25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Muqdisho: Xarun degmo oo la xiray kadib xogta weerar Al-Shabaab qorsheyneyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kuwa amniga ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in la xiray guud ahaan xarunta degmada Kaxda, ee magaalada Muqdisho, muddo hadda laga joogo ku dhowaad 15 maalmood. 

Sababta loo xiray xarunta islamarkaana loo fasaxay shaqaalihii ku sugnaa ayaa lagu sheegay in cabsi laga qabo weerar ay Al-Shabaab halkaas ku soo qaadaan. 

Saraakiisha amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ilo sirdoon ay sheegeen in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weeraraan xarunta degmada oo aan laheyn difaacyo adag iyo ciidan ku filan, balse ka mid ah degmooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho. 

“Muddo ku dhow maalmood laguma shaqeynin waxaana jiro warar sheegaya in Al-Shabaab weerar ku soo yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta degmada oo la hadlay Caasimada Online. 

Qaar ka mid ah shacabka degmada ayaa sheegay in si weyn looga dareemay degmada arrimahaan soo cusboonaaday mana jirto wax faah-faahin ah oo ay bixiyeen hay’adaha ammaanka iyo maamulka degmada. 

Kaxda waa degmadii ugu dambeysay ee Muqdisho inkastoo ay soo koreyso haddane waxaa ka jira gaabis dhanka ammaanka ah, waxaana dayacaada ugu weyn wajahaya Saldhiga Booliska iyo xarunta degmada. 

Dowladda oo ku adkeysatay in shirka 15-ka Febraayo uu ka dhacayo GAROOWE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda mudo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa mar kale ku celiyey inay muhiim tahay in la isugu yimaado shirka 15-ka bishan uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo.

Wasiir Dubbe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan horay uga fileyn hadaladii ka soo yeeray Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in la bedelo goobta uu Madaxweyne Farmaajo u iclaamiyey in lagu qabto shirkaas.

“Waxaa soo baxaya hadallo aanaa fileyn oo ah in la bedelo goobtii uu maadxweynuhu ku baaqay in lagu qabto shirka, oo ah caasimada Puntland ee Garowe oo ah magaalo nabad ah, waxaan rabnaa in dalka doorasho ka dhacdo, iyadoo la hir-gelinayo heshiiskii 17-kii September,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay tixgelinayaan baaqii kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo ahaa in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si xal looga gaaro khilaafka hareeyey doorashada.

“Waxaan tixgelineynaa baaqii nooga yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ah hey’adda ugu sareysa dunida ee dhinacyada amniga iyo sharciga, oo nagula taliyey in la isugu yimaado shirar dambe si doorashada looga heshiiyo” ayuu yiri Dubbe.

Waxuu intaas ku sii daray, “Maanta uma baahnin cagajiid dambe, waxaan fileynaa in sidii doorashada looga cagajiidayey lixdii bilood ee lasoo dhaafay weli looga cagajiidayo,  laakiin madaxda dowladda  federaalka waxaa ka go’an in shir la isugu yimaado, oo Garowe la isugu tago 15 bishan, si dalku doorasho u aado.”

Maamulka Puntland oo ka soo jawaabay shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maaxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaciyey inaan laga tala gelin marti-gelinta shirkaas, iyadoo Puntland ku talisay in shirka la balariyo oo lagu qabto Muqdisho, waxaana taladaas ku raacay Jubbaland, Golaha Midowga Mushaxariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Hoos ka Daawo hadalka wasiir Dubbe

Ciidamada Amisom oo isku hareereeyey xarunta deg. Buulo-Burte + Sababta

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo maamulka Buulo-Burte ay ka taagan tahay gudaha degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada AMISOM ay isku hareereeyeen xarunta degmada, iyada oo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan taliska ciidamada Jabuuti lagu arkay waddooyinka soo gala xarunta demada Buulo-Burte.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo taabacsan guddoomiyaha degmadaasi Feysal Haajir Aadan ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gudaha degmada.

