25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Prof. Jawaari oo sheegay ‘waxa ay tahay in hadda kadib loogu yeero’ Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Shiekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in madaxweynaha wakhtigiisa dhamaado loogu yeerayo (ku-sime ama sii-haye).

Jawaari oo ka qeyb galaya barnaamij dood wadaag ah oo ka baxayay warbaahinta maxaliga ah ayaa la weydiiyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeeri karo, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, sidoo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqonayaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

“Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse hadda wuxuu noqonaa sii haye, laakiin lama sheeg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qaban karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo, laakiin madaxweyne waa madaxweyne,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Mar kale ayaa su’aal lagu celiyay aheyd, erayga qaanuuniga ah ee loogu yeeri karo maxey tahay? wuxuuna wariyaha ugu jawaabay jawaabay: “Hadda waa ku sime, waana sii haye, labadaba waad dhihi kartaa, laakiin madaxweyne inaad tiraahdo ayaa la qaatay, asagana ha fahmo adna faham inuu xadidan yahay.”

Warbaahinta ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday markii la gaaray 8-da February iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay diideen iney madaxweyne u aqoonsadaan.

Sidoo kale maamul goboleedka Puntland ayaa diiday madal uu dhigay Garowe iyagoo ku sifeynaya inuu muddo xileedkiisa dhamaaday, waxeyna ku baaqeen in shirka laga dhigo Muqdisho, waxaana ku taageeray Jubbaland iyo gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Si kastaba Prof. Jawaari wuxuu sheegay in Farmaajo loogu yeeri karo sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya tan iyo inta laga helaayo madaxweynaha badalaya.

Hoggaamiyihii burcadda dilalka Soomaalida ee Koonfur Afrika oo la xiray

0

Cape Town (Caasimada Online) – Booliiska Koonfur Afrika ayaa gacanta ku dhigay hoggaamiyihii burcadda hubeysan ee dilalka u geysata ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Port Elezapeth.

Ninkaan oo caan ka ah Koonfur Afrika, islamarkaana madax u ahaa burcadda dadka ajaaniibta ah ee Soomaalida ku jirto disha ayaa laga soo qabtay  eegaanka Motherwell.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in haatan ay baaritaano dheeraad ah ay ku socdaan ninkan oo loo heysto dilal iyo boob loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa soo dhoweeyey qabashada ninkan oo ay dhibaato weyn ku qabeen ganacsatadu.

Sidoo kale qabashadiisa ayaa kusoo aadeysa, iyada oo xalay dalkaas dil iyo dhaawac loogu geysatay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Inta badan waxaa dalkaasi Koonfur Afrika ka dhaca dilal qorsheysan iyo boob hantiyeed oo loo geysto Soomaalida oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ee Sayidka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo si xawli ah ku soo dhaafay ciidamo ku sugnaa isgoyska Dabka, waxaana kadib rasaas lagu furay uu ku qarxay koontaroolka Sayidka ee baabuurta lagu baaro.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burburka gawaari nooca raaxada ah iyo mootooyin nooca Bajaajta ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka iyo mootooyinka ku burburay qaraxaas.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Maamlmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka dhacayey weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabushay oo uu ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

JUBALAND oo sii adkeysay shuruudii ay ku xirtay heshiis laga gaaro doorashooyinka

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sii adkeeyey shuruudda ay ku xireen doorashada Soomaaliya ee la xiriirtay gobolka Gedo, oo ay isku hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo maanta ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcaha ee BBC-da, ayaa hoosta ka xariiqay in dhankooda aysan “doorasho ka qeyb gali doonin hadii lagu wareejin waayo dhammaan deegaannada gobolka Gedo.”

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

Wuxuu intaas kusii daray: “Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Laakiin xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, oo isagana doodda qeyb ka ahaa ayaa difaacayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda federeelka. Wuxuu ka jawaabay hadalka kasoo baxay wasiirka warfaafinta Jubaland.

