27.8 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Daawo: DF Soomaaliya oo amaro culus kusoo rogtay shirkadaha iyo ganacsatada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada ayaa goordhoweyd soo saaray go’aano culus, kuwaasi oo la xiriira maal-gelinta argagixisada iyo shirkadaha dalka qeybahooda kala duwan.

Guddiga ayaa ugu horeyntii uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

“Lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qoddobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.”

Go’aanada kasoo baxay guddigan ayaa waxa lagu faray shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegyada telefoonada (mobile money service providers) in ay diiwaan-geliyaan dadka qaadanaya lambarada cusub, oo ugu yaraan sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta oo loo furayo sim-kaar cusub.

“Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaan-geliyo muddo aan ka badneyn muddo 90 cisho gudahood ah si waafaqsan qoddobka 5-aad sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxay farayaan in shirkadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha ay isku soo diiwaan-geliyaan muddo saddex asbuuc gudahooda, islamarkaana ogolaanshiyo ka haystaan wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh.

Shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad ayaa waxa uu guddigan faray inay iyaguna isku soo diiwaan-geliyaan muddo 30 maalmood gudahood ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan-gashaneyn.

Guddigu waxa kale oo uu faray hay’adaha maaliyadeed sida; Bankiyada, Xawaadalaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha telefoonada in ay kusoo gudbiyaan warbixinada ay warsadaan hay’adaha ku shaqada leh sida FRC & Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud mudd 24 saac gudahood.

“Cidii kusoo gudbin weysa warbixinada mudadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda kadib ay “si buuxda ula wareegi doonta hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar ay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqista ama maal-gelinta Khawaarijta.

Hoos ka daawo wasiirka warfaafinta oo faah-faahinaya go’aanadan

Mucaaradka Somaliland oo dalab yaab leh kasoo saaray xaaladda Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii u horeysay ku baaqay in ay faraha kala baxaan arrinta ka taagan Laascaanood gacmo shisheeye oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin xiisadda ka aloosan magaalo madaxda gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Ucid ee uu hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa waxa lagu sheegay in ay ka xun yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Laascaanood, iyaga oo soo dhaweeyay xabad-joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday Somaliland.

“Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid waxa uu soo dhaweynayaa xabad-joojintii halka dhinac aheyd ee ay ku dhawaaqday xukuumadda, taasi oo ahayd talladii guddoomiyaha xisbiga Ucid.”

Qoraalka kasoo baxay UCID ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay garaadada ku sugan Laascaanood in ay dhankooda ku dhawaaqaan xabad-joojin bilaa shuruud ah.

“Xisbiga UCID waxa uu ka digayaa durbaanada qabyaaladeed iyo waxkasta oo sii hurinaya xaaladda. Wuxuu ugu baaqaya in ay faraha kala baxaan dhamaan gacmaha shisheeyee ee ku lug leh arrinta Laascaanood.”

Xisbiga ayaa waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ugu baaqay in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto doorashada Madaxtooyada, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-jirka shacabka reer Somaliland, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.

Ugu dambeyntiina wuxuu ka codsaday dhamaan hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Somaliland, in ay gacan ka geystaan taakuleynta dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay coladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Hadalka mucaaradka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, islamarkaana uu galay maalintii 9-aad.

Kenya to deploy troops to combat banditry and rustling

Nairobi (Caasimada Online) – The Kenyan government announced on Monday that it would deploy troops to the drought-stricken north, citing scores of deaths caused by bandits and cattle rustlers.  

Over the past six months, the Northern Rift Valley region has witnessed the loss of over 100 civilians and 16 policemen in the past six months due to the activities of “marauding bandits and livestock rustling terrorists,” as per the statement from the interior ministry,  

In northern Kenya, disputes over grazing and water sources are frequent among cattle-herding communities, resulting in livestock theft or arguments.  

However, the government claims that “murderous gangs” have recently intensified their attacks on innocent Kenyans and law enforcement agencies, burning schools, police vehicles, and other public facilities. 

Hundreds of people have been displaced from their homes, prompting the government to declare a national emergency and instructing citizens to surrender any illegal firearms within the next three days.  

The Kenya Defence Forces will be deployed in support of the National Police Service to address the security emergency caused by rampant banditry on February 15, 2023, as per the gazette notice released on Monday. 

The deployment is still subject to approval by parliament.

Cattle rustling has been a recurring problem in Kenya’s arid north, resulting in the deaths of several people in the past.  

In 2012, over 40 police officers were killed in an ambush while pursuing cattle rustlers in the country’s arid north. In 2019, at least 12 people, including three children, were killed in two attacks by cattle rustlers in northern Kenya.

Kenya, East Africa’s most vibrant economy, is currently experiencing its worst drought in four decades, resulting in the loss of livestock and crops in five consecutive failed rainy seasons. 

