27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xasan Sheekh oo shaaciyay saddex caqabad oo weyn oo Soomaaliya ku hor-gudban

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 46-aad ee golaha sanduuqa QM u qaabilsan horumarinta beeraha IFAD ayaa shaaciyay in dalkeena ay ku hor-gudban yihiin saddex caqabadood oo waaweyn.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in caqabadahan saddexda ah ay Soomaaliya ka hor istaagsan yihiin in ay gaarto isku filnaansho dhinaca cuntada ah.

Saddexdan caqabadood ee uu shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ah; dagaalka ka socda dalka, isbaddalka cimilada iyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay, sida uu ku sheegay khudbadiisa.

“Arrinta dagaalka, sidaan horey idinkugu sheegay waxaa naga go’an sidii aan usoo afjari lahayn argagixisada caalamiga ah ee ku sugan dalkeena anaga oo mid ah, oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dadka Soomaaliyeed waxay ajiibeen baaqa dowladdooda ee ah inay dawladdooda ku garab siiyaan sidii looga guulaysan lahaa sharta argagixisada, waxayna isku dubarideen taageero iyagoo si firfircoon u garab taagan ciidanka dowladda si loo xoreeyo deegaanadooda.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in deegaanada laga xoreeyay ay ku jiraan dhul beereed u baahan maal-gelin, taasi oo uu rajeeyay inay taaba-gal noqon karto, “Sababaha keenaya in yididiilada aan qabno ay sareyso way badan yihiin, balse barnaamijka dayn cafinta ayaa safka hore kaga jira,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay ka dowlad ahaan rejo weyn ka qabaan in gunaanadka sanadkan la gaari doono dayn cafinta Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

“Waxaan rajeynaynaa in arrintani horseedi doonto maalgashi horleh oo isugu jira mid maxali ah iyo mid caalami ah oo lagu sameyn doono waaxdeena cuntada.”

Wararkii ugu dambeeyey DAGAAL ka qarxay duleedka KISMAAYO + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Jubbaland iyo xoogaga Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, isla-markaana lagu jabiyay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Baarsan-guuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay hayeen xogta weerarka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay ka hortegaan weerarkaas.

Waxaa kale oo ay saraakiishu sheegeen inay dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalka ka dhacay Baarsan-guuni ayaa ayaa dhankeeda guul sheegatay, waxayna sheegtay inay dishay dhowr askari, kuwa kalena dhaawacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaa goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Jubbaland.

Maalmo kahor ayey aheyd markii weerar kan lamid ah oo la fashiliyay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla Afmadow, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.

Madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka aroortii hore tiro madaafiic ah lagu garaacay qaybo kamid ah gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo cabsi xoogan ku beertay dadka deegaanka.

Ku dhowaad illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhaceen bartamaha magaalada, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Weerarkan loo adeegsaday madaafiicda ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamada Somaliland oo weli dagaal kula jira ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxaa magaalada laga maqlay rasaas teel teel ah oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee isku horfadhiya magaaladaasi.

Xaaladda ayaa haatan sidii hore ka dagan, inkastoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda, kuwaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa kasoo horjeedo ee dadka deegaanka.

Dhinaca kale waxaa socdo dadaallo la doonayo in lagu kala qaboojiyo xiisadda labada dhinac, si ay u dhaqan-gasho xabad-joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa kor u dhaafay illaa 10 cisho, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale barakac sameeyay dadka deegaanka, kuwaas oo ay haatan soo wajhaday xaalad adag oo nololeed, maadaama aysan heysan hoy iyo wax ay cunaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

A Somali father of six fatally shot in Arlington, Texas

Arlington (Caasimada Online) – At around 5 a.m. on Tuesday, Ali Ismail, a 36-year-old man from Somalia and a father of six, was shot and killed by unknown suspects breaking into cars in Arlington, Texas. Ismail was found dead inside his SUV, parked in his home’s driveway on Prentice Street. 

According to friends of the victim, Ismail had just finished working overnight and was pulling into his driveway when he was shot before even getting out of his vehicle. The suspects fled the scene, and police are still working to identify them.

Friends and family speak out 

Friends and family of Ali Ismail have been left devastated by his sudden and senseless death. Mustafa Yasiin, a friend of Ismail, described him as a family man devoted to his wife and children.  

