27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilalkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasimada.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa waxaa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kumeel gaar ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxamed isna ah ku xigeenka amniga degmada, halka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi.

Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Senatarada Puntland ee Aqalka Sare oo lagu doortay Garoowe + Magacyada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11- Senatar ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatarada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqday Senatarkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kuraasta kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah musharraxiinta tartami ahaa, waxaana doorashada ku soo baxay illaa 11 musharrax oo Puntland ku metalaya Aqalka Sare waxana kala yihiin:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
6- Daahir Ayaanle Siciid
7- Farxaan Cali Xuseen
8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
9- Cabdiqani Geelle Maxamed
10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Natiijada soo baxday doorashadan ayey aheyd mid hore loo sii ogaa oo loo saadaalinayey xubnaha ku guuleystay oo si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xog: Farmaajo oo heshiis ka dalbaday R/Wasaare Rooble 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay labada masuul. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu xiriir la sameeyay Rooble kadib markii uu ka jawaabay warqadii dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, kana dalbaday inay xiisadda dejiyaan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuusan fileyn jawaabtii uu Rooble bixiyey iyo dhiiranaantiisa, taasi oo wacaa ku abuurtay. Waxaa lagu warramay inuu ka cabsi qabo in haddii ay sii socoto xiisadda, uu Rooble qaadi karo tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, beddelo wasiirada ku dhow Farmaajo, islamarkaana kusii dhowaado xubnaha mucaaradka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuusan weli u jawaabin Farmaajo, waxaana wararku sheegayaan  inuu cabsi weyn ka qabo Villa Somalia, islamarkaana uu aaminsan yahay in dalabka heshiiska uusan daacad ka aheyn balse kaliya la rabo in lagu damiyo xiisad kadibna loo dhigo qiyaanooyin siyaasadeed culus.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabay in uu digniin u jeediyo dhamaan shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana uu Madaxweynaha dareemay in culeys badan saaranyahay, kaasoo wax u dhimi kara rajadiisa doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo warinaya in Rooble uusan wali aqbalin dalabkaas islamarkaana uu jawaab ka bixin doono markii uu ka soo laabta dalka Kenya oo shalay ay ugu bilaabatay booqasho rasmi ah, taasoo qeyb ka ah waxyaabihii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo. 

GALMUDUG oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada AQALKA SARE

0

Dhuusamareeb (Caasimada Oline) – Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee maamulkaasi, kadib markii xalay madaxweyne Qoor Qoor uu shaaciyey liiska lix ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah u billaaban doonto diiwaan-gelinta musharraxiinta liiskooda la shaaciyey ee lixda kursi.

Sidoo kale guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada xubnahaasi ee Aqalka Sare la qabanayo beri oo ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

“Iyadoo la fulinayo waajibaadka jadwal ee doorasho heer dowladda dhexe ay soo saareen guddiga dhexe doorashooyinkla (FITT) 16-07-2021 oo ku saabsaneyd qabashada doorashada Aqalka Sare. Haddaba guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ee (GSS-SEIT) wuxuu halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Galmudug.

Tani ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta doorashooyinka dalka, waxaana Puntland iyo Galmudug ay haatan cagta saareen dhabihii qabashada ee doorashada Aqalka Sare.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u guda-galay doorashadan, waxaana Senataro cusub lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan maamuladaas.

Maxaa dib loogu dhigay kursiga Xaaf iyo Qeybdiid?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo ka mid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ku dhowaaqay liiska lix ka mid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) & sidoo kale Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay labadan kursi ay tahay in weli la’isku dhagan yahay, isla-markaana uu Qoor Qoor wado wada-tashiyo ku aadan kuraastaas, si xal looga gaaro muranka ka taagan, loona kala saaro musharraxiinta.

Kursi ka mid ah labdaan kursi waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug laguma shaacin, xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono musharraxiinta kuraastaas oo ka mid ah kuwa ugu saameynta ee badan, marka loo eegto siddeeda kursi ee taalla magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale waxaa kursigiisii waayey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), kadib markii laga reebay liiska musharraxiinta, waxaase lagu soo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka, kuwaas oo kala ah, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Bukhaari ayaa ka mid ahaa Senatorada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeedo Villa Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu la safnaa guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli mudooyinkii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey muranka ka taagan kuraasta qaar ee Galmudug, waana mida dhalisay in Qoor Qoor uu lasoo daaho liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamay kuraasta Galmudug ee Golaha Aqalka Sare.

