27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Walaac xoogan oo ka taagan Somaliland kadib tallaabo uu qaaday maamulka Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Walaaca xoriyutal qowlka Somaliland ayaa kasii daraya kadib markii ay Xarunta Xuquuqal Iinsaan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ay shaacisay in sanadkii dhamaaday ee 2021-ka uu ahaa sanadkii dadkii ugu badnaa lagu xiray Somaliland.

Dadka sanadka galbaday lagu xiray Somaliland ayaa isugu jira Suxufiyeen, Suugaan-yahano iyo dad kale oo shacab, sida lagu shaaciyey warbixin kasoo baxday xarunta HRC.

HRC ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya 114 qof ay xukuumadda Somaliland xirtay sanadkii tagay, oo dhamaantood sifo aan sharci aheyn oo dastuurka khilaafsan loo xiray, kuwaasi oo qeyb ka ah xaalado soo noq-noqday oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan.

“Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraalka xarunta HRC.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xiriira arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January illaa December.

Xaruntu waxay walaac xoogan ka muujisay in sanadkan 2021 uu noqday sanadkii ugu xariga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xarigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

“Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen. Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyntiina xaruntu waxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u soo jeedinaysay arrimahan hoos ku xusan;

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Dibad-bixii maanta ee Muqdisho oo kusoo koobmay haween iyo hoteel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-soo-bax ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isu-soo-baxa ayaa ahaa mid ay dhigayeen kaliya haween, kana dhacay hotel magaalada ku yaalla, ayada oo haweenka ka qeyb-galay ay muujiyeean dareenkooda ku aadan xaaladda dalka iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Hal ku dhigga haweenka ayaa ahaa “Dagaal maya, doorasho haa,” ayada oo sida muuqata ay ku weerarayeen ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay mar kale soo galaan ciidamada Badbaado Qaran.

Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay u baahan yihiin nabad iyo in laga fakiro mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

“Annaga nabad ayaan rabnaa ilmaha dhammaanaayo annaga ayaa dhalnay,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka ka hadlay kulanka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo farriin culus u dirtay madaxda Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho, ayada oo ugu baaqday inay xal gaaraan.

Batuulo ayaa sidoo kale sheegtay in aysan doonin haweenka Soomaaliyeed in la baabi’iyo dowladnimada, sidoo kalena la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

“Dowladnimada in la baabi’iyo ma ogolin, qaranimada in la burburiyo ma ogolin,” ayey tiri guddoomiye Batuulo Axmed Gaballe oo gabagabadii khudbad ka jeedisay goobta.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka jira inuu burburay shirka Golaha Wadatashiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar ku saabsan inuu burburay.

“Wararka sheegaya inuu shirka burburay waxba kama jiraan, shirka weli waa socdaa, anigaa hadda jooga,” ayuu yiri il-wareed ku sugan shirka oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku xaqiijiyey in shirka uu weli socdo, isaga oo ka digay wararka aan wanaagsaneyn ee laga faafinayo.

“Xumaan ha warin. Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri Macallimuu.

“Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah. Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”

Si kastaba, waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Waxaa hadda socda kulamo gooni gooni ah, oo xal loogu raadinayo caqabadaha haysta shirka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Doodda ka taagan Amniga ee Shirka Muqdisho iyo ‘laba arrin oo ay tahay in la helo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dooda taagan ee hareysay doorashooyinka iyo shirka u socda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyinihii hore Maxamed Farmaajo, oo uu ku eedeeyey inuu ciidamada qaranka u adeegsaday dano gaar ah iyo in lagu weeraro siyaasiyiinta.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug ayaa soo jeediyey in la helo marka ay noqoto amniga, kuwaas oo kala ah in ciidanka la hoos geeyo xukuumadda Rooble iyo taliyeyaal xilkas ah.

“Waxaa loo baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Arrinta amniga ayaa ka mid ah qodobada weli la’isku mari la’yahay shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii afaraad, kaas oo ka socda Teendhada Afisyoone.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Fiqi

Haddii aad maqli jirtay dawlado ay ka mid tahay Iiraan oo loo diidan yahay in ay yeeshaan hubka Nukliyerka ah taas Macnaheedu ma ahan nacayb gaar ah ee waa in hubkaas uusan gelin gacan aan mas’uul ahayn oo sababta in si xun loo adeegsado!