Yasiin had spoken to Ismail on Monday evening and had planned to see him the following day, but instead received a call early in the morning to come and help Ismail’s wife. “This is sad, man,” he said. “This is a hardworking guy. He had six kids. I do not know what to tell you. This is not right.”

A pattern of vehicle burglaries 

Unfortunately, the incident in which Ali Ismail was killed is not isolated. Arlington police have reported a recent uptick in vehicle burglaries in the area. 

On December 22, a homeowner was shot after confronting two men attempting to break into cars in his driveway. Police released photos of the suspects, who are still at large. While police have not yet connected the two shootings, they are similar and just a few miles apart.

Police investigation and call to action

Arlington police are currently investigating the shooting and canvassing the area for surveillance video. They are asking anyone with information to come forward and have offered a reward for information leading to the arrest of the suspects.

Ismail’s family and friends also urge anyone with information to speak out. 

This tragic incident highlights the need for increased vigilance and community engagement in preventing vehicle burglaries and other crimes. 

If you have any information about this incident or other similar incidents in the area, please contact the Arlington police department.  

Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Iji oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka marka uu xoogeystay ay ku biireen diyaaradaha dagaalka, kuwaas oo duqeeyay aagaga ay ka dagaalamayeen xubnaha Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraduhu duqeeyeen goobo kale bartimaameed ah oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo u dhow aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa dib ua wareegay deegaanka Afcad oo shalay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo talaabay dhanka wabiga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo lagu jabiyay Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha maamulka degmada Buulo-burde.

Khasaaraha ka dhashay dagaalladan iyo duqeymaha oo weli ka socdo Hiiraan ayaa sii kordhaya, waxaana jira askar dhaawacyo ah oo lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in deegaanada lagu dagaalamayo ay gaarayaan ciidan kale oo gurmad ah taas oo sii adkeyneysa xaaladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.b

Laba arrin xasaasi ah oo midkood ku dambeyn doonto xiisadda Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laascaanood weli colaad ayaa ka taagan, Somaliland waxaa lagu eedeynaya duqeymo xiriir ah oo si weyn u waxyeeleyay dad shacab ah, goobo caafimaad iyo kuwo cibaado.

Xabad joojin ay dooratay Hargeysa ayaa dhaqan-gelin, iyada oo dhinaca dadka deegaanka u arkeen xabad-joontaas mid la rabo in lagu dumiyo ruuxiyada dagaalka, lana rabo in lagu kala furfuro midnimadooda.

Weli halkaas laguma kala bixin, labada dhinac midna ma haysato natiijo wax ku ool ah. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa weli sii kordhaya.

Baaqyada la xiriira nabada ayaa weli loo joogsan, laakiin su’aasha ay dad badan isweydiinaya waxay tahay maxaa ku xiran natiijada ka imaan doonta dagaalka Laascaanood.

Waxaa ku bilaabeyna haddii ay adkaadan dadka deegaanka.

Haddii ay adkaadan reer Laascaanood oo Somaliland si buuxda looga gacan bixiyo magaaladaas iyo deegaanada kale ee beeshaasi degto. Waxaa halkaas si weyn ugu dhawaacmi doona mashruuci gooni isku taagga.

Somaliland xiisadan tijaabo weyn ayay u aragtaa, haddii ay reer Laascaanood adkaadan wax weyn ayaa u siyaadaya dadka midnimo doonta ah ee Soomaaliyeed.

Balse haddii dhinaca kale adkaato Somaliland, mashruucii gooni isu-taagga waa sii xoogeysan karaa, waxa kale oo adkaan doonta in deegaano kale ku dhiiradaan inay Somaliland ka horyimaadan ama gooni isu-taagga diidaan.

Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa natiijada dagaalkan siin kartaa maalmo dheeri ah oo xafiiska uu kusii joogo.

Maadaama uu dagaalkan tijaabo u yahay laba qadiyadood oo waaweyn oo ah Midnimo Soomaaliyeed iyo mid ay reer Somaliland qaarkood rabaan oo ah gooni isu-taag, farriintu waxay tahay maxaa loo huri doona dagaalkan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu masuul ka ah ilaalinta midnimada dowladeed, mida dhuleed iyo midda umadeed ee Jamhuuriyadii Soomaaliya ee lixdankii xoroowday, weli wax la taaban karo uma quurin arrintan tijaabada culus ah.