Dood weyn oo ka dhalatay $30 milyan oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday 30 milyan oo dollar, taasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoog leh kadib markii ay arrintaan kusoo aaday marki ay dhawaan Dowladda Turkiga sheegtay inaysan heysan wax diyaarad dab-damis ah xilli dhowr magaalo oo ku yaal dalkaas uu ka kacay dab xoog leh.

Lacagta ay Ankara ugu deeqday Soomaaliya, oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo dollar illaa muddo sanad ah, ayaa loo adeegsan doonaa “kabidda miisaaniyadda iyo dhisidda xarumaha Dowladda,” waxayna qeyb ka tahay heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

Tan iyo markii uu Turkiga sanadki 2005 u aqoonsaday “Sannadka Afrika,” Turkigu wuxuu si xooggan ula shaqeeyay Soomaaliya, wuxuuna kor u qaaday xiriirka labada dhinac ee siyaasadda, Militariga, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Taageerada Turkiga uu siiyey Soomaaliya ayaa waxay dhiirigelisay fikirka iyo rabitaanka Ankara ee ah inay kor u qaaddo saamaynta juqraafi ahaan, laakiin qaar ka mid ah indha -indheeyayaasha ayaa su’aal geliyey illaa inta ay socon karto saameyntiisa Gobolka marka la eego duruufaha dhaqaale ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso 117 Milyan oo Dollar, waxaana xusid mudan in Turkiga uu sanadkii lasoo dhaafay iyadoo ay jirto dhaqaale xumo ka dhalatay cudurka COVID19 inuu gacan ka geystay deyn-cafinta Soomaaliya isagoo ballan qaaday ku dhawaad $ 2.4 Milyan, wuxuuna kamid noqday 116 dal oo gacan ka geystay deyn cafinta.

Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dhoofisay ganacsi qiimo ahaan gaaraya $272.76 milyan halka shirkadaha laga leeyahay Turkiga ay Soomaaliya ku maal gashadeen $100 milyan.

Saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda ayaa ku yaalo Soomaaliya, waxaana halkaas lagu tababaraa askar Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee deeqdii ugu dambeysay ayaa qaar ka mid ah dadka Turkiga waxay ku tilmaameyn inay tahay mid xad dhaaf, maadaama ay kusoo aaday xilli Dowladda Turkiga ay awoodi la’dahay inay soo iibsato diyaarado lagu caawiyo dadaallada dab -damiska.

“Wadar ahaan lix diyaaradood oo dab-damis ah ayaa lagu iibsan lahaa lacagtan,” ayuu yiri Alpay Antmen oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Republican People’s Party.

Qaar kale oo ka tirsan dadka Turkiga ayaa soo dhoweeyay deeqdan oo ay ku tilmaameyn inay tahay mid wax badan u tari karta dal muddo tobanaan sano ah la il darnaa macluul, abaaro iyo dagaallo sokeeye.

Cabdirashiid Xaashi oo horey usoo noqday wasiir iyo agaasimihii hore ee Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah hay’ad cilmi baaris ku leh Soomaaliya, ayaa sheegay in inta badan kheyraadka qaranka ee dalka la geliyo meelaha mudnaanta leh, sidaas darteedna maalgelinta istaraatiijiyadeed ay dhaqaale uga baahan tahay dibadda.

“Taageerada miisaaniyadda ee $ 30-ka milyan ah ee Turkigu ku bixinayo dadaalka dowlad-dhisidda Soomaaliya waa mid ka mid ah maalgelinta, waxayna micno weyn u leedahay Soomaaliya, oo u aragta Ankara inay tahay mid ka mid ah xulafadeeda ugu dhow,” ayuu u sheegay Arab News.

“Turkigu wuxuu u arkaa inuu dib ugu soo laabanayo maalgashigiisii Soomaaliya oo ahaa qaab mug weyn oo ganacsi oo u dhexeeya labada dal,” ayuu Xaashi ku daray.