“Waxaa la yaab leh wasiirku marna wuxuu leeyahay madaxweyne marna wuxuu leeyahay dal buu qabsaday. Soo madaxweynihii dalka ma aha? Meel la qabsaday annagu ma naqaanno, mana aannaan arag. Wax aan micno lahayn in doorashada lagu hakiyo ma aha. Hadda wasiirku go’aan buu gaadhay oo wuxuu yidhi annagu doorasho qaban meyno, mana rabno dooarsho. Hadde waayahaye marka umadda Soomaaliyeed bay u taallaa arrintaasi, wayna na dhageysanayaan, annagu laakiin doorasho ayaan rabnaa,” ayuu yiri xildhibaan Sakariye. 

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xuddun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

BOOLISKA oo faah-faahin buuxda ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxa caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sadiiq ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxa miino oo Al-Shabaab ay ku tuureen waaxda Kacaan ee degmada Hodan, sida uu yiri.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax khasaaro uusan ka dhalan qaraxa, isagoona in ciidamada booliska Soomaaliya ay caawa baaritaano ka wadaan halka uu qaraxa ka dhacay, islamarkaana ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen Degmada Hodon, gaar ahaan Waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaakka ee HAAS, wax qasaaraha oo naf iyo maalba leh ma geysan. Ciidanka Boliiska ayaa goobta xiray,” ayuu yiri afhayeenka. 

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay meel u dhow maqaayad lagu magacaabo SAARA oo ku taalla agagaarka Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaaal ah aaa sheegay in ay arkayeen uuro cirka isku shareertay oo uu qaraxu sababay.

 

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xil muhiima loo magacaabay

Washington (Caasimada Online) –  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka awoodda u leh arrimaha Afirka iyo arrimaha xuquuqul insaanka caalamka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskeeda.

Guddi hoosaadkan ayaa waxaa uu ka tirsan yahay guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa waxa lagu sheegay in xilkan cusub loo magacaabay maalintii Khamiistii, islamarkaana ay si rasmi ah u noqotay guddoomiye ku-xigeenka guddigaas oo lagu magacaabo Guddi-hoosaadka Afrika, Caafimaadka Adduunka, Xuquuqda Aadanaha ah iyo Ururrada Caalamiga ah.

Waxa lagu xusay in Xildhibaan Ilhaan ay si gaar ah u daneynayso “inay kormeerto arrimaha gar-gaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibedda ee Afrika”, sida lagu sheegay qoraalka.

Xilkan cusub ayaa imanaya xili ay xildhibaanadu ay hore uga mid aheyd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Congress-ka, kaasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoogan oo ka dhan ah xilkaas, kadib soo jeedimo la xiriiray guddigaas.

Ilhaan ayaa kamid aheyn Xildhibaano dhowr ah oo ay si weyn isku hayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kaasi oo dhowr jeer Ilhaan darteed ugu gefay dalka Soomaaliya, waxayna u muuqata in doorkeeda siyaasadda ee Mareykanka uu sarre ukacayo, maadama uu meesha ka baxay.

DF oo daha-furtay diiwaan gelinta diyaaradaha iyo Hala Airlines oo noqotay diyaaraddii ugu horeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Rusqad-siinta Xirfadleyaasha, taasi oo muddooyinkii dambe ay wadeen Wasaarada duulista iyo Hay’adda duulista rayidka Soomaliya.

Shirkadda diyaaradaha ee Hala Airlines ayaa noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee hesha shatiga diyaaradaha Soomaaliya, taasi oo dadka raaca siineysa kalsooni ah inay raacayaan diyaarad sharciyeysan.

Milkiilaha shirkadda Hala Airlines Xaaji Ibraahim, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in diyaaraddooda ay noqotay middii ugu horreysay ee Soomaaliya ee heshay ruqsadda.

Shirkadda Hala Airlines ayaa leh dhowr diyaaradood oo ka holwgala magaalada Muqdisho iyo diyaarado tegaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Munaasibadan oo uu daah-furay Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad, isagoona ku bogaadiyay dadaalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo howl-wadeenada wasaarada.

Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimadka dalka iyo hirgelinta nidaamkan cusub.

Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa Wasiirka uu guddoonsiiyay ogolaansho shaqo iyo ruqsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayadda iyo Duuliyayaal Soomaaliyeed.