Villa Somalia waa fahamsan tahay in dooda Somaliland ay culeys yeelan doonto haddii ay ku adkaato dagaalka hadda socda, laakiin si loo khafiifiyo dooda Somaliland ee mustaqbalka dowladda dhexe ee Soomaaliya wax talo iyo tabar ah ma geysan.

Somaliland weli waxay muujineysa in aanay dagaalka toos ugu soo qalab qaadan, haddana kama qaldana inuu dagaalkan tijaabo u yahay mashruucooda gooni isu-taagga.

Muqdisho iyo Hargeysa sida ay qolo walba u abuurto natiijo dhankeed ah oo la xiriirta xiisadan, xoog ama xeelad middii ay noqotaba ayaa berri wax u goyn doonta marka laga wada-hadlayo dib u midow ama kala tag.

Marka tahay dowlad dhexe oo ka talisa dal federaal ah, xiisadaha noocaan ah ma ahan is-xilqaan ee waxay kugu waajibinayaan aragti, go’aan iyo fulin.

Midowga Afrika oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah hogaaminta kor-joogtadda doorashada guud ee dhawaan ka dhici doonta dalka Nigeria.

Uhuru ayaa kor-joogteyn doona doorashadaasi oo dadka reer Nigeria ay u dareeri doonaan goobaha cod bixinta sida uu qorshaha uu yahay 25-ka bishaan Febraayo.

Sidoo kale waxa ergada goobjoogayaasha kamid noqon doona wakiilo ka socda hay’adaha doorashada ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, bulshada rayidka ah, khubaro madax-banaan iyo qaybaha AU.

Arrimahan ayaa dhabaha u xaaraya in si sax ah oo dhex-dhexaad ah loo qiimeeyo habka doorashada iyo soo jeedinta talooyinka hagaajinta doorashooyinka mustaqbalka ee ku saleysan natiijooyinka soo baxa.

Waxaa la filaya in arrintaan ay sidoo kale muujiso wada-jirka iyo taageerada Midowga Afrika ee ku aaddan xoojinta dimuqraadiyadda, nabadda, xasiloonida iyo horumarka.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore waxa uu sidan oo kale madaxweynaha Kenya William Ruto ugu magacaabay xilka ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes.

Ruto ayaa xiligaas waxa uu sheegay inuu Uhuru Kenyatta weydiistay in uu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay, sida uu sheegay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya. Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas.”

R/Wasaare Xamza oo guddi u magacaabay TURKIGA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray gurmadka Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

“Ra’iisul Wasaare Xamza oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa, ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ah ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bayaankaan ku cadeeyey in magacaabidda guddigaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddi ka kooban 11-xubnood oo isugu jira wasiirro, culimo iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaas oo kala ah:

  1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka — Mudane Xasan Macallin Maxamuud
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi
  3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare — Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  6. Suldaan Cabdiqani Qorane
  7. Cumar Xasan Maxamed
  8. Axmed Maxamuud Yuusuf
  9. Axmed Shirwac Maxamed
  10. Duniya Maxamed Cali
  11. Prof. Xuseen limaan.

55 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay koonfurta Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Galmdug ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dagaal iyo duqeymo Arbacadii ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil Cabdigaraad Cumar Maxamed oo la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo saaxibada caalamiga ah khasaare culus lagu gaasiiyay kooxda Al-Shabaab.

Cabdigaraad Cumar ayaa sheegay in ugu yaraan 55 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal looga dilay Al-Shabaab dagaalkaas iyo duqeynta xigtay.

“Khawaarijta wuxuu u geystay khasaare fara badan illaa 55 Dhagarqabayaal ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa looga dilay,” guddoomiye Cabdi Garaad Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada huwanta ay Al-Shabaab kasoo furteen hub iyo saanad ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in goobaha lagu dagaalamay laga saaray Al-Shabaab, isa-markaana ay haatan ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

“Sidaas oo kale waxaa laga furtay hub aad u fara badan qoryo BKM, Sabab iyo AK74, sidaas si lamid ah goobihiina waa laga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankooda waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan ill 4 askari oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dagaalka ka dhacay halkaasi.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka degmada Wisil ayaa xusay in Galmudug ay sii wadeyso gulufka dagaal ee haatan ka socda deegaanada maamulkaasi.

Gobollada Galgaduud iy Mudug oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyada ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul aad u ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyin muhiim ah.

