27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo bandhigay ragii weeraray guddoomiye Jeyte

0

Beledweyn (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay magaalada Beledweyn ku dhexmaray Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cusmaan iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

“xilli saacadu ku beegneyd abaare (7) Todobadii Fiidnimo ee xalay xilli ay safar shaqo kasoo laabteen degmada Feer-Feer Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabeelle,  Taliyaha Guutada 5 aad, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Hiiraan iyo masùlinyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayen Maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur Dheere, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogga,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa ay maamulka sheegeen in gacanta ku dhigeen ragga hubeysan ee weerarka ku soo qaaday, kuwaasi oo gaaraya ilaa 20 ruux iyo sarkaalkii hoggaaminayay, isla markaasna dhowaan la horgeyn doono maxkamadaha awoodda u leh.

”Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan halistiisa waxaane la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

”Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne,” ayuu sii raaciyey afhayeenka.

Raggaan weerarka qaaday ayaan ilaa hadda la oggeyn cidda ay ka tirsan yihiin.

Dagaalka xalay ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo 12 kale kuwaas oo isugu jira Shacab iyo ciidamadii dagaalamay.

 

Mukhtaar Roobow ‘oo lagala baxay’ hoygii lagu hayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Roobw Cali Abu Mansuur ayaa lagala baxay hoygii uu Muqdisho ka deganaa, ee uu xabsi guriga ugu jiray, waxaa sidaas sheegay xubno ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo.

Dr. Maxamed Nuur Bilaal, oo ah xoghayaha Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu guddoomiyaha ka ahaa Abuu Mansuur, ayaa Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho u sheegay in loo soo sheegay in Roobow lala baxay habeenkii 29-ka December, islamarkaana la geeyey xarunta Habar Khadiijo ee NISA.

Dr. Maxamed ayaa sheegay inay hadda jirto khatar ay wajaheyso nolosha Abu Mansuur, isaga oo intaas ku daray in sababta Mukhtaar Roobow loogala baxay guriga ay tahay in lagala cararo cadaaladda, kadib markii uu wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur dalbaday warbixin ku saabsan xaaladda Roobow.

“Markii ay Wasiirka Amniga iyo dowladda Soomaaliya ku baraarugeen dulmiga lagu gaysanayo magaca dowladda, ayna tiri arritan war ha laga keeno, ayaa waxaa muuqaneysa in kooxdii waxan sameyneysay inay mar kale la baxsadeen musharaxii, oo ay la aadeen meel aan la garaneyn,” ayuu yiri Dr. Maxamed Nuur.

“Annaga waxaan dareemeynaa in nolosha Sheekh Mukhtaar ay khatar ku jirto, sidaas darteed waxaan dalabaneynaa baaritaan deg deg, waxaan mar kale dalbanayena caddaalad. Waxaan ugu baaqeynaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintan soo faro-geliyo.”

Si madax-banaan looma xaqiijin karo arrinta uu sheegay Dr. Maxamed Nuur Bilaal.

Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo xalay wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku sugan yahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu sugan yahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dr. Maxamed Nuur Bilaal 

Shariif oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xijaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ciidamada ku amray in aysan ku milmin siyaasadda aysan ku milmin oo ay ku eekadaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Sheekh Shariif ayaa si weyn usoo dhaweeyay amarka uu Xijaar faray ciidamada booliska, xilli uu uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa tallaabo kale oo mudan hambalyo iyo bogaadin hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ee ku saabsan in ciidanka Booliiska ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasiga ah, ayna xoogga saaraan waajibkooda shaqo ee ay u dhaarteen oo ah ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu sheegay in tallaabadan ay muujinayso biseyl, taasi oo xoojinaysa dhismaha nabadda iyo wada-jirka ciidanka, xilli uu dalka ku jiro marxalad kala guur xasaasi ah, islamarkaana ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed.

Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore ciidanka uga digay in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, waxayna hadda si weyn usoo dhaweynayaan in arrintaas ay garteen hogaankii u sareeyay ee ciidamada.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa ciidamada booliska Soomaaliyeed uga digay inay ku milmaan siyaasadda, islamarkaana ay si hufan uga shaqeeyan umadda Soomaaliyeed.

Shalay unbey aheyd markii uu Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf uu sidan oo kale ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan, isaga oo cadeeyey in hal askari aysan ka ogolaa doonin inuu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah.

Ciidanka dowladda qaarkood oo marar dhowr ah qeyb ka noqday xiisadaha siyaasadeed ee dalka, ayaa xilligan wajahaya go’aano culus oo meesha ka saaraya in markale ay raacan garab gaar ah ama qeyb ku yeeshan xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

FIQI oo shaaciyey laba arrin oo kala duwan oo Farmaajo uu ka sheegay afgambiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo markale ka hadlay dhacdadii dhawaan awood ciidan looga hor istaagay xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kala afleyn qaawan ka sameeyay inqilaabkii fashilmay.

Sida uu sheegay Fiqi kadib markii Rooble laga hor istaagay xafiiskiisa waxa Farmaajo u tagay xubno u jeediyay in ciidamada laga qaado xafiiskiisa, kuwaasi oo si jees-jees ah kusoo dhaqaajiyey.

“Maalintii inqilaabka dhiciska ah uu dhacay akhyaar u tagtay afgambiyaha ayaa laga soo wariyey in ay u soo jeediyeen in ciidamada qabsaday xafiiska Raysulwasaaraha meesha laga wareejiyo, Raysulwasaarahana loo ogolaado xafiiskiisa inuu galo, wuxuu ugu jawaabay; ma Raysulwasaare cusub ayaa la soo magacaabay?,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin kadib xubno kale oo u tagay Farmaajo uu ku dafiray in uu wax ka oga qorshaha awooda ciidan lagula wareegayay xafiiska Rooble, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.

“Anigu maba ogayn xafiis la xirtay, mana dhicin arrintaas!,” ayuu ku yiri xubnaha u tagay Farmaajo, sida uu shaaciyey Fiqi.

Dhanka kale, Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo uu sheegay in dan ku qasabtay in uu ku dhawaaqo inuu yahay “Tabliiq Siyaasadeed”.

“Waxa subaxnimadii hore ee maalintii inqilaabka soo kallahay oo lagu arkay agagaarka xafiiska Rooble, mudane Mahdi Guuleed oo horay uga qabatin bartay in marka Raysulwasaare si sharcidarro lagu bedelo inuu kursiga sii kululeeyo, asagoo lagu tuhunsanaa inuu wax ka ogaa qorshaha, balse markuu arkay geela in lala joogo ayuu dhegsaday kaarka tabliiqa siyaasadeed!.”

“Carabta ayaa waxay markaan oo kale tiraahdaa “ sixiroolihii sixirkiisii ayaa la gaddoomey, meeshii uu ka rabay in uu qof kale sixro”!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Rooble oo guddi u magacaabaya isku-deygii afgambi ee Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan magacaabaya guddi baaritaan dhab ah ku sameysa ciddii ku lugta laheyd af-gambigii fashilmay ee 27-kii bishaan lagu qaaday hay’addaha dastuuriga ee dalka.

Afhayeenka xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in shirkii golaha wasiirada ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble la isku raacay magacaabista guddigaas, kaasi oo ka koobnaanaya 5 xubnood.

Guddiga ayaa baaris dhmaeystiran ku sameynaya sidii ay wax u dhaceen, xilli uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha uu wacad ku maray in uu sharciga la tiigsanayo cidkasta oo ka dambeysay arrintaas.

27-kii bishan ayey aheyd markii ciidamo la dul dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta Golaha Wasiiradda, isku-deygaas oo markii dambe fashilmay, ayada oo sida la fahamsan yahay uu amarkaas kasoo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kadib afgambigii fashilmay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu dhammaan ciidamada kala duwan ee dowladda ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa ka hor-timaada.

