26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Hawiye oo dhistay guddi ka shaqeeya arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka galabta la weeraray ee Afriik waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye, kaas oo looga arrisanayey xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo maqaamka gobolka Banaadir oo dhawaan loo saxiixay 13 senator oo metelaad ah.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Hawiye ee maanta ku shiray Afriik waxay iska dhex magacaabeen guddi ka soo shaqeeya dhismaha maamul lasoo doorto oo uu yeesho gobolka Banaadir.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maalin ka hor uu madaxweyne Farmaajo saxiixay qaraar 13 kursi oo metelaad ah golaha Aqalka Sare looga siinayo gobolka Banaadir, waxayna tallaabadaas abuurtay guux iyo kala shaki hor leh.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odaasha dhaqanka beelaha Hawiye ma diidana in gobolka Banaadir 13-kaas kursi laga siiyo Aqalka Sare, balse waxaan cadeyn, oo shaki badan uu ku geedaaman yahay hanaanka loo soo dooranayo, dastuurkana loo waafajinayo kuraastaas.

Weerarka ayaa hotelkaas ka bilaawday wax yar un kadib markii uu soo dhamaaday shirkaas, balse waxaa isla markaas Hotelka ka bilaawday shir kale oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, kaas oo ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale.

Jeneraal Sheekh Yuusuf Indhacadde oo warbaahinta uga warbixiyey weerarkaas ayaa sheegay in ciidankiisu ay hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo nabad qaba, isla markaana uu howlgalkii ka socday hotelka ku wareejiyey ciidanka Haramcad oo goor dambe hotelka gaaray.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey Hotelka oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in kooxda aysan u suurta gelin inay si aad ah isugu faafiyaan gudaha Hotelka, isla markaana ay ka dagaalamayaan qeybaha soo xiga irida ay ka soo galeen ee Hotelka.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay go’aankii madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii uu madaxweyne Farmaajo ku iclaamiyey qabashada shirka ‘Madasha Wadatashiga’ oo berri ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaas ayuu madaxweynuhu u qorsheeyey inuu ku qabsoomo inta u dhaxeysa 1-da illaa 3-da bisha Feberaayo, sida lagu sheegay qoraal maalin ka hor ka soo baxay xafiiskiisa, waxaana la filayaa in berri wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo uu gaaro Dhuusamareeb.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30-kii Janaayo uu Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada isugu tegaya shirkaas inay la yimaadaan daacadnimo, firfircooni iyo isku tanaasul, si loo helo talo mideysan oo wax tar u leh danta Qaranka.

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

A/Madoobe oo James Swan u bandhigay sida ay tahay in lagu xaliyo xiiisadda Gedo

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (James Swan) iyo madax kale oo ka socotay hay’adaha kala duwan ee QM.

Axmed Madoobe ayaa James Swan ku war-geliyey mowqifka Jubaland ee ku aadan arrinta gobolka Gedo, iyo sida ay dooneyso in Jubaland lagu xaliyo. Wuxuu sidoo kale kala hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA JUBALAND

Axad 31 Janaayo 2021 – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland Hay’adaha Qaramada midoobey.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Dowlada Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

Dhanka kale Wasiirada Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR, WFP, FOA iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubbaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Gabogabadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahadceliyey Hay’adaha sidookalena ku dhiiri galinayay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’ada WFP oo fududeysey Maraakiibtii 30 sano ka hor ku burburtey dekeda taas oo caqabad ku heysay shaqada dekeda gaar ahaan qeybta ay maraakiibtu ku soo xirtaan taas oo ah hadda si caadiga ah loogu shaqo bilaabey.

Guddoomiyee ku-xigeenka G/Banaadir oo ka horyimid dhul ‘si sharci darro’ looga kiciyey shacab + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus uu soo kala dhaxgalay guddoomiye ku-xigeenada gobalka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud iyo Cali Yare Cali, khilaafkaas oo salka ku haayo dhul ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wardhiiigley. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in gudoomiye kuxigeenka ammiga Cali Yare Cali uu amar ku bixiyay in dad shacab ah laga kiciyo dhul ku yaalla xaafadda Siinaay ee Muqdisho, isagoo kaashanaya guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey, oo fulisay amarka. 