Sanadkii la soo dhaafay, shirkad Turki ah ayaa saxiixday qandaraas 14 sano ah oo lagu maamulayo laguna hagaajinayo dekedda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya waxay sidoo kale kaalmo ka heshaa Ankara, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshada, iyadoo loo marinayo Wakaaladda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga.

Turkiga ayaa isbitaal ka dhistay dalka, wuxuuna dib u dhisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Soner Cagaptay, oo ah aqoonyahan Turki ah oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga -dhow, ayaa sheegay in ballaarinta Turkiga ee Afrika ay tahay arrin mudan in lagu ammaano Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

“Turkigu runtii wuxuu iska indho tiray Afrikada ka hooseysa Saxaraha inta badan ilaa uu ka imaaday Erdogan,” ayuu u sheegay Arab News.

QOOR QOOR oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 kursi oo ka mid ah Aqalka Sare

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharaxiinta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. 

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Farmaajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin. 

LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aadayaan ayaa kala ah:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

Garoonka Baydhaba oo laga dhax dhisay xabsi loogu talo-galay mucaaradka – Xog

Baydhaba (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay laga dhisay xabsi ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kaas oo ay soo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada laga leeyahay. 

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno kamid ah hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in uu jiro xabsigaas, islamarkaana loo qorsheeyay in lagu xiro dadka ka soo daga garoonka iyo kuwa ka duulaya ee maamulka u arko in ay halis ku yihiin ammaanka.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay jiritaanka xabsiga iyo walaaca ay qabaan Murashaxiinta mucaaradka ah. 

“Waxaan xaqiijinayaa in dhowaan xarigga laga jaray xabsi weyn oo ku dhax-yaala garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana loogu talagalay siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Lafta-gareen,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay warbaahinta Muqdisho. 

Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay maamul aad u caburiya dadka aan ku aragtida aheyn hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Lafta-gareen sidoo kale waa madaxweyne goboleedka ugu daacadsan taabiciyiinta Farmaajo, waxaana la filayaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed badankood uu ka dhigo kuwa uu soo qoranayo Farmaajo.

Musharraxiin tanaasulay, ka hor doorashada Puntland ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xarunta baarlamaanka Puntland waxaa haatan ka socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan ka mid ah noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaas oo uu horey u shaaciyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sentorada khudbadahooda jeediyey waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo markale doonaya inuu difaacdo kursigiisa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Faroole ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dalka iyo tan Puntland, wuxuuna kadib ka codsaday golaha wakiilada inay codkooda siiyaan.

Aamino Jaamac Ibraahim ayaa sidoo kale hadal kooban oo ku aadan musharraxnimadeeda ka jeedisay golaha, taas oo muddo fog ka soo shaqeynesay arrimaha bulshada, waxayna si xushmad leh xildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland uga codsatay inay siiyaan codkooda.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay musharraxiinta kala ah Kowsar Cabdullaahi Xirsi iyo Maxamed Geed Maxamuud oo shaaciyeyn inay tanaasuleen, iyaga oo u mahadceliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni & baarlamaanka Puntland.

Kowsar ayaa u tanaasushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), halka Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay wasiirka dekedaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

Doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato Garoowe, si loo doorto 11 Senator oo ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Puntland ee xubnaha AQALKA SARE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi oo xarun u ah maamulka Puntland.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada Puntland ayaa maanta dooran doono 11-ka Senator ee ka imaanaya maamulkaasi, waxaana u tartamaya illaa 22 musharrax oo kala ah:-

Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (faroole), Maxamed Cusmaan Colaad, Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab), Kawsar Cabdulaahi Xirsi, Maxamed cabdi cisman (Majiino), Maxamed Geedi Maxamuud, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade), Cabdulahi Maxamed Xaashi Nuur, Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan), Ismacil Mire Muumin, Daahir Ayaanle Saciid, Maxamed Cumar Maxamed, Farxaan Cali Xuseen, Hodan Isxaaq Maxamed, Saynab Ismacil Maxame, Amina Jamac Ibraahim, Cabdiqani Geele Maxamed, Cabduqadir Maxamad Yusuf, Samiro Maxamuud Xaaji Cawad, Nacima Axmad Bakar, Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac.

Xubnaha tartami doono ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin haatan xilal ka haya Puntland, sida wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), wasiirka dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Abwaan.

Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee magaalada Garoowe.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qodob ku saabsanaa badda oo laga saaray war-saxaafadeedkii Uhuru iyo Rooble kadib carada Soomaaliya

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Kenya ayaa beddeshay jumlad ku saabsan arrinta badda oo ku jirtay war-saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta kadib markii ay ka caroodeen wafdiga Soomaaliya.

Qodobkaas ayaa u dhignaa sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna ku baaqay xal saaxiibtinimo ah oo laga gaaro muranka badda.”

Waxaa hadda ay u beddeshay sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda xasiloonida qaranka iyo horumarinta gobolka, isaga oo sheegay kobac dhaqaale uu suurta-gal ka yahay kaliya deegaan nabad ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in war-saxaafadeedka oo lagu daabacay website-ka madaxtooyada Kenya aysan waxba ka ogeyn wafdigii Soomaalida, markii ay ka war heleenna ay dalbadeen in laga saaro, Kenyan-kuna ay aqbaleen. 

Mas’uuliyiinta Soomaalidu iyagu waxay horey ugu adkaysteen in muranka badda ay dhagaysatay maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ayna go’aanka maxkamadda uun sugayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa “Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto.”

Sawirro: Bayaan laga soo saaray kulankii Mombasa ee Rooble iyo Uhuru Kenyatta

0

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada Kenya ee magaalada Mombasa kulan kula yeeshay wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya lagu shaaciyey in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in ay muhiim tahay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan sida amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si buuxda loo hirgelinayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaas oo labada dowladood ay ku heshiiyeen in la aas-aaso sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay dadaallada Rooble ee soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay in si wanaagsan loo xalliyo muranka soohdinta badda, balse baaqaas Ra’iisul wasaare Rooble ma aqbalin, isagoo cadeeyey in wax wadahadal ah aysan ka geli doonin arrinta badda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Waa inaan xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka, si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Sida lagu sheegay bayaankaan ay baahisay madaxtooyada Kenya Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cadeeyey in xiriirka xumaaday ee labada dowladood laga haboonaa, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasilooni iyo is ixtiraam.”

“Maanta waa bilowgii xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada noolaansho nabdoon oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi dhab ah, annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas.”

Wararkii ugu dambeeyey ee SHACABKII ay xasuuqeen ciidanka Amisom (Dhageyso)

0

Golweyn (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad badan oo shacab ah oo ciidamada AMISOM ay galabta ku dileen deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo markii dadkaas ay dileen kadib miino ku qarxiyey meydkooda.

Guddoomiyaha deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maadey Sheekh Cusmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida 7-qof oo ciidamada AMISOM ay gelinkii dambe ee maanta ku dileen deegaan lagu magacaabo Faarax oo 4-KM u jira Golweyn.

Afar ka mid ah dadka la dilay waxay ciidamada AMISOM ka soo dhex wateen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla deegaanka, halka seddaxda kale ay ku howlanaayeen sameynta gaari uga halaabay deegaanka uu falkaan ka dhacay oo magaciisa lagu sheegay ‘Faarax’.

Guddoomiye Maadey waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayeen in taliska AMISOM ee deegaankaas ay kala hadlaan falkaan ay ku beegsadeen dadka rayidka ah, balse ay diideen inay kala hadlaan.

“Todoba qof ayay dileen ciidanka AMISOM seddax ka mid ah makaanik ayay ahaayeen oo u yimid sameynta gaari goobta ku halaabay, halka afarta kale ay yihiin dadka deeganka. Maamulka deegaanka wuxuu isku dayey in Taliska AMISOM ee Golweyn lagala hadlo dadkii ay dileen, hase yeeshee saraakiisha AMISOM ee joogta Golweyn weydiideen kulankaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golweyn Maadey Sheekh Cusmaan.

Ciidamada AMISOM markii ay dileen dadkaan waxay isugu keeneen hal goob, kadibna waxay ku qarxiyeen miino, sida ay dadka deegaanka u xaqiijyeen Caasimada Online.

