27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Qoor Qoor oo ka digay halis ka dhalan karta sheegashadii Somaliland ee dagaalka

0

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo dhinacyada isku haya halkaasi uga digay in aysan u yeeran Al-Shabaab, xilli ay Somaliland sheegtay in kooxdu qeyb ka tahay dagaalka.

Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saaray maamulka cusub ee degmada Guriceel ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhib weyn kala kulantay argagixisad Al-Shabaab, ayna xiligaan aheyn in looga gacan haadiyo dhul ka nabad-galay sharkooda.

“Dagaalkii dhaca waxa uu taageeri doonaa oo idinku soo hoggaamin doonaa, gacana siin doonaa Khawaariij, sidaas darteed dhibaatada ka socota Laascaanood waxa aan leenahay dhiigiin si xaaraan ah buu isugu baxay ee iska daaya,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Cadawga ha iskuugu yeerina, annaga ayuu dhib nagu filan nagu hayaa.”

Somaliland ayaa hore u sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ku eedeysay in magaalada ku garaaceen madaafiic, si ay iskaga hor keenaan dadka deegaanka iyo maamulkooda, inkasta oo sheegashadaasi ay beeniyeen garaadada SSC iyo kooxda laftigeeduba.

Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee degmada Guriceel, isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, oo dardar-gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xilli uu dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore, lana soo warinayo inuu hakaday saddexdii maalmood ee tegay.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Xaalad adag oo ka taagan magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa si weyn looga deyrinaya xaaladda ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo ay go’doon ku jiraan dadkii ku haray magaaladaasi, oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dadka ku haray magaalada Laascaanood oo qaarkood la hadlay VOA ayaa sheegay in cuno yaraan iyo biyo la’aan xoogan ay soo wajahday, islamarkaana aysan heli karin waqti xaadirkan meelo ay wax ka iibsadaan.

Inkasta oo dagaalka Laascanood uu qaboobay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, haddana waxaa laga baqayaa xaalad bani’aadannimo, ayada oo wakiilada beesha caalamka ay ku baaqeen in si deg deg ah wax looga qabto baahiyaha dadka ay saameeyeen rabshadaha socda.

“Caruur ayaa haysta oo dadkii go’doonka ku qabsaday magaalada ayaa nahay, malaha biyo, caafimaad, nabad-gelyo oo haddii dibada u baxdo waxaa ka baqeysa in ay wiifto kugu dhacdo, haddii guriga aad joogtana inuu madfac kugu dhaco. Cunto ma taallo oo adeeg iyo bakhaar furan majiro,” ayey tiri Sahra Cabdillaahi Jaamac oo kamid ah qoysaska ku haray magaalada Laascaanood oo la hadlay VOA.

“Meel loo baxo malaha. Meel aad biyo ka dhaansato malaha, marka walaahi dadka meesha jooga aad iyo aad ayaa loo tacabsan yahay oo xabad ayaa soconeysa, cunto xumana waa jirta.”

Farxiya Cali Jaamac oo iyaduna kamid ah dadka qoysaska ah ee dagaalka uu ku qabsaday magaalada Laascaanood ee ku go’doonsan halkaasi, ayaa waxay tiri “Anagu waxaan ahayn dadka markii horeba magaalada nolol maalmeedka ka raadsan jiray. Meel aad u baxdo majirto 11 cisho oo guri hoostii ayaa ku jirna.”

“Magaalada saddexda iridood-ba waa nagala fadhiya, biyo nooma soo galaan. Dad badan oo jaar aheyn waa carareen, qaar baa lugeeyay oo qaar kale ayaa gaadhi helay. Aniga waxay iga noqotay caruurtayda yaryar inta uusan madfaca iga kala qaadin guriga iskaga jira. Markii horeba tabar maanu hayn oo nolol maalmeedkayaga waa iska raadsan jiray aheyd,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Dagaalka Laascaanood oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Xog: Halkuu marayo loolanka kursigii Fahad Yaasiin loo diiday iyo R/W Xamza oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kuraasta dhiman ee sugeysa in la buuxiyo waxaa kamid ah kursiga HOP#086. Kursigan waxaa loo diiday inuu ku fariisto Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waa kursiga qura ee seegay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka.

Guddiga doorashada ee ku-meel gaarka ah ayaa la filayaa inay kursigan doorashadiisa qabtaan, deegaan doorashadiisu waa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka kursigan Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah oo xubin muhiim ah u ahaa nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah bahda waxbarashada dalka.

Kursigan waxaa tallo badan ku leh wasiirka waxbarashada ee dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isagu hore ugu fadhiyay.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in Faarax Sheekh Cabdulqaadir uusan dhib ku qabin Dr Maxamed Xaaji iyo Cabdinuur Maxamed Axmed midkii kursiga qaata.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu rabaa in kursiga qaato Dr Maxamed Xaaji, sida aan xogta ku helnay.

In la ogaado dhinaca uu jiro miisaanka Faarax Sheekh Cabdulqaadir waa u muhiim natiijada kursigaan, laakiin dadka ka faalloonaya kursiga HOP#086 waxa ay leeyihiin haddii kursiga si furan loogu tartamo waa fiican tahay rejada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasi oo heli kara garabka maaliyadeed ee Fahad iyo Farmaajo.

Laakiin waxaan la hubin in kursigaan si furan loogu tartami doono, maadama la sheegayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh aragti gaar ah ka leeyahay kursigan.

Dhinaca kale, Waxaa lagu kala baxay kursigii uu hore ugu fadhiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa xubin baarlamaan intii uusan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabin kursiga ra’iisul wasaaraha dalka.