Maanta Farmaajihii ciidamada qalabka sida u adeegsaday; dawlad goboleedyo badan, weerarkii guriga siyaasi C/raxmaan C/shukuur, weerarkii barlamaanka ee sanadkii 2018, ka hortaggii banaanbaxa iyo weerarkii labadii madaxweyne hore hotel ay degenaaayeen, dagaalkii muddo kororsiga, afgambigii dhicisoobay ee 27 December 2021, iyo asagoo weli ku jira Abaabul ciidan.!

In ciidamadii qaranku ay galeen gacan aan mas’uul ahayn waa arrin cad, loona baahan yahay in ciidamada qaranka waqtigaan xasaasiga ah la hoos-geeyo xukuumadda xilgaarsiinta iyo taliyaal xilkas ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Magacyada saraakiisha loo baarayo afgambigii 27-ka December oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga heerka wasiir ee uu dhowaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u xil-saaray afgambigii 27-ka December ayaa shaaciyey magacyada saraakiisha ka howl-gala madaxtooyada ee loo baarayo is hortaagii lagu sameeyey Rooble.

Guddiga ayaa soo saaray liiska magacyada saraakiishaas oo gaaraya illaa shan xubnood oo dhammaantood ka tirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan Guutada 77-aad.

Saraakiisha loo yeeray ayaa waxa ay kala yihiin:- Gaashaanle sare Xasan Aadan Dhicis oo ah taliyaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77-aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasiin Cali Kooshin taliyaha ururka 60-aad ee Guutada 77-aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha ururka 60-aad iyo laba xidigle Muuse Maxamed Cadow (Shaarib) taliyaha koox horinta gurmad ee ururka 60-aad.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage oo warqadan loo diray ayaa waxaa la faray in maalinta Sabtida ah uu saraakiishaas u soo diro xarunta guddiga oo haatan ku shaqeeyo xafiiska wasiiru dowlaha ee ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

“Haddaba guddigu wuxuu ku shaqeeyaa xafiiska wasiiru dowlaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana si xushmad leh lagaaga codsanayaa in saraakiishaas waqtiga loo cayimay ay guddiga ku yimaadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxday xafiiska guddiga.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddigan magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

Si kastaba, tallaabada uu haatan guddigu qaaday ayaa ah mid muhiim ah, maadaama loo yeeray saraakiisha horkaceyso ciidamada ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwa loo heesto afgambigii 27-ka December ee sii qarxiyey xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya.

Hoos ka aqriso warqadda wasiirka

Xogta Shirka: Lafta-gareen iyo Qoor Qoor oo diiday 2 qodob, iyo qodob la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u diiday in shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho uu isku raaco in amniga dalka lagu soo wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisu Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay gadaal ka riixayaan Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa si aad ah u doonaya in shirka uu isku raaco qodobkan, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Qoraal ay Talaadadii soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ku jiray laba qodob oo la xiriira amniga, waxaana lagu yiri “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Si kastaba, madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku gacan seeray arrintan, ayaga oo ku dooday in amniga dalka uu ka baxsan yahay arrimaha doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu horey amniga doorashada ugu wareejiyey ra’iisul wasaaraha.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen oo si toos ah ugu xiran, shirkana ku metala Farmaajo ayaa sidoo kale diiday in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada lagu koobo 135-tii oday ee heer federal.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa qodobo ay shalay dalbadeen Midowga Musharaxiinta, kuwaas oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.”

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in shirka, oo mar kale maanta la isugu soo laabanayo, aanu isku raaci doonin dhammaan qodobada xasaasiga ah ayna u badan tahay in laga soo saaro qodobo aan macno badan sameyneyn oo u badan kuwa guud.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka isla ogolyahay ayaa ah; in waqti cayiman oo laba bil ah loo qabto doorashada Soomaaliya in lagu soo geba-gebeeyo.