Aabe Maxamed Yoonis Aadan oo dhalay wiil ka mid ahaa todobada qof ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay, “Wiilkeyga iyo 6-qof oo kale ayay ciidanka AMISOM qabteen oo ay garbaduub u xireen, kadib goobta ayay ku dileen, dadka la dilay waxaa ku jiray qoysii iska lahaa beerta uu wiilkeyga ka shaqeynayay iyo dhallinyaro kale oo gaari goobta uga halaabay, markii ay toogteen kadib waxa ay dulgeeyeen miino waana ku qarxiyeen, meydadkooda aad ayey u googo’een, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa in dadkeenii la laayey ay cadaalad helaan.”

Caasimada Online waxay ogaatay in askarta AMISOM ee galabta dishay dadkaan rayidka ah ay weerar jid gal ah oo culus kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, intii ay u soo socdeen fariisin weyn oo ay ku leeyihiin Golweyn.

Hoos ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha iyo Aabaha dhalay wiil ku jiray dadkii la dilay.

Xog: Saciid Deni oo kursiga Jambeel Koombe u wareejiyey Majeerteen + Liiska beelaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa soo saaray liiska aqalka saree e BF u matali doona maamulkiisa, liiskan oo aaney kasoo dhex muuqan Sanatarro waa waaweyn, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamuud Mashruuc.

Waxaa kale oo xusid mudan in kursiga beesha Jambeel Koombe ku laheyd aqalka sare loo wareejiyey beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen, teeda kale kuraasta haweenka loo xiray, hal kursi ayaa Majeerteen ah halka labada kale ay yihiin Warsangeli iyo Dhulbahante.

Labo Senator keliya ayuu kasoo celiyey baarlamaankii 10-aad isaga oo badalay sagaalka kale. Labada uu soo celiyey waa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen.

Haddaba waa kuwan faah-faahinta kuraasta Aqalka Sare ee liiska cusub

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ah Senator ku fadhiya kusriga sumadiisu tahay UH52, oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud oo ka tirsan Majeerteen ayaa mar kale kusoo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee federaalka ah ee laga soo dooranayo Puntland, waxaa la tartami doona Maxamed Cismaan Colaad.

Farxaan Cali Xuseen, oo ah Senator ku fadhiya kursiga sumaddiisu tahay UH11, oo ay leedahay beesha Leelkase ayaa sidoo kale ka mid noqday liiska musharaxiinta ee uu Puntland kasoo saaray madaxweyne Deni, waxaa hadda la tartameyso Hodan Isxaaq Maxamed.

Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH41, oo aheyd laheyd beesha Cusmaan Maxamuud ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey, haddana isaga laga reebay, kursiga hadda waxaa ku tartami doona Daahir Ayaanle Siciid iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH27, oo ay laheyd Dashiishe ayaa isla beesha lagu celiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya kusriga Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud.

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu aheyd UH39, ee Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen ayaa isla beesha lagu celiyey laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin.

Senator Siciido Xasan Cismaan oo ku fadhisay kursiga sumadiisu aheyd UH23 ee beesha Warsangeli ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaana kusoo baxay gabdho ay isku beel yihiin sida Seynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim.

Senator Hodan Maxamuud Cismaan oo ku fadhisay kursiga summadiisu tahay UH40, oo ay laheyd beesha Dhulbahante ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana iyada laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda ku tartami doona Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciimo Axmed Bakar.

Bootaan Barre Samatar oo isna ku fadhiyey kursiga summadiisu aheyd UH42, oo ay laheyd Jambeel Koombe ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda tartami-doona Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yuusuf Jaamac, oo u dhashay beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen.

Senator Shukri Aadan Maxamed oo ku fadhisay kusriga sumaddiisu ahaa UH28 ee ay leedahay beesha Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa beesha lagu celiyey balse iyada laga reebay, waxaa hadda ku tartamaya Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Kowsar Cabdullaahi Xirsi.

Senator Cabdisalaan Xaaji Maxamuud oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH25, ee Dhulbahante ayaa isla beesha kusriga lagu celiyey balse isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur.

Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH 36, ee ay leedahay Awrtable ayaa isla beesha la siiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uu liiska aqalka sare ku daray siddeed gabar, oo saddex kursi si gaar ah loogu xiray, oo ay ku iyaga uun ku tartamayaan, halka labo kursi ay rag kula tartami doonaan.

Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray ilaa 5 xubin oo ka tirsan golihiisa, kuwaas oo hoggaamin doona doorashada aqalka sare, waxaana guddoomiye u ah guddiga Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle

Waxaa sidoo kale xubno ka ah Xildhibaan Sharma’arke Cilmi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildibaan Cabdirisaq Sahal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax.

Murasharaxiinta aqalka sare ayaa lagu wadaa in berri oo arbaco ah ay hortagaan golaha wakiillada Puntland, iyaga oo khudabadaha jeedin doona, waxaana la filayaa in doorashada isla berri ay dhacdo.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye iyo Yaxye Soocadde

Wada-hadallada Rooble iyo Uhuru oo billowday + Sawirro

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xarunta madaxtooyada Kenya ee Mombasa ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda, halkaasi oo wada-hadallo ay ku yeesheen.

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dhowr arrimoood oo istiraatiiji u ah danaha ay wadaagaan labada waddan. Waxay sheegeen in qodobada laga wada hadlay ay ugu waaweyn yihiin soo celinta xiriirka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxtooyada Kenya waxay intaas ku dartay in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixeen Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee 2015-kii. Waxaay sheegeen in Guddigaasi uu qeexayo baaxadda iskaashiga labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Waxyaabaha gaarka ah ee la filayo inay safarkan ay kasoo baxaan ayaa waxaa ka mid ah in dib loo furo qaadka Kenya ay keeni jirtay Soomaaliya, oo muddo sanad ka badan loo xayiray qaadka Itoobiya oo ay heshiis ku haystaan xubno ka mid ah qoyska madaxweyne Farmaajo. 

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Socdaalkan ayaa imid kadib casuumad rasmi ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka helay madaxweynaha Kenya, taasi oo ay dhawaan soo gaarsiisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya.

Wada-hadallada Mombasa kadib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi iyo diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya.

 

Abiy Ahmed oo shacabka ugu qeyliyey inay dagaal galaan xilli xaaladdu ku xun yahay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maanta oo Talaado ku ah ugu baaqay qof kasta oo Itoobiyaan ah oo awoodo inuu ku biiro noocyada kala duwan ee ciidamada Itoobiya, sida kuwa gaarka ah iyo Maleeshiyaadka si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro ciidamada Tigrayga.

Abiy ayaa xaaladdu kusii xumaaneysa ayada Tigrayga ay gaareen guulo badan, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen magaalooyin muhiim ah.

“Hadda waa waqtigii ku habboonaa in dhammaan Itoobiyaanka awooda ee qaan gaarka ah ay ku biiraan Ciidamada Difaaca, Ciidamada Gaarka ah iyo maleeshiyaadka si aad u muujisaan waddaninimadiina,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Hadalka kasoo yeeray Abiy Ahmed ayaa kuso aadaya qiyaastii lix toddobaad kadib markii ay dowladdu xabbad-joojin hal dhinac kaga dhowaaqday gobolka woqooyi ee Tigray.

Bishii November ayuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogag ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga, oo xukumayay Itoobiya muddo soddon sano ah, haddana gacanta ku haya Gobolka Tigray.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah 28 -kii Juun ka dib markii ciidamada Tigraygu ay ciidammada federaalka dib uga qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekele . Waxay sheegtay in xabbad joojintu ay tahay sababo bani’aadamanimo ayna sii jiri doonto ilaa xilliga beeraha.

Waqti beereedka Itoobiya ayaa bilowdo Bisha Juun iyo Bisha September oo ay ka dhiman tahay maalmo qura, waxaana socdo diyaar garow ay dowladda ugu jirto inay dib u bilowdo dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

“Waxaa caddaatay in beeraleyda Tigraygu aysan si ammaan ah u beeran karin haddii dadka Tigray aysan weligood iska dhex saarin kooxda argagaxisada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaalku wuxuu ku fiday gobollada Amxaarada iyo Canfarta ee ku dhow Gobolka Tigray, waxaana ku barakacay ku dhawaad 170,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qiyaastii 4 milyan oo qof oo ku nool Gobolada Tigrayga, Amxaarada iyo Canfarta ayaa wajahaya xaalad degdeg ah ama dhibaatooyin cunno yari ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hab lagu dhimi karo waqtiga iyo kharashka doorashada Aqalka Sare oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo bandhigay hab cusub oo uu sheegay in looga baaqsan karo waqtiga gelaya Doorashda Aqalka Sare, islamarkaana lagu dhimi karo kharashaadka ku baxa.