Wuxuu ku fadhiyay kursiga HOP#203 oo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Kismaayo. Dhawaan waxaa la xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha uu go’aansaday inuu kursiga dib ugu celiyo beesha, si ay beeshu u doorato qof kale oo kursigaas ku metela inta ka dhiman muddo xileedka baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Arbacadii magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday doorashada HOP#203 waxaana kusoo baxay Xasan Hure Ugaas kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo xogagaal u ah kursigan, ra’iisul wasaare Xamza iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe labaduba raali ayay ka ahaayeen ninka la siiyay kursigan.

Xamza ka hor kursigan waxaa ku fadhisay gabadh la yiraahdo Sahro. Waa kursigii ee la buuxiyo ee kamid ah kuraasta banaanatay ee Golaha Shacabka.

Dhawaan ayaa sidoo kale waxaa la doortay kursigii uu ku fadhiyay Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Ra’iisul Wasaaare Xamza iyo Taliye Mahad oo kamid ahaa xubnihii xisbiga Xasan Sheekh ee dhibka badan u maray kuraasta xildhibaanimada ee doorashadii dhawaan dhacday waxay hadda kamid yihiin xubnaha talada ku leh geedi socodka, waxaana hortaalla xujo ah inay door ka qaatan inuu dalku gaaro doorasho dhaanta tii u dambeysay.

Muuse Biixi oo ku dhowaaqay go’aan cusub oo la xiriira DAGAALKA Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo mar kale ka hadlay dagaalkii magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka, ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

Dagaalka oo socday toddobaad, balse hakaday saddexdii maalmood ee tegay, ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalladaas. Waxa uu intaas ku daray inaan laga fileyn in wixii Maxamed Siyaad Barre uu ku sameeyay magaalada Hargeysa inuu ku sameeyo magaalo kale.

“Anagu sidii Siyaad Barre magaalada ma aanan duqeynin, umana doonayno in aan u duqeyno, mana nihin ciidamo cadow ah, sidii Kacaanka oo dalkooda gumaadaya, dulqaad iyo tudhaale bay sameynayaan ciidamadu, mar kasta waa lasoo weerarayaa oo xabad ku socotaa, ciidamadu walina wey dulqaadanayaan, weyna u turayaan dadkoodii,” ayuu yiri.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay inay Sabtida soo socota ay isimo u dirayaan magaalada Yagoori si wada hadal looga yeesho xaalada gobolka Sool.

“Isimo aan dirnay ayaa Sabtida tagaya magaalada Yagoori, inkastoo ay jiraan kooxo Isimo ah oo halkan jooga oo sharuudo wata, mase ka yeelayno sharuudahooda, Yagoori, halkaas ayuu shirku ka furmayaa, Isbitaalka Yagoori ayaa lagu shirayaa oo lagu wada hadlayaa amniga. Waxaa sugaya ciidamada Garaadada la socda, waxaan ku niri’i Isimada Laascaanood taga oo calamo-cad qaata, haddii aad dhimataan wiilasheenaba waa dhimanayeen,” ayuu yiri. 

Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad inkastoo uu hadda ka qaboobay sidii hore.

Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay shacabka layneyso ayada oo magaalada duqeyneysa, eedeyntaas oo Hargeysa ay beenisay, sheegtayna in mar kasta ciidankeeda lasoo weerarayo. 

Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil xalay ay koox hubeysan ka geysatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay magaalada Beledweyne ku dileen Cabdullaahi Xasan Cawaale (AUN) oo loo yaqaanay Toor-toor, kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee magaalada.

Toor-toor ayaa la dilay xilli uu fadhiyay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ee magaalada Beledweyne, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka marxuumka kadib dadweynihii ku sugnaa goobta ay isku dayeen inay qabtaan raga geystay dilka, hase yeeshe kooxda ayaa la sheegay inay isaga caabiyeen dadweynaha illaa sadax bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah, taasi oo u sahashay inay ka baxsadaan goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkan, marka laga soo tago in ciidamadu ay bilaabeen baaritaano aan illaa hadda la ogeyn natiijadooda.

Xog: Baydhaba oo marti-gelinaysa shirka madaxda DF iyo dowlad-goboleedyada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan marti-gelin doonta shirka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo xogogaal ah.

Xogta aan ka helayno shirka lagu qabanayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaysa in la filayo in uu halkaasi ka qabsoomo bisha soo socota ee March.

Shirkan ay iskugu imaanayaan madaxda Soomaalida ayaa la ogeyn in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu kasoo qeyb-gali doono, maadaama uu hore u sheegay inuu xiriirka u jarey dowladda federaalka, taasi oo ay Villa Somalia weli uga jawaabin tallaabo muuqata.

Maamul goboleedka Puntland ayaa 9-ka bishii January ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland ayaa doodeeda xilligaas ku sheegtay “in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.”

Shirka madaxda Soomaalida ee la filayo in uu ka qabsoomo Baydhabo ayaa sidoo kale waxa uu imaanaya xilli uu madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu hoos u dhigay xiriirkii uu waayadii dambe la’lahaa madaxweyne Saciid Deni oo xiligaan u muuqda mid go’doon ku jira.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shirkoodii u dambeeyay ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxa uu daba-yaaqada sanadkii hore ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray go’aamo ay qaarkood isku seegeen DF iyo Puntland.

Si kastaba, Baydhabo ayaa dhowaan waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirweyne dib-u-heshiisiin oo xal looga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweyne Lafta-gareen iyo mucaaridkiisa.

Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay qoraalka taliska, goobta duqeynta laga fuliyay ayaa qiyaastii 460KM Waqooyi-galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Duqeyntan ayaa lagu taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa laba maalin ka hor ku dagaalamay agagaarka Bacaadweyn, ayada oo dagaal-yahaanada kooxda laga saaray godad uga qodnaa halkaasi, sida ay saraakiisha dowladda u sheegeen warbaahinta.

Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, tan iyo markii ay horaantii bishaan ka aqbaleen madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka dalbaday inay sare u qaadan duqeymaha.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.

Sawirro: DF oo daah-furtay ololaha gurmadka Turkiga iyo lacagaha la yaboohay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaasi oo ay dhibaato baaxad weyn ka soo gaartay dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalkaas.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiga uuna soo qaban-qaabiyey Gudddiga heer-qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamza u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qeyb-galeen wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha Xamza ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1-milyan oo dollar oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga.

Ganacsatada Muqdisho ayaa sidoo kale gurmadka Turkiga ugu yaboohay illaa 3-milyan oo dollar, waxaana weli socda gurmadka oo la fiyo in lacago lagu aruuriyo.

Xamza ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiga.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu usoo jeediyey madaxda dowlad-gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qeyb-qaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Cali Cosoble oo dood yaab leh ka keenay go’aan ka hir-galay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa dood ka keenay go’aan dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir uu ka hir-galiyay magaalada Muqdisho, kaasi oo sare loogu qaadayo bilicda caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ganaax lacageed ku soo rogay xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda, kuwaasi oo marka la qabto la geeyo goob loogu tala-galay kadibna haddey 24 saac gudahood kusoo doonan waayan dadkii lahaa xoolahaasi la gawracayo, islamarkaana loo qeybinayo dadka danyarta ah.

Markii u horeysay ee go’aankan uu si rasmi u dhaqan-galo waxay aheyd 7-dii bishaan, ayada oo xilligaasi maamulka gobolka uu magaalada Muqdisho ku bireeyay ku dhawaad 50 neef oo kamid ah Lo’dii laga soo qabtay waddooinka magaalada.

Haddaba, Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo arrintaan si weyn uga soo horjeestay ayaa waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo sheegay in Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo ay yihiin muwaadiniin waxtarkooda la soo koobi karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dibiga la bireynaayo ma aha ajnabi ee waa muwaadin ku nool waddankiisii hooyo. Sida barakacayaasha ayuu ka soo qaxay abaarta dalka ka jirta. Sida barakacayaasha ayuu xaq u leeyahay inuu helo daryeel (baad iyo biyo). Sida barakacayaasha ayuu xaqaa ugu leeyahay dowladdiisa,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu xusay in arrintaan uusan ku mucaaradeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amarkaan kasoo baxay, hase yeeshe uu dib u xasuusinayo in laga rabo maamulkiisa inay u gurmadaan Lo’da iyo xoolaha kale ee ay bireynayaan.

“Saaxiibkey Guddoomiye Madaale ma mucaaradayo balse waxaan la socodsiinaa waajibaadka ka saaran gobolka Banadir inay ka mid yihiin sugidda amniga gobolka iyo daryeelka barkacayaasha, lo’dana wexey ka mid tahay barakacayaasha. Waxaa maamulka gobolka la idinka rabaa ineydan bireyn lo’da soo barakacday balse aad u gurmataan oo xannaaneysaan.”

Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yiri “Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo sida ariga, geela iyo dameeraha waa muwaadiniin aan waxtarkooda la soo koobi karin, waana noole aad u naxariis badan oo uu Ilahey noogu nimceeyay.

“Lo’da xilliga barwaaqada ayadaa dadka daryeesha, xilliga abaartana ayadaa u baahan daryeel. Lo’da ku nool Muqdisho canshuurta la qaado ayey wax ku leedahay ee xaqeeda ha la siiyo.”

Hadalka madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kusoo aadaya xili ay cabasho xoogan arrintaan ka muujiyeen qaar kamid ah milkiile-yaasha xoolihii looga gowracay Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in maamulka uu ka bireeyay xoolo loo waday kawaan.

Maxay yihiin waxyaabaha ay dawladda iyo mucaaradka Puntland isku mari la’yihiin?

0

Waa run in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo ka hirgeliyay Puntland nidaamka hal-qof hal-cod. Madaxweynaha ayaa u ololeeyay in nidaamkaas uu dhaqan gelin doono, waxaana dadka intiisa badan ay filayeen inuu howshaas uu dhameyn doono inta uu xilka hayo. 

Saddexdii degmo ee ugu horreeyay ayaa laga hirgeliyay doorashadaas, si guul ahna way ku dhamaatay. Dhammaan daneeyayaasha ayaa isku raacay habraaca doorashadaas. Sadexdaas degmo waxaa maamula kuwii ay shacabku doorteen. Dadka reer Puntland waxay filayeen in inta ka harsan degmooyinka kale la dhameystiro ka hor inta uusan dhammaan muddada xilka madaxweynaha, taasoo keeni doonta in xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay soo doortaan shacabka. 

Rajadaas oo dhami waxay meesha ka baxday markii madaxweyne Deni uu bilaabay ololihiisa doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxwaynuhu wuu isa soo sharaxay, doorashadiisuna kuma guulaysan. Madaxweyne Deni ayaa isku dayay in uu dib u bilaabo doorashada nidaamka hal qof iyo cod ah muddo kadib. 