Xiisadan ayaa timid ka gadaal markii guddoomiye Feysal Haajir uu ku eedeeyey saraakiisha ciidamada Jabuuti inay faro-gelin maaliyadeed ku hayaan maamulkiisa.

Dadka deegaanka ayaa haatan cabsi ka muujinayo in dagaal culus uu ka qarxo degmada, maadaama dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda laga dareemayo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan xiisadda ka aloolsan Buulo-Burte.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa sii xumaanayey wada-shaqeynta maamulka Buulo-Burte kala dhexeysa ciidamada Jabuuti ee ka howl-gala magaaladaasi.

Duqeymo culus oo xalay lala beegsaday Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay ilo-wareedyo amnio o lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay afar duqeymood laga fuliyay degmada Saakoow iyo deegaanka Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahan lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo sidoo kalena la burburiyay xarun lagu sameeyo qaraxyada, sida ay ku warrameen ilaha amni.

Duqeymahan oo xalay xilli dambe la fuliyay ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab iyo Taliska Africom ee cidiamada Mareykanka u qaabilsan Africa. 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawr jug oo culus.

Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa rumeysan in duqeymahan ay yihiin kuwii ugu cuslaa ee Al-Shabaab ee lala beegsado tan iyo markii ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaaray 700 badankood lagu saaray amar kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden la wareegay talada dalkaas iyo kadib tallaabadii lagu saaray ciidamadii Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya lama fulin hawlgal kan ka ballaaran, waxayna muujinaysaa in maamulka cusub ee Maraykanku uusan waxba ka beddelin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu gacan-siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab looga dilay duqeymahan balse ilo-wareedyada amniga ayaa rumeysan inay aad u badan yihiin. 

Ciidanka Xooga dalka oo la wareegay deegaano hor leh

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay iska hor imaadyo kooban kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab, intii ay socdeen howl-gallada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hadashay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay nolosha kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay la wareegeen deegaano horleh.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda waxay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

Wasaaradda waxbarashada oo shaqaale laga eryey iyo kuwa cusub oo la keensaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta cusub ee wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay shaqada ka eryeen ilaa 4 qof, oo ka tirsan shaqaalaha wasaaradda ee ku meel gaarka ah. 

Shaqaalaha la ceyriyay oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ayaa la sheegay in qaarkood ay xigto ahaayeen wasiirkii hore ee waxbarashada Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaana hadda badalay wasiirka cusub ee wasaaradda dhowaan loo magacaabay. 

Shaqsiyaadka shaqada laga eryay ayaa lagu kala magacaabaa. 

1- Maxamed Cilmi Xaanshi
2- Saadaq Mustaf Digyare
3- Axmed Salaad Guuleed
4- Xamdi Maxamed Dhicisow. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in dadkaan shaqada laga joojiyay sidoo kalane laga jartay gunno ay qaadan jireen waxaana boosaskooda la keensaday afar qof oo kale. 

Gudaha Hay’adaha dowladda Soomaaliya waxaa ka jiro musuq maasuq waxaana dhibaato badan wajahaya dhallinyarada u shaqeeyo ha’adaha dowladda.

Xog: Khilaaf soo kala dhex-galay Farmaajo iyo Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha uu xilligiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Kaariye Qoorqoor.

Xogtan oo aan ka helnay ilo-wareedyo ku dhow Qoor Qoor ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka carrooday go’aanada ay soo jeediyeen guddiga madaxweyne goboleedyada ee intii uu socday shirka Dhuusamareeb 4 loo xil saaray arrinta Gedo, guddigaas oo uu Qoor Qoor qeyb ka ahaa.

Guddigaas ayaa soo jeediyey arrimo ay ka mid ahaayeen in doorashada Garbahaarey ay maamulaan guddiga doorashada Jubaland, balse ciidan Amisom ah ay amniga sugaan, taasi oo madaxweyne Farmaajo uu aad uga horyimid.