Si kastaba guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanaboore ayaa ka horyimid barakicinta lagu sameeyey dadka shacabka ah.

Cabdulqaadir oo booqasho ku tegay halkaas ayaa sheegay in wax amar ah aan maamulka looga haysan dhibka loo gaysta shacabka iyo barakicinta lagu sameeyey, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo loo haystay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda dhexe aysan arrintan ka war-hayn.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan dad doonaya inay shacabka boobaan, ayaga oo ka faa’iideysanaya xilliga kala guurka ee dowladda uu waqtiga uu kasii dhammaanayo.

Hoos ka daawo booqashadii uu maanta ku tegay Suuqa Siinaay iyo hadal uu ka jeediyey.

Maxaa maanta ka socda Dhuusamareeb, kadib shirkii uu iclaamiyey Farmaajo?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kadib markii uu shalay shaaciyey madaxweyne Farmaajo in uu magaaladaas ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaban-qaabada shirkaas ayaa durtaba ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo uu madaxweynaha sheegay inuu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanaya muranka ka taagan hanaanka doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo ka biyo diidan hanaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba ciidamo hor leh lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada iyo xarumaha maamulka, kuwaasi oo qeyb ka ah u diyaar garowga shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo, oo cadaadis xoogan kala kulmaya beesha caalamka.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya qaabilada wafuud kala duwan oo la filayo inay saacadaha soo socdaan ka dagaan magaalada Dhuusamareeb, maadama lagu wado in shirka wada-tashiga ah uu furmo maalinta berri ah, haddii uusan isbedel ku iman jadwalkiisa.

Shirka wada-tashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa waxaa saldhig u noqonaya heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meel-mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyada.

FARMAAJO oo soo saaray QODOB ka hor imanaya matalaadda G/BANAADIR

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban shan qodob, kaasi oo uu ku iclaamiyey shir lagu xalinayo arrimaha ku hor gudban doorashada Soomaaliya kadib kulan uu la qaatay Beesha Caalamka.

Qodobadaas uu soo saaray madaxweynaha waxaa ka mid ah qodob si cad uga hor imaanaya kuraastii 13-ka ahaa ee aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir, kaasi uu todobaadkii lasoo dhaafay uu saxiixay madaxweynaha

Qodobka ku jira war-saxaafadeedka ee burinaya kuraasta aqalka sare waa qodobka afaraad ee war-saxaafadeedka kaas oo leh:

“Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka September 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Qodobkaan wuxuu soo koobay waxyaabaha shirka ka dhici doona magaalada Dhuusaamareeb looga hadlayo, waxaana saldhigga shirka wadatashiga ah lagu sheegay heshiiskii 17-ka September ay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku gaareen Muqdisho.

Marka heshiiskaas lagu laabto, kuma jirin arrimaha matalaadda gobolka Banaadir oo uu dhawaan ansixiyay madaxweyne Farmaajo, sida cad maadaama uusan ku jirin shirkii horay loo gaaray, laguma soo hadal qaadi doono marka la tago caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Marka la isugu tago caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa la gorfeyn doonaa sida loo xalin karo tabashooyinka jira ee ku hor gudban in la qabto doorasho xalaal ah oo loo siman yahay iyadoo lagu jaangoynayo heshiiskii horay loo gaaray bartamahii September.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo BBC-da la hadlayay ayaa la weydiiyay hadii ajandaha shirka Dhuusamareeb lagu dari doono 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Wasiirka wuxuu sheegay inaan lagu dari doonin, raallina ka aheyn, wuxuuna qiray in wax walba oo ka dhacaya Dhuusamareeb ay yahiin wixii horay loogu heshiiyay oo lagu noqonayo.

Muxuu yahay QORSHAHA madaxweyne FARMAAJO ee shirka Dhuusamareeb?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay iclaamiyey shirweyne ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka dalka, kadib shir uu la yeeshay beesha caalamka.

Shirkan oo ah mid aad isha loogu wada-hayo, islamarkaana ku soo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxaa ka hadlay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Samatar oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya gudaha magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha soo socota ee Febaraayo uu yahay mid uu uga fogaanayo in la’isku keeno mucaaradka & muxaafadka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in shirkan ay soo jeedisay beesha caalamka, islamarkaana ay tahay in xal looga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

“Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad & muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo & hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey “Natiijada la kulanka Baarlamaanka waa mid ku xiran hab maamulka Shirka Dhuusamareeb iyo sida loo xakameeyo qodobada caqabadda ku noqday in la guda galo Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyay,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeeday dowladda ay soo dhoweeyeen qabashada shirka Dhuusamareeb oo u jeedadiisu tahay in xal mideysayn looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland oo war kasoo saartay shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qabashada shirkaasi, islamarkaana ay ka qeyb-galeyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan guddiyada ay soo magacaabeen maamullada Jubbaland iyo Puntland & diidmada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya mid lagu doonayo muddo kororsi, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay wakiilada beesha caalamka uu ku baaqay shirweyne ay markale isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, si looga arrinsado doorashooyinka.

Guddiga doorashada oo ku hanjabay in Muqdisho lagu dooranayo xildhibaannada PUNTLAND iyo JUBALAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa ku hanjabay inay doorashada xubnaha baarlamanka kasoo galaya Puntland iyo Jubaland ku qaban doonaan magaalada Muqdisho, haddii xal laga waayo labadaas maamul.

Ibraahim Xasan Xaaji oo xubin ka ah guddigan, kana soo galay dhanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in labadan maamul la siiyey waqti badan si ay qeyb uga noqdaan doorashada.

“Gobollada diidmada wada waxaa la siiyey waqti ku filan oo ay uga qeyb-galaan doorashada, haddii kale waxaan ku qasbanaan doonnaa inaan doorashada qabano la’aantood, islamarkaana xubnaha wakiiladooda lagu doorto halkan Muqdisho ah,” ayuu yiri. 

Waxaa xusid mudan in hadalkan uu Ibraahim u sheegay AP kahor inta aanu madaxweyne Farmaajo ku dhowaaqin shir ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb, hase yeeshee wuxuu hadalkiisa ifinayaa qorshaha dowladda federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Ibraahim uu ku matalo guddiga ayaa marar badan la rumeysnaa inuu noqon doono kan ugu horreeya ee qabta doorasho hal dhinac ah.

Dhinaca kale, Xuseen Sheekh Cali oo madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiiraan, oo isna la hadlay AP, ayaa sheegay in qabashada doorasho hal dhinac ah aan looga dulqaadan karin Soomaaliya. 

“Uga dambeyn waa beesha lixaad, ama beesha caalamka, tan soo faro-gelisa xasaradda noocan ah, waxaana kadib la jeexaa qariidad la isku raacsan yahay,” ayuu yiri Liibaan Cabdullaahi oo isna ah fallanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ah.

Hadalka Liibaan ayaa u muuqda mid durba dhaboobay ayada oo kadib kulan shalay ka dhacay Villa Somalia, oo beesha caalamka ay la yeesheen madaxweyne Farmaajo ay ku qasbeen inuu shir deg deg ah ku baaqo, taasi oo uu sameeyey.

Al-Shabaab oo shaaciyey ‘sawirrada weerarkii ay ku qaadeen’ saldhigga Manda Bay ee Mareykanka (Daawo)

0

Nairobi (Caasimadda Online) – Warbaahinta taageerta dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa baahiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday weerar ay ka fuliyeen horaantii sanadkii hore saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa bishii Janaayo 2020 weeraray saldhig ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen gudaha dalka Kenya ee la yiraahdo Mand Bay, halkaasi oo ay ku dileen askari iyo laba qandaraasle oo Mareykan ah.

Al-Shabaab oo horey u baahiyey muuqaallada raggii weeraray halkaas, ayaa sidoo kale shalay sii daayay muuqaalka weerarka, iyadoo laga dhex arki karo gubashada qaar ka mid ah gaadiidka dagaal ee halkaas yaalay iyo diyaarad, sidoo kalana uuro iyo qiiq badan ayaa ka baxaya xarunta.

Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah qeyb yar oo uu hogaamiyaha dagaalyahanada Al-Shabaab Abuu Cubeyda ku dhiirigalinayo kuwa fuliyay weerarka.

DAAWO SAWIRADA

CC Shakuur oo si yaab leh uga jawaabay shirka uu ku baaqay madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo hoggaamiya xisbiga Wadajir, islamarkaana ah musharax madaxweyne, ayaa si yaab leh uga hadlay shirka Dhuusamareeb ee uu madaxweyne Farmaajo shalay ku baaqay kadib markii uu la kulmay beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tusaale usoo qaatay dhowr madaxweyne goboleed oo uu madaxweyne Farmaajo ka diiday inay doorasho qabtaan, ayaa ku baaqay inuu madaxweyne Farmaajo xilka ka dego wuxuuna usoo qaatay oraah ah “Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.”

Hoos ka aqriso qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay bartiisa facebook.

Waxaan soo dhoweynayaa shirka watashiga ah ee uu Madaxweynaha ku baaqay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti gelinaya. Madaxweyne Farmaajo cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday waa ka diiday in ay doorasho qabato. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna dalbaday in uu wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyo. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Xaaf, wuxuu dalbaday in wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu wareejiyo, wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, wuxuu ka dalbaday in uu madaxweyne ku xigeenkiisa ku wareejiyo. Wuxuu kaloo diiday in doorashadii Jubbaland iyo Puntland maalin lagu daro. 

Maanta uu muddo xileedkiisii dhammaaday waa in uu xilka wareejiyaa, sababtoo ah dastuurna uma oggola, dadna uma dhaqna. Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.

QM oo war kasoo saartay go’aankii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya iyo shirka uu ku baaqay ee dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka oo la soo la soo dhigay barta Twitterka ee xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay boggaadineyso go’aankaasi, islamarkaana ay soo dhoweyneyso shirweynaha 1-da illaa 3-da bisha soo socota ka dhacaya Galmudug.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay la yimaadaan is-faham iyo isu-tanaasul, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka.

“Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay soo dhoweynyaa go’aankii madaxweyne Farmaajo ee ahaa iclaaminta shirka Dhuusamareeb, madaxda Soomaalida waxaan ku boorineynaa in ay la yimaadaan is faham iyo isutanaasul si deg deg loogu dhaqan geliyo heshiiskii 17 ee doorashada ku saabsanaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka Dhuusamareeb oo noqonaya kii ugu dambeeyey ayaa waxaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashooyinka dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, iyada is jiid jiidka jira uu sameeyey doorashada oo dib uga sii dhaceysa waqtigii loo asteeyey.

Askar ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo qarax lagu dilay

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 5 ayaa waxaa ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaatay in ugu yaraan 10 askari ay dhimasho iyo dhaawac ugu geystay weeraradaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawacyada askarta labo diyaaradood looga soo qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale  saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM,xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sawirro: James Swan oo ka dagay KISMAAYO + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo uga hortegay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale ammaanka ayaa loo adkeeyey, iyada ciidamo dheeraad ah la dhigay xaafadaha qaar ee magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarka wakiilka Qaramada Midoobay ayaa la xiriiro wada-hadallo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Amb. James Swan ayaa sidoo kale madaxda Jubbaland kala hadli doono taageerada ay hay’adaha Qaramada Midoobay siiyaan maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan madaxtooyada Kismaayo uu ka socda kulan gaar ah oo ay leeyhiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo James Swan.

Ergayga Qaramada Midoobay e Soomaaliya oo horey u tegay xarumaha kale ee maamul goboleedyada ayaa waday dadaallo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa doorashada.

Dabageed oo tallaabo ka qaaday dad ka qeyb-galay shir ka dhan ah Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in xalay ciidamo ka amar qaata Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ay xabsiga dhigeen illaa seddax qof.