Rooble ayaa xilligan haysta kalsoonida socodsiinta arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan furmaya shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka, si loogu saxo qaladaadka ka jira doorashada Golaha Shacabka, oo si weyn uga horyimaadeen Midowga Musharaxiinta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

NISA oo soo saartay digniin culus oo la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa uga digtay ciidamada qalabka sida inay ku milmaan siyaasadda, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan tahay dalka.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay twitter ayaa lagu yiri “Taliska NISA wuxuu ku howlan-yahay sugidda amniga. Wuxuuna ka digayaa ku-milanka siyaasadda ee Ciidamada Qalabka Sida iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada. Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyahay mar walba garab istaaga Hay’adaha Amniga Qaranka.”

Qoraalka NISA ayaa waafaqsan digniino ay horey u bixiyeen taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska, oo ay ciidanka uga digeen inay ku-milmaan siyaasadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka taagan cabsi la xiriirta inuu dagaal ka dhici karo, ayada oo Ciidamada Badbaado Qaran ay diyaar u yihiin inay difaacaan ra’iisul wasaare Rooble, oo uu Farmaajo Isniintii isku dayey inuu awood ciidan ku qabsado xafiiskiisa.

Rooble ayaa dhacdadaas kadib uga digay ciidamada ammaanka inay ka amar qaataan madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in digniinaha ka dhanka ah ku-milanka ciidanka ee siyaasadda ay yihiin kuwa lagu bad-baadinayo Farmaajo, oo la rumeysan yahay in hadda ay kasoo horjeedaan ciidamada intooda badan.

Waxay tusalae usoo qaateen, in Odawaa, NISA iyo Xijaar inaysan marna ka hadal markii ciidamada dowladda uu Farmaajo bilo kahor u adeegsaday inuu ku weeraro madaxweynayaal hore.

NISA ayaa waxaa hoggaamiya Yaasin Farey oo ku xiran Farmaajo iyo taliyihii hore ee hay’adda Fahad Yaasiin, ayada oo xiisadda hadda taagan ay ka dhalatay sababo ay ka mid yihiin kursiga xildhibaan ee Yaasiin Farey uu ku guuleystay oo muran badan dhaliyey.

Farmaajo ayaa hadda wajahaya cadaadis xooggan, waxaana haddii xiisadda siyaasadeed ay isku beddesho mid ciidan suurta-gal ah in beesha caalamka ay ku qasabto inuu baneeyo madaxtooyada. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal caawa ka qarxay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd uu dagaal xoogan ka qarxay, ayada oo dhawaan la ogolaaday in magaalada uu tago madaxweynaha HirShabelle.

Magaalada gudaheed ayaa laga maqlaya rasaas xoogan iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramaya in dagaalka uu u dhaxeeyo mid kamid ah Saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidamo taabacsan maamulka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas, oo qaarkood uu gaaray dad shacab ah oo aan ka fogeyn goobta uu dagaalku ka socdo, gaar ahaan xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalka hogaaminaya ciidamada Badbaadada Hiiraan oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiil ka hor istaagay Cali Guudlaawe safar uu qorsheynayay in uu ku tago magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ay sheegen in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka ayaa waxay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Qorshaha tagista Guudlaawe ee Beledweyne ayaa markale wajahaya caqabad weyn, ayada oo Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan ay sheegen in uu tagi karo, xilli aan weli si rasmi ah loo dhameyn xiisada taagan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Rooble iyo madax goboleedyada badankood oo ku sugan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada, oo u yimid si ay uga qeyb-galaan shirkii uu kal hore iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku biiray Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo hore usii joogay magaalada Muqdisho, waxaa keliya ka maqan madaxda dowlad goboleedyada Lafta-gareen oo asagna la filayo inuu soo gaaro caasimada dalka, inkasta oo uu horey u diiday shirka, balse aan maanta xog ku helnay inuu aqbalay.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka, oo ayadu taageero ballaaran u muujisay shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa waxaa dib u sixid loogu sameynaya doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo, taasi oo horey uu uga digay madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, inkasta oo aan warkiisa loo joojin doonin.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, wuxuu kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Golaha Wasiirada DF oo war kasoo saaray afgambigii fashilmay ee FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo maanta uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag loogu cambaareeyay isku-daygii Afgambi ee 27-kii bishan lagu qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiiradda.