Salmaan Daadir, Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Mudug oo u gacan galay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in la qabtay Salmaan Daadir, oo ahaa Madaxii qaraxyada iyo caafimaadka ee Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa waxa lagu sheegay in sarkaalkan muhiimka u ahaa kooxda Al-Shabaab lagu qabtay Aagga Camaara ee gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Salmaan Daadir oo gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad, ayaa waxaa la qabtay isagoo maleegayay dhagar uu ku dhibaateyn lahaa shacabka, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

“Dhagar qabe Salmaan ayaa gaari ku waday xilliga la qabtay agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo daawooyin, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad.”

Ciidamada dowladda ayaa daba-yaaqada sanadkii hore la wareegay deegaanka Camaara oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaayeen sannadihii u dambeeyey, waxaana illaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada huwanta.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dagaalka tooska ah midka dhaqaale iyo fikri ee dowladdu ku cirib-tirayso kooxda.

Daawo: Maxaa ka jira in shacab kasoo jeeda Sool lagu dhibaateeyay Hargeysa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, Mudane Maxamed Cilmi Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay inay jiraan dad kasoo jeeda gobolka Sool oo lagu dhibaateeyay magaalada Hargeysa, wararkaas oo maalmihii dambe la hadal hayey.

“Qof wax la yeelayo iyo qof dhib heystaa ma jiro gobolka. Bulshada ku nool gobolka Maroodi-jeex waa bulsho og in Qaranka la wada leeyahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxamed Cilmi Axmed ayaa ugu baaqay shacabka reer Laascaanood ee ku nool Hargeysa, inay daganaan muujiyaan, isla-markaana ay wataan shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda cadadiga ah, isagaoo hoosta ka xariiqay in lagu waxyeeleyn karin gobolka Maroodi-jeex.

“Cid alla waxaa weeyaan cid wax u dhimeysa oo waxyeeleysaa ma jirto been yaa la’idin sheegin baan leeyahay dadka waxaan leeyahay sidii ay gobolka u daganaayeen ha u daganaadaan howlahoodana ha qabsadaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday xiisadda weli ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in la buun buuniyay dagaalka ka socda halkaasi.

Guddoomiye Maxamed Cilmi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in reer Laascaanood aan laga xigin Somaliland, ayna yihiin dad deegaanka ah oo ka tirsan maamulkaasi.

“Shaqaaqada ka jirta gobolka Sool waa la buun-buuniyay waxa jira dad Facebook-ga iyo Youtube-ka been aad ugu baahinayo waxaan u sheegayaa Umadda Somaliland in la wada leeyahay Somaliland,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiye Maxamed Cilmi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalintii 9-aad uu galay dagaalka ka socdo gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.

Daawo: Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo soo galay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde ee Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal dad lagu soo qab-qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo shaaciyay in dagaalka lagula jiro Shabaab uu soo galay Muqdisho.

Gaashaanle Isxaaq Maxamed ayaa sheegay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde ayaa isaga oo la hadlayey dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay degmada Hodan ayaa tilmaamay in xubnaha la raadinayo ay ku dhex dhuumaaleysanayaan bulshada, loona baahan yahay in la wada shaqeeyo.

“Dagaalka lagula jiro nimankaas magaalada Muqdisho wuu soo galay intiina caawa meeshaan fadhido qofba guri ayaa laga soo waday intaas ayuu ku dhex-jiraa qofka aan raadineyno” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay caqabad ku tahay horumarka dalka, isla-markaana ay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Nimanka Khawaarijta waxa ay u hortaagan yihiin horumarka dalka, nabadda, waxayna dhib ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in aysan gurigooda geynin qof aysan garaneyn meel uu ka yimid, isla-markaana loo baahan yahay inay maraan habraaca loo dajiyay kireynta guryaha, ayada oo lasoo marayo degmada.

“Qofka aad gurigaaga ku soo dhaweyneyso muxuu ahaa qof aan la garaneyn oo meel kale kasoo cararay oo aad degmada kasoo diiwaan-gelin gurigaaga hasoo dajin,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus iyo duqeymo oo ka dhacay Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo sidoo kale kuwa deegaanka.

Dagaalka oo billowday abaare sideeda habeenimo ayaa waxaa barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, maadaama xilliyada habeenkii ah markii ay kala qabowdo xabadda ay kasoo adeegan jireen dukaamada.

Waxay sidoo kale noqonaysaa markii u horraysay ee ay labada dhinac xilli habeen ah ku dagaalamaan magaalada, tan iyo markii dagaalka ka bilowday halkaasi 9 maalin kahor.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay dib uga billowday Laascaanood.

Xaaladda ayaa saaka yare degan, inkastoo labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Laascaanood, ayada oo suuragal ay tahay in markastaa uu dagaalka dib u qarxo.

Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya, ayada oo ay burburtay xabad joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, maadaama uu weli dagaalka halkiisa ka socdo.

Si kastaba, labada dhinac ayaa horay u sheegay in mid kasta uu diyaar u yahay xabad joojinta, balse ma noqon mid hirgasha, waxayna noqotay mid ku kooban afka baarkiisa.