Markan ayay kooxda mucaaridka ahi ku eedeeyeen madaxweynaha in aanu daacad ka ahayn in doorasho xalaal ah la qabto, madaxweynuhuna uu isku dayayo in uu habkii doorashada u maareeyo si aakhirka xisbigiisu uu gacanta sare u halo. Mucaaradku waxa kale oo ay ku andacoonayaan in sababta uu madaxweynuhu u doonayo in uu wax kaga bedelo hanaanka doorashada ay tahay in xisbigiisu aanu ku guulaysan doorashadii ka dhacday sadexdii degmo ee ugu horeeyay. 

Taasina waxay keentay in agaasimihii guddiga doorashada uu is casilo, sababo la xiriira faragelin ay dowladdu ku heysay hannaanka doorashada. Inta badan xisbiyada Puntland ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in madaxweyne Deni uu joojiyo hannaanka doorashada ilaa 13 qodob laga xalinayo si ay ugu qancaan, si hannaanka doorashada uu noqdo mid hufan. 

Dhawr toddobaad ka dib, 6 xisbi ayaa madaxweynaha kula  heshiiyey in la fuliyo 11 ka mid ah 13 kii qodob ee hore loo shaaciyey, labada arrimood ee kale ee la xidhiidha ama u baahan isbeddel dastuuri ah oo dib loo dhigay. Labada xisbi ee Mideeye iyo Horseed ayaa diiday in ay aqbalaan heshiiskaas iyaga oo 6-da xisbi ku eedeeyay in ay heshiis musuqmaasuq ah la galeen madaxweynaha. 

Madaxweyne Deni ayaa halkii uu isku dayi lahaa in uu la fariisto labadaas dhinac si loo helo heshiis ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay ku heshiis yahiin, waxa uu go’aansaday in uu horay u sii wado qabashada doorashada, waxaana uu ku eedeeyay labadaas xisbi kuwo doonaya in dib loogu laabto nidaamkii hore.

Hase-yeeshee, Mucaaradku waxa ay Madaxweynaha ku eedeeyeen in uu og yahay in doorashada hal qof iyo cod ahi aanay ku qabsoomi karin muddada kooban ee ka hadhay muddo-xileedkiisa, balse ujeeddada oo dhami ay tahay in la horgeeyo qorshaha Golaha Wakiillada kulangooda ee soo socda ee bisha June. taasoo uu madaxweynuhu ka codsan lahaa in loo kordhiyo muddo xileedka si loo dhamaystiro hawsha uu bilaabay. 

Kooxda mucaaradka ayaa sheegay in taasi aysan ahayn wax la aqbali karo. Qorshaha ayaa ahaa in magaalada Garoowe lagu qabto doorashada maalmo ka hor, mana aysan ku guuleysan, maadaama ay kasoo horjeesteen mucaaradka. Hadda doorashada ayaa loo wareejiyay magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Garoowe. 

Waxaa muuqatay in howshan doorashada aan lagu sii waddi karin marxaladda hadda lagu jiro owgeed. Hannaanka doorashada oo aysan ku heshiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso ma keeni doondo natiijo wanaagsan oo laga filan karo. Haddaba, waxa loo baahan yahay in dawladda iyo kooxaha mucaaridkuba ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan oo ay la yimaadaan nidaam doorasho oo qof kastaa dareemo in ay caddaalad tahay. 

Sida kaliya ee ay Puntland ugu guulaysatey in ay adeegsato nidaamkii hore ee mudada dheer soo jiray ayaa ah in nidaamkaas ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso, waana sababta keentay in madaxweyne kastaa uu waqtigiisa dhameysto iyada oo aan la kala dhex gelin. Haddii Puntland ay ka guureyso nidaamkii hore oo ay u guureyso nidaamka cusub ee hal qof iyo cod, waa in la helaa nidaam ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso ku heshiiyaan. 

Madaxweyne Deni wuxuu u baahan yahay  inuu la fariisto kooxaha mucaaradka ka hor inta uusan isku dayin inuu sii wado hannaanka hadda socda. Mucaaradku waa inay aqbalaan in la joogo waqtigii laga guuri lahaa nidaamkii hore loona gudbi lahaa nidaamka cusub. Waxaan aaminsanahay in labada kooxoodba aysan wax su’aal ah ka qabin nidaamka cusub, laakiin arrinta laysku haya waa maareynta habka doorasho. Nidaamku waa inuu noqdaa mid hufan. 

Madaxweyne Deni waa in uu caddeeyaa in ujeeddadiisu aysan ahayn muddo kororsi, balse ay tahay in la sii wado diiwaan gelinta ilaa inta uu ka dhammaanayo muddo xileedkiisa, isla markaana la qaban doono doorashada taas oo dhammaan dhinacyada ay khuseyso isku raaceen in lagu qabto waqtigii loogu talagalay. Waxaan hubaal ah in haddii uu madaxweynuhu intaas ku dhawaaqo in kooxda mucaaridku ay dib ugu soo noqon doono caqligooda si ay xukuumadda ula saxaan habka doorashada.

Qore: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Atlanta, Georgia, USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Djibouti donates $1 million to Turkey earthquake victims

Djibouti (Caasimada Online) – Djibouti, a small East African nation, has stepped up to provide aid to Turkey after the country was struck by twin earthquakes that caused widespread devastation.  

The Djibouti ambassador to Ankara has donated $1 million to the Turkish Disaster and Emergency Management (AFAD) to help with relief efforts, and a second batch of relief goods has been sent to the affected areas. 

In addition to the cash donation, Djibouti has also donated ten generators, six industrial projectors, 113 blankets, 100 pullovers, and 35 thermal garments, all donated by Djibouti companies. 

This is the second time Djibouti has offered aid to Turkey. The first donation, consisting of 120 tents, 185 kilograms of clothing, and 75 kilograms of hygiene supplies, was delivered earlier in the week.