Tirada Shabaabkii lagu dilay dagaalkii Mudug oo gaartay…

0

Wisil (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray dagaal culus oo shalay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu laayey kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu shaaciyey in 75 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Warkaan waxaa lagu cadeeyey in weerarka ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga is abaabulay ee deegaanka, isla markaana deegaano badan looga xoreeyey Al-Shabaab.

Sidoo kale Galmudug ayaa xustay in kooxda la duqeeyey oo diyaaradaha dagaalka ay ka qeyb qaateen duulaanka lagu qaaday kooxda, isla markaana laga furtay hub aad u badan.

“Ciidamada huwanta ah ayaa hormar weyn ka sameeyey dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa howdka koonfureed ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri warkaan caawa ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Ugu dambeyntii Galmudug ayaa saaxiibada caalamka uga mahad celisay sida ay ugu garab siiyeen dagaalkaan khasaaraha badan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Waxaa lasoo bandhigay meydadka Shabaab aad u badan oo lagu dilay Qeycad ilaa Bacaadweyn, sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay Al-Shabaab ka xoreeyeen Qeycad, Bacaadweyn iyo deegaano kale.

Dhulkaan oo howd ah, ayaa la sheegay in kooxda Al-Shaabaab ay ku leedahay dhufeysyo waaweyn, taas oo suurtagal ka dhigtay in ay ka sii dagaalamaan maalmo badan.

Hoos ka eeg bayaanka Galmudug

Itoobiya oo jabhada Oromada ku eedeysay dilka 50 qof

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromada ee dalka Itoobiya bishan kadib weerar ay qaadeen jabhad la mamnuucay ee Oromo Liberation Army (OLA) sida uu Arbacadii sheegay guddiga xuquuqul insaanka ee dowladdu magacawday.

Oromada ayaa ah halka ay ku nool yihiin qoowmiyadda ugu badan ee dalka Itoobiya, waxaana sannado badan ka dhacayay rabshado, kuwaas oo salka ku hayay saluug siyaasadeed iyo dayac ay dowladda dhexe ka tabanayeen.

Dilalka dhacay 2-dii Febraayo ayaa inta badan lala beegsaday dad barakacayaal ah oo ku sugnaa magaalada Ano oo qiyaastii 380 km (235 mayl) dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay warbixin ku sheegeen guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee (EHRC).

Warbixinta oo soo xiganaysa qoysaska dadka dhintay, goob-joogeyaal iyo hay’ado dawladeed, ayaa ku eedaysay weerarkan ciidanka Xoraynta Oromada (OLA), iyadoo aan la sheegin sababta ka dambeysay weerarkan.

OLA kama aysan jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho eedeynta loo jeediyay.

Afhayeenka dawladda Itoobiya Legesse Tulu ayaan sidoo kale ka jawaabin codsi kaas la mid ahaa.

OLA waa koox sharci darro ah oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Oromada, oo ah xisbi mucaarad ah oo horay looga mamnuucay dalka, isla markaana dibad joog aheyd, laakiin dalka kusoo noqotay kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu xilka qabtay 2018-kii.

VOA + Reuters.

Saif al-Adel takes over as leader of Al-Qaeda: What you need to know?

Washington (Caasimada Online) – Saif al-Adel, a former lieutenant colonel in the Egyptian special forces, has taken over as the new de facto leader of Al-Qaeda, according to the US State Department and the United Nations. 

This has significant implications for the future of the organization and its operations, as well as the broader jihadi movement. 

This article will provide a comprehensive overview of Saif al-Adel’s background, his involvement with Al-Qaeda, and the implications of his leadership for the organization and the broader jihadi movement. 

We will also examine the challenges that Al-Qaeda faces under his leadership and the potential risks that this poses to global security. 

Saif al-Adel: A brief overview 

Saif al-Adel, whose real name is Mohammed Salahuddin Zeidan, is a prominent figure in Al-Qaeda’s old guard. He has been instrumental in building the group’s operational capacity and training some of the hijackers who participated in the September 11, 2001, attack on the US, according to the US Counter Extremism Project.

Adel’s military background and experience have made him a respected figure within Al-Qaeda, and his actions have been described as ruthless and efficient.

However, some insiders argue that he is not equipped for leadership and is better suited for the organization of armed operations than the administration of a vast network of affiliates.