Shacabka Xamar, Hargeysa iyo Garoowe oo 15 sano kadib laga farxiyay – Fallanqeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya shirkadaha isgaarsiinta ayaa fuliyay heshiis macaamiishooda isku wici karaan si jaban.

Shirkadaha isgaarsiintu isma wici karin, dadka jooga Soomaaliya ee haysta telefoonada waxay ku qasbanaayeen in qof walba uu la-macaamilo inta ay isku shirkada isticmaalaan ama laba shirkadood lambaro ka qaato, si mid walba inta sidata si gaar ah ula xiriiro.

Hadda mushkiladaas waa dhamaatay, hay’adda isgaarsiinta qaranka ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay bishii December ee sanadkii dhamaaday inay shirkadaha isgaarsiinta ka saxiixdo heshiiska is-wicida.

Waxaa saxiixay heshiiskaas shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo Telesom. Shalay ayaa si buuxda loo dhaqan-galiyay heshiiskaas.

Hadda waxaad awooda in adiga oo isticmaalaya Hormuud Telecom in aad wacdo Somtel. Khidmada wicida ee shirkadaha ku heshiiyeen waa 0.05 halkii daqiiqo.

Lacagaha hoose ee xirmooyinku kuma jiraan, kuwaas oo loogu tala-galay markii hore wicitaanka gudaha ee shirkada aad xirmada ka iibsatay.

2008 iyo 2014 ayaa sidan oo kale mar la iskugu furay shirkadaha isgaarsiinta, laakiin wax badan ma shaqeynin.

Caqabada ugu weyn xiligaas waxay aheyd lacagaha shirkadaha isku yeeshaan oo qaarkood aanay bixin jirin, taas oo gunaanadkii muran keeni jirtay.

Balse hadda waxaa la sameeyay nidaamkii lagu xalin lahaa oo waxa heshiiska dhanka maaliyada qeyb ka ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba, maxay tahay faa’iidada dheeriga ah ee ku jirta heshiiskan shalay dhaqan-galay.

1. Macaamiisha haysata telefoonada waxa ka yaraaday culeyskii oo hadda uma baahnid adeegsiga dhowr simcard meel walba oo aad ka joogto dalka. Sida Muqdisho, Hargeysa ama Garoowe.

Lix bilood kadib waxaa heshiiskan lagu sameyn doonaa dib u eegis dhanka maaliyada ah, iyada oo hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ay rajeynayso in qiimaha intaan laga sii yareeyo.

2. Faa’iidada kale waa in uu isbedeli doono tartanka suuqa isgaarsiinta, kal hore maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka Mustaf Yaasiin Sheikh waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhali doono caafimaad qabka suuqa isgaarsiinta Soomaaliya.

Hadda, maadama macaamiilka uu hal lambar ku filan yahay waxaa lagu tartamayaa tayo.

3. Dhaqan-gelinta heshiiskan ayaa abuuri doona fursado kale oo shirkadaha wax badan isku weydaarsan karaan. Shirkadaha qaar waxaa u abuurmi doona maadama hadda kadib ayna jirin simcard gaar ah oo qofka ku qabsan yahay in uu qaato.

4. Waxa kale oo sahlanaan doonta inay shirkado cusub yimaadan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, maadaama hadda tartanka u wareegay dhanka tayada, adeeg fulinta, amaanada iyo suuq-geynta casriga ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa soo dhaweysay dhaqan-gelinta heshiiska is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta.

Maareeyaha hay’adda ayaa waxa uu sheegay in dhaqan-gelintan ay caawineyso dhaqaalaha guud ee dalka, si gaar ah dadka haysta telefoonada, ayna dhinaca kale abuureyso tartan caafimaad qaba oo xambaarsan hal-abuur iyo maalgashi.

Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan lagu dhaqan-geliyay is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta, maadaama ay hore bulshada uga wajahi jireen caqabado dhowr ah.

Somaliland oo Farmaajo ku eedeysay qorshe yaab leh

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qorsheynayey dagaal ka dhan ah Somaliland.

Wasiir Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in Farmaajo uu ciidan la dagaalama Somaliland ku soo tababaray Turkiga iyo Eritrea, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sidoo kale qoraalka wasiirka gaashaandhigga Somaliland qeybtiisa dambe waxaa ku xusan in Somaliland lagula dagaalamayo hub loogu deeqay Soomaaliya.

“Qorshahan lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo uu ciidamo tababar ku soo qaatay dalalka Eritrea iyo Turkiga, u jeedkooduna yahay inay la dagaalamaan Somaliland. Hubka loogu deeqay Soomaaliya ayaa lagula dagaalamay Somaliland,” Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Hadalka wasiirkaan ayaa imaanaya iyadoo mudo hal todobaad ah uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhacda xuduuda Soomaaliya iyo Somaliland uu ka socdo dagaal aad u culus.

Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya aysan dagaalkaas ku laheyn door muuqda, isla markaana aysan jirin hub ama ciidan la arkay oo dowladda dhexe ay ku biirisay dagaalkaas.

Beesha degta Laascaanood ayaa si mideysan u diidan ka sii mid ahaanshaha Somaliland, taas oo keentay in dagaalka lagu kala adkaa waayo, waxaana maalinba maalinka ka dambeysa sii adkaaneysa qadiyadda ka taagan Laacsaanood.

Dadka reer Sool oo isimadoodu ay hor boodayaan ayaa si cad u sheegay inay doonayaan madax-banaani ka dhan ah Somaliland, balse xukuumadda Somaliland ayaa awood militeri uga jawaabtay cabashada dadka deegaankaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xusuustaa in hadda ka hor uu ka gaabsaday su’aal laga weydiiyey qadiyadda dadka reer Sool ay ku diidan yihiin Somaliland, taas oo dhaleeceyn badan uu kala kulmay.

Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa doorkeeda ku ekeysay baaq ah in xiisadda Laascaanood lagu xaliyo wadahadal, balse waxay dirtay gargaar u badan daawooyin iyo diyaarado Muqdisho ka dejiya dhaawacyada dadka ka dagaalamaya Laascaanood ee Somaliland iska difaacaya.

 

Eritrea rejoins IGAD with strengthened ties to Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – For decades, the relationship between Kenya and Eritrea has been strained, with tensions rising to the point of a mid-flight redirect of President Uhuru Kenyatta’s plane in 2015. 

However, President William Ruto seemed to break this trend when he responded favorably to Eritrean President Isaias Afwerki’s advances during the early stages of his presidency. 

The two leaders recently held a joint press conference and discussed regional integration, trade, and regional security.

Regional Integration

At the joint press conference, Presidents Ruto and Isaias discussed regional integration’s incongruity and “contradiction” while borders continue to be erected.  

President Isaias stated, “Any meaningful bilateral cooperation must be viewed in the larger context of regional integration. We cannot achieve bilateral cooperation without integration, which has been a long-standing pursuit for decades.” 

President Isaias expressed no doubt in Eritrea’s decision to rejoin the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) after having boycotted the regional bloc in 2007 due to a perceived bias.  

President Ruto expressed delight at the reaffirmation of President Isaias’ commitment to rejoining the IGAD family. Despite tensions between member states, such as Ethiopia, Sudan, Kenya, and Somalia, the countries have agreed to engage in dialogue. 

Potential for economic collaboration 

President Ruto spoke of the immense economic potential for collaboration between Kenya and Eritrea and the need for structured engagement in light of the operationalization of the African Continental Free Trade Area. 

Visa requirements have been abolished between Nairobi and Asmara, mirroring a decades-old agreement between Kenya and Ethiopia. 

Despite IGAD not being traditionally a trading bloc and its commerce numbers being low, this may be attributed to a lack of functioning arrangements and the prevalence of illegal trade, which is estimated to have reached $2.2 trillion last year. 

IGAD views technology and commercial connections between its member states as crucial in reducing conflict and reuniting the regional bloc.

Stabilizing the Region 

During their December 2022 meeting, Presidents Ruto and Isaias discussed trade and regional security, leading to the gradual withdrawal of Eritrean troops in Tigray and pushing the TPLF to surrender their weapons.

The two leaders also spoke of stabilizing the region, but IGAD has faced challenges in finding permanent solutions.

Daawo: Arrintii shalay ka dhacday Jowhar oo halis ku ah Guudlaawe iyo Dabageed

0

Jowhar (Caasimada Online) – Fal-celin xoogleh ayaa ka dhalatay dhacdo la yaableh oo shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii uu nin hubeysan Isniintii shalay aheyd afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaaladaasi uu ku dilay laba nin oo ku eedeysnaa dilka wiilkiisa oo da’diisu ay aheyd saddex sanno jir.

Aabaha toogashada geystay ee horay loo dilay wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa ka tirsanaaa ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da, kaas oo goobta isaga baxsaday.

Dadka falceliyay dhacdadaan argagaxa leh ayaa waxaa kamid ah siyaasiga lagu magacaabo Dr. Xasan Cadaay oo kasoo jeedo HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable TV.

Xasan Cadaay ayaa shaaca ka qaaday in arrintan laga sii gaashaaman karay, wuxuuna HirShabelle ku dhaliilay sida ciidan hubeysan loogu ogolaaday inay tegaan maxkamadda.

“Waxaa khalad aheyd oo aan loo baahneyn maxkamadda inay yimaadiin ciidamo, haddii ay imaanayaan waa inay shacab ahaadaan,” ayuu yiri Dr. Xasan Cadaay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay habooneyd, haddii aan la sugi karin amniga kiiska raggaas loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho, si ay u shaqeyso cadaaladda.

