27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

FlyDubai launches daily direct flights to Mogadishu

0

Dubai (Caasimada Online) – The Dubai-based airline flydubai has announced the commencement of a new daily service to Mogadishu Aden Adde International Airport (MGQ), Somalia’s capital city, from March 9, 2023. 

The low-cost hybrid arm of Emirates aims to double its frequency from June 2023, hoping to facilitate travel between the two cities for individuals living at both ends.

Chief Commercial Officer at flydubai, Hamad Obaidalla, said, “We continue to look for opportunities to grow our network in East Africa and open up underserved markets.” 

Adding direct flights between Dubai and Mogadishu will further stimulate the economy and help create free travel and trade flows.

Flydubai’s African coverage will expand further with the launch of flights to Mogadishu on March 9, 2023, becoming the eleventh African destination, with the airline operating flights to other African cities such as Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba, and Zanzibar.

Why is Somalia important for flydubai?

The strategic location of Somalia, located in the horn of Africa, is ideal for trade and commerce. However, it is frequently marred by maritime piracy, making air travel safer and more viable for travel between the two cities. 

Additionally, with Dubai linked with Mogadishu, Somalis can travel more efficiently to the wider world through its Dubai hub. Moreover, there are lots of Somali expatriates in Dubai, forming a perfect link for visiting friends and family traffic.

Flydubai’s new route to Mogadishu can become profitable, as only a few carriers are flying between the two cities, apart from the local Somali Airline, Dallo Air. Somalia is also home to beautiful coastlines and beaches, which makes the country picturesque. However, its tourism industry is relatively unheard of.

Flydubai’s Senior Vice President of Commercial Operations, Sudhir Sreedharan, said, “Flydubai will offer convenient and reliable travel services between countries.” 

He added, “This route will be operated by our fleet of Boeing 737 MAX aircraft, offering customers the comfort of our Business Class cabin or a more customized experience in Economy Class. We look forward to doubling our frequency to Somalia from June 1, 2023, and further connecting the market to Dubai and beyond.”

Flydubai will operate flights to Mogadishu from Terminal 2 at Dubai International and Aden Adde International Airport. The airline’s prices for Business Class will start from AED 12,000, and Economy Class will start from AED 3,000. 

The lack of competition between Dubai and Mogadishu allows the airline to capitalize on the route. 

Diyaarad Imaaraati ah oo billaabeysa duulimaad toos oo Muqdisho iyo Dubai ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkada duulimaadyada ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Dubai oo toos ah, weliba si maalin leh ah.

Fly Dubai oo in muddo ah aan imaan Soomaaliya ayaa duulimaadkeeda tooska ah bilaabi doonto 9-ka bisha soo socota ee March, ayada oo la rajeynayo in saddex bil kadibna la kordhin duulimaadyadaasi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrin yadidiilo leh ku tilmaamay duulimaadka tooska ah ee ay bilaabeyso shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai.

“Duulimaadyadan tooska ah ee Fly Dubai waxay wax ka tari doonaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga labada dal (Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta),” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Shirkadda Fly Dubai oo iyaduna ka hadashay duulimaadyadan ay ka bilaabeyso dalka ayaa waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai.

Sidoo kale waxa uu sheegay masuulkan in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

Tallaabadan ayaa imaneysa, xilli ay shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai wado qorshe ay isku ballaarinayso shabakadeeda Afrika, oo illaa hadda gaaray 11 goobood, taasi oo ay ku tilmaamtay shirkaddu mid siinaysa rakaabka Imaaraadka iyo gobolkaba ikhtiyaaro ku haboon safarkooda.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo hagaajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muujisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi.

Madaxweyne Xasan oo hal dollar ka codsaday qof kasta oo Soomaali ah + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin ka bixiyay olole cusub oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in qofkiiba uu hal dollar ku darsado barnaamijka difaaca dalka iyo xoreynta dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ololaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha looga dan leeyahay dardar-gelinta howl-galada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaasi oo si habsami leh uga socda qeybo badan oo dalka.