Agaasimaha Machadka Heritage oo xilka is-casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa xilkaas iska casilay kadib lix sano oo uu haye, sida lagu sheegay qoraal goordhow kasoo baxay Machadka, waxaana xilkaas si ku-meel gaar ah loogu dhiibay agaasime ku-xigeenka Mursal Maxamuud Saneyn. Hoos ka aqriso qoraalka Machadka kasoo baxay.

Ujeeddo: Is-beddel Hoggaanka Machadka Heritage

Muqdisho, 11 Febraayo 2021: Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage ayaa aqbalay iscasilaadda Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo lixdii sano ee la soo dhaafay ahaa Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Mudane Cabdirashiid waxa uu muddo-xileedkiisu ku eg yahay 28 Febraayo 2021. Sida uu dhigayo hannaanka maamulka ee Machadka Heritage, Agaasime-kuxigeenka Machadka oo ah Mursal Maxamuud Saney ayaa noqonaya sii hayaha xilka Agaasimaha Fulinta, laga bilaabo 01 Maarso 2021. 

Mudane Cabdirashiid Khaliif oo wax ka aasaasay Machadka Heritage ayaa Guddida Hoggaaminta ee Machadka Heritage ku wargeliyey go’aankiisa is-casilaadda muddadii lagu guda jiray kulan sannadeedkii Guddida Hoggaaminya ee qabsoomay bishii Janaayo 2021. Mudane Cabdirashiid, intii aanu noqon Agaasimaha Fulinta, waxa uu muddo saddex sano ah soo ahaa agaasime kuxigeenka koowaad ee machadka Heritage. Intii aanu ku soo biirin Machadka, Cabdirashiid waxa uu la soo shaqeeyay hay’adda ICG, isaga oo u qaabilsanaa falanqaynta Soomaaliya. Taa horteedna waxa uu Cabdirashiid xilal hoggaamineed oo kala duwan ka soo qabtay dawladda Soomaaliya, isaga oo soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha. In kasta oo aannu ka murugeysannahay tegitaanka Cabdirashiid, haddana Golaha Hoggaaminta waa uu ixtiraamayaa rabitaankiisa ah in uu hoggaaminta wareejiyo. 

Intii uu Cabdirashiid xilka hayey waxa uu machadku kor u qaaday tayada wax soo saarkiisa iyo saameynta uu Machadku ku leeyahay xal u raadinta arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid, waxa uu hormuud ka ahaa hir-gelinta Madasha Aragti Wadaagga Sannadlaha ah taas oo ah madal ay aragtida ku wadaagaan dadka siyaasadda dejiya ee Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasha fikirka. 

Dhinaca cilmi-baarista, Cabdirashiid intii uu Machadka hoggaaminayey waxa uu laba-jibbaarey soo saaradda daraasadaha, isaag oo Machadka Heritage uu soo saaray in ka badan 40 cilmi-baaris, kuwaas oo qaar ka mid ah ay diiradda saarayeen arrimaha ugu murugsan siyaasadda Soomaaliya. Mashaariicda ugu caansan ee Machadka uu ka hawl-galay waxa ka mid ahaa mashruucii Horumarinta Karaanka Bulshada, oo ahaa seeska isbeddelka karaanka bulshada ee Soomaaliya, isaga oo ugu dambeyntiina lagu daray Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya.

Mudane Cabdirashiid, dhidibada ayuu u aasay Machadka Heritage. Muddadii uu hoggaaminayey, Machadku waxa uu ku guulaystay in uu helo maal-gelin sanado soconaya, kuwaas oo uu ka helay deeq-bixiyeyaal kala duwan, oo taageerayaal u ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee machadka, oo ay ku jiraan cilmibaarista siyaasadda, doodaha iyo barnaamijyada Madasha Aragti-wadaagga. Shantii sano ee la soo dhaafay Jaamacadda Pennsylvania oo qiimaysa xarumaha cilmi-baarista adduunka waxa ay Machadka Heritage u aqoonsatay in uu yahay mid ka mid ah xarumaha ugu sarreeya cilmi-baarista ee Afrika.