The Turkish Embassy in Djibouti stated that the government and people of Djibouti are fully committed to providing all possible assistance to help alleviate the suffering of the affected people in Turkey. 

The twin earthquakes that struck southern Turkey on February 6th had a devastating impact, killing at least 36,187 people and affecting more than 13 million people across 11 provinces.  

The earthquakes were also felt in neighboring countries such as Syria and Lebanon, and the death toll in Syria is reportedly 5,800. 

International aid agencies are working tirelessly to help those affected, with the United Nations appealing for more than $1 billion in funds for the Turkish relief operation.  

The ongoing conflict has hampered the aid effort in Syria. Many people in the rebel-held northwest feel abandoned as supplies almost invariably head to other parts of the sprawling disaster zone. 

Despite the challenges, aid convoys have been sent to the affected areas. In Syria, the government has approved opening two additional crossings to allow aid deliveries to reach those in need.

In Turkey, heavy machinery is used to clear debris mounds blocking numerous towns and cities. 

The Djibouti donation will go a long way in helping to alleviate the suffering of those affected by the earthquakes. It is a reminder that in times of crisis, nations can come together to support each other and offer a helping hand. 

Xog: Maxaadan ogeyn oo Al-Shabaab ay ka waddaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kooxda Al-Shabaab ay dib u bilowday baadii ay ka qaadi jirtay ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay  oo nala soo xiriiray iyo kuwa aan la hadalnay intuba waxay sheegayaan in kooxdu bilowday xiriiro toos ah iyo dad socda oo suuqa imaanaya, kuwaas oo raba lacagihii ay hore u qaadi jireen.

Sida aan xogta ku helnay hanjabaad ayaa ku jirta lacag doonista cusub ee Al-Shabaab, qaar ganacsatada kamid ah oo isku dayay inay cudur-daartan ayay kooxdu u hanjabtay sida la sheegay.

Ganacsatada qaar oo ka dharagsan inay dowladda federaalka u xiran yihiin xubno ganacsato ah oo la qabtay iyaga oo Al-Shabaab lacag u sida ama siiyay ayaa isku dayay inay kooxda kala doodaan dhibta ka dhalan kara inay dhaqaale ahaan ula macaamilaan.

Laakiin xubnaha ay kooxda Al-Shabaab usoo dirtay suuqa Bakaaraha ee maalmahan wareegaya ayaa ka biyo diiday in sabab cabsi dowladeed ah lacag loogu diido.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay inay heshay xogaha la xiriira rogaal celinta dhaqaale doonka ah ee Al-Shabaab.

NISA waxay Salaasadii faafisay digniin la xiriirta ganacsatada isku dayaysa inay kooxda lacag ahaan ula macaamilaan.

Hay’adda Sirdoonka waxay sheegtay inay heshay xogo sheegaya in Al-Shabaab bilaabeen inay goobo cusub ugu yeeraan ganacsatada Muqdisho, waxayna NISA uga digtay dhibaatada ganacsatadaas kasoo gaari karta beegsiga lagu hayo goobahaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo waayadan laga dabciyay dagaalkii ayaa heshay fursad markale ku raadsan karto dhaqaale, waana mida keentay inay dib culeys usoo saaran ganacsatada magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka waxaa hortaalla inay dib u bilowdo dagaalkii cusla si aanay kooxdu u helin fursad ay kusoo kabato, ganacsatada Muqdisho-na waxaa la gudboon inay dowladda kala shaqeeyaan qabashada xubnahaas dhuumashada ku aruurinaya lacagta.

100 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha Liibiya

0

Tripoli (Caasimada Online) – Dooni ay la socdeen ku dhowaad 100 qof oo muhaajiriin ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay Talaadadii ku degtay xeebaha waddanka Liibiya.

Doontan oo ay saarnaayeen muhaajriinta dlal dhowrr ah ayaa kasoo baxday deegaanka lagu magacaabo Qasr Alkayar oo ku yaalla bariga Tripoli, sida ay shaacisay Hay’adda IOM.

Tahriibayaasha ayaa kusii jeeday Qaaradda Yurub, balse waxa ay ku dhammaadeen biyaha Badda, kadib markii ay la degtay doonidii ay ku safrayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa waxaa lagu sheegay in haatan la’yahay ugu yaraan  illaa 73 tahriibayaal ah oo kamid ah muhaajiriinta saarnaa doonta ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ilaa hadda lasoo bad-baadiyay 7 qof kamid ahaa muhaajriinta, kuwaas oo haatan ku jira isbitaal, sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Sidoo kale waxaa lasoo saaray meydadka illaa 11 qof, kadib dadaal ay sameeyeen hay’adda Bisha Cas ee Liibiya iyo booliiska deegaanka.

Dhankooda maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan muhaajiriinta kale ee la waayey, kuwaas oo loo maleynayo inay ku dhinteen biyaha badda.

Liibiya ayaa aheyd marinka ugu weyn ee tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub iyaga oo mara marin khatar ah oo saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ah.

Inta badan muhaajiriinta kusii qul-qulaya Yurub oo u badan Afrikaan ayaa safarro halis ah ku mara badda, waxayna  galaafatay nolosha tobanaan kun oo muhaajiriin ah.

Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya kacdoonka Laascaanood?

Laascaanood (Caasimada Online) – Ku dhawaad labo isbuuc waxaa magaalada Laascaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deegaanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaankooda.