Guddigan, oo ka kooban madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, ayaa sidoo kale 4-tii bishan February ku taliyay in gobol walba arrimihiisa si gaar ah u xallisto, taas oo uu ka biyo diiday madaxweyne Farmaajo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ogaatay, kulan ay guddigaas madxweynaha kula yeesheen Dhuusamareeb habeenkii ugu dambeeyay ayuu madaxweyne Farmajo si carro leh ula hadlay Qoor Qoor, kana codsaday inuu ka haro arrinta Gedo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu sidoo kale Qoor Qoor ku eedeeyey inuu kala jirsaday Axmed Madoobe, taasi oo Qoor Qoor uu beeniyey, isaga oo sheegay inuu xal raadis kaliya ahaa.

Khilaafka ayaa sii laba kacleeyay kadib markii uu Qoor Qoor ka war helay in madaxweyne Farmaajo uu raadinayo muddo kororsi iyo in awoodda talada doorashada lagu wareejinayo baarlamanka, taasi oo meesha ka saareysa saameynta dowlad goboleedyada.

Caasimada Online ayaa xubno ku dhow Qoor Qoor ka xaqiijisay inay guul darro kusoo dhamaadeen dadaallo lagu dhexd-hexaadinayay Qoor Qoor iyo Farmaajo. Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaan meesha ka saarin suurta-galnimada ah in Qoor Qoor uu warbaahinta la hadlo maalmaha soo socda isaga oo faahfaahin doona waxyaabihii ka dhex dhacay shirarkii ay albaabda u xirnaayeen ee Dhuusamareeb 4.

Qoor Qoor ayaa horey u qabay tabashooyin kale oo uu ka tirsanayey xukuumadda federaalka oo ay qeyb ka ahayd; in loo diiday in ciidamda Gorgor ee Dhuusamareeb ku sugan sameeyaay howlgallo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab, taas oo culeyska badan ka qaadi karta. Al-Shabaab ayaa kusii xoogeysaneysay Galmudug, tan iyo markii uu xukunka qabtay Qoor Qoor, waxayna dhowr jeer weerareen Dhuusamareeb.

Caasimada Online ayaa xogtan heshay ka hor inta aan Farmaajo shaacin inuu shir ku qabanayo Garoowe, taasi oo dad badan ay dareemeen inay dhabar jab ku tahay Qoor Qoor. Si kastaba, ma cadda haddii go’aanka Farmaajo uu rabo inuu shirka ku geeyo Garoowe iyo khilaafka hore ay xiriiraan.

Midowga Murashaxiinta oo ku baaqay shir deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa walaac xoog leh looga muujiyey jahawareerka iyo hubanti la’aanta xaaladda kala guurka ah ee siyaasadda dalka.

Golaha ayaa qoraalkan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay in muddo xileedkii hay’adaha Dastuuriga ah uu idlaaday, iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo xilligan kala guurka ah.

“Goluhu waxuu ku baaqayaa in ay shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka, si looga wada ladlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September. Golaha wuxuu taageerayaa soo jeedinta Dawlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qayb-galayaasha, beesha caalamkana ay goobjoog ka ahaato,” ayaa lagu yiri qoraalka midowga musharaxiinta.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan caawa ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta waxaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hadda kadib yahay musharax iyaga lamid ah, shirka la qaban doonana uu ka soo qeyb galo, isagoo shakhsi ah, waa hadii uu yahay musharax.

“Goluhu wuxuu caddaynayaa in mudane Maxamad C/Ilaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday, shirkana uu kaga soo qaybgeli karo oo keli ah murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku baaqay in la dhowro sharciga iyo kala dambeynta oo aan madax mudo xileedkii ka dhamaaday aan shacabka lagu sii dul heyn.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed deganaan iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta. Goluhu wuxuu ka digayaa in shacabka lagu dul hayo mas’uuliyiin muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Golaha Midowga Murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka mucaaradka oo soo saaray go’aan 3 qodob ka kooban

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta galankii dambe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa xubnaha Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ee Midowga Musharixiinta uga hadleen shirkii uu ku dhawaaqay madaxweynaha uu waqtigu ka dhamaaday iyo weliba caqabadaha ku gadaaman qabsoomida doorashada.