“Tallaabadan ayaa loogu tala-galay in lagu dardar-geliyo howl-galada Khawaarijta iyo in shacabka fursad loo siiyo in markale door weyn ku yeeshaan howl-galada, iyaga oo awalba ay shacabka qeyb ka ahaayeen howl-galada milatari ee socday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay akoono iyo lambaro loogu tala-galay in shacabku ay kusoo shubaan qaarankooda ku aadan howl-galka socda, kaasi oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howl-galadii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobolada dalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay kula wareegeen deegaano horleh.

Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howl-galada laga sameeyey, kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xaqiijiyay in howl-galadaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Yaa kusoo baxay kursigii u baneeyay Xamza?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku qabtay doorashada kursiga Hop#203, kaas oo uu horey u baneeyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Doorashada kursigan oo horay loo sii shaaciyay, kadib jadwal uu soo saaray guddiga ayaa waxaa isku soo taagay illaa laba musharrax oo uu midkood tanaasulay.

Kursigab oo isha loogu hayey soo buuxintiisa ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Hurry Ugaas, kadib markii uu u tanaasulay musharrax Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo la tartami ahaa.

Xasan Hurry oo kusoo baxay cod-gacantaag ah ayaa helay 88 cod, sida uu shaaca ka qaadau guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay ayaa ahayd 90. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdullaahi Maxamed Cabdi, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Xasan Hurry Ugaas. 88 ayaa tiri HAA, hal qof wuu diiday, hal qofna wuu ka aamusay. Sidaas ayuu Xasan Hurre Ugaas ku helay 88 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 203” ayuu yiri guddigu.

Sidoo kale guddiga ayaa u hambalyeeyay xildhibaanka cusub ee lasoo doortay, wuxuuna sidoo kale eebe uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda cusub ee loo igmaday.

“Waxaan Xasan Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada.

28-kii bishii December sanadkii 2021-kii ayaa kursigaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Xamza ayaa saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo awood badan ku dhex lahaa doorashadii xildhibaanada ee Kismaayo ka dhacday.

Maadaama uu hadda Xamza yahay Ra’iisul wasaaraha dalka wuxuu baneeyey kursigaas oo dastuurku uma ogolaanayo in R/Wasaare uu noqdo xubin baarlamaan, taas oo khasab ka dhigeysa in qof kale loo doorto kursigaas.

Kursiga uu baneeyey R/Wasaare Xamza Barre wuxuu noqonaya kursiga labaad ee dib loo soo doorto, waxaana ka horeeyay kii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo bilowgii bishaan Febraayo lagu doortay Dhuusamareeb, waxaana ku soo baxay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Soomaaliya oo u gudubtay ‘marxalad la isku bareero’ kadib go’aankii dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laanta dembi baarista ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano CID, waxaa waqti fog lagu eedeynayay laaluush wajiyo badan leh.

Qaar waxay la xiriireen madaxda laanta, qaar howl-wadeenada hoose, arrimaha qaarna madaxdii Booliska ee xilka laga qaaday ayaa ku lug lahaa.

Qof madax ah oo gacanta la gali kara arrintan, karana in uu suuliyo ayaa muddo la naawilayay inuu yimaado halka laga xakumo Booliska Soomaaliya.

Dadka baarista loo geeyo ee ku xiran CID-da iyo dadka doonaya faraha dembi la’aanta si ay u dalbadaan Baasaboor ama waxyaabo kale oo socdaal iyo shaqo la xiriira ayaa tabiyay dhowr jeer in lagula kacay musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin.

Xarunta CID waa mid kamid ah goobaha ugu badan oo ay shacabku musuqa ku eedeyeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Isniintii, Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa kor u sheegay eedaha shacab ee loo haysto CID, wuxuuna raaciyay in ay arrintaas xaliyeen oo mardambe aysan dhici doonin in xaruntaas lagu jeeb baarto shacabka Soomaaliyeed.

“Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

“Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

Dhawaan Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay tuhunka ciidamada ee wada-shaqeynta Shabaab, maantana taliyihii Booliska ayaa carabka ku dhuftay musuqa CID-da iyo inuu arrimahaas xaliyay.

Tani waa astaan muujinaysa inay Soomaaliya u gudubtay marxalad la isku bareero oo aan runta lagala dhuuman cidda ku xad-gudbeysa xuquuqda shacabka iyo muuqaalka dowladnimada.

Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee Al-Qacida ee horey u tababaray Soomaalida?

New York (Caasimada Online) – Khubarada QM ayaa sheegay in aragtida ugu weyn ee xubnaha ay tahay in hoggaanka ururka Al-Qaacida uu la wareegay Sayf al-Adl, oo horey mas’uul uga ahaa amniga Osama bin laden, islamarkaana tababaray qaar ka mid ah xubnihii fuliyey weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka.

Guddiga khubarada ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ku sheegay in weli aan si rasmi ah loogu dhowaaqin in Sayf al-Adl uu beddelay Ayman al-Zawahiri oo bishii August ee 2022 lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Kabul.

“Hase yeeshee wada-hadallo dhacay November iyo December ayey dalal badan oo xubno ka ah QM ku qaateen fikirka ah in Sayf al-Adl uu hadda u shaqeeyo sida hoggaamiyaha aan lala loolamin ee kooxda,” ayey tiri warbixinta.

Qiimeynta ku saabsan sababta aan weli loogu dhowaaqin hoggaanka Sayf al-Adl ayaa lagu kala duwan yahay. 

Dalalka qaar ayaa dareemaya in joogitaankii al-Zawahiri ee Kabul ay ceebeysay kooxda Taalibaan oo raadineysa sharciyad “islamarkaana Al-Qacida ay dooratay inaysan arrintan sii xumeyn ayada oo qireysa dhimashadiisa,” ayey yiraahdeen khubarada.

“Si kastaba, inta badan waxay go’aamiyeen in sababta ugu weyn ay tahay joogitaanka Sayf al-Adl ee gudaha Iran, taasi oo dhalisay su’aalo diimeed iyo kuwa howlgal oo horyaalla Al-Qacida,” ayey yiraahdeen.

Ayaga oo xusaya in hal dal uu diiday wax xiriri ah oo Al-Qacida kala dhaxeeya Iran, ayey guddiga QM sheegeen in halka uu joogo Sayf al-Adl “ay dhalineyso su’aalo miisaan ku leh damaca Al-Qacida ay ku xajisaneyso hoggaanka dhaq-daqaaqa caalamiga xilli ay caqabado wajaheyso” kooxda Daacish.

Sayf al-Adl ayaa ku jiray liiska xayiraadda QM tan iyo 2001, si la mid ah Mohammed Salahaldin Abd El Halim Zidan, oo u dhashay dalka Masar, sida ay sheegeen guddiga.

Sayf al-Adl ayaa liiska QM ugu jira inuu la wareegay hoggaanka militari ee Al-Qacida kadib dhimashadii Mohammed Atef – mid ka mid kaaliyayaasha ugu dhowaa Osama bin Laden – kaasi oo lagu dilay weerar ay Mareykanka fuliyeen November 2001.

Ka sokow inuu ahaa madaxii amniga Osama bin Laden, QM ayaa sidoo kale sheegtay in Sayf al-Adl uu mintidiinta bari jiray sida loo isticmaalo qaraxyada, islamarkaana uu tababaray qaar ka mid ah diyaarad afduubteyaashii fuliyey weerarkii Mareykanka lagu qaaday September 11, 2011.

QM ayaa sidoo kale sheegtay inuu tababaray dagaal-yahanadii Soomaalida ee Muqdisho ku dilay 18 askari oo Mareykan ah 1993-kii, dhacdadii loogu magac daray Black Hawk Down.

Mareykanka ayaa Sayf al-Adl u doonayaa xiriirka uu la lahaa qaraxyadii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Dar es Salaam, Tanzania, iyo Nairobi, Kenya 1998-kii.

Daawo: DF oo shaacisay in la dilay 200 oo Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Daa’uud Aweys ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyey ee todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada dalka.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay kula wareegeen deegaano horleh.

Afar maamul goboleed ayuu sheegay in howlgallada laga sameeyey, kuwaas oo kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Guud ahaan howlgallada waddanka ka dhacay todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo qof,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xoojinayaan digniinta kasoo baxday hay’adda NISA, oo horay u shaacisay inay ka war heyso in Al-Shabaab ay ganacsatada ugu yeertay gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo shaaca ka qaaday in ganacsatada ay uga digayaan arrintaasi

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in xukuumadda Soomaaliya oo ka duuleysa adkeynta amniga uu ra’iisul wasaaraha la shiray guddoonka sare ee gobolka Banaadir, isla-markaana uu faray in wax laga bedalo amniga.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Talyaaniga, isaga oo hoosta ka xariiqay inuu ku soo dhammaaday si guul ah, isla-markaana uu wadahadallo lasoo yeeshay madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha wadankaas.

BEESHA CAALAMKA oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ayaa markale war cusub kasoo saaray dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood ee u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Beesha caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay si xoogleh u cambaareyneyso sii socoshada dagaalka Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur xoogan.

“Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa qoraalkeeda walaac uga muujisay duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaareen dadka rayidka ah.

“Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa markale ku celiya baaqooda ah in la joojiyo dagaalka, wax welibana lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka.

Ugu dambeyn xubnaha beesha caalamka ayaa dalbaday in labada dhinac aysan hor istaagin gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah ee ka ka barakacay Laascaanood.

“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed. Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka beesha caalamka.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

IFAD resumes support for Somalia after debt clearance

0

Rome (Caasimada Online) – The International Fund for Agricultural Development (IFAD) announced on Tuesday that it is “substantially” increasing its support to address the drought crisis in Somalia after a three-decade-long suspension of direct investments in the country. 

IFAD President Alvaro Lario confirmed that Somalia had cleared its debt with the organization through member-state support, allowing direct investments to resume.

The prolonged drought in the country continues to threaten millions with acute food insecurity. As such, IFAD recognizes the need for long-term solutions through rural development to build resilience. 

Lario emphasized the importance of providing humanitarian assistance to save lives but also to establish a foundation for a brighter future.

Immediate assistance for agriculture development

IFAD is mobilizing resources for a new US$50m agricultural development project, providing services and training to support small-scale farmers and pastoralists. This project includes the provision of seeds, irrigation, veterinary services, micro-finance loans, and training in climate-smart and adaptation techniques.

To support this effort, IFAD immediately makes US$11.6m in funding available. This project will help farmers and pastoralists adapt to climate change, build resilience, and cope with future shocks. 

Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Republic of Somalia, has welcomed IFAD’s renewed commitment. He recognizes that this re-engagement is an opportunity to address many food security priorities in the country. 

The president emphasized that IFAD’s re-engagement marks the beginning of the process of transition from humanitarian to development efforts and that other organizations will follow suit.

Belgium, Germany, Italy, and Sweden have supported Somalia in clearing its arrears, which prevented the country from benefiting from IFAD’s highly concessional loans and grants since the civil war began in 1991. IFAD continued to mobilize donor grants, channeling resources for rural development projects in Somalia. 

This re-engagement with IFAD is a significant step forward for Somalia’s development and ability to withstand economic and climatic shocks.

Strengthening resilience in rural populations

Jochen Flasbarth, State Secretary for the Federal Ministry of Economic Cooperation and Development of Germany, highlights the importance of building institutions and ownership in times of crisis to leverage further financing for climate-resilient agriculture. 

The Belgian ambassador to IFAD, Pierre-Emanuel De Bauw, emphasizes the urgency of strengthening the resilience of rural populations in the world’s poorest countries.

IFAD’s renewed commitment to supporting Somalia’s agricultural development is critical to the country’s long-term sustainability. Through this effort, small-scale farmers and pastoralists will be equipped with the necessary tools and knowledge to adapt to climate change and build resilience.

 As a result, Somalia can withstand economic and climatic shocks and improve its food security in the face of continued challenges.

Mooshinka Laascaanood oo loo gudbiyay Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada ka soo jeeda gobolka Sool ayaa shalay guddoonka Golaha Aqalka Sare u gudbiyay mooshin la xiriira xaaladda ka taagan gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa kalfadhigii shalay ka sheegay in mooshinkaas ay qabteen, balse ay dib u dhigayaan kadib codsi laga daba keenay, sida uu sheegay.

“Waxa jira mooshin ay keeneen Senatorada arrinta Sool iyo Laascaanood ku saabsan, mooshinkaas waa qabanay laakiin codsi ayaa ka daba-yimid oo ah in dib loo dhigo markaa dib ayaa u dhignay,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Shacbaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka uu xiligiisa soo dhameysto ee nidaamkiisa uu soo dhameysto ayaa isagana dib idinka soo wadaageyna. Wixii idinka noo qaadan ayaa sharci ah, anaga shraci ayaa ku shaqeynayna nidaam ayaa raaceyna gole ayaa nahay.”