Doorka Guddiga Hoggaaminta ee Machadka Heritage waa in ay kormeer iyo hagitaan istiraatiiji ah ku biiriyaan hoggaaminta iyo maaraynta Machadka. Inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, guddidu waxa ay ku taageeri doonaan Agaasimaha ku meelgaarka ah in uu si habsami leh u guto waajibaadkiisa. Guddida Hoggaamintu, fursaddan waxa ay uga faa’iidaysanayaan in ay mudane Cabdirashiid Khalif si kal iyo laab ah uga mahad-celiyaan hiigsigiisa sare iyo hoggaamintiisii, waxa aanay u rajaynayaan mustaqbal ifaya iyo nasiib wanaagsan.

Coronavirus uu kusoo laba kacleeyey Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo la xiriir cudurka safmarka ah ee Coronavirus, kaasi oo muddooyinkii dambe hoos u dhacayay.

Kiisaska cusub ee wasaaradda ay diiwaan-gelisay ayaa waxay gaarayeen 28-qof, kuwaasi oo ku kala sugnaa magaalada Muqdisho iyo maamulka Hirshabeelle, iyada oo tirada u badan laga diiwaan-geliyaya caasimada dalka.

Cudurka Koronaha ayaa u muuqda mid markale si tartiib tartiib ah ugu soo labo kacleynayay Soomaaliya, midaasi oo laga dheehan karayo kiisaska marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya.

Wasaaradda ayaa bulshada kula talisay inay ka fogaadaan dhaq-dhaqaaqyada aan daruuriga aheyn, isla markaana ay muujiyaan taxadar dheeri ah, maadama uu weli dalka kusii fidayo cudurka.

Hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda;

Laga Helay: 28
Banaadir: 27
HirShabelle: 1
Lab: 22
Dhedig: 6
Dhimasho: 2
Tirada Guud ee Laga Helay: 5,013
Bogsashada Guud: 3,733
Dhimashada Guud: 144

Ururada bulshada rayidka oo ka horyimid qorshaha DF ee shirka 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururada bulshada rayidka ah ayaa ka hor yimid qorshaha ay waddo dowladda Soomaaliya ee ah in shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka lagu qabto magaalada Garowe, waxeyna ku baaqeen in la isugu yimaado magaalada Muqdisho.

Ururada Bulshada rayidka ah waxey soo jeediyeen in shirka lagu qabto Muqdisho, loona ogolaado iney xubno ku yeeshaan, sidoo kalana saamileyda siyaasadda qeyb ka noqdaan si shirka u noqdo mid dhameystiran.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen iney tahay in la ilaaliyo xasiloonida nabadda dalka, sidoo kalana qof walba oo qaadan weysa masuuliyadeeda lagula xisaabtamo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in shir la isugu yimaado shir 15-ka bishaan, madashuna ay noqoneyso caasimadda Puntland, balse maamul goboleedka uu hogaaminayo Saciid Cabdullaahi Deni wey ka biyo diideen.

Puntland wey soo dhaweeyeen shirka la isugu imaanayo, balse waxey ku baaqeen in shirka lagu qabto Muqdisho, sidoo kalana Jubbaland ayaa qorshahaas taageertay, waxeyna isku raaceen in shirka kasoo qeyb galaan xubnaha beesha caalamka si markhaati loogu noqdo cidda hortaagan in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Kenya ma waxay dacwada badda dib ugu dhigeysaa su’aal ay ka qabto sharci ahaanshaha DF Somalia?

0

Nairobi (Caasimdda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale jawaab ka bixisay hadalkii wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe kaas oo warbaahinta Muqdisho u sheegay hadal uu ku durayo dowladda Kenya.

Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay in Kenya ay ku doodeyso ineysan dowlad sharci ah ka jirin Soomaaliya, sidaas darteedna ay markii saddexaad dib ugu dhigeen kiiska dacwadda badda ee labada dowladood ka dhaxeeya.

“Waxay doonayaan inay buriyaan kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay arinkaas lug ku leeyahiin, isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri:

“[Kenya] oo ka faa’iideysanaysa hadallo aan ka fiirsi lahayn oo siyaasiyiinta qaar ay ugu loogayaan ama ugu gawracayaan qarannimada Soomaaliyeed, ayaa go’aankaas qaadatay”

Iyadoo ay taasi jirto ayey Dowladda Kenya gaashaanka ku dhufatay arrimaha uu ka hadlay wasiir Dubbe oo tilmaamaya iney arrimo la xiriira sharci ahaanshada dowladda Soomaaliya dib ugu dhigeen kiiska badda.