Hoggaanka Dhaqanka ee ku mideysan Golaha Dhaqanka oo ka kooban 14 qof, oo wada rag ah. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay doonayaan inay Somaliland guud ahaan ba isaga baxdo dhulkooda iyo inay qeyb ka noqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay ku doodeen aysan raalli ka ahayn in dhulkoodu uu qeyb ka noqdo Somaliland oo iyadu sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya iyada oo ka masuul ah dhammaan dhulkii Goboladda Waqooyi la oran jiray.

Xiisadda oo ka dhalatay dilal dad aan la aqoonsan ay ka geysteen magaalada iyo dibadbaxyo dabo socday ayaa gaartay heerka ugu sarreeya ee kala-fogaanshiyaha labada dhinac.

Waxaa ugu dambeeyay dilka Cabditifaax Hadraawi oo dhacay 26-kii bishii December ee sannadkii tagey, kaas oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta ciidamada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shareeray.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Hoggaanka dhaqanka bulshada Laascaanood ayaa shirkii ugu dambeeyay ee magaalada ku yeesheen ku dalbaday in ciidamada Somaliland ka baxaan dhulkooda.

Haddaba waa kuwee hoggaamiyeyaasha dadka deegaanka ee Laascaanood?

Golaha Dhaqanka

Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.

Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdilaahi Axmed Cali.

Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.

In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka.

Xiriirrro kala duwan ayaan la sameynay garaaddada si aan wax badan uga ogaanno taariikhdooda.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka ba.

Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974. Waxa uu sanadkii 2006 garaadnimada ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray.

Garaad Jaamac oo ku abtirsada 19 garaad waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ah oo aan weli gaarin da’da uu xilka uga dhaxli karo.

Garaad Cabdiqani oo ah garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hadda deggan yahay guri uu ku leeyahay magaalada Laascaanood.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac. Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 garaad oo uu kasoo jeedo.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan waxa uu dhashay sanadkii 1969. Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka.

In muddo ah ayu uku howlanaa xallinta xiisad socotay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada.

Garaad Cabdullaahi waxa uu waxbarashada ka gaaray ilaa heer Dugsi Sare ah.

Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Garaad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale

Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka waxaa ku jira Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo garaadnimada uu uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu dhashay 1971-kii. Waxa uu waxbarashada ku qaatay ilaadugsi sare dalka gudihiisa waxaana uu burburkii ka dib aadey dalka debediisa.

Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay markii Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed geeriyoodey 2008-dii. Ka dib 2009-kii ayaa la caleemasaaray.

Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegay in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu yahay ninka abaabulay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Waxa uu soo jeediyay in madax-dhaqameedku ay ku soo xaroodaan Laascaanood.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in garaaddadu ay horkacayaan dagaalka ay qeybta ka yihiin bulshada is abaabushay.

Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan

Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe waxa uu dhashay sanadkii 1964.

Waxa uu booska afaraad uga jiraa liiska kala sarreynta garaaddada dhaqanka, isagoo hoggaanka shirarka qabta marka ay maqan yihiin saddexda garaad ee kale.

Garaad Cabdirisaaq Garaad soofe waxbarashadiisa waxa ay ahayd Dugsi Sare, ka dibna waxa uu noqday ganacsade.

Waxa uu sanadihii u dambeeyey dhinaca hoggaanka dhaqanka kala shaqaynayey Aabihii isagoo ganacsigiisana sii wata.

Shakhsiyaadka kale ee ugu magaca dheer odayaasha dhaqanka ee Laascaanood waxaa ka mid ah Suldaan Maxamuud Aw Seed oo saameyn ku leh dagaalka.

Inta badan waxaa adag in xog rasmi ah laga helo xaaladda gudaha ee magaalada Laascaanood, sababo la xiriira amni darrada uu sababay dagaalka.

Ka hor inta aysan xaaladdu isu beddelin gacan ka hadal waxaa halkaas ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo daba socday dilal kusoo batay Laascaanood, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka cabanayeen.

Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan

Maxaa sababay dagaalka?

Laascaanood waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka Soomaalida ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee qorsheysan. Haddii aan waqtiga dib u celinno, 1969-kii waxaa lagu dilay magaaladan madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Balse laga soo laga soo bilaabo 2010-kii waxaa soo xoogeysanayay dilalka shaqsiyaad deggan magaalda oo ay geysanayeen dabley aan la aqoonsan.

Sanadkaan oo kaliya lix qof oo ah dad si wayn looga garanayo magaalada ayaa la khaarijiyay.

Qofkii ugu dmabeeyay ee la dilo ka hor inta aysan bilaaban xiisaddan ayaa ahaa Cabdifitaax Hadraawi, kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ahaa siyaasi.

Dilkiisa ayaa kiciyay dareenka shacabka magaalada, kaas oo horseeday dibadbaxyo si nabad ah ku bilowday balse markii dambe isu beddelay kuwo dhimasho sababay ka dib markii isku dhac uu ka dhex dhashay booliska iyo dibad baxayaasha.

Ila iyo hadda inta aan xaqiijinay dibadbaxyadaas waxaa ku dhintay shan ruux 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Isha: BBC SOMALI

U.S. Africa Command and Somali National Army strike blow to al-Shabab militants

0

Mogadishu (Caasimada Online) – As part of its ongoing commitment to help Somalia achieve stability and security in the region, the U.S. Africa Command carried out a collective self-defense strike in Somalia on February 15, 2023, to support the Somali National Army in its fight against al-Shabab.  

This military operation, which took place in a remote area near Bacadweyne, approximately 460 km northwest of Mogadishu, resulted in the death of five al-Shabab fighters. 

It was a significant blow to the terrorist organization, which remains the largest and most deadly al-Qaeda network in the world.

The Somali National Army, with the assistance of local forces and international partners, has been engaged in intense fighting against al-Shabab across several regions of Somalia. 