Adel has resided in Iran since 2002 or 2003, initially under house arrest but later free enough to travel to Pakistan, according to Ali Soufan, a former FBI counter-terrorism investigator. His location in Iran raises questions about Al-Qaeda’s leadership ambitions, particularly in the face of challenges from the Islamic State group. 

Adel’s leadership of Al-Qaeda 

Saif al-Adel’s takeover as the new de facto leader of Al-Qaeda represents continuity for the organization, at least for now. However, the group has not officially declared him an “emir” due to the Taliban authorities’ sensitivity over the death of Ayman al-Zawahiri, who was killed in Kabul by a US rocket last year.  

Likewise, Al-Qaeda is sensitive to Adel residing in Iran, a predominantly Shiite country, as he is a Sunni Islamist. 

The United Nations report assessing the risks posed by Al-Qaeda suggests that Adel is the group’s “uncontested” leader, with a $10 million US bounty on his head.  

The report states that the pressure is now on the group to choose a strategic leader who can carefully plan deadly operations and run a jihadi network.

Adel, unlike his predecessors, maintains a low profile and plans attacks from the shadows, turning Al-Qaeda into the world’s deadliest militant group.  

He was indicted and charged in November 1998 for his involvement in the bomb attacks on the US embassies in Tanzania and Kenya, which killed 224 civilians and wounded more than 5,000. 

Challenges and risks under Adel’s leadership

Under Saif al-Adel’s leadership, Al-Qaeda faces several challenges and risks. Firstly, the group has lost significant ground to the Islamic State group in recent years. Adel will need to work hard to restore Al-Qaeda’s reputation as the leading jihadi group.

Secondly, Adel’s location in Iran raises questions about Al-Qaeda’s relationships with other states, particularly given Iran’s predominantly Shiite population and its traditional rivalry with Sunni states. This could create tensions within the group and potentially limit its ability to operate effectively. 

Finally, the United States and its allies will undoubtedly increase their efforts to target Al-Qaeda under Adel’s leadership. This could lead to a new wave of drone strikes and other military operations against the group, further weakening its operational capacity and undermining its ability to launch attacks.

Implications for global security 

Saif al-Adel’s leadership of Al-Qaeda has significant implications for global security. Al-Qaeda remains one of the most dangerous jihadi groups in the world, with a long history of deadly attacks against civilian and military targets. 

Under Adel’s leadership, the group will likely continue to prioritize the use of violence to achieve its goals and target a range of countries and groups that it perceives as enemies. This could include the United States, its allies in the Middle East, and other targets that Al-Qaeda perceives as symbols of Western imperialism and oppression.

The international community will need to work together to counter the threat posed by Al-Qaeda under Adel’s leadership. This will require close cooperation between intelligence agencies, law enforcement agencies, and military forces worldwide and a sustained effort to counter the ideology of violent jihadism that underpins Al-Qaeda’s activities. 

Conclusion 

Saif al-Adel’s takeover as the new de facto leader of Al-Qaeda represents a significant development in the ongoing struggle against jihadi terrorism. 

Adel’s background, experience, and reputation within Al-Qaeda make him a formidable leader, but his location in Iran and the challenges facing the group will make his leadership difficult.

The international community must remain vigilant in the face of the ongoing threat posed by Al-Qaeda under Adel’s leadership.  

This will require a sustained and coordinated effort to disrupt the group’s activities and counter its ideology and a continued commitment to working together to maintain global security and stability.

Qorshe ay Shabaab ku kala jirayeen Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo maanta fashilmay

0

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Dadka is abaabulay ee deegaanka oo taageero ka helaya ciidanka dowladda ayaa maanta kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaano hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaaalkaas ayaa yimid kadib markii ay dadka deegaanku ka war heleen in Al-Shabaab ka soo talaabay dhanka galbeed ee webiga Shabeelle ay u gudbayaan deegaanada dhaca bariga wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo markii hore ka dhex-qarxay dadka reer Miyiga ah ee hubka qaatay iyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa dib uga biiray ciidanka xoogga dalka oo ka baxay degmada Jalalaqsi, waxaana halkaas maanta ka dhacay dagaal aad u culus.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa Idacadda VOA u sheegay inay dagaal culus maanta la galeen kooxda, isla markaana deegaanadii lagu dagaalamay ay ka xoreeyeen oo hadda ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka.

