajinayaan 350 Xaaji, taasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirku.

“Dowladda Sacuudiga ayaa u qoondaysay Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira inay sanadkaan ka xajaan 5206 Xaaji, waxaa caado aheyd in tirada Xajka ay labada wadan kala qeybsadaan, hase yeeshe waxay sheegen

“Waxaa maanta nagu kalifay in aan war-murtiyeedkan soo saarno marka aan aragnay nidaamka ka jira Muqdisho ee uu hogaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay si badheedh ah ugu takri-faleen qoondadii Xajka ee ay jaan-gogeysay dowladda Sacuudiga.”

Waxa xusid mudan in tallaabada uu sheegay Wasiirka in loogu takri-falay qoondadii Somaliland ee Xajka sanadkaan uu ka dambeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda xil-gaarsiinta.

Arrintan ayaa imaneysa maalin kadib markii uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali Rooble uu shaaciyay inay 63 Shirkadood ay si hordhac ah ugu guuleysteen bixinta adeega Xajka ee sanadkaan.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Midowga Yurub ka dalbaday in dib loo soo celiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Shirqool madaxweyne Bush lagu dili lahaa oo uu waday nin Ciraaqi oo la fashiliyey

Columbus (Caasimada Online) – Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Talaadadii.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqeeya FBI-da balse uusan ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yaraan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah usoo tahriibiyo Mareykanka isaga oo kasoo gelinaya xuduudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqoolka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-gelisay maxkamad federaal oo ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka ayaa noqon lahaa saraakiil horey uga tirsanaa sirdoonka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaayeen xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhigeedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magacaabay “Al-Raciid.”

Shihab ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo amray duulaankii Ciraaq ee 2003, “sababtoo ah waxay dareemeen inuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana uu dilay dad Mareykan ah kadib duulaanka.

Shihab ayaa la xiray aroortii Talaadada waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da ayaa shirqoolka gaarsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadleen sida lagu heli karo hub, dareeska ciidamada amniga iyo baabuur loo adeegsado shirqoolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse uusan isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday tobanaan kun oo dollar.

Shihab ayaa Mareykanka ku yimid Visa booqasho bishii September 2020, wuxuuna magan-galyo dalbaday bishii March 2021 markii uu Visa-ha ka dhacay.

AFP + VOA

Maxaa ka jira in xildhibaan MAHAD SALAAD loo wado agaasimaha hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahayey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayey in loo magacaabay agaaasimaha hay’adda NISA.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa u hambalyeynaya.

“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin,” ayuu qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaankan ayaa ka mid ah saaxibada Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna si aad uga soo muuqday ololihiisa doorashada.

Sidoo kale wuxuu ka mid yahay xubnaha aadka loo saadaalinayo inay kasoo muuqan doonaan garabka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isaga oo mucaarad isoo ahaa 5 sano ee lasoo dhaafay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan dhismaha dowladdiisa cusub, waxaana dadka illaa iyo hadda la magacaabay ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada Soomaaliya..

Si kastaba, waxaa isha aad loogu hayaa xubnaha soo socda iyo ra’iisul wasaaraha imaan doono, iyada oo maanka lagu hayo ballan qaadkii Madaxweynaha cusub ee ahaa in koox gaar ah uusan wadan, isla-markaana uu wato tareen weyn oo la wada raaci karo.