Ilo wareedyo ku dhaw wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa beeniyay, waxeyna sheegeen ineysan wax dood ah ka qabin sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Kenya waxey sheegeen in arrimo la xiriira COVID19 dartiis ay isugu diyaarin waayeen kiiska badda, isla markaana ay sidoo kale ka cabsanayaan iney dhacdo qatar dhanka amniga ah, waxeyna garsooraha maxkamadda ku wargaliyeen in dib loogu dhigo kiiska.

Dhinaca kale wasiir Cismaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay hadii kiiska oo loo ballansan yahay 15-ka Maarso dib loo dhigo ay sumcad xumo ku noqoneyso maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ.

James Swan oo warbixin la xariirta Soomaaliya siiyey ku-xigeenka Abiy Axmed

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war kasoo saartay wadahadal maanta qadka talefanka ku dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Demeke Mekonnen iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Labada dhican ayaa si qota dheer uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, iyagoo is dhaafsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

James Swan ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay Mr. Demeke geedi socodka doorashada Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha jira, xaalada siyaasadeed ee hada taagan, khataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo ah kooxda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka.

Sidoo kale labada dhinac oo kala metelaya Itoobiya iyo Qaramada Midoobey, waxay bogaadiyeen dadaallada ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si xal looga gaaro khilaafka doorashada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ah saaxiibka ugu dhow ee madaxweyne Farmaajo oo haatan wajahaya fashil doorasho kii ugu xumaa, waxaana dhamaaday mudo xileedkii xukuumadiisa, iyadoo aan la heyn wax qorshe doorasho ah.

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, waxuuna hadda xaalku marayaa in Puntland iyo dowladda dhexe ay isku tuur-tuuraan, halka la dhigayo gogosha shirka uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland, Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo golaha midowga musharaxiinta ayaa ku mideysan soo jeedinta ah in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, isla markaana la balaariyo oo ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamka, balse dowladda federaalka ayaa weli diidan taas, kuna adkeysatay in 15-ka Febraayo la isugu tago Garowe.

Yaa xaq u leh go’aaminta halka uu ka dhacayo shirka 15-ka Febraayo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir uu ku baaqay madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay 15-ka Febraayo isugu yimaadaan isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa wajahaya caqabad xitaa kahor inta aanu billaabmin.

Shirkaas oo Farmaajo uu iclaamiyey inuu ka dhacayo Garoowe, ayaa waxaa kasoo horjeestay Puntland, Jubalanad, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubnaha mucaaradka ah, oo dhammaantood doonaya in shirka uu ka dhaco Muqdisho.

Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa ku gacan seertay baaqyadooda, waxaana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe uu ku adkeystay in shirka uu ka dhacayo Garoowe. Ma cadda haddii Farmaajo uu Garoowe ku qaban karo shir uusan raali ka aheyn Saciid Dani, balse taas ka hor su’aal taagan ayaa ah, yaa xaq u leh asteynta madasha shirka lagu qabanayo?

Dr. Cabdiwahab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arimaha Bariga Afrika ayaa qaba in Farmaajo uu xaq u leeyahay inuu shirka ku qabto meesha uu doono.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda meel kasta ayuu shirka u qaban karaa, mana diidi karo Deni. Madaxweynaha Garowe shir kuma qaban karo Deni ayay ceeb ku tahay,” ayuu yiri Dr. Cabdiwahab.

Arrinta ah in saamileyda siyaasadda ay ka qeybgasho kulankaas ayaa khabiirkan waxa uu sheegay in mucaaradka aanay qeyb ka ahayn heshiiskii 17-kii September la gaaray ee gundhigga u ah shirka la shaaciyay.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo kamid ah ragga doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinnimada Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in shirka uu “Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan uu ku doonayo inuu isaga horkeeno Galmudug iyo Puntland, isla markaana uu ku tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida ayaa rumaysan in arrinta madasha shirka laga heshiin karo, balse ay muhiim tahay inuu qabsoomo oo heshiis lagu gaaro.