Waxay si wada-jir ah u muujiyeen Wasiiraddu sida ay uga xun yihiin falkaas, oo sida la fahamsan yahay uu amarkeeda lahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex-galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka golaha oo ahaa midkii u horeeyay tan iyo markii uu madaxweynihii hore isku dayay inuu awood ciidan ku qabsado xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee markale looga arrinsanayo doorashooyinka.

Golaha ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadda miisaaniyadda dowladda ee 2020-kii, ayada oo la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Qorshahaas ayaa faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, si ay qeyb uga noqdaan kor u qaadista amniga caasimada.

Sidoo kale waxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19, oo markale kusoo labo kacleeyay dalka.

Ugu dambeyntiina waxaa looga mahad-celiyay taageerada xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee doorashooyinkia iyo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xog: Lafta-gareen oo ka qeyb-galaya shirka Rooble, kana shalaayey warqaddii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne goboleedka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka qeyb-galaya shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran inkasta oo uu horey u diiday, waxaa sidaas ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen ayaa warqad uu soo saaray 26-kii December ku yiri “Waxaan caddeynayaa inaan ka qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in Lafta-gareen uu hadda beddelay mowqifkiisa kadib cadaadis xooggan oo uu kala kulmay dowladda Mareykanka.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Lafta-gareen la hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee oo maalmahan wadday cadaadis ay taageero ugu raadineyso shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Phee ayaa xalay shaaca ka qaaday inay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku boorisay inuu taageero shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Lafta-gareen ayaa hadda la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkaas.

Waxaan sidoo kale ogaanay inuu ka shalaayey warqaddii uu ku diiday shirka Rooble, kuna taageeray shirka Farmaajo uu ku baaqay, maadaama ka qeyb-galkiisa iminka ay caddeyn u noqoneyso inuusan aheyn go’aankiisa

Lafta-gareen wuxuu sameyn karay inuu xiisadda ka aamuso ama ugu yaraan xaaladda cabiro maalmo, hase yeeshee cadaadis kaga yimid Villa Somalia ayaa ku qasbay go’aan deg deg ah oo u muuqday inuusan joogteyn karin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

XIJAAR oo saraakiisha iyo ciidanka siiyey amar la xiriira xiisada Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa si adag uga digay in Saraakiisha ciidamada ay ku milmaan siyaasadda dalka.

Xijaar ayaa sidoo kale ciidamada faray inaysan qeyb ka noqon karin arrimo siyaasadeed iyo wax ka baxsan shaqadooda, xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waa in ciidanka booliska Soomaaliyeed aysan ku milmin siyaasadda, oo ay shuqul ku laheyn meesha lagu hayo siyaasad ee loo igmaday inay shaqeeyaan amniga qaranka keliya,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

“Mas’uuliyadeena koowaad waxaa weey in aan ilaalino amniga, nafta, maalka shacabka Soomaaliyeed, in aan fulino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxay xaq u leeyihiin, sidoo kale inaan dhowrno odayga waayeelka ah, wiilka yar iyo midka bajaajta ku shaqeeysanaya.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliyeed ay hortaallo shaqo baaxad leh oo qeyb ka tahay amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waxaa mas’uul ka nahay doorashooyinka amnigeeda, waxaa mas’uul ka nahay musharaxiinta, ergada wax dooranaya, shaqaalaha iyo dadka loo igmaday inay doorashada daadihiyaan iyo qalabka meesha yaalla ee loo isticmaalayo doorashada.”

Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay in amniga guud ee dalka laga wada-shaqeeyo, islamarkaana ay Saraakiisha iyo ciidamadu xooga saaran sidii si nabdoon looga gudbi lahaa xaalada taagan.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed la socodsiineyna in ciidamada ay diyaar u yihiin in dareenkooda ku shaqeeyaan oo gacan siiyaan, waqti kastana ay u soo jeedan oo sugayaan amnigooda.”

Hadalkan ayaa kusoo aadaya amar shalay kasoo baxay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kaasi oo ahaa in ciidamada ka fogaadan arrimaha siyaasadda, si hufana u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ciidamada ayaa la geliyay heegan buuxa, ayada oo aan laga ogolaan inay raacan guruub ama aragtiyo gaar ah, xilli ay dalka ka taagan xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Rooble oo xilalka u kala wareejiyey laba wasiir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka u kala wareejiyey wasiirada gaashaandhigga iyo cadaaladda oo uu maalmo ka hor ku sameeyey isku shaandheyn, kadib wareegto uu soo saaray.

Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda gaadhaandhigga, halka Xuseen Xasan Xaaji la geeyey wasaaradda cadaaladda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka u kala wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Tallaabadaan uu qaaday Rooble ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay aad isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo oo ay isku qabteen doorashooyinka

Dad badan ayaa sidoo kale u arka tallaabadan mid xeeladeed, ayada oo Cabduqaadir Maxamed Nuur uu ka mid yahay wasiirada aadka ugu dhow Rooble, lana safnaa dhowrkii dagaal ee uu la galay Farmaajo.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ee loo dhiibay Cabdulqaadir ayaa loo arkaa mid muhiim ah, maadaama haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay Villa Soomaaliya.

Si kastaba, xaaladda dalka ayaa weli ah mid cakiran, waxaase haatan Muqdisho ka socdo dadaaallo xoogan iyo kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadda Villa Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Puntland oo shaacisay inuu Tuutaha ciidanka PSF galay gacanta cadowga, kadibna…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee hay’adda PFS, Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr oo booqday saldhig ku yaalla dhulka buuraha Galgala ayaa khudbad u jeediyey ciidamada, wuxuuna ka hadlay arrimaha taagan iyo sidoo kale xaaladaha ay wajahayaan.

Amiin oo aan weli xil ka la wareegin ayaa shaaca ka qaaday in Tuutaha ciidamada PFS uu galay gacanta cadowga, isla-markaana la beddalay wixii haatan ka dambeeya

Agaasimaha magacaaban ayaa xusay in la kala garan waayey ciidankii iyo cadowgii, sida uu hadalka u dhigay.

Ma caddeyn agaasimuhu cadowga, balse wuxuu tilmaamay inuu faraha ka baxay dareeska ciidamada, sidaas daraadeedana ay go’aansadeen in la beddalo.

PSF ayaa ah ciidamo si gaar ah u tababaran, isla-markaana la dagaalama kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, waxaana taageero milatrari siiyo dowladda Mareykanka.

Hadalka agaasimaha magacaaban ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli aan xal dhab ah laga gaarin xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimihii hay’adda Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid talaabada uu qaadau madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo dheeraad ah oo ay wdaan madaxdii hore ee Puntland, sida Cabdiraxmaan Faroolwe, Cabdiweli Gaas iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomalaiya Cumar Cabdirashiid, kuwaas oo garab ka helaya Ismida dhaqanka ee Puntland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Tacsi: Geerida Adeer Maxamuud Gacal Cali

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed.

Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Sayid Caraaye, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afarx, iyo Reer Maxamed Xasan.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Maxamuud Gacal Cali, ayaga oo uga tacsiyeyna geerdii shalay ku timid adeer Maxamuud Gacal Cali oo shalay ku geeriyooday magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo Iimaan Allaha ha naga siiyo, marxuumkana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

QOOR QOOR oo shaaciyey xalka xiisada Villa Somalia, kadib kulankii Kate Foster

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha UK u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Kate Foster.

Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay iyo arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay labada dhinac isla garteen inay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada, una arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan.

“Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida deg-degga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug oo todobaadkan soo gaaray caasimada ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka qeyb-geli doonaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxayna kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, waxaase beesha caalamku cadaadis saareysaa madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, si uu faraha ugala baxo doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo. 

“Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka.

Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.”

Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo.

1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale

Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay.

Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato.

2- Kulanka Sharif iyo Rooble

MAdaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoor Qoor kasoo baxday.

Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in “Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.”

Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada.

Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga masharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wada-hadal geli doonin.

Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Mareykanka oo sheegay arrin ay ka dalbadeen Farmaajo

Washington (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.

Tallaabada uu Mareykanka qaaday ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay taageerada Rooble, iyo in laga hortagao isku dayada uu Farmaajo mar kale ku carqaladeynayo doorashada. 

Dowladda Mareykanka ayaa horey sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya. Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibeddda, isniintii. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxkamadeynta kiiska dilkii Sakariye iyo Sowdo oo ka billaabatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanata billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sakariye iyo Sowdo.

Labadii bishan ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haysta labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Eedeysanayaasha loo haysto dilkaas ayaa waxaa lagu kala magacaaba Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhuul badan.

Waxay dalbadeen in eedeysanayaasha lagu rido xukun u dhigma dambiga ay geysteen oo lagu xukumo dil toogasho ah. Halka uu xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada uu soo jeediyay in Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin loo ciqaabo dilkaas, ayada oo Dayax Nuur Cabdi lagu qaado anshaxa wada-marista iyo nabad-gelyada guud ee uu qal-qal geliyay.

Fadhiga maxkamadda ee maanta ayaa lasoo xiray, ayada oo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu sheegay in kiiskaan maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hore u shaaciyey in Sakariy iyo Sowdo oo xilligaas marayay wadada isgoyska Dabka ay haleeshay rasaas ay ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ay ku furanayeen wadada oo xiligaas jaam aheyd.

Sidoo kale ehelada marxuumiinta ayaa hore wacad ugu maray inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Prof. Afyare: Mareykanka waa kuwii taageerayey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray wararka sheegaya inaanu Mareykanku xilligan saamayn muuqato ku lahayn dalka.

Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in waxyaabihii u suurtagalay Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu u suurta-geliyay Mareykanka.

“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxaa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka looga gudbi karo, iyadoo wixii khaldamay dib laga saxo, Ra’iisal Wasaaraha iyo Dowlad Goboleedyadana lagu khasbo inay dalka ka qabtaan doorasho daahfuran, Madaxweynuhu aanu ku fara-gelin.

“Waa khasab in hadda waxa socda wixii laga hagaajin karo, laga hagaajiyo. Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaruhu waa in lagu khasbo inay tartan ogolaadaan oo dadka la tartan-siiyo, Madaxweynuhuna uu u daayo, oo uusan ku fara-gelin,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxa kaloo uu yiri “Xalku waa iska cad yahay, sababtoo ah waddo kale ma jirto, oo aan ka ahayn Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga oo shaqadan iska leh. Lixda nin ee shaqada haysay inay dhameystiraan, waa lagama maarmaan oo loo daayo. Xalka waxaan u arkaa in Madaxweynuhu uu xushmeeyo, oo ilaaliyo heshiiskii uu aqbalay 27-kii May 2021, qoladaan kalena ay aqbalaan heshiiskii 17-kii September 2020.”

Afyare Cabdi ayaa yiri “Beesha Caalamka iyagaa ugu culus, iyagaa go’aanka rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ee dalka ka ahaa, intii muddo ah, haddana sida muuqata waxay leeyihiin hala boobsiiyo doorashada, qoladii wadayna ha wado.”

Farmaajo oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis caalamiya, waxaana khilaafka labada hoggaamiye si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.

Inkasta oo ay haatan degan tahay xaaladda Muqdisho ayaa waxaa haddana weli taagan khilaaka dib uga soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, oo niyad-jab ku keenay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada iyo Hogaan toosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo asagu hogaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay.

Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor.

9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay.

Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii