25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Aqriso: Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee la filayo inay Taalibaan ku dhowaaqdo

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo codsaday in aan magaciisa la shaaciin ayaa xaqiijiyey in Taalibaan ay ku jirto diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan dhammaan xubnaha hadda ka tirsan golaha hoggaaminta.

Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa wadatashiyo ku qabanaya magaalada Kandahar, oo loo yaqaan meesha ay ku dhalatay kooxda Taalibaan, waxaana weheliya ku-xigeennadiisa Sirajuddin Haqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yaqoob, oo ah wiilka aasaasaha Taalibaan Mullah Omar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan.

“Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaarada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay tahay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan,” ayuu Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taalibaan ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii.

Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;

1- Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha.
2- Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha
3- Sher Abbas Stanekzai, ku-xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha
4- Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga
5- Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga
6- Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga
7- Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar
8- Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan
9- Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta
10- Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha
11- Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha
12 – Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha
13- Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha
14- Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan
15- Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar
16- Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh
17- Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiirada la filayaa inay ka mid noqdaan, xubno aan caan aheyn, ama la aqoon xilalka ay hadda ka hayaan kooxda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Abdur Rahman, Mullah Gul agha, Ameer Haqqani, Mullah Maxamed Xasan, Sheekh Shariif, Faizullah Khan, Taj Mir iyo Xafis Majeed.

Isha: VOA

TURKIGA oo go’aan cad ka qaatay xaaladda Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa go’aan rasmi ah ka qaadatay xaaladda dalka Afghanistan iyo safaaradda ay ku laheyd magaalada Kabul ee Caasimadda dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa dib u furtay safaaradda magaalada Kabul, iyadoo go’aan ku gaartay inay sii wadato joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afghanistan sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa markii ay Taalibaan qabsatay dalkaas oo dhan waxay Kabul kasoo daad gureysay dad rayid ah iyo ciidamo marka laga reebo kooxo farsamo ah oo ka shaqeeneysay wada-hadaladii dhex maray kooxda Daalibaan iyo Maamulka Ankara.

Erdogan oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Montenegro ayaa sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismaheeda Magaalada dhexdeeda ahaa kadib maalmo ay ku shaqeeneysay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Kabul.

“Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa hadalada kasoo yeerayo kooxda Daalibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa abuurayo rajo wanaagsan isla markaasna ay rajeenayaan inay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo ku dhisan isfaham iyo wada-shaqeyn.

Dowladda Turkiga iyo Taalibaan ayaa dhawaan isku fahmay in Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Kabul halka kooxd Daalibaan ay la wareegi doonto ammaanka garoonka.

Geerida “Libaaxa Muqdisho’ oo la tuhmayo inay aheyd mid la qorsheeyey + Sababta

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in geerida Jeneral Paul Lokech oo la yaqiin “Libaaxa Muqdisho”, kaasi oo Sabtidii lagu aasay dalka Uganda, ay aheyd mid la qorsheeyey oo ay ku lug lahaayeen gacmo kale.

Jeneral Lakoch, oo 55 jir ahaa, ayaa hoggaamiyey howlgalkii 2011 Al-Shabaab looga xoreeyey Muqdisho, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho,” ayada oo aaskiisa uu ka qeyb-galay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligii la xoreeyey Muqdisho dalka madaxweyne ka ahaa. 

Markii uu geeriyooday 21-kii August waxa uu 8 bilood oo kaliya ahaa ku-xigeenka dambi-baaraha guud ee booliiska Uganda.

Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ayaa sheegay in durbadii uu dhintay Jeneral Lokech suuqa lasoo geliyey inuu u dhintay dhiigga u xinjiroobay, xitaa kahor inta aanay dhaqaatiirta baarin oo aanay shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Wargeyska ayaa yiri “Dadka Uganda waxay illaa hadda is-weydiinayaan sidee durba shacabka uga war heleen sababta geerida, ayada oo aan wax baaritaan rasmi ah la sameyn.”

Arrinta kale ee tuhunka dhalisay ayuu wargeyska ku sheegay in bayaan ay soo saraeen booliska, kadib baaritaan ay sameeyeen afar dhaqtar, lagu sheegay in sababta dhimashada ay aheyd dhiigga oo xinjiroobay, taasi oo waafaqday war suuqeedkii horey u jiray.

“Sidee ayey ku ogaadeen dadkii suuqa soo geliyey sababta dhimashada kahor inta aanay baaritaan la sameyn ama booliska shaacin. Sidee war suuqeedka iyo warbixinta booliska isku waafaqeen?,” ayuu wargeyska Daily Monitor ku yiri faallo uu qoray.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in la tuhmayo in madaxweyne Museveni ay suurta-gal tahay inuu ka dambeeyey dilka “Libaaxa Muqdisho”, maadama uu caan ku yahay inuu si hoose u dilo dadka ay is-qabtaan kadibna sababo aan jirin loo sameeyo. 

“Marka aad eegto guul-darrada Museveni ee ah inuu caddaaladda horkeeno dilayaasha dad badan oo caan ka ahaa Uganda, iyo xaqiiqda ah inuu marar badan sheegay arrimo aan sax aheyn, waad fahmeysaa sababta shacabka Uganda ay tuhun uga qabaan geerida Libaaxa Muqdisho.” 

Farmaajo oo gobolka Gedo uu gacantiisa kasii baxayo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Kadib sanado uu dagaal badan u galay, dartiisna u xayiray in dalka ay doorasho ka dhacdo, madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu hadda luminayo gobolka Gedo ee beeshiisa ay degto.

Siyaasiyiinta miisaanka leh ee gobolka Gedo, ayaa mid mid uga siibanaya xerada madaxweyne Farmaajo, ayada oo badankood ay u galayaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ama ay iskood u istaagayaan.

Laba toddobaad kahor, Farmaajo wuxuu waayey wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kadib markii uu kasoo waday Beled-Xaawo oo uu keenay Muqdisho dib uga furtay saddex bil kadib. Janan ayaa looga baxay ballamo badan oo dhaqaale uu ugu weyn yahay.

Sidoo kale, waxaa Axaddii shir jaraa’id magaalada Garbahaarey ku qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka, oo sheegay in Gedo ay hoos tagto Jubaland, oo Axmed Madoobe uu madaxweyne u yahay.

Siyaasiyiinta Gedo ee kasoo horjeestay Farmaajo, waxay ku hadleen luuqad isku mid ah, ayaga oo sababta ay u raacsan yihiin Axmed Madoobe ku sheegay in dagaalka dowladda federaalka iyo Jubaland uu wax badan ku waayey gobolka.

Xubnahan ayaa sheegay in muddadii sanadka iyo barka aheyd ee xiisadda ay ka jirtay Gedo, uu gobolka waayey mashaariic badan, oo uu ka heli lahaa ama loo soo marin lahaa maamulka Jubaland.

Waxay sababta ku sheegeen in gobolka uu u gacan galay maamul sharci-darro ah oo ay soo magacowday Villa Somalia, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa intaas kasii daran in muddadaas Villa Somalia iyo dowladda federaalka aysan wax dhaqaale ah siin gobolka, taasi oo muujineysa in Farmaajo markii horeba dano shaqsi uu watay, ee aanu gobolka u daneyneyn.

Waxaa hadda muuqata in si tartiib ay awoodda maamulka Gedo ugu gacan galeyso Axmed Madoobe, inkasta oo ciidamada taageersan Farmaajo ay weli haystaan qeybo ka mid ah gobolka.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago gobolka, oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.

Daawo: Gabdho magaalada Muqdisho ka billaabay arrin dad badan ka yaabisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga billaabay durista bushimaha dumarka, taasi oo dad badan ku noqotay arrin la yaab leh, inkasta oo ay tahay arrin ka jirta dunida horumartay.

Haween badan ayaa intii la furay xaruntaas iska xaadiriyey si loogu weyneeyo bishimaha, kuwaasi oo qaarkooda ay sheegen in muddo dheer ku fikirayeen sidii ay u weyneyn lahaayeen bishimahooda.

Filsan oo kamid ah haweenka magaalada Muqdisho gudaheeda is-bedelka loogu sameeyay bishimahooda oo la hadashay Shabelle Tv ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay durashada bishimaha.

“Weligay waa iska jeclaa in aan durto Alxamudilah waa markii u horeysay ee Soomaaliya laga helo, waa ku qanacsanahay, waxaana jecleystay in aan dibnaha durto dookheyga weeyi aad baa u jeclahay,” ayey tiri.

Haweenka ayaa inta badan loogu tiriyaa inay wax uga badalaan jirkooda, si ay kor ugu qaadan quruxdooda, middaasi oo mararka qaar horseeda halis caafimaad.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayey baraha bulshada, ayada oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen arrin yaab leh oo aan loo baahneyn, halka qaar kale ay sheegen inay tahay arrin loo baahna oo Soomaaliya kala mid dhigeysa dunida horumartay.

Hoos ka daawo warbixinta

Faah-faahin ku saabsan ciidanka Badda Puntland oo maanta fuliyay howlgal culus

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ay  hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen halkaas.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa weerarada qorsheysan ka fuliyey deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan halkaas oo xudun u ah maleeshiyada kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wax faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka uu u dhacay howlgalkaan iyo khasaaraha ka dhashay, balse war kasoo baxay Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey inuu howlgalkaan dhacay isla markaasna uu ka dhan ahaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“ Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Badda Puntland.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaanada  Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku saabsan sheegashada Maamulka Puntland, waxaana labadaan koox la rumeysan yahay inay awood ballaaran ku leeyihiin dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag.

Xaalad halis ah oo ka taagan gobolka Bakool (Faah-faahin)

0

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo ay ugu horeyso degmada Xudur.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay mareyso meel adag oo u baahan gurmad deg-deg ah, xili ay degmooyinkaas go’doon ugu jiraan kooxaha argagixisada.

Cumar Daa’uud Khaliif, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka iyo Samafalka oo la hadlay idaacada Mustaqbal ayaa sheegay in sidoo kale uu shuban biyood uu ka dilaacay degmada Xuddur, xili ay ka jirto xaalad biyo la’aan ah.

Cumar ayaa sheegay in culeyska ugu weyn uu saaran yahay degmooyinka Xuddur iyo Waajid oo martigeliyay qoysas isaga soo baxay deegaannada go’doonsan. Waxaa gebi ahaana xiran isku socodka degmooyinka.

“Xaalad aad u adag ayaa ka taagan Degmada Xuddur, meelaha qaar biyo la’aan ayaa ka jirto, carruurta yar waxaa haleelay shuban biyood, Magaalada Yeed waa sidaas oo kale, ma jirto degmo u gudbeysa degmo kale,” ayuu yiri Cumar Daauud Khaliif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in laga hortago dhibaatooyinka inta aanay guud ahaan usii gudbin bulshada, isagoona ka dalbaday xukuumadda iyo hay’addaha samafalka inay kaalin weyn ka qaatan sama-tabixinta qoysaskaas.

Si kastaba, xaalada go’daanka ah ee uu ku jiro gobolka Bakool ayaa toban jirsatay, ayada oo marar badan ay Koonfur Galbeed ballan-qaaday wax ka qabashada xaaladaas, waxaana sare usii kacaya dadka kusii qulqulaya Xudur oo xiligan uu ka jiro dhaq-dhaqaaqa ugu badan.

Tigrayga oo ku gacan seeray hindise Midowga Afrika ka yimid, weerarna ku qaaday

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU in ay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo”.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyey rabshado tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga talada gobolkaas haya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidamada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Guuleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilooyin ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Abiy Ahmed ayaa horay u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.

Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida & wadahadalka siyaasadeed”.

Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yiri: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”.

“Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF.

Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xaxaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Nin Kenya uga tagay inuu ku biiro kooxda Daacish ee Somaliua oo xukun lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.

Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.

Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.

Tababar ayuu kusoo qaatay Tuulada Il & Camaaro sida xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida uu kahor sheegay Maxkamadda, waxaana markii dambe loo wareejiyay qaybta muuqaal duubista.

Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay soo bandhigeysay shaqsiyaad ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish & kuwo la xukumay oo dhageysiga kiisaskooda heerar kala duwan maray.

Hubka lagu wareejiyay Galmudug, Puntland miyaa ku deeqday mise waa laga been sheegay?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa maanta Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug ku wareejiyay 10 gaari oo 8 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka, hal booyad iyo hal gaari amblunce ah. 

Maamulka Puntland ma cadeynin in gaadiidka iyo hubka saaranba ay yihiin hanti ay laheyd Puntland oo loogu deeqay Galmudug, sidoo kale Galmudug ma cadeynin in hubka iyo gaadiidkaba ay yihiin wax loogu deeqay iyo mid ay Galmudug laheyd oo laga heestay toona. 

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi uu ku wareejiyay gaadiid gaaraya 10 gaari, laakiin ma uusan sheegin in gawaarida ay laheyd Puntland. 

Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala tirsan Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka maanta lagu wareejiyay Galmudug ay ahaayeen kuwa muddo sanado ah ku xayirnaa Dekadda magaalada Boosaaso oo ay maamusho Puntland, waxaana loo waday Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in gaadiidkaan uu gaarayay ilaa 24 gaari, waxaana bixisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loogu talagalay qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya oo ka howlgasha degaanada Galmudug. 

Xiliga gaadiidkaan laga dajiyay Dekadda Boosaaso ayaa ku aaday iyadoo ay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaas labada maamul kala hoggaaminayey Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Madaxweynihii maamulka Puntland ee xiligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa amray in gaadiidkaas la xayiro, waxaayna Puntland gaadiidkaas ka isticmaashay 14 gaari, halka 10-kii hartay maanta lagu wareejiyay Galmudug. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in maamulka Puntland ay ku deeqeen qoryaha ku xirnaa gaadiidka dagaalka oo ah 8 qori oo dhashiikeyaal ah. 

Wareejinta gaadiidkaan ayaa timid kadib wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynayaasha labada maamul. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa dhigiisa Puntland Saciid Deni weydiistay in loo fasaxo qeybtii ka hartay gaadiidkii looga xayiray Dekadda Boosaaso, kadib markii dhowaan maamulkiisa dagaalkii Camaara looga qabsaday gaadiid badan. 

Maamulka Puntland oo dareensan khasaarihii Galmudug ka soo gaaray dagaalkii degaanka Camaara, sidoo kalena ku dadaalaya in aysan usoo dhawaanin khatarta Al-Shabaab ayaa wareejiyay gaadiidkaan, sidoo kalena ku deeqay hubkii saarnaa. 

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay in aan la faah-faahin xaqiiqda gaadiidka maanta la wareejiyay, waxaana la sheegay in Galmudug ay balantaas fulisay, iyadoo eegaysa baahiyaha ay gaadiidkaas u qabto iyo hubka la siiyay. 

Allaha u naxariistee taliyihii qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa soo bilaabay dadaallada ay Galmudug dooneysay inay kula soo wareegto gaadiidkaan.

Hase yeeshee waxaa dib u dhigay khilaafaad siyaadeed u dhaxeeyay labada maamul iyo dowladda federaalka, iyadoo ka hor inta aan la xalin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Jeneraal Qooje.

Hoos ka eeg sawirrada gaadiidka lagu kala wareegay

Axmed Madobe ‘oo dhowaan booqasho ku tagaya’ Gedo

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago Gobolka Gedo oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalumuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.

Sida laga soo xigtay, Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay.

“Axmed Maxamed Islaam ayaa imaanaya gobolka Gedo oo raba in uu gobolkiisii indha-indheeyo. Ciddii diideysa oo iska celin karto markaas ha iska celiso. Laakiin afka waa laga sheegi karaa ma imaanayaa raggaas,” ayuu yiri.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa Jubaland, nin diidan iyp nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka iyp Madaxda Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhanka kale, Waxa uu qiray in muddaadii uu guddoomiyaha Gedo uu ahaa in go’doon adag Gobolka galay, dadka ay kala go’go’een iyo culeys kale uu lasoo dersay Shacabka halkaas ku nool balse looga gudbay dedaalka uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray,” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.

Midowga Musharaxiinta oo Afar qoddob uga hadlay kulankii ay maanta yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray kulan ay maanta ku yeeshen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayey xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka.

Musharax Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar qoddob looga hadlay kulankaas, kuwaasi oo badankooda la xiriira habraacii doorashada ee ay sida adag uga horyimaadeen.

“Waxaa kulankii maanta ee Midowga Musharaxiinta lagu gorfeeyay culeysyada ka jira dalka guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaa hoosta looga xariiqay afar arrimood oo waaweyn” ayuu yiri.

Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa kala ah;

1. Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2. In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka.

3. Inay wada-hadallo la leeyihiin madaxda Golaha wada-tashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Qarax kale oo maanta laga maqlay Kabul iyo militariga Mareykanka oo sheegay in…

Kabul (Caasimada Online) – Qarax la tuhunsan yahay inuu ka dhashay gantaal lasoo tuuray ayaa maanta ka dhacay magaalada Kabul saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay weerar kale oo argagixiso kadib qaraxii Khamiista.

Qaraxii Khamiista oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka, kuwaas meydadkooda maanta la keenay garoon diyaaradeed ciidan oo ku yaalla gobolka Deleware.

Qaraxa galabta oo aad u dhowaq dheeraa ayaa laga maqlay dhinaca waqooyi ee magaalada, ayada oo sarkaal ka tirsan dowladda la riday ee Afghanistan uu sheegay inuu ka dhasha gantaal kusoo dhacay guri halkaas ku yaalla.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo Khasaraaha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa ayaa imanaya ayada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay Sabtidii baahisay digniin xooggan oo ku saabsan inuu dhici karo weeerar lala beegsado qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay ku jiraan albaabada laga galo garoonka.

Isla Sabtidii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weerar aargudasho ah lagu dilay laba xubnood oo sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Afghanistan, oo la tuhunsan yahay inay ka dambeysay qaraxii Khamiista.

Dhinaca kale, war goor dhow kasoo baxay militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay maanta ay Kabul fuliyeen duqeyn kale oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Afghanistan. 

SOMTEL oo daah-furtay adeegga casriga ee eSim

Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa daah-furtay adeegga casri ah eSim,  Sidoo kale abaalmnarisay macaamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai-ga ah  oo  qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Adeegga eSim Waa adeegga casri ah oo ku  sahlaya inaad Taleefoonkaaga ku isticmaasho   Lambarka somtel  adigoo taleefoonkaaga wax Simcard  ah gelinin

Munasabada oo ka koobneyd daah-fur adeegga esim  abaalmarinta macamiilkii ku guuleysay gaariga Hyundai oo qeyb ka ah ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood

Tan  markii la daah-furay ololaha ku shubo oo guuleyso10,000 ,hadiyadood waxaa ka faa’ideystay  ku dhawaad6,000 macamiil oo ku kala guuleystay bajaajyo , Laptops,Tv Screens , Dahab, Friges,Cooking Machines, Ipads Samsung Mobiles,eDahab Cash   hadiyado kale qaali ah

Munaasabada Waxaa ka soo qeybagalay Xildhibaano,Wasiiro, Mas’uuliyiin ka tirsan golaha aqalka sare, Rugta ganacsiga  warshadaha,Jaamacadaha, iyo mas’uuliyiin kale dhowr ah

Ugu horeyntii waxaa munasabada daahfuray madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane C/laahi cali caamir oo ku dheeraaday ahmiyada adeegga esim

“waa adeegga casri oo ku cyuusub dunida sida aad somtel hora yuga barateen awaxaa ka go’an in mar walba la jaanqaado tiknoolujiyada casiga ah umada soomaaliyeed aan la wadaagno dhawaan waxaan ku dadaaleeynaa in adeegga 5G soomaaliya laga isticmaalo

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay maareeye ku xigeenka guud ee somtel Mudane: Aaadan Xaaji Yuusuf oo tilmaamay in somtel ay sii wadi doonto Ololaha ku shubo oo Guuleyso

“Waa bilow  Waxaan rajeeyneeynaa in labada bilood ee soo socdo sidaan oo kale loogu guuleysto Waliba gawaarida Hyundai-ga h waxaan u rajeeynayaa Macaamiisheena baahida u qabto sida Maamada Ku guuleystay gaariga Maanta oo ah Qof dumar ah oo beeraleey oo ku nool Miiga magaalada beled-weyn Hadiyadaha lagu guulystaan

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Maareeye ku xigeenka Dahabshil Group Mudane; C/risak xaaji Xuseen oo ku tilmaamay macaamiilka guuleystay 

“Waa Macamiil mudan in lagu daydo xaqiiqdii hadiyadii ay ku guuleysatay waxa ay garwaaqsatay inay ku bixiso tacliinta ubadkeeda  Waa hooyo beeraleey danyar ah oo mudan hadiyadaan sy somtel gudoonsiisay”

Waxaa ugu dambeyntii munaasabada soo xiray wasiirka isgaarsiinta  Tiknolujiyada oo si toos ah xarigga uga jaray adeegga eSim kuna tilmaamay mid baahi farabadan loo qabay

“Adeeggaan waxaa isticmaalo dalal koban dunida oo idil waa adeegga casi Waxaan u baahanahay inan ka faa’ideysano tiknoolujiyada casriga Umada Soomaaliyeed Africa oo idil isgaarsiinta ka jirta waxaa laga leeyahay dalka dibadiisa halka dalkeena shirkadaha isgaarsiinta ka furan ay leeyihiin ganacsato soomaaliyeed waa hormar la taaban karo.”

Ugu dambeyntii  Si kastaba ha ahaatee Shirkadda isgaarsiinta somtel waa shirkaddii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku abaalmarisa 10,000 hadiyadood oo ugu sareeyo gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad  40,000 doolar sidoo kale waa shirkadii isgaarsiineed ee ugu horeysay soomaaliya oo xal u hesha macaamiisha isticmaasha taleefoonada 1simcard xambaara oo waxa ay u soo kordhisay adeegga eSim oo aad uga maarmeyso inaad labo mobile isku wadato simcard-ka labaad waxaad u siticmaaleeysaa hab casro oo macaamiilkii shirkadda ay u direyso Code una adeegsanayo hab  ( Defult)  ah si gaar ah macamiisha isticmaasha taleefoonada (iPhones-ka iyo Samsung) nuucyadii ugu dambeeyay oo kaliya loogu talagaly ina lagu isticmaalo 1Simcard.

DF oo iibisay dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka + Caddeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dhulkaan oo ka tirsan dhismaha Tiyaatarka islamarkaana ah meel banaan oo ka kooban dhowr boos lagu wareejiyay Shirkadda Xaawo Taako, oo ay leeyihiin ganacsato.

Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad. 

Warqada heshiiska kuma cada muddo cayiman, hase yeeshee waxaa ku qoran in dhulkaas lagu wareejiyay Shirkada Xaawo Taako iyo in laga furi doono maqaayad casri ah. 

Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka.

Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.

Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya.

Hoos ka arag warqadda lagu bixiyey dhulka

Puntland oo shaacisay ujeed laga leeyahay HABRAACA cusub ee doorashada dalka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan laga soo saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wwasaare Maxamed Xuseen Rooble kaasoo ay ka hor imaadeen midowga Musharixiinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in habraacaan uu waafaqsan yahay heshiiskii ay 17-ki September Muqdisho ku saxiixdeen Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaasoo dhigayey in codeynta noqoto qaab dadban.

Dhabancad ayaa sababta loo soo saaray habraacaan ku sheegay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti-duwanaanshihii ka taagneyd doorashada.

“Sababta loo yiri odayaasha soo xulaya Xildhibaanada waa in ay aqoonsan tahay dowladda waxaa lagu ilaalinayaa midnimada beesha kursiga iska leh sababta oo ah waxaan ogeyn khilaafaadka ay sababeen doorashooyinkii dhacay sanadkii 2016-kii,” ayuu yiri.

Mar wax laga waydiiyey in guddiga doorashooyinka heer dowlad gooleed uu ansixiyo ergada ay soo xulaan odayaasha ayuu Dhabancad ku adkeystay in kooxda farsamada heer maamul ay madax-banaan tahay, sida uu sheegay.