“Shirka 15-ka Febraayo lagu dhawaaqay waxey soo celineysaa rajada shacabka. Meesha lagu qabanayo iyo ka qaybgalayaasha waa arimo farsamo [oo] laga heshiin karo. Waxaa muhiim ah in Soomaalidu shirto, kuna heshiiyaan qaab iyo waqti doorasho. Haddii kale, waa loo meerinayaa,” ayuu yiri Dr Baadiyow.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii bishan February. Mucaaradku waxay sheegeen in aysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynuhu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la ogyahay oo ay doorashadu dhici doonto.

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo xalay la hadlay BBC-da waxuu mar kale ku celiyey in shirka uu iclaamiyey maadxweyne Farmaajo uu ka dhacayo Garowe, balse shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ayuu maamulku mar kale ku go’aamiyey in shirkaas lagu qaabto magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Puntland ayaa ku doodeysa in shirkaas laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka, waxaana go’aankaas ku raacsan Jubbaland, guddoomiyaha Aqalka Sare iyo midowga musharaxiinta, sida ay ku shaaciyey qoraallo ay soo saareen.

Maamul goboleedyada taabacsan dowlada federaalka ee K/Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa weli ka amaamusan isku tuur-tuurka shirkan uu iclaamiyey madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Tuulada Delft ee wadanka South Afrika

0

Cape Town (Caasimadda Online) – Tuulada Delft ee ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka South Afrika waxaa xalay lagu dilay allaha u naxariistee C/llaahi Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee halkaas ka shaqeysta.

Wariye ku sugan Cape Town ayaa noo warramay, wuxuun sheegay in muwaadinka la toogtay isla markaana kooxo aan heybtooda la garaneyn oo madow ah ay ku dhufteen 9 xabadood.

Dableyda dilka geystay goobta ayey ka baxsadeen, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno arrinkaan la xiriira, waxaana soo badanaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika.

Waxaa la sheegay in Marxuumka maanta lagu aasi doono qabuuraha Muslimiinta ee ku yaalla magaalada Cape Town.

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato.

Saddex bil gudahood ayaa shaqsiyaadkan Muqdisho lagula eegtay qaraxyo hal nuuc ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyo miino oo wadada dhinaceeda la dhigo, taasoo lagu beegsanayo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda iyo shakhsiyaad gaar ah.

Tirada dhimashada ma badna marka laga hadlo 10-ka masuul ee 3-dii bilood ee lasoo dhaafay lala beegsaday qaraxyadaan cusub ee isku nuuca ah, balse qatar badan ayey galeen.

Intii u dhaxeysay bilaha November ilaa January, waxaa qaraxyo lala beegsaday 10 masuul oo qaarkood ka tirsan yahiin dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhex jira hal qarax oo dhacay qiimeynta la sameeyay bil ka hor.

20 Oktoobar 2020: Maxamed Aadan Koofi

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa qarax lagula beegsaday meel u dhaw isgoyska KM4, wuu ka badbaaday, wuxuuna kasoo baxay Hotel-ka ay Shabaab weerareen ee Afrik dhamaadka bishii lasoo dhaafay.

5 November 2020 Durraan Axmed Faarax

Isgoyska KM4 waxaa mar kale ka dhacay qarax lala beegsaday wasiirka shaqada iyo shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Durraan Axmed Faarax, qaar ka mid ah ilaaladiisa ayey khasaaro soo gaartay, balse wuu ka badbaaday.

7 November 2020 Dr. Cismaan Maxamuud Dufle

Inkastoo aysan dhibaato soo gaarin, hadana Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamaanka.

12 Novembar 2020 Cabdixakiim Dhagajuun

Waxaa Wadadda 21 Oktoobar lagu qarxiyey Guddoomiyihii Degmada Hododon C/xakiin oo ku dhaawacmay qaraxa, kadibna xaalad caafimaad u aaday Turkiga isgaooo markii uu Muqdsho kusoo laabtay ay toogasho ku dlee cidamada dowladda.

28 November 2020 Axmed Washington

Agaasimaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington ayaa qarax miino lala eegtay, xilli uu gaarigiisa mareyay agagaarka Isgoyska Mariinada, wuu ka badbaaday, waxaana qasaare soo gaaray ilaaladiisa.

5 Janaayo 2020 Saadaq Doodishe

Waxa Qarax miino lala beegaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiq Dodishe oo xilligaasi aan la socon Gaariga qaraxa haleelay.