Deegaanada Inji iyo Afcad ayaa sidoo kale maanta dagaallada ugu culus ay ku dhex-mareen ciidanka dib u xoreynta deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab, ugu yaraan todoba qof oo dad shacab ah ay ku jiraan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaas.

Sarkaal lagu magacaabo Bashiir Mukhtaar oo ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay ka hortageen Shabaab-kii doonayey inay wabiga ka soo talaabaan.

“Waxay doonayeen inay wabiga dhinaca bari uga soo gudbaan, laakiin waan ka hortagnay, si adag ayaan isaga difaacnay, dagaal culus kadibna halkii ay ka yimaadeen ayey dib ugu laabteen,” ayuu yiri Bashiir.

Mar la weydiiyey sababta ay dhinaca bari ee wabiga ay uga soo gudbayaan, maadaama dhinaca galbeed ay ka xigaan, ayuu sheegay in kooxdu ay dooneyso inay galaan howda u dhaxeeya gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay aaminsan yihiin inay mudo ka dagaalami karaan, balse wuxuu sheegay inay u diidan yihiin inay ka soo talaabaan wabiga.

Deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan ayaa mar hore laga xoreeyey Al-Shabaab, gobolkaas waxaa kala bara wabiga Shabeelle, waxayna kooxdu joogtaa deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle, halkaas oo weli wax howlgallo ah aysan ka bilaaban.

Dagaalka ugu culus ayaa hadda Al-Shabaab uga socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay tobanaan Shabaab ah lagu dilay, kuwaas oo meydadkooda lasoo bandhigay, sidoo kale deegaano badan oo Mudug ay ka joogeen ayaa laga xoreeyey Al-Shabaab.

Horn of Africa migration on the rise, says UN official

Geneva (Caasimada Online) – The International Organization for Migration (IOM) has expressed concerns over the increased numbers of women and children migrating from the Horn of Africa to Gulf countries through Yemen.  

The Director General of IOM, Antonio Vitorino, stated that the Eastern Migration Route, the treacherous journey taken by people from Ethiopia, Somalia, and Djibouti, has seen a 64% increase in the past year.  

Most of those seeking a better livelihood are women with children and children traveling alone. Climate change has been identified as one of the main drivers of this increased migration. 

Increase in vulnerability

In the past, women and children often opted out of this dangerous journey through the desert, mostly made on foot. Men would usually leave their families behind and make the trek in the hope of finding jobs and sending money back home.  

However, the number of migrants is rising, placing pressure on the vulnerable migrants who are now more susceptible to criminal gangs along the route. They require protection against rape, violence, traffickers, and smugglers. 

The United Nations’ migration organization needs to improve awareness of the dangers of this journey and provide assistance to the migrants.  

Primary healthcare and other services should be offered to the migrants. In some cases, they should be returned to their countries of origin. 

Last year, IOM returned 2,700 migrants voluntarily to Ethiopia and provided post-arrival assistance to support them in moving back to their regions of origin. 

Challenges in Libya 

The migration of people from West Africa through Libya to Europe is also a concern, particularly those detained in Libya.  

The IOM strives to get more migrants into voluntary return programs to reduce the number of people in detention. However, this is difficult because the number of migrants who want to return is much higher than the available flights from Libya.

The factors that lead to increased migration, such as climate change and conflict, need to be addressed to reduce the number of people moving away from their homes. 

Migrants should pursue legal migration routes. Although the process is complicated and cumbersome, it is much safer than the life-threatening conditions along illegal routes.

Conclusion

The increased migration of women and children from the Horn of Africa to Gulf countries through Yemen is a significant concern.  

The vulnerability of these migrants must be addressed by providing them with awareness and assistance. Additionally, the factors that lead to increased migration must be addressed to reduce the number of people moving away from their homes. 

Migrants should pursue legal migration routes, and the international community must work together to ensure the safety of those seeking a better livelihood.

Qarax dhimasho iyo dhaawac oo leh ka dhacay Puntland iyo Shabaab oo sheegatay

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo waxyeelo u geystay dad isugu jira askar iyo shacab.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qaraxu ka dhacay goob maqaayad ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka shan askari iyo laba qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaashu noo xaqiijiyeen.

Qofka ku geeriyooday qaraxaas ayaa ahaa haweeneydii maqaayadda laheyd, halkaas waxaa ku sugnaa askar badan, waxaana dhaawacmay ugu yaraan shan askari oo ciidanka Puntland ka tirsan iyo laba qof oo shacab ah.