“Wax kasta waxay kasoo ratib-mayaan heshiiskii 17-kii September oo qeexaya awoodaha guddiga. FEIT-ku (kan heer federaal) wuxuu kormeerayaa doorashooyinka, halka SEIT-ku (kan heer dowlad goboleed) ay hubinayaan in geedi-socodka doorashada ay tahay mid sax ah,” ayuu yiri isagoo la hadlay idaacadda Daljir.

Guddiyada khilaafaadka ayuu sheegay inay u xil saaran yihiin sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf kasta oo ka yimaado xulista kuraasta Golaha Shacabka.

“Marka dhamaan cidii hadashay [ee durtey habraaca] waxaan rabaa in aan u sheego in habraacan uu yahay mid fududeynaya in doorashadda noqoto mid xalaal ah, waana mid siinaya odayaasha qabaa’ilka ee iska leh kuraasta Golaha Shacabka in ay ayaga ergadooda la yimaadaan, waa mid siinaya musharaxiinta kuraasta xorriyad, wixii maamul ah waxaa iska leh guddiyada dowlada mas’uuliyadeena waa tan ka saaran dalka,” ayuu ku adkeystay.

Habraaca doorashada ee dhawaan lasoo saaray ayaa waxaa ka hor yimid midowga musharixiinta waxayna si gaar ah u dureyn cidda soo xulaysa ergada, cidda ka ansixineysa, warqada dambi-baarista iyo qarashka.

Xog: Wasiirada maamulka Galmudug oo ka qeylinaya xaalad haysata 7 bilood

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa waxaa muddo 7 bil ah ka maqan mushaharkooda, sida ay xubno ka tirsan oo codsaday inaan la magacaabin u sheegeen Caasimada Online, xilli maamulka uu wajahayo dhaqaalo la’aan baahsan. 

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa mushaar ay qaataan waxaa ugu dambeysya bishii 1-aad ee sanadkaan, waxaana jira qayla dhaan badan oo ay wadaan wasiirada

“Ma cada sababta aan u heli la’nahay mushaarka hase yeeshee markaan waxaan joognaa xaalad adag,” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Wasiirada Madaxweyne Qoor Qoor, oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin.

Xiriiro aan la sameynay Madaxtooyada Galmudug ayaa ku ogaanay in maamulka uu wajahayo lacag la’aan kadib markii ay waayeen lacagaha kabka ahaa ee loo soo marsiin jiray dowladda Dhexe ee Soomaaliya. 

Qoor Qoor ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa lacago malaayin dollar ah oo ay u ballan-qaaday Villa Somalia looga xiray inuu fuliyo qorshaha madaxtooyada ee doorashada xildhibaanada, si lacagtaas loo siiyo.

Waxa uu horey doorashadii Aqalka Sare ugu soo saaray dhowr xildhibaan oo ay wadatay madaxtooyada, balse weli lama siin lacagta loo ballan-qaaday, mana cadda wax uu sameyn doona haddii aan lasiin marka uu ballanta dhankiisa kasoo baxo.

Wasiirada Galmudug ayaa lagu leeyahay lacag badan oo deyn ah sida aan xog ku helnay, taasoo ay ku daganaayeen hoteelo halka qaarkood ay ka cunteeyeen maqaayado. 

Galmudug ayaa ku soo biirtay maamulada maareyn la’a mushaaraadka shaqaalahooda gaar ahaan xubnaha ugu sarreeya maamulka, sida wasiirada iyo baarlamaanka. 

Macallimuu oo digniin culus kasoo saaray GEDO + Video

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka, isaga oo digniin culus ka soo saaray xaaladda Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Macalimuu oo ka hadlayey arrimaha soo kordhay, gaar ahaan mas’uuliyiinta Jubbaland ee loo diiday Garbahaarey ayaa ka digay in markale dib loo soo celiyo khilaafaadka gobolkaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Gedo maamul ahaan ay hoostagto Jubbaland, isla-markaana loo baahan yahay in lagu shaqeeyo qodobadii ay isku raaceen ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa DG Jubbaland, nin diidan & nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka & Madaxda Dowlad-Goboleedyada” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in horumarka gobolkan uu saameyn ku yeeshaan khilaafka soo noq-noqday, isaga oo tilmaamay inay shaqeyn waayeen mashaariicdii loogu-talagalay in lagu hormariyo deegaanka, sidoo kalena lagu caawiyo dadka dan-yarta ah.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri sii raaciyey Mr. Macalimuu.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle uu ku dhowaaqay in Jubbaland ay dhacday, maamul cusubna ay ka dhisayaan Garbahaarey, isaga oo intaas ku daray inuu dhammaaday muddo xileedkii 2-da sano ahaa ee Axmed Madoobe.