Mooshinkan laga gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayaa imanaya, xilli uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee deegaanka.

Labada dhinac ayaa xalay ku dagaalamay gudaha magaalada Laascaanood, kaasi oo dagaalka uu billowday abaare sideedii habeenimo, ayada oo lasoo wariyay inay barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin baaxada khasaaraha dagaalkaasi.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo, uuna galay maalintii 9-aad.

Labada dhinac ayaa dhowr jeer hore u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay in dagaalka la joojiyo, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay keliya mid ku kooban afka baarkiisa.

Dagaal u dhexeeyo ciidanka dowaldda iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo xoogag hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goordhow uu ka qarxay deegaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay dib u xoreynta ee ka howlgala gobolkaas, kuwaas oo weerar ku qaaday xubno ka tirsan Shabaab oo doonayey inay ka gudbaan wabiga Shabelle.

Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta xubnaha Al-Shabaab, kadibna ay sidaas ugu qaadeen weerarka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay fashiliyeen qorshihii ay Al-Shabaab uga gudbayeen deegaankaasi, si u tegaan dhinaca kale ee wabiga.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare lixaad leh oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkan, maadaama iyaga oo aan fileyn lagu qaaday weerar gaadmo ah.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaaas weli ka socda duleedka degmada Jalalaqsi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu haatan ka socdo howlgalka dib xoreynta, waana gobolkii ugu horreeyay ee uu ka billowday kacdoonka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Askar ka tirsanaa ciidamada KENYA oo qarax lagu dilay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen askar ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa magaalada Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan saddex askari, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kaas oo loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Booliska dowladda Kenya oo ka hadlay weerarka ayaa ku eedeeyay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya la qarxiyay ay socdaalkooda horay usii wateen.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka, si ay u sugaan amniga, ugana hortagaan weerarada Shabaab.

Maalmo kahor aheyd markii qarax noocan oo kale ahaa uu ka dhacay duleedka Gaarisa, kaas oo lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

QM oo digniin cusub kasoo saartay Soomaaliya + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markale ka digtay Macaluul ka dilaaci karta gudaha Soomaaliya laga billaabo bisha April illaa June ee sanadkaan.

Waxa kale oo ay ku celisay baaqa deeq 2.6 bilyan oo dollar ah si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, iyada oo sheegtay i dalka uu mar kale qarka u saaran yahay macaluul.

Isku-duwaha xafiiska gar-gaarka bini’aadantinimo ee QM ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula ayaa abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ku tilmaamay mid aan horay loo arag.

“Macaluul waa suurto-galnimo xooggan laga bilaabo April illaa June ee sannadkan, iyo dabcan wixii ka dambeeya, haddii gar-gaarka bani’aadamnimo aan la joogteyn iyo haddii roobabka bilahaas (April illaa June) ay hoos u dhacaan sida hadda la saadaaliyay,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam Abdelmoula wuxuu sheegay in 3.8 milyan oo qof oo dalka ku nool ay ku barakaceen gudaha dalka, taasi oo uga sii daraysa helista adeegyada aasaasiga ah ee hore u koobnaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka badan 700,000 oo qof la filayo inay la kulmaan gaajo daran.

Qorshaha waxqabadka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2023, oo ay daaha ka rogeen todobaadkii hore QM, saaxiibadeeda bini’aadamnimada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa baaqa 2.6 bilyan oo dollar oo deeq ah.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa la sheegay in lagu caawinayo in ka badan 8 milyan oo qof, oo lasoo wariyay inay si aad ah ugu baahan yihiin gar-gaar ay ku noolaadaan.

Arrimahan ayaa imanaya, iyada oo saadaalintu ay haddaba muujineyso in xilli roobaadka gu-gana uu noqdo mid hooseeya, taasi oo uga sii dareysa xaalada taagan.

Tirada dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Syria oo dhaaftay illaa 41,000

0

Ankara (Caasimada Online) – Dalka Turkiga, sagaal qof ayaa Talaadadi shalay nolol loogu tagay oo laga soo badbaadiyay darbiyada burburay hoostooda, hal todobaad kaddib, dhul-gariirki xoogganaa ee garaacay Turkiga iyo Suuriya.