Qodobkan ayaa ah mid ay si aad ah u dooneyso beesho caalamka, hase yeeshee marar badan oo sidan oo kale waqti loogu qabtay doorashada, laguma guuleysan in lagu soo dhameystiro.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Hub la isku dayey in lagala baxo xarun oo dagaal ka dhex qarxiyey ciidanka Puntland

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Qardho, kaas oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland, gaar ahaan talisyada Booliska iyo Daraawiishta ee maamulkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid qaraar ayaa yimid, kadib markii askar ka tirsan kuwa Daraawiishta ay isku dayeen inay xoog kula baxaan hub ku xareysan xerada tababarka ciidamada Xorgoble, waxaana la sheegay inay talaabadaasi ka horyimaadeen Booliska oo fashiliyey.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka, kadib gacanta lagu dhigay 13 askari oo ka mid ah ciidamada Daraawiishta ee weerarka qaaday, kuwaas oo xabsiga la dhigay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee ka howl-gala magaalada Qardho.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku raad joogaan 7 askari oo kale oo baxsaday, kadib shaqaaqo ka dhacday halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax khasaare nafeed oo lasoo wariyey, balse waxaa jira burbur gaaray dhismaha xarunta lagu diriray.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi aad u xoogan, maadaama xilli habeen ah oo aysan filaneynin dagaalka uu qarxay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan ciidamada ku wada dagaalamay magaalada Qardho oo hoostagta maamulkaasi.

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana magaalada ku sugan Booliska oo weli wada howl-gallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo amniga, kadib dagaalka ka dhacay halkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sheekh CALI DHEERE oo si yaab leh uga hadlay khilaafka FARMAAJO iyo ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo iska soo duubay cod maqal ah oo socanaya 25 daqiiqo ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo khilaafkaan ku tilmaamay mid banaanka soo dhigay daacad darrada madaxda Soomaalida.

Codkaan oo ay haabisay warbaainta taabacsan kooxda Al-Shabaab ayuu sidoo kale Cali Dheere ku sheegay in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliya iyo khilaafkaan uu daaha ka rogayo “xumaanta uu leeyahay nidaamka ku dhisan dimuqraadiyadda.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa intii uu hadlayey waxuu tusaale u soo qaatay dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso ee dhex-maray ciidamada Puntland iyo dagaalkii Guriceel ku dhex-maray Galmudug iyo Ahlu-Sunna, waxuuna isku dhacyadaan ku tilmaamay kuwo ka dhashay “daacad darrada iyo maamul-xumada dowladda ka jirta Soomaaliya,” sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Soomaali oo dhan waxay indhaheeda ku arkeysaa sida shisheeyuhu isugu diray madaxda u fadhisa madaxtooyada, taasi waxay kaloo muujineysaa liidnaanta nidaamka dimuquraadiyadda,” ayuu yiri Cali Dheere.

Waxa uu sheegay in shisheeyuhu uusan waxaba u reeban Soomaaliya, isagoo madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwo u kala carara xarunta Xalane, iyagoo u kala dacwoonaya safiirrada reer Galbeedka.

Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ka hadlay abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya, isagoo sheegay in hogaanka sare ee Al-Shabaab uu magacaabay guddi qaabilsan gurmadka abaaraha, kaas oo ka kooban 7-xubnood.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Kuraasta la doonayo in lagu laabto ma ku jiraa kursiga loo xalaaleeyay Mahdi Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka golaha Wadatashiga Qaran ee la rabo in lagu saxo cabashooyinkii kasoo laabtay doorashada Golaha Shacabka.

Goluhu wuxuu horay ula kulmay wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno ka socday midowga musharixiinta mucaaradka. Waxaa si weyn loo dul istaagay qaladaadka xooggan ee ka dhashay maareynta qaar kamid ah kuraasta illaa hadda la doortay.

Mucaaradku waxay shirka la wadaageen cabashadooda iyagoo si gooni ah u dul istaagay ku laabashada kuraasta uu buuqa ka dhashay iyo in la saxo hab-raaca xulista ergada, gaar ahaan odayaasha xulaya ergada.

Qodobka ugu xasaasisan hadalkooda wuxuu ahaa kuraasta la boobay, la diiday ama la isku heystay. Mucaaradka waxay dalbadeen in la buriyo go’aamadii uu horey u gaaray guddigii musuqa lagu eedeeyey ee todobada xubnood laga eryey ee xalinta khilaafaadka.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka wuxuu guddiga xalinta khilaafaadka u fadhiistay dooda laba kursi.

