27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Waxyaabihii ay taleefoonka uga wada-hadleen Farmaajo iyo amiirka Qadar (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka telefoonka kula xiriiray amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, sida ay warisay wakaalada wararka u faafisay Dooxa.

“Mudane Amiirka ayaa wicitaan dhanka telefoonka ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee Qatar News Agency.

Qoraalka waxaa la raaciyey: “Marka laga soo tago in ay ka wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan horumarka gobolka iyo caalamka ee danaha wadajirka ah, intii lagu jiray wadaxaajoodyadda, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa”.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan wadaxaajoodkan oo kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowr arrimood ay jiraan. Tan koowaad uguna xiisaha badan waxay tahay socdaalka soo shaac-bixiyey khilaafka Farmaajo kala dhaxeeya ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble ku tagay dalka deriska ah ee Kenya.

Inkasta oo Rooble beeniyey in ay isku-dhacsan yihiin Farmaajo, haddana socdaalkiisa wuxuu dib boorka uga jafay xiisadii Farmaajo iyo Kenya xilli Villa Soomaaliya aysan soo bandhigin kulan asbuucii hore uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada Kenya, Raychelle Omamo, oo booqatay Muqdisho todobaadkii aynu kasoo gudubnay.

Dooxa ayaa door firfircoon ka cayaartay isu-soo-dhaweynta hogaanka Soomaalida iyo Kenya si gaar ah go’aanka maamulka Farmaajo, oo ay Qadar maalgelisay ololihiisii doorashadii 2017-kii, uu kusoo celiyey cilaaqaadka diblumaasi ee Nairobi kaasoo uu gooyey.

Sidoo kale, wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare. Dooxa waa mid kamid ah daneeyeyaasha ugu culus ee coddeynta. Balse, mugdi ayaa ku duugan in ay mar kale dhiseyso Farmaajo.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey awoodihii yaraa ee ugu harsanaa dowladda

Haddii ay jirto hal dhaqan oo aan ku baranay madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu xilka hayey, waa siyaasadda qar iska tuurnimada ah, iyo go’aanada aan laga fiirsan ee uu qaato kadibna kusoo noqda.

Kasoo bilow dhiibiistii Qalbi-dhagax, dekadihii loo saxiixay Ethiopia, askartii la geeyey Eritrea, illaa isku daygii muddo kororsi ee fashilmay, Farmaajo caan kuma ahan go’aan qaadasho saxan.

Waxa uu mar kale ayuu toddobaadkan sidaas sameeyey kadib markii uu soo saaray amar uu isugu dayey inuu ku xakameeyo awoodaha fulinta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, inkasta oo uu ogaa inuusan sharciyad u heysan.

Farmaajo ayaa wareegto ku sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan leex-leexad laheyn ugu jawaabay Farmaajo, una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, sida ku cad qodobka 97-aad ee dastuurka.

Maxaa dhacay kadib?

Qoraallada ay isugu jawaabeen Farmaajo iyo Rooble, waxaa xigay in Rooble uu Talaadadii u amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu heshiisyo ay ka mid yihiin dib usoo celinta xiriirka diblomaasi kula galay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Tallaabada uu Rooble qaaday intii uu ku sugnaa Mombasa, waxay ka dhigan tahay inuu qoraal ahaan iyo ficil ahaanba ugu gacan seeray isku daygii uu Farmaajo doonayey inuu ku xakameeyo.

Kaaga sii daran’e, waxaa la filayaa in Rooble marka uu dalka kusoo laabto uu si rasmi ah dib ugu fasaxo qaadka Kenya ee la keeni jiray Soomaaliya, oo uu Farmaajo xayiray, si xubno ka tirsan qoyskiisa ay dalka u keenaan qaadka Ethiopia ugana faa’iideystaan.

Maxay uga dhigan tahay Farmaajo?

In amar uu soo saaro la diido, waxay Farmaajo ku tahay dhaawac weyn oo soo gaaray awooddiisa fulineed, aadna u wiiqeysa in hadda iyo wixii ka dambeeyo amarkiisa uu dalka ka shaqeeyo. Sidoo kale waa bahdil shaqsiyeed oo uu ku sameeyey naftiisa iyo kursiga madaxweynenimo.