On Thursday, the joint forces killed over 200 al-Shabab terrorists in the Iji area, located about 23 km from the Mahaday district in the Middle Shabelle region. 

The joint forces arrested some captives during the operation and recovered 300 weapons, medicine, and food supplies. Four commanders were among the militants killed in the fight, while some others sustained injuries.

In addition to the fighting in the Middle Shabelle region, the Somali National Army also pursued operations in other regions, including Hiiraan in HirShabelle State, Mudug in Galmudug State, and the lower Jubba region in Jubaland State. 

These operations resulted in losing five SNA soldiers who were martyred, while seven others sustained injuries. The casualties remind us of the high stakes involved in the fight against terrorism in Somalia. 

Somali President Hassan Sheikh Mohamud has clarified that his strategy to mobilize society against international terrorism involves economic reform, social and political reconciliation, and religious tolerance.  

The Federal Government of Somalia is committed to comprehensively addressing its security challenges, and military actions are just one part of this effort. 

The U.S. is one of the countries providing humanitarian aid, stabilization efforts, economic development, and military assistance to the Federal Government of Somalia in its ongoing campaign.  

U.S. Africa Command plays a vital role in this effort by training, advising, and assisting partner forces to help give them the tools they need to defeat al-Shabab. The partnership with the U.S. has been a significant boost to the capacity of the Somali National Army in their fight against al-Shabab.

Somalia remains central to stability and security in all of East Africa. The efforts of the Somali National Army, with the support of local and international partners, have resulted in significant gains against al-Shabab. However, the terrorist organization remains a threat to the security of Somalia and the wider region. 

In conclusion, the U.S. Africa Command self-defense strike against al-Shabab in Somalia is a testament to the commitment of the U.S. and its African partners to support the Federal Government of Somalia’s efforts to achieve stability and security in the region. It is also a reminder that military actions alone cannot solve Somalia’s security challenges.  

A comprehensive approach that includes economic reform, social and political reconciliation and religious tolerance is essential to achieving lasting peace and stability in the country.

Shariif oo 4 qodob oo kasoo saaray xiisadda Laascaanood iyo in maxkamadda ICC loo…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood oo uu maalintii 12-aad ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Shariif ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaas oo sababay khasaare xoogleh, isaga oo soo saaray baaq ka kooban illaa afar qodob.

Waxa kale oo uy intaasi ku daray in dagaalka laga dhaxlayo khasaare iyo naceyb keenaya inay sii kala fogaadaan labada dhinac.

“Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay in ay fara-geliso xiisadda Laascaanood, ayada oo mareysa dhanka siyaasadda iyo diblumaasiyadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in tallaabado adag laga qaado cid kasta oo sii hurineysa xiisadda ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.

“Waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah,” ayuu raaciyay. Halkan hoose ka aqriso:-

𝗕𝗶𝘀𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶, 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱

Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan.

Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed.

Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed.

Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa:

1- In si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda.
2- In ciidanka laga dulqaado magaalada.
3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.
4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court).

Daawo: DF oo shaacisay in dagaalka ka socda Hiiraan lagu dilay 200 oo Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaabn Yuusuf Al-Cadaala oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Iji oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka socda halkaasi oo galay maalintii labaad oo xiriir ah jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu dilay in ka badan 200 oo xubnood, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal, sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka ayaa shaaciyay magacyada saraakiisha laga dilay Al-SHabaab, kuwaas oo uu ka kala sheegay:- Salaad Maxamuud Siyaad oo Shabaab u qaabilsan aruurinta dhaqaalaha, Xuseen Dheere oo ku xigeen u ahaa Salaad, Yuusuf Cali Sheekh & Sandheere.

“Illaa hadda inta aan xaqiijinay waxaa halkaasi lagu dilay in ka badan 200 oo Khawaarij ahaa oo goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo meydadkooda  halkaas kasoo uruuriyeen ciidamada huwanta ah ee wada howlgalayay,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dagaalkan kusoo furteen illaa 300 oo qoray oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale wararka laga helaya Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalka uu sii xoogeystay ayna ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay joogan Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Al-Shabab’s revenue surges despite pressure, says UN

0

New York (Caasimada Online) – Al-Shabab, a notorious Somalia-based Al-Qaeda affiliate, may have increased its revenue base despite spirited campaigns targeting its sources of finance, a new UN report suggests. 

The report indicates that the group can raise $150 million annually, which caters to the payment of salaries, the purchase of new weapons, and other essentials fundamental to the group’s operations.  

This article delves into how Al-Shabab generates such a significant amount and how the Somali government is responding to the group’s financing.

Revenue collection methods and sources 

Al-Shabab collects revenues from civilians in various towns under its control mainly through threats and intimidation. Those who fail to comply with the group’s demands risk being punished. 

However, the government has warned business owners against funding Al-Shabab through forceful means or willingly, with offenders risking having their permits canceled. Despite this, the group has continued to generate massive amounts of money to finance its operations.

The report notes that Al-Shabab’s fortunes doubled from $100 million in the previous year, which has enabled the group to increase its military hardware purchases by 25%. 

The group diverts millions of dollars for purchasing weapons mainly from war-torn Yemen, which has been linked to instability in the country. Additionally, Al-Shabab generates revenue from: 

1- Taxation: The group taxes businesses, especially those in the agricultural sector, as a means of financing its operations. The group also taxes local residents, transporters, and local markets. 

2- Charitable donations: The group solicits contributions from individuals and organizations, claiming that the funds will go towards humanitarian efforts. 

3- Ransoms: Al-Shabab has been known to abduct foreigners and demand ransom payments in return for their release.