Mid wuxuu ahaa kursiga HOPP#239. Kursigaan waxaa ka dhashay fadeexad doorasho iyo buuq dhinaca qabiilka ah. Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mahdi Guuleed ayaa kursigaan qaatay, wuxuu soo watay Gabar diiday in wajigeeda ay arkaan guddiga doorashada, dhab ahaanshaha magaceedana lagu mursan yahay oo si xoog leh isku qarisay.

Sidoo kale xagga xisaabta jufooyinka lama waafajin kursigaan ayuu Mahdi jufadiisa hoose u xoogay sida la xaqiijiyey. Waxaa la sheegay inay caawisay in xafiiska Ra’isul Wasaaraha uusan sharaxaad badan ka heysan hab xisaabeedka siyaasadeed ee reer waqooyiga.

Kursigaan wuxuu ahaa midkii koowaad ee dacwad laga gudbiyo. Maalmo kadib guddiga xalinta khilaafaadka waxay sheegeen in doorashada kursigaan ay sax tahay, balse dhinicii cabashada qabay kuma qancin natiijadaas, waxayna sheegeen in guddiga la handaday, qaarna ay dhaqaale ka qaateen musharaxa kale.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhi jiray kursigaan, wuxuuna hadda ku doodayaa in isaga iyo jufadiisaba la boobay.

Maadaama ay hadda jirto dood sheegeysa in dib loogu laabto Kuraasta la isku heysto lana buriyo dhammaan go’aanadii kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka kursiga koowaad ee uu sharcigaasi qabanayo waxaa loo arkaa kursiga Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed.

Guddiga xalinta waxay kaloo soo fasaxeen kursiga HOPP#067 oo isna la sheegay in loo soo boobay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Galmudug waxay ku doodeysaa in kursigaan uu gudbay, maadaama uu guddiga xalinta fasaxay intii aan todobada xubnood laga eryin, balse xaaladda kursigaan waxay hadda isku xiran yihiin kursiga Ra’isulwasaare ku xigeenka.

Haddii la aqbalo in la buriyo dhammaan go’aamadii uu horey u gaaray guddiga xalinta khilaafaadka oo la aqbalo dalabka mucaaradka kursiyada HOPP#239 iyo HOPP#67 labadaba waxay wajahayaan ku laabasho.

Lama hubo in maamulladu ay wada aqbali doonaan in kuraastii la qabtay, gaar ahaan kuwii uu muranka ka dhashay dib loogu laabto, laakiin haddii la aqbalo waxaa lagu laaban doonaa kursiga uu Mahdi Guuleed qaatay ee HOPP#239.

Sidoo kale kursiga uu Yaasiin Farey qaatay ee HOPP#67 iyo kursiga laga xoogay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo isagu ay soo diideen guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa lagu laaba doonaa kolkaas.

Maamulka hawada SOMALIA ma waxaa lagu wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay in uu jiro qorshe ay maamulka hawada sare ee Soomaaliya ugu wareejisay shirkad gaar ah, xilli ay arrintaas si weyn u soo shaac baxday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuluumadda, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid waxba kama jiraan ah, oo lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadeynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS ay maamulka hawada ku wareejisay shirkad gaar loo leeyahay,” ayuu yiri.

“Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha hawada, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawada dalka.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ay qorsheynayso sare u qaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).

Sidoo kale ay soo baxayso in qorshaha sare u qaadida adeega hawada dib loogu soo nooleynayo qorshe fashilmay sanadkii 2017-kii, kaasi oo lagu rabay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dowlado kale ama shirkado gaar ah.

Waxay arrintan keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeega hawada sare, inkasta oo wasiir Duraan uu beeniyay in la wareejiyay maamulka oo keliya, oo uusan ka hadlin inay wareejinayaan.

Si kastaba, haddii ay dhacdo in xukuumadda Soomaaliya ay maamulka hawada ku wareejiso shirkad gaar ah, waxaa ka dhalan doonta in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya, taasi oo hore looga soo celiyey dabayaaqada sanadkii 2017.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abaabul banaanbax oo ka socda Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax lagu taageerayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Banaanbaxa waxaa abaabulaya xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxuuna ka socdaa degmooyinka kala duwan ee gobolka, iyadoo dadka si hoose loogu qancinayo inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa.

Xogta aan heleyno waxay tilmaameysaa in Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir uu si gaar ah gacanta ugu weyn ka geysanayo abaabulka banaanbaxa la doonayo in taageero loogu muujiyo Farmaajo.