Diidmada iyo ficillada Rooble waxay si cad u muujiyeen in awoodda ugu sarreysa dalka uu maanta isaga leeyahay, kadib markii toddoba bilood kahor ay Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkii sharciyadda siinayey.

Way adkaan doontaa in amar dambe oo kasoo baxa Farmaajo, oo aanu Rooble raali ka aheyn uu dalka ka shaqeeyo inta ka harsan doorashada madaxweynaha cusub, waa haddiiba uu Farmaajo ku dhiirado mar kale.

Maxaa Farmaajo ku qasba siyaasadaha qalafsan?

Siyaasadaha iyo go’aanada qar iska tuurnimada ah ee marka uu Farmaajo qaato, waxaa loo aaneeyaa laba cilad oo ay adag tahay in xal loo helo.

Ciladda koowaad, waa Farmaajo oo madax adag, oo mar walba rabitaankiisa uu ka weyn yahay danta guud iyo waxa saxan. Ciladda labaadna waa la-taliyeyaasha ku hareereysan iyo kuwa xeendaabkiisa ku jira, oo aan awoodin inay u sheegaan marka uu qaldan yahay, balse ku raaca uguna sacab tuma go’aan kasta.

Xitaa markii uu Farmaajo go’aansaday muddo kororsigii fashilmay, waxaa la-taliyeyaashiisa ay u sheegayeen inay dagaal ku qabsan karaan Muqdisho oo ay haystaan ciidan ka fulin, ayaga oo ag in xaqiiqda ay taas ka duwaneyd, balse ay ka aheyd oo kaliya in dhegaha Farmaajo ay ku dhibciyaan erayo ay maqalkooda ku raaxeysanayaan. 

Waxaan hadda sugeynaa siyaasadda xigta ee qar iska tuurnimada ah ee uu qaato Farmaajo haddana dib ugu soo laabata. 

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

13 nin oo la sheegay inay damacsan yihiin qaraxyo oo soo galay Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka bilaabeen baaritaan iyo feejignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaantoodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho ah. 

Hoteelo ku yaala Muqdisho, Maqaayado, Saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed ayaa aad looga cabsi qabaa in raggaan ay weeraro ka fuliyaan, waxaana aad feejignaan loo geliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xalay magaalada Muqdisho waxaa la xiray wadooyinka qaar iyadoo ilaa maanta aad loo baarayo gaadiidka raaxada ee gobalka Banaadir. Si gaar ah waxaa la baarayaa gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya ama kuwa hormaraya Villa Somalia.

Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo dadka qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. 

Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan. 

Qaramada Midoobay oo shir deg deg ah ka yeelaneysa xaaladda Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka  Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo ay kamid yihiin fatahaadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin siin doona Xubnaha  shirka.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee shirka ka qeyb geli doona oo dhankooda khudbad ka jeedin doona ayaa ka hadli doona balan qaadyo ay u sameyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda looga taageero dhinacyada amniga iyo doorashooyinka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ay Maanta ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo ballansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Ugaaska Mudulood oo soo saaray farriin xasaasi oo ka dhan ah AMISOM (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad xoog leh ayaa ka dhalatay dad shacab ah oo ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay Talaadadii ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo meydkooda oo jawaano ku jira Muqdisho la keenay, waxayna ehelladii dadkaas diideen in la aaso meydadka, ilaa inta AMISOM ay mas’uuliyadda ka qaadaneyso.

Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa si adag uga hadlay falkaas, isagoo fariin u diray umadda Soomaaliyeed iyo taliska ciidanka dhibkaan geystay ee AMISOM.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay waxyaabaha qaar lama qaadan karo, AMISOM mudadii ay dalkaan joogtay waxay geysatay dhacdooyin xanuun badan oo aad u foolxun, dad meyd ah oo ay dileen ayey miino ku qarxiyeen oo jarjareen, waxaan mari doonaa wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay, waxaa kasta waxaa kasii fool xun AMISOM waxay bogeeda ku soo qortay in dadkii ay naga dishay ay ahaayeen Argagixiso, waxay soo sawireen qoryo duug ah oo beerta bahalada looga ilaalin jiray, waxaan heynaa warqadii October 2018-kii ay ugu fasaxday Xaajiga in qoryahaas duuga ah uu beertiisa ku ilaashan karo,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray Xaaji Cumar Garey oo iska lahaa beerta laga soo dhex watay qaar ka mid dadka la dilay, isla markaana ciidamada dilay ay aqoon u la haayeen.

“Dadkaas la dilay waxaa ugu magac dheeraa Xaaji Cumar Ganey oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn deegaanka looga yaqiinay, ciidanka xaquuqay ee AMISOM-na ay mudo dheer la yaqiineen, gurigiisa ayaa loogu tegay isaga iyo lix qof oo ehelkiisa u badnaa, dadkaas waa la dilay markii hore, kadibana miino ayaa la dul saaray, waana lagu qarxiyey, markii asaga laga reebo, lixdii kale hilbo ayey noqdeen, iyagoo seddax jawaan ku jira ayey hadda Farnjiyeer ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska Mudullood oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waa wax aan la aqbali karin xasuuqa ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, hadaba anagoo ka jwaabeyna dhacdadaas waxaan la hadleynaa dowladda Soomaaliya, AMSIOM, UN-ka iyo cid kasta oo dhaqaale ku bixisa howlgalka AMISOM. Hadii nin Nabadoon ah oo 10-sano ay la macaamilayeen ay u dileen Argagixisaa tahay, waxay ka dhigantahay Soomaalida oo dhan ayaa argagixiso ah, mana aqbaleyno taas.”

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in aysan heynin meyd, balse ay hayaan hilbo, kuwaas oo uu sheegay inay Faranjiyeerka ku jiri doonaan, illaa jawaab laga helo cidii dishay oo mas’uuliyada wixii dhacay ay AMSIOM si cad u qaadaneyso.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Cumar Xasan AL-BASHIIR oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC

Khartoum (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur. 

Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sano, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur. 

“Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga. 

QM ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sanadkii 2003.

Al-Bashir oo mudd ka badan 30 sano xukumayey Sudan kahor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabvsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum. 

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xirayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur.

Waxay sanad kadib soo saartay amar xiritaan oo kale oo la xiriira xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda.

Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan.  

Baarlamaanka Galmudug oo dooranaya lix senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota.

Doorashada 6 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee maamulku ku leeyahay aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Dhuusamareeb waxaana la adkeeyay amaanka magaaladda gaar ahaan xarunta Baarlamaanka oo doorashadu ka dhacayso.

Ciidanka amaanka Galmudug, kuwa Faderaalka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan goobta loo qorsheeyay codaynta.

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe, ayaa musharixiinta qaar kood waxa ay u taasuleen mudane-yaashii la tarmaayay taas oo doorashada ka dhigtay waxa loogu yeeray “musharax iyo malxiiskiisa”.

Daawo: Rooble oo ka hadlay khilaafkii isaga iyo Farmaajo iyo u jeedka safarkiisa Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, waxa ka jira in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo, inay wadahadal ka galeen kiiska badda, qaadka iyo hanaanka uu doonayo in loo maro soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu horeyn Rooble waxa uu yiri, “Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto.”

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo maamul goboleedyadu ay ku aamineen hoggaaminta doorashada, sidaas darteedna uusan hadda ku jirin han siyaasadeed. “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

“Halkaan uma imaan inaan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan, maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu balan qaaday inta uu xukunka joogo in uusan ogolaan doonin in wadahadal laga galo kiiska badda, “Soomaalidu maadaama ay Muslimiin wada tahay, qofkii la rabo in la suurad xumeeyo waxaa lagu tilmaamaa Murtad, hadda markii siyaasadda la joogo waxaa la yiraahdaa badda ayuu soo saxiixayaa, cid badaan inay saxiixdo ku dhiiran karta ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey Rooble in safarkiisa uusan la xariirin Qaadka, balse uu Kenya u tegay howl-gelinta guddigii ka shaqeyn doona soo celinta xiriirka xumaaday ee labada dal.