Waxa uu sheegay in muwaadin kasta aysan u furneen in uu u tartamo Aqalka Sare, maadama uu ka go’aan gaarista musharaxiinteeda ay leeyihiin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, oo ayagu soo xusha shaqsiyaadka u tartamaya kuraastaas.

Hoos ka aqriso qormada uu Yuusuf Garaad ka qoray arrintaan oo dhameystiran.

Wakhtiga gelaya “Doorashada” Aqalka Sare waa la soo gaabin karaa. Kharashka ku baxayana waa la dhimi karaa.

Waa haddii laga xishoodo naxliga la isu meerinayo. Waa haddii aan runta laga gabban.
Uma furna muwaaddin kasta in uu u tartamo Aqalka Sare.

Awood waxaa loo siiyay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo iyagu noo sheegaya shakhsiyaadka ay tahay in ay u tartamaan kuraasta.

Madaxweynayaasha waxay xikmaddoodu siisay oo ay doorbideen in kuraasta aanay u soo xulin ‘murashixiin’ tartami kara ama xataa raba in ay tartamaan.

Waxaan is weydiiyay – maxaa diidaya in Madaxweynaha Gobolka awood loo siiyo in uu soo qoro liiska xubnaha uu doonayo in ay ku matalaan Aqalka Sare, ka dibna uu ka ansixiyo Baarlamaanka Gobolka?

Waxay beekhaamin lahayd wakhtiga gelaya waxa hadda loogu yeero “doorashada” Aqalka Sare, laakiin runta ah Xulidda Aqalka Sare.

Waxay dhimi lahayd ama baajin lahayd kharashka ku baxaya Xulidda.

Waxaase iiga muhiimsan in aan noqon lahayn bulsho runta isu sheegta.

Waxaan ka baaqsan lahayn in la isu sheego war, kan sheegaya iyo midka uu u sheegayaaba ay og yihiin in aanuu run ahayn.

Waxaan ka baaqsan lahayn in dadweynaha lala soo hor istaago war aan run ahayn, dadweynuhuna og yahay in aanuu run ahayn, laakiin si uu wax uga qabto aanay hadda u sahlaneyn.

Waxaan ka baaqsan lahayn daawashada cayaaraha Gobollada ka socda ee kuwa jilaya ama iska dhigaya in ay cayaarayaan, garsoorayaasha seeriga u haya iyo inteenna daawaneysa aan sii wada og nahay natiijada.

Xog: Muxuu Saciid Deni liiska musharaxiinta Aqalka Sare uga reebay Sen. Mashruuc?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare ka reebay Senator Maxamuud Mashruuc, oo afartii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Saree e Soomaaliya.

Mashruuc, oo kasoo jeeda gobolka Bari, ayaa ka mid ahaa xubnaha Aqalka Sare ee sida weyn u mucaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu ka tirsanaa Aqalka, waxayna isku qabteen arrimo badan oo ay ugu weyn tahay difaaca danta Puntland, taasi oo ay ka sinnaayeen Deni.

Mashruuc ayaa caan ku ahaa mowqifyadiisa difaaca doodaha siyaasadda Puntland sida; sharciga shidaalka iyo khilaafkii arrimihi waxbarashada, oo uu dagaal xooggan u galay markii ardayda Puntland loo diiday shahaadada dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hase yeeshee, Deni iyo Mashruuc ayaa siyaasad ahaan ku kala aragti duwanaa siyaasdaha gudaha Puntland, sida mashruucii qandaraaska PDG, oo Deni uu meesha ka saaray kuna wareejiyay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Ka sokow siyaasadaha federaalka iyo kuwa Puntland, Mashruuc iyo madaxweyne Deni ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow, wuxuuna Mashruuc wax ka dheliyey guushii Saciid Deni ee 8-dii Janaayo 2019 loogu doortay madaxweynaha maamulka Puntland.

Dad badan oo siyaasadda Puntland aad ula socda ayaa sheegay in Deni uusan aheyn nin ku wanaagsan abaal-gudka, oo aysan la yaab laheyn inuu ka tegay Mashruuc.