Taageerada Farmaajo ka sokow, banaanbaxa ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu cambaareeyo beesha caalamka, looguna sheego inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya. Waxaa dib loo soo nooleynayaa “Sheekadii shisheeye naceybka” ee uu Farmaajo kusoo galay siyaasadda Soomaaliya, balse been noqotay kadib markii uu ku xirtay Itoobiyaankii uu sanado badan weerari jiray kahor inta aan la dooran

Abaabulka banaan-baxaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda shanta maamul goboleed ee dalka, waxaana miiska saaran hanaankii amniga qaranka looga wareeji lahaa Farmaajo.

Wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay afgembigii la sheegay in Farmaajo u soo abaabulay Ra’iisul Wasaaraha, waxaa dhalatay dood xoog leh oo aan weli mira-dhalin, taas oo ah in Farmaajo laga wareejiyo awooda hoggaaminta amniga qaranka.

Madaxda dowlad gobioleedyada qaar ayaa diidan in Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda amniga dalka, halka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa ay u xusul-duubayaan, sidii amniga guud ee dalka loogu wareejin lahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Al-Shabaab oo mar kale weerar culus ka fulisay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha waddanka Kenya ayaa sheegaya in deegaano u dhow xadka Soomaaliya ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro kala duwan oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Hindi oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu, waxaana lagu dilay ugu yaraan laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Kenya weerarkaas ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana ragga fuliyey ay guryahooda ugu tegeen dadka la dilay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dhacdadaan oo ah tii labaad, waxaana ka horreeyey lix qof oo Isniintii lasoo dhaafay iyaguna la dilay halkaasi.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in weerar kale oo loo adeegsaday qarax lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo marayey deegaanka Dabaasiti oo hoostaga  magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi miino iyo dagaalka xigay, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fulinayaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika oo is-casilaya

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya, kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-cadaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxuuna si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka federaalka ee Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan, bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Feltman, oo 62 jir ah, ayaa sheegay in “dareenkiisa xilkasnimo” uu siinayo inuu ka fariisto shaqada diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo howlgab, kadib in ka badan 25 sano oo uu ahaa diblumaasi Maraykan ah oo ka shaqeeyay Qaramada Midoobay, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa diiday inay ka hadasho shaqo ka tagista Feltman.

Satterfield, oo ah ruug-caddaa ka tirsan Arrimaha Dibadda Maraykanka oo leh in ka badan afartan sano oo waayo-aragnimo ah, ayaa soo maray jago adag oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, halkaas oo uu isku hayay xiriirka laba geesoodka ahaa ee u dhexeeya labada dal ee ka wada tirsan xulafada NATO.

Ka hor Ankara, waxa uu ka soo shaqeeyay Saudi Arabia, Lebanon, Tunisia iyo Syria, iyo dalal kale, wuxuuna laba jeer ka soo noqday dublamaasigii ugu sareeyay ee Maraykanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe oo uu ku sime ka ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Mareykanka oo yareeyey duqeymihii Somalia + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarada duqeymaha ee Mareykanka uu ka geysan jiray dalalka Soomaaliya, Suuriya, Afghanistan, Ciraaq iyo Yemen ayaa si weyn hoos ugu dhacay sanadkii ugu horeeyay ee madaxweyne Biden.

Warbixin ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in 54% ay hoos u dhaceen duqeymaha Mareykanka uu ka fulin jiaray dalalkaas, marka loo eego sanadkii 2020-ka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Mareykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay’addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah.

Waxaa la rumeysan yahay in duqeymaha Mareykanka ay kaalin muhiim ah ka ciyaari jireen beegsiga argagixisada iyo la dagaalanka ay kula jiraan dowladaha ay ku gacan siin jireen weerarada cirka.

Soomaaliya waxaa ugu dambeysay duqeyn uu Mareykanka ka geysto bishii August ee sannadkii hore, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig kooxda Al-Shabaab ku lahaayen tuulada Camaara ee koonfurta Mudug.

Duqeyntii u dambeysay ee Mareykanka ayaa ku soo aaday xilli ay deegaankaas ka wadeen ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo dagaal adag kula jirta.