“Wixii ka soo baxa wadaxaajoodka labada guddi ee Soomaaliya iyo Kenya, qaad haku jiro ama wax kale haku heshiiyaane, guddigaas wixii ka soo baxa wadaxaajodkooda ayaa noo go’aan ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay fududeynta dal ku galka, isla markaana arrintaas guddi loo xil saaray.

“Waxaa ila socda Taliyaha hey’adda Socdaalka Soomaaliya Koofi, waxaa loo balamiyey dhigiisa waana kulmaayaan, wixii ka soo baxa wadahadalkooda kheyr allaha nooga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in maadxweynaha Kenya uu kala hadlay dhibaatooyinka ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada ka socda dalkaas ee qeybta ka ah AMISOM, isla markaana ay isla qaateen, si looga baaqsado dhibaatada soo gaarta shacabka in la dejiyo siyaasad ay ku wada howlgalaan labada ciidan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkaan ayuu Rooble ka jeediyey goob uu kula kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo warbixin guud uu siinayey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya.

Hoos ka daawo

Australia: Gabar Soomaali ah oo musharaxnimadeeda xildhibaan ku weyday wasiir ka tirsan DF oo lacag u diray

Melbourne (Caasimada Online) – Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Sahra Axmed Mustafe oo xubin ka aheyd xisbiga haya talada dalka Australia ayaa gebi ahaanba lagala noqday musharaxnimada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafaddaas ay ku badanyihiin Soomalida dalkaas.

Sahra Axmed oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa sheegtay in xubinimadii xisbiga iyo musharaxnimadii ay ku weyday lacag uu u soo diray adeerkeed oo Wasiir ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sharci darro ku tilmaamtay arrinta loo cuskaday xil ka xayuubinteeda, waxayna sheegtay in lacagta kasoo gaartay adeerkeeda wasiirka ah ay aheyd hadyad uu u soo direy ciyaalkeeda, sida ay sheegtay.

“Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado.”

“Aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo,” ayey tiri Sahra oo wax laga weydiiyay sida hogaanka Xisbigeeda uu ku ogaaday lacagta uu u soo diray wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay inaysan lacag ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, balse ay lacag hadyad ah ka heshay adeerkeed oo Wasiir ah, islamarkaana aysan aheyd mid ka hor imaaneysa shuruucda xisbigay ka tirsaneyd.

Si kastaba, Sahra Axmed Mustafe ayaa looga cayriyay xisbiga haya talada dalka Australia in dowlad kale ay dhaqaale ku bixineyso soo bixisteeda, taasi oo ka hor-imaaneysa shuruucda dalkaas.

Wafdiga Rooble oo war cusub kasoo saaray wada-hadalkii Kenyatta iyo arrinta badda

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qeyb ka ah wafdiga safarka ku jooga dalka Kenya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii ay la yeesheen madaxda Kenya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas ayaa sheegay in shalay ay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen magaalada Mombaasa, halkaas oo ay uga wadahadleen arrimo badan oo khuseeya soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Arrimaha looga wadahadlay kulankeenii waxaa ka mid ahaa sida ugu fiican ee Soomaaliya iyo Kenya ay isula jaan qaadi karaan, inay soo ceshadaan xiriirkoodii derisnimo, walaalnimo, sida isu-socodka dadweynaha, ganacsiga, amiga iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay oo carrabka uu ku adkeeyey in kulankaas aan looga hadlin kiiska badda iyo waxyaabo lamid ah oo Soomaaliya aysan dani ugu jirin.

“Kulankeenii waxaa kaloo looga hadlay in dib loo soo celiyo guddi heer farsamo ah, guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha u baahan in si qota dheer looga xaajoodo, waxay ka soo baaraan degi doonaan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dalka oo hoos loogu daadejin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli ay ka wada xaajoonayaan halka uu ka dhici doono kulanka kan xiga, isla markaana ay aad u daneynayaan oo ka shaqeynayaan inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa guddiga heer farsamo cida Soomaaliya ku meteli doonta iyo xulashada wasaaradaha ay khuseyso arrintaan, sidoo kale waxaan ka wadahadalnay inta guddigu uusan howlgelin arrimo deg deg ah hadii ay soo baxaan, in wasaaradba, wasaaradda dhigeeyda ah ay howshaas kala shaaqeyso, anaga waxaa noogu muhiimsan wasaaradaha difaaca iyo amniga, berri inaan kulamo kale yeelano madaxda Kenya si arrimahaas aan u sii amba qadno way u badan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii diray wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Hoos ka daawo

Koox awood leh oo xulufo la noqotay ciidanka Tigray-ga, kuna sii jeeda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye xagjir ah oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay isbaheysi Militari la sameysatay ciidamada Tigrayga oo hadda kusii jeeda caasimadda dalkaas ee Addis Ababa, xilli colaadii ka qaraxday gobolka Tigray sanadkii hore ay ku fidday qaybaha kale ee dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

“Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, laguna hadlo luuqadda ay rabaan in lagula hadlo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, xilli uu wareysi siiyey Associated Press.

Isbaheysiga cusub oo uu hoggaamiyahaan la yeelanayo kooxda TPLF ayaa ah astaan muujineyso in collaadii kasoo bilaabatay dhulka Tigreyga Bishii November ay gaartay meel xun, wuxuuna dagaalkaan markii hore kasoo bilowday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Ra’isuwasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo xukumayey dawladda Itoobiya ku dhawaad 30 sano.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalka sagaalka bilood socday gobolka Tigray, waxaana ciidamada Dowladda Itoobiya lagu eedeeyey inay deegaanada qowmiyadda Tigreega ka geysteen  kufsi wadareedyo, sidoo kalana waxaa dagaalka ka dhashay macluul iyo barakac xooggan.

Hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada ayaa sheegay in heshiiska uu la galay TPLF la gaaray dhowr todobaad ka hor kadib markii ay hoggaamiyaasha Tigreega sidaas soo jeediyeen.

“Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga dhanka milateri, waxaan wadaagnaa macluumaadka goobta dagaalka waxaana u dagaallanaa si isbarbar socda,” ayuu yiri Diriba.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa sheegay inuu socdo wadahadal isbaheysi dhanka siyaasadda ah, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo kale oo wada-hadal lagula jiro isagoo carabka kusii adkeeyey inay jiri doonaan isbaheysiyo waaweyn oo ka dhan ah taliska Abiy Axmed.

Isbahaysigaan ayaa waxaa ku midoobayo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray, oo hore udub dhexaad u aheyd dowladdii Itoobiya balse si weyn uga hor timid midda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo Oromo Liberation Army oo sanadkii hore ka go’day xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front, waxaana xusid mudan in qowmiyadda Oromada ay tahay qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkaan ku dhawaaqday in labadaan urur ee TPLF iyo OLA ay yihiin ururo argagixiso oo ay tahay in laga ciribtiro dalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha ciidamada TPLF Gen. Tsadkan Gebretensae iyo afhayeenka xukuumadda Ra’isuwasaare Abiy weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha OLA oo uu ku sheegay inuu isbaheysi Militari la sameystay TPLF.

Hoggaamiyaha OLA ayaa hadlay maalin kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee kartida leh inay ku biiraan milateriga si ay uga hortagaan ciidamada Tigray ka dib markii ay dib ula wareegeen inta badan gobolka Tigray toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay u tallaabeen gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa AP u sheegay inay u dagaalamayaan sidii ay u sugi lahaayeen gobolkooda oo muddo dheer go’doonsanaa.

Iyada oo la sii xaddidayo gelitaanka qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaasna saxaafadda loo diiday, way adag tahay in la sheego sida muwaadiniintu uga jawaabi doonaan baaqa Ra’isulwasaaraha, ama haddii ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah isaga.

Xog: Sida Qoor Qoor u kala qeybiyey lixda kursi iyo dhinacyada uu qanciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Qoor Qoor ayaa dib usoo celiyey saddex ka mid ah xubnaha hadda ku jira Aqalka Sare, wuxuuna meesha ka saaray saddex kale, oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayna wehliyaan Abuukar Axmed Xaashi iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Marka aad eeegto liiska, iyo sida uu Qoor Qoor u maareeyey, waxaa muuqata in Qoor Qoor uusan si gaar ah ugu daneyn dhinac, balse uu dhinacyo badan qanciyey, abaal-mariyey saaxiibadiis, islamarkaana wax isku xeeriyey.

Haddaba aan eegno, xubnaha uu sharxay Qoor Qoor, beelaha ay kasoo jeedaan iyo dhinacyada ay raacsan yihiin siyaasad ahaan, innaga oo xooga saareynaa lixda xubnood ee aan hubno in la dooran doono, oo aan isku dhibi doonin xubnaha malxiisayaasha ah.

Kursiga koowaad: Waxaa u sharaxan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Nuur Xasan Guutaale, oo kasoo jeeda beesha Murusade. Kursigan waxaa mar kale ku guuleysan doona oo la salxay Dhagdheer oo hadda ku fadhiya, ayada oo laga reebay musharaxiintii uu loolanka ugu adag kala kulmi lahaa, oo kala ah; Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Jaahweyn.

Xulashada Dhagdheer, wuxuu Qoor Qoor ku saleeyey saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga Dhagdheer oo isku ah kooxda Waayo Arag. Si kastaba, waxaa si kale xulashadan uga faa’iideysanaya Xasan Cali Kheyre oo Dhagdheer ay isku dhow yihiin.

Kursiga labaad: Kursigan waxaa u sharaxan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow oo kasoo jeeda beesha Duduble. Yuusuf Geelle oo hadda kursigan ku fadhiya ayaa mar kale dib u qaadan doona dhib la’aan. Yuusuf Geelle, oo mar damcay inuu u wareegto Golaha Shacabka, ayaa xilli dambe is-beddelay, si uu Aqalka Sare usii joogo.

Si la mid ah Dhagdheer, Yuusuf Geelle wuxuu ka tirsan kooxda Waayo Arag, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweyne Qoor Qoor. Inkasta oo lagu riixo Kheyre iyo Guuleed, haddana waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka huban Yuusuf Geelle ay tahay inuu si weyn u macaaradsan yahay Farmaajo.

Kursiga saddexaad: Qoor Qoor ayaa kursigan u sharxay Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan. Kursigan, oo uu ku guuleysan doono Saciid Siyaad Shirwac, waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo aan liiska lagu soo darin.

Saciid Siyaad waxay isku dhow yihiin Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu saaxiib la yaay Qoor Qoor, waxaana xulashadiisa ay qancisay labadaas dhinac. 

Soo saarista Saciid Siyaad, waxaa kursigiisa golaha shacabka ku weyn doona Abtidoon Yare, oo ay jufo ahaan wadaagaan hal kursi, taasi oo macnaheedu yahay in Abshir Bukhaari uu hadda u tartami karo kursi Golaha Shacabka ah.

Kursiga Afaraad: Kursigan waxaa loo sharxay Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure, oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana la filayaa inay dib ugu guuleysato Samsam oo hadda kursiga ku fadhisa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kursigan ku qanciyey madaxweyne Farmaajo oo Samsam taageero ay u aheyd intii uu kursiga fadhiyey, taasi oo muujineysa sida Farmaajo weli saameyn ugu leeyahay Qoor Qoor.

Kursiga shanaad: Kursigan wuxuu Qoor Qoor u sharxay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen, oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto Cabdixakiim. Kursigan waxaa hadda ku fadhisa Jawaahir Axmed Cilmi.

Kursigan wuxuu Qoor Qoor si cad ugu qanciyey Farmaajo, sababtoo ah Cabdixakiim wuxuu taageero aan gabasho laheyn u muujiyey muddo kororsigii Farmaajo, waxaana ku nacay oo soo eryey tolkiisa. Maadaama, xildhibaanada golaha shacabka ay soo sharxaan qabaa’ilka, oo Cabdixakiin uusan taageero ka heleyn, waxaa Qoor Qoor lagu qasbay inuu Cabdixakiim siiyo kursi Aqal Sare ah.