Guddiga ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay mowqifkii ay madaxad Puntland iyo Jubbaland ka qaateen shirka uu iclaamiyey Farmaajo inuu ka dhici doono Garoowe, kaasi oo ay dalbadeen in shirka wada-tashiga doorashada uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay taageero u muujiyeen qoraal uu maanta soo saaray Gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi, kaasi oo uu ku dalbanayay in shirka 15-ka bisha uu iclaamiyey Farmaajo uu ka dhaco Muqdisho, iyada oo ay qeyb ka noqonayaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, ayna goobjoog ka ahaato beesha caalamka.

Guddigan ayaa soo saaray go’aano ay ku sheegen inay yihiin qoddobo ay tahay in lagu xaliyo shirka, islamarkaana ay dhinacyada isku hayaan, kuwaasi oo kala ah;

1- Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka oo ay kasoo horjesteen Midowga Musharixiinta.
2- Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland.
3- Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

Kenya oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale bayaan kasoo saartay xiisada kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho ay jarto xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay, kadib markii ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida Jamhuuriyada.

Kenya ayaa kalfadhigii 978 ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) ay isugu yimaadeen si ay uga fiirsadaan xaaladda ka jira Soomaaliya iyo howlaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ka sheegtay inaysan fara-gelin ku heynin arrimaha Soomaaliya.

Waxay bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in fara-gelinta ay dowladda federaalka ku eedeysay ay tahay “been iyo marin habaabin”, islamarkaana aysan jirin tallaabo xad-gudub ku ah Soomaaliya oo ay qaaday Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale waxay bayaankan uga codsatay Golaha iuu ilaaliyo isku dayga lagu doonayo ‘in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan’.

Dowladda Kenya waxey sheegtay iney si wanaagsan ula falgashay Soomaaliya oo ay daris yahiin isla markaana ay ka mid yahiin ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika iyagoo la hawlgalaya dalalka Burundi, Uganda, Djibouti iyo Ethiopia.

“Kenya waxay sidoo kale ka codsatay Golaha ammaanka in ay ka ilaaliso isku dayga lagu doonayo in lagu carqaladeeyo khilaafaadka ka dhex jira daneeyayaasha kala duwan ee saaxiibada Soomaaliya iyo Gobolka, bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya waa mid cad” ayey war qoraal ah ku sheegeen wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhex aloosan khilaaf diblumaasiyadeed oo sababay in meesha ka baxo xiriirkii labada dal, kaasi oo lumiyay iskaashiga labada dhinac ee amniga, ganacsiga iyo waxbarashada.

Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeysay inay fara-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, midaasi oo ay iska fogeysay Kenya, waxaana khilaafka labada dhinac laga galay dadaalo lagu xalinayo, inkasta oo aysan wax badan ka bedelin xiisada taagan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyey 3 qodob oo la xiriira shirka 15-ka Febraayo

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo la xiriirta shirka uu 15-ka Febraayo ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo balse waxa uu dalbaday laba arrin. 

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay shir la isugu imaanayo, loogana hadlayo arrimaha la isku mari la’yahay ee ka taagan hannaanka doorashada, kaasi oo uu sheegay inuu 15-ka February ka dhacayo magaalada Garowe.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Sida aad la socotaan waxaa dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka ah iyo kan madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka, iyadoon hehsiis buuxa laga gaarin qabashada doorashooyinka Heer federal, saamileyda siyaasadduna aysan ka wada qeyb-gelin shirarkii ay isugu yimaadeen madaxda labada heer dowladeed ee dalka, arrimahaas oo dalka geliyay xaalada cabsi ah, jaha-wareer iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” 

Cabdi Caashi ayaa soo jeediyey saddex arrin oo kala ah:

1- In Shirka 1-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Muqdisho.
2 – Inay ay kasoo wada qayb galaan, saamilayda siyaasadda Soomaaliya, iyo Bulshada Rayidka ah.
3 – Iyo inay goobjoog ka ahaadaan beesha caalamka.

“Waxaan soo dhowaynayaa soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Mugdisho ayna kasoo qayb galaan, saamilayda siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka ah, goobjoogna ay ka ahaadaan beesha caalamka; si looga arrinsado badbaadada Dalka, heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdi Xaashi

Jubaland oo mowqif kasoo saartay shirka uu Farmaajo ku baaqay 15-ka Febraayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta war kasoo saaray shirkii uu xalay iclaamiyay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo, kaasi oo uu isugu yeeray dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa waxa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay soo dhaweynayso shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, balse maamulka Jubaland ku talinayo in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana la balaariyo, iyada oo laga qeyb gelinayo saamileyda siyaasada.

“Dowladd goboleedka Jubaland waxay soo dhaweyneysaa shirka wadatashiga ee la soo qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka Febraayo . Si kastaba, Dowlada Jubaland ayaa ku talineysa in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galaan dhamaan daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maamulka Jubaland iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ay ku kala kaceen shirkii Dhuusamareeb 4, kaasi oo ay isku fahmi waayeen xiisada gobolka Gedo.

Mowqifka Jubaland ayaa la mid ah midkii ay xalay shirka ka qaadaty Puntland.

Puntland ayaa qoraalka ay xalay soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Rooble oo hortegay golaha shacabka, kadibna meesha ka saaray arrin laga faafiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortegay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Ugu horreyn waxaa kulankan oo ay soo xaadireen illaa 164 mudane daah-furay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo xildhibaanada ka dalbaday inay si degan u dhageystaan warbixinta uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ayaa faah faahin ka bixiyey wax-qabadka xukuumaddiisa ee 100-ka maalmood, wuxuuna sheegay inuu wax ka qabtay arrimaha ammaanka, doorashooyinka, dhaqaalaha, deyn cafinta, ciidamada & bani’aadanimada.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday safarradii kala duwanaa ee uu kusoo kala bixiyey magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada, si xal loogu helo khilaafka ka jira dalka.

DOORASHADA

Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumaddiisa loo xil-saaray hirgelinta doorashada ayaa shaaca ka qaaday in weli xukuumaddiisa ay diyaar u tahay inay qabato doorasho xor iyo xaal ah, islamarkaana ay xukuumaddu ku dhowaaqday guddiyada doorashooyinka.

Waxa kale oo uu xusay inuu dadaal ku bixiyey sidii xal loogu heli lahaa tabashada ka jirta doorashada, islamarkaana uu la tashiyo la sameeyey siyaasiyiinta, musharraxiinta iyo ururada bulshada rayidka ah, si xal looga gaaro khilaafka dib u dhigay doorashada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu goobjoog u ahaa shirarkii Dhuusamareeb iyo kuwii Muqdisho ka dhacay ee looga arrinsanayey marxaladda adag ee kala guurka ah.

Inta uu waday hadal jeedinta Rooble wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo inuu yimaado muddo kororsi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisa ay qabaneyso doorasho loo dhan yahay, isaga oo sidoo kale soo dhoweeyey shirweynaha Garoowe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dowladnimada.

AMMAANKA

Ra’iisul wasaaraha xilka sii haya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, wuxuuna sheegay inay qorshe gaar ah u dajiyeen amniga doorashada, si loo sugo ammaanka ergada & goobaha loogu talagalay inay ka dhacaan doorashooyinkaasi.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin in la qalqal-geliyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Ciidamada ayuu sidoo kale sheegay inay siiyeen tababaro dheeraad ah iyo qalab, si ay u gutaan wajibaadka ka saaran amniga qaranka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay dib u furtay waddooyinkii xirnaa ee caasimadda oo ay dhibaato weyn ku qabi jireen shacabka Soomaaliyeed.

DHAQAALAHA

Khudbada ra’iisul wasaraha xilka sii-haya oo aad u dheereyd ayaa qeyb ka mid ah wuxuu uga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isaga oo carabka ku goday inuu kordhay daqliga soo gala dowladda, gaar ahaan kan dekedda oo uu tilmaamay in 30% uu sare u kacay.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale xusay inay tallaabooyin kale ay u qaadeeyn arrimaha deyn cafinta, gaar ahaan meelaha bartilmaameedyada u ahaa.

BANI’AADANIMADA

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan saameynta cudurka faafa ee COVID-19, Ayaxa, Fatahaadaha iyo Abaaraha, wuxuuna xusay in xukuumadda federaalka ay dadaallo fara badan ku bixisay sidii loo mareyn lahaa dhamaan dhibaatooyinka ka dhashay daruufahaasi oo ah kuwa is-biirsaday.

Mareykanka: Dhiig ayaa ku daadan kara muranka ka taagan doorashada Somalia

0

Washington (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka Bob Menendez ayaa waxaa lagu sheegay in Washington ay weli walaac xoogan ka muujineyso xiisadda ka sii dareyso Soomaaliya ee doorashooyinka.

Bob Menendez ayaa sidoo kale bayaankiisa ku sheegay in khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada uu halis gelinayo dadaalkii loo soo maray horumarada ay Soomaaliya haatan ka gaartay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Menendez ayaa sidoo kale sheegay inay jirto halis dhab ah oo la xiriirta in is-mari waaga doorashada uu horseedi karo inuu dhiig ku daato.

Halkan hoose ka aqriso

Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato is-mari waaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

Anigoo og in Al-Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya.

Inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayaa shirka uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

CC Shakuur oo shaaciyey ‘3 ujeedo oo Farmaajo ka leeyahay’ shirka Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saddex ujeedo ka leeyahay shirka uu iclaamiyey inuu 15-ka Febraayo ka dhaco magaalada Garoowe

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:- 1- In uu ku moodo Shirka maanta Golaha Amaanka ee Soomaaliya looga hadlayo.  2- In uu Galmudug iyo Puntland iska hor keeno. 3- In uu tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin.”

Shirkan ayaa imanaya ayada oo gogoshii shirka Dhuusamareeb 4 aan si rasmi ah loo xirin, islamarkaana markii uu Farmaajo kasoo tegayey uu wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe sheegay in dib la isugu laabaan doono marka uu Farmaajo ka qeyb-galo kulankii xildhibaanada.

Waxaa muuqata in Puntland ay ku aragti noqotay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo iska diiday shirkaas.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”

Puntland oo ka hor-timid in Garoowe lagu qabto shirkii uu FARMAAJO ku baaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in intii Madaxweyne Farmaajo wada hadlayeen isaga iyo Madaxweyne Deni ay ka war heleen in shirku uu ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Garoowe, taasna ay lama filaan ku noqotay, taasi oo keentay inay iska diidaan.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaan huri doonin in shirkan uu ka dhaco Muqdisho, waxaana suurta-gal ah inuu noqdo shir ballaaran oo laga qeyb geliyo dhinacyo badan, oo markii hore aan qeyb ka aheyn.

Ciidamo fara badan oo lagu daadiyey magaalooyinka SOMALILAND + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidanka Booliiska ay xoojiyeen amniga deegaanada maamulkaasi.

Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay dhigtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka bilaabay howl-gallo guud oo amniga lagu xaqiiijinayo.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano kala duwan ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka, iyada oo sidoo kale ciidamadu ay su’aallo ay weydiinayaan dadka qaar.

Sidoo kale waxaa magaalooyinka ciidamada la dhigay oo ay howl-gallado ka socdaan ka mid ah Burco, Laascaanood iyo Boorama.

Booliska Somaliland oo wata gaadiidka ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi, iyaga oo wada dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya u jeedka ka dambeeya ciidamada lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi, wuxuuna taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer G/S Maxamed Faarax u sheegay wariyeyaasha in howl-galladan looga hortegayo falalka amni darrada ah.

“Wax dhib ah oo nagu soo kordhay ma jiraan, laakiinse waa ka hortag waxyaabaha ay wadaan meelahaa jaarkeena ayay hawlo iyo wax ka jiraan dareen aanu qabno ayaanu u sii xoojineynaa,” ayuu yiri taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer.

Warar kale oo aan helanay ayaa ku warramaya in sababta loo xoojiyey ammaanka deegaanada Somaliland  ay tahay u diyaar garowgaq doorashada maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa lagu tilmaamaa meelaha ugu amniga wanaagsan dalka, waxaana ciidamadeeda ay xoojiyeen howl-gallada lagu sugayo nabad-geylyada.

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka QM ee is-mari waaga doorashada?

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa shalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan is-mari waaga ka taagan doorashada dalka, xilli muddo xileedka uu ka dhammaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha ayaa kulankaas warbixin qaab online ah uga dhageystay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaalia James Swan, waxaana kadib ay soo sareen warbixin ku saabsan doorashada Soomaaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu fuliyo heshiiskii 17-ka September, hase yeeshee waxay yiraahdeen inay aad uga walaacsan yihiin in wada-hadalladii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb ay soo dhammaadeen ayada oo aan heshiis la gaarin.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu billaabaan wada-hadalladooda, ayna u wada shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, si ay heshiis uga garaaan doorashooyinka ayada oo aragtidu tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Ammaanka.

“Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dhowaqa cusub ee wada-hadalalda dheeriga ah ee dhacay 15-ka Febraayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wada-hadallada 15-ka Febraayo, ayaa si kastaba waxaa soo galay mugdi cusub kadib markii Puntland ay sheegtay inaan lagala tashan, taas beddelkeedna ay soo jeedisay in lagu qabto Muqdisho, lagan qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka. 

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo farriin culus u dirtay madaxda Somalia

Washington (Caasimada Online) – Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hadashay is-mari ka taagam doorashada Soomaaliya, xilli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu waqtigu ka dhacay ayada oo aan doorasho lagu heshiin.

Afhayeenka Waaxda Arriamah Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa sheegeay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay inaan weli heshiis laga gaarin sidii doorashooyin looga fulin lahaa Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay doorashooyin deg deg loo qabto u aragtaa inay muhiim u yihiin mustaqbalka Soomaaliya. Heshiis waa la gaari karaa. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wada-halladooda si heshiis looga gaaro doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Dib u dhigista doorashada waxay waxyeeleeneysa dadaallada loogu jiro la-dagaalanka aragagixsada, waxeyna sare u qaadeysaa halista xasilooni-darrada Soomaaliya,” ayuu yiri Afayeenka waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Price ayaa sheegay in hogaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku shaqeeyaan danta shacabka, kuwaas oo mudan inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hogaamiyayaahooda.

“Doorashooyin dhinac, doorashooyin is-dhinac socda, hanaan doorasho oo aheyn midkii hore, oo ay ka mid tahay dhisidda gole ku-meel gaar ah, waxay sare u qaadi doonaan xasilooni darrada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu kasoo horjeedo in dhinacna uu rabshado adeegsado, balse uu doonaya Soomaaliya oo horumarsan oo dimqoraadi ah.

ROOBLE oo hal arrin looga digay, ka hor kulanka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu hortego xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan kulanka baarlamaanka iyo qorshaha ay ka leedahay xukuumadda Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka siin doono golaha shacabka xaaladda dalka iyo doorashooyinka, halka kuwa kalena ay ku warramayaa inuu socdo qorshe ay xukuumadda ku dooneyso in muddo kordhin loogu sameeyo muddo xileedka.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin muddo kororsi, haddii uu golaha la yimaado ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Idiris ayaa sidoo kale tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay kasoo horjeedaan tallaabo kasta oo loo qaadayo in waqtiga loogu cusbooneysiiyo xukuumadda dalka.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa, maantana waa cadeynay, lamana taaban karo xukuumadaa loo cusbooneysiinayaa,” ayuu yiri xildhibaanku.

Kulanka maanta ee baarlamaanka oo aan caadi aheyn ayaa ah mid si weyn isha loogu wado, gaar ahaan waxa kasoo bixi doono, maadaama uu dalka ku jiro xaalad cakiran.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaaladda adag oo kala guur ah, waxaana weli muran xoogan & is qab-qabsi uu ka jiraa doorashooyinka dalka ee 2020 illaa 2021-ka.