Kuwa lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaal ah oo mid uu ahaa 17 jir kan kalana 21 sano jir. Labaduba waxaa laga soo bixiyay guri dabaq ah oo ka mid ah guryaha ku burburay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkeye.

Magaalada Antakya ee caasimadda gobolka Hatay ee dalka Turkiga, waxaa burburka hoostiisa laga soo badbaadiyay gabar iyo wiil u dhashay Suuriya, kuwaas oo darbiyada dumay hoostooda ku go’doonsanaa wax ka badan 200 oo saacadood.

Mid ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay ayaa kooxaha gurmadka u sheegay, in wali ay jiraan dad nool oo ku go’doonsan burburka hoostiisa.

Tirada dadka ilaa iyo hadda ku dhintay dhul-gariirka labada waddan ee diriska ah ee Turkey iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay 41,000.

Kumannaan kun oo qof ayaa hooy la’aan ah xilli darajada qaboowga xilliga qaboobaha ay tahay mid aad u daran.

VOA

Xabad joojinta Somaliland fursad ma u noqon doonta xalka xiisadda Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay xabad-joojinta ay kal hore ku dhawaaqday, taasi oo aan illaa hadda dhaqan-gelin, ayada oo dagaalka uu galay maalintii 9-aad.

Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Mudane Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in xabad-joojinta Somaliland ay xal u horseedi doonto xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Waxa uu sheegay in ka xukuumadd ahaan ay rejo ka qabaan in xabad-joojinta ay dhawaan ku dhawaaqday ay suurta-galin doonto in colaada Laascaanood lagu dhameeyo miiska wada-hadalka.

“Dowladda Somaliland waxay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, waxaan aaminsanahay tani in ay fursad siin doonto wada-hadal, dadka reer Somaliland marka waxay helaan wado ay ku xaliyaan khilaaf-kooda xasarad la’aan, waana dhaqan-kayaga,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland ay markasta hesho wado ay arrimaheeda ku xalisato, islamarkaana xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood ay ku dambeyn doonto wada-hadal iyo in wixii khilaaf ah jira la dhameyn doono, sida uu sheegay.

“Umadina kama badbaadi karto dhibaatooyinka adduunka, waana qayb kamid ah sunaha nolosha, lakiin dadka reer Somaliland waa dad adkaysi leh oo ka gudbi doona dhibaatooyinka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Somaliland usoo jeediyay in ay u midoobaan in xalka nabad lagu raadiyo.

Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan waxba iska badalin go’aankeedii xabad-joojinta, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida Laascaanood ku sugan oo iyagu ku xiray dhaqan-galkiisa in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada.

Xabad-joojinta Somaliland ayaa weli waxba ka tarin dagaalka socda, balse xukuumadda Somaliland ayaa qabta in go’aankeedan ugu dambeyn uu xal u noqon doono xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Sayf al-Adl takes over as Al-Qaeda’s leader: U.N. Experts

New York (Caasimada Online) – In a report to the United Nations Security Council, a panel of experts revealed that the leadership of Al Qaeda has likely passed to Sayf Adl, a former security chief responsible for Osama bin Laden’s safety and who trained some of the hijackers behind the 9/11 attack on the U.S. 

Despite not making any official announcement, many member states have taken the view that Adl is already operating as the group’s de facto and uncontested leader.

The report notes that while Al Qaeda has not publicly acknowledged Ayman Zawahiri’s death, many member states feel that Adl is already operating as the group’s de facto leader. 

Why has Adl’s leadership yet to be declared?

The reasons behind the lack of a formal announcement of Adl’s leadership are subject to various interpretations, with some speculating that Al Qaeda refrained from acknowledging Zawahiri’s death to avoid embarrassing the Taliban rulers of Afghanistan and others suggesting that Adl’s continued presence in Iran creates theological and operational complications for the group’s leadership aspirations. 

Although one country disputed the claim that Iran hosts any Al Qaeda affiliate, Adl’s location does raise questions for the organization’s global ambitions in the face of competition from the rival extremist group, Islamic State.