Dadka xalay la xiray oo mid ay dumar tahay ayaa lagu eedeeyey inay ka qeyb galeen kulan looga soo hor-jeeday madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle, kaas oo shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Seddaxda qof ee xalay lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Xuubeey, Xasan Happy iyo gabar magaceeda lagu soo koobay Ruun, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ciidamada ammaanka ee ka howlaga magaalada Beledweyne ayaa mudooyinkii dambe baacsanayey dadka ka soo hor jeeda madaxda cusub ee maamulka HirShebeelle, waxaana la diiday kulamo uusan maamulku wax ka ogeyn in lagu qabto magaalada.

Qaar kamid ah beelaha dega magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka soo hor jeestay maamulka cusub ee HirShabeelle, iyagoo ku doodaya in hanaan heshiis lagu yahay aan loo marin dhismaha maamulkan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa horay looga diiday inuu ka dego magaalada Beledweyne, waxaana jirta jabhad ka soo hor jeeda maamulka cusub in laga aas-aasay deegaano aad ugu dhow magaalada, taas oo uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo wacad ku maray in madaxweynaha HirShabeelle uusan u ogolaa doonin in uu tago magaaladaas.

Duqeyn culus oo markale ka dhacday gobolka Bakool

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn diyraadeed oo xalay markale laga fuliyey gobolka Bakool ee K/Soomaaliya.

Duqeynta oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacday deegaanada Garasweyne, Abag-beeday, Gobid-Galoole iyo Moorogaabey.

Koonfur Galbeed oo ka hadashay duqeyntaasi ayaa sheegtay in weerarkan lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.

Ujeedka duqeyntan oo noqoneyso tii labaad ayaa waxa ay Koonfur Galbeed tilmaamtay in la doonayo in go’doonka looga qaado degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dhanka kale ma jiro weli waxa hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa ciidamada huwanta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxa hotel Afrik

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay waddada aadda garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeyb badan oo magaalada ka mid ah.

Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay meel u dhow hotelka Afrik, oo ay ku taallo bar laga kantoroolo baabnuurta aadeysa dhanka garoonka diyaaradaha. Waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan. 

Qaraxan ayaa ahaa mid gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay xigeen laba qarax oo kale, iyo rasaas xooggan oo la is-weydaarsaday. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in koox hubeysan ay galeen hotelka, islamarkaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Hotelka Afrik ayaa ka mida Hoteellada waaweyn ee ay degaan dadka dibadda ka yimaada ayna tagaan dadka caaadiga ah, Wararka ayaa sheegaya in Hotelka uu ku sugnaa xilliga uu Qaraxa iyo weerarku dhacay Saraakiil ka mida ciidamada dowladda iyo ilaaladooda.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.

Caynte oo ‘qab-jab’ qaran ku tilmaamay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa dhaliilay tallaabada uu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay shir uu la yeesho madax goboleedyada kadib markii uu maanta la kulmay wakiilada beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inay qab-jab tahay in madaxweyne Farmaajo uu cadaadiska iyo canaanta beesha caalamka un wax ku maqlo, intii uu iskiis garan lahaa inuu la kulmo dadka uu madaxda u yahay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Caynte oo dhameystiran.

Waa markii labaad lix bilood gudohood oo uu madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo  iclaamiyo kulan wadatashi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowlad goboleeyada, kaddib marka ay danjirayaal shisheeye farriimo canaan iyo ceebeyn isugu jira hawada usoo mariyaan, cagajugleyn dadbanna ku laraan. 

Dhaqankan wuxuu qab-jab ku yahay sharafta iyo karaamada guud ahaan dowladnimada dalka, gaar ahaan maqaamka madaxweynaha.

Muwaadin kasta wuxuu ka jeclaan lahaa inuu madaxweynuhu garto inuu iskiis ula kulmo dadka uu madaxweynaha u yahay ee aragti ahaan kasoo horjeeda, kana garaabo tabashooyinkooda. 

Wabillahi towfiiq.

Madaxweyne Farmaajo oo shirar isugu yeeray madax goboleedyada iyo 2-da aqal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laba shir oo kala duwan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aanada madaxweynaha kasoo baxay oo shan ah ayaa war-saxaafadeedka ugu qornaa sidan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. 

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021. 

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Farmaajo uu maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaasi oo ku cadaadiyey in xal deg deg ah loo helo is-mari waaga ka taagan doorashada.

Tallaabada xigta ee u furan A/Madoobe iyo Deni kadib markii uu baaqday shirkii…

0

Waxay u muuqataa in uu baaqday shir looga hadli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada, kaasi oo ay ku baaqeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland inuu dhaco maanta oo ay bisha Janaayo tahay 30.

Kullanka oo ay ugu baaqeen madaxda kale ee Maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa looga wada hadli lahaa arrimaha amniga.

Khilaaf ayaa weli ka taagan arrinta la xiriira doorashada Soomaaliya. Xilka madaxweynaha wuxuu dhammaanayaa Bisha February, welina wax heshiis ah lagama gaarin.

Hadaba, maxaa u furan Puntland iyo Jubaland?

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga jaamacado ku yaalla Mareykanka iyo Koofur Afrika, kana faallooda arrimaha Soomaaliya oo BBC-da u warramay, ayaa aaminsan in haddii uu shirku qabsoomi waayo ay jiraan arrimo badan oo u furan labada maamul-goboleed.

“Waxyaabo fara badan ayaa suurto gal ah, laakiin waxay noqon doonto Allaa og. Waxaa la isugu yeeri karaa labada guri ee baarlamaanka madaxdooda, waxaa la isugu yeri karaa gobollada oo dhan, madaxweynaha uun ayaa ka maqnaanaya,” ayuu yiri.

Waxaa horey loogu baaqay dhowr kulan si loo xalliyo khilaafaadka doorashada ee soo baxay ka dib heshiiskii bishii Septmebr ay wada saxiixdeen madaxda maamullada iyo dowladda Federaalka.

Beesha Caalamka, ee uu hoggaaminayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa horay uga dalbatay dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya in ay meel dhexdhexaad ah oo la isku waafaqsan yahay ka istaagaan arrimaha doorashada, ka hor inta aan wax tallaabo ah loo qaadin fulinteeda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageerto waxaa lagu sheegay in “ay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada si horey loogu socdo”.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – Waana in aysan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn”.

Cabdi Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka aysan dooneyn in qalalaaso uu ka dhaca dalka, sidaasna laga yaabo in ay arrinta u soo dhex gasho oo shir la isugu yeero maamul-goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe.

Tan iyo markii guddiyada Puntland iyo Jubaland ee doorashooyiinka, lagu dhawaaqay, waxaa sii xoogeystay khilaafka salka ku haya arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo labada maamul ee xubnaha ka ah federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ee federaalka ayaa ku gacan seyrtay labada guddi ee lagu magacaabay Garoowe iyo Kismaayo, waxayna sheegtay in aan la waafajinin habraacyadii lagu heshiiyay.

Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama jawaabin baaqa Puntland iyo Jubaland ee ah in kulan la isugu yimaado, iyadoo ay maamulladu maanta u asteeyeen qabsoomidda shirkana ma jirto saansaan muujineysa inuu kulan dhici doono.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxay UNSOM ayaa lagu caddeeyay mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay arrintan muranka cusub dhalisay.

Qoraalka UNSOM waxaa lagu yiri: “Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo.”

“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay,” sidaa ayaa ku xusnayd warbixinta.

Sida ku xusnayd warsaxaafadeedkii ay 27-kii bishan si wada jir ah u soo saareen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa lagu yiri: “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba la socodsiineynaa in Puntland iyo Jubaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay dalka uga dhici lahayd.

“Sidaas darteed, waxaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeynaa in shir degdeg ah laysugu yimaado magaalada Muqdisho 30-ka January 2021 si loo xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.”

Laakiin, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu qaaddacay labadaas liis ee ay soo saareen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxay wasaaradda ku dooday in xubnaha lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan la waafajin hannaankii lagu heshiiyay.

Qoraalka Wasaaradda waxaa ku dhigaa: “Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho, 17-kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, wuxuu qeexayay hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.”

Isha: BBC Somali