Magaalada Muqdisho waxey ku jirtaa marxalad cakiran iyadoo dalka oo dhami uu ku jiro marxalad kala guur ah, waxaana wali heshiis laga gaarin arrimaha la isku mari la’yahay ee la xiriira doorashooyinka.

7 Janaayo 2021 Taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan

Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaalyeed Mahad Cabdiraxmaan ayaa qarax lagula eegtay Muqdisho, Qaraxa oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM 4, waxaa ku dhintay ilaalada Taliyaha, isna wuu ka badbaaday.

19 Janaayo 2021 Deegaanka Garasbaaley

Waxaa degaanka Garasbaaley ee Muqdisho Qarax Miino lagu qaaday Gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan degaankaasi, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarrada degaakaasi C/rashiid Dubbad.

20 Janaayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Cariif

Gudoomiyaha dagmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif ayaa ka badbaaday qarax miino oo loo dhigay gaarigiisa, wuuna ka badbaaday

23 Janaayo 2021 Muxiyadiin Xasan Afrax

Nabadoon iyo xildhibaan hore Muxyadiin Xasan Aafrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddaan ayaa Gaari ay wateen Miino lagu qarxiyey Jidka Beexaani dhinaca degmada Kaaraan, ilaaladooda ayaa ku geeriyooday, iyadoo uu ku dhaawacmay Xuseen Carraalle, waxayna ahayd markii labaad Qarax Miino lala beegsado Muxyadiin Xasan Afrax.

Muxuu R/W Rooble maanta deg deg uga tegay shirkii golaha wasiirada dowlada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa seegay shirkii Golaha Wasiirada ee maanta, kadib markii si deg-deg ah looga yeeray Madaxtooyada, xili uu furi rabay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa si deg-deg ah uga baxay Xafiiskiisa, oo ay xiligaas soo buuxiyeen Kooramaka inta badan Wasiirada xukuumaddiisa, waxaana shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya shir-gudoomiyay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed.

Ma cadda sababta  Rooble loogu yeeray Villa Somalia, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay la xiriirto arrimaha doorashada, maadaama wicitaankiisa uu yimid waxyar un kadib markii golaha wasiirada Puntland ay soo saareen qoraal ay ku adkeysanayaan in shirka Farmaajo ku baaqay lagu qabtay Muqdisho, ee aanu ka dhicin Garoowe.

Dhanak kale, shirkii golaha wasiirada ee maanta ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taas oo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka, kuwaasi oo xaqiijiyey in la dar-dargelinayo howl-gallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan warbixin looga dhageystay wasaaradda Caafimaadka, oo iyadu soo bandhigtay xaaladihii u dambeeyey ee Caabuqa Covid-19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada.

Ugu dambeyntiina waxa uu golaha xil-gaarsiinta boggaadiyay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyi-gelinta bulshada.

Wiil 9 jir ah oo laga bad-baadiyey koox afduubatay oo ku rabtay $7,000 + Video

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo badbaadiyey wiil uu afduubtay nin burcad ah, kaas oo lacag madax-furasho ah weydiistay qoyska wiilka.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 9-sano jir ayaa lagu magacaabaa Saalax Cabdulqaadir Maxamuud, waxaana markii la afduubanayey laga soo daayey Schoolka.

Ninka afduubtay wiilkan oo magaciisa lagu soo koobay Seyad-Cali ayaa watay mooto Bajaaj, waxuuna wiilkan yar ka dalbaday inuu soo tuso dukaanka Aabihiis, isagoo markii uu raacay la aaday jiho kale.

Ninkan ayaa sawirro iyo muuqaallo uu ka duubay wiilka yar uu u xirxiran waxa uu la wadaagay qoyskiisa, isagoo ugu goodiyey inuu dili doono hadii aan lasiin kharashka uu dalbaday.

Guri ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayuu ninkaasi geeyey wiilkan yar, waxuuna Aabihiis weydiistay $7,000 oo madax furasho ah, iyadoo mar ay gor gortan wada galena uu ka reebay $2,000, sida uu sheegayo Aabe Cabdulqaadir Maxamuud.