Adl’s role in Al-Qaeda and U.S. connections

The report notes that Adl, listed on the U.N. sanctions blacklist as Egyptian-born Mohammed Salahaldin Abd El Halim Zidan, has long been a target of U.S. authorities in connection with terrorist attacks such as the August 1998 bombings of U.S. embassies in Tanzania and Kenya. 

Besides being Bin Laden’s security chief, Adl also played a significant role in training militants to use explosives and preparing some of the hijackers involved in the 9/11 attack. 

The U.N. panel also highlights Adl’s role in training militants to use explosives and his training of Somali fighters responsible for the deaths of 18 U.S. service members in Mogadishu in 1993.

Threats from Al Qaeda and Islamic State

The report further stresses that the threat posed by Al Qaeda and Islamic State affiliates remains high in conflict zones and neighboring countries, with Africa being the continent where terrorism has had the most rapid and extensive impact in recent years. 

The leadership of the Islamic State has also been called into question following the recent announcement of Abu Hassan Hashimi Qurayshi’s death in a battle. The group’s second leader to be killed in 2022, Qurayshi, was succeeded by a new leader, Abu al-Husain al-Husaini al-Qurashi, about whom very little is known.

The report states that members of the United Nations have noted a number of pledges of allegiance to Abu Husain by Islamic State affiliates without knowledge of his true identity or leadership qualities.

Xog: BF oo wada mooshin muddo kororsi oo yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 60 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin muddo kororsi ah oo baarlamaanka Soomaaliya uu sameysanayo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshahaan ayaa lagu doonayaa in mudada uu sii joogayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya la gaarsiiyo muddo shan sano ah, waxaana lala xariirinayaa muddo kororsiga min halka sano ah ee dowlad goboleedyadu ay horay u sameysteen.

Mudo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u ahaa afar sano, balse qorshahaan mudo kororsiga ah waxaa laga shaqeynayaa iyagoo aan xafiisyada joogin hal sano.

Waxaa la xusuustaa in dowladdii tan ka horeysay laga diiday muddo kororsi laba sano ah, balse mudo kororsigaan wuxuu kii hore uga duwan yahay waqtiga loo diyaar-garoobayo oo aad loo soo hormariyey.

Inkastoo arrintaan ay hadda cusub tahay, hadana waxaan meesha ka marneyn tijaabada falcelinta ka imaan karta arrintaan mudo kororsiga ah ee xildhibaanada qaar ay wadaan.

Qorshaha socda kuma cada waxa laga yeelayo mudo xileedka Madaxweynaha, balse xildhibaanada saxiixay mooshinkaan waxay doonayaan in ka baarlamaan ahaan ay sii joogaan 5-sano.

Hadii meesha laga saaro in mudada loo kordhiyo madaxweynaha, ee baarlamaanka oo kaliya uu mudada kororsado, waxay ka dhigan tahay in xildhibaanada hadda jooga ay soo doora doonaan madaxweynaha bedelaya Xasan Sheekh.

Lama oga qorshaha Villa Somalia uga aadan arrintaan soo shaac baxday, waxaana socda olole xoog leh oo xildhibaanada qaar ay ugu jiraan in mooshinkaan uu meel maro si kulamada baarlamaanka loo hor geeyo.

Sawirro: Soomaaliya oo laga cafiyey malaayiin dollar iyo Xasan oo war ka soo saaray

0

Roma (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa loo cafiyey ugu yaraan $30 Milyan oo lagu yeeshay intii ay burburka ku jirtay, lacagtaan ayaa si gooni ah u quseysa sanduuqa beeraha ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha ee IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa shirkii maanta ka sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ay ugu horreeyaan argagixisada Al-Shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wxuuu xaqiijiyey in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal ku bixinayso sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo tabcashada beeraha dalka, maadaama ay Soomaaliya leedahay dhul ku wanaagsan tabaca dalagyada kala duwan ee cunada.

Hay’adda NISA oo war culus kasoo saartay ganacsato ay AL-SHABAAB u yeereen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa soo saartay digniin ku socota ganacsato xogtooda la helay oo kooxda Al-Shabaab ay u yeertay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka hey’adda, kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada reer Muqdisho qaar ka mid ah ku amartay inay ugu tagaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxayna NISA digniin u dirtay qof kasta oo amarkaas ay Al-Shabaab dul-dhigeen.