Si kastaba, duqeymaha uu Mareykanka sanadkii dhamaaday ee 2021 ka fuliyay dalalkaas ayaa noqonaysa tiradii ugu hooseysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xukuumadda oo war kasoo saartay shirkii maanta ee Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho, kaasi oo galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa goordhoweyd ka warbixiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, asaga oo sheegay in madaxda ay maanta la kulmeen qeybo kamid ah bulshada rayidka ah iyo haweenka.

“Shirka labo qeyb ayuu ahaa gelinkii hore waxay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran kulan la qaateen ururada bulshada rayidka oo ay ka dhageysteen talooyin la xiriira gaabis ka jira doorashooyinka iyo sida lagu sixi karo, markii ay kulamadaas dhameysteen waxa uu golaha u ballan-qaaday inay tixgelin doonaan soo jeedintooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ka wada-hadleen arrimaha amniga, doorashooyinka, oo si aad ah oo qoto dheer looga hadlay hufnaanteeda iyo jadwaladeynteeda.

“Madaxda markay dhageysteen qeybihii kala duwanaa ee bulshada, tallooyinkii ay soo aruuriyeen ayey si saraaxad leh u gorfeynayaan. Waxaana shirka ka muuqday is afgarad.”

Waxa uu intaas kusii daray in maalmaha soo socda lasoo gabagabeyn doono shirka, asaga oo Golaha uu mudeyn doono waqtiga la dhameynayo doorashooyinka dalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa intii uu socday shirkooda waxay kulamo kala duwan la qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada, Beesha caalamka iyo Midowga Musharaxiinta, waxayna dhamaantood u gudbiyeen tallooyin ku aadan doorashada iyo hufnaanteeda, kuwaasi oo qaarkood sida muuqata laga gaaray is-afgarad.

Si kastaba, shirka u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo aad loogu baahna, islamarkaana ay taagan tahay xiisad u dhexeyso madaxweynihii hore Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay baarista afgambigii 27-ka December iyo guddiga oo maanta tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay baaris dhab ah ku sameeyan ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii December 2021 ayaa maanta la kulmay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga ayaa waxay Taliyaha ilaalada Madaxtooyada, Korneyl Xasan Dhicis su’aalo ka weydiiyen baaritaankooda la xiriira afgambigii lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Sidoo kale waxay guddiga su’aalo weydiiyen saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77-aad ee ilaalada Madaxtooyada.

Kulanka wareysiga ah ee la xiriiray baaristii loo xil saaray guddiga ayaa waxa uu goordhoweyd ka dhacay xarunta wasaaradda warfaafinta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Guddiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka dhacday gudaha Madaxtooyada, taasi oo la fahamsan yahay in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddiga baarista afgambigii fashilmay ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay 1-dii bishaan, ayada oo magacaabistood u cuskaday go’aan ay si wada-jir ah u gaareen golaha wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hore u faray xubnaha guddigaan inay baaristooda ku soo gaba-gabeeyaan muddo todobaad ah, taasi oo ka bilaabaneysa maalintii la magacaabay oo ay kasoo wareegtay afar maalmood.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Guddoomiyihii is-casilay ee gudiga doorashada Puntland oo shaaciyey arrimo qarsanaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland, Guuleed Saalax Barre oo dhawaan iska casilay xilkaas ayaa maanta shaaciyey in doorashada qof iyo cod ee Puntland ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Waxa uu sheegay in dhaqaalihii loo qoondeeyay guddiga uu maamulka iska diiday, ayada oo illaa hadda aan la dhaarin golaha deegaanka cusub ee maamulkaas uu ku tijaabiyay doorashada qof iyo cod ee qaar kamid ah deegaanada maamulkaas.

“Labadaas sano iyo barkaas qeylo ayaa ku jirnay waa daalnay. Suurta-gal maaha dadkii la doortay ee xeerka iyo nidaamka qorayaan in waqti go’an lagu fariisiyo illaa maanta ay banaanka wareegayaan, sidee umadda uga gadi karaa qeybtii kale ayaa la galayaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Deni isku fahmi waayeen qaabka loo maareynayo doorashooyinka, isaga oo ka gaabsaday in uu si faah-faahsan uga hadlo qoddobada ay isku qabteen madaxweynaha.