Si kastaba khilaafka weli ka jiro Gedo ayaa ka mid ahaa arrimaha sida weyn la’isugu qabtay ee saameeyey doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhacay waqtigii loo asteeyey.

Muxuu ahaa ninka hubeysan ee lagu toogtay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay nin ku hubeysanaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah, xilli ay howl-gal ka wadeen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in toogashada ninkan ay ka dhacday xaafadda  Cali-Turcaaye ee degmadaasi, waxaana ciidamadu xilligaas ay wadeen howl-gal roondo ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa sheegay in ninka la toogtay uu damacsanaa inuu weeraro ciidamada waday howl-galka, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ujeedka howl-galladan ayaa ah kuwa lagu ciribtirayo kooxaha burcadda ah ee xilliyada habeenkii ah dhaca ka geysta degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Muqdisho ayaa waxaa dhowaan ka dhacaya doorashooyin, waxaana ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay isku diyaarinayaan sugida amniga ee doorashooyinkaasi.

Inta badan ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida dilal, qaraxyo iyo falal kale oo dhac ah, kuwaas oo burcad hubeysan ay u geystaan shacabka.

Daawo: Habka yaabka leh ee kooxda Al-Shabaab ay uga dhaadhiciso dadka inay is-qarxiyaan oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay barnaamijka Gungaar, kaas oo looga hadlo xogaha daahsoon ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu soo bandhigay xogo xasaasi ah, iyadoo lagu wareystay shakhsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Barnaamijkaan ayaa diiradda saaraya qaabka qofka loogu qanciyo inuu is-miidaamiyo oo isku qarxiyo dadka kale, waxaana lagu wareystay oo arrimahaas si faahfaahsan u sharaxaya Cabdifitaax Aadan Isxaaq oo sanadkii 2015-kii degmada Saakow uga biiray kooxda, Saciid Dilib oo 2008-dii uga biiray Muqdisho iyo Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay wadanka Ivory Coast.

Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay dalka Ivory Coast waxa uu sheegayaa in hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ay mar isku qabteen qaraxii Hotel Shaamow.

Sidoo kale waxa uu sharaxayaa shakhsiyadda hoggaamiyaha haatan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaas oo uu ku tilmaamay nin khiyaano badan oo ahaan jiray kaaliyaha gaarka ah ee Axmed Godanihii la dilay.

Sanadkii 2019-kii ayuu ninkaan u dhashay Ivory Coast  isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib mudo seddax sano ah oo deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud uu ugu xirnaa kooxda, kadib markii ay isku qabteen hanaanka dadka looga qaadayo sekada.

Saciid Caballe Dilib oo ka mid ah shakhsiyaadka lagu soo bandhigay barnaamijkaan ee lasoo shaqeeyey Al-Shabaab iyo Daacish ayaa sheegay in haatan uu diiwaan gelin ku bilaabayo dadkii ay dileen Al-Shabaab ee lagu shabadeeyey ama lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil dowladeed.

Waayihiisii ugu dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab waxa uu sheegay inuu xoogga saaray sidii uu uga dhaadhicin lahaa in xasuuqa laga daayo dadka aan waxba galabsan, balse markii uu arkay in cid wax ka maqleysa aysan jirin uu isaga baxay oo Daacish uu ku biiray.

Saciid Dilib markii uu ku biiray Daacish waxa uu sheegay in gobolka Bari ee Puntland uu kula kulmay hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin oo xiriir dhow ay la haayeen intii uu la shaqeynayey Al-Shabaab, balse markii uu ku biiray kooxdiisa uu ku hungoobay balan-qaadyadii uu u sameeyey,sida uu sheegay, taas oo ku kaliftay inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo barnaamijka oo dhameystiran

https://www.youtube.com/watch?v=A3AuY29Zj9o