Dhinaca kale, Ilo xog-ogaal ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Mashruuc uu uu muddo ku mashquulsanaa u diyaar garowga inuu isku sharraxo Golaha Shacabka, waxaana suurta-gal ah inuu dareemay in Deni uu liiska ka reebi doono.

Mashruuc ayaa qoraal uu soo saaray maanta ugu hambalyeeyey xubno liiska lagu soo daray.

Waxaan u hambalyeynayaa Puntland oo maantay shaacisay dhammaan xubnaha liiska tartamayaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, taasoo ka dhigan dar dar gelinta geeddi socodka doorashada. Hambalyo dhammaan liiska tartamyaasha Aqalka Sare ku matali doona Puntland Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Sharaf ayay ii ahayd inaan u soo adeegay danta qaranka Soomaaliyeed iyo danaha gaarka ah ee PUNTLAND afartii sano ee la soo dhaafay. Kuraasto waa meerto,” ayuu yiri.

Lama oga in xukuumadda Saciid Deni dagaal hor leh ay kala geli doonto in Mashruuc ay ka hor-istaago in loo soo doorto Golaha Shacabka iyo in kale, inkasta oo awooddaas badankeed ay gacanta ugu jirto qabaa’ilka.

Dhanka kale, Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Farxaan kaliya ayaa noqday labada Senator ee kaliya ee 11-kii xubnood ee Puntland uga mid ahaa Aqalka Sare ee dib loogu soo daro liiska. 

Safarka R/W Rooble ee dalka Kenya oo arrin kale banaanka keenay – maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, isaga oo lagu sii sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa daaran wada-hadallo ku saabsan hagaajinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xumaaday bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Rooble ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isagu u fidiyey casuumadda booqashada uga bilaabatay magaalada Nairobi.

Dhinaca kale safarkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa bannaanka keenay arrin qarsooneed oo ku aadan dhinaca duulimaadka, gaar ahaan safarada madaxda dalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka hadlayey arrintan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalkaSoomaaliya ay buuxisay shuruucdii duulista hawada sidaa awgeedna uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble duulimaadkiisu yahay SOM-001, taas oo ka dhigan in xittaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aduunka marka la’eego duulimaadyada madaxweynayaasha ay qaataan 001, ra’iisul wasaareyaashana ay qaataan lambarka 002, balse duulimaadka maanta ra’iisul wasaaraha ee lambarkiisu yahay 001, ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaaday.

“Duulista Hawada sharciyan madaxweynayaasha adduunka waxa ay qaataan duulimaadyada 001, Ra’iisul Wasaarayaashana 002. Soddan sano kadib, waxa DF Soomaaliya ay buuxisay Shuruucdii duulista hawada sidaa awgeed maanta Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu duulimaadkiisu yahay SOM-001 taas ah ka dhigan in xitaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah in ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda federaalka  Soomaaliya.

Si kastaba Villa Soomaaliya ayaa gashay marxalad cusub, kadib markii uu khilaaf dhinac awooda iyo maamulka uu soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

R/W ROOBLE oo amar culus siiyey saraakiisha amniga, ka hor safarkiisa dalka KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah garoonka Aadan Cadde kula qaatay saraakiisha laamaha ammaanka, xilli uu kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha Booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ku xiigeenkiisa Jenaraal Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole , taliyaha qeybta Booliska Garoonka Aadan-Cadde iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska.

Rooble ayaa amar culus siiyey saraakiishan, wuxuuna faray xoojinta amniga guud ee dadlka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa taliyeyaasha uu la kulmay kula dar-daarmay in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Dhankooda saraakiisha kulanka ku sugnaa oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay laba jibaari doonaan waajibaadka saaran ee amniga, ayna dardargelinayaan howl-gallada lagu sugayo amniga caasimada, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga qaranka.

Kulankan wuxuu kusoo aadaya, xilii haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay xarunta Villa Soomaaliya, isla-markaana ra’iisul wasaaraha uu kusii jeedo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo kulan kula leeyahay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan yeelatay weji cusub, waxaana dhinaca mucaaradka ay dhankooda taageero u muujinayaan ra’iisul wasaaraha dalka.