“Siddee suurta-gal u tahay in aan sii wadno barnaamijka (doorashada) ayada oo hay’adihii cadaalada aysan jirin. Maal-gelinta barnaamijka oo intaas ka qeylinaynay in la yiraahdo guddiyo orda dhaqaale raadsada oo aan la’nahay wixii dhaqaale noogu jiray miisaaniyada.”

Waxa uu intaas kusii daray in maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni uusan hagran maamulka guddiga ee ayaga ka dambeeyay, maadama sababaha ay isku casileen guddoomiyihii iyo ku-xigeenkiisa ay ahaayeen caqabado iyo cago jiid uga yimid madaxda maamulka.

Puntland ayaa hore ugu faantay doorashada qof iyo cod oo si hordhac ah uga qabsoomtay deegaano kamid ah maamulkeeda, haddana waxaa soo baxaya sida hogaanka sare uga gaabiyay in uu si rasmi ah u taabo-geliyo doorashadaas, ayada oo madaxdii u sareysay guddiga doorashada ay baneeyen jagooyinkii, kadib markii uu waxba la wadi waayay maamulka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay hareera joogaan saraakiisha ciidamada amniga ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalkii shalay ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray caasimada maamulkaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Geeda Qoroow ayaa shaaciyey inay heshiis kala dhex dhigeen ciidamadii Gorgor iyo kuwa booliska ee shalay iska hor-imaadka uu ku dhex-maray magaalada Dhuusamareeb.

“Ciidamada booliska oo howl-gal ku jira ayay isku dhaceen kuwo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Gorgor, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dagaalkii shalay ay ku dhimatay Haweeney ay rasaasta ugu tagtay gurigeeda, halka ay ku dhaawacmeen labo kamid ah askartii dagaalantay iyo burbur soo gaaray gaadiidka ay rasaasta haleeshay.

Guddoomiyaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ugu dambeyntiina sheegay in baaritaanka kiiska dagaal ee shalay ay u xil saareen maxkamadda ciidamada.

Dagaalka shalay ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gorgor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhowr ah.

Waxa uu ku soo aadaya iska hor-imaadka dagaal ee u dhaxeeyay ciidamada Gorgor iyo kuwa booliska, xilli ay maalmihii dambe ciidamada Gorgor ay wajahayeen eedeymo la xiriira khal-khal gelin amni.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF oo halis ugu jirta in lagala wareego maamulka hawada dalka kadib tallaabo ay qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ayaa sheegaya in maamulka hay’adda ay isku dayayaan sare uqaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).  

Isku dayga sare uqaadida adeegga hawada sare ayaa ku soo aaday, iyadoo ay hay’addaha caalamiga eh ee International Civil Aviation Authority (ICAO) iyo International Air Transport Association (IATA) ay ka muujiyeen walaac dhanka badqabka duulimaadka hawada sare (Safety Concerns), taasoo ka dhalatey digniin ah in gabi ahaanba la faray hay’adda duulimaadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iney sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan ayna qaataan tallooyinka loo soo jeedinayo, maadaama ay arrintani tahay caqabad dhanka duulimaadka hawada sare ku ah. 

Warbixin dheer oo ay soo saartey ICAO oo ah hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha duulimaadka caalamiga 16-kii bishii December 2021 ayay ku boorisey madaxda maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority in isku dayga sare u qaadida ay ka dhalan doonto walaac weyn oo dhanka badqabka ah, taasoo ah in gabi ahaanba la xiri doono maritaanka hawada sare ee Soomaaliya. 

Warbixintaas dheer kadib, hay’adda IATA ayaa 23 December 2021 sidoo kale u sheegtey Hay’adda Duulista Soomaaliya inay dib udhigaan qorshahan isla markaana ay gabi ahaanba ka saaraan documents ka qaldan ee lagu faafiyey (NOTAM A0123/21). 

Waxaa hore u jirey qorshe sanadkii 2017 shir ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India lagu qorsheeyay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dawlado kale ama shirkado gaar ah, hase yeeshee ay fashilmeen.

Arrintan ayaa keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeegga hawada sare, isla markaana ay ka dhalan doonto in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya , taasoo hore looga soo celiyey 28 December 2017.  