Kursiga lixaad: Qoor Qoor wuxuu kursigan u sharaxay Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq, oo kasoo jeeda beesha Dir, waxaana ku guuleysan doonta Duniya, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Kursigan waxaa hadda ku fadhiya Abuukar Axmed Xaashi.

Qoor Qoor kursigan kuma qancin cid gaar ah, wuxuuna xulashada Duniya ku saleeyey abaal ay u gashay, mar ay ka furfurtay cadaadis ka saarnaa beesha Dir ee degta Galmudug. Ma jirto cid ka mid ah musharaxiinta oo Dunida ay si aad ah ugu dhowdahay, waxaase lagu tiriyaa dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Baarlamanka Galmudug oo maanta qaaday TALLAABO culus oo looga hortagayo musharaxiinta malxiiska ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah inaan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo, balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu codeeyo, oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa ah mid looga hortagayo in musharax loo tanaasulo kadibna midka kale uu si toos ah usoo baxo, taasoo ka dhacday maamul Goboleedyada kale oo ay ugu dambeysay Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa muddo badan u ololeenayey inaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug loo xirin shakhsiyaad gaar ah, balse waxaa muuqato in arrintaan looga adkaaday kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kuraasta u xiray shakhsiyaad isaga aad ugu dhow, waxayna shuruudaan adag u muuqataa mid looga jawaabayo taallabada uu qaaday.

Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Galmudug ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana ku tartamayo illaa 12 musharax oo 6 kamid ah ay yihiin malxiis lana filayo inay tanaasulaan marka doorashada bilaabato.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday guddiga doorashada Baarlamaanka Galmudug

 

 

Sheekh Yuusuf Caynte oo jawaab culus kasoo saaray liiskii kasoo baxay Qoorqoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo kamid ahaa musharixiintii laga reebay liiska dadka u tartamayo xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay inuu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka musharaxa ah, wuxuuna xusay inaysan jirin sifo sharci ah oo looga hor istaagay inuu isku soo sharaxo xilkaas.

Sheekh ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diidan yahay rabitaanka Baarlamaanka, isagoo xusay inuu hubo in cod aqlabiyad leh lagu dooran lahaa haddii si xor iyo xalaal ah loo tartami lahaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Sheekh Yuusuf kusoo daabacay barteeda Facebook

Bismillahi Raxmani Raxiim.

Waxaan codkeyga ku biirinayaa inta ka dhiidhisay sida uu madaxweynaha Galmudug u maamulay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka uu madaxweyne Axmed Qoorqoor ku qaatay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed duudsiiyo xuquuqdooda dastuuriga ah waa mid baal-marsan dastuurka dalka, midka Galmudug Ivo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Waxaan kamid ahaa muwaadiinta Soomaaliyeed ee isku soo taagay xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanna buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahan yahay murashaxa. Ma jirto sifo sharci ah oo la iiga hor istaagi karay inaan isku sharroxo xilkaas. Sidaas darteed, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Mar haddii si sharci darro ah la iiga hor istaagay inaan waxqabadkeyga iyo barnaamijkeyga siyaasadeed horgeeyo mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, waxaa meeshaas ka caddaatay in la diiddan yahay rabitaanka baarlamaanka Galmudug, oo aan hubo iney cod aqlabiyad ah igu dooran lahaayeen haddii aan si xor ah oo xalaal ah u tartarmi lahaa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta booobka doorashooyinka iyo ku takarifalka awoodda siyaasadda. Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney had iyo goor u hiilliyaan xaqa Ivo caddaaladda.

Allaa mahad leh.

Madaxii xabsiyada ee Al-Shabab oo u gacan galay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay “Food Cade” ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay Sarkaalkan kasoo goostay Al-Shabaab, kaasi oo ahaa madaxii ilaalinta xabsiyada.