Qaraxa ayaa la sheegay lagu sii diyaariyey maqaayadda, saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in isla maqaayadaas gudaheeda maanta laga soo saaray qarax kale.

Qaraxa laga soo saaray maqaayadda ayaa ku aasnaa dhulka, balse midka qarxay ee khasaaraha geystay ayaa lagu diyaariyey meel kore, taasi waxay sababtay in la arki waayo intii uu baaritaanku socday oo markii dambe ay miinadaasi dadka ku qaraxdo.

Saqafka kore ee maqaayadda ayaa la saaray qaraxa, wuxuuna galaaftay nolosha haweeneydii maqaayadda laheyd, iyadoo todoba qof oo kale oo shan askar tahay lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, maqaayadda la qarxiyey ayaa waxaa aad u fariisa jiray oo Shaaha ka cabi jiray ciidamada ammaanka Puntland oo meel u dhow maqaayadda saldhig ku leh.

Golaha Siyaasadda Beesha Mudullood oo go’aan kasoo saaray xilal ay beesha heshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay maanta 15/2/2023 ay isagu yimaadeen Golaha Siyaasadda iyo Horuumarinta Beesha Mudulood oo ka dhacay Muqdisho ayaa laga soo saaray go’aan la xiriira awood qeybsiga beesha.

Golaha ayaa soo jeediyey in xubno shaqaale Aqalka Sare ah oo beesha kusoo aaday la siiyo jufooyinka beesha ee aan laheyn xildhibaanada iyo Senator-ada, kuwaas oo kala ah; Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen.

Qoraal kasoo baxay golaha ayaa lagu yiri “Iyada oo la tixgalinayo cadaaladda bulshada ee ku dhisan wax qeybsiga xilalka, in xubnaha qeyb ahaan Soomaalida uga soo aaday beesha Mudullood ee shaqaalaha sare, in la siiyo aqoonyahanada beelaha Mudullood ee aan xildhibaanada laheyn kuwaa oo kala ah: Maxamed Mudullood, Ilaawaay iyo Wacweeyteen.”

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in go’aanka uu yimid ayada oo ay jirto in xubno ka tirsan beesha oo ku jira Aqalka Sare ay doonayaan in shaqooyinka soo baxay ay siiyaan beelahooda, oo markii horeba haystay xildhibaano iyo senatorro.

Somali National Army strikes hard at Al-Shabab, kills over 200 militants in operations

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali National Army has dealt a significant blow to the al-Qaeda-affiliated terrorist group, Al-Shabab, by killing over 200 militants during recent military operations in several states.

The operations, which took place in Galmudug, South West State, and Jubaland, also resulted in the liberation of large territories that were previously under the control of the terrorist group.

The Minister for Information, Daud Aweis Jama, confirmed the success of the week-long operation and noted that more militants surrendered during the operations, including a senior commander and bomb expert.

He added that the troops intensified assaults on militants in the regions, leading to mass casualties.

This latest success by the Somali National Army comes in the wake of increasing pressure on Al-Shabab, which has intensified attacks on security personnel, military bases, and government installations in recent days.

The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has declared an “all-out war” on the terrorist group since his re-election for a second term in May last year.

As part of the efforts to support the military operations, President Mohamud has called on the Somali people to contribute $1 per person to the “national defense and liberation program.”

He explained that this move was intended to speed up military operations to eliminate terrorists and give people more opportunities to participate in ongoing operations.

Somali National Army (SNA) announced on Tuesday that it had apprehended the notorious al-Shabab leader, Salman Dadir, who was responsible for explosive devices in Mudug, a central region of Somalia.

The capture occurred as Dadir was reportedly driving a vehicle loaded with explosives near Amara town and was caught by SNA’s 21st division, along with the support of Galmudug States security forces.

Somalia has long struggled with insecurity, with al-Shabab and Daesh/ISIS posing significant threats to the peace and stability of the country.

The UN has issued periodic reports about growing insecurity in Somalia, highlighting attacks by al-Shabaab and other terror groups.

Shabaab badan oo maanta lagu laayey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Qeycad iyo duleedka magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneral Maxamed Cali Nuur oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray deegaanka Qeycad iyo godad uga qodnaa agagaarka Bacaadweyn.