“Dhibaatada uu maamulka HirShabelle galay ayaa waxa ay aheyd goobta in ay keenaan ciidan hub sita dhibaatadaasna geystay, haddii aysan qaban karin, amnigana aysan sugi karin waxay aheyd inay usoo wareejiyaan magaalada Muqdisho,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Siyaasiga caanka Xasan Cadaay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, Yuusuf Dabageed iyo golaha wasiirada, sida uu hadalka u dhigay.

“Askari labo Xidigle ah in uu maxkamadda Jowhar ku dilay labo eedeysane waxa ay halis ku tahay amniga madaxweynaha HirShabelle, madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wasiirada oo khatar ku jiro”ayuu markale wareysigaan ku yiri Siyaasi Dr Xasan Cadaay.

Si kastaba, dhacdadaan ayaa dhalisay walaac xoogan, maadaama ay keentay in lagu kala cararo dhismaha maxkamadda oo aheyd halka markii loo cadaalad doontay, ayada oo ay dhacdadaan si weyn usii qabsatay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka.

Hanti-dhawraha qaranka oo iska casilay xil uu ka hayey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha guddiga sare ee Mustaqbal Media (MMBOD), kaasi oo uu hayay laga soo bilaabo March 2015-kii.

Golaha Wasiirada ayaa 9-kii bishaan wuxuu Guutaale u magacaabay Hanti-dhowraha cusub, kaasi oo ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa waxa uu ku yiri “Waxa aan go’aansaday in aan iska casilo xilka guddoomiyaha guddiga sare ee MMBOD.”

“Shaqada sharciga, saxaafadda iyo bixinta kaalmada qaanuunka waxa aan ku qaatay muddo ku dhow 20 sano, labaduba waxa ay kamid yihiin shaqooyinka aan aadka u jecelahay horumarintooda iyo hagaajintooda, waaya-aragnimadii aan ka helay iyo wixii aan ka bartay waxa aan uga faa’iideysan doonaa kaalinteyda cusub, taas oo aan haddii Alle idmo ugu adeegayo dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa Guutaale.

Guutaale oo xilkan loogu magacaabay soo jeedinta wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu bedalaya Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaasi oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka ayaa waxa uu horay u soo noqday La-taliyaha arrimaha sharciga ee Madaxweynaha JFS iyo La-taliye Ra’iisul Wasaare, wuxuuna sidoo kale ka soo shaqeeyey shirkado iyo hay’ado warbaahineed oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxali ah.

Taliska booliska oo meesha ka saaray fududeeyihii laga qeyliyay ee xarunta CID-da

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa maanta shaaciyay in uu xaliyay caqabado badan oo bulshada reer Muqdisho ka haystay shaqada CID-da.

Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in uu gebi ahaanb meesha ka saaray wixii la oran jiray fududeyaha, kaasi oo lacago laaluush ah dadka uga qaadan jiray u fududeynta howlaha shaqo ee CID-da.

“Cabasha ka jirtay CID xageeda waa soo xalinay inteeda badan waxaa rajeynaynaa maanta laga bilaabo qofka muwaadinka ee CID aadaya asagoo niyad-san uu aado. Waxaa baabiinay safkii dheera ee dadku ka cabanayeen iyo wixii fududeeye la oranayay,” ayuu yiri Jeneraal Sulub.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib aysan jiri doonin qof la weydiinayo lacag dheeraad ka ah adeega uu CID u tagay, taasi oo meesha ka saareysa musuq-maasuqii hore uga jiray xaruntaan.

“Majiri doonto intan tuur waraaqda dube lagu soo saaraya. Qofka waa in uu hadda kadib kalsooni ku aado CID iyaga oo ku xisaabtamaya inay si wanaagsan ula macaamilaan ciidanka booliska meesha jooga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Wax alaala wixii sharci darro ah ee ka jiray meeshaas loogu adeegayo bulshada waxa rajeynayna maanta laga bilaabo CID waxay ku shaqeyn doonta qaabkii saxda ahayd ee ciidanka booliska uu ku shaqeyn jiray.”

Taliye Sulub ayaa 4-tii bishaan xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska, wuxuuna ballan-qaaday aheyd inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa sidoo kale waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Si kastaba, dib u habeynta lagu sameeyay xarumaha CID-da ee bulshada Muqdisho u adeeg doonato ayaa si weyn loo bogaadiyay, maadaama ay hore u aheyd xarun ku suntan musuq-maasuq.

Saraakiisha xabsiga dhexe oo diiday inay xiraan Cabdalla Muumin kadib xukunkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Asluubta ee Xabsiga Dhexe ayaa shalay daayay, dibna ugu celiyay xoriyadiisa Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo ay maxkamadda gobolka Banaadir ku xukuntay laba bilood oo xabsi ah.

Wariye Cabdalla Muumin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS ayaa sii deyntiisa waxa uu taliska asluubta ku macneeyay inuu hore u dhameystay xukunka lagu riday, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdalla.

“Waxaa laygu soo eedeeyay qoddobada kala ah 219, 321 iyo 505 oo dhamaantiin ay yihiin wax lagu qoslo runtii in xiligaan la joogo Soomaaliya. Saaka markii uu xukunka igu dhacay waxaa la iigeeyay xabsiga dhexe, waxay saraakiisha xabsiga dhexe xisaabeen waxa meesha ku qoran, kadib waxaa soo baxday in aan anigu dheeraad leeyahay oo wax iga maqan yihiin,” ayuu yiri Wariye Cabdalla Muumin.

“Way isoo fasaxeen, waxay igu dhaheen iska bax fasax ayaa tahay. Sidaas ayay wax u dhaceen oo waxaa soo wadna faah-faahino badan oo kiiskan la xiriira, waxaa soo wadna cadeymo tiro badan oo ku saabsan kiiskan.”

Sii deynta Cabdalla ayaa timid kadib markii uu taliska asluubta ee xabsiga dhexe uu eegay waraaqaha xukunka maxkamadda gobolka Banaadir iyo muddada xukun-suge ahaa wariyaha oo ku dhow 4 bilood, waxay sheegeen inaysan haysan sharci ay xabsi ku geliyaan muddo ka badan inta la xukumayna uu xabsinaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud oo isagu ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu sheegay in go’aankan loo cuskaday hal qodob oo kamid ah saddex eed oo markii hore loo soo jeediyay Cabdalla, iyadda oo labada kale lagu waayey.

Cabdalla ayaa maxkamadeyntiisu soo martay illaa 4 wareeg, ayada oo su’aalo toos ah uu weydiiyey guddoomiyaha maxkamadda, isaguna uu toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey maxkamadda, waxaana ninkan markii ugu horeysay la xiray October 2022-kii.

Kiiskan ayaa soo if-baxay kadib amarkii dowladda ee ahaa “in aan la baahin karin wararka Al-Shabaab,” kaas oo uu ka horyimid, kadib markii uu ka hadlay shir jaraa’id oo ay ururada u dooda saxufiiyiinta madaxa bannaan ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gebi ahaanba Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xad-gudbeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, islamarkaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.

Mareykanka oo soo ridday ‘walxo’ kale oo meel ay ka yimaadeen aan la garanayn

0

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa Isniintii sheegtay inaanay illaa haatan garanaynin meesha ay ka yimaaddeen, saddex walxood oo joog sare ku duulayey oo la soo riday dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey, iyaga oo dul sabbaynaya hawada sare ee Woqooyiga America.

Dawladdu waxay sheegtay in aanay rumaysnayn in walxahaasi ay ahaayeen diyaaradaha wax lagu basaaso, inkasta oo aan arrintaas si buuxda meesha looga saari karaynin.

Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa u sheegay saxafiyiinta aqalka cad, in walxahani aanay u muuqanin kuwo awood u leh inay wax basaasaan, hase ahaatee aanay arrintaas meesha ka saari karaynin.

Wuxuu sheegay in hadhaaga walxahaasi inay ku soo dhaceen goobo aad u fogfog oo ay adag tahay in la gaadho, gaar ahaan, meelo aad u baraf badan oo ku yeella xeebaha gobolka Alaska ee Woqooyiga Galbeed ee Maraykanka, Yukon oo Canada ah iyo harada Huron oo ku taalla xuduudda Maraykanka iyo Canada.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay ku guulasanin inay soo saaraan hadhaaga walxahaasi.

Wasiirka oo Belgium kaga qaybgelaya shirka NATO ayaa sheegay, inay mudnaanta koowaad siin doonaan, sidii loo soo heli lahaa hadhaaga walxahaas, si aragti looga qaato waxay ahaayeen.

Kirby ayaa isagu beeniyey in saddexdan walxood uu xidhiidh kala dhexeeyey, buufintii ka timi Shiinaha ee Maraykanku soo riday.

Afhayeenka ayaa sheegay, in sababta walxahan, meel durugsan loogu soo riday inay ahaayeen, iyaga oo ku duulaya joog dhexe oo ah, 40,000 feet, taas oo halis gelinaysa duulimaadyada diyaaradaha madaniga ah.

Maadaama ay kooban yihiin, xogta laga hayo saddexdan walxood ee ay soo rideen diyaaradaha Maraykanku, waxaa soo batay, wararka kutiri-kuteenta ah ee sheegaya in walxahani ay yihiin, kuwo ay ku lug leeyihiin, noolayaal kale oo duni kale innaga soo booqday. Xitaa arrintaasi waxaa carrabka ku dhufatay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, iyada oo sheegtay inaanay jirin wax calaamad ah oo muujinaya in walxahani ay ka yimaaddeen meel ka baxsan koonkan.

Warbixintan oo uu qoray Ken Bredemeier waxaa sidoo kale wax ku daray, Jeff Sheldin iyo Carla Babb, sidoo kale qayb ka mida waxaa laga soo xigtay AP

Somali Journalist Abdalla Mumin freed after conviction

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Abdalla Ahmed Mumin, a prominent Somali journalist and Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS), was released from jail on Monday, just hours after a two-month sentence were handed down on security charges. 