Food Cade ayaa waxa uu ka howl-gali jiray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna xarakada ka tirsanaa muddo lagu sheegay 7 sanno, isagoo oo ka qeyb galay dagaalo faro badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa dib uga laabtay fikirkii uu hore dadka ugu gumaadi jiray, wuxuuna warbaahinta u mariyey xubnaha kale ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo aan loo adeegsan daadinta dhiiga shacabkooda.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay soo bandhigaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u soo goostay dhanka dowladda, waxayna kusoo aadeysa xili ay socdaan howl-galo ballaaran oo dagaalyahanada kooxdaas looga xoreynayo dalka.

DAAWO: Qoysaska DADKII lagu xasuuqay Sh/Hoose oo diiday in la aaso meydadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa isu soo bax ka dhigay ehellada toddoba qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab.

Ehellada dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen toddobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan. Ehelladu waxa kaloo ay sheegeen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan.

Maydadka toddobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qoysaska dadkii shaley lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in meydadka aanan la aasi doono tan iyo inta caddaaladda ka helayaan.

“Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan usoo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn.

FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilalkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasimada.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa waxaa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kumeel gaar ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxamed isna ah ku xigeenka amniga degmada, halka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi.

Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Senatarada Puntland ee Aqalka Sare oo lagu doortay Garoowe + Magacyada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11- Senatar ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatarada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqday Senatarkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kuraasta kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah musharraxiinta tartami ahaa, waxaana doorashada ku soo baxay illaa 11 musharrax oo Puntland ku metalaya Aqalka Sare waxana kala yihiin:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
6- Daahir Ayaanle Siciid
7- Farxaan Cali Xuseen
8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
9- Cabdiqani Geelle Maxamed
10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Natiijada soo baxday doorashadan ayey aheyd mid hore loo sii ogaa oo loo saadaalinayey xubnaha ku guuleystay oo si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xog: Farmaajo oo heshiis ka dalbaday R/Wasaare Rooble 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay labada masuul. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu xiriir la sameeyay Rooble kadib markii uu ka jawaabay warqadii dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, kana dalbaday inay xiisadda dejiyaan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuusan fileyn jawaabtii uu Rooble bixiyey iyo dhiiranaantiisa, taasi oo wacaa ku abuurtay. Waxaa lagu warramay inuu ka cabsi qabo in haddii ay sii socoto xiisadda, uu Rooble qaadi karo tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, beddelo wasiirada ku dhow Farmaajo, islamarkaana kusii dhowaado xubnaha mucaaradka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuusan weli u jawaabin Farmaajo, waxaana wararku sheegayaan  inuu cabsi weyn ka qabo Villa Somalia, islamarkaana uu aaminsan yahay in dalabka heshiiska uusan daacad ka aheyn balse kaliya la rabo in lagu damiyo xiisad kadibna loo dhigo qiyaanooyin siyaasadeed culus.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabay in uu digniin u jeediyo dhamaan shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana uu Madaxweynaha dareemay in culeys badan saaranyahay, kaasoo wax u dhimi kara rajadiisa doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo warinaya in Rooble uusan wali aqbalin dalabkaas islamarkaana uu jawaab ka bixin doono markii uu ka soo laabta dalka Kenya oo shalay ay ugu bilaabatay booqasho rasmi ah, taasoo qeyb ka ah waxyaabihii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo. 

GALMUDUG oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada AQALKA SARE

0

Dhuusamareeb (Caasimada Oline) – Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee maamulkaasi, kadib markii xalay madaxweyne Qoor Qoor uu shaaciyey liiska lix ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah u billaaban doonto diiwaan-gelinta musharraxiinta liiskooda la shaaciyey ee lixda kursi.

Sidoo kale guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada xubnahaasi ee Aqalka Sare la qabanayo beri oo ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

“Iyadoo la fulinayo waajibaadka jadwal ee doorasho heer dowladda dhexe ay soo saareen guddiga dhexe doorashooyinkla (FITT) 16-07-2021 oo ku saabsaneyd qabashada doorashada Aqalka Sare. Haddaba guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ee (GSS-SEIT) wuxuu halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Galmudug.

Tani ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta doorashooyinka dalka, waxaana Puntland iyo Galmudug ay haatan cagta saareen dhabihii qabashada ee doorashada Aqalka Sare.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u guda-galay doorashadan, waxaana Senataro cusub lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan maamuladaas.