Jeneraal Maxamed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalkan kooxda Al-Shabaab looga dilay 32 xubnood oo uu ku jiro horjoogahoodii maleeshiyada ee halkaasi kula dagaalamay ciidamada dowladda.

“Waa deegaankii ugu adkaa ee bacadka ee godadka ka sameysteen, waxaa ugu darneyd Qeycad iyo Bacaadweyn inta u dhaxeysa waxaana uga saarnay awoodii Ilaahay na-siiyay ee haybada laheyd ee ciidanka qaranka Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwanayd,” ayuu yiri.

Dagaalkaan oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada milatariga ee xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo maleeshiyada Shabaab ay dib ugu gurteen deegaanada Camaara iyo Caad, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

“Waan ka saarnay goobihii ay ku jireen oo cadowga cagta lagu mariyay, hubkii iyo qalabkii isgaarsiinta ay haysteen waxaba looga qaatay, loogana dilay amiiradii ugu sareeyay. Kuwa kale ee cararay ugama hari doono meel kasta oo ay galaan. Meelkasta oo cadowga tago waa ka daba-galayna.”

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda.

Somaliland oo war cusub kasoo saartay DAGAALKA magaalada Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markale ka hadashay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyada oo shaacisay in madax dhaqameed u diri doonto magaaladaasi, si xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa arrintaan u sheegay warbaahinta, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal ka gasho xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood.

“Dhibta Sool taalla wey dhamaaneysa sheydaan ayaa ka adeegay. Xukuumadd ahaan waxaan diyaarinay dhaqankii Somaliland oo u tegaya walaalahooda kale ee garaadada reer Laascaanood ee sida kale wax isku tustay, si ay ula soo xaajoodaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ee ay u dirayaan magaalada Laascaanood ay siiyeen awood buuxda, islamarkaana ay aqbalayaan xukuumad ahaan wixii ay lasoo gaaraan Isimida SSC ee ku sugan magaaladaasi.

“Xaga waxa ka talinaya (Laascaanood) garaado dhaqan ah ayaa ka talinaya, marka gadhba gadh ayaa la tusa ee xukuumaddii aad ka cabaneyseen idinma soo dirin ee waxaa idin soo dirnay garaadadii idinla dhigmayay.”

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxa uu ka codsaday Isimida SSC in ay la fariistaan odayaal dhaqameedka ay usoo dirtay Somaliland, ayna kala hadlaan tabashada ay qabaan, si xal looga gaaro oo dagaalka Laascaanood loogu soo afjaro xal nabadeed.

Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad-joojin, taasi oo aan waxba ka tarin xaaladda ka taagan Laascaanood, waxayna Isimida SSC ku xireen dhaqan-gelkeeda in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada.

Waxaa si weyn isku soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee ku aadan xaaladda Laascaanood, ayada oo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ay markale dalbadeen in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhameeyo miiska wada-hadalka

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada-hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka.

Kulankii xildhibaanada BF ee maanta oo baaqday iyo dood xooggan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen fadhiga tiro xildhibaano ku filan si uu fadhigu u furmo.

Tirada kulankaan soo xaadirtay ayaa noqotay 120 xildhibaan oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga, islamarkaana uu digniin culus u diro xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta.

Sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama kulamo badan oo Golaha Shacabka ay sidaan oo kale ugu baaqdeen kooram la’aan.

Kulanka maanta ayaa la filayay in loogu codeeyo Hindise-sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaasi oo akhrintii saddexaad maraya iyo sidoo kale akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Socdaalka.

Kulamadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay dood sharciyeed xoogan oo salka ku haysa qaab hogaaminta Baarlamaanka ee guddoomiye ku-xigeenka 2-aad oo muddo ku dhow bil keligiis guddoominayey golaha.

Guddoonkan ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay xeer hoosaadka, waxayna mudaneyaasha qaar sheegeen in golaha ka taagan tahay xaalad guddoon xumo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo xilligaan ah ku-sime ayaa muddo dheer soo xaadirin golaha, halka guddoomiye ku-xigeenka koowaad uu isagna dalka ka maqan yahay.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hore u sheegay in guddoonkan uu qaab sharci darro ah ku meel-mariyay sharciyo, taasi oo keentay in sharciyadii u dambeeyay ee la horgeeyay golaha ay qaataan waqti dheeraad ah.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco waayadii dambe, ayada oo dhowr jeer arrintaan looga digay xildhibaanada.