6 January 2022 oo ku beegan maalinta berri ayaa la filayaa in uu dhaco Shir aalada foggaan araga ah oo ay soo qaban qaabisey hay’addaha duulimaadka caalamiga ee u qaabilsan Qaramada Midoobey oo loo soo gaabiyo ICAO iyo IATA taasoo lagu martiqaadey ICAO Regional Offices, ICAO headquarter (Montreal, Canada), Air Navigation Bureau,  iyo Airlines-ka. Waxay shirkan la yeelanayaan Maamulka sare ee Somali Civil Aviation Authority (SCAA) si ay ugu sharaxaan sababaha dhaliyey iney hay’adda, iyadoo aysan u diyaarsaneyn ay dedejiyaan qorshahan (airspace upgrade ka).

Waxaa la filayaa 6 January 2022 wixii ka dambeeya in ICAO ay go’aan ka qaadan doonto gabi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya.

W/Q: Cabdicasiis Golf

Qorshaha laga leeyahay dalacsiinta uu wado Farmaajo

0

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu si joogto ah u qeybinayaa darajooyinka ugu sareeya Dalka. Saraakiisha waxay sheegayaan inuu yahay hoggaamiyihii ugu badnaa ee bixiya darajooyinka sare ee ciidanka, iyadoo si weyn loo bootinayo Askar dhawaan gal ah, balse u dhago fudud amarada madaxda.

Habka loo xulanayo saraakiisha dalaceysa ayaa sidoo kale si weyn loogu dhaliilay nidaamka Farmaajo. Madaxweynaha waxaa lagu eedeeyey inuu dalacsiinta u fiiriyo dantiisa gaarka ah, balse uusan qiimeyn shaqada uu sarkaalkaas u hayo dalka.

“Wuxuu noqday madaxweynihii ugu badnaa ee darajada Gaashaanle Sare gaarsiiya saraakiil aan waligood hal kaarto oo dagaal aan curin, furin dagaal tagin, aragti Amni curin, oo ciidanka aan muddo badan ku jirin,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ka gadoodsan sida nidaamka Farmaajo ugu xad gudbayo darajooyinka ciidanka Soomaaliya.

Haddaba arrinta miiska saaran waxay tahay, maxaa ka dhallan kara tallaabooyinka madaxweynaha ee dhinaca dalacsiinta aan la waafajineyn nidaamka iyo sharciyada ciidanka?

Saraakiisha aan la hadalnay waxay qabaan seddex arrimod oo waaweyn:

1 – Qiimo dhac darajo

Xubnaha aan la hadalnay waxay leeyihiin, marka aad ogtahay sida been ah ee sarkaalkaan darajada ku qaatay, waxaa kugu adkaaneysa inaad adeecdo oo aad amarkiisa qaadato, waxaa kaloo imaan doonta in aysan askarta juhdi badan ku bixin inay darajo sare helaan, maadaama ay darajada noqotay wax dhib la’aan la iska helo.

Halkaas darajada waa ku qiima beeshay ayey leeyihiin saraakiishu .

2- Niyad jab

Askar badan waxay xoogga saari jireen inay horumar ka gaaraan shaqada ciidanka, waxay soo bandhigi jireen dadaal dheeri ah, hal abuur amni iyo daacadnimo shaqo si ay u dalacaan, laakiin hadda waxay u jeedaan inay darajada sare ku xiran tahay inay madaxda sare raali geliyaan.

Taasi waxay keeneysaa inay askarta ka niyad jabaan dadaalkii shaqada, maadaama aan sidaas lagu siineyn dalacaad.

Waxayna sidoo kale tani saameyn xoog leh ku yeelatay, shaqada amniga Qaranka.

3 – Ku laabasho

Sida madaxweyne Farmaajo u karaamo tiray darajooyinka ciidanka, waxay keeneysaa ayey leeyihiin saraakiishu in laga fakaro xeer sheegaya sida lagu dalici karo ama ay ku imaan karto dalacaadu.

Sidoo kale waxaa qasab noqon doonta in dhammaan dib loogu laabto oo loo qiimeeyo darajooyinkii la bixiyey intii uu Farmaajo joogay xafiiska, maadaama aan lagu saleyn shaqo amni, aqoon ciidanimo ama danta amniga qaranka.

Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa sharciga ah 8-dii February ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuu dalacsiiyey saraakiil tiro badan, kuwana wuxuu ka qaaday darajooyinkii ciidanimada markii ay danihiisa gaarka ah ka hor yimaadeen.