The case was widely criticized by rights campaigners and media advocacy groups, who called for the charges to be dropped. 

Mumin was arrested in October of last year as part of a government crackdown on media outlets that publish content it considers propaganda for the Islamist militant group Al-Shabab. 

Despite the court’s sentence, Mumin was released shortly after the ruling, having already spent approximately five months in jail. 

Freedom of expression champion

In a statement on Twitter, Mumin expressed his gratitude for his release and vowed to continue his work defending press freedom and human rights in Somalia. “I went straight to my office to conduct my daily routine,” he wrote. 

“I will continue to be on the forefront of defending press freedom and human rights in Somalia.” 

Rights groups, including Amnesty International, Human Rights Watch, and the International Press Institute, had previously called for the charges to be dropped, stating that Mumin faced ongoing threats and persecution from Somali authorities for advocating the right to freedom of expression. 

Closing civic space in Somalia 

The SJS and four other media advocacy groups also protested the government’s security directive, warning that it would clamp down on free speech. 

In a joint letter to Somalia’s attorney general in December, the advocacy groups stated that “continuing his prosecution not only casts a chilling effect on media freedom and journalism, but it also significantly contributes to the closing civic space in the country.” 

Dangerous country for journalists 

Somalia is considered the most dangerous country for journalists in Africa, with more than 50 journalists killed in the country since 2010. 

The nation of 17 million people is ranked 140th out of 180 countries on the global list of press freedom by Reporters Without Borders (RSF). 

The main threat to journalists in Somalia comes from Al-Qaeda-linked Al-Shabab fighters. However, Somali authorities are also accused of numerous violations. 

Conclusion 

The release of Abdalle Ahmed Mumin is a victory for press freedom in Somalia and a reminder of the ongoing struggles journalists face in the country. 

Despite the challenges, Mumin says he remains committed to his work and will continue to advocate for the right to freedom of expression in Somalia. 

Daawo: Golaha ‘Badbaadada HirShabeelle’ oo Muqdisho looga dhawaaqay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gole mucaarad ku ah hoggaanka dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana caasimadda dalka ka bilowday abaabul xooggan oo ka dhanka hoggaanka maamulkaas.

Odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo dhalinyaro ayaa ku mideysan gobolahaan oo logo magac-daray golaha midnimada iyo samata-bixinta HirShabeelle, waxaana xubnaha hoggaaminaya ka mid ah Sheekh Cusmaan Barre.

Nabadoon Muumin Gariig oo ka mid ahaa odayaashii ka soo qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in dhibaatadii ka jirtay dalka oo dhan markii uu Farmaajo xukunka joogay ay hadda ku hartay HirShabeelle oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Saakay qof kasta oo HirShabeelle ku abtirsata Wariiri ayaa ku jira, HirShabeelle markii hore xaaraan ayaa lagu dhisay, hadda waa la sii laba jibaaray, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaan leenahay HirShabeelle nala badbaadiya,” ayuu yiri Nabadoon Muumin Gariig.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in shacabka reer HirShabeelle ay ka hareen asaagood, isla markaana ay ku hungoobeen raggii ay madaxda ka dhigteen.

“HirShabeelle waxaa markii hore lagu aas-aasay si deg deg ah, laakiin maanta markii la barbar dhigo dowlad goboleedyada kale ayadaa u liidata, ciidan, garsoor, xarumo ama kaabayaal kale malaha, Galmudug oo wax yar naga weyn waad arkeysaan sida ay u hormartay, HirShabeelle maanta waxaa la degay maamul xumo iyo musuq-maasuq,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Ugu dambeyntii kulankii maanta Muqdisho lagu qabtay ee looga dhawaaqay golahaan cusun waxaa laga soo saaray bayaan 8-qodob ah, iyadoo war-saxaafadeedkaan lagu iclaamiyey shirweyne kale oo looga tashanayo aayaha HirShabeelle, sibey yiraahdeen maamulka loo badbaadiyo.

Waxaa xusid mudan in maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya inay is khilaafeen madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa oo hadda aysan ka dhaxeyn hadda wax wada shaqeyn ah.

Maamulka HirShabeelle ayaa hadda cagaha la sii gelaya khilaaf siyaasadeed, iyadoo uu ku furan yahay dagaal adag oo ka socda deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas, waxaana xusid mudan in 90% dhulka HirShabeelle laga saaray Al-Shabaab.

Khilaafkaan ayaa si weyn u cuuryaami kara dagaalka Al-Shabaab hadii aan la xakameyn, waxaana macquul ah inay ku soo biiraan siyaasiyiin miidaan leh, taas oo golahaan ka dhigi karta mid gilgila madaxda khilaafka lagu xamanayo ee HIrShabeelle.

Hoos ka daawo bayaankii ka soo baxay ‘golaha samata-bixinta HirShabeelle’

SSC oo sheegtay inay usoo gacan galeen askar Somaliland ah – Kadib maxa dhacay?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay isku soo dhibeen askar ka tirsan ciidamada Somaliland iyo hubkoodii ay wateen.