Ciidamada booliska magaalada Beldweyne ayaa soo xiray ninka afduubtay wiilka, waxuuna taliyaha saldhigga galbeed ee Beledweyne warbaahinta u sheegay in cadaaladda la hor geyn doono ninkan.

Hoos ka Daawo

Puntland oo go’aan ka soo saartay shirka 15-ka Febraayo iyo doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta shir yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa waxa looga hadlay Muranka doorashooyinka dalka iyo xaalada guud ee amaanka Puntland.

Shirkan oo si gaar ah diirada loogu saaray is-mari-waaga doorashada iyo shirarkii u dambeeyay ee madaxweyne Deni la qaatay madaxda dalka ayaa waxa lagu sheegay in dowladda goboleedka Puntland ay dadaal badan gelisay xal u helida caqabadaha ku gadaaman doorashada.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib ayaa sheegay in Puntland ay marwalba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato xal u helida hanaanka doorashada, isagoona xusay in maamulkooda uu daneynayo in si dhakhso ah shir isugu yimaadaan saamileyda Siyaasada.

Waxa uu sheegay in Shirka Golaha Wasiirada uu sii adkeynayo soo jeedintii maamulka, taasi oo aheyd in shirka uu iclaamiyay madaxweyne waqtigu ka dhamaaday in lagu qabto magaalada Muqdisho, si ay uga soo qeyb-galaan dhamaan saamileyda siyaasada dalka iyo beesha caalamka.

Dabaraani ayaa carabka ku adkeeyay in sababta ay Puntland ugu adkeysanayso in shirka uu ka qabsoomo Muqdisho, ay tahay in dhamaan daneyayaasha arrimaha doorashooyinka ay ku sugan yihiin caasimada, islamarkaana ay suurtagal tahay in dhaqso xal looga gaaro muranka taagan.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu shalay maamulka Puntland ka horyimid in shirweynaha looga arrinsanayo doorashada lagu qabto Garoowe, midaasi oo uu ku adkeysanayo madaxweynaa uu waqtiga ka dhamaaday iyo xukuumadiisu.

Si kastaba, waxa weli taagan muranka ka taagan doorashada, xili uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweynaha, waxaana socda dadaalo ay beesha caalamka ku rabto in saamileyda siyaasada ay shir iskugu timaado, si xal looga gaaro arrimaha taagan.

Jubaland oo war cusub ka soo saartay is-mari waaga ka taagan doorashada dalka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka golaha wasiirada maamulkaasi ay yeesheen oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo weli la isku-mari la’ yahay.

Jubaland ayaa qeyb ka ah caqabadaha ugu weyn ee doorasho ay u dhici la’dahay ayada oo madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe iyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Farmaajo ay isku hayaan gobolka Gedo.

Si kastaba, kulankii golaha wasiirada ee maanta ay Jubaland ku sheegtay inay maamulka uu sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha doorashada iyo khilaafka ka taagan.

Ma cadda xilliga doorashada heshiis laga gaari doono, waxayna aheyd shalay un markii Jubaland ay diiday shir uu soo jeediyey Farmaajo uu ka dhaco Garoowe, kuna baaqday in lagu qabto Muqdisho.

Qoraal ay shalay soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo. Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.”

Dhinaca kale, wasiirada Jubaland ayaa maanta sidoo meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland
2. Xeerka shatiyada Jubalan
3. Xeerka Shirkadaha Jubaland

DF oo jawaab ka bixisay qorshaha ay Kenya dib ugu dhigeyso dacwadda badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka, kadib markii ay Kenya dalbatay in markii afaraad loogu dhigo.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda federaalka aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda biyaha ee kala dhexeysa Kenya. “Soomaaliya ma aqbaleyso dib u dhigis dambe oo afaraad iyo shanaad ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii markale dib loo dhigo kiiskan inuu dhabarjab weyn ku noqonayo cadaaladda adduunka, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka February, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.

Hadalkan kulul ee kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay Kenya ka dalbadatay maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda oo la muddeeyey 15-ka bisha soo socota ee March, waxaana haatan xukuumadda Nairobi ay ku doodeysaa in dhul dhinaca bariga ah uu kaga maqan-yahay gudaha Somalia.