“Hey’addu waxay uga digeysaa ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna hantidaas loo isticmaalo gumaadka dad shacab ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey bogga Twitterka ee hey’adda ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha ay ka dhowyihiin Al-Shabaab, iyadoo qoraalka lagu cadeeyey in kooxdu ay mar kasta bartilmaameed u tahay hey’adaha amniga.

“Hay’addu waxa ay ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadan xarumaha Khawaarijta, maadaama ay bartilmaameed u yihiin hay’adaha aminga dowladda federaalka.”

Digniintaan ka soo baxday hey’adda NISA ayaa ku soo aadeysa iyadoo galabta Guddiga Qaran ee ka hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada uu soo saaray go’aano culus, kuwaas oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan arrinta la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

“Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn, si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri digniinta guddiga.

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

“Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn 90 cisho gudahood, si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Dowladda federaalka ayaa hore ugu guuleysatay inay si weyn u curyaamiso lacagihii baada ahaa ee kooxda ka heli jirtay gudaha caasimada, waxaana xiligan adag in ganacsatada si bareer ah ugu dhiiradaan inay lacag siiyaan Al-Shabaab, hase yeeshe waxaa jira culeys uga imanaya kooxda oo ayadu wajaheysa dhaqaale xumo baahsan.

Si kastaba, tan iyo markii uu billowday dagaalka noocyada badan leh ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Hoos ka eeg digniinta NISA

Somaliland oo Al-Shabaab ku eedeysay inay magaalada Laascaanood ka fulisay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay kooxda Al-Shabaab ku eedeysay duqeynta iyo madaafiicda lagu garaacay magaalada Laascaanood, taasi oo burbur horleh u geysatay goobaha shacabka iyo caafimaadka.

Hoggaanka howl-galinta ciidanka Somaliland ahna Afhayeenka ciidanka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay tallaabadaas u qaaday si ay usii huriso xiisadda colaadeed ee ka taagan Laascaanood.

“Waxaa xaqiiq ah oo aan hayna in Al-Shabaab ay dumiso guryaha Laascaanood gudaheeda oo ay haddana tiraahdo waxa dumiyay ciidanka Somaliland, iyada oo dooneysa in marnaba nabad ka dhalan Laascaanood,” ayuu yiri.

“Arrintaas waxaa u xaqiijinayna dadka waxgaradka ah ee Laascaanood, dadka aan nabadooda dooneyn waa Al-Shabaab oo ka faa’iideysatay jaaniska maanta taagan ah ee shaqaaqada Laascaanood.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay awood u leeyihiin in dagaal qorsheysan ay ku qaadan gobolka, balse ay u turayaan magaalada iyo shacabkeeda, sidaas darteedna ay weli ku taagan yihiin go’aankii kasoo baxay xukuumadda ee xabad-joojinta.

“Dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Al-Shabaab iyo dhalinyaro caadifadeysan oo u dhalatay gobolka Sool, waxa intaas dheer Puntland oo daaha dabadiisa kaga jirta dagaalkaas oo aan ogsoonahay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dagaalkaas ciidanka Somaliland isaga oo awooda in uu dagaal caadi ah oo qorsheysan gobolka waxa uu weli u turayaa magaalada iyo in ay dunto Laascaanood. Ciidanka Qaranka waxaas oo dhan waxaa uga lex-jeclo badan dadka iyo guryaha muwaadiniinta leeyihiin.”

Afhayeenka ciidanka Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan gacmaha laaban doonin haddii lasoo weeraro oo ay iska celin doonaan, “Ciidanku gacan waxa uu ku sita nabada, gacana waxbuu iskaga celinaya. Marwalba waxa uu diyaar u yahay in uu iska difaaco ciiddii soo weerarta, gacan kulul ayuu ku dhufanaya.”

Hadalkan ayaa imanaya, ayada oo ciidamada Somaliland inta badan lagu eedeeyo inay madaafiic culus ku garaacan gudaha magaalada Laascaanood, ayada oo sawiro laga soo qaaday goobaha la sheegay inay madaafiicda ku dhacday laga dheehan karo burbur xoogan iyo baaxada duqeynta, taasi oo maanta ay iska fogeysay Somaliland.