Efforts to cut off funding

The Somali government has made significant efforts to cut off funding for Al-Shabab. In December 2022, the government confirmed the closure of 250 banks and 70 mobile money transfer accounts linked to funding Al-Shabab activities.  

The group responded by accusing Mogadishu of interfering with businesses critical to service delivery.  

This week, President Hassan Sheikh Mohamud’s administration limited the amount of money transacted by mobile money firms to just $300 daily to contain the funds wired to Al-Shabab. The president said this would improve accountability. 

Al-Shabab’s response

Despite the strong military campaign against Al-Shabab in Somalia, the group has responded with some of its largest and most lethal attacks.

The group has recruited fighters responsible for attacks targeting innocent civilians, government officials, and the military. The UN report notes that the group’s fighting force remains steady, estimated at 7,000-12,000 fighters.

Conclusion

Al-Shabab continues to generate significant revenue despite the Somali government’s efforts to cut off its funding sources. The group has diversified its sources of financing, making it difficult to track and stop its operations.

However, with the sustained operations against Al-Shabab and the government’s efforts to limit the group’s revenue sources, there is hope that the group’s activities will be curtailed soon.

QM oo warbixin kasoo saartay dakhliga Al-Shabaab kadib dagaalkii ay ku qaaday DF

New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dakhliga kooxda Al-Shabaab uu kordhay sanadkii 2022, inkasta oo dowladda ay qaadday tallaabooyin lagu xakameynayo bilihii dhowaa.

Warbixinta oo la faafiyey Arbacadii ayaa lagu sheegay in kooxda ay sanad kasta soo xareyn karto $150 milyan oo ay u adeegsato miisaaniyaddeeda, sida hubka ay soo iibsato iyo mushaharka ay siiso mintidiinta.

Sida lagu sheegay warbixinta QM, dakhliga Al-Shabaab ayaa kasii kordhay $100 milyan sanadkii 2021, wuxuuna gaaray $150 milyan 2022, taasi oo kooxda u sahashay inay 25% kordhiso hubka ay soo iibsato. Al-Shabaab ayaa hub lagu qiyaasay $24 milyan kasoo iibsatay dalka Yemen ee dagaallada ay la degeen.

Al-Shabaab ayaa inta badan dakhliga ka ururisa shacabka ku hoos nool deegaanada ay maamusho ayada oo u adeegsaneysa hanjabaad, cabsi gelin iyo ciqaab. Waxay sidoo kale canshuurtaa ganacsiyada magaalooyinka weyn sida Muqdisho. 

Dowladda Soomaaliya ayaa ganacsiyada uga digtay inay maal-geliyaan kooxda, haddii ay noqon laheyd inay ka cabsanayaan iyo haddii ay ogolaasno ku bixinayaan. Hase yeeshee ololahaas oo billowday qeybihii dambe ee sanadkii tegay ayaan weli saameyntiisu muuqan.

Bishii December 2022, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la xiray 250 banki akoon iyo 70 xisaabaad mobile oo lala xiriiray kooxda Al-Shabaab. 

Dowladda madaxweyne Xasan ayaa bartamihii sanadkii tegay billowday dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana laga gaaray guulo weyn ayada oo kooxda laga saaray degaano badan oo ku yaalla gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud.

Hase yeeshee, si kooxda looga wada guuleysto, waxaa qasab ah inuu guuleysto dagaalka dhaqaale, sida ay qabaan taxliiliyeyaasha amni.

Warbixinta QM ayaa sheegtay in kooxda ay haysato dagaal-yahanno lagu qiyaasay 7,000 illaa 12,000. Dagaalkii dhowaanahan socday ay dowladda ku sheegatay dilka in ka badan 3,000 oo dagaal-yahan, hase yeeshee caddeymaha ay dowladda soo bandhigtay ee lagu taageerayo sheegashadaas ayaan xooganeyn. 

Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex caqabad oo weyn oo Soomaaliya ku hor-gudban

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 46-aad ee golaha sanduuqa QM u qaabilsan horumarinta beeraha IFAD ayaa shaaciyay in dalkeena ay ku hor-gudban yihiin saddex caqabadood oo waaweyn.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in caqabadahan saddexda ah ay Soomaaliya ka hor istaagsan yihiin in ay gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah.

Saddexdan caqabadood ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah; dagaalka ka socda dalka, isbaddalka cimilada iyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay, sida uu ku sheegay khudbadiisa.

“Arrinta dagaalka, sidaan horey idinkugu sheegay waxaa naga go’an sidii aan usoo afjari lahayn argagixisada caalamiga ah ee ku sugan dalkeena anaga oo mid ah, oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dadka Soomaaliyeed waxay ajiibeen baaqa dowladdooda ee ah inay dawladdooda ku garab siiyaan sidii looga guulaysan lahaa sharta argagixisada, waxayna isku dubarideen taageero iyagoo si firfircoon u garab taagan ciidanka dowladda si loo xoreeyo deegaanadooda.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada laga xoreeyay ay ku jiraan dhul beereed u baahan maal-gelin, taasi oo uu rajeeyay inay taaba-gal noqon karto, “Sababaha keenaya in yididiilada aan qabno ay sareyso way badan yihiin, balse barnaamijka dayn cafinta ayaa safka hore kaga jira,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay ka dowlad ahaan rejo weyn ka qabaan in gunaanadka sanadkan la gaari doono dayn cafinta Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

“Waxaan rajeynaynaa in arrintani horseedi doonto maalgashi horleh oo isugu jira mid maxali ah iyo mid caalami ah oo lagu sameyn doono waaxdeena cuntada.”