Isimida Laascaanood ayaa waxay sheegeen in si nabad-gelyo ah ugu gudbiyeen askartaas iyo hubkoodaba dhinaca Somaliland, kuwaasi oo gebi ahaanba ka baxay dagaalka socda, sida ay sheegeen.

“Waxaa diyaar u nahay in ciidamada Somalilnad ee Sool ka dagaalamaya si nabad-gelyo ah loogu fududeeyo inay ku laabtaan deegaankooda,” ayay warbaahinta u sheegeen Isimida SSC.

Sidoo kale waxay sheegeen in aan cidna dhibaato loo geysan doonin, iyaga oo ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ay xabbada joojiyaan oo ay deegaankooda si nabad-gelyo ah ugu laabtaan.

“Waxaa gudbina oo dirna oo guryahooda geyna kuwa qorigii ay ku dagaalamayeen wata, waxaa leenahay wixii alaala wixii gurigoodii ku noqonaya, haddii uu qori ama gaari wato lagu hunguriyen mayno ee nabad-gelyo ayaa ku marineyna hadda nahay reer SSC.”

Waxay intaas kusii dareen “Habeen walba waxa uu Muuse ku dhawaaqaya xabad joojin, Salaada marka laga baxo xabad ayuu nagu bilaabaya bal adduunkow maxa indhaha uga qarsaneysaan noo kaalaya oo arka inta la dumiyay iyo inta madfac na dhex taalla.”

Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii ay Isimida dhaqanka Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ay ka dalbadeen beesha caalamka in mashaqada ka socota Laascaanood loo diro dad xaqiiqo raadin ah oo baaris kusoo sameeya dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii sideedaad, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada Somaliland ay badi ku sugan yihiin saldhigyo ku kala yaala Tukaraq, Gambara iyo Gooje-Cadde oo dhaca bariga gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa kale ee kasoo jeeda SSC ayaa weli ku dagaalamaya Laascaanood, ayada oo xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac, taasi oo sida muuqata waxba ka tari weyday xaaladda ka taagan halkaasi.

Dilal yaab leh oo ka dhacay Jowhar: Aabe Maxkamadda ku hordilay laba nin oo dilay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta nin hubeysan uu ka geystay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkaan ayaa waxa la sheegay in uu afaafka hore ee Maxkamad ku taalla magaalada Jowhar uu ku dilay laba nin oo ku eedeeysna dilka wiilkiisa oo da’diisa aheyd saddex sano jir.

Ninkaan toogashada ku dilay labada nin ee ku eedeysna dilka wiilkiisa yar oo dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaaladaas, ayaa waxa la sheegay inuu ka tirsana ciidanka dib-u-xoreyta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisley-da ee ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in toogashadan ay timid kadib markii ay Maxkamadda kasoo baxeen labada nin ee ku eedeeysnaa dilka wiilkiisa, xilligaasi oo maxkamadu sheegtay in xukunka labada eedeysane dib kasoo sheegi doonto.

Hase yeeshe arintaasi ayuu si weyn uga biya diiday oo la sheegay in uu ka carooday ninkan hubeysna, taasi oo keentay inuu isla goobta ku toogto labadii eedeysane.

Ninkaan ka tirsana Macawiisleeyda Shabeellaha Dhexe ayaa lasoo wariyay inuu toogashada kadib uu deg deg uga baxsaday goobta, ayada oo markii dambena ay goobta gaareen ciidamada maamulka.

Illaa hadda ma-jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Jowhar oo ku aadan dhacdadaan oo maanta si weyn looga hadal-haayay magaaladaas.

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay siday ka yeelayaan ciidamada Macaawiisley-da

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo shaaciyay sida laga yeelayo ciidamada Macawiisleyda ee qeybta ka ah dagaalka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu qabtay magalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda uu si habsami leh uga socdo dalka.

“Shabaab intay fikireen ee meel fariisteen ayay waxay dhaheen waa maxay bottom-ka laga daari karo dadkaan markaas ayay arkeen oo dhaheen waa Diinta, qabiilka laguma wada kicin karo. Dadka Soomaaliyeed waa Muslim, meeshaas halaga soo galo ayay dhaheen marka waa sababtaas ee in ay Diin aaminsan yihiin ama jecel yihiin maaha,” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan ayaa waxa uu sheegay in kaalin muhiim ah ay howl-galka socda ku leeyihiin ciidamada Macawiisleyda, islamarkaana ay dowladda u diyaarisay qorshe lagu qarameynayo.

Qorshahan ayuu sheegay madaxweynaha in qeyb ka tahay sidii ciidamada Macaawiisley-da looga dhigi lahaa Boolis ilaalinaya amniga deegaanada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa inay qeyb weyn ka qaataan dagaalka, oo dhaqaalo ku taageeraan howl-